25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Shidaalkii gobolka Banaadir oo lagu kala iibsanayo suuqyada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka gaabinaayo la xisaabtanka Guddoomiye waaxwwdyada Maamulka.

Wararku waxa ay sheegayaan in xisaabtan la’aanta ka jirta Xarunta maamulka ay sababtay in Guddoomiye waaxeedyada Xarunta maamulka ay ku tagrifalaan Hantida Qaranlka oo aan xiligaani la xisaabin.

Sargaal ka tirsan Guddoomiyayaasha oo ka gaabsaday adeegsiga magaciisa ayaa xaqiijiyay in Shidaalka Gobolka lagu kala iibsanaayo goobaha lagu iibiyo Shidaalka ee magaalada Muqdisho.

Sargaalkaani ayaa xaqiijiyay in Shidaalka Gobolka lagu shubu Suuqyada lagu iibiyo Shidaalka waxa uuna cadeeyay in shaqsiyaad gaara oo ka tirsan Keydka Shidaalka uu arrintaani heshiis hoosaad kula galay ilaa 6 Kaalin shidaal kuwaa oo dhaqaale jaban lagu siiyo Shidaalka loogu tallo galay inay isticmaalan mas’uuliyiinta maamulka iyo shaqaalaha.

Waxa uu intaa ku daray in Shidaalka lagu cabeeyo Gaagadaha waaweyn kuwaa oo xiliyada Habeenkii loo daad gureeyo Suuqyada lagu iibiyo Shidaalka sida uu xaqiijiyay Sargaalka.

Keydka Shidaalka ayaa la sheegay inuu gacanta ku hayaan Shaqsiyaad ay qaraabo dhow yihiin Guddoomiyaha Gobolka kuwaa oo lagu naas-nuujinaayo Hantida Qaranka.

Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa kusii kordhaaya ku tagrifalka Hantida Qaranka oo aan maamulka u xiisabsaneyn, waxaana jira cabashooyin kasoo yeeraya Shaqaalaha maamulka oo aan mushaar qaadan muddo 5bil oo xiriir ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhaqaalaha ugu badan dalka uu gacanta u galo maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Amaanka Madaxtooyada Hirshabelle oo la adkeeyay iyo cabsi soo food saartay Cosoble

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyay amaanka Madaxtooyada maamulka Hirshabelle kadib markii ay baqdin soo foodsaartay Hogaamiyaha maamulka.

Ciidamo ku dhow 50 ayaa lagu biiriyay ilaaladii hore ee Madaxtooyada kuwaa oo lagu daadiyay dhammaan gudaha iyo daafaha Madaxtooyada si ay u sugaan amniga Madaxtooyada.

Ciidamada ayaa is hortaagaya gaadiidka Xildhibaanada ee doonaaya inay gudaha u galaan Madaxtooyada, waxaana la sheegayaa in amarka lagu deynaayo laga dalbo Xafiiska Madaxweynaha iyo Agaasinka Madaxtooyada.

Hogaamiyaha ayaa si KMG ah u mamnuucay in Madaxtooyada ay booqasho ku imaadan tirro Xildhibaano ah kuwaa oo loo aqoonsaday inay yihiin qaswadayaal kasoo horjeeda hanaanka lagu ambaqaadayo dhismaha maamulka.

Xildhibaanada la diiday inay galaan Madaxtooyada ayaa wada abaabul Mooshin looga keenaayo Golaha Wasiirada ee shalay la ansixiyay.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha maamulka ayaa cashar ka bartay weerarkii Bambaano ee Habeen hore lagu qaaday Madaxtooyada xili uu halkaa ku sugnaa.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

[email protected]

Sidee looga hortagi karaa musuq lagu sameeyo laagaha deeqaha abaaraha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii abaaro daran laga soo sheegay deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka tirsan ayaa waxaa isa tarayay gurmadka iyo balanqaadyada loo sameynayo dadka abaaraha ay saameeyeen.

Waxaa jira shaki badan oo dadka Soomaaliyeed ay qabaan, taasi oo ku aadan cidda mar walba alagu aaminayo lacagaha la doonayo in wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Kalsoonida darada ay shacabka Soomaaliyeed isku qabaan ayaa korortay sanadihii ugu dambeeyay ee uu dalka ku jiray burburka iyo colaadaha sukeeye, taasi oo sababtay in shacabka Soomaaliyeed ay gaaraan heer ay dadkii isla dhashay is aamini waayaan.

Haddaba Sidee looga hortagi karaa musuq maasuq lagu sameeyo lacagaha abaaraha loogu yaboohayo ?

Waxaa jirta in diinteena Islaamka ay na fareyso amaanada laguugu dhiibaa ruux kale inay tahay inaad u gaarsiisaa sida ay aheyd, waxaana midda koowaad ee arintaan looga hortagi karaa ah tahay in la raaco awaamiirta diinta Islaamka.

Waxaa qodobka labaad uu yahay in la sameeyaa isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan qaabka loo bixinayo lacagaha kala duwan ee kasoo xarootay ummada Soomaaliyeed, iyadoo lasoo bandhigayo xitaa lacagaha ku baxa gaadiidka ay adeegsanayaan gudiga gurmadka abaaraha.

Waxay taasi dhalin doontaa is aaminaad tii ugu weyneyd oo ay isku qaadaan dadka looa deegayo iyo dadka adeegayaba.

Sida ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan magaalada Marko, waxaa xabsiga la dhigay masuuliyiin lagu tuhmay inay musuq maasuq ku sameeyeen kumanaan doolar oo loogu talo galay dadka ku dhibaateysan gobolka Shabeelaha Hoose.

Arintaasi ayaa waxay abuurtay dhiiranaan kale oo shacabka Soomaaliyeed ay ku dhiiran karaan inay lacagahooda ku amaaneysan karaan dadka masuuliyiinta u haya, haddii sidaasi loola xisaabtamayo.

