26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Feysal Cali Waraabe oo weerar afka ah ku qaaday Xasan iyo shaqsiyaadkii la shaqeeyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Feysal Cali Waraabe, ayaa si qoto dheer uga hadlay ballanqaadyadii ay horay uga weecatay Dowladii Xasan Sheekh.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Xasan Sheekh uu si ku tallogal ah uga weecday heshiisyo ay la gashay Maamulka Somaliland, kaasi oo ay kala saxiixdeen Mas’uuliyiin ka socotay Labada dhinac.

Dowladii Xasan Sheekh, ayuu tilmaamay inay aheyd Dowladii ugu daneysiga badneyd ee soo martay Somalia, waxa uuna cadeeyay in Somaliland ay dhankeeda ka adkeyn jirtay Heshiiska maadaama uusan Xasan Sheekh mudnaan siin.

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu ahaa nin ay ku weentahay beenta, isagoo intaa raaciyay inay khaldayeen shaqsiyaad ku dhow dhow oo ka shaqeynaayay burburka Somaliland.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu intaa ku daray in dowladii hore ee Somalia ay sameysay qalad, maadaama Somaliland ay uga baxday labo heshiis oo ay la galeen, taasina ay aheyd, mid aanan wanaagsaneyn.

Wuxuu ku eedeeyay in uu ka baxay labo qodob oo uu la gaaray Somaliland, isagoo sheegay intaasi ay aheyd mid mas’uuliyad daro ah.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in rajo uu ka qabo in Dowlada cusub ee Farmaajo ay Siyaasad ahaan ka duwanaato tii hore.

Farmaajo ayuu sheegay inuu ka rajeynaayo in ay saxdo qaladaadkii hore, si horey loogu sii socdo, loona amba qaado heshiiyadii hore.

Haddalka Feysal Cali ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan ay soo dhaweeyen Dowlada Maxamed C/llahi Farmaajo oo ay doorteen Xildhibaanada labada Aqal.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Xog: R/W Kheyre oo guul weyn ka gaaray magacaabista golihiisa wasiirada markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyey Xafiiska Ra’isulwasaraaha la socoto la tashiyo ku aadan golaha wasiirada cusub ee dhawaan la filayo in lagu dhawaaqo.

Haddaba Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray guushii ugu weyneyd ee magacaabista golaha wasiirada markii uu fasax iyo taagero ka helay dhammaan beelaha Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha ayaa dhawaan laba shuruud hor dhigay beelaha inay kasoo fakaraan kadibna ay go’aan cad u keenaan, waxaana dhacday inay dhammaan beelaha ku qanceyn shuruudihii uu Ra’isulwasaare Kheyre hordhigay.

Labadaan shuruud ayaa kala ahaa inay beelaha keenaan liiska shaqsiyaadka ay rabaan in loo magacaabo wasiirada sidaasna uu Ra’isulwasaaraha kala dhex baxayo shaqsiga uu isaga u arko inay dan ugu jirto Soomaaliya.

Qodobka labaad oo uu Ra’isulwasaaraha ka codsaday beelaha Soomaaliyeed ayaa ahaa inay  markii uu Ra’isulwasaaraha doorto shaqsiga uu rabo ay ballan qaadaan inay ku qanci doonaan lana  shaqeyn doonaan.

Labadaas qodob oo ahaa kuwa aad u adag ayey markii dambe beelaha isku afgarteyn inay ogoladaan  waana tallaabo weyn oo Ra’isulwasaaraha u qaaday magacaabista golaha wasiirada oo ay markii hore hareysay is qabqabsi ka dhex jiray beelaha qaar taasoo keentay inay dib u dhacdo magacaabista.

Ra’isulwasaaraha ayaa beelaha la qaatay kulamo gaar gaar ah waxaana beel kasta matalayey xildhibanada ugu jiro Baarlamaanka laba aqal waxayna kulamadaas qaatay muddo asbuucyo ah, muranka ugu badana wuxuu ka jiray awood qeybsiga wasiirada ugu muhiimsan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa xildhibaanada beel kasta ka codsanayay inay la yimaadaan musharixiin dhowr ah oo uu beel kasta ka xusho ama ay isaga u madax banneeyaan xulashada, kuna taageeraan ciddii uu soo magacaabo, arrintaas oo ahayd qodobka ugu adag ee uu kala hadlay xildhibaanada loo qaabilay qaabka beeleed.

Inta badan beelaha u loolamaya xilalka wasiirada ayaa Ra’iisal wasaaraha siiyay xoriyad uu ciddii uu doono ku magacaabi karo, laakiin waxay dalbadeen wasaaro muhiim ah iyo awood qeybsi ku dhisan rabitaankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxay ahaayeen boqolka qof ee maanta laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii ugu dambeeyey magaalada Muqdisho waxaa soo gaarayey dad Soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyey wadamo ay qaxooti ahaan u joogeyn.

Haddaba waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soo caga dhigatay diyaarad siday ku dhawaad boqol qof oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay wadanka Mareekanka.

Dadkaan ayaa la sheegay inuu ku xirnaayeen xabsiyo ku yaal dalka Mareekanka waxayna intooda badan ahaayeen dhallinyaro, waxayna guud ahaan gaarayaan dadka maanta Muqdisho la keenay Ilaa 96 qof oo Soomaali ah.

Midda yaabka badan ayaa aheyd inay intooda badneyd ku xirneyd katiinado waxaana lasoo mariyey Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Dhallinyaradaan maanta Muqdisho soo gaartay ayaa la sheegay inu dhibaato ku heysatay xabsiyada dalka Mareekanka waxayna qaarkood oo la hadlay saxaafadda sheegeyn inay aad ugu farxeyn markii ay arkeyn Magaalada Muqdisho iyo dalkooda hooyo.

Dadkaan lasoo tarxiilay ayaa u badnaa kuwa aan heysan sharci iyo kuwa halkaas ka geystay falal dambiyo ah waxayna sidaas ku muteysteen xabsi muddo ah inkastoo markii dambe amar kasoo baxay dowladda Mareekanka lagu soo saaray in wadankooda dib loogu celiyo taasoo ay qaarkood u arkeyn inay tahay tallaabo dan weyn ugu jirto.

