29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Amisom oo loo sheegay inay ka qeyb qaadato qorshe ka socda garoonka….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu ballaarinaayo howlaha uu bulshadda u hayo garoonka diyaaradaha Muqdisho isla markaana laga dhigo mid la mid ah garoomada caalamka ku yaalla.

Wasiirka gaadidka iyo hawada xukuumadda Soomaaliya, Siciid Jaamac Qorsheel ayaa warbaahinta u sheegay in uu socdo mashruuc la rabo in garoonka la dhigo mid shaqeeya habeenkii halka uu hadda yahay garoon shaqeeyo uun maalintii.

Wasiirka ayaa sheegay in garoonka oo hadda ay ka socdaan howllo dib u casriyeen iyo in la ballaariyo oo mardhow lagu xiro doono Nalalka garoonka si habeenkii ay diyaaradaha ugu soo daggi karaan.

Wasiir Qorsheel ayaa tilmaamay maadama AMISOM garoonka ay isticmaasho isla markaana ay ka baahi badan tahay Soomaalida in lagu wargaliyay in ay ka qeyb qaadato qorshaha la doonayo in uu garoonka shaqeeyo habeenkii, wuxuuna tilmaamay in ay oggolaadeen in ay ka qeyb qaataan mashruucaas.

Shirkad laga lee yahay dalka Turkiga ayaa hadda gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana ay ka wadaa shirkadaas dhismooyin iyo dib u casriyeen si garoonka uu u noqdo mid caalami ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay siddii uu garoonka Muqdisho u noqon lahaa mid shaqeeya xilliga habeenkii ah.

Garoonka ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay waxa uu noqday mid ay soo fadhiistaan diyaarado badan oo qaar ka yimid Yurub iyo Maraykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Teleefishinka Puntland oo hawada uga maqan dhaqaale la’aan darteed (XOG)

0

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa hawada ka baxay Telefishinka Puntland kadib markii la bixin waayay lacagta kirada 4 bilood ee u danbeysay taas oo ay yeelatey shirkada Satellite-ka isla markaana sababtey inuu gabi ahaan-ba Puntland Tv hawada ka baxo.

Mas’uuliyiinta Idaacadda iyo Tv-ga Puntland ayaa ku xog waramay inaan la bixin bilihii lasoo dhaafey kharashaad faro badan oo ay ku shaqeyn jirtey warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, kuwaas oo caqabad ku noqday inay sii socoto shaqada warbaahintu.

Shirkada iska leh Satellite hawada uu ku maro Puntlandtv ayaa bishiiba kiro u qaadata lacag dhan $ 11,500,000 (Kow iyo Toban kun iyo Shan boqol oo dollar ) taas oo aan la siin afartii bilood ee lasoo dhaafey islamarkaana ku yeelatey PuntlandTv cadadka lacag dhan $ 46,000 (Afartan iyo Lix kun ) oo dollar.

TV-PuntlandSidoo kale waxa aan la bixin kharashka iyo mushahaarka 7-dii bilood ee u danbeysay shaqaalaha London ee Warbaahinta Dowladda Puntland kuwaas halbowle u ah shaqada warbaahinta gaar ahaan Puntlandtv madaama ay maamulaan xarunta uu ku yaalo Satellite uu isticmaalo Telefishinku.

Waxaa kale oo ka mid ah deymaha lagu yeeshay Warbaahinta Puntland adeega Internet-ka ay ku shaqeyso oo ah mid ugaara xarunta warbaahinta ee magaalada Garowe, bil walbana laga bixin jirey kharash dhan $ 5,000 (Shan kun ) oo dollar, islamarkaana aan la bixin shantii bilood ee lasoo dhaafey laguna yeeshay lacag dhan $ 15,000 (Shan iyo Toban Kun ) oo Dollar.

Wariyaasha iyo Shaqaalaha ka howl-gala xarunta warbaahinta ee ku taal magaalada Garowe ayaa sidoo kale uu ka maqan yahay mushahaarka muddo labo bilood ah, halka ay usii dheer tahay , iyada oo aan la bixin kharashka shidaalka gadiidka iyo matoorada u shaqeeya xarunta Garowe oo aan la helin dhowr-kii bilood ee lasoo dhaafey.