Dowladda madaxweyne Farmaajo waxaa horyaala wax ka qabashada musuq maasuqa baahay eek a jira gobolada dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Qarax ka dhacay Muqdisho iyo weriye caan ah oo dhaawac culus uu kasoo gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax culus ayaa goordhow ka dhacay degmada Xamar weyne gaar ahaan agagaarka Masaajidka Marwaaz.

Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay mid ka mid ah Shaqaalaha Universal TV oo lagu magacaabo C/xamiid Karazaay oo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac culus.

Weriyaha dhaawacmay ayaa ahaa Sawir qaade ka tirsan Qeybta Tifaftirka Muuqaalladda ee Xafiiska Telefishinka Universal ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa Seddex ruux oo ku sugnaa goobta kuwaa oo xiliga Qaraxa ku dhawaad gaariga.

Qaraxa kadib sida caadaduba aheyd waxaa goobta gaaray Ciidamada dowladda waxaana ay goobta ka qaadeen dhaawaca Cabdixamiid iyo sidoo kale labo qof oo kale.

Qaraxaani ayaa daba socda Qaraxyo dhowr ah oo maalmihii ugu danbeeyay lala eeganaayay Shaqaalaha iyo dadka shacabka oo loogu xiraayay gaariga.

Kheyre oo soo saaray amar lagu joojinayo howlo ka socdo Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amray in la joojiyo dhismayaasha ka socda Nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa lagu amray Joojinta Dhismayaashaasi.

Sidoo kale waxaa lagu amray in la joojiyo bixinta dhulalka ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Afar ruux oo gaajo iyo haraad ugu geeriyooday duleedka Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada abaarta ee ka jirta deegaanada Mudug ay kasii dareyso.

Xaalada abaarta ayaa sababtay in dadka qaarkii ay u dhintaan biyo iyo baad la’aanta, waxaana ilaa hadda la sheegayaa in ku dhawaad 4 ruux ay u geeriyoodeen.

Dadka abaarta u geeriyooday ayaa la sheegayaa inay ku sugnaayeen deegaan ku yaala duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Gaajada iyo haraadka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxay ka taagnaayeen deegaano badan oo Soomaaliya ah, waxayna abaarta ay saameysay inka badan 50% shacabka Soomaaliyeed.

Afarta ruux ee u geeriyootay abaarta ayaa waxaa kamid ahaa hooyo iy wiil yar oo ay dhashay, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay la sheegay ineysan helin biyo baad.

Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya ayaa laga baqayaa inay macluul isku badalaan, waxaana ay abaarta saameysay dad aad u badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qaar ka mid ah dalalka Yurub oo billaabay tallaabo ka dhan ah dadka Turkish-ka

Madax ka tirsan dhowr waddan oo Europe ku yaala ayaa diiday in isku-soobax lagu taageerayo siyaasiyiinta Turkiga ee aftida u raadinaya in dastuurka dalka wax laga baddalo.

Duqa magaalada Rotterdam ee dalka Holland ayaa yiri “Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkey Mevlut Cavusoglu kuma qaban karo wax isku soo bax ah Hoolka weyn ee ku yaalla dekedda Rottendam sababo ammaanka khuseeya awgood.”

Waddamada Austria & Switzerland ayaa iyaguna tallaabo caynkaas ah qaaday.

Arrintan ayaa kasoo curatay markii dowladda Germany ay diiday isku-soobax afti loogu raadinayay in dastuurka dalka Turkey wax laga baddalo laakiin Berlin ay diiday taasoo sababtay in Mr, Erdogan uu ku tilmaamo dowladda Germany inay leedahay dhaqankii NAZI.

Hadalkaasi wuxuu sababay in mustashaarka Germany Angela Merkel ay hadalka Erdogan kaga jawaabtay “Maaha wax la aqbali karo.”

Xisbi-xaakimka Turkiga ayaa cod u raadinaya in madaxweyne Erdogan lasiiyo awood dheeraad ah, taasoo ay siyaasiyiinta AK-Party ay dibadda & gudaha waddankaba cod ugu raadinayaan aftida la qaadi doono 16 April.

Xisbigu wuxuu bartilmaameedsanayaa dad Turki ah oo ku kala nool Europe oo ay ku jiraan 1.4 milyan oo deggen Germany.

Duqa magaalada Rotterdam Ahmed Aboutaleb ayaa isagoo warfidiyeennada la hadlaya wuxuu yiri, “Waa diblomaasi xil naga mudan, waxaan ula dhaqmi doonaa si xushmadi ku jirto, laakiin waxaan leenahay sharciyo xannibaya isku imaatinka goobaha caamka ah.”

Xiriirka ka dhexeeya Turkey & Europe ayaa meel xun gaaray wixii ka dambeeyay afgabigii dhicisoobay dhiiguna ku daatay ee dhacay 15kii Julay sanadkii hore.

Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway
[email protected]

Ciidamo Gadoodsan oo lagu arkay waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya wadada maka Al-Mukarama ciidamo ka tirsan Militariga dowladda Federalka Soomaaliya oo ka cabanaya mushaar la’aan ayaa isugu soo baxay qaybo ka mid ah wadadaasi.

Ciidanka qaar ayaa u dhaqaaqay dhanka xaafadda Buulo Xuubey, gaar ahaan Suuqa Buulo Xuubey oo ganacsigii ay joojiyeen.

Halka qaar kale ay u soo dhaqaaqeen dhanka wadada Maka Al-Mukarama, iyaga oo tiro badan ayaana lagu arkay Isgoyska Soobe, KM4 ilaa iyo Dabka.

Dad goobjoogayaal ah oo arkay ciidamadan ayaa sheegay ciidanka inaysan wax dhibaato u geysan dadka shacabka ah, balse ay ahaayeen ciidan muujinaayay mushaar la’aanta haysata.

