25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Dowlada Farmaajo oo u muuqaal eg mid yeelaneysa dhowr Ra’isul wasaarayaal & Faragalin dadban oo socta

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu xiligaani si toos ah uga tallo qaadanaayo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Somalia.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanadaasi wax ka weydiinaaya sida isbedel loogu sameyn lahaa Siyaasada dalka iyo Hanaanka xulista ee Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Tallooyinka Xildhibaanada ayaa la xaqiijiyay in miisaan ay ka leeyihiin dhanka Madaxweynaha isagoo inta badan Talooyinkaasi ka dhaqan galiyay Xafiiskiisa.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in Xildhibaanada qaar ay Madaxweynaha u hayaan shaqooyinkii loogu tallo galay Ra’isul wasaaraha sida arrimaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa Ra’isul wasaaraha ku amra fulinta tallooyinka kasoo baxa Xildhibaanada waxa ayna talaabadaasi muujineysaa in Dowladu ay yeelatay Ra’isul wasaarayaal dhowr ah, sababo la xiriira shaqooyinka Ra’isul wasaaraha oo ay dhinacooda kawadaan Xildhibaanada.

Sidoo kale, xulista Golaha Wasiirada ayaa waxaa kaalin ku leh Xildhibaano dhowr ah oo horay usoo doortay Farmaajo kuwaa oo bedelkooda Xukuumada cusub kusoo darsanaaya Shaqsiyaad ay iyaga wataan.

Dowladihii ka horeeyay Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu tilmaami jiray inay yihiin kuwo ka horeeya sharciga dalka, waxa ayna tani u muuqaneysaa mid durba dhinacyo kala duwan ka shaabaheysa Dowladihii hore.

Si dhab ah looma xaqiijinkaro dhibta ay talaabadaani ka dhex abuuri karto Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

(Dhacdo Cusub): Hal shardi oo waajib ku ah shaqsiyaadka ka mid noqon doona Wasiirada Xukuumada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa aadan horey u arag ayaad dabcan ka filaneysa xubnaha is badal doonka la baxay ee qabsaday xukunka Villa Somalia 8dii Febraayo.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo waqti kooban magacaaban ayaa wali ku mashquulsan xulista xubnaha ka mid noqnaya xukuumadiisa.

Laakiin xog aan ka helnay Villa Somalia ayaa u muuqata mid wax badan xiiso u yeeli doonta xukunka cusub ee madaxweyne Farmaajo.

Qof kasta oo laga aqbalo codsigiisa oo ay madaxda Dowladdu isku raacaan inuu wasiir noqdo waxaa laga rabaa inuu hantidiisa keeno guud ahaan, kadib waxaa lagu wareejin doonaa Bankiga dhexe kaas oo diiwaan galin doona, sidoo kalana la socon doona.

Waxaa dib loo  fiirin doona maalinta uu ka tagaayo xafiiska wixii kusoo kordhay hantidiisa waxaana laga rabaa inuu sharaxo wixii hanti dheeraad ah ee uu helay intii uu wasiirka ahaa iyo meesha uu ka keenay.

Arintaan ayaa la aaminsan yahay iney Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre doonayan iney kaga hor tagaan musuq maasuqa baahsan ee ka dhex jira wasaaradaha Dowladda Somalia.

Waa markii ugu horeysay oo Shuruud nuucaan lagu daro xulashada golaha wasiirada , Hantida wasiirka looma soo bandhigo doono dadweynaha iyo saxaafada.

 

Farmaajo oo RW Kheyre ku amray inuu arrintaan si deg deg ah u qabto haddii kale…

Muqdisho (Caasimada Online)-  Waxaa marba marka kasii dambeyso dib usii dhacayo soo magacaabist golaha wasiirada oo looga fadhiyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre taasoo ay ugu wacan tahay khilaafka iyo loolanla ay wadaan beelaha Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha ayaa laga filayey inuu asbuucii dhamaaday soo magacaabo golaha wasiirada waxayna dib ugu dhacday asbuucaan hadda bilawga ah waxayna warar kale oo soo baxayo sheegayaan inay macquul tahay in la isla gaaro ilaa 30-ka maalin ee uu dastuurka u ogol yahay Ra’isulwasaaraha inuu golihiisa wasiirada kusoo magacaabo.

Haddaba warar hoose oo soo gaaray caasimadda Online  ayaa xaqiijinayo inuu Madaxweynaha Soomaaliyeed ku amray Ra’isulwasaare Kheyre inu si deg deg ah usoo magacaabo golaha wasiirada, haddii kalana ay dowladda lumin doonto waqti ay shacabka ugu adeegi laheyd.

Madaxweynaha ayaa markii uu Ra’isulwasaaraha magacaabayey ka codsaday inuu muddo 15 maalin kusoo magacaabo golaha wasiirada si ay xukuumadda waqti hore shaqo u qabato maadaama ay kusoo jeedaan indhaha bulshada Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha ayaa isna xilligaas ka dhawaajiyey inuu si deg deg ah usoo magacaabi doono golihiisa wasiirada balse midaas ma dhicin waxaana ka hor yimaaday caqabado tiro badan oo kaga imaaday shaqsiyaad iyo beelo.

