27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Ujeeddada Wafti Mareykan ah oo tagay MUQDISHO lana kulmay madaxda DFS

0

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta waxay Garoonka Aadan Cadde kula kulmeen wefdi ka socday Mareykanka.

Masuuliyiintaan, ayaa waxaan aqoon waxyaabaha ay ka wada hadleen wefdiga Mareykanka ah iyo cidda dhabta ah ee hogaamineysay wefdigaasi, oo ay ku qaabileen hawlka shirarka ee Garoonka Aadan Cadde.

Suxufiyiinta oo lagu waday in looga warbixiyo kulanka kolka la soo gaba gabeeyo, ayaa waxaan jirin wax warbixin ah oo laga siiyay kulankaasi iyo cidda horkaceysay wefdigii Mareykanka.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa dib ugu laabtay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoona lagu galbiyay gawaaridiisa madowga ah, oo ay barbar socdaan kolonyada Xoogaga Amisom.

Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wefdi uu horkacaayo, ayaa iyana u amba baxay Magalaada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, oo ay kaga qaybgalayaan shirweynaha maanta ka furmanaayo.

Idaacadaha Magaalada Muqdisho, ayaad mooddaa inay ka cago jiidayaan inay lafo guraan warka ku aadan shirkii maanta, iyagoo ka cararaaya in culeys uu kaga yimaado Hay’adda Nabad Suggida.

Madaxda Dowladda, ayaa Garoonka Aadan Cadde ku qaabila wefdiga muhiimka ah ee ka socdo Dowladda Mareykanka.

Isha: Dhacdo

Warbixin: Madoobe Nuunow iyo Axmed Madoobe oo wada hadlay iyo ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madoobe Nuunow Maxamed oo sheegtay in uu madaxweyne u yahay maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed ayaa shaaciyay in uu wadahadal u socdo hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba Axmed Madoobe.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Bar-kulan ayuu sheegay Madoobe Nuunow in maamulkiisa uu billaabay in uu xiriir la sameeyo maamulada kale ee dalka ka dhisan sida maamulka Jubba.

Wuxuu tilmaamay in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba uu u socdo wadahadal aan rasmi ah kaasoo looga hadlaayo dhismaha maamulka lixda gobal.

Madoobe Nuunow ayaa xusay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii uu sii dhammeestiri lahaa inta ka harsan isla markaana lagu baahin lahaa gobalada uu ka arrimiyo sida Jubbooyinka iyo Gedo.

Waa markii ugu horeeyay ee Madoobe Nuunow uu sheego in uu wadahadal u socdo maamulka Jubba.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa horey u qaadacay maamulka lixda gobal, waxaana ay ku tilmaameen dadka dhisay maamulkaas kuwa riyo ku jirra.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u aqoonsatay maamulka Axmed Madoobe balse wax aqoonsi aan siin maamulka Madoobe Nuunow.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ciidamada MUUNGAAB oo MUQDISHO isku farasaaray + Faah-Faahin buuxda

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaayo Iska hor imaad maanta Magaalada Muqdisho ku dhex maray Ciidamo kawada tirsanaa kuwa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa waxa ay isku dagaaleen isgooska Sanca ee Magaalada Muqdisho kadib markii is afgaran waa uu soo dhax galay.

Inta la xaqiijiyay Iska hor imaadka ayaa waxaa ku dhaawacmay Hal askari oo kamid ahaa Ciidamada Mungaab, waxaana la sheegayaa in isku dhacooda uu ka bilowday kala shaki.

Sidoo kale, Isku dhaca ilaalada Gudoomiyaha Gobalka Mungaab, ayaa yimid kadib markii Maanta uu Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay xili uu Maalmahani kumaqnaa Dalka Turkiga.

Dhanka kale, Guddoomiyaha, ayaan weli ka hadlin Isku dhacaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

CABDI WELI oo si cabsi la’aan ah uga degay Baydhaba iyo Shirka oo furmay

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goor dhow Magaalada Baydhaba gaaray Wafdi uu Hoggaaminaayay R/wasaaraha Somalia C/weli sheikh Axmed Max’ed, halkaasi uu maanta ka furmaayay shir dib u heshii sineed oo ay ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan koonfur galbeed Somalia.

Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa Socdaalkiisa Baydha ku wehliyay wasiiro iyo xildhibaano, waxaana Garoonka uga hortagay Mas’uuliyiin ka tirsan DF oo muddo halkaasi u joogay Howlo shaqo.

Soo dhaweynta Ra’isulwasaaraha kadib, ayaa la sheegayaa in si toos ah Ra’isulwasaaraha iyo Wafdigiisa loogu gudbiyay madasha uu shirka ka furmaayay.

Ra’isulwasaare C/weli ayaa furay shirka, waxaana la filayaa in Shirka uu socon doono  sida la sheegay 45-Cisho oo xiriir ah, si loosoo afjaro kala fogaanshaha Bulshada iyo qabaa’ilka halkaasi ku nool.

Dhanka kale, Ujeedka shirka ayaa la sheegay inuu yahay mid diirada lagu saari doono dib u heshii siinta iyo sidii xal dhab ah looga gaari lahaa habka maamul u sameynta koonfur galbeed Somalia.

Caasimada Onlin

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xisbiga Xasan oo dhaliilay Cabdi Weli

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalintii shaley xaflad ku qabtay xibsiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud ee PDP, taasoo lagu weyneenaayo sannad guurradii labaad ee ka soo wareegtay dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Intii ay xafladda socotay waxaa lagu soo bandhigay guulaha ay gaaray xisbigan tan iyo markii hoggaamiyahooda Xasan Sheekh uu xilka qabtay labo sanno ka hor iyo wax yaabaha uu hiigsanayo labada sanno ee u harsan.

Xoghayaha xisbiga PDP, Xamsa Cabdi Aar oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee Muqdisho ayaa sheegay in xisbiga tan iyo markii ay xilka ugu sareeya dalka ay qabteen in uu gaaray guulo la taaban karo balse ay jiraan wax yaabo badan oo u harsan.

Mar uu ka hadlaayay guulaha ay gaareen xisbigooda gaar ahaan dowladda wuxuu sheegay in dowladda ay guulo la taaban karo ay ka sameesay dhinaca dibedda oo hadda safaarado la aqoonsan yahay ay ku lee dahay waddamada ugu weyn waaweyn adduunka sida USA iyo UK.

