25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sawirro: Sidee ayaa Erdoğan loogu soo dhaweeyay magaalada Moscow dib usoo nooleynta xiriirka kadib

Moscow (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Xubno ka kala tirsan labadiisa Gole ayaa booqsho rasmi ah ku gaaray Magaalada Moscow ee Caasimada Ruushka.

Safarka Recep Tayyip Erdoğan ee magaalada Moscow ayaa noqonaaya mid Taariikhi ah oo ka duwan kuwii hore, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Ruushka.

Recep Tayyip Erdogan oo si kooban ula hadlay Saxaafada ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay mid lagu xoojinaayo wada hadalka labada dal.

Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ay si qoto dheer uga arrinsanayaan arrimaha Syria iyo la dagaalanka Daacish, waxa uuna tilmaamay in dib usoo laabashada xiriirka labada dal uu yahay mid kusoo beegmay xili munaasib ah.

Erdogan waxa uu sidoo kale sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen balaarinta xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya labada dal.

Waxa uu tilmaamay in ay heshiis ku gaareen in la sameeyo heshiisyo maalgalineed iyo xiriir kale oo ganacsi.

Documents sir ah: Yaan been laguu sheegin, waxa hadda ka socda Somalia ayaa socday 1952.

Waxaan idin soo bandhigayaa dhacdooyin kuwa maanta socda u eg, balse dhacayay 1952-kii, 67 sannadood ka hor!

Bilowgii sannadkaan, waxaa la iiga wacay meel looga hadlayo “Sida lagu soo celin karo midnimada iyo is jaceylkii lagu yaqiinay Soomaalida, dagaalada qabiilka iyo fara-gelinta shisheeyaha looga gudbi lahaa”. Waxaan meesha ka sheegay war aysan odayaasha qaar jeclaysan. Waxaan iri:
” Soomaaliya umma baahna in wax loo soo celiyo, midnimo shacab la soo celiyana ma soo marin, waxaan hadda jirana weligoodaba way jireen, maad fikirkiina gelisaan in wax cusub la doonno”. Oday ayaa i wacdiyay, oo markii dambe igu yiri, “warayso ragga kaa waaweyn, berri sammaadkii ha lagaa sheekeeyo”.

Berri sammaad ma jiro! Waxa hadda dhacaya boqollaal sannadood ayay dhacayeen. Bal eeg qoraalkaan ay keydiyeen Sirdoonka Maraykanka 1952-kii.

Dagaalada Qabiilka iyo Ajnabiga Na Dhexdhexaadiya:

1- 27 October 1952: Beesha Sacad Habargidir ayaa weerar culus ku qaaday beesha Saleebaan Habargidir. Dagaalka oo ka kacay arimmo la xiriira daaqsin ayaa ka dhacay Godinlaba. Sacadku waxay dileen tobaneeyo Saleebaan ah, Saleebaan weerar rogaal celis ayay soo qaadeen waxay dhaceen xoolo Sacad, waxayna dileen dad badan. Benardelli, taliyahii Talyaaniga ahaa ee Gobolka ayaa hanjabaad iyo mushar baajin isugu daray odayaasha si dagaalka ay u joojiyaan, sharcina loogu kala baxo. Madax adeyga odayaasha dagaal ayuu horseeday, Talyaaniga ayaa maslaxad raba oo Quraan ku dhaarinaya.

2- 23 October 1952, taliyihii Talyaaniga ee Baydhabo iyo kan Baardheere ayaa isugu tagay Diinsoor si ay u heshiisiiyaan beelaha Dabare iyo Geelidle oo uu dhex maray dagaal ka qarxay daaqsin. Beelahaas qarniyo ayay is heysteen, Talyaaniga ayaaa ku qasbay in ay Quraanka ku dhaartaan si uusan dagaal dambe u dhicin.

3- 2 December 1952, taliyihii talyaaniga Del Rio ayaa ku qasbay in beelaha Habar Nugaal, Abgaal iyo Kabaale, Abgaal ee dega Cadale ay xuduudyo kala samaystaan, . Dagaal xun oo bilowday ka hor dagaalkii labaad ee adduunka ayaa ka socday meesha, oo Talyaaniga xalin waayay muddo. 1943, Ugaaska Kabaale Jaamac Calasow, dagaalyahanno Habar Nugaal oo saddex ah ayaa waxay warmo kaga dhufteen garabka iyo lugta, ciidan u dhashay Kabaale ayaa badbaadiyay asagoo la dilo rabo.

Dhacdooyinka Siyaasadda iyo Xisbiyada.

1- Abgaal oo Xisbi samaystey, haddana leh Soomaali oo dhan waa u furan yahay.
2- Digil iyo Mirifle oo Xisbi ay sameysteen madax cusub u doortay.
3- Xisbiga Banaadiriga oo kulan yeeshay.
4- Garabka Haweenka ee Ururka Africaanka Soomaaliya oo laga furay Ceelbuur.

Waxa keliya ee kaa farxin kara waa halganka SYL.
1- SYL ayaa November 1952 mudaaharaad Talyaaniga lagu dhagaxyeynayo, xisbiyada kalena lagu dhaleecaynayo ka hurisay Jannaale, muddo yar kadib mudaaharaad kale oo Kismaayo ka dhacay. Talyaaniga oo isku dayay inuu joojiyo mudaaharaadka ayaa dhagax laga la daalay.