Ra’isulwasaaraha ayaa ku mashquulay qancinta beelaha Soomaaliyeed oo isku heystay wasiirada ugu muhiimsan ee xukuumadda taasoo keentay inuu markii dambe Ra’isulwasaaraha ka codsado beelaha inay usoo gudbiyaan liiska shaqsiyaad ay rabaan in wasiiro loo magacaabo kadibna uu isaga go’aan ka qaato cidda uu magacaabi doono.

Beelaha ayaa si weyn usoo dhaweeyey codsiga Ra’isulwasaaraha waxayna u madax baneeyeen magacaabista iyo xulista xubnaha kamid noqonayo golaha wasiirada.

Haddaba amarka cusub ee uu madaxweynaha siiyey Ra’isulwasaaraha ayaa kusoo aadeyso xilli ay mar kale dib u dhac ku timaaday waqtigii la filayey inuu Ra’isulwasaaraha ku dhawaaqo golihiisa wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

R/W Kheyre oo shaaciyay goobaha qurba joogta ay kusoo hagaajin karaan dhaqaalaha ku socda DFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay halka dadka ku nool dibadda ay geyn karaan deeqaha ay ugu talo galeen Abaaraha.

Kheyre waxa uu sheegay in dadkaasi ay deeqaha geyn karaan Safaaradaha ay DFS ku leedahay dalka dibadiisa, waxa uuna tilmaamay in talaabadaasi ay tahay keliya tan ugu dhow ee lagu bixinkaro deeqda.

Waxa uu tilmaamay in Dowlada Somalia ay u baahan tahay dad ka caawiya dhanka Gurmadka Abaaraha waxa uuna ku baaqay in la muujiyo garab istaaga Dowlada.

”Dadka doonaaya inay garab nagu siiyaan gurmadka waxaan u sheegeynaa in deeqda ay ugu tallo galeen walaalahooda gaarsiin karaan Safaaradaha nagu matalaaya caalamka”

”Waxaan talaabo talaabo ula socon doonaa dhaqaalaha loo dhiibay Safaarada, ma dhici doonta in sifo sharci darro ah loo maamusho lacagtaasi waan la socon doonaa inta laga gaarsiinaayo dadkii loogu tallo galay”

Hadalka RW Kheyre ayaa imaanaya xili dhalinyaro iyo Hay’ado maxali ah oo iskood isku abaabulay ay bilaabeen inay ka qeybqaatan gurmadka kuwaa oo qaarkood waayay goob ay Dowlada u dhigaan lacagta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xogo dheeraad ah oo laga helaayo Jabsashadii Xafiiska Hanti dhowraha Qaranka (Yaa loo qabtay?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Xadgudubkii lagu sameeyay Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo lagala baxay Dukumiintiyo dhowr ah.

Jabsashada Xafiiska ayaa la xaqiijiyay in loo qabtay ilaa 8 Ruux oo ka kala tirsan Howlwadeenada Xafiiska iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia kuwaa oo ka tirsanaa Dowladii dhacday ee Xasan Sheekh.

Dukumiintiyada lagala baxay Xafiiska ayaa la sheegay inay ku jiraan Dukumiintiyo dhulboob ah iyo Kiisas lagu wareersanaa oo iminka loo helay cadeymo isla markaana lugu helay Xildhibaano ka tirsan BFS ee iminka jira.
Shaqsiyaadka loo qabtay falka Jabsashada ayaa waxaa ku jira

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka kuwaa oo iminka Kiiskooda ay gacanta ku heyso Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo la hadlaayay Idaacada Dalsan ayaa xaqiijiyay in la Jabsaday Xafiiskiisa isla markaana lagala baxay Dukumiintiyo.

Waxa uu sheegay in Kiiskaasi loo qabtay Shaqsiyaad uusan carabaabin, balse xog aan helnay ayaa sheegeysan in shaqsiyaadka la qabtay ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Dowlada.

Kiiska Jabsashada Xafiiska Hanti dhowraha ayaa iminka gaaray heer xun waxa uuna Madaxweynaha arrinta baaritaanka u xilsaaray Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka.

Sidoo kale, Kiiska ayaa la filayaa inuu u gudbo ilaa Maxkamada Sare ee dalka waxaana lagu wadaa in baaritaanka socda laga soo saaro natoojo.

Dhinaca kale, falkaani ayaa kusoo beegmaaya xili Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha ay dhawaan shaaciyeen inay masixi doonaan shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Doodii ka dhalatay ansixinta wasiirada HirShabeele & Natiijada kasoo baxday (Akhriso)

Jowhar (Caasimada online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi ay ansixiyeen golaha wasiirada HirShabeelle.

