27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

‘’Waxaa ii yimid dhalinyaro afka soo duubatay oo i faray inaan xoog uga qeybgalo shirka Kismaayo’’ Sidaa waxaa yiri..

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Odayaal kasoo jeeda Beelaha Dega Magaalada Kismaayo oo wareysi siiyaya Idaacadda KNN ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay ka baxsan la’ yihiin Maleeshiyaadka Daacada u ah Hoggaamiyaha Raaskanbooni ee Magaalada Kismaayo.

Waxa ay sheegen in dhalin yaro afka soo duubatay ay Guryahooda ugu imaaden islamarkaana ay ku wargaliyeen inay si qasab ah uga soo qeybgalaan Shirka maanta ka furmaayo Magaalada Kismaayo ee la sheegay in lagu wada heshiisiinaayo Beelaha dega Kismaayo.

Mid kamid ah Odayaashasi oo la hadlaayay Idaacada KNN ee Magaalada Muqdisho kana gaabsaday Magaciisa Amni daro awgeed ayaa yiri ‘’Adeerow dhalinyaro wajiga soo xirtay ayaa iigu imaaday gurigeyga waxa ay igu amreen inaan kasoo qeybgalo shirka dib u heshiisiinta haddii aan ka baaqdana ay ii sheegeen inay guriga ay iigu imaan doonaan islamarkaana ay gacan bir igu qaban doonaan’’

Sidoo kale waxa uu yiri ‘’Anagu waxan naloo sheegay in Beeshayadu si gaar ah ay ula kulmi doonaan Axmed Madoobe iyo Ururka IGAD, inta aan taas la gaarin waxaa naloo keenay Hanjabaado, waxan DF ka codsaneynaa inay naga qabato qolyahaan Axmed Madoobe, diyaar uma nihin inaan ka qeybgalno qasab iyo goodin ayaa nalooga qeybgalinayaa taasi natiijo kama dhalaneyso’’

Odayaashaani oo Idaacadaasi u waramaayay ayaa waxa ay sidoo kale Beesha caalamka ugu baaqeen in wax laga qabto Awoodaha shirka Kismaayo leysaga qeybgalinaayo, waxa ayna Tilmaameen in la dilaayo haddii ay ka baaqdaan shirkaasi.

Dhanka kale, Haddalka Odayaashaani ayaa waxa uu barbar socdaa mid uu maalin ka hor shaaciyay Col. Barre Hiiraale oo ahaa in shirka uu maraayo xaalad dib u dhac ah, taasi oo sababtay in Odayaasha xoog looga soo kaxeeyo Aqaladooda sidaan looga qeybgaliyo shirka oo aan weli loo helin Odayaal ku filan.

DF ayaan weli ka hadal dhibaatooyinka ay Odayaashaasi ka cabanayaan, mana jirto cid DF ka tirsan oo dhex dhexaad ka ah shirkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

‘’Wiilkeyga waxa uu ahaa nin diinta ku adag hadana DAACISH ayuu iga aaday’’ sidaa waxaa yiri….

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Warka laga helaayo Sirdoonka Dalka Canada, ayaa sheegaya in Muwaadin Somali-Canadia ah uu kamid noqday Dagaalyahaanada Daacish ee ka dagaalanta Dalalka  Ciraaq iyo Syria.

Sirdoonka ayaa xaqiijiyay in Maxamuud Maxamed  oo 19 Jir  uu si dhuumaaleysi ah uga baxay Dalka Canada Gaar ahaan Magaalada Hamilton kuna biiray Daacis.

Sirdoonka ayaa sidoo kale sheegay in bixitaanka Wiilkaasi uu xaqiijiyay Aabaha dhalay Wiilkaasi oo lagu Magacaabo Maxamed.

Aabe Maxamed oo la hadlay Idaacada VOA laanteeda Af soomaaliga, ayaa sheegay in uu Wiilkiisa ka soo wacay Dalka Turkiga ka dibna uu u sheegay in uu ku wajahan yahay Dalka Syria.

Aabe Maxamed waxa uu sheegay in markii ugu danbeysay wiilkiisa uu sheegay inuu ku biiraayo Dagaalka Daacish.

“Haa Wiilkeeyga Maxamuud Maxamed waxan ku xasuustaa inuu ahaan jiray wiil ku ad adag diinta. Waxan jeclahay in lagu tashkiiliyay xiliyada uu ku sugnaa Masjidka, waayo kama uusan bixi jirin’’ sidaa waxaa yiri Aabe  Maxamed.

Dhanka kale, Muwaadinkaani Soomaaliyeed, ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dhowr dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira Ragg iyo dumar oo iyagu ku biiray Kooxda Daacish.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Somalida Britain oo laga cabsi qabo in hal arrin ay xabsiyada ugu uruuraan (Aqriso)

0

Britain (Caasimada Online)-Boliska magaalladda Bristol ee dalka Britain ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 24 boorso oo laga soo buuxiyey qaadka qalalan, kaasi oo lagu qiimeeyey lacag dhan 250-Pound ama Geniga Istarliinka ee Britain.