Culeysyada isbiirsaday ee lasoo gudboonaadey Warbaahinta Puntland ayaa imaanaya xilli uu safar ku tagey maalintii shalay magaalada Bosaso Agaasimaha guud ee Idaacada iyo Telefishinka Puntland,C/fataax Ashkir Nuur oo sida la aaminsan yahay socdaalkiisu la xiriiro sidii uu uga soo heli lahaa bangiga dhexe ee magaalada Bosaso dhaqaale lagu asturan ceebaha banaanka is keenay.

Amuurtan soo shaac baxday ayaa sidoo kale imaanaysa xilli si la mid ah mushahaar aysan u helin lixdii bilood ee lasoo dhaafey inta badan ciidamada iyo shaqaalaha Dowlada Puntland.

Dad badan ayuu dhakafaar ka haystaa halka loo isticmaalo dhaqaalaha usoo xerooda Xukuumada , madaama uusan jirin isbedel ku yimid Ilihii iyo goobihii horrey uu uga soo xeroon jirey dhaqaalaha Puntland.

Isha: Puntlandfox

Sawir laga soo qaaday XASAN SHEEKH iyo KENYATTA oo muujiyey xaalad kale

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan maxkamadda caalamiga ah ku dacweysay Kenya, oo isku dayeysa inay boobto qeyb ka mid ah badda Somalia. Waxaa shalay isna Kenya tagay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Dad badan ayaa qiyaasiyey in marnaba Xasan Sheekh iyo Kenyatta aysan isku fiicnaan karin maadaama Kenya ay boobeyso baddeena. Si kastaba sawir laga soo qaaday kullanka labada nin ayaa bixiyey aragti kale, waxaana muuqday laba nin oo aad isugu faraxsan, aadna u wada qoslaya.

xasan iyo kenyata

Dhageyso: Barre Hiiraale oo Muqdisho ka sheegay arrimo xasaasi ah iyo xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca ah shir jaraa’id ku qabtay Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale oo noqday wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, wuxuuna ka warbixiyay wax yaabaha ku kalifay in uu qaato nabadda isla markaana uu soo afjaro dagaalkii uu kula jiray maamulka kumeel gaarka ee Jubba iyo ciidanka Kenya.

Barre Hiiraale ayaa ballan qaaday in uu ka qeyb qaadan doono dedaalada loogu jirro nabadeenta gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in gobalada Jubba ay ragaadiyeen colaado daba dheeraaday oo uu yiri lama yaqaano meesha ay ku dhammaan doonaan.

Barre Hiiraale ayaa soo dhaweeyay dedaalada ay ka qeybqaateen IGAD, dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka kaasoo ku aadan qabsoomida shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu ka dhaco Kismaayo.

Wuxuu sheegay in isagoo ka mid ahaa Golaha nabadda iyo mideeynta gobalada Jubba,in ay deeganka Goobweyn ugu yimadeen wafdi wasiiro ah, Korneel Gabra, Maxamed Cabdi Affeey, iyo wakiil ka socday dowladda Itoobiya iyo xubno ka socda AMISOM.

Wuxuu sheegay in ay qaateen heshiiska ay garwadeenka ka ahayd dhinacyadaas isla markaana ay ka qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta ee ka dhacaya Kismaayo.

Barre Hiiraale ayaa xusay in dagaallo ay ku soo jireen muddo 20 sanno ah isla markaana ay ogaadeen faa’ido uusan lahayn.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyay in ay nabadda qaateeyn isla markaana ay diyaar la yihiin in ay miiska wadahadalka ay la fadhiistaan.

Dhageyso hadalka Barre Hiiraale

Caasimada Online

Xafiiska Warararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Nicholas Kay & Barre Hiiraale oo Muqdisho ku kulmay + Ujeeddada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somalia Nichlos Kay iyo Haweenayda ku-xigeenka u ah Fathia Serrour, ayaa waxa ay kullan la qaaten Barre Aadan Shire ‘’Barre Hiiraale’’ kaasi oo ka dhacay Xarunta AMISOM Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedka kullanka ayaa waxaa lagu sheegay mid is wareysi iyo xog kala qaadasho ahaa, iyadoona ay labadaasi Mas’uul ku dhawaad laba saac ay Arrinta dhabta Kismaayo ka wareysanayeen Barre Hiiraale oo dhawaan ku dhawaaqay inuu qaatay Nabad.