Tan iyo markii uu Trump la wareegay talada dalka Mareekanka waxaa culeys weyn soo fuulay dadka kasoo jeedo wadamada Islaamka oo ay kamid tahay Soomaaliya, wuxuuna madaxweynaha dhawaan soo saaray amar cusub oo uu dalkiisa uga mamnuucay ilaa 6 dal oo ay ku jirto Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Khilaafka BBC iyo Somaliland oo meel xun maraya iyo madaxii laanta afka Soomaaliga oo Hargeysa ka dagtay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ay caasimadda Online ka heleyso magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland ayaa sheegayo inay halkaas gaartay madaxiii ugu sarreeyey BBC laanteeda afka Soomaaliga iyo sawaaxiliga haweeneyda lagu magacaabo Caroline Karubi kadib markii uu cirka isku shareeyey khilaafka ka dhaxeeyo BBC iyo Maamulka Somaliland.

Wafdigaan ka socdo BBC ayaa Hargeysa u tagay sidii loo xallin lahaa cabashada ka timaaday maamulka Somaliland oo ku aadan inaysan BBC dhex dhexaad ka aheyn siyaasadda Somaliland iyo Soomaaliya taasina ay keeni karto in BBC laga mamnuuco meelaha ay ka arrimiso Somaliland.

Somaliland ayaa BBC ku eedeysay inaysan ula dhaqmin sida maamulada kale oo kale taasna ay muujineyso cadaawadda ay BBC uu heyso Somaliland, waxayna ku hanjabtay inay xayiraad kusoo rogi doonto haddii aan wax laga qaban cabashadooda.

Wafdigaan oo ka kooban 3 Mas’uul ayaa lagu wadaa inay maamulka Somaliland ka qanciyaan cabashada ay soo jeediyeen waxayna kulamo la qaadan doonaan wasiirada warfaafinta Somaliland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxda BBC-da ee gaartay Hargeysa iyo Wasiirka Warfaafinta ay kulan ku leeyihiin Xafiiska Wasiirka, waxaana la sheegayaa in Mas’uuliyiinta BBC-da ay raalli gelin ka bixiyeen waxyaabaha ay ka tabanayaan shaqaalaha BBC-da.

Cismaan Saxardiid Caddaani oo ah wasiirka Warfaafinta Somalialnd ayaa dhawaan BBC qeybteeda afka Soomaaliga ku eedeeyey inaysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha Somaliland markasta ay qadka soo geliyaan dad kasoo horjeedo siyaasadeeda.

Sanadkii 1991 ayey aheyd markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni ug go’aday Soomaaliya inteeda kale, welina ma aysan helin wax aqoonsi ah oo ku aadan gooni isku taageeda, waxayna BBC ku eedeysay inaysan dowladda ugu yeerin oo ay maamul ugu yeeraan taasina ay muujineyso inay kasoo horjeedo go’aankeeda ah inay ka go’day Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Xog: Farmaajo oo go’aan cad oo ku saabsan wasiirada usoo jeediyey Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) –  Maalmihii ugu dambeysay waxaa badatay khilaafka ku aadan qaabka loo qeybinayo golaha wasiirada iyadoo beelaha qaar ay dalbadeyn in la siiyo wasiiro cayiman oo ay iyaga dooq deyn.

Haddaba xogta hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo go’aan cad siisay Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre kaasoo ku aadan qaabka loo qeybinayo golaha wasiirada cusub.

Madaxweynaha ayaa Ra’isulwasaaraha u sheegay inuu waqti ku socdo sidoo kalana aysan macquul aheyn in intaan ka badan golaha wasiirada la sugo wuxuuna ku amray inuu soo gabagabeeyo la tashiyada beelaha maadaama ay weli qaar ka tirsan beelaha ku qanci la’yihiin qaab qeybsiga.

Madaxweynaha ayaa lasoo sheegayaa inuu sheegay inaan loo xayirnaan karin beelaha qaar lagana rabo inay ku qancaan qaabka ay Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha usoo xulaan wasiirada isla markaasna ay beelaha ugu qeybiyaan.

Madaxweynaha ayaa Kheyre u sheegay inaysan wasiirada ugu muhiimsan u qeybsami karin dhammaan beelaha taasina ay markasta ka dhigan tahay inay taagnaan doonto cabashada qaar kamid ah beelaha.

Ra’isulwasaaraha ayaa ku wareeray codsiyada kala duwan ee soo gaarayo Xafiiskiisa taaso ka imaaneyso beelaha Soomaaliya waxayna midaas keentay in asbuucaan dhamaadka ah uu dib u dhacdo magacaabista Golaha wasiirada.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayey in Beesha xawaadle ay dalbadeyn in la siiyo wasiirka Arrimaha gudaha waxayna garab ka heleysaa ugaaskooda Ugaas Xasan waana midda ugu weyn ee keentay dib u dhaca.

Waxaan laga war sugayaa go’aanka uu qaato Ra’isulwasaaraha iyo sida uu u garto inuu usoo xulo golihiisa wasiirada oo ay isha ku hayaan beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Erdogan “Hadey heystaan taangiyo anagana Ilaah ayaan heysanaa, geeri ayaan diyaar u ahay”…

Xog sirdoon ” Afganbigii Turkiga” iyo wardoonka Ruushka. Afgambigi Turkiga ayaa qorsheysna inuu dhaco bishi Agoosto .

Qofna ma uu la socon in afgambi uu dhacayo habeenkaasi marka laga reebo in taangiyo lagu arkay buundada Bosphorus oo ah goob istiraatiiji ah , waxaana mar qura ay shacabka ka war heleen dabaabado.

Hawlaha afgambiga waxa ay ahayeen kuwa qorsheysan oo u socda sidii la rabay oo sir ah balse waxa shaki yimid laba maalin un markii wariyaha talafeshinka ee CNN Christiana Amanpour lagu dhex arkay xirada ciidamada NATO ee uu mareykanka ku leeyahay dalka Turkiga, taas ayaa noqotay shaki culus ; sababtoo ah Pentgon-ka mareykanka waxaa uu wada-shaqeyn dadban la leeeyahay telefishinka qaranka dalkooda ee CNN , waxa uuna si sira u wargaliyaa wadamada uu mareykanka uu la damacsanyahay afgambiyada.

Wariyahani Amanpour waxa ay iskeed isaga mamnuucday dalal badan oo ay akhbaraat kasoo tabisay. Aragtideeda waxa uu ahaa ifafaalo.