Kulan xildhibaanada baarlamaanka maamulka HirShabeele ay ku yeesheen magaalada Jowhar ayay ku ansixiyeen golaha wasiirada maamulkaasi oo horey loosoo magacaabay.

Xildhibaanada ayaa ka hor ansixinta wasiirada waxay dood iyo murun ku dhex yeesheen xarunta baarlamaanka ku shirayay, waxaana si fowdo ay ku jirto lagu ansixiyay wasiirada.

Xildhibaano badan ayaa kulanka buuq ka kiciyay, waxayna ka baxeen hoolka, kadib markii ay hor istaageen codka gacantaaga ahaa ee loo qaaday wasiirada cusub.

Waxaana xildhibaanada markii ay ka baxeen hoolka kadib ku dhawaaqay in codka gacantaaga ay ansax ku yihiin golaha wasiirada HirShabeele.

Xildhibaanada HirShabeele ayaa kasoo horjeeday badankood wasiirada cusub ee uu soo dhisay Cali Cabdulaahi Cosoble, waxaana ay keeneen mooshin ka dhan ah wasiirada.

Sidoo kale xildhibaanada oo kulan ku yeshay dhawaan magaalada Jowhar ayaa waxa ku magacaabeen Kudle ay sheegeen inay u taagan tahay badbaadinta sharciga HirShabeele.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah
Caasimada Online
Xafiiska HirShabeele
[email protected]

Yuusuf Garaad oo kashifay shaqisiyaad ku jiro dowladda oo aan Af-Soomaaliga qori karin sidoo kalana aqri karin

London kama fili kartid in aad rajeyso in aad u shaqeyso Dowladda UK adiga oo aan af Ingiriis qori aqoon akhrina karin.

Dal waliba waa sidaas oo kale marka ay timaaddo Afka rasmiga ah ee Dowladda.

Maxaa ka duwaya Soomaaliya?  Qof aan Soomaali qorin, akhrinna karin, isku dayeyn in uu barto, lana gabbaneyn, sidee ugu riyoon karaa in uu ka mid noqdo shaqaalaha Dowladda?

Ma adka barashadiisu haddii aad ku kalsoon tahay afkaaga hooyo.  Xataa haddii aadan ku kalsooneyn ee aad shaqo doon tahay ogow in ay shuruudaha shaqada Dowladda ka mid tahay.

Waa laga yaabaa shakhsiyaad aan imtixaan far Soomaali ah ku guuleysteen in ay hadda Dowladda u shaqeeyaan.  Laakiin sax ma ahan mana sii socon doonto, maaddaama loo baahan yahay af ay hey’adaha Dowladda oo dhami ay isku afgartaan.

Baro akhriska iyo qoridda Soomaaliga.

Inta aan la gaarin eraybixinta maamulka iyo xafiisyada loo adeegsado, bal horta billow barashada qorista Soomaaliga.

Marka aad barato sida Soomaaliga loo qoro, waxaad Soomaaligaaga ku tijaabin kartaa baraha Saxaafadda bulshada sida Facebook.

Barashada Soomaaligu waa mid saameyn ku leh oo waxna ka tareysa sida maskaxiyan looga xoroobi lahaa dhaqankii burburka looguna gudbi lahaa ku kalsoonaanta in aan nahay Qaran madaxbannaan.

Dowladnimada Soomaaliya waa ay ka weyn tahay in hey’ad ama Dowlad shisheeye loo qoro email ama shir lagala qeyb galo.

Hadda ka hor waxaan arkay laba waraaq oo ay isu qoreen Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare dalka soo maray.  Waraaqahaasi waxay ku qornaayeen af qalaad.

Madaxda dalkana waajib ayaa ka saaran xaqiijinta in maamulka Dowladda loo adeegsado Soomaali.

Murankii ugu weynaa oo ka taagan haddii ay xubnaha aqalka sare ka mid noqon karaan wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa maalmihii ugu dambeeyey la hadal hayey arrinta ku aadan haddii xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ay ka qeyb geli karaan wasiirda cusub iyo haddi uusan sharciga u ogoleyn.

Haddaba Caasimadda Online ayaa arrintaas soo baartay waxayna soo ogaatay inuusan jirin sharci ama qodob u diidi karo xubnaha aqalka sare inay kamid noqdaan golaha wasiirada maadaama uusan aqalka sare laheyn xeer hoosaad.

Sidoo kale Dastuurka kumeel gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ayeysan jirin qodob ku qoran oo diidayo inay xubnaha aqalka sare ka mid noqdaan golaha xukuumadda cusub ee uu Kheyre soo magcaabi doono.

Muranka ku aadan arrintaan ayaa timaaday markii ay shaqsiyaadka kamid ah aqalka sare ay codsi geysteen xafiiska Ra’isulwasaaraha si looga dhigo wasiir, waxayna markii hore wararka sheegayeen inay lagama maarmaan tahay inuu qofka iska soo casili xubinimada aqalka sare balse midaas ma jirto meel ay ku qoran tahay.