Inta uu kulanka socday ayaa waxa ay isla soo qaaden arimaha ku aadan Jubbooyinka iyo ka qeybqaadashada nabadda Jubbooyinka.

Barre Hiiraale ayaa waxa uu Nichlos Kay iyo haweenayda ku-xigeenka u ah Fathia Serrour u sheegay in la joogo xiligii Somalia lagu soo dabaali lahaa Nabad waarta, waxa uuna u cadeeyay in xiligaani uu qaatay wada-xaajood iyo Nabad ka dhalata gayiga Somalia gaar ahaan Kismaayo iyo Deegaanada ku xeen-daaban.

Barre waxa uu sidoo kale, ku wargaliyay inuu diyaar u yahay inuu ka qeybqaato shirka looga arrinsanaayo Aayaha Jubbooyinka iyo Dib u heshiisiinta Beelaha dega Kismaayo.

Nichlos Kay, ayaa ku ammaanay Barre Hiiraale sida uu u aqbalay door ka qaadashada nabadda Jubbooyinka iyo ka qeybgalka shirka arimaha Jubbooyinka looga hadlaayo oo Bishan gudaheeda ka dhacaayo Magaalada Kismaayo.

Danjire Kay ayaa dhankiisa ka sheegay inay muhiim tahay xal uhelida mushkiladaha ka taagan Jubbooyinka si loo soo afmeero khilaafka ku raagay Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Kismaayo, waxa uuna sheegay in taasi looga gudbi karo in gacmaha leys qabsado.

Dhanka kale, Col Barre Hiiraale ayaa waxa uu Kay ugu baaqay inay dhankooda ka muujiyaan  waxqabad muuqda oo garab lagu siinaaya shacabka ku nool Magaalada Kismaayo iyo Deegaanada ku xeendaaban, isagoona tilmaamay inay muhiim tahay in lagawada qeyb qaato nabadda Gobalada Jubbooyinka, taasina ay tahay masuuliyad saaran qof waliba oo Soomaali ah.

qm iyo barre (1)qm iyo barre (2)qm iyo barre (3)qm iyo barre (4)qm iyo barre (5)qm iyo barre (6)qm iyo barre (7)qm iyo barre (8)qm iyo barre (9)

 

XOG: Wasiir Mustaf Dhuxulow oo lagu eedeeyay arrin fool-xun kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraayo eedeymo kulul oo loo jeedinaayo Wasiirka wasaarada Warfaafinta Xukuumada Somalia Mustaf  Dhuxulow oo lagu eedeynaayo inuu u kala eexday Bahda Warbaahinta Maxaliga.

Wasiir Dhuxulow ayaa waxaa la sheegayaa in dhalinyaro aan ku lug laheyn Saxaafada uu ka iibiyay Fiisooyin si ay usoo qaatan Siminaaro, waxaana arrintaasi dhaliilay Idaacadaha qaar iyo weliba Weriyayaal madax-banaan.

Maxamed Dal-jacel oo kamid ah Weriyayaasha ayaa waxa uu Tilmaamay in Wasiirka Warfaafinta uu kala qeybinaayo  Weriyayaasha dhowr sano usoo joogay dhibka iyo Qaxarka waxa uuna yiri ‘’Waa nasiib daro in marba la keeno wasiir cuuryaaminaayo Bahda saxaafada, Dhuxulow waa nin aan wada garaneyno waxa uu Saxafi u yaqaana ruuxii isaga saaxiib la’ah, taasi waa mid cadaalada ka fog’’

Waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray ‘’Dhowrka Fiiso uu ka helo dowladaha Somalia saaxiibada la ah waxa uu ka iibsadaa shaqsiyaad aan kamid aheyn saxaafada ama Ganacsato, waxa uuna u kala eexdaa Idaacadaha iyo weriyayaasha kale ee ka howlgala Magaalada Muqdisho’’

Mastaf dhuxulow inta uu xilka haayo waxa uu laba jeer Siminaaro u diray laba koox oo kala aaday Adis Ababa iyo Kampala, waxaana ku jiray  dhalinyaro aan kamid aheyn Bahda warbaahinta kuwaasi oo qaarkood la garan la’ yahay halka ay kasoo galeen Saxaafada waxa ayna taasi keentay buuqa iminka ka dhex taagan Wasaarada iyo Idaacadaha maxaliga oo aan qaarkood loo aqoonsaneyn warbaahin.