Odayga waxaan ugu jawaabay: “Aniga qof iga weyn iyo mid iga yarba xitaa haddaan waraysto, wax badan kama qaato, waxbaan aqriyaa intaan helo, cagligayga ayaad la kaashadaa”.

Mar kale, Soomaaliya hore ha laga doonno. Berri sammaad ma waxaan socdaa, ma musuqii dowladda rayidkaa, ma keligii taliye shuuci ah ahaa baa, ma hoggaamiye kooxeed baa?

Berri sammaad ha la doonno…

Foolxumada meesha ka socota waxaa ugu weyn caddaankii ku gumeysanayay ayaa Kitaab Quraan kugu dhaarinaya.

W/Q: Hassan Adam Hossow

Wiil Dhalinyaro oo nafta loo dhaafiyay Mobeyl dartii !!!

Afgooye (Caasimada online)-Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ahaa nafta loo dhaafiyay mobeyl uu watay dartii.

Dilkan ayaa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana kooxaha hubeysan ay rasaas la dhaceen wiilka mobeylka watay.

Wiilka dhalinyarada ayaa ka dhaga adeegay qorshaha ay damacsanaayeen dablayda hubeysan, wuxuuna isku dhajiyay mobeylka, taasi oo qasabtay in kooxda ay disho wiilka.

Wiilka Dhalinyarada ah ee la dilay ayaa lagu magacaabaa Axmed Sheikh Mayow, waxaana kooxaha hubeysan ay la dhaceen rasaas badan markii mobeylka uu isku dhajiyay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee kusugan degmada Afgooye ayaa saaka baaritaan ka wada degmada Afgooye, waxayna doonayaan inay soo qabtaan dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Muddooyinkii ugu dambeeyay degamda Afgooye waxaa ku badanayay dilalka qorsheysan.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
[email protected]

Xog: Lacagta cusub ee Soomaaliya oo laga saari doono Xaawo Taako

Muqdisho (Caasimada Online) – Sargaal ka tirsan Bangiga adduunka oo lagu magacaabo Aly-Khan Satchu ayaa ka hadlay lacagaha cusub ee dhawaan loo sameyn doono Dowladaha Somalia.

Sargaalkaani ayaa sheegay in lacagaha cusub lagu arki doono astaamo aan horay loogu daabicin lacagaha laga isticmaali jiray Somalia.

Waxa uu sheegay in isbedelka uu kamid noqon doono xaanshida boqolka shillin ”Ssh100” oo laga saari doono sawirka Xaawo Taako.

Aly-Khan Satchu oo u waramaayay wargeyska Financial Times ee kasoo baxa dalka Britain, ayaa sheegay in lacagaha cusub laga saari doono inta badan calaamadaha lagu aqoonsan jiray sida sawirka gadaal uga dhagan boqolka shillin ee muujinaya haweenayda qaybta ka ahayd halgankii Somalia Xawo taako.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ”Lacagta cusub waxaa ka muuqan doona astaamo cusub waxaana ka bixi doona astaamihii hore Xaawo Taako”

”Lacaga cusub wey kala duwanaan doonaan waxa ayna noqon doonaan kuwo aan dib loo sameyn karin haddii ay dhacdo inay sameeyan kuwa ku xeeldheer sameynta sharci darada ah”

Aly-Khan waxa uu ka gaabsaday sababta looga saarayo lacagta Xaawo Taako, balse waxa uu cadeeyay inaysan qaadi doonin talaabo aysan la ogeyn dowlada Somalia.

Bangiga adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka ay bixinayaan inta badan qarashka lacagta cusub lagu daabacayo oo dhan $60 malyuun oo doollar.

Geesta kale, Haweeneyda Xaawo Taako ay ku dhimatay halgankii gobonimo doonka Soomaaliya sanadkii 1948-dii, waxaana sidaa darteed loo aqoonsaday in astaan looga dhigo lacagaha laga isticmaalayay Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qaraxyo lagu weeraray xarunta madaxtooyada maamulka Hirshabelle

Jowhar (Caasimada Online) – Kooxo Hubeysan ayaa weerar Bambaano ah ku qaaday Xarunta Madaxtooyada maamulka Hirshabelle xili ay halkaasi uu ka socday kulan.

Xiliga uu dhacaayay weerarka ayaa waxaa Xarunta ku sugnaa Hogaamiyaha maamulka Hirshabelle iyo Xildhibaano kuwaa oo ka arrinsanaayay dhameystirka maamulka.

Dhawaqa Bambo Gacmeedka ayaa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay Bambo Gacmeedkaasi.

Ciidamada amaanka Madaxtooyada ayaa Qaraxyada kadib furay rasaas xoogan oo qaarkood u gudbay xaafadaha.

Maamulka kama uusan hadal Qaraxyada waxaana la xaqiijiyay in halkaasi ay ka baxsadeen dhalinyaradii weerarka qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

Xog: Odayaal dhaqameed caqabad cusub ku noqday madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo ay lasoo daristay Caqabado ku aadan dhanka isbedelka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu la tacaalaayo qancinta Beelaha Soomaaliyeed oo iyagu ku dhagan Shaqsiyaad lala damacsan yahay xil ka qaadis kuwaa oo lagu eedeeyay Isdabamarin iyo Musuq.

