29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

TARSAN oo soo bandhiggay 6 arrin oo Soomaalida looga baahan yahay (Aqri)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Ahmed Nur ”Tarsan” ayaa waxa uu sheegay in Soomaalida ay ku yartahay Wadaniyada, sidaa darteedna looga baahan yahay inay ku daydaan Shucuubta Caalamka intiisa kale.

Waxa uu sheegay in Dalka uu xiligaani u baahan yahay Daacad iyo karti, taasina lagu gaari karo sabarka oo bata.

Tarsan oo Sifooyin ka baxshay waxyaabaha looga baahan yahay Muwaadinka ayaa waxa uu soo qaatay in Wadaniga looga baahan yahay sifooyinka soo socda:-

1- Karti

2-Isku kalsoonaan oo aqoon ay wehliso iyo dad jeceyl.

3- In uu caadil yahay.

4- Amaano iyo hufnaan.

5- Ka sareyn qabyaaladda.

6- In uu Bulsho aruurshe yahay ee uusan ahayn Bulsho kala dire.

Sidoo kale, Waxa uu Tilmaamay in gabi ahaan Qodobadaasi aan laga heleynin Soomaalida balse ay u baahan tahay in la barto si wax loola qeybsado Bulshada Caalamka ku nool ee la yaaban is naceebka ka dhex jira Soomaalida.

Dhanka kale, Tarsan oo qoraalkaani kusoo daabacay Barta Aallada Facebook uu ku leeyahay, ayaa waxa uu Nasiib daro ku Tilmaamay in Bulshada Soomaalida oo aad u yar aysan laheyn kala danbeyn iyo is maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maamulka JUBBA oo kala qeybsamay !!

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo ka amar qaata Maamulka KMG Jubba ayaa waxa ay bur-buriyeen Xaafado badan oo ku yaalla Magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose..

Xaafadaha la burburiyay ayaa waxa ay u badan yihiin kuwa Obasiibka, waxaana la sheegayaa in qorshahaasi uu ahaa mid u gaar ah shaqsiyaad ka kala tirsan  Ammaanka iyo Arrimaha Guddaha ee Maamulka Jubba.

Ciidamada ayaa waxa ay jirdil iyo Awood u adeegsadeen Shacabkii Xaafadaasi ku noola, waxaana la Rumeysan yahay in Ciidamadaasi ay ahaayen kuwa aan Fasax u qabin fulinta Howlahaasi.

Sidoo kale, Madaxda sare ee Maamulka ayaa ku kala qeybsamay Falka sida Amar la’aanta ah loogu burburiyay Guryahaasi faraha badan iyo Jir dilka loo geystay dadkii ku noola guryaha.

Qaar ka tirsan Maamulka ayaa iyagu Falkaasi ku micneeyay mid lagu boobayo guryaha ay degan yihiin dadka Fuqarada ah, halka qaarna ay ka sheegen in dhulka uu yahay mid aan degnaanshihiisa amar loo heysan.

Dhanka kale, waxaa jira  dhaqdhaqaaqyo ay Beelaha qaar kusoo ceshanayaan Boosaskooda, waxaana suuragal ah in Khilaafka ka dhex dhashay Maamulka uu isku bedelo Arin qabiil

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Dr C/raxman Baadiyow oo weeraray DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr.Abdurahman Baadiyow oo kamid ahaa Musharaxiintii Madaxtinimada Dalka kula tartameysay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu si aad ah u dhaliilay qaabka ay Dowlada Federaalka uga qaadeyso xilalka Mas’uuliyiinta Dowlada ka tirsan.

Baadiyow waxa uu sheegay in wadada loo maraayo xil ka qaadista shaqsiyaadka Dowlada ka tirsan ay tahay mid aan munaasib aheyn, waxa uuna Farta ku goday inay sii qaldeyso Nidaam darida dalka ka jirta.

Dr Baadiyow ayaa waxa uu hadalkaani ku qoray Barta uu Facebook ku leeyahay, waxaana kamid ahaa  hadalkiisa ‘’Kana siib, kana saar ruux ruux kale ku bedel, wax weyn kuma kordhineyso hawlaha Dawladda laga rabo oo ay ugu horeyso  nabada iyo amaanka muwaadiniinta”

Dr Baadiyow ayaa waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku xusay in maquuninta iyo Awoodaha ay adeegsaneyso DF aan lagu gaari karinka Xalka dalka waxa uuna yiri ‘’Nabad laguma keeni karo xoog adeegsi kaliya iyo caburinta warfaafinta madaxa banaan. Nabad laguma keeni karo caburinta iyo cabsiinta xildhibaanadda. Nabad laguma keeni karo soo celinta hab-dhaqankii Nabadsugida xilligii kali-taliska. Nabad laguma keeni karo dulmi iyo xaqdarro lagu sameynayo magaca dawladnimada ee nabadu waxa ay ku jirtaa dalka oo daacad loo noqdo Awoodahana la joojiyo’’

Siyaasiga ayaa waxa uu si dadban iyo si muuqataba u dhaliilay xilalka sida maalayacniga ah shaqsiyaadka loogu magacaabayo, hadana aysan ku waareynin, waxa uuna taasi ku sheegay inay qeyb ka tahay dhaliilaha Maamulka kali-talisnimo ee ka jira Dalka.

Dhanka kale, Haddalka Siyaasiga ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Laba maalin ay kasoo wareegtay xil ka qaadistay Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia C/llahi Sanbaloolshe, kaasi oo la sheegay inuu xad-gudubyo u geystay Siyaasiyiin ka tirsan DF.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

WARAR ku soo kordhay sababihii xilka looga qaaday C/LLAAHI Sambaloolshe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo Sababaha xilka looga qaaday Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia, C/llaahi Maxamed Cali sanbaloolshe, ayaa sheegaya inay tahay mid uu ku baalmaray sharciga Dalka, isagoona adeegsaday Awoodo aan lasiin.

Wararku waxa ay sheegayaan in C/llaahi Maxamed Cali sanbaloolshe xilkiisa ku waayay kadib markii uu ku tuntay Xuquuqda Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo magaciisa lagu sheegay Xildhibaan Shiiraar  , kaasi oo uu xiray Aggaasimaha kadibna uu ula dhaqmay wado aan wanaagsaney, iyadoona markii wax laga weydiiyay Arrintaasi uu uga jawaabay si aan habooneyn.

Sanbaloolshe ayaa waxaa la sheegayaa inuu Ciidamada ku amray inay Jeelka dhigaan Xildhibaan Shiiraar , waxaana la Tilmaamayaa in Xildhibaanka uusan geysan wax qaladaad ku ahaa Ammaanka ama Siyaasada Dalka, balse ay Colaado hoose kala dhaxeeyen, taasi oo la sheegay inuu uga faa’iideystay Sanbaloolshe Awoodaha Xilka Hay’adda.

Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in C/lahi Sanbaloolshe lagu eedeeyay Amaro uu bixiyaya oo lagu xiray qaar kamid ah Idaacadaha Madaxabaan ee Muqdisho iyo Suxufiyiin  kuwaasi oo la aaminsan yahay inay taageero u muujin jireen Dowlada, hayeeshe ay sababsadeen Amarka C/llahi Sanbaloolshe.

Aggaasimaha xilkiisa waayay Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa waxa uu haayay xilkaasi muddo kooban oo aan wax Howl ah lagu qaban Karin, balse uu dayacay Kaalintii kaga aadaneyd Ammaanka  waxaana maalmaha uu xilkaasi haayay Magaalada ka dhacay Weerarao ay Ciidamada Nabadsugida ku qaadeen guryaha Siyaasiyiin ,Xildhibaano iyo xarumo warbaahineed.

Dhanka kale, waxaa la soo warinayaa in Howlgalada ka dhacay Magaalada uu si qaldan u adeegsaday, iyadoona uu garaafeeyay shaqsiyaad Colaado hore kala dhaxeeyay sida Cabdi-Nuure Siyaas ‘’Cabdi-Waal, waxa ayna arrimahaasi ay qeyb ka ahaayeen waxayaabaha soo dadajiyay xil ka qaadistiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XAMAR: AMISOM oo haween kufsaday

0

Muqisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday Ururka u dooda Xuquuqda Aadamiga ee Human Rights Watch, ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM jooga Magaalada Muqdisho ay kufsi u geysteen Haween soomaaliyeed oo deeqo u raadsaday Xarumaha ay ka howlgalaan Ciidamadda AMISOM ee Magaalada Muqdisho.

Warbixinta oo ka koobneyd ilaa 71 waraaq, ayaa waxaa lagu cadeeyay in Ciidamada AMISOM ay kufsi awood ah u adeegsadaan Haweenka barakacayaasha ah ee gargaarka ka raadsada Xarumaha AMISOM ee laga bixiyo deeqaha gargaarka ah.

Sidoo kale, warbixinta Human Rights Watch, ayaa waxaa lagu sheegay in 21-kiis kufsi ah muddo kooban lagu helay Ciidamada AMISOM.

Dhanka kale, waxaa arrintaasi beeniyay Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Xaamud oo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Human Rights Watch ay shaaciso warbixino aan loo baahneyn, waxa uuna Cadeeyay in loo baahnaa in lala soo socodsiiyo dhacdooyinka ka hor inta aan la daabicin.

Col Cali Xaamud, waxa uu gaashaanka ku dhuftay inay la xisaabtami doonaan Ururada qora warbixinada aan sal iyo baar ku laheyn xaqiiqda jirto, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]  

Xog: Xasan oo xildhibaanno shirsaday xilli xaalad uusan filaneyn uu la kulmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog-Ogaal ku sugan Villa Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu Kullan aan caadi aheyn kula yeeshay Xafiiskii inkabadan 25-Xildhibaan oo fakir ahaan isaga taageersan.

Ilo-wareedka ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynaha uu Xubnahaasi ka tirsan Golaha shacabka kala hadlay Arrimo dhowr ah oo khuseeya Xaalada hadda taagan iyo xurgufta kala dhaxeysa Ra’isul wasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed oo isagu xil ka qaadis aan lala Ogeyn ku sameeyay Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sanbaloolshe, markii laga reebo Golaha Wasiirada ee iyagu u fududeeyay Ra’isul wasaaraha xil ka qaadistaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu xiligaani abaabulaayo sii xoojinta Mooshino ka dhan ah Ra’isul wasaaraha Dalka oo uu u arko inuu yahay shaqsi mayal adag oo aan u hogaansaneyn Awaamirta kasoo baxda Xafiiskiisa Xassan.

Mooshinka uu abaabulaayo Madaxweyne Xassan ayaa waxaa daadihinaaya Xildhibaano iyo Wasiiro la sheegay inay la dhacsan yihiin qar ka tuurka Xassan Sheekh uu la damacsan yahay Ra’isul wasaare C/weli, wallow C/weli Sheekh, uu isaguna dhankiisa kawado Abaabulo uu ku maja-xaabinaayo Madaxweynaha.

Lama Oga halka ay gaari doonto Natiijada kasoo baxday Kullanka uu Madaxweyne Xassan Habbeennimadii xalay Xildhibaanada ugu qabtay Villa Somalia, balse waxaa la rumeysan yahay in Khilaafkaani Cusub uu ka dhashay Xilka qaadista Aggaasimaha Hay’adda Sirdoonka C/llahi Sanbaloolshe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan Sheekh oo diiday xil ka qaadistii Sambaloolshe iyo KAY oo gartay galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hor yimid xil ka qaadistii uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli, isaga oo adeegsanaya golaha wasiirada ku sammeeyey agaasimihii hay’adda nabad-sugidda qaranka Cabdullahi Sambaloolshe.

Madaxweynaha, ayaa la sheegaya in naxdin, la yaab iyo wax uusan filaneyn ku noqotay tallaabada Cabdi Weli uu qaaday, oo aan xittaa aan lagu war-gelin.

Warar ay Caasimada Online heshay, ayaa sheegaya in tallaabadaas ay sii xoojeysay khilaaf labada mas’uul horey uga dhex oognaa, xilli ay kooxda Xasan Sheekh mooshin diyaarinayeen.

Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa xalay u kala dab qaadayey labada nin, si xal looga gaaro go’aanka uu qaatay Cabdi Weli iyo carrada madaxweyne Xasan Sheeh.

Nicholas Kay, ayaa Xasan Sheekh u sheegay in go’aan la qaatay oo dunida oo dhan ay ogtahay ay adag tahay in laga laabto, sidaa darteedna waddada kaliya ee furan ay tahay in madaxweynaha uu aqbalo go’aanka.

Inkasta oo madaxweynaha uusan ku qancin hadalka Kay, haddana xubno ku sugan Villa Somalia, waxa ay sheegayaan inaysan jirin wax uu ka qaban karo.

Sidoo kale, ilo-xog ogaal ah aya Caasimada Online u sheegay in Nicholas Kay uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli ku raacsan yahay go’aankiisa, taasi oo xaalka kusii xumeeneysa Xasan Sheekh.

Kaaga sii daran’e, waxaa sidoo kale xil ka qaadista taageeray siyaasiyiin reer Muqdisho ah, oo maalmihii dhowaa aad u dhibsaday tacaddiyada ay ciidamada nabad-sugidda ka wadeen Muqdisho, oo ay ugu dambeysay xariga guddoomiyihii xildhibaanada Mudullood, xildhibaan Shiiraar.