Dhanka kale, Dhuxulow ayaa waxaa lagu Tilmaama inuu warbaahin u yaqaan Idaacada Dowlada, SNTV iyo Radio kulmiye, kuwaasi oo inta badan farqaha loogu shubo dhaqaalaha iyo Siminaarada dibada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: COD si SIR ah looga duubay XAAD oo arrimo xasaasi ah shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ku xog waramay in Madaxda Dowladda Somalia gaar ahaan Taliyaha Nabadsugida iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ugu hanjabeen dil iyo xarig hadii uu ka hadlo tacadiyada ka socda Muqdisho.

Qof la ehela Gudoomiye Xaad ayaa cod sir ak ka duubay Nabadoonka, oo ka hadlaya xaaladda soo wajahday, wuxuuna yiri Maxamed Xaad “Wixii socday wax qaldan ayey ahaayeen laakiin wax ka daran ayaa yimid, waxaa yimid hanjabaad farabadan, dadkii tacadiyada socda ka hadlay, waa la xiray, waa la dhibaateeyay, aniga odaynimo ayaa la iiga leexday, waxaana leeygu yiri hadaadan ka aamusan hoowlgalada socda, waxaan kaa qaadi doonaa tilaabo sidaas darteed waan aqbalay, waana iska aamusay”.

Gudoomiye Xaad wuxuu sheegay inuu cabsi darteed uu iskaga aamusay kadib markii uu xaqiiqsaday in mas’uuliyiin Soomaaliyeed loo xiray kaliya aragtidooda siyaasadeed.

“Madaxweynaha lag soo bilaabo ilaa Saraakiisha Dowladda ayaa ila soo xiriiray, waxayna igu dhaheen afkaaga xir, adigoo raaliya hadaad naga diidanna kaama sii xishoon doono, waan arkaa in Idaacadahii la xiray, siyaasiyiintii iyo dhaqankii xabsiyada ugu xiran yihiin maxaad u hadasheen, markeey halkaas taagan tahay aniga waa aqbalay, waxaana u baqayaa lafaheeyga oo dhibkaan socda kama hadli karo” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Xaad waxa kale oo hadalkiisa ka mid ahaa inay jiraan in dalka ay xukumaan laba dhinac oo ah kuwa muuqda iyo kuwa dadba, ayada oo aan la ogeyn cidda uu ula jeedo kuw dadban.

Si kastaba ha ahaatee, codkaan la helay ee Gudoomiyaha guurtida Hawiye waa sirtii ugu cusleyd ee ka marqaati kacday in Dowladda Somalia ay ku xadgudubtay xoriyada hadalka iyo aragtida siyaasadda.

FG: Waxaan ka xunahay oo ka cudur daaaraneynaa in muddo laba saac ah uu codka Xaad naga qaldamay oo cod kale aan si qalad ah u gelinay, waan saxnay arrintaas. ee hoos ka dhageyso codka xaad

Halkan hoose ka dhageyso codka Xaad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

JAWAARI oo wax uusan filaneynin kala soo kulmay Baydhaba (Maxaa dhacay)

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa maalintii 3-aad ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxmed Cismaan Jawaari, waxaana la sheegayaa in uu kulamo la lee yahay mas’uuliyiin ka tirsan maamulada is khilaafsan ee ka dhisan magaalada.

Jawaari ayaa shaley kulan natiijo la’aan ku soo dhammaaday la yeeshay odayaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka lixda gobal ee uu hoggaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed, wuxuuna u sheegay in ay ka tanaasulaan mowqifkooda ku aadan maamulka lixda gobal.

Malaakh Kuusow Maxamed Maxammuud wuxuu ka mid yahay garabka taageersan Madoobe, wuxuuna ka qeybgalay kulanka isagoona sheegay in wax aan soconeynin uu goobta la yimid Jawaari.

Wuxuu sheegay in mowqifkooda uu cad yahay kaasoo ku aadan in uu meel maro maamulka lixda gobal oo uu ku sifeeyay maamulka shacabka ay doorteyn.

Malaakha waxaa kaloo uu tilmaamay in marnaba aaney yeeli doonin qorshaha dowladda ay ku dooneyso in ay ku meel mariso maamulka seddaxda gobal ee caalamka oo dhan uu taageersan yahay.

Si kastaba, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa u tagay siddii uu soo dhammeen lahaa khilaaf ka taagan magaalada iyo runta loo sheego Madoobe Nuunow oo meel istaagan.