Shaqsiyaadka uu Madaxweynaha la damacsan yahay xil ka qaadista ayaa ka howlgala Villa Somalia iyo Hay’adaha amaanka.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa buux dhaafiyay Odayaal dhaqmeedyo u doodaaya shaqsiyaadka lala damacsan yahay xil ka qaadista kuwaa oo Madaxweynaha laga dhaadhicinaayo inay yihiin kuwo ka caafimaad qaba Musuqa.

Madaxweynaha oo horay u gaaray go’aan ku aadan la dagaalanka shaqsiyaadka uu ka degi la’ yahay dalka ayaa iminka u muuqanaaya mid la kulmaaya caqabado dhanka Odayaasha ah, waxaana suuragal ah in Madaxweynaha uu dib ula laabto qorshooyinkiisa ku aadan la dagaalanka kuwa ku caanbaxay Musuqa.

Sidoo kale, Shaqsiyaadka uu Madaxweynaha la damacsan yahay xil ka qaadista ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa Lix ruux kuwaa oo Seddex kamid ah ay ka tirsan yihiin Villa Somalia, halka Seddexda kale ay yihiin Taliyayaal ciidan.

Lama oga sida uu Madaxweynaha ka yeeli doono Caqabadaha kaga imaanaya dhanka Odayaasha Beelaha oo habdhaqankooda uu horay u fashiliyay Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hanti dhowrku: Ma hanti qaran ayuu dhowrayaa mise hanti ayuu naga sameynayaa?

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax wuxuu ka mid yahay madaxda hay’adaha waaweyn ee dalka ka jira, waxaana had iyo jeer la maqlaa isagoo ka hadlaya musuq iyo is daba marin dhacay ama sharci darro ku tilmaamaya tallaabo hay’adaha dowladda qaadeen.

Dr. Nuur ma jirto cid xilka ka qaadi karta sida uu aaminsan yahay, mana laha waqti uu dhacayo, maxaa yeelay wuxuu ku yimid rabitaanka beesha caalamka, waxaana lagu soo xulay geedi socod si madax bannaan lagu shaqaaleeyay oo laga soo dhex xulay tobanaan qof. Ka sokow inuu dhalasho Mareykan ah heysto, waxaa laga soo xigtay inuu saaxiib la yahay madaxweynaha cusub ee Farmaajo.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku farxay in xafiiska Hanti dhowrka uu shaqo galo, isla markaana aqoonyahan Dr. Nuur oo kale ah uu ka howlgalo, waxaase la yaab leh in qeylo dhaan kasta oo Hanti dhowrka ka timaada ay ku dhammaatay meel eber ah.

AKHRI TUSAALOOYINKAN

  • Hanti dhowrka wuxuu Baarlamaanka hortiisa ka sheegay intii ay xilka heysay xukuumadii C/weli Sheekh Axmed in 19 wasaaradood oo lagu helay musuqmaasuq ay tan ugu yar lunsatay lacag ka badan Nus Milyan Doolar, waxayna Hanti Dhowrka iyo Xeer Ilaaliyaha Feylal waaweyn la tageen Baarlamaanka. Arrintan lama oga meel ay ku dambeysay.
  • Hanti dhowrka guud wuxuu sharci darro ku tilmaamay Canshuurta Guryaha ee Maamulka Gobolka Banaadir ka qaadayay dadka Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo, laakiin muddo kadib waxaa la arkay isagoo ka qeyb galaya xaflad maamulka Gobolka Banaadir ku dhagax dhigay dhismaha Wadadda Wadnaha oo dhismaheeda lagu bilaabay lacagtii canshuurta ahayd ee uu sharci darrada ku tilmaamay.
  • 7 ka mida shaqaalaha xafiiska hanti dhowrka ayuu ku eedeeyay inay laaluush ka qaateen wasaaradihii ay baarayeen, shaqadiina uu ka eryay. Laakiin shaqaalaha xafiiska ayaa ku eedeeaya inay qaati ka joogaan hanti dhowrka oo aanu shaqada aqoon u lahayn, isla markaana yahay nin yaqaana IT.
  • Hanti dhowrka guud wuxuu sheegay madaxtooyada loo diiday inuu galo, laguna weeraray, isla markaana lagu dili lahaa.
  • Dhowaan wuxuu sheegay qeylo dhaan ka soo saaray hanti dhowrka miisaaniyad ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ee xilka sii haya, wuxuuna sheegay inay maqan tahay lacag dhan 110 Milyan Doolar, oo aan weli la xisaab xiran miisaaniyaddii 2015 iyo 2016. waxaa la is weydinayaa halka uu ku maqnaa labadii sano ee la soo dhaafay.
  • Waxaa dad badan la yaab ku noqotay markii hanti dhowrku soo saaray qoraal uu ku difaacay sidii Guddooomiyihii hore ee Gobolka Banaadir u maamulay dhulka.
  • Mar wuxuu hanti dhowrku Nuur Jimcaale sheegay in heshiis aanu isagu diiwaangelin uu yahay sharci darro, isagoo markaas ka hadlayay shirkadaha dalka ka howlgala. 
  • Hanti dhowrka wuxuu marar badan ka soo saaraa qeylo dhaan heshiisyo iyo lacago ay dadka ka qaadaan hay’adaha dowladda Federaalka kadibna waxaa la arkaa isagoo la macaamilaya.
  • Warkii ugu danbeeyay ee hanti dhowrka kasoo yeeray ayaa ahaa in la jabsaday xafiiskiisii, isla markaana lagala baxay qalab iyo dokumentiyo muhiim ah. Waxaa la is weydiinayaa cidda falkaasi geysatay, iyadoo la ogyahay in xafiiska Hanti dhowrka uu guri ahaa u degan yahay hanti dhowraha laftiisa.??