Hadaba Siiriya , Iiraan iyo Ruushka waa ay lasocdeen inqilaabka , hasa ahatee Ruushka oo mareykanka u arka cadaw ayaa qarsan waayay xogtani , waxa ayna ku qasabtay in xogtani ay si toos ah ula wadaagto madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan . Isla markiiba Moskow waxa ay dirtay la taliyihii madaxweynaha Ruushka ninka lagu magacaabo Aleksandar Dugin waxa uuna horey u qaaday xog iyo dukumintiyo ku dhameestiran xogtii wardoonkooda uu ka hayay halista ku fool leh Ankara.

Safarka waa mid qarsan oo sir , lagama oga Tehran ,Dimishiq xitaa Moskow ;kaliya waxa og madaxweyne Putin iyo la taliyihiisa oo ah adeegaha u idman hawshan culus . Qaab socdaalkeedka safarka Mr Dugin waxa uu ahaa mid waali ah , oo aan looga baran , waxa uu si maray goobo badan Moscow ayuu uga gudbay Astana kadib Tehran kadib Dimishiq kadib Nicosia ugu danbeyn Ankara ayuu gaaray .

Markii uu si qarsoodi ku tagay Ankara , waxa uu Aleksander Dugin uu si dhumaleysi kula kulmay ninka uu aad madaxweyne Erdogan u aaminsanyahay ee Melih Gokcek oo ah Mayarka Ankara .

Wakiilka ahna la taliyaha madaxweyne Putin iyo Maayarka Ankara , waxay wada ahayeen ardaydii iskuulka KGB ee soofiyeetka , waa ay is ka warhayaan marka laga yimaado xirfadahooda shaqo.

Kulankan xita Erdogan ma uusan ogeyn kamana warqabin Dugin imaanshihiisa Ankara , wada shekeysi dheer kadib waxa uu gudbiyay Mr Dugin xog-badan oo amakaak ku noqotay saxiibkii ; ujeedka ugu weyn ee sirtaasi loogu dusiyay Turkiga waxa uu ahaa kaliya in lo muujiyo saxiibtinimo ku eg cadawgeyga cadawgiisa wa rafiiqeyga.
Sido kale Ruuska xogtaasi waxa u sahashay gudbinteeda qalab sirdoon isagoo isticmaalaya aaladaha wax basaaso ee yaala waqooyiga Siiriya ,

Qalabkani Ruushka awood ahaan wuu akhrin jiray koodhadhka duuliyaasha turkidda ee F16 , xitaa waxa uu ogaa duuliyayaashi riday diyuuradihiisa iney ahayen rag amarka laga siinayay Amerika oo wasaarada difaaca Turkida warba ka heyn .

Ruushka duuliya-yashaasi Turkida waxa uu ku sheegay kuwa qalbiyada Mareykan ka ahaa (american implants).

Mareykanka intaasi oo idil oo shirqool , waxuu u sameynayay ayaa lagu shegay iney eheed isticmaalka Falsafada boqortooyada Ingiriiska ee horey lo tijaabiyay”qeybi oo xukun” divide and conque” , Putina waxa uu awood u lahaa in uu ka aamuso inqilaabkaasi. balse waa uu diiday siyaasadda Mareykanka ee iska horgeynta .

Marka la kala qaatay dukumintiyadii ayaa lagu wareejiyay madaxweyne Erdogan oo la tacajubay khabarka wardoonka Raashiya , waxaan isla markiiba uu maxkamadda dalka Turkiga qaab sira uu Erodgan uga codsaday in ay so saarto gal-dacwadeed lagu xirayo ku dhawaad 2000 oo qof oo ay ku jiraan dhamaan saraakishii ciidamadda Cirka (kuwii afganbiga dib ka qirtay ) iyo kuwa kaloo badan , hasa ahatee maxkamaddi garsoorayaasheediii ayaa qaarkood kamid ahaa qeyb afgambiga ; isla markiiba waxa ay warkii u gudbiyeen saxiibadood kuna wargaliyeen in laga warqabo , iyagoo sido kale diiday xariga edeysanayaasha farmuuqa ku yimid .

Taa ayaa keentay so dadajinta shirqoolka lagu qaban lahaa ama lagu dili lahaa Erdogan . Marki uu dhacay Afgambiga kor ahaan ayey kala socotay Turkida balse waqtiga iyo saacadda ma eheen mid go,an , inkastoo ruushka uu taako taako ula socday.

Xiliga oo habeen ahaa Erdogan waxa uu ku sugna goob nasasho ah waxa la joogay seedigiis oo u shegay xaalka.

Waxaa qoray:
Hussein Anteeno

Farmaajo oo kulan deg deg ah la yeeshay hanti dhawraha guud iyo amar cusub oo uu soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan deg deg ah la yeeshay Hanti Dhawraha guud ee qaran Dr. Nuur Faarax Jimcaale kadib markii la jabsaday xafiiskiisa oo ku yaal madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankaan ayaa imaaday markii ay soo baxday warar sheegayo in xafiiskiisa la jabsaday sidoo kalana lagala baxay qalab muhiim ah iyo Document aan laga maarmi karin.

Madaxweynaha ayaa Hanti dhawraha waydiiyey qaabka ay u dhacday arrintaas iyo cidda ka dambeyso, wuxuuna u sheegay  inuusan ilaa hadda garaneyn cidda ka dambeyso falkaan guracan ee xafiiskiisa lagula kacay.

Arintaan oo la yaab iyo fajac ku noqotay madaxda Villa Soomaaliya sidoo kalana abuurtay xiisad siyaasadeed ayuu madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo amar ku bixiyey in si deg deg ah loo soo baaro arrintaasna lana soo caddeeyo cidda ka dambeyso.

Warar soo baxayo ayaa sheegayo inay falkaan ka dambeeyeen qaar ka tirsan xafiiska Hantida dhawraha guud ee qaranka waana midda keentay inuu falkaan noqdo mid saameyn ku yeeshay Xarunta Villa Soomaaliya.

