27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

‘’DF Soomaaliya wey kasii hanaqaaday halkii laga filaayay Federaaliisamka’’….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Xasan Sheekh Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed kuna taqasusay dhanka Dowliga ayaa waxa uu ka hadlin Arrinta murunka badan dhalisay ee Federaalka siyaabaha kala duwan loo fasiray.

Dr Xusein waxa uu sheegay inay jiraan dhaliilo badan iyo Wanaag laga gaaray habka Federaalismka mudada Labada sano ee Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh ay jirto.

‘’Federaalisamka waxaa lagu hagaa Bulsho dabcan dhaliili wey imaan karaan, laakin waxaa laga gaaray hormar muuqda labada Sanno ee uu xilka hayo Madaxweyne Xassan, waxaa la dhihi karaa wey ka hanaqaaday halkii laga filaayay’’

Sidoo kale, Dr Xasan Sheekh Cali waxa uu shaaca ka qaaday in waqtigaan hada la joogo la dareemayo hormar baaxad leh oo dhanka Federaaliska ah, loona baahan yahay in laga sii shaqeeyo sidii lagu sii hormarin lahaa.

Xasan Sheekh Cali, waxa uu aad u amaanay hanaanka ay DF ku shaqeyneyso, waxa uuna Tilmaamay in bilowga uu yahay mid wanaagsan lana sugaayo inay sii laba kacdo.

Dhanka kale, Xasan waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka Somalia ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ku talaabsatay hormaro dhinacyada badan leh,isagoona dhanka kale tilmaamay inay jiraan dul duleelo yar yar oo u baahan in la buuxiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DFS iyo BF oo baaritaan loogu baaqay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human Wright Watch ayaa xildhibaannada baarlamaanka iyo golaha wasiiradda xukuumadda ugu baaqday in ay baaraan warbixinta ay soo saareen oo muujineysa ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidanka Uganda iyo kuwa Burundi in ay ku kufsadeen haween Soomaali ah oo dawo iyo biyo ka raadsaday.

Afhayeen u hadashay hey’adda HRW ayaa u sheegtay warbaahinta gudaha in loo baahan yahay baarlamaanka iyo golaha wasiiradda in ay la xisaabtamaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa lagu eedeeyay in ay tacadigaas kula kaceen hablo Soomaali ah oo gabdho ku jiraan.

Waxay sheegtay in warbixinta la soo saaray ay muujineyso sida ay u sii kordhayaan dhbaatada ciidamada AMISOM ay kula kacaan dumarka Soomaalida ee gargaarka u raadsada xarumaha ay joogaan.

AMISOM oo daweenaya dumar Soomali ah
AMISOM oo daweenaya dumar Soomali ah

Mar la weydiiyay in warbixinta ay soo saareen loo diray midowga Afrika ama dalalka ay u dhasheen ciidamada tacadiga u geestay hablaha Soomaaliyeed, waxay sheegtay in aaney loo gudbin warbixinta dhinacyadaas maadama iyaga lagu eedeeyay dhibaatada loona baahan yahay in la baaro sida ay tiri.

Waxay shegtay in dumarka la wareystay ay badi sheegeen in ay soo gaareen dhibaatooyin xooggan oo xagga galmada ah taasoo ay u geesteen ciidamada AMISOM.

Haweeneydan ayaa dhinaca kale xustay in sannadkii hore ay dhaceen kufsi aad u ballaaran oo ay geesteen ciidamada AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iyana in ay guddi u saartay arrintan fadeexada ah ee lagu eedeeyay ciidamada AMISOM si ay u baaraan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Jawaari oo ku dhowaaqay shir degdeg

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa maanta oo Khamiis ah shir jaraa’id ku qabtay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maalmahan halkaas booqanayay.

Jawaari oo la hadlaayay boqolaal qof oo shacab ah ayaa ku dhawaaqay in maalinta Axadda oo ah 14-ka bishan September magaalada Baydhabo uu ka furmi doono shir dib u heshiisiin oo loo qabanaayo dhinacyada isku haya magaalada Baydhabo.

Wuxuu kaloo sheegay in kulamadaas ay ka qeybgali doonaan dhammaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Baydhabo si shirkaas uu horseed ugu noqdo nabadeen iyo is cafis guud oo dhex marta dhinacyada isku haya Baydhabo.

Jawaari ayaa carabka ku adkeeyay in shirka ay ka qeybgali doonaan dhammaan dhinacyada isku haya Baydhabo ee kala aaminsan maamulada lixda iyo seddaxda gobal.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhinaca kale tilmaamay in shirka dib u heshiisiinta uu billow u yahay maamul loo dhan yahay oo loo dhiso gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo tilmaamay in daah furka shirka ay ka qeybgali doonaan wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaanno kuwaasoo goobjoog ka noqon doona shirka dib u heshiisiinta.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa yimid kaddib markii ay u soo dhammaadeen kulamo uu la yeeshay dhinacyada isku haya Baydhabo iyo xildhibaanno kala taageersan labada maamul.

Ma cadda in shirkan uu soo afjaraayo khilaafka ka taagan Baydhabo iyo in kale balse waxaa sheegis mudan in labada dhinac ay weli ku adkeesanayaan mowqifkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Puntland oo oo 30 cisho u qabatay DF Soomaaliya kaddibna go’aansaneysa…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa markii ugu horreeysay shaacisay waqtiga uu furan-yahay wada-hadal ay la galaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Muddo saddon cisho gudaheeda ayey sheegtay Puntland inay ku ogal-yihiin wada-xaajodka lugu saxayo khilaafadka labada dhinac,haddii waqtigaa uu furmi waayo wada-hadalka waxaa ay sheegtay Puntland inay qaadanayso go’aan cad.

“Dowladda waxaa naga dhaxeeya magaca faderaalka iyo Soomaalinimada,waxaan ay Puntland ilaashanayso waa waxa ay leedahay,haddii ay ka soo dib dhacaan wada-hadalka go’aan qadashada shacabka iyo dowladda Puntland baa leh” Sidaa waxaa yiri afhayeenka Puntland, Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan-jecel.

Quraan-jecel isagoo la hadlayey warbaahinta gudaha waxaa uu sheegay inaysan waqti galin doonin qorshaha faderaalka,isagoona inta raaciyey inay wadaagan qadiyada Soomaalinimada.

“Puntland mashquul kuma aha maxaa laga yeelay.? yaa soo hadlay.? shirku hadduu qabsoomo waa wixii la doonayay in Puntland iyo dowladda federaalka ay wada hadlaan, kuna wada-hadalaan meel madal ah oo loo wada jeedo. Haddii uu qabsoomi waayo Puntland uma dhutinayso”Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeen Cabdullaahi Quraan-jecel wuxuu sheegay in Puntland wakhti ay siisay dowladda federaalka ah si loo wado hadlo, maadama beesha caalamka iyo xildhibaanada federaalka ee Puntland ka soo jeeda ay dalbadaan in wakhti la siiyo si wada-hadal loo qorsheeyo.

Docda kale, Quraan-jecel wuxuu sheegay in Puntland iyo shacabkeeda ay ka tashan doonaan aayahooda, hadii dowladda federaalka ah ay cadayn weydo qorshaheeda.

“Dowladda federaalka mushaar ma siiso shaqaalaheena, ceelal nooma qodo, goroomo nooma dhisto,beero nooma waraabiso. Keliya waxaa naga dhexaysa Soomaalinimada”Ayuu yiri Cabdullaahi Quraan-jecel oo intaas ku daray “waxaan ilaashanaynaa waxaana leenahay.”ayuu ku daray hadalkiisa afhayeenka dowladda Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Xog: Faarax C/qaadir oo la yimid ruuxii loogu beddeli lahaa SANBALOOLSHE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo aan ka helnay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa sheegaya in Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Somalia Faarax C/qaadir uu madaxweyne Xassan u gudbiyay shaqsiga laga dhigi lahaa Aggaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia.

Xogtu waxa ay nagu soo gaareysaa in Wasiir Faarax C/qaadir uu Xassan Sheekh u gudbiyay Magaca Axmed Dayib Dhagacaleen oo kamid ahaa Taliyayaasha Boliska.

Axmed Dayib Dhagacaleen oo kasoo Jeeda Beesha Reer Ow-Xassan ayaa waxa uu xilal kala duwan ka qabtay Boliska, gaar ahaan Xarunta tababarka Ciidamada Boliska Iskuul buliisiya ee Generaal Khahiye.

Dhagacaleen ayaa waxa ay reer ahaan isku dhow yihiin Wasiirka Cadaalada Faarax C/qaadir, waxaana lagu wadaa inoo noqon doono Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia, waa haddii uusan heshiiska is bedelin, wallow ay jiraan Rag kale oo u tartamaayo Xilkaasi.

Dhanka kale, warar aan la hubin ayaa sheegaya in Ruuxa soo labeyn doono Dhagacaleen haddii uu xilkaasi qaban waayo, ayaa waxaa lagu wadaa in loo magacaabo Maxamed Sheekh Cusmaan oo kasoo Jeeda Beesha Dir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Jawaari oo runta u sheegay Madoobe & wararkii ugu dambeeyay Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari oo muddo labo toddobaad ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in maamul seddax gobal looga dhawaaqi doono magaalada maalmaha na soo aadan.

Jawaari ayaa tan iyo markii uu tagay Baydhabo wuxuu kulamo la qaatay dhinacyada isku khilaafsan magaalada, xildhibaanno iyo waxgarad, wuxuuna u sheegay qorshaha ku aadan in ay doonayaan maamul seddax gobal in loo sameeyo Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Jawaari ayaa u sheegay Madoobe Nuunow iyo taageerayaashiisa in ay la laabtaan mowqifkooda ku aadan maamul lix gobal wixii hadda ka dambeeyaana in ay ku biiraan maamulka seddaxda gobal.

Wariye ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in arrintaas Madoobe Nuunow iyo taageerayaashiisa ay qaadan waayeen isla markaana ay guddoomiye Jawaari u sheegeen in mowqifkooda aanu waxbo iska badali doonin.

Si kastaba, Jawaari oo horrey uga mid ahaa dadkii taageersanaa maamulka lixda gobal isla markaana goob joog ka ahaa dhismaha maamulkan ayaa hadda u muuqda mid wax iska badaleen.

Dhinaca kale, Siyaasad Sheekh Daahir oo ah afhayeenka guddiga maamul u sameenta maamulka seddaxda gobal ayaa warbaahinta u sheegay in danjire Nichalas Key oo dhawaan tagay Baydhabo uu ballan qaaday siddii uu dhaqaale ugu bixin lahaa dhammeestirka maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Wuxuu tilmaamay in kulan ay la qaateen guddigooda in looga hadlay siddii QM ay u dhammeestiri lahayd dhaqaalaha ku baxaya sameenta maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Ma cadda halka ay ku dhammaan doonto xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

C/Weli oo ku wajahan UK + Qorshihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War hoose oo aan ka heleyno Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed, ayaa sheegaya in Ra’isulwasaaraha iyo Wafdi uu hogaaminayo ay gaari doonaan Dalka Britain.

Ilo-wareedka aan warkaani kasoo xiganay ayaa waxa uu inoo xaqiijinayaa in halkaasi ay uga qeybgali doonaan shir caalami ah oo looga hadlay  amniga.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qeyb gali doono wafuud ka socota Ethiopia iyo wadamo kale oo Afrikaan ah, gaar ahaan kuwa ay Ciidamada ka joogan Dalka Somalia.

Socdaalka la filaayo inuu halkaasi ku gaaro Ra’isulwasaaraha, ayaa waxaa barbar socon doona Kulamo gaar gaar ah uu halkaasi kula qaaan doono Madaxda Wadankaasi Britan iyo kuwa Afrikaanka halkaasi shirka uga qeybgali doono.

Lama Oga inta maalin oo ay qaadan doonto Safarka Ra’isulwasaaraha balse warar hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan uu maqnaan doono Mudo asbuuc ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro iyo Documents: Fadeexad ka dhalatay Passport dimlomaasi oo ay DF siisay nin ajnabi oo daroogada iibiya

Dowladda Bulgaria ayaa  gacanta ku dhigtay bishan September 01, nin ka ganacsada Daroogada, una dhashay dalka Turkiga, kaasoo watay Baasaboor Diblomaasi Soomaali ah iyo warqad magacaabid ah oo sheegeysa inuu yahay Qunsul Sharafeed dowladda Soomaaliya uga wakiil ah gobolo ku yaala dalka Turkiga ( Honorary Consul).

Ninkan oo magaciisa ku sheegay CENGIZ DUMAN NIYAZI ayaa lagu qabtay garoonka magaalada Sofia ee dalka Bulgaria, iyadoo waaxda socdaalka dalkaasi ay ninkani su’aalo weydiiyeen xabsigana u taxaabeen kadib markii ay ka shakiyeen, midabkiisa, luqadiisa iyo Baasaboorka Diblomaasiga ah ee uu wato.

Ninkan ayaa wata Baasaboor Numberkiisu yahay D-00003264, waxaana la bixiyay taariikhdu markay aheyd March 19, 2014, iyadoo laga bixiyay magaalada Muqdisho, balse ay u dalabtay safaaradda Soomaaliyeed ee Ankara, Turkey.

Halkan hoose ka eeg Baasaboorka Diblomaasiga ah ee uu wato Mr. Cengiz

Dip pasport Somaliya turkish

Ninkan ayaa sidoo kale u sheegtay waaxda socdaalka ee dalka Bulgaria inuu yahay Qunsul Sharafeed u qaabilsan dowladda Soomaaliyeed, saddex gobol oo ku yaala dalka Turkiga, oo kala ah Adana, Gaziantep, iyo Diyarbakir, isaga oo tusay cardka aqoonsiga iyo warqad magacaabid ah oo ay u sameysay safaaradda Soomaaliyeed ee Turkiga, fadhigeeduna yahay Ankara.

Warqadan magacaabida ah ee uu sito ninkan ayaa inoo suurtagashay inaan helno, waxaana tixraaceedu yahay sidan REF:Somemb/4031/2014. kuna taariikheysan 10/03/2014.

Halkan hoose ka eeg warqada magacaabida Mr. Cengiz ee ( Honorary Consul)

appointment letter
Warqadan ayaa ka baxday xafiiska Safiirka Safaaradda Turkiga ee Ankara, Mr. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, waxayna ku socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, taasoo lagu ogeysiinayay in loo magacaabay Mr. Cengiz Duman Niyazi, inuu yahay Qunsul Sharafeed u qaabilsan dawladda Soomaaliya gobolada kala ah Adana, Gaziantep, iyo Diyarbakir  (Honnorary Consul of Adana, Gaziantep, and Diyarbakir.

Haddaba, waa kuma ninkan Mr. Cengiz Duman Niyazi,?

Daba-gal madax banaan oo aanu sameynay ayaanu ku ogaanay in ninkan Cengiz Duman Niyazi uu ka tirsanaan jiray ciidanka Boliiska ee dalka Turkiga, gaar ahaana kuwa la dagaalanka Tahriibta iyo Daroogada, kaasoo markii dambe xiriir la yeeshay kooxaha ka ganacsada Daroogada, sidaasi owgeedna dawladda Turkiga ay ka eriday shaqada Boliiska, isla markaana ku dartay liiska dadka ka shaqeysta ganacsi sharci daro ah.

Halkan ka eeg Sawirka Mr. Cengiz

cengizNinkan ayaa markii lagu helay dembiyadaasi la xariira inuu ku xiran yahay kooxaha ka ganacsada Daroogada ee dalka Turkiga, waxaa marar badan loo taxaabay xabsiga isaga oo muddo kadib markii uu xabsiga ka soo baxay saaxiib dhow la noqday nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) kuna magacaaban Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliyeed ee Turkey, Ankara.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa saaxiib dhow la noqday ninkan lagu magacaabo Mr. Cengiz Duman Niyazi waxayna wada galeen heshiis ah in Mr. Cengiz loo magacaabo Qunsul Sharafeed ka wakiil ah Safaaradda Soomaaliyeed ee Ankara, taasoo u suurtagelineysa in Boliiska Turkey aaney ku dhiiran inay baaraan gaarigiisa iyo shaqsiyan isagaba, maadaama uu jiro axdigii Viana (Vienna Convention on Diplomatic Relations of 1961), taasoo qodob ka mid ah uu dhigayo in Diplomaasiyiinta aan lagu xadgudbi karin, maadaama ay leeyihiin maamuus gaar ah (Immunity). 

 Halkan ka eeg  Sawirka Mr. Jaamac iyo Mr. Cengiz oo isla taagan

Mr. Jamac iyo Mr. Cengiz

Mr. Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa arrintan ka dhaadhiciyay Safiirka dalka Turkiga u fadhiya dawladda Soomaaliya Mr. Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan, waxaana isla markiiba loo sameeyey warqad magacaabid ah oo dhigeysa in Mr. Cengiz uu yahay Qunsul Sharafeed u qaabilsan Soomaaliya goboladaasi aan kor ku soo xusnay, waxaana sidoo kale safaaradda Turkigu ay u sameysay Baasaboor Diblomaasi ah (Diplomat Passport), waxayna arrintani sahashay in ninkani uu isaga kala goosho dhamaan dalalka ku xeeran Turkiga ee la isku yiraahdo Balkans countries, sida Greece, Albania, Macedonia, Bulgaria, Romania, rump Yugoslavia (Serbia and Montenegro), and Bosnia Herzegovina, waxaana ninkani uu caan ka noqday dalalkaan.

Ninkan ayaa la aamisan yahay inuu yahay ninka ugu caansan ka ganacsiga Daroogada ee dalka Turkiga iyo dalalkan Balkans-ka, waxaana u sahlay howlwadeenada safaaradda Turkiga oo San-dareerto yar ka qaadan jiray ninkan si uu ugu qaraabto magaca dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed si sharci darro ah.

Dawladda Bulgaria ayaa markii ay qabatay ninkan, waxay warqad qoraal ah u soo dirtay safaaradda Soomaaliyeed ee Moscow, Russia, iyada oo ka codsaneysa inay soo kala xaqiijiyaan in ninkani uu ka tirsan yahay shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda, maadaama uu sito Baasaboor Diblomaasi Soomaali ah isla markaana wato warqad magacaabis inuu yahay Qunsul Sharafeed Soomaaliyeed.

Qeybtan hoose waxaad ka arki kartaa qoraal kooban oo aan idiinku turjunay English asal ahaana ku qoran Bulgarian language

Translation
Weli nooma suurtogelin inaan helno jawaabta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, balse waxaa inoo suurta-gashay inaan helno warqada ay soo dirtay Wasaaradda arrimaha dibedda Bulgaria oo ay kaga codsaneyso Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya inay soo kala cadeeyaan in ninkani uu ka tirsan yahay shaqaalaha Wasaaradda. nasiib darro waxaa kale oo jirta warqad (official letter), oo ku qoran luqada Bulgaria, taasoo aysan inoo suurtagelin inaan u helno Turjuno, maadaama ay ku diyaarsan tahay PDF file, isla markaana Scan lagu soo qaaday.

Hoos ka eeg Warqada ka timid dalka Bulgaria ee ku socota Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya


Arrinta xusida mudan ayaa ah in fadeexadan oo aan ugu magac darnay (Fadeexadii Qarnigan), ayaa ku soo aadeysa xilli Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dawladda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Bayleh uu dadaal xoogan ugu jiro sidii uu dib u dhis iyo kala huf ugu sameyn lahaa dhamaamba howlwadeenada Safaaraddaha oo intooda badan aan lagu soo xulin (Qualifications), waxaana sidoo kale uu ku howlan yahay Wasiirku sidii uu u xiri lahaa qaar ka mid ah safaaraddaha aan muhiimada u laheyn dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasoo ay ka howlgalaan shaqaale aanu tababar-neyn Diblomaasiyadda, balse ku tuugsada dawladdaha caalamka magaca iyo calanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli Wasiirka arrimaha dibedda Mr. Bayleh uu ku howlan yahay xakameynta bixinta/samey-sashada Baasaboorka siyaasiga ah (Diplomatic Passport), waxaana jira sharci la marsiiyay golaha Wasiirada kaasoo qeexaya cida xaqa u leh heysashada Baasaboorka Diblomaasiga ah, waxayna tani oof wareen ku noqoneysaa qorshaha Mr. Beyleh ee xakameynta Baasaboorka maadaama ay heystaan dad aan Soomaali aheyn oo dano badan u adeegsada, sida Argagixiso iyo Daroogo.

Dhanka kale, arrintani waxa ay dharbaaxo xoogan ku tahay siyaasada guud ee dawladda Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horeysay ee la doortay khudbadii uu Baarlamaanka ka hor aqriyay ku sheegay in dawladdiisu aaney dulqaad u yeelan doonin Musuq-maasuqa lana dagaalami doonto (Zero tolerance for corruption), waxaana laga dhursugayaa tallaabada ay ka qaadaan fadeexadan qaran, ee qatarta ku ah jiritaanka Qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Dr. Bashir Ali (Lowyan)
Freelance Journalist
Istanbul, Turkey
E-mail: [email protected]

MUQDISHO oo ay ka dilaacday arrin ay walaac ka muujiyeen shacabka oo ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dilaacay Kooxo wata gaadiid nooca raaxada ah oo dhac iyo boob u geysta dadka shacabka ah, islamarkaana aan la garaneyn wax ay yihiin.

Kooxdaani ayaa waxaa la sheegayaa inay wataan Gaadiidka raaxada ee muraayadaha madow, iyagoona xiliyada Habeenkii ay dhac u geystaan Haweenka iyo dhalinyarada iyagu wata Mobilada iyo Boorsooyinka Laptobyada ay ku jiraan.

Kooxdaani ayaa waxaa la sheegayaa inay Howlahaasi ka fuliyaan Degmooyinka Gobolka, waxa ayna wataan Bastoolado iyo qoryo ay ku fulinayaan dhacaasi.

Dowlada Federaalka Somalia ayaan weli ka hadlin Arrintaasi, markii laga reebo Ciidamada Degmooyinka oo xiliyada qaar sameeya iska caabin.

Mid kamid ah Kooxdaani ayaa waxaa Habeenimadii xalay lagu dilay Degmada Warta-Nabada kadib markii ay geysteen dhac, islamarkaana ay Ciidamada Degmada kala kulmeen iska cabin sidaana lagu dilay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: ONLF oo u jawaabtay GAAS

0

Nairobi (Caasimada Online) – Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF, ayaa jawaab ka bixisay hadalkii madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdi Weli Gaas kasoo yeeray ee ahaa in ONLF ay tahay cadowga maamulkiisa.

Jabhadda ONLF, ayaa gabay cajiib ah soo saartay uguna jawaabtay Gaas, oo ay ku qeexday daba-dhilif is-jecleysiinaya kuwa uu u adeego ee ah dowladda Ethiopia.

“Ma ahan asaga oo kaliya ee waa wax caado u ah kuwa caada-qaatayaasha ah, oo marka ay u tagaan kuwa ay u adeegaan sammeeya wax kasta oo ay isku jecleysiin karaan” ayuu yiri sarkaal u hadlay ONLF.

ONLF waxa kale oo ay sheegtay in hadalka Gaas uusan ahayn mid yaab leh, sababta oo ah magaalada Garoowe oo weligeed ahayd halkii laga iib geyn jaray walaalaha Ogaadeeniya ee kasoo carara gummaadka xabashida.

Halkan ka dhageyso gabayga ONLF

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Prof. C/raxmaan Ibbi: Doorasho xog ah kama dhaceyso Soomaaliya, Sabab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 10-ka September oo shaley ku beegneed waxaa labo sanno ka hor magaalada Muqdisho lagu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud oo ah madaxweynaha immanka hoggaaminaya dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Haddaba wax yaabaha laga doonayo dowladda hadda jirta waxaa ka mid ah in marka uu sannadka yahay 2016-ka ay doorasho ka dhacdo dalka oo dhan.

Dad badan ayaa arrintaas shakki weyn ay uga jirtaa waxaana ay lee yihiin sida ay hadda wax u socdaan iyo rajada laga qabo doorasho ka dhacdo dalka ma ahan wax isleh.

Pro Cabdiraxmaan Ibbi waa mudane baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan isla markaana xilal ka soo qabtay dowladihii kumeel gaarka ee dalka soo maray, wuxuu sheegay in marka uu qiimeeyay xaaladda dalka sida ay wax ku socdaan in aysan muuqan doorasho dhacdo sannadka marka uu yahay 2016-ka.

Wuxuu sheegay doorasho Soomaaliya ka dhacda in ay ugu dambeesay sannadkii 1961-xilligaas oo la dilay madaxweynihii hore Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Dhinaca kale, xildhibaan Cabdinaasir Gaarane Maxamed ayaa isna aaminsan in dowladda Soomaaliya ay qabatay wax yaabo horrumar leh labadii sanno ee la soo dhaafay.

Wuxuu sheegay in arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta in dowladda ay horrumar ka gaartay labadii sanno ee ay jirtay sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa yiri “Aadduunka meel aan wax ka dhicin ma lahan marka dowladda horrumar ay sameesay labadii sanno ee la soo djaafay”

Si kastaba, waa lagu kala aragti duwan yahay wax yaabaha u qabsoomay dowladda labadii sanno ee ay jirtay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SOMALILAND oo si adag uga hadashay war dhawaan kasoo yeeray DF (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay xafiiska Taliyaha Laanta Socdaalka Maamulka Somaliland G/sarre Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed Camabaro) ayaa waxaa si adag loogu beeniyay war kasoo baxay Dowlada Federaalka Somalia.

Taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed Camabaro, ayaa waxa uu si adag uga hadlay warka ku saleysan Basabaaro lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo la sheegay in Hargeysa loo waday, waxa uuna Taliyaha Tilmaamay in xiligaani Somaliland ay leedahay Baasabooro iyada u gaar ah, islamarkaana aysan diyaar u aheyn qaadashada Basaboorka Somaliya.

Taliyaha Laanta Socdaalka Maamulka Somaliland Maxamed Camabaro, ayaa waxa uu sheegay inay Somaliland tahay dalka Madax banaan oo aan hoos tagin Somaliya, balse ay Dowlada Federaalka Somalia ugu baaqayaan inay ka fiirsato wararka ay dusha u saareyso Somaliland.

“Aad ayan uga xunahay warka kasoo baxay Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS ee ahaa in Basaboorada Muqdsiho lagu qabtay ee la yiri waxaa  loo waday Hargaysa, garan maayo sabab loogu soo waday, maxa yeelay Somaliya waa dal, Somaliland waa dal wax iskaga jiraana ma jiro’’ ayuu yiri Taliye Maxamed Camabaro

Maxamed Camabaro oo intaa hadalkiisa kasii anbaqaadayay ayaa waxa uu yiri ‘’Haddalka DF kasoo baxay waxaan u arkaa Basaboorka Somaliya inuu yahay Saanbuuse laga eedamay, maxaa yeelay Somaliland hadda waxa ay leedahay Basaboor u gooniya, oo E Basaboor la yiraahdo’’

“DF waxan u sheegayaa in Somaliland ay tahay dal nabad ah oo uu shacabkiisu isku tashtay marka waxaa looga baahan yahay inay caga dhigato oo ay joojiso daan-daansiga’’

Dhanka kale, Haddalka Taliyaha ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalmo ka hor uu Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS Gen. Gaafow shaaciyay in Garoonka Aadan cadde ay ku qabteen ruux waday dhowr Baasaboor Somalia ah ‘’cagaar’’ oo loo waday magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan, C/Weli iyo BF oo ku xadgudbay qodobbo muhiim ah + Jahwareer jira

0

Maanta waxaan soo xulanay inaan shacabka usoo bandhigno isku qasnaanta Dastuurka federaalka Soomaaliya oo haatan loo saaray guddiga ka kooban 5-ta xubnood inuu qabyo tiro, Dastuurkaan qodobadiisa inta badan waa iska hor imaanayaan, qodobada qaar waxaa ay u qoran yihiin qaab koox kastaahi ka heli karto meel ay ka isticmaali karaan ama ku doodi karayaan. Dastuurkaani waa midka rasmiga ah ee ku jira website-ka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo aad ka geli kartaan link-gaan hoose.

http://www.parliament.gov.so/index.php/so/dastuurka-km

CUTUBKA AFFAR IYO TOBNAAD: NABADDA IYO AMNIGA

Qodobka 126aadSuggidda Amniga Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

(1) Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo bedbaadinta shacbigeeda, iyadoo la adeegsanaayo adeegyada ciidammada amniga oo ay ku jiraan:

(a) Ciidanka xoogga dalka;

(b) Nabadsugidda;

(c) Ciidanka booliska;

(d) Ciidamada Asluubta.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Xukuumada Federaalka ee Raisul wasaare Cabdiweli hogaamiyo iyo Wasaaradaha gaashaandhiga iyo Amniga miyey damaanad qaadeen Nabadda, Gobanimada iyo Amaanka qaranka iyo badbaadinta shacabka? Mise xukumaan ciidamada Dawlad Goboleedyada Soomaaliya? Ciidanka Xooga, Nabadsugida, Booliiska iyo Asluubta ma mideysan yihiin dalka Soomaaliya? Mise jirtaa Siyaasad lagu mideynayo oo ay wado Xukuumadda Federaalka Soomaaliya?

