27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Warbixin: Muxuu Axmed Madoobe ka yiri heshiiska isaga iyo Barre Hiiraale?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay sida ay ku suuragaleen heshiisyadii lagu soo xareeyay, Iftiin Xasan Baasto, Cabdi Baaleey iyo Barre Hiiraale oo dhamaantood kasoo horjeeday jiritaanka Maamulka KMG ee Jubba, dagaalna looga saaray Magaalada Kismaayo.

Wareysi uu siiyay Axmed Madoobe Tv-ga Universal, ayaa wuxuu sheegay in dadaal iyo waqti badan lagu bixiyay arinta ku aadan dib uheshiisiinta Gobolada Jubbooyinka, isaga oo sheegay in heshiiskii ugu dambeeyay lagu soo xareeyay Barre Hiiraale oo Milateri ahaan kamid ahaa ragii hubeysnaa ee ku haray aaga Kismaayo.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in dib uheshiisiinta Jubbooyinka ay ka bilaabatay shirkii Muqdisho lagu qabtay ee ku aadanaa dib uheshiisiinta Jubbooyinka, waxaana halkaasi ku suuragalay in Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey ay qaataan nabadda Jubbooyinka.

“Arinta dib uheshiisiinta ma’ahan mid Barre ka bilaabatay, laakiin Barre wuu ugu dambeeyay, waxaa kasoo wareegatay muddo hal sano ah waqtigii heshiiskii Addis Ababa aan saxiixnay, dhowr nin oo sheegtay Madaxtinimada Gobolada Jubbooyinka ayaa Shirarkii Muqdisho dib uheshiisiinta nabad ku qaatay oo uu kamid yahay Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey, Barre Hiiraale wuxuu kamid ahaa ninkii ugu dambeeyay ee Milateri ahaan joogay duleedka Kismaayo isna dib uheshiisiin iyo wadahadal dheer kadib ayaa lagu soo xareeyay”Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sheekh Axmed Madoobe, ayaa sidoo kale sheegay in hada uu socdo dhameystirka xubnaha Maamulka KMG ee Jubba, sidoo kalena waxaa taasi bar-bar socota shirka dib uheshiisiinta Gobolada Jubbooyinka qeybtii kale ee Kismaayo lagu qaban lahaa.

Wuxuu intaasi ku daray in meesha aysan ka maqneyn xureynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo si gacanta maamulka loo soo geliyo oo shacabka dhibaatada looga qaado.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Galmudug oo ku daba feeshay go’aan kasoo baxay Maamulka PUNTLAND !!!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa daboolka ka qaaday inay qaadaceen warkii kasoo yeeray Dowlada Federaalka Somalia ee ahaa inaan Gobolada Dalka laga qodi Karin Shidaal aysan amrin Dowlada Federaalka Somalia.

Wasiirka Batroolka & Macdanta ee Galmudug Xareed Cali Xareed oo shir Jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo, ayaa waxa uu sheegay in hadalka kasoo baxay DF ay kasoo horjeesteen, waxa uuna Tilmaamay in Galmudug ay leedahay Ciidamo iyo Maamul ay u madax-banaan tahay.

Waxa uu sheegay in Maamulkiisa uusan cidna kala tashanaynin ka faa’daysiga Kheyraadka ku jira Deegaanadooda, waxa uuna DF uga cudur daaray hadalkaasi, wuxuuna Tilmaamay inaysan gaarin Dowlada xiligii ay Arrimaha Gobolka maamuleysay

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Galmudug waa maamul aan xiligaani DF waxba uga baahneyn, waxan leenahay awood aan kula heshiin karno shirkadaha shisheeye ee ku howlan qodista shidaalka waana mashaariic Shacabka u ka faa’iideysanaayo sidaa darteed Hadalka DF kama soconaayo Deegaanada uu maamulka ka arimiyo” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug uu qaadayo Tallaabo kasta oo uu u arko inay faa’ido ugu jirto Shacabka, oo aysan dhici doonin inay u hogaansamaan Go’aanada Dowladda Dhexe ee loogu diidayo Shirkadaha inay Shidaal ka baaran Gobolkaasi.

Haddalka Maamulka Galmudug, ayaa waxa uu imaanayaa xili maalmo ka hor ay sidaa oo kale Haddal kasoo baxay DF u qaadacday Maamulka Puntland kaasi oo ahaa inaan la qodi karin Shidaal aan laga amarqaadan Dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan Sheekh oo Sanbaloolshe faray laba qodob oo halis ku ah ammaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud uu xiligaani si dadban uga qeybqaadanaayo mugdi soo kala dhex gala Laamaha Ammaanka Dowlada Federaalka Somalia.

Warar hoose oo nasoo gaaray ayaa sheegaya in madaxweyne Xassan Sheekh uu Aggaasimaha xilka laga qaaday ee Hay’adda Nabadsugida qaranka Somalia ku amray laba qodob oo ah inuusan xilka wareejin, iyo inuu difaacdo xilkiisa.

Amarkaani ayaa la sheegayaa inuu bixiyay Madaxweyne Xassan oo isagu ka careysan xil ka qaadista uu Ra’isulwasaare C/weli ku sameeyay Aggaasimaha, waxaana laga yaaba inuu ka dhasho iska hor imaad dhex mara Ciidamada ammaanka iyo kuwa haminaaya in loo dhiibo xilka aggaasimaha laga qaaday.

Waxaa Villa Somalia xiligaani ka socda dadaalo lagu doonaayo in Madaxweyne Xassan looga dhaadhacsho ka tanaasulida  haddalkii ahaa inaan xilka laga qaadi Karin Aggaasimaha Hay’adda.

Dhanka kale, Labada qodob ee Difaacida xilka iyo iska caabinta uu madaxweyne Xasan ku amray Aggaasimaha ayaa waxaa dhaliil ka keenay Taliyayaasha iyo Saraakiisha laamaha ammaanka oo iyagu ka cabsanaaya inuu dhaco dagaal dhex mara laamaha ammaanka, maadama Sanbaloolshe lagu amray inuu ilaalsado xilkiisa.

Waxaa xun xiligaani xiriirka ka dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, waxaana laga caabsi qabaa inuu dhaco mooshino labadaasi mid uu xilkiisa ku waayo.

Caasimada Omline

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaad ka taqaanaa xubnaha DAMUL- JADIID ee majaraha u haya DF (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh lagu sheego inay majaraha u hayaan Shaqsiyaad ku bahoobay Urur diimeed, ayaa waxaa haddan isa soo taraaya tirada Magacyada shaqsiyaadka Awooda badan ee ku hareersan Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud.

Baaritaano iyo daraaseyn aan sameynay ayaa waxan ku Ogaanay in Dowlada Federaalka ay Majaraha u hayaan shaqsiyaad aan xilal ka heyn DF, balse ay awoodooda si xad dhaaf ah uga dhex shaqeyso Somalia.

Shaqsiyaadkaani ayaa waxa ay badi xiligaani ku nool yihiin Madaxtooyada Somalia, waana kuwa ay ka go’do Talada Dalka, waxa ayna isugu jiraan kuwa aqoon leh, kuwa aan aqoon laheyn iyo qaar ka tirsan Ganacsatada ugu magaca dheer Dalka waxa ayna kala yihiin:-

1 – Faarax Sheikh C/qaadir oo ah hogaamiyaha ruuxiga, waxa uu daraasadka Islaamka ku soo qaatay jaamacad ku taal Pakistan Wuxuuna si wanaagsan ugu hadla luuqadaha Ingiriiska iyo Carabiga, waana shaqsi hal abuur badan, islamarkaasna yaqaan sida uu u burburiyo qofka kasoo horjeeda.

2 – C/kariin Xuseen Guuleed: Waa shaqsiga labaad xagga awoodda kooxdani, waa nin aad u firfircoon oo gal gal ah, aadna u kala yaqaan bulshada Xamar.

3 – Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), waa ninka ugu aqoonta badan Kooda Damjadiid, waxa uu shahaado PHD ee Culuumta Siyaasadda ka qaatay Jaamacad ku taal dalka Suudaan.

4 – Cumar Daahir C/raxmaan: Wuxuu arimaha diinta kusoo bartay Sucuudiga sanadihii sideetameyadii, wuxuuna leeyahay bulsho dhex gal xoog badan, waana shaqsiga sadexaad xagga awooda Damjadiidka, Cumar waxaa uu kasoo jeeda beelaha yar yar, waxana ay aad isgu dhawyihiin qaraabona yihiin Faarax C/qaadir.

5 – Maxamed Cabdi Abtidoon, Waa Hawiye Habar gidir ‘’Saleebaan’’, Waxa uu ahaa Maamulkii Sare Ee Dugisga Hoose Dhaxe ee Maxamuud Xarbi Sanadii Danbe ee Xiliga Dagaalada Sokeeye , wuxuu horey u ahaan jirey Urukii Aala Sheekh ee dowlada Shariif, awoodna ku lahaa , laakiin wuxuu in yar ka mid noqdey xubin ka tirsan Islaax, ka dibna waxa uu ku darsamay kooxda Dam-Jadiid. Abtidoon wuxuu xiligii dowladii farmaajo noqdey wasiirka u dowlaha gashaan dhigga.

6 – Dr. Maxamed Nuur Gacal, waxaa uu sida Abt doon ka mid ahaa Aala Sheekh, wax yarna waxa uu ku biirey Islaax, ka dibna waxaa uu ka mid noqdey Koxdan Dam jadiid. Gacal oo u dhashay beesha Hawiye Murursade (Sabti) waxaa uu ku xigeen ka ahaa Xafiiska ururka Iskaashiga islaamka  ku leeyahay Soomaaliya, Waxa uuna Wasiiru Dowle ka noqday Dowlada Xassan Sheekh. Ninkani waxa uu shareecada iyo qaanuunka ku bartay dalka Suudaan, waxaana halkaas uu dhawaan ka qaatay shahaadada PhD-da.

7 – Dr Maxamed Xaaji: Waxa uu inta badan waxbarashadiisa kusoo qaatay Dalka Sudan, waxa uu bare ka ahaa Jaamacad ku taalla Magaalada Khartoum “Africa” waxa uuna kamid yahay Culimada Majaraha u haaya Dam-Jadiid.

8 – Mahad Maxamed Salaad: Waa Habar-Gidir Cayr, wuxuu ku hadlaa afafka Carabiga iyo Ingriiska, waxaana uu shahaado  Masters Culuumta Siyaasadda ku qaatay jaamacad ku taal dalka Masar. Mahad Salaad kamid ma ahayn ururada diniga ah, laakiin wuxuu muddo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Xisbiga Madaxweynaha ee xaruntiisu ahayd Nairobi.

8 – Muuse Ganjab: Waa Ganacsade ku reer ah  Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh, wax Lug ah kuma lahan Urur diimeedka, balse waxa uu dhaqaale ku bixiyay Doorashadii Xasan Sheekh uu kusoo baxay.

9 – Sheekh Nuur Baaruud: Waa muftiga ama sheekh dhankooda ku weyn, waxa uu kamid yahay Culimada go’aanka uu ka go, waana Sheekh u fatwoodo xiliyada Murugeysan oo ay Dam-Jadiid la kulmaan.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Shirkii Beelaha Hawiye oo lagu dhisay 4 koox oo 4 qorshe loo dhiibay (Aqri)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo waxgaradka Beesha Hawiye oo aad uu ballaaran,  ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, caasimada qaranka Soomaaliya. Waxaa shirkaas kasoo qaybgalay aqoonyahnnada iyo siyaasiyiinti hore ee Hawiye ee qurbajoogta ah oo khadka telefoonka uga qaybqaadanaayay.

Waxaa shirkaas lagu lafaguraayay oo aad looga dooday xaaladda guud ee dalka uu maanta maraayo, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo midaynta beesha Hawiye. Shirkaas waxaa kaloo diiradda lagu saaray u diyaargarowga beesha ee sandaka 2016-ka oo la rajaynaayo inay doorasho ka dhacdo dalka.

Iyadoo laga duulaayo xaaladaha jira iyo geedi socodka nabadda, roadmap-ka ay beesha caalamka ugu talagashay in lagu gaaro doorashooyin, iyadoo la tixgelinaayo qaabka ay maanta wax u socdaan sida dhismaha maamul goboleedyada iyo siday ku dhismeen ama lagu dhisaayo inta dhiman.

– Iiyadoo xooga la saarayo midnimada beesha iyo Sooomaalida kale intaba lana taageeraayo sidii ay dawladda hadda dhisan ay ku gaarsiin lahayd dhamaystirka barnaamijyadii loo igmaday fulinteeda, ayna ku dhamayso waqtigii loogu talagalay.

Iyadoo mudnaan gaara la siinaayo dib u eegadda Dastuurka qaranka iyo sidii ay bulshada Soomaaliyeed dhamaantood uga qaybgali lahaayeen looguna codayn lahaa si loo ansaxiyo, ayay beesha Hawiye si ay doorka ay ku leedahay uga soo baxdo, ayaa shirka lagu dhisay kooxo hawleedyo kala duwan loona kala xilsaaray hawlo hoos ku kala cayiman.

1.  Koox ka kooban khubaro iyo aqoonyahnno ka shaqeeyo Strategy-yada guud ee siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee Hawiye.

2.  Koox ka kooban khubaro iyo aqoonyahnno ka shaqeeyo galaangal u samaynta iyo u doodista xaquuqda beesha gudaha iyo dibadaba (Lobbying & Advocacy).

3.  Koox ka kooban khubaro iyo aqoonyahnno ka shaqeeyo u diyaargarawga Doorashooyinka soo socda iyo dhismooyinka Dowlad goboleedyada iyo sidii beelaha Soomaalieed oo dhan ay beelwalba xuquuqdeeda si nabad ah ku heli laheyd, dulmi iyo sadbursina looga fogaado.

4.  Koox ka kooban khubaro iyo aqoonyahnno ka shaqeeyo sidii loo sugi lahaa amniga deeganada ay beesha degto, nabad kula noolaashada beelaha la dago iyo dersikoodaba iyo guud ahaan xasilinta iyo suggida amniga guud ee dalka.

Waxaa gabagabadii la isku raacay in koox hawleedyadaan guda galaan shaqooyinkooda lana kaashadaan cid kastoo ay kaga fursan waayaan, si loo gaaro mawqif midaysan oo ay beesha Hawiye leedahay soona dar dar geliya midaynta Beesha Hawiye.

Waxaa kale oo la isku raacay in la joogteeyo shirarkaan la isuga soo noqdo mudda gaaban oo la cayimay,si la isula socdsiiyo qaabkii koox waliba ay u dhaqaajisay hawsheedii, waxii u hagaagay iyo caqabadaha ka horyimd markaasna ay talooyinka beesha ay u helaan.

Abaabulayaasha shirka “Midnimada Hawiye” waxaad kala soo xiriiri kartaa:

Email: [email protected]
Facebook: Hawiye Unity (halkaan riix: http://goo.gl/Wcrmkp)
Twitter: @HawiyeUnity

XOG: R/W Cabdi Weli iyo Jawaari oo is fahmay iyo ballan qaad la siiyey C/Weli

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan Golaha Shacabka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa sheegaya in Khilaafyada ka dhex taagan madaxda Dowlada Soomaaliya ay weli taagan yihiin, ayna ku biireen dhinacyo kale.

Ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Dalka C/weli Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ay si aad isugu dhowaanayeen maalmihii dhowaa, xilli khilaaf uu dhaxeeyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Waxa ay sheegeen in Jawaari uu dhowr mar taageeray go’aanno uu qaatay Cabdi Weli, oo madaxweynaha uusan jecleysan.

Waxa ay xuseen oo ugu dambeeyey xil ka qaadistii agaasimihii hay’adda nabad-sugidda qaranka Cabdullaahi Sambaloolshe, oo uu ra’iisul wasaaraha ceyriyey.

Sidoo kale, Xubnaha ayaa sheegay in Jawaari uu Ra’isul wasaaraha Dalka C/weli Sheekh u ballan qaaday inaan lagu ridi doonin Mooshin kaga imaada dhanka Golaha shacabka>

Sida wararku sheegayaan waxaa hadda socda mooshin ay wadaan xulufada Xasan, balse ay u la’ yihin taageero ku filan.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Jawaari iyo C/weli Sheekh ay isla meel-dhigeen inay u midooban Siyaasadaha uu damacsan yahay Madaxweyne Xasan. Jawaari ayaa la sheegay in si aad ah u dhibsaday siyaasadda kooxda Damu-Jadiid ee kali-talisnimada ku dhisan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

“Nicholas KAY wuxuu inoo sheegay in uu Soomaaliya Madaxweyne ka yahay”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – C/laahi Aadan Cali ‘’Shaleyte’’  oo kamid ah Wasiirada Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Somalia oo la hadlaayay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in kulamo ay la qaateen Nicholas Kay iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS uu ku soo idlaaday Fashil.

Shaleyte waxa uu sheegay in Kulanka ay labadaasi Mas’uul la qaateen uu fashiliyay Nicholas Kay, kadib markii uu Tilmaamay in Maamulka Lixda Gobol looga baahan yahay inay ku daba feelaan Maamulka Seddexda Gobol.

‘’ Waxaan moodnay in Nicholas Kay uu xalka Somalia ka shaqeynayo balse waxa uu noo muujiyay ad adeeg, waxa uuna noo sheegay in Dalka uu isaga ka yahay Madaxweyne’’ Sidaa waxaa yiri Shaleyte

Sidoo kale, Shaleyte waxa uu sheegay inaysan jiri doonin Rajo muujineysa inay ku biiraan Maamulka Seddexda Gobol, waxa uuna Tilmaamay inuu sii kordhay Khilaafka kala dhexeeyo Maamulka 3-Gobol.

‘’Haddii aynu nahay Maamulka Lixda Gobol talo iyo tusaale nagalama dhexeyso Maamulka Seddexda Gobol iyo DF, waayo waxa ay meesha ka saareen Cadaalada iyo jiritaanka ‘’ ayuu yiri Shaleyte

Shaleyte ayaa waxa uu Cadeeyay in Kay uu is moodo inuu u dhashay Dalka Somalia, waxa uuna Taasi ku sheegay mid sii kala fogeyneysa isu soo dhawaanshaha la naawilaayo inuu ka dhex dhaco Labada Maamul.

Dhanka kale, Haddalka Shaleyte, ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili Magaalada Baydhabo ay dhawaan gaareen Wufuud ay kamid ahaayen Guddoomiyaha Baarlamaanka DF iyo Kay, kuwaasi oo kulamo qabyo ah la qaatay Maamulka 6-3 Gobol, waxa uuna sheegay in kulanka ay ku kala kaceen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawir xiiso badan: Dam-Jadiid oo meel isugu tagay, dejiyeyna saddex qorshe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiin Caamir, ayaa sawir gacmeed xiiso leh ka sammeeyey ficillada caburinta ah ee dhowaan ay lasoo baxday kooxda Damul-Jadiid ee maamusha dalka Soomaaliya. Sida ka muuqata sawirka, kooxdaas ayaa meel isugu tagay, waxayna go’aamiyeen saddex qorshe oo ay u arkaan kuwa u horseedi kara inaan hoggaanka Soomaaliya cidna ku qabsan.

Hoos ka arag Sawirka Amiin Caamir

9_SEB_2014W copy

Arag sawirada: Somaliland oo yeelatay Passport cusub, yaase aqoonsan?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xariga ka jaray qaadashada Baasaboor cusub oo nooca E-Passport ah, kaasoo dadka Somaliland wixii maanta ka danbeeya ay qaadan doonaan.

Passporkan cusub ayaa ah mid u gaar ah maamulka Somaliland, waxaana qofkii ugu horeeyay ee qaata noqday Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Passpor-kan cusub ayaa la ogeyn qaabka uu ugu shaqeyn doono caalamka, maadaama aysan jirin aqoonsi ay Somaliland loo aqoonsan yahay dal ka madax bannaan Somalia.

Guud ahaan Shacabka Somaliland iyo xubnaha maamulkaasi ayaa xiliyada ay safrayaan waxay ku socdaalaan Passport-ka Somalia oo caalamka aqoonsan yahay.

Maalintii shalay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay ilaa 50 Passport oo loo waday Hargeysa, kuwaasi oo saarnaa Fiisooyin ay bixisay Safaaradda Sudan ee Muqdisho.

pass1pass2pass3pass4pass5pass6

 

Nairobi: Xildhibaano soo saaray go’aan 4 qodob ka kooban oo ka dhan ah…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee fasaxa u joogga Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen xil ka qaadistii lagu sameeyay Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Ilaa 20 Xildhibaano oo maanta kulan ku yeelatay Magaalada Nairobi, ayaa waxay kulankoodaan ka soo saareen mowqifkooda ku aadan go’aankii Golaha Wasiirada ee xilka kaga qaadeen Sanbaloolshe iyo taageeradii uu taageeray Guddiga Amniga ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) oo Saxaafada la hadlay isagoo ku hadlaaya magaca 20-ka Xildhibaano, ayaa wuxuu daaha ka rogay inay taageersan yihiin xil ka qaadista lagu sameeyay Sanbaloolshe.

Waxa uu Saxaafada u akhriyay ilaa afar qodobo oo ay ka soo saareen fadhigii ay maanta yeesheen, waxayna qodobada ka turjumayaan waxa ay kaga horyimaadeen Sanbaloolshe.

Qodobada

1 – In uu geystay falal ku xudub ah Dastuurka Somaliya, isla-markaana uu xiray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

2 – Inay soo dhaweynayaan xil ka qaadistii ay Golaha Wasiiradu ku sameeyeen Sanbaloolshe

3 – Inay soo dhaweynayaan raaligelintii ay Golaha Wasiiradu ka bixiyeen xarigii Xildhibaanka

4 – Inay taageersan yihiin baaqii shalay ka soo yeeray Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Somaliya ee lagu taageeray xil ka qadista Sanbaloolshe.

Xildhibaan Goodir, ayaa cadeeyay in xil ka qaadista lagu sameeyay Sanbaloolshe uu qabo Dastuurka Somaliya, maadaama uu ka horyimid ku dhaqanka Dastuurka, sida uu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Qofkeed ku masaali lahayd Yussur? !!!!

0
Qofkeed Ku Masaali Lahayd Yusur? W/Q: Axmed-AssadOday: Adeer sawirkaa xafiiska kuu surani ma xaaskaagiibaa?Aniga: Maya Adeer, waa Yusur Abraar

Odaygii: Oo adeer haddaa maxaa isu tihiin?

Aniga: Adeer, waa halyayad Soomaaliyeed, laakiin qaraabo ma nihin!

Odaygii oo yaaban: Oo adeer cimrigaasaan jooggaaye halyayadan aanan maqlini maxay ahayd? Sawirkii buu ku soo dhawaaday bal inuu garto, suu ye: waligayba tan mana arag mana maqal. Dumar la leeyahay waa halyayad oon Xaawo Taakadii 100 shillin ku sawirnaan jirtay ahayn anagu maanu maqal.

Aniga: Adeer waa halyayadda qarnigan cusub!

Odaygii: (Qosol-aan daacad ka ahayn) War illeen anagaa yaab aragnay! Oo adeer maxay ku mutaysatay?

Aniga: Xoolaha masaakiinta iyo danyarta ayay difaacdaa.

Odaygii: Haaaaa, oo ma yarta Somaali Kumuyuunitiga u shaqaysee turjubaanka ah baa?

Aniga: (qosol) Maya, maya, maya adeer, halkan ma joogtee waa gabadh madax ah oo Soomaaliya joogta.

Odaygii oo ka yara xun in aanaan xogta si waafi ah uga dhergin: Waar heedhe waxuun baad sogordohdaaye, si wanaagsan wax noogu sheeg! Maxay qabatay noo sheeg dee!

Aniga: Adeer, Yusur markaan u fiirsaday cadaaladdeeda iyo geesinimadeeda waan waayay qof Soomaali ah oo aan ku masaallo. Mar waxaan is iri ku masaal Axmed Guray iyo Sayidkii, haddana way isu kay qaban waayeen. Waxaan is iri ku masaal Xaawo Taako, haddana way ii qaban wayday. Goor dambe ayaan xusuustay Faarax Maxamed iyo Maxamed Cabdulle.

Odaygii: Ma Faarax Maxamed! Ma Walaalkaa baad halyay nooga dhigaysaa? Oo Sayid Maxamed Cabdulle Xassana sow taad lahayd way isu kay qaban waayeen goormaad haddana is rogtay? (Nin agtiisa fadhiyay ayuu hadalka u weeciyay) waar dee malaa kani wuu soo yar xayd-xaydanayaa! (waalanayaa).

Aniga: (qosol yar), Adeer walaalkay halyay wuxuu u yahay qoyskayaga, laakiin waxaan ka wadaa Faarax Maxamed (Inna Sanwayne). Waa caadilkii Inna Sanwayne ee ku markhaati furay sodoggii Cashuur oo uu inan la’yaal u ahaa (magan xidid ah). Mar ay Cashuur hal baadi ah isku qabsadeen nin socoto ah ayuu ninkii qalaad hashii u xukumay, waana ninka yiri: Gartu Malaha Sodog, Seedi iyo Saaxib e, Gari Allay Taqaan! Wuxuu kaloo yiri: Walaalkaa markhaatiga ku fur, magtana la bixi!

Odaygii: Waar anaga dhagjar(lucture) hanoo akhiriyin Inna Sanwayne ku saabsan oo waanu kaa badinaaye, Maxamed Cabdulle na kumuu ahaa? Waxaan maqli jiray waa dhallaankii hooyadii dhalmada baray! Anigii buu Inna Sanwayne oo aan maqlayay illaa Siigi-Case (abaar qarnigii 20aad ka dhacday waqooyiga) iiga sheekaynayaa! buu yiri.

Aniga: Adeer, Maxamed Cabdulle Xalane waa geesigii markii ciidankii Soomaalida ee Togwajaale xabashidu ku soo duushay1964 arkay calankeenii oo in yar loola saaran yahay, kadibna isagoo calankii doonaya inuu badbaadiyo dhaawacmay, oo haddana isagoo dhiig baxaya calankii la soo gurguurtay oo dhufayskii Soomaalida keenay. Waxayna Xalane naftu ka baxday isagoo leh “cadowgu bir maahee, burburiyaay!”

Odaygii: Waar hadaan gartay! Walaahi Hure Dhikil (Hure-Buqus) barigii billad geesida la siiyay, buu ninkaasi wacdaruhuu dhiggay nooga sheekeeyay, oo dee waa ninkii xeradii Xamar ku taalay ee ciidamadana loogu magac daray. Isagana garanaye. Tan yar maxaad raggaa ugala mid dhigtay?

Aniga: Adeer, Yusur waa gabadhii madaxda ka ahayd Bangiga Dhexe ee Soomaaliyeed, markaa shirkad Maraykan ah oo tuuggo ah oo loo dirsaday inay lacagahii Soomaalida debedaha u yaallay soo …….
Taleefoon: gararam gararam….

Odaygii: Haloow, .haa waan ku maqlaa…..hee…. waanu ku raagsanayaa? Waar mid halkana oo mixnad soconaysa ah baan maanta afka uga galaye in yar ii dulqaata.Aniga: Adeer anigana shaqo badan baa ii taalla, adigana waataa lagu raagsadaye maxaa kaloon kuu qabtaa?Odaygii: Waar bal wax yar i suga (taleefoonkii buu hoos u yara laalaadiyay). Waaryaahee, walaahi gabadhaa aad sheegayso magaceeda idaacadaan ka maqlay oo waa qof libaaxad ah!

W/Q: Axmed-Assad

Barmaamijka Murtisoor
[email protected], [email protected], Twitter: @AxmedAssad Facebook.com/Muritsoor

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

XOG: Damul-Jadiid oo isku Khilaafsan arrin muujineysa in xaal ku xun yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-xog-Ogaal oo ka tirsan Saraakiisha DAM-JADIID, ayaa inoo xaqiijiyay in Ururka uu isku Khilaafsan yahay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Siyaasada Ururka iyo Caburinta Warbaahinta Madaxabanaan.

Ilo-wareedka ayaa inoo xaqiijiyay in Kullan ka dhacay Villa Somalia ay Saraakiisha Dam-Jadiid ku lafagureen Xaaladaha Dalka, gaar ahaan Saameynta ay Warbaahinta Madaxabanaan ay ku leedahay hoos u dhiga Siyaasada Dowlada Federaalka Somalia ee ururkaas dabaqsan.

Saraakiisha ayaa waxaa la sheegayaa in kulankooda ay ku kala qeybsameen kadib markii ay isku fahmi wayeen in albaabada loo laabo gabi ahaan Idaacadaha ku yaalla Magaaladda Muqdisho.

Saraakiisha qaar ayaa waxa ay soo jeediyeen in la xiro Idaacado dhowr ah oo ay kamid yihiin Kulmiye, Goobjoog, Risaala, Dalsan iyo Mustaqbal kuwaasi oo ay Dam-Jadiid ka aaminsan yihiin inay lid ku yihiin Hanaanka Siyaasadeed ee Ururka ama Dowlada Xassan Sheekh, waxa ayna ku tilmaameen Idaacadahaasi inay si gaar ah isha ula raacaan Arrimaha Khuseeya Ururka iyo Dowlada.

Waxay sidoo kale ka fekereen sidii laga yeeli lahaa website-yada ugu afka dheer kuwa Soomaalida, balse wax xal ah waa ay u waayeen, maadaama badankood laga qoro xafiisyo badan oo Soomaaliya iyo caalamka ku kala yaal.

Waxaa arrintaasi kasoo horjeestay Saraakiil kale oo Kullanka goobjoog ka ahaa kuwaasi oo soo jeediyay inaan lafaragalin Idaacadaha Madaxabanaan.

Kullanka oo qaatay ku dhawaad Seddex saac ayaa waxaa la sheegayaa inuu biyo dhac u noqday fashil iyo isfahan’waa, iyadoona ay ku kala dareeren fadhigooda.

Dhanka kale, Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in DF ay wado qorsho Cusub oo lagu xiraayo gabi ahaan Idaacadaha Magaalada Muqdisho markii laga reebo RadioMuqdisho oo kamid ah hantida Dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qarax lala eegtay guddoomiyaha rugta ganacsatada Jubbooyinka: KISMAAYO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu maanta ka dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo, ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa Miino nooca Ramuudka laga hago oo lala eegtay Gaari uu watay Nin la sheegay inuu ahaa Gudoomiyaha Rugta Ganacsatada Gobolada Jubbooyinka.

Mid kamid ah dadka Deegaanka oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa mid aad u weynaa, balse uusan geysan Khasaaro.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Qaraxa lagu aasay Goob Ganacsi oo Shidaalka lagu iibiyo, kaasi oo Bur bur geestay.

Gaariga uu watay Mas’uulka la qarxiyay ayaa waxa ay Qaraxa kadib rasaas ooda uga qaadeen dad shacab ah oo la sheegay inay isticmaalayeen wadada uu qaraxa ka dhacay, waxaana la Tilmaamayaa in Rasaastaasi aysan waxyeeleen dadkii halkaasi ku sugnaa xiliga uu Qaraxa dhacaayay.

Dhanka kale, Maamulka KMG Jubba ayan weli ka hadlin Qaraxa lala eegtay La-taliyaha Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online)– Qarax xoogan ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay Isgooyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo lala Eegtay Gaari nooca Cabdi Bilaha loo yaqaan oo ay saarnaayeen Ciidamo taabacsanaa DF.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa Miino Nooca dhulka lagu Aaso oo lala damacsanaa Gaari Cabdi Bile ah oo marayay inta u dhaxeysa Isgooyska Banaadir iyo Isbitaal Madiina, hayeeshee ay Ciidamadaasi ka bad-baadeen.

Goobjooge u waramaayay Caasimada Online, ayaa inoo xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa mid dhacay kadib markii uu gaariga gudbay, waxa uuna sheegay goobjoogaha in Qaraxaasi uusan geysan wax Khasaaro ah.

Dhanka kale, Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray sida caadaduba aheyd Ciidamo ka tirsan DF kuwaasi oo goobta ka sameeyay baaritaano ay Ammaanka ku xaqiijinayeen, iyagoona halkaasi ku qabqabtay dad farabadan oo lagu Tuhmaayo inay Qaraxa wax ka Ogaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

MAAXI oo markii saddexaad u tartami doona baarlamanka qaranka Sweden

0

Siyaasiga Yaasiin Maaxi Macalin ayaa markii sedexaad sanadkan u tartamaya baarlamaanka guud ee dalka Sweden, ka dib markii ay soo sharaxeen xisbiga uu mudada dheer ka tirsanaa ee Shaqaalaha, isaga oo sidoo kale ku jira liiska musharaxiinta Degmada katrineholm iyo kan gobalka Södermaland.

Mr, Yaasiin Maaxi Macalin oo siyaasada wadanka Sweden ku jiray mudo ka badan 15 sananadood ah sidoo kale 2006 ayay ahayd markii 1aad ee yaasiin u tartamo Baarlamaanka Qaranka sweden asago oo horay liiska baarlamaanka kula jiray R/wasaarihii hore ee dalka Sweden Goran persson, hase yeeshee Xisbiga Socialka demoquradiga ee loo yaqaano xisibiga shaqaalaha ayaa sanadkan waxa uu u muuqdaa mid rajo wanaagan ka qabo inay badalaan dowlada hada ka talisa dalka ee xisbiyada isbahaystay ee sideedii sano ee la soo dhaafay dalka maamusha.

yassin22

Musharax Yaasiin Maaxi ayaa dhinca kale ah siyaasi saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya waxa uuna dalka Sweden ka aas-aasay XisbigaSSUP, waxa uuna sanadkii 2012kii uu ka mid noqday musharaxiintii madaxweynaha dalka Soomaaliya u tartameysay.

Dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Sweden gaar ahaan Degmada katrineholm ee gobalka Södermaland waxaa laga codsanayaa in ay codkooda siiyaan Musharax Yassin Maaxi.

Mahadsanidiin.

Xafiiska wararka SSUP

[email protected]

www.ssup.se

Katrineholm, Sweden

PUNTLAND oo u goodisay DF SOMALIA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa waxaa looga hadlay Arrinta Khuseysa in shirkadaha shidaalka baara in aanay wax heshiis ah la geli karin maamulada dalka ka jira.

Haddalka kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Awaamirta ay Dowlada Federaalka ku joojineyso qodista Shidaalka aysan aheyn mid Khuseysa DF, islamarkaana aan lagala tashaneynin Arrimahaasi.

Ciise Maxamuud Dhool-waa oo ah Agaasimaha Hey’adda Macdanta iyo shidaal baarista Puntland ayaa waxa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray DF uu yahay mid aan laga fiirsan, waxa uuna ka digay in Dowladu ay soo faragaliso Arrimaha Puntland ama Shirkadaha Shidaalka.

‘’Haddalka kasoo yeeray DF ee ah in shirkadaha shidaalka baara aanay wax heshiis ah la geli karin maamulada dalka ka jira ay tahay War aan laga fiirsan Puntland arrimaheeda cidna gor-gortan kalama galeyso’’ Sidaa waxaa yiri Ciise Maxamuud Dhool-waa

Isaga oo hadalkiisa intaa kasii ambaqaadayo ayaa waxa uu yiri “Maamulka Puntland wax xiriir ah kalama dhexeeya DF arrimaheedana iyadaa ka tashaneysa cidna gor-gortan kalama galeyso, wixii khuseeya arrimaha shidaalkeeda iyada u madax banaan, dastuurka dalka waxaa uu xaq u siinayaa Puntland kheyraadka dabiiciga in dhulkeeda ka soo saaran karto”ayuu yiri Agaasimaha Hey’adda Macdanta iyo shidaal baarista Puntland waxa uuna intaa ku daray hadalkiisa haddii ay dhacdo inay DF faragaliso Arrimaha Puntland ay la kulmeyso Jawaab iyo awood u dhigma.

Mr Ciise Maxamuud Dhool-waa waxa uu sidoo kale, daboolka ka qaaday in hadalka ka soo yeeray Wasaarada Macdanta iyo Batroolka dowladda Federaalka uu yahay hadal riyo ah, isagoo xusay in haatan xiriirkii u dhaxeeyay Puntland iyo dowladda Federaalka uu go’an yahay, taasina ay qeyb ka tahay Muujinta ay Puntland ku muujineysa Awoodaheeda Siyaasadeed iyo tan gaarka ah.

Dhanka kale, Ciise Maxamuud Dhool-waa  waxa uu DF uga digay inay ku dhiirato Faragalin ay ku sameyso Arrimaha Puntland, wuxuuna Cadeeyay inay ka bixin doonaan Jawaab adag oo uu Caalamku la yaabo, waa haddii ay dhacdo inay faragalin kala kulmaan Dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mareykanka oo ku hanjabay Arrin aan farxad galin taliska ciidmada AMISOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka waxay walaac xooggan ka muujiyeen Warbixintii laga argagaxay ee ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ku shaacisay inay ciiddamo u kala dhashay dalalka Uganda iyo Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM kufsi u geysteen haween iyo gabdho yaryar oo ka mid ah dadka Barakacayaasha ee ku nool magaalladda Muqdisho.

“Waxaan si taxadar leh u qiimeynaynaa Eedeymaha ku jira Warbixinta HRW iyo jawaabaha ay ka bixiyaan Dowladaha ay ciiddamadooda ku jiraan Hawlgalka AMISOM iyo jadwalka shaqo iyo tababaradda AMISOM” ayaa yiri Sarkaal u hadlay Maraykanka.

Sarkaalka waxa uu ugu baaqay Dowladda Somalia, Taliska AMISOM iyo Dowladaha ciiddankooda ka tirsan yihiin AMISOM inay baaritaanno buuxda ku sameeyaan Eedeymahaasi, lana soo maxkamadeeyo Askarta ay ku caddaato iyo Taliyayaashii u oggolaaday inay kufsadeen Haweenka Dhibanayaasha Soomaalida ah.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay diyaar u yihiin inay taageero ka geystaan Baaritaankaasi, haddii laga codsado, si loo xaqiijiyo inay Askarta Uganda iyo Burundi geysteen kufsi wadareed.

Dowladda Maraykanka oo bixisa kaalmadda ugu ballaaran ee la siiyo Hawlgalka AMISOM ayaa ku goodisay inay dib u eegi doonaan Taageeradda ay siiyaan AMISOM, haddii ay caddaato Warbixinta Human Rights Watch.

Dowladda Maraykanka waxay hawlgalka AMISOM horey ugu yaboohday in ka badan 340-million oo Dollar tan iyo markii uu Hawlgalka AMISOM ka bilowday dalka Somalia sannadkii 2007-dii.

Isha Wakaaladaha

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli oo gaaray heer uu C/Weli ku hanjabo in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka Villa Somalia, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha Dalka C/weli Sheikh Axmed.

Khilaafka oo heerkii ugu sareeyay gaaray, ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay xil ka qaadista Aggaasimaha Hay’dda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sanbaloolshe iyo Mas’uuliyiin uu kamid ahaa C/kariin Guuleed oo isaguna Cadaadin kadib is-casilay.

Xubno ku sugan Villa Soomaaliya, ayaa noo sheegay in Khilaafka labada Mas’uul uu sii Xumaanayo, waxa ayna sheegayaan inuu gaaray heer Ra’isul wasaaraha uu ku goodiyo inuu xil ka qaadis ku sameynaayo Wasiiro ay kamid yihiin Faarax C/qaadir oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xassan Sheekh.

Waxaa sidoo kale Cabdi Weli oo ku hanjabay inuu xilka ka qaadi doono wasiirka arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax Barre, oo isna ku dhow madaxweynaha.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Ra’isul wasaare C/weli uu madaxweynaha u sheegay inuusan aqbaleyn in xilkiisa lagu fara-geliyo.

Dhanka kale, waxaa la soo warinayaa in Ra’isul wasaare C/weli uu diiday inuu Xasan Sheekh kala hadlo Arrimaha Golaha Wasiirada, waxaana la tilmaamayaa in labada Mas’uul ay ku tartamayaan kasbashada Xildhibaanada.

Madaxweynaha iyo Faarax Cabdulqaadir, ayaa iyagana dar-dar gelinaya mooshin ay kal hore wadeen oo qaboobay, balse ay iminka doonayaan in dib loo soo nooleeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan Shiiraar oo ka sheekeeyey dhacdo isaga iyo Faarax C/qaadir dhex martay oo darteed xabsiga loo dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibraahim Cali Shiiraar, oo ay dhowaan ciidamada Nabad-sugiida ku xireen Muqdisho, ayaa ka sheekeeyey dhacdo isaga iyo Faarax Cabdulqaadir kala qabsatay oo keentay in xabsiga loo taxaabo.

Xildhibaan Shiiraar, oo ah guddoomiyaha xildhibaannada beelaha Mudullood, ayaa farriin uu soo diray oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, waxa uu u dhigay sidan:-

“Waxaan ka mid ahaa 115 Xildhibaan oo ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Iska casil shaqada ma wadi kartid billowgii sannadkan, Waxaa taas ii xigtay inaan beryahan dambe ku dhowaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Malintii leey xiray, habeenkii ka horreeyey ayaan tegay Guriga Ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayadoo ay fadhiyaan xubno sare oo ka mid ah Golaha Wasiirrada, kuwaasoo uu ku jiro Wasiir Faarax Cabdulqadir. Markaas Faarax wuxuu igu yiri “Xaggee ku magnayd beryahan, laguma aragee?, Jawaabtii anigoo Xildhiban ah aan siiyay waxay ahayd: “Waxaan ku maqanahay sidii aan Siyaasadda kaaga saari lahaa, maxaa yeelay waxaad ku noqotay Siyaasadda dalka cudurka Kansarka, in la gooyo mooyee xal kale ma leh.

Arrinkaas ayaa Wasiirka awoodda badan ee xad dhaafka uruursaday ka xanaajisey. Durba Wasiir Faarax wuxuu amray Agaasimaha Nabad-Sugidda Cabdullaahi Sanbaloolshe inuu i soo xiro, anigoo ah Xildhibaan Shiiraar. Waxaa hadda nasoo gaartey in Madaxweyne Xasan uusan ku qanacsanayn go’aanka Golaha Wasiirrada ku eryeen Sanbaloolshe,Hase yeeshee la arki donee waxa ay ku dhammaato?”

By Xildhiban Cabdiraxmaan Ibrahim Cali Shiiraar

Halkan ka daawo Video-ga Xildhibaan Shiiraar iyo sida Nabad-Sugidda ay u bah-dishay

TARSAN oo soo bandhiggay 6 arrin oo Soomaalida looga baahan yahay (Aqri)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Ahmed Nur ”Tarsan” ayaa waxa uu sheegay in Soomaalida ay ku yartahay Wadaniyada, sidaa darteedna looga baahan yahay inay ku daydaan Shucuubta Caalamka intiisa kale.

Waxa uu sheegay in Dalka uu xiligaani u baahan yahay Daacad iyo karti, taasina lagu gaari karo sabarka oo bata.

Tarsan oo Sifooyin ka baxshay waxyaabaha looga baahan yahay Muwaadinka ayaa waxa uu soo qaatay in Wadaniga looga baahan yahay sifooyinka soo socda:-

1- Karti

2-Isku kalsoonaan oo aqoon ay wehliso iyo dad jeceyl.

3- In uu caadil yahay.

4- Amaano iyo hufnaan.

5- Ka sareyn qabyaaladda.

6- In uu Bulsho aruurshe yahay ee uusan ahayn Bulsho kala dire.

Sidoo kale, Waxa uu Tilmaamay in gabi ahaan Qodobadaasi aan laga heleynin Soomaalida balse ay u baahan tahay in la barto si wax loola qeybsado Bulshada Caalamka ku nool ee la yaaban is naceebka ka dhex jira Soomaalida.

Dhanka kale, Tarsan oo qoraalkaani kusoo daabacay Barta Aallada Facebook uu ku leeyahay, ayaa waxa uu Nasiib daro ku Tilmaamay in Bulshada Soomaalida oo aad u yar aysan laheyn kala danbeyn iyo is maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]