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xubnaha aqalka sare usoo jeediyey inay iska dhaafaan codsiyada ay geysanayaan  xafiiska Ra’isulwasaaraha si ay uga mid noqdaan golaha wasiirada cusub.

Guddoonka labada aqal ayaa soo daliishanayo inuusan shaciga adduunka qoreyn inay golaha aqalka sare ka mid noqdaan xukuumadda iyo awood fulina sidaas darteedna ay ka codsanayaan inay arrintaas joojiyaan.

Siyaasiyiinta isku soo taagay xilalkaas ayaa ka biyo diiday codsiga guddoonka labada aqal waxayna go’aan ku gaareyn inay sii wadaan doonista xilalkaas iyagoo ku andacoonayo inuusan jirin sharci Soomaaliya ka jiro oo diidayo inay kamid noqdaan golaha wasiirada cusub.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha ay horey go’aan uga gaareyn inay wasiirada kasoo muuqdaan Xildhibaan lamana ogo sida ay u aqbali karaan in shaqsi ka tirsan aqalka sare uu ka mid noqdo golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xiisad u dhaxeyso maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug & Puntland oo ka taagan Mudug

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Xiisad u dhaxeyso maleeshiyaad kasoo kala jeeda deegaanada Puntland iyo Galmudug ayaa ka taagan gobolka Mudug.

Xiisada ugu daran ayaa ka taagan deegaanka Godod oo ka tirsan gobolka Mudug, waxaana jirta baqdin laga qabo in deegaanka ay labada maleeshiyaad ku dagaalamaan.

Xiisada waxay ka dambeysay markii maleeshiyaad la sheegay inay kasoo jeedaan dhanka Puntland ay weerar ku dileen ruux xoolo dhaqato ah oo kasoo jeeda Galmudug.

Waxaase kasoo horeeyay xiisad kale oo ku saleysan dhul daaqsimeed oo u dhaxeysay labada maleeshiyaad beeleed.

Dadka ayaa sheegaya in ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka lagu arkayo deegaanka Godod ee gobolka Mudug, taasi oo abuurtay cabsida dadka deegaanka ay qabaan.

Degaanka Godod ayaa inta badan waxaa ku dagaalama Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug oo xoolo dhaqato ah.

Ma jiro wax war ah oo kaso baxay baxay labada dhinac ee maamulkada Puntland iyo Galmudug, laakiin marar badan ayaa labada maamul waxay ku dagaalameen gobolka Mudug.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cumar Cabdirashiid oo dharbaaxo lama filaan ah kala kulmay RW ee Xasan Cali Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa dhawaan xafiiska Ra’isulwasaaraha lagala wareegay Cumar Cabdirashiid oo ahaa wasiirkii koowaad ee xukuumadii waqtigeeda dhamaaday kadib markii ay wadanka ka dhalatay dowlad cusub.

Haddaba Cumar Cabdirashiid oo waji furfurnaansho ka muuqatay markii uu xilka wareejinayey ayaa isku dayey inuu Kheyre ka dhaadhacsiiyo arrin ku saabsaneyd wasiirada cusub.

Cumar ayaa kheyre ka codsaday inuu wasiirada cusub ugu daro shaqsiyaad uu isaga doonayo inay halkaas kasoo muuqdaan balse midaas waxaa jawaab kulul ka bixiyey Ra’isulwasaare Kheyre.

Hadalka kasoo yeeray Kheyre ee uu u sheegay Cumar ayaa aheyd inaysan go’aan ka qaaday karin shaqsiyaadka kusoo biirayo wasiirada cusub cid aan aheyn Farmaajo iyo Isaga wuxuuna Cumar u sheegay inuu raali ahaado waqtigiisa uu halkaas kusoo dhamaaday.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeyso inuu Cumar Cabdirashiid watay ilaa 2 shaqsi oo uu doonayey inay kasoo dhex muuqdaan wasiirada cusub balse midaas uma suurta gelin waxaase ku dhacday dharbaaxo kulul oo lama filaan ku noqotay.

Cumar ayaa waxaa ka muqatay kalsooni aad u badan markii uu liiska ay ku qornaayeen labadaan shaqsi u geenayey Xasan Cali Kheyre balse wuxuu arkay arrin ka duwan wixii uu filayey markii loo sheegay inaan shaqsiyaadkaas lagu dari karin golaha wasiirada.