Hanti Dhawraha guud ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku mashquulsanaa soo bandhigista lacag lagu sheegay ilaa 110 Malyan oo Dolar oo ku maqan dowladdii hore ee waqtigeeda dhamaaday, waxaana la filayaa inay arrintaan ku lug lahaadaan shaqaale ka tirsanaa xukuumadii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo shaki galisay saxiixa saldhigga milatari ee Imaaraadka ee Barbara

Hargeysa (Caasimada Online) – Mas’uul ka tirsan maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in maamulka uusan wali saxiixin Heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland ee Saldhiga Militery.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Kaaliyaha Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Heshiiska uu wali yahay mid qabyo ah isla markaana aanu ku dhicin saxiixa Madaxweynaha maamulka.

Waxa uu sheegay in Heshiiska uu ka dhiman yahay saxiixa Madaxweynaha kaa oo hirgali doona markii lasoo dhameeyo dhammaan qodobada harsan.

”Madaxweynuhu isaga oo dastuurku awood u siiyay inuu heshiis soo galo, kadibna ka ansixiyo golayaasha , wuxuu doorbiday isaga oo tala wadaag iyo tixgelinta dadkiisa eegaya, heshiiskii oo aanu weli saxiixin oo qabyo ah, qodobadii uu kula soo heshiin lahaa dowladda aynu wax wada galeyno oo aanu weli isagu saxiixin ayuu soo hordhigay labada gole”

”Waxaa la joogaa xiliga la saxiixi lahaa Heshiiska balse waxa uu Madaxweynaha ka fiirsanayaa dhibta imaankarta waxa uuna wali wadaa la tashiyo”

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in Heshiiska uu si KMG ah hakat usii galay isla markaana uusan ku dhicin saxiixa sababo la xiriira qodobo dheeri ah oo aan leysku fahmin.

Waxa uu cadeeyay in saxiixa Madaxweynaha uu dhawaan ku dhici doono Heshiiska labada dhinac dhexmaray waxa uuna meesha ka saaray in Heshiiska uu hakat gali doono ama fashilmi doono.

Haddalka Muuse Biixi Cabdi, ayaa imaanaya xili DFS ay si cad u hakisay Heshiiska ay Imaaraadka ku dhisaneyso Saldhiga Militery ee Barbara.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Ahlu-Sunna oo dalab ka duwan kuwii hore hordhigtay Farmaajo iyo Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ahlusuna ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha ay ka doonayaan in Golaha Wasiirada ay ka helaan kursi fiican.

Maamulka waxa uu sheegay in Ahlusunna ay si gaara usoo dhaweysaneyso Dowlada cusub, balse loo baahan yahay in sanadkaani lagu tijaabiyo Wasaarad tayo leh.

Gudoomiyaha Ahlusunada ee Gobolada Konfureed Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal, ayaa sheegay in Ahlusuna ay ku biiri doonto Dowlada waxa uuna cadeeyay in Ciidamadooda ay ku dari doonaan kuwa Dowlada.

Waxa uu Guddoomiyaha sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha looga baahan yahay inay tirtiraan xumaanta horay loogu geystay Ahlusuna waxa uuna tilmaamay in iminka ay doonayaan Wasaarad tayo leh.

Sheikh Isxaaq ayaa codsaday in xubno muhiim ah laga siiyo Golaha wasiirada ee lagu dhawaaqi doono maalmaha soo socda, si ay uga soo muqdaan wasiirada imaan doono.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Ahlusunada Koonfureed ayaa soo jeediyey in laga qeyb galiyo golaha xukuumada oo uu sheegay inay wax badan qaban karaan Culima’udiinka Ahlusunna Wal-jamaaca, loona baahan yahay in fursad loo siiyo kamid ahaanshaha wasiirada cusub.

Dhinaca kale, waxa uu ku celceliyay in lama huraan ay tahay in il gaara lagu fiiriyo Ahlusunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Qorshe siyaasadeed yaab leh oo la ogaaday in laga leeyahay xiisadda Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xubno sare oo ka tirsan dowlada Puntland ku lug leeyihiin qalalaasaha ciidmada daraawiishta ka wadaan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Ilahaan ka warqaba arimahaan ayaa sheegey in xubno isugu jira gudoonka sare ee Barlamanka Puntland , sarakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland iyo Madaxweyne Gaas ay si ku talagal ah u xalin wayeen sheegashada mushaharadka ka maqan ciidamada daraawiishta, taasoo sababtu tahay sidii ay ugu ekeysiin lahaayeen in maamulka Puntland uusan ku shaqeyn karin magaalo madaxda Puntland.

Xogta ayaa sheegeysa in xukuumada Madaxweyne Gaas gabi ahaanba si ku talagal ah uga gaabisay iney wax ka qabato cabashadii ciidamadii qabsadey dhamaadkii bishii Febraayo xarunta Barlamanka Puntland.

Xal u helista falkaan khalkhalka galiyey hay’ada sharci dajinta Puntland, ayaa noqon karey hadii xukuumada madaxweyne Gaas daacad ka tahay xalintooda labo arimood oo kala ah; In xukuumada si deg deg ah u bixiso lacagta ciidamadaan sheeganayaan iyo In talaabo sharci ah laga qaado saraakishii hogaamineysey qabsashada xarunta Barlamanka iyadoo adeegsaneysa saraakiisha ugu sareysa ciidamada daraawiishta Puntland balse Xukuumada Gaas ayaan labadaan talaabo midna fulin iyadoo ku badashay waxqabadkii laga sugayey iney falkaan ku eedeeyaan siyaasiyiin reer Puntland kuwasoo xilal horey uga soo qabtey xukumadihii hore.

Dhinaca kale Islaan Ciise Islaan Maxamad ayaa ku guuleystey in ciidamadaan kasoo kexeeyo xarunta Barlamanka kulan ay isugu yimadeen xubno ka tirsan gudoonka Barlamanka, wasiiro iyo xildhibaano, waxaana lagu heshiiyey in cabashada ciidmadaan wax laga qabto taasoo ilaa iminka xukuumada madaxweyne Gaas waxba ka fulin.

Sidoo kale talaabooyinka fashilinayey in heshiis laga gaaro murankaan ayaa waxaa kamid ahaa warsaxafadeed kasoo baxay wasarada maaliyada kaasoo lagu sheegay in ciidamada gadoodey gabi ahaanba wax mushahar ah ku laheyn xukuumada iyadoo dhinaca lagu eedeeyey falkaan siyasiyiin kale.

