26.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Xog: Turkiga oo wafdi sare u diray Saciid Deni kadib qabsashadii markabka

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo weli lagu hayo markabkii hubka siday ee kusoo socday xerada TurkSom ee magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha wafdiga ayaa isugu jiro mas’uuliyiin sar sare oo ka socda xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho iyo saraakiil ciidan, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Ujeedka wafdiga ka socda Turkiga ee kusii jeeda Boosaaso ayaa ah in wada-hadallo ay la yeeshaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, iyaga oo kala hadlaya arrimaha la xariira Markabka Sea World ee huriyay xiisadda u dhexeysa maamulkaas iyo dowladda.

Markabka oo wada shixnado hub ah oo aad u culus  ayaa doodihiisa ay socdeen todobaadkii ugu dambeeyey, waxaana haatan laga wada hadlayaa sii deyntiisa, si usoo gaaro Muqdisho.

Puntland ayaa haatan isu diyaarinaysa inay sii deyso markabkan siday qalab ciidan ee loogu talagalay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib dhexdhexaadin diblomaasiyadeed oo heer sare ah oo Imaaraadka Carabta uu u sameeyay Turkiga, sida ay ilo-wareedyo dowladda ka tirsan u sheegeen Caasimada Online.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Puntland qorshaha sii deynta markabka ayaa yimid kaddib cadaadis toos ah oo ka yimid safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

Sidoo kale, safaaradda ayaa la sheegay inay soo faragelisay kaddib markii Ankara ay cabasho kulul u gudbisay, iyadoo u aragtay qabashada gargaarkeeda militari ee ay fulisay Puntland—oo ah dowlad-goboleed Soomaaliyeed—mid meel ka dhac weyn ku ah.

Dhacdadani waxay tusaale muuqda u tahay isbeddelka ku yimid isbahaysiyada gobolka. Turkiga iyo Imaaraadka oo mar isku khilaafsanaa dagaallo wakaaladeed sida kii Liibiya, ayaa tan iyo markaas dib u hagaajiyay xiriirkooda, taasoo ay sii adkeeyeen booqashooyin heer sare ah iyo heshiisyo iskaashi oo balaayiin dollar ah.

In Ankara ay awood u yeelatay inay ku tiirsanaato Abu Dhabi si ay cadaadis u saarto Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni—oo ah xulufo dhow la ah Imaaraadka—waxay muujinaysaa heerka uu gaaray heshiiskooda.

Yaasiin Fareey oo ciidan la tegay xaafadda Siinaay iyo xiisad xooggan oo taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka xaalad kacsanaan ah iyo dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayaa suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay maalmahaan ka taagneyd xiisad la xiriirta dhulka oo ay isku hayaan dowladda iyo dadka deegaanka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saaka suuqa uu tegay Xildhibaan Yaasiin Fareey oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo wata ciidamo badan iyo gaadiid dagaal, waxaana uu gudaha u galay suuqa, halkaas oo ay haatan ka taagan tahay xiisad culus.

Yaasiin Fareey ayaa doonaya inuu difaaco dhulkaas oo ay dagan yihiin dad shacab ah, isla markaana maalmahaan ka cabanayay dhul boob ay sheegeen in lagu hayo suuqa.

Xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana sidoo kale bannaanka suuqa iyana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaas ka wada abaabul xooggan.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo goobta, waxaana haawana suuqa, iyada oo ay joogaan ciidamo iska soo horjeedo.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo Yaasiin Fareey iyo ciidamo uu wato oo dhex socda gudaha Suuqa iyo gaadiid dagaal oo goobta yaalla, taas oo keentay in saaka xaalad ay dareemaan dadka deegaanka ee ku sugan aagga Siinaay ee Muqdisho.

Shalay sidoo kale waxaa suuqa tegay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo meel fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka, iyaga oo ka horyimid dhul boobka lagu hayo shacabka, waxayna ugu baaqeen inay sii wadaan dibadbaxooda, ayna garab istaaga yihiin.

Horay waxaa usoo baxa warar ku aadan in la’iibinayo suuqa, iyada oo si toos ah loo beec geeyay dhulka uu ku yaallo suuqa, waxaana booskiiba qiimihiisa lagu sheegay $ 45,000 illaa 80,000 oo Dollarka Mareykanka ah.

Arrintan ayaa sii kordhisa walaaca ay qabaan ganacsatada suuqa iyo dadka deegaanka, maadaama dhulkan ay haatan la wareegayaan ganacsato kale oo waawayn, waxayna taasi keentay kacdoonka dadka deegaanka iyo xildhibaannda ku metala baarlamaanka dalka.

Nin ay Al-Shabaab marsan jirtay malaayiin $ oo la xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda ayaa xabsiga dhigay Ramadaan Caydaruus Cali, kaasi oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay maalgelinta kooxda Al-Shabaab.

Ninkan oo isla maanta la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa loo haystaa dambiyada maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda.

Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in Ramadaan uu akoonkiisa marsiiyay lacago badan oo lagu maalgelinayay argagixisada, si loogu adeegsado falal ka dhan ah amniga.

Maxkamaddu waxay amartay in Ramadaan Caydaruus lagu sii hayo xabsiga, kadib markii ay ku qanacday warbixin hordhac ah oo uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud u gudbiyay.

“Maxkamaddu, kadib markii ay ku qanacday warbixinta hor-dhaca ah ee xafiiska, waxay ku amartay in lagu hayo xabsi ku meel gaar ah inta baaritaanka kiiska laga dhammaystirayo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xeer Ilaalinta.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa si adag ugu digay cid kasta oo ku lug leh maalgelinta argagixisada ama u fududeysa kooxda inay helaan lacagaha baadda ah ee ay ka ururiyaan ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.

“Xafiiska waxa ka go’an inuu si adag ula dagaalamo Maalgelinta Argagixisada iyo Lacag Dhaqista, isaga oo uga digaya cid kasta oo ku howlan arrimahan in la marsiin doono caddaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer Ilaalinta.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxaa qeyb muhiim ah ka ah midka dhinaca dhaqaalaha, maadaama ay kooxdu malaayiin doollar ka hesho cabsi-gelinta shacabka.

PUNTLAND oo hanjabaad halis ah u jeedisay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Minneapolis (Caasimada Online) – Wasiiru-Dowlaha Qorshaynta Puntland, Faarax Aw Cismaan, ayaa u hanjabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay in uu si toos ah uga shaqeynayo burburinta Puntland iyo hurinta colaado ka dhex qarxa maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka ayaa hadalkan jeediyay xuska 1-da Agoosto oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Puntland ee ku nool dalka Maraykanka. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka leexday ballanqaadkii uu shacabka u sameeyay ee ahaa “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,” isaga oo ku eedeeyay in madaxweynaha uu si toos ah mas’uul uga yahay dhiig ka daatay gudaha Jubbaland iyo Puntland.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waa lagaala xisaabtamayaa dhiigga ku daatay Raas-Kambooni iyo Dhahar. Dhibic kasta oo daadatay adiga ayaa mas’uul ka ah,” ayuu ku hanjabay Wasiir Faarax.

Wasiirku waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay dagaalladii dhowaan ka dhacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ciidamo taabacsan maamulka cusub Waqooyi-bari ay isku dhaceen kuwa Puntland. Puntland ayaa horey ugu eedeysay dowladda Federaalka in ay taageereyso maamulkaasi, isla markaana ay hurineyso colaad ka dhan ah midnimada Puntland.

“Waan ka xumahay in dadkii aan u dirsanay Xamar si ay u difaacaan danta Puntland ay maanta noqdeen kuwa ka shaqeynaya kala qaybinta Puntland. Qori dab leh ayay la dhex wareegayaan Soomaalida,” ayuu raaciyay.

Wasiirka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soo jeeda Puntland ay si dadban uga qayb qaateen burburinta hay’adihii maamul goboleedka, isagoo ku eedeeyay in ay ka tageen masuuliyaddii ka saarnayd difaaca xuquuqda Puntland ee dowladda Federaalka.

Khudbadda Wasiir Faarax ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xiisado siyaasadeed iyo amni ay ka jiraan gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Dhahar, halkaas oo Puntland ay sheegtay in la isku dayayo in lagu xiro maamulka Waqooyi-bari ee ay Dowladda Federaalka aqoonsatay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Oktoobar 2023 si rasmi ah u aqoonsatay maamulka ku-meelgaarka ah SSC-Khaatumo, kaddib heshiis ay Muqdisho kula saxiixatay odayaasha dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn. Puntland waxay talaabadaasi ku tilmaantay mid sharci darro ah oo ka dhan ah qodobada Dastuurka KMG ah.

