26.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Xog: Ciidanka Jubaland oo dib isu soo abaabulay – Maxaa ka socda degmada Beledxaawo?

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan ciidanka Jubaland oo Arbacadii laga saaray Beledxaawo ay mar kale dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen duleedka magaaladaasi, gaar ahaan dhinaca Kenya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in mar kale ay dib isku soo abaabuleen Daraawishta Jubaland, isla markaana ay haatan joogaan bannaanka degmada Beledxaawo, halkaas oo ay ka wadaan is uruursi ciidan iyo abaabul dagaal oo horleh.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Jubaland ay heleen gurmadyo iyo sidoo kale taakulo ay siiyeen ciidamada Kenya, taas oo keentay inay dhaq-dhaqaaq cusub ka bilaabaan halkaasi.

Sidoo kale, waxaa lagu soo warramayaa in ciidanka Jubaland ay qorsheynayaan in mar kale ay soo weeraraan magaalada oo haatan ay si buuxda u maamulayaan ciidanka dowadda Soomaaliya, walow looga adkaaday dagaalladii horay uga dhacay halkaasi.

Xaaladda Beledxaawo aya hadda deggan, waxaana dib usoo laabtay shacabkii horay uga barakacay dagaaladii horay uga dhacay magaaladaas oo looga adkaaday ciidanka Jubaland.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah iyo dadaallo dheeraad ah ka wada gudaha degmada, waxaana sidoo kale socda kulamo uu Janan la yeelanayo waxgaradka deegaanka iyo odayaasha, loogana hadlayo isbeddalka ka dhacay halkaasi.

Dhanka kale, waxaa weli  Xero UK ka degaya diyaaradaha dagaalka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo shalay ay ugu dambeysay Beledxaawo ka soo qaaday dhaawacyo wax looga qaban waayey isbitaalka guud ee degmada, waxaana la keenay isbitaallada Muqdisho.

Beledxaawo ayaa marti gelisay dagaalo teelteel ah oo maalmo badan ka socday, labada dhinac ayaa maalin kasta dalbanayey gurmadyo is dabajoog ah, ugu dambeyntiina Jubaland ayaa laga adkaaday.

Si kastaba, Horay Jubaland waxay u sheegtay inay ku fara dirireyso gacan ku heynta degmadaas, iyadoo markii horeba dowladda ka qabsatay xarumihii danta guud ee ku yaalla magaalada, balse dowladda oo ciidamo gaysay magaalada ayaa ku guuleysatay dagaalka.

Mobile Money in Somalia: A double-edged sword of financial inclusion and economic risk

In recent years, Somalia’s financial landscape has undergone a profound transformation thanks to mobile money platforms such as EVC Money, operated by Hormuud Telecom, and ZAAD Money from Telesom. In a country where traditional banks remain inaccessible or scarce for much of the population, these digital services have emerged as essential tools, enabling millions of Somalis to participate more fully in the economy.

Transforming Somali Commerce and Society

Mobile money has revolutionized how Somalis conduct business and manage their finances. Entrepreneurs and small businesses benefit immensely from instant, cashless transactions, enabling faster payment of employees and suppliers as well as smoother customer interactions. This shift has spurred local economic growth and encouraged investment in micro and small enterprises.

Perhaps one of the most significant impacts of mobile money is its role in financial inclusion. Large segments of the population—especially women, youth, and those living in rural areas—now have access to financial services through their basic mobile phones. No longer confined to traditional banking’s limited reach, they can save, borrow, and spend securely, reshaping Somalia’s economic participation from the ground up.

Additionally, Somalia’s heavy reliance on remittances from its global diaspora has been streamlined. Mobile money platforms allow families to receive funds more quickly, safely, and with fewer transactional hurdles, thereby injecting vital income into local economies and households.

Challenges and Risks Ahead

Despite these transformative benefits, mobile money services in Somalia face significant challenges that threaten the sustainability of their impact. One of the foremost concerns is the dominance of the U.S. dollar on these platforms, which—coupled with a weak and counterfeit-prone Somali shilling—has exacerbated inflation and accelerated the depreciation of local currency. As mobile money facilitates rapid money flow without a proportional increase in goods and services, inflationary pressures continue to mount.

The technological backbone supporting mobile money also reveals vulnerabilities. Dependence on stable telecommunications infrastructure means that network outages or cyber-attacks could potentially disrupt economic activity for entire regions, eroding user confidence.

Moreover, Somalia currently lacks comprehensive regulatory frameworks for digital financial services. This regulatory gap leaves users exposed to fraud, operational risks, and limited avenues for recourse in the event of service failures or disputes. Furthermore, a lack of interoperability between different mobile money services limits market efficiency and user flexibility.

Lastly, despite their reputation for inclusivity, platforms like EVC and ZAAD inadvertently exclude marginalized groups—especially the elderly, illiterate, or those without mobile phone access—highlighting the need for strategies to bridge these divides.

Looking Toward a Balanced Future

Mobile money services have undeniably opened new pathways for economic engagement and empowerment in Somalia. However, without deliberate actions to address their risks, these advances may contribute to long-term instability.

Experts suggest a multifaceted approach to sustain progress: creating robust digital financial regulations, investing in reliable telecommunications infrastructure, fostering financial literacy across all population segments, and promoting the Somali shilling’s stabilization and increased use within mobile platforms. Such measures are essential to harness the promise of mobile money while mitigating its economic vulnerabilities.

EVC and ZAAD stand at a crossroads between opportunity and risk. Their continued integration into Somalia’s economy demands balanced policies and regulatory reforms to ensure that mobile money remains a catalyst for inclusive and sustainable development—rather than a source of inflationary pressures or financial exclusion. As Somalia navigates this critical juncture, building stronger institutions and inclusive digital ecosystems will be key to securing a prosperous economic future for all its citizens.

Salim Abdullahi Elmi
Senior Advisor – Protocol Department
Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation
Federal Republic of Somalia

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members.  

Puntland oo ciidanka PMPF geynaysa degmada Laasqoray kadib dalabkii Imaaraadka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa haatan qorsheynayo in ciidamada badda ee PMPF uu geeyo magaalo xeebeedka Laasqoray  ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaqyo culus.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo ciidamada in qorshaha ugu wayn ee Puntland uu yahay in ciidamadaasi ay saldhig cusub ka sameystaan degmada Laasqoray, si ay halkaasi uga abaabulayaan howlgallo culus oo ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada badda Puntland (Puntland Maritime Police Force – PMPF) ayaa xaqiijyay in ciidamadooda loo diyaariyay sidii ay u gaari lahaayeen magaalada Laasqoray, maadaama uu halkaasi ka bilaabanayo guluf culus oo ka dhan ah argagixisada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saldhigga cusub ee degmada Laasqoray uu noqon doono saldhiga labaad ee ugu weyn oo ay lee yihiin ciidamada gaarka ah PMPF, marka laga yimaado kan Boosaaso, si ay u xaqiijiyaan ammaanka guud ee xeebaha magaaladaasi.

Sida uu qorshuhu yahay ciidamada PMPF ayaa marka ay sameystaan saldhiggooda cusub waxa ay ku dhawaaqi doonno howlgal dhinaca dhulka ah oo ka bilaabaya gobolkaasi. Ujeedka Puntland ayaa ah mid lagu ballaarinayo howlgal loogu magac daray Onkod oo isku xiran kana soo billaabanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isla markaana la gaarsiinayo illaa Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Puntand Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horay u sheegay in halkaas laga bilaabi doono wajiga labaad ee howlgallada, si looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanayo Buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

Tallaabadan cusub ee ay qaadeyso dowlad-goboleedka Puntland ayaa kusoo aadayso, iyada oo haatan Laascaanood looga dhowaaqay maamul cusub oo la magac baxay Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo ka talin doono saddexda gobol ee kala ah Sool, Sanaag iyo Todheer.

Waxaa kale oo ay arrintan ay kusoo beegmeysaa, iyada oo dhowaan dowladda Imaaraadka Carabta ay Puntland u soo jeedisay in ay gacanta ku dhigaan magaalada Laasqoray, si looga hortago qorshaha dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa dalbaday in magaaladaas la geeyo ciidanka ay maalgaliyaan ee PMPF-ta Puntland, si looga hortago in degmada Laasqoray laga dhiso Dekad uu yeesho maamulka cusub ee lagu dhisay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa u arka in maamulka lagu dhisay Laascaanood mid qaadi doono tallaabo uu ku dhisanayo Dekadda magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Sababta Imaaraadku ay cabsi badan uga qabaan in Laasqoray deked cusub laga dhiso waa inay cuuryaamin karto macaashkooda maalgashiga ay ku sameeyeen dekadaha Berbera iyo Boosaaso.

SOOMAALIYA oo kaalinta labaad ka gashay liis halis oo dalalka Afrika ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo ay soo saartay Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga ee Afrika (ACSS) ayaa muujisay in ka badan 155,000 qof ay ku dhinteen weerarrada ay fuliyaan kooxaha xagjiriinta ee ka hawlgala qaaradda Afrika intii u dhaxaysay 2013 illaa 2023. Kooxahan ayaa weli ah kuwa ugu halista badan ee curyaamiya xasilloonida dalal badan oo Afrikaan ah.

Kaliya sanadkii la soo dhaafay, 22,307 qof ayaa la dilay, taasoo noqotay tiradii ugu sarreysay ee la diiwaangaliyo tan iyo 2023. Gobolka Saaxilka ayaa hoggaanka u qabtay dhimashada, iyadoo la xaqiijiyay 10,685 dhimasho. Soomaaliya ayaa kusoo xigtay, iyadoo la dilay 7,289 qof.