Marka si loo fiiriyo, ra’iisul wasaare Cabdi Weli sharci uma lahan inuu xilka ka qaado taliyayaasha ciidamada, oo waxaa awoodaas leh madaxweynaha. Hase yeeshee, xaqiiqda ah in Xasan Sheekh, uu markii horeba ogolaaday in awood uu lee yahay uu Cabdi Weli isticmaalo, ayaa ka dhiggeysa in haddana uu ku qasban yahay inuu aqbalo.

Taliyaha Nabad-Sugidda iyo kan booliiska, ayaa waxaa laba bil ka hor magacaabay ra’iisul wasaaraha, oo aan sharci u lahayn, hase yeeshee Xasan Sheekh oo ahayd inuusan ogolaan, ayaa aqbalay, sidaa darteedna Cabdi Weli inuu xilka ka qaado maantana waxba kuma jabna.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli, ayaa iminka ah shaqsiga ugu awoodda badan dowladda federaalka, isaga oo taageero ka haysta, beesha caalamka, Ethiopia iyo xildhibaanno badan oo dhibsaday siysaadda Damul-Jadiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Xasan waxaa lugta ka jaray R/W C/weli wuxuu bartay kuwa qabow” ayuu yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuse Abuukar oo ka tirsan Odayaasha kasoo jeeda Gobolka Sh/Hoose, ayaa daboolka ka qaaday in Madaxweyne Xassan Sheekh uu xil u dhiibtay Ra’isul wasaare C/weli Sheekh oo Siyaasad ahaa ka dheereeyay.

Muuse Abuukar waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh sida uu doono ka yeeli jiray Ra’isul wasaarihii hore ee Saacid, balse Ra’isul wasaare C/weli uu yahay mid ka duwan kuwii hore.

‘’Xassan Sheekh waxaa looga bartay inuu lugaha jaro Ra’isulwasaare waliba uu soo magacaabo, balse Ra’isulwasaare C/weli waxa uu lugaha jaray Xassan, waayo waxa uu is hortaagay Arrimo farabadan oo uu Xassan damacsanaa laakin wuu iska celshay inta karaankiisa ah, kuwii hore ayuu jiljileec uga bartay’’ Sidaa waxaa yiri Muuse Abuukar oo intaa hadalkiisa kusii daray in Xassan Sheekh sida uu doono u maamusho Dastuurka iyo dalka, sida uu hadalka u dhigay

Dhanka kale, Muuse Abuukar waxa uu Ra’isulwasaare C/weli ku amaanay qaabka uu uga soo horjeesto rabitaanada Madaxweynaha, wuxuuna Tilmaamay in xassan uu ku dhaqaaqi lahaa Siyaasado badan oo Khilaafsan Xukuumada balse uu is hortaagay C/weli.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maamulka AXMED Madoobe oo KENYA kula saftay boobka BADDA Soomaaliya, hadal aan laga fileynin-na soo saaray !!

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Kaluumeysiga ee maamulka Maamulka KMG ah ee Jubba Cabdullaahi Sheekh Shaafici ayaa markii u horeysay ka hadlay boobka Kenya ee Badda Somalia.

Wasiirka ayaa gebi ahaan beeniyay qaadashada dowlada Kenya qeyb kamid ah badda Soomaliya, inkasta oo taasi caddeymo loo hayo, waxaana isaga oo safanaya Kenya uu ku tilmaamay go’aanka ay DFS ugu gudbisay beesha caalamka Dacwad ku aadan muranka badda inuu yahay mid aan laga fiirsan laguna deg degay.

“Runtii ka Maamulka KMG ah ee Jubba ahaan gacan ma siineyno in dhulka Somalia laga qaato, lakiin ma ogin in dhulka Somalia la qaatey, gaar ahaan meesha ay ka hadlayaan waa degmada Badhaadhe ee magaalada Raas-kaambooni, badda Raas-kaambooni cid qaadateyna ma ogin, dowlada Kenyana dhul Somaliyeed oo badd iyo Barri ma qaadan waxaana is-leeyahay annaga ka Wasaarad ahaan arrintaas dowladda u qortey maxkamada caalamiga ah way ku fududaatey saxna ma aha, daraasad iyo warbixin baan diyaarinay waxna nala-kama socodsiin, dhanka kale dowlada Kenya uma qalanto in sidaas loogu af-lagaadeeyo arintaas, dadka daga Badhaadhe iyo Hulluqa oo waa dad isku degaan ah dhibaato iyo muran dhuleedna kama dhexeeyo, Maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda Kenyana kama dhexeeyo, waxaan is-leeyahay ujeedo macno kale huwan weeye ma qabno fikradaas” ayuu yiri Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalumeysiga maamulka Maamulka KMG ah ee Jubba.

Dowladda Somalia ayaa warqad dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya u gudbisay Maxkamada Caalamiga ah ee QM oo fadhigeedu yahay magaalada Hugue ee dalka Natherland.

Dowladda Kenya oo ciidamo ka joogaan Koonfurta Somalia tan iyo 2011 ayaa sheeganeysa sadex geesood biyaha badda ah ee cabisrkiisu yahay 100,000 square kilometers ( 40,000 square miles) taasoo ka mid ah badda Soomaaliya.

Nairobi ayaa dhulkaas siisey shirkado ka baaro shidaal iyadoo muran dhinaca sharciga ah weli ka jiro.

” Somalia, waxa ay ka codsatey Maxkamada ” iney xaqiijiso, iyadoo la eegayo sharciga caalamiga ah, halka uu yahay xuduud baddeedka rasmiga ah ee u dhexeeya wadanka Somalia iyo Kenya’ ” Maxkamada caalamiga ah (ICJ) ayaa qoraal kooban ku sheegtey.

Somalia, oo ku dhacda Woqooyiga Kenya, ayaa rabta in xuduudka badda uu la socda inta uu leeg yahay midka dhulka, ilaa iyo inta laga gaarayo Koonfur barri.

Kenya aya dhinaca kale rabta in xuduudka badda uu noqdo mid toos ah oo u socda ilaa jihada Barri, taasoo siineysa dhul badeed badan, oo ay Soomaaliya leedahay.

Dacwadaha horyaala Maxkamada Hugue ayaa ah kuwa go’aan ka gaaristooda qataan muddo sanado ah.

Maxkamadaan ayaa dhidibada loo taagey 1945 waxeyna kamid tahay awoodaha sharci ee ugu weyn ee QM leedahay taasoo fadhigoodu uusan aheyn magaalada New York.

Hadalka maamulka Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ah mid aan la yaab lahayn, sababta oo ah maamulkaasi waxaa dhisay Kenya, ujeedka loo dhisayana waa inay fududeeyaan in Kenya ay boobto badda Soomaaliya.