Ugu dambeyntii Cumar oo ay ka muuqato murugo iyo qanacsanaan la’aan ayaa kasoo tagay xafiiska Kheyre, diidamadaan ayaana kusoo aadeyso xilli dhawaan warbixino lasoo saaray ay sheegayeen inuu 35 Malyan oo Dollar ka qaatay Imaaraadka isagoo saxiixay heshiiskii Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ra’iisul wasaare Kheyre oo dhagax dhigay xarunta Hay’adda Socdaalka & jinsiyadaha

Muqdisho (Caasimada online)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhagax dhigay xarun cusub oo ay ku shaqeyneyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Dhagax dhigaasi ayaa waxaa ku wehliyay Ra’iisul wasaaraha wasiiro ka tirsan xukuumadii Cumar C/rashiid kuwaasi oo wali aan la keenin wasiiradii badali lahaa.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sheegay in xaruntan cusub ay dalka  kusoo kordhin doonto waxyaabo badan, maadama baahi badan loo qabo arimaha socdaalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka heli doonaan faa’idooyin badan oo ay ugu horeyso inay si sahal ah ku helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Dhagax dhiga lagu sameynayo xafiiska cusub ee ay ku shaqeyneyso Hay’adda Socdaalka ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Hayadda ayaa hadda ku shaqeyso dhismo ku yaala waddada Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Nin kasoo jeedo Pakistan oo qaaday tallaabo ku aadan abaaraha Soomaaliya taasoo aysan weli ku dhiiran ajaanibta kale

Muqdisho (Caasimada Online)-  Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhufatay abaartii ugu weyned ee soo marta sanadihii ugu dambeeyey taasoo keentay in gurmad loogaga dhawaaqo daafaha caalamka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Haddaba waxaa soo baxay warar sheegayo in nin u dhashay dalka Pakistan uu muujiyey darenkiisii ugu dambeeyey ee ku aadan abaaraha lixaadka leh ee ku dhuftay dalka Soomaaliya.

Ninkaan Pakistaniga ah ayaa lasoo sheegayaa inuu aad uga xanuunsaday dhibaatada heysato shacabka Soomaaliyeed wuxuuna ka dhawaajiyey inuu usoo duceenayo dadkaas dhibaateysan.

Ninkaan oo hadda ku nool dalka Ingiriiska ayaa soo duubay muuqaal uu kaga hadlayo abaaraha ku dhuftay Soomaliya waxaana ka muuqatay caadifadii ugu dambeysay wuxuuna midaas ku sababeeyey inay tahay maadaama ay isku xiriiriso islaanimada.

Ninkaan reer Pakistaan ah ayaa ka dhawaajiyey inuu Alle dartiis u soomay si uu Soomaalida uga saaro abaaraha iyo dhibaatada ku habsatay wuxuuna ku duceeyey inuu Alle ka saaro xaaladda adage  ee heysato Soomaaliya.

Ugu dambeyntii ninkaan ayaa ballan qaaday inuu wadi doono soonka iyo sadaqada inta uu Alle ka aqbalayo ducadiisa Soomaaliyana ay abaarta ka bixi doonto  wuxuuna hadda wadaa tabarucaad uu u sameenayo dadka Soomaaliyeed ee abaarta saameysay.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso maqalka sheekadaan ku saabsan ninkaan Pakistaaniga ah ee Soomaaliya inuu Alle ka abaarta ka saaro u soomay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Magacaabista Golaha Wasiirada oo mar kale dib usii dhacday iyo xog cusub oo soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online)- Daqiiqadba daqiiqada ka dambeyso waxaa isisoo tarayo wararka ku saabsan magacaabista golaha wasiirada oo noqotay arrinta ugu hadal heynta badan Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Asbuucii lasoo dhaafay ayaa la filayey inuu Ra’isulwasaare Kheyre ku dhawaaqo golihiisa wasiirada balse midaas ma dhicin waxaana imaatay dib u dhac kadib markii ay is khilaafeyn qaar kamid ah beelaha Soomaaliya.

Haddaba markaas kadib waxaa soo baxayey warar sheegayo in wasiirada lagu dhawaaqi doono asbuucaan hadda bilawga ah gaar ahaan maalinta Talaadada ah, balse hadda waxaa soo baxay war kale oo midaas ka duwan.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa go’aansaday inuu dib u dhigo magacaabista golaha wasiirada si uu meesha uga saarayo cabashooyin yar yar  ee ka jiro xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo inay macquul tahay in la isla gaaro ilaa dhamaadka 30-ka maalin ee uu dastuurka u ogol yahay Ra’isulwasaaraha inuu kusoo magacaabo golihiisa wasiirada.

Dib u dhaca markasta ku imaanayo golaha wasiirada ayaa la sheegay inay sabab u tahay loolanka adag ee loogu jiro xilalka wasiirada ugu muhiimsan, wuxuuna inta badan culeys kala kulmyaan Shaqsiyaad iyo beelo.

Dib u dhacaan tirada badan ayaa imaanayo Xilli uu madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu Ra’isulwasaaraha uu soo magacaabay ka codsaday inuu 15 maalin gudahood kusoo magacaabo wasiirada si uu yiri loo ilaaliyo waqtiga baxayo maadaama dowladda looga fadhiyo waxqabad badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xaqiiqooyin laga diiwaan geliyey safarka uu Gaas ku aadayo Imaaraadka iyo xog kasoo baxday

Boosaaso (Caasimada Online)- C/wali Maxamed Cali Gaas oo ah Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa safar rasmi ah ku tagi doono wadanka Imaaraadka Carabta markii uu Addis Ababa kula kulmo Ra’isulwasaaraha Itoobiya.