Marka aagga harada Chad lagu daro, saddexdan gobol ayaa xambaarsanaa 99% dhammaan dhimashooyinkii la xiriiray weerarrada xagjiriinta ee sanadkaas.

Tirada dadka la dilay ayaa si joogto ah kor ugu kacaysay sannadihii la soo dhaafay. Laga bilaabo 2016 ilaa 2019, celcelis ahaan 10,774 qof ayaa sannadkii u dhimanayay weerarro la xiriira xagjiriinta. Intii u dhaxaysay 2019–2022, tiradaasi waxay gaartay 13,950, waxaana ay mar kale kor u dhaaftay 22,000 sannadkii laga bilaabo 2022 ilaa 2025.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay ballaarinta aagagga ay kooxahani ka taliyaan. Saaxilka iyo Soomaaliya ayaa si gaar ah u muuqatay, iyadoo kooxahaasi haatan gacanta ku hayaan dhul dhan ku dhowaad 950,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Soomaaliya iyo dalalka hareeraha harada Chad sida Nigeria, Cameroon, Chad iyo Niger ayaa ahaa goobaha ugu dhimashada badan tobankii sano ee la soo dhaafay.

Balse tan iyo 2022, Saaxilka ayaa hogaanka u qabtay dhimashada ugu badan, iyadoo hadda Soomaaliya iyo Saaxilka mid walba laga diiwaangeliyay in ka badan 49,000 dhimasho, halka aagga harada Chad laga diiwaangeliyay 39,000 qof oo la dilay.

Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga ee Afrika (ACSS) waxay ku celisay digniinteeda ah in kororka weerarrada iyo fiditaanka kooxaha xagjiriinta ee gudaha Afrika uu yahay halis baahsan, ayna lagama maarmaan tahay in si joogto ah loo feejignaado si looga hortago isku xirka sii kordhaya ee kooxahan iyo kuwa caalamiga ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee xulista xildhibaannada iyo doorashada Waqooyi Bari

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa haatan ka socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo xulista xildhibaannada cusub ee maamulka dhowaan looga dhowaaqay magaaladaas ee la magac baxay Waqooyi Bari Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga dhismaha maamulkan, Dr. Axmed Nuur Uleex oo wareysi siiyay Universal Tv ayaa ka hadlay sida ay haatan wax u socdaan, wuxuuna sheegay in la bilaabayo xulista xildhibaannada, kadibna la aadi doono doorashada gudoonka iyo midda madaxweynaha.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in qorshuhu yahay in howshaan lagu soo gabagabeeo bishaan, si oo dhiso hay’adaha maamul-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaiya.

“Haddii uu eebbe idmo waxaa hadda bilaabanayo xulintaanka xildhibaannada, kadibna waxaa ku xigta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa” ayuu yiri Dr. Axmed Nuur.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan rajeyneynaa in howshan oo dhan ay inay kusoo dhamaato bisan August dhexdeeda, waxa ugu muhiimsan hadda waxaa weeye xulitaanka golaha wakiilada”.

Dr. Axmed Nuur hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in gunaanadka howshan ay kasoo qayb-geli doonaan madaxda qaranka oo tegi doonto munaasabadda wayn ee maamulka oo ka dhici doonta isla Laascaanood.

“Waxaan jecelnahay inay nasoo sharfaan madaxda qaranku ruuxa ama mas’uulka ka imaan doono waxaan u deyneynaaa xilliga uu baratakoolkiisa yimaado” ayuu mar kale yiri.

Si kastaba, Abuuritaanka maamulkan cusub waa natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay oo ka qaraxday magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, dabayaaqadii 2022. Dibadbaxyo looga soo horjeeday dilal is-daba-joog ah oo loo geystay shakhsiyaad deegaanka caan ka ahaa ayaa isku beddelay halgan hubeysan oo ballaaran bishii Febraayo 2023, kaas oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Somaliland iyo ciidamadii cusbaa ee SSC-Khaatumo.

3 dal oo Carab ah oo Israa’iil ku caawinaya gaajada iyo macluusha ay ku hayso Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Iyadoo “hakadka cusub ee bani’aadannimo” ee Israa’iil, oo ay dhaleeceeyayaashu ku sifeeyeen mid aan dhab ahayn, ayaa dhawr dal oo Carbeed, oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta, Masar, iyo Urdun, waxaa loo jeedinayaa eedeymo ah inay ku lug leeyihiin olole sumcad-dhisid oo gabaad siyaasadeed siinaya Israa’iil, iyadoo isla markaasna lagu guul-darraysanayo in wax laga qabto macluusha ba’an ee ka jirta Gaza.

Saraakiil Falastiiniyiin ah iyo ururo caalami ah oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku andacoonaya in ka qayb-qaadashada dalalkan ee gargaarka ay maamusho Israa’iil ay gacan ka geysanayso faafinta sheeko aan sal iyo raad lahayn oo ku saabsan in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo shacabka Gaza.

Dhaleeceeyayaasha ayaa si gaar ah walaac uga muujiyay ka qaybgalka Imaaraadka ee mashruuc kaabeyaal ah oo laga fulinayo koonfurta Gaza, kaasoo ay sheegeen inuu si toos ah u taageerayo qorshaha la soo tebiyay ee Israa’iil ee ah in si joogto ah loo barakiciyo Falastiiniyiinta.

Eedeymahan ayaa imaanaya xilli ay macluul ba’an ka taagan tahay Marinka Gaza, halkaasoo Israa’iil ay gebi ahaanba xirtay isgoysyada xuduudaha laga soo bilaabo 2-dii Maarso, 2025, taasoo ceejisay sahaydii nolosha ee daruuriga ahayd. Dagaalka, oo bilowday 7-dii Oktoobar, 2023, ayaa baabi’iyay dhulkaas, wuxuuna barakiciyey inta badan 2.3 milyan oo qof oo ku noolaa.

Mashruuca Imaaraadka ee ‘magaalada bani’aadannimada’  

Dhaleeceynta ugu weyn ayaa loo jeediyay Imaaraadka Carabta sababtoo ah doorka ay ku leedahay keenista iyo maalgelinta dhuun biyo oo la gaarsiinayo Al-Mawasi, oo ah deegaan xeebeed ku yaal koonfurta Gaza.

27-kii Luuliyo, militariga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay meelmariyeen “hindise Imaaraadku leeyahay” oo ah in dhuun biyo ah laga soo xiro warshad biyo-nadiifin ah oo Masar ku taalla lana gaarsiiyo koonfurta Gaza, iyadoo ujeeddada lagu sheegay inay tahay in loogu adeego 600,000 oo qof.

Si kastaba ha ahaatee, dhaleeceeyayaashu waxay si degdeg ah mashruucan ula xiriiriyeen qorshe la sheegay in Israa’iil ay ku doonayso inay aaggaas ka dhisto “Magaalo bani’aadannimo.” Sida ay warbaahinta Israa’iil sheegtay, Wasiirka Difaaca Yoav Gallant ayaa ku amray militariga inay Al-Mawasi ka abuuraan deegaan si adag loo xakameeyo oo loogu talagalay Falastiiniyiinta barakacay. Sida la tebiyay, qorshuhu wuxuu dhigayaa in dadka reer Gaza ee halkaas la geeyo la marsiiyo baaritaanno amni oo adag, loona oggolaado inay ka baxaan oo keliya dhinaca badda ama ay u gudbaan Masar.

Saraakiisha Falastiiniyiinta waxay ku doodayaan in dhuunta biyaha ee Imaaraatku maalgeliyay ay tahay kaabe muhiim u ah xeradan, taasoo si dhab ah uga dhigaysa Abu Dhabi mid shuraako ku ah istaraatiijiyad ujeeddadeedu tahay in mustaqbalka fog la isugu geeyo laguna go’doomiyo dadka reer Gaza, ayna suurtagal tahay in gebi ahaanba dalka laga saaro.

Doorka Masar iyo Urdun ee ‘bandhigga warbaahinta’

Masar iyo Urdun ayaa sidoo kale lagu dhaliilay ka qayb-qaadashadooda waxa uu xafiiska warfaafinta ee dowladda Gaza ku tilmaamay “bandhig lagu maadaysanayo.”

Masar, ka dib bilo ay ku celcelinaysay in dhinaceeda Rafax uu furan yahay, waxay bilowday inay tobannaan baabuur oo gargaar ah ka soo dejiso xadka, kaasoo ku jiray gacanta militariga Israa’iil tan iyo bishii Maajo 2024. Dhaq-dhaqaaqayaashu waxay sheegeen in isku-dubbaridka Qaahira ee gargaarka ee ay la leedahay Israa’iil uu sharciyeynayo go’doominta Israa’iil.

Isagoo ka jawaabaya eedeymaha ah inuu fududeynayo go’doominta, Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi wuxuu khudbad laga sii daayay telefishinka ku sheegay in “gelitaanka gargaarku uu u baahan yahay isku-dubarid lala yeesho dhinaca kale ee Rafax oo ah dhanka Gaza, kaasoo hadda ay maamusho Israa’iil.”

