Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Odayaal ka soo jeeda Beelaha dega Jubbooyinka ay isaga baxeen hoolka shirka uu ka socdo.
Suldaan Cabdi oo kamid ah Salaadiinta Gobolka Jubbooyinka oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in shirka ay ka baxeen isla maalinimadii shalay.
Suldaan Cabdi waxa uu sheegay in shirka uu yahay mid ku kooban Maamulka KMG Jubba, dadka lagu marti galiyayna ay ahaayen kuwa la cadaadinaayo.
‘’ Shirka wajigiisa labaad waa mid ka duwan kii hore, kan waa mid u gaar ah Madaxda Maamulka KMG Jubba, dadka loo yeeray waa boos buuxis. Waa nasiib daro in DF oo goob jog ka ah shirka ay dadka ku fiirsato dhibaateynta iyo baalmarka heshiiska shirka loo yagleelay’’
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ‘’dhowr beel ayaa ka baxay shirka waxaa kamid ah raga ka baxay gudoomiyihii garbahaarey iyo Odayaal kale’’
Sidoo kale, Suldaan Cabdi ayaa Tilmaamay in waxa meesha ka socda iyo wixii leysugu yeeray ay kala duwan tahay, waxa uuna Carabka ku dhuftay in waxa socda aysan ku qanacsaneyn xiligaani.
Dhanka kale, waxa uu tibaaxay Suldaanka in DF, Maamulka KMG jubba, QM, IGAD ay isla ogyihiin waxa ka socda Kismaayo, taasina ay tahay mid ka turjumeysa wakhti lumis lagu hayo Beelaha Jubba, sida uu hadalka u dhigay
Qoraalka hoose waxaad ka arki karaysaan qodobada ka hadlaya Awooda Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Awooda golaha Wasiirada, Waxaan qodob kasta hoos idinku muujin doonaa firqooyinka ku jira awoodaha masuuliyiinta Dawladda, arintaas oo ah sababta ay mar kasta usoo lab laabato in Madaxweynaha iyo Raisul wasaaruhu is Khilaafaan isaga oo masuul kasta sheeganayo inuu dastuurka ku taagan yahay.
Qodobka 90aad: Xilka iyo Awodaha Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka ee Soomaaliya ee Dastuurka ku qoran waxaa ka mid ah:
(b) Waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida. (Firqada B waxay muujinaysaa in Madaxweynuhu yahay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida taas oo ka dhigaysa sharciyan sida ay u shaqeeyaan caalamku ama uu yahay sharciga Ciidamada ee dastuurkii 1960-kii in Madaxweynuhu awood u leeyahay magacaabida taliyayaasha la shaqeyn kara oo uu ku aamini karayo Taliyayaasha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida)
(c) Wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu,. (Firqada c waxay muujinaysaa in Madaxweynuhu kaliya Magacaabi karo ama xilka ka qaadi karo kaliya Taliyayaasha Ciidamada guud ee heer Federaal marka ay soo jeediyaan Golaha Wasiiradda, Firqadaan ayaa ka hor imaanaysa sharciyan iyo awood ahaan firqada B ee sheegaysa in madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka sida)
(k) Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu. (Firqada K waxay muujinaysaa in Madaxweynuhu kaliya uuba jagooyinka iyo Madaxda Hayadaha Dawladda Federaalka magacaabi karo kaliya marka uu soo jeediyo golaha wasiiradda)
(l) Wuxuu magacaabaya jagooyinka danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud, markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo. (Firqada I waxay muujinaysaa in Madaxweynuhu kaliya uuba magacaabi karo Safiir iyo Qunsilayadaha guud kadib marka uu soo jeediyo golaha wasiiradda)
Qodobka 99aad: Xilalka Golaha Wasiirrada ee Dastuurka ku qoran.
(a) Dejinta siyaasadda guud ee Xukuumadda iyo dhaqangelinteeda ( Firqada A ee awooda Golaha wasiiradda waxay sheegaysaa in siyaasadda guud ee xukuumadda iyo dhaqangelinteedaba inay leeyihiin Golaha Wasiirada)
(g) Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda; (Firqada G waxay muujinaysaa in Magacaabida iyo Xil ka qaadista Saraakiisha sare ee Dawladda dhamaan inay leeyihiin golaha wasiiradda)
Fiqradaha kore oo ku qoran Dastuurka Federaalka oo siinaya Madaxweynaha inuu yahay “Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka” sida iyo firqadaha ku jira awoodaha Golaha Wasiiraddaba taasoo ah “Magacaabida iyo xil ka qaadista Saraakiisha sare ee Dawladda oo ay kamid yihiin taliyayaasha ciidamada” ayaa ah waxyaabaha saldhiga u ah khilaafyada soo noqnoqda ee markasta ka dhex dilaaca Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha Soomaaliya.