Si kastaba hadalka maamulka Jubba, ayaa wax macno ah sameeneyn, maadaama dowladda federalka ay xuduudaha dalka mas’uul ka tahay, oo aanay maamul goboleedyada wax shaqo ah ku lahayn, hase yeeshee waxaa hadalka kooxda Axmed Madoobe uu shacabka Soomaaliyeed tusayaa shakigii ay markii hore ay ka qabeen oo ahaa in Kenya ay ku adeeganeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Sawirro: Safiirka Soomaaliya ee Yemen Naaji oo la kulmay dhiggiisa Holland

0

Danjire Aldrik Gierveld oo xafiiskiisa ku qaabila Danjire S/Gaas Ismaaciil Qaasim Naaji, maalintii Arbacada aheyd, ayaa waxaa ay labada safiir ka wada hadleen xirriirka soo jireynka ahaa ee ka dhaxeeya labad dowladdood iyo waliba sida dowladda Nertherland ay mar waliba u jeceshahay in horuma la ga sameeyo dalka Soomaaliya, Danjire Cismaaciil Qaasim Naaji ayaa ugu horeyntii uga mahadceliyey Mudane Danjire  Aldrik Gierveld kulunkan taariikhiga ah ee  aynu maantey  ku kulanay, innaga oo kala mataleyno labada dowladood ee walaalaha ah  taas oo ka turjumeysa ayuu yiri Danjire Mudane S/gaas Cismaaciil Qaasim Naaji  ayaa ugu horeyntii uga mahadceliyey sida ay uga go’antahay dowladda Netherlands in ay garabgasho dowladda Federaalka Soomaaliya dhinac waliba haddii ay ahaan la heyd dhinaca maamulka, dhinaca waxbarashada, dhinaca dhaqaallaha, dhica milatariga iyo dhinaca howlaha bini’aadanimada , waxaa uu danjirey Naaji uga waramay xaaladda uu hadda waddanku marayo oo ah mid runtii aad iyo aad uga wanaagsan xilliyadii la soo dhaafay, waxaan hubaa in uu jiro maantay amni la isku haleyn karo oo si wanaagsan loogu diirsan karo, sidoo kale in ay shaqeynayaan dhammaan adeegyadii dowladda iyo goobihii waxbarashadda iyo goobihii caafimaadka oo dhan.

Sidoo kale mudane Naaji waxaa uu xusay in waddanka Netherlands uu yahay waddan runtii ahayo qaxooti soomaaliyeed oo aad iyo aad u farabadan, ku waas oo ku nool runtii nolol aan dhihikaro waa mid ay ku qanacsanyihiin, waxaana ka rajeynayaaa dowladda Netherlands in ay sii laba laabto da’daalka ay ugu jirto samatabixinta dalka iyo dadka soomaaliyeed oo muddo aan ka yareen dhowr Sannadood ay ku bahoobeyn dhibbaatooyin aan halkaan ku soo koobi Karin.

Sidoo kale Danjire Naaji waxaa uu Danjire Aldrik Gierveld kala hadlay qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen guud ahaan halka uu xaalkoodu marayo, oo ah runtii mid aad iyo aad u liito una baahan in mar waliba la iska wareysato,  oo si qaas ah loogu kuur gelo sababtoo ah waxaa jira dhaliyaro Soomaaliyeed oo aad iyo aad u farabadan oo ku nool dalka Yemen oo u baahan in ay helaan waxbarasho ay ku shaqeysataan marka ay ku laabtaan dalka Soomaaliya ku waas oo isugu jira gabdho iyo wiilal, sidoo kale qoysas soomaaliyeed oo runtii ay xaalkoodu aad iyo aad u liito in iyagana dhianca bini’aadanimada loo eego laguna tixgeliyo daruufaha haysata oo aan yareyn.

Ugu dambeyntii kulankaas oo ku dhammaaday jawi is afgarsho labad dhinaca iyo in laga wada shaqeeeyo sidii dowladda federaalka Soomaaliya ay u gaari la heyd u jeeddooyinka ay hiigsaneyso oo ah mid nabadeed iyo horumar, ayuu safiirka Netharlands uu balanqaaday in uu dowladiisa ugudbindoonno wixii laga wada hadlay.

naji1naji2naji3naji4naji5

Kulankaasi danjire Naaji waxaa ku heliyey :

Mudane H.E. Baasha Maxamed Cali oo ah uqeybasanaha Safaaradda Soomaalida Amniga.

Mudane Mr. Suleymaan Maxamed Cali oo ah Xoghayaha Safiirka

Mudane Mr. Abdikhadar Maxamed Cali oo ah IT and Training Officer Somali Embassy

H.E. Abdikhadar Mohammed Ali

IT and Training Officer Somali Embassy Sana’a

Xog: Maxaa kala soctaa sababihii xilka looga xayuubiyey agaasimahii hay’ada sirdoonka qaranaka (Xasan Abtigiis?)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo nasoo gaaray ayaa sheegaya in xil ka qaadista Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Somalia C/llahi Sanbaloolshe ay soo jiitameysay Asbuucyadaani kadib markii uu Khilaaf dhex maray Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha sidaana uu Xilka ku waayay Aggaasimaha Hay’adda.

Wararku waxa ay nagu soo gaarayaan in Xil ka qaadista uu ka dambeeyay Ra’isul wasaaraha Dalka, balse Wasiiraduna ay ahaayen kuwa xalaaleynaayay Xil ka qaadista.

Agaasimihii nabad sugidda ee xilka laga qaaday maanta, ayaa qaraabo dhinaca hooyada la ah madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ugu aadan abti.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan u gudbiyay Liis ay ku qoran yihiin qaabka xilalka loogu qeybinaayo Beelaha Soomaaliyeed, iyadoona baaritaano kadib ay xilalku noqdeen kuwa aan loo sineyn.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu Madaxweynaha kula taliyay in Xil ka qaadis lagu sameeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Goodax Barre maadaama ay bah wadaag yihiin Aggaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Somalia, Hayeeshee uu Madaxweyne Xassan Sheekh ka biyo diiday in Wasiir Goodax xilka laga qaado.

Kadib ayaa Cabdi Weli waxa uu amar ku bixiyay in Golaha Wasiirada ay u codeeyaan Aggaasimaha Nabadsugida C/llaahi Sanbaloolshe, sidaana uu xilka ku waayay Sanbaloolshe Aggaasimaha.

Khilaafka Labada Mas’uul, Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisul wasaare C/weli ayaa ahaa mid soo jiitamayay tan iyo Bishii July, markii Xilka sidan oo kale laga qaaday Jen. Bashiir Goobe, waxa uuna ka dhashay Khilaafka in Laba Mas’uul oo xilal muhiim ah ka haaya DF kana soo jeeda Hal Beel, taasi oo noqotay mid meesha ka saartay Jiritaanka Dastuurka.

Dhanka kale, C/llaahi Sanbaloolshe ayaa waxa uu noqonayaa Taliyhii Seddexaad oo Xilka laga qaado tan iyo markii uu Xasan Sheekh Madaxweyne noqday.