Xiisadda ayaa sii kululaatay bishii Luulyo 2025, kadib markii dagaal culus uu ka dhacay magaalada Dhahar, taasoo keentay in maamulka Puntland si toos ah u eedeeyo Villa Somalia. Puntland waxay ku tilmaantay faragelinta dowladda mid baalmarsan dastuurka iyo nidaamka federaalka.

Dhinaca kale, khilaafkan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Puntland ay bishii Maarso 2024 si rasmi ah u shaacisay in aysan ka tirsanayn hay’adaha dowladda Federaalka, kaddib markii Villa Somalia ay meelmarisay wax ka beddelka dastuurka KMG ah oo aan lagu darin talo iyo oggolaansho gobollada qaarkood, sida ay ku dooday Garoowe.

Falanqeeyeyaasha siyaasadeed ayaa ka digay in khilaafka sii daba dheeraada uu wiiqi karo dadaallada dib-u-heshiisiinta qaranka, islamarkaana uu sababi karo kala fogaansho maamul oo horseeda burbur siyaasadeed iyo amni.

Musharraxiin ka horyimid doorashada Waqooyi-Bari kadib arrin ay sameysay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay si kulul ugu cambaareeyeen faragelin ay sheegeen in dowladda federaalka, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), uu ku hayo hannaanka doorashada xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

Bayaanka oo nuqul ka mid ah ay heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in “Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Xildhibaanada oo uu magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha aan lagu dhisin hab waafaqsan dastuurka iyo nidaamka dowlad-dhisidda, islamarkaana uusan metelin saamileyda deegaanka.”

Sida lagu caddeeyay bayaanka, “Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu si toos ah ugu adeegayaa musharrax gaar ah, isagoo marin habaabinaya geeddi-socodka dhismaha maamulka si uu u gaaro natiijo horay loo sii qorsheeyay.”

Musharraxiintu waxay sheegayaan in guddigaasi uu yahay mid “si gaar ah u adeegaya dano gaar ah, taasoo dhaawacaysa kalsoonida bulshada, beesha caalamka iyo hufnaanta nidaamka doorasho ee maamulka Waqooyi Bari.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in “hab-dhaqanka wasiirka uu sababi karo khilaaf beeleedyo furan, burbur ku yimaada rajada dhismaha maamulka cusub, iyo kalsooni darro soo wajahda shacabka iyo beesha caalamka.”

Musharraxiinta ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali doonin doorasho si gaar ah loogu daneynayo musharrax gaar ah, islamarkaana “aysan suuragal ahayn in la aqbalo hannaan aan lagu dhisneyn wada-tashi iyo heshiis siyaasadeed oo ay la wada yihiin saamileyda deegaanka.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in “ismimada dhaqanka, culimada iyo odayaasha dhaqanka looga fadhiyo in ay kaalin muuqata ka qaataan xoojinta geeddi-socodka doorashada iyo in laga hortago faragelinta ka imaaneysa dowladda dhexe.”

Musharraxiinta ayaa ugu dambeyn digniin culus u diray dowladda Federaalka, iyagoo sheegay in “mas’uuliyadda wax kasta oo ka dhasha faragelinta hannaanka doorashada ay si buuxda u saaran doonto dowladda dhexe, si gaar ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh).”

Musharraxiinta bayaanka si wadajir ah u saxiixay waxaa ka mid ah:
Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Jamaal Maxamed Xasan, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdisitaar Sh. Cumar (Maxamed Dhagacadde), Maxamuud Yuusuf Xasan (Gurey), Eng. Maxamed Maxamuud (Beyle), iyo Axmed Cabdi Xuseen (Saakin).

Bayaanadooda ayaa kusoo beegmaya iyadoo maamulka cusub ee Waqooyi Bari si rasmi ah loo dhisay 30-kii Luulyo 2025, kadib shir ballaaran oo ka dhacay magaalada Laascaanood, halkaasoo lagu ansixiyay dastuurka maamulka.Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa shirkaasi ku hoggaaminayay matalaadda dowladda federaalka.

Maamulka cusub wuxuu wajahayaa culeysyo siyaasadeed, iyadoo Puntland si adag uga hortimid, iyadoo ku andacootay in dhul ahaan uu ka tirsanyahay maamulka Puntland. Puntland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “dowladda federaalka ay jebineyso dastuurka dalka iyadoo si qasab ah u dhexgaleysa deegaan siyaasadeed oo aanay u bisleyn doorasho rasmi ah.”

Somaliland-na dhankeeda waxay ku tilmaantay dhismaha maamulka SSC “mid sharci darro ah oo ku xad-gudbaya xuduudaha Somaliland.”  

Dil kale oo xalay ka dhacay magaalada Hargeysa iyo booliska oo war ka soo saaray

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dil xalay ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, xilli toddobaadyadii la soo dhaafay ay magaalada kusoo badanayeen dilalka qorsheysan.

Dilkan oo ka dhacay degmada Macallin Haaruun ee magaalada Hargeysa ayaa loo geystay Maxamed Saleebaan Quule, wuxuuna dhacay xilli saqdhexe ah, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Marxuumka ayaa ahaa ilaaliye dhisme ka socday halkaasi, lamana oga sababta ka dambeysa dilkiisa.

Taliska Booliska Somaliland oo war kasoo saaray dilkan ayaa sheegay in ciidamadu si degdeg ah uga hawl-galeen kiiska markii lagu soo wargeliyay.

“Waxaan ku jirnaa baadhitaan dheeraad ah, wixii kasoo baxana waxaanu la wadaagi doonaa bulshada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland.

Boolisku waxa ay shacabka ka codsadeen in ay la wadaagaan cid kasta oo haysta xog dheeraad ah. “Waxaan ku boorinaynaa bulshada Somaliland in ay xogaha rasmiga ah ka sugaan Ciidanka Booliska JSL,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska.

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa caasimadda kusoo badanayay kiisaska dilalka, iyadoo dilalkan loo adeegsaday bastoolado, tooriyo iyo agab kale. Waxaa ugu cuslaa dil dhacay 20-kii bishaan goor habeennimo ah bartamaha magaalada Hargeysa, kaas oo nin hubeysan uu ku toogtay laba qof.

Waxaa xusid mudan in Booliska Somaliland ay dadaal badan geliyeen soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha, kuwaasoo badankood la qabtay, marka laga reebo gacan ku dhiiglaha bartamaha suuqa ku toogtay labada wiil.

Dilkaas oo ahaa mid qorsheysan, gacan ku dhiiglaha markii uu falka geystay, isla markiiba wuu ka baxsaday goobta. Hargeysa oo kamid ahayd magaalooyinka Soomaaliyeed ee ugu nabdoon ayaa haatan wajahaysa dilal qorsheysan.

Mareykanka oo xog cusub ka bixiyay duqeyntii Bariire

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn culus oo Jimcihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen agagaarka deegaanka Bariire oo qiyaastii 30 mayl galbeed ka xiga magaalada Muqdisho.

Deegaankan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AUSSOM iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana kadib xigtay duqeynta oo lalal beegsaday maleeshiyaadka argagixisada ah.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta ay fuliyen ay ku taageerayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka wada halkaasi, welina ay sii wadi doonaan.

Qoraalka kasoo baxay taiska AFRICOM laguma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray Al-Shabaab, waxaana weli socdo qiimeyn ay wadaan dowladaha Mareykanka iyo Somalia.

Mareykanka ayaa wali sii xoojinaya taageerada uu siiyo dowladda federaalka, isaga oo ka taageero dhanka milatariga iyo fulinta duqeymo lagu cuuryaaminayo argagixisada.

Sanadkan dowladda Mareykanka ayaa gudaha Soomaaliya ka fulisay illaa 55 weerar oo lagu beegsaday kooxaha argagixisada ah, welina wuxuu sii wadaa howlgalkiisa.

Xaaladda Bariire ayaa weli kacsan, waxaana mar kale maanta oo Isniin ah ka dhacay dagaal khasaar lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, kaas oo ay qaadeen ciidanka dowladda iyo kuwa AUSSOM.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallada socda lagu dilay xubno badan Shabaab ah, welina uu socdo baacsigooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab, waxaana ay kasoo abaabulaan weerarada ay ka fuliyaan gudaha caasimada

Maxaa maanta ka socda gobolka Jubada Hoose?