Qaar ka tirsan saraakiisha ciidmaada ayaa waxay sheegeen in gudoomiyaha Barlamanka iyo wasiirka maaliyada labaduba ku sugnaayeen maalmihii lasoo dhaafey magalaada Garowe kuwasoo ka gaabsadey iney la kulmaan saraakiisha ciidmaadaan islamarkana xal u helaan sheegashada ciidmadaan.

Talaabooyinka kale oo xukuumada madaxweyne Gaas kaga gaabisay xal u helista sheegashada ciidmadaan gadoodsan taasoo keentey inuu khalkhal galo amniga magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa talaabadii ugu dambeysay waxaa ay aheyd kadib markii madaxweyne Gaas magalaada Bossaso ugu yeeray maalintii shaley 8 March, 2017 dhamaan xubnaha golaha wasiirada magalaada Bossaso.

Ciidmadaan gadoodka sameeyey oo aan ka amar qaadan saraiisha sare ee xakunta ayaa habeenkii arbacada qabsadey 8 March, 2017 kontroolka Konfureed magaalo madaxda Puntland ayaa wararku sheegayaan in talaabadaan qaadeen kadib markii golaha xukuumada iyo guddoonka Barlamanka u ambabaxeen magalaada Bossaso iyagoo wax ka qaban xaaladii taagneyd.

Xubno ka tirsan ciidmadaan qabsadey Kontroolka oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in sababta u qabsadeen bartaan tahay maadaama dowlada ku guuldareystey in xuquuqdoodii siiso.

Falkaan oo dhamaan shacabka Puntland gaar ahaan kuwo dagan magaalo madaxda ka xumaadeen, ayaa wararka ugu dambeeya waxay sheegayaan iney waan waan kaga jiraan waxgaradka gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland.

Xukuumada Puntland ayaa weli ka hadlin falkaan ciidamada ku qabaadeen bartaan Kontroolka ah halka aysan weli wax jawaab ah ka bixin eedeyntii maalintii shaley kasoo yeertey taliska ciidamada daraawiishta.

Isha: GO

Sawirro: Guddoomiye Boorsaani xilkiisa ma ku badbaadin karaa sawirkan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirro ku baahay baraha bulshada ku xiriirto sida Facebook oo muujinayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale oo gacanta afka ugu gelinayo raashin hooyo gaajeysan, ayaa dhaliyay dood iyo in laga fal celiyo sawirkaasi.

Guddoomiye Yusuf Boorsaani oo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiyaha gobolka Banadir iyo Duqa Muqdisho bishii Oktobar sanadkii 2015-kii ayaa dhaqan ahaan iyo naxariis ahaan lagu arkin mudadii halka sano iyo shanta bil ee uu xukumayay gobolka Banaadir naxariista sawirkaan ka muuqda ee u damqashada bulshada uu madalo.Waa ayaandaro aan looga baran siyaasiyiinta iyo madaxda dalka in baahida abaareed iyo dhibaatada shacabka hadba haysta ay ku difaacdaan mans siyaasadeed. Dadka fal celinta ka bixiyay sawirkaan ayaa ku macneeyay is-tustus iyo beer laxowsi uu ku doonayo inuu taageero ku helo, xili aad loo hadal haayo isbadal dowladda cusub damacsan tahay inay ku sameyso maamulka Gobolka Banaadir.

Dadka ka fal celiyay sawirka Guddoomiye Boorsaani oo isku soo sawiray hooyo waayeel ah oo afka uu raashin u gelinayo ayaa waxaa ka mid ah Raag Cali Dheere oo kusoo qoray sidaan: “Waligay Siyasad maka hadlin lakiin tan show ayaan u arka ee gargaar uma arko waxuu sameynayo Duqa Magalada Muqdisho qofkaan ilmo maahan waa qof weyn oo waxii la siiyo asaga juni karo”

Guddoomiye Boorsaani ayaa falkaan uu sameeyay u muuqda is-tustus siyaasadeed oo uu ku doonayo inuu gaashaan kaga dhigto wararka maalmahaan soo kordhayo ee ku saabsan xil ka qaadistiisa.

Yusuf Boorsaani ayaa lagu eedeeyaa mas’uulka ugu hanti boobka badan ee soo qabta xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir, marka laga reebo Maxamed Axmed Nuur Tarzan oo hanti badan ka sameeyay ku takrifalka xilka loo dhiibay.Wuxuu Boorsaani Tarzan saga duwan yahay inuu bixiyay wixii dhul dan guud ahaa iyo in shaqsiyaad gacan saar la leh madaxweynihii hore uu ku abaal mariyay dhulalkii dowladda laheyd iyo in xarunta gobolka Banaadir uu ka dhigay meel beesha uu kasoo jeedo leedahay, cid kalena aan jaanis laga siin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

W/Qoray: Ali Muhiyaddiin Ali
Email: [email protected]

Beesha caalamka oo walaac ka muujisay go’aanka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dalalka Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ntherlands, Sweden, Britain, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay inay si qotodheer uga niyad jabeen go’aanka dib loogu dhigay doorashooyiinka Somaliland.

Dalalkan oo si dhow ula shaqeeya Somaliland ayaa sheegay in muddada loogu daray dowladda ay ka badan tahay middii ay dalbadeen.

“Dib u dhigidda doorashada madaxweynaha iyo midda baarlaamanka waxaa la sameeyay ayadoo aan la sababayn”, ayaa lagu yiri warka ay sida wada jirka ah u soo saareen dalalkaasi.

Waxay sidoo kale sheegeen “Ma jiro qorshe wax looga qabanayo caqabadaha keenay muddada dheer ee loo kordhiyay baarlamaanka”.

Waxay warka ku sheegeen in doorashada madaxweynaha laga dhigay bisha November ee 2017-ka, midda baarlamaankana iyo doorashada deegaamadana laga dhigay 2019-ka.

“Dib u dhaca wuxuu dhaawacayaa hormarka dimuquraadiyadda ee Somaliland, wuxuuna walaac geliyay ku kalsoonaanta dowladda iyo xushmadda dhaqanka dimuquraadiyadda ee saaxibada caalamiga ah”, ayaa lagu qoray warka.

Dowladaha saaxiibada la ah ayaa sheegay in baarlamaanka Somaliland ay xafiiska joogayaan 14 sano oo doorasho la’aan ah, haddii qorshaha hadda la raaco.