Arrimahan oo dhan waxay shaki badan gelinayaan habka shaqo ee hanti dhowrka guud oo dadka qaarkii ay u arkaan nin ku shaqeysta xilka uu ku magacaaban yahay ama haddii si kale loo yiraahdo inuu shaqadiisa u adeegsado si uu madaxda xafiisyada kale handado kadibna xaaladda qaboojiyo is afgarad kadib.

Hanti dhowre Dr. Nuur Jimcaale wuxuu hayaa warbixinta dhammaan hantidii Qaran ee dowladii hore ay iibisay, waxaana hortiisa lagu bixiyay hanti badan oo Qaranku lahaa, taasoo ay qaateen shaqsiyaad, iyadoo aan mar qura la maqlin isagoo ka hadlaya..!

Gabagabadii waxaan ku soo xirayaa qisad soo socota:

W/Qoray Xassan Moalim

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Muuqaallo ku cajib gelinaya oo laga soo qaaday horumarka dekadda Muqdisho

0

Dekadda magaalada Muqdisho oo ah tan ugu ballaaran ee dalka Somalia kana soo gegaan badeecadaha inta badan ee gobolada dalka ayaa waxaa laga dareemayaa horumar ballaaran iyo ballaarin lagu sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay.

Maamulka dekadda Muqdisho oo gacanta ay ku hayso shirkadda Albayrak ee dalka Turkiga laga leeyahay ayaa waxay kusoo kordhisay qalab casri ah iyo ballaarin lagu sameeyay, waxaana shaki ku jirin in dekadda Muqdisho xiligaan tahay mid caalami ah.

Laakiin shirkadda Albayrak tan laga dhaxlay ayaa ah in muruq-maalkii Soomaaliyeed ay lasoo deristay shaqo la’aan, waxaana booskoodii buuxiyay qalab electronic oo si fudud u qabanaya shaqadii ay ku noolaayeen muruqmaalkii Soomaaliyeed.                   

Isha Warka: Warfaafiye.com

QM oo digniin kama dambeys ah kasoo saartay abaarta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa digniin kama dambeys ah kasoo saartay xaalada abaareed ee ka jirta deegaano dhowr ah oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dunida ay wajaheyso dhibaatadii ugu darneyd tan iyo markii la aasaasay Qaramada Midoobay sanadkii 1945.

Stephen O’Brien oo ah madaxa howlaha bini’aadanimada ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto dalal Soomaaliya ay kamid tahay loona baahan yahay in si deg dega ah wax looga qabtaa.

Wuxuu sheegay in ku dhawaad 20 milyan oo ruux oo ku nool dalalka Soomaaliya, Sudan, Yemen iyo waqooyi bari Nigeria ay wajahayaan xaaladii ugu xumeyd abid.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dad badan oo dalalkaasi ku nool ay u dhiman doonaan gaajo iyo macluul haddii aan la helin gargaar loo wada dhan yahay oo caalamka dhan ah.

Mr O’brien wuxuu sheegay in baahida ugu daran ay ka jirto Yemen, halkaasoo 3 meelood oo meel dadka dalkaas ku nool ay khatar ku jiraan, ayadoo xaaladdana ay sii xumaanayso.

Waa digniintii ugu dambaysay ee ka soo baxda Qaramada Midoobay oo ah in aysan haysan imkaaniyaadkii ay wax uga qaban lahaayeen mushaakilkan sii darsanaya ee dalal badan ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Kenya oo tababar u furtay xildhibaanada Jubbaland

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa tababar u furtay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland kuwaa oo tababarkooda uu ka furmay magaalada Nairobi.

Xildhibaanada tababarka loo furay ayaa ka tirsan gudi hoosaadyada baarlamaanka Jubaland, iyadoo tababarkooda ay bixinayaan xubno ka tirsan Baarlamanaka Kenya.

Tababarkan ayaa ah mid lagu xoojinayo tayada shaqada gudi hoosaadyada baarlamaanka Jubaland iyo shuruucda la xiriira qaabka ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo.

Tababarka ayaa waxaa qeyb ka ah Mas’uuliyiin ka kala tirsan mamaulka iyo Dowlada kuwaa oo indha in dheynaaya sida uu u socdo tababarka.

Baarlamaanka maamulka Jubaland ayaa sharci ahaan leh ilaa 13 guddi hoosaadyo oo loogu talagalay la xisaabtanka xukumada Jubbaland.

Sidoo kale, tababarka ayaa socon doona mudda 6 maalmood, iyadoo ay xusid mudan tahay inay ka qeybqaadanayaan 30 xildhibaan oo kamid ah guddi hoosaadyada baarlamaanka Jubaland.

Farmaajo oo $30,000 loo hadiyadeeyay qoyskiisa ugu deeqay dadka ay abaaraha saameeyen

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lacag dhan $30,000 dollar oo jeebkiisa ah ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Lacagta uu Madaxweynaha ku biiriyay Guddiga ayaa la sheegay in hadiyad ahaan loogu keenay qoyskiisa, waxa uuna ku wareejiyay Guddiga abaaraha, isagoo sheegay inaanu indhaha ka qabsan karin abaaraha ka taagan Gobolada dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lacagtaasi uu ugu arxamaayo Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa baahida iyo haraadka la jiifa guryadooda ee aan wali helin gargaar ku filan.