Magaalada waxaa horrey ugu sugnaa wafdi wasiiro iyo xildhibaanno kuwaasoo ku howlanaa dhismaha maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Caasimada Online

Xafiika Wararka Muqdisho

[email protected]

R/wasaarihii hore ee Talyaaniga oo sir badda SOMALIA ku saabsan shaaciyey

0

Roma (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga, marna soo noqday Wasiirka arrimaha dibada, Massimo D’Alema ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in shirkad Talyaani ah ay heshiis lagu boobayo xeebaha Somalia la gasho dowladda Kenya, iyadoo taasina uu ku tilmaamay inay meel ku dhac ku tahayTalyaaniga oo ku lug lahaado boobka xeebaha Somalia, halka looga baahnaa inuu noqdo saaxiib dhab ah.

Masssimo D’Alema oo ka qeybgalayey dood ay soo qaban qaabisay Safaaradda Ingiriiska ee Roma uu ku dhaliilay shirkadda Batroolka ENI oo ah shirkadda ugu weyn shirkadaha Batroolka Talyaaniga in heshiiska ay kula gashay Kenya in ay shidaal ka baarto Soomaaliya inuu yahay heshiis aan ku qumaneyn shirkad Talyaani, wuxuuna xusay in Talyaaniga & Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah.

D’ALEMA INDAGATO DA PROCURA ROMA SU APPALTI ENACWuxuu sheegay in Soomaaliya ay hadda tahay dal ka soo kabanaya muddo ka badan 20 sanno oo burbur iyo dhibaato ah, waxaana uu tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Talyaaniga ay ku lug yeeshaan boobka loo geysanayo Soomaaliya, xilli Soomaaliya ay u baahan tahay saaxiib dhab ah oo danahooda difaaca.

“Talyaanigu halkii laga filanayey inuu noqdo dalka ugu horreeya ee daafacaya Soomaaliya oo ah dal xiriir qoto dheer uu kala dhexeeyo, Talyaaniga wuxuu noqday dalkii uu horreeyey ee gadaal ka riixaya heshiis lagu dhacayey badda Soomaaliya, haddii aan ka mid ahaan lahaa masśuliyiinta Dowladda hadda jirta waxaan amar ku siin lahaa shirkadda heshiiska kula gashay Kenya in ay ka baxdo heshiiskaasi” Ayuu yiri R/wasaarihii hore ee Talyaaniga D’Alema.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan ku taqasusay cilmiga Jugraafiga ayaa sheegay in Soomaaliya xilligan ay ka jirto Dowlad taag darran, tilmaamayna in aysan ku habooneyn in ay dacwad ka furto arrinta badda, sababtuna ay tahay in xaaladda adag looga faa’ideysan karto.

Tan & markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay dacwad geysay Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICJ, waxaa soo badanayay dareenka ay arrintaasi ka bixinayaan Siyaasiyiin Soomaali ah, Aqoonyahanno iyo Madax adduunka ka tirsan.

Caasimada Online

Xafiiska Roma

[email protected]

 

Xasan Sh iyo Uhuro Kenyatta oo kulan albaabada ay u xiran yahiin yeeshay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa habeenkii xaley kulan ku yeeshay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Xasan Sheekh Maxammuud iyo Uhuro Kenyatta.

Kulanka labada nin oo ahaa mid albaabada uu u xiran yahay ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah sidda ay baahisay warbaahinta Kenya ee KBC.

Waxyaabaha kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada waddan iyo muran waayahan dambe ka aloosnaa ee ku aadanaa arrimaha badda.

Xog badan lagama hayo wax yaabaha kulanka ka soo baxay iyo in la isku afgartay qoddobada looga hadlay.

Kulanka labada madaxweyne ayaa ku soo beegmay iyadoo dowladda Soomaaliya ay toddobaadkii hore u gudbiyay maxkamadda ICG dacwad ka dhan ah dowladda Kenya oo la xiriirya xuduud badeedda labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeesay in ay ku soo xad-gudubtay biyaha Soomaaliya isla markaana ay qandaraas ku siiyay siddii ay shidaal uga baari lahaayeen shirkado laga lee yahay dalka Faransiiska.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Gen. BASHIIR GOOBE oo qoray qormo aan caadi aheyn (Muxuu uga hadlay?)

