29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

MADOOBE oo arrimo badan kashifay !!

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana ay ku howlan yihiin siddii loo soo afjari lahaa muranka la xiriira maamul u sameenta gobalada koonfureed.

Guddoomiye Jawaari ayaa la kulmay Madoobe Nuunow Maxamed oo weli ku adkeesanaya in uu hoggaamiyo u yahay maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Haddaba Madoobe Nuunow ayaa u warramaya VOA-da wuxuuna sheegay in magaalada Baydhabo ay kaa taagan wax uu ugu yeeray jahwareer ay sal u tahay dowladda.

Wuxuu sheegay in uu gacanta ku hayo seddax warqad oo ay soo saxiiday dowladda.

Midda hore wuxuu yiri waxaa la saxiixay sannadkii 2012-ka waxaana ay ahayd mid lagu baaqayay in la dhigo gogal lagu dhisaayo maamul ay ku mideesan yihiin gobalada koonfur galbeed.

Tan kale wuxuu ku sheegay waa warqad kale oo lagu saxiixay Addis Ababa sannadkii 2013-kii taasoo dowladda ay wax ka saxiixday laguna baaqayay in la sameeyo maamul la dhaho Jubba.
Warqada seddaxaad ee dowladda ay saxiixday ayaa ah mid lagu dhisaayo maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Wuxuu sheegay in arrimahaas oo dhan ay ka taagan tahay magaalada Baydhabo.
Waxaa la weydiiyay in ay la kulmeyn guddi farsamo oo dowladda ay soo magacowday kuwaasoo la rabo in lagau dhiso maamul seddax gobal.

Wuxuu sheegay in muranka koobaad uu yahay in uusan jirin qaanuun cad oo kala saaraya maamul u sameynta dalka iyo xadka uu la egyahay.

Wuxuu sheegay oo kale in aysan la kulmin guddiga Baydhabo ku sugan, wuxuuna weli ku adkeesanaya in ay doonayaan in maamulkiisa uu meel mariyo.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin siddii ay ula shaqeyn lahayd dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maamulada la dhisaayo ay yihiin kuwa kumeel gaar ah isla markaana wixii qaladaad ah ee dhaca dib laga sixi doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

FAARAX C/QAADIR oo xabsi u badalaya Isbitaal caan ah oo Muqdisho ku yaalla

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta u sheegay in wasiirka caddaallada iyo dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqaadir uu wado qorshe xabsi loogu badalaayo Isbitaalka Keesaneey ee duleedka Muqdisho ku yaalla.

Isbtaalka oo hadda shaqeeya ayaa waxaa lagu daweeyaa bukaano aad u fara badan oo qaarkood laga keeno gobalka Shabeellaha Dhexe maadama uu u dhow yahay.

Dhinaca kale, waxaa arrintaas ka soo horjeestay dadka deeganka iyo guddi ay lee yihiin iskaashitdada dhaggaxa, kuwaasoo leh haddii dowladda ay dooneyso xabsi waxaan u heynaa dhul ku haboon ee ha joojiso qorshaha ay xabsi ugu badaleyso Isbitaalka Keesaneey.

Isbitaalkan ayaa markii hore ahaa xabsi waxaana isbitaal u badalay Prof Dufle oo hadda mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ma cadda sababta keentay in xilligan dowladda ay xabsi ku badasho Isbitaalka Keesaneey oo ka mid ah Isbitaallada ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

JAWAARI oo uu xaalka ku xun yahay !!!

0

Baydhabo (Caasimada Online)-Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa maalintii 4-aad ku sugan guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari waxaana uu ku howlan yahay siddii u soo afjari lahaa ismaan dhaafka ka dhexeeya maamulka iska soo horjeeda ee magaalada ka dhisan iyo in la sameeyo hal maamul oo loo dhan yahay.

Jawaari ayaa tan iyo markii uu magaalada tagay wuxuu kulamo gaargaar ah la yeeshay ergo mataleysa labada dhinac, wax garad iyo odayaasha magaalada, wuxuuna u sheegay in loo baahan yahay siddii meesha looga saari lahaa khilaafka magaalada ka taagan.

Ilaa hadda kulamada uu la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka dhinacyadaas wax natiijo ah kama soobin bal meelaha qaar wuxuuba kala kulmay diidmo qayaxan sidaas waxaa noo sheegay dad ku sugan Baydhabo.

Labada dhinac ayaa mid kasta ku adkeesanaya maamulka uu sheeganaayo, waxaana adag in xaalka uu soo afjarmo.

Magaalada Baydhabo waxaa shaley tagay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, balse ma uusan u galin gudaha ee garoonka diyaaradaha ayuu kula kulmay guddoomiyaha baarlamaanka, wuxuuna kala hadlay wax yaabaha u qabsoomay tan iyo markii uu yimid.

Ma cadda wax yaabaha ay labada nin ka hadleyn maadama saxaafadda loo diidday in ay goobjoog ka ahaadaan.

Magaalada sidoo kale waxaa gaaray xildhibaanno ay kala hoggaaminayaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Aadan Madoobe oo kala taageersan labada maamul.

Si kastaba, waxaa muuqata in uu Jawaari ku adkaatay xal ka gaarida maamulada iska soo horjeeda ee Baydhabo looga dhawaaqay.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Danjire Axmed Cabdisalaam oo faah faahiyay xiriirka Soomaaliya & Ethiopia

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka Soomaaliya ee Midowga Afrika, Ambassador Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan ayaa lagu casuumay in uu ka hadlo Jaamacad Maraykanka ku taalla, wuxuuna ka warbixiyay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Danjire Axmed ayaa tilmaamay in xiriirka labada dal uu aad wanaagsan yahay isla markaana Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhawaan kala saxiixdeen heshiisyo 10 gaaraya kuwaasoo ay ku jiraan, arrimaha ciidamada, waxbarashadda, ganacsiga iyo hawada.

Wuxuu sheegay oo kale in labada dal ay yihiin kuwa xor ah, sidaas darteed ay lee yihiin dano isku mid ah iyo in ay ka shaqeeyaan siddii loo xoojin lahaa danahaas.

