26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Maxa tahay ujeedka uu MUQDISHO u tagay taliyiha ciidamada Burundi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mr. Niyongabo Prime oo ah Taliyaha ugu sareeya ciidamada Dowladda Burundi iyo saraakiil ka tirsan qeybaha ciidamada Dowladda Burundi ayaa ka soo degay magaalada Muqdisho, waxaana taliyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay madax iyo saraakiil isugu jirta ciidamada Dowladda iyo Taliska AMISOM.

Taliyaha ciidamada Dowladda Burundi ayaa kulamo kala duwan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga DFi, Ra’iisal Wasaare K/Xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Xaaji Yuusuf iyo saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa isla yeeshay kulamo socday muddo saacado ah.

Sareeye Guuto Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarsho) ayaa isna kulan la qaatay Taliyaha ciidamada Burundi, iyagoona ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Dowladaha Burundi iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale Mr. Niyongabo Prime ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta uu kala kulmay magaalada Muqdisho, isagoona hoosta ka xariiqay in ujeedada socdaalkiisa ay la xariirto sidii uu kormeer ugu sameyn lahaa xaaladda ciidamada AMISOM, iyo talisyada kala duwan ee ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Qurba Joogta iyo Damaashaadka Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online:  Qurba Joogta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu laabanaya ayaa si nabad ah ugu damaashaadaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayagoo anan wax baqdin ah ku jirin marka loo fiiriyo Sanadihii hore.

Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho waxaa buux dhaafiyay Gawaarida casriga ah ee ay wataan Qurba joogta dalka dib ugu soo noqonaya ayagoo ku damaashaadaya Magaalada Muqdisho ee nala daawo muuqaalka qurxoon ee laga soo duubay.

HALKAAN KA DAAWO:

Dhageyso: Gudoomiyihii Ahlu Sunna oo xilikii laga qaaday iyo jawaabtiisa

Muqdisho (Caasimada online) Waxaa maanta Sir rasmi ah ururka ahlu sunna waljamaaca ay ugu dhawaaqeen inay xilka ka qaadeen gudoomiyihii golaha Fulunta ururkaas Sheekh Cabdi Cali Fiidoow , kadib kuulan Baarlamaanka ururkaas ay maanta yeesheen.

Magalaada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayuu ka dhacay kulanka Maanta xilka looga qaaday Sheekh Cabdi Cali Fiidoow, iyadaoo qaab codeyntu ay u dhacday mid Fartaag ah , waxaana madasha kulankaas  goob joog ahaa 29 Xubnood oo 28 ka mid ah ay dalbadeen in xilka laga qaado.

Hal ruux oo ka mid ahaa ka qeyb galayaashii kulanka Maanta xilka looga qaaday gudomiyihii golaha Fulinta , waxaana xilka qaadistaasi ku dhawaaqay Sheekh Cumarsheekh C/qaadir  oo ah gudoomiyaha golaha talada Maamulkaas.

Wuxuu sheegay in mar hadii madasha kulanka ay goob joog ka ahaayeen 29 Xubnood 28 kamid ahna ay si cad kalsoonidii kala laabteen ay sidaas xilkii uga qaaden Sheekh Cabdi Cali Fiidoow, Gudoomiyhii hore ee goblaha talada Ururkaas.

Dhanka kale Sheekh Cabdi Cali Fiidoow, gudoomiyihii golaha talada Maamulkaas oo saxaafadda la hadlaya ayaa sheegay inay been abuur yihiin wararka sheegaya in xilkii laga qaaday , isagoo sheegay in aanan la garin mudadii lagu balamay.

Wuxuu sheegay in markii 02-03-2013 ee sanadkan loo dhiibayay lagu balamay inuu hogaan u noqdo Golaha Fulinta ururkaas Muddo Labo Sano ah , waxaana uu sheegay wali uu xilkiisii dhamaan balse ragisaga la shaqeeya uu waqtiga ka idlaaday sida uu sheegay.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa la hadal hayay in dhawaan xilka laga qaadi doono Sheekh Cabdi Cali Foodoow, hogaamiyihii golaha Fulinta ururka ahlu Sunna waljamaaca , taas oo ay warar kala duwan kasoo baxayaan .

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arintan ay salka ku heyso Khilaaf soo kala dhexgalay hogaanka ururkaas , iyo kala qeybsanaan ku aadan Maamulka Cusub ee ay dowlada Soomaaliya usoo magacaawday Galgaduud.

Halkaan ka hoose dhegyso Xilka qadirta Sheekh Caabdi Cali Fiidoow.

Halkaan ka dhageyso Xilka qadirta Sheekh Cabdi Cali Fiidoow

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: qorshe DF ka damacsaneyd gobolka Sh/Hoose oo laga horyimid

Marko (Caasimada online) Maxamed Cusmaan Yariisoow, Guddoomiyaha Magaalada Marka ayaa si cad uga soo horjeestay Qorshe  Wasaarada arimaha gudaha ay ku doonayso in ciidanka deegaanka looga kaxeeyo Magaalada Marka ee xarunta Gobalkaasi.

Wuxuu sheegay in marnaba aanu aqbali doonin in ciidamada deegaanka laga kaxeeyo Marko ,isla-markaana la keeno ciidamo kale oo dowlada Soomaaliya ka socda taas oo uu ku tilmaamay mid aanan u cuntamin sida uu sheegay

Wuxuu eedeyn u jeediyay ciidamada dowlada Soomaliya ee gobolka Sheelaha Hoose isagoona shaaca ka qaaday in Iabaarooyinka ugu badan ay gobolkaas u yalan ciidamada dowlada Soomaaliya .

Inta u dhexeysa Siinka Dheer iyo Afgooyo ayuu sheegay inaysan Xisaab laheyn Jibgooyooyinka u yaala ciidamada dowlada Soomaaliya , waxaana uu arintaas ku tilmaamay in aanay dani ugu jirin gaadiidka isticmaala wadaas , isagoo sheegay inuu jiro gaabis dhanka hogaanka ciidanka ah.

Marka hada waxaa ku sugan wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya,kaasi oo qorshaah uu ujooga Marka ay qeyb ka tahay sidii ciidanka deegaanka halkaasi looga kaxeyn lahaa,inkastoo weli muran uu ka taagan yahay arintaasi.

Wali waxaa taagan xiisadda Shableeha Hoose, taas oo dhawaan heshiis laga garay inkastoo wali uu muuqanayo isku tuur  tuur ku aadan Cidda ay Isbarooyinka u yalaan gobolkaas , dowlada Soomaaliya saraakiil u hadashay waxay Maamulka gobolkaas ku eedeeyeen inay Isbaarooyinka iyaga u yaalaan , halka Mas’uuliyii maamulka ka tirsan ay ciida,ada dowlada Soomaaliya ku eedeeyeen arintan .

Waxaase shaki uusan ku jirin in Muqdisho iyo Marko inta u dhexeysa ay buux dhaafiyeen Isbaarooyin lacago badan looga qado gaadiidka wadadaasi istimcaala , inkastoo dowlada Soomaaliya ay dhawaan sheegtay inay guud ahaan isbaarooyinkaas maja xaabin doonto

 Halkaan ka dhageyso Gudoomiyaha Magaalada Marka

Caasimada online

Xafiiska Marko

[email protected]

Dhageyso: Banaanbax lagu taageeray heshiiskii Addis-Ababa, Muqdisho

 Muqdisho (Caasimada online) Waxaa Muqdisho ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo dowlada Soomaaliya iyo go’aankii kasoo baxay Shirkii Adis-Ababa ,waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ay kasoo qeybgaleen Guddoomiyaha Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka ee xukuumada Soomaaliya iyo dad wayne aad u fara badan waxaana halkaasi heeso ka soo jeediyay fanaaniinta Hobolada Waabari.

Banaanbaxan ayaa wuxuu ka dhacay Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ee gobolka Banaadir , kaasi oo dadkii dhigayay ay ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah Banaanbixii shalay ee Beydhabo iyo sida  ay ugu faraxsan yihiin go’aanka Shirkii Adis -Ababa.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka hadlay goobta Banaanbaxa uu ka socday ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu soo dhaweynayo heshiiskii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay dalka Ethiopia waxaana uu sheegay Guddoomiyaha in Dowladda Soomaaliya ay ku tilaabsatay guul la taaban karo.

Tarsan ayaa ku tilmaamay kuwo dano gaar ah leh Dadka aan doonayn heshiis iyo isku soo dhawaansho inuu dhexmaro Soomaalida dhexdeeda sida uu sheegay waxaana carabka ku adkeeyay inaysan marnabada dadkaasi rabin horumarka umadda Soomaaliyeed.

Shalay Beydhabo oo ah xarunta gobolga Baay, waxa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo dowlada Soomaaliya , waxaana odayaasha beelaha Digil iyo Milifle ay u dhawaaqeen inay kalsoonidii kala laabteen dowlada Soomaaliya.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DF oo ka jawaabtay go’aanka Beelaha Digil iyo Milifle Baaqna u dirtay

Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Soomaaliya ayaa waxay jawaab ka bixisay Dibadbaxyo looga soo horjeedo oo shalay ka dhacay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyo go’aan ay sheegeen odayaasha iyo Maamulka Gobolkaas inay ka qaateen dowlada Soomaaliya.

Engineer: C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska Adis-Ababa qodob ka mid ah uu dhigayo in shir dib u heshiisiin ah oo loo qabto beelaha Dega gobolada Jubbooyinka , kaas oo ka dhacay Muqdisho iyadoo sida uu sheegay taasi looga golleeyahay qancinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in beelaha Waxtabanaya loo baahan yahay inay xal wax ku raadiyaan , isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in qof waliba oo waxtabanaya uu yiraahdo ma aqoonsai dowlada iyo ereyo la mid ah tasina ay horseedeyso kala fogaanshiyaha umadda Soomaaliyeed

Dhinacyada wax tabanaya ayuu sheegay in looga baahan yahay inay ka qeyb galaan  shirka dhawaan ka dhici doona Muqdisho ee dib u heshiisiinta ah, waxaana uu tilmaamay in loo bahan yahay wax waliba wada hadal lagu dhameeyo.

Qancinta Shacabka ayuu sheegay inay u taagan tahay dowlada Soomaaliya, waxaana uu shaaca ka qaday inay sameynayan waxyaabaha ay u arkan inay ku qancin karan dhamaan beelaha Soomaliya s looga gudbo is qabqabsi yimaada.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Engneer: C/raxmaan Cumar, Cusmaan Yariisoow Afhayeenka  madaxtooyada Soomaaliya  wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay diyar u tahay qancinta cid waliba oo wax ka tabaneysa dowlada Soomaaliya .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

War culus: DF “Heshiiska Addis-Ababa weli ma ahan mid dhameystiran”

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii dalka Itoobiya ay heshiiska ku soo gaareen DF Somalia iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa soo baxaayay mucaaradad weyn oo looga sp horjeedo heshiiskaas oo ay ugu horeyaan beesha Digil iyo Mirifle.

Afhayeen M/weynaha ahna la taliyaha dhinaca Saxaafad C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegayin DF Somalia heshiiska ay ku soo gaartay Addis Ababa Dowlada Somalia uusan eheyn kii ugu danbeeyay ee lagu xalinaayay Jubooyinka balse uu yahay bilaaw.

C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay in heshiiskaas uusan eheyn mid dhameystiran balse waxa uu cadeeyay in dhameestirkiisa uu ka dhici doono magaalada Muqdisho oo layskugu geeni doono dhamaan dadka dega deegaanadaas.

Hadalkaan ka soo yeeray Afhayeenka M/weynaha ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili beelaha Digil iyo Mirifle ay shegeen in ay ka baxeen DF Somalia maadaama ay sheegeen in dul ay leeyhiin lagu wareejiyay Axmed Madoobe oo ay iyaga ku yilmaameen in uu yahay Jabhad.

Ugu danbentii C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay in DF Somalia ay diyaar u tahay in ay wax kasta ku dhameeso nabadeyn iyo dib u heshiisiin isaga oo sheegay in cidkasta ay ku qancin doonaan wadahadal.

Source: Hadaf News Network

DFS oo uu ka soo horjeestay maamul ay magacowday “Nama xukunto”

Baydhaba (Caasimada Online) – Gudoomiye Kuxigeenka  gobolka Baay  Shiine Macalin Nuunoow, ayaa si cad u sheegay in dowlada Soomaaliya u aqoonsaneyn kadib go’aanka Beelaha Digil iyo Milifle ay ka qaateen dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya aysan ka fiirsan go’aankii ay ku aqoonsatay maamulka Jubba ee Axmed Madoobe ,isagoo sheegay in wax dowlad ah aysan u aheyn isaga shaqsi ahaan , sida uu sheegay.

Shiine Macalin Nuunoow, Gudoomiye Ku xigeenka gobolka Baay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya uu ka marmaamo sida uu sheegay mar hadii ay iyadu ka maarantay , isagoo carabka ku adkeyay inaysan  marnaba ka laaban doonin  go’aanka ay qaateen.beeshooda dowlda Soomaaliya

Shalay waxaa Beydhabo ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo dowlada Soomaaliya iyo heshiiskii Adis-Ababa ee Maamulka Axmed Mdoobe iyo waliba dowlada Soomaaliya .

Dowlada ayaa dhawaan kulan soconayay muddo Todobaad ah ku aqoonsatay maamulka jubba ee uu Axmed Madoobe , hogaanka u hayo, kaas oo si KMG ah muddo laba sano ah kaga howlgalaya gobolada Jubbooyink Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhaba

[email protected]

Beesha Sade oo la safatay beel kale kuna gacan seertay go’aankii DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Boot Cabdala Magan, oo ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo Jeeda beesha Sade, ayaa sheegay inay ka beel ahaan kasoo horjeedaan Heshiiska Shirkii Adis-Ababa .

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku fududatay heshiiskaas , isla-markana uu kala qeybinaya wadajirka iyo walaalnimada bulshada wada degta gobolda Jubbooyinka iyo Gedo sida uu sheegay.

Magan, wuxuu sheegay in Beesha Sade aysan qaadaneyn wax aan u qalmin , waxaana uu carabka ku dhuftay inay ka beel ahaan bad baadsanayaan sharaftooda sida uu sheegay taasin aysan cidna uga hibeysaneyn.

Wuxuu sheegay inuu ku baaqayo inay muhiim tahay in Beelaha Digil iyo Milifle  lagu dhiira galiyo laguna taageero Go’aanka ay ka qaatee dowlada Soomaaliya ka beel ahaana ay soo dhaweynayaan.

Markii Ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu gaaray Kismaayo ayuu sheegay inuu kala soo kulmay sharaf xumo iyo soo dhaweyn la’aan ,sida uu hadalka u dhigay Kismaayana ay awooda ugu badan ay ku leeyihiin ciidamada Kenya.

Sababta dowlada Soomaaliya ay u aqbashay maamulka Axmed Madoobe ayuu ku sheegay inay la yaaban yihiini ilaa iminka , isagoo ku sheegay in arintaas lagu dag dagay go’aan ka qaadashedeeda.

Wuxuu ku baaqay in si dag dag ah loo qabto shirweyne looga Soo horjeedo dowlada Soomaaliya iyo Heshiiskii Adis-Ababa kaas oo ay kasoo qeyb galayaan dhamaan dhinacyadii uu saameeyay heshiiskaas.

Dowlada Soomaaliya ayaa cadaadis kala kulmeysa beelo dega gobolada Koonfureed ee Soomaaliya , kuwaas oo saluugsan qaabkii uu kusoo idlaaday Shirkii Adis-Ababa iyo go’aanadii kasoo baxay.

Caasimada Online 

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DF oo ay ku dheggan tahay beel ka mid ah 2 beel oo ay kala dhex gashay

Marka (Caasimada Online) – Ugaaska Beesha Biyo Maal Ugaas Axmed Sheekh Cali, ayaa wuxuu ka hadlay qaabka dowlada Soomaliya ay u wajahday heshiiskii dhawaan kasoo baxay kulan ka dhacay Muqdisho oo ku aadaana heshiisiinta Beelaha Biyomaal iyo Habargidir .

Kulanka oo ahaa mid lagu heshiisiinayay beelaha Biyo Maal iyo Habargidir ayaa go’aanadii kasoo baxay waxaa qeyb ka aha in la qaado Isbaarooyinka gobolka Shabeelaha Hoose yaala.

Ugaaska, ayaa sheegay in dhaqan gelinta Heshiiskaas ay dowlada Soomaliya u adeegsatay qaab amar ah sida uu sheegay , isagoo tilmaamay in in odayaal iyo ciidamo wada saareen Gaadiid dagaal kuwaas oo markii dambe ay u sheegeen inay nabada ka shaqeeyaan sida uu sheegay

Si aan nidaam nabadeed aheyn, ayuu sheegay inay u martay qaabka nabadeenta labada Beelood , waxaana uu sheega y inay haboonaan laheyd inay qaab dagan oo is xilqaamid ay ku jirto ay ku wajahaan .

Wuxuu sheegay inay jirto ka dhaadhicis la’an dhanka nabada ah oo ku saabsan  dhincyadii dhawaan gobolka ku dagaalamay, waxaana uu carabaabay inay muhiim tahay in Maleeshiyaadka labada dhinac inay waajib tahay in la baro qiimaha nabadda.

Dhawaan dagaal beeleed salka ku haya is qabqabsi ka dhashay isbarooyin yala Shabeelaha Hoose, ayaa wuxuu ka dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Marka

Caasimada Online

Xizbiga dimuqraadiga: Heshiiska Addis-Ababa waa mid sharci darro ah

Warsaxaafadeed

Waxaan aamin sanahay Xisbi ahaan in shirkii ADDIS ABABA ee looga hadlaayay arimaha jubooyinka oo muddo dheer laysku qilaafsanaa uu fashil wayn ka soo raacay Dowladda Federalka Soomaaliya gaar ahaan guud ahaana shacabka soomaliyeed uu ku rajo waynaa in arimahaas laga gaaro xal lagu wada qanacsanyahay raalina ay kawada yihiin dhamaan Soomaalida degta Jubooyinka isla markaana la helo nidaam dowli ah oo la raaco sida waddanka looga hirgelin lahaa sistemka FEDERAALIKA ah ee dhabta ah ee ku dhisan cadaalad iyo sinaan.

Nasiib darro taa ma aysan dhicin, soomaali baa laga eexday oo qaar yar ayaa loo hiiliyay isla markaana lagu gaaray shirkaasi in lagu fulo dano gaar ah ee dhaqaaleed.

Heshiiskaan la gaaray wuxuu noqday saan colaadeed laga dhex abuuro shacabka soomaaliyeed dhexdiisa islamarkaana lagu kala fogeeyo soomaalida degta jubooyinka wadankana la geliyo marxalad gudcur ah oo aan la ogeen sida ay noqon doonto.

Heshiiska ADDIS ABABA waxuu soo ifbixiyay arimo badan ee siyaasadeed, bulshadeed  iyo dhaqaaleed ee koox gooni ah wadatay iyadoo la hareer maray nidaamkii dowliga ahaa ee waddanka iyo shacabka loogu adeegi lahaa.

XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR wuxuu si adag u cambaaraynayaa heshiiskaan oo ah mid qaldan kana fog nidaamkii dowliga ahaa ee lagu heshiiyay Dastuurkana ku qoran ee Madaxtooyada si sharci darro ah u maroogsatay iyadoona xaq u lehayn.

Madaxwaynaha Hasan Sheekh wuxuu isticmaalay awood uusan xaq u lahayn wuxuuna ku xad gudbay Dastuurka iyo sharciyada u degsan Qaranka Soomaaliyeed taasina maaha mid la ogolaan karo.

Madaxwaynaha wuxuu ku xadgudbay mas’uuliyadda iyo howlaha Guddiga fulinta ee Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya laga sugaayay isla markaana uu ku tuntay sharuucda waddanka u degsan mana aha markii ugu horaysay.

XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR wuxuu si walaaltinimo iyo soomaalinimo u garab taagan yahay shacabka soomaaliyeed ee Jubooyinka degan oo laga hiiliyay islamarkaana wuxuu Xisbigu ku dhiiri gelinayaa soomaalida Jubooyinka iyo dhamaan Soomaalida u aragto xadgudubkaani foosha xun in aysan ogolaanin, heshiiska ADDIS ABABA waa mid sharci darro ka mas’uul noqon karo fowdo iyo qalaas iyo isku dhac hor leh ka dhaca Jubooyinka islamarkaana ku fafaa waddanka.

BAAQ :

Waxaan baaq u soo jeedinaynaa Golaha Shacabka (Baarlabaanka Federlka) oo ah Golaha sharci dejinta isla markaana mas’uul ka ah shacabka soomaaliyeed in heshiiska ADDIS ABABA la hor keeno Baarlabaanka si looga dooda sharci ahaan hadii uu heshiiska u qabsoomay sida sharciga waafaqsan yahay iyo hadii kale.

Waxaan ugu baaqayna xildhibaanada gobolada  Jubada Dhexe, Gedo, Bay, Bakool, Shabeelada Dhexe, Banaadir, Shabelada Hoose, Hiiraan iyo Galgaduud iyo dhamaan aqoonyahanada ka soo jeeda goboladaasi in ay qaadaan tilaaba ugu horaysa in baarlabaanka la hor geeya Heshiiska ADDIS ABABA.

Isla markaana Xisbiga Dimoqratiga Banadir wuxuu tala ahaan u soo jeedinayaa xildhibaanada sharafta leh in laga dooda xad gudubka uu Madaxwaynha kula kacaya Guddiga Fulinta, Rai’iisul wasaarah Dowladda Federlka Soomaaliya iyo awooda Maxkamada.

Waa bilaahi towfiiq

Dr. Abuukar Nuur Xuseyn.

Gudoomiyaha

XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR

[email protected]

Daawo Video: Bilicda iyo horumarka magaalada xarunta u ah Puntland

Caasimada Online: Magaalada xarunta u ah Maamul Goboleedka puntland ee Garoowe waxaa ka soconayo horumar dhanka Bilicda iyo Ganacsiga waxaana ku soo badanaya dhismooyinka Cajiibka ah.

Magaalo ahaa Muuqaalkeeda waxaa ka dareemi kartaa dhismooyinka ilqabadka leh ee magaalada ka hir gelinayaan Qurba Joogta Soomaalida ee reer Puntland ee ku noqonaya Wadanka.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Fallanqeyn: Hadii Bisaddu iska tagto, Jiirku wuu cayaaraa.!!!!

Hadii dibiga beer qoday,ubaxeeda daawado,ileyn kama ay daasheen, tuurtiisu dowliga,birta dabada ugu xiran,!!! Waa murti uu Soomaalida u qotomiyay Alaha ka saamaxo danbigiisee Abwaan C/qaadir Xirsi YamYam,si ay dhaxal ugu noqoto, isagoo ka eegay halka ay ku arooreyso oo ah.hadii howl kasta oo la qabanayo aaney jirin natiija wanaagsan oo ka dhalata,isla markaana ay kaga qancaan dadkii howshaas daalka iyo dayaca ka soo maray,xaalku waa weel dabada ka duleela oo biyo lagu shubayo,balse hadeey arkaan bulshadoodii oo guranaya mirihii ka dhashay howshiihagar la’aaneed  ee ay soo qabteen,waa hubanti in ay iloobayaan wixii habaas iyo haraad ay ka soo muteen hirgalinta howshooda,

Hada Soomaaliya marka aad eegto dadaalada ka soconaya,waa howlo ad-adag oo loo hurayo naf,maal iyo waqtiba,hadana waa ay yar yihiin natiijoojinka qurxoon ee ka dhasha,marka laga reebo kuwa si  dhaanta sidii hore u socda oo aan xiriir la laheynarima kale oo la doonayay in ay isku xiriir sanaadaan si loo higsado howlo wada qurxoon oo dadka qabtay  looga mahadceliyo,marka la daawadana lagu wada qanci karo,hadiise maalin kasta howl la qabto lagana tago iyadoo aan la dhameystirin ama aan laheyn qurux la daawado,macnaheedu waxa ay tahay dibigii beerta qoday ee hadana ka  sii durduriyay isaga oo aan daawan quruxda uu u diyaariyay howshii uu qabtay,

Hade weli ararta aan dumay,dulucdeedi maangalin,waana faallo daba dheer,aanse ka eego doc kale,oo mudooyinkaan danbe la oran karosafka hore ayey kaga jirtaa  hadal heynta iinta dowladu leedahay maadaama ay sanad jirsatay,lagana yaabo in dad badani wax iska weydiinayaan waxa ka hirgalay qodobadii madaxda dowladeenu bilowgii horeba la soo gole joogsadeen in ay fulin doonaan mudada ay u qidmeynayaan shacabkooda,

Waan hubaa in guri kasta,geed kasta.iyo gole kasta oo tiro soomaaliyeed oo qaan gaar ahi isugu timaado lagu xanto ama looga tooqo hadba dhaliishaka muuqata dowlad  kasta oo soomaaliya yeelato,iyadoo ay yar yihiin inta xigsata dhanka wanaaga iskuna xilqaama in ay dowladnimada ku darsadaan talooyin iyo fikrado laga yaabo in ay wax ka tari lahaayeen arimaha iminka cakiran ee la dhaqaajin la’yahay,iyagoo ku gororinaya maskaxdooda in dowladnimadu ay tahay wax la wada leeyahay oo aaneey gaar u laheyn inta markaa shukaanta u heysa,

Bal aan idiin dulgeeyo halka aan u dan leeyahay, oo ah mid ka mid ah caqabadaha ku hor gudban in soomaaliya yeelato dowlad awood leh,taasoo laga yaabo in ay dad badani ila dareemayaan, waayoo,maanta soomaaliya uma baahna,in loo dhiso dhismayaal waaweyn hadana lagu wareejiyo dhagxaan amnigooda ilaaliya,uma baahna in warshado aan sii jiri doonin laga hirgaliyo,in ganacsi balaaran oo shaqsiyaad ku  taajiraan loo abuuro, in jaakado,garfaatiyo iyo mobialo tira badan loo soo qaato,in xeebaha Liido iyo Jaziira maalinba kooxi isku sawirto,in gaadiidka aan xabaduhu Karin  loo soo daabulo,in aanan isku madadaalino xaflado iyo shirar aan mira dhal laheyn,anagoo awoodna in aan qabano howl muuqata oo mustaqbalka jiri karta,in qurba joogtu u soo aado indha indheyn iyo xaqiiqo raadin, hadana uu qof kasta naftiisa ku aamino hotel ama xaafad gaara,in idaacado ajnabiya iyo kuwa soomaaliyeedba la iska soo xanto,in halkii laga shaqeyn lahaa dowladnimada loo soo shaqo tago,in dal iyo dibadba aan isku sheegno dhalanteed isla markaana aan daawano  riwaayad ayhal abuureen abwaano ajaanib ah oo ma dhamaato ah,

Balse taa badalkeeda Soomaaliya,waxa ay u baahan tahay in la isku tanasulo oo la is cafiyo,in runta iyo dhagaha la isku furo,in si soomaalinimo  ah oo ficil ah meel la isugu geeyo maal,muruq iyo maskax sidii mar qura looga gudbi lahaa mushkiladaha na heysta,in la fahmo in laga wanaagsan yahay iyadoo aan la isku gudbi Karin, in dhulka koox koox loo sheegtolooguna kala noolaado caro madoow,caro gaduud iyo caro maanyo,,in qof kasta fahmo in aaneey wanaagsaneyn howl uusan isaguba maalintiisa qaban Karin in uu maalin walba ku dhaliilo qof kale oo maanta masuuliyad haya, in aaneey  ilbaxnimo aheyn in nidaam kasta la dumiyo iyadoo aan dalka loo heyn wax kale oo dhaama,in la iska daayo mashxaradaha beenta ah ee baroortu ka danbeyso,in la is aamino farahana laga qaado,fuulista faraska Federaalka ee aynaan maanta fahmsaneyn inta aan faraha looga guban, in taariikhdii la soo maray dib loo eego waxna laga barto,in si dhab ah loo wajaho furaha mushkiladda soomaaliya sida loo xalin karo,iyo sida ay u kala horeeyaan caqabaduhu,taasoo ah in marka hore howsha laga bilaabo  dhismaha ciidamada iyo sugida Aminiga, oo runtii hada aad moodo in si kala daadsanaani ka muuqto loogu daalayo wax ka qabashadeeda,marka Nabadgalyada la hantana loo gudbo qodobada kale ee na horyaala,sida hagaajinta sharciyada,Cadaalada iyo garsoorka,dib u dhiska dalka iyo  maamul wanaaga iyo horumarka kale ee dalku u baahan yahay.

Mar hadiise, la wada qirayo waxa koowaad ee maanta qof kasta oo soomaaliya uu u baahanahay in ay tahay Amni iyo xasilooni welina, laguna guuleysan la,yahay  sanado badan oo dowlado KMG ahi shaqeynayeen ka dib haba tabar yaraadaane,xataa in la hanto amaanka caasimada oo qura, iyadoo aan ognahay in ciidankeenu waajibaadkiisa u guto hadba sida loo howl galiyo oo aaneey qaladaadkan iyagu wax ku laheyn,maadaama aywaqti hore mar noqdeen ciidanka 2-aad ee Africa ay ku faanto,looguna magac daray {LIBAAXYADA AFRICA} uguna awoowda badanaa,hadana la heli karo kuwa higsada kuwii hore,balse su’aalaha mudan in la is weydiiyo ayaa waxey tahay,  maxaa hor taagan iminka in si dhab la dhiso ciidamo Qaran oo tayo iyo tiro leh, oo ka mira dhalin kara howsha loo igmado? Xageese aadeen ciidamadii 10-kii sano ee la soo dhaafay Dowladihii KMG ka ahaa loogu soo tababarayay, dalalka Jabuuti, Ugaandha, Kenya, Ithobiya, iyo xeryaha ku yaala gudaha dalkeena?  xagee la aadeen hubkii loo qeybiyay? Maxaa cadeyma ah oo loo hayaa qof kasta oo ka mid ahaa ciidamadaa iyo hubkii la siiyay si loola xisaabtamo? Aaway  kumanaankii  sarkaal ee sida xisaab la’aanta ah loo siiyay darajooyinkii  Qaranka,? xagee mareen saraakiishii maamuleysay ciidamadaa ama soo xulay markii horeba? Hadii la badaleyse ma jiraan dukumiinti tix raac leh oo xil wareejintoodala socday si loo daba galo hubkii iyo ciidamadii soomaaliya loo soo tababaray halka ay ku danbeeyeen? Yaa iska leh masuuliyadaas oo mudan in lagula xisaabtamo,?Maxaase dalkaan u diiday in mas’uul kasta iyo shaqadiisa lagula xisaabtamo, si loo kala xishoodo?Maxaa loo wada daawanayaa qaladaadka joogtadaa ee dhacaya,?Maxey tahay sababta qorshe la’aan weli kuwa kale loo sii tababarayo? Maxaa talada ciidamada loola wadaagi la’yahay saraakiishii iyo ciidamadii hore ee waaya araga ah,meel kasta ha joogaane,?maxaase laga bartay oo waaya aragnimo ah qaladaadkii ka soo baxay dib u dhiska ciidamada dalka,? shacabka mudo intee le’eg baa lagu sii qancin karaa iyadoo aan wax qabad muuqan in mar walba madaxda dalku ka hadlaan oo kaliya Amniga,saxaafaddase war ma u tahay in ay maalin kasta noo sheegaan waqtina ku lumiyaan kulan looga hadlayay Amniga oo muqdisho lagu qabtay,? intaa iyo in kaloo  ka  badan waa su’aalaha laga yaabo hadii la is weydiiyo,in ay wax ka tari  karaan Aminiga dalka, adiguna xaq baad u leedahay in aad qudhaadu is weydiiso hadii aad tahay ruux u damqanaya mustaqbalka dalkiisa,waayoo wax macnaa ma sameyneyso in waqtigeenu ku lumo dowlado aan noo qaban shaqo muuqata oo wax tar leh.

Yaananse ku sii fogaanin hadalkaa, waayoo waxaa suurtagal ah in aad aniga ila yaaban tihiin,ama aad jeclaan laheydeyn inaan ka aamuso arimahan,maxaa yeelay waxaan ka hadlayaa wax la wada og yahay oo lagu balamay in aan waxba laga qaban, balse jawaabta ugu macquulsan ee aad I siin kartaa waxa ay tahay,!! Ciidamadii waa iska kala tageen markeey  daryeel iyo mushaarba waayeen,ama ey arkeen iyaguba in aaneey madaxdoodu diyaar u aheyn in ay ka faa’ideystaan xoogooda,ana waxaan intaa ku sii darayaa,in ay  suurta gal tahay in ciidamadii u kala shaqo tageen, Ganacsatada, Maamul goboleedyada, Madaxdooda xilalka ka haya dowlada,Hoteelada, Safaaradaha, kuwa si gaar ah hey’ado u maamulaan iyo shirkado previte ah oo Un-ka iyo dowladuba ruqsad u siiyeen sugida amnigooda cid kasta oo ay dhaqaale kula hishiiyaan,iyagoo ka madax banaan ciidamada dowlada kana hub iyo nolol fiican, inta soo hartayna waa inta yaree maanta ka dhaqdhaqaaqeysa ciidamada dowlada kuna mintidaya howshooda iyaga oo laga yaabo ineey saluugsan yihiin sida ay wax u socdaan,

Mar hadii xaalku sidaa yahay,ciidamadiina cududoodii lakala qob qobay,amnigiina hadal mooyee si kale loo maareyn la’yahay,maxaa diidaya in cid kasta oo diidan dowladnimada ay dalka ka geysato falal amaan dara ah,  weliba lagu cayaaro quruxdii nolosha,dhismayaasha,gaadiidka iyo baalayaashii wadooyinka lagu xardhay,ileyn waa tii la yiri :-HADII BISADDU ISKA TAGTO, JIIRKU WUU CAYAARAAYE. !!!

WQ:- C/qaadir M.Faarax { Dulyar}

[email protected]

Muqdisho/Soomaaliya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

 

Dhageyso: DF oo ku baaqday ka qeyb galka Shir Bari Muqdisho Ka furmaya

Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta Barito ah uu ka furmayo magaalada Muqdisho Shir looga hadlayo arimaha siyaasadda dalka , iyo sida isbadal nabadeed lagu heli karo , kaas oo ay ka qeyb galayaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Cabdi kariin Xuseen Guuleed , Wasriirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta wuxuu warbaahinta u sheegay inay Muhiim tahay ka qeyb qaadashada bulshada Soomaaliyeed ee  Shirka bari ka furmaya Muqdisho.

Waxyaabaha kulankaasi looga hadlayo ayuu shaaca ka qaaday inay ka mid yihiim arimaha Dastuurka, Nidaamka Federaalka, Arimaha Dib u heshiisiinta iyo waliba qorshayaasha dowlada Soomaaliya ee seddeda sano.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa ku xigi doona shir kale oo loo qabanayo Culimada Soomaaliyeed kaas oo ujeedkiisu uu yahay sidii bulshada Soomaaliyeed looga wacyi galin lahaa Fikrado qaldan oo sida wasiirka uu sheegay loo adeegsanayo qaab diimeed.

Wuxuu sheegay Guuleed, inay muuqaneyso in qolyo gaar ah ay diinta qaab qaldan u fasireen isla-markaana loo baahan yahay in culimada Soomaaliyeed ay doorkooda qaataan nabadeynta iyo hogaaminta Umadda Soomaaliyeed.

Waxaa jira siyaasiyiin iyo waxgarad dhaliilsanm qaabka dowladu ay wax ku dooneyso , inkastoo qaarna ay soo dhaweynayaan isla-markaana ay kuu sheegayaan inaysan jirin wado kale oo iminka nabada Soomaaliya lagu soo dabaali karo.

Halkaan ka dhageyso Wasiirka arimaha Gudaha iyo amniga qaranka

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Madaxweyne Obama: Waxaan go’aan ku gaaray in aan weeraro Syria

Washington DC (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu go’aansaday in Maraykanku uu weerar ku qaado dalka Syria kadib markii dalkaaasi uu isticmaallay hubka kiimikada.

Mr. Obama oo shacabka Maraykanka kala hadlay aqalka Cad ayaa wuxuu sheegay in weerarkani uusan noqon doonin faragelin aan dhammaad lahayn iyo ciidan ka socda Maraykanka oo gudaha u gala dalka Syria, balse uu noqon doono weerar xaddidan oo muddo kooban soconaya.

Madaxweyne Obama wuxuu sheegay in weerarku uusan bilaaban doonin ilaa ogolaansho uu ka helo aqalka congresska Maraykanka.

Obama wuxuu sheegay in tacadigii dhacay ee hubka kiimikada loo istimcaalay aysan kaliya kaliya ahayn in la baaro, balse ay sidoo kale tahay in laga horgago.

Barack Obama, wuxuu sheegay in Maraykanku uusan iska indho tiri karin wixii ka dhacay magaalada Dimishiq.

Xubnaha aqalka congress-ka Maraykanka ayaa haatan fasax ku maqan, waxaana filayaa inay bilaabi doonaan inay ka doodaan qorshaha madaxweynaha ee ka dhanka ah Syria maalmaha ugu horreeya ee bisha September.

Caasimada Online

Xafiiska Washington DC 

[email protected]

Cali Gaab oo galabta weerar ku qaaday Jidgooyo QM ay dhigatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Taliyaha ciidamada wadooyinka Cali Gaab ayaa galabta wuxuu qaaday  dhagxaan la dhigay waddada u dhexeeya KM4 ilaa iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sida uu saxaafadda u sheegay Cali Gaab, waxaa dhagxaanta dhigay kooxo qandaraas ka soo qaatay Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaas ku daray in dowladda iyo dhammaan hey’addaha iyo ciidamada wadooyinka aan lagu soo wargalin.

“Waxaan rabaa saxaafadda in aan galabta u sheegay waxaa laga billaabo KM4 iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho la dhigay dhagxaan iyo jidgooyin kuwaasoo dhib ku ah dadka iyo gaadidka, tallaabadan dowladda iyo hey’addaha ammaanka lala socodsiin, marka waxaa sameeyay kooxo qandaraas ka soo qaatay QM, iyadoo caasimada ammaan ay tahay in wadooyinka muhiimka la xiro waa dhib kale” ayuu yiri Cali Gaab taliyaha ciidamada Taraafikada.

Si kastaba, gawaarida iyo dadka isticmaala waddada xiriirisaa KM4 iyo ilaa garoonka diyaaradaha ayaa dhib ku qaba dhagxaan la dhigay bartamaha jidka, taasoo aan la oegeyn sababaha ka dambeesa.

Sidoo kale waxa ay dadweynaha iyo baabuurta ay sheegayaan in la xiray waddada KM4 ilaa Tarabuunka, waxaana halkaas deggan Safaarada Turkiga ee Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Sawirro: DF oo arrin ay ugu dambeysay 23 sano maanta u bandhigtay dadka

Waxaa maanta markii ugu horeeysay  Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa muddo 23 sano kadib waxa uu maanta qaadanayaa shaqaale cusub oo ku shaqeyn kara teknoloojiyadda cusub ee ay ku shaqeystaan bankiyada caalamka, iyadoo shaqalaaha cusub ee uu bankiga qaadanayo laga qaadayo imtixaan xagga aqoontooda ku saabsan.

Sarkaal u hadlay maanta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaadista imtixaankani lagu qaadanayo 10 qof oo kamid noqonaya shaqaalaha bangiga dhexe  ee Soomaaliya, ay  ka dambeysay markii shaqaalihii hore ee bankigu lahaan jiray ay ka soo hareen shaqaale tiro yar oo aan wada dabooli karin howlaha baaxada weyn  ee Bankiga laga sugayo mustaqbalka dhaw.

Imtixaanaadka laga qaaday Ardaydaan ayaa waxaa laga sugayaa jawaabo si looga dhex saaro 10 qofood oo ka shaqeyn doono bank Dhexe ee Wadankeena Somalia.

bank1bank2bank3bank4bank5bank6

VIDEO: Ma aamineysaa in Magaalada Muqdisho ay yeelatay Bilicdaan.

Caasimada Online:  Sanadkaan 2013 waxuu noqday sanadkii ugu fiicnaa tan iyo burburkii dowladii dhexe kadib Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka soconayo dhismooyin cusub iyo dadaalo dib loogu soo celinayo Bilicdii Magaalada ee luntay 23 sano ka hor.

Isma dhaheysid Muqdisho ayaa sidaan ah hadii aad booqato Caasimadii Dalka ee aad moogeyd wax ka yar Sanad Sababtuna waa bilicdii magaalda oo mar qura is badashay ee goormee kugu dambeeysay muqdisho oo sidaan ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

DHAGEYSO: QM: Maamulka Puntland waa in uu xushmeeyaa DF Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee kavdhex oogan dowladda Somalia iyo maamul goboleedka Puntland.

Kay, waxa uu sheegay in xiisadahaaasi ay yihiin kuwa laga walaaco oo aan dan ugu jirin Somalia iyo horumakeeda.

Waxa uu ugu baaqay dowladda Somalia inay la shaqeyso maamul goboleedyada, islamarkaana waxa uu Puntland u sheegay in looga baahan yahay inay xushmeyso dowladda federaalka.

Halkan ka dhageyso

Warsaxaafadeed

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Dhageyso: Ciidamo ka socda AMISOM oo la geynayo Galgaduud, Sabab?

Dhuusomareeb (Caasimada Online) Cabdi Cali Fiidow, Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna  ayaa sheegay in ciidamo ka socda AMISOM ay soo gaarayaan deegaanada Galgaduud, si ay tababaro u siiyaan ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka.

Wuxuu sheegay inuu dhankiisa  soo dhoweynayo in dowladda Soomaaliya la ay wareegto Maamulka Galgaduud,  isagoo sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka shaqeeyey in Maamul dowladeed uu soo gaaro gobolka Sida uu sheegay.

Arintan waxay ka dambeysay Ka gadaal markii Dowlada Soomaaliya ay shalay si rasmi ah ula wareegtay ciidamada Maamulka ururka ahlu sunna ee gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya , kuwaas oo si rasmi ah uga mid noqday ciidamada dowlada Soomaaliya.

Ciidamada ka tirsan AMISOM ee la geynayo gobolka Galgaduud ayaa ah sida la sheegay Saraakiil macalimiin ah kuiwaas oo tababaro siin doona ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolkaas , si tayada ciidamada sare loogu qaado.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamada dowlada Soomaaliya la dajin doono Xeradii qeybta 21aad ee degmada Dhuusa Mareeb, halkaasoo saldhig u noqon doona ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolada Dhexe.

Dhanka kale wafdi uu hogaaminayo guddomiyaha cusub ee gobolka Galagaduud, Xuseen Cali wehliye Cirfo, iyo xubno ka socda ahlu sunna waljamaaca ayaa gaaray Degmooyin iyo deegaano ay ka mid yihiin Degmada Caabud waaq iyo sidoo kale degmada Xirale ee gobolkas .

Ahlu Sunna ayaa iminka dhexdooda waxaa ka muuqanya inuu kajiro Khilaaf Xoogan oo u dhexeeya hogaanka Maamulkaas , kaasi oo salka ku hayan maamulka cusub ee dowlada ay u soo magacaawday gobolka Galgaduud.

Halkaan ka dhageyso Sheekh Cabdi Cli Fiidoow

Caasimada online

Xafiiska dhuusomareeb

[email protected]