Urdun iyo Imaaraadka Carabta ayaa iyaguna fuliyay gargaar xaddidan oo hawada laga soo daadiyey, kaasoo sarkaal sare oo Falastiini ah, Khalil al-Hayya, uu ku tilmaamay “bandhigyo la soo agaasimay” oo aan waxtar lahayn isla markaana ceeb ku ah arrintan. Wuxuu xusay in shixnadda shan duulimaad oo gargaar hawada laga keenay ay la mid tahay tan hal baabuur oo xamuul ah.

“Israa’iil waxay bilowday olole ballaaran oo warbaahineed… oo ay taageerayaan warar isdaba-joog ah oo sheegaya in Israa’iil ay oggolaatay in gargaarku galo Marinka, iyadoo taageero ka helaysa jilayaal Carbeed ah oo la shaqeeya,” ayuu yiri Ramy Abdu, guddoomiyaha hay’adda Euro-Med Human Rights Monitor. “Balse xaqiiqada dhabta ah ee dhulka ka jirta waxay tahay in tiro aad u yar oo baabuur ah ay gudaha u galeen, kuwaasoo ahaa kuwo is-muujin kaliya looga dan lahaa.”

Dadaallada gargaarka oo ku guul-darraystay  

Nuxurka dhaleeceyntu wuxuu yahay in dadaalladan caalamku taageerayo aysan wax saameyn ah ku yeelan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Gaza. Qaramada Midoobey ayaa si weyn u diidday inay la wareegto qaybinta gargaarka, iyadoo sabab uga dhigtay amni-darro keentay in burcad abaabulan, oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ciidamada Israa’iil, ay boobaan sahaydii la soo diray.

Hay’adda Qaramada Midoobey ee Gargaarka iyo Shaqada ee Qaxootiga Falastiin (UNRWA) waxay ku adkeysanaysaa in keliya furitaanka dhammaystiran ee dhammaan xuduudaha dhulka, iyadoo amnigooda la sugayo, ay wax ka qaban karto macluusha. Waxay carrabka ku adkeysay in maalin kasta loo baahan yahay 500 ilaa 600 oo baabuur oo gargaar ah si loo daboolo baahida jirta.

Hakadka hadda jira, oo ay Israa’iil ku dhawaaqday 26-kii Luuliyo, waxaa loogu talagalay in lagu abuuro marin nabdoon oo gargaarka loo adeegsado. Hase yeeshee, suxufi Falastiini ah oo lagu magacaabo Yasser Mohamed ayaa sheegay in tallaabadani ay ahayd mid sumcad-doon ah oo looga falcelinayay carro caalami ah oo sii kordheysa, gaar ahaan tan ka imaanaysa dalalka Yurub iyo dibadbaxayaal beegsanayay safaaradaha Masar iyo Urdun.

“Qof walba wuu ogyahay in dibadbaxyadii dhowaa ay kicin karaan rabshado ka dhaca gudaha labada dal ee xadka la leh Falastiin,” ayuu yiri, isagoo tilmaamaya in ujeeddada Israa’iil ay ahayd inay gacan ka geysato xasilinta xukuumadaha Carbeed ee ay xulafada yihiin.

Dhanka kale, dadka rayidka ah ee gaajeysan waxba ma helin. “In macluusha la jebinayo waa been,” ayuu yiri weriyaha Al-Jazeera, Anas al-Sharif, oo ka soo warramayay Gaza, isagoo ku nuuxnuuxsaday in gargaarka la keeno ama la xado ama lagu daadiyo meelo aan la gaari karin.

Sidaa darteed, dhaleeceeyayaashu waxay aaminsan yihiin in ka qaybgalka dalalka Carabta ee geeddi-socodkan uu kaliya u adeegayo in la qariyo xaqiiqda ah in gaajada loo adeegsanayo hub dagaal.

Sawirro: Muungaab oo maanta wareejiyay 200,000 dollar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta wareejiyay lacag dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000).

Lacagtan oo maamulka gobolka uu hore ugu dhawaaqay inuu ugu deeqay gurmadka abaaraha ka jira gobolka Awdal ayaa Guddoomiye Muungaab wuxuu maanta ku wareejiyay Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SODMA).

Muungaab ayaa sheegay in deeqdaan ay bar-bilaw u tahay gurmadka abaaraha gobolka Awdal, isla markaana maamulka gobolka Banaadir uu diyaar u yahay garab-istaagga walaalahooda.

Waxa uu xusay in lacagtaan ay qeyb ka tahay canshuurta laga qaado bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda oo dadka reer Awdal ay ka mid yihiin maadaama ay caasimaddu tahay xaruntii ummadda.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay hey’adaha samafalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado walaalaha ay abaaruhu saameeyeen ee jooga gobolka Awdal iyo deegaannada kale ee dalka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), Maxamuud Macalin ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiye Muungaab talaabada uu qaaday ee ku aadan in si deg-deg ah looga jawaabo dhibaatada abaareed ee ku dhufatay gobolka Awdal.

Maxamuud ayaa sheegay in deeqda lacageed ee lagu wareejiyay ay si deg-deg ah u gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay.

Gobolka Awdal ayaa kamid ah uu ka meelaha ay abaartu si ba’an u saameeyeen, taasoo keentay in boqolaal qoys ay waayaan xoolahoodii iyo noolal maalmeedkoodii.

Si kastaba, gobolkan oo ka tirsan maamulka Somaliland, ayaa la ogeyn sida ay Dowladda Federaalka ku gaarsiin karto gargaar, maadaama ay si weyn usii kala fogaadeen xukuumadaha Hargeysa iyo Muqdisho, oo maalmihii dambe isku hayay arrinta dhismaha maamulka Laascaanood.

AUSSOM oo beenisay sheegashooyinka ku saabsan khasaaraha dagaalka Bariire

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hawl-galka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si cad u beeniyay warar la faafiyay, kuwaas oo sheegayay in ciidamadoodu ay khasaarooyin culus kasoo gaareen dagaal ka dhacay deegaanka Bariire ee Koonfur-galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Bayaan kasoo baxay AUSSOM ayaa waxay ku sheegtay in wararkaasi ay yihiin “kuwo aan sal iyo raad lahayn,” iyadoo ka jawaabaysa sheegashooyin kasoo yeeray kooxda Al-Shabaab oo ku andacoonaysa inay burburiyeen gawaari gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika, isla markaana ay ciidamadaasi ka laabteen magaalada Bariire kadib dagaal xooggan.

AUSSOM ayaa caddeysay in 1-dii Agoosto, ciidamo isugu jira kuwa AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ay fuliyeen howl-gal ballaaran oo lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab, si dib loogu qabsado magaalada Bariire.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa sheegay in ciidamada isbahaysiga ay ka go’an tahay xoreynta Bariire iyo deegannada kale ee wali ay joogaan Al-Shabaab, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan amni iyo xasillooni waarta.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in howl-galkaasi lagu dilay in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro kalena lagu dhaawacay si xun.

Ugu dambeyntiina, AUSSOM waxay adkaysay inay sii wadi doonaan la shaqeynta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, si dalka looga ciribtiro kooxaha argagixisada oo ay sheegtay inay weli halis ku yihiin amniga guud ee Soomaaliya.

Ehellada labo wiil oo lagu dilay Hargeysa oo Somaliland ku eedeeyey arrin xasaasi ah

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ehellada laba marxuum oo 20-kii bishii hore lagu dilay bartamaha suuqa weyn ee magaalada Hargeysa ayaa ka dalbaday xukuumadda Somaliland iyo laamaha ammaanka inay dedejiyaan baaritaanka kiiska dilkii toogashada ahaa ee loo geystay wiilashooda.

Sidoo kale, ehellada oo la hadlay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in meydadka labada marxuum aan weli la aasin, isla markaana ay muddo 13 maalmood ah qaboojiye ku jiraan.

Dilkoodii kaddib, ehelladu waxay sheegeen in ciidanka booliska Somaliland ay bilaabeen baaritaanka ciddii dishay, balse weli aysan helin natiijo ay ku qancaan, inkastoo loo sheegay in wax un raad ah la hayo.

Ehellada ayaa sheegay inay hay’adaha ammaanka uga fadhiyaan in loo caddeeyo cidda dilka geysatay, isla markaana aan la aasi doonin meydadka ilaa la keeno qofkii ama kooxdii dilka gaysatay.

Booliska Somaliland ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka, halka Cabdikariim Ibraahim Maxamed oo ka mid ah ehellada ragga la dilay uu sheegay in labada qoys ay u midoobeen sidii caddaalad loogu heli lahaa dilka wiilashooda.

“Habeenkii dilku dhacay, maalintii xigtay waxaan la kulannay laamaha ammaanka. Waxay noo sheegeen inay hayaan raadadka ciddii dilka geysatay 85%. Waxaa intaas kaddib dhacay shirar iyo kulamo aan kiiskan kala yeelannay wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha booliska iyo mas’uuliyiin kale. Intaas oo dhan wax aan ku qanacno waa noo sheegi waayeen,” ayuu yiri Cabdikariim Ibraahim Maxamed oo ka mid ah ehellada ragga la dilay.

Wuxuu intaas ku sii daray in ehellada ragga la dilay ay isla garteen inay qaataan go’aanno adag haddii xukuumadda Somaliland ay la iman weyso natiijo cad oo lagu sheego cidda dilka gaysatay.