Boliska waxay kaloo sheegeen inaysan jirin dad ay u xireen qaadka ay qabteen.

Ganacsiga iyo cunista qaadka ayaa laga mamnuucay dalka Britain bishii June 24-dii ee sannadkan, iyadoo qofkii lagu qabto uu muteysanayo xabsi ilaa 2 sanno iyo ganaax aan xaddi lahayn.

Wargeyska The Bristol Post ayaa la hadashay dadka Soomaalida ee ku nool magaalladda Bristol, kuwaasi oo badankooda cabasho ka muujiyey mamnuucista Qaadka oo dalka Britain looga aqoonsaday Daroogdda heerka Saddexaad.

Qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Jaalliyadda Soomaalida ee ku nool Bristol ayaa ka digay in mamnuucista qaadka uu Soomaalida ka dhigi karo Dembiilayaal ku uruura Xabsiyada, sabab la xiriirta mamnuucida qaadka Awgeed.

Mid ka mid ah dadka u ololeeya Bulshadda oo lagu magacaabo Abdi Mohamed, kana tirsan Warbaahinta Soomaalida ee Bristol Somali Media Group ayaa sheegay xiritaanka goobaha lagu qayilo inay ku khasabtay dhallinyarradda isticmaala qaadka inay waddooyinka u soo baxaan ilaa saqda dhexe ee habeenkii, taasina ay dhalin karto inay murmaan kadibna ay isku adeegsadaan Hubka fudud, taasi oo sababi karta in Boqolaal dhalinyaro ay u galaan Xabsiyada.

Magaalladda Bristol waxaa ku yaallay 20 ilaa 30 Dukaan oo lagu qayili jirey, kuwaasi oo albaabadda loo labaay.

Xigasho: The Bristol Post

Caasimada Online

Xafiiska Britain

[email protected]

Dagaal maryo dhiig leh leysu furtay oo ka dhacay G/Sh/Hoose + Faah-Faahin

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Warka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu Dagaal ku dhex maray Ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka Somalia gaar ahaan kuwa Militeriga.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu imaaday kadib markii ay kala shakiyeen laba gaari oo ay la kala socdeen Ciidamada, iyadoona uu halkaasi ka bilowday Dagaal fool-ka-fool ah oo muddo socday.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Baar ismaaciil oo ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose, waxaana la sheegayaa in Dagaalkaasi uu Khasaaro kasoo gaaray Laba askari oo dhaawac soo gaaray, mid kamidna uu aad u liito dhaawaciisa.

Dhanka kale, Dagaalka markii uu muddo socday kadib ayaa waxaa kala dhex galay Ciidamo kale oo ka tirsan Dowlada kuwaasi oo isla goobta ka qaaday dhawacyada, mana aha markii ugu horeysay oo ay Ciidamo ku dagaalamaan Degmadaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Magaalada Muqdisho ma ku ogeyd Horumarka Nuucani ah. (Daawo)

0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa aad uga soconaya Horumar dhinacyo badan leh kaasoo isugu jira dhinaca dhismooyinka iyo Ganacsiga.

Muuqaalkani oo aan hubo in aad ka heli doontaa ayaa ah Isbitaal aan nuuciisa horay loo arag oo ku yaalo qaarada africa ayaa waxaa haatan howshiisa dhismo iyo howl gelidiisa ay ka soconeysaa Magaalada Muqdisho ee nala daawo muuqalkani.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Galeyr oo wasiiro ka dhigtay Rag Somaliland & Maamulka Siilaanyo oo ay Siyaasadu ku xuntahay (Aqriso)

0

Saaxdheer (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa goordhow ku dhawaaqay xubnaha wasiiradda maamulka Khaatumo State.

Haddaba Shabakadda Caasimada Online ayaa la soo gaarsiiyay nuqul ka mid ah liiska xubnaha wasiiradda maamulka Khaatumo.

Xubnaha wasiiradda cusub oo ka kooban 8-xubnood waxaa ku jirra shaqsiyaad horey uga mid ahaa maamulka Somaliland.

Halkan hoose ka akhriso Liiska xubnaha wasiiradda cusub.

Maxamed Cali Cartan -Wasiirka Wasarada Arimaha dastuurka iyo Federalka …Taleex

Mukhtaar Ciise Faarax- Wasiirka Wasaarada Macdanta & Biyaha… Boocame

Xasan muuse Cawl- Wasiirka Wasaarada Maaliyada…  Carooley

Axmed Gacmo yare-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta… Dharkayn geenyo

Kayse Cabdi yusuuf- Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta… Widh widh

Faarax Cade Faarax – Wasiirka Wasaarada Arimaha Bulshada… Ceegaag

Ismaaciil Axmed Cali-Wasiirka Wasaarada amniga…. Buuhoodle)

Ibraahim Guure-Wasiiru Dawlaha Xanaanada Xoolaha,….. Laascaanood

Waxaa sheegis mudan in Cali Khaliif Galey uu xilka wasiiradda cusub ku dhawaaqay deegan uu qax ku yahay xilli degannada maamulkiisa ay weli ku sugan yihiin ciidamada maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

Muxuu yahay shirka ka dhacaya Garbahaareey?