Wuxuu sheegay in xisbiga qorshaha uu lahaa ay ka mid tahay siddii ay talada dalka ula wareegi lahaayeen balse ay caqabad ku noqoto nidaamka wax lagu soo doorto imminka ee 4.5 taasoo ka hor timid yoolka uu lahaa xisbiga sida uu yiri.

Wuxuu sheegay haddii ay jiri lahayd nidaamka axsaabta in xisbiga dhammaan xilalka baarlamaanka, kan ra’iisal wasaaraha iyo xittaa guddoomiyaha baarlamaanka uu isaga soo xulan lahaa.

Dhaliilo uu u jeediyay xukuumadda

Xoghayaha xisbiga nabadda iyo dimuquraadiyadda, Xamsa Cabdi Aar ayaa dhaliil u jeediyay xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuuna sheegay in sida ay hadda u wado maamul u sameenta dalka uu yahay mid qaldan.

Wuxuu tilmaamay xukuumadda in laga rabay marka hore in ay dib u heshiisiin u furto shacabka ku nool gobalada maamulka loo sameenaayo ka hor inta aan maamul loo dhisin.

Wuxuu sheegay in arrinta Jubbooyinka iyo tan koonfur galbeed ee muranka uu ka jirro in xukuumadda ay u martay xalkeeda dhabo qaldan sida uu yiri.;

Wuxuu sheegay oo kale haddii ay yihiin xisbiga PDP in ay u arkaan xukuumadda qaabka ay wax u wado qaab qaldan.

Si kastaba, hadalka xoghayaha xisbiga madaxweynaha ee PDP ayaa muujinaya in uu jirro khilaaf xooggan oo ka dhex taagan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha oo isna dhawaan la weydiiyay bal in uu jirro khilaaf isaga iyo ra’iisal wasaaraha wuxuu si maldahan u yiri “Khilaaf ma jiro laakin aragti kala duwanaansho madaxda waa ay jirtaa waana arrin iska caaddi ah”

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

PUNTLAND oo u jawaabtay JAWAARI !!!

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si carro leh uga jawaabay hadal la sheegay in uu yiri afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kaasoo ahaa in deeganada Puntland lagu dhibaateeyo dadka ka soo jeeda gobalada Baay iyo Bakool.

Guddoomiyaha gobalka Nugaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadalka jawaari uu yahay mid been abuur ah isla markaana looga baahan yahay in uu keeno caddeen ku aadan hadalka uu yiri.

Guddoomiyaha wuxuu kaloo sheegay in dadweyne ka soo jeeda Baay iyo Bakool ay ku nool yihiin magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo kuwaasoo waxyeelo aan la gaarsiin.

Guddoomiyaha gobalka Nugaal wuxuu kaloo xusay in ay aad uga yaabeen hadalka uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan dowladda fedaraalka wuxuuna intaas ku daray in dadka Puntland aaney wax dhib u geesaneynin dadka ka immaanaya koonfurta.

Hadalka guddoomiyaha gobalka Nugaal ayaa jawaab u ah hadal uu yiri afhayeenka baarlamaanka oo hadda booqasho ku jooga Baydhabo kaasoo ah in magaalooyinka Puntland si gaar ah loogu dhibaateeyo dadka ka soo jeeda Baay iyo Bakool.

Jawaabaha ay isku mariyeen Puntland iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sii kicinaya khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland oo hadda meel sare gaaray kaddib markii Puntland ay ku goodisay haddii muddo 30 cisho uga soo jawaabin dowladda in ay u jarayaan xiriirka.

Dadka wax odorosa ayaa leh Puntland waxay u muuqataa mid aad uga badbadisay heerka ay taagan tahay isla markaana caqabad ku ah dowlad kasta oo Soomaaliya ay yeelato.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Xildhibaan xubin muhiima ka ah BF oo magaalada Nairobi lagu xiray, Sabab?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya, ayaa Jeelka dhigay Guddoomiyaha Gudiga Difaaca Baarlamaanka Somalia Xil. Xusein Carab Ciise oo howlo shaqo u joogay Nairobi.

Xildhibaanka ayaa la sheegayaa in la xiray xili uu halkaasi u joogay Howlo shaqo, waxaana la Tilmaamayaa in lagala baxay Hotel uu ka degnaa Magaalada Nairobi.

Xildhibaanka ayaa xirnaa dhowr saac oo xiriir ah, waxaana dadaal dheer kadib suuragashay in dib xoriyadiisa loogu soo celsho Mudanaha.

Xariga Xusein Carab Ciise, ayaa waxa uu bar-bar socdaa xari dhawaanahaani Kenya loogu geysanaayay Siyaasiyiin ka kala tirsanaa Baarlamaanka iyo Safaarada Soomaalida Kenya, waxa ayna taasi qeyb ka noqoneysaa gafka Siyaasadeed ee inta badan Dowlada Kenya ay u geysato Siyaasiyiinta Somalia.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gudiga Difaaca Baarlamaanka Somalia Xil. Xusein Carab Ciise oo la hadlay Idaacadda KNN ee Magaalada Muqdisho, ayaa beeniyay in xarigaasi ay u geysteen Ciidamada Ammaanka Kenya, waxa uuna sheegay in Nairobi uu u joogo Howl, balse uu beeninaayo wararka ay baahiyeen Warbaahinta Afka Soomaaliga lagu qoro.

Haddalka Xusein Carab, ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo Dowlada Kenya ay inta badan xad gudubyo u geysato Diblumaasiyiinta Soomaalida ee dalkaasi u gaara Howlaha shaqo.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Xasan oo taagero ka raadiyey beelaha Hawiye ee uu horey u xumeeyey (Xog)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay inuu kullamo la qaato Odayaasha Beesha Hawiye oo in muddo ah ay kala fogeysay Siyaasadda.

Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxtooyada uu ku qaabilay Odayaashii ugu badnaa ee kasoo jeeda Beelaha Hawiye, kuwaasi oo la sheegay inuu kala hadlaayay Arimaha la xiriira inay garab istaagaan, xilli uu cadaadis siyaasadeed wajahayo.

Xasan iyo Cabdi Weli ayaa aad isugu xun maalmahan, wuxuuna madaxweynaha dareemaya in taageero la’aanta beeshiisa ay soo geba gebeyn karto xilkiisa. Waxa kale oo uu kala hadlay damaca uu ka muujinaayo inuu kusoo laabto doorashada Dalka.

Sida la og-yahay, taageerada Xasan Sheekh ee beeshiisa ayaa dhulka mareysa, waxaana hadda uu madaxweynaha muujinayaa in doonayo inuu xaaladda wax ka beddelo.

Ilo-xog-ogaal ka tirsan Villa Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Xassan Sheekh uu Odayaashaasi ka dalbaday inay kala shaqeeyan sidii uu dib ugu soo laaban lahaa Madaxtinimada Dalka oo ay iminka muddo kooban uga harsan tahay, waxaana la Tilmaamayaa inuu si aan ganbasho laheyn uga codsaday inta doorashada ka harsan ay cadaadin ka saaraan Xildhibaanada Beelaha Hawiye.

Si kastaba, qaar ka mid ah odayaasha ayaa Xasan u sheegay in baaqiisa yahay mid waqtigiisa ka horreeya, ayna jiraan waxyaabo ka horreeya oo wax qabad u baahan.

Kullanka ayaa waxaa sidoo kale, lagu lafaguray Siyaasada Xassan iyo kaalinta Beelaha Hawiye oo aan xiligaani is waafaqsaneyn, waxaana la Tilmaamayaa in Xassan uu ka cudur daartay wax waliba oo dhacay, arintaasina uu diyaar u yahay inuu ka bixiyo xaalmarin.

Dhanka kale, Kullanka Madaxweyne Xassan iyo Odayaasha, ayaa imaanaya xili Taariikhdu markii ay aheyd September 12, 2014 uu Xassan shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan qabashada madaxtinimada Dalka 2016-ka.

Xasan Sheekh, ayaa horey deegaano badan oo beelaha Hawiye wax ka degaan ama ay ayaga kaliya degaan u gacan geliyey maamulo kale, sida gobollada Jubbooyinka oo uu siiyey Axmed Madoobe iyo gobolka Sh/hoose oo uu door biday in laga maamulo Baydhaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Markab ay leedahay DFS iyo Ciidamada Somaliland oo isku dhacay (WARBIXIN)

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa sheegtay in Ciidamada Badda Maamulkaasi ay iska caabiyeen Markab la sheegay in Dowlada Federaalka kasoo kireysatay Hay’addo Ajaanib ah lagu arkay Xeebaha Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Xeebaha Maamulka ay ku arkeen Markab u kireysnaa DF, wuxuuna Cadeeyay inay talaabo adag ka qaadi doonaan cida ku soo xadgudubta wax uu ugu yeeray Xeebaha Maamulka Somaliland.

Waran Cadde waxa uu sheegay in Markabkaasi Ujeedkiisu yahay xaqiijinta Ammaanka xeebaha Somalia, taasina waxa uu ku shegay mid aysan aqbali karin, maadaama uu Tibaaxay in Maamulka Somaliland uu gaar ka yahay Somalia inteeda kale, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Xeebaha Somaliland waxaa xad gudub kusoo sameeyay Markab ay DFS ka soo kireysatay Hay’adaha Caalamka, wuxuuna Ujeedkiisu ahaa indha-indheynta Badda Somalia, wan ka shakinay waxaana u dirnay Ciidamadda illaalada Xeebaha Somaliland,si ay kormeer ugu soo sameeyaan Markabka ay Xukuumada Somaliya wadatay ee soo galay xuduuda Xeebaha Somaliland gaar ahaan Laas-qoray. Waxaa naga go’an inaan talaabo adag ka qaadno Markab waliba oo xad gudub nagu soo sameeya. Waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa in aanay maqal beenta ay fidinayaan dawlada Xamar’’ ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Waran Cadde.

Dhanka kale, Arrintaasi ayaa waxaa ka hadlay Admiral Guuto, Axmed Aw- Cismaan oo ah Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha Maamulka Somaliland, wuxuuna Cadeeyay in Markabkaasi uu yahay mid ay kireysatay DF, waxa uuna daboolka ka qaaday inay iska cabin doonaan wax waliba oo kaga imaada dhanka Dowlada Federaalka.

Waxa uu sheegay inuu DFS uga digaayo xadgudubka ay ku sameyneyso waxa uu ugu yeeray Badda gaar ahaan qeybtooda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Is-bar-bar dhig: Maxay Xasan Sheekh & Sheekh Shariif ku kala duwan yihiin?

0

Labada Madaxweyne ee ugu danbeeyay ee kala ah Sheikh Shariif iyo Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sheikh labaduba waxaa ay ka mideysan yihiin inay ahaayeen markii ay xukunka qabanayeen labo nin oo siyaasadda ku cusub, Khibradda Maamul ku yar tahay, Labada Madaxweyne si lamid ah madaxdii ka horeysay waxaa ay yihiin kuwo aad madaxtinimada u jecel.

Madaxweynihii Hore Sheikh Sharif Sheikh Axmed iyo dhacdooyinka la xasuusto.

• Sheikh Shariif wuxuu siyaasada kusoo galay Gudoomiyanimadii Maxkamadii Siisii, Kadibna wuxuu noqday Gudoomiyihii Maxkamada islaamiga Soomaaliya.

• Dagaal maxkamadaha ku qaadeen dawladii Cabdullahi Yusuf iyo itoobiyaanka oo Baydhabo ku ilaalinayey waxay keeneen in Maxkamadaha awood ahaan la maquuniyo lagana saaro dhamaan goboladii ay xukamayeen, dagaaladii u dhaxeeyay Dawladii Cabdulahi Yusuf iyo Itoobiyaanka iyo Kooxdii maxkamadaha waxay isu bedeleen dagaal jabhadeyn ah.

• Sheikh Shariif kooxdii Maxkamadaha oo uu Gudoomiyaha ka ahaa wuu ka dhuuntay iskuna Dhiibay Dawladda Kenya, Kadibna wuxuu tagay Eretria isaga oo sii maray wadamo kale, Sheikh Shariif wuxuu mar labaad madax ka noqday Isbahaysigii la magic baxay dib u xoreynta Soomaaliya (ARS-ta)

• Dib u heshiisiin loo sameeyay Dawladii Cabdullahi Yusuf iyo qeyb ka mid ah Kooxdii ARS-ta oo UN-ka garwadeen ka ahaa, laguna qabtay dalka Jabuuti waxay sababtay in Sheikh Shariif loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii baarlamaanka Soomaaliya la kordhiyay lana gaarsiiyey 550 xubnood, xubnahaas oo kooxdii ARS-ta keensadeen 275 xildhibaan.

• Madaxweyne Sheikh Shariif markii uu xukunka qabsaday waxaa Maamulka dawladda, Gobolka Banaadir, ilaha Dhaqaalaha dalka sida Dekeda , Garoonka iyo inta badan waxaa gacanta ku hayey kooxdii Maxkamadaha ka saartay Muqdisho oo inta badan u badnaa Beesha Madaxweyne Shariif oo uu Ra’iisul wasaare Cali Mohamed Gedi kasoo jeeday, Madaxweyne Sheikh Shariif ma sixin cadaalad daradii ay sameeyeen Kooxdii Maxkamadaha ka saartay Muqdisho, in uu usii badiyo maahine.

• Madaxweyne Sheikh Shariif xukunkiisii xiligii hore qeyb kamid ah Maxkamadaha islaamiga wuxuu kusoo daray golihii wasiirada, sidoo kale Sheikh Shariif wuxuu lahaa nin aad ugu dhow siyaasiya,n laguna Magacaabo Shariif Xasan ahaana ninkii ka danbeeyay in Sheikh Shariif Noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

• Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu ka shaqeeyay ama qeyb ka qaatay xil ka tuuristii Ra’isul wasaare aad ugu dhowaa siyaasiyan laguna Magacaabo Maxamed Cabdullahi Farmajo, Riditaankii Farmaajo ayaa la sheegaa in Sheikh Shariif ku bedeshay in hal sano Xilka loogu kordhiyo.

• Sheikh Shariif Farmaajo kadib wuxuu Ra’iisul wasaarihii Labaad u doortay Cabdiweli Cali Gaas oo xiriirkoodu wanaagsaneyn oo ay ugu danbeyn ku tartameen Madaxtinimada Soomaaliya.

• Madaxweyne Shariif Xasan wuxuu sameeyay Ganacsato ku beel ah oo uu dhaqaalo ahaan dhisay, sidoo kale ciidamada qalabka sida ee tababarada loo dirayo wuxuu ka shaqeeyay in beeshiisu ku badato ciidamada Xooga dalka.

• Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu ahaa nin ay aad ugu xiran yihiin dhamaan Taliyayaasha ciidamada qalabka sida, Wasaaradaha Muhiimka ah sida arimaha gudaha iyo amniga qaranka

• Madaxweyne Sheikh Shariif inkastoo uu ku magacawnaa Madaxweynaha Soomaaliya haddana sida dhabta ah xukunkiisu wuxuu ku ekaa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada u dhow, Dawladda Soomaaliya dhaqaalaha lagu maamulayeyna wuxuu ahaa Canshuurta reer Muqdisho, mana aheyn mid ka shaqeeya in maamulka dhaqaalaha soomaaliya la mideeyo, lana hoos geeyo dawladda soomaaliya oo lagu mideysan yahay.

• Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Xukuumadii Farmaajo xukuumadii ka danbaysayba marnaba kama shaqeyn qaab lagu xakamaynayo Musuqmaasuqa xargaha goostay iyo shaqaalaha been abuurka ah iyo ciidanka aan jirin ee lagu lunsado dhaqaalaha yarka ah ee dawladu hesho.

• Madaxweyne Shariif ayaa ahaa mid munaasabadaha doorashadiisa ka soo qeyb galaan inta badan madaxda dawladda , Taliyayaasha ciidamada, wuxuuna si adag gacanta ugu hayay SNTV iyo Radio Muqdisho iyada oo aysan ka bixi jirin wax uusan raali ka ahayn.

• Ugu danbeyn Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa noqday mid aan kasoo bixin Cadaaladii laga filayey maadaama uu gudoomiye usoo noqday Maxkamadihii Islaamiga oo bilaawgii hore soomaali badani ku qanacday, wuxuuna noqday nin aan astaahilin in dib loo doorto taasoo ku dhacday doorashadii uu isi siiyey oo uu kula tartamay madaxweynaha haatan talada dalka haaya ee Xasan Sheikh

Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

• Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu siyaasada kusoo galay Gudoomiyanimada Xisbiga PDP oo ay sameysteen Kooxda Damu jadiid.

• Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa xukunka ku helay Kooxda Damujadiid iyo Xisbigooda PDP oo Xiligii Xulashada Baarlamaanka ku heshiiyey in xubnaha xisbiga intiiba suuragal ah ka shaqeeyaan iyaga oo isticmaalaya lacag in qabiiladooda ka soo galaan Baarlamaanka.

• Xasan Sheikh ayaa Madaxtinimada Dalka ku helay Naceyb Soomaalida iyo Dawladii Sheikh Shariif dhexdoodu isu qaadeen iyo 30 meeyo xildhibaan oo dhaqaalo isticmaalay kana soo galay baarlamaanka qabiiladooda, iyo 30-meeyo Xildhibaan oo dhaqaalo ku gateen , qaarna jagooyin u balan qaadeen.

• Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu ka shaqeeyay xil ka tuuristii Ra’iisul wasaare Saacid , Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ahaa nin aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheikh, Xukuumada Soomaaliya-na waxaa laga maamulayay Madaxtooyada Xiligii RW Saacid. Riditaanka Ra’iisul wasaare Saacid waxaa ka danbeeyay Faarax Cabdulqaadir oo ahaa Maskaxdii ka danbeysay in Xasan Sheikh noqdo Madaxweyne. Faarax Cabdulqaadir ayaa Xasan Sheikh u jooga Meeshii Shariif Xasan u joogay Madaxweynihii Hore Sheikh Shariif sanadihii xukunkiisa ugu horeeyay.

• Ra’iisul Wasaare Saacid kadib Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu Ra’iisul wasaarihii Labaad u doortay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo uusan aqoon wanaagsan u lahayn, isaga oo ka doortay Mudane Goonjeex oo uu aqoon fiican u lahaa, horeyna ku sime R/W usoo noqday, kalsoonina ka kasbaday shacabka Soomaaliyeed

• Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sidii Madaxdii isaga ka horeysay-ba waayey awoodii uu ku lahaa Magacaabida Xukuumadda iyo hawl socodsiinta guud ee xukuumada Soomaaliya, sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu waayey Wasiiradii warbixinada geyn jiray Madaxtooyada oo aanba tegi jirin shirarka Golaha wasiirada oo uu shir gudoomin jiray Ra’iisul wasarihii hore ee Saacid.

• Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu doorashadiisa ka hor lahaa company lagu Magacaabo ALKHEYRAAD , company-gaas iyo company-yo badan oo uu dhalay wuxuu gacanta u geliyey qandaraasyo badan oo dawlado caalamka ah iyo dawladda soomaaliya bixiyeen.

• Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu noqday Madaxweyne aan Maamulka Golaha xukuumadda Gacanta ku heyn, sidoo kalana wuxuu noqday Madaxweyne an taageero badan ku lahayn Golaha Baarlamaanka.

• Madaxweyne Xasan Sheikh inkastoo uu ku magacaaban yahay Madaxweynaha Soomaaliya haddana sida dhabta ah xukunka DF soomaaliya wuxuu ku eg yahay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada u dhow, Dawladda Soomaaliya dhaqaalaha lagu maamulo waa Canshuurta reer Muqdisho, sidoo kalana Xasan Sheikh , Xukuumadda iyo Baarlamaankaba marnaba kama shaqeyn in maamulka dhaqaalaha, amniga, Garsoorka soomaaliya la mideeyo, lana hoos geeyo dawladda Federaalka soomaaliya.

• Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Xukuumadaba marnaba ma sameyn qaab lagu xakamaynayo Musuqmaasuqa xarkaha goostay iyo shaqaalaha been abuurka ah iyo ciidanka aan jirin ee lagu lunsado dhaqaalaha yarka ah ee dawladu hesho.

• Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa noqday mid munaasabadaha doorashadiisa aysan kasoo qeyb galin madaxda dawladda , Taliyayaasha ciidamada, wuxuuna noqday mid ka duwan madaxweynihii ka horeeyay oo gacanta ku hayey dhamaan taliyayaasha Ciidamada iyo warfaafinta dawladda , Madaxweyne Xasan Sheikh waxaana gacantiisa ku jirin warfaafinta Dawladda SNTV iyo Radio Muqdisho.

• Ugu danbeyn Madaxweyne Xasan Sheikh ayaan kasoo bixin intii laga filayey, wuxuuna noqday nin aan astaahilin in dib loo doorto, kaasoo lumiyey taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Boobka Kenya ee BADDA SOMALIA oo mugdi uu galay kadib markay qiratay…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa rajo xumo ka qabto Dacwada ku saabsan muranka dhul badeedka ee Dowladda Somalia u gudbisay Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo xarunteeda tahay The Hague, dalka Netherlands.

Walaac Kenya ee soo shaac baxay ayaa ka danbeysay kadib markii Wasiiradda Arrimaha Dibada Kenya Aamina Maxamed ay Wargeyska Sunday Nation u sheegtay in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ay ka wada hadleen muranka labada dhinac isla markaana loo fududeeyo wada hadalo laga yeelanayo arinta muranka badda.

Kenya ayaa sheegatay dhul badeedka Saliida iyo Malaayga hodanka ku ah, taasoo u muuqata mid hadda ay dabcineyso dacwada laga gudbiyay.

Wasiiradda arrimaha Dibada Kenya Amina Mohamed waxay sheegtay in nasiib daro ay tahay in iyadoo lagu guda jiray wada hadalo in ay dhacdo heer maxkamadeed.

Bishii June, shirkad Australian ah ayaa sheegtay in xeebaha Indian Ocean gaar ahaan dhulka lagu muran yahay in laga helay mid ka mid ah ceelasha saliida basiinka.

Danaha dhaqaale ee labada dal, iyo muranka dhulka hodanka ku ah saliida shidaalka iyo malaayga ayaa waxaa suuragal ah in ay keento dagaal lagu hoobto, sida ay ka digayaan diblumaasiyiin khibrad u leh Somalia iyo Kenya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Prof Muigai ayaa sheegay inuu diyaariyay khubaro si ay u taageeraan Kenya, uguna soo horjeestaan kiiska Somalia ay ka gudbisay.

Dacwada Dowladda Somalia ay u gudbisay ICJ aye Dowladda somaalia ku qeexday in ay fashilmeen wada hadalo labada dhinac u socday, isla markaana Kenya diiday qodobo ay hordhigtay Dowladda Somalia. waxaana Maxkamadda ICJ ay usoo gudbisay Kenya in ay soo qeexdo eedeymaha ay Somalia u soo jeedisay.

Si kastaba ha ahaatee,Wasiiradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa beenisay in sahaminta shidaalka ee aagga lagu muransan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawiro & Xog: Shirka ONLF ee London

0

Waxaa dalka Ingiriiska ka socda dhir aad u balaadhan oo ay isugu yimadeen madaxa ugu sareysa Ururka ONLF oo uu kamid yahay Gudoomiyaha ONLF Adm. Mohamed Cumar Cismaan, kuxigeenkiisa Dr. Mohamed Ismaciil Cumar, Gudoomiyaha Golaha Dhexe Diirane Abdi Yasiin, Madaxa Hogaanka Arimaha Dibada Abdirahman Sheikh Mahad Madeey & xubo kale oo badan oo isugu jira gudiga Fulinta & Golaha Dhexe ee ONLF.

Shirkan oo furmay maalintii Jamca ee ay taariikhdu ku begneed 12 ayaa waxaa isgu yimid dad aad u badan oo kala yimid qaaradaha aduunka & dalkan Ingiriiska oo ay dagan yihiin jaaliyadda balaadhan oo taagersan Ururka ONLF waxaa kale oo shirka joogay Hay’ado kale duwan oo lagu marti qaaday shirka kuwaas oo ka hadlay muujiyay dhibaatada & tacadiga ka jira gobalka Ogaden in uu yahay mid u baahan in si dhab ah loo faragaliyo.

Waxaa kale oo shirka ka soo qayb galay Wafuud kakala yimid daafaha caalamka ayaga oo kala matalaya Jaaliyaadka Ogaadeenya ee caalamka waxaana Hoolka shirka lagu qabanayay lagu shar sharxay calaamado & calanka ONLF, dadka goobta joogay ayaa ayaguna inta badan ku labisnaa maryo aad u qurxoon oo calanku ku xar-xardhan yahay.

Shirkan oo sanadwalba dhacay sanadkii horena lagu qabtay magaalada Pretoria ee caasimada K/Afrika ayaa ah shir bulsho laguna soo bandhigo suugaan kale duwan & qiimayn ay jaaliyaadku ku qiimaynayaan wixii u qabsoomay labaas shir.

Shirkan ayaa ka duwan kuwii hore waana markii ugu horeeyay ee ay madaxa intaas dhan ku kulmaan halmeel ah ayaga oo kakale yimid daafaha aduunka waxaana lagu wadaa shirkan in uu wax badan ka badalaan doono shirarkii hore.

Dhanka kale shirkan ayaa ku soo beegmay xili ay magaalada JigJiga ka jirto is hays haysad aad u badan oo Maamulka Abdi Iley uu ku jiro marxalad jaha wareer ah oo khilaaf hadheeyay waxaana marar kale duwan looga yeedhay magaalada Addiss Ababa si loo xakameeya khilaafka balse aan ilaa hadda lagu guulaysanin.

Ururka ONLF ayaa bishii lasoo dhaafay ee August waxay u dabaaldagayeen 30 sano Guuradii ka soo wareegtay markii la asaasay ONLF oo ku beegay August 15, 1984 waxaana si weyn looga xusay meelo badan oo aduunka ah.

Warbaahinta Qorahay Media oo waraysatay Dr. Mohamed Ismacii Cumar G/Xigeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in ay gadheen guulo aad u badan kuwaas oo lagu naaloon karo isaga oo sheegay in hadafkii & ujeedadii ururkan loo asaasay uu maanta midha dhalay guulna ay ku taagan yihiin isaga oo dhanka kale milicsaday in ay Itoobiya kaga adkadeen dhanka siyaada ciidanka & taageerida ay ka haystaan shacabka Ogaadeenya wuxuuna sheegay in ay fashiliyeen qorsheyaal aad u badan oo ay Itoobiya doonaysay in ay ku dher abuurato shacabka & jaaliyaadka kuwa raacsan siyaasada Itoobiya balse midaasi way ku hungoowday ayuu misha Mohamed Ismaciil oo u waramaya Qorahay Wed TV.

Waxaan idin soo gudbin donaa Barnamijyo aad ka soo diyaarin doona shirkaas & wixii ka soo baxa oo aad diirada ku hayno.

Ogaden (1)Ogaden (2)Ogaden (3)Ogaden (4)

Mohamed Ibrahim
Suxufi Madaxbanaan
[email protected]

XASAN SHEEKH awooddaada adeegso

0

Madaxweyne Xasn Sheikh waa nin ku dadaala inuu u dhaqmo si hufan uusan cidna ku xad-gudbin ama u gefin.  Nasiib darro wuxuu ku soo beegmay xilli dadka badankiisu ay halyey u yaqaaniin midka aan ka xishoon  erayada qallafsan, dadka caaya kaasoo carabiga lagu yiraahdo WAQAAXA ingiriiskana VOLGARITY.  Xilligaan waxaa batay dadka tallaabo kasta oo la qaado u arka mid xun, waayoo qalbigooda ayaa xumaani degtay marna wax wanaag ah ma arkaan, wayoo iyagaan wanaagsaneyn.

Xasan Sheikh wuxuu iska ilaaliyay inuu la mid noqdo kuwa gobollada qaar hogaamiya iskuna sheega doctor laakin runtii aan ahayn dad u qalma inay la doodaan Xasan Sheikh, laakin xilliga ayaa saaciday oo u oggolaaday inay Madaxweyne Xasan oo kale ah ku soo beegmaan iyagoo ah waxa loo yaqaano “mediocres” qaarkoodna lagu qiimeyay “low class people” waana sida umadaha aduunka ay no arkaan.

Dadka noocaas ah qofki la dhaqmaa wuxuu naqanaa isagoo kale. Talyaaniga wuxuu yirahaa “ dimmi con chi sei ti diro’quello che sei”  (qofka aad la socoto ii sheeg aan kuu sheegee waxa aad tahay) Somaliduna mid u dhaw ayey qabtaa oo ah saaxibkaa kumana cadeeyo kumana madoobeeyo sow yohow kaa dhigaa.  Xilliga aan mareyno waxaa nool dad badankooda aad uga hooseeya mustawaha adduunka maraayo oon manra laga fileyn inay horumar gaaraan waayoo qof waliba wuxuu mashquul ku yahay siduu dhibaato u gaarsiin lahaa qof kale.

Madaxweyne Xasanow bal isku day inaad adeegsato awooda dusturiga ah ee aad leedahay.  Ku dhihi maayo u hadal sidi C/weli Gaas iyo kuwa la midka ah, balse waxaan ku talin lahaa inaad u laqinto dersi aysan weligood illaabin isaga iyo kuwa ku dayda dhaqankiisa oo ay isku fikirka yihiin.  Inaad u sheegto in dalkaanu dowlad leeyahay, ciddi ku soo xadgudubtana ay la kulmi doonto cawaqib xumo ay ka qoomameyso.  Af-buuxa ugu sheeg inaan cidna shidaal ka baari karin dalkaan iyadoon soo marin dowladda dhexe, gobolki isku daya inuu dowladda awoodeeda ka tallabsadana loola dhaqmi doono si uusan jecleysan lana marsiin doono waxa uu sharciga ka mudan yahay.

Intaas iyo in ka badan inaad garato waa hubaa, waxaanse rabaa inaad adeegsato awoodda Ilaahey ku siiyay oo ah inaad cid waliba kula dhaqanto waxa ay tahay,awoodaadana aysan cidna ku xadgubin.

Yaa siiyay R/Wasaare Cabdiweli awood uu ku magacaabo ama xil ka qaado Madaxda ciidamada qaybahood kala duwan?  Waxay ila tahay in laba sano kaddib lasoo gaaray xilligii aad adeegsan lahayd  awoodda dastuuriga ee aad leedahay, adigoon cidna uga heybeysan ama la xishoon.  Si awoodaada ay dalka oo dhan u wada gaarto waxaan kugula talin lahaa inaad raadsato labada sano ee kuu dhiman dad si gaar ah loo soo xulay oo ku wanaagsan istratejiyada maamulka dowladnimo, kuna sameyn kara taxaaliil iyo saadaalin cilmiyeysan natiijooyinka ka soo bixi kara tallaabooyinka la qaadayo inta aan la qaadin.

Labadi sano ee la soo dhaafay waxaa suurta gashay in la qaado tallaabooyin aad loo mahadiyay oo ummadda wax weyn ka beddelay noloshooda waana mid ay kuu aqoonsan yihiin inta wax garata oo isir neceybka nadiif ka ah.

Haddaba sidee horey loogu dhaqaaqi karaa?  Waxaa loo baahan yahay in dalka laga dhiso lana magacaabo shakhsiyaad, heyado iyo wasaarado awood dheeri ah la siiyo,sida Wasiirka Amniga Khaliif Ereg  oo ah shakhsi wax weyn beddeli kara hadduu helo  tas-hiilaadka uu u baahan yahay si uu gobollada qaarkood uga qaado tallaabooyin lagu saxaaya khaladaadka dhacaya oo ay ugu badan tahay gefafka ay caadeysteen madaxda Puntland oo is-mooday inay dhul kale ku nool yihiin oon Somaliya ahayn iyagoon weli fahmin federaal waxa uu yahay. Waxa soo raaca Madoobe Nuunow oo aad moddoo inuu deggan yahay dhul aysan dowladi ka jirin…Dadkaas oo dhan waa in laga qaadaa tallaabooyin toosin ah oo lagu daryeelayo heybadda dowladda.

Waa in la adeegsadaa shakhsiyaad ay ku weyn tahay wadaninnimada diyaarna u ah inay fuliyaan siyaasadda dowladda dhexe taasoo loo baahan yahay in labada sano ee ka dhiman doorashada dadka qalloocan meel kasta ay joogaan la toosiyaa tubta saxda ahna lagu soo ridaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Militariga Cabdiraxmaan M. Tuuryare iyo Khaliif Ereg iyo ciddi ay iyagu xushaan la siiyo awoodo ay ku fuliyaan siyaasadda dowladda.  Dalka waa in laga nadiifiyaa wax-magaratada u hanqal taagaya inay hanti ka aruursadaan dowladaha qaarkood oo diyaar u ah inay xayiraan shidaal laga raadiyo Somaliya, diyaarna u ah inay hanti aad u fara badan ku laaluushaan ciddi isku dayda inay batrool ka baarto Somaliya…Kuwi Puntland madax ka soo noqday ayaa ka faa’iiday arrinkaas, kuwa hadda joogana sidi oo kale ayey rabaan si ay ugu laabtaan meeshey ka yimideen iyagoo dhergan.

Arrintaan aan ka dhawaajiyay wa mid la hubin karo haddii loo baahdo, caddeyman lagu qanci karana loo haayo marki loo baahdo.

W/Q: Axmad Calasow

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

C/Weli oo Safar ah iyo banaanbax la…

0

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow nasoo gaaray, ayaa sheegaya in Saacadaha soo socda uu Magaalada Baydhaba gaari doono Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo.

Socdaalka Ra’isulwasaaraha iyo Wafdigiisa ay ku gaari doonaan Magaalada Baydhaba, ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid uu ku furaayo shir maanta ka furmaayo Magaalada Baydhaba kaasi oo la Tilmaamay inuu yahay mid lagu heshiisiinaayo Bulshada halkaasi Degta.

Sidoo kale, wararka halkaasi naga soo gaaraya, ayaa sheegaya in si aad ah loo adkeeyay Ammaanka Magaalada waxaana la arkayaa Ciidamo farabadan oo lagu soo daadiyay wadooyinka waaweyn kuwaasi oo xaqiijinaaya Ammaanka.

Ciidamada ayaa isha ku hayo Banaanbaxyo laga cabsi qabo inuu halkaasi ka dhaco maanta , kaasi oo looga soo horjeedo Tagista Ra’isulwasaaraha Magaalada Baydhaba, waxaana laga cabsi qabaa in Banaanbaxa qabanqaabadiisa xiligaani uu ka socdo Baydhaba sababo Khasaaro.

Dhanka kale, Safarka uu Ra’isulwasaaraha ku gaarayo Baydhaba, ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo maalinimadii shalay Mamaulka Lixda Gobol uu soo saaray Bayaan ay ku qeexayaan Mowqifkooda ku aadan in Ra’isulwasaare C/weli uusan soo gali Karin Baydhaba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Jawaari oo muuqaal sir ah laga duubay isaga oo Puntland weeraraya

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maxamed Cismaan Jawaari, oo ah afhayeenka Baarlamana Soomaaliya ayaa waxaa laga duubaqy muuqaal Video ah, isaga oo magaalada Baydhabab si gaar ah ugula hadlaya beeshiisa.

Waxa uu muuqaalka ugu baaqayaa beeshiisa, inay isku duubato, si looga gudbo dhibaatada lagu hayo dadkooda, gaar ahaan kuwaada ku sugan deegaanada Puntland, oo uu sheegay in xarig lala daba joogo, hantidoodana la boobayo..

Jawaari oo ay ka muuqato carro ayaa waxaa uu dadkiisa ku dhaliilay inay dhexdooda isku mashquulsan yihiin islamarkaana aysan laheyn wax midow ah, laakiin waxaa uu sheegay in xilligan la joogo waqtigii ay wada jir noqon lahaayee.

“Hurdada kakaca, oo iska daaya reer hebal iyo reer hebalka aad isku heysatiin. Reer Buur iyo reer Baydhabo iska dhaafa markii aad halkan ka tagtaan, oo midooba” ayuu yiri Jawaari.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Puntland ay dhibaato xoogan ku heyso shacabka iyo ganacsatada kasoo jeeda beeshiisa, isagoona sheegay in isla maanta ay dadka ganacsatada ah ee kasoo jeeda reerkaasi ay Puntland kula kacday xarig, taasi oo uu aad uga muujiyey caro xoogan, uuna sheegay in teleefon lagu soo war-geliyey..

Halkan ka daawo Jawaari

Daawo Video: Soomaalida Australia ku nool iyo dhaqashada xoolaha gelaha

0

Soomaalida ku nool wadanka Australia oo ka duwan soomaalida kale ee ku nool Wadamada Qurbaha kadib markii ay halkaa ka bilaabeyn dhaqashada iyo ka ganacsiga Xoolaha Geelka.

Hadaba Muuqaal aad ka heli doonto oo laga soo duubo soomaali si caadi ah u dhaqda Geela halka qaarkoodna ay ka ganacsadaan iibinta hilibkooda waana arin aad loola dhacay kadib in ay Soomaalidu ka mid tahay wadamada aadka u dhaqda Xoolaha geelka ee nala daawo muuqaalka.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

C/Weli oo Amisom u gudbiyey dacwo la xiriirta xaalka cakiran ee Nabadsugida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya C/Weli Sheekh Axmed, ayaa saraakiisha Amisom ka codsaday inay taliyihii hore ee Nabad-sugidda qaranka ku cadaadiyaan inuu kursiga baneeyo.

Qoraal la sheegay in Cabdi Weli uu Amisom u diray ayuu ku sheegay in Cabdullaahi Sambaloolshe uu ka madax adeegay xil ka qaadistii lagu sameeyey, ayna arrimihii ammaanka dalka u xayiran yihiin, xilli taliyaha KMG ah aanu xafiiska tagi karin.

Xil ka qaadista Sambaloolshe ayaa dhalisay muran ka dhex oogmay madaxwenaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayada oo la rumeysan yahay in Xasan Sheekh uu u sheegay inuu xilkiisa sii hayo.

Amisom, ayaa hadda wajaheysa xaalad adag, ayada oo aanay garaneyn meel ay wax ka bilowdo, maadaama uu madaxweynaha la safan yahay Sambaloolshe.

Dadaallo ayaa iminka socda oo la isugu soo dhoweynayo labada mas’uul, si looga gudbo wax kasta oo xaaladda sii murjin kara.

Madaxweyne Xasan oo habeen hore hadlay, ayaa sheegaya in Sambaloolshe xilka laga qaadi karo, balse loo baahan yahay in sharciga loo maro.

Diidmada wareejinta xilka, ayaa sidoo kale horey u dhacday, kadib markii taliyihii hore ee booliiska General Saacid uu diiday inuu xilka ku wareejiyo general Maxamed, isaga oo ku dooday in Cabdi Weli uusan xaq u lahayn inuu xilka ka qaado.

Si kastaba kadib dadaal dheer, ayuu Saacid xilka wareejiyey, waxaana hadda socda dadaalo lagu qancinayo Sambaloolshe, si uu xilka u wareejiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo fal argagax leh ka geystay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM uu si bareer ah u toogtay Muwaadin soomaaliyeed.

Dilka muwaadinka ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay laamiga dheer ee isku xira Magaalladda Muqdisho iyo Degmadda Afgooye.

Wararku waxa ay sheegayaan in wiilka la dilay uu ahaa Kirishbooy ka shaqeynaayay mid kamid ah gaadiidka wadadaasi isticmaasha, waxa uuna dilkaasi si gaar ah uga dhacay Tabeellaha Sheekh Ibraahim Gacal ee duleedka magaalladda Muqdisho.

Dilka Kirishbooyga ayaa yimid kadib markii Dareewalka uu ka dhega-adeegay inuu u soo dhawaanin Kolonyadda gaadiidka AMISOM ee waddada maraysay taasina ay dhalisay in Rasaasta uu furay Askarigaasi ku dhinto Kirishbooyga.

Dhanka kale, Askariga rasaasta furay ayaa la sheegay inuu Kirishboyga ku dhuftay saddex xabbadood, iyadoo uu isla goobtii ku geeriyooday mana jirto cid is weydiisay dilka Muwaadinka, waxaana Meydkiisa looga dhaqaajiyay isla goobta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DFS oo xireysa idaacadaha MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda fedaraalka ay wado qorshe ay ku aamusiineyso Idaacadaha maxalliga.

Agaasimaha Idaacadda Shabeelle, Maxamed Muuse ayaa BBC-da u sheegay in Idaacadoodii iyo talafishankii Shabeelle ay xirtay dowladda isla markaana wixii qalabka ah ee yaallay ay gurteen.

Wuxuu sheegay oo kale in amarka lagu xiray Idaacadaha Shabeelle iyo SKY in ay billow u tahay caburin la rabo in lagu sameeyo Idaacadaha maxalliga ah ee Muqdisho ka howlgala.

Agaasimaha Shabeelle ayaa xusay in shaqaalihii Idaaacadda la xiray halka kuwa kalena ay la soo daristay shaqo la’aan.

Wuxuu tilmaamay haddii ay jirto wax dacwo ah oo laga qabo Idaacadda ama shaqaalaha in looga baahnaa sharciga in la horkeeno balse ay dowladda ay ugu talagashay in ay aamusiiso Idaacadda Shabeelle.

Waxaa la weydiiyay in Shabeelle ay noqotay iyadoo aan socod baran oo xirfad badan aan lahayn shaqaalahooda isla markaana sheega waxa ay rabaan?

Wuxuu ka dhawaajiyay in arrintaas ay jirto balse dowladda looga baahnaa in ay la timaado qaabka ka badalan waxa ay hadda sameesay.

Ugu dambeen waxa uu sheegay in dowladda ay wado qorshe ay ku xireyso dhammaan Idaacadaha gaarka loo lee yahay ee Soomaaliya ku yaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Maamulka MADOOBE Nuunow oo ay soo wajahday arrin aysan fileynin

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed, Siyaad Sheekh Daahir ayaa sheegay in maamulkii Madoobe Nuunow uu burburay isla markaana uu ku biiray maamulka seddaxda gobal sida uu yiri.

Wuxuu tilmaamay in maamulkaas uu hadda ku soo haray seddax qof intii kalena ay ku biireen maamulka seddada gobal.
Mar la weydiiyay sida uu ku caddeen karo arrintaas, wuxuu tilmaamay in ay hayaan caddeemo arrintaas muujinaya isagoona intaas ku daray in 95% maamulkii lixda gobal uu burburay.

Dadka uu xusay in ay ka soo goosteen maamulkaas waxaa ka mid ah buu yiri, madaxweyne ku xigeenkii iyo badi wasiiradii maamulka lixda gobal kuwaasoo hadda ku buuray maamulka seddaxda gobal.

Mar uu ka hadlaayay shirka ka furmaya Baydhabo, wuxuu tilmaamay in shirkaas uu billow u yahay dhismaha maamulka seddaxda gobal ee la rabo in loo dhiso laga billaabo Siinka dheer ee gobalka Shabeellaha Hoose iyo duleedka gobalka Bakool.

Ugu dambeen waxa uu ka dhawaajiyay in wax lix gobal la dhaho aanu ka jirin magaalada Baydhabo cidda sheeganaysana ay yihiin kuwa aan xaaladda la socon.

Ma cadda in shirka berri ka furmaya Baydhabo uu meesha ka saari doono maamulka lixda gobal oo mas’uuliyiintooda ay weli ku adkeesanayaan in uu maamulkooda shaqeeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u taageertay maamulka seddaxda gobal iyagoona qaadacay maamulka lixda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]