Sidoo kale, Cabdikariim ayaa sheegay in boolisku ay si cad u sheegeen in dilka dhacay uu ahaa mid qorsheysan. “Waxaan ka sugeynaa cidda ay sheegeen inay dilkaas qorsheysay,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaa noo muuqata in dowladdu ay kiiskan duugeyso. Labada qoys ee wiilashu ka dhinteen waxay go’aansadeen in meydadka aan la aasin ilaa dowladda ay war cad ka soo saarto.”

Ugu dambeyntii, Cabdikariim wuxuu sheegay inay sugayaan xogta wasiirka arrimaha gudaha iyo booliska Somaliland ay hayaan ee ah 85%, isla markaana ay doonayaan in lala wadaago 15-ka boqolkiiba ee ka dhiman. Wuxuu ballanqaaday, haddii ay ku qancaan jawaabta dowladda, inay aasi doonaan meydadka labada marxuum.

Magaca Maxamed oo mar kale noqday kan ugu caansan ee loo bixiyo wiilasha UK

Lonodn (Caasimada Online) – Magacyada ugu caansan ee carruurta ku dhashay England iyo Wales sannadka 2024 ayaa si rasmi ah loo shaaciyey, iyadoo Athena iyo Yahya ay markii ugu horreysay kasoo muuqdeen 100-ka magac ee ugu sarreeya.

Maxamed ayaa weli haysta kaalinta koowaad ee magacyada wiilasha – sanadkii labaad oo xiriir ah – halka Nuux iyo Oliver ay kala galeen kaalmaha labaad iyo saddexaad, sida ay muujinayso xogta rasmiga ah ee sannadka 2023.

Dhinaca gabdhaha, Olivia iyo Amelia ayaa sanadkii saddexaad oo xiriir ah sii hayay labada boos ee ugu sarreeya, halka Isla ay kusoo baxday kaalinta saddexaad, beddeshayna Lily oo booskaasi hore u haysay.

Liiskan waxaa diyaariyay Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee UK (ONS), kaas oo xogta ka soo ururiyey diiwaannada dhalashada ee dalka.

Magacyada cusub ee gabdhaha ee sanadkan liiska kusoo biiray waxaa ka mid ah: Eloise, Nora, Myla, Rosa, Athena, Sara iyo Zoe. Dhinaca wiilasha, magacyada cusub waxaa kamid ah: Austin, Nathan, Vinnie iyo Yahya.

Maxamed iyo Olivia oo weli hormuud ah

Maxamed ayaa mar kale noqday magaca wiilasha ugu caansan, iyadoo 5,721 carruur ah loogu bixiyey sannadkii lasoo dhaafay. Magacani wuxuu kaalinta koowaad ka galay shan kamid ah sagaalka gobol ee England, halka uu gobolka Wales ka galay kaalinta 57-aad.

Noocyada kale ee magaca Maxamed ayaa sidoo kale liiska ka muuqday – magaca Maxamed (higaad kale) ayaa galay kaalinta 21-aad, iyadoo 1,760 carruur ah loo bixiyay. Mohammad isna wuxuu galay kaalinta 53-aad, isagoo helay 986 carruur ah.

Dhinaca gabdhaha, Olivia ayaa kaalinta koowaad ka gashay toddobo kamid ah gobollada England iyo Wales, iyadoo 2,761 gabdhood loogu bixiyay magacaas.

SJ Strum, oo ah khabiir ku takhasustay magac-bixinta dhallaanka, ayaa sheegtay inaysan la yaabin guusha Olivia, balse ay “wax yar niyad-jab” ka dareemayso in magacu weli yahay kan ugu sarreeya.

“Waa magac qof walba jecel yahay — 90-meeyadii waxay ahayd Louise, 80-meeyadiina Sarah,” ayay tiri. “Olivia waa magac caan ah, laakiin tiradii la isticmaalo way hoos u dhacaysaa. Waalidiintu hadda waxay raadinayaan magacyo aan caadi ahayn.”

‘Waalidku waxay doonayaan magacyo naadir ah’

Strum waxay intaas ku dartay in inkasta oo magacyada dhaqameed ay mar walba kasoo muuqdaan liiska sare, hadana kuwa cusub ee hoose waxaa saameeya waxyaabaha markaas caan ka ah bulshada dhexdeeda.

Tusaale ahaan, Margot ayaa sare u kacday kadib guusha atariishada Hollywood-ka Margot Robbie, halka Otis uu caan noqday kaddib bandhigga taxanaha Netflix ee Sex Education.

“Waalidiintu waxay dhiirrigelin ka helayaan waxyaabaha ku xeeran, waxayna dooranayaan magacyo ay iyagu la qabsadaan,” ayay tiri.

Laakiin marka laga hadlayo wiilasha, waxay sheegtay in waalidiinta British-ka u muuqdaan kuwa doorbidaya magacyo dhaqameed, si ay ubadkoodu u yeeshaan magac la jaanqaadi kara xirfadaha iyo mustaqbalkooda shaqo.

“Magacyo hore oo qarniyo ka hor la isticmaali jiray ayaa mar kale caan noqday — Arthur wuxuu hadda kamid yahay 10-ka magac ee ugu sarreeya, taasoo aan suuragal ahayn 15 sano kahor,” ayay raacisay.

Tani waxay la xiriirtaa waxa loo yaqaan “sharciga 100-ka sano”, sida uu sheegay Clare Green, oo ah khabiir kale oo ka tirsan madal magac-bixinta ee Nameberry.

“Magacyada awooweyaasha lama isticmaalo xilliga ay nool yihiin, balse jiilalka dambe ayaa mar kale adeegsada,” ayay tiri Green. “Taasi waxay keeni kartaa in magacyo sida Susan ama Roger dib usoo laabtaan marka jiilalka cusub ay gaaraan da’da waalidnimo.”

Magacyada dabiiciga ah oo weli sarreeya

Magacyo ay ka buuxdo dabeecaddu ayaa weli kamid ah kuwa ugu caansan — Lily, Poppy iyo Ivy ayaa dhammaan kamid ah 10-ka gabdhood ee ugu magac caansan.

“Magacyada dabeecadda la xiriira waa kuwa had iyo jeer ku jira liiska – waa kuwo joogto ah,” ayay tiri Clare Green.

Haddaba, ma jiraan magacyo yaab leh oo sanadkan liiska kusoo baxay?

“Mararka qaar, waa magacyo dadku u arkaan kuwo taariikh ah — sida Jessica – laakiin weli waxay hayaan kaalmo sare,” ayay tiri.

Sannadkan 2024, magacyada wiilasha loo bixiyay wax ka yar shan jeer waxaa kamid ah Awesome, Cuthbert, Crispin iyo Beckham, halka magacyada gabdhaha ee ay tiro yar heleen ay yihiin Sicily, Everest, Orchid iyo Gabay.

Dastuurka maamulka Waqooyi Bari oo la dhaqan-geliyay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhameystiray dastuurka cusub ee dowlad-gobolka, kaasi oo xalay si rasmi ah loo dhaqan-geliyay.

Hoggaamiye Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo ka hadlay munaasabadda dhaqan-gelinta dastuurka Waqooyi Bari ayaa sheegay in dastuurka cusub uu kala xadeyn doono awoodaha qeybaha kala duwan ee hay’adaha ay ka kooban tahay dowlad goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Dastuurkan ayuu sheegay inuu nidaaminayo hanaanka dowladnimo ee is-xukunka iyo maamulka ee Waqooyi Bari, kaasi oo lagu dhisay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka.

“Maanta wixii ka dambeeya xeerarka iyo shuruucda noo yaalla waxaa ugu sareeya dastuurka aynu dhaqan-gelinay,” ayuu yiri Hoggaamiye Firdhiye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dastuurka dhaqan-galay uu Waqooyi Bari ka dhigayo maamul buuxa, isla markaan uu meesha ka saaraya khilaafaadka siyaasiga ah.

“In aynu kala xadidno qeybaha maamulkeena oo kala saarno awoodahooda, oo aan qaabeysano sida aan isku maamuli laheyn wax sahlan maaha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay hoggaamiye Firdhiye.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh oo magaalada Laascaanood u joogay dhameystirka maamulkan cusub ayaa bogaadiyey guddiga dastuurka, oo uu sheegay inay door shariif ah ku leeyihiin in Waqooyi Bari uu noqdo maamul hanaqaada.

“Waxaan dhaqangelinay Dastuurka cusub ee dowlad goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya oo qeyb ka noqoneysa dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, kaas oo guddiga Dastuurku dadaal badan kusoo bixiyeen,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh

Si kastaba, maamulkan cusub ayaa ah natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay, taas oo marxaladdo kala duwan soo martay, ugu dambeyntiina dhashay maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya

Hoos ka daawo muuqaallada

Maxay tahay ‘Xero UK’ oo DF u sahashay inay qabsato Beledxaawo?

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxaa ciwaanada hore ee warbaahinta qabsaday Xero UK, oo ku taalla magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, waa xero milatari oo ay ku sugan yihiin ciidamo federaal ah oo tirsan dowladda Soomaaliya.

Waa xarun amni iyo saldhig laga maamulo howlgallada ciidanka ee gobolka Gedo, waxayna ku taallaa afaafka hore ee magaalada Beledxaawo, halkaas oo ciidamada dowladda federaalka ay ka duulayeen subixii, habeenkiina ay ku soo laabanayeen maalmihii uu socday dagaalkii dowladda federaalka ay degmadaas kula gashay Jubbaland.

In magaalada ay wax yar ka durugsan tahay, isla markaana ay leedahay koone fog oo amniga laga ilaali karo ayaa dowladda federaalka u sahashay in magaaladaas ay ka dejiso diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo markii hore geeyey Cabdirashiid Janan oo dhowaan loo magacaabay Taliyaha NISA iyo madaxa guud ee amniga gobolka Gedo.

Ciidamadii Jubbaland heystay magaalada Beledxaawo, ayaa rasaas ku riday diyaaradda, maalmihii ugu horeeyey, balse waa u suurtageli weysay inay toogtaan, maadaama aysan sahlaneyn oo Xero UK ay u diyaarsan tahay istiraatiijiyad amni.

Maalintii uu halkaas ka degay Cabdirashiid Janan kadib waxaa si joogto ah gudaha Xero UK uga degaayey diyaaradaha dowladda federaalka, kuwaas oo halkaas geeyey saraakiil, ciidamo ka dagaalamay Beledxaawo, hub iyo sahayda ciidanka.

Sidoo kale, diyaaradaha ayaa halkaas kasoo qaaday dhaawacyadii ciidamada dowladda federaalka iyo kuwii Jubbaland ee magaalada looga cararay labadaba, waxaana la dhigay isbitaallada magaalada Muqdisho.

Xaaladda magaalada Beledxaawo ayaa hadda ah mid degan, waxaana si buuxda ula wareegay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo dadkii ka qaxay magaalada ay dib ugu soo laabanayaan maalin kasta.

Xero UK, waxaa weli ka dega diyaaradaha dagaalka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo maanta oo ugu dambeysay Beledxaawo ka soo qaaday dhaawacyo wax looga qaban waayey isbitaalka degmada, waxaana la geyey isbitaallada Muqdisho.

Ciidamadii Jubbaland ayaa u cararay dhinaca Doolow iyo dhinaca Mandheera, ma jiro dagaal dambe oo dib ay u soo abaabuleen tan iyo maalinkii laga guuleystay, mana jirto cabsi hadda laga qabo in dagaal kale uu ka dhaco Beledxaawo.

Guul sirdoon: Sidee Pakistan ugu adkaatay dagaalkii ay dhowaan la gashay Hindiya?

Islamabad (Caasimada Online) – Wax yar ka dib saqdii dhexe ee 7-dii Maajo, shaashadda ku taallay qolka hawlgallada ee Ciidanka Cirka Pakistan ayaa wada guduudatay, iyadoo muujinaysa goobaha ay ku sugan yihiin tobannaan diyaaradood oo cadowga ka tirsan, kuwaasoo si firfircoon uga hawlgelayay dhinaca xadka Hindiya.

Taliyaha Ciidanka Cirka, Sareeye Zaheer Sidhu, ayaa maalmo ku seexanayay joodari meel u dhow qolkaas, isagoo ka cabsi qabay weerar uga yimaada dhinaca Hindiya.

New Delhi waxay ku eedeysay Islamabad inay taageerto maleeshiyaad bishii taas ka horeysay weerar ka fuliyay gobolka Kashmir ee dhinaca Hindiya, kaasoo lagu dilay 26 qof oo rayid ah. In kasta oo ay Islamabad beenisay inay lug ku lahayd, haddana Hindiya waxay ku dhaaratay inay ka aargoosan doonto. Dhaar taas oo fulinteedu timid aroornimadii hore ee 7-dii Maajo, markaasoo Hindiya ay duqeymo cirka ah ku qaadday Pakistan.

Sidhu wuxuu amray in la duuliyo diyaaradaha casriga ah ee Pakistan ee noocoodu yahay J-10C ee uu Shiinuhu sameeyay. Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Cirka Pakistan (PAF), oo ku sugnaa qolka hawlgallada, ayaa sheegay in Sidhu uu faray shaqaalihiisa inay beegsadaan diyaaradaha Rafale, oo ah kuwa uu Faransiisku soo saaro, kuwaasoo laf-dhabar u ah Ciidanka Cirka Hindiya, weligoodna aan hore dagaal loogu soo ridin.

“Wuxuu doonayay Rafale,” ayuu yiri sarkaalkaasi.

Dagaalkaas oo socday muddo saacad ah, gudcurkana dhexdiisa ka dhacay, ayey khubaradu ku qiyaaseen inay ka qaybqaateen ilaa 110 diyaaradood, taasoo ka dhigaysa dagaalkii cirka ee ugu weynaa adduunka muddo tobannaan sano ah.

Diyaaradaha J-10s waxay soo rideen ugu yaraan hal diyaarad oo Rafale ah, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters sheegtay bishii Maajo, iyadoo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah. Soo riditaankeedu wuxuu la yaab ku noqday dad badan oo ka tirsan bulshada militariga, wuxuuna su’aalo ka keenay waxtarka qalabka militari ee Reer Galbeedka marka loo barbar dhigo kuwa Shiinaha ee aan weli si buuxda loo tijaabin.

Saamiyada shirkadda Dassault, oo samaysa diyaaradda Rafale, ayaa hoos u dhacay ka dib wararka sheegay in diyaaradda dagaalka la soo riday. Dalka Indonesia, oo dalab u gudbiyay diyaaradaha Rafale, ayaa sheegay inuu hadda ka fiirsanayo iibsashada diyaaradaha J-10s – taasoo dhiirigelin weyn u ah dadaallada Shiinaha ee uu ku doonayo inuu diyaaraddan ka iibiyo caalamka.

Laakiin, waraysiyo ay wakaaladda Reuters la yeelatay laba sarkaal oo Hindi ah iyo saddex kale oo dhiggooda Pakistan ah ayaa daaha ka rogay in waxqabadka diyaaradda Rafale uusan ahayn dhibaatada asaasiga ah. Arrinta udub-dhexaadka u ahayd soo riditaankeeda waxay ahayd guuldarro sirdoon oo dhanka Hindiya ka timid, taasoo ku saabsan fogaanta uu gaari karo gantaalka PL-15 ee Shiinuhu sameeyay, kaasoo ay ridaan diyaaradaha J-10. Shiinaha iyo Pakistan waa labada dal ee keliya ee wada adeegsada diyaaradaha J-10s, oo loo yaqaan “Vigorous Dragons,” iyo gantaallada PL-15.

Macluumaadkaas sirdoon ee khaldanaa wuxuu duuliyeyaasha Rafale siiyay kalsooni been abuur ah oo ahayd inay ka baxsan yihiin meel ay Pakistan wax ka soo ridi karto, fogaantaas oo ay aaminsanaayeen inay tahay qiyaastii 150 km oo keliya, sida ay sheegeen saraakiisha Hindida, iyagoo tixraacaya fogaanta sida weyn loo tebiyo ee nooca dhoofinta loogu talagalay ee gantaalka PL-15.

“Dabin ayaan u dhignay,” ayuu yiri sarkaalka PAF, isagoo intaa ku daray in Islamabad ay weerar dhanka dagaalka elegtarooniga ah ku qaadday nidaamyada New Delhi si ay isugu daydo inay jahawareeriso duuliyeyaasha Hindiya. Saraakiisha Hindiya ayaa meesha ka saaray waxtarka dadaalladaas.

“Hindidu ma aysan filayn in rasaas lagu soo furi doono,” ayuu yiri Justin Bronk, oo ah khabiir ku takhasusay dagaalka cirka kana tirsan machadka Royal United Services Institute (RUSI) ee fadhigiisu yahay London. “Gantaalka PL-15 wuxuu si cad u muujiyay inuu awood weyn u leeyahay masaafooyinka dhaadheer.”

Gantaalkii PL-15 ee ku dhacay diyaaradda Rafale waxaa laga soo riday meel u jirta ilaa 200 km (124.27 mayl), sida ay sheegeen saraakiisha Pakistan, iyo xitaa meel ka sii fog sida ay sheegeen saraakiisha Hindiya. Taasi waxay ka dhigaysaa mid ka mid ah weerarradii hawada-ilaa-hawada ee ugu fogaa ee abid la diiwaan geliyo.

Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ee Hindiya kama aysan jawaabin codsiyo falcelin oo ku saabsanaa khaladaadka sirdoonka. New Delhi ma aysan qiran in diyaarad Rafale ah laga soo riday, laakiin taliyaha ciidanka cirka ee Faransiiska ayaa weriyeyaasha u sheegay bishii Juun inuu arkay caddeymo muujinaya khasaaraha diyaaraddaas iyo laba diyaaradood oo kale oo ay Hindiya duulinaysay, oo ay ku jirto mid Ruushku sameeyay oo nooceedu ahaa Sukhoi.

Sidoo kale, sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda Dassault ayaa isla bishaas u sheegay sharci-dejiyeyaasha Faransiiska in Hindiya ay ku weysay diyaarad Rafale ah hawlgallada, in kasta oo uusan haynin faahfaahin dheeraad ah.

Militariga Pakistan waxay tixraaceen hadallo hore oo uu afhayeenkoodu ku sheegay in diyaargarowgooda xirfadeed iyo go’aankoodu ay ka muhiimsanaayeen hubka ay adeegsadeen. Wasaaradda Gaashaandhigga Shiinaha kama aysan jawaabin su’aalaha Reuters. Shirkadaha Dassault iyo UAC, oo samaysa diyaaradda Sukhoi, sidoo kale kama aysan jawaabin codsiyada falcelinta.

“Ka warqabka xaaladda goobta”

Wakaaladda Reuters waxay la hadashay sideed sarkaal oo Pakistani ah iyo laba sarkaal oo Hindi ah si ay u soo ururiso xog ku saabsan dagaalkaas cirka, kaasoo calaamad u ahaa bilowga afar maalmood oo dagaal ah oo dhex maray labada dal ee deriska ah ee ku hubeysan Nukliyeerka, kaasoo walaac ku abuuray Washington. Dhammaan saraakiishu waxay ku hadleen shuruud ah inaan magacyadooda la sheegin si ay uga hadlaan arrimaha amniga qaranka.

Ma aha oo kaliya in Islamabad ay haysatay awoodda lama filaanka ah ee fogaanta gantaalaheeda, sida ay sheegeen saraakiisha Pakistan iyo Hindiya, laakiin waxay sidoo kale ku guuleysatay inay si hufan isugu xirto qalabkeeda militari iyo sirdoonka dhulka iyo cirka, taasoo siisay sawir cad oo ku saabsan goobta dagaalka. Isku xirka noocan ah, oo loo yaqaan “silsiladaha beegsiga” (kill chains), ayaa noqday arrin muhiim u ah dagaallada casriga ah.

Afar sarkaal oo Pakistani ah ayaa sheegay inay abuureen “silsilad beegsi,” ama hawlgal dhinacyo badan leh, iyagoo isku xiray qalabka dareemayaasha ee cirka, dhulka iyo hawada sare. Nidaamkan waxaa ku jiray mid ay Pakistan samaysay, oo lagu magacaabo Data Link 17, kaasoo isku xirayay qalabka militari ee Shiinaha iyo qalab kale, oo ay ku jirto diyaarad wax basaasta oo Iswiidhan samaysay, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Pakistani ah.

Nidaamkani wuxuu u oggolaaday diyaaradaha J-10s ee u duulayay meel u dhow Hindiya inay xogta raadaarka ka helaan diyaaradda wax basaasta ee ku duulaysay meel ka fog, taasoo la micno ah in diyaaradaha Shiinaha ay damin karaan raadaaradooda oo ay duuli karaan iyagoon la arkin, sida ay sheegeen khubaradu. Militariga Pakistan kama aysan jawaabin codsiyada faallo bixinta ee ku saabsan qodobkan.

New Delhi waxay isku dayaysaa inay samaysato nidaam isku xir oo la mid ah, sida ay sheegeen saraakiisha Hindiya, iyagoo intaa ku daray in geeddi-socodkoodu uu ahaa mid aad u adag sababtoo ah dalku wuxuu diyaaradaha ka keensadaa dhoofiyeyaal kala duwan.

Sareeye Guud oo ka fariistay Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Ingiriiska, Greg Bagwell, oo hadda cilmi-baare ka ah machadka RUSI, ayaa sheegay in dhacdadu aysan si kama dambays ah u caddayn sarraynta qalabka cirka ee Shiinaha ama kan Reer Galbeedka, laakiin ay muujisay muhiimadda ay leedahay in la helo xogta saxda ah iyo sida loo adeegsado.

“Guusha waxaa helay dhinicii lahaa ka warqabka ugu wanaagsan ee xaaladda goobta,” ayuu yiri Bagwell.

“Isbeddelka xeeladaha dagaalka”

Ka dib markii Hindiya aroornimadii hore ee 7-dii Maajo ay duqeysay bartilmaameedyo ku yaal Pakistan oo ay ku sheegtay kaabayaal argagixiso, Sidhu wuxuu amray guutooyinkiisa inay ka gudbaan difaac una gudbaan weerar.

Shan sarkaal oo ka tirsan PAF ayaa sheegay in Hindiya ay soo dirtay ilaa 70 diyaaradood, taasoo ka badnayd intii ay filayeen, waxayna taasi siisay gantaallada PL-15 ee Islamabad bartilmaameedyo fara badan. Hindiya ma aysan sheegin tirada diyaaradaha ay adeegsatay.

Dagaalkii 7-dii Maajo wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee tartan cirka ah oo weyn oo ka dhaca xilligan casriga ah kaas oo hubka loo adeegsado in lagu beegsado bartilmaameedyo ka baxsan aragga tooska ah, ayuu yiri Bagwell, isagoo xusay in diyaaradaha Hindiya iyo Pakistan labaduba ay ku sugnaayeen hawadooda intii uu dagaalku socday.

Shan sarkaal oo Pakistani ah ayaa sheegay in weerar elegtaroonik ah oo lagu qaaday dareemayaasha iyo nidaamyada isgaarsiinta Hindiya uu hoos u dhigay wacyiga xaaladda ee duuliyeyaasha diyaaradaha Rafale.

Labada sarkaal ee Hindiya ayaa sheegay in diyaaradaha Rafale aan la indho tirin intii lagu jiray iska horimaadka, iyo in dayax-gacmeedyada Hindiya aan la khalkhal gelin. Laakiin waxay qireen in Pakistan ay u muuqatay inay khalkhal gelisay diyaaradda Sukhoi, oo ay New Delhi hadda cusboonaysiinayso nidaamyadeeda.

Saraakiil kale oo dhanka amniga Hindiya ah ayaa su’aalaha ka weeciyay diyaaradda Rafale, oo udub-dhexaad u ah casriyeynta militariga Hindiya, waxayna farta ku fiiqeen amarrada la siiyay ciidanka cirka.

Qunsulka gaashaandhigga ee Hindiya ee Jakarta ayaa dood-cilmiyeed jaamacadeed ka sheegay in New Delhi ay ku weysay diyaarado “sababo la xiriira ammarro xaddidaya oo ka yimid hoggaanka siyaasadeed, kuwaasoo ahaa inaan la weerarin xarumaha militariga ee Pakistan iyo difaacooda cirka.”

Taliyaha guud ee ciidamada gaashaandhigga Hindiya, Janaraal Anil Chauhan, ayaa horey u sheegay wakaaladda Reuters in New Delhi ay si degdeg ah “sixid ugu samaysay xeeladihii dagaalka” ka dib khasaarihii hore.

Dagaalkii cirka ee 7-dii Maajo ka dib, Hindiya waxay bilowday inay beegsato kaabayaasha militari ee Pakistan ayna muujiso awooddeeda hawada sare. Gantaalkeeda BrahMos ee dhawaqa ka dheereeya ee Hindiya lagu sameeyay ayaa si isdaba joog ah u dhex maray difaaca cirka ee Pakistan, sida ay sheegeen saraakiil ka kala socda labada dhinac.

10-kii Maajo, Hindiya waxay sheegtay inay duqeysay ugu yaraan sagaal saldhig-cir iyo goobo raadaar oo ku yaal Pakistan. Waxay sidoo kale ku dhufatay diyaarad basaas ah oo taallay hangar ku yaal koonfurta Pakistan, sida ay sheegeen saraakiil Hindi iyo Pakistani ah. Xabbad-joojin ayaa lagu heshiiyey goor dambe oo maalintaas ah, ka dib markii saraakiil Maraykan ah ay wadahadallo la yeesheen labada dhinac.

‘Xog toos ah’

Dhacdadaas ka dib, taliye ku xigeenka ciidanka Hindiya, Lt. Gen. Rahul Singh, wuxuu ku eedeeyay Pakistan inay xog toos ah (“live inputs”) ka helaysay Shiinaha intii lagu jiray dagaallada, isagoo ula jeeday xogta raadaarka iyo dayax-gacmeedka. Ma uusan soo bandhigin caddeyn, Islamabad-na way beenisay eedeyntaas.

Mar la weydiiyey shir jaraa’id oo bishii Luuliyo la qabtay oo ku saabsanaa iskaashiga militari ee Beijing kala dhexeeya Pakistan, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Mao Ning, ayaa weriyeyaasha u sheegay in shaqadaasi ay “qayb ka tahay iskaashiga caadiga ah ee labada dal, aysana beegsanayn dhinac saddexaad.”

Taliyaha ciidanka cirka ee Beijing, Lt. Gen. Wang Gang, ayaa bishii Luuliyo booqday Pakistan si ay uga wada hadlaan sida ay Islamabad u adeegsatay qalabka Shiinaha si ay isugu duba riddo “silsiladda beegsiga” ee diyaaradda Rafale, sida ay sheegeen laba sarkaal oo ka tirsan PAF.

Shiinuhu kama uusan jawaabin mar la weydiiyay isdhexgalkaas. Militariga Pakistan waxay bayaan ay soo saareen bishii Luuliyo ku sheegeen in Wang uu muujiyay “xiiso weyn oo uu u qabo inuu wax ka barto khibradda dagaal ee la xaqiijiyay ee Ciidanka Cirka Pakistan (PAF) ee dhanka Hawlgallada Dhinacyada Badan Leh.”

Arab states accused of complicity in Gaza ‘aid stunt’

GAZA, Palestine (Caasimada Online) – As a new Israeli “humanitarian pause” is decried by critics as a sham, several Arab states, including the United Arab Emirates, Egypt, and Jordan, face accusations of complicity in a public relations exercise that provides political cover for Israel while failing to stop a catastrophic famine in Gaza.

Palestinian officials and international rights groups allege that by participating in Israeli-managed aid deliveries, these nations are helping to promote a false narrative of humanitarian relief. Critics are particularly alarmed by the UAE’s involvement in an infrastructure project in southern Gaza, which they claim directly supports a reported Israeli plan to displace Palestinians permanently.

The accusations come as a severe famine grips the Gaza Strip, where Israel shut all crossings on March 2, 2025, choking off essential supplies. The war, which began on October 7, 2023, has devastated the enclave and displaced most of its 2.3 million residents.

UAE project linked to Israeli ‘Humanitarian City’

The most pointed criticism has been directed at the United Arab Emirates for its role in supplying and funding a water pipeline to Al-Mawasi, a coastal area in southern Gaza.

On July 27, the Israeli military announced it had approved the “Emirati initiative” to extend a water pipeline from an Egyptian desalination plant into southern Gaza, ostensibly to serve 600,000 people.

However, critics immediately linked the project to a reported Israeli plan for a “Humanitarian City” in the same area. According to Israeli media, Defense Minister Yoav Gallant has ordered the military to establish a tightly controlled encampment in Al-Mawasi for displaced Palestinians. The plan would reportedly see Gazans who are moved there placed under strict security checks and allowed to leave only by sea or into Egypt.

Palestinian officials argue the UAE-funded pipeline is a critical piece of infrastructure for this encampment, effectively making Abu Dhabi a partner in a strategy aimed at the long-term confinement and potential expulsion of Gazans.

Egypt and Jordan’s role in ‘media circus’

Egypt and Jordan have also been criticized for their participation in what Gaza’s government media office called a “comical show.”

Egypt, after months of stating its side of the Rafah crossing was open, began sending dozens of aid trucks through the border, which has been under Israeli military control since May 2024. Activists say Cairo’s coordination with Israel on the aid effort legitimizes Israel’s siege.

Responding to accusations of enabling the blockade, Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi said in a televised address that “aid entry requires coordination with the other party on Gaza’s side of Rafah, currently Israel.”

Both Jordan and the UAE also conducted limited airdrops, which Palestinian official Khalil al-Hayya dismissed as “staged stunts” that were both ineffective and humiliating. He noted that the cargo of five airdrops equaled that of a single small truck.

“Israel launched a massive media campaign… backed by a flood of statements claiming that Israel was allowing aid into the Strip, with support from some complicit Arab actors,” said Ramy Abdu, chairman of the Euro-Med Human Rights Monitor. “But on the ground, only a handful of trucks actually made it in, and purely for show.”

Aid efforts fail to reach the starving

The core of the criticism is that these internationally-backed efforts are having almost no impact on the ground. The UN has largely refused to handle the aid, citing a lack of security that has allowed criminal gangs, allegedly working with Israeli forces, to loot supplies.

The United Nations Relief and Works Agency for Palestine Refugees (UNRWA) insists that only the complete and secure opening of all land crossings can address the famine, stressing that 500 to 600 trucks are needed daily.

The current pause, announced by Israel on July 26, was meant to create a safe corridor for aid. Yet, Palestinian journalist Yasser Mohamed told Al-Estiklal that the move was a PR response to growing international outrage, particularly from European nations and protesters targeting Egyptian and Jordanian embassies.

“Everyone knows that recent protests could spark demonstrations inside the two countries bordering Palestine,” he said, suggesting Israel’s motive was to help stabilize its allied Arab regimes.

Meanwhile, starving civilians receive nothing. “Breaking the famine is a lie,” said Al-Jazeera correspondent Anas al-Sharif from Gaza, emphasizing that aid is either stolen or dropped in inaccessible areas. For critics, the participation of Arab states in this process only serves to mask the reality that hunger is being used as a weapon of war. 

Somaliland oo arrin halis ku ah DF u gudbisay beesha caalamka

0

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xukuumadda Somaliland oo maanta soo saartay go’aanno culus oo ka dhan ah Soomaaliya ayaa eedeymo waawayn u jeedisay dowladda federaalka, xilli haatan ay kasii dareyso xiisadda u dhexeysa Hargeysa iyo Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo ka warbixiyay go’aannada ay gaareen ayaa shaaca ka qaaday in qaadistii cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ay ka dhalatay hubeynta kooxo argagixiso ah iyo hurinta dagaallo sokeeye oo ka jira dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhammaan arrimahani ay halis wayn ku yihiin daganaanshaha gobalka Geeska Afrika, isaga oo toos ugu wargeliyay beesha caalamka iyo daneeyeyaasha Geeska Afrika.

Waxaa kle oo uu ugu baaqay inay dib u eegaan arrimaha gudaha Soomaaliya iyo xaaadaha ka jira dalka, gaar ahaan khilaafaadka ka dhashay arrimaha doorashooyinka 2026.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku wargelineysaa golaha ammaanka ee QM, ururka Midowga Afrika, IGAD, dhammaan daneeyeyaasha gobolka Geeska Afrika iyo dhammaan wakiilada beesha caalamka in cunaqabateyntii hubka ee ay Soomaaliya ka qaadeen ay sababtay hub ay u adeegsatay dagaallo siyaasadeysan oo lagu wiiqayo awoodda iyo nabadda, isla markaana ay jiraan khataro hubkani ugu gacan geli karo kooxaha xagjirka ah” ayuu yiri wasiirku.

Somaliland ayaa maanta soo saartay go’aanno adag oo lagu cambaareynayo, lagagana digayo cawaaqib-xumada ka dhalan karta  faro-gelin qaawan oo ay sheegeen in dowladda federaalka ka waddo bariga Somaliand, waxayna diiday dhismah maamulka Waqooyi Bari.

“Gobolka Sool, Sanaag, Togdheer ee ay Soomaaliya ku hadaaqeyso ayaa wax aan qaybsami karin ka yihiin dhul qarameedka Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu mar kale yiri Axmed Yaasiin.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “”Xukuumadda Muqdisho, iyada oo si cad ugu fashilantay gudashada waajibaadka ka saaran dib u dhiska iyo nabadeynta gudaheeda waxay hadda raadineysaa gabood siyaasadeed oo ay xiligan ay dooneyso inay ugu soo dhuumato doorashooyinkeeda”.

PUNTLAND oo go’aan cusub ka soo saartay dhismaha maamulka Waqooyi-bari

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid maamulka cusub ee loogu magac daray Maamul-goboleedka Waqooyi-bari Soomaaliya, kaasoo dhowaan looga dhawaaqay magaalada Laascaanood, sheegtayna maamulka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe, ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, wuxuu ku dhaliilay maamulka cusub inuusan lahayn aragti siyaasadeed oo cad, isagoo ku eedeeyay inuu abuurayo kala qaybin iyo iska horkeen bulshooyinka waqooyiga Soomaaliya.

“Waa wax laga xumaado in la isku dayo in la iska horkeeno dad dhulkooda difaacanayay,” ayuu yiri Cabdirisaaq. “Waan arki doonnaa sida uu ku shaqayn karo maamulka Laascaanood laga dhisay. Gobolka Sanaag weligiis laguma xukumin wax lagu qasbay.”

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in Puntland ay horey u aqoonsatay maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee SSC-Khaatumo oo keliya xaalado gaar ah oo dagaal awgood. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu tallaabadan hadda la qaaday ku tilmaamay weerar toos ah oo lagu soo qaaday midnimada dhuleed iyo awoodda siyaasadeed ee Puntland.

Cabdirisaaq ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug leedahay kala qaybinta dalka, isagoo sheegay in “dowladda federaalku ay isku dayayso inay ummadda u kala qaybiso maamul-goboleedyo iska soo horjeeda.”

Hadalladiisu waxay daba socdaan soo gabagabeynta shirkii dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ee Laascaanood, halkaas oo isimada, siyaasiyiinta, iyo wakiillada bulshada rayidka ah ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen dhismaha Maamul-goboleedka Waqooyi-bari Soomaaliya. Shirkaas waxaa lagu kala diray maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee SSC-Khaatumo, waxaana lagu ansixiyay dastuur cusub oo maamulkaas la jaanqaadsiinaya nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

War-murtiyeedkii kama dambaysta ahaa ee shirka kasoo baxay ayaa hoosta ka xariiqay mabda’a ah in deegaanku isagu is-maamulo, iyadoo la xusay in khilaafaad muddo dheer soo jiitamayay lagu xalliyay wada-hadallo ay bulshadu hoggaaminaysay. Dadka taageersan ayaa ku ammaanay dhismaha maamulkan cusub inuu yahay waddo horseedaysa isku-soo-dhowaansho ballaaran, nabad, iyo iskaashi lala yeesho dowladda federaalka.

Si kastaba ha ahaatee, ku dhawaaqistaan ayaa kicisay xiisad siyaasadeed, gaar ahaan loolan kala dhexeeya Puntland iyo Somaliland, oo labaduba sheegta lahaanshaha gobollada lagu muransan yahay. Horumarkan ayaa astaan u ah isbeddel weyn oo ku yimid hannaanka siyaasadeed ee gobolka, kaasoo dib u qaabayn kara xiriirka dowladda dhexe iyo maamullada, isla markaana sii murgin kara geeddi-socodka dawlad-dhisidda Soomaaliya ee weli jilicsan.

War cusub oo kasoo kordhay xaalka degmada Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in haatan degmada Beledxaawo ay dib ugu soo laabteen inta badan dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay dagaalladii magaaladaas ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxaase ugu dambeyn Arbacadii la wareegay ciidanka uu hoggaaminayo Janan.

Boqolaal shacab ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka soo gudbay xadka Mandheera, halkaasi oo ay maalmihii la soo dhaafay uga qaxeen dagaalka Beledxaawo, waxayna mar kale dib ugu guryo noqdeen deegaankooda, maadaama lagu kala adkaaday dagaalka.