(2) Adeegsiga ciidamada amniga waxaa lagu suggaya sharciga loo dejiyey.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Sharcigaan loo dejiyey Adeegsiga Ciidmadu muxuu yahay? Ma sharci la isla og yahaybaa mise waa albaab furan oo qofba siduu doono u isticmaalayo.

(3) Ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Dalka iyo difaaca midnimada dhuleed.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo u xilsaaran Gobanimada, Madax banaanida iyo Difaaca midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya ma dhisan yihiin? Mise jirtaa qorshe lagu samaynayo Ciidamada qalabka sida oo mideysan ee ay wado Wasaaradda Gaashaandhiga?

(4) Booliska Federaalka xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida, ammaanka iyo nabadgelyada muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Ma jiraa Booliis Federaal ah oo mideysan oo hoostaga Taliska Booliiska Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Amniga ee laga sugayo inay ilaaliyaan Amaanka, Hantida, Nabadgelyada Muwaadiniinta iyo dadka kale ee degan Jamhuuriyada Federaalka soomaaliya? Booliiska Dawlad Goboleedyadu ma yihiin kuwo hoos taga Taliska Booliiska Soomaaliya?

(5) Ciidanka booliska ee lagu abuuray sharciyada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkayada xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida muwaaddiniinta iyo dhawrista xasilloonida iyo ammaanka degaannadooda iyagoo kaligood ah ama kaashanaya ciidammada booliska federaalka.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Qodobkaan 5-aad iyo Qodobka 4-aad ee ka hadlaya Booliiska Soomaaliyeed masuuliyada saaran ma yihiin kuwo is waafaqaya?

Hadiise Dawlad Goboleedyadu samaysan karaan si sharci ah Booliis gaar ah oo ilaaliya amniga Nolosha  Muwaadiniinta, hantida iyo dhawrista xasiloonida deegaanada Dawlad goboleedyadu iyaga oo kaligood ah! Maxaa looga baahan yahay Booliiska Federaalka Soomaaliya oo ku xusan qodobka 4-aad mar hadii Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka sameynsan karaan Booliis u gaar ah?

(6) Hay’adaha amniga qaranka oo ah kuwa hubka sita waxaa kormeeraya oo koontaroolaya hay’adaha rayid ah.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Hay’ado Amni Qaran iyo Hay’ado Rayid ah oo kormeeraya oo aan la cadeyn ma u noqon karaan Dastuur dal dhan?

Qodobka 127aadMabaadi’ida Ciidamada Amniga

(1) Waa in ay Ciidammada Amniga dhawraan mabaadi’da soo socota:

(a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad;

(b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga;

(c) U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

(d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan;

(e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed; iyo

(f) Xubnaha ciidanka waa in lagu tababara dhaqan gelinta Dasturkan, sharciyada dalka iyo heshiisyada caalamiga ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qayb ka tahay.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Ciidamada Amniga Soomaaliya ma yihiin kuwo ku shaqeeya Mabaadii’da Ciidamada Amniga ee kor ku xusa? Ciidanka Amnigu ma yahay mid mideysan sida ciidamada Amniga ee ku kala sugan Muqdisho, Boosaaso, Kismaayo, Beledweyne, Baydhabo, Dhuusamareeb  iyo Gobolada kale ee kala hoostaga Dawladdaha Xubnaha ka ah Dawladda federaalka Soomaaliya?

(2) Muwaadin kasta oo Soomaali waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato jagooyinka iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada iyada oo aan la takooreyn , iyadoo la ilaalinaaya xuquuqda haweenka ee arrintan la xiriirta.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Miyuu jiraa oo Xukuumadda Federaalka iyo Baarlamaanka federaalku xaqiijiyeen jiritaanka Ciidamo qaran oo muwaadiniinta Soomaaliyeed u siman yihiin? Xukuumadda Cabdiweli iyo Baarlamaanku ma sameeyeen Siyaasad lagu mideynayo Ciidanka qaranka?

Qodobada Dastuurkaan ayaa ah mid aad isugu qasan, Xukuumadu aysan ku shaqeynin, Baarlamaanku uusan sixin qodobada iska hor imaanaya.

Sharciyada baarlamaanku ansixiyey ee aad ka arki kareysaan link-gaan website Baarlamaankahttp://www.parliament.gov.so/index.php/so/sharciyada-la-ansixiyey  ma yihiin kuwo lagu dhaqmo oo xukuumadu hirgeliso?

Sharciga Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka Xukuumadu ma ku shaqeysaa? Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka oo Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha wada saxiixaan ma yihiin kuwo waafaqsan Sharciga Maamulada Gobolada ee ku jira Diiwaanka sharciyada la ansixiyey ee Baarlamaanka? Maxaa Sharci ah ee ay ku dhisan tahay aqoonsigii Maamulka KMG ah ee Juba? Maamula Koofur Galbeed iyo Maamulka Mudug iyo Galgaduud ee dawladu u saartay guddiyada Farsamada?

Dastuur dalka Soomaaliya ma waxaa lagu daray qodob sheegaya  inuu  heshiiskii ay  wax ka saxiixaan wakiilka UNSOM Somalia Nicholas kay, Wakiilka Midawga Yurub Mr Michele Cervone D’urso iyo Wakiilka IGAD Soomaaliya Mr Mohamed Cabdi afey uu noqonayo Sharci iyo lagama daba hadlaan?

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faysal Cali waraabe oo weerar afka ah ku qaaday Xasan Sheikh (Muxuu yiri?)

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Eng Faisal cali waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID oo qoraal gaaban kusoo daabacay Barta uu baraha Bulshada ee facebook ku leeyahay ayaa waxa uu ku sheegay inuu aad u dhaliilaayo Faragalin uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku haayo maamulka Somaliland.

Faisal Cali waxa uu qoraalkaasi ku muujiyay in Madaxweyne Xassan uu ku naaloonayo faragalin uu ku sameeyo Kheyraadka Deegaanada Maamulka Somaliland sida shidaalka iyo Macdanta.

Qoraalka Faisal Cali ayaa waxa uu u qornaa ‘’Xasan sheekh waxaan leeyahay haku mashquulin Somaliland ee dal ayaa madaxweyne u tahay isaga ku mashquul waxba kaama khuseeyaan khayraatka Somaliland haday shidaal tahay iyo haday macdanba tahay iyagaa la soo baxaaya aynu kala xishoon laba dal oo daris ah ayaynu nahay xushmad iyo xaqdhow kala mudan faragalinta Aad wadidna jooji raali galina ka bixi’’

Haddalka Eng Faisal Cali, ayaa waxa uu dabajooga haddalo maalmahaani ay DF hawada u marineysay Maamulada Dalka oo iyagu ku mashquulsan qodista shidaal aan loo amrin inay lasoo baxaan.

Dhanka kale, Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore uga digtay Dowlada Federaalka inay faragaliso howlaha ka socda Deegaanada Maamulka Somaliland uu ka arrimiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DFS oo soo kireesatay diyaarad ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa keestay diyaarad ay kula dagaallanto kalluumeesiga sharci darrada ee xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumeesiga iyo kheyraadka badda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxammuud Colaad Barrow ayaa V0A-da u sheegay in diyaaradaas ay soo sawiro doonto calanka iyo waddanka ay wataan maraakiibta iyo doonyaha kalluumeesiga sharci darrada ka wada xeebaha Soomaaliya isagoona intaas ku daray in ay ciddii lagu qabto sharciga la soo taagi doono.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in maamul gobaleedyada ka dhisan dalka in lagu wargaliyay arrintan ay billaabeyso wasaaradiisa.

Mar uu ka hadlaayay wax yaabaha ay soo kordhin karto diyaaradda ay soo kireesteen wuxuu sheegay haddii 50% kalluumeesiga sharci-darrada la joojiyo ay faa’ido u tahay Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka waxaa kaloo uu ka dhawaajiyay in Soomaaliya 23-sanno kaddib ay ku biirtay urur ay ku mideesan yihiin waddamada ay marto badweynta Hindiya kuwaasoo sameestay ilaalo gaar ah oo ka hor taga kalluumeesiga sharci-darrada ah.

Ma la weydiiyay bal in ay hayaan xog ku aadan kalluumeesiga sharci-darrada ee xeebaha Soomaaliya laga sameeyo inta uu la egyahay wuxuu tilmaamay in uu ku qiyaasayo 300 kun oo tan oo an kalluun nooc kasta ah.

Ma cadda sida ay arrintan u soo dhaween doonaan maamul gobaleedyada dalka ka dhisan sida Puntland iyo Somaliland oo hadda u muuqda kuwa ka awood badan dowladda reer galbeedka awoodeeda uu ku kooban yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Danjire Ameeriko oo 22 sano kaddib la kulmay ninkii dilay gabadhiisa balse…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ka sheekeeyey dhacdo xanuun leh oo qabsatay, taasi oo ah dilka gabadhiisii yareyd.

Mr. Ameeriko, ayaa bartiisa facebook, waxa uu soo dhigay inuu dhowr iyo labaatan sano kaddib Muqdisho ku arkay ninkii dilay gabadhiisa, oo isaga uusan aqoon, balse ugu yimid xeebta Liido ee Muqdisho.

Ameeriko, waxa uu yiri:- “Galabta anigoo shaah ka cabaya Maqayad ku taal Lido, ayaa waxaa ii yimid nin, wuxuu igu yiri “waan ku raadinayay maalmahaan, waxan rabaa inan wax ku sheego kaddibna wax kaa codsado.”, haye ayaan ku dhahay. Wuxuu yiri” waxaan ka imid oo layga soo tarxiilay Sacudiga oo aan ku xerna 21 sano, 1992dii aniga iyo wilal ayaa guriga Aabaha soo weerarnay, lacag iyo alaab badan baan ka dhacnay, lacagtaas ayaan qaybsanay oo aan Sacudiga ku aaday, Laba ka mid ah wilashi waa la dilay. Waxan maqlay in Gabadh aad dhashay oo jirtay Hal sano ka yar ku dhimatay markan guriga soo weerarnay, Allaha u naxaristo, walaalow waxaan kaa codsanayaa inaad i CAFISO.” Aad baan u carooday, gabadhaydi yarayd ayan soo xasustay, haddana waan is dejiyay, haduuba gartay inuu i horyimado oo cafis i waydisto, waxan ku dhahay “WAAN KU CAFIYAY.”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

AMIIN Caamir oo sawirkii ugu qosolka badnaa ka sameeyey Xasan & Faarax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiin Caamir, ayaa sawir gacmeed xiiso leh ka sammeeyey sida hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Damul-Jadiid Faarax Cabdulqaadir uu u hoggaaminayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida sawirka ka muuqata, Faarax Cabdulqaadir oo la rumeysan yahay inuu yahay madaxweynaha qarsoon ee Soomaaliya, waxa uu qar ka tuurayaa Xasan Sheekh, oo ku magacaaban madaxweynaha Somalia.

Hoos ka arag Sawirka Amiin Caamir

mooto 1 copy

Xog dheeri ah: Sababta Sambaloolshe looga qaaday safiirnimada & N/Sugida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya wararka la xiriira Xil ka qaadista Aggaasimihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sanbaloolshe iyo sababta ka danbeysay in laga qaado Xilka safiirnimo Somalia ee Dalka Britain.

Caasimada Online oo heshay macluumaad dheeri ah, ayaa sheegaya in Sanbaloolshe uu xilka Safaarada Somalia ee dalka Britan ku waayay kadib markii uu dhaleeceeyey dowladda Britain, sababo la xiriira go’aankii uu bankiga Barclays ku joojiyey lacagta xawaaladaha Soomaalida.

Waxaa warbixinta daabacay wargeyska The Independent ee kasoo baxay Britain sanadkii hore. Halkan ka aqriso

Inkasta oo The Independent uusan sheegin in dhaleeceynta Sanbaloolshe aysan hogaamin in xilka laga beddelo, oo uu daabacay kaliya dhaleeceeentiisa, haddana waxaa hadda soo baxaya intaasi ay ugu wacneyd sababihii ay dowladda Soomaaliya ugu soo wareejisay Muqdisho.

Sidoo kale, Taariikhdu markii ay aheyd September 07, 2014 C/llahi Sanbaloolshe waxa uu xilkiisa Aggaasinimo ee Hay’adda Nabadsugida qaranka ku waayay Aflagaado xili uu socday shir Ammaanka ah u geystay Ra’isul wasaare ku-xigeenka DFS Mr Ridwaan kadibna uu ku darey Ra’isul wasaaraha iyo Xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada oo goobjoog  ka ahaa Kullankaasi.

Waxyaabaha uu xilkiisa Aggaasinimo ku waayay ayaa waxaa sidoo kale, kamid ahaa Howlgalo lagu xaqiijinaayay Ammaanka Magaalada Muqdisho oo uu si qaldan u adeegsaday iyo xarig uu u geystay Xildhibaan ka tirsan DF.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa kasoo horjeestay in xilka laga qaado C/llahi Sanbaloolshe,  waxa uuna Xasan ku doodayaa in Sanbaloolshe uu yahay shaqsi aan mudneyn in xiligaani laga qaado xilka Aggaasinimo.

Xil ka qaadista Aggaasimaha ayaa waxaa sidoo kale, ka dhashay Khilaaf saameeyay xiriirada ka dhexeeya Madaxweyne Xassan, Ra’isul wasaaraha, Baarlamaanka ilaa heer Gole Wasiiro, waxaana taasi la sheegay inuu sabab u yahay Sanbaloolshe.

http://www.independent.co.uk/news/world/africa/somali-ambassador-condemns-uk-over-cash-restrictions-8861314.html

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Malaayiin dollar oo loogu deeqay DFS

0

Melbourne (Caasimada Online) – Dowladda Australia ayaa shaacisay inay ugu deeqayso Soomaaliya lacag gaareysa shan milyan oo doolarka Maraykanka ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Australia ayaa lagu shegay in lacagtaas lasoo marsiin doono hay’adaha samo falka ee Qaramada Midoobay.

Lacagtaas badankeeda waxaa lagu bixin doonaa hawlaha bini aadamnimada gaar ahaan baahiyaha asaasiga ah sida: cuntada, biyaha, nadaafadda, deegaanka iyo adeegyada caafimaadka.

Dhan kale, war-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in dalkaasi uu soo dhoweynayo horumarrada ay dhanka ammaanka ka sameeyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM.

Ugu dambeyntii, Dowladda Australia waxay ka codsatay Howlgalka Nabad Ilaalinta ee AMISOM inuu si dhow ula shaqeeyo hay’adaha gargaarka, si loo taageero dadka u baahan in degdeg loo caawiyo.

Abaaro iyo xasillooni darro ka jira gobolada qaar ayaa horseeday xaalad bini aadamnimo oo adag. Ku dhowaad saddex milyan oo qof ayaa xilligan u baahan kaalmo deg deg ah, halka in ka badan labo boqol oo kun oo carruur ahina ay nafaqo darro la il daran yihiin.

Soomaali tiradooda lagu qiyaaso 1.1milyan oo qof ayaa wadanka gudihiisa ku barakacay, hal milyan oo kalena waxay qaxooti ku yihiin dalalka Soomaaliya deriska la ah, gaar ahaan Kenya oo tirada ugu badan ee qaxootiga Soomaalida ahi ay joogaan.

Intii lagu guda jirey sanadkan 2014 oo keliya, Australia waxay Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa shan iyo toban milyan oo doolar.

Warbixin: Muxuu Axmed Madoobe ka yiri heshiiska isaga iyo Barre Hiiraale?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay sida ay ku suuragaleen heshiisyadii lagu soo xareeyay, Iftiin Xasan Baasto, Cabdi Baaleey iyo Barre Hiiraale oo dhamaantood kasoo horjeeday jiritaanka Maamulka KMG ee Jubba, dagaalna looga saaray Magaalada Kismaayo.

Wareysi uu siiyay Axmed Madoobe Tv-ga Universal, ayaa wuxuu sheegay in dadaal iyo waqti badan lagu bixiyay arinta ku aadan dib uheshiisiinta Gobolada Jubbooyinka, isaga oo sheegay in heshiiskii ugu dambeeyay lagu soo xareeyay Barre Hiiraale oo Milateri ahaan kamid ahaa ragii hubeysnaa ee ku haray aaga Kismaayo.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in dib uheshiisiinta Jubbooyinka ay ka bilaabatay shirkii Muqdisho lagu qabtay ee ku aadanaa dib uheshiisiinta Jubbooyinka, waxaana halkaasi ku suuragalay in Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey ay qaataan nabadda Jubbooyinka.

“Arinta dib uheshiisiinta ma’ahan mid Barre ka bilaabatay, laakiin Barre wuu ugu dambeeyay, waxaa kasoo wareegatay muddo hal sano ah waqtigii heshiiskii Addis Ababa aan saxiixnay, dhowr nin oo sheegtay Madaxtinimada Gobolada Jubbooyinka ayaa Shirarkii Muqdisho dib uheshiisiinta nabad ku qaatay oo uu kamid yahay Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey, Barre Hiiraale wuxuu kamid ahaa ninkii ugu dambeeyay ee Milateri ahaan joogay duleedka Kismaayo isna dib uheshiisiin iyo wadahadal dheer kadib ayaa lagu soo xareeyay”Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sheekh Axmed Madoobe, ayaa sidoo kale sheegay in hada uu socdo dhameystirka xubnaha Maamulka KMG ee Jubba, sidoo kalena waxaa taasi bar-bar socota shirka dib uheshiisiinta Gobolada Jubbooyinka qeybtii kale ee Kismaayo lagu qaban lahaa.

Wuxuu intaasi ku daray in meesha aysan ka maqneyn xureynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo si gacanta maamulka loo soo geliyo oo shacabka dhibaatada looga qaado.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]