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah shir jaraa’id ku qabtay seddax xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan kuwaasoo sheegay in 20ka bishan magaalada Garbahaareey lagu qaban doono shirweyne hor dhac u ah kan ka dhacaya Kismaayo.

Xildhibaannada shirka jaraa’id qabtay ayaa kala ah Maxamuud Cali Magan, Nuur Faarax iyo Cabdifataax Nuur Mataan, waxaana ay dhammaan sheegeen in ay ka soo horjeedaan shirka berri ka furmaya Kismaayo oo ah wajiga 3-aad ee dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Xildhibaan Maxammuud Cali Magan ayaa carabka ku dhuftay in shirka ka dhacaya Garbahaareey uu hordhac u yahay kan ka dhacaya Kismaayo 1-da October kaasoo la doonayo in maamul loogu dhiso dadka deggan Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay oo kale in dowladda ay ku wargalisay shirka Kismaayo in uu dhacaayo 1-da bisha October balse shirka berri ay wataan maamulka Axmed Madoobe sida uu yiri.

Sidoo kale Nuur Faarax ayaa isna sheegay in shirka Kismaayo ay dowladda iclaamisay in uu furmo 1-da bisha October balse ay la yaaban yihiin shirka berri furmaaya.

Hadalka xildhibannadan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalintii shaley uu shir jaraa’id ku qabtay korneel Barre Aadan Shire Hiraale kaasoo ku eedeeyay in maamulka Axmed Madoobe iyo IGAD ay wadaan qorshe ka duwan kii lagu ballamay, wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay in la dhaqangaliyo wixii ballan ahayd.

Barre Hiiraale waxaa kaloo uu sheegay.

Si kastaba, maamulka Axmed Madoobe ayaa isna ku adkeesanaya in shirka wajiga seddaxaad uu furmaayo 16-ka bishan oo ah maalinta berri ah.

Dowladda ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin mowqifkeeda ku aadan qorshaha maamulka Jubba uu berri Kismaayo uga furaayo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

JAWAARI oo u jawaabay Puntland sheegayna in hadalka uu sheegay uu ahaa…..

0

Baydhabo (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay hadal la sheegay in uu ka yiri magaalada Baydhabo kaasoo ahaa in magaalooyinka Puntland lagu dhibaateeyo dadka ka soo jeeda Baay iyo Bakool.

Jawaari ayaaa sheegay in si khaldan loo baahiyay muuqaalka khudbo uu jeediyay 11-kii September, 2013-kii.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeedinayay shirka dib-u-heshiisiinta bulshada gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose oo shalay ka furmay magaalada Baydhao ayaa tilmaamay in khudbaddiisii oo uu uga hadlayay arrimo kala duwan la jarjaray, dabadeedna lagu baahiyay baraha xiriirka bulshada qaarkood, iyadoo loo ekaysiiyay in ay lid ku tahay maamulka Puntland.

Jawaari ayaa xusay in ay khudbaddiisu ahayd mid bulshada ku dhiirragalinaysay nabadda iyo dhismaha maamullo ay ku qanacsan tahay bulshada, si loo helo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha dalka oo dhan.

Wuxuu faafintaas ku tilmaamay mid lagu marin habaabinayo bulshada, ayna ka dambeeyaan dad leh dano gaar ah oo lid ku ah degganaashaha iyo waddaniyadda.

Guddoomiyaha wuxuu meel-ka-dhac ku tilmaamay in si khaldan loo baahiyo hadal uu qof yiri, halkii loo baahnaa in loo gudbiyo sidii uu qofka la xiganayo u yiri, si uu dadku u fahmo xaqiiqada iyo ujeeddada hadalkiisa, wuxuuna warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga u diray farriin uu uga dalbanayo inay wararka u faafiyaan si waafaqsan anshaxa iyo qawaaniinta warfaafinta.

Hadalka Jawaari ayaa ku soo aadaya iyadoo maamulka Puntland uu si carro leh uga jawaabay hadalka guddoomiyaha baarlamaanka iyagoona yiri waxaa loo baahan yahay caddeen.

Puntland waxaa kaloo ay tiri hadal noocaas oo kale kama filenin guddoomiyaha baarlamaanka oo xil aad u culus ka haya dowladda fedaraalka.

Qaar ka tirsan warbaahinta ayaa maalmahan tebinayay warar ay ku sheegayeen in uu guddoomiye Jawaari horay u jeediyay, kaas oo ka dhan ah maamulka iyo shacabka Puntland, waxaana arrintaas cabasho ka muujiyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Shariif Xassan oo Arrin Cajiib ah uga digay DF (Maxey tahay?)

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Maalinimadii shalay uu shir dib u heshiisiined ka furmay Magaalada Baydhaba, ayaa waxaa arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Siyaasiyiin iyo Odayaal kala taageersan Labada garab ee Lixda iyo Seddexda Gobol.