Dadka rayidka ah ayaa si sidoo kale soo dhaweeyay ciidamada dowladda ee la wareegay guud ahaan magaalada Beledxaawo, iyaga oo ballan qaaday in ay la shaqeyn doonaan.

Waxaa sidoo kale haatan dib usoo laabtay adeegyadii muhiimka ahaa ee gudaha Beledxaawo, sida korontada iyo Isgaarsiinta oo go’nayd muddadii uu dagaalku socday.

Dhinaca kale, Cabdirashii Janan oo ay dowladda Soomaaliya u magacowday Taliyaha NISA ee Jubaland ayaa haatan kulamo ka wada magaalada Beledxaawo, isaga oo haatan wadatashiyo la bilaabay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ciidamada ammaanka, kuwaas oo looga hadlay xaaladda degmada iyo sidii loogu soo dabaali lahaa xasilooni.

Sidoo kale waxaa kulamadan oo ay qayb ka yihiin qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolka Gedo diiradda lagu saarayaa sidii gobolka loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda dhexe.

Si kastaba, degmada Beledxaawo ayaa marti gelisay dagaallo teelteel ah oo maalmo badan ka socday, labada dhinac ayaa maalin kasta dalbanayey gurmadyo is dabajoog ah, ugu dambeyntiina Jubaland ayaa laga adkaaday Arbacadii asoo dhaafay.

Ciidamadii Jubaland ee taabacsanaa Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay u carareen dhanka magaalada Madheera ee dalka Kenya, waxaana suurtagal ah inay dib ugu soo rogaal celiyaan oo dagaal kale ay soo qaadaan.

Golaha wasiirada Somaliland oo soo saaray go’aano culus oo ka dhan ah DF Somalia

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa soo saaray go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inay farogelin ku hayso arrimaha Somaliland.

Kulankan oo uu guddoomiyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo wehelinayey ku xigeenkiisa Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, iyada oo laga soo saaray go’aanno adag oo lagu cambaaraynayo, lagagana digayo cawaaqib-xumada ka dhalan karta  faro-gelin qaawan oo ay sheegeen in dowladda federaalka ka waddo bariga Somaliand.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aannada ay gaareen goluhu, isaga oo tilmaamay in Somaliland aysan aqbali doonin maamulka la magac baxay Waqooyi Bari Soomaaliya ee lagaga dhowaaqay magaalada Laascaanood.

“Gobolka Sool, Sanaag, Togdheer ee ay Soomaaliya ku hadaaqeyso ayaa wax aan qaybsami karin ka yihiin dhul qarameedka Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yiri Axmed Yaasiin.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ujeedka dowladda federaalka Soomaaliya uu yahay in shaq-dhaqaaqa ay ka waddo gobolladaas ay isku mashquuleyneyso, ayna shacabka uga weecineyso doorashooyinka ku soo socda.

“Xukuumadda Muqdisho, iyada oo si cad ugu fashilantay gudashada waajibaadka ka saaran dib u dhiska iyo nabadeynta gudaheeda waxay hadda raadineysaa gabood siyaasadeed oo ay xiligan ay dooneyso inay ugu soo dhuumato doorashooyinkeeda” ayuu yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay ka hortagi doonto qorshaha haatan socda, ayna ka go’an tahay inay difaacdo dhammaan xuduudaheeda.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray beesha caalamka iyo daneeyeyaasha gobolka, isaga oo ugu baaqay inay dib u eegaan arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday, isaga oo uu tilmaamtay in halis wayn ay keentay, isla markaana hubka loo adeegsanayo dano siyaasadeed iyo hurinta colaado ka jira gudaha dalka.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku wargelineysaa golaha ammaanka ee QM, ururka Midowga Afrika, IGAD, dhammaan daneeyeyaasha gobolka Geeska Afrika iyo dhammaan wakiilada beesha caalamka in cunaqabateyntii hubka ee ay Soomaaliya ka qaadeen ay sababtay hub ay u adeegsatay dagaallo siyaasadeysan oo lagu wiiqayo awoodda iyo nabadda, isla markaana ay jiraan khataro hubkani ugu gacan geli karo kooxaha xagjirka ah” ayuu sii raaciyay.

Puntland oo qiratay in Xasan Sheekh uu kaga guuleystay…

0

Garoowe (Caasimada Onlie) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan arrimaha SSC iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya.

Lugatoor ayaa markii ugu horreysay qiray in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay uga guuleysteen arrimaha SSC-Khaatumo, isla markaana aysan fileyn waxa ku dhacay, maadaama haatan dowladda federaalka ay dhistay maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay in dhabaha ay qaadeen reer Laascaanood ay ku noqotay la yaab, waxaana uu dhinaca kale ka horyimid dhismaha maamulka cusub.

“Khaatumo annagaa xoraynay, dhaawacyadii annagaa daaweyney, Dhulbahante hal doollar ma bixin; isma lahayn Xasan Sheekh baa idinka qaadaya, weli lama kala bixin ee talo isugu keen keena, Warsangelina waa PL sax maaha in la sheegto.” ayuu yiri Ilyaas Lugatoor.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Puntland ay si weyn u garab istaagtay xilliyadda dagaalka SSC, isla markaana ay la gashay dagaaka, una daaweysay dhaawacyadii ugu badnaa, kadib markii la geeyay Garoowe, balse taasi beddalkeeda loo daba maray dowladda federaalka oo uu xilligan khilaaf adag kala dhexeeyo maamulka Puntland.

“2000 oo dhaawac ah oo Garoowe la keenay anaa gacanta ku hayay anaa saxiixay lacagta lagu daaweeyay oo mas’uuliyadda qaaday Dhulbahantane ma bixin, qurbejoogna ma bixin dowladda Puntland-baa bixisay” ayuu sii raaciyay Ilyaas Cismaan Lugatoor

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay Dhulbahante in ay ku abaal dhaceen Puntland oo horay dhiig ugu hurtay, si a u gaaraan guusha ay maanta haystaan.

“Dhulbahante waxaan is lahaa waa talo xun yahay ee waa nasiib badan yahay, balse abaal-baan ka filay abaal la’aan baa ka muuqatay” ayuu markale yiri madaxweyne ku xigeenku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan uu kasii daray khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Garoowe, kaas oo sii xoogeystay markii ay dowladda federaalka ay maamul cusub ka dhistay magaalada Laascaanood, kaas oo ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland.

Sarkaal NISA u qaabilsanaa baarista isku daygii dil ee Xasan Sheekh oo si yaab leh loo dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Abuukar Sidiiq, oo ahaa sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa lagu dilay shirqool halis ah oo laga soo abaabulay meel uusan ka filanayn. Dilkiisa kadib, waxaa gudaha hay’adda ka billowday baaritaan deg-deg ah oo culus.

Sarkaalkan ayaa habeen hore lagu dilay degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda Siigaale, inkastoo meydkiisa la helay saaka barqadii.

Abuukar Sidiiq oo haystay darajada Dhamme, sida ay ogaatay Caasimada Online, wuxuu ahaa sarkaalkii gacanta ku hayay galka baaritaanka raggii loo haystay inay fuliyeen qaraxii lagu weeraray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ka dhacay agagaarka isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar Jajab.

Xog ay heshay Caasimada Online, waxay sheegaysaa in Kabtan Abuukar uu maanta oo Sabtida ah la balansanaa Madaxweyne Xasan Sheekh, si uu ula wadaago xogta baarista, hase yeeshee waxaa la dilay ka hor intaan kulankaas la gaarin.

Sidee loo dilay sarkaalka?

Ciidamo ay hoggaaminayeen ugu yaraan saddex sarkaal oo ka tirsan NISA oo isagu uu ku jiray ayaa habeen hore saqdii dhexe loo diray howlgal la doonayay in lagu soo qabto nin ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo lagu tuhunsanaa inuu ku dhuumaaleysanayay xaafadda Siigaale ee degmada Hodan.

Ciidankii ayaa hareereeyey goobtii bartilmaameedka, hase ahaatee, xogta hordhaca ah waxay sheegaysaa in ninkii la doonayay uu baxsaday. Ciidamadu waxay fureen rasaas, waxaana markii ay fashilmeen kusoo laabteen saldhigii.

Shalay barqadii ayaa meydka sarkaal Abuukar laga helay isla xaafaddii, isagoo yaallay meel cidlo ah. Shacabkii deegaanka ayaa u yeeray booliska, kadibna waxaa lasoo qaaday meydka, iyadoo aan weli la aqoonsan cidda dishay.

Saraakiishii kale ee howlgalka ee ninkaas la socotay iyo ciidamadii ay wateen ayaa Jimcihii shalay la xiray, waxaana baaristooda gacanta ku haya waaxda baarista ee NISA. Arrintan ayaa si weyn u gilgishay hay’adda.

Waxaa la rumeysan yahay in Dhamme Abuukar ay dileen askartiisa, iyadoo la tuhunsan yahay in sababta loo dilay ay tahay xogta qarsoon ee uu hayay, gaar ahaan baaritaanka ku saabsan weerarkii lagu qaaday Madaxweynaha, kaasoo lala beegsaday mid ka mid ah gaadiidkiisa gaarka ah oo la sheegay inuu ahaa nooca rasaasta aan ka dhex baxin.

Weerarkii isku dayga dil ee Xasan Sheekh oo dhacay 18-kii Maarso, waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof, oo ay ku jiraan 7 askari iyo 3 qof oo shacab ah, halka ay dhaawacyo soo gaareen ku dhowaad 20 qof.