Haddaba safarkaas uu Imaaraadka ku tagi doono Gaas ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu yahay sidii uu Gaas usoo dhameystiri lahaa heshiiska ay Imaaraadka ku qaadan rabto Dekadda Berbera oo ah midda labaad ee ugu weyn Soomaaliya.

Cabdiweli Gaas oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa ka dhawaajiyey inuu safarkiisa yahay mid lagu raadinayo Amniga iyo horumarinta dhaqaalaha Puntland.

“Safarka aan ku tagi doono dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, waxaa howlo la xiriira arrimaha amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaa rajeyneynaa in safarkaas alle nagu guuleyn doono, oo wax badan oo kheyr u ah Puntland iyo shacabkeeda aan ka keeno, kana soo faa’idno”ayuu yiri C/wali Gaas.

Haddaba Safarka uu Gaas ku tagi doono Imaaraadka ayaa laga diiwaan geliyey xaqiiqooyin ku saabsan safarada uu Gaas ku aado Dibadda.

Cabdiweli Gaas ayaa noqday Madaxweynihii ugu safarka badnaa ee ebed soo mara Maamulka Puntland waana midda keentay inay taageerada kala noqdaan shacabka Puntland iyo ciidamada oo maalmihii ugu dambeeyey gadood ka wado Garoowe.

Sidoo kale Safarka uu Gaas ku tagi doono Imaaraadka ayaa isna ka dhigan inuu Gaas yahay madaxweynihii Puntland soo mara ee safaradii ugu badnaa ku tagay Imaaraadka Carabta, sidoo kalan wuxuu noqday Madaxweynaha kaliya ee madaxda maamul goboleedyada oo safarka ugu badan ku taga Imaaraadka Carabta.

Cabdiweli Gaas ayaa maalmihii ugu dambeeyey siyaasad ahaan ku xirmy Imaaraadka Carabta wuxuuna ka dhawaajiyey inay dowladaas Puntland siiso saanad Military iyo caawimaad dhaqaale ayna kala dhaxeyso xiriir wanaagsan.

Imaaraadka Carabta ayaa bilawday inay xiriiro dhaw dhaw la sameysato maamul goboleedyada ka jiro Soomaaliya iyadoo aan ogeysiin dowladda dhexe ee Soomaaliya taasoo keentay inuu xumaado xiriirka labada Dowladood.

Caasimada Online
Xafiiska Bosaaso
[email protected]

Codsiyadii la geeyey Xafiiska Kheyre oo aan la kala furin iyo lama filaan kale oo dhici rabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socoto ololaha lagu raadinayo xilka wasiirada la filayo inuu Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre soo magacaabo dhawaan iyadoo ay sii kordheyso codsiyada la geynayo Xafiiskiisa.

Xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa la geeyey codsiyo kor u dhaafayo ilaa 350 codsi oo lagu doonayo wasiir taasoo noqotay tii ugu badneyd ee ebed ka dhacdo Soomaaliya.

Haddaba xog ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijineyso inay mar kale golaha wasiirada laga arki doono lama filaankii ka dhacday magacaabista Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo uu Maxamed Cabdulaahi Farmaajo si aan la fileyn ugu magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Wararka ayaa sheegayo inaan weli la kala furin codsiyadii la geeyey xafiiska Ra’isulwasaaraha taasoo muujineyso in lasoo magacaabi doono shaqsiyaadka codsiyada geystay kuwa aan aheyn.

Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa qorshe u dagay siyaasiyiinta doonayaan xilka wasiirnimo waxayna u sheegayaan inay codsiyadooda geystaan xafiiska Ra’isulwasaaraha markii la geeyana lama aqrinayo.

Shaqsiyaadka ugu magaca weyn ayaa loo sheegayaa in lasoo wici doono sidoo kalana ay ku jiraan Short list-ga ama dadka isha gaarka ah lagu eegi doono taasina waxay u muuqataa qorshe siyaasadeed.

Dadka ku dhaw dhaw xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa sheegayo inay golaha wasiirada ka dhici doonto lama filaanki ka dhacday magacaabista golaha wasiirada waxaana la rajeenayaa in lasoo magacaabi doono shaqsiyaadka had xusul duubka ugu jiro kuwa aan aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo sababo cajiib ah u yeelay dib u dhacyada ku imaanaya Golaha Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in Dowladu ay la imaan doonto Golo Wasiiro aan isbedeli doonin mudada ay shaqeyneyso Dowladiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedka daahista Golaha uu yahay mid looga feejigan yahay eed kaga imaada dhanka Shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo waxa uu tilmaamay in Golaha la magacaabi doono ay lahaan doonaan awoodo ka duwan kuwii hore, waxa uuna carab dhabay in gabi ahaan ay lahaan doonaan darajo cilmi.