Axmed diinow oo kamid ah Odayaasha taageersan Garabka Madoobe Nuunow ayaa waxa uu Xukuumada Somalia uga digay inay kala qeyqeybiso dad walaalo ah oo hal dhinac kasoo jeeda, waxa uuna ugu baaqay inay si sinaan ah hal meel ay isugu keento labada garab xalna ay u dhex dhigto.

Diinow waxa uu sheegay in DF looga baahan yahay inay fuliso ballamihii ahaa inay aqoonsan doonto maadaama maamulka Lixda Gobol uu aad u weyn yahay halka kan Seddexdana uu yaryahay.

Sidoo kale, Shariif Xassan Sheekh Axmed oo isagu taageersan Maamulka Seddexda Gobol ayaa waxa uu Ra’isulwasaaraha Dowlada Federaalka Somalia iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka uga digay inay isku qasbaan Maamulo aan is rabin.

Shariif Xassan oo kullan Magaalada Baydhaba kula qaatay Labadaasi Mas’uul ayaa waxa uu sheegay in shacabka ku nool Deegaanada ay ka arimiyaan Labada Maamul ay iyaga kala dooran doonaan kan caafimaadkooda uu ugu jiro, balse ay DF kusii fogaan Siyaasada ay ku dooneyso inay kusoo jiidato Maamulka Madoobe Nuunow.

‘’Waxaa ii muuqaneysa in DF ay u jilicsan tahay Maamulka Madoobe Nuunow, wixii xal ah iyadaa laga rabaa balse waxaa loo baahan yahay inay ka fogaato inay dhinac la safato ama ay kusii fogaato Siyaasado aan raali laga aheyn’’

Shariif Xassan ayaa waxa uu kamid yahay Siyaasiyiinta ka danbeeyay dhismaha Maamulka Seddexda Gobol, waxaana la sheegayaa in Arrintaasi ay tahay mid ay la wado DF, balse uu aad uga cabsi qabo inay la rogmato Siyaasada xiligaani taagan oo marba meel u badaneysa.

Dhanka kale, Garabka Madoobe Nuunow ayaa iyagana aaminsan in DF ay wadato Shariif Xassan taasina ay ku sheegen inay tahay tan keentay in si gaar ah ay DF u daneyso Maamulka Seddexda Gobol.

Lama Oga halka uu xaalku gaari doono, waxaase laga cabsi qabaa in DF ay xiligaani si gaar ah u daneyso Garabka Madoobe Nuunow si loogu muujiyo isu soo dhawaansho, waana tan keentay in Shariif Xassan uu ka digo in DF ay u jaranjeersato dhanka Maamulka Nuunow.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

‘’Waxaa igu maqaalo ah in Puntland loo kala jaraayo saddex qaybood arrintaasi Gaas ayey u taalla’’ Sidaa waxaa yiri …

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yey oo kamid ah Siyaasiyiinta Maamulka Puntland, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Ciidamada Maamulka Somaliland ay Awood ciidan Xiligaani u adeegsadaan Maamulka Puntland oo quwad ahaan ka sareeya Somaliland.

Siyaasiga waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay inay meel ku Ogaadan Muranka ka taagan Deegaanada xiga dhanka Somaliland oo lagu heysto Awooda, waxa uuna sheegay in Madaxweyne C/weli Gaas looga baahan yahay inuu qorshe cad ka yeesho arrinta ku aadan soo celinta dhulka Puntland ka maqan iyo weliba daandaansiga joogtada ah ee ka imaanaya dhanka Maamulka Somaliland.

Mr Yey oo ku sugan Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka ayaa Maamulka Puntland ku guubaabiyay inay Tallaabo ka qaadan Ciidamada Maamulka Somaliland ee xooga ku heysta Deegaanada Hoos yimaada Puntland oo ay sheeganeyso Somaliland.

‘’Waxaa maamulka C/weli Gaas looga fadhiyaa inay Qorshe cad ka keenaan dib usoo celinta Deegaanada ka maqan Puntland, Gaas waxaa laga rabaa inuu ka dhabeeyo haddalkii ahaa inuu soo celin doono dhulka ka maqan Puntland, waa nasiib daro in Gaas uusan weli wax ka qaban’’

Sidoo kale, Yey waxa uu Cadeeyay in Madaxweyne Gaas uu waxbadan kusoo kor dhiyay Deegaanada Puntland balse muhiimadu ay tahay in xal muuqda laga gaaro weerarrada Puntland uga imaanayo dhanka Maamulka Somaliland.

‘’C/weli Gaas waxaan ka sugeynaa inuu noosoo celsho dhulka nagamaqan, difaaca shacabka iyo dhulka Puntland waa waajib’’ Cabdidaahir ayaa sidaas yiri.

Isagoo intaa hadalkiisa kasii anbaqaadayo ayaa waxa uu yiri “sida igu maqaalo ah qorshuhu waxa uu yahay in Puntland loo kala jaro saddex qaybood oo kala ah gobolka Mudug iyo Galgaduud oo la israacinayo, gobollada SSC oo la is raacinayo,iIyo Puntland inteeda kale… waa arrin u baahan in si dhab ah loo baaro oo Puntland ka gasho u diyaar-garow fiican…”

Haddalka Siyaasiga ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay Deegaano hoos yimaada Maamulka Puntland ay awood Militeri kula wareegeen Ciidamo taabacsan Maamulka Somaliland kuwaasi oo xiligaani Furumo ciidan ka sameystay Deegaanadaasi.

