25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Somalida KENYA oo la sheegay in Badi hal dhib ay qabaan (Maxay tahay?)

Nairobi (Caasimada online) Sida ay sheegeen Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF, inta badan Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa ka cabsi qaba inay ugu soo laabashada wadanka dagaalada ay la dageen ee Soomaaliya,iyadoo dhanka kale Hay’adaha gargaarka loogu baaqay inay howlahooda gargaar u wareejiyaan Soomaaliya.

Qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab ayaa sheegay inaan wax micno ah u sameyneyn dib ugu soo Noqoshada Soomaaliya oo ay ku tilmaameen in wali ay ka jiraan dhibaatooyinka ay kaga carareen,waxaana sida warbixinta MSF ku sheegtay Dhadhaab ku dhaqan in ka badan 400,000, ugu yaraana afar ka mid ahna ay ka cabsi qabaan dib ugu noqoshada Soomaaliya.

” Dib ugu Noqoshada Soomaaliya Qaxootiga wey ka cago jiidayaan,waayo Soomaaliya hada Niyadooda kuma qanacsana,”ayaa lagu yiri Warka MSF ay soo saartay.

Horaantii Bishan ayaa Dowladaha Kenya,Soomaaliya iyo (UNHCR), ayaa saxiixday heshiis ku aadan in si dabarucaad ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee dhadhaab ku dhaqan dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

” Qofna ma dooranayo Noloshada Qaxootinimo,inta badan Qaxootigani waxay halgan ugu jiraan sidii ay ku hali lahaayeen waxay Dowlada iyo Hay’adaha gargaarka ay siiyaan”ayuu yiri Sarkaal ka tirsan MSF oo lagu magacaabo Jean-Clement Cabrol.

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

 

 

Hey’ado kaalmo u dalbay Puntland

Nairobi (Caasimada Online) Waxaa maanta war-saxaafadeed soo saaray hey’addo caalami ah oo qaabilsan dhinaca gargaarka, kuwaasoo ku baaqay in la caawiyo dadkii ku waxyeeloobay duufaanadii iyo roobabkii ka da’ay meelo ka mid ah So0maaliya gaar ahaan Puntland.

Hey’addahan war-saxaafadeedka soo saaray waxaa ka mid ah World Fission, Save The Children, Care Internatinal iyo kuwa kale, waxaana ay lee yihiin waa si degdeg wax loogu qabtaa dadkii wax ku noqday duufanadii ku dhuftay deegannada Puntland, gaar ahaan dadkii ku hanti beelay iyo ku xoolaha ay ku dhinteen.

Hey’addahan ayaa beesha caalamka ugu baaqay in dadajiyaan howlaha gurmadka ee loogu talagalay dadka ku wax yeeloobay musiibadaas.

Waxa ay sheegeen in meelaha qaar ee duufanta iyo roobabka ay ku dhufteen durba ay ka dhasheen cuduro halis kuwaasoo qaar kood laayay xoolo fara badan..

Dhinaca kale,Golaha Imaamyada Woqooyiga Maraykanka oo kaashanaya Hay’adda Humaniterian African Relief Organization (HARO) ayaa ku deeqay lacag gaareysa 80 kun oo dollar, waxa ay ugu deeqeen dadkii ku wax yeeloobay roobabkii iyo duufaanti ku ku dhufatay Puntland.

Lacagtaas ayaa 60 kun oo ka mid ah loo dhiibay Hay’adda HARO, halka 20ka kalena loo dhiibay Hay’addo kale kuwaasoo qeyb ka ah wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhacay xeebaha berri ee Soomaaliya.

Dabeylaha iyo roobabka ba’an ee ku dhuftay Puntalnd ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 140-qof, waxaana meelaha ugu daran ay ahaayeen deegannada Banderbayla, Dongoroyo iyo Eyl.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DEG DEG: Qarax xooggan oo geestay khasaaro oo goor dhow ka dhacay….!

Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in halkaas uu caawa ka dhacay qarax loo adeegsaday bambo nooca gacanta laga tuuro.

Inta la ogyahay labo qof oo ay ku jirto dumar ayaa ku dhintay qaraxa in ka badan afar kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu weerarray ciidamo qaad ka iibsanayay xaafadda Hanti-wadaag ee degmada Jowhar.

Qaraxa kaddib, waxaa ciidamada ammaanka ay howgallo ka sameeyeen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana magaalada Jowhar lagu soo rogay bandow sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Taarikhda guddoomiyaha KMG ee loo magacaabay Baanka dhexe ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, oo ahayd shabakadii ugu horreysay ay shaaciso in dowladda ay magacowda guddoomiye kumeel gaar oo sii maamuli doona Bangiga dhexe ee Soomaaliya, yaa waxay idiin soo gudbineysaa taarikha guddoomiyaha.

Taarikhda Waxbarasho Mr. Bashiir Ciise Cali

Bashii wuxuu heestaa shahaadada BA ee ganacsiga iyo maamulka (Business Administration) wuxuuna ka qaatay Jaamacadda American Century University, ee dalka Maraykanka.

Wuxuu shahaadada MA Degree oo ku saabsan  Armed Conflict and Peace Studies from University of Nairobi, Kenya.

Xirfadiisa :

Sannadkii 1962 ilaa 68  wuxuu ka soo shaqeeyya Baanka dhexe ee Soomaaliya haar ahaan qaybta ganacsiga iyo howlgalada

Sannadkii 1969-kii  ilaa 70 wuxuu noqday madaxa hanti-dhowraha baanka dhexe.

Sannadkii 1971-dii ilaa 73 wuxuu noqday ku xigeenka maamulaha guud ee Baanka dhexe.

Sannadkii 1975-dii  wuxuu madax u noqday guddi qaran oo loogu talaghalay Head of a national commission tasked with reforming the financial system and administration of state owned corporations.

Sannadkii 1976-dii ilaa 81 wuxuu noqday ku xigeenka madaxa guud iyo madaxweynaha guddiga badbaadinta baanka dhexe.

Sannadki 1981-dii ilaa 88 wuxuu noqday ku xigeenka guddoomiyaha Baanka dhexe isagoo ahaa kaaliye.

Sannadkii 2006 ilaa 10 wuxuu ahaa guddoomiyaha Baanka dhexe, isagoona door ku lahaa dib u habeenya Baanka  kaddib markii dagaalo sokeeye uu ka dhacay dalka.

Waa guddoomiyihii seddaxaad oo muddo sannad ah dowladda ay u magacowdo baanka dhexe, waxaa ka horreeyay, Cabdisalaan Cumar Hadliye oo eedeeyay guddiga baarayaasha musuqmaasuqa ee Qaramada Midoobay,kuwaasoo sheegay in uu lunsaday lacag badan in kastoo eedeyntaas oo uu beeniyay.

Guddoomiyaha labaad ee baanka dhexe ayaa loo magacaabay, Yusur Abraar  oo noqotay haweeneydii ugu horreysay oo shaqadaas loo magacaabo balse si kadis ah ayey xilkaas isaga casishay, iyadoo sheegtay in lagu cadaadiyay saxiixitaanka heshiisyo aan sharciga waafaqsanayn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Saacid oo baarlamanka ka codsaday in dib loo dhigo mooshinka ka yaalla

Muqdisho (Caasimada Online) Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho, waxa ay mudanayaasha baarlamaanka waxa ay ka codsadeen inay siiyaan xukuumadda uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Saacid fursad ku filan oo ay ku soo bandhigaan waxqabadka sannadkii tagay.

Afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo kulanka markii uu soo dhammaday saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in golaha wasiiradda maanta ay ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay mooshinka xukuumadda ka yaalla baarlamaanka, kaasoo la doonayo in maalinta Sabtida cod loo qaado.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Goluhu uu ka sheegay fadhigga maanta in ay ku kalsoon yihiin xukuumadda Raysal wasaare Saacid inay ku qancin doonan baarlamaanka wax qabadka muddada ay jirtay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ku celceliyay Golahu in uu soo jeediyay in din loo dhiggo mooshinkaas si xukuumadda ay u soo bandhigo wax yaabaha ay qabatay.

Dhinaca kale, afhayeenka raysal wasaaraha ayaa caddeeyay in golahu uu 100% isku raacay soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda oo ahayd in si KMG loogu magaacaabo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo Bashiir Ciise Cali oo ah aqoon yahan Soomaaliyedd khibrad dheeraad ahna u leh arrimaha maaliyada kuna soo dhexjiry 50-kii sano ee la soo dhaafay.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in guddoomiyaha cusub uu xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiyadii kala duwaan ee dalka, isagoona la soo shaqeeyey dhamaan dowaladihii dalka soomaray.

Sidoo kale Golaha wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey miisaaniyada sanada 2014 taas oo gaaraysa 220 malyan oo doolar, waxaana miisaaniyada sanadkaan lagu soo kordhiyey qoondo loo sameeyey Hay’adaha kala ah: Hay’ada Xadaynta Badda, Maaraynta Masiibooyinka Qaranka, Jaamacada Umadda, Gudiga Qaxootiga Qaranka, Gudi Xuquuqul Insaanka, iyo Maxkamada dastuuriga ah oo loogu kordhiyey lacag gaaraysa 1.5 malyan oo doolar.

Kulankii maanta waxaa shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”,oo hadda khilaaf ballaaran uu kala dhexeeyo madaxweyne Xasan Sheekh oo isna maanta ka qaybgalay xalfad loo sameenayay arday ka qalinjabineysay Jaamacadda SIMAD ee Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

XOG: DFS oo guddoomiyaha Baanka u magacowday nin ka soo jeeda P/Land

Nairobi (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay magaca guddoomiyaha cuusb ee baanka Soomaaliya, kaasoo labo maalin ka hor uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uulka loo magacaabay Baanka dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Bashiir Ciise Cali , waxaana uu horrey uga soo shaqeeyay hey’addihii maaliyadda ee dalka xilliyadii kacaanka.

Sidoo kale, waxaa loo magacaabay Baanka dhexe sannadkii 2004-, xilligaas oo dalka ay ka jirtay dowlad kumeel gaar ah madaxna uu ahaa AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed, isla sannadkii 2009 ayaa loo magacaabay xilligaas waxaana dalka madaxweyne ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Mas’uulkan ayaa bedalaya Yussur Abraar oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo xilka guddoomiyaha baanka Soomaaliya, balse si lama filaan ayey isku casishay.

Waa guddoomiyihii seddaxaad oo muddo sannad ah loo magacaabo baanka dhexe ee Soomaaliya, waxaa la horeeyay labo guddoomiye kuwaas sababo aan la sheegin isku casilay.

Si kastaba, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, waa yaahan dambe ma fiicnneen, waxaa dhowr jeer Puntland ay sheegtay in xiriirka u jartay dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Daawo Video: Magaalada Muqdisho oo laga her gelinaayo arrin lagu farxo

0

Caasimada Online: Magaalada Muqdisho oo loo sameeynayo arin ku farxad gelineyso taas oo ah mid qof walba marka uu maqlo uu aad ugu farxayo marka loo fiiriyo casriga cusub iyo dunida maanta.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa talaabo aad loogu farxo u qaaday her gelinta arin aad loo wada sugayay oo muhiim u ah Magaalo Madaxda Muqdisho ee daawo arinkaa oo ku farxad gelinaya.

HALKAAN KA DAAWO:

Warar cusub oo kasoo kordhay dabkii maanta ka kacay Muqdisho + SAWIRRO

Muqdisho (Caasimada Online) Taliska ciidanka booliska ayaa goordhor shir jaraa’id ku qabtay goob maanta barqadii dab xooggan uu ka kacay, kaasoo geestay khasaaro hantiyeed.

Taliyaha booliska, Gen: Cabdikariin Saacid ayaa sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay dabka oo ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla agagaarka isgoska KM4.

Wuxuu kaloo taliyaha uu tilmaamay in dabka uu baab’iyay hanti fara badan oo ay ku jiraan baabuur iyo hanti kale, taasoo taalay dhismooyin uu dabka ku faafay.

Dabka ayaa abaare 11:47 am ka kacay kalaalin shidaal, waxaaana uu ku faafay goobo ganacsi oo aad u fara badan.

Lama oga waxa dabka sababay, waxaaba damintiisa ka qayb qaatay baabuurta dab-damiska ee Maamulka Gobalka Banaadir, kuwa AMISOM, kuwa ay lee yihiin Turkiga iyo shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa goobta joogay intii uu dabka socday kuwaas badbaadiyay hanti fara badan oo la rabay in laga dhaco goobaha gubanayay.

dab 1dab 2dab 3dab 4

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

QM oo soo shaacisay goobaha la geyn doono qoxootiga Soomaalida Kenya

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda qoxootiga QM u qaabilsan ee UNHCR ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay goobaha la dajin doono qoxootiga Soomaalida ee laga rarayo xeryaha qoxootiga dalka Kenya.

Sarkaal u hadlay UNHCR ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaas la dajin doono magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo deeganka Luuq-Ganaanne oo ka tirsan gobalka Gedo.

Hey’adda ayaa ku celisay in aysan jiri doonin dad si qasab loo celin doonin oo ku sugan xeryaha qoxootiga dalka Kenya.

Dhawaan ayaa Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR waxa ay heshiis ku gaareen in dib loo celiyo nus-malyuun qoxooti Soomaali ah oo ku nool xerada ugu weyn caalamka ee Dhadhaab.

Dhinaca kale, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Maxamed Nuur Cali Ameeriko ayaa sheegay in la dhisayo guddiyo Soomaali, Kenyan iyo UNHCR ka socda oo tira-koobaya dadka qaxootiga ah iyo goobaha ay ka yimaadeen, lagana caawin doono qofkii doonayo in uu laabto waxyaabaha aasaasiga ah.

Safiirka waxa uu beeniyay wararka sheegaya in heshiiska la kala saxiixday uu tilmaamayo in gebi ahaanba la xiri doono xeryaha qaxootiga muddo yar kaddib, wuxuuna sheegay in qofkii arrimo ammaan u cabsanaya aan dib loo celin doonin.

Wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan xeerar caalami ah oo ku aaddan ilaalinta xuquuqda dadka qaxootiga ah oo ay waajib ku tahay dowladda Kenya in ay ilaaliso, iyadoo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay ka go’an tahay in qaxootiga Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay leeyihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Midowga Yurub iyo DF oo isku dhacay iyo DF oo la kulantay wax aysan fileyn

Brussels (Caasimada Online) – Dagaal diblomaasiyadeed oo u dhaxeeya wasiirka arrimaha dibedda Somalia iyo madaxda horumarinta Midowga Yurub, ayaa ka qarxay magaalada Brussels, waxaana uu ku saabsan yahay heerka gar gaarka Midowga Yurub uu siiyo Somalia.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa sheegtay “in Somalia aysan waxba ka helin Midowga Yurub, marka laga reebo – Ballan qaad kaliya”.

Fowsiya ayaa ku dooday in shirkii Hiigsiga Cusub ama New Deal ee bishii September loogu ballan qaaday Somalia 1.8 bilyan oo Euro, balse illaa iyo hadda aysan heli waxba.

“Waxaan weydiisanay dalalka Yurub inay ka dhabeeyaan ballan qaadkooda, waxaana filaa inaan taasi aragno” ayey tiri.

Madaxda  Horumarinta EU-da Andris Piebalgs
Madaxda Horumarinta EU-da Andris Piebalgs

“Intii lagu guda jiray waqtigii KMG ahaa, waxaa sanaddii 2010 la ballan qaaday 200 oo milyan oo Euro, taasina illaa iyo hadda sidoo kale waxba kama hayno” ayey sii raacisay.

Isaga oo u jawaabaya Fowsiya ayaa madaxa horumarinta EU-da Andris Piebalgs waxa uu wargeyska International Business Times u sheegay inuu aad uga careysan yahay hadalka Fowsiya, sababta oo ah buu yiri “Waa been”.

“Hanaanka siyaasadeed ee ka billaabanaya Somalia ma ahan oo kaliya awoodo siyaasadeed ee waa kuwo maal gelineed oo quseeya qeybo badan oo ka mid ah Somalia” ayuu yiri Piebalgs.

“Waxaan wadnaa mashruucyo horumarineed oo ka socda qeybo ka mid ah Somalia. 50 Milyan oo Euro ayaan ku hormarineynaa waxbarashada, caafimaadka iyo biyo nadiif ah oo laga hir-galinayo Somaliland iyo Puntland” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu yiri “Waa runteed wax lacag ma marsiino dowladda federaalka Somalia, sabatuna waxa ay tahay si aynu taas u sameyno waxaan u baahanahay maamul maareyn kara maaaliyadda iyo la xisaabtan, taasna nooma muuqato”.

Piebalgs, ayaa sheegay inuu horey u ballan qaaday iminkana diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowladda Somalia, inkasta oo taas macnaheedu aanu ahayn inay dowladda lacag u marsiiyaan qeybaha kale ee dalka.

Guddiga Midowga Yurub, ayaa taageero horumarineed siiya Somalia, ayada oo taasi ay qeyb ka tahay Barnaamijka Horumarinta ee Yurub. Lacagta loogu tala galay Somalia 2008 illaa 2013, waa 521 milyan oo Euro.

Caasimada Online
Xafiiska Brussels
[email protected]

KASHIFAAD: Shirqoolki ka dhanka ahaa badda SOMALIA oo soo laabtay iyo nin ku lug leh oo lala rabo R/Wasaare

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xasaasi ah oo aan helnay, ayaa muujinaya in xiligan ay si xoog leh ugu socoto magaalada Muqdisho olole ballaaran oo ay wadaan shakhsiyaad horey uga tirsanaan jireyey xukumadihii kala danbeeyey ee xiligii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Ololahan siyaasadeed oo ujeedadiisu tahay in dib loogu soo nooleyo heshiiskii qabyada ahaa oo qaybo ka mid ah badda Soomaaliya loogu oglaanayey in ay dowladda Kenya shidaal ka qodoto, ayaa waxaa hadafkiisu yahay sidii Ra’iisul wasaare ay kooxdaasi wataan loogu dhiibi lahaa dalka, marka ay jagadaas banaanaato oo la rido xukuumada hadda jirta.

Cadeymaha la helayo ayaa tibaaxaya in ragga howshaan xooga u wada ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Gudoomiyihii hore ee baarlamanka, Xildhibaan C/risaaq Jurille, C/raxamaan C/shakuur – wasiirkii hore ee qorshaynta oo isagu horey u saxiixay heshiiskii horudhaca ahaa iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke – Ra’iisul wasaarihii hore oo isagu ku sugan Nairobi, howshana halkaas ka xiriirinaya.

Sida xogta aan helnay ay sheegeyso, waxa ay kooxdani doonayaan in xilka Ra’iisull wasaaraha Somalia loo magacaabo nin qurba joog ah oo degan magalada London.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in ninkan oo dagan hadda Hotelka Jazeera ee magalada Muqdisho uu heshiikaas la saxiixdey kooxdani oo uu matalayey C /raxaman C/shakuur oo isagu ahaa ninka kasoo wadey London howshana kusoo qanciyey.

Lama garanayo in kooxdani ololahooda ku guuleysan doonaan iyagoo xiligan culeys wayn ku saaraya madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud inuu meel mariyo magacaabidda ninka ay wataan.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa lagu warramay inuusan ka war-hayn dhagarta kooxdan iyo waxa ay damacsan yihiin, balse kaliya ay qal qaalo caadi ah ku wadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: R/W Saacid iyo 100 Xildhibaan oo xalay kulmay iyo go’aan kasoo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) Kulan xasaasi ah ayaa xalay  ka dhacay xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Kulanka waxaa ka qaybgalay xildhibaanno kor u dhaafaya 100-mudane,waxaana looga hadlay mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa kaasoo hadda horyaalla baarlamaanka.

Ilo xog ogaal ah, kana qaybgalay kulanka ayaa Shabakabadda Caasimada Online u sheegay in xildhibaannada ay u ballan qaadeen raysal wasaaraha in uu ka badbaadi doono mooshinka laga keenay.

Magaalada Muqdisho, waxaa maalmahan ka socda gaar ahaan xafiisyada madaxweynaha iyo raysal wasaaraha kulamo xasaasi oo looga arrinsanaayo mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Raysal wasaare Saacid ayaa dedaal ballaaran ugu jirra siddii uu uga badbaadi lahaa mooshinka laga soo gudbiyay, kaasoo maalinta Sabtida ee toddobadka dambe ka dhacaya xarunta golaha Shabacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

KISMAAYO oo marti u noqotay how-gallo iyo qaraxyo (Maxaa Cusub?)

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas maalintii labaad uu ka socod howgallo dad badan lagu soo qabqabtay.

Dad goobjoogayaal ah oo diidday magacooda ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in ciidamada ammaanka ee maamulka Jubba, in lagu arkayo xaafadaha Guul-wade iyo Farjano oo ka mid ah meelaha uu howgalka maalintii labaad uu ka socdo.

Howgalka waxaa kaloo lagu soo qabtay huf iyo wax yaabaha qarxa kuwaasoo qaab sharci daro ah lagu hayay xaafadaha magaalada Kismaayo.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay howgalka maalintii labaad ka socda magaalada Kismaayo, oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen dilal iyo qaraxyo.

Shaley waxaa muddo kooban la jaray is-gaarsiinta magaalada, taasoo saameen ku yeelatay howlihii caadiga ee magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

FAAH-FAAHIN: Dad loo soo qabqabtay saraakiil Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) Wararka saakay naga soo gaaraya degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaas tan iyo xaley uu ka socday howgallo lagu qabqabyay dad fara badan, kaddib markii xubno ka tirsan hey’adda nabadsugi iyo askari lagu dilay.

Dadka xaafadda ayaa sheegay in xaafadaha ku yaalla Isgoyska Siinaay iyo nawaaxigiisa lagu arkayay ciidamo fara badan oo gurri-gurri u taagan.

Howgalkan ayaa billowday xilligii saalada cishaha, waxaana uu soo gaaray saakay hiiradii sida ay lee yihiin dadka xaafadda.

Howgalka ayaa lagu soo warramayaa in lagu qabqabtay dad u badan dhallinyaro kuwaasoo looga shMuqdisho (Caasimada Online) Wararka saakay naga soo gaaraya degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaas tan iyo xaley uu ka socday howgallo lagu qabqabyay dad fara badan, kaddib markii xubno ka tirsan hey’adda nabadsugi iyo askari lagu dilay.

Dadka xaafadda ayaa sheegay in xaafadaha ku yaalla Isgoyska Siinaay iyo nawaaxigiisa lagu arkayay ciidamo fara badan oo gurri-gurri u taagan.

Howgalkan ayaa billowday xilligii saalada cishaha, waxaana uu soo gaaray saakay hiiradii sida ay lee yihiin dadka xaafadda.

Howgalka ayaa lagu soo warramayaa in lagu qabqabtay dad u badan dhallinyaro kuwaasoo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilal ka dhacay Isgoyska Siinaay ee degmada Warta Nabadda Ex, Wardhiigleey.

Ma ahan markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan nabad sugida lagu dilo demooyinka Muqdisho, mana jirto cid sheegatay dilkan ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay degmada Warta Nabadda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

“Xittaa sadaqada looma sinna Somalia oo waa 4.5” Waxaa sidaas yiri….!

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in la iska indha tiray dhibaatada Gobolka Shabellaha dhexe ka jirta, isagoo cadeeyay in halis ay ku jirto magaalada Jowhar oo ay go’doomiyeen daadad ka dhashay fatahaada wabiga Shabelle.

Xildhibaanka oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in dadka ka barakacay fatahaadaha iyo colaada ay heyso dhibaato aad u xoogan, si ba’an u rafaaday, isla markaana wali ay la il daran yihiin gaajo.

“Dadka Gobolka Shabellaha Dhexe ku nool waxay s ba’an ugu rafaadeen, wali la il daran gaajo, biyo nadiif la’aan waxa ay ka xigsadaan ma jiro, awal dhulka wabiyada kaneecada iska aheyd meel rug u ah meel ay ka galaan aysan jirin qabowga iyo biyaha oo cabsi ku haya inay qaadaan ay ku dhow yihiin”ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.

Dowladda Soomaaliyaa ayaa markii ugu horeysay ee Dhibaatada Fatahaaddu ay soo shaac baxday waxay ku dhawaaqday inay Gobalka ugu gurmanayso Lacag gaaraysa 50 Kun oo Dollar.

Dhalxa ayaa Dowladda Soomaaliya ku dhaliilay sida ay uga jawaabtay Dhibaatada Shabeelaha Dhexe, isagoo Farta ku goday Lacaga 50-ka Kun ee Dollar ah oo ay Dowladdu ku yaboohday, taas oo uu ku sheegay mid aan ku filnayn Culeeska ay Dhibaatada halkaa ka jirta leedahay.

Xildhibaanka ayaa is barbar dhigay Dhibaatada Shabeelaha Dhexe iyo Lacagta ay Dowladdu ku yaboohday iyo dhibta ay dhalisay Duufaanta Puntiland iyo sida ay Dowladdu ugu gurmatay, wuxuuna tilmaamay in Duufaanta Puntiland la buun buuniyay sidaasna ay Dowladdu Dhaqaale badan ugu yaboohday.

Mudane Dhalxa ayaa sheegay in waxa iminka isaga u muuqanaya ay yihiin inaan Saddaqada xitaa loo sinnayn oo ay tahay 4.5, marka la eego sida loogu gurmaday Dadka Laba Gobal oo ah mid aad u kala badan, wuxuuna tibaaxay in Dadka Shabeelaha Dhexe ay Dhibaatadu iyaga ku hor dhacday aadna u culustahay tooda, hadana aanay Kaalmo badan helin.

Isla dhaliilahan waxaa horay usoo bandhigayay Dad kasoo jeeda Shabeelaha Dhexe oo Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Dhalinyaro caadi ah isugu jira, kuwaas oo Dowladda ku eedeeyay inay u kala eexatay Gobaladii Dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DHAGEYSO: Xiisadda ka dhex aloolsan Khaatumo iyo Puntland oo ka sii dartay

Taleex (Caasimada online) Kadib markii ciidamo ka titsan Maamulka Punland ay wadada u galeen Madaxweyneha Maamulka Khaatumo State xilli uu marayay deegaanka Badqaboobe ee gobolka Sool ayaa waxaa dhexmaaray dagaal xoogan oo dhimasho iyo dhaawac sababay.

Maxamed Jaamac Indho Sheel, Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State ayaa sheegay in xilliga ciidamada Puntland ay wadada u galayeen uu kusii jeeday degmada taleex ee gobolka Sool.

Wuxuu sheegay in hadii Puntland au joojin weyso fara glinta iyo dhibaatada ay ku heyso khaatumo ay la kulmi doonaan Dhibaato taariiqo ah oo ay ka sheekeeyana sida uu shaaca ka qaaday .

Indho Sheel, wuxuu tilmaamay in ciidamadoodu ay u diyaarsan yihiin weerar waliba oo kaga yimaada dhanka ciidamada maamulka Puntland sida uu shaaca ka qaaday .

” Waa digniinteeni ugu dambeysay waxaanu leenahay ka jooga gardarada aad wadaan , hadii kale  jawaab cad ayanu ka bixin doonaa” ayuu yiri Indho dheel

Dhanka kale wuxuu shacabka khaatumo u sheegay in marnaba sayn jirin cid ka hor istaagi karta shirka Khaatumo ee taleex ka furmi doona dhowaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa shalay galab wadada u galay madaxweynaha Maamulka Khaatumo State xilli uu kusii jeeday degmada Taleex e gobolka Sool waxaana halkaasi kadhashay dagaal dhimasho iyo dhaawax sababay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Madaxweyne Indho Sheel

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Satate

Caasimada online

Xafiiska Taleex

[email protected]

VIDEO: Goob Taariikhi ah oo Muqdisho ku taalla oo dib loo dayac tiray

0

Caasimada Online: Magaalo Madaxda Muqdisho waxaa ka soconaya dib u howl gelin iyo dib u dayac tir xoogan oo lagu sameynayo xarumo magac iyo maamuus ku leh Dalkeena hooyo kuwaa oo Muwaadin walba oo Soomaali ah qiiro gelinaya marka uu maqlo magaceeda xaruntaasi.

Waxaa hubaal ah in qof walba uu ku farxi doono waa hadi ay Soomaalinimadiisa ay gaarsiisan tahay heer uu u ilmeeyo marka uu arko goobo taariikhi ah oo dalkeena ku yaalo ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

FAAH-FAAHIN: Dab weli ka socda MUQDISHO iyo khasaaro uu geestay

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa weli socda dab xooggan oo ka kacay goob shidaal oo ku taalla isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa baabi’iyay goobo ganacsi, waxaana lagu soo warramayaa in ay jiraan dad ku dhaawacmay sida uu sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho.

Dabka ayaa ilaa hadda socda, waxaana la arkayaa qiic iyo uuro madow oo cirka isku shareertay,oo ka socda halka uu ka socdo.

Gaadidka gurmadka ee gobalka Banaadir, shirkadda Hormuud iyo gaadid ay lee yihiin Turkiga ayaa ka qayb qaadanaya daminta dabka oo in ka badan hal saac iyo ber socda.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in goobta ay hadda gaareen wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo taliyaha ciidanka booliska Cabdikariin Daahir Siyaad Saacid, kuwaasoo halkaas u tagay bal in ay soo qiimeeyaan khasaaraha uu geestay dabka.

Lama oga waxa dabka sababay, waxaana la socda isku day lagu doonayo in lagu damiyo dabka oo ay wadaan dab-damiyayaasha maamulka gobolka Banaadir,iyo kuwa ay lee yihiin shirkadaha gaarka loo lee yahay iyagoo isticmaalaya baabuurta dab-damiska.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab noocan oo kale uu ka kaco goob shidaal, waxaana labo ka hor dab sidan oo kale uu ka kacay goob shidaal oo ku taalla Isgoyska Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live,com

DEG DEG AH: Dab khasaaro geestay oo goordhow ka kacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in dab xooggan uu ka kacay goob shidaal oo ku taalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Wariye ku sugan KM4, ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in dab xooggan uu ka kacay kaalin shidaal, wuxuuna sheegay in uu ku faafay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaas.

“Waxaa la arkayaa qiic hawada isku shareeray, fuustooyin shidaal ay ka buuxaan oo qarxaya, iyo dab xooggga” ayuu yiri wariyaha noo warramay.

Goobta dabka uu ka kacay waxaa soo gaaray gaadidka gurmadka iyo kuwa dab dabdamiska kuwaasoo la taacalaya daminta dabka.

Ilaa hadda si dhab ah looma khasaaraha ka dhashay dabka goordhow ka kacay goobta shidaalka ee ka agdhow nawaaxigga KM4.

Waxaa goobta isku gadaamay ciidamada booliska, kuwaasoo u diiddaya dadka in ay goobta tagaan.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Caasimada Online, oo isha nagu hay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]