Waxa uu sheegay in Wasiirada cusub laga soo dhex saari doono Aqoonyahaanada leh darajada cilmi, waxa uuna shaaca ka qaaday inay noqon doonaan kuwo heysta dhaqaale isla markaana ka maarma Hantida Qaranka.

”Waxa uu ujeedku yahay ka fogaanshiyaha eedeymo nooga imaada dhanka Bulshada, waxaan doorbideynaa inaan la daahno magacaabida si aan ula imaano Gole aan nalagu dhaliileynin”

Farmaajo waxa uu cadeeyay in Dowladiisu aysan ahmiyad u arag in wakhti gaara la magacaabo Golaha, balse waxa uu taa bedelkeeda sheegay in ahmiyada koowaad ay siinayaan ka fiirsashada cida ay xilka u magacaabayaan.

Tallaabadaani ayaa imaaneysa xili inta badan Shacabka ay wax iska weydiinayaan dib u dhacyada ku imaanaya magacaabida Golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

C/wali Gaas oo markii ugu horeysay ka carooday hadal laga faafiyay maamulkiisa & Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa si carro leh uga hadlay wararka sheegaya in Dowlada Imaaraadka ay Saldhig militeri ka furaneyso deegaanada Puntland.

Gaas, waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan la socon cida Imaaraadka ay la gashay heshiiskaasi, waxa uuna tilmaamay in isaga uusan aheyn mid la socda arrinkaasi isla markaana mudan in wax laga weydiiyo dadka faafiyay hadalkaasi.

Waxa uu Gaas sheegay in Puntland ay mowqif adag ka taagan tahay in Imaaraadka uu Saldhig ka furto deegaanada Puntland waxa uuna arrin aad loola yaabo ku sheegay hadalkaasi.

Gaas ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been Abuur ah , isla markaana aysan dhici karin in Imaaraadka Carabta ay Saldhiga ka dhisato Magaalada Boosaaso.

”Waxaan xaqiijinayaa in been abuur uu yahay warka sheegaya in Imaaraadka uu Saldhig ka dhisanaayo deegaanada Puntland taasi ma dhicin mana dhici doonto”

Waxa uu tilmaamay in Imaaraadka Carabta ay dhinacyo badan ay ka taageerto Puntland, waxaana ka mid ah tababarida ciidanka Badda Puntland.

”Imaaraadka waa sax waxa uu naga caawiyaa dhinacyo badan sida tababarada laakiin arrinku kuma jira in Saldhig ay ka furanayaan deegaanada Puntland mana suuroobeyso”

Haddalka C/wali Gaas ayaa kusoo beegmaaya xili gudaha Asbuucaani lagu wado inuu booqdo magaalada Abu Dabai halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Sidee ayaa Erdoğan loogu soo dhaweeyay magaalada Moscow dib usoo nooleynta xiriirka kadib

Moscow (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Xubno ka kala tirsan labadiisa Gole ayaa booqsho rasmi ah ku gaaray Magaalada Moscow ee Caasimada Ruushka.

Safarka Recep Tayyip Erdoğan ee magaalada Moscow ayaa noqonaaya mid Taariikhi ah oo ka duwan kuwii hore, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Ruushka.

Recep Tayyip Erdogan oo si kooban ula hadlay Saxaafada ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay mid lagu xoojinaayo wada hadalka labada dal.

Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ay si qoto dheer uga arrinsanayaan arrimaha Syria iyo la dagaalanka Daacish, waxa uuna tilmaamay in dib usoo laabashada xiriirka labada dal uu yahay mid kusoo beegmay xili munaasib ah.

Erdogan waxa uu sidoo kale sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen balaarinta xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya labada dal.

Waxa uu tilmaamay in ay heshiis ku gaareen in la sameeyo heshiisyo maalgalineed iyo xiriir kale oo ganacsi.

Documents sir ah: Yaan been laguu sheegin, waxa hadda ka socda Somalia ayaa socday 1952.

Waxaan idin soo bandhigayaa dhacdooyin kuwa maanta socda u eg, balse dhacayay 1952-kii, 67 sannadood ka hor!

Bilowgii sannadkaan, waxaa la iiga wacay meel looga hadlayo “Sida lagu soo celin karo midnimada iyo is jaceylkii lagu yaqiinay Soomaalida, dagaalada qabiilka iyo fara-gelinta shisheeyaha looga gudbi lahaa”. Waxaan meesha ka sheegay war aysan odayaasha qaar jeclaysan. Waxaan iri:
” Soomaaliya umma baahna in wax loo soo celiyo, midnimo shacab la soo celiyana ma soo marin, waxaan hadda jirana weligoodaba way jireen, maad fikirkiina gelisaan in wax cusub la doonno”. Oday ayaa i wacdiyay, oo markii dambe igu yiri, “warayso ragga kaa waaweyn, berri sammaadkii ha lagaa sheekeeyo”.