 Tan iyo markii madaxweyne loo doortay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa jirtay rajo iyo farxad ay qabeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa madaxweynaha marka uu xilka qabtay uu bixiyay qaar kamid ah mushaaraadka ay lahaayeen ciidamada booliska Somaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Ciidamada DF oo wariye ka tirsan warbaahinta dowladda Jirdil u geystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye ka tirsan warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigay sawiro uu sheegay iney yihiin jirdil ay u geysanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wariyaha oo lagu magacaabo Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa sheegay in ciidamo ku sugan meel ku dhow hoygiisa ay jirdil iyo waxyeelo kale isugu dareen.

Wariyaha oo ah tafaftiraha wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u muuqday mid gacmaha laga xiray oo dhulka lagu jiidayo.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowlada Soomaaliya, lamana oga sababta ka dambeysay in jirdilkaasi loo geysto tafaftiraha SONNA.

Xukuumadda cusub ee la naawilayo: Mid tisqaada mise dhicis noqota ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay Xildhibaanadda BFS bishan March 1-dii Codka Kalsoonida siiyeen Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa la hadal-hayaa Nooca Xukuumadda ee la soo dhisayo, Tiradda iyo Tayadda Wasiiradda yeelan doonaan iyo haddii ay noqonayso Xukuumad Wadaag Qaran.

Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ayaana mashquul noqday, waxaana la sheegay inay 300 Codsiyo Xilal-Wasiir dul dhooban yihiin Miiska Xoghaynta RW Kheyre.

Waa Imtixaan Siyaasadeed la soo wada eegyo, Indha-indheyn iyo Falaanqeyn badan ayaana lagu qiimeynayaa Xulashadda Golaha Wasiiradda iyo sida la isku waafijin karo Nidaamka Awood-qeybsiga Siyaasadeed.

Ma sahlana in maalmo kooban lagu soo bandhigo Liiska Xukuumadda Cusub, waxaana loo baahan yahay in doc kasta laga eego Saami-qeybsiga Golaha Wasiiradda iyo Tayada Murashixiinta Heerka Wasiir.

Guux-siyaasadeed ayaana durbadiiba bilawday, waxay Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Maamul-gobaleedyadda galka kala baxeen Seefta, waxayna ka war dhowrayaan Magacaabista Xukuumadda.

In la marxabeeyo Xukuumadda Cusub ayaa rajo kooban leh, waxaana aad loo hadal-hayaa in 90% lagala hor imaan doono Looma Dhama Golaha Wasiiradda iyo Beelaha la soo mutuxan Xubnaha nala siiyey waa sed quursi leh, waana hab-dhaqan lagu soo waayo qaatay.

Marka si hoose aad ula sheekeysato Siyaasiyiinta geed-fadhiga u ah Beelaha, waxa uu mid kasta kuu sheegayaa in Xilka Wasiir ee ay ku qanacsan yihiin kuw Heerka 1-aad, taasi oo ay ula jeedaan Wasiiradda miisaanka Siyaasadeed leh, sida Arrimaha Gudaha, Dibedda, Difaaca, Amniga Qaranka, Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka.

Dhamaan waxaa indhaha lagu hayaa Xilalkaasi, waxaana jira Beelo iyagu asteystay dhowr Wasiir oo muhiim ah iyo kuwo Hankooda ku kooban yahay Wasiir keliya aan ka helno Xukuumadd Cuusb.

Ilo ku dhowdhow Madaxtooyadda ayaa sheegayo in la dhisayo Xukuumad ilaa 25 Wasiir, oo ay ku sidkan yihiin Ku-xigeeno Wasiir iyo Wasiir-dowlayaal, wuxuuna RW Kheyre La-tashiyo la yeeshay Odayaasha Dhaqanka oo uu ka dalbaday inay u soo gudbiyaan Xubnaha uga mid noqdo Golaha Wasiiradda, oo aysan ka soo daba hadli karin.

Qaar ka mid ah Odayaashaa Dhaqanka ayaa iyagu ku celiyey RW Kheyre inuu isagu Beelahooda u soo magacaabo, taasi oo u muuqata Hal-xiraale Siyaasadeed.

Wasiiradda Qurba-jooga iyo kuwa Qaran-jooga ayaa waxa iyagana ka dhex taagan Loolan, waxayna Qurbo-joogta Codsiyada Khibradooda ku lifaaqayaan Nuqulka Aqoonsiga Muwaadinimo ee ay ka haystaan dalalka Reer Galbeedka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Xukuumadda Cusub miisaan xooggan ku yeelan doonaan Qurba-joogta, sida ay haatanba ugu xooggan yihiin Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka.

Dhinaca kale, Gorgortan kale ayaa waxa uu feer socda Xilalka Wasiirnimo, waxaana aad loo hadal-hayaa Xilalka Taliyayaasha Ciiddamadda Qaranka, Maareeyayaal, Guddoomiyayaal Hay’addo, Bangiydda, Agaasimayaal Guud, Danjirayaal iyo Hay’adaha kale ee Dufanta iyo Miisaanka iyo magaca leh.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in RW Kheyre ku jahwareeri karo Talooyinka iyo Xulashadda Xukuumadiisa, iyadoo la dareemi karo inay RW mowjado badan ku faruuran yihiin, laguna cadaadin karo Wasiiro boosas loo raadinayo, kuwaasi oo ka madax bannaan Xulashadda Beelaha.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Xilliga lagu dhawaaqi doono Xukuumadda Cusub iyo Fursadaha ay ku hanaqaadi karto ama ku dhicisin karto Xukuumadda cusub.