“Waxay taasi ka badan tahay laba goor, sida uu qorayo dastuurka Somaliland”, ayey sheegeen.

Waxay tilmaameen in Guurtida ay ku baraarujinayaan inay muujiyaan xushmadda ay u hayaan codbixiyayaasha Somaliland.

“Dib ha u eegaan go’aankooda, hana dejiyaan waqti kama dambeys oo lagu qabanayo doorashada madaxweynaha, baarlamaanka iyo midda deegaamada, sida ugu dhaqsaha badan ee muuqata”.

Waxay sheegeen inay meel cad ka taagan yihiin kordhinta waqtiga iyo dib u dhigidda doorashada.

Warsaxaafadeedka waxay ku sheegeen “Ku kalsoonaanta dowladda Somaliland halis ayey ku jirtaa, waxaana la wayn doonaa maalgashiyo muhiim ah”.

Waxay dowladaha warka soo saaray sheegeen inaysan bixindoonin qarashka ku baxaya dowladda muddada waqtiga loogu daray.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Xildhibaan lagu weeraray Gaalkacyo iyo dhaawacsoo gaaray

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in isku day dil uu ka badbaaday mid ka mid ah xubnaha Golaha Degaanka Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Xildhibaanka dilka ka badbaaday oo uu dhaawac fudud soo gaaraya ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/fataax Xasan Xuseen.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu badbaadiyay askari ka agdhawaa goobta kaa oo rasaas ooda uga qaaday Maleeshiyaadka weerarka ku qaaday Xildhibaanka.

Sidoo kale, Xildhibaan C/fataax Xasan Xuseen oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray gacanta ayaa islamarkiiba waxaa loola cararay isbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maalmahaani ka dhacaayay dilal iyo Qaraxyo lala eeganaayo mas’uuliyiinta maamulka Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Sawirro: Shirkad Turkish ah oo dhaqaale ka hesha Muqdisho oo 50 kun dollar dib u bixisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda gacanta ku haysa ee  maamusha dekadda magaalada Muqdisho ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa noqotay shirkaddii ugu horeysay ee ajnabi ah oo dhaqaale ku taageerta dadka abaaraha ku dhufteen ee gobolada Somalia.

Shirkadda Albayrak Group ee Turkiga ayaa dhaqaale gaaraya $50,000 ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ku dhufteen, waxayna ku wareejiyeen guddiga abaaraha  check lacageed ku loran 50,000 USS Dollar.Shirkadda Albayrak Group ayaa noqoneysa shirkaddii ugu horeysay ee ajnabi ah oo ka shaqeysa gudaha Somalia oo dadka abaaraha ku dhufteen ugu deeqa dhaqaale loogu gurmanayo.

Madaxweynaha Turkiga iyo hay’addaha dalkaasi ee ku sugan Muqdisho ayaa muujiyay gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka abaaraha ku dhufteen, iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu bilaabay olole dhaqaale loogu aruurinayo dadka abaareysan ee bariga Afrika.   Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: R/W Kheyre oo Ololo cusub kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo lagu jiro howlihii ugu dambeeyey ee loogu gargaarayo dadka ay abaaraha saameysay ayuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Ololo cusub oo dadkaas loogu tabarucayo.

Ra’isulwasaaraha ayaa ololahaas ugu magac dara Ololaha Gurmad Qaran waxaana lagu soo bandhigay xaflad maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho oo ay kasoo qeybgaleyn ganactada Soomaaliyeed iyo Ra’isulwasaaraha.

Kheyre ayaa sheegay inay shacabka Soomaaliyeed maanta ku jiraan xaalad xalis ah oo ay lagama maarmaan tahay in loo sameeyo gurmad weyn  wuxuuna ganacsatada ka codsaday inay arrintaan ku darsadaan inta ay awoodaan si Alle ganacsigooda ugu barakeeyo.

Ra’isulwasaaraha ayaa ganacsatada ugu sheegay inaysan jirin maalin ay shacabka Soomaaloya uga baahi badan yihiin inay caawiyaan sidaas darteed laga doonayo inay si deg deg ah u hoggaamiyaan gurmadkaan.

Xafladda ayaa waxaa goob jooga ka ahaa guddiga gurmadka abaaraha iyo xubno ka tirsan wasiirada xilka sii haayo waxaana kulankaas kusoo dhamaaday guul iyadoo ay ganacsatada ballan qaadeyn inay gacan weyn ka geysan doonaan.

Somaaliya ayaa waxaa ka jirto arrin lagu sheegay inay ka mid tahay abaarihii ugu darnaa ee Soomaaliya soo mara waxaana dhacday inay hal maalin  gaajo, cuduro iyo haraad ay u geeriyoodaan 70 qof dhulka uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Safiirka cusub ee Itoobiya usoo magacawday Soomaaliya Waa Hawiye, balse yuu ka yahay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa is badal ku sameysay safirkii Soomaaliya u fadhin jiray waxayna si rasmi ah Soomaaliya ugu soo magacawday Jamaaludiin Mustafa Cumar oo ah shaqsi kasoo jeedo deegaanada Soomaalida ee Itoobiya.

Haddaba caasimadda Online oo dabagal ku sameysay asal ahaan halka uu kasoo jeedo safiirka cusub ee Itoobiya ayaa soo ogaatay waxyaabo ku saabsan ninkaan, Beesha uu kasoo jeedo iyo gobolka uu ku dhashay.

Magaciisa Waa Jamaaludiin  Mustafa Cumar wuxuu kasoo jeedaa Beesha Karanle Hawiye oo degmo deegaanka lagu magacaabo Baabili oo ka tirsan Gobolka Faafan oo ah gobolka sagaalaad ee soomaalida leedahay kaasoo gacanta ugu jiro dowladda Itoobiya.

Gobolka Faafan koonfur waxaa kaga beegan Jarar, koonfur galbeedna waxaa ka jiro Nogob, Galbeedkana waxaa ka jiro Gobolka Oromada halka ay barina xuduud kala leedahay Soomaaliya.

Safiirka cusub ayaa halkaas kasoo jeedo, waana Soomaali kasoo jeedo Karanle Hawiye oo ah beel ay walaalo yihiin Hawiye.