Berri sammaad ma jiro! Waxa hadda dhacaya boqollaal sannadood ayay dhacayeen. Bal eeg qoraalkaan ay keydiyeen Sirdoonka Maraykanka 1952-kii.

Dagaalada Qabiilka iyo Ajnabiga Na Dhexdhexaadiya:

1- 27 October 1952: Beesha Sacad Habargidir ayaa weerar culus ku qaaday beesha Saleebaan Habargidir. Dagaalka oo ka kacay arimmo la xiriira daaqsin ayaa ka dhacay Godinlaba. Sacadku waxay dileen tobaneeyo Saleebaan ah, Saleebaan weerar rogaal celis ayay soo qaadeen waxay dhaceen xoolo Sacad, waxayna dileen dad badan. Benardelli, taliyahii Talyaaniga ahaa ee Gobolka ayaa hanjabaad iyo mushar baajin isugu daray odayaasha si dagaalka ay u joojiyaan, sharcina loogu kala baxo. Madax adeyga odayaasha dagaal ayuu horseeday, Talyaaniga ayaa maslaxad raba oo Quraan ku dhaarinaya.

2- 23 October 1952, taliyihii Talyaaniga ee Baydhabo iyo kan Baardheere ayaa isugu tagay Diinsoor si ay u heshiisiiyaan beelaha Dabare iyo Geelidle oo uu dhex maray dagaal ka qarxay daaqsin. Beelahaas qarniyo ayay is heysteen, Talyaaniga ayaaa ku qasbay in ay Quraanka ku dhaartaan si uusan dagaal dambe u dhicin.

3- 2 December 1952, taliyihii talyaaniga Del Rio ayaa ku qasbay in beelaha Habar Nugaal, Abgaal iyo Kabaale, Abgaal ee dega Cadale ay xuduudyo kala samaystaan, . Dagaal xun oo bilowday ka hor dagaalkii labaad ee adduunka ayaa ka socday meesha, oo Talyaaniga xalin waayay muddo. 1943, Ugaaska Kabaale Jaamac Calasow, dagaalyahanno Habar Nugaal oo saddex ah ayaa waxay warmo kaga dhufteen garabka iyo lugta, ciidan u dhashay Kabaale ayaa badbaadiyay asagoo la dilo rabo.

Dhacdooyinka Siyaasadda iyo Xisbiyada.

1- Abgaal oo Xisbi samaystey, haddana leh Soomaali oo dhan waa u furan yahay.
2- Digil iyo Mirifle oo Xisbi ay sameysteen madax cusub u doortay.
3- Xisbiga Banaadiriga oo kulan yeeshay.
4- Garabka Haweenka ee Ururka Africaanka Soomaaliya oo laga furay Ceelbuur.

Waxa keliya ee kaa farxin kara waa halganka SYL.
1- SYL ayaa November 1952 mudaaharaad Talyaaniga lagu dhagaxyeynayo, xisbiyada kalena lagu dhaleecaynayo ka hurisay Jannaale, muddo yar kadib mudaaharaad kale oo Kismaayo ka dhacay. Talyaaniga oo isku dayay inuu joojiyo mudaaharaadka ayaa dhagax laga la daalay.

Odayga waxaan ugu jawaabay: “Aniga qof iga weyn iyo mid iga yarba xitaa haddaan waraysto, wax badan kama qaato, waxbaan aqriyaa intaan helo, cagligayga ayaad la kaashadaa”.

Mar kale, Soomaaliya hore ha laga doonno. Berri sammaad ma waxaan socdaa, ma musuqii dowladda rayidkaa, ma keligii taliye shuuci ah ahaa baa, ma hoggaamiye kooxeed baa?

Berri sammaad ha la doonno…

Foolxumada meesha ka socota waxaa ugu weyn caddaankii ku gumeysanayay ayaa Kitaab Quraan kugu dhaarinaya.

W/Q: Hassan Adam Hossow

Wiil Dhalinyaro oo nafta loo dhaafiyay Mobeyl dartii !!!

Afgooye (Caasimada online)-Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ahaa nafta loo dhaafiyay mobeyl uu watay dartii.

Dilkan ayaa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana kooxaha hubeysan ay rasaas la dhaceen wiilka mobeylka watay.

Wiilka dhalinyarada ayaa ka dhaga adeegay qorshaha ay damacsanaayeen dablayda hubeysan, wuxuuna isku dhajiyay mobeylka, taasi oo qasabtay in kooxda ay disho wiilka.

Wiilka Dhalinyarada ah ee la dilay ayaa lagu magacaabaa Axmed Sheikh Mayow, waxaana kooxaha hubeysan ay la dhaceen rasaas badan markii mobeylka uu isku dhajiyay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee kusugan degmada Afgooye ayaa saaka baaritaan ka wada degmada Afgooye, waxayna doonayaan inay soo qabtaan dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Muddooyinkii ugu dambeeyay degamda Afgooye waxaa ku badanayay dilalka qorsheysan.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
[email protected]