Mar ka weydiiyay sidda uu arko xalka Afrika, wuxuu tilmaamay dhibaatada Afrika in ay xallin karto uun Afrikaanka oo meel kale aan laga raadin karin balse ay jiraan wax yaabo ay wadaagaan qaarada iyo caalamka oo dhan sidda la dagaallanka argagixisada.

Waxaa la weydiiyay bal in uu ka warramo qunsiliyadaha ay dalalka dariska ka furanayaan magaalooyinka qaar, wuxuu tilmaamay in ay wadaan qorshayaan ay qunsuliyad uga furanayaan magaalada Jigjiga maadama halkaas ay ku nool yihiin Soomaali badan.

Ugu dambeyn waxaa la weydiiyay in dad badan oo Soomaali ah ay qabaan in madaxda Soomaalida looga yeero Addis Ababa, wuxuu arrintaas ku sifeeyay in labada wadan uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah isla markaana loo baahan yahay in ay arrintaas kala tashadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

Sawirada gabdho Somali ah oo noqday haweenka ugu halista badan dunida

0

Laba habllood oo Soomaali ah ayaa ka mid noqday todobada Hablood ee dunida ugu qatarsan kana tirsan ISIS, Sida ay baahisay Jariirada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa lagu soo daabacay asbuucan.

Todabada Haween ee ugu qatarta badan kana tirsan Ururka Daacish ayaa waxaa la sheegay in laba hablood oo Soomaali ah ay ka mid yihiin hablaha ka dagaalama dalka Suuriya iyo Ciraaq.

Labadan gabdhood ee Soomaalida ah ayaa ku dhashay dalka Ingiriiska, waxaana lagu kala magacaabaa Zahara iyo Salma ayagoo u tagay dalka Ciraaq in ay ka dagaalamaan , ayagoo xubna firfircoon ka noqday ISIS oo loo yaqaan Daacish, labadan gabdhood midood ayaa la baxday magaca Umu jacfar ayagoo guursaday rag ka tirsan Daacish.

Zahara iyo Salma iyo Hoggaamiyaha ISIS
Zahara iyo Salma iyo Hoggaamiyaha ISIS

Waxey sheegeen gabdhahani iney ku farax sanyihiin inay ka barbar dagaalamaan ragooda ayagoo balan qaaday ineysan ku laaban doonin dalka Ingiriiska oo ay dhalasho ka haystaan. Zahara iyo Salma ayaa la sheegayaa in ay si fiican ugu tababarteen sida Hubka loo isticmaalo waana Mantaano.

Ururka Daacish ayaa leh kooxo naaga ah oo ka barbar dagaalama ragga ayadoo ay ka yimaadeen hablaasi dunida dacaladeeda kuwa ugu qatarta badan ayay jariiradada sheegtay iney ka soo kala jeedaan Sacuudiga , Suuriya , Tuunisiya , Soomaali dhalasho ka haysata Ingiriiska.

Salma iyo Zahara waa mataano
Salma iyo Zahara waa mataano

Hablahan ka tirsan Daacish ayaa qaar ka mida u xilsaaran yihiin inay baaraan haweenka mararka la qabanayo isku imaadyada madaaama raga loo ogoleyn inay baaraan Haweenka.

Hablaha ku soo biira Ururka Daacish ayaa shuruud looga dhigaa in aysan hore u soo guursan oo da’dooduna u dhexeyso 18-25 sano, ayadoo gabadhii intaa ka weyn aan loo ogoleyn inay ka barbar dagaalanto raga , waxaa kale oo la sheegayaa in Mushaar 250 doolar ah bishii la siiyo hablaha ka midka ah ciidamada ee ka barbar dagaalama raga.

Sawirro iyo Codad: Yaa Prof. Galayr ka beddelaya kursigii BF SOOMAALIYA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay bulshada Reer khaatumo iyo Xildhibaano ka tirsan Dawlada Soomaaliya ay kusoo dhoweeyeen Yuusuf Maxamed Cali Bulay oo ah Xildhibaanka Cusub ee bedelaya Booskii Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh.

Waxaa goobta laga soo jeediyo Hanbalyo ku aadan Xildhibaanka cusub ee bedelaya Dr Cali Khaliif Galaydh oo horey uga Tirsanaa Xildhibaanada Dawlada soomaaliya, Haatana loo doortay Madaxwaynaha Cusub ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State.

Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa markii Bulshada deeganada SSC ay u doorteen Madaxwaynaha Khaatumo State, Wuxuu sheegay inuu waxkasta uga tanaasulayo Xilkaasi loo doortay iyo siduu bulshada deeganaadaasi horumarkooda uga shaqayn lahaa.

Dheyayso Xildhibanka Cusub & Hadalkii Pro. Cali Khaliif

khat1khat2khat3

 

Sh. Aadan Madoobe: DFS ha oggolaato rabitaanka shacabka 6-da gobal ee…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka hadlay maamulka loo sameenaayo gobalada koonfur galbeed, wuxuuna sheegay in dadka ku dhaqan gobaladaas in ay rabaan siddii ay ku sameesan lahaayeen maamul lix gobal ka kooban.

Aadan Madoobe ayaa caddeeyay in uu ka mid yahay xildhibaannada taageersan maamulka lixda gobal isla markaana uu diyaar u yahay siddii uu u garab istaagi lahaa maamulka lixda gobal ee uu hoggaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed.

Aadan Madoobe iyo xildhibaanno uu hoggaaminaayo ayaa shaley gaaray magaalada Baydhabo, waxaana ay wadaan qorshe lagu hirgalinaayo maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Wuxuu sheegay in maamulka inta badan uu dhisan yahay kaliya ay ka dhimman yihiin wax yaabo yeryer.

Magaalada Baydhabo waxaa kaloo horey ugu sugnaa guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari oo kulamo la qaatay dhinacyada kala sheeganaya labada maamul balse ilaa hadda wax xal ah kama aanu gaarin.

Sidoo kale magaalada waxaa gaaray Arbacadii wafdi kale oo uu horkacaayay guddoomiyhii hore ee baarlamaanka, Shariif Sheekh Aadan.