0

ISHII BUGTAAY KU BIKAACSO:- 31 August, 2014, goor barqo ah, waxa soo hammmiyey Koox ka koobneyd ilaa 9 naftood halligayaal ah, inay ku dayaan (wareemaan), Xarunta Gobolka Banaadir ee Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, kuwaasoo ay manaxayaashii soo maquuniyey wiilashii dhallinyarada ahaa ee shartoodii ayaga Ilaahay ku celiyey, ay ka yeelan kareen dhowr ujeeddo, sida:-

1. In ay jabka iyo guuldarrada kaga socota Gobollada dalka”HOWLGALKA BADWEYNTA HINDIYA” ee Geesiyada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Amisom ay uga xoreynayaan shacabka ay go’doomiyeen, ugu been sheegaan, fariin xodxodosho ahna ugu diraan, kuwii ay qandaraaska uga soo qaateen, inuu dalkayagu waligiis dagin, ummaddayaduna fursad u helin, xasilooni, horumar, midnimo iyo barwaaqo, inay wali xoog leeyihiin, ajendayaasha loo soo yeeriyeyna Soomaaliya ka fulin karaan.

2. In ay ku marin habaabiyaan, uguna caga jugleeyaan dhallinyarada ay khaldeen, qafaasheen ama sandareertada siiyaan inay awood leeyihiin, waxna leyn karaan ama argagixin karaan.

3. In ay quluubta iyo maskaxda in badan oo qeybaha bulshadeenna ka mid ah ee Nabadda, horumarka, diintooda, dalkooda iyo dadkooda jecel ku cabsi galiyaan, sida, ganacsatada, culumaamu’ diinka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, madaxda dhaqameedka, saxaafadda, dhallinyarada , haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada, inay wali wax gumadi karaan(Waa sida ay la tahaye), si ay u baadaan, u aamusiyaan, ama ugu cabsi galiyaan, inay afkaartooda cabbiraan, ummaddana u sheegaan dhagar qabayaashan inuu gabalkoodu dhacay.

4. Inay caalamka, gobolka iyo deriskaba ku cabsi galiyaan, inay wali awood gaadmo iyo is-halligaad leeyihiin, iwm.

Haddaba, waxa habboon in aynu si dhow u eegno arrimaha soo socda:

A) Muxuu yahay casharka ay qaateen horjoogayaasha sharwadayaashu?

B) Maxaa la gudboon qeybaha kala duwan ee bulshadeenna?

C) Maxay falcelintan xirfadeed iyo geesinimo ee NISA u ifineysaa caalamka ina taageera? Haddaan si kooban u cabbiro qiyaastayda:

Casharka la siiyey harjoogayaasha sharwadayaasha iyo kuwa qandaraaska soo siiyey, wuxuu yahay, dalkanu inuu leeyahay, wiilal iyo gabdho, geesiyaal ah, qalab, tababar iyo xirfad ay ummaddooda ku difaaci karaan leh, diyaarna u ah inay cadow kasta oo soo tijaabiya, siin karaan casharo lama ilaawaan ah.

Qeybaha kala duwan ee bulshadeenna, waxa la gudboon, inay u midoobaan, iska caabinta cadowgan naxariislaawaha ah, dhallinteennii sidaas dabka ugu hurinaya, jiif iyo jog, horumar iyo xasilooni, aqoon iyo iftiin intaba inoo diiday, In dhiirri galin af iyo addin, taakuleyn dhan kasta ah iyo hiil iyo hooba lala garab istaago wiilasheenna iyo gabdhaheenna safka hore u soo istaagay, inay codowgan u babac dhigaan.

Culumaa’u diinku ha fadwoodaan, Siyaasiyiintu ha taageeraan, abwaanadu murti iyo xigmad xamaasaddooda kicisa, tan cadowgana disha ha curiyaan, ganacsatadu ha baritaaraan, madax dhaqameedku duco iyo dumid ha u istaagaan, haweenku sidoodii kaalin sharafeedkoodii ha qaataan, dhallintu dib ha isugu noqdaan oo ha soo buuxiyaan safafka is xoreynta iyo ayatiinkooda dhismihiisa, hana ka waantoobaan dhalanteedka, khiyaanada iyo beer laxowsiga aan diin, dhaqan iyo ilbaxnimotoona wax xiriir ah la laheyn ee horjoogayaasha sharka iyo dib u dhaca.