Lacagtan ayaa ah tii labaad ee uu gudiga ku wareejiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegay in lacagtaasi uu Guddoomay Sheekh Nuur Baarud oo kaalin mug leh ka qaadanaaya gurmadka Abaaraha.

Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay inuu ka xanuunsanaayo waxa ka socda Gobolada dalka, isla markaana sheegay in Dowladiisa ay dhaqaalaha ugu badan ku bixin doonto Abaaraha.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre oo ka qeybqaadanaayay barnaamij ka baxaayay TV SNTV ayaa sheegay in isaguna uu ka qeybqaadan doono Gurmadka Abaaraha oo hadda ka socda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa xiligii uu musharaxa ahaa Guddiga ku wareejiyey $30,000 doollaar oo uu ugu tallo galay in lagu qaboojiyo dadka ay abaartu saameysay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaaya Madaxweynihii ugu horeeyay oo dhaqaale jeebkiisa ah ku bixiya dhibaato ka taagan qeybo kamid ah dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Deg Deg: RW Kheyre oo arrin farxad u ah dadka abaarta saameysay Muqdisho uga dhawaaqay Markii uu ka qeyb…

Muqdisho (Caasimada Online)-  Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa magaalada Muqdisho uga dhawaaqay arrin farxad u ah shacabka ay abaarta saameysay.

Ra’isulwasaaraha oo hadda ka qebgalayo barnaamij si live ah uga socdo Telefishinka qaranka SNTV ayaa ka dhawaajiyey deeq ay dowladda ugu deeqaday dadka abaareysan.

Ra’isulwasaaraha ayaa ka dhawaajiyey inay dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii 2.5 tan oo daawo ah dadka abaareysan wuxuuna sheegay inay midaan tahay bilow.

Daawada uu Ra’isulwasaaraha ku dhawaaqay ayaa ah midda loogu talagalay shuban biyoodka maadaama uu shuban ka dilaacay meelaha ay baarta saameysay.

Barnaamijkaan ayaa waxaa Ra’isulwasaaraha kala qeyb galayo guddiga abaaraha oo uu hormuud u yahay Shiikh Nuur Baaruud Gurxan.

Wixii kusoo kordha hadalada uu Ra’isulwasaaraha ka jeedinayo barnaamijkaas live-ka ah waan idinla soo socod siin doonaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa ka jiro inuu Jawaari Kaalin weyn ku leeyahay magacaabista Golaha Wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa weli socdo ololaha loogu jiro magacaabista golaha wasiirada cusub ee la filayo inuu dhawaan ku dhawaaqo Xasan Cali Kheyre.

Haddaba warar hoose oo heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari uu lug weyn ku leeyahay magacaabista golaha wasiirada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay soo jeedin ku aadan shaqsiyaad uu ku sheegay inay yihiin kuwa mudan in loo magacaabo wasiiro wuxuuna liiskaas u gudbiyey Xasan Cali Kheyre.

Jawaari ayaa Kheyre u sheegay inuu shaqsiyaadkaan kusoo doortay howlkarnimo iyo inay yihiin kuwa u qalma xilal wasiir wuxuuna  u sheegay inay yihiin shaqsiyaadka kasoo bixi karo Shaqooyinka loo diro.

Liiska uu gudbiyey Jawaari ayaa la sheegay inay qaarkood yihiin kuwa kasoo garab shaqeeyey madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud wuxuuna caqabad kala kulmi karaa madaxweynaha Soomaaliya oo aan rabin inay wasiirada kasoo muuqdaan shaqsiyaad lasoo shaqeeyey dowladdii hore.

Liiska uu Jawaari wato ayaa waxaa ku qoran ilaa 6 shaqsi oo qaarkood ay yihiin isku beel waxaana laga war sugayaa go’aanka uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ka qaadan doono soo jeedinta Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo bilaabay xeelado cusub oo ay u dagayaan musharixiinta xil raadiska ah

Muqdisho (Caasimada Online)- Sida aan warbixinadii hore idinkula wadaagnay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa soo gabagabeeyey la tashiyadii uu la sameenayey oo uu la sameenayo  xildhibaanada kala matalo beelaha Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha ayaa cod buuxa ka helay beelaha kala duwan ee Soomaaliya markii ay fasax u siiyeen go’aanka soo magacaabista golaha wasiirada sidoo kalana ay u ballan qaadeyn inay la shaqeyn doonaan dadka uu soo magacaabo.

Haddaba waxaa soo baxday arrin cusub oo ku aadan in Xafiiska Ra’isu\lwasaaraha iyo kanmadaxweynaha ay laba waji oo kala duwan ku qaabilayaan musharixiinta raadinayo jagooyinka wasiirada ee lasoo magacaabo rabo.

Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ka wado kulamo uu la yeelanayo kooxo iyo shaqsiyaad u abaabulan qabiil qabiil iyo musharixiinta doonaya inay kamid ah ahaadaan golaha wasiirada cusub, wuxuuna Ra’isulwasaaraha xoogga saarayaa dhanka kooxaha iyo qabiilada waxaana meesha aad ugu yaraatay doorka Musharixiinta.