Dastuurka Soomaaliya oo diyaarintiisa inta badan lagala tashanayey Saxiixayaashii Road Mab-ka iyo qubaro ay magacaawdeen ayaa ah gebi ahaan mid isku qasan oo u baahan sixitaan badan, dastuurka diyaarintiisa ayaa waxaa galangal fiican ku lahaa siyaasiyiin daneynayey in Madaxweynaha awood yeesho, Siyaasiyiin daneynayay in Golaha wasiiradda oo uu Raisul wasaaruhu shir gudoomiyo ay awoodda dawladda yeeshaan.
Baarlamaanka Soomaaliya ee uu gudoomiyaha u yahay Prof Jawaari ayaan xil iska saarin inay saxaan waxyaabaha inta badan keena khilaafyada inta badan dhex mara Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha Soomaaliya, Khilaafyadaas oo ah kuwo sumcad xumo u keena dawladnimada Soomaaliya.
Isku soo duube khilaafka Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha ayaa la sheegayaa inuu gaaray heer uu dhamaaday is aaminkii ka dhaxeeyay labada masuul kadib markii madaxweynuhu u arkay in RW Abdiweli uu doonayo inuu baalasha ka rifo madaxweynaha, Saraakiisha iyo Wasiiradda ku xiran madaxweynahana uu dhamaan xilalka ka qaado, sidoo kalana Raisul Wasaare Abdiweli oo qibrad ka qaatay wixii ku dhacay Raisul wasaarihii ka horeeyay Dr Saacid ayaa iska ilaalinaya in Golaha wasiiradda iyo Saraakiisha sare ee dawladda kamid noqdaan Masuuliyiin ku xiran Madaxweynaha, masuuliyiintaas oo aan la shaqeynin xukuumadda markii uu doono Madaxweynuhu inuu bedelo Raisul Wasaaraha-na ay ka hor yimaadaan xubnaha golahiisa wasiiradda sidoo kalana loo isticmaalo Raisul wasaaraha Taliyayaasha ciidamada qalabka sida eek ala duwan.
Khilaafka Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha ayaa maraya heer aysan dib u wada shaqeyn karin labada masuul, taas oo qasbaysa in midkood meesha ka baxo si sharci ah ama labada masuul midkood go’aansado inuu is casilo si uu u badbaadiyo qaranimada Soomaaliya. Arintaan ah in midkood labada masuul meesha ka baxo ayaan xalin doonin khilaafyada joogtada noqday oo markasta ka dhex dilaaca Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raisul wasaaraha hadii aan si dhab ah loo sixin dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Siyaasiyiin ka ag dhow Prof. Mohamed Abdi Xaji Mohamed (Prof. Gaandi) ayaa inoo xaqiijiyay in Gaandi uu Xiligaani gacanta kula jiro Siyaasado kasoo horjeeda Dowlada Federaalka Somalia oo loogu hiilinaayo Dowlada Ethiopia.
Sida aan xogtu ku heleyno Gaandi ayaa wada Qorsho Deegaanada Jubba looga hirgalin lahaa Maamul Siyaasad iyo Militeri ahaanba hoostaga Dowlada Dalka Ethiopia, waxaana la Tilmaamayaa in arrintaasi ay kala shaqeynayaan Ambasador Afey, Axmed Madoobe iyo Xubno uu kamid yahay Gen Gebra oo ku sugan Magaalada Kismaayo.
Gen Gebra iyo Saraakiil ku xeel-dheer Istiraatiijiyada, ayaa iyana wada Qorsho lagu qiimeynaayo Arrimaha uu ku howlan yahay Gaandi oo ka socda Kismaayo.
Prof Gaandi oo isagu xiriir dhow la leh Dowlada Ethiopia, ayaa waxaa la sheegayaa in Arrintaani uu isaga Mas’uul ka yahay islamarkaana loo xil saaray xalinteeda, halka Mas’uuliyiin kale oo caawisa la hoos geeyay.
Xiriirka Gaandi iyo Ethiopia, ayaa bilowday xiligii uu ahaa Wasiirka Difaaca ee DFMG, waxaana la rumeysan yahay in arrintaani ay la socdaan shaqsiyaad ay kamid yihiin Yuusuf Garaad oo Asxaab dhow la ah Gaandi, islamarkaana ay in badan isla jabhadeeyen.