Dhanka kale, Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yey waxa uu shacabka iyo Ciidamada Puntland ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sida ay Maamulka ugu taageeri lahaayen soo celinta Deegaanada ay awooda kula wareegtay Somalilnd.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan & Kenyatta oo ku kulmaya USA

0

Nairobi (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa aad uga xumaatay dacwo ay ka gudbisay dowladda Soomaaliya oo ku aadan muranka xagga badda ee u dhexeeya labada waddan.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Aamina Maxamed oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in labadan wadan uu u socday wadahadal la xiriira siddii loo dhammeen lahaa khilaafka xagga badda balse dowladda Soomaaliya ay warqad dacwad ah u qortay maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICG.

Waxay sheegtay in Kenya ay aad uga xun tahay tallaabada ay sameesay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay kulan dhawaan ku yeelan doonaan dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada New York.

Waxay sheegtay in kulankaas si weyn looga hadli doono muranka xagga badda ee labada waddan iyo siddii xal loogu heli lahaa.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isna sheegay dowladda Soomaaliya in marar badan ay Kenya ka codsatay in la xaliyo khilaafka xagadda badda balse dhammaan dedaaladaas ay guul darreesteen sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in ay soo dhaweenayaan wahadal kasta oo dhex mara Kenya iyo Soomaaliya oo ku aadan muranka xagga badda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in Kenya ay ku soo xad gudubtay biyaha Soomaaliya isla markaana ay shirkado ajnebi ah oo ay keensatay ay billaabeen shidaal baaris gudaha biyaha Soomaaliya ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Dhageyso: C/raxmaan Beyle: Xaq baan u leennahay inaan maxkamad tagno

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kenya ayaa sheegtay inay ka xun tahay tallaabada ay dowladda Somalia maxkamad ugu gudbisey muran labada dal ka dhexeeya oo la xiriira badda ay wadaagaan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya Amina Maxamed ayaa sheegtay in labad dal ay wadahadal u socdeen isla markaana ay lama filaan ku noqotey in dowladda Somalia ay arinta maxkamad u gudbiso.

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ayaa la filayaa in dhowaan ay kulan ku yeeshaan magaalada New York si ay uga wadahadlaan murankan.

Daud Aweis ayaa arrimahan ka wareystey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia Dr Abdirahman Beyle Duale. Waxaana uu ugu horeyn weydiiyey sida uu au arko hadalka ka soo yeerey Amina Mohamed  oo ah wasiir dibadeedka Kenya.

Halkan hoose ka dhageyso: Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

Yaa ka danbeeyay in Barre Hiiraale uu ka laabto heshiiska Axmed Madoobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay uu Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ka shanqariyay inuusan ka qeybgali doonin shirka dib u heshiisiinta Kismaayo ee lagu wado inuu ka furmo Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegaya halka Amarkaasi uu kasoo baxay.

Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ku dhow-dhow Col. Barre Hiiraale ayaa sheegaya in Kullan ku dhawaad Seddex saac qaatay uu Magaalada Muqdisho ku dhex maray Col. Barre Hiiraale, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha Sade.

Kullanka ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid salka ku haayay dhiiragalinta Barre, iyadoona halkaasi lagu lafa guray Siyaasadda Axmed Madoobe, waxa ayna isla garteen in shirka Kismaayo ka furmaayo uu yahay mid Col Barre looga qaadayo Xasaanada uu ku leeyahay Deegaanada Jubbooyinka, waxaana la sheegayaa in Dowlada Federaalka Somalia iyo Ururka IGAD ay ku ballameen in Barre Hiiraale la hoos geeyo Axmed Madoobe, isagoona lagu qancinaayo inuu la shaqeeyo Maamulka KMG Jubba.

Falanqeyn dheer kadib ayaa waxaa la Tilmaamayaa in Waxgaradka Beesha Sade ay Barre ku cadaadiyeen in Arrintaasi uu ka dhaga adeego islamarkaana dib ula laabto go’aankii ahaa inuu ka qeybgalaayo Shirka dib u heshiisiinta Bulshada Jubbooyinka.

Shir jaraa’id oo Col. Barre Hiiraale uu ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu ku sheegay in lagu wargeliyay in shirkii dib u heshiisiinta Kismaayo ee uu horay u aqbalay dib loo dhigay, isagoo shirka Kismaayo ka furmaya 16-ka bishan uu sheegay inuu yahay mid ay wataan Urur-goboleedka IGAD iyo sida hadalka uu u yiri kooxda Axmed Madoobe, laguna doonaayo in lagu jaan rogo go’aankiisa.

Barre oo Siyaasad badan ka kororsaday kulanka uu la qaatay Beeshiisa, ayaa waxa uu iminka ka laabtay gabi ahaan go’aankiisii ahaa inuu ka qeybqaadanaayo shirka.