Kheyre ayaa ujeedkiisa koowaad yahay inuu raadiyo taageerada beelaha Soomaaliyeed si uu wasiiradiisa kalsooni ugu helo oo aan lagu celin.

Dhanka kale Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa aad loogu soo dhaweenayaa shaqsiyaadka isku soo sharaxayo jagada wasiirnimo waxaana la faryey inay tariikhda nololeedkooda iyo codsiyadooda geystaan xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Arrintaas laga wado xafiiska Madaxweynaha ayaa keentay in ilaa 350 codsi la geeyo xafiiska Ra’isulwasaaraha waana arrin uusan dalban Ra’isulwasaaraha Soomaliya waana midda ugu weyn ee shakiga gelisay siyaasiyiintii tagay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Musharixiinta xil raadiska ah ayaa hadda muujinayo walaac iyo shaki ku aadan arrintaas waxayna u arkeyn inay tahay khiyaano iyo kaarto cusub oo loo dagay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gaas oo looga yeeray Addis Ababa & Xulafeysiga Ethiopia oo si rasmi ah u bilowday

Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, kadib markii ay u yeertay Dowlada Ethiopia.

Gaas, oo goordhow gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu wadaa in halkaa uu kulamo kula yeesho Madaxda ugu sareysa Ethiopia oo waayadan uu xiriir xumo kala dhexeeyay Dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Maxamed C/llahi Farmaajo.

Mas’uuliyiinta uu la kulmi doono Gaas, ayaa waxaa la sheegay inay kamid yihiin Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Tedrso Adhanom, Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda iyo Wasiiro dhowr ah oo ay kawada hadli doonaan arrimaha Somalia, gaar ahaan Siyaasada cusub.

Qodobada ay sida gaarka ah uga wada hadli doonaan ayaa la xaqiijiyay inay kamid yihiin Xiriirka sii naxuusaya ee Ethiopia kala dhexeya Somalia, Kaalinta kaga aadan Puntland, Dhismaha Xukuumada cusub iyo in la helo dhinacyo garab u noqonkara Ethiopia si ay dib ula soo laabtaan xiriirkii kala dhexeeyay Somalia.

Gaas ayaa waxaa sidoo kale laga wareysan doonaa qodobo kale oo ku xeeran natiijada kasoo baxday kulamada gaarka ah ee uu la qaatay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo maalmihii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Uyeerida C/wali Gaas ayaa ah mid aan sidaa loo sii shaacin waxaana la filayaa in magaalada Addis Ababa uu ku sugnaan doono ilaa Seddex maalin waa haddii aan isbedel ku imaan qorshaha safar ee Gaas.

C/weli Gaas ayaa safarkiisa Addis Ababa kadib u safri doona dalka Imaaraadka Carabta isagoo kulan la qaadan doona Madaxda dalkaasi oo iyaguna uu xiriir xumi kala dhexeeyo Dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo.

Dowladaha Ethiopia iyo Imaaraadka ayaa xusul duub ugu jira sida ay ku kala dhantaali lahaayen Siyaasada cusub ee Somalia, waxa uuna ujeedkoodu yahay inay ku dhexmilanto arrimaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Dilalka Muqdisho oo sii kordhaya (Maxaa dhacay iminka?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad hubeysan ayaa goordhow toogasho ku dilay mid kamid ah Ciidamada Dowlada, xili uu ku guda jiray howlihiisa shaqo.

Dilka ayaa ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafada Buurdheere, waxaana halkaasi ka baxsaday maleeshiyaadka dilka geystay.

Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cadow waxaana xiliga la dilayay la sheegay in uu ku sugnaa goob uu shaqo ahaan ku qornaa.

Maleeshiyaadka ayaa Askariga ka toogtay qeybta sare ee jirkiisa, waxaana halkaa ka qaaday ciidamo ka tirsan Booliska oo goobta gaaray.

Dilkaani ayaa barbar socda dil sidoo kale xalay ka dhacay xaafada Ceel-dhanaanow ee Degmada Dharkeynley kaa oo loo geystay Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan marti galineysa dilal qorsheysan kuwaa oo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Askarta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-warran: Wax badan ka ogoow sababta dagaaladii CADALE iyo mas’uuliyiinta ku lug lahaa

0

Cadale (Caasimada Online) – Usbuucyo ka hor ayaa waxaa ka soo cusboonaaday dagaallo culus ee dhaliyay khasaarooyin nafeed iyo mid maal kuwaasoo ka dhacay tuulooyin hoos yimaada Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe. Dagaaladaan oo u dhaxeeyay magac ahaan laba beelood oo wada daga Degmada Cadale yaa ka dhashay muranno la xiriira lahaansho dhuleed iyo deegaano kaasoo la sheego in uu yahay mid soo jiray 30 kii sano ee ugu danbeeysay.

24 tii bishii hore ayeey ahayd markii dagaal culus uu ka dhacay Tuulada Koogaar (Burdheere) ee hoos tagta Cadale taasoo la sheegay in ay weerar kaga yimid dhanka tuulada Xaaji Cali ee isla Cadale ka wada tirsan. Dagaal saacado socday ka dib, ayaa la sheegay in gabi ahaan la guabay tuulada Koogaar iyadoo Ceel biyoodkii deegaanka sidaaso kale dab la qabadsiiyay halka ay jiraan sida la soo wariyay Xoolo iskugu jiray Geel, Lo’ iyo Ari oo la dhacay oo aan tiradooda la hubin ilaa hadda. Guryaha Deegaanka ahaa ee la qabadsiiyay dabka ayaa lagu qayaasay ilaa 700 oo guri halka beero ka badan 65 dab lagu qabtay.