Xigasho: Idaacadda Dalsan

Talo la xiriirta gobolka Banaadir oo loo jeediyey madaxda DF

8dii bishii 2aad waxaa dalka doorasho rabitaan shacab lagu doortay Madaxweyne Farmaajo iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay muujiyeen farxad wayn oo dal iyo dibad.
Waxaan anigu kamid ahaa shacabkii isbedelkaa ku faraxsanaa taasoo aan aragti ahaan ii muuqatay in laga maarmaan ay tahay in lahelo dowlad katurjimaysa rabitaan shacab.
Dulucda hadalkayga  –
Mudane Madaxweyne iyo Mudane Reysul wasaare  dalku waa federaal tastuurkiisanu waa qabyo, waxaan jeclaan lahaa in aad ila wadaagtaan talooyinkan:-
Muqdisho waa caasimadda umadda Soomaliyeed waana magaalo ay ku nool yihiin shacab lagu qiyaasay 4milyan.
Muqdisho waxay tabanaysaa cadaalad darro taasoo ay tabanaysay muddooyinkii lasoo dhaafay.
Muqdisho waxay leedahay xildhibaano katirsan dowladda dhexe kuwaasoo kaduwan kuwii horay u matali jiray.
Waxaan wada tashiyo iyo kulamo badan kadib aan jeclaystay in taladaaa ay ila wadaagaan madaxda taasoo aan rajjaynayo in ay gaari doonto.
Muqdisho waxaa maamulkeeda laga xiray Accounkii iyadoo aan laxirin Acconnadii gobollada kale ee dalka maadama ay maamul ahaan ama Dowlad goboleed ahaan awood qaybsiga ay xuquuqdooda ku heleen, halka Muqdisho ay helin cadaaladda ay heleen gobollada dalka cadaaladdaa ay heleen.
Waxaan si cod dheer ah ugu gudbinayaa madaxda sare dalka in wax waliba ee quseeya caaaimadda Muqdisho laga samaynayo ay xuquuq u leeyihiin Xildhibaannada kasoo jeeda iyo tallaabo waliba ee kusaabsan hoowlaha  gobalka banaadir.
Gabagabadii 
Hadii madaxda dalka aysan wada tashiyo lasamayn Xildhibaannada kasoo jeeda gobolka banaadir waxay dhalin doontaa sharci jabin kamid ah taatuurka dalka taasoo aanan u wanaagsanayn hagaajinta iyo awood qaybsiga dalka.
Mahadsanidiin
W/Q: Hassan Abdikadir Mudey.

Gaas oo si kale u dhigay heshiiska Imaaraadka kula wareegeen dekedda Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa si cad u sheegay in Puntland ay garaneyso waxa Maslaxada ugu jira iyo wixii aan maslaxad u aheyn waxa uuna ka digay in la Siyaasadeeyo qorshaha lagu taabagalinaayo Dekadda Boosaaso.

Waxa uu sheegay C/wali Gaas in Maamulka Puntland uusan iibin Dekadda Boosaaso, balse dayactirka iyo Horumarinta Dekadda ay la kaashanayaan Dowlada Imaaraadka oo weli uu u socdo heshiiska lagu taabagalin lahaa Dekadda.

Waxa uu tilmaamay in Puntland ay dhibaato kala duwan ku qabto Dekadda Boosaaso waxa uuna tusaale usoo qaatay in Maraakiibta waaweyn ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan xirashada iyo in Maraakiibta ay ku adagtahay inay dajiyaan rarka ay wadaan.

Heshiiska ay la galeen Imaaraadka ayuu sheegay inuu yahay mid KMG ah isla markaana uu socon doono muddo gaaban si Puntland ay ula wareegto Dekadda oo dhinac waliba ka dhameystiran.

Wuxuu sheegay in dowladda Imaraadku ay Puntland ka caawinayso ballaarinta iyo dhismaha Dekeda Bosaso oo ah dekeda yar oo 30 sanno ka hor la dhisay, taasi oo uu sheegay in balaarinteedu ay ka qaybqaadan doonto horumarka iyo koboca dhaqaale ee Puntland.

”Dowlada Imaaraadka waa Dowlad aanu walaalo nahay waxa ay nala jecleysteen dhismaha iyo taabagalinta Dekadad Boosaaso, Puntland iyaduna wey soo dhaweysay waayo muddo farabadan ayaan dhib ku qabnay Dekadda”

Haddalka C/wali Gaas ayaa u muuqanaaya mid lagu difaacaayo Heshiiska qarsoodiga ah oo ay la galeen Dowlada Imaaraadka oo Siyaasad ahaan qorsheyneysa inay gacanta ku dhigto dhammaan Kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa kusoo kordhay Markabkii siday shixnada ganacsi ee kusoo caariyay dekadda Muqdishu?

Muqdisho (Caasimada Online)-Markab waday shixnad ganacsi ah ayaa galabta kusoo caariyay xeebaha Dekadda magaaladda Muqdisho.

Markabkan oo magaciisu yahay MSC Postano ayaa la doonayay inuu ku soo xirto Dekeda, waxa uuna la fadhiistay cilad kasoo foodsaartay dhinaca Matoorka.

Saraakiisha Dekadda magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay aad u yartaha rajada laga qabo in lagu badbaadiyo Markabka oo qeybo kamid ah uu degay, waxaana la sheegayaa in maamulka Dekadda uu ku dadaalayo badbaadinta Hantida saaran Markabka.

Markabka ayaa iminka sabeynaya xeebta meel u dhow Isbitaalka Martiini iyo Xabsiga Muqdisho, waxaana badda oo biyo yar darteed ay suura geli la’dahay in loo jiido dhanka Dekeda.

Saraakiisha Dekadda ayaa sidoo kale, sheegay in Markabka ay isku kaashteen Dabeylo iyo Cilada Matoorka waxa ayna tilmaameen in quus laga taagan yahay badbaadintiisa maadaama aysan Dowladu heysan qalabka lagu badbaadiyo Maraakiibta.

Maamulka Dekadda, gaar ahaan Shirkada Albeyrak, ayaa lagu dhaliilay in wali aysan keenin biraha waaweyn oo ay ku xirtaan Maraakiibta, iyagoo ku mashquulay dhismaha caadiga ah.