Karanle hawiye waa curudkii hawiye, waxoo uu guursaday inta uu ifka ku noolaa labo naagood., sida taariikhda lagu haayo, waxaa uuna ka kala dhalay min labo wiil iyo hal gabar oo la kala yiraahdo sida hoos kaaga muuqato.

  • Kaariye karanle
  • Kidir karanle
  • Saxawle karanle
  • Waadeerre karanle (Murusade)
  • Fadumo Karanle

Sida ay habar wadaaga u ahaayeenna waa sida tan

  • Saxawle Karanle
  • Wadeerre Karanle
  • Kidir Karanle
  • Kaariye Karanle
  • Fadumo karanle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Xafiis ku dhexyaal Villa Somalia oo la jabsaday iyo Dukumiintiyo Sir ah oo laga xaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Somalia Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa xaqiijiyay in la jabsaday Xafiiska Hanti dhowraha ee ku dhex yaalla Dhismaha ay ku shaqeyso Wasaaradda Maaliyadda ee Xarunta Madaxtooyada Somalia.

Xafiiska Hanti dhowraha ee la jabsaday ayaa la sheegay in lagala baxay Dukumiinto Sir ah oo gaaraya 25 kuwaa oo ay ku qornaayen Baaritaanadii Musuqa ee ugu danbeeyay.

Dukumiintiyada lagala baxay Xafiiska Hanti dhowraha ayaa la xaqiijiyay inay ku jiraan Dukumiintiyo halis ku ah Mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal ka hayay Dowladii dhacday ee Xasan Sheekh.

Xafiiska la jabsaday ayaa sidoo kale lagala baxay Laptopka Hanti dhowraha oo ay ku diiwaan gishnaayen dhammaan kiisaska dhul boobka iyo Musuqa cadeymaha loo helay.

Warar hoose oo aan helnay ayaa xaqiijinaaya in Jabsashada Xafiiska lagu tuhmaayo Shaqsiyaad ku sugan Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia kuwaa oo adeegsanaaya shaqsiyaad ku dhow dhow Hanti dhowraha, sida aan xogta ku helnay.

Kiiska baaritaanka Jabsiga Xafiiska Hanti dhowrka ayaa iminka waxaa la wareegay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia oo baareysa shaqsiyaadka lagu tuhmaayo falka.

Sidoo kale, Kiiskaani ayaa waxaa iminka loo qabtay qaar kamid ah Shaqaalaha iyo Hawlwadeenada ka hawlgala Dhismaha Wasaaaradda Maaliyadda, kuwaasi oo tuhunka ugu weyn ku fooraro.

Hanti dhowraha Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa tan iyo markii ay sii dhaceysay Dowladii Xasan Sheekh soo bandhigaayay Dukumiintiyo la xiriira boobka lagu hayo Hantida Qaran iyo dhulalka danta Guud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Xafiiska Kheyre oo ay yaalaan codsiyada 300 oo musharax balse shurrudo adag oo lagu xiray

Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa wali Villa Somalia ka socda buuxinta feylalka Musharaxiin u taagan kamid noqoshada Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee dhawaan la filaayo in lagu dhawaaqo.

Musharaxiinta u taagan xilalka Wasaaradaha ayaa gudbinaaya feylalkooda, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xasan Kheyre.

Madaxweynaha Somalia Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Diiwaan galinta iyo uruurinta feylalka u magacaabay Mas’uul qarsoon oo shaqadiisu ay tahay qaadista Cadeymaha Tariikhda Shaqo iyo CV-yada xil doonayaasha doonaaya inay ka mid noqdaan Golaha Wasiiradda ee lagu dhawaaqi doono.

Mas’uulka loo magacaabay diiwaan galinta iyo uruurinta feylalka ayaa sidoo kale xaqiijinaaya CV-yada Musharaxiinta isagoo arrintaasi kala kaashanaaya dad ku dhow dhow Musharaxiinta jaga doonka ah.

Ilo wareedka aan xogtaani la wadaagnay ayaa xaqiijiyay in qabiil kasta loo sameeyey Khaanad lagu rido Codsiyada Musharaxa ay usoo camaamadeen ee la doonaayo inuu kamid noqdo Golaha Wasiirada Xukuumada cusub.

Qaar kamid ah Musharaxiinta ayaa aad u dhaliilay Hanaanka cusub ee Villa Somalia ay kusoo xuleyso Wasiirada cusub, waxa ayna qabaan inaan la shideyn Musharaxiinta isla markaana loo fududeeyo aqbalaadooda.

Sidoo kale, Musharaxiinta ilaa iyo hadda gudbisay feylalkooda ayaa la xaqiijiyay inay gaarayaan ilaa 300-Murashax oo dooneysa inay iska dhex aragto Liiska Golaha Wasiirada, waxa ayna tani jahwareer galisay Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaare Kheyre oo iyagu kala xulanaaya xubnaha.

Musharaxiinta gudbisay Codsiyadooda ee gaaraya 300-Murashax ayaa sidoo kale laga doonayaa inay kasoo dhexbaxaan ugu badnaa 30 Wasiir, waxaana xusid mudan in Wasiirada cusub ay kamid noqon doonaan beelo dhowr ah oo aan horay u muuqan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa si cad u diiday in Xukuumada cusub lagu soo darro Siyaasiyiinta lagu tuhmaayo Danbiyada Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hal arrin oo keeni karto inay si fiican isku fahmaan Farmaajo iyo Dowladda Turkiga!

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa maamulka siyaasadda Dalka Soomaliya la wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah shaqsi ay ku dheer tahay wadaniyada sida laga arkay lixdii bilood oo uu ahaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.

Haddaba dowladdii waqtigeeda dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xiriir fiican la laheyd dowladda Turkiga oo la aaminsan yahay inay tahay dowladda kaliya ee si daacad ah ugu gurmatay umadda Soomaaliyeed intii ay ku jireyn abaaraha sidoo kalana waxay dayactir ku sameysay jidadka ugu muhiimsanaa magaalada Muqdisho oo ku burburay dagaaladii sokeeyey.

Haddaba waayihii dambe waxaa sii xumaanayey xiriirka ka dhaxeeyey dowladdii Xasan Shiikh iyo dowladda Turkiga markii ay Soomaaliya soo gashay dowladda Imaaraadka carabta taasoo dhawr jeer dowladii Xasan ka cosaday in la siiyo mashariicda dalka lagana saaro Soomaaliya dowladda Turkiga.

Madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ayaa arrintaas su’aalo geliyey maadama uu ogyahay waxyaabaha ay Turkiga u qabatay Soomaaliya, wuxuuna si dhex dhexaadnimo ah ugu sheegay inuu siin doono qaar kamid ah mashaariicda dalka isagoo ku wareejiyey dayactirka madaxtooyada iyo masaajidka Isbaheysiga ee Sayidka ku yaal.

Wixii markaas ka dambeey dowladda Imaaraadka ayaa ka shaqeenayey sidii ay u hagar daameyn laheyd mashariicda Turkiga ka waday Soomaaliya halka Turkiga ay imaaraadka u aragtay inay cabaqad ku tahay mashariicda ay SOomaaliya ka wado.

Haddaba dowladda cusub ee Soomaaliya iyo xiriirka Imaaraadka Carabta ayaa aad u xumaaday tan iyo markii uu madaxweyne Farmaajo ka hor imaaday heshiiskii ay Imaaraadka la gashay Somaliland si ay Saldhig Militari uga sameystaan.

Haddaba dadka falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa qabo haddii uu sidaan sii ahaado xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka inay jaanis weyn u tahay Turkiga isla markaasna ay keeni karto inay dib u bilawdaan mashaariicda ay ka waday Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa hadda gacanta ku heyso Dakadda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxayna saami ku leeyihiin daqliga kasoo baxo waxayna meelahaas ka sameysay dayactir iyo horumarin aad loogu riyaaqay.

Midda kaliya ee keeni karto in Farmaajo iyo Turkiga si fiican u wada shaqeeyaan ayaa lagu sheegay inay tahay in Dowladda Imaaraadka laga joojiyo mashaariicda ay dalka ka wado maadaama ay bilawday inay ka shaqeyso waxyaabo dhibaato ku ah dowladda Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa bilaabay inuu heshiisyo la galo maamul Goboleedyada dalka ka jiro waxaana hadda ugu dambeysay heshiiskii ay Puntland la gashay taasoo keentay in lagu wareejiyo maamulka Dakadda Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif) oo ku Dhawaaqay in uu yahay Musharax u Taagan Madaxweynaha Galmudug.

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay Munaasabad Balaaran oo ku saabsan soo Bandhigida Musharaxnimada Madaxweynaha Galmudug Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif) waxaana Munaasbadaas ka soo qayb galey Xildhibaanada Dowlada Federaalka, Kuwa Galmudug, Siyaasiyiin, Odoyaasha Dhaqanka , Haween iyo Dhalinyaro.

Ugu Horeyn waxaa Munaasbadaas ka hadley Gudoomiyaha Gudiga  qabanqaabada Munaasabada waxaana uu sheegey in Muddo dheer  la qorsheynayey in Axmed Shariif uu ka mid  noqdo Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug ka dib markii ay isku raaceen Musharaxnimadiisa Bulshada Ku nool  deegaanada Maamulka Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenkii Horey  eee Ximan iyo Xeeb Cabdi Kuus Suldaan Axmed Nuur  oo isna ka hadley Munaasbadaas ayaa waxaa uu yiri “marka hore waxaan u Mahadcelinayaa Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug  sida Geesinimada Leh ee ay u badbaadiyeen Maamulka Galmudug marka Xigta Maamulkii hore waxaan u dooraney arrimo Fara badan oo ay ugu horeyso Dib u heshiisiinta, Nabadgelyada, Horumarinta iyo dib u soo celinta Kaabayaasha Dhaqaalaha  Dhamaan arrimahaas waxba lagama qaban sidaa darteed  waxaan Axmed Shariif uga fadhinaa in uu Dhamaan Baahiyahaas uu wax ka qabto ”

Farxiya Cabdulaahi Shiikhdoon oo ka tirsan Xilldhibaanada Maamulka GalMudug oo iyana Goobta ka hadashey ayaa  u soo jeedisey Qaybaha kala duwan ee Bulshada in ay deg deg ugu Gurmadaan Dadka dhibaatada ka soo gaartey Abaaraha, iyadoo sheegtey in ay soo dhaweyneyso Musharaxnimada Axmed Shariif

Waxaa kale oo Munasabadaas ka hadley Suldaan Bayle iyo Imaam Cabdulaahi Khaliif Rooble   oo ku hadlayey Magaca Odoyaasha Dhaqanka waxaa ay  sheegeen in Dhibaato ay ka soo mareen Dhismhihii Maamul u sameynta Axmed Shariif-na looga baahan yahay in uu  isku xiro kana shaqeeyo Midnimada  Bulshada Galmudug.

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame   oo  Hadal  qiiro leh Halkaas ka jeedisey ayaa sheegtey inaan la difiri Karin Howlahii uu qabtey Maamulkii Hore ee Galmudug waxay kaloo ay sheegey in ay soo dhaweyneyso Musharaxnimada  Axmed Shariif hase yeeshee wax si gaar Baaq ugu dirtey Bulshada Galmudug in ay uu sara kacaan wax u qabashada Dadka ay abaaruhu sameeyeen

Wariye Cabdinaasir Xirsi Iidle oo tagey Deegaano dhowr oo ku yaal Gobolka Mudug  ayaa ka mid ahaa dadkii Munaasbadaas ka hadley waxaana uu ku dheeraadey ka hadalka Dhibaatoyinka Abaaraha ee ku dhuftey Deegaanadaas waxaa uuna Hoosta ka Xariiqey sida ay laga maarmaanka u tahay in Dadka iyo duunyada halkaas ku nool loo Gurmado.

Musharax  Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif) oo Munaasabadaas ka hadley  ayaa ugu horeyn Shaaciyey in uu yahay Musharax u taagan Xilka Maamulka Galmudug wuxuuna  ku dheeraadey waxa uu qaban doono haddii loo doorto Madaxweynaha GalMudug  waxaana uu yiri “ waxaan doonayaa in aan wax qabato Nabadgeliyada, soo nooleynta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Hoos u dhaadhicinta Maamulka, Wax ka qabashada Abaaraha soo noqnoqdey, Horumarinta Reer Miyiga, Furitaanka Iskuuulo iyo Xarumo Caafimaad, Nabad kuwada noolaannsha dadka Deriska ah iyo Ilaalinta Diinta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]