Marka ay soo adkaatay xaaladda deegaanadaasi ooa y u muuqatay in ay faraha ka sii baxayso , D/Goboleedka Hirshabeele ayaa u muuqday mid dhagaha ka fureestay in uu ka hortago colaadaasi iyadoo mas’uulyaddaasi ay noqotay mid isku tuur tuur gasha.

Waxaa soo xoogaysanaya warar isa soo tarayo ee sheegay in Madaxweyne Xigeenka Hirshabeele Cali Guudlaawe uu mid ka mid ah labada garab ee dagaalamay uu taageero siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid saanad hub iyo ciidanba siiyay gaar ahaan beesha Degta Tuulada Xaaji Cali. Guriga uu daganyahay Cali Guudlaawe ee ku yaala magaalada Joowhar ayaa ka hor dagaalka 48 saac waxaa lagu arkayay shaqsiyaad horjoogayaal ah ee ka soo jeeda tuulada Xaaji cali oo ku qulqulaya iyo baabuur nuucyada dheereeya ah oo lagu sheegay in ay saarnaayeen saanad badan uu hub ka buuxay ka dibna ay qabteen dhanka tuulada Xaaji Cali halkaaso subaxdii danbe laga qaaday dagaalka lagu qabsaday ka dibna lagu guabay gabi ahaanba tuulada Koogaar.

Dadka aad ugu dhuun duleela sababaha ka danbeeya dagaalkaani ayaa ku sheega laba arrin oo kala ah;

1.Mid siyaasadeed: Degamada Cadale ayaa wada daga beelo walaala ah balse awood qaybsiga siyaasadeed ayaa inta badan  u dhaxeeya labada beelood ee hadda wada dagaalamay iyadoo taarikh ahaan sanadahii 1960 iyo 1964 tii taaso ah sagaalkii sano ee doowladii rayidka ay degmadaasi kuraasta xildhibaanimo ka soo gali jireen Cali Hagareey iyo Abuukaate Gabyooy/Kurutubo Qaad kuwaaso ka soo kala jeeda labada jifo ee dagaalantay. Dagaalkaan ayaa hadda waxaa ka muuqanaya isbahaysi cusub ee ka dhan ah tuulada Koogaar kaasi uu gadaal ka riixayo Cali Guudlaawe si jufada uu ka dhashay ay jaanis kuraaseed ka hesho Cadale sida leesla dhaxmarayo.

2.Mid Dhaqaale: Degamda Cadale ayaa leh kheyraad kala duwan gaar ahaan badda. Waxaa ku yaala Dekad macmal ah (Dekadda Malable) oo ay gumeestihii talyaaniga adeegsan jireen balse waxaa xusid mudan in dhulka ay ku taalo dakadaani ay xuduud ahaan dhacdo dhulka beesha Degta tuulada Koogaar ee hadda dagaalka ka dhacay. Damacaasi dhaqaale ayaa ah sababta labaad ee dagaalka isbahaysiyeed loogu qaaday Koogaar.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaho Farmaajo ayaa horay xilli uu furayay baarlamaanka cusub laba usbuuc ka hor ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socoda Degmada Cadale si deg degana loo kala dhaxgalo dadka dagaalamayo.

Waxaa socda dadaallo nabadeed oo ay hor boodayaan duubabka dhaqanka ka soo jeedo deegaanadaasi kaasoo la doonayo in lagu wada hadlasiiyo labadii beelood ee dagaalamay balse ilo lagu kalsoo naan karo ee laga helaayo dhanka tuulada Koogaar ayaa sheegayo in ay jiraan shuruurda ad-adag oo ay garbkaasi la soo shir tagi doonaan kuwaasoo aan la ogayn sida ay uga soo bxii karaan duubabka dhaqanka ee garwadeenka ka noqon doono wadahadalada dib u hishiisiinta.

Wixii ka soo kordho xaaladaha degmada Cadale waxaad kula socon doontaan wararkeena danbe.

Caasimada Online
Xafiiska Cadale
[email protected]

Feysal Cali Waraabe oo weerar afka ah ku qaaday Xasan iyo shaqsiyaadkii la shaqeeyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Feysal Cali Waraabe, ayaa si qoto dheer uga hadlay ballanqaadyadii ay horay uga weecatay Dowladii Xasan Sheekh.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Xasan Sheekh uu si ku tallogal ah uga weecday heshiisyo ay la gashay Maamulka Somaliland, kaasi oo ay kala saxiixdeen Mas’uuliyiin ka socotay Labada dhinac.

Dowladii Xasan Sheekh, ayuu tilmaamay inay aheyd Dowladii ugu daneysiga badneyd ee soo martay Somalia, waxa uuna cadeeyay in Somaliland ay dhankeeda ka adkeyn jirtay Heshiiska maadaama uusan Xasan Sheekh mudnaan siin.

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu ahaa nin ay ku weentahay beenta, isagoo intaa raaciyay inay khaldayeen shaqsiyaad ku dhow dhow oo ka shaqeynaayay burburka Somaliland.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu intaa ku daray in dowladii hore ee Somalia ay sameysay qalad, maadaama Somaliland ay uga baxday labo heshiis oo ay la galeen, taasina ay aheyd, mid aanan wanaagsaneyn.