Dekeda Muqdisho ayaan wali helin dayactir ballaaran waxa ayna taa soo dadajisay in Maraakiibta qaar aysan soo gaarin goobaha lagu xirto, halka qaarna ay Doonyo kusoo raraan alaabaha ay wadaan goortii ay soo gaaran meel ku dhow Dekadda.

Dhinaca kale, waxaa sidaa oo kale Xeebaha Somalia ku ciladoobay Maraakiib dhowr ah oo waayay agabkii ay ku xiran lahaayen ama lagu badbaadin lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gaas: Farmaajo waa saaxiibkey ma aha inuu kala fadilo shacabka iyo BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay talaabooyinka looga baahan yahay Dowlada Somalia ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in isbedelka iyo waxqabadka laga doonaayo Madaxweynaha iyo Xukuumadda Cusub ee Somalia, uu yahay mid ka duwan kuwii ay horay u sameeyen Dowladihii isaga ka horeeyay.

Waxa uu sheegay in shaqada ka dhexeysa Madaxweynaha iyo Xukuumada cusub loo baahan yahay inay noqoto mid ku xiran sida ay xiriir dhow oo wadashaqaynayd ula yeelan lahaayen Barlamaanka Federaalka iyo dowladda Goboleedyada Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

C/wali Gaas wuxuu tilmaamay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay in xiriir dhow oo wadashaqaynayd la yeesho Madaxweynaha iyo Xukuumadda cusub ee Somalia, waxa uuna cadeeyay in Dowladaani ay uga duwan tahay Dowladihii hore maadaama ay kalsooni ka heysato Baarlamaanka iyo Shacabka.

”Farmaajo waa Madaxweyne aan saaxiib dhow nahay horay waan usoo wada shaqeynay hadana waan wada shaqeyneynaa waxaan u baahanaha inuu la imaado isbedel iyo xiriir dhow Puntland waxa ay garab boodi doontaa Dowlada”

”Farmaajo cidda la rabo inuu xiriir dhow la yeesho waa Barlamaanka, ma aha Shacabka, waxaan kula dardaarmayaa inuu xoojiyo xiriirka Xildhibaanada halkii uu ka xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya Shacabka”

”Madaxweynuhu inuu shacabkiisa ku xiran yahay waa fiican tahay, laakiin shaqada dowladnimo cida ay dhexmarayso, cida isbedelka samaynasa, dastuurka wax ka bedelaysa ee dhamaystiraysa waa Barlamaanka iyo gudayadiisa” ayuu yiri

”Maadaama uu saaxiibke yahay waxaan jeclaaday inaan u sheego waxa horyaal iyo sida loo fulin lahaa, waayo tallo kama maarmo xiligaani”

”Waxaan rajeyneynaa inuu xoojin doono xiriirka Barlamaanka aqal hoose iyo aqal sare, Garsoorka, gollaha xukuumadda iyo maamul goboleedyada”

C/wali Gaas waxa uu mar kale ku celshay inay wada shaqeyn dhow la yeelan doonaan Dowlada Somalia iyo Xukuumada la filaayo in gudaha Asbuucaani lagu dhawaaqi doono waxa uuna meesha ka saaray in Puntland ay ka hor imaan doonto Dowlada, xili uu Waraysi gaar ah siinaayay Barnaamijka Deparani show ee Somalicable.

Hogaamiyaha maamulka ayaa sanadihii ugu danbeeyay aad kaga soo horjeeday Dowladihii ka horeeyay Farmaajo waxa uuna inta badan dhaliil ka muujin jiray qaabka ay howsha u wadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaafiic lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho & Khasaaro ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xaafado ka tirsan Degmada ay ku dhaceen dhowr Madaafiic ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ilaa Seddex Madaafiic ay ku dhaceen qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Madaafiicda ugu badan ayaa ku dhacday Agagaarka Kulliyadda Jaalle Siyaad, waxaana la sheegayaa inay ku dhaawacmeen dad shacab ah.

Bartilmaameedka Madaafiicda ayaa la sheegay inuu ahaa Kulliyadda Jaalle Siyaad oo xiligaasi ay ku sugnaayen Ciidamo garabadan oo loo diyaarinaayay howlgal.

Madaafiicdaani, Qarxyada iyo dilalka ayaa qeyb ka ah amni darida maalmahaani ka taagan magaalada Muqdisho.

Lama oga tirada saxda ah ee waxyeelada ay kasoo gaartay Madaafiicda, inkastoo dadka deegaanka ay sheegen in Madaafiicda kadib ay halkaasi gaaren gaadiidka gurmadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxkamad Somaliland ku taal oo xukun adag ku riday Malxiisadii ninka noqotay

Hargeysa (Caasimada Online)-  Waxaa maalmihii ugu dambeeyey Somaliland ka taagneyd arrintii ugu yaabk badneyd ee ka dhacdo gudaha Soomaaliya inta la xasuusto markii uu nin malxiis iska soo dhigay uu dhawr maalin aroos ka bixiyey gabar iyo will is aroosay.

Arrintaan ka dhacday Somailand ayaa timaaday markii uu ninkii arooska ahaa uu ogaaday maalmo kadib nin qofka malxiiska u noqoday kadibna arooska ka bixinayey inuu yahay nin rag ah oo naag iska soo dhigay wuxuuna dacwad u gudbiyey maxkamadda.

Haddaba maxkamadda ayaa soo xirtay aroosadii iyo ninkii malxiiska ahaa ee iska dhigay naagta waxaan maanta si rasmi ah go’aan looga gaaray arrintoosa.

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamada Gobolka Maroodi jeex Maanta ay xukuno kala duwan ku ridey Malxiisadii ninka noqotay iyo Aroosaddii uu la socday iyo gabar kale.