Xaaladda magaalada ayaa deggan, balse labada maamul ayaa mid kasta ku dhaggan mowqif aad u fog.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DAAWO: SHEEKH MAXAMED IDIRIS VS Madaxweyne Geelle oo isu jawaabay

0

Sheekha Caanka ah ee Sheekh Mohamed Idiris ayaa Maxaadaro cajiib ah ku soo qaatay Xaalada Somalia iyo sida ay maanta ku sugan tahay iyo sidii ay ahaan jirtay Xiligii Bariisamaadkee Balse waxaa hadalo cajiib ah ugu jawaabay Eeedeeynta Sheekha Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Omar Geelle.

Muuqaalkani oo ah mid xiiso badan leh oo aan hadalo kulul la isugu jawaabayo hadii aa daawato waxaad ka dhex arki doontaa hadalo kaa qosol siinayo oo uu Madaxweyne Geelle ugu jawaabaya Sheekha ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

FAADUMO DAYIB oo rabta inay dhigto taariikh aan horey uga dhacin Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida maanta lagu soo dabaacay Wargeyska Yle ee ka soo baxa caasimadda dalka Finland ee Helisinki haweeney Somali haysata dhalashadda dalka Finland, laguna magacaabo Faadumo Dayib tahay haweeneydii ugu horreysay ee isku soo sharaxda Madaxweyninimadda Somalia, kana qeyb geli doonto Doorashadda dhici doonto sannadka 2016-ka.

Faadumo Dayib oo haatan Cilmiga Dadweynaha barata, ayaa rajeynayso inay haatan diyaar u tahay inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee Madaxweyne ka noqota Somalia.

Faadumo Dayib
Faadumo Dayib

“Waxaan doonayaa inaan noqdo Madaxweynaha Somalia, waayo waxaa rumeysnahay inay haweenka fursad u haystaan ay ku hoggaamiyaan Somalia” ayey tiri, waxayna intaasi ku dartay in haweenka laga ilaalin jirey inay Siyaasadda soo galaan, balse ay Somali haatan diyaar u tahay inay yeelato Haweney Madaxweyne ah.

Dhinaca kale, Musharax Madaxweyeninimo Faadumo Dayib waxay Wareysiga ay siisay Wargeyska Yle ku muujisay inay sannadka soo socdo imaan doonto Somalia, si ay u bilowdo ololaheeda Musharaxnimo.

“Waxaa jira Soomaali iyo shisheeye ka kala yimid Calaamka oo ka mid ah Kooxda wada Ololahayga, waxayna intooda badan si naf-hurnimo leh igu taageerayaan, iyagoo ila qaba Ra’yiga ah inay haweeney Madaxweyne ka noqon karto Somalia” ayey tiri.

Faadumo Dayib oo Qaxootinimo ku tegtay dalka Finland sannadihii 1990-kii ayaa carrabka ku dhufatay inay khatar weyn tahay in Siyaasi ama Nusharax laga noqdo Somalia, waxayna xustay in dhowr jeer looga digay in la dili doono haddii ay Musharax noqoto

Xigasho:- Yle

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

PROF. GAANDI oo shaki ka qaba IGAD

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandhi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay dedaaladda urur gobaleedka IGAD ee ku aadan arrimaha Jubbooyinka isagoona ku eedeeyay in ay fargalin ku hayso.

Prof Gaandhi oo ka mid ahaa xildhibaanno iyo siyaasiyiin kulan ku yeeshay Nairobi ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay maamulka Azhaniya oo yiri weli waa maamul dhisan oo shaqeeya.

Wuxuu u warramay BBC-da, isagoona sheegay howlaha IGAD ay ka wado Soomaaliya in uu shaki ballaaran ku dahaaran yahay.

Gaandhi ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed waxaa uu shaki weyn ugu jiraa IGAD arrimaha ay ka heyso Soomaaliya ma fududeeyaa mise waa fuliye, marka hadda waxaa muuqata in ay fulinta tahay”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale dhaliilay maamulka kumeel gaarka ee Jubba, isagoona yiri maamulkaas waxay noqdeen kuwa maamulka isku kooba oo dad kale aan rabin in ay fursad siiyaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa la weydiiyay maamulka Azhaniya halka uu ka dhisan yahay, wuxuu sheegay in maamulka Azhaniya in uu yahay maamul dhisan oo ay ku mideesan yihiin dadka deggan Jubbooyinka, isagoona intaas ku daray in mardhow ay ka billaabia doonaan Jubbooyinka dib u heshiisiin iyo shirar looga hadlaayo masiirka Jubbooyinka.

Wuxuu ku eedeeyay maamulka Jubba in wax masiir ah aaney u heynin dadka deggan Jubbooyinka.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in uu isaga doonayo siddii uu arki lahaa dadka Jubbooyinka oo mustaqbalkooda ka tashada isla markaana sameesta maamul loo dhan yahay.

Hadalka xildhibaan Gaandhin ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya iyo IGAD ay ku guuleysteen Korneel Barre Hiiraale in uu yimaado Kismaayo kaddib markii muddo sannad ka badan uu ku sugnaa meel dibedda ka ah magaalada isla uu ku dhawaaqay in uu soo afjaray dagaalka uu kula jiray maamulka Axmed Madoobe.

Maamulka Azhaniya oo looga dhawaaqay Kenya ayaa noqday mid hirgali waaya waxaana maamulkaas dabada ka riixeysay dowladda Kenya oo dano ku wadata, sida ay lee yihiin xeeldheerayaasha siyaasadda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

SAWIRRO: Haweeneey laga shaki qabo inay Islaamtay oo digniin culus dirtay

0

Dimishiq (Caasimadda Online) – Hooyo u dhalatay dalka Britain oo mar soo ahaan jirtay heesaay ayaa laga shakisan yahay inay soo gashay diinta Islaamka waxayna dadka heysta diinta Kirishtaanka ugu hanjabtay inay ku gowrici doonto ‘Mindi af la’aan ah’, sida ay warbixintaani daaha ka qaadeyso.

Baareyaasha ayaa daaha ka qaaday inay haweeneey British ah u safartay dal dhaca Bariga Dhexe ka dib markii ay guursatay mujaahid British ah waxaana laga yaabaa inay haweeneydaani tahay Sally Jones, oo ka timid Chatham oo dhacda Kent.

Jones, ayaa la aamisan yahay inay ku jirto da’da 40aad, waxayna guursatay afduubaha isku roggay xag jirka Junaid Hussain isla markaana waxay soo gashay diinta Islaamka, ka hor inta aysan labadoodu si kala gooni ah ugu safrin dalka Syria, sida la aamisan yahay, halkaasoo ay hanjabaado uga soo gudbisay boggeeda Twitter.

Iyadoo magaceeda u bedeshay Umm Hussain al-Britani, hooyadaan dhashay labada ilmood ayaa boggeeda Twitter soo dhigtay fariimo naceyb ah sida: “Adinka Kirishtaankiinu waxaad dhammaantiin u baahan tihiin in la idinku gowraco mindi af la’aab ah… Halkaan imaada sidaas ayaan idinku sameyn doonaa!”.

Inkastoo tan iyo markaas la masaxay akoonadeeda Twitter iyo Facebook, waxay sidoo kale daaha ka qaaday in iyada iyo seeygeeda laga yaabo inay u safreen ‘Islamic State’ oo magac kale loogu yeero Caliphate (Khaliifat) ka dib muddo 7 bilood ah oo ay ku xayirnaayeen dalka Syria.

Sawirkaan waa Sally Jones oo heeseysa 1990meeyadii
Sawirkaan waa Sally Jones oo heeseysa 1990meeyadii
Sally Jones oo la aamisan yahay inay tahay haweeneyda halkaan ku sawiran, ee gacanta ku heysata qoriga AK-47 ah
Sally Jones oo la aamisan yahay inay tahay haweeneyda halkaan ku sawiran, ee gacanta ku heysata qoriga AK-47 ah
Waxay farriintaan soo dhigtay boggeeda Twitter ee haatan la masaxay
Waxay farriintaan soo dhigtay boggeeda Twitter ee haatan la masaxay

 

GABAR 18 sanno jir ah oo ay dantu ku qasabtay inay guursato EEY (Sawirro)

New Delhi (Caasimadda Online)Gabar ayaa guursatay eey si ay uga farxiso qoyskeeda, kuwaasoo filaya haddii ay sidaan sameyso inay iska ridi doonto habaar ay aamisan yihiin inuu ku dhacay.

Ka dib xaflad la yaab leh oo dhacday, 18 sanno jirta Mangli Munda ayaa xariga ku dhegtay oo wadatay eeygaan oo uu usoo xulay aabaheed, iyadoo asxaabteedii xaafadda  ku taalla gobolka Jharkhand, ee dalka India ay sheegeen inay habaarka ku dhacay iyada ay isaga soo reebi doonto xayawaanka.

Munda ayaa tiri: “Kuma aan faraxsani guurkaan.”

Ninkeeda, eegyga lagu magacaabo Sheru, ayaa xitaa yimid arooskiisa iyadoo lagu waday gaarigiisa, inkastoo uusan xayawaankaani yaqiinsaneyn waxa dhacayey.

Xafladaan ayaa qeyb ka ah dhaqanka xaafaddaan taasoo haweenka dhalintayar marka hore looga guuriyo eeyaha, ka dibna marka ay guursato nin bani aadam ah, laga aamisan yahay xaafaddaan inuu guurkaasi noqon doono mid waara muddo dheer.

Hooyada dhashay Mangli ayaa tiri: “Waa inaan lacag ku qarash gareynaa arooskaan. Tani waa wadada keliya ee aan gabadheena uga reebi karno nasiibkeeda xun isla markaana aan ku hubin karno kalgaceylka xaafadda.”

Waxkasta ayuu qiyaas ahaantii arooskaani ugu shabbahay qaabaalka aroosyada ay dhigtaan dadka Hindu-ga ah, iyadoo eegya Shenu uu si dulqaad leh u fadhiyey gacanta midig ee gabadha loogu calmaday inay noqoto aroosaddiisa, inkastoo arooskiisa loo qasday keliya inuu Mangli u ogolaado inay hesho lamaane ku habboon mustaqbalka.

Waxay tiri markale: “Haa, waan guursan doonaa nin maalin uun. Gabar kasta ayaana ku riyoota inay guursato boqor.”

Shenu, eegya, oo u muuqda inuu ku faraxsan yahay arooskiisa in ka badan aroosadiisa
Shenu, eegya, oo u muuqda inuu ku faraxsan yahay arooskiisa in ka badan aroosadiisa
Shenu, eeyga cajiib ah, oo arooskiisa loo dhigay qaabaalka aroosyada dadka Hindu-ga ah
Shenu, eeyga cajiib ah, oo arooskiisa loo dhigay qaabaalka aroosyada dadka Hindu-ga ah
Dadweynaha degan xaafadda oo kasoo qeyb qaatay xafladda guurka eeyga iyo gabadha
Dadweynaha degan xaafadda oo kasoo qeyb qaatay xafladda guurka eeyga iyo gabadha
Laakiin Shenu, ayaa sameeyey mid aan ragga ka suuroobin oo seexday intii lagu jiray arooskiisa, taasoo ka qoslisay aroosadda
Laakiin Shenu, ayaa sameeyey mid aan ragga ka suuroobin oo seexday intii lagu jiray arooskiisa, taasoo ka qoslisay aroosadda
Mangli Munda oo rajeyneysa inuu ka dhaco habaarku, oo ay hesho gacaliye bani aadam ah oo ku habboon
Mangli Munda oo rajeyneysa inuu ka dhaco habaarku, oo ay hesho gacaliye bani aadam ah oo ku habboon

 

Shaki weyn oo laga muujiyay heshiiskii Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale

0

Kismaayo (Caasimada Online)-Mid ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubbooyinka ayaa shaki ka muujiyay heshiiskii dhawaan Kismaayo ay ku gaareyn Korneel Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe, kaasoo la xiriiray in lagu soo afjaro dagaallada u dhexeeyay.

Maxamed Maxammuud Yuusuf Aw-libaax oo la hadlay mid ka mid Idaacadaha maxalliga ee Muqdisho ayaa sheegay heshiiskaas in uu muujinaayo in si awood qeybsi ah loo qeybsato ergooyinka ka qeybgalaya shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu ka dhaco Kismaayo bishan.

Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay haddii ay rabaan in ay wax hagaagaan in ay awooda kaliya ku koobin maamulka Axmed Madoobe.

Wuxuu tusaale u soo qaatay haddii dhinaca Axmed Madoobe laga siiyo 400 oo xubnood in Barre Hiiraalena la siiyo 400 oo ergo si shirka uu noqdo mid loo siman yaha.

Ugu dambeyn wuxuu shaki ka muujiyay heshiiska Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe wuxuuna codsaday in dib loo eego heshiiskaas haddii la rabo in ay wax hagaaggaan.

Hadalka Aw-Libaax ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan magaalada Kismaayo ay heshiish ku gaareyn Korneel Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe oo ku dagaallamay Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Hargeysa oo laga baadi-goobayo Wasiir ka tirsaa dowladii Sheikh Shariif

0

Hargeysa(Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Maamulkaasi ay baadi-goob adag ugu jiraan  Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaarada Beeraha Dawladii Sheekh Shariif  Sheikh Axmed oo lagu Magacaabo Maxamed Cali Bilaal (Ayax) isla markaana ahaa Xildhibaan Baarlamaanka ka tirsanaa.

Ciidamada Ammaanka Maamulka madaarka Hargeysa ayaa bil kadib ka war helay in uu garoonka Hargeysa kasoo ka degay Ayax oo xilal kala duwan ka qabtay DKM aheyd, waxaana iminka raadinaaya Ciidamada.

Ayax ayaa waxa uu Hargeysa ku galay dhuumasho, maadama Maamulka Somaliland ay mamnuucday in garoonada ku yaalla Deeganada ay ka arimiyaan kasoo degi Karin Mas’uul xil kasoo qabtay Dowladihii KMG iyo tan Federaalka ah.

Wasiir Ku xigeenkii Beeraha ee Xukuumaddii hore ee  Soomaaliya Maxamed Cali Bilaal (Ayax) oo ka soo jeeda Beesha Barriga Burco, ayaa waxa uu iminka ku dhuumaaleysanayaa Magaaladda Hargeysa, halka warar hoosane ay sheegayaan inuu halkaasi u gaaray si loogu  magacaabo xil.

Dhanka kale, Maamulka Somaliland weli wax go’aan ah kama soo saarin in cafis ay u fidisay Siyaasiyiinta ka tirsan DF ee gaaraya Hargeysa iyo in kale.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Xog: Xasan Sheikh & Barre Hiiraale oo ku kulmay Villa Somalia kana hadlay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-xog-Ogaal ka tirsan Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in kullan xasaasi ah uu Madaxtooyada Somalia ku dhex maray Madaxweyne Xassan iyo Col. Barre Hiiraale.

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in kullanka uu socday ku dhawaad laba saac, waxaana la Tilmaamayaa inay kawada hadleen nabadda Gobalada Jubbooyinka iyo kaalinta Barre uga aadan.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu Col. Barre Hiiraale kala hadlay xal u helida Khilaafaadka ku harsan Jubbooyinka, ka qeybqaadashada shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Kismaayo, Nabadda iyo horumarinta Maamulka KMG Jubba.

Barre ayaa waxa uu Madaxweynaha u sheegay in dhankiisa ay kasoo idlaatay colaada iminkana uu diyaar u yahay inuu wax la qeybsado dadkiisa, isagoona Tilmaamay inuu ka qeybqaadan doono shirka ka furmi doono Kismaayo.

Sidoo kale, Barre Hiiraale ayaa sheegay inay muhiim tahay xal uhelida mushkiladaha ka taagan Jubbooyinka, dhankiisuna uu diyaar u yahay inuu ka qeybqaato hanaanka nabadda iyo dib udhiska Gobalada Jubbooyinka.

Madaxweyne Xasan, ayaa ku ammaanay Barre Hiiraale sida uu u aqbalay door ka qaadashada nabadda Jubbooyinka iyo ka qeybgalka shirka arimaha Jubbooyinka looga hadlaayo oo Bishan gudaheeda ka dhacaayo Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu ballan qaaday inuu xoojin doono dhankiisa kaalinta Hormarineed iyo nabadeynta Deegaanka Jubbooyinka.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay wada qaadan doonaan kullamo ka duwan kan ay xalay qaateen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Liiska magacyada dadkii ku dhintay iyo kuwii ka bad-baaday dooni ku degtay..

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Shabakada Caasimada Online oo xiriiro kala duwan la sameysay Muqalasiinta Soomaalida ee rara doonyahay ka baxa Xeebaha Dalka Libya ayaa inoo xaqiijiyay in Doonyihii ugu dambeeyay ee ku qalibmay Badda u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga ay u badnaayen Dhalinyaro kasoo jeeday Deegaanada Maamulka Somaliland.

Waxa ay sheegen in doontii ugu dambeysay ay ku geeriyooden 97 tahriibe oo u badan reer Somaliland, kuwaas oo ay doontii ay saarnaayeen kula gadoontay badda dhexdeeda, xili ay kusii jeeday wadanka Talyaaniga.

Doonta ayaa waxaa laga badbaadiyay 23 ruux oo u badnaa dhallinyaro ka socdaashay Magaalada Hargeysa, waxa ayna doonta gadoontay ka dib markii ay dadweynihii doonta saarnaa qaar ka mid ah uu dagaal dhex maray sidaana ay doonta ugu badatay dhinac una qalibmatay.

