Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Pakistan ayaa saxiixday heshiis is-difaac oo istiraatiiji ah kadib toban sano oo xiriirkoodu ahaa mid is-bedbeddelayay, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan sababta ay Riyadh hadda ugu jeesatay Islamabad iyo in gardarradii Israel ee ka dhanka aheyd Qatar ay dardargelisay heshiiska.
Xiriirka labada dal ayaa si weyn isu beddelayay tobankii sano ee la soo dhaafay. Xiisaddu waxay cirka isku shareertay sannadkii 2015 markii ay Pakistan diidday codsi uga yimid Sacuudiga oo ahaa inay ku biirto dagaalka Yemen.
Sannadkii 2018, Riyadh waxay ku cadaadisay Islamabad inay soo celiso dayn dhan hal bilyan oo dollar kahor waqtigeedii. Sannad kadib, madaxda Sacuudigu waxay taageeradii kala noqdeen Pakistan arrinta Kashmir kadib markii ay Hindiya ka laabatay maqaamkii gaarka ahaa ee gobolkaas.
Si kastaba ha ahaatee, qabowgii xiriirka ayaa bilaabay inuu yaraado markii Sacuudigu uu markale soo farageliyay isagoo wata taageero dhaqaale oo soo nooleyn ah. Sannadkii 2021, Riyadh waxay saddex bilyan oo dollar dhigtay bankiga dhexe ee Pakistan, waxayna siisay badeecooyin shidaal oo la sifeeyay oo qiimahoodu dhan yahay 1.2 bilyan. Sannadkii xigay, Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga (Saudi Fund for Development) ayaa kordhiyay muddada deyntaas oo ahayd saddexda bilyan, taasoo sii xoojisay weji cusub oo taageero dhaqaale ah.
Heshiis is-difaac oo labada dhinac ah
Tallaabo dib u qaabeynaysa muuqaalka amniga ee gobolka, Sacuudi Carabiya iyo Pakistan waxay heshiis is-difaac wadaag ah saxiixdeen Sebteembar 17, 2025, toddobaad uun kadib markii gardarradii Israel ee ka dhanka ahayd Doha ay gilgishay diblamaasiyadda Bariga Dhexe.
Sebteembar 9, Ciidanka Israel waxay sheegteen mas’uuliyadda weerar lagu beegsanayay hoggaamiyeyaasha Xamaas ee caasimadda Qatar. Gardarradaas oo lagu fuliyay iyadoo Washington ay horay ula socotay, ayaa dhalisay muran kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu markii dambe ku adkeystay in Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu keligii go’aansaday in la duqeeyo Qatar.
Heshiiskan ayaa yimid kadib wadahadallo heer sare ah oo ka dhacay Riyadh, kuwaasoo dhex maray Dhaxal-sugaha Mohammed bin Salman iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, halkaasoo ay labada dhinac kaga wada hadleen sii-qotodheeraynta iskaashigooda istiraatiijiga ah, isla markaana ay dib u eegeen isbeddellada degdegga ah ee ka socda gobolka iyo caalamka.
Heshiiska ayaa dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah labada dal loo arki doono weerar lagu qaaday labadaba, iyadoo ujeeddada cad ee ah in la xoojiyo awoodda is-hortaagga iyo horumarinta nabadda iyo amniga gobolka. Bayaan wadajir ah oo la soo saaray ayaa lagu sheegay inuu yahay ballanqaad lagu ballaarinayo iskaashiga difaaca laguna xoojinayo amniga ay wadaagaan.
Muuqaallo laga soo duubay telefishinnada Pakistan ayaa muujinayay Sharif iyo bin Salman oo hab isa siiyay kadib saxiixa heshiiska, waxaana goobjoog ahaa taliyaha awoodda badan ee ciidanka Pakistan, General Asim Munir, oo muddo dheer ku boorrinayay dalalka Islaamka inay ka midoobaan qabsashada Israel.
Munir ayaa bishii Juun ka digay in gardarrada “Israel” ee ka dhanka ah Yemen, Iran, iyo Falastiin ay muujisay baahida loo qabo difaac wadareed, isagoo caddeeyay in aamusnaanta iyo kala qeybsanaantu ay dunida Muslimka oo dhan ka dhigi doonto mid nugul.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiisku uu ka tarjumayo go’aan ay wadaagaan oo ah in la ilaaliyo amniga iyo xasilloonida labada dal iyadoo la dhisayo habab awood is-hortaag leh.
In kasta oo ay jireen sanado xiisad ah, labada dal waxay muddo dheer lahaayeen xiriir militari, iyadoo ku dhowaad 2,000 oo askari oo Pakistani ah ay ku sugan yihiin boqortooyada, kuwaasoo bixiya tababar iyo taageero farsamo, oo ay ku jirto kaalmeynta ciidamada dhulka iyo kuwa cirka ee Sacuudiga.
Mar la weydiiyay in Pakistan hadda lagu qasbi doono inay Sacuudiga siiso dallaayad nukliyeer ah, sarkaal sare oo Sacuudiyaan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, “Kani waa heshiis difaac oo dhameystiran, kaasoo koobaya dhammaan awoodaha militari.”
Heshiiskan wuxuu ahaa natiijada wadahadallo socday sannado badan, ayuu sarkaalka Sacuudiga ah yiri mar la weydiiyay waqtiga heshiiska. “Kani kama jawaabayo dalal gaar ah ama dhacdooyin gaar ah, laakiin waa nidaamin lagu sameynayo iskaashi qotodheer oo soo jireen ah oo dhex maray labadeena dal,” ayuu sarkaalku raaciyay.
Isku dheellitirka awoodda is-hortaagga
Marka la eego sababta ay Riyadh ugu jeesatay Islamabad si ay heshiis is-difaac ula saxiixato xilligan, Jeneraal-ka howlgabka ah ee Suuriya, Abdullah al-Asaad, ahna madaxa Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda ee Rasd, ayaa sheegay in Sacuudigu uu farriin u dirayo Washington iyo Tel Aviv oo ah inuu haysto waddooyin kale oo aan ahayn Mareykanka.
Isagoo la hadlayay Al-Estiklal, al-Asaad wuxuu ku dooday in madaxda Sacuudigu ay ogaadeen in dallaayadda Mareykanku aysan difaacin dalalka Khaliijka, isagoo tusaale u soo qaatay aamusnaantii Washington markii Ciidanka Qabsashada Israel ay duqeeyeen Doha. “Maamulka Trump wuxuu dalalka Khaliijka ula dhaqmaa sidii lo’ maalaad ah oo la lisayo, halka Israel ay tahay ilmihiisa la koolkooliyay ee garaaci kara cid kasta oo ay doonto,” ayuu raaciyay.
Al-Asaad wuxuu heshiiska lala galay Pakistan ku tilmaamay tallaabo loo qaaday jihada saxda ah, taasoo kaliya ma ahan xusuusin loo dirayo Ciidanka Qabsashada Israel oo ah in dunida Carabtu ay muhiim tahay, balse sidoo kale waa farriin ballaaran oo muujinaysa in dunida Islaamku ay ka dambeyso Riyadh.
Jeneraalku wuxuu sheegay in gardarrada “Israel” ee ka dhanka ah Qatar, iyo diidmada Mareykanka ee ah inuu ka jawaabo, ay u ekaatay khiyaano ku riixday Sacuudiga inuu dardargeliyo la-xiriirkiisa Pakistan.
“Pakistan waxay ahayd doorashada dabiiciga ah sababtoo ah waa dal awood nukliyeer leh oo miisaan ku leh dunida Muslimka, lehna go’aan qaadasho madax-bannaan.” Wuxuu xusuustay sida Islamabad ay ugu adkaysatay mowqifkeeda intii ay socdeen isku dhacyadii hore ee Hindiya, iyadoo diidday inay u hoggaansanto cadaadis dibadeed.
Xiisadda u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan ayaa kor u kacday bishii Abriil 2025 kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen dalxiisayaal ku sugnaa qeybta Jammu iyo Kashmir ee ay Hindiya maamusho, halkaasoo ay ku dileen 26 qof. Maajo 6, Hindiya waxay gantaallo ku weerartay dhulka Pakistan, oo ay ku jirto Azad Kashmir. Pakistan waxay si adag uga jawaabtay, iyadoo beegsatay xarumaha taliska Hindiya ee xudduudda, gantaallo kale riday, soona ridday shan ka mid ah toban diyaaradood oo dagaal oo Hindiya leedahay, kahor inta aysan labada dhinac ku heshiin xabbad-joojin Maajo 10.
Maanta, Pakistan ayaa weli ah dalka keliya ee Muslimka ah ee haysta hubka nukliyeerka, wuxuuna leeyahay ciidanka ugu weyn dunida Islaamka, awoodaas oo ay si isdaba joog ah ugu nuuxnuuxsato inay si toos ah ugu wajahan tahay ka-hortagga Hindiya oo ah dalka ay ku xafiiltamaan dhanka nukliyeerka.
Maal-gashiga Nukliyeerka
Warbixinno ka soo baxay sirdoonka Reer Galbeedka iyo warbaahinta ayaa in ka badan toban sano tilmaamayay maalgashi aamusan oo Sacuudigu ku sameeyay barnaamijka hubka nukliyeerka ee Pakistan.
Sebteembar 2015, wargeyska The Sunday Times wuxuu kashifay faahfaahin uu sheegay inay ka timid saraakiil Mareykan ah, taasoo tilmaamaysay in Riyadh ay isu diyaarinayso inay si toos ah madaxyada nukliyeerka uga iibsato Islamabad, iyadoo ka digtay tartan hubka nukliyeerka ah oo ka dhalan kara. Wargeysku wuxuu xusay in Sacuudigu uu maalgeliyay qeybo badan oo ka mid ah dadaalkii nukliyeerka ee Pakistan muddo soddon sano ah, iyo in is-bahaysigan sii kordhaya uu ku soo beegmay xilli ay dalalka Khaliijku ka xanaaqsanaayeen heshiiskii nukliyeerka Iran ee uu taageerayay Obama, kaasoo ay ka cabsi qabeen inuu aakhirka u oggolaan doono Tehran inay samaysato bam.
Laba sano kahor, BBC-du waxay warisay in Sacuudigu uu lacag badan ku bixiyay mashaariicda nukliyeerka ee Pakistan isagoo filayay inuu heli karto hub atoomik ah goor kasta oo ay doorato. Ilo wareedyo ka tirsan sirdoonka NATO ayaa xitaa u sheegay shabakadda in madaxyo nukliyeer ah lagu sameeyay Pakistan si gaar ahna loogu talagalay Sacuudiga, ayna diyaar u yihiin in la geeyo.
Amos Yadlin, oo ahaa madixii hore ee sirdoonka militariga Israel, ayaa shir ka dhacay Sweden ka sheegay in haddii Iran ay hesho bamka, “Sacuudigu ma sugi doono hal bil. Horey ayay u bixiyeen lacagta bamka; waxay aadi doonaan Pakistan, wayna keensan doonaan waxay u baahan yihiin inay keenaan.”
Tilmaamaha ka imaanaya Riyadh waxay ahaayeen kuwo is-daba joog ah. Xitaa sannadkii 2009, Boqorkii geeriyooday ee Abdullah wuxuu uga digay ergeygii Mareykanka Dennis Ross in Sacuudigu uu yeelan doono hub nukliyeer ah haddii Iran ay ka gudubto xadkaas. BBC-du waxay markii dambe soo xigatay dokumiintiyo gudaha Sacuudiga ah oo laga soo bilaabo 2003, kuwaasoo qeexayay saddex doorasho oo ay boqortooyadu haysatay: inay samaysato hub u gaar ah, inay difaac ka hesho quwad nukliyeer oo jirta, ama inay ku riixdo in Bariga Dhexe laga dhigo mid ka caaggan hubka nukliyeerka.
Digniinahaas waxay heleen dardar cusub Sebteembar 2023 markii Dhaxal-sugaha Mohammed bin Salman uu u sheegay Fox News in haddii Iran ay ku guuleysato inay hesho bam, Sacuudigu uusan lahayn doorasho aan ka ahayn inuu la mid noqdo. Wuxuu arrinta u dhigay mid ku saabsan amni iyo isku-dheellitirka awoodda Bariga Dhexe, inkastoo uu ku adkeystay in boqortooyadu ay doorbidi lahayd inaan la arag hubka nukliyeerka oo ku fida gobolka.