Lama Oga Siyaasadaha lidka ku ah Dowlada Federaalka ee uu la daal-dhacaayo Prof Gaandi, halka uu noqon doono biyo dhiciisa, inkastoo Dowlada Xassan iyaba lagu xanto in xiligaani ay la jaan-qaado Dowlada Ethiopia.
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa mudooyinkaani soo kordhaaya Wasiirada aan sida saxda ah ugu shaqeyn Wasaaradaha loo magacaabay, kadib markii ay faraha kasii baxday Faragalinta ay Mudanayaasha Mab’da ahaan aaminsan Dam-Jadiid ku sameynayaan Xafiisyada aan iyaga Khuseen.
Wasiirada qaar ayaa ka cabanaaya Faragalin adag oo lagu haayo, taasi oo xiliyada qaar sababta inaysan ka hadli Karin.
Wasiirada ka cabanaaya Faragalinta ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llahi Goodax Barre oo dhowr jeer Warbaahinta maxaliga ka sheegay in Xafiiskiisa uusan u madax banaaneyn, islamarkaana uusan si rasmi ah ula socon qaabka loo magacaabay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii lagu cadaadiyay inuu fududeeyo wax waliba oo sahli kara Arimaha Ururka.
Goodax ayaa dharaar Cad warbaahinta ka sheegay in Xafiiskiisa uusan la socon qaabka uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u dhisay Maamulada Degmooyinka, waxa uuna Tilmaamay in lala baal-maray sharciga.
Haddaba sidoo kale, waxaa jira Wasiiro badan oo ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo aan laheyn Xafiisyo ay ku qabtan Howlaha Wasaarada loogu tallo galay, halka qaarna aysanba ka warheyn halka ay Howshu mareyso, kadib markii ay ka awood badatay Siyaasadaha Xarakooyinka ku saleysan waxaana Wasiirada Magac u yaalka kamid ah:-
Wasiiradaani ayaa badi la socon dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed iyo halka ay DF howlaha marsiineyso waxaana xusid mudan in Wasaaradaha ay maamulanayaan Dam-Jadiid ay u badan yihiin kuwa Kheyraadka iyo Ammaanka ku howlan.
Dhanka kale, waxaa sidoo kale, Cabanaaya Aggaasimayaasha Wasaaradaha iyo Shaqaalaha hoose oo aan iyaguna dhag jalaq loo siin, iyadoona ay xiliyada qaar qalqiil la galsho Mushaarkooda.
Kismaayo (Caasimada Online) – Hilowle Aadan oo ka mid ahaa dadkii aas-aasay maamulka kumeel gaarka ee Jubba, ayaa ugu baaqay Barre Aadan Shire in uu ka qeybgalo shirka maalintii labaad ka socda Kismaayo.
Isagoo ku sugan Kismaayo ayuu sheegay Barre Hiiraale in looga baahan yahay in uu ka qeybgalo shirka si loo gaaro nabad iyo xasilloni ka islaaxda Jubbooyinka.
Mar uu ka hadlaayay maamulka kumeel gaarka ee Jubba iyo sida loo qeybsaday, wuxuu tilmamaay in 185 xubnood laga soo xulay Jubbada Hoose, halka 145 laga soo xulay Jubbada Dhexe iyo Gedo oo laga keenay 165.
Marka sidaas ayaa loo qeybsaday ayuu yiri maamulka Jubba.
“Anniga tan iyo markii aan dhashtay waxaan maqlaayay Barre Hiiraale ayaa wax diidan marka arrintaas looma baahno ee waa in uu ku biiraa shirka” ayuu yiri Hilowle Aadan.
Siyaasigan ayuu sheegay in xilliga uusan wax xil ah ka heynin balse uu aad u jecel yahay maamul loo dhan yahay oo loo dhiso dadka deggan Jubbooyinka.
Ugu dambeen waxa uu tilmaamay in Barre Hiiraale haddii uu diido ka qeybgalka shirka in uusan u hakan doonin oo horrey loo sii socon doono.
Hadalka Hilowle Aadan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalintii labaad Kismaayo uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga ammaanka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sharci darro ku tilmaamay shirka shalay ka furmaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada.
Guddoomiye ku-xigeenka guddigaas, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in dhammaan maamulada hadda laga dhisaayo dalka ay yihiin kuwa sharci darro ah oo aan waa faqsaneen sharciga dalka sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay haddii la dhisaayo maamul gobaleed in loo baahan yahay in gobal kasta uu isaga ergo u dirsado gobalka oo la midoobayo si uu maamul gobaleed u sameesto.
Wuxuu sheegay oo kale in maamulada la dhisaayo ay u egyihiin kuwa dano gaar ah laga lee yahay in kastoo uusan faah-faahin dannaha laga lee yahay.
Ugu dambeen guddoomiye ku xigeenka guddiga ammaanka baarlamaanka ayaa ku taliyay haddii la rabo in la sameeyo maamul gobaleed in loo madax baneeyo dadka deggan goballada maamulka loo yagleelayo.
Hadalka xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulka kumeel gaarka ee Jubba uu ku dhawaaqay in magaalada Kismaayo uu ka furmaay wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka iyo Gedo.
Shirkaas waxaa kaloo qaadacay Barre Hiiraale oo dhawaan qaatay in uu la heshiiyo Axmed iyo xildhibanno ka soo jeeda gobalka Gedo oo shaley shir ku yeeshay Muqdisho.
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoys Maraykan ah oo safar ku joogay dalka Kenya ayaa waxaa safarkooda ka kharibay Askari ka tirsan Boliska Kenya, kaasi oo Reerka kula dhaqmay arrin kedis iyo mucjiso ku noqotay.
Askariga waxa uu si qaldan u qabtay gabar 15-jir oo la socotay waalidkeda, isagoo u qaatay inay tahay gabadha lagu magacaabo Samantha Lewthwaite ee u dhalatay dalka Britain, taasi oo lala xiriirinayo Kooxaha Argagixisadda.
Hadal ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in fasixii gabadha yar uu ka kharibay Askari ku sugan deegaanka Mlolongo ee duleedka magaalladda Nairobi, isagoo ku eedeeyey inay u muuqaal eg tahay Haweeneyda Britishka ee Samantha Lewthwaite ee loo baadi-goobayey falal argagixiso oo ka dhacay gudaha dalka Kenya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa lagu sheegay inay Dowladda Kenya bixin doonto Kharajka guud ee dalxiiska qoyska u dhashay Maraykanka, isla markaana ay Boliska baari doonaan dhacdada xadgudubka ee lagu sameeyey.
Samantha Lewthwaite, oo 30-jir waxay oori u ahayd Nin la oran jirey Germaine Lidsay, kaasi oo ka mid ahaa afar nin oo isku qarxiyey magaalladda London bishii July 7-dii ee sannadkii 2005-tii.
Waxaana qaraxaasi lagu dilay 52-qof.
Haweeneyda Britishka ee lagu naanayso Carmalladda Cad, waxay iyadoo yar ku soo biirtay Diinta Islaamka, waxaa lagu eedeeyaa inay ku lug lahayd weerarkii sannadkii hore lagu qaaday Xarumaha Ganacsiga ee Westgate ee magaalladda Nairobi, laguna dilay ugu yaraan 67-qof.
Boliska Kenya weli ma xaqiijin halka ay ku dambaysat tan iyo sannadkii 2011-kii oo la sheegay inay booqasho ku timid magaalladda Mombasa, iyadoo adeegsanayso Baasaboor South African oo la been abuuray.
Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu Magaalada Muqdisho uga tagay xubno DF muhiim u ahaa inay ka qeybgalaan shirka ka furmay Kismaayo, isagoona Kismaayo u ka xeystay Xubno aan xiligaani Dowlada u heyn wax xil ah, halka qaarna ay goor dhow waayen xilkooda.
Xassan Yusuf oo kamid ah Odayaasha Kismaayo, ayaa sheegay in Xassan sheikh uu Kismaayo la imaaday dhalinyaro aan ka tirsaneyn DF, halkii ay ka sugayeen inuu Kismaayo la imaado Wasiirada iyo Shaqaalaha Dowlada oo ay Khuseyso arrimaha shirka Kismaayo.
‘’Xassan sheikh waxa uu kasoo tagay Mas’uuliyiintii la soctay halka uu maraayay shirka iyo kuwii ka shaqeynaayay isku soo dhawaanshaha Axmed Madoobe iyo Barre, waxa uu horay noogu keenay dhalinyaro iyaguba xajisan waayay xilkii loo magacaabay waxaana kamid ahaa Aggaasimaha Nabadsugida, sidaa darted waxan ka codsaneynaa in goorta la xiraayo shirka uu noo soo diro wafdi aan wax ka faa’iideysan karno’’
C/llahi Sanbaloolshe oo abti u ah Madaxweyne Xassan Sheekh oo xilka laga qaaday, ayaa waxa uu weli u muuqanayaa mid ka dabqaadanaayo Madaxweynaha islamarkaana aan dhag jalaq usiin xil ka qaadista.
Dhanka kale taliyihii hore ee Hay’ada sirdoonka qaranka Cabdulaahi sambaloolshe oo kamid ahaa wafdiga madaxweynaha ayaa umuuqda nin shaqadiisi wali sii wata oo aysan saameynin xil ka qaadistii.
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ee Jubbooyinka ka soo jeeda ayaa sheegay in Barre Hiiraale uusan u hakan doonin shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee Kismaayo maanta ka furmay.
Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi Xerrow oo la hadlay Idaacad maxalli ah oo Muqdisho ku taalla ayaa sheegay in Barre Hiiraale uu shaqsi yahay isla markaana beesha uu ka soo jeedo ay diyaar u tahay in ay ka qeybgasho shirka.
Xildhibaanka oo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in shirkan uu ahaa mid horrey loogu heshiiyay magaalada Addis Ababa sannadkii hore.
Mar la weydiiyay in garab ka mid ah oo uu hoggaaminaayo Barre Hiiraale ay qaadaceen shirka, wuxuu sheegay in shirka lagu ballamay in maanta uu dhaco isla markaana beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya ay isku raaceen “ Marka hadalka Barre ma ahan mid la qaateen ah” ayuu yiri.
Xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyay in shirka Kismaayo ay ka qeybgalayaan ilaa 700 oo ergo kuwaasoo ka socda gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.
Hadalka xildhibaanka Maxamed Iidle Geedi Xerow ayaa ku soo aadaya iyadoo ay soo baxayaan dhaliilo loo jeedinaayo shirka dib u heshiisiinta ee ka furmay maanta Kismaayo.
Waxaa ugu dambeeyay oo shirka qaadacay siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda Jubbooyinka kuwaasoo taageersanaa Barre Hiiraale.
Barre Hiiraale ayaa sheegay IGAD iyo maamulka Axmed Madoobe in ay wadaan qorshe ay ku marin habaabinayaan shirka oo lagu ballansanaa in la qabto 1-da bisha October.
Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo uu maanta Magaalada Kismaayo ka furmay shirka dib u heshiisiinta Beelaha Dega Jubbooyinka wajigiisa labaad, ayaa waxaa halkaasi Khudbad si dadban kaga careysiisay Axmed Madoobe ka jeediyay Madxaweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Inta uu Madaxweynuhu Jeedinaayay Khudbadiisa ayaa waxa uu si dadban u muujiyay in shirka uu ka muuqdo qabyo, kadib markii uu afka ku dhuftay in Ergooyinka kasoo qeybgalay ay aad u yaryihiin, taasi oo ka turjumeysa in beelo farabadan aysan xaadirin, islamarkaana uu shirka ahaa mid aan ka dhameystirneyn dhanka Beelaha Dega Jubbooyinka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa Tilmaamay in Beelaha Degan Jubbooyinka ee ka maqan shirka looga baahan yahay inay muujiyaan dhabar adeeg islamarkaana isku dayaan inay soo camiraan Hoolka maalmaha uu gabogabadu yahay.
Inta ay soctay Khudbada Xassan Sheekh, waxaa durbadii wajiga Axmed Madoobe laga dheehan karay isbedel, waxa uuna si niyad dhis ah u ruxaayay Madaxa, iyadoona ay ka muuqaneysay inuu dhibsanaayay Erayada qaar oo uu ka shanqarinaayay Madaxweyne Xassan.
Dhanka kale, Madasha shirka ayaa waxaa maanta ka maqnaa Beelo qaar, kuwaasi oo ku andacoonaya inaan la qiimeyn, islamarkaana aan loo sheegin shirka, iyadoona ay xusid mudan tahay in shirka ay ka maqnaayeen Garabka Col. Barre Hiiraale.
Kismaayo (Caasimada Online)-Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah uga furmay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.
Ugu horeen waxaa hadalka qaatay wasiirka arrimaha gudaha, wuxuuna sheegay in maanta ay tahay maalin weyn maadama shirkii muddada dheer la sugaayay uu furmay.
Wasiirka wuxuu kaloo madaxweynaha u sheegay in dadka Jubbooyinka ay qaateen nabadda halkii ay dagaallami lahaayeen, wuxuuna intaas ku daray in ay diyaar u yihiin in ay dhageestaan hadalka uu ka dhihi lahaa furitaanka shirka.