0

Afmadow (Caasimada Online) – Ciidanka gaarka ah ee DANAB iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa si wadajir ah u fuliyay howl-gal ballaarin ah oo laga sameeyay waddada isku xirta Janaay Cabdalla iyo Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Howl-galkan ayaa ka mid ahaa dadaallada lagu horumarinayo isu socodka gaadiidka, iyadoo la xoojinayo ammaanka guud ee gobolka.

Ujeeddada ugu weyn ee dib u habayntan ayaa ahayd in la yareeyo saxmadda gaadiidka isla markaana la sugo badqabka waddooyinka, kuwaasoo marar badan bartilmaameed u noqday qaraxyo miino oo sababay khasaare rayid.

Deegaannada sida gaar ah uu saameeyay howl-galka waddo ballaarinta ah waxaa ka mid ah Orgiyoow, Qumbi, iyo tuulooyinka ku teedsan deegaanka Dhasheeg Waammo.

Saraakiisha ammaanka dowlad-goboleedka Jubbaland iyo kuwa federaalka, gaar ahaan qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa goob-joog ka ahaa habsami u socodka howl-galka.

Ballaarinta waddooyinkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu adkeynayo isku socodka bulshada iyo xoojinta la-dagaalanka khataraha amni ee ka jira gobolka.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada huwanta oo kaashanayaa saaxiibada caalamiga ah ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka.

Waa ayo FOG? – Ciidamada kireysan ee Mareykanka ee ka dagaalama Gaza illaa Sudan

Washington (Caasimada Online) – Laga soo bilaabo furimaha dagaalka ee Ukraine ilaa xuduudaha Gaza iyo goobaha colaadaha ee Suudaan, koox Maraykan ah oo qarsoodi ah, una tababaran qaab militari (paramilitary), ayaa si aan la dareemin uga soo dhex muuqatay goobahan, iyadoo ka tagtay raadad muran dhaliyay isla markaana kicisay su’aalo ku saabsan dabeecadda dagaallada casriga ah.

Kooxda Forward Observations Group (FOG), oo isu dhigta shirkad iibisa dhar iyo qalab u eg kuwa ciidanka, ayaa la sheegay inay si qarsoodi ah uga hawlgasho qaar ka mid ah colaadaha ugu halista badan adduunka, sida ay fashiliyeen warbixinno sirdoon iyo baaritaanno saxaafadeed.

Kooxdan oo uu aasaasay Derrick Bales, oo ahaan jiray askari ka tirsan ciidanka lugta ee Maraykanka, ayaa ku hawlgasha xaalad sharci oo aan caddayn, taasoo ka duwan shirkadaha millatariga ee gaarka loo leeyahay ee caadiga ah, mana laha wax xiriir rasmi ah oo ay la leedahay dawladda Maraykanka.

Hase yeeshee, hawlaheeda—oo ay ka mid yihiin tababarro dagaal oo heer sare ah, sahaminta goobaha dagaalka, iyo gudbinta khibradaha—ayaa muujinaya inay u dhaqmeyso sidii qalab aan rasmi ahayn oo ka qaybqaata loollanno juqraafi-siyaasadeed oo isku murugsan, iyadoo ka shaqaysa meel ka baxsan ilaalinta sharciga ee caadiga ah.

Saamaynta sii kordheysa ee kooxdan ayaa tilmaamaysa waa cusub oo dagaallo wakiilnimo ah, iyadoo xubnaheeda lagu warramay inay isku mar ka qayb qaataan furimo badan oo kala duwan.

Xiriiro midigta-fog iyo eedeymo hub kiimiko ah

Joogitaanka FOG ayaa si weyn u soo shaac baxay kaddib duullaankii ballaarnaa ee Ruushku ku qaaday Ukraine sannadkii 2022, inkastoo hawlaheedii ugu horreeyay ee halkaas ay dib ugu noqonayaan colaaddii hore ee gobolka Donbas ee 2014. Kooxdu waxay si weyn ugu lug lahayd tababarka iyo la-talinta ciidamada gaarka ah ee Ukraine, oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan Hay’adda Nabad-sugidda Ukraine (SBU) iyo guutada muranka badan dhalisay ee Azov Brigade.

Xiriirka ay kooxdu la leedahay kooxaha midigta-fog ayaa dhaliyay dhaleecayn kulul. Bishii May 2021, warbixin ay daabacday Vice News ayaa si faahfaahsan u sheegtay sida Bales uu bartiisa Instagram-ka u soo dhigay sawirro uu kula jiro Vadim Lapaev, oo ah dagaalyahan ay hay’adda baaritaannada ee Bellingcat ku tilmaantay inuu yahay Naazi la xiriira dhaqdhaqaaqa Azov. Sawirro kale oo safarkaas laga qaaday ayaa muujinayay Bales oo la jira dagaalyahanno sita calaamado lala xiriiriyo kooxaha Neo-Nazi-ga.

Bales, oo ah Madow Maraykan ah, ayaa safarkii 2021 ku difaacay inuu ahaa cilmi-baaris uu u waday buug uu qorayay. Warqad uu u diray Vice News, wuxuu ku sheegay inuusan ka warqabin taariikhda shakhsiyaadka uu la socday, uuna kaliya “saddex saacadood” ku qaatay saldhig ay leedahay kooxda Right Sector, oo ah maleeshiyo waddaniyiin ah oo midigta-fog ah. Wuxuu beeniyay inuu lahaa ujeeddo cunsuriyadeed, wuxuuna ka qoomameeyay dhibaatadii ka dhalatay arrintaas.

Dhaqdhaqaaqyada kooxda ayaa sidoo kale soo jiitay dareenka Moscow. Bishii Maarso 2022, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka waxay ku eedeysay FOG inay ka caawisay ciidamada Ukraine diyaarinta weerar hub kiimiko ah si eedda loogu leexiyo Ruushka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa si adag u beenisay eedeyntaas, iyadoo ku tilmaantay “been cad” iyo mid la soo dhoodhoobay oo loogu talagalay in lagu abuuro marmarsiiyo been ah oo lagu qiil dayo tallaabooyinka Ruushka. Waligeed lama soo bandhigin wax caddayn ah oo lagu taageerayo sheegashada Ruushka.

Buuraha Carpathian ee Ukraine ilaa Khartoum

Khibraddii lagu soo bisleeyay Ukraine ayaa lagu warramay in loo dhoofiyay qaarado kale. Baaritaan ay bishii Luulyo 2025 samaysay hay’adda warbaahinta Faransiiska ah ee Intelligence Online ayaa lagu sheegay in dagaalyahanno ay FOG ku tababartay Buuraha Carpathian ee Ukraine kaddib loo daadgureeyay waddamo Afrikaan ah, oo ay ku jirto Suudaan.

Sida lagu sheegay warbixinta, xubno ka tirsan FOG ayaa ku lug lahaa taageeridda Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF), oo ah koox u tababaran sida ciidanka kuna jirta dagaal sokeeye oo ba’an oo ay kula jirto Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan. Taageeradan ayaa la sheegay inay si toos ah u bixisay FOG ama ay fuliyeen xubno ay tababartay, iyadoo lagu warramayo in lagu gambanayay “iskaashi bini’aadannimo.”

Hawlgalladan ayaa iftiiminaya shabakad saameyn oo isku murugsan, iyadoo warbixintu ay tilmaamayso in FOG ay suuragal tahay inay u shaqeyso sidii hanti sirdoon oo goobta joogta (field asset) oo ay leedahay sirdoonka Ukraine, taasoo sii cakiraysa shabakadda faragelinta shisheeye ee colaadda Suudaan.

Joogitaanka Gaza iyo wehlinta ciidanka Israel

Dhawaanahan, xubno ka tirsan FOG ayaa la diiwaan-geliyay iyagoo jooga goobta xilligii uu socday weerarkii milatari ee Israel ku qaadday Marinka Gaza. In kasta oo ay kooxdu sheeganeyso inay tahay “summad qaab-nololeed millatari” oo aan dagaallamin, haddana caddaymuhu waxay muujinayaan inay leeyihiin door firfircoon.

