25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

XOG: Khilaaf ayaa ka dashay maamulka cusub ee laga wado Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay inuu  jirro khilaaf ka taagan maamul cusub oo loo sameenaayo lix gobal oo ku yaalla Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan in ka badan 45-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxa ay u ololeenayaan siddii lagu dhisi lahaa maamulka cusub, balse isku fikir kama ahan.

Muxuu yahay khilaafka jirra?

Sida ay noo sheegeen dad war gal ah, wuxuu khilaafka ka taagan yahay dhismaha maamulka cusub iyo inta gobal ee uu noqonayo, waxaa jirra xildhibaanno badan oo ku dooddaya maamul cusub in lagu koobo uun seddax gobal.

Xildhibaannada dooddaas qaba waxaa  ka mid ah guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaanno kale oo ka soo jeeda Baay iyo Bakool.

Waxa ay lee yihiin maamulka cusub halagu ekeeyo uun Gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale, waxaa jirra xildhibaanno badan oo iyaguna ku dooddaya in maamulka cusub laga dhigo mid ay ku dhan yihiin lix gobal oo kala ah, Baay, Bakool, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo iyo Shabeellaha Hoose.

Xildhibaannada qorshana u ololeenaya waxaa ka mid Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Sheekh Aadan Madoobe” Maxamed Ibraahim Xaabsadeiyo Madoobe Nuunow MMaxamed oo soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.

Dowladda maxay kala socotaa maamulkan?

Ilo xog ogaal ayaa noo sheegay in madaxweynaha iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ay dhawaan ku kuleem Villa Somalia, iyagoona ka arrinsaday sida loo kala badbaadin karo maamulka cusub iyo maamulka kumeel gaarka ee Jubba oo ay dowladda kal horre heshiis la gashay.

Xildhaab Shariif Xasan ayaa ballan qaaday in uu marka uu tago Baydhabo uu kala furfuri doono qorshaha lixda gobal ,wuxuuna tilaamay in seddax gobal uun lagu soo koobi doono.

Magaalada waxaa maanta gaaray wafdi siyaasiyiin iyo xildhibaano isugu jirra kuwaasoo ka qaybgalaya dhismaha maamulka cusub, waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade  iyo guddoomiyihii horre ee gobalka Baay Cabdifataax Geeseey.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay. waxaan la dajiyay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta Hotel Bakiin waxaana ilaalo u ah ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Maalmahan soo socda waxaa magaalada Baydhabo tegi doona guddoomiyaha golaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Jarmalka iyo Masar oo safiiro cusub u soo magaacabay Soomaaliya‏

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa manta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga Ambassador Andreas Peschke oo noqonayo Safiirka cusub ee u qaabilsan dowladda Jarmalka dalka Soomaaliya, iyo  Ambassador Mahmoud M. Auf oo ah Safiirka u fadhin doono dowladda Masar dalka Soomaaliya.

Mar uu Madaxweynaha la hadlayay Safiirka Jarmalka ayuu u sheegay in Soomaaliya iyo Jarmalka uu ka dhexeeyay xiriir dheer oo wanaagsan. “ Soomaaliya waxey ka faa’ideysatay mashaariic ay dowladda Jarmalka ka her gelisay Soomaaliya.Jarmalka wuxuu taageraa tababarka ciidamadda  Soomaaliya ayaga oo usoo mariyo EUTM. Ciidamadda amnigana waxey helaan  tababar heer-sare ah.

“Waa la arkaa in uu amniga fiican yahay madaama uu ganacsiga kor u kacay. Mar dhaw waxaan jecel nahay in aan ku tartano suuqyadda Yurub anaga oo suuq geyn doono wax yaabo kala duwan oo ka mid yahay Muuska.”

Madaxweynaha ayaa markii u la kulmay Safiirka Masar wuxuu kala hadlay xiriirka taarikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal. “Labadeena dal waxey fursad u yeesheen in ay lahadaan xiriir dheer oo qarniyo so jiray. Dowladda Soomaaliya wey kusoo dhaweyneysaa waxaana daneynaaa in aan ka wada shaqeeyno xiriirka amniga iyo kan diblomaasiyeed.”

Ugu danbeyn, madaama aminga dalka Soomaalia u sii hagaagayo iyo Soomaaliya oo ku soo noqotay beesha caalamka,dalal badan ayaa bilaabay in ay xiriirkii ay  la lahaayeen Soomaaliya in ay  dib usoo celiyaan.

safiiro (1)safiiro (2)safiiro (3)safiiro (4)

 

Mulkiilaha Radio Shabelle “Caawa xor ayaan nahay markii aan bixinay lacag”

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa caawa xor ah oo dib u helay xoriyooda agaasimaha Idaacadda Shabeelle Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud iyo wariye Maxamed Bashiir Xaasho oo ka tirsan Shabeelle, kaddib markiiay xukuntay maxkamad.

Ilo xog ogaal ayaa u sheegay Shabakada Caasimada Online in la bixiyay lacagtii la sheegay in ay ku iibsan karaan xarigooda oo kala ahaa hal sanno iyo lix bilood.

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa maanta oo Isniin ah ku xukuntay Mulkiilaha Idaacadda Shabeelle lix bilood oo xarig, maadama Idaacadiisa ay baahisay warar lid ku ah amniga dalka.

Maxamed Bashiir ayaa lagu eedeeyay isna in uu wareystay gabar suxufiyad ah oo sheegtay in ay kufsadeen wariyaal u shaqeeya Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho.

Idaacadda Shabeelle oo dowladda ay xirtay bishii October ayaa hadda shaqeysa waxaana ay u soo guurtay dhismo kale markii ay ka soo guurtay dhismihii horre.

Idaacadda Shabeelle ka mid ah idaacadaha ugu afka dhexee Muqdisho, waxaana jirra dad badan oo jecel balse waxaa hubaal in ay baahiyaan warar khalkhal galin kara ammaanka dalka sida ay lee yihiin xeel dheerayaal saxaafad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Milkiilaha Shabelle iyo weriyayaal lagu riday xukunno kala duwan + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow la soo gabagabeeyay dacwad maalmahan ka socotay maxkamadda gobalka Banaadir oo ku aadan gabar suxufiyad ah oo sheegtay in la kufsaday iyo wariyihii wareysta.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo maxkamadda ku sugan ayaa soo sheegay in goordhow la soo gabagabeeyay kiiskaa isla markaana uu go’aankii ugu dambeeyay ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

Gudddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay ugu horreyn in agaasimaha Idaacadda Shabeelle lagu xukumay hal sanno oo xarig isla markaana uu iibsan karo.

Sidoo kale Xaashi wuxuu sheegay in gabadha suxufiyada ee sheegtay in la kufsaday lagu xukumay lix bilood oo xarig ah oo dibed joog ah.

Wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo ka soo muuqday muuqalka gabadha la warestay ayaa isna lagu xukumay lix bilood oo xarig waxaana la sheegay in uu iibsan karo.

Guddoomiyaha muusan sheegin lacagta lagu iibsan karo xarigga agaasimaha Idaacadda Shabeelle Cabdimaalin Yuusuf Maxamuud iyo Wariye Maxamed Bashiir Xaashi.

Si kastaba, waxaa maxkamada ka hadlay qareenada u doodda gabadha dhibanaha iyo wariye Maxamed Bashiir Xaashii oo wareytay gabadha suxufiyada ee lagu magacaabo Faadumo Cabduqaadir Xasan.

Qareenada ayaa sheegay in la kufsaday gabadha oo ay kufsadeen wariyaasha kala ah Cabdicasiir Maxamuud Guuleed “Afrika” iyo Jibriil Maxamed oo ah sawir qaade ka tirsan Radio Muqdisho.

Mid ka mid ah qareenada u dooddaya gabadha dhibanaha iyo wariyaha ayaa maxkamadda laga saaray.

Intaa kaddib waxaa goobta ka hadlay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Cabduqaadir Maxamed wuxuu maxkamadda ka sheegay in dhammaan kiisan uu yahay mid la soo dhoodhoobay oo lagu doonayo dane kale.

Wuxuu tilmaamay in gabadha la baaray oo lagu waayay wax kufsi sida uu goobta ka sheegay.

Intaa kaddib waxaa kaloo maxkamadda ay dhageysatay dacwad loo heesto mulkiilaha Idaacadda Shabelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, waxaana lagu soo eedeeyay in uu Idaacadda Shabeelle iyo idaacad oo lagu magacaabo SKY uu adeegsaday in lagu dumiyo qaranka iyo maslada shacabka Soomaaliya.

Cabdimaalik ayaa goobta ka sheegay in uusan waxna qorin Idaacadana uusan ka hadlin dhammaan wax yaabaha lagu soo eedeeyay ay yihiin kuwa looga gun lee yahay in lagu aamusiiyo Idaacadiisa.

Cabdicasiis Afrika oo isna lagu eedeeyay in uu kufsaday gabadha dhibanaha ayaa maxkamadda ka sheegay in kiiskaas dartiis uu ku burburay qoyskiisa sida uu hadalka u dhigay.

cabdimaalik-bashiir-cabdimaalik-bashiir-2xabsiwariyeyaalcabdimaalik-bashiir-5cabdimaalik-bashiir-7

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Gabar 19 jir ah oo arrin mucjiso ah ay heysato

Caasimada Online:  Delfina Cedenos oo ah gabar 19 jir u dhalatay Wadanka Domican Rebublic waxaa lagu arkay Arin qof walba uu ka naxay taa oo ah Mucjiso rabaani ah oo aad looga naxay.

Dhaqaatiir daweyn u raadinaya Gabadhani dhiban ee Delfina waxeey la dhibaateysan tahay 4 sano ee la soo dhaafay Calaamado Mucjiso ah oo aysan horay u qabin balse heystay 4 sano ee tagtay Aqristoow daawo kuna cibro qaado Mucjisadani Rabaaniga ah.

HALKAAN KA DAAWO:

Xaruntii hore ee gobolka Banaadir (Fisho Governo) oo dib loo dhisaayo

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu dhagax dhigay Dhismihii horre ee xarunta gobalka Banaadir (Fisho Governo)

Guddoomiye ku xigeenk gobolka Banaadir, Imaan Nuur Iikar, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Gobalka Banaadir uu billaabay dhismaha xarunta Viisha Gobeerna” oo degmada Xamar Weyne ku taalla.

Wuxuu sheegay oo kale in ay doonayaan dadka ku xeel dheer dhismahan ay kala tashan doonaan dhismaha xarunta maamulka Gobalka Banaadir.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdulaahi Sahal Gardhuub, wuxuu sheegay in uu maamulkiisa uu soo dhaweenayo dhismaha xaruntii lagu yaqiinay dowladda hoose.

Dhismaha xaruntii gobalka Banaadir waxa 23-kii sanno ee la soo dhaafay hooy uu ahaa qoysas ka soo cararay dagaalada ka dhacay dalka Soomaaliya.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa dhawaan ku amaray dadka iska leh guryaha ku burburay dagaaladii sokeeye ee Muqdisho in lagu dhiso muddo seddax bil haddii kale ay la wareegi doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Mudisho

[email protected]

 

 

Dhageyso: Gole Wasiiro oo liddi ku ah kuwa A/Madoobe oo lagu dhowaaqayo iyo dagaal laga cabsi qabo, Kismaayo

Kismaayo – Iyaddoo laba maalmood un laga joogo markii lagu dhawaaqay wasiirada maamulka Jubba ee uu Axmed Madoobe magacaabay  ayaa waxaa arrintaasi si adeg uga horyimid Col, Barre Aaden Shire Hiiraale.

Afhayeen u hadlay maamulka Col, Barre Hiiraale  oo maanta wareysi uu bixiyey uga hadlayey mowfiqka ay ka taagan yihiin arrintaasi ayaa waxaa uu sheegay inay arrintaasi u arkaan mid carqalad ku ah dib u hishiisiintii lagu socday ee Jubooyinka iyo Gedo.

” Waxaan u arkaa wasiirada la magacaabay kuwa carqalad ku ah dib u hishiisiintii iyo wadahadaladii socday. Sidaasi darteed aad ayaan ugasoo horjeednaa” ayuu yiri Xasan Qaasim Warsame oo intaasi ku daray.

” Haddiiba ay sidaasi sameeyaan anagana waxaan bilaabeynaa in aan dhawaan kusoo dhawaaqno wasiiradii maamulkeena oo ay u dhanyihiin dhamaan qabiilada degan gobollada Jubooyinka iyo Gedo” ayuu yiri Afhayeenka Barre Hiiraale.

Xasan Qaasim Warsame oo la weydiiyey inaysan ku qanacsaneyn wasiirada kasoo jeeda gobolka Gedo iyo Jubooyinka oo ay reer ahaan is xigaan ayuu sheegay inaysan taasi ku qanacsaneyn oo aysan xitaa shacabka Gedo arrintaasi ay la qabaan.

” Waxaan ku sheegayaa arrintaasi anaga iyo shacabka Gedo iyo Jubooyinkaba kuma qanacsana, marka waxaan dhihi karaa waa waxba kama jiraan magacaabistoodaasi”

Mar la weydiiyey wasiirada ay soo magacaabayaan meesha ay ka shaqeyn doonaan maadaama ay banaanka ka joogaan magaalada Kismaayo ayuu sheegay inay banaanka joogana balse ay heystaan taageerada shacabka gobollada Jubooyinka kuwaasi oo sida uu sheegay kasoo horjeeda cadow goboolada xoog ku heysta.

” Banaanka waan joognaa laakiin shacabka ayaa ina taageersan kuwaasi oo raba in maamulkeena fido,halka kan kismaayo jooga uu noqdo mid xabsi isaga jira. Sidaasi darteed waxaan qabaa keena ayaa jiri doona” ayuu yiri Xasan Qaasim Warsame.

Waxaana u dhinaca kale meesha ka saaray inay marna u tanaasuli doonin maamulka Ahmed Madoobe, maadaama buu yiri ay yihiin kuwa cadaw u hiilinaya, halka ay dhankooda ay u taagan yihiin wax ka qabashada cadowga iyo dib u xoreynta gobolladaasi. Waa sida uu hadalka u digay Xasan Qaasim Warsame.

” Kismaayo habeen iyo maalin kama maqnin waana joognaa. Waxaana ku sheegayaa in aan kasaari doono dabadhilifka jooga. Waxaana tilaabadaasi qaadi doonaa marka aan wasiirada soo magacaabano” ayuu yiri afhayeenka Col, Barre Hiiraale.

Wasiirada maamulka Jubba oo 9 ka mid ah lagu dhawaaqay islamarkaana ay dhiman yihiin 6 kale in la magacaabo ayaa waxaa soo wajahay caqabado iyo mucaaradad uga imaaneysa saxiixayaashii shirkii Muqdisho ee arrimaha Jubooyinka.

Halkan Hoose ka dhageyso wareysiga 

Wareysi-Xasan-Kaafi-Warsame-07-12-2013-3

Isha warka: Kismaayo24.net

Xog: Siyaasi aan laga fileyn oo iminka horboodaya loolanka xilka R/Wasaraha

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Villa Soomaaliya waxaa tan iyo toddobaadkii la soo dhaafay ku soo qulqulaayay rag badan oo isu soo taagay in ay noqdaan Ra ‘iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Kuwii ugu dambeeyay saaka ayay Muqdisho kasoo degee, sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah oo Shabakadda Caasimada Online la hadlay.

Waxaa kaloo jirra dad iyagu aan xilka dooneyn oo Muqdisho ku sugan ee u raba shakhsi ay kafiil ka yihiin oo ay rabaan in ay geystaan xafiiska hadda bannaan, ee ay Soomaalida oo idil isu garbinayaan.

Ragga ugu cad cad waxaa ka mid ah Dr. Xuseen Cabdi Xalane oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay dalka iyo dibediisa.

Xuseen Cabdi Xalane waxa uu kasoo jeedaa beesha Absame, waxa uuna ahaa wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii TAYO ee ra’iisul wasaare Maxamed Cabdi Farmaajo.

Xalane ayaa tagay Muqdisho maanta, waxaana lagu warramayaa inuu iminka booska koowaad kaga jiro liiska xubnaha uu madaxweyne Xasan Sheekh ka fekerayo inuu u magacaabo xilkaas.

Ka hor inta aan lagu dhowaaqin ra’iisul wasaaraha cusub wax walba ayaa is-beddeli kara, balse illaa iyo hadda xubnaha doonaya jagada waxaa lagu warramay inuu Xalane horboodayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

KASHIFAAD: Shariif Xasan, Xasan Sh & Faarax C/qadir maxay ku heshiiyeen?

Wafdi balaaran oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sabtidii gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaas oo la fidiyay Gogol loogu sameynayo Maamul Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Sodomeeyo Xildhibaan oo uu horkacayo horkacaaya Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gaaray Magaaalo Madaxda Gobolka Baay.

Sharif Xasan iyo Xildhibaanada kale ee la socdo, ayaa waxaa loo galbiyay Hotel Bakin, iyadoo Ciidamada DFS iyo AMISOM ay Amaanka Baydhobo si weyn u adkeeyeen.

Sidoo kale, Baydhabo hadda waxaa ku sugan Odayaal, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Haween ka kala yimid Gobolada Shabeelaha Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, kuwaasi oo lagu casumay inay ka qeybgalaan Shirkan maamulka lagu sameynayo “Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya”.

Shirqoolka Madaxtooyada Muqdisho

Xasan Sheekh, Faarax C/qaadir iyo hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, ayaa aad uga soo horjeeda, waxeyna ku mideysan yihiin Walwalka ka imaan doona dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Waxeyna ka walwalsanyihiin Shirku soo dhaweyn iyo Taageerada Siyaasaddeed uu ka helay Shacab-weynaha Degaanka Goboladaasi.

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Xulufadiisa aan kor kusoo sheegnay iyo Sharif Xasan Sheikh Aadan, ayaa waxaa dhexmaray Heshiis Xulufeysi ah sidii loo Fashilin lahaa Maamulkaas, oo ay u arkaan in uu Qatar ku yahay Heshiiskii ay ku Aqoonsadeen Maamulka Axmed Madoobe.

Sharif Xasan Sheikh Aadan, Madaxweyne Xasan iyo Faarax C/qaadir waxey hore u galeen Heshiis, Heshiskaas oo ahaa in 45 Xildhibaan oo Digil iyo Mirifle ah iyo 37 oo isugu jira Beesha Hawiye iyo Beesha Shanaad ay ridaan RW Saacid, kadibnah markii Qorshaas hirgallo Shariif Xasan loo dhoo-dhoobo Maamulka ka kooban 3 Gobol kaliya (Baay, Sh/hoose iyo Bakool) oo uu Asagu Madaxweyne ka yahay.

Kadib markii uu Shariif Xasan fuliyay wixii lagu balamay, ayaa Xasan Sheekh iyo Faarax C/qaadir waxay wadaan “Qorshe” ay ku taageerayaan Shariif Xasan, laguna Fashilinayo Shirweynaha hadda ka socda Magaalada Baydhabo ee lagu dhisayo Maamul Goboleedka ka kooban Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku wajahan Baydhobo

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa hada ku sugan Aqoonyahan, Cuqaaal, Culumaa’ul Diin iskaga yimid darfaha Adduunka.

Dhinaca kale, Magaalada Baydhabo waxaa ka soconeysa qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Max’ed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxaa Safarkiisa Baydhaba waxaa xaqiijiyay Xildhibaan Sheekh Aden Madoobe oo hada ku sugan magaalada Baydhaba ee Xarunta gobalka Baay.

Si kastaba, Gudomiye Jawaari ayaa waxa uu ahaa qaban qaabiyaha Maamulkan la dhisayo, isaga oo ku baaqay dhamaan Odayaasha qaban qaabinayo Shirkaan in ay dadajiyaan.

Shirka Baydhobo, ayaa waxaa la doonayaa in Maamul Goboleed loogu sameeyo 6 Gobolka oo ku yaalla Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo 3 kamid ah, Gedo, Jubadda Hoose iyo Jubadda Dhexe horey loogu sameeyay Maamul KMG ah oo DFS ay aqoonsatay.

Isha: KON

Sawirro & Warbixin: Beesha Mudulood oo dhiseysa maamul goboleed cusub

Kulan qado ahaa oo maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Imaamka, Ugaaska, Duubab dhaqameedyada, Nabadoonada, siyaasiyiinta iyo Haweenka Beesha Mudullood ayaa laga soo saaray war murtiyeed ku saabsan dib u heshiisiin muddo labaatan cisho ka dhex socotay xubanaha beesha.

Kulankan ayaa lagu muujiyay midnimada iyo isku duubnida Beesha, iyadoo ka heshiiyay khilaafyo xaga dhaqanka oo u dhaxeeyay, waxaana kulanka khudbado iyo duco ka jeediyay Imaamka guud ee Beesha Mudullood, Ugaaska Beesha, iyo Duubabka dhaqanka.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo mudooyinkan dalka dibadiisa safar ugu maqnaa ayaa sheegay in Beesha Mudullood ay kala maqnaayeen, balse isu imaatinkooda iyo kulamadii u socday uu dhaliyay is faham.

“Beryahan la kala maqnaa, isu imaatinkan wuxuu muujinayaa midnimada beesha mudullood, wixii jiray ee khilaafaad yar yar laga heshiiyo”ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf Cali.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle ayaa sheegay in kulanka dib u heshiisiinta Beesha Mudullood uu soo socday tan iyo 20-kii November ilaa 8-da Bisha, kaasoo uu xusay in lagu xaliyay khilaafaadka xaga dhaqanka ahaa oo ay beesha kala tabaneysay.

Ugaaska ayaa kulanka ka aqriyay war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo laga soo saaray shirarkii u socday xubnaha beesha Mudullood, isagoo xusay in shirarka ay u socdeen ilaa 170 ergo oo ka kala socday beelaha Mudullood ka soo kala xulaan Beelaha Mudullood.

“Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada muqdishu dib-u-heshiisiin mudo ka dhex socotay beesha mudulood dhexdeeda. Shirrkan gabagavada ah waxaa uu ka soo qaybgalay ergooyin ka kooban 170 ee ka kala socda beelaha mudullood oo dhan, kana koobnaa oday dhaqameedyo, culumo, haween, iyo aqoonyahanno , waxaa ka soo baxay qodobo badan”ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Ugaaska ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya ay beesha ka tashanayso sidii deegaanada ay degto Maamul Goboleed looga hirgelin lahaa, waxaana uu tilmaamay in Gudi farsamo loo saarayo arrintaas sidii deegaanada beesha degto loo nabadeyn lahaa, maamulo looga hirgelin lahaa.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Duubabka dhaqanka beelaha Mudullood, kuwaasoo soo dhoweeyay dib u heshiisiinta iyo isku duubnida beesha, waxaana ay ku baaqeen in la ilaaliyo Midnimada Beesha Mudullood.

Xubnihii ka hadlay kulanka oo isugu jiray Ugaasyada, Waxgaradka iyo Haweenka ayaa waxay si kal iyo laab u soo dhoweeyeen war murtiyeedka shirka laga soo saaray.

Ugu dambeyn War murtiyeedka shirka laga soo saaray ayaa ka koobnaa ilaa sideed qodob.

War murtiyeedka ayaa sidan u qornaa:-

1- Mudada uu Shirka socday waxaa lagu heshiisiyay Beelaha Mudullood ee colaada ka dhaxeyso.

2- Beesha Mudulood waxay ugu baaqeysaa beelaha kale oo ay dariska yihiin nabad iyo isfaham ku saleysan walaanimo, derisnimo iyo cadaalad.

3- Beesha Mudulood waxay diyaar u tahay in khilaafkasta ey ku dhameeyso wada hadal iyo nabad.

4- Beesha Mudulood waxay diyaar u tahay in ey gogol nabadeed u fidiso beel kasta ee wax ka tabaneysa.

5- Waxay beeshu sidaas si la mid ah diyaar u tahay gogol haddii loo dhigo in ey ka qeyb qaadato.

6- Waxay beeshu u soo xulaneysaa guddi u xilsaaran khilaaf bixinta beesha dhexdeeda iyo nabad iyo dib-u-heshiinsiin in ey la gaarto beelaha kale oo ay colaadi horay u dhex martay.

7- Beesha Mudulood waxay beelaha kale ee Soomaliyeed oo dhan ugu baaqeysaa in ey mowqifkaan mid la mid ah go’aansadaan.

8- Beeshu waxay ugu baaqaysaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in la adkeeyo nabada isla markaana la isku soo dhoweeyo shacabka Soomaaliyeed ee colaaduhu kala qaybiyeen.

 

Xigasho: Jowhar.com

Magaalada Kismaayo oo xalay lagu….

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubabda Hoose, ayaa sheegaya xaley lagu soo rogay bandow kaddib markii ay soo bateen falalka amni darida ee ka dhaca magaalada.

Magaalada ayaa lagu arkay ciidamo fara badan kuwaasoo aad u fiyigan, waxaa kaloo goore horre la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadidka sida uu noo sheegay wariye Kismaayo ku sugan.

Xaaladda magaalada ayaa saakay deggan, waxaana caadi ah isku socodka dadka iyo gaadidka waxaa sidoo kale shaqeeyana goobaha waxbarashadda iyo ganacsiga.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay wiixi ka dambeeay markii lagu dhawaaqay siddeed ka mid ah xubnaha fulinta maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Ciidamo ka tirsan DFS oo Beledweyne ku dagaalamay iyo sarkaal la dilay

Beledweyne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ka tagaan tahay xiisad.

Xiisada ayaa billaatay markii xaley magaalada uu ka dhacay iska hor imaad sababay in ay dhintaan seddax qof oo uu ku jirro sarkaal ciidan.

Ilaa hadda si dhan ah looma oga in ay dhintaan raggan uu ku jirro sarkaalka oo lagu dilay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne.

Dad ay la hashay Shabakadda Caasimada Online ayaa noo sheegay iska hor imaadka in uu billowday markii ciidamo ka tirsan kuwa maamulka iyagoo howllo roondeen ah ka waday magaalada ay si kadis ah isaga soo hor baxayn sarkaalka la dilay iyo ciidanka la socday, dabadeedna uu meesha ka billowday iska hor imaadka.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xaashi Xusen Diiriye, waxaana uu horrey uga mid ahaa saraakiishii horre ee dowladda millitariga.

Xaalada magaalada Beledweyne ayaa saakay kacsan, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan, sidoo kale waxaa si teel-teel ah u socda adeegyada caadiga iyo isku socodka dadka qaybo ka mid ah magaalada.

Majirto cid ilaa hadda ka hashay iska hor imaadka ka dhacay Beledweyne.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Beledweyne

[email protected]

Why, Established, Somali Social Unity Party” (SSUP)?

After deep assessment of the existing nation collapse and catastrophe condition lived by the Somali Community, by  responsible and patriotic members of the Somali community realized the need to be proactive in  discharging their role in the society, many  questions arose as to:  how we can work toghethera and promote systematically and sincerally the Somali Unity? How we can share and benefit from the various talents and embeddied experience and knowledge of the various  members of the somali community spread around  worldwide? These responsible Somalis have jointly recognized the need to have:

Daawo Video: Nin u dhashay Japan oo dunida kaga yaabiyay arrin cajiib ah

Caasimada Online: Dunida Maanta wax kasta waad arkeysaa maantana horumarka caalamka uu ka gaaray teknooloojiyada casriga ayaa ah mid kuu suura galineyso wax yaabo adiga ahaan culeys kugu ahaa balse si fudud aad ku qabsan karto.

Waa Video gaaban oo ku tusinaya sida aduunku ugu hormaray Tiknooloojiyada casriga ah, Nin u dhashay dalka Jabaan oo qeybta ugu sareysa gurigiisa la fuulaya Gaarigiisa rumeyso ama ha rumeeysan waa arin kaa yaabin doonee nala daawo Muuqaalkani Video-ga ah….

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dilal ka dhacay Degmada AFGOOYE

Afgooye (Caasimada Online) Ugu yaraan seddax qof ayaa ku dhimmatay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, kaddib markii habeenkii xaley bam nooca gacanta lagu tuuray suuqa kawaanka Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa shegay in bamka loo waday ciidamo ka agdhwaa goobta balse dad rayid ah ayuu haleelay, waxaana ku jirra hooyo uur leh.

Qaraxa kaddib waxaa goobta soo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaan sameeyay, waxaana la sheegay i ay soo qabqabteen dhowr qof.

Qaraxa ayaa ku soo beegmaya maalin uun kaddib markii guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka Afgooye Maxamed Axmed uu sheegay in ammaanka magaalada Afgooye uu faraha ka baxay.

Wuxuu sheegay in habeenkii la dhaco dadka oo ay dhacaan ciidamada dowladda, maalintiina la dhaco haweenka qaadka iyo khudaarta ee magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Sarkaal caawa lagu dhaawacay…

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in caawa lagu dhaawacay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, madaxa canshuuraha ee degmada.

Goobjoogayaal ku sugan Afgooye ayaa noo xaqiijiyay in rag ku hubeysan bastoolado ay caawa ku dhaawacmeen Madixii Canshuurah Afgooye .

Ninka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Murti, waxaana la sheegay in lagu dhuftay dhowr xabad, xaaladiisana waa halis

Dhaawaciisa aya loola cararay Isbitaalka Afgooye oo hadda lagula tacaalayo sida ay lee yihiin dadka noo warramay.

Dhinaca kale, kooxo hubeysan ayaa galabta suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxa ay ku toogteen askari dowladda ka tirsan.

Kooxda dalka geesatay aya goobta ka baxsaday sida ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Dilka kaddib ciidamo ka tirsan dowladda ayaa goobta tagay, iyagoona baaritaan sameeyay balse ma jirto wax faahfaahin oo laga hayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Somalia’s Information Minister denied entry to Somaliland

Somalia Information, Telecommunication and Transportation Minister Abdullahi Elmoge Hersi was denied entry to Somaliland, a self-declared republic in Somalia on Friday, local media reports.

According to the report, Elmoge along with Somali-Ethiopian officials were heading to Jigjiga to attend the yearly communities celebrations hosted in the city, but he was denied his entry to Somaliland to travel with the officials by car into Ethiopia.

Horn of Africa Newspaper from Hargeisa reported that the Ethiopian officials were allowed entry to carry on their travel, but Elmoge was forced to wait a private airplane to take him straight to Jigjiga.

Somalia’s Federal Government and Somaliland did not comment on the issue.

Recently, there have been a passport dispute between Mogadishu and Hargeisa, after Somaliland refused to allow entry for the banned Somali passport.

Local Air travel between the capital Mogadishu and Berbera, was grounded for days, after air carriers canceled their flights due to the row.

Somaliland has not its own passport, since it is internationally recognised as an autonomous region of Somalia, and uses the formerly Somali passport, which was officially banned in 2011 by the Transitional Federal Government.

Somaliland has yet to accept the new biometric passport of Somalia.

Talooyin loo diray R/Wasaaraha cusub ee imaan doona “Maxay yihiin?”

Nairobi (Caasimada Online) Iyadoo maalmaha soo socda la sugayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu magacaabo Ra’iisal wasaare cusub oo bedala Cabdi Faarax Shirdoon Saacod oo xilka ka tagay, ayaa waxaa raysal wasaaraha cusyb ee imaan doona loo jeediyay talooyin muhiim.

Yusuf Garaad Cumar Axmed oo horrey madax uga soo noqday laanta Af Soomaaliga ee BBC-da isla markaana sannadkii horre isku taagay xilka madaxweynaha una dhuun duleela arrimaha siyaasadda dalka iyo gaobalka ayaa talooyin sii siiyay raysal wasaaraha imaan doona.

Yuusuf Garaad ayaa war uu soo dhigay caawa bartiisa Facebook wuxuu ku yiri : “Ra’iisal Wasaaraha aan weli loo wanqalinow tala iga hoo. Bal galabta eeg ragga kula tartamaya. Waxaad og tahay mid kasta waxa uu kaaga wanaagsan yahay. In uu kuu tanaasulo wax bay ku tari lahayd. Haddii isaga la magscaabana waxaad ku khasabanaan lahayd in aad aqbasho.

Wuu sii hadlay “Haddaba xusuusnow in dalku idiin wada baahan yahay. Marka lagu magacaabo ha is oran jagada anigaa helay ee iyagu ma helin. Markaa waa in ay Iska tagaan. Ogow in dalku idiin wada baahan yahay.

Ogow in xilka haddii aad qabatay aan macnaheedu ahayn in aad Iyaga ka waddanisan tahay. Ogowna in aanay ahayn in aan Iyaga loo baahnayn. Markaa waxaa ila habboon in kuwooda ku habboon aad Golaha Wasiirrada ka qeyb geliso, qaar aad la taliyayaal ka dhigto, qaar kalena aad u xil saarto hawlo kooban oo ay ku habboon yihiin dalka gudihiisa ama dibaddiisa. Sidaasi dalka hore ayay u marin kartaa.

Ugu dambeyn Yuusuf Garaad ayaa wuxuu yiri “Waxayna dhiirri gelin u noqon kartaa kuwa dalka waxtari kari lahaa, laakiin kalsooni darro ay ku qabaan siyaasadda iyo nidaamka dalka dartiis, iska gaabsaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]