Maxkamaddu ayaa ku xukuntay Aroosaddii ninku uu u noqday malxiisadda Laba Sanno oo xarig ah,halka ninkii Malxiiska ahaa ee gabadha iska dhigayna lagu xukumay Hal Sanno iyo Lix bilood oo xarig ah.

Waxaa sidoo kalena wararka ay sheegayaan in maxkamaddu ay xukun ku riday gabar lagu soo eedeeyey inay gacan siisay dadkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

 

Faarax Macalin oo Muqdisho u imaaday sidii uu faragelin ugu sameyn lahaa golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online)-   Faarax Macalin waa siyaasi kasoo jeedo dalka Kenya wuxuuna soo gaaray magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka hoose oo ay heleyso Caasimadda Online wuxuuna ka qeyb noqon rabaa shaqsiyaadka faragelinta ku sameyn rabo magacaabista golaha wasiirada.

Faarax Macalin oo ah xubin kamid ah Baarlamaanka Kenya sidoo kalana horey mar u noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka, halka uu hadda ka tirsan yahay xisbiga mucaaradka Kenya.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan dowladda Soomalaiya ayaa kuso dhaweeyey garoonka diyaaradaha Adan Ade, waxaayna dadka soo dhameeyey hor kacayey xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, C/qaadir Maxamuud Dhaqane iyo koox kale oo kamid ah isbaheysigii Asmara ee haraadigii maxkamadaha.

Wuxuu si lama filaan ah oo weliba deg deg ah tagay Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre si uu halkaas kulamo ula qaato Kheyre waxaana la filayaai nuu faragelin ku sameeyo magacaabista golaha wasiirada.

Markii xilka loo magacaabay Kheyre ayaa si weyn waxaa arrintaas usoo sameeyey  Faarax oo la aamisan yahay inay yihiin laba shaqsi oo aad isugu dhaw.

Ujeedka ugu weyn ee uu Faarax Muqdisho u imaaday ayey xogta sheegeysaa inay tahay sidii uu faragelin toos ah ugu sameyn lahaa magacaabista golaha wasiirada, wuxuuna sidoo kale qorsheenayaa inuu halmabalyo ku aadan magacaabista Kheyre uu u gudbiyo madaxweyne Farmaajo.

Wararka soo baxayo ayaa sheegayo inuu Faarax ololo weyn ugu jiro sidi ay golaha wasiirada uga soo muuqan lahaayeen shaqsiyaad kamid ahaa garabka  Asmara ee maxaakiimtii islaamiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kaalin intee la eg ayey Itoobiya ku leedahay Sababaha uu u guro iyo biyo xireennada Webiga Shabeelle?

Webiga Shabeelle waa webi ka soo bilaabma deegaannada sare ee Ethiopia, kaasi oo dhexmara koonfur bari wadanka Soomaaliya ilaa uu ka gaaro Badweynta Hindiya oo uu ku dhammaado.

Biyaha Webiga Shabeelle waa mid ku xiran curashada roobab mahiigaan ah, inta badan wuu guraa, wuu biya yareeyaa, hayeeshee xilliyada ay da’aan roobabka, webigu wuu buux dhaafaa,waxa uu si toos ah biyaha ugu daraa Webiga Jubba, halka Webiga Jubba isna uu ku daro biyahaasi Badweynta Hindiya.

Deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubada hoose ayaa ah barta Webiga Juba uu kula kulmo Badweynta Hindiya.

Soomaalida ayaa lagu sheegaa in aanay si wacan uga faa’ideysan biyaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle ee ku darsama badda, taasi oo ay ugu wacan tahay farsamo xumo, qorshe dari iyo ku tala-gal maaliyadeed oo aan jirin oo lagu fulinayo mashaariic, laguna hirgelinayo laamo, far biyoodyo, kannaalo waa weyn, biyo xireenno kala duwan oo dabka dhaliya iyo keydad biyo oo waraab ah oo lagaga gaashaanto biyo la’aanta, abaarta, haraadka iyo gaajada si gaar ah xilliyada aanu roobku da’in.

Mashaariic dab dhalineed oo hirgela waxa ay koronto ku filan gaarsiin karaan guud ahaan dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa looga faa’ideyn karaa dadyowga ku nool dalalka deriska ah si gaar ah Kenya iyo Djibouti.

Webiga Shabeelle waxaa loogu magac daray xayawaanka loo yaqaan Shabeel “Tiger”

Shabeel waa xayawaanka ugu yar bahda bisadaha oo ka kooban Afar xayawaan, kalana ah Batira, Libaax iyo Yagoor “Panthera, Lion and Jaguar”.

Shabeelku waa mukulaal weyn oo ku nool qaaradda Afrika si gaar ah koonfurta lama degaanka weyn “Sub-Saharan Africa”, qaar ka mid ah dalalka Asia koonfureed iyo bari, waxaana ka mid ah dalalkaasi Pakistan, India, Indonesia, Malaysia, China iyo koonfurta Jasiirad u ekaha Carbeed “Arabian Peninsula”.

Shabeelka Soomaaliya ayaa loo yaqaanaa “Pardus nanopardus”.

Soomaalida ayaa ah dad ku faana Shabeelka, waxa ayna u arkaan summad tilmaan u ah geesinnimo iyo naf hurnimo, waana midda loo cuskinayo in ay sabab u tahay in astaanta qaranka Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan.

Astaanta Qaranka Soomaaliya waxay ka kooban tahay, gaashaan buluug furan oo leh xidaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig cad oo shan geesley ah oo dheeh qalin ah leh. gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabiya oo ay labada geesaha ku yaalla ay kala qaaran yihiin, hareerahana waxaa ka haya laba shabeel oo dabiici ah oo isku beegan, kuna kala taagan laba waran oo isku waydaarsan caaradda hoose ee reste, ayna weheliyaan laba caleen cawbaar dabiici ah, diilin midab cad ah lehna ay ku qoofalan tahay.