Si gaar ah, saxaafaddu ha qaadato doorkeeda shariifka ah, wixii ismaandhaaf ah ee jirana ha ka hormariso, danta caamka ah ee ummadda oo dhan ka dhexeysa, qalinka iyo codbaahiyahana ha u qaataan, inay doorkooda taariikhiga ah cayaaraan.

Bulshada Caalamka ee ina taageerta waxay falcelintan xirfadeed iyo geesinimo u ifineysaa in aan nahay dad wax qabsan kara, is difaaci Kara, nabaddooda gacmahooda ku keensan kara, cid kasta uga habboon ugana fara dhuudhuuban inay kuwooda sharwadayaasha ah isaga filan yihiin, haddii taageerada ay u baahan yihiin helaan, loona quuro in yar oo ka mid ah kharashaadka faraha badan ee ku baxaya ciidamada dalalka kale oo noola jooga inay naga gacan siiyaan la dagaallanka codowgayaga magacyada iyo ujeedooyinka badan.

Taas macnaheedu ma aha inaan ka abaal dhaceyno, laakiin, xaqiiqada ayaa ah, inaan is difaacayaga cid kasta uga habboon nahay. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “BIYO SACABADAADA AYAA LOOGA DHARGAA”!

Gagabagabadii, waxaan qormadeydan kooban ku soo ebyayaa, inaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo lab ah u diro hoggaanka Amniga Qaranka iyo geeshiyaasha Ciidamada Qaranka Soomaaiyeed, gaar ahaan, kuwa Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, kuwaasoo cashar lama ilaawaan ah siiyey cadowgii, sidii horeba u dhici jirtay, muujiyeyna inuu qarankoodu ku faani karo! “MEEL LIBAAX SOO GALAY LO’ MA JOOGEYSO!

Dhinaca kale, waxaan Ummad ahaan, qaran ahaanba, waxa aan ku farxeyno ama aha, in wiilashayada la soo maxkax meyro, tii ka dhacday Godka Jilicoow iyo is dilka kale ee howlgalka “BADWEYNTA HINDIYA” ka socda waxa ku gumaadmayaa waa caruurtii iyo mustaqbalkii dalkan; waa ‘KAA DHIMAY OO KUGU DHIMAY”, waxaan macno ii sameeneysa, inaan u wada guntanno, sidii wiilasheenna aan ugala soo noqon laheyn gacanta cadowga ee ay galeen!

Waxaan ugu dambeystii bogaadinayaa, inta ka qeyb qaadata, dhismaha, tababaridda, taakuleynta iyo dhiirigalinta geesiyaashan, waxaana ku leeyahay, kuma hungoobeysaan wax tarkiinna!

SOOMAALIYA SOOMAALIBAA LEH!

Qalinkii: Hon. Gen. Bashiir Mohamed Jama

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

SHIR lagu taageerayay MAAMULKA loo dhisayo G/dhexe oo ka dhacay Munich

0

Munich: waxaa taariikhdu markay ahayd 30 – 31.08.14 Magaalada Munich ee caasumadda gobolka Bayern (Bavaria) ee Jarmalka lagu qabtay shir weyn oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadaha beelaha kaladuwan ee degaankoodu yahay gobolada dhexe soomaaliya ee ku nool Bayern (Bavaria).

Shirkaas labada maalmood socday, waxaa si buuxdo loogu soo dhaweeyay, looguna taageeray Ismaamulka dowlad gobaleedka ee gobolada dhexe soomaaliya laga sammeynayo.

Waxaa madashii la isugu yimid ka hadlay oo talo iyo tusaalooyin lagu taageerayo arintaasi ka soo jeediyay afhayeennadii jaaliyadaha soo wakiisheen. Afhayeenda iyaga oo hadalkoodii sii wato waxay mahad gaar ah u celiyeen dowladda Federalka iyo bulshada caalamka ee arintaas ansixiyay. Waxaa kale oo ay mahad weyn u celiyeen wakiiladii ka kala socday maamuladii aad qaaliga u ahaa ee horay u soo jiray oo maanta gartay in loo baahan yahay in la´isu tanaazulo si loo gaar hadaf lagu mideysan yahay ee lagu soo dhiso dowlad goboleed.