Hadalka Ambassador Affeey
Intaas kaddib waxaa isna loo yeeray danjiraha IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Affeey, wuxuuna goobta shirka ka sheegay in IGAD ay aad u soo dhaweeneyso tallaabada ay qaatay dowladda fedaraalka oo ku aadan shirkan loo qabanaayo beelaha deggan seddaxda gobal.
Wuxuu sheegay IGAD in ay markasta ka dambeeso dowladda isla markaan aay taageerayaan wax kasta oo ay qabaneyso sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay oo kale Soomaaliya in ay xubin ka tahay IGAD isla markaana madaxweynaha uu ka mid yahay madaxda IGAD sidaas darteedna ay sharraf u tahay in ay ka soo qeybgalaan shirka ka furmay Kismaayo.
Hadalka Axmed Madoobe
Hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba, Axmed Madoobe ayaa isna hadalka qaatay, wuxuu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin shirka maanta ka furmay Kismaayo, wuxuuna aad u ammaanay madaxda dowladda iyo beesha caalamka oo taageero ku bixiyay qabsoomida shirka.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay haddii khilaafka Jubbooyinka xal laga gaaro in ay la mid noqon doonto Soomaaliya oo xal gaartay.
Axmed Madoobe waxaa kaloo uu sheegay in maamulkiisa uu wadahadal la furay cid kasta oo ka soo horjeesatay isla markaana ay ku guuleysteen arrintaas.
Hadalka Xasan Sheekh
Ugu dambeen waxaa hadalka qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud oo si rasmi ah u iclaamiyay in la furay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka, wuxuuna intaas ku daray in dowladiisa ay aad ugu faraxsan tahay sannad kaddib in ay heshiiyaan dhinacyadii dagaallamay.
Madaxweynaha waxaa kaloo dadka Jubbooyinka u sheegay in ay heestaan fursad ah taageerada dowladda iyo beesha caalamka halaga faa’ideesto ayuu ku yiri.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in ergooyinka shirka uu ku furmay ay yar yihiin balse loo baahan yahay in marka uu soo xirmaayo ay intaas ka bataan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula taliyay maamulka KMG ah ee Jubba in shirka dib u heshiisiinta la ballaariyo, lagana qeyb-galiyo cid kasta oo wax tabanaeysa, si loo helo maamul ay dadku ku qanacsan yihiin oo hanan kara nabadgelyada iyo horumarka deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo.
Madaxweynaha ayaa ballanqaaday inay dowladdiisa taageereyso dadaallada socda ee lagu heshiisiinayo beelaha gobollada Jubbooyinka.
Muqdisho (Caasimada Online)-Col. Barre Hiiraale oo xiligaani ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan shirka ka furmay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose.
Barre waxa uu sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid aan xiligaani u cuntameynin garabkiisa waxa uuna cadeeyay inuusan diyaar u aheyn Siyaasadaha Axmed Madoobe ee marba dhinac u rogmaaya.
‘’Anigo go’aan ayaan leeyahay wan qaatay Codsiga DF ee ah inaan ka qeybgalno shirka Kismaayo, nasiib daro waxaa ballankii xumeeyay garabka Axmed Madoobe, aniguna mas’uuliyad ayaa iga saaran inaan ilaaliyo sharafka iyo kalsoonida inta i taageersan’’ ayuu yiri waxa uuna intaa kusii daray inay qaadan doonaan Codsiyada kaga imaanaya dhanka DF, wallow uusan ku qancin kan Axmed Madoobe.
Waxa uu Tilmaamay in shirka ka furmay Kismaayo uusan waxba dhaamin kuwii horay loogu qabtay isla Kismaayo, wuxuuna carabka ku dhuftay in Mowqifkiisu yahay inuu banaanka ka istaago shirkaasi.
Sidoo kale, Barre Hiiraale ayaa cadeeyay in Siyaasad ahaa uusan fileynin in Axmed Madoobe uu kasoo bixi karo Heshiisyada dhex mara labada garab, sidaa awgeedna ay jiraan dhaliilo gaar ah oo uu u jeedinaayo Garabka Raaskanbooni.
Dhanka kale, Barre Hiiraale waxa uu DF uga digay inay dhinac u badato, wuxuuna ku baaqay inay dhex dhexaad ka noqoto Siyaasada jirta.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furay shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Kismaayo oo maanta ka furmaayay Magaalada Kismaayo.