Waxaa laga yaaba in Madax adeega uu maanta Ra’isul wasaaraha xilka uga qaaday Aggaasimaha ay sababto in Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli dib usoo celshaan Siyaasadihii ay qarka isaga tuurayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Beesha SADE oo kulan xasaasi ahaa la qaadatay IGAD iyo BEESHA Caalamka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay kulan ay ka qeybgaleen beesha caalamka iyo urur gobaleedka IGAD.

Kulanka oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa loo qabtay beesha Sade ee uu ka soo jeedo Barre Hiiraale, waxaana lagu ammaanay sida ay u aqbaleen in ay ka soo qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta ee dhawaan Kismaayo ka furmaya iyo maleeshiyaadka Barre u dagaallamayay in ay magaalada soo galiyaan.

Sarkaal ka qeybgalay kulanka ayaa warbaahinta u sheegay in kulankan uu billow u yahay kulamo ay beesha caalamka iyo IGAD ay doonayaan in ay kula hadlaan beelaha deggan gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dhinaca kale, magaalada Kismaayo waxaa ku qulqulaya maalmahan ergo ka qeybgaleysa shirka dib u heshiisiinta oo la sheegay in uu dhacaayo 16-ka bishan.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u heysan oo isugu jirra kuwa maamulka Jubba iyo ciidanka Kenya oo qeeyb ka ah kuwa AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

DF SOMALIA oo ka shakisan ciidamada Villa Soomaaliya qaarkood (WARBIXIN)

0

Afgooye (Caasimada Online) – Saraakiisha Ciidamada Ilaalada ka ah Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in kala shaki baahsan uu ka dhex jiro Saraakiisha iyo Ciidamada dowladda ee amniga halkaas suga..

Mid kamid ah Saraakiisha oo aan qadka Telka kula xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in Villa Somalia ay ka shaqeeyan Ciidamo siyaabo kala duwan lagu keenay, sida saaxiibnimo, qabiil iyo dano gaar a, kuwaasi oo aan si rasmi ah ugu diiwan gishneyn DF.

‘’Haa wey ku dhex jiraan Madaxtooyada Ciidamo badan oo aan si rasmi ah ugu diiwaan gishneyn Dowladda, waxaana ka muujineynaa shaki maadama xaalada Dalka ay ka duwan tahay sidii hore, waxaa suuragal ah inay ka qeybqaatan qalqal galinta Ammaanka’’ ayuu yiri sarkaal la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magaaabin.

Waxa uu intaas kusii daray in DF Somalia looga baahan yahay inay wax ka qabato arrimaha horseedi kara amni darr ka dhex dhacda Madaxtooyada.

Sidoo kale, Sarkaalka ayaa sheegay in Villa Somalia ay leedahay Ciidamo ku filan, balse uu qalqal galin karo hal ama laba ruux oo u adeega nabadiidka.

Dhanka kale, waxaa walaac laga muujinayaa xaalada Amni ee Magaalada Muqdisho, kadib geeridii Hoggaamiyaha Maleeshiyada, waxaana suuragal ah inay howlo argagixiso ka dhex fuliyaan gudaha Magaalada, sida uu ka digay wasiirka amniga Khaliif Ereg.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

[email protected]

Xog: Ethiopia oo dekeda Kismaayo loo xaleeleeyey iyo ciidamo ee geeneyso

0

Kismaayo (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijinaaya in Ujeedka Gen. Gebra oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Dowlada Ethiopia iyo Somalia ka dhex shaqeeya, uu yahay mid salka ku haaya damaca Badda Somalia gaar ahaan Kismaayo.

Wararku waxa ay nagu soo gaarayan in DF, Ethiopia “Gen. Gebra”’ iyo IGAD ay ku heshiiyeen in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM laga daadgureeyo Garoonka iyo Dekada Kismaayo, iyadoona halkaasi loo xalaaleynaayo Ciidamada Ethiopia oo qaab AMISOM ah lagu geynaayo.

Sidoo kale, wararku waxa ay tilmaamayaan in Heshiiskaasi ay si wada jir ah u wada saxiixeen Taariikhdu markii ay aheyd November 28, 2013 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam  Desalegn, IGAD  iyadoona uu Heshiiskaasi ka dhacay Xarunta Midowga Africa ee Magaaladda Addis Ababa.

Warqada laga saxiixay Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa waxaa la sheegayaa inay ka koobneyd 8-warqad kuwaasi oo laga maanguuriyay Nidaamka Dowlada Ethiopia, iyadoona uu Ujeedku ahaa qodobo dhowr ah oo uu Hailemariam  Desalegn u arkay inay munaasab ku tahay Hanaanka Dowladiisu waxaana kamid ahaa:-

1 – In Dowlada Federaalka Somalia, ay dacwado lid ku ah wadashaqeynta, is aqoonsiga iyo kala dambeyn la’aanta ka gudbiso Ciidamada Kenya ka jooga Kismaayo.

2 – In Dowlada Ethiopia ay cod siineyso ka bixitaanka Ciidamada Kenya Dekada iyo Garoonka Kismaayo.

3 – In Garoonka iyo Dekada lagu wareejiyo Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ethiopia si ay ula wareegan Ammaanka Xarumaha DF iyo kuwa Maamulka KMG Jubba ee ku yaalla Kismaayo, iyadoona ay Ciidamada kale ee ka socda Dowladaha ku midoobay Howlgalada AMISOM ay qiimeyn guud ku sameynkaraan, balse Ethiopia loo madax baneeyo labadaasi Goobood.

Heshiiskaasi ayaa waxaa Dowlada Ethiopia goob jog uga ahaa Hailemariam Desalegn, Saraakiil Ciidan oo uu Horkacaayay Gen. Gebra, halka Somalia uu uga qeyb galay Xassan Sheekh oo kaliya, iyadoona Mas’uuliyiinta Socdaalkaasi ku wehlinaayay ay banaanka ka joogen Shirka laba Geesoodka ahaa.

Dowlada Ethiopia ayaa waxa ay hadda wadaa qorshihii ugu danbeeyay oo ay ku hanan laheyd Dekada iyo Garoonka Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Waxaa hadda Magaalada Kismaayo ku qulqulaayo Gaadiid Dagaal oo ay leedahay Dowlada Ethiopia kuwaasi oo isku diyaarinaayo ku milmida Ciidamada AMISOM ee jooga Kismaayo, iyagoona ka duulayo Heshiiskii qarsoodiga ahaa ee November 28, 2013 ka dhex dhacay Xarunta Midowga Africa ee Magaaladda Addis Ababa.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Shil diyaaradeed oo ka dhacay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goordhaw Shil diyaaradeed uu ka dhacay Gudaha Garoonka Aadan cadde.