QAAR KAMID AH DADKII BAD-BAADAY:-

1-Kawsar Axmed 25 Jir

2-Xamda Cabdi 18 Jir

3-Canjeex 28 Jir

4-Khaliif Xassan C/llahi 32 Jir

5-Axmed Faarax 27 Jir

6-Daahir Loox 34 Jir

7-Maxamuud Maxamed 23 Jir

8-Rahuul Xassan 21 Jir

9-Cabdillaahi Laangare 31Jir

10-Xamse Haji Cabdi-Ladiif 22 Jir

11-Sooraan Mustaf 30 Jir

12-Maxamed Cawil 19 Jir

13-Cabdinaasir Nor 26 Jir

14-Fartuun C/llahi 21 Jir

15-Xabiibo Xassan Aadan 34 Jir

QAAR KAMID AH DADKA DHINTAY:-

1- Xamda xaashi Cali

2-Aniso Cabdilahi Faarax

3-C/lahi Axmed

4-Nuuradiin Aadan ‘’Muriidi’’

5-Jabir jeylaani

6-Nasteex Cumar

7-Ismail xaji xassan

8-Nasrudiin C/risaaq

9-Xamdaan Cabdi-samad

10-Mustaf Xusein Aadan

11-Axmed xaashi

12-Cabdi-salaan Buux

13-Saadaq Axmed-nuur

Naga filo Magacyada harsan

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Nidaamka Azaaniya ee Prof. Gaandi oo soo saaray go’aanno muhiim ah oo ku wajahan Jubbooyinka (Arag Sawirrada)

0

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY NIDAAMKA AZAANIYA

Maanta oo ay taariikhdu tahay 3/9/2014, waxaanu Saxaafadeedda u soo bandhigeynaa, mowqifka iyo aragtida nidaamka Azaaniya oo ka kooban qodobadan soo socda:

  1. Bogaadin iyo Hambalyo.
  2. Mahadcelin
  3. Fikirka iyo mowqifka nidaamka Azaaniya.
  4. Talo soo jeedin
  • BOGAADIN IYO HAMBALYO.

Nidaamka Azaaniya, wuxuu Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku bogaadineynaa, hannaanka nabadeed ee ay u martay, sidii ay u dhammeyn laheyd colaadii iyo dagaaladii dhiigga badan ku daatay ee ka dhacay deegaanka Juba, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Nidaamka Azaaniya, wuxuu ugu hambalyeyneynaa Dowladda Federaalka ee Soomaliya, guushii ay ka gaartay nabad ku soo dabaalidda, ciidamadii hubka isla hor fadhiyey ee kala joogay Kismaayo iyo Goobweyn.

Nidaamka Azaaniya, wuxuu ku boorinayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyaga oo qaadaya waddada saxda ah oo caddaaladda ku dhisan, in ay dadaalkaas wadaan ilaa uu soo afjarmo geedi socodka nabadda ee deegaankan.

  • MAHADCELIN

Nidaamka Azaaniya, wuxuu u mahadcelinayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guud ahaan, ciidamada AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya, doorkii ay ka qaateen, barnaamijka dib u xoreynta ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan deeganada Jubbooyinka iyo Gedo.

Nidaamka Azaaniya, wuxuu si gaar ah ugu mahadcelineynaa Dowladda Kenya, kalaalinta lama ilaawaanka ah ee ay ka qaadatay, martigelinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo mudadii  dheereed  ee  uu socday, barnaamijka maamul u sammeynta gobolada Jubada hoose, Jubada dhexe iyo Gedo.

Waxaan soo dhoweyneynaa aragtida tibaaxeysa, in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya dib loogu celiyo Soomaaliya. Dadkaas ku nool xeryaha qaxootiga sidaan wada ogsoon nahay, waxay heystaan nabad, nolol, caafimaad iyo waxbarasho. Waxaan ka soo horjeednaa, in dadkaa si dhayal dhayal ah oo aan ka fiirsi laheyn lagu raro. Si aragtida dib u celinta loo hirgaliyo, waxaan qabnaa, in tallaabooyinka soo socda la tixgeliyo, lagana horreysiiyo raridda qaxootiga.

  1. Waa in la xoreeyo deegaanada, lana sugo  ammaanka goobaha la dejin doono qaxootiga.
  2. Waa in daraasaad la sammeeyo, sidii dadkaa loogu abuuri lahaa hab nololeed ku saleysan rabitaankooda sida:  Beeraleey, xoolo dhaqato iyo kalluumeysato.
  3. Waa in la sahmiyo rugaha ku habboon beeraha, Xoolaha iyo kalluumeysiga.
  4. Waa in la kafaaloqaado qaxootiga dib loo dejinayo, muddo lix bilood ah hooygooda, noloshooda, caafimaadkooda iyo waxbarashadooda, inta ay kala qabsanayaan nolosha cusub.
  • Fikirka iyo MOWQIFKA NIDAAMKA AZAANIYA. 

Waxaan u caddeyneyna dadka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan dadka ku dhaqan deegaanka Jubbooyinka iyo Gedo, arrimaha soo socda:

  • Nidaamka Azaaniya, wuxuu soo bilaabay, soona waday barnaamijka maamul u sammeynta deegaankan, muddo ka badan Lix (6) sano.
  • Nidaamka Azaaniya, wuxuu si buuxda u caddeynayaa, in aanu ka mid ahayn, maamulka KMG ah ee Juba, oo hadda ka jira deegaanka, guushiisa iyo guuldaradiisana aanu wax shaqo ah ku laheyn.
  • Nidaamka Azaaniya, wuxuu ku bilaabay barnaamijka, in dadka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan dadka deegaanka Jubbooyinka iyo Gedo ay helaan, Nabad iyo horumar nololeed, oo ku dhisan sinnaan iyo caddaalad, walina nidaamka Azaaniya wuxuu heegan u yahay, siiwadidda hooshaa, inta laga gaarayo hadafkaa.
  • Nidaamka Azaaniya, wuxuu soo dhoweynayaa, kaalin mug lehna ka qaadanayaa, hannaan kasta oo wada hadal nabadeed iyo dib‐u‐heshiisiin loogu sammeynayo ummadda Soomaaliyeed oo dhan, siiba kuwa ku dhaqan deegaankan.
  • TALO SOO JEEDIN.

Nidaamka Azaaniya, wuxuu talo ku soo jeedinyaa:

  1. In la sammeeyo guddi dib‐u‐heshiisiin, oo ka madax bannaan maamulka KMG ah ee juba.
  2. In dadka deegaanka loo furo wada hadal nabadeed iyo dib‐u‐heshiisiin, iyadoo ay saldhig u yihiin oday dhaqameedyadii ka qeyb qaatay, ansixintii Dastuurka iyo xulkii xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya. Beelaha deegaanka ee oday dhaqameeyadoodu aanay fursad u helin, in ay ka qeyb galaan ansixintii Dastuurka iyo xulkii xildhibaanada qaranka waa, in  ay ka qeyb galaan shirkan dib‐u‐ heshiisiinta.
  3. Waxaan soo jeedineynaa, in Dib‐u‐heshiisiinta ay yeelato laba weji. Heerka koobaad wuxuu noqon dib‐u‐heshiin dhaqan, oo ay isugu imanayaan Beelaha deegaanka deggan iyo doobabkooda. Heerka labaad wuxuu noqon dib‐u‐heshiin siyaasadeed oo la isugu keenaaayo ururadii iyo Nidaamyada ku abtirsadaan deegaanka. Labada heerba, dib‐u‐heshiisiinta dhaqanka iyo midda siyaasaddaba ( sida xullidda xildhibaanada),  waxaa saldhig u noqonaya Odayaal dhaqameedka Rasmiga ah.
  4. Haddii ay dhacdo, in baarlamaan hadda la xulo, wuxuu noqonayaa, baarlamaan KMG ah oo wakhtigiisu uu la dhammaado maamulka KMG AH ee juba 14/5/2015. Baarlamaanka Rasmiga ah, waxay xulistiisa bilaabaneysaa, marka uu dhamaado Xilliga KMG ah.
  5. In dib‐u‐heshiinta ay ka soo baxda qorsho howleed (Road map), qeexaya  bilowga iyo dhammaadka barnaamijka ku meel gaarka ah (15/5/2013 ilaa (14/5/2015).
  6. Waa In wax ka soo baxayo dib‐u‐heshiisiinta, lagu caddeeyo doorka dumarka ee Mamulka dhalan doono.
  7. Waxa jira fikiro oranaya, in dib‐u‐heshiinta  lagu qabto gobolka Gedo, Nidaamka Azaaniya wuxuu taageerayaa fikirkaa, wuxuu soo dhoweynayaa, in dib‐u‐heshiisiinta gogosheeda la dhigo gobolka Gedo.
  8. Nidaamka Azaaniya, wuxuu ku talinayaa, in degmooyinka aan weli la xoreyn  loo deg dego xoreeyntooda, si Bu’aale oo ah magaalo madaxda maamul goboleedka, ay u noqoto meel xor ah oo lagu shaqeyn karo.
  9. Nidaamka Azaaniya, wuxuu soo jeedinayaa, In dib loo eego doorka IGAD ee Soomaaliya, waana in ay kala caddaato doorka IGAD ee Soomaaliya in uu  yahay mid Fulineed iyo in uu yahay fududeyn  ah.

Sawirrada kullanka

azaaniya (1)azaaniya (1)azaaniya (2)azaaniya (4)azaaniya (5)azaaniya (6)

10 kun oo SOMALI ah oo ficil la’aaanta DF darteed ugu xayiran dalka Sweden

0

Dalka Sweden ayaa kamid ah dalalka Caalamka ee qaabila qaxootiga Soomaalida oo inta badan dalkooda uga cararay dagaalada qabaailka iyo kuwa diimaha ee ka jiray Soomaaliya laga soo bilaabo 1991-dii. Dalkaani oo ka mid ah dalalka Caalamka ee lagu tilmaamo dhexdhexaadka, siyaasadiisu tahay qunyar socodka, Soomaali badana ay ku nooshahay kuna heysato amaan iyo nolol wanaagsan inkastoo ay aad u yar tahay dadka Soomaalida oo hela shaqooyinka.

Dawladda Sweden waxay Soomaaliya u magacaabatay Safiir, Safiirkaas oo Madaxweynaha Soomaaliya ka qabtay warqadii Magacaabida Safiirnimo Haddana Dalka Soomaaliya weli uma magacaaban Dalka Sweden Safiir matela dadka Soomaalida oo ay halkaasi ku heysato Dhibaato aan haysan Dalalka kale ee Caalamka ee qaxootiyadoodu yimaadaan Dalka Sweden. Qofka Soomaaliga ah waxaa mudo 3 sano ah ku cadibnaadaa , dhalashada wadankaas looga hakiyaa oo uu ku waayaa xuquuqda ay leeyihiin Qaxootiyada kale inaan la cadeyn Karin inuu Soomaali yahay!

Qaxootiga Soomaalida Waxaa u gaar ah in dalka Sweden uusan aqoonsanayn baasaboorka Soomaaliga, intaas kuma ekeynine haddana Dawladda Sweden Qaxootiga Soomaalida waxay ku xujeysaa inaad Soomaali tahay Maxaa cadaynaya? Safaaradii cadeyn lahayd qofka Soomaaliga ahna meeshaa ma joogto oo soomaaliya uma magacaaban Safiir Dalka Sweden.

Qaxooti Soomaali ah oo Tobonaan kun gaaraya ayaa Dawladda Dalka Sweden waxaa ay dhalashada wadanka Sweden ee qaxootiga la siiyo mudo 5 sano ah kadib markii uu wadankaa ku noolaado, buuxiyana shuruudaha iyo sharciyada wadankaa uga haysataa oo kaliya yaa cadeynaya inaad tahay Soomaali? Arintaas daraadeed ayaa qaxootiga Soomaalidu waxaa ay ku qaadataa inuu helo dhalashada wadankaa mudo 8 sano ah, taasoo ka dhigaysa in qofka soomaaliga ah cadeyn la’aan inuu yahay Soomaali darted muddo 3 sano ah uga bedelnaado qaxootiyada kale eek a yimaada Caalamka kale ee dagaalada ka jiraan.

Miyeyna astaahilin Caqabadaa gaarka u ah Qaxootiga Soomaalida Sweden darteed in Dawladda Soomaaliya u magacaawdo Safiir Dalka Sweden , safiirkaas oo ah mid daacad ah oo isaga oo la kaashanaya odoyaasha Dhaqanka iyo Xildhibaanada Soomaaliya cadeeya oo kaliya qaxootiga ka yimid Dalka Soomaaliya.

Dawladda Sweden oo xaqiiqdii lagu tilmaami karo Hay’ad inta badan ilaalisa Xaquuqda Muwaadiniintooda iyo qaxootiga-ba ayaa arintaan gaarka u ah Qaxootiga Soomaalida ay tahay mid ku xad gudbaysa Xaquuqda Qaxootiga Soomaalida, Sharcigaan ayaa ah mid qofka Soomaaliga ah, qaxootigana ku ah Dalka Sweden ku ciqaabaya arin ah inaad tahay Soomaali ma xaqiijin karno, arintaas darteedna qofka xuquuqdii uu kula mid noqon lahaa qaxootiyada kalana ugu bedesha mudo dheer oo 3 sano ah.

Dawladnimadu waa in Muwaadinka soomaaliga meeshuu doono ha joogee loogu shaqeeyo, looguna ilaaliyo xaquuqdiisa Soomaalinimo hadii uu dalkiisa joogo iyo hadii uu qaxooti ku yahay dalalka Caalamka. Dalalka Caalamka waxaa ay ka fikiraan oo waqti iyo dhaqaalo badan geliyaan hadii qof u dhashay dalkooda dhib ku gaaro wadan kale ama muwaadinimadiisa shaki la geliyo, halka dawladda Soomaaliya aysanba ogeyn in tobonaan kun Soomaali ah ku haysato dalka Sweden inaad Soomaali tahay ma xaqiijin Karno, arintaas darteedna xuquuqdooda meel looga dhaco.

Qaxootiga Soomaalida ee Dalka Sweden ayaa ka warsugaya in Dawladda soomaalida usoo magacaawdo Dalka Sweden Safiir iyada oo fiirinaysa tobanaanka kun oo muwaadiniinta soomaalida ah dhibaatada gaarka ah ku haysato Dalka Sweden, Dhibaatadaas oo ah cadeyn la’aan qofka soomaaliga ah inuu yahay Soomaali kazoo jeeda dalka soomaaliya. sidoo kale Dawladda Soomaaliya waa in ay uga mahadcelisaa Dalka Sweden tobanaanka kun Soomaalida ah oo ay dalkooda ku qaabileen, siiyeena sharciyada dalkaas, sidoo kalana kala hadlaan dhibaatada gaarka u ah Qaxootiga Soomaalida, lana meel dhigtaa dalka Sweden qaab lagu cadeeyo qaxootiga ka soo jeeda dalka soomaaliya Soomaalinimadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa baajiyey fadhiggii BF Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar, kaasoo sheegay in howllo culus oo soo baxay darteed in uu dib ugu dhacay kal fadhiggii shannnaad ee golaha baarlamaanka oo lagu waday in uu qabsoomo 10-ka bishan.

In kastoo uusan faah-faahin howlaha culus ee soo baxay, haddana wuxuu ku soo koobay in ay howlahaas yihiin arrimo farsamo.

Jeylaani Nuur Iikaar ayaa dhinaca kale daaha ka qaaday 10-ka bishan in ay kulan gaar ah yeelan doonaan golaha wasiiradda xukuumadda iyo guddiyadda joogtada ee baarlamaanka, kuwaasoo arrimo xasaasi ah ka hadli doona sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay oo kale kulankaas oo ka dhici doona xarunta Villa Hargeysa in ay shir guddoomin doonaan golaha wasiiradda.

Guddoomiye Jeylaani ayaa ku wargaliyay xildhibaannada baarlamaanka ee qeybta ah guddiyada joogtada ah ee uu baarlamaanka lee yahay kuwa dalka ku sugan in ay isku diyaariyaan kulankaas kuwa kale ee maqan in ay degdeg dalka ugu soo laabtaan sidda uu markale sheegay.

Ugu dambeyn wuxuu iclaamiyay in kal fadhigga shannaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya in uu furmi doono 20-ka bisha September ee sannadkan.

Si kastaba, baarlamaanka Soomaaliya ayaa kal fadhigga soo socda waxaa laga doonayaa in ay ku qabtaan howlo badan oo la rabay in ay qabtaan kulamadii horre balse dib uga dhacay sababo badan oo jiray.

Baarlamaanka siddoo kale waxa aaney meel marin sharciyo dhowr ah oo ay soo gudbisay xukuumadda kuwaasoo qaar muhiim ah u dalka.

Wax yaabaha hor yaalla waxaa ka mid ah sameynta nidaamka axsaabta badan iyo dhammeestirka dastuurka kumeel gaarka ee dalka ka hor 2016 oo la rabo in wax kasta ay diyaar yihiin si dalka ay uga dhacaan doorashoo xor ah.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Amisom oo loo sheegay inay ka qeyb qaadato qorshe ka socda garoonka….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu ballaarinaayo howlaha uu bulshadda u hayo garoonka diyaaradaha Muqdisho isla markaana laga dhigo mid la mid ah garoomada caalamka ku yaalla.

Wasiirka gaadidka iyo hawada xukuumadda Soomaaliya, Siciid Jaamac Qorsheel ayaa warbaahinta u sheegay in uu socdo mashruuc la rabo in garoonka la dhigo mid shaqeeya habeenkii halka uu hadda yahay garoon shaqeeyo uun maalintii.

Wasiirka ayaa sheegay in garoonka oo hadda ay ka socdaan howllo dib u casriyeen iyo in la ballaariyo oo mardhow lagu xiro doono Nalalka garoonka si habeenkii ay diyaaradaha ugu soo daggi karaan.

Wasiir Qorsheel ayaa tilmaamay maadama AMISOM garoonka ay isticmaasho isla markaana ay ka baahi badan tahay Soomaalida in lagu wargaliyay in ay ka qeyb qaadato qorshaha la doonayo in uu garoonka shaqeeyo habeenkii, wuxuuna tilmaamay in ay oggolaadeen in ay ka qeyb qaataan mashruucaas.

Shirkad laga lee yahay dalka Turkiga ayaa hadda gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana ay ka wadaa shirkadaas dhismooyin iyo dib u casriyeen si garoonka uu u noqdo mid caalami ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay siddii uu garoonka Muqdisho u noqon lahaa mid shaqeeya xilliga habeenkii ah.

Garoonka ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay waxa uu noqday mid ay soo fadhiistaan diyaarado badan oo qaar ka yimid Yurub iyo Maraykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]