Maamuladaas shirka wakiilada u fadhiyeen waxa ay ahaayeen: – Galmudug, Xibin iyo xeeb, Xaadheer State, Mareeg State, Galgaduud, Maamulka Ceelbuur, Maamulka Caabudwaaq iyo Maamulka Galdogob.

Dr. Maxamed Xaashi Cossoble, Professor Mustafa Cabdulle Warsame (Qarni), Injinyeer Xussein Cali Siyaad, Injinyeer Maxamed Cali (Garaare) iyo Sheikh Cabdullaahi Xassan Warsame oo goobtaas khudbado tayo leh ka jeediyay waxay si gaar ah mahad ugu celinayaan Guddiga Farsamada ee arintaas u xilsaaran iyo raggii maskaxdooda, muruqooda iyo maalkooda u huray sida maanta halka aan joogno aan ku soo gaarnay.

Dr. Moxamed Xaashi Cossoble

Xog: Ujeedka shir ka furmay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shir hordhac u ah shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo bishan ka furmaya isla magaaladaas.

Shirkan ayaa waxaa daah-furay Guddoomiyaha dib u heshiisiinta Jubbooyinka Cabdi Balaaye, kaasoona sheegay in shirkan uu hordhac u yahay shirweynaha soo socda, wuxuuna intaas ku daray in ay ka qeybgalayaan dhammaan odayaasha iyo wax garadka ka soo jeeda Jubbooyinka iyo Gedo.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Iftiin Xasan Baasto oo isna sheegay in shirkan uu muhiim u yahay shirka soo socda, isagoona intaas ku daray in ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka socda maamulka KMG ah ee Jubba iyo wakiilo ka socda IGAD.

Ammaanka goobta shirka uu ka dhacayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleysatay in ay magaalada Kismaayo ku soo celiso Korneel Barre Aadan Shire iyo ciidamo uu watay kuwaaoso muddo sanand ka badan ku sugnaa meel dibedda ka ah Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Jawaari & Madoobe Nuunow oo kulan leh

Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas ay maanta kulan ku lee yihiin guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Madoobe Nuunow Maxamed oo sheegta in uu yahay hoggaamiyaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Kulankan waxaa ka horreeyay kulan kale oo Jawaari uu la qaatay mas’uuliyiinta maamulka seddaxda gobal iyo odayaal taageersan Madoobe Nuunow iyo maamulka lixda gobal.

Jawaari ayaa u sheegay odayaasha la safan Madoobe Nuunow in ay ka soo laabtaan fikirka ay aaminsan yihiin ee ah maamulka la dhaho lix gobal, wuxuuna ka codsaday in ay qaataan qorshaha ay dowladda damacsan tahay oo ah in la dhiso maamul seddax gobal ay ku mideesan yihiin.

Xog badan lagama hayo kulanka Jawaari iyo Madoobe Nuunow Maxamed balse waxaa la aaminsan yahay in uu la xiriiro siddii Madoobe Nuunow loogu qancin lahaa in uu ka tanaasulo maamulka lixda gobal isla markaana uu qeyb ka noqdo maamulka seddaxda gobal ee dowladda ay taageersan tahay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sannad ka hor wuxuu magaalada Baydhabo ka sheegay in uu taageersan yahay maamulka lixda gobal, waana sababta keentay in loo diro Baydhabo sida ay lee yihiin ilo xog ogaal ah.

Faah-faahin kala soco Boggeenka Caasimada Online

Dacwaddii ay DFS ka gudbisay BADDA oo la helay iyo arrin halis ah oo ku jirta

0

Dacwadda DFS u gudbisey Hague waa mid lagu tirtirayo Law no. 37, laguna xagal daacinayo Baarlamaanka Soomaaliya?

Maxkamadda Qaramada Midoobey (QM) ee Hague ayaa website-keeda ku daabacday dacwaddii Xadka Badda ee ay u gudsatey Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS), taas oo ka kooban 17 bog, oo la sheegay in laga dacwoonayo Kenya oo ay sheegeen in ay bad ku haysato.

Laakiin marka la dhuuxo qoraalkaas waxaa kasoo baxaya in dacwaddaasi ay dan u tahay Kenya, in lagu tirtirayo xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37, in lagu tirtitayo diidmadii baarlamaanka Soomaaliya diideen is-afgaradkii, in la tirtirayo go’aankii golaha wasiirada DFS ay ku sheegeen in aan laga tanaasulin Law no. 37. Arrimahaas waxaