27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

C/Weli oo loga digay tagista Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka lixda gobal ee uu hoggaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ka digay in raysal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed uu booqdo magaalada Baydhabo halkaasoo maalinta berri ee Axadda ah uu ka furmaayo shirweyne dib u heshiisiin oo hordhac u ah maamul seddax gobal.

Cabdulaahi Maxamed Idiris (Leesto) oo ah wasiirka gaadidka ka ah maamulka lixda gobal ayaa warbaahinta u sheegay haddii ra’iisal wasaaraha uu yimaado Baydhabo in ay qaadacayaan ka qeybgalka shirka iyo in magaalada ay ka dhacaan rabshado la mid ah kuwa ka hore ka dhacay oo dad ay ku dhinteen.

Wuxuu sheegay oo kale in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka shirka uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka balse aaney jirin wax tanaasul ah oo ay ka muujiyeen maamulkooda lixda gobal.

Si kastaba, guddoomiyaha baarlamaanka, ayaa Khamiistii hore sheegay in daah furka shirka baydhabo ka dhacaya ay ka qeybgali doonaan wasiiro iyo xildhibaanno uu hor kacaayo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socda kulamo loogu gogal xaarayo shirka dib u heshiisiinta ee magaalada Baydhabo ka furmaya maalinta Axadda ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sidee ayey dastuurka ugu kala awood badan yihiin madaxda DF? + Awooddii XASAN oo si dadban loola wareegay !!

0

Madaxweynaha DF Soomaaliya Mr Xasan Sheikh Mohamud wuxuu markasta ku celceliyaa inuu isagu mas’uul ka yahay wixii ka qaldamay DF Soomaaliya mudadii ay soo jirtay, Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay is weydiinayaan waxa uu ula jeedo madaxweyne Xasan Sheikh masuuliyadda uusan lahayn ee uu qaadanayo.

Dastuurka qabyada ah ee DF Soomaaliya madaxweynaha awoodiisu waa kooban tahay, awooda fulinta madaxweynaha gacanta uguma jirto, shaqada maalin laha ee dawladda Soomaaliya gacantiisa kuma jirto, Magacaabida iyo Xil ka qaadista Safiirada, Qunsulada, Golaha wasiiradda, Taliyayaasha Ciidamada iyo Dhamaan madaxda hayadaha kale ee Dawladda kuma jirto awooda Madaxweynaha ilamaa ay golaha wasiiradu usoo gudbiyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya miyuusan noqoneyn naftiisa been u sheege, Dhacdooyinka dawladda waxaa ugu danbeysay Taliyihii Nabadsugida Cadullahi Sanbaloolshe oo Madaxweynuhu ku qanacsanaa oo ay xilka ka qaadeen Golaha wasiirada iyada aysan wax la tashi ah kala sameyn madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh miyuusan aheyn Madaxweynihii lumiyey awoodii yareyd ee uu dastuurku siinayey taasoo ahayd inuu magacaabo ama xilka ka qaado Taliyayaasha ciidamada kadib markii golaha wasiiradu usoo gudbiyaan.

Golaha Wasiiradda iyo Raisul Wasaare Cabdi Weli ayaa ku darsaday awoodoodii ahayd usoo jeedinta Madaxweynaha Magacaabista ama Xil ka qaadista Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ee dalka Soomaaliya, awoodaas in laga qaato madaxweyne Xasan Sheikh kuma bilaaban Xil ka qaadistii taliyaha nabadsugida Cabdullahi Sanbaloolshe, awood kala wareegista Madaxweynaha ee ku koobnayd ku dhawaaqista Xil ka qaadista ama magacaabista taliyayaasha Ciidamada marka golaha wasiiradu soo jeediyaan wuxuu Raisul wasaare Cabdi Weli la wareegay Xil ka qaadistii Taliyayaashii hore ee Booliiska iyo Nabadsugida Gen Saacid iyo Gen Bashiir Goobe iyo sidoo kale ku dhawaaqistii Magacaabista Taliyayaasha Booliiska Gen Maxamed Xasan iyo Mr Abdullahi Sanbaloolshe.

Aqristow hoos ka aqri Awooda kooban ee Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya uu siinayo Madaxweynaha Soomaaliya ee aad ka heli karto website-ka Baarlamaanka , Raisul wasaaraha iyo Ku xigeenadiisa, Golaha Wasiirada, Wasiirada, Ku xigeenada Wasiirada iyo Wasiiru dawlayaasha.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ah mid dusha iska saara masuuliyad uusan lahayn, sidoo kalana aan fahansaneyn in Dastuurka Soomaaliya ee isku qasani dhigaayo in Madaxweynaha la doortay awoodiisu kooban tahay uuna ka awood badan yahay Raisul wasaaraha uu magacaabo iyo Golahiisa wasiirada, Dalka iyo Dadka Soomaaliya amniga, Horumarka, Midnimada, Cadaalada, sinaanta shacabka waxaa Masuuliyadi ka saaran tahay Xukuumada uu dastuurkaani siinayo awooda fulinta, Madaxweyne Xasan Sheikh-na ha iska dhaafo qaadashada masuuliyad uusan lahayn oo uu ku raadinayo inuu isugu muujiyo inay isaga masuliyadisa tahay hawlaha Xukumada. Dasturka Federaalka Rasmiga ah ee ku jira website-ka Baarlamanka waxa laga degsan karaa http://www.parliament.gov.so/index.php/so/qoraalada-2

Qodobka 90aad. Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

Awoodaha iyo xilka Madaxweynaha waxaa ka mid ah:

(a) Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Deg degga ah iyo Xaaladda dagaal, si wafaaqsan sharciga.

(b) waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida.

(c) Wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu.

(d) Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).

(e) Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.

(f) Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalku, si sharci looga dhigo.

(g) Wuxuu furaa Golaha Shacabka.

(h) Wuxuu la hadlaa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka sanadkiiba mar.

(i) Wuxuu la hadli karaa Golaha Shacabka mar kasta oo kale.

(j) Wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib.

(k) Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu.

(l) Wuxuu magacaabaya jagooyinka danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud, markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo.

(m) Wuxuu qaabbilaa diblomaasiyiinta shisheeye iyo wakiillada qunsuliyadaha dalalka shisheeye.

(n) Wuxuu guddoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo.

(o) Madaxweynuhu wuxuu kala diri karaa Golaha Shacabka marka ay muddadiisa xilku dhammaato, si doorasho ay u aadaan.

(p) In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeegga Garsoorka.

(q) In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirrada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.

Qodobka 99aad. Xilalka Golaha Wasiirrada

Golaha Wasiirradu waxa uu leeyahay awoodaha soo socda:

(a) Dejinta siyaasadda guud ee Xukuumadda iyo dhaqangelinteeda;

(b) Ogolaanshaha iyo fulinta xeerarka maamulka, si waafaqsan shuruucda;

(c) Diyaarinta hindiso sharciyadeed iyo soo-hor-dhigiddooda Golaha Shacabka;

(d) Diyaarinta miisaaniyad-sannadeedka iyo xisaab-xirkooda;

(e) Dejinta qorshaha guud oo lagu hormarinaayo dalka;

(f) Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka iyo ilaalinta danaha Dawladda;

(g) Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda;

(h) Golaha Wasiirradda waxay soo jeedinayaan magacaabidda/ xil kaqaadidda danjirayaasha, qunsiliyadda guud iyo diblomaasiyiinta.

(i) Awoodaha kale ee Dastuurka ama shuruucda lagu siiyey.

Qodobka 100aad: Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha

Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa:

(a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah;

(b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada;

(c) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.

(d) In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray Dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan Dastuurkan iyo qiyamkiisa.

Qodobka 101aad: Ku-Xigeenka Ra’iisul-wasaaraha

Ku-Xigeenka Ra’iisul-wasaaraha wuxuu qabtaa xilka Ra’iisul-wasaaraha marka uu dalka ka maqan yahay, iyo Xilalka kale uu u igmado Ra’iisul-wasaaraha.

Qodobka 102aad: Xilka Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiir Dawlaha

(1) Wasiir kasta wuxuu si shakhsi ah mas’uul uga yahay hawlaha Wasaaraddiisa.

(2) Wasiir ku-xigeen kasta wuxuu qabta xilka wasiirka wasaaraddu u igmado.

(3) Wasiiru Dawluhu wuxuu qabtaa xil gaar ah oo uu Ra’iisul-Wasaaruhu u xilsaaro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo laba jibaaray awoodaha Guuleed (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa sii laba jibaaray awoodaha aan sharciga ahayn ee uu haysto Wasiirkii hore ee Amniga DF C/kariin Guulleed, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku dhow..

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu Guulleed u gacan galshay shaqooyin wasiir loogu talo galay, taasi oo ka danbeysay kadib markii laga qaaday xilkii Amniga ee uu u haayay Dowlada Federaalka.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu Guulleed hoos geeyaa arrimaha ay qaban lahaayen Wasaarado ka tirsan DF oo ay kamid yihiin Arrimaha Dibadda, Heshiisyada iyo Ammaanka, waxaana sidoo kale la sheegayaa in Guulleed uu kala qoondeeyo gabi ahaan dhaqaalaha iyo kala soocida shaqsiyaadka safarada u raaco Madaxweynaha, xiliyada uu socdaalka ku baxayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa ay siyaasad ahaan aad isugu dhow yihiin C/kariin Guulled oo kamid ahaa dadka ay ka go’do go’aanka Ururka Dam-Jadiid, waxa uuna xiligaani ku hayaa Xarunta Madaxtooyada isagoona ku raadinaayo xilal ama Safaarado dhaqaale leh, maadaama ay DF mareyso heer gabagabo.

Sidoo kale, C/kariin Guulleed ayaa waxa uu dhawaan howlo indha-indhey u tagay Dalka Turkiga si muuqaal iyo Siyaasad ahaanba looga soo iibiyo Madaxweynaha Cusub Dalka Turkiga Ardugan, waxaana  iminka lasoo tabinayaa in heer gabogabo ay mareyso magacaabidiisa.

Dhanka kale, waxaa Siyaasadaha Xassan iyo Guulleed dhaliilo kala duwan ka muujinaaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DF oo iyagu Aaminsan in xilka loo dhiibay uu yahay mid Afka ah, balse Howluhuna ay hoos socdaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected] 

XOG: Khilaaf meel xun maraya oo weli ka dhex oogan Erag iyo Sanbaloolshe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu soo waramaayo waxaa maalmahaani aad u xumaaday xiriirka ka dhexeeya Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Erag iyo Aggaasimihii wakhtigiisu dhamaaday ee Hay’adda Nabadsugida Qaranka Somalia C/llahi Sanbaloolshe oo iyagu xiligaani isku hayo Arrinta Ammaanka.

Warar hoose ayaa sheegaya in Labada Mas’uul laga cabsi qabo inay fooda is daraan, waxaana la soo sheegayaa inay kala jarteen wadooyinka mara hooyga labada Mas’uul.

Isku dhaca labada Mas’uul ayaa la soo sheegayaa inuu bilowday kadib markii weerar culus lagu qaaday Hooyga Axmed Daaci iyo Siyaasi C/llahi Xassan.

Aggaasimihii xilka laga tuuray C/llahi Sanbaloolshe, ayaa la Tilmaamayaa inta uu xilkaasi hayay uu adeegsanaayay Awoodaha Wasiirka Amniga Khaliif Erag, isagoona lagu eedeeyay in Howlgaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho uusan la socodsiinin laamaha Ammaanka sida Wasiirka Amniga oo uu la baal-maray.

C/llahi Sanbaloolshe oo colaad saadalinaaya, ayaa waxaa la soo sheegayaa inuu jaray gabi ahaan wadooyinka Xafiisadiisa gala, maadama uu xaalku yahay mid alow-sahal waxaana xili waliba laga cabsi qabaa inay fooda is daraan, iyadoona uu xiligaani Sanbaloolshe diidan yahay inuu si nadiif ah ku wareejiyo xilka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa la Tilmaamayaa inuu Sanbaloolshe uu ugu baaqay inuu xaalada dajiyo balse wixii faragaliya Howlihiisa uu iska qabto taasi oo keentay in Labada Mas’uul ay meelo fog iska ugaarsadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

CALI KHALIIF GALAYR: Maah maaahyo xumo waa gudniinsho xumo (FAALLO)

0

Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh: Nin ayaa noo sheekeeyey, waxaan sheekadiisa ka xasuustaa oo ka mid ahayd… Waxaa meel nala deganaa oday waayeel ah oo markuu damco inuu qoslo adduun oo dhan qariba… Isagoo hadalkiisii sii wata ayuu yiri…Maalin dhowayd ayaa laysoo wacay oo waxaa lay yiri odaygii qosolkii hawlo kale ayuu ku darsaday.

Haataan Cali Khaliif siyaasad xumadii khayaanada ku dhisnayd ee aanu habka loo xeeladeeyo damaciisaa qarsoon aanu garanayn… Wuxuu ku darsaday aflagaado ka baxsan aflagaadada dadka waa wayni isticmaalaan… Illayn dadku maaha ma gefayaal… Allah kaliya Ayaan gefin qof waynna gef waa ka dhacaa laakiin gefka aflagaadada ah ee dadka waayeelka ah ee wax garadka ahi waa mid garasho huwan.

Cali Khaliif wuxuu hadal aan marinkiisa lahayn iyo siyaasad qalloocan oo xuub caaro huwan oo aan ujeedadeedu qarsoomi karin wadaba maanta wuxuu keenay inuu ku maah maaho… Ku qariyey ku qariyey Ee Gun cad… oraahdaasi dad badan oo dadka dhawaan kacay ee aan Somaligii hore aan aqoon saas u badan lahayn ayaa anoo meel fadhiya I waydiiyey… markaan u sheegay macnaheeda kii ugu roonaa wuxuu yiri… Hadal qof wayn maaha, iskabadaa hadal qof wayn oo haddana aqoon yahan baan ahay yiraahda ama lagu tilmaamo.

Oraahdaasi waxay ku timi nin ayaa la talin jiray qof dumar ah ee aan sharafteeda dhawran oo aan is xafidin ee ninkii arkaaba ka danaysto… Ninkii la talin jiray ee ay diiday taladiisa ka dib markay sheekadii ku xumaatay oo meel kasta laga ogaaday dhaqankeeda ayuu ku yiri iyadoo calaacalaysa markuu maqlay…. Ku qariyey ku qariyey Ee Gun cad… Somalidu waxay tiraahdaa…. Maah Maahyo xumo Waa Gudniinsho xumo… Oo Macnaheedu yahay waa buuryo qabnimo (caruurnimo)… Iyagoo uga dan leh hadal qof wayn yiraahdo maaha waxa, waxaas oo kale ku hadla.
Anigu maan arag laakiin waxaan dad badan ka maqlay bahalka Dhurwaaga la yiraahdo hadaad ka nixisid wax daran ayuu ka wareegaa…Marka Cali Khaliif nin yar maahee toloow miyaa laga nixiyey.

Waxaase nasiib darra ah isagoo Puntland waxaas daran afkiisa kaga sheegay oo haddana raacshay in Somaliland tahay dad ay yihiin Daris wanaag oo Dawlad wada dhisteen… Kuwa aan wali Garan karin siyaasadiisaas aanu sifiican u qarin karin.

Ogoobeey kuwii meel kasta dagaalka kaga qaaday oo dhaawac iyo dhimasha u gaystay wiilashii Buuhoodle iyo Marqaan kasoo hiiliyey ee uu dagaalka uga baxay kuwii laayey… Waa Somaliland taas uu ku tilmaamayo inay yihiin dad darisnimo ka dhaxayso oo ay dawlad wada dhisteen.
Ogoobeey waa duulkii beebeega shacabka jiidhsiinayey dagaalkii kalshaale…. Ogoobeey waa duulkii xabsiyada ku dullaystay oo bahdilka xun ku haya Dhallinayaradii Sool.

Gabagabadii

Madaxwaynaha Puntland wuxuu ku dhawaaqay oo fidiyey gogol lagaga tashado oo eedda ama la wada qaado ama ciddii lihi dusha looga tuuro… Wuxuuna dhowr jeer ku celceliyey Sool iyo Sanaag la’aantood wax Puntland la yiraahdaa ma jirto.

Haddaba Isimada Caaqilada Waxgaradka iyo aqoonyahanka shirkaa loo idmado waxaan talo ahaan oronayaa… Gabaygii Cali cilmi afyare ee ahaaa…

Gudiyahay docdiinaa khalqigu wada dayaayaaye
Dusha waxaad ku qaadeen culays dayn ka xoog badane
Dariiqaad fashaan baa hadhow laysku daadihine
Haddaad idinku dalabyeelataan kala didweeyaane
Dulaalbaa arlada meerayiyo daalin wayraxaye
Dariskiyo shisheeyuhu kuway soo dirsanayaane
Darxumadeenu waa maalintii laysku keendiro,e
Nin darmaan latagay raacdo waa dabagalaysaaye
Doqontii dhagwaynbaan ogayn dabinka hoosyaale
Dareenbaa kujira meel galbeed daabkuleeyahaye
Diyaar waxaad u noqotaan inaad daafacdaan cadowga

Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Abdulkadir Said Guureeye (Ciiltire)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

MADOOBE OO U JAWAABAY JAWAARI

0

Baydhabo (Caasimada Online)- Kaddib markii shaley uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari maalinta Axadda in magaalada Baydhabo uu ka furmaayo shirweyne dib u heshiisiin oo lagu mideenaayo maamulada is khulaafsan ayaa arrintaas waxaa ka jawaabay maamulka lixda gobal ee uu madaxda ka yahay Madoobe Nuunow.

Ugaas Maxamuud Ugaas Maxamed Nuur oo madax u ah guurtida maamulka lixda gobal ayaa warbaahinta u sheegay in laga been abuurtay maamulkooda oo la yiri waa ay aqbaleen dhismaha maamulka seddaxda gobal iyagoona ka tanaasulay maamulkii lixda gobal.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Jawaari oo kulan la qaatay Madoobe Nuunow iyo taagaareerayaashiisa
Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Jawaari oo kulan la qaatay Madoobe Nuunow iyo taagaareerayaashiisa

Ugaaska ayaa ka dhawaajiyay in warkaas uu yahay mid aan sal lahayn isla markaana ay weli ku taagan yihiin mowqifkooda ah in ay yihiin maamul lix gobal balse wuxuu ka dhawaajiyay in ay oggol yihiin haddii la wadahadlaayo.

Wuxuu sheegay oo kale in kulamada ay la yeesheen guddoomiyaha baarlamaanka ay u sheegeen mowqifkooda iyo in uu weli jirro maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Si kastaba, afhayeenka baarlamaanka ayaa maalintii Khamiista ka sheegay Baydhabo in la qabanaayo shirweyne dib u heshiisiin oo ay ka soo qeybgali doonaan dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Baydhabo iyo waxgaradka magaalada si loo soo afkaro khilaaf ka tagan halkaas loona dhismo maamul seddax gobal oo dowladda iyo beesha caalamka ay aqoonsan tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo: Warbixin laga diyariyay Gabar Somali ah oo ku biirtay Jabhada ISIS

0

Warbixin muuqaal ah oo laga diyaariyay Gabar Soomaaliyeed oo ka tagtay Wadanka Mareykanka gaar ahaan Gobolka Minnesota ayadoo ku biirtay Kooxda Jabhada Siiriya ee ISIS taasoo u jihaad tagtay halkaa.

Muuqaalkani iyo sida ay uga hadlayaa Soomaalida ku nool Mareykanka arinkani ayaa ah mid ay Soomaalida ku nool Wadanka Mareykanka aad uga walaaceyn in Gabar Soomaaliyeed ay ku biirtay Dagaalada ka soconaya Wadanka Siiriya.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

“Kuma dhiman duqeyntii Ciraaq, waxaa i gaaray daawac kaliya” Waxaa yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan ay Sirdoonka dalka Mareykanka shaaciyeen in duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen Dalka ciraaq ku dileen Wiil uu adeer u yahay Ra’iisul wasarihii hore ee Somalia Abdi Farah Shirdoon Saacid, ayaa waxaa arrintaasi beeniyay Jihaadiiste Farah Mohamed Farah Shirdoon oo ah ninka la sheegay in duqeynta lagu dilay.

Farah Mohamed Farah Shirdoon oo arrintaasi beeninaaya ayaa waxa uu boggiisa Twitter-ka kusoo daabacay qoraal yar waxa uuna ku yiri ‘’Waa been Alxamdulilah anigu waan noolahay, wararka ay iga baahiyeen warbaahinta waa waxkama jiraan,balse waxaan cadeynayaa inaan kudhaawacmay dagaal waqooyiga Iraq kadhacay hadana waan soo bogsaday”

Warbaahinta Caalmaka oo ay ugu horeeyaan Canada iyo KMareykanka ayaa waxa ay bishii August baahiyeen in Jihaadiistahaasi uu ku geeriyooday Duqeynta, balse waxaa Arrintaasi maanta baahiyay Farah Mohamed Farah oo cadeeyay inuu dhaawacmay xiligaana ay xaaladiisu wanaagsan tahay.

Jihaadiiste Farah Mohamed Farah Shirdoon, waxa uu kamid yahay Ajaanibta ka barbar dagaalanka Kooxda ISIS, waxaana lagu tiriyaa inuu kamid yahay Soomaalida ugu horeysay oo Kooxdaasi ku biirta, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa  wiil uu dhalay Hogaamiyaha mucaaradka ee Somaliland Faisal Ali Warabe iyo weliba laba gabdhood oo 16 sano jir ah kuwaa oo kabaxsaday gurigooda oo kuyaala magaalada Manchester ee dalka Britain si ay ugu biraan kooxda ISIS.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan daaha ka qaaday in DFS ay ku dhaqaaqday qorshayaal halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib markii lagu xiray dalka Bulgaria sarkaal u dhashay dalka Turkiga oo heesta baasaboor diplomaasi Soomaali ah kaasoo ka ganacsada daroogada iyo maadooriyaal kale, ayaa waxaa arrintaas si kulul uga hadlay guddiga arrimaha dibedda ee baarlamaanka.

Xildhibaan, Maxamed Cumar Dalxa waa guddoomiye ku xigeenka guddigaas wuxuu warbaahinta u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ku dhaqaaqday tallaabo aad halis u ah oo dhibaato u hoorseedi kara dalka.

Pro Dalxa ayaa carabka ku adkeeyay in ay jiraan dad badan oo Soomaali iyo ajnebi ah oo xukuumadda ay siisay baasaboorka diplomaasiga oo dad gaar la siiyo una shaqeeya dowladda.

Wuxuu sheegay in ay arkeen guddigooda dhallinyaro wata baasaboorkaas kuwasoo leh waxaan ka tirsanahay xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo wasaaradaha kale kuwaasoo wax ay qabtaan aanu jirin.

Dalxa ayaa xusay in xildhibaan heesta baasaboorkaas aanu jirin marka laga reebo qaar yer oo wasiiro ah isagoona arrin laga xumaado ku tilmaamay nin  ajnebi ah oo burcad ah in uu qaato baasaboor diplomaasi ah.

Hadalka xildhibaan Dalxa ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sheegay in ay jiraan dad badan oo qaatay baasaboorka diplomaasiga kuwaasoo wax shaqo ah aan u heynin dowladda.

Haddii ay xaqiiqo noqoto in dowladda Soomaaliya ay bixisay baasaboorka uu wato ninka Turkiga ee lagu xiray Bulgaria ee ka gancsado Daroogada waa fadeexad kale oo dowladda dhaawaceysa sharrafta ay adduunyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Turkiga oo sababaya 20 kun oo Somali ah in ay la soo daristo xaalad halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan maamulka dekedda weyn ee Muqdisho ku wareejisay shirkad laga lee yahay dalka Turkiga.

Haddaba waxaa soo baxay warar sheegaya in shirkadda lagu wareejiyay dekedda Muqdisho ay ku dhawaaqday in ay dhimmayso shaqaalaha hadda shaqeeya oo tiradooda lagu sheegay 5530 shaqaale ah, waxaana ay ku soo koobi rabtaa 350.

Haddaba waxaan arrintaas faah-faahin ka bixiyay Gudoomiyaha Isu Tagga Ururweynaha shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji, oo u warramay BBC-da isagoona sheegay in dekedda Muqdisho ay hadda ka howlgalaan 5530 shaqaale ah kuwaasoo shaqooyin badan ka wada gudaha dekedda Muqdisho.

Wuxuu sheegay in madax ka socota shirkadda Turkiga ay la kulantay urur ay lee yihiin shaqaalaha ka shaqeeya dekedda Muqdisho, ayna u sheegeen in loo baahan yahay in la dhimmo shaqaalaha lagana dhigo 350 shaqaale.

Wuxuu sheegay oo kale in markii ay waydiiyeen arrintaas loogu jawaabay in baahida shaqaalaha sidaas u badan aaney shirkadooda dhaqaale u heynin sidaas darteed ay soo xulaan 350 shaqaale ah oo ka shaqeeya dekedda Muqdisho.

Mar la weydiiyay arrintaas in ay kala xiriireen dowladda iyo hey’addaha ku lug leh, wuxuu sheegay in ay xiriir la sameeyeen wasiirka shaqaalaha iyo xafiiska raysal wasaaraha balse aaney wax jawaab ah aaney ka helin ilaa hadda.
Maxamed Cismaan Xaaji, ayaa dhinaca kale tilmaamay haddii arrintan aan waxbo laga qaban in ay ka walwalsan yihiin mustaqbalka in ka badan 20kun oo qoysas Soomaali ah oo aabayaashood ay ka xoogsadaan dekedda Muqdisho.

Guddoomiyaha isku tagga urur weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed, ayaa hoosta ka xariiqay in Turkiga oo ay ka filaayeen in uu door ka qaato horrumarka iyo dhaqaale dalka balse ay cunaqabateen ku noqdeen Soomaali badan.

Ugu dambeen wuxuu ka digay haddii arrintaas aan laga laaban in ay horseedi karto in ay soo laabtaan falalka burcad badeednimada iyo dambiyo kale oo caqabad ku noqda howlaha dekedda Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasan oo liiday digniino Puntland kaga yimid iyo farriin uu u diray Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladiisa ay wafdi u direyso Puntland si ay ugala soo hadlaan qorshaha ku aadan maamul u sameenta gobalada dhexe sida Galgaduud iyo Mudug.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uusan wax sidaas u buuran u arkin hadallada ka soo yeeraya Puntland ee ku aadan in ay xiriirka u jarayaan dowladiisa.

Wuxuu hoosta ka xariiqay dowladda in ay waajib ka saaran tahay hirgallinta nidaamka fedaraalka iyo maamul u sameenta gobalada dalka balse aaney cidna loogu dhimmeynin maamuladaas.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in weli uu aaminsan yahay xiriirka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland uu yahay mid wanaagsan balse wax yaabaha mugdiga ku jirra la sixi doono.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ka hadlay mowqifka Somaliland ay weli ku dooneyso in ay kaga go’do Soomaaliya inteeda kale, wuxuu sheegay in dowladda ay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya in ay muqadas tahay halka Somaliland ay aaminsan tahay wax intaa ka badalan.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu tilmaamay in Soomaaliya meel kasta oo ay joogto aaney kala maarmin.

Ugu dambeen Xasan Sheekh madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkan ka sheegay kulan dadweyne oo xaley ka dhacay aqalka madaxtooyda halkaasoo su’aalo lagu weydiiyay, ayaa ka dhawaajiyay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeya madaxda dowladda balse ay jiri karaan kala duwanaansho xagga aragtida ah taasoo oo ku sifeeyay Dimuquraadig State.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Magacyada Afa qof oo loolan ugu jira xilkii laga qaaday Sambaloolshe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka ka dhex curtay Madaxweynaha iyo Ra’iisul WasaarahaSoomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo C/weli Sh. Ibraahim, kaaso salka ku haya xil ka qaadistii Cabdi Weli ku sameeyey Agaasimaha Nabadsugida C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kaddib markii Xukuumaddu ay ku eedeysan ku takri fal dhanka awooda ah iyo amar-diido.

Muranka labadda mas’uul (Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha) ayaa ah mid salka ku haya arrimo Dastuuri ah; iyada oo dhanka Madaxweynaha doodu ay ku saleysan tahay in Xukuumaddu leedahay (talo soo jeedin keliya); balse cidda go’aanka kama dambeysta ah iska leh ay tahay Madaxweynaha; Halka dhinaca kalena ku doodayo in Xukuumaddu leedahay awooda fulinta oo dhammeystiran.

Waxay u muuqataa in Sambaloolshe xilkiisa aanu dib u heli doonin, waxaana isku haysta rag badan oo doonaya in loo magacaabo.
Sida aan shalay werinay Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Somalia Faarax C/qaadir ayaa doonaya in Axmed Dayib Dhagacaleen oo kamid ahaa Taliyayaasha Booliska xilkaaasi loo magacaabo.

Axmed Dayib Dhagacaleen oo kasoo Jeeda Beesha Reer Ow-Xasan ayaa waxa uu xilal kala duwan ka qabtay Boliska, gaar ahaan Xarunta tababarka Ciidamada Boliska Iskuul buliisiya ee Generaal Khahiye.

Si kastaba, waxaa jira rag kale oo Iyana xilkaas doonaya in loo magacaabo kuwaasi oo kala ah:

1) – Sooyaal Cali Cumar oo ah sarkaal khabiir ku ah dhanka ammaanka.
2) – Cali Aaden Guleed oo ah korneyl ka tirsanaa saraakiishii hore ee Nabadsugida.
3) – Xuseen Macallin oo hadda ka mid ah saraakiisha sar-sare ee Nabadsugida.

Xubnaha xusul-duubka ugu jira buuxinta xilka Agaasimaha Nabadsugida Qaranka, ayaa maalmihii ugu dambeeyey lagu arkayey iyaga oo kulamo la leh Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in Madaxweynaha laga codsaday in uu aqbalo Xilka qaadista Sanbaloolshe, taa beddelkeedana uu keensado shaqsigii lagu beddeli lahaa, balse weli waa uu ku dheggan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XASAN SH. oo si rasmi ah u caddeeyey mowqifkiisa ku aadan SAMBALOOLSHE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galayay Barnaamij dood ah oo ku saabsaneyd waxqabadka dowladda mudadii labada sano ee ay jirtay, kaasoo ay soo qaban qaabisay machadka daraasaadka Siyaasada ee Heritage, waxaana uu ka jawaabay su’aalo ay weydiinayeen dadweyne kala duwan oo isugu jiray, aqoonyahano, siyaaiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xasan waxa ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay Agaasimihii Hay’adda Nabadsugida Cabdullaahi Sanbaloolshe, wuxuuna Madaxweynuhu qabaa in xil ka qaadis lagu samayn karo Sanbaloolshe, bacdamaa horey looga xayuubiyay xilkaasi masuuliyiin isaga ka horeysay, ha yeeshee loo baahan yahay in wado sharci ah loo maro.

“Sanbaloolshe waa nin muwaadin ah xilka waa laga qaadi karaa, horey waxaa looga qaaday rag badan oo isaga ka horeeyay, laakiin xil ka qaadistiisa waxaa la rabaa in wado sharci ah loo maro.” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynuhu wuxuu muujiyay inaanay Dowladdiisu aqbali doonin xil ka qaadista Sanbaloolshe, iyadoo uu horey ugu tilmaamay mid ka baxsan Dastuurka u yaal dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XASAN SHEEKH oo si adag uga hadlay arrin muddooyinkaani laga sugaayay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay Arrinta ku aadan Kufsiga ay Ciidamada AMISOM ka geysanayaan Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in taasi ay tahay mid aan heshiisku aheyn.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay inuusan raali ka aheyn in xad gudub lagu sameeyo Haweenka Soomaaliyeed, waxa uuna Taasi ku daray in Taliska sare ee Ciidamada AMISOM uu arrintaasi u gudbiyay islamarkaana ka dalbaday inay ka bixiyaan Jawaab degdeg ah.

“Waa arrin xanuun badan raali kama ihi in la faraxumeeyo Gabdhaha Soomaaliyeed, waxaan Jawaab degdeg ah ka sugeynaa Talisyada sare ee AMISOM inay ka bixiyaan arrintaani” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Arrintaani ay tahay mid soo laabatay mar labaad waxa uuna ku Tilmaamay inay tahay mid laga yaxyaxo.

Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo maalmo ka hor ay Hay’ad u dooda Xuquuqda Aadamiga ka shanqarisay in Ciidamada AMISOM ay kufsi u geystaan Dumarka gargaarka iyo caafimaadka ka raadsada xarumaha AMISOM ee Magaalada muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

“AXMED Madoobe wuxuu Kheyraadkii gobolka hadiyo usiiyay dalka KENYA’’…

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Nabadoon C/llahi Isaaq oo kamid ah Nabadoonada Maamulka Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uusan aheyn ruux u nugul ka qeybqaadashada Nabadgalyada iyo u hogaansanaanshaha awaamirta DF.

Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu Jaceyl gaar u qabo Ciidamada iyo Dowlada Kenya, taasina aysan suuragal aheyn inuu hanti qaran ku raali galiyo.

‘’Axmed Madoobe weli far ayaa ku godan, waayo hantida DF iyo tan Bulshada soomaaliyeed ka dhaxeysay ayuu u hibeeyay Kenya, maalin waliba Kismaaya waxaa ka baxa maraakiib sida dhuxul iyo kheyraad kale’’

Sidoo kale, Nabadoonka waxa uu tilmaamay in Axmed Madoobe uu doonaayo inuu dhowr waji kula dhaqmo DF, waxa uuna taasi ku sheegay mid aan u cuntameynin Bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxa uu Dowlada Federaalka Somalia ugu baaqay inaysan qaadan hadalka afka ah ee kasoo yeeraya Axmed Madoobe, wuxuuna ku taliyay in marka hore Axmed Madoobe laga joojiyo Kheyraadka Gobolka oo uu u xalaaleynaayo Kenya

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Xog: Somaliland oo dooneysa inay Prof Cali Khaliif Galayr wada-hadal la gasho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray dhanka Odayaasha Khatumo, ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ay xalka Deegaano ay kamid tahay Saax-dheer ku raadineyso wada hadal ay arrintaasi kala gasho Cali Khaliif.

Wararku waxa ay sheegayaan in Maamulka Somaliland ay xalka Saax-dheer u arkaan in Maamulka Khatumo ay ku yeeshaan xubno sar sare oo u kala debqaado Khatumo iyo Somaliland.

Ilo-xog-Ogaal ahayaa xaqiijinaaya in damaca Somaliland uu yahay in gabi ahaan Maamulka Khaatumo ayada la hoosgeeyo taasina laga diidan yahay, oo Galayr aanu aqbali karin.

Mid kamid ah Odayaasha Khatumo oo magaciisa ku sheegay Nuur Cabdi, ayaa waxa uu sheegay in Hamiga Somaliland uu aad u weyn yahay waxa uuna Tilmaamay in lagu xujeeyay inay kusoo biiraan Somaliland, balse dhankooda uusan u cuntameynin.

“Waxan ku guda jirnaa xalka dagaaladii ka dhacay Saax-dheer iyo sidii aan nabad ugu wada noolan laheynay Maamulka Somaliland, waxaa noo muuqaneysa in Somaliland ay ku adkeysaneyso in Khatumo la hoos geeyo,taasina nooma cuntameyso, waxa ay rabaan in Khatumo ay ku yeeshaan Xubnaha ugu badan’’

Dhawaan ayay aheyd markii Deegaanka Saax-dheer lagu rasaaseyay Siyaasiyiin iyo Odayaal u diyaar garoobaayay caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Khatumo Cali Khaliif, waxaana ilaa iyo hadda halkaasi ka taagan Colaado salka ku haaya dagaalkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Qorshe ay shirkad Turkish ah damacsan tahay oo laga diiday XAMAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal ka tirsan xoogsatada dekadda magaalada Muqdisho ayaa dhigay bannaanbax ay ugu cabanayeen shirkadda Albarak oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu wareejiyay maamulka dekadda Muqdisho, taasoo sheegtay in ay dhimeyso shaqaalaha ka howlgala dekadda.

Xoogsatada bannaanbaxa dhigay ayaa waxay wateen boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ka mid yihiin waa shaqeysanaaye yaan shaqo la’ aan nala dhigin iyo erayo kale.

Waxay sheega in ay aad uga xun yihiin in iyagoo shaqo haysto shaqa la’aan la dhigo iyo in ay cabasho  ka yihiin shirkadda Turkiga  ee ALBARAK, taasoo ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay dekeda Muqdisho.

Qaar ka mid ah Xoogsatada ayaa sheegay inay aad uga cabanayaan hadal ka soo yeeray Shirkadan laga leeyahay Turkiga, kaasoo ahaa in la yareeyo xoogsatada Dekeda ka xamaasha

Gudoomiyaha Isu Tagga Ururweynaha shaqaalaha Soomaaliyeed  Maxamed Cismaan Xaaji oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay   in shaqo la’aanta ka dhex jirta dhalinyarada Somaliyeed ay noqotay dhibaato wayn, taasi oo dhalinyarada ku khasbaysa inay iskaga haajiraan dalka ama ay ka qayb qaataan burcad badeednimo iyo falal danbiyeedyada kale ee dalka ka jira.

Maxamed Cismaan ayaa sheegay in haddii ay dhacdo shaqaale shaqeysanaya, shaqo la’aan ku dhacdo taasi ay suuurta gal ka dhigeyso in ay sii kordhaan falal danbiyeedyadu galaan dhalinyarada.

Shirkadda Albarak oo ah shirkad laga leeyahay Turkiga ayaa lagu wareejiyay howlaha dekadda Muqdisho, waxayna sheegtay in aan loo baahneyn tirada badan ee ka howlgala dekadda, wixii ay qaban jireena shaqaalahaasi badalkeed loo adeegsan doono qalab casri ah.

?????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan Sheekh: Waxaan ahay musharax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa ka qeyb galaya Barnaamij dood ah oo ku saabsaneyd waxqabadka dowladda mudadii labada sano ee ay jirtay, kaasoo ay soo qaban qaabisay machadka daraasaadka Siyaasada ee Heritage, waxaana uu ka jawaabay su’aalo ay weydiinayeen dadweyne kala duwan oo isugu jiray, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Doodan oo si toos ah uga baxeysay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa Madaxweynuhu ka hadlay arrimo badan oo jawaab ahaa su’aalo laga weydiiyay xaalada siyaasadeed ee dalka, arrimaha bulshada.

Madaxweynaha oo la weydiiyay su’aal aheyd inuu yahay musharax ayaa sheegay inuu yahay Musharax u taagan doorashada 2016, sida muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu musharax u yahay, isagoo cadeeyay in hadii laga guuleysto uu diyaar u yahay inuu wixii qibrad ah ku kordhiyo shaqsiga la doorto.

“Waxaan ahay musharax u taagan sanadka 2016 doorashada dhici doonta, sida muwaadin kasta ee Soomaaliyeed uu musharax u yahay, hadii la iga guuleystana waxaa diyaar u ahay inaan wixii khibrad ah ku kordhiyo shaqsiga la doorta”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu mar kale xafiiska ku soo laabto.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la weydiiyay eedeynta kufsiga lagu eedeeyay AMISOM, isagoo xusay in taasi marna aanay farxad gelineyn, hase ahaatee Xukuumadu ay weydiisatay in jawaab cad ka bixiso AMISOM, isla markaana ay haatan socdaan daba gal kala duwan.

Mar la weydiiyay dhawaaqa ka soo yeeray ee bixitaanka AMISOM ee sanadka 2016 ayuu sheegay in AMISOM mar walba dalka ka bixi laheyd, hase ahaatee joogitaankeeda xilligan ay keentay daruufo xag amni, iyo in Soomaaliya ay gabaad u noqotay Argagixisada, meelo looga duulana ay noqotay dalalka deriska, ayna doonayaan inay taariikhdaas baabi’iyaan.

Waxaa uu soo hadal qaaday waxyaabihii u qabsoomay dowladiisa mudadii labada sano, waxaana uu rajo ka muujiyay in labada sano ee soo socota ay gaaraan yoolkooda, ayna u qabsoomaan arrimo badan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay marna raali ka aheyn in si sharci daro ah inay dalka howlo shidaal baaris ah uga sameeyaan shirkado shisheeye, isagoo adkeeyay baaq ka soo yeeray Wasaarada Batroolka ee ahaa in aanay shirkad aan fasax u qabin ay howlo shidaal baaris ka bilowdo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aal ku aadaneyd arrinta muranka ku saabsan badda, isagoo cadeeyay in kenya ay calaameysatay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliyeed, ayna dooneyso inay goosato, waxaana uu xusay in taas ay dacwad ka gudbiyeen, isagoo qiray in haatan ay socoto howlo shirkado shisheeye ay sahmin ugu sameynayaan qeybta badda ee lagu muransan yahay.

Isha: Jowhar.com

‘’DF Soomaaliya wey kasii hanaqaaday halkii laga filaayay Federaaliisamka’’….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Xasan Sheekh Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed kuna taqasusay dhanka Dowliga ayaa waxa uu ka hadlin Arrinta murunka badan dhalisay ee Federaalka siyaabaha kala duwan loo fasiray.

Dr Xusein waxa uu sheegay inay jiraan dhaliilo badan iyo Wanaag laga gaaray habka Federaalismka mudada Labada sano ee Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh ay jirto.

‘’Federaalisamka waxaa lagu hagaa Bulsho dabcan dhaliili wey imaan karaan, laakin waxaa laga gaaray hormar muuqda labada Sanno ee uu xilka hayo Madaxweyne Xassan, waxaa la dhihi karaa wey ka hanaqaaday halkii laga filaayay’’

Sidoo kale, Dr Xasan Sheekh Cali waxa uu shaaca ka qaaday in waqtigaan hada la joogo la dareemayo hormar baaxad leh oo dhanka Federaaliska ah, loona baahan yahay in laga sii shaqeeyo sidii lagu sii hormarin lahaa.

Xasan Sheekh Cali, waxa uu aad u amaanay hanaanka ay DF ku shaqeyneyso, waxa uuna Tilmaamay in bilowga uu yahay mid wanaagsan lana sugaayo inay sii laba kacdo.

Dhanka kale, Xasan waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka Somalia ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ku talaabsatay hormaro dhinacyada badan leh,isagoona dhanka kale tilmaamay inay jiraan dul duleelo yar yar oo u baahan in la buuxiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DFS iyo BF oo baaritaan loogu baaqay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human Wright Watch ayaa xildhibaannada baarlamaanka iyo golaha wasiiradda xukuumadda ugu baaqday in ay baaraan warbixinta ay soo saareen oo muujineysa ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidanka Uganda iyo kuwa Burundi in ay ku kufsadeen haween Soomaali ah oo dawo iyo biyo ka raadsaday.

Afhayeen u hadashay hey’adda HRW ayaa u sheegtay warbaahinta gudaha in loo baahan yahay baarlamaanka iyo golaha wasiiradda in ay la xisaabtamaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa lagu eedeeyay in ay tacadigaas kula kaceen hablo Soomaali ah oo gabdho ku jiraan.

Waxay sheegtay in warbixinta la soo saaray ay muujineyso sida ay u sii kordhayaan dhbaatada ciidamada AMISOM ay kula kacaan dumarka Soomaalida ee gargaarka u raadsada xarumaha ay joogaan.

AMISOM oo daweenaya dumar Soomali ah
AMISOM oo daweenaya dumar Soomali ah

Mar la weydiiyay in warbixinta ay soo saareen loo diray midowga Afrika ama dalalka ay u dhasheen ciidamada tacadiga u geestay hablaha Soomaaliyeed, waxay sheegtay in aaney loo gudbin warbixinta dhinacyadaas maadama iyaga lagu eedeeyay dhibaatada loona baahan yahay in la baaro sida ay tiri.

Waxay shegtay in dumarka la wareystay ay badi sheegeen in ay soo gaareen dhibaatooyin xooggan oo xagga galmada ah taasoo ay u geesteen ciidamada AMISOM.

Haweeneydan ayaa dhinaca kale xustay in sannadkii hore ay dhaceen kufsi aad u ballaaran oo ay geesteen ciidamada AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iyana in ay guddi u saartay arrintan fadeexada ah ee lagu eedeeyay ciidamada AMISOM si ay u baaraan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]