Goobta shirka ayaa waxaa ku sugnaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Xukuumada Somalia iyo Wufuud kale oo ka soctay Beesha Caalamka iyo Waxgarad ka kala yimid Gobolada Jubbooyinka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la filayaa in uu Khudbad ka jeediyo Shirka Magaalada Kismaayo islamarkaana uu uga hadli dooono Arrimo ay kamid yihiin sidii Dadka Jubbooyinka dega loo heshiisiin lahaa.
Dhanka kale, shirka ayaa waxaa ka maqan Garabka Col. Barre Hiiraale xili ay Dowlada Federaalka Somalia sheegtay in Barre uu ka qeybgali doono shirka.
Dhinacyada soo qaban qaabiyay shirka ayaa waxa ay ahmiyada ugu weyn siinayeen in Barre Hiiraale uu kasoo qeybgalo shirka, hayeeshe isaga iyo xubno garabkiisa ah laguma arag.
Saifiirka Itoobiya ee Soomaaliya iyo wakiilka IGAD ee Somala Affeey
Badi maamulada hadda laga sameenayo dalka Soomaaliya waxaa ku lug leh dowladda Itoobiya oo waxaa la dhihi karaa iyada ay hor boodeysa.
Maamulada Itoobiya ay dhiseeso waxaa ka mid ah, maamulka Jubba, koonfur galbeed Soomaaliya,kan gobalada dhexe iyo kuwa kale oo laga sameenaayo dalka.
Maxay u sameeneysaa Itoobiya maamuladan?
Sida ka muuqda qorshaha maamuladan, waa in ay wakiil uga noqdaan dowladda Itoobiya Soomaaliya isla markaana xiriir sokeeye ay yeeshaan kaasoo lagu curyaaminaayo danaha Soomaaliya.
Itoobiya waxay hadda xiriir dhow la lee dahay maamulada Somaliland iyo Puntland oo marar badan ayey madaxda maamulaadaas ay booqdeen Itoobiya heshiisyo gooni ahna la soo galeen xukuumadda Addis Ababa.
Maxaa dowladda looga baahan yahay?
Dowladda Soomaaliya waxay u muuqataa mid dusha ka daawaneysa qorshaha dowladda Itoobiya, waxaana arrintaas uga muhiimsan arrimaha gudaha iyo boobka ay Kenya ku heyso badda Soomaaliya.
Haddii arrintan ay sii socoto waxaa laga yaabaa in dowladda Soomaaliya ay wajahdo xaalad khatar ah in maamulada la dhisaayo ay noqdaan kuwa u madax banaan sida kuwa hadda dhisan.
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in beelaha Biyo Maal iyo Habar gidir uu dhexmaray heshiis lagu soo afjaraayo dagaallo xooggan oo geestay khasaaro oo ku dhexmaray gobalka Shabeellaha Hoose.
Odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda labadaas beel ayaa gogol nabadeed u dhigay labada dhinac, waxaana halkaas looga dhawaaqay in la dhammeeyay colaadii u dhexeysay labada beel.
Sidoo kale waxaa heshiiska lagu gaaray in labada dhinac ay isku celiyaan wixii hanti ah oo ay kala heestaan kuwaasoo lagu kala qabsaday intii dagaalka uu socday.
Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee shirka ka qeybgalay ayaa warbaahinta u sheegay in la soo afjaray colaaddii Biyo Maal iyo Habar Gidir.
Beelaha Biyo Maal iyo Habar gidir ayaa labadii sanno ee ugu dambeeyay ku dagaallamayay gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana dagaalka uu isku badalay mid ay ku lug yeeshaan dhinacyo kale oo ay ku jiraan xubnaha dowladda oo la kala saftay labada beel.
Wafdiga ayaa markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Jubba oo horkacaayay madaxweyne ku xigeenka, Jeneraal Ismaacil Fartaag.
Wafdigan ayaa la sheegay in ay hordhac u yihiin wafdi kale oo uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo iyana saacadaha soo socda kuwa jahan Kismaayo.
Ma cadda in wafdiga madaxweynaha ay furi doonaan shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka iyo maamulka Axmed Madoobe ay ku qancin doonaan in dib loo dhigo maadama dhaliilo badan ay soo baxeen oo ku aadan shirka maanta.
Faah-faahinta warkan kala soco boggeena Caasimada Online
Britain (Caasimada Online)-Weriye ka shaqeeya Tv-ga WCIA oo lagu magacaabo Dave Benton, ayaa waxa uu daawadayaasha Telefeshinkaasi ku wargaliyay in muddo Lix bil kadib uu yahay shaqsi geeriyoon doono.