Wuxuu ku eedeeyay in uu ka baxay labo qodob oo uu la gaaray Somaliland, isagoo sheegay intaasi ay aheyd mid mas’uuliyad daro ah.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in rajo uu ka qabo in Dowlada cusub ee Farmaajo ay Siyaasad ahaan ka duwanaato tii hore.

Farmaajo ayuu sheegay inuu ka rajeynaayo in ay saxdo qaladaadkii hore, si horey loogu sii socdo, loona amba qaado heshiiyadii hore.

Haddalka Feysal Cali ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan ay soo dhaweeyen Dowlada Maxamed C/llahi Farmaajo oo ay doorteen Xildhibaanada labada Aqal.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Xog: R/W Kheyre oo guul weyn ka gaaray magacaabista golihiisa wasiirada markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyey Xafiiska Ra’isulwasaraaha la socoto la tashiyo ku aadan golaha wasiirada cusub ee dhawaan la filayo in lagu dhawaaqo.

Haddaba Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray guushii ugu weyneyd ee magacaabista golaha wasiirada markii uu fasax iyo taagero ka helay dhammaan beelaha Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha ayaa dhawaan laba shuruud hor dhigay beelaha inay kasoo fakaraan kadibna ay go’aan cad u keenaan, waxaana dhacday inay dhammaan beelaha ku qanceyn shuruudihii uu Ra’isulwasaare Kheyre hordhigay.

Labadaan shuruud ayaa kala ahaa inay beelaha keenaan liiska shaqsiyaadka ay rabaan in loo magacaabo wasiirada sidaasna uu Ra’isulwasaaraha kala dhex baxayo shaqsiga uu isaga u arko inay dan ugu jirto Soomaaliya.

Qodobka labaad oo uu Ra’isulwasaaraha ka codsaday beelaha Soomaaliyeed ayaa ahaa inay  markii uu Ra’isulwasaaraha doorto shaqsiga uu rabo ay ballan qaadaan inay ku qanci doonaan lana  shaqeyn doonaan.

Labadaas qodob oo ahaa kuwa aad u adag ayey markii dambe beelaha isku afgarteyn inay ogoladaan  waana tallaabo weyn oo Ra’isulwasaaraha u qaaday magacaabista golaha wasiirada oo ay markii hore hareysay is qabqabsi ka dhex jiray beelaha qaar taasoo keentay inay dib u dhacdo magacaabista.

Ra’isulwasaaraha ayaa beelaha la qaatay kulamo gaar gaar ah waxaana beel kasta matalayey xildhibanada ugu jiro Baarlamaanka laba aqal waxayna kulamadaas qaatay muddo asbuucyo ah, muranka ugu badana wuxuu ka jiray awood qeybsiga wasiirada ugu muhiimsan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa xildhibaanada beel kasta ka codsanayay inay la yimaadaan musharixiin dhowr ah oo uu beel kasta ka xusho ama ay isaga u madax banneeyaan xulashada, kuna taageeraan ciddii uu soo magacaabo, arrintaas oo ahayd qodobka ugu adag ee uu kala hadlay xildhibaanada loo qaabilay qaabka beeleed.

Inta badan beelaha u loolamaya xilalka wasiirada ayaa Ra’iisal wasaaraha siiyay xoriyad uu ciddii uu doono ku magacaabi karo, laakiin waxay dalbadeen wasaaro muhiim ah iyo awood qeybsi ku dhisan rabitaankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxay ahaayeen boqolka qof ee maanta laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii ugu dambeeyey magaalada Muqdisho waxaa soo gaarayey dad Soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyey wadamo ay qaxooti ahaan u joogeyn.

Haddaba waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soo caga dhigatay diyaarad siday ku dhawaad boqol qof oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay wadanka Mareekanka.

Dadkaan ayaa la sheegay inuu ku xirnaayeen xabsiyo ku yaal dalka Mareekanka waxayna intooda badan ahaayeen dhallinyaro, waxayna guud ahaan gaarayaan dadka maanta Muqdisho la keenay Ilaa 96 qof oo Soomaali ah.

Midda yaabka badan ayaa aheyd inay intooda badneyd ku xirneyd katiinado waxaana lasoo mariyey Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Dhallinyaradaan maanta Muqdisho soo gaartay ayaa la sheegay inu dhibaato ku heysatay xabsiyada dalka Mareekanka waxayna qaarkood oo la hadlay saxaafadda sheegeyn inay aad ugu farxeyn markii ay arkeyn Magaalada Muqdisho iyo dalkooda hooyo.

Dadkaan lasoo tarxiilay ayaa u badnaa kuwa aan heysan sharci iyo kuwa halkaas ka geystay falal dambiyo ah waxayna sidaas ku muteysteen xabsi muddo ah inkastoo markii dambe amar kasoo baxay dowladda Mareekanka lagu soo saaray in wadankooda dib loogu celiyo taasoo ay qaarkood u arkeyn inay tahay tallaabo dan weyn ugu jirto.

Tan iyo markii uu Trump la wareegay talada dalka Mareekanka waxaa culeys weyn soo fuulay dadka kasoo jeedo wadamada Islaamka oo ay kamid tahay Soomaaliya, wuxuuna madaxweynaha dhawaan soo saaray amar cusub oo uu dalkiisa uga mamnuucay ilaa 6 dal oo ay ku jirto Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]