La laabashada go’aanka Barre ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa mid ay ka danbeeyen Beeshiisa, taasi oo ay ku dhaliilayaan damaca Axmed Madoobe iyo IGAD.

Dhanka kale, Col. Barre waxa uu ku adkeysanayaa inuu isagu taageersan yahay in dowladdu ay noqoto tan hormuudka u ah shirka dib u heshiisiinta Kismaayo, laakiinse markii uu maqlay in maamulka Axmed Madoobe iyo IGAD ay shirkii dib loo dhigan qabanayaan 16-ka bishan uu shirka jaraa’id qabtay si uu caddeeyo in uusan ka qaybgalayn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Axmed Madoobe oo beelaha qaar ka mamnuucay shirka mag. Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online ) – Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in shirka halkaasi ka furmaayo ka qeybgalkiisa laga saaray qaar kamid ah Beelaha halkaasi ku nool.

Suldaan Axmed Aw-diini oo kamid ah Salaadiinta Kismaayo ayaa sheegay in weli aan laga gudbin Isfaquuqa ka taagan Kismaayo, waxa uuna Tilmaamay in shirka wajigiisa labaad ka dhacaayo Kismaayo laga reebay Beelaha qaar.

‘’Waxan Dowlada Federaalka u sheegeynaa in ku dhawaad Afar beel degta Kismaayo loo diiday ka qeybgalka shirka Kismaayo, waxaa kamid ah beelaha la diiday gundhawe’’ ayuu yiri Axmed Aw-diini oo intaa ku daray wixii ka dhaca shirka ay Mas’uuliyadeeda qaadi doonto DF.

Sidoo kale, Axmed Aw-diini ayaa sheegay in Axmed Madoobe uusan ka waan-toobeynin kala fogeynta Beelaha dega Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay

Haddalka Axmed Aw-diini, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay waxyar ka harsan tahay furitaanka shirka dib u heshiisiinta Wajigiisa labaad, waxaana hadalkiisa ka muuqanaaya in weli shirkaasi uu yahay mid qabyo ah.

Dhanka kale, Kismaayo ayaa waxaa ku nool Beelo badan oo iyagu deegaan ahaan halkaasi kasoo jeeda, balse is riix-riix kadib looga tirabatay Deegaan ahaan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Wasiirka arrimaha dibedda DFS oo si cajiib ah ugu jawaabay Amina Max’ed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Wasiirada Arrimaha Dibada Kenya Aamina Mohamed, kaasoo ahaa dacwada dowladda Soomaaliya ka gudbisay arrinta muranka Badda.

Aamina Mohamed ayaa sheegtau in kenya ay ka xun tahay tallaabada ay qaaday oo ahaa in dacwad u gudbisay Maxkamad muranka labada dal ka dhaxeeya ee la xiriira badda ay wadaagaan.

Mrs Aamina ayaa sheegtay inay wada hadal u socdeen labada dal, hase ahaatee ay lama filaan ku noqotay in dowladda Soomaaliya ay arrintan maxkamad u gubiso.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in shirar badan oo dhex maray iyaga iyo Kenya ay wax ka soo bixi waayeen, isla markaana wada hadalada socday wax meel la isla dhigi waayay, taasna ay qasab noqoto inay Maxkamad u gidbiyaan dacwad.

“Anaga wada hadal ayaa sameynay, wada hadalkaas waxay nagula muuqataa inaan daneyneynay, Nairobi baa Aamina dhowr jeer ku shirnay, wada hadalada waxay leeyihiin meel laga bilaabo iyo meel lagu socdo, anaga xariiqa ama calaamada ay Kenya sameysay wax noo cuntamaya ma aheyn, hadii bani’aadamka is qabto meel lagu kala baxa jira, Maxkamadna waa ku qasbanaanay”ayuu yiri C/raxmaan Ducaale Beyle.

Mr Beyle ayaa sheegay in labada dal ay yihiin deris, isla markaana hadii arrinta ay isku hayaan ku kala bixi waayeen inay Maxkamad noqoneyso, taasna ay tahay meesha lagu kala bixi doono, hase yeeshee waxaa uu cadeeyay in dhankooda wali diyaar u yihiin wada hadalka.

“Ma kala guureyno waa wada deganahay  labo dal oo deris ah ayaanu nahay, aniga iyo aamino in badan ayaa ka wada hadalnay, diyaar baan u nahay wada hadalka ha socdo, meel walba diyaar ugu nahay New York iyo meel kastaba, laakiin waxaa marka hore muhiim ah in shirkadaha faraha badan ee maalin walba jooga Badda in laga saaro”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay inay jiraan shirkado ajaaniib ah oo wali howlo sahmin ka wada Badda labada dal u dhaxeysa.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay inay iyagu haatan soo tooseen,hadii ay ahaayeen sakaarad meel jiifay, isla markaana hada kadibna ay Badda iyo berriga dhulkeeda ay dhinac ka eegi doonto, isla markaana ay sameysan doonto calaamad.

Madaxweyaha Soomaaliya ayaa sheegay in Kenya ay calaamadeysay badda labada dal u dhaxeysa, isla markaana ay howlo ka wadaan badda shirkado ajaaniib, waxaana uu xusay in arrintaas ay dacwad ka gudbiyeen.