Wararka halkaasi naga soo gaaraya, ayaa sheegaya in Diyaarada oo waday Rakaab, ay isku dayday inay ka kacdo Garoonka balse ay ku dhacday meel god ah.

Sargaal ka tirsan Laamaha Ammaanka Garoonka ayaa inoo xaqiijiyay in Diyaarada ay laheyd Shirkada Jubba Airweys qeybteeda Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna Sargaalka sheegay in Diyaarada ay geysatay waxyeelo balse aan si rasmi ah xiligaani loo xaqiijin Karin.

Sargaalka ayaa waxa uu sheegay in Diyaarada ay aheyd nooca yar yar oo ay Jubba Airweys ugu talo gashay inay u kala gooshto Gobolada Dalka.

Dhanka kale, waxan jirin cid weli ka hadashay Khasaaraha diyaarada iyo tan dadkii saarnaa, waxaana hadda halkaasi ku sugan Gawaarida dab damiska iyo kuwa gurmadka ee AMISOM.

Dib kala soco wixii faah-faahin ah wararkeena danbe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Cali Maxamed Geedi iyo Yusuf Garaad oo jahwareer siyaasadeed uu haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu laaday ballan qaadkii rasmiga ahaa ee uu u sameeyay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi iyo Yuusuf Garaad.

Madaxweynaha ayaa waxaa la tilmaamayaa in labadaasi Mas’uul uu u ballan qaaday inuu xilal uga magacaabayo Madaxtooyada Somalia ama safaarado, hase yeeshee ay u muuqaneyso mid aan afka dhaafsaneyn.

Geedi ayaa doonayey in laga dhigo safiirka Soomaaliya ee Brtian, halka Yuusuf Garaadna loo ballan qaaday afhayeenka madaxweynaha, balse labadaba iminka aysan muuqan.

Warar kale ayaa xittaa sheegaya in Ciidamada sida gaarka ah u ilaaliyo Xafiiska Madaxweynaha ay labadaasi Mas’uul ka hor istaageen dhowr jeer inay gudaha u gaalan Xafiiska.

Lama yaqaan sababta keentay is-beddelka looga baxay ballan-qaadyadii loo sameeyey Geedi iyo Garaad, waxaase loo badinayaa inuu is hortaagay Faarax Cqaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Halis laga sheegay Xafiiska XASAN SH.

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanka Saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka haya Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia ayaa sheegaya in xili waliba ay suuragal tahay in ay halis Amni dari ay soo wajahdo Xafiiska Madaxweyne Xassan.

Mid kamid ah Saraakiisha DF ee Xafiiskaasi Ammaankiisa ku qoran ayaa inoo xaqiijiyay in Ammaanka Xafiiska Madaxweynaha uu yahay mid aan caga fiican ku taagneyn, waxa uuna sheegay in taasi ay sabab u tahay qulqulka dadka isaga u socda oo aan xafidneyn islamarkaana laheyn Wakhti ama Ballamo.

Sidoo kale, Sargaalka ayaa waxa uu sheegay in dadka Xafiiska kusoo booqanaayo Madaxweynaha ay u badan yihiin Siyaasiyiin iyo dad shacab ah oo ku socda Madax adeeg, taasina ay sababi karto in qalqal uu galo Ammaanka Madaxweynaha,ama dadkaasi lagu soo dhex dhuunto.

“Runtii waa arrin naga yaabisay, haddii ay dhacdo dhibaato waxa la eedayo waa anaga, cilada Amni dari waxa ay ka imaada Madaxweynaha waayo waxaa u imaanayo dad aan laheyn ballan ama wakhti waxa uu leeyahay hala soo daayo, taasina Caafimaadka kuma jiro”’

Isaga oo intaa kasii ambaqaadayo hadalkiisa ayaa waxa uu yiri “wixii dadaal ah anaga wan muujineynaa laakin waxaa laga rabaa inuu xadido dadka shacabka ah ee uu la kulmaayo, waayo waa lagu soo dhex dhuuman karaa xili waliba”

Waxa uu ka digay in kulamada badan aan ballamaha laheyn ay galaaftaan Amniga.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in inta badan dadkaasi ay badi isku dhacaan Ciidamada AMISOM ee iyaguna qaabilsan Ammaanka Madaxweynaha, taasina ay muujineyso Amni darida ka dhalan karto Xafiiska.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faallo: Cabdi Iley iyo Nirgaha JIGJIGA

0

Baryahanba waxaa xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga ka jirey loolan siyaasadeed oo u dhaxeeya Nin (Ina Ilay) iyo Nirgo (Dhado). Intiina aan horay ula socon, Dhado waxaa ku sifoobey intii loolanku jirey Kooxdan isu bahaysatay, Xistiga, Dib u ridka horumarka deegaanka iyo in lagu caasiyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo ay horboodayaan sadexda Madaxweyne ku xigeen iyo kuwo kale oo xubno ka ah Gudiga Fulinta ee Golaha Deegaanka ee uu horay dhulka uga soo wada qaatay Madaxweyne CMC.

Kooxdani waxay ahaayeen Koox khibrad iyo Caqli ku filan toona aan u lahayn Xilalka uu Madaxweyne Cabdi dusha ka saarey. Hasa ahaatee wuxuu ku xushay arimo kale oo muhiimad weyn u leh ninkasta oo hogaameye sayaasadeed ah. Arintaasi waxay tahay iyadoo Madaxweynuhu u arkayey in ay yihiin shakhsiyaad uu u tababari karo inay u adeegaan deegaankooda. Una yihiin Hogaankiisa daacad, u dhaga nugulyihiin, dulqaadna u lahaayeen canaantii iyo Ushii uu Aabahood Madaxweynuhu la dul taagnaa ee ay ka ahayd ku dar-dar galinta gudashada xilalkay ku magacawnaayeen.

Dameeruhu waxaa la yiraahdaa – Kaalay, Socodka badi iyo Joogso aan ku raree, midna ma yaqaanaan. Luqada kaliya ee ay fahmaani waa ta Usha. Sidaa si la mida Luqada qudha ee ay kooxdan Nirguhu fahmayeen waxay ahayd Luqada Usha iyo Canaanta. Taasoo uu Ninku (ina Iley) ugu roonaan jirey si ay u bidiyaan dadaalkooda, uguna gutaan howl maalmood kooda si hufan oo Madaxweynaha iyo Shacabkuba ka raali yihiin.

Waa arinta uu Farshaxanka Amiin Caamir ku khaldamay, markuu arkay Canaanta iyo Usha uu Madaxweynuhu ku howl galinayo Nirgaha ee uu is yiri Ninku miyuu waashay muxuu ku / Xigeenadiisa sidaa ugu canaananayaa. Wuxuu gadaal ka fahmay in Nirgahani aanay Luqad kale ooy fahmaani jirin ta Usha iyo Canaanta mooyaane.

Loolankani siduu doonaba ha ku yimaadee, wuxuu salka ku hayaa is maandhaaf u dhaxeeya Madaxweyne Cabdi iyo Saraakiisha ugu sareysa hogaanka Dowlada Federaalka Itoobiya qaarkood.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa – Carrab iyo Daanbaa isugu dhawoo, wey is qaniinaan. Hadey Madaxweyne Cabdi iyo kuwo ka mid ah Hogaamiyeyaasha Sare ee Federaalku is qabteen, waxey isku qabteeni waa danta Dalka Itoobiya oo Medaxweyne Cabdi iyo cida kale ee ay is qabteeniba ay jecelyihiin wanaaga iyo horumarka Dalkooda, Madaxweyne Cabdina uu jecelyahay inuu ku dhameeyo sida ugu fudud ee ay danta Dalka iyo tan Deegaankuba ku jirto.

Waayo dad wada shaqaynaya oo dano fara badan iyo Dalba ka dhaxeeyaa way is qabanayaan weyna kala aragti duwanaan karayaan. Waxaase marwalba waajib ah in si aan is qab-qabsi iyo fowdo toona lahayn oo ay danta Dadka iyo ta Dalkuba ku jirto lagu dhameeyo khilaaf kasta oo yimaada. Mase aha in sida Foodleyda la is dacaayadeeyo ama Sawiro been abuur ah meelahaa lala wareegeysto.

Nirguhu iyo shakhsiyaad kale oo wax ma garato ah oo dabada ka riixayaa, hadaba waxay iska dhaadhiciyeen in hadiiba la wada hadlay la kala tagey

Hadaba is maandhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Ninka iyo Nirgaha ayaa waxaa sababta ugu weyne ay tahay, Nirgaha oy la soo darastay cabsi badan iyo xasilooni daro baahsan oo ka dhalatay is maandhaafka siyasadeed ee u dhaxeeyay Madaxweynahooda, ilaahay ka sokow sabab u ahaa ianay iyagu wax noqdaan ee Cabdi Maxamuud iyo kuwo ka mid ah hogaamiyeyaasha sare ee heer Federaal.

Cabsidaasi mara ka cararka ah iyo isku kalsooni la’aantu waxay Nirgaha ku kaliftey inay ku balan furan oo ay khayaameeyaan Madaxweynahoodii aaminey, iyagoo rumeysan waayey sida uu isaga ciliyo cadkiisana uga dhacsado iyagana uga difaaco kuwo ay iyagu aamin sanyihiin in ay xaaraanba tahay in hadal lagu celiyo oo la iska dhiciyo.

Fuleynimadaa iyo Salbabakhaa ka dib waxay Nirguhu is tuseen sida qudha ee ay ku badbaadi karaani inay tahay iyagoo ka baxa garabka  Madaxweynahooda si ay ugu beer laxawsadaan Ragay is hayeen. Waxayna bilaabeen inay madaxweynahooda basaasaan oy lugta u qabtaan ragay siyaasada iyo danta Dalka ku hirdamayeen iyagoo u dhaqmaya si laga dhadhansan karo, Caqli Caruurnimo iyo dhaqankii Foodleyda oon inaba Xishood iyo tixgalin kale toona lahayn.

Iyadoo lawada ogyahay in Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu yahay Ninka kaliya ee deegaankan Hurumar muuqda oo la taabankaro u horseeday dhan kasta oo laga eegaba isla markaana bilaabay Qadarinta, qiimeynta  iyo isku xidhka Qurbojoogta u dhalatay Deegaanka iyo Dhulkooda iyo ku dhiirigalinta in  ay aaminaan in ay ammaan ku helayaan dhulkay u dhasheen, dibna ugu soo laabtaan dhulkooda si ay ugu noolaadaan maalgashina ugu sameystaan dhulkooda hooyo. Madaxweyne Cabdi hortii Qurbojoogtu kalsooni kumey qabin inay Dhulkooda maal gashadaan iyo inay soo booqdaan toona iyadoo kuwa yimaadani lagu dhici jirey laguna xidh-xidhi jirey.

Waxaa kaloo lawada ogyahay in Madaxweyne Cabdi uu meel kaga soo hadhay kuwii Nabad diidka ahaa ee Dadka iyo Xoolahooduba ka nabadgali la’aayeen isagoo gabi ahaanba dhaq-dhaqaaqoodii soo af jaray

Waxaan cidnaba ka qarsooneyn in uu ilaa iyo hada Madaxweynuhu talaabooyinka uu qaadayaa ay yihiin kuwa caqli gal ah oo ay ka suuro gasho inuu qaado nin walba oo siyaasi ah masuulna ah. Sida inuu awoodiisa si xilkasnimo ah u adeegsado oo uu xilalka qaarkood ka qaado Nirgaha si uu lafihiisa iyo Dalkaba uga badbaadiyo, falalkan basaasnimada, hoosaasinta iyo waxashnimada ah ee uu arkay inay ku kacayaan Nirguhu.

Taa badalkeeda waxay Nirguhu laba jibaareen basaasnimadoodii iyo inay miciinsadaan inay soo sawirtaan Baabuurta Saxaraha loo kireysto iyo Guryo dadow oo ay ku andacoonayaan inuu madaxweyne Cadi Maxamuud leeyahay. Iyo iney aflagaadeeyaan Madaxda qaarkood oo ay ku tilmaamaan kuwo aan xilalka loo dhiibey aan cilmi ku filan u lahayn, taasoo ku tuseysa Foodleynimadooda, waayo waa ragay shalay Golayaasha Dowlada kuwada jireen ee ay wada shaqaynayeen. Waa raga siyaasada Deegaankana hadadan la joogo jaangoynteeda leh.

Waxaa kale oo ay ilaa iyo hada ka badin waayeen inay shacabka  ku maaweeliyaan been aan sal iyo raadtoona lahayn oo ay shacabka ku habaan. Iyagoo in badan aynu wada ogsoonahay inay yiraahdeen waxaan qabanaynaa shir aanu Madaxweynaha xilka kaga xayuubinayno. Wafdi Federaal ah baa barito Addis ka imanaya si ay shirka goob jog uga noqdaan. Gereraal Fulaan baa Madaxweynaha meesha ku haya. Bari baan fadhiisaneynaa. Saadambaan fadhiisaneynaa. Saakuunbaan fadhiisaneynaa. Wasiir baa baaqday. Iyo wasiir fulaanka federaalkaa diidan in Madaxweynaha xilka laga qaado iyo been abuur kale oo fara badan oo ay ku doonayaan inay Deegaanka kaga abuuraan xiisado colaadeed iyo siyaasadeed oo Caqligooda yari kasoo guuriyey Muqdisho oon ilaahay uga baryaayo inuu ka dul qaado.

Arimahaasoo dhan marka la eego waxay ku tuseysaa in Nirguhu iyo Website kooda dhado lasoo dhaca ah ee Degaanka.com ay shacabka been ku habayaan oo xogta shacabku hayo wax ka durugsan oo ay hayaani aaney jirin. Sida shacabku uu dhagta u taagayo uunbey iyaguna dhagta u taagayaan. Markay cid la hadasha ama la xaasha waayaana been ay shacabka ku habaan bey miciinsadaan. Nin daad qaaday Xumbo cuskey.

Falalkaa iyo dacaayadahaa raqiiska ah ee Jigjiga ugubka ka ah ee ay Nirguha iyo Website kooda degaanka.com ee dhado lasoo dhaca ahi adeegsanayaan waxay na dhaxalsiisey in maanta Xarunteena Jigjiga cadowgu ka dhex arko sawirkii xarunta Dalka walaalkeen ah ee Muqdhisho.

Kooxdan Caqli Caruurka ah ayaa soo dheegatey falalkii is-qab-qabsiga ku saleysnaa ee shaydaanku ugu dowgalay Xarunta walaaladeen ee Muqdhisho oon ilaahay uga baryayo inuu nabad ku soo celiyo deg-deg ah.

Basarxumadan ay Kooxdan Nirguhu soo guuriyeeni waxay Deegaanka u horseedayaan dib u dhac baahsan. Nabadgalyo xumo. Xasilooni daro iyo qaabka dowladnimo iyo kala danbeynta uu ku tabcay Madaxweyne Cabdi Maxamuud iyo kuwii ka horeeyeyba oo dib u dhac ku yimaado.

Dadka neceb horumarka Deegaanka ee dhibaatadiisa ku farxa ayaa hadaladooda waxaa ka mid ah, Horumarkan aad arkeysaan kuwii ka horeeyey baa bilaabay ee ina Ilay shaqo ku ma leh.

Hadaba ma is weydiiyeen, haba bilaabeen kuwii hore eh, hadaanu ina Iley ahayn Madaxweyne Dadkiisa iyo Dalkiisa jecel horumarkooda oo uu sida kuwo qaarkood yahay in aaney waxbaba dhamaadeen kuwo kalena ka qabsoomeen. Mase ogyihiin in Afrika iyo Caalamka kaleba ay jiraan dowlado dhaqaalo leh oo badroolka dhoofiya aseen nasiibkood siinin Madaxweyne Cabdi oo kale in aanay ka qabsoomin amaba ka hirgalin horumarka ka qabsoomay Deegaankan Soomaalida Itoobiya.

Carabtu waxay yiraahdaan Caafimaadku waa taaj madaxa saaran. Waxaase dareensan ninka buka. Ka caafimaad qaba ee uu madaxa u saaranyahayse ma dareensana.

Shacabka deegaankow, Nabada, Horumarka baahsan iyo sharafta aad manta leedihiin iyo qadarinta caalamka la idinka qadarinayo yeelanmeysaan hadeydaan ka hortagin Dibindaabyada iyo Mijoxaabinta ay horseedka ka yihiin 3 dan Nirgood oo hadaan laga hortagin Deegaanka u horseedi doona in Baarlamaanka iyo Xafissyada Dowlada dhexdooda la isugu gacan qaado, sida ka dhacda wadamada ay kala danbeyn la aantu ragaadisay.

Shacabkow iyo Baarlamaankow iyo golaha fulintow 3 dan Nirgood iyo kuwa kale ee maanta ku faraxsan in Jigjigi ay Muqdisho oo kale noqoto waxba idiinma hayaane Madaxweynihiina is garab taaga oo dhowrta, Sharaftiina, qiimahiina, horumarkiina, nabada iyo caafimaadka manta aad haysataan. Waxa idinka dhiman eed tabeysaana weydin gaadi doontaan insha allaah.

Cabdi Iley haduu joogana Daacadnimo, Horumar, Karti iyo jacayl uu Dadkiisa iyo Dalkiisaba jecelyahay iyo wax qabad muuqda oo la taaban karo ayuu la joogaa. Haduu tagana Daacadnimo, Horumar, Karti iyo jacayl uu Dadkiisa iyo Dalkiisaba jecelyahay iyo wax qabad muuqda oo la taaban karo ayuu la tagayaa,

Idinkuse Fulayaal Nirgahow soo xaalkiinu hada ma aha Guuli idiin dhoweydaa iyo inaad ku caasideen Ninkaad shalay ugu yeeri jirteen Aabo ee waxaydun ahaydeen idinka dhigay.

Wa billaahi towfiiq.

W/Q: Abduljabar Sheekh Dahir
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DHAGEYSO: Sacuudiga oo ka fekeraya rarista qabriga nabi Muxamad NNKH

Madiina (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa si weyn looga hadalhayay warbixnno ay qoreen wargeysyo waaweyn oo ka soo baxa dalka Britain, kuwaas oo lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka fekereyso qorshe looga rarayo qabriga Nebi Muxammad NNKH halka uu kaga yaalo magaalada Madina.

Wargeysyada the Independent iyo Daily Mail oo warbixintan qoray 1dii bishan ayaa soo xigtay daraasad 61 bog ka kooban oo  wada tashi ku jirta, oo uu qoray aqoonyahan la shaqeeya dowladda Sacudiga tasoo lagu sheegay in qabriga nabiga loo raro qabuuraha al-Baqi ee ku yaala magaalada Madina.

Halkan ka arag warbixinta The Independent 

Waxyaabaha qorshahan loo sababeeyey, ayaa waxaa ka mid ah in laga hortaggo in dadka qaar ay jaceyl dartiis u caabudaan qabriga nebiga NNKH, sidaa darteedna loo rarayo meel aanay cidna aqoon.

Dowladda Sacuudiga, oo arrintan wax laga weydiiyey waxa ay sheegtay inaysan go’aan ku gaarin inay rarto qabriga nebiga Muxammad Calayhi Salaam, balse arrintan wada tashi uu ka socdo. Si kastaba, culimada Islaamka ayaa qalad weyn u arka in xittaa arrintan lasoo hadal qaado.

Dowladda Sacuudiga waxa ay horey u bur-burisay dhismooyin taariikhi ahaa oo ku dhex yaallay masjidka Medina, ayada oo sheegtay inay ballaarineyso oo dadka uu qaadi waayey.

Qabriga Nabiga NNKH, ayaa muslimiinta u ah halka labaad ee ugu barakada badan marka laga reebo kabcada magaalada Makka.

Sheekh Maxamed Ileeye oo imaam ka ah Masjidu Nuur oo ku yaala magaalada Seattle ee gobolka Washington ayaa idaacadda VOA-da ay wax ka weydiisay arrintan iyo xukunkeeda shareecada Islaamka..

Halkan ka dhageyso wareysiga