Magaca Webiga Shabeelle, ayaa loogu magac daray illaa iyo laba ka mid ah seddexda gobol ee uu maro, waxayna kala yihiin Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Webiga Shabeelle oo ka soo burqada buuraleyda Ethiopia, kuna hoora Soomaaliya, ayaa biyahiisu yihiin mid xilliyeed, waxaa la waayaa waqtiyo kala duwan oo sanadka ah.

Webiga Shabeelle waxa uu daboolaa masaafo dhan 702 mile gudaha Ethiopia, halka gudaha Soomaaliya uu isaga tallaabo seddex gobol oo kala ah Hiiraan, Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Webiga Shabeelle waa webiga ugu dheer ee dalka Soomaaliya.

Gudaha dalka Soomaaliya, Webiga Shabeelle waxa uu dhirrkiisu gaaraa ilaa 1500 km. waxa uuna maraa magaalooyin, degmooyin iyo tuulooyin farabadan oo ku kala yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka, waxaana ka mid ah :

1-              Beledweyne

2-              Buulo Burte

3-              Jalalaqsi

4-              Mahadaay

5-              Jowhar

6-              Balcad

7-              Afgooye

8-              Sablaale

9-              Qoryooley

10-           Bariire

11-           Awdheegle

12-           Mubaarak

13-           Jannaale

Webiga Shabeelle oo ah roob suge, si la mid ah waxa uu helaa qulqul biyo oo joogta ah oo kaga yimaada dhowr webi oo ku taalla gudaha dalka Ethiopia.

Webiyadaas ayaa waxaa ka mid ah Era “Ere River”, Galetti “Galetti River” iyo Wabe “Wabe River”.

Webiga Era waa webi si joogta ah u shubma, kuna yaalla bariga Ethiopia, waxa uu ka soo kacaa meel u dhow Magaalada Harar, waxa uu ku qul qulaa dhanka koonfureed illaa uu la midoobo Webiga Shabeelle.

Webiga Galetti waa webi ku yaalla bariga Ethiopia, waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah biyo qul qullada uu helo Webiga Shabeelle.

Webiga Wabe waa webi ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Ethiopia, waa mid ka mid ah biyo qul qullada uu dhanka bidix ka helo Webiga Omo “Omo River, si la mid ah waxa uu ku qul qulaa Webiga Shabeelle.

Webiga Fafen “Fafen River” waa webi ku yaalla bariga Ethiopia, waxa uu u dhaqaaqaa dhanka bari ee Magaalada Harar, kadibna waxa uu u leexda jihada koonfur bari oo ku teedsan Webiga Shabeelle.

Webiga Fafen waxa uu ku biiraa Webiga Shabeelle xilliyada roobab xoogan ay ka da’aan dalka Ethiopia, inta badan qul qulka biyihiisu waxa ay dhammaadaan kahor inta aanu gaarin webiga.

Webiga Shabeelle waxaa hareereeya geedo waa weyn oo dhif iyo naadir ah, lehna dugaal la harsado.

Webiga Shabeelle waa mid dhuuban oo aad u dheer, balaciisu yar yahay, hoosna uma qodna, gudihiisa waxaa ka baxa geedo yar yar oo ay dugaashadaan jeerta iyo yaxaaska.

Webiga Shabeelle waxa uu marar kala duwan ku fatahay tuulooyin ku yaalla jiinka webiga, waxaanu horseeday geeri, barakac iyo bur bur hantiyeed.

Dadka Arsi “Arsi Oromo” oo ka mid ah Qowmiyadda Oromo iyo Dadka Sidamo “Sidamo people” oo loo yaqaan Shacabka koonfurta Ethiopia waxa ay weyneeyaan Webiga Shabeelle oo ku hareereysan geedo waa weyn oo dadkaasi ay tixgeliyaan, wax ayna ku sheegaan in sanadkii 1951 geedahaasi la xurmeeyo ay hoos-tagayeen maamulka nin Muslim ah oo ka soo jeeda Arsi.

Sanadkii 1989, Mengistu Haile Mariam, oo ahaa Gudoomiyihii Derg, Hogaamiyihii Golaha Milatariga Shuuciga, Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Shacbiga Itoobiya ” People’s Democratic Republic of Ethiopia”, ayaa isaga oo kaashanayay injineerro ka socday Midowga Jamhuuriyadaha Hanti wadaagga Soofiyeet-ka “Union of Soviet Socialist Republics” ayaa waxaa ay ka dul dhiseen biyo xireen dab dhalin ah oo loogu magac daray “Melka Wakena dam” ilo biyoodyada burqada ee Buuraha Bale ee ku hoora Webiga Shabeelle.

Biya xireenkaasi dab dhaliyaha ah oo lagu magacaabo “Melka Wakena Hydroelectric Power Station” waxa uu leeyahay awood dab dhalin oo gaareysa 153 megawatts oo u dhiganta (205,000 hp) waa in ku filan in ay koronto siiso 100,300 guri.

Buuraha Bale “Bale Mountains” waxaa kale oo loo yaqaanaa “Urgoma Mountains”, waxa ay ku yaallaan gobolka Oromia ee koonfur bari Ethiopia, koonfurta Webiga Awash “Awash River”, waa qeyb ka mid ah buuraleyda Ethiopia. Waxaa sidoo kale ka mid ah “Tullu Demtu” oo ah Buurta labaad ee ugu weyn dalka Ethiopia (4377 meters) iyo Buurta Batu (4307 meters).

Howl socotay muddo ka badan laba “2” sano, bilowgeediina uu lahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi ayaa Bishii March, 2016 Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya -DDSI- (The Ethiopian Somali Regional State) oo kaashaneysay Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Dimoqraadiga Itoobiya (Federal Democratic Republic of Ethiopia) waxa ay sheegtay inay dhammeystirtay dhismaha biyo xireen weyn, ayna dayactirtay mashruuca waraabka ee galbeedka Goday oo ku fadhiya dhul dhan 14 km, waxaana ay ku sheegtay in mashruucaasi ay ka faa’ideysan karaan 27,000 qoys , iyadoo dad badan oo xoolo dhaqato iyo beeraley ah dib u dejin loogu sameeyay degmada Beer Caano oo ku dhow degmada Goday, iyadoo ujeedka mashruucaasi lagu sheegay in lagu daboolayo baahiyaha nololeed, laguna hiigsanayo kobac dhaqaale oo lagaga baxayo saboolnimada iyo gaajada.

Shirkad fadhigeedu yahay Magaalada Addis Ababa, lana yiraahdo – Metals and Engineering Corporation “METEC”- iyo Wakaaladda dhismaha howlaha biyaha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay leexiyeen Webiga Shabeelle, iyagoo ka sameeyay halkaasi afar kannaal oo waa weyn oo waraabinaya dhul ku dhow 4000 Hectare oo ah beeraha bariiska, beeraha dadka dib u dejinta loo sameeyay, beeraha cilmi barista iyo beeraha iskaashatada.

Mashruucan ayaa sanadkii 2016 waxaa ka faa’ideystay dad gaaraya 4000 qoys, waxaana il biriqsigiiba uu soo tuuri karaa 46,000 litre oo biyo ah, iyadoo laga saaray caro ka badan 690,000 (cubic metre).

Mashruucan biya xireenka ah, laguna rakibay diinamooyin waa weyn ayaa dhaliyay dab koronto ah.

Labada biyo xireen ee Dowladda Ethiopia ay ku sameysay Webiga Shabeelle, ayaa caqabad ku ah xoolo dhaqatada iyo beeraleyda dalka Soomaaliya, iyada oo webigu guro si aan hore looga baran, waxaana taasi lala xiriirinayaa biyaha webiga oo la xiro bilo si loo buuxiyo biyo xireennadaasi.

Dowladaha Ethiopia iyo Soomaaliya oo ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhinacyo badan leh, weli kama wada hadlin in ay hab siman oo cadaalad ah uga faa’ideystaan biyaha, lana joojiyo isku day kasta oo lagu xanibi karo qulqulka biyaha.

Waa Hinqaastii : Ali Abdi Ali Hoshow

Twitter: @AliHoshow

Email: [email protected]

Xog: Dowlada Farmaajo oo u muuqaal eg mid yeelaneysa dhowr Ra’isul wasaarayaal & Faragalin dadban oo socta

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu xiligaani si toos ah uga tallo qaadanaayo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Somalia.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanadaasi wax ka weydiinaaya sida isbedel loogu sameyn lahaa Siyaasada dalka iyo Hanaanka xulista ee Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Tallooyinka Xildhibaanada ayaa la xaqiijiyay in miisaan ay ka leeyihiin dhanka Madaxweynaha isagoo inta badan Talooyinkaasi ka dhaqan galiyay Xafiiskiisa.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in Xildhibaanada qaar ay Madaxweynaha u hayaan shaqooyinkii loogu tallo galay Ra’isul wasaaraha sida arrimaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa Ra’isul wasaaraha ku amra fulinta tallooyinka kasoo baxa Xildhibaanada waxa ayna talaabadaasi muujineysaa in Dowladu ay yeelatay Ra’isul wasaarayaal dhowr ah, sababo la xiriira shaqooyinka Ra’isul wasaaraha oo ay dhinacooda kawadaan Xildhibaanada.

Sidoo kale, xulista Golaha Wasiirada ayaa waxaa kaalin ku leh Xildhibaano dhowr ah oo horay usoo doortay Farmaajo kuwaa oo bedelkooda Xukuumada cusub kusoo darsanaaya Shaqsiyaad ay iyaga wataan.

Dowladihii ka horeeyay Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu tilmaami jiray inay yihiin kuwo ka horeeya sharciga dalka, waxa ayna tani u muuqaneysaa mid durba dhinacyo kala duwan ka shaabaheysa Dowladihii hore.

Si dhab ah looma xaqiijinkaro dhibta ay talaabadaani ka dhex abuuri karto Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

(Dhacdo Cusub): Hal shardi oo waajib ku ah shaqsiyaadka ka mid noqon doona Wasiirada Xukuumada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa aadan horey u arag ayaad dabcan ka filaneysa xubnaha is badal doonka la baxay ee qabsaday xukunka Villa Somalia 8dii Febraayo.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo waqti kooban magacaaban ayaa wali ku mashquulsan xulista xubnaha ka mid noqnaya xukuumadiisa.

Laakiin xog aan ka helnay Villa Somalia ayaa u muuqata mid wax badan xiiso u yeeli doonta xukunka cusub ee madaxweyne Farmaajo.

Qof kasta oo laga aqbalo codsigiisa oo ay madaxda Dowladdu isku raacaan inuu wasiir noqdo waxaa laga rabaa inuu hantidiisa keeno guud ahaan, kadib waxaa lagu wareejin doonaa Bankiga dhexe kaas oo diiwaan galin doona, sidoo kalana la socon doona.

Waxaa dib loo  fiirin doona maalinta uu ka tagaayo xafiiska wixii kusoo kordhay hantidiisa waxaana laga rabaa inuu sharaxo wixii hanti dheeraad ah ee uu helay intii uu wasiirka ahaa iyo meesha uu ka keenay.

Arintaan ayaa la aaminsan yahay iney Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre doonayan iney kaga hor tagaan musuq maasuqa baahsan ee ka dhex jira wasaaradaha Dowladda Somalia.

Waa markii ugu horeysay oo Shuruud nuucaan lagu daro xulashada golaha wasiirada , Hantida wasiirka looma soo bandhigo doono dadweynaha iyo saxaafada.