Dhowaan ayaa la filayaa in magaalada New York ay ku kulmaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, si ay uga wada hadlaan muranka ku saabsan badda labada dal u dhaxeeya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Kismaayo oo laga soo sheegayo arrimo fool-xun (Warbixin xasaasi ah)

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilo xog-Ogaal ka tirsan Odayaasha Kismaayo, ayaa inoo xaqiijiyay in Afhayeenka Maamulka  Jubaland C/naasir Seeraar uu halkaasi ka wado Siyaasado la sheegay inaysan u cuntameynin Odayaasha ka qeybgali doono Shirka ka furmaayo Magaalada Kismaayo.

Xogtu ayaa sheegeysa in Seeraar uu Hoggaamiyaha Raaskanbooni uu ku cadaadinaayo inaan loo joogsan go’aanada kasoo baxaayo Col. Barre Hiiraale, islamarkaana loo muujiyo inuusan dartii u joogsaneynin shirka.

Aweys xaaji Axmed oo kamid ah Odayaasha ayaa inoo sheegay in C/naasir Seeraar uu xiligaani ka shaqeynaayo dib ugu laabashada Khilaafaadka dhawaan laga soo gudbay waxa uun Tilmaamay in laga cabsi qabo inuu fashil ku imaado shirka waa haddii aan wax laga badalin Siyaasadaha  hoos ka socda.

‘’C/naasir Seeraar waxa uu Kismaayo la wareegayaa warar aan ka gadmeynin Beelaha ka qeybqaadanaaya shirka Dib u heshiisiinta, waxaa na soo gaaraya inuu leeyahay Barre Hiiraale waa laga maarmayaa haddii uu diido inuu kasoo qeybqaato shirka, taasi waxan u arkaa in la baadi goobayo qaabka uu ku fashilmi lahaa shirka’’

Haddalka Aweys xaaji, ayaa kusoo beegmaya xili Barre Hiiraale uu maalinimadii shalay daboolka ka qaaday inuusan ka qeybqaadan doonin shirka ka dhacaayo Magaalada Kismaayo oo uu ku sifeeyay inuu yahay mid aan xiligiisa la joogin wakhtigiisa.

Dhanka kale, ka hor inta uusan shirka furmin, ayaa waxaa soo ifbaxaaya warar sheegaya in Beelaha qaar loo diiday ka qeybgalka shirka, iyadoona iminka la soo warinaayo in Afhayeenka Maamulka Jubba uu ka shaqeynaayo kala irdhoobida Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Xog: Madoobe Nuunow oo madaxa ka ruxay codsiyo dhowra oo loo jeediyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed Somalia Madoobe Nuunoow Maxamed, ayaa la sheegayaa inuu weli ka dhaga adeegaayo Codsiyo ay u jeedinayaan Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka DF Jawaari, waxaana la Tilmaamayaa inuu ka madax adeegay codsigaasi.

Mid kamid ah Saraakiisha garabka Madoobe Nuunow ayaa inoo xaqiijiyay in Nuunow iyo Mas’uuliyiintaasi ay kuwada hadleen qadka Telka balse Nuunow uu ku adkeystay in shirkaasi uusan aheyn mid iyaga Khuseeya, isagoona sabab uga dhigay imaanshaha Ra’isulwasaare C/weli.

Shirka ayaa waxaa ka maqan sida Wararku sheegayaan Hogaamiyaha Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed Madoobe Nuunoow Maxamed iyo Xubnaha Maamulkiisa ka tirsan kuwaasi oo shirka uga maqnaa ka qeybgalka uu ka qeybgalay Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Ugaas Xasan Cabdi Maxame oo ka mid ah Dhinacyada ka qeyb galaya Shirka dib u heshiisiinta Magaalada Baydhabo ka furmay ayaa sheegay in la wado Qorshe looga dhaadhicinayo Madoobe Nuunoow in uu Shirka ka qeyb galo, inkastoo uu sheegay inuu qaadacay Codsiyo ay u gudbiyeen Madaxda Dalka si meel leysugu keeno labada garab.

Maalinimadii Shalay ayay aheyd markii Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu ka furmay Shir dib u heshiisiin ah oo loo qabtay Dadka Daga Gobolada Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose, iyadoona uu Shirkaasi Furay Ra;iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya.

Shirka dib u heshiisiinta Magaalada Baydhabo ka Furmay ayaa waxaa uu socon doonaa mudo 45-Cisho ah,waxaana ujeedkiisu uu yahay Nabadeeynta Dadka Daga Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

War naxdin leh oo laga soo sheegayo muhaajiriin Soomaali ah oo u safray…

0

Malta (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay Ciiddanka Badda ee Libya ayaa sheegay in dooni ay la socdeen ilaa 250-Muhaajiriin Afrikaan oo doonayey ah shalay oo Axad ah ku degtay Xeebaha Libiya.