Dave Benton, ayaa waxa uu haddalkaasi sheegay warka ka dib waxa uuna sheegay in xiligaani uu la daal dhacaayo xanuunka loo yaqaan Kansarka kaasi oo uu Tilmaamay inuu uga dhacay Maskaxda.
Dave Benton waxa uu daawadayaasha Tv-gaasi u sheegay in Dhakhaatiirta la socta Caafimaadkiisa ku wargeliyeen in Lix bilood ka badan aanu sii noolaan Karin, marka xaaladiisa loo eego.
‘’Haa waxaa lama huraan ah in daawadayaasha aan u sheego inaan geeriyoon doono muddo Lix bil kadib, waana lama huraan in asxaabta iyo daawadayaasha ay si gaar ah isha ugu hayaan xaaladeyda’’
Muqdisho (Caasimada Online)-Eng Feysal Cali Waraabe oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in Maamulka Somaliland ay sameysay Baasabooro uu sheegay in looga maarmaayo kan Dowlada Federaalka Somalia.
Feysal Cali waxa uu Sheegay in Paasboorka Cusub oo dhawaan Maamulka Soomaaliland sameysay uu ka dhaqan galayo qaar kamid ah Wadamada Caalamka laguna aadi karo, waxa uuna Eng Feysal Tilmaamay in kan cusub uu lamid yahay kii hore wadamadii lagu aadi jirayna kan Cusub lagu aadayo.
Waxa uu sheegay in Madaxda Soomaaliland ay Paasaboorka cusub kumarayaan wadamada Caalamka qaarkood isagoo Tilmaamay in Carruurta Madaxda Maamulka ay iyaguna qaadan karaan kan diblumaasiga.
Dhanka kale, Feysal Cali ayaa sheegay in Paasboorka Cusub ee Somaliland uu ka wanaagsan yahay kan Somali-weyn oo soo jireenka ah.
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bannaadir, Mohamud Ahmed Nur ‘’Tarsan’’ oo qoraal kusoo daabacay barta uu baraha Bulshada ku leeyahay ayaa waxa uu ku sheegay inuu aad uga xun yahay dhacdooyinka Dalka Yemen ku heysta Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Tarsan ayaa waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in damiirka Soomaalida uu maraayo halkii ugu danbeysay, kadib markii uu sheegay inuu Tv-ga Al-jazeera ka daawaday nolol xumi heysata Qaxootiga Soomaalida ku nool Magaalada Sanca ee Xarunta Dalka Yemen.
Sidoo kale, Tarsan waxa uu Tilmaamay in badi Soomaalida ay ku dhammaaden badda u dhexeysa Dalalka Somalia iyo Yemen, wuxuuna Dowlada Federaalka Somalia ugu baaqay inay la socto dhaqdhaqaaqyada Muwaadiniinta ku naf waaya Badaha, gaar ahaan kuwa Tahriibka ku mara Yemen, xiligaana ku jira Xirooyinka qaxootiga dalkaasi.
Nuqul kamid ah Qoraalka Tarsan ayaa waxaa kamid ahaa ‘’Waxaan fiirsaday Video ay al jazeera ka soo duubtey qaxootiga Somaaliyeed ee ku sugan wadanka Yaman, wuxuuna igu beeray calool xumo iyo tiiraanyo. waxaan ka codsanayaa Mas’uuliyiinta Dowlada inay soo booqdaan xeryahaas weliba mida loo yaqaan Al jaxiim oo ay u soo jeediyaan indhaha beesha caalamka, weliba waxaan soo jeedin lahaa in dowladu ay dadkaas dib u soo celin loo sameeyo loona diyaariyo dhul looga dhiso guryo ayada oo lala kaashanaayo beesha caalamka’’
Tarsan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ‘’Nolosha ay dadkaas Somaaliyeed ku noolyihiin ma ah mid u qalanta Aadamiga’’
Haddalka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bannaadir Tarsan, ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo ay DFS ku mashquushay Siyaasadaha dibadda islamarkaana ay ilowday kaalintii dalka iyo dadka uga aadaneyd.
Dhanka kale, Qaxootiga Soomaalida ee ku nool xiryaha Yemen, ayaa waxa ay Xukuumadda Somalia ugu baaqen inay hiil iyo hooba lasoo gaarto oo ay ka saarto nolosha ay ku jiraan mid dhaanta.