Baaritaan ay bishii Nofeembar 2023 samaysay majaladda Foreign Policy ayaa xaqiijiyay joogitaanka shaqaale Maraykan ah oo hubeysan oo lala xiriirinayo FOG. Baraha bulshada ee kooxda ayaa lagu soo bandhigay sawirro muujinaya xubno ku lebisan dhar dagaal oo dhammaystiran, oo sita hub casri ah, kuwaasoo ku sugan deegaanno Israel ah oo xuduud la leh Gaza, sida Kibbutz Be’eri.

Falanqeyn dheeri ah oo ay sameeyeen cilmi-baarayaal dabagala hubka, oo ay ku jirto barta internetka ee caanka ah ee “War Noir”, ayaa lagu aqoonsaday qalab ay isticmaalayeen xubnaha FOG gudaha Gaza, oo ay ku jiraan qoryaha M4 carbines iyo bambooyinka gacanta ee Israel lagu sameeyo, kuwaas oo yaallay meel u muuqatay saldhig hawlgal.

In kasta oo baaxadda iyo nooca hawlaha FOG ee Gaza ay weli mugdi ku jiraan, caddaymaha muuqaalka ahi waxay tilmaamayaan in xubnaheedu ay la dhex-galeen ama si dhow ula shaqeynayeen ciidamada Israel. Joogitaanka koox noocan oo kale ah waxay dhalineysaa su’aalo xasaasi ah oo ku saabsan doorka dagaalyahannada ajnabiga ah iyo shirkadaha gaarka ah ee u tababaran sida ciidanka ay ku leeyihiin colaadda.

In kasta oo ay waddo hawlgallo qarsoodi ah, haddana FOG ayaa la sheegay inay tababarro ku qaadatay xarumo milatari oo rasmi ah oo Maraykanku leeyahay sida Fort Bragg, North Carolina, taasoo madmadow gelinaysa xadka u dhexeeya ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha ammaanka ee dawladda, isla markaana sii adkaynaysa maqaamkeeda ah inay tahay cudud muhiim ah, balse aan lala xisaabtami karin, oo ka qayb qaadata iska hor-imaadyada caalamiga ah ee casriga ah.

Muhaajiriin ka tegay Geeska Afrika oo ku la’day xeebaha Yemen iyo kuwo la la’yahay

Qaahira (Caasimada Online) — Doonni ayaa Axaddii ku degtay biyaha ka baxsan xeebaha dalka Yemen, waxaana ku dhintay 68 qof oo muhaajiriin Afrikaan ah, halka 74 kalena la la’ yahay, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka.

Musiibadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee silsilado shilal doonyo ah oo ka dhacay xeebaha Yemen, kuwaas oo ay ku dhinteen boqollaal muhaajiriin Afrikaan ah oo ka soo cararaya colaado iyo saboolnimo, iyagoo rajeynaya inay gaaraan wadamada Khaliijka ee hodanka ah.

Doonta oo ay saarnaayeen 154 muhaajiriin Itoobiyaan ah, ayaa subaxnimadii Axadda ku degtay Gacanka Cadmeed ee ka soo horjeeda gobolka Abyan ee koonfurta Yemen, sida uu wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay Abdusattor Esoev, madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ee Yemen.

Wuxuu intaas ku daray in meydadka 54 muhaajiriin ah ay ku soo caariyeen degmada Khanfar, halka 14 kale meydkooda laga helay lana geeyay qolka meydadka ee isbitaal ku yaalla Zinjibar, caasimadda gobolka Abyan ee ku teedsan xeebta koonfureed ee Yemen.

Shilkaas waxaa ka badbaaday 12 muhaajiriin oo kaliya, inta kalena waa la la’ yahay waxaana loo badinayaa inay dhinteen, sida uu sheegay Esoev.

War-saxaafadeed ay soo saareen, ayay taliska amniga ee gobolka Abyan ku sheegeen inay wadaan hawlgal ballaaran oo baadigoob iyo samatabixin ah, marka la eego tirada badan ee muhaajiriinta dhimatay iyo kuwa la la’ yahay. Waxaa kale oo lagu xusay in meydad badan laga helay iyagoo ku kala firirsan aag ballaaran oo xeebta ah.

In kasta oo dalka Yemen uu ka socdo dagaal sokeeye oo muddo ka badan toban sano soo jiray, haddana waa marin muhiim u ah muhaajiriinta ka imaanaya Bariga Afrika iyo Geeska Afrika ee isku dayaya inay shaqo u doontaan wadamada Khaliijka.

Muhaajiriinta waxaa qaada dadka wax tahriibiya, kuwaas oo saara doonyo inta badan halis ah oo dadku ku badan yahay, iyagoo uga gudbinaya Badda Cas ama Gacanka Cadmeed.

Boqollaal muhaajiriin ah ayaa ku dhintay ama ku la’aa shilal doonyo oo ka dhacay xeebaha Yemen bilihii la soo dhaafay. Bishii Maarso, laba muhaajiriin ah ayaa dhintay, 186 kalena waa la waayay kaddib markii afar doonyood ay ku degeen meel u dhow xeebaha Yemen iyo Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda IOM.

In ka badan 60,000 oo muhaajiriin ah ayaa yimid dalka Yemen sannadkii 2024, taasoo ka hoosaysa 97,200 oo timid sannadkii 2023. Hoos u dhacan ayaa loo aanaynayaa kormeerka oo lagu kordhiyay biyaha, sida lagu sheegay warbixin ay IOM soo saartay bishii Maarso.

Puntland threatens Somali President as tensions rise

MINNEAPOLIS, USA – A senior minister from Somalia’s semi-autonomous state of Puntland has publicly threatened President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of deliberately destabilizing the region and fueling deadly conflicts, a significant escalation in the political standoff between Puntland and the central government in Mogadishu.

In a fiery address to the Puntland diaspora community in the US, State Minister for Planning Farah Aw Osman threatened that the Somali president would face “accountability” for bloodshed.

“President Hassan Sheikh Mohamud will be held accountable for the blood spilled in Ras Kamboni and Dhahar. You are responsible for every single drop,” said Osman, directly linking the president to recent and past violence.

The minister’s remarks tap into a deepening political crisis that analysts warn could fracture Somalia’s fragile federal system and derail efforts toward national reconciliation. The relationship between Garowe, Puntland’s capital, and Mogadishu has disintegrated over constitutional disputes and territorial authority.

Flashpoint in Sanaag

Osman’s accusations follow recent deadly clashes in July 2025 in the town of Dhahar, located in the contested Sanaag region. The fighting involved Puntland state forces and militias aligned with the newly-formed Northeast administration, an entity that the federal government officially recognized in October 2023.

Puntland, which has administered parts of Sanaag for decades, vehemently opposes the federal government’s backing of formerly SSC-Khaatumo, viewing it as a direct assault on its territorial integrity and an attempt to sow division.

“I regret that the people we sent to Mogadishu to defend Puntland’s interests have now become those working to divide it,” Osman added, criticizing politicians from Puntland who serve in the federal government. “They are carrying a lit torch among the Somali people.”

The conflict over territory is a symptom of a more profound constitutional disagreement. In a dramatic move in March 2024, the Puntland government announced it was withdrawing its recognition of and ceasing cooperation with federal institutions.

The decision came after President Mohamud signed into law controversial constitutional amendments that Puntland said were passed without the necessary consensus from all federal member states.

The changes, which include a shift towards a presidential system and give the president power to dismiss the prime minister, were seen by Puntland’s leadership as an illegal power grab by Mogadishu.

Puntland, which was established as an autonomous state in 1998, has been a cornerstone of Somalia’s federal experiment but has consistently demanded greater autonomy and a clear framework for power and resource sharing.

Historical grievances 

The minister’s reference to “Ras Kamboni,” a town in the southern Jubaland state, alludes to historical grievances over the formation of federal states, suggesting a pattern of central government interference during President Mohamud’s first term (2012-2017) and continuing into his current one.

The current crisis revolves around the status of the Sool, Sanaag, and Cayn (SSC) regions. These territories are historically disputed between Puntland and the self-declared Republic of Somaliland.

Following a local uprising against Somaliland’s authority, leaders from the SSC regions declared their administration, seeking to be recognized as a separate federal member state under Mogadishu’s direct authority. The federal government’s formal recognition of this interim administration in late 2023 was a pivotal moment that set it on a collision course with Puntland.

Political analysts have expressed grave concern that the escalating war of words could translate into wider armed conflict, undermining the ongoing fight against the Al-Shabaab insurgency and jeopardizing the fragile stability achieved in recent years.

Odayaal iyo aqoonyahano Soomaali ah oo warqad yaab leh u diray Abiy Ahmed

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Codsi-qoraal ah, oo ay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed u gudbiyeen, koox isugu jirta odayaal, aqoonyahanno, iyo hoggaamiyeyaal bulsho oo ka soo jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa looga codsaday dowladda federaalka in ay soo farageliso si looga hortago wax ay qorayaashu ku tilmaameen “burbur maamul oo dhammaystiran” oo ka jira deegaanka xilliga hoggaanka Madaxweyne Mustafe Maxamed Cumar.

Codsigan oo ka kooban siddeed bog, ayna heshay warbaahinta The Reporter, ayaa lagu faahfaahiyay eedaymo ay ka mid yihiin musuq-maasuq baahsan, xawilaad lacageed oo sharci-darro ah, eex qabyaaladeed, iyo khataro amni oo sii kordhaya oo ka jira deegaanka. Codsiga oo ay qoreen in ka badan laba dersin qof, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal beeleed, culimmo diin, iyo aqoonyahanno ka soo jeeda deegaanka Soomaalida, ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha la gudbiyey 28-kii Luuliyo, 2025.

Eedaymaha warqadda ku xusan ayaa tilmaamaya “burbur isku-dubaridan” oo saameeyay maamulkii dowliga ahaa, hay’adihii sharci-fulinta, iyo nabadgelyada, iyadoo mas’uuliyiinta deegaanka lagu eedeeyay inay awooddooda ugu adeegteen dano gaar ah, iyagoo iska indha-tiraya danta guud ee bulshada.

Waxyaabaha udub-dhexaadka u ah dacwaddan waxaa ka mid ah eedaymo ku saabsan musuq-maasuq baaxad leh oo nidaamsan oo la sheegay inuu ka dhex jiro xukuumadda deegaanka. Qorayaasha codsigu waxay ku andacoonayaan in in ka badan 150 mashruuc oo kaabeyaasha dadweynaha ah, oo isugu jira nidaamyo biyo-gelin iyo xarumo wax-soosaarka beeraha, la hakiyay inkastoo si buuxda loogu bixiyay lacagtii qandaraaslayaasha. Waxay ku doodayaan in arrintani ay caddeyn u tahay jiritaanka “shabakad musu-qmaasuq oo ay ku midoobeen qandaraaslayaal iyo mas’uuliyiin.”

Mashaariicda codsiga lagu xusay waxaa ka mid ah mashruuca biyo-gelinta Qabridahare, oo la sheegay in la joojiyay ka dib markii lagu bixiyay in ka badan 300 oo milyan oo Birr. Sida warqaddu caddaynayso, waxaa sidoo kale la dayacay mashaariic kale oo kaabeyaasha biyaha ah oo laga hirgelinayay magaalooyinka Jigjiga iyo Baarey, in ka badan 30 mashruuc oo lagu qabanayay biyaha roobka, iyo shan xarumood oo loogu talo-galay warshadaynta wax-soosaarka beeraha, kuwaas oo dhammaantood la iska daayay ka dib markii la bixiyay dhaqaalihii ku baxayay.

Codsigu wuxuu mas’uuliyadda fashilkan dusha uga tuurayaa dhaqan-gelin la’aanta sharciga qandaraasyada, eexda iyo nin-jeclaysiga loo adeegsado doorashada qandaraaslayaasha, iyo madax-bannaanida la’aanta xafiiska hanti-dhawrka deegaanka, arrimahaas oo suurtageliyay baaxadda lunsiga maaliyadeed ee la soo warinayo.

Warqadda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mas’uuliyiin sarsare oo deegaanka ah iyo shakhsiyaad kale oo saameyn ku leh maamulka ay ku lug leeyihiin xawilaado sharci-darro ah oo sii mara magaalada Tog Wajaale—oo ah marinka ganacsi ee ugu muhiimsan ee loo maro Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera. Lacagahaas ayaa la sheegay in lagu maalgeliyo guryo, silsilado hoteello, iyo hanti kale oo qaali ah oo dibadda laga iibsaday.

“Baaxadda hantida dadweynaha ee la lunsanayo iyadoo uu ogyahay Madaxweyne Mustafe waa mid aad u ballaaran,” ayaa lagu yiri codsiga, iyadoo la xusay in maalgeshi ganacsi lagu sameeyay waddamada Kenya, Imaaraadka Carabta, Canada, iyo Turkiga.

Dokumeentigu wuxuu ku eedaynayaa sarkaalka borotokoolka madaxweynaha iyo shaqaale ka tirsan xafiiska maaliyadda inay maamulaan akoonno banki oo qarsoodi ah, kuwaas oo loo adeegsado in lagu lunsado dhaqaalihii horumarinta deegaanka oo loogu beddelo hanti ma-guurto ah oo dibadda ah. Waxaa sidoo kale loogu baaqay in baaritaan hanti-dhawr oo qoto dheer uu sameeyo heer federaal, lana qaado tallaabooyin dacwado ciqaabeed ah.

Qayb kale oo dacwadda ka mid ah ayaa si faahfaahsan uga hadlaysa sida maamulka deegaanku hubka ugu qaybiyay beelo gaar ah, iyadoo la faquuqayo kuwa kale. Dokumeentigu wuxuu sidoo kale ku eedaynayaa maamulka inuu sii hurinayo colaado iyo xurgufo beeleed oo soo jireen ah.

“Eexda qabiilka ku salaysan iyo hubaynta shacabka waxay sii qoto-dheereeyeen kala qaybsanaanta, iyagoo khatar gelinaya nabadda iyo amniga qaranka,” ayaa lagu yiri warqadda.

Warqaddu waxay xiriir ka dhexaysiinaysaa fashilka maamul iyo isku dhacyo waaweyn oo ka dhacay Wardheer, Birqod, Mooyaale, iyo Shilaabo, waxayna ku qiyaasaysaa in in ka badan 500 oo qof oo rayid ah ay ku dhinteen dhacdooyinkaas, sababo la xiriira colaado hubaysan oo uu maamulku oggolaaday ama uu ka aamusay.

“Maamulka hadda jira wuxuu wiiqay dadaallo dib-u-heshiineed oo socday tobannaan sano, gaar ahaan kuwa u dhexeeyay bulshooyinka Soomaalida iyo Canfarta,” ayaa lagu xusay dukumeentiga. Wuxuu xukuumadda deegaanka ku eedeeyay inay dano siyaasadeed awgood dib u soo noolaysay khilaafyo xuduudeed oo muddo hurday.

In kasta oo ay jiraan warar rasmi ah oo uu maamulku ku beeninayo jiritaanka xiisadaha beelaha, haddana qorayaasha codsigu waxay ku doodayaan in habka dib-u-habaynta maamulka ee socda uu noqday mid lagu abaalmariyo shakhsiyaadka daacadda ah, laguna cabburiyo kuwa ka aragtida duwan, iyadoo la sheegay in degmooyin dhan dib loogu qaabeeyay saldhig daacadnimo siyaasadeed.

Dacwaddu waxay kaloo soo jeedinaysaa digniin culus oo ku saabsan khataraha dibadda ee sii kordhaya, iyadoo maamulka ku eedeynaysa in kormeerka liita iyo maamul-xumida xuduudaha ay u sahashay dagaalyahannada Al-Shabaab inay gudaha Itoobiya u soo gudbaan.

“Waxay [hoggaamiyeyaasha deegaanku] muujiyeen taxadar la’aan baaxad leh oo u gogol-xaartay in xagjiriintu ay si dhuumasho ah ku soo galaan kuna dhex-hawlgalaan deegaanka Soomaalida, taasoo halis ku ah qaranimada Itoobiya,” ayaa lagu yiri dukumeentiga.

Inkastoo mas’uuliyiin deegaanka ka tirsan oo la hadlay warbaahinta The Reporter ay meesha ka saareen walaaca laga qabo soo dhex-galka cadowga, haddana codsigu wuxuu ku boorrinayaa dowladda federaalka ah inaysan dhayalsan “qaab-dhismeedka amniga deegaanka ee sii burburaya.”

“Arrintani kuma koobna dembiyada xuduudaha ka tallaaba, balse waxay si toos ah u taabanaysaa amniga qaranka. Waxa ka dhacaya deegaanka Soomaalida kuma eka halkaas—saamayntoodu waxay gaarayaan guud ahaan Itoobiya,” ayaa lagu yiri warqadda.

Codsigu wuxuu kaloo ku eedaynayaa maamulka deegaanka inuu hay’adaha amniga u adeegsaday caburinta bannaanbaxyada dadweynaha, gaar ahaan kuwa ay dhigayaan dhallinyarada iyo kooxaha mucaaradka.

“Xukuumadda deegaanku kama aysan bixin jawaab-celin maamul ama mid siyaasadeed oo ku habboon dalabaadka shacabka, balse waxay adeegsatay caburin—iyadoo xirtay dhallinyaro, haween, iyo odayaal, ayna kula kacday jirdil iyo falal kale oo anshaxa ka baxsan,” ayaa lagu yiri.

Jawaabta maamulka deegaanka

Maxamed Aadan, madaxa xafiiska isgaarsiinta ee maamulka deegaanka Soomaalida, oo la hadlay warbaahinta The Reporter, ayaa ku gacan-sayray eedaymaha lagu soo bandhigay codsiga, isagoo ku sifeeyay kuwo siyaasadaysan.

“Eedaymaha musuq-maasuqa waa kuwo gebi ahaanba been abuur ah. Haddii qof sheeganayo in musuq-maasuq jiro, waa inuu keenaa xog iyo caddeyn. Sidaas sahal kuma soo tuuri kartid ereyga ‘musuqmaasuq’,” ayuu yiri.

Maxamed wuxuu qorayaasha codsiga ku tilmaamay “shakhsiyaad qaba cabashooyin gaar ah,” isagoo shaki geliyay matalaaddooda, kuna eedeeyay inay xiriir la leeyihiin xisbiyada mucaaradka iyo dhinacyo kale oo dano gaar ah ka leh deegaanka.

“Odayaal ma ahan. Waa shakhsiyaad is-abaabulay. Fikirkoodu wax shaqo ah kuma lahan xoojinta nabadda iyo horumarka deegaanka,” ayuu yiri, isagoo ku adkaystay in aragtidoodu aysan ka tarjumaynin rabitaanka shacabka deegaanka.

Maxamed wuxuu sidoo kale beeniyay eedaymaha la xiriira eexda iyo hubaynta beelaha.

“Ma jirto wax xiisad ah oo beelaha u dhaxaysa. Xaqiiqadu waa taas cagsigeeda. Dadku si diirran ayay u soo dhoweeyeen isbeddellada dhacay,” ayuu ku andacooday.

Marka la eego khataraha dibadda, madaxa isgaarsiintu wuxuu qiray inay jireen dhacdooyin hore oo Al-Shabaab ay ku lug lahayd, balse wuxuu ku adkaystay in “xuduuduhu hadda yihiin kuwo ammaan ah, ciidanka difaacana la geeyay, aysanna jirin wax khatar ah oo hadda taagan.”

Wuxuu sheegay in maamulka deegaanku aanu dhayalsan arrimaha argagixisada.

“Waxa ugu horreeya ee aan cidina illaawi karin waa in Al-Shabaab ay tahay urur argagixiso oo caalami ah. Ma ahan arrin si dhuumasho ah ku dhex-faafta sida arrin beeleed oo kale. Waa koox argagixiso oo caalamku aqoonsan yahay. Dadkan sheeganaya inay odayaal yihiin kama tirsana hay’adaheenna sirdoonka iyo amniga,” ayuu yiri Maxamed.

Codsiga ayaa lagu soo gabagabeeyay baaq loo jeedinayo dowladda federaalka oo ah inay soo farageliso deegaanka, waxaana la dalbaday in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka sare ee maamulka. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kama uusan soo jawaab celin codsi falcelin oo loo diray.

US trains Somali elite forces in ‘hearts and minds’ war

Mogadishu, Somalia – In a quiet training room far from the front lines, the new doctrine for Somalia’s war against Islamist insurgents is taking shape: victory, soldiers are being taught, will be won not just with bullets, but by winning the trust of the people.

Thirty members of Somalia’s elite, US-mentored Danab Brigade, recently completed a two-week course in Civil-Military Operations (CMO), a strategic shift aimed at undermining the Al-Shabaab insurgency by placing the protection and support of civilians at the heart of military planning.

The training, conducted in Somalia by instructors from the U.S. Joint Special Operations University, focused on what one instructor called the “center of gravity” in the long-running conflict.

“In insurgency and terrorism, the center of gravity is always the population,” explained instructor Jack Guy. “This course helps students understand how to operate by, with, and through the people.”

The initiative comes as the Somali National Army (SNA), alongside African Union peacekeepers and local clan militias, continues a grinding offensive against Al-Shabaab, an al-Qaeda affiliate that has waged a brutal insurgency for over 15 years.

While the group has lost significant territory, it maintains control over rural areas. It continues to launch deadly attacks on military and civilian targets across the nation.

A new front in a long war

For years, the conflict has been defined by kinetic military operations. This new training signals a more profound commitment to a population-centric counterinsurgency strategy, which military experts see as crucial to achieving lasting stability.

Al-Shabaab often embeds itself within communities, using a mixture of coercion and rudimentary service provision to maintain influence. Winning local populations over to the government’s side is seen as essential to cutting off the group’s support base and intelligence networks.

Students in the CMO course learned to blend military objectives with community engagement through a mix of theory and practical exercises, including a simulated negotiation with village elders to solve complex local problems.

“We’re not just fighting an enemy—we’re protecting our people and planning for a peaceful future,” said Sadam, a Danab soldier who participated in the training. He noted that the techniques he learned for building rapport “changed my view when it comes to civilian cooperation.”

The Danab (“Lightning”) Brigade, a force of around 3,000 soldiers, is widely considered the most effective unit in the SNA. Forged through years of intensive training by U.S. special operations forces, it serves as the country’s premier counter-terrorism force, often leading major operations against high-value Al-Shabaab targets.

Women’s inclusion a ‘critical’ component

In a significant milestone for the Somali military, the course included four female soldiers. One was appointed class leader on the first day, a move her instructors said underscored her capabilities.

“She’s very, very competent and capable,” said Basil Catanzaro, an instructor who has been working with Somali forces since 2022. He stressed that the inclusion of women is a strategic imperative, not just a social goal.

“Having women soldiers who can engage and understand the population is critical,” Catanzaro stated. “Fifty percent of the population is women—their inclusion is not optional, it’s essential.”

Female soldiers can often access and communicate with women and children in conservative communities in ways that male soldiers cannot, providing a vital channel for intelligence gathering and building trust.

The Somali soldiers left a deep impression on the veteran American instructors.

“They are the most civil and composed people we’ve worked with,” said instructor Mike Warmack. “Even under pressure, they demonstrated grace, discipline, and a deep commitment to their mission.”

Catanzaro acknowledged the heavy price his students have paid in the conflict. “Some of them have been wounded or even killed,” he said. “Their resilience is nothing short of inspiring.”

A partnership for peace

The training is part of a broader security partnership between the United States and Somalia, which has deepened since President Joe Biden redeployed several hundred U.S. troops to the country in 2022 to advise and assist local forces. U.S. Africa Command (AFRICOM) also provides critical intelligence and occasional air support, including drone strikes, against Al-Shabaab.

While the junior soldiers who attended the course will not immediately be shaping high-level policy, the skills they acquired are designed to create a ripple effect throughout the army, fostering a new generation of leaders who see civilian engagement as fundamental to their mission.

The partnership, instructors said, sends a message that extends beyond military tactics.

“Our engagement sends a clear message to the Somali National Army,” said Catanzaro. “They are not alone in this fight. We travel thousands of miles not just to teach, but to stand with them—as partners in pursuit of peace.”

Daawo: Ciidanka Muqdisho oo weeraray islamarkaana ka afduubtay xarunta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaamirooyinka CCTV-ga ee ku xiran bannaanka hore ee xarunta Telefishinka SMS, oo ah telefishin gaar loo leeyahay oo ka howlgala magaalada Muqdisho, ayaa duubay ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo si xoog ah ku kaxaysanaya weriyayaal kasoo laabanayay shaqo maalmeedkoodii, xilli ay doonayeen inay galaan xarunta TV-ga.

Maamulka SMS TV ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray dhacdadaas, iyagoo sheegay in weriyeyaasha ay goobta keentay Xildhibaan Faa’isa Jayte, ayna ciidamada sugayeen ilaa uu dhaqaaqo gaariga xildhibaanadda.

Sidoo kale, qoraalka kasoo baxay maamulka TV-ga ayaa lagu sheegay in weriyeyaasha la geeyay saldhigga degmada Xamar Jajab, halkaas oo ay weli ku xiran yihiin, iyagoo dowladda ka codsaday in cadaalad loo helo. Xarunta laga kaxeeyay weriyeyaasha ayaa ku taalla xeyndaabka Madaxtooyada, gaar ahaan agagaarka Baar-bulsho.

Hoos ka akhri war-saxaafadeedka SMS TV:

“Askar ka tirsan booliska, oo ku hubaysnaa gawaari tikniko ah oo ay saarnaayeen qoryaha dhashiikaha loo yaqaan, ayaa weerar ku soo qaaday xarunta Telefishinka SMS ee magaalada Muqdisho.

Sida ka muuqata muuqaalka CCTV-ga, waxay si xoog ah u kaxeysteen weriyeyaasha telefishinka, kuwaas oo kasoo laabtay howl shaqo.

Waxay sidoo kale qaateen qalabkii warbaahineed ee ay wateen, iyagoo weriyeyaasha ula dhaqmay si arxan darro ah.

Weriyeyaasha ayaa la socday baabuur qooqan ah oo ay saarnayd Xildhibaan Faa’isa Jayte. Markii gaarigeedii dhaqaaqay, ka hor intii aan weriyeyaashu gudaha u gelin xarunta, waxaa la arki karaa askar hubeysan oo xoog ku watey.

Waxa la sheegaya in ay hadda ku xiran yihiin saldhigga booliska Xamar Jajab, iyadoo aan jirin wax waraaq maxkamadeed ah oo waaran ah oo loo gudbiyay maamulka telefishinka.

Waxaan isku daynay in aan la xiriirno Taliyaha Booliska, Macallin Mahdi, balse ma uusan ka soo jawaabin wicitaannada iyo fariimaha aan u dirnay.

SMS TV waxay codsaneysaa cadaalad.”

What is FOG? – The American mercenary group in global wars

Washington, United States – From the battlefields of Ukraine to the contested borders of Gaza and the conflict zones of Sudan, a secretive American paramilitary group has emerged from the shadows, leaving a trail of controversy and fueling questions about the nature of modern warfare.

Forward Observations Group (FOG), which presents itself publicly as a lifestyle brand selling military-themed apparel and tactical gear, is operating as a clandestine force in some of the world’s most volatile conflicts, according to intelligence reports and journalistic investigations.

Founded by former U.S. Army infantryman Derrick Bales, FOG functions in a grey zone, distinct from traditional private military companies and with no official government affiliation.

Yet, its activities—spanning elite combat training, battlefield reconnaissance, and the transfer of expertise—suggest a role as an unofficial instrument in complex geopolitical struggles, operating beyond the reach of conventional legal oversight.

The group’s expanding footprint points to a new era of proxy warfare, with its operatives allegedly involved on multiple fronts simultaneously.

Far-right ties and chemical allegations

FOG’s presence became prominent following Russia’s full-scale invasion of Ukraine in 2022, though its roots there trace back to the initial conflict in the Donbas region in 2014. The group has been deeply involved in training and advising Ukrainian special forces, including units of the Security Service of Ukraine (SBU) and the controversial Azov Brigade.

The group’s connections to far-right elements drew sharp criticism. In May 2021, a Vice News report detailed how Bales posted images of himself on Instagram alongside Vadim Lapaev, a fighter identified by the investigative outlet Bellingcat as a neo-Nazi associated with the Azov movement. Other photos from the trip showed Bales with fighters displaying symbols linked to neo-Nazi groups.

Bales, who is African American, defended the 2021 trip as research for a book. In correspondence with Vice, he stated he was unaware of the backgrounds of the individuals he was with and spent onlythree hoursat a base belonging to Right Sector, a far-right nationalist militia. He denied any racist intent and expressed regret for any offense caused.

The group’s activities also attracted attention from Moscow. In March 2022, the Russian Ministry of Defence accused FOG of helping Ukrainian forces prepare a chemical weapons attack to blame on Russia.

The United States State Department vehemently denied the charge, calling it ablatant lieand a fabrication intended to create a false pretext for Russia’s actions. No evidence was ever presented to support the Russian claim.

From the Carpathians to Khartoum

The expertise honed in Ukraine has allegedly been exported to other continents. A July 2025 investigation by the French publication Intelligence Online reported that fighters trained by FOG in Ukraine’s Carpathian Mountains were later deployed to African nations, including Sudan.

According to the report, FOG personnel were involved in supporting Sudan’s Rapid Support Forces (RSF), the paramilitary group locked in a devastating civil war with the Sudanese Armed Forces. This support was reportedly provided either directly by FOG or through operatives it had trained, allegedly under the cover ofhumanitarian cooperation.

These operations highlight a complex web of influence, with the report suggesting FOG may operate as a field asset for Ukrainian intelligence, complicating the network of foreign involvement in the Sudanese conflict.

Presence alongside Israeli forces in Gaza

More recently, FOG operatives have been documented on the ground during the Israeli military’s assault on the Gaza Strip. Despite the group’s claims to be a non-combatantmilitary lifestyle brand,evidence suggests a more direct role.

A November 2023 investigation by Foreign Policy magazine confirmed the presence of armed American personnel linked to FOG. The group’s social media accounts posted photos showing members in full combat gear, carrying advanced weaponry in Israeli areas bordering Gaza, such as Kibbutz Be’eri.

Further analysis by weapons tracking researchers, including the well-regarded online accountWar Noir“, identified equipment used by FOG members inside Gaza, including M4 carbines and Israeli-made hand grenades at what appeared to be an operational base.

While the full extent and nature of FOG’s activities in Gaza remain opaque, the visual evidence indicates its operatives were embedded with or operating in close support of Israeli forces. The presence of such a group raises critical questions about the role of foreign fighters and private paramilitary entities in the conflict.

Despite its shadowy operations, FOG has reportedly conducted training exercises at official U.S. military installations like Fort Bragg, North Carolina, blurring the lines between private enterprise and state security apparatuses and solidifying its status as a significant, if unaccountable, player in modern global conflicts.

Somali President under fire over ‘public hospital sales’

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud is facing a major political scandal after his government was accused of illegally selling off historic public properties in the capital, Mogadishu, including the former Ministry of Health building and a colonial-era hospital.

The allegations, leveled by prominent opposition leader Abdirahman Abdishakur Warsame, have ignited a firestorm of criticism over government transparency and the management of national assets in the Horn of Africa nation, which is still rebuilding after decades of conflict.

Warsame, a former minister and presidential candidate, claimed the sale of the health facilities demonstrates a profound lack of respect for public services and national heritage.

“The sale of the Ministry of Health, Lansaretti Hospital, and other heritage buildings is proof that President Hassan Sheikh’s administration has lower morals, ethics, and respect than the clan militias,” Warsame said in a sharply worded statement.

He drew a stark comparison to the country’s civil war, a period of intense factional fighting that destroyed much of the capital in the 1990s. “During the country’s darkest days, when fighting was rampant, clan militias used to respect health centers,” he added.

The Somali government has not yet issued a public statement responding to the specific allegations.

Rising tensions over public land

The controversy erupts amid heightened tensions over land rights and public property in Mogadishu, a city undergoing a construction boom but plagued by legal disputes.

According to the original claims that sparked the controversy, numerous residents have been evicted from government-owned buildings in recent months under the pretext that the state needed the properties for public use. However, critics allege that these evacuated sites have not been converted to provide any new public services, fueling suspicion that they are being cleared for private sale.

“This is the biggest scandal involving the sale of public assets,” Warsame declared, accusing the government of presiding over an unchecked sell-off of state-owned land.

The properties at the center of the dispute are significant landmarks. The Lansaretti Hospital, known locally as Isbitaal Laansareeti, was initially built during the Italian colonial period and has served as a key medical facility in the city for generations. Its sale is seen by critics not only as a loss of a public health asset but also as the erasure of a piece of the nation’s history.

The accusations tap into deep-seated public grievances about corruption in Somalia. The country has consistently ranked at or near the bottom of global corruption indices. In its 2023 Corruption Perception Index, Transparency International ranked Somalia last out of 180 countries, a position it has held for many years.

President Mohamud, who was re-elected in 2022 for a second, non-consecutive term, has pledged to reform government institutions and fight corruption. However, his administration continues to face immense challenges, including an ongoing insurgency by the Al-Shabaab jihadist group and complex political clan dynamics.

Analysts suggest that managing public assets and land is one of the most critical tests for the Somali state as it seeks to establish the rule of law. The lack of a formal land registry system, destroyed during the civil war, has created a volatile environment where property disputes are common and often resolved through power and influence rather than legal processes.

Xog: Maleeshiyo beeleed hubeysan oo la wareegay degmo ka tirsan Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Koox maleeshiyo beeleed ah ayaa lagu soo warramayaa in labadii maalmood ee u dambeeyay ay haysteen xarumihii dowladda ee degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal.

Maleeshiyaadkan ayaa si xoog ah ula wareegay xarunta dowladda hoose, saldhigga booliska degmada, isbitaalka, iyo ceel-biyoodka, kaasoo la sheegay in markii dambe ay sii daayeen.

Sababta ay u qabsadeen goobahan ayaa lagu sheegay inay la xiriirto cabasho ka dhalatay dhaawac soo gaaray nin ay isku hayb yihiin, dhaawacaas oo la sheegay inay u geysteen ciidamada booliska gobolka.

Hoggaamiyaha kooxdan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda ay ka baxday ballan horey ay u qaaday, taasoo ahayd in la daryeeli doono dhaawaca isla markaana la siin doono magdhow.

“Qabsashada xarumaha dowladda waxaa sabab u ah dhibaatadii ay dowladda noo geysatay, gaar ahaan ciidamadeeda. Waxa nalagu dilay gardarro, xuquuqdeenna lama siinin. Waxaan haysannaa warqaddii uu soo saaray taliska booliska oo caddeyneysa in gardarro nalagu laayay,” ayuu yiri ninka horkacaya maleeshiyaadkan.

Sidoo kale, wuxuu ka codsaday maamulka Puntland in sida ugu dhaqsaha badan loo siiyo xuquuqda ay tabanayaan. “Degmadani waa degmadeennii, anaguna xuquuq ayaan raadineynaa. Dowladda Puntland, gaar ahaan Madaxweyne Saciid Deni, waxaan ka doonaynaa in la siiyo xuquuqdeennii.”

Gebi ahaanba waxaa xanniban adeegyadii loo qaban jiray bulshada degmada, maadaama maleeshiyaadku xireen dhammaan xarumihii adeegyada dadweynaha.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka, inkasta oo ay socdaan dadaallo lagu raadinayo xal si ay maleeshiyaadka uga baxaan xarumaha dowladda ee degmada Godobjiraan.

Xasan Sheekh oo wajahaya fadeexaddii ugu weynayd – Maxaa ka socda Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya fadeexaddii ugu weynayd ee iibka hantida guud ee dalka, kadib markii ay dowladdu iibisay dhismayaal muhiim ah oo ay ku jiraan xaruntii hore ee wasaaradda caafimaadka iyo isbitaalka Laansareeti.

Dhismayaal caafimaad iyo kuwa taariikhi ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa haatan la iibiyay, taas oo muujinaysa sida dowladdu wax xurmayn u hayn goobaha daryeelka bulshada iyo ilaalinta hantida qaranka, sida uu sheegay siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaan Warsame ayaa si weyn u dhaliilay in dowladdu ku dhaqaaqdo iibinta dhulkaan macnaha weyn ugu fadhiya qarankeenna, xilli uu xarko goostay iibka dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho.

Iibka xarumaha caafimaadka ayaa muujinaysa in dowladda ka arrimisa dalka ka liidato xagga mooralka iyo mas’uuliyadda xataa marka loo eego maleeshiyaadkii beelaha ee dagaalladii sokeeye, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Xilliyadii dalku ugu rajada xumaa oo ay dagaalladu daraf kasta ka socdeen, maleeshiyaadka beelaha waa xurmayn jireen xarumaha caafimaadka,” ayuu yiri Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Iibinta Wasaaraddii caafimaadka, Isbitaal Laansareeti iyo dhismayaalkii dhaxal taariikheedka ahaa waxay caddayn u tahay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka mooral, akhlaaq iyo xurmo liito maleeshiyo beeleedkii.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay magaalada Muqdisho ka taagan yihiin xiisado culus oo ka dhashay murannada dhulka, iyadoo shacabkii ugu badan laga saaray xarumo kala duwan oo dowladda leedahay, kadib markii ay dowladdu ku andacootay in loo baahday.

Tan walaaca lehna waa in illaa iyo hadda aan la arag xarun dowladeed oo inta dadkii deganaa laga kiciyay ay dowladdu ku bixinayso adeegyo bulsho.

Maleeshiyo weerar culus ka gaystay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo xalay maleeshiyaad hubeysan ay ku qaadeen Xarunta Warashadda Birta oo ku taalla gudaha degmada Dayniile, halkaas oo maalmo kahor laga saaray dad shacab ah.

Weerarka oo ahaa mid xooggan, loona adeegsaday qoryaha Sabanka ayaa lasoo wariyay in lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa halkaas, isla markaana waday howlo burburin ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka culus oo ay is waydaarsadeen labada dhinac, kadib iska hor imaad kooban oo halkaasi ka dhacay.

“Waa habeenkii labaad oo dadka ku hareereysan laamiga warshadaha ee hurdada uga salalaan dhawaaaqa qoryaha dabajeexa iyo sabanka ilaahow na amaanso” ayuu yiri Firdhiye Axmed Jimcaale oo kamid ah dadka deegaanka oo ka hadlay weerarka.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay falkan, waxaase ka dhalatay cabsi iyo walaac xooggan oo soo wajahday shacabka daggan aagga Warshadda Birta ee degmada Dayniile.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi.

Shalay waxaa xarunta la weeraray booqday xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, kuwaas oo metala shacabka laga saaray dhulkaasi, waxayna dhaleeceeyeen madaxda dowladda.

Indhowaanahan waxaa Muqdisho ka taagnaa xiisado culus oo ka dhashay murannada dhulka, iyada oo shacabkii ugu badnaa laga saaray xurumaha kala duwan ee dowladda.

Xog: Ciidanka Jubaland oo dib isu soo abaabulay – Maxaa ka socda degmada Beledxaawo?

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan ciidanka Jubaland oo Arbacadii laga saaray Beledxaawo ay mar kale dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen duleedka magaaladaasi, gaar ahaan dhinaca Kenya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in mar kale ay dib isku soo abaabuleen Daraawishta Jubaland, isla markaana ay haatan joogaan bannaanka degmada Beledxaawo, halkaas oo ay ka wadaan is uruursi ciidan iyo abaabul dagaal oo horleh.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Jubaland ay heleen gurmadyo iyo sidoo kale taakulo ay siiyeen ciidamada Kenya, taas oo keentay inay dhaq-dhaqaaq cusub ka bilaabaan halkaasi.

Sidoo kale, waxaa lagu soo warramayaa in ciidanka Jubaland ay qorsheynayaan in mar kale ay soo weeraraan magaalada oo haatan ay si buuxda u maamulayaan ciidanka dowadda Soomaaliya, walow looga adkaaday dagaalladii horay uga dhacay halkaasi.

Xaaladda Beledxaawo aya hadda deggan, waxaana dib usoo laabtay shacabkii horay uga barakacay dagaaladii horay uga dhacay magaaladaas oo looga adkaaday ciidanka Jubaland.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah iyo dadaallo dheeraad ah ka wada gudaha degmada, waxaana sidoo kale socda kulamo uu Janan la yeelanayo waxgaradka deegaanka iyo odayaasha, loogana hadlayo isbeddalka ka dhacay halkaasi.

Dhanka kale, waxaa weli  Xero UK ka degaya diyaaradaha dagaalka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo shalay ay ugu dambeysay Beledxaawo ka soo qaaday dhaawacyo wax looga qaban waayey isbitaalka guud ee degmada, waxaana la keenay isbitaallada Muqdisho.

Beledxaawo ayaa marti gelisay dagaalo teelteel ah oo maalmo badan ka socday, labada dhinac ayaa maalin kasta dalbanayey gurmadyo is dabajoog ah, ugu dambeyntiina Jubaland ayaa laga adkaaday.

Si kastaba, Horay Jubaland waxay u sheegtay inay ku fara dirireyso gacan ku heynta degmadaas, iyadoo markii horeba dowladda ka qabsatay xarumihii danta guud ee ku yaalla magaalada, balse dowladda oo ciidamo gaysay magaalada ayaa ku guuleysatay dagaalka.