Muhaajiriintaasi ayaa ku haminayey inay safar-baddeedkaasi ku gaaraan Xeebaha dalalka Europe, gaar ahaan xeebaha dalka Talyaaniga, oo ay inta badan Tahriibayaasha kaga sii gudbaan dalalka kale ee Europe.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Ayuub Qaasim, waxa uu tilmaamay in ay doonidaasi ku degtay XeebTa Deegaanka Tajoora ee Bariga magaalladda Tripoli, wuxuuna xusay in la soo badbaadiyey 26-qof oo keliya oo ka mid ahaa Muhaajiriintii la socday doonidaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan maydad badan oo dul-sabaynayo Badda, wuxuuna xusay inay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ku hawlan yihiin sidii loo heli lahaa dad kale oo ka badbaaday shilkaasi.

Dhinaca kale, in ka badan 100 Muhaajiriin Afrikaan oo ay Somali ku jireen ayaa bishii hore ku hafteen dooni ku degtay Xeebaha dalka Libya.

Dowladda Talyaaniga oo ay inta badan Muhaajiriinta doonyaha ku gaaraan xeebahooda ayaa toddobaadkan shaacisay inay in ka badan 100,000 oo Tahriibayaal shisheeye ah soo gaareen Xeebaha Talyaaniga sannadkan 2014-ka.

Xigasho: Reuters

Caasimada Online

Xafiiska Malta

[email protected]

Daawo shirkii jaraa’id ee Bare Hiiraale uu ku Weeraray Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah shir jaraa’id ku qabtay Korneel Barre Aadan Shire iyo wakiilkiisa u matalayay shirarka Kismaayo Cabdi Shiri Warsame waxaana ay ka hadleen arrimo dhowr ah.

Barre Hiiraale ayaa ugu horeen ka hadlay in shirkii dib u heshiisiinta ee la rabay in uu ka furmo Kismaayo uu dib u dhacay isla markaana maamulka kumeel gaarka ee Jubba uu wado arrin uu ku curyaaminaayo siddii uu hirgali lahaa shirkaas.

Barre Hiiraale ayaa ku baaqay in shirkaas aan la marin habaabin oo lagu wado sida la isku ogaa oo ahaa Addis Ababa, Muqdisho iyo Kismaayo.

Wuxuu tilmaamay in isaga iyo golle uu sameeyay ay qaateen nabadda oo ay ka doorbideen in la dagaallamo.

Mar uu ka hadlaayay shirka Kismaayo xilliga uu furmaayo wuxuu sheegay in shirkaas oo ay garwadeen ka tahay dowladda gaar ahaan wasiirka arrimaha gudaha in uu qabsoomayo 1-da bisha October, wixii kale uu yahay arrin marin habaabin ah.

Wuxuu sheegay haddii la qabto shir aan ahayn kii dowladda iyo beesha caalamka ay ogeyd ay qaadici doonaan.

Ma cadda wax yaabaha keenay in uu Barre Hiiraale hadalkan uu sheego iyadoo dhawaan magaalada Kismaayo ay kulmeen Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe.


Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XAMAR oo maanta laga mamnuucay…

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada ammaanka ayaa magaalooyinka iyo Tuulooyinka ka mamnuucay in lala maro baabuurta aan sharciga lahayn iyo muraayadahooda ay beesalka yihiin ama ay madowyihiin.

Taliyaha ciidamada booliska, Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Ismaacil oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in wareegto uu soo saaray isaga lagu mamnuucay in caasimada Muqdisho iyo degmooyinka kale ee dowladda gacanteeda ku jirta aan lagu wadi karin baabuur aan Taariko lahayd ama muraadiisa ay madow tahay.

Mar uu ka hadlaayay sababta arrintan loo sameeyay, wuxuu sheegay in baabuurta aan sharciga lahayn iyo kuwa madowga ah in ay u badan yihiin kuwa dambiyada lagu galo.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in kiisaas badan oo dhacay in la ogaaday in lagu fuliyay baabuurta aan sharciga lahayn iyo kuwa muraayadahooda ay madowga yihiin.

Mar la weydiiyay in baabuurta muraayadaha madow ay badi ku socdaan xildhibaannada, saraakiisha ciidamada iyo shaqaalaha dowladda kuwaasoo ka cabsanaya in la bartilmaameesto, wuxuu sheegay in marka laga reebo baabuurta aan xabadda karin ee madaxda dowladda iyo wasiiradda ay wataan oo muraayadahooda ay yihiin kuwa ay ku yimaadeen iyagoo madow in kuwaasoo uusan amarka saameen doonin.

Taliyaha booliska wuxuu kaloo caddeeyay in isaga uusan wadan baabuur muraayadiisa ay madow tahay isla markaana xabadda karin “Baabuur caaddi ayaan wataa waadna arki kartiin” ayuu yiri.

Ciidamada ammaanka ayaa la arkayay iyagoo taagan waddooyinka caasimada Muqdisho isla markaana baabuurta muraayadaha madow ka fujinaya una sheegaya in la mamnuucay maanta wixii ka dambeeya baabuurta noocaas oo kale.

Arrintan ayaa ka dambeesa markii shaley magaalada Muqdisho lagu dilay labo sarkaal oo nabad sugida katirsan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]