26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Xog: Mucaaradka Soomaaliya iyo beesha caalamka oo yeelanaya kulan xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la filayaa in maanta kulan xasaasi ah ay la yeeshaan wakiilada beesha caalamka, iyaga oo kala hadli doono xaaladda cakiran ee dalka.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in mucaaradka ay si gaar ah beesha caalamka u gala hadli doonaan fashilka ku yimid wada-hadalladii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh oo burburay, kadib markii ay labada dhinac ku gaari waayeen wax is faham ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qorshaha mucaaradka ayaa ah in wakiilada ay la kulmi doonaan ay kala hadli doonaan tabashada ay weli ka qabaan cutubka 4-aad ee Dastuurka oo ay isku mari waayeen Madasha Samatabixinta iyo hoggaanka Villa Somalia, taas oo keentay in natiijo la’aan ay soo dhammaadeen wada-hadallo la’isla gaaray illaa 5 wareeg.

Kulankan ayaa la fiayaa in dhinacyadu uga wada-hadlaan sidii xal loogu heli lahaa xaaladda guud ee dalka, iskuna soo dhawaan lahaayeen dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.

Wakiillada beesha caalamka ayaa dhawaan baaq furan u diray dowladda federaalka iyo mucaaradka, iyaga oo ugu baaqay in wada-hadal lagu dhammeeyo xiisadda dhexdooda ah, si looga fogaado wax weliba oo keeni kara dib u dhaca dalka.

Mucaaradka ayaa haatan sii xoojinayo dhaq-dhaqaaqiisa, waxaana soo dhammaaday kulamo gooni gooni ah oo dhexdooda ay yeesheen, iyaga oo kasoo saaray bayaan culus oo ay uga horyimadeen qorshaha uu damacsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“9-ka bilood ee ka harsan muddo xileedka Madaxweynaha waa in xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay, dalkana u hoggaamisa qof iyo cod.” ayaa lagu yiri bayaankii u dambeeyay ee ay soo saareen xubnaha Madasha Samatabixinta.

Waxaa kale oo Madasha ay ku baaqday in dedeg loo joojiyo colaadda ay dowladu dalka ka hurrinayso, gaar ahaan gobolka Gedo. Sidoo kalena waxay Madaxweynaha ugu baaqday inuu hakiyo arrimaha dhulka danta guud ee dhalisay xasillooni darrida.

Deni oo sheegay in laga soo weeraray dhinacyo badan

Carmo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Sabtidii sheegay in Puntland ay wajahayo weerarro badan oo dhinacyo kala duwan kaga socda.

Deni oo degmada Carmo ee gobolka Bari tababar ugu soo xiray ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Booliska Puntland, ayaa ciidamadaasi u sheegay in Puntland u baahan tahay difaac adag, maadaama ay weerarro kala duwan ku socdaan, sida uu sheegay.

Deni wuu ka gaabsaday faahfaahinta weerarradaas iyo dhinacyada ku haya Puntland, hase yeeshee waxa uu xoogga saaray in uu si adag ula dardaarmo ciidamada cusub.

“Arrimaha dalka ka jira, ma rabo maanta halkan inaan wax ku falanqeeyo, laakiin waxaan inta halkan fadhisa farayaa Puntland iyo deegaanadeeda difaac adag bay u baahan yihiin. Weerarro kala duwan baa dhinacyo badan kaga socda. Waxaan u baahanahay inaan midnimadeenna adkayno, isku duubnideenna ilaalino, dowladnimadeennana ku fara-adaygno,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Deni waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay ku jirto waqti adag, oo sida uu sheegay ay isku milmeen dowladnimadii iyo qabyaaladdii.

“Waqti adag bay Soomaaliya ku jirtaa, oo ay isku milmeen dowladnimo iyo qabyaalad. Waa wax aad iyo aad u adag, waa arrin culus,” ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Deni ayaa ciidamada cusub oo noqonaya dufcaddii 8aad ee ka baxda Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo kula dardaarmay inay qabyaaladda maskaxdooda ka saaraan, si Puntland ay u noqoto tusaale lagu dayan karo.

“Ma doonayno inaan weligeen ahaanno dal burbur ku jiro. Haddii Soomaaliyeed inteeda kale meelo ka mid ah ay duruufo ka jiraan, waxaa la rabaa meelaha ay Puntland ka mid tahay inay noqdaan tusaale lagu dayan karo, oo berri ka maalin noqda hoy badbaado u ah dalka,” ayuu yiri hoggaamiyaha Puntland.

Isagoo hadalka sii wata ayuu ku daray: “Arrimaha siyaasadda ee dalka ka jira iyo guud ahaan xaaladaha isbeddelka ah ee ka jira, dadka Soomaaliyeed siyaasad in looga sheekeeyo ma aha. Mujtamac isaga dhan siyaasi noqday weeye, taasina waa mushkilad iyada nafteeda ah.”

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland, ayaa ciidanka booliska kula dardaarmay inay siyaasadda ka fogaadaan, isla markaana noqdaan kuwo dadka u dhexeeya oo sharciga ilaaliya.

“Sidaas ayaan ku gaari karnaa horumar, deganaansho iyo himiladii dadka iyo dalkeenna ay tiigsanayeen — taas oo ahayd inaan noqono dal xasilloon, deggan, dimoqraadi ah oo ku dhisan federaalnimo,” ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Deni oo sanadkan khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale maamulkiisu dagaal kula jiray maleeshiyada Daacish ee ku sugan qaybo ka mid ah buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

The Western Syria Project: A hidden partition plan

DAMASCUS, Syria – A secret plan allegedly backed by the United States and Israel is taking shape in western Syria, with critics warning it aims to partition the war-torn country under the pretext of protecting religious minorities.

The strategy, dubbed the “Western Syria” project, leverages the anxieties of minority Alawite, Christian, and Druze communities under the country’s new transitional government.

According to regional security sources and emerging reports, the plan involves a mix of political lobbying in Washington, covert military coordination, and staged sectarian provocations on the ground.

The ultimate goal, a source speaking to regional news outlet The Cradle claimed, is to dismantle Syria’s territorial integrity for Israel’s strategic benefit.

A plan voiced in Washington

The public origins of the concept trace back to comments made by senior US lawmakers. In a Senate Foreign Relations Committee hearing on February 13, Senator James Risch, a leading Republican on the committee, suggested a focused approach on the country’s west.

“When you look at the map of Syria, I mean, it looks like a flat Rubik’s cube because of the way that the country is divided up,” Risch stated. “My idea is we need to focus on this western part… if you do not get a handle on this, you are not going to get a handle on the rest of the country.”

This sentiment was echoed by Michael Singh of the Washington Institute for Near East Policy, a prominent think tank, who testified that the US could “focus on what is happening in western Syria.”

These discussions have now materialized into a concrete lobbying effort. On August 5, the Washington-based advisory firm Tiger Hill Partners announced it would represent the newly formed “Foundation for the Development of Western Syria.”

According to public disclosure filings, the one-year, $1 million contract aims to advocate for Syria’s minorities and influence US policy toward a political transition.

Israel is reportedly directing the plan’s covert aspects, which acts as its “chief architect,” according to the initial report from The Cradle. This coordination allegedly became tangible in July, with two closed-door meetings held in Tel Aviv.

The meetings reportedly brought together Israeli officials and exiled Syrian Alawite and Druze figures. Following these gatherings, Eddy Cohen, an Israeli journalist active in Arab-language media, announced on August 6 that an “Alawite–Druze alliance” was being prepared in the US.

These high-level talks coincided with a series of disturbing events in Syria’s coastal region, the heartland of the Alawite minority.

Syrian internal security forces in Tartous announced they had foiled a plot to attack the Mar Elias Maronite Church in Safita. The announcement, which was delayed by three weeks, fueled suspicions of a deliberate attempt to stoke sectarian fear and create a pretext for foreign intervention under the guise of protecting minorities.

Simultaneously, unverified statements circulated by partisan media channels claimed the formation of a “Christian Military Council.” The group’s declared aim was to unite Christian fighters who had previously fought extremist factions like Hayat Tahrir al-Sham (HTS), the group now dominant in Syria’s transitional government, and to ensure Christian representation in any future political settlement. The existence and authenticity of this council remain unconfirmed.

A post-Assad Syria rife with fear

The “Western Syria” project seeks to exploit the power vacuum and deep-seated fears following the sudden collapse of Bashar al-Assad’s government in late 2024. The new de facto authority is led by Ahmad al-Sharaa (formerly known as Abu Mohammad al-Julani), the head of HTS.

While al-Sharaa has publicly promised to protect minorities, many Alawite, Christian, and Druze communities remain deeply fearful of the Islamist group, which the US still designates as a terrorist organization. This climate of uncertainty provides fertile ground for external actors aiming to carve out spheres of influence.

The plan’s alleged scope extends into neighboring Lebanon, to disarm the Iran-backed Hezbollah movement—a key ally of the former Assad regime—and redeploy armed Syrian factions from Lebanon into the proposed coastal entity.

A “regional security source” quoted by The Cradle framed the strategy as an Israeli effort to create two strategic corridors. “Israel seeks to exploit Syria’s sectarian and ethnic divisions to use minorities as political and military tools, serving its plan to partition the country,” the source said.

While the project appears to be gaining momentum, it also faces opposition. The same sources claim that domestic and external actors, including elements within the new Damascus administration, are actively working to thwart the plan, having already succeeded in preventing the Safita church bombing.

Whether it remains a covert campaign or becomes overt policy, the “Western Syria” project represents a new and dangerous phase in the conflict, threatening to permanently fracture the country along sectarian lines for the strategic advantage of outside powers.

Review & Recommendations on the Somali Regional State Administration of Ethiopia

Introduction

When analyzing the governance of the Ethiopian Somali Region and its neighboring areas, several critical factors must be considered to ensure effective and harmonious administration.

In July 2025, the Ethiopian Somali regional government approved the establishment of new regions and municipal administrations, a move that could significantly impact communities and governance structures.

How Neighboring Regions Perceive the Ethiopian Somali Administration

Neighboring regions bordering the Ethiopian Somali State vary in their administrative approaches.

Some maintain strong ties with the federal government, while others advocate for greater autonomy. Key issues include:

  1. Security: Ethiopian Somali regions are affected by the conflict between Al-Shabaab and Ethiopian government forces. Insecurity hampers development and governance.
  2. Governance: Some regions have established local administrations, while others rely heavily on federal support for public services.
  3. Economy: Regions differ in economic resources, with some depending on agriculture and livestock, while others rely on external aid.

Recommendations for Harmonizing Neighboring Regions

To foster cohesion, the following steps are essential:

  1. Strengthening Collaboration: Enhance coordination between federal and regional governments to resolve disputes and align priorities.
  2. Economic Development: Prioritize job creation and resource diversification to reduce dependency on aid.
  3. Security: Reinforce stability through judicial reforms and counterterrorism efforts against groups like Al-Shabaab.
  4. Good Governance: Combat corruption and improve service delivery, particularly in education and healthcare.

New Regions and Municipal Administrations

The July 2025 approval of new regions and municipalities will:

  • Decentralize Power: Enable localized governance and community participation.
  • Create Development Opportunities: Allow new regions to implement tailored economic strategies.

Benefits for Communities and Government

  1. Economic Growth: New regions can contribute to local economies.
  2. Stability: Proactive governance may improve security.
  3. Service Delivery: Enhanced access to education and healthcare.
  4. Cooperation: Strengthened federal–regional partnerships.

Objectives and Impact

The restructuring aims to empower local governance and increase public engagement, fostering regional development and stability.

Conclusion

The administration of the Somali Regional State of Ethiopia and its new regions holds promise but requires addressing security, economic, and governance challenges. Strengthening collaboration and development is key to ensuring equitable and sustainable progress while demonstrating effective leadership.

Abdulrahman S. Ahmed, BSc, M.Ed, PhD
Member, PolAD19, KAIPTC
Former Senior Political Advisor, Federal Government of Somalia (2017–2022)
Subject Matter Expert: Political & Migration Dynamics in the Horn of Africa
Email: [email protected]

Mucaaradka oo dagaal ku baaqay – ‘xaalku waa qof iyo qori’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, oo galabta warbaahinta la hadlay ayaa dhinac kasta ka dhaliilay siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo si gaar ah u dul-istaagay dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dadka Muqdisho ku nool ay wajahayaan boob hantiyeed oo aan horay loo arkin, iyadoo barakicinta iyo dhaca dadka loo adeegsanayo ciidamadii qaranka oo laga soo weeciyey dagaalka Al-Shabaab, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Xitaa qofkii jiingad dhisanaya ama gurigiisa albaabka ka bedelaya dhawaqa ayaa lasoo raacayaa, lacag ayaa laga rabaa, Computer ayaaba loola soo baxaa, war dowladnimadii dadka waa lagu dulmiyey, war xishood ma jiro miyaa?” ayuu yiri Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dalka ay ka socoto “qof iyo qori” hadalkaas waxaa horay u yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna kala kulmay weerar adag, balse Sheekh Shariif oo sii macneeyey wuxuu yiri “Qof u socda xaflad lama daayo, qof meyd sida lama daayo, qof safraya lama daayo, xitaa qof shaqaale ah oo maskiin ah oo guri dhisaya maalinkii 10 jeer ayaa loo imaanaa, lacag keen, ayuu mid kasta lasoo hor istaagayaa, war waxaasi waa ceeb dowladnimana maaha.”

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay in ciidamadii ku dagaalamay Tarabuunka ay ka wada tirsanaayeen hal Guuto, “Kuwana lacag ayaa lasoo siiyey kiciya ayaa la yiri, Kuwana waxay dheheen nama kici kartiin, waana iska dhiciyeen, inay is dilaan ayaa ka dhalatay waad la socoteen wixii dhacay,” ayuu yiri Shariif.

Sheekh Shariif ayaa si cad u sheegay in dowladdu ay go’aansatay inay soo saarto dad hantiilayaal ah, iyadoo dadka kale ee shacabka ah albaabada laga xirtay oo hoygoodii xoog looga saarayo, iyadoo meel ay aadaan aysan jirin.

Sidoo kale, Sheekh Shariif, ayaa sheegay in Muqdisho ay ku soo dhawaadeen Al-Shabaab, iyadoo ciidamadii hor istaagi lahaa loo adeegsaday barakicinta dadka, taas oo dowladnimada dhaawac ku ah, sida uu sheegey.

Sidoo kale, Shariif wuxuu sheegay in caalamku dowladda Xasan Sheekh si weyn u taageeray oo hub iyo dhaqaalihii ugu badnaa lagu garab istaagay, balse si qaldan looga faa’iideystay awoodaas, isagoo xusay dagallada ka dhacay gudaha Muqdisho, kuwii Gedo ka dhacay iyo jabka ciidamada ee furimaha dagaalka.

“Wixii ay taageero heshay dowladaan waxba kama bedelin dagaalka Al-Shabaab, qabaa’ilkii u diyaarsanaa inay dagaalka ka qeyb qaataan waa looga baxay dagaalka, hadan ayadoo ku marmarsiyooneysa waxaan nahay dowlad dhameystiran ayey xireysaa xafiisyadii UN-ka ee Muqdisho, taas oo qorshaha ay ka leeyihiin ay tahay in doorashada la boobo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Xaaladda maanta jirta waxaan ognahay dowlado ayaa taageeri jiray Soomaaliya, qaarkood dhaqaalihii waa goosteen, qaarna waxay qarka u saaran yihiin inay ciidankooda kala baxaan Soomaaliya, ciidankeenii waa niyad jabay, Shabaab waa soo xoogeysanayaan.”

‘Qorshe halis ah oo Xasan uu ka shaqeynayo’ oo laga digay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa galabta qabtay shir jaraa’id oo xaaladda dalka uu uga hadlay, isagoo si weyn u dhalilay hannaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay u waddo shaqadii loo igmaday iyo arrimaha doorasho qof iyo cod ah.

Shariif Sheekh Axmed, oo ah hoggaamiyaha Madasha mucaardka ah ee Samatabixinta ayaa sheegay in ay saluugsanyihiin sida dowladdu wax u waddo, isagoo dul istaagay qodobo xasaasi ah oo dowladda ay ku diidan yihiin.

“Runtaan sheegeynaa Dastuur la badalo iyo shaati weyn oo la tosho shalay adaa diidanaa, maantana adigaa raba hantidii qaranka boob ayaa ku socda, ciidankiina dhinac kalaa u adeegsatay oo iyagoo is dilaya, argagixisadiina irdaha ayey kasoo istaagtay Muqdisho,” ayuu yiri Sheekh Shariif, Guddoomiyaha Madasha Samatabixinta.

Madaxda sare ayuu ku dhaliilay in iyagu wax walba ay sameysteen oo ay isku koobeen, isla markaana aysan dhag jalaq u siineyn aragtida mucaaradka, taas oo qorshaha ugu dambeeya ee laga damacsan yahay uu yahay boob doorasho, sida uu sheegay Shariifka.

“Xaaladda maanta jirta waxaan ognahay dowlado ayaa taageeri jiray Soomaaliya, qaarkood dhaqaalihii waa goosteen, qaarna waxay qarka u saaran yihiin inay ciidankooda kala baxaan Soomaaliya, ciidankeenii waa niyad jabay, Shabaab waa soo xoogeysanayaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale, Shariif wuxuu sheegay in caalamku dowladda Xasan Sheekh si weyn u taageeray oo hub iyo dhaqaalihii ugu badnaa lagu garab istaagay, balse si qaldan looga faa’iideystay awoodaas, isagoo xusay dagallada ka dhacay gudaha Muqdisho, kuwii Gedo ka dhacay iyo jabka ciidamada ee furimaha dagaalka.

“Wixii ay taageero heshay dowladaan waxba kama bedelin dagaalka Al-Shabaab, qabaa’ilkii u diyaarsanaa inay dagaalka ka qeyb qaataan waa looga baxay dagaalka, hadan ayadoo ku marmarsiyooneysa waxaan nahay dowlad dhameystiran ayey xireysaa xafiisyadii UN-ka ee Muqdisho, taas oo qorshaha ay ka leeyihiin ay tahay in doorashada la boobo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahaan shirar ay yeelanayeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha mucaaradka ay ka dhacayeen Muqdisho, kuwaas oo ugu dambeyntii natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya dhankeeda waxey ku adkaysanaysaa in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacayso, iyadoo sheegtay in caqabado ay jiraan, laakiin muhiimaddu ay tahay in shacabku markaan uu doorto madaxda matalaysa.

Hoos ka daawo

DF Soomaaliya oo shaacisay waqtiga ay doorashada ka qabaneyso Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday go’aan xasaasi ah oo la xiriira qabsoomida doorashooyinka dalka, xilli weli ay cabasho qabaan mucaaradka.

Cabdikariin ayaa sheegay in maanta lasoo gabagabeeyay diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah ee degmooyinka gobolka Banaadir, isla markaana ay si guul ah usoo dhamaadeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la diiwaangaliyay ku dhawaad 1 milyan oo qof, kuna nool caasimada, kuwaas oo uu tilmaamay in ka qayb-geli doonaan doorashooyink dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhowaan la qaban doono doorashada Muqdisho, gaar ahaan golayaasha deegaanka oo ay ka qayb-geli doonaan dadweynaha Soomaaliyeed.

“Duqa Magaalada Muqdisho iyo golaha deegaanka waxaa la dooran doona 30 bisha October, waxaana loo dareeri doona codbixin” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashada.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in qorshahooda uu ka ballaarsan yahay Muqdisho, isla markaana diiwaangelinta ay gaarsiiyeen degmooyin badan oo dalka, ayna kamid yihiin magaalooyinka Xudur iyo Laascaanood oo hadda laga diiwangelinayo shacabka.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku dadaaleysa in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, gaar ahaan in ay shacabka Muqdisho helaan maamul matala, hayeeshee waxaa weli halkeedii ah doodda mucaaradka oo weli ku dhagan Villa Somalia.

Reer Kismaayo oo maanta isugu tegay xeebta Kiboore, kadib markii lagu arkay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xeebta Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ee Kiboore, waxaa maanta ku soo caariyay Libiri weyn, kaas oo dadka deegaanka oo wata faasas iyo qalab kale ay ku xoomeen.

Dadka reer Kismaayo ayaa isugu tegay goobta, iyagoo bilaabay inay dilaaciyaan Libiriga, si ay uga baaraan waxa loogu yeero (Cambar) oo ah hadiyad qaali ah oo laga dhex helo noolahaas.

Muuqaallo baraha bulshada la soo dhigay ayaa laga arkayaa dadka oo faas la dhacaya Libiriga oo muuqaal ahaanna aad u weyn, kaas oo yaalla banaanka hore ee xeebta.

Cadad Libiriga ka mid ah dad wata ayaa sidoo kale muuqaallo iska soo duubay, kuwaas oo sheegaya inay aaminsan yihiin inuu yahay cambarkii ay goobayeen oo ay ku nasiibsanayaan.

Dadka sida aadka ah loo faafiyey muuqaalkooda waxaa ku jira nin sita seddax kamid ah ilkihii Libiriga, isagoo warbaahinta u sheegay in ugu yaraan ay ilkahaasi lamid noqonayaan foolka Maroodiga.

Hadaaba muxuu yahay Cambarka la raadinayo ee ku jira Libiriga?

Cambarka ayaa ah mid naadir ah oo qiimo leh, kaas oo laga sameeyo Catarka.

Daraasado la sameeyey waxay muujinayaan in la isku daaweyn jiray, sida dawo ama cunto sare u qaada Shahwada.

Waa xubin qoyan oo isku dhaggan, kaas oo laga helo mindhicirrada Libiriga.

Waxaa loo adeegsadaa sameynta Catarrada la isku carfiyo, kuwooda ugu qiimaha sareeya adduunka.

Dalal dhowr ah waxaa ka mamnuuc ah in laga ganacsado Cambarka Libiriga, halka kuwo kalena ay u arkaan qashin.

DF Soomaaliya oo maanta qaaday tallaabo hor leh oo la xiriirta xiisadda GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaatay tallaabo horleh oo la xiriirta xaaladda gobolka Gedo oo indhawaanahan ay ka taagneyd xiisad u dhexeyso ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta maamulka Jubaland.

Taliska guutada 10-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa maanta soo saaray amaro cusub oo ka dhaqan-galaya gobolka, gaar ahaan degmada Garbahaarey, kuwaas oo ku aadan amniga.

Taliyaha guutada 10-aad ee gobolka Gedo, Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorrax oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay amarkan, isaga oo sidoo kale faray ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi inay qaataan doorkooda ku aadan xasilinta amniga guud.

Si guud ciidamada ayaa laga mamnuucay inay hub ku dhex qaataan magaalada, xilliyada ay fasaxa yihiin, si looga hortago in isku dhacyo hubeysan ay ka dhacaan halkaasi.

Sidoo kale waxaa laga mamnuucay ciidanka iney ridaan rasaas, si looga hortago in la qalqal-geliyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi, waxaa kale oo go’aankan lagu sheegay in askarigii u hoggaansami waayo amarka laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

“Waa mamnuuc in rasaas amar la’aan ah la iska rido, taasoo shacabka ku abuuri karta qalqal iyo waxyeelo iskugu jirta dhaawac iyo dhimasho, waxaa dhawaan geeriyootay haweeney kadib markii rasaas la riday oo aan ku dhicin ay ka naxday.”  ayuu Taliye Qorrax.

Waxaa kal oo uu intaasi kusii daray inay ka shaqeyn doonaan deganaashaha magaalada, waajibkoodana uu yahay ilaalinta badqabka shacabka iyo xasilinta amniga guud.

Gedo ayaa waxaa haatan ka taagan xiisad culus oo uu dhiig ku daatay, taas oo u dhexeyso dowladda dhexe iyo Jubaland oo weli isku hayo qaybo kamid ah gobolkaasi, hase ahaatee dowladda federaalka ayaa haatan wadda qorshayaal lagu xasilinaayo guud ahaan gobolka.

Halgankii Macallin Mahdi oo 16 sano kadib miro-dhalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaano (Macallin Mahdi) oo warsaxaafadeed soos aaray ayaa ka sheekeeyay halgan dheer oo uu soo bilaabay 16 sanno kahor, kaas oo ugu dambeyn miro-dhalay, kadib markii uu xalay isku diiwaangeliyay doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan dalka.

Macallin Mahdi oo qaatay shahaadada rasmiga ah ee is diiwaangelinta ayaa sheegay inay tani uga dhigan tahay guul wayn oo la gaaray iyo nabad ka hirgashay caasimada.

Sidoo kale wuxuun hoosta ka xariiqay in qaadashada shahaadada is diiwaangelinta ay muujineyso inuu miro-dhalay halgankii uu soo galay, isaga oo sheegay inuu ka qayb qaatay dagaaladii caasimada looga xoreeyay Al-Shabaab, uuna ku waayey saaxibo qiimo badan.

“In aan shahaadada is-diiwaangelinta halkan ka qaatay, waxay ii tahay calaamad weyn oo muujinaysa guusha nabadda iyo isbeddelka wanaagsan ee dalka uu ku socdo. Shahaadada is-diiwaangelinta ee la i siiyay uma arko oo kaliya shahaado diiwaangelin, ee waa astaanta ii muujinaysa halgankii aan galay inuu midr-dhalay. Waxayna caddeyn u tahay in caasimaddeennu ay maanta joogto heer ay muwaadiniintu codkooda si nabad ah ugu dhiiban karaan. Allaha u naxatiisto saaxiibadii ku shahiiday halgalkii dheeraa ee ay maanata ku naaloonayaa shacabka Caasimadd” ayuu qoraalkiisa yiri Macallin Mahdi.

Macalin Mahdi ayaa sidoo kale qiray inuu isaga qudhiiisa uu dhaawac culus kasoo gaaray gaaray dagaalka, kadib markii galab kamid ah galbaha ay soo weerareen xubnaha Al-Shabaab, xilligaas oo ay ku beegneyd kala miirankii Maxkamadaha iyo kooxda Al-Shabaab.

“Xusuus iyo Halgan Miro-dhalay, markii aan salaadda Casir tukanay galabkii Arbacada oo ku beegnaa 27kii May 2009  ayey Khawaarijtu na soo weerareen, rag aan saaxiibo ahayn oo halganka igula jiray ayaan gobtaas ku waayay, waxaan ka xasuustaa Nuur Adan Dalabaco iyo  Saciid Roble Geelhore,  aniga iyo tobaneeyo kalana dhaawacyo culus ayaa naga soo gaaray. Waxay ahayd billowgii kala miiranka halyeeyadii maxkamadaha Islaamiga iyo Khawaarijta Shabaab” ayuu yiri Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in 16 sano kadib oo uu dagaal adag kula jiray Al-Shabaab ay farxad u tahay in laga adkaaday Khawaarijta, uuna isku diiwangeliyo si nabad ah doorashooyinka dalka, si uu si nabad ah ugu dhiibto codkiisa, una doorto cidda uu rabo.

“16 sano oo aan Khawaarijta jihaad kula jiray, caawa -Alle mahaddii- waxaan iska diiwaanliyay si aan codkeyga u dhiibto isla goobtii oo aysan baaruudda rasaastu ka soo ureynin, haba yaraatee wax cabsi ahna aysan shacabku qabin, barbaar xaragoonayana ay hareeraha waddooyinka ku caweynayaan” ayuu sii raaciyay taliyuhu.

Soomaaliya ayaa haatan ku tallaabsatay hormarro waawayn, waxaana kamid ah nabadda lagu soo dabaalay caasimada oo argagixisada ay ka gaysan jirtay dilal iyo qaraxyo.

Mucaaradka oo wada qorshe xasaasi ah oo lagu dhisayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqa ka wada magaalada Muqdisho ayaa weli sii wada kulamadooda, waxaana xalay kulan gaar ah yeeshay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Kulankan oo ka dhacay hoyga Shariif uu ka dagan yahay Muqdisho ayaa diiradda lagu saarayo qorshe culus oo ay damacsan yihiin xubnaha mucaaradka, gaar ahaan qaab-dhismeedka mucaaradka, si ula fal-galaan isbeddalka yimid ee ka dhashay burburka wada-hadalkii ay kula jiraan Madaxweyne Xasan oo ugu dambeyn guul darro kusoo dhammaaday.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ay suuragal tahya in xubnaha mucaaradka, gaar ahaan Shariif, Khayre, Rooble iyo Warsame ay dhisaan midow musharraxiin oo horleh, iyada oo ujeedka uu yahay in lagu mideeyo awoodda musharixiinta kasoo horjeeda Xasan.

Sidoo kale, waxaaa muhiimadda ugu wayn ee mucaaradka uu yahay inay ka qeyb qaataan hannaanka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka iyo diyaar-garowga doorashooyinka soo socda oo haatan uu ka taagan yahay muran xoogleh, ayna burbureen wada-hadalladii muddada soo socday ee u dhexeeyay Madasha Samatabixinta iyo Villada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulankan oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah uu muujinayo isbeddel dhanka istaraatiijiyadda ah oo ay rabaan inay ku dhaqaaqaan mucaaradka, si ay u abuuraan madal gaar ah oo ay ku mideysan musharraxiinta sare.

Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in la ballaariyo isbaheysigan, si ay ugu soo biiraan xubno kale oo saameyn leh oo uu ugu horreeyo Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isaguna qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah Villa Somalia ee ka socda Muqdisho.

Xubnaha kale ee mucaaradka ayaa la sheegay in iyagu aan lagu wargelin kuankan, isla markaana isbaheysa cusub aanu saameyn doonin Madasha Samatabixinta oo ay ku dhan yihiin inta badan mucaaradka, uuna hogaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Arrimahan waxay muujinayaan in dalka uu sii galayo marxalad adag oo siyaasadeed, mucaaradkana uu isa sii xoojinayo, si uu loolan adag ula galo madaxda sare ee dowladda.

Si kastaba, mucaaradka ayaa todobaadkii hore waxaa soo kala dhex-galay kalq shaki wayn, iyaga oo markii hore ku heshiin waayey warsaxaafadeedkii ay kasoo saareen wada-hadalladii burburay ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo keentay in haatan ay la yimaadaan qorshe cusub oo ay ku dhisayaan midow musharixiin oo horleh.

Shirqoolka ka dhanka ah Soomaaliya ee Imaaraadka uu ka wado Washington DC

Washington (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa door hoggaamineed ka qaadanaya dadaallada lagu horumarinayo qadiyadda Somaliland ee ka socda Washington iyo caasimadaha Yurub, iyagoo maalgelin ballaaran ku samaynaya mid ka mid ah shirkadaha ololeynta (lobby) ee ugu awoodda badan caalamka, si loo dhiso taageero siyaasadeed loona saameeyo warbaahinta caalamiga ah, sida ay muujinayaan diiwaannada rasmiga ah iyo ilo-wareedyo siyaasadeed.

Somaliland, oo iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaani sanadkii 1991, ayaa muddo dheer raadineysay aqoonsi rasmi ah oo ka yimaada Maraykanka iyo dalal kale. Maadaama aanay lahayn xiriir diblomaasiyadeed, waxay si weyn ugu tiirsan tahay shirkado gaar loo leeyahay oo ololeyn ah si ay u gaarto go’aan-sameeyayaasha iyo warbaahinta.

Ololaha FGS Global

Xudunta ololahan waa FGS Global, oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqeysa isgaarsiinta istaraatiijiga ah iyo lobbiga, kuwaas oo macaamiishooda caalamiga ah ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta.

Diiwaannada lagu gudbiyey Xeerka Maraykanka ee Diiwaangelinta Wakiillada Ajaanibta (FARA) ayaa muujinaya in Abu Dhabi ay siisay FGS Global ku dhowaad $2.6 milyan muddo lix bilood ah oo ku eg July 2024, si ay u fuliso adeegyo isgaarsiineed oo istaraatiiji ah iyo xiriir dibadeed. Falanqeeyayaal iyo dhaliilayaal ayaa sheegaya in kharashka sannadlaha ah ee Imaaraadku ku bixiyo shirkaddan uu gaari karo $5 milyan.

Khubaradu waxay rumeysan yihiin in Imaaraadku u adeegsado xiriirkaas inuu horumariyo ajandihiisa goboleed ee ballaaran — oo ay ku jirto xoojinta xiriirka Somaliland, halkaas oo shirkado Imaaraad ah ay maalgelin xoog leh ku sameeyeen dekedda iyo kaabeyaasha Berbera, oo ah goob istaraatiiji ah oo ku taalla Gacanka Cadmeed. Sidoo kale, Imaaraadku wuxuu tababaray ciidamada ammaanka deegaanka, wuxuuna ballaariyay joogitaankiisa Badda Cas.

Diiwaannada FARA ee ay dib u eegtay Caasimada Online ayaa muujinaya in FGS Global, oo ku hadlaysa magaca Somaliland, ay kulammo la qaadatay wariyeyaal iyo tifaftirayaal sare oo ka kala socday Wall Street Journal, New York Times, Washington Post, Bloomberg, NBC, NPR, iyo Axios.

Xiriirradan warbaahineed ayaa qayb ka ah dadaal joogto ah oo lagu dhisayo sawir wanaagsan oo ku saabsan hannaanka maamulka Somaliland, xasilloonideeda marka loo eego Soomaaliya, iyo doorka ay ka qaadan karto iskaashiga dhinaca amniga ee Geeska Afrika.

In kasta oo kulammadan loo arko dhaqan caadi ah oo ka mid ah howlaha xiriirka dadweynaha, haddana dhaliilayaasha ayaa ku doodaya in awoodda dhaqaale ee Imaaraadku siiso saaxiibbadiisa la doorbido — oo ay ku jirto Somaliland — ay ujeedadiisu tahay muuqaal wanaagsan oo ay ka helaan warbaahinta saameynta leh.

Machadyada siyaasadda

Laba machad oo siyaasadeed oo ka mid ah kuwa ugu saameynta badan Washington ayaa si muuqata uga dhex muuqday ololahan bilooyinkii la soo dhaafay. Janaayo 2025, Hudson Institute ayaa daabacday maqaal ra’yi cinwaankiisu yahay “Seven Inaccuracies About US Support for Somaliland”, oo difaacaya xiriir lala yeesho maamulkaas.

Diseembar 2024, Atlantic Council ayaa Somaliland ku tilmaantay “fursad naadir ah” oo Maraykanku ku xoojin karo xiriirka gobolka, inkasta oo ay xustay caqabadaha ka imaanaya diidmada Soomaaliya iyo weliba ka leexashada Maraykanka ee mowqifka Midowga Afrika.

Xogta qaar ayaa sheegeysa in deeqo ka iman kara Somaliland ama si dadban uga imaanaya taageerayaal Khaliiji ah lagu siiyay machadyadan si ay u muujiyaan mowqif taageero leh.

Warar kale ayaa sheegaya in Somaliland ay sannad walba FGS Global ku bixiso in ka badan $1.5 milyan oo aan la shaacin, isla markaana dhammaan hawlaha lobbiga ay isku dubbarido xaaska Israa’iili-Maraykanka ah ee wakiilka Somaliland ee Washington, Bashir Goth.

Istaraatiijiyadda Imaaraadka ee Geeska Afrika

Ka qaybgalka sii kordhaya ee Imaaraadka ee Somaliland wuxuu qayb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo uu kaga howlgalayo Geeska Afrika. Abu Dhabi waxay ballaarisay raadkeeda dhaqaale iyo amni ee marin-biyoodka muhiimka ah, laga bilaabo jasiiradda Soqotra ee Yemen ilaa dekedda Berbera.

Gudaha Somaliland, DP World — oo ah shirkad dekedaha maamusha oo laga leeyahay Dubai — ayaa maalgashi ku samaysay casriyeynta dekedda Berbera iyo dhismaha aag ganacsi xorta ah. Maamulka kaabeyaashan ayaa siinaya Imaaraadka awood istaraatiiji ah oo uu ku yeesho mid ka mid ah marin-biyoodka ganacsi ee ugu mashquulka badan caalamka.

Iyada oo maalgelin lobbiga heer sare ah ka wado Washington, falanqeeyayaashu waxay sheegeen in Imaaraadku uusan kaliya horumarin doonista aqoonsi ee Somaliland, balse uu sidoo kale doonayo inuu adkeeyo saamayntiisa siyaasadda amniga Badda Cas.

Ololaha lobbiga — oo ay taageerayaan maalgelin Khaliiji ah oo lagu maamulo FGS Global — wuxuu imaanayaa iyadoo dood cusub ka taagan tahay go’aannada siyaasadda Maraykanka ee ku saabsan in xiriir dhow lala yeesho Somaliland uu u adeegayo danaha istaraatiijiga ah ee Maraykanka, gaar ahaan la dagaallanka saameynta Shiinaha iyo Iran ee gobolka.

Haatan, taageerada dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee Imaaraadku waxay Somaliland ka caawisay inay ka soo muuqato ajandaha Washington. Laakiin ilaa ay isbeddel ku yimaado siyaasadda Maraykanka, khubaradu waxay aaminsan yihiin in dadaalka aqoonsi raadinta uu weli ahaan doono mid adag — iyadoon loo eegin awoodda lobbiga ee gadaashiisa taagan.

Netanyahu oo shaaciyey qorshaha ‘Greater Israel’ – Qabsashada 7 dal oo Carab ah

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Talaadadii sheegay inuu si “aad ah” u doonayo aragtida Israel Weyn (Greater Israel), intii uu ku guda jiray wareysi uu bixiyay, kaddib markii uu ka aqbalay Sharon Gal — xildhibaan hore oo ka tirsan garabka midig ee xagjirka — qalab sawir ah oo matalaya “dhulka la ballanqaaday”.

Hadalka Netanyahu ayaa kiciyay cambaareyn baahsan oo ka timid dowlado badan oo Carbeed, kuwaas oo u arkay hadalkiisa hanjabaad cad oo ku wajahan dhulkooda madaxbannaan.

Aragtida Israel Weyn, oo leh fasiraado kala duwan, ayaa muddo dheer loo adeegsanayay siyaasadda Israa’iiliyiinta qaran-jaceylka xagjirka ah. Badanaa waxaa lagu qeexaa qorshe ballaarin dhuleed oo ku fidinaya Falastiin, Lubnaan, Urdun iyo qaybo waaweyn oo ka mid ah Suuriya, Ciraaq, Masar iyo Sacuudi Carabiya.

Mararka qaar waxaa si kooban loogu loola jeedaa dhulalka Israel qabsatay 1967: dhulka Falastiin, Buuraleyda Golan ee Suuriya iyo Saxaraha Sinai ee Masar.

Inkasta oo hadalka Netanyahu uu yahay mid cusub, fikradda Israel Weyn ma aha mid cusub ama si rasmi ah loo qeexay, hase yeeshee dadka qaar ayaa ku tilmaamaya inay hadda sii xoogaysanayso, maadaama Israel ay weli ka wado Gaza xasuuqa socda.

Asalka aragtida

Fikradda Israel Weyn waxaa markii ugu horreysay soo bandhigay Theodor Herzl, aabbaha Sahyuuniyadda siyaasadeed, kaas oo ku qoray xusuus-qorkiisa in dawlad Yuhuuddu ay gaarsiisnaan doonto “laga bilaabo Webiga Masar ilaa Webiga Furaat”.

Oraahdan ayaa laga soo qaatay Buugga Book of Genesis, halkaas oo Ilaah uu Nabi Ibraahim iyo faraciisa ugu ballanqaaday dhul ballaaran oo ku fidsan “laga bilaabo Webiga Masar ilaa Furaat,” sida ku qoran.

Qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta waxay tixraacaan aragti ku jirta Buugga Book of Deuteronomy, halkaas oo Ilaah uu Nabi Muuse ku amray in Israa’iiliyiintu qabsadaan Falastiin, Lubnaan iyo qaybo ka mid ah Masar, Urdun iyo Suuriya, sida ku qoran

Qaar kale waxay soo qaataan Buugga Book of Samuel, oo sharxaya dhulkii ay xukumeen Boqorradii Saul iyo Daawuud, oo ka koobnaa Falastiin, Lubnaan iyo qaybo ka mid ah Urdun iyo Suuriya.

Kuwa ku dhaqma aragtidan, helitaanka Israel Weyn ma aha oo keliya qorshe siyaasadeed, balse waa fulinta wax ay u haystaan amar rabbaani ah — dib u soo celinta dhul ay aaminsan yihiin inuu xaq ahaan u leeyahay shacabka Yuhuudda.

Isbeddellada ku yimid

Markii la aasaasay Dawladda Israel 1948, xuduudaheeda si rasmi ah looma qeexin. Dagaalkii lixda maalmood ee 1967, Israel waxay qabsatay Marinka Gaza, Daanta Galbeed, Buuraleyda Golan ee Suuriya iyo Saxaraha Sinai ee Masar.

Tani waxay ahayd dadaalkii ugu weynaa ee milatari ee Israel ku ballaariso dhulkeeda. Sinai waxaa dib loogu celiyay Masar kaddib heshiis nabadeed, halka Buuraleyda Golan si rasmi ah loogu daray Israel.

Dagaalkaas ayaa dib u soo nooleeyay doodda ku saabsan Israel Weyn, gaar ahaan Sahyuuniyadda diinta ku saleysan. Dabayaaqadii qarnigii 20-aad, erayga “Israel Weyn” ayaa noqday astaan siyaasadeed oo ay qaateen qaar Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo u arkayay hirgelinta ballan taariikhi ah iyo mid diin ku saleysan.

Xisbiga siyaasadeed ee Dhaqdhaqaaqa Israel Weyn (Movement for Greater Israel), oo la aasaasay kaddib dagaalkii lixda maalmood, ayaa ku baaqay in la sii haysto dhulkii la qabsaday lana dejiyo Yuhuud, wuxuuna firfircoonaa ilaa dabayaaqadii 1970-meeyadii.

Aragtiyada xukuumadda haatan

Tan iyo markii xukuumadda hadda jirta lagu dhaariyay 2022, tixraaca Israel Weyn ayaa noqday mid si joogto ah loo adeegsanayo. Sannadkii hore, dokumeenti muuqaal ah ayaa soo bandhigay Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich isagoo ku baaqaya in xuduudaha Israel lagu daro magaalada Dimishiq.

Wuxuu sheegay in Israel ay tartiib tartiib ugu fiddo dhammaan dhulka Falastiin, iyo qaybo ka mid ah Urdun, Lubnaan, Masar, Suuriya, Ciraaq iyo Sacuudi Carabiya.

“Waxaa qoran in mustaqbalka Yeruusaalem ay ku fidi doonto Dimishiq,” ayuu yiri Smotrich, isagoo adeegsanaya aragtida Israel Weyn.

Smotrich ayaa hore ugu sheegay hadallo la mid ah munaasabad xus ah oo 2023 lagu qabtay Paris, isagoo ka hadlayay goob lagu qurxiyay khariidadda Israel oo ku fidsan Urdun, islamarkaana ku dhawaaqay in “aysan jirin” qoom la yiraahdo Falastiiniyiin.

Mas’uuliyiin kale iyo xildhibaano ka tirsan xukuumadda ayaa si cad ugu baaqay in “dhul laga qaato” shacabka Falastiin ee Gaza.

Intii lagu guda jiray xasuuqa socda, sawir ayaa laga qaaday askari Israel ah oo xirnaa calaamad ku sawiran khariidadda Israel Weyn.

Dhacdadii ugu dambeysay waxay dhacday toddobaadkan, markii Netanyahu si cad u xaqiijiyay inuu weli ku taagan yahay aragtidaas — xilli Israel ay weli ku haysato gumeysiga dhuleed ee Daanta Galbeed, Marinka Gaza iyo qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan iyo koonfurta Suuriya.

Shiinaha oo jawaab culus ka bixiyey baaqa Ted Cruz ee ku aadan aqoonsiga Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) — Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa Jimcihii cambaaraysay dadaalka Senator-ka Mareykanka Ted Cruz uu ku doonayo in Washington ay aqoonsato Somaliland, iyadoo ku tilmaantay faragelin “sal iyo raad toona lahayn” oo “gardarro ah” oo lagu hayo arrimaha gudaha Soomaaliya.

Safaaraddu waxay sheegtay in baaqa Cruz—oo ku xusnaa warqad uu 14-kii August u diray Madaxweyne Donald Trump—uu ku xadgudbay mabaadi’da aasaasiga ah ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay (United Nations Charter), ayna ka tarjumayso “dabeecad is-ballaarin iyo cagajugleyn ah” oo siyaasiyiinta qaar ee Mareykanka ay kula dhaqmayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Shiinuhu marna ma farageliyo arrimaha gudaha ee dalalka kale, sinaba uma aqbalo in midkiisa la farageliyo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Sidoo kale wuxuu dib u adkeeyay mawqifka Beijing ee ah in “Taiwan ay tahay qayb aan laga goyn karin dhulka Shiinaha,” isagoo wacad ku maray inuu ka horyimaado “gooni-goosadnimada iyo faragelinta dibadda” uuna difaaco madaxbannaanida qarankiisa.

Diblomaasiyadda Shiinaha ayaa xiriirisay dadaalka Mareykanka ee aqoonsiga Somaliland iyo siyaasadda Washington ee ku aaddan Taiwan, iyadoo labadaba ku tilmaantay isku dayo lagu wiiqayo xuduudaha caalamku aqoonsan yahay.

Diidmada degdegga ah ee Soomaaliya

Warqadda Cruz waxay ku boorrisay maamulka Trump inuu si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal madaxbannaan oo ku dhisan xuduudihii 1960, isagoo ammaanay diiwaankeeda dhanka maamul-wanaagga dimoqraadiga ah tan iyo markii ay madaxbannaanida kaga dhawaaqday Soomaaliya sanadkii 1991.

Saacado gudahood, safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa soo saartay jawaab deg deg ah, iyadoo ka digtay in tallaabo kasta oo lagu wiiqayo midnimada dalka ay dhiirigelin doonto kooxaha xagjirka ah, ayna khalkhal gelin doonto xasilloonida Geeska Afrika.

“Soomaaliya waa saaxiib amni oo adag oo Mareykanku ku tiirsan yahay,” ayay tiri safaaraddu, iyadoo xustay in in ka badan 20 weerar oo wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish la qaaday sanadkan 2025 oo keliya—heerkaas oo iskaashi ah oo ay sheegtay inuu “si weyn uga sarreeyo kii sanadihii hore.”

War-saxaafadeedka ayaa carrabka ku adkeeyay in “kooxaha argagixisadu ay awoodaystaan oo keliya marka la wiiqo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya,” wuxuuna Washington ku boorriyay inay diiddo dalabka aqoonsiga.

Sababaha Cruz u cuskanayo aqoonsiga

Warqaddiisa, Senatarkan Jamhuuriga ah ee Texas wuxuu Somaliland ku tilmaamay “qaran xasilloon, is-maamula, oo dimoqraadi ah” iyo saaxiib amni oo Mareykanku isku halleyn karo, kaasoo ku yaal goob istiraatiiji ah oo ku teedsan Gacanka Cadmeed—oo ka mid ah marinnada badaha ee ugu mashquulka badan caalamka.

Wuxuu farta ku fiiqay iskaashigeeda dhanka la-dagaallanka argagixisada iyo amniga badaha, iyo sidoo kale dadaalladeeda diblomaasiyadeed, oo ay ka mid yihiin furitaanka Xafiiska Wakiilka Taiwan ee Hargeysa, xoojinta xiriirka ay la leedahay Israel, iyo muujinta taageerada ay u hayso Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords).

Cruz wuxuu Beijing ku eedeeyay inay adeegsanayso “cadaadis dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed” si ay Somaliland ugu ciqaabto xiriirka ay la leedahay Taiwan, isagoo tusaale u soo qaatay go’aankii Muqdisho ee April 2025 ee lagu mamnuucay dadka sita baasaboorka Taiwan—kaasoo uu ku andacooday in lala kaashaday Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha (Chinese Communist Party).

Wuxuu ku dooday in taageerada Shiinaha ee Soomaaliya ay awood siinayso kooxaha ka soo horjeeda Somaliland si ay “u wiiqaan madaxbannaanideeda.”

Bar kulul oo istiraatiiji ah

Is-weydaarsiga degdegga ah ee jawaabaha ayaa xaaladda Somaliland u beddelay bar kulul oo ka dhex dhalatay xifaaltanka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Washington iyo Beijing ee Geeska Afrika.

Somaliland, oo leh dowlad, ciidan, iyo lacag u gaar ah, ma jiro hal waddan oo aqoonsan balse waxay xiriir aan rasmi ahayn la leedahay dhowr dal. Muqdisho, oo ay taageerayaan Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Qaramada Midooba, waxay ku adkaysanaysaa in dhulkaasi uu weli yahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

Taageerada shaacsan ee Shiinuhu u muujiyay Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqaysaa saamayntiisa diblomaasiyadeed ee sii kordhaysa ee Afrika iyo sida uu diyaar ugu yahay inuu caqabad ku noqdo tallaabooyinka Mareykanka ee loo arko inay wiiqayaan dowladaha ay xulafada yihiin—iyadoo isla markaasna ay madasha caalamka ku sii xoojinayso mabda’eeda ‘Hal Shiine’.

Dhanka Washington, doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland waxay ku qasbeysaa isku-dheellitir xasaasi ah oo u dhexeeya ka hortagga saamaynta Shiinaha ee gobolka iyo dhowrista iskaashiga la-dagaallanka argagixisada ee kala dhexeeya Muqdisho—waana isku-dheellitir ay sii adkeeyeen is-weydaarsiga hadallada heerka sare ah ee dhacay muddo labo maalmood gudahood ah. 

Faah-faahinta dagaal culus oo ka qarxay Galgaduud

0

Guriceel (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo isku haysto Geel la kala dhacay.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga qarxay inta u dhexeysa deegaannada Oodaale iyo Balanballe, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac,.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii markii mid kamid ah maleeshiyaadka ay dhac u gaysteen Geel, kadibna garabka kale uu weerar qaaday, taas oo keentay in labada dhinac ay ku dagaalamaan halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale oo isugu jiro dhinacyo dagaalamay iyo dad shacab ah. Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay magaalada Guriceel oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda.

Xaaladda aya ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa goobihii lagu dagaalamay oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi mar kale dib uga qarxay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Gobollada dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo xorey ah ayaa waxaa haddana ka qarxay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo saameyn ku yeeshay Galgaduud iyo Mudug.

Fartaag oo saddex qodob kala hadlay saraakiisha sare ee AUSSOM + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha sare ee howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, isaga oo kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah.

Fartaag ayaa xafiiskiisa si gaar ah ugu qaabilay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo saraakiil kale oo ka socotay howlgalka AUSSOM, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah.

Wasiirka oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in saddex qodob uu kala hadlay madaxda uu la kulmay, waxana kala yihiin xaaladda guud dalka, arrimaha amniga iyo dagaalka Shabaab.

“Maanta waxaan xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay. Wafdiga, oo ay qayb ka ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaan ka wada hadalnay xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah” ayuu yiri wasiirku.

Danjire El Hadji Ibrahima Diene oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaaladooda ku aadan xasilinta Soomaaliya, gaar ahaan dardargelinta howlgallada ka scoda dalka oo ay qayb ka yihiin ciidamada AUSSOM oo ka socda dhowr dal oo Afrikaan ah.

Ninkan ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, wuxuuna si gaar ah ugala hadlay shaqada culus ee loo soo igmaday, arrimaha amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa dhowaan si rasmi ah ula wareegay xilka Madaxa howlgalka AUSSOM, isaga oo hormuud u noqon doona dib-u-habeynta iyo hagaajinta taageerada uu howlgalkaasi siiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Si kastaba, kulankan ayaa imanaya xilli ay kooxda Al-Shabaab dib u qabsatay qaar kamid ah deegaannadii laga xoreeyay, isla markaana uu hoos u dhac weyn ku yimid dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo ay iska kaashanayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Boosaaso: Ciidan gadoodsan oo tallaabo xasaasi ah qaaday

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, kadib markii ay dhaq-dhaqaaq ay ka bilaabeen ciidamo ka cabanayo mushaar la’aan.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa ka tirsan kuwa difaaca Puntland ee ku soo dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad ee lagula dagaalamayo kooxda Daacish, waxayna ka cabanayaan daryeel la’aan caafimaad iyo sidoo kale xuquuq mushaari ah oo ka maqan.

Sidoo kale, ciidamada ayaa xirtay waddada hormarta isbitaalka wayn ee Boosaaso, iyaga oo xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee mara waddadaasi oo halbowle ah.

Qaar kamid ah askartan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan helin daryeelkii ay mudnaayeen, ayna dayacday xukuumadda Puntland, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale, waxa ay farriin culus u direen madaxda Puntland, iyaga oo ka dalbaday inay soo farogeliyaan arrintooda, si wax looga qabto cabashadooda oo soo noq noqotay.

Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ku sugan Boosaaso iyo saraakiisha Booliska ee gobolka Bari ayaan haatan wada dadaallo dheeraad ah, iyaga oo wada-hadallo la bilaabay ciidamada cabanayo ee maanta gadoodka ka sameeyay gudaha magaaladaasi.

Mas’uuliyiintan ayaa isku dayay inay askartan ku qanciyaan in marka hore ay furaan wadada, waxay u sheegeen in ay dowladda ka heli doonaan daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Waa markii saddexaad oo ay ciidamadan sameynayaan gadood wayn oo laga dareemay magaalada Boosaaso, mana jiro illaa iyo hadda wax ay ka qabatay xukuumadda Puntland.

Gadoodka ay sameynayaan  ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa dhawaanahan ku soo badanayay degaannada Puntland, waxaana ahayd maalmo ka hor markii ciidamo ka gadoodsan xuquuq la’aani ay xirteen laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo, iyaga oo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo dadka ka xanibay aagga degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

NISA oo shaacisay xogta 3 howlgal oo lagu beegsaday Al-Shabaab iyo khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay saddex howlgal oo todobaadkii hore ka kala dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, laguna beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladan lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo shabaab ahaa, laguna gubay gaadiid dagaal iyo saanad milatari oo ay kooxdu lahayd.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay ilaa 11 Khawaarij ah oo uu ku jiro horjooge sare, isla markaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan, ka fuliyay Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Howlgalka 1-aad oo dhacay 12-kii bishaan Agoosto, ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Khawaarijta, waxaana halkaas dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.

Sidoo kale, 13-kii Agoosto howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daarunimca ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa looga hortagay maleeshiyaad qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada difaaca shacabka kaddib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn kulahaa hoggaaminta dagaallada kooxda Khawaarijta ah, sida lagu sheegay qoraalka.

Howlgalka saddexaad oo 14-kii Agoosto ka dhacay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay Khawaarijtu si xad-dhaaf ah ugu soo rareen saanad ciidan, kaas oo ay u wadeen maleeshiyaad qorsheynayay inay carqaladeeyaan amniga degmada Ceeldheer, Ciidanka NISA ayaana ku guuleystay in guud ahaan la gubo gaarigii iyo saanaddii uu siday taas oo fashilisay dhagartii argagixisada.

NISA ayaa intaasi kusii dartay inay sii wadi doonto beegsiga kooxaha Khawaarijta, si looga xoreeyay deegaannada ay ku sugan yihiin ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Howlgallada ayaa xoogooda haatan waxa ay ka socdaan Shabeellooyinka, Hiiraan iyo Galgaduud oo mar kale ay xoogga soo saareen Al-Shabaab oo dib u qabsaday deegaanno horay looga xoreeyay, kadib markii ay kasoo baxeen ciidanka dowladdda iyo Macawiisleyda.

Go’aan ay qaadatay Kuwait oo ka dhan ah Israa’iil oo si weyn loogu ammaanay

Kuwait (Caasimada Online) – Go’aankii dhawaan ay dowladda Kuwait ku oggolaatay dhammaan muwaadiniinta caalamka inay soo galaan dhulkeeda, iyadoo si gaar ah uga reebtay dadka haysta dhalashada Israa’iil, ayaa helay bogaadin ballaaran iyo falcelin togan oo ka timid heerar rasmi ah iyo kuwo shacbi ah, waxaana arrintaasi si weyn loogu faaqiday baraha bulshada.

Suxufiyiin iyo u dhaqaaqayaal la hadlay Quds Press Khamiistii waxay sheegeen in tallaabadani ay ka tarjumayso siyaasadda joogtada ah ee Kuwait ee taageeridda shacabka Falastiin iyo diidmada taariikhiga ah ee ay ku leedahay xiriir kasta oo lala yeesho gumeysiga Israa’iil.

Waxay xuseen in go’aankani uu muujinayo sida Kuwait ugu dheggan tahay sharciyada qaranka iyo kuwa caalamiga ah, isla markaana uu ka tarjumayo mowqifkeeda qoto dheer ee bani’aadannimo iyo siyaasadeed ee ku saabsan qadiyadda Falastiin.

Wariye iyo qoraa reer Kuwait ah, Waleed Al-Ahmad, ayaa sheegay in go’aankani uu waafaqsan yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee muddada dheer Kuwait ku taageeraysay Falastiin tan iyo aasaaskeeda, isagoo carrabka ku adkeeyay in Kuwait ay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday Falastiin isla markaana taageeray bilowgii halgankeeda ka dhanka ah xoogga gumeysiga.

Al-Ahmad ayaa intaas ku daray in mamnuucista dadka haysta dhalashada Israa’iil inay soo galaan Kuwait ay ku saleysan tahay sharciyo la meel mariyey tan iyo xornimadii dalka ee 1961, gaar ahaan Sharciga Lambar 21 ee 1964 ee lagu xayiray hay’adda Israa’iil.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Kuwait waxay sanadkii 1988 ku dhawaaqday inay aqoonsan tahay Dowladda Falastiin oo Bariga Qudus caasimad u ah, taas oo caddeyneysa taageerada joogtada ah ee ay u hayso shacabka Falastiin iyo mowqifkeeda aan gorgortanka lahayn ee ka dhanka ah gumeysiga.” 

Sawirro: Xubno ka goostay maleeshiyada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay NISA

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidanka Nabad-sugidda ee ka howl-gala deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay xubno ka soo goostay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo iska soo dhiibay magaalada Baydhaba.

Kooxda isa soo dhiibtay oo ka kooban illaa 4 xubnood, kana soo goostay Khawaarijta ayaa lagu soo bandhigay xarunta Taliska Hey’adda Nabad-sugidda ee magaaladaasi, waxaana la shaaciyay sawirradooda.

Sida ay sheegtay hay’adda, raggaan isa soo dhiibay maanta ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen wax ay ugu yeeraan Jabhadaha iyo Dabagalka, dhammaantoodna waa wada dhalinyaro, sida laga dheehan karo muuqaalka iyo sawirrada ay baahisay NISA

“Dhamaan isasoo dhiibayaashan oo ka tirsanaA qeybta jabhada khawaariijta ayaa isku soo dhiibey NISA kadib markey dhibaatada khawaarijta ay ku hayaan  shacabka iyo dagaalada lagu afjaraayo khawaariijta ay usoo dulqaadan waayeen” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Xubnahan isasoo dhiibey ayaa dowlada iyo shacabka ka codsadeen in la cafiyo si ay ula midoobaan bulshada”.

Qaar kamid ah ragga isa soo dhiibay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen xaaladda adag ee ay wajahayaan ee ka dhalatay howl-gallada culus ee ay wadaan ciidamada xoogga dalka, kuwa dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

Sidoo kale waxay sheegeen inay uga soo baxeen kooxda Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, sida ay sheegeen wareysiyada laga qaaday.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar falal argagixiso ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi, inkastoo haatan deegaanada qaar laga fuliyay howlgallo lagu cuuryaamiyey maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka scoda gulufka ka dhanka ah kooxaha argagixsada, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in gebi ahaan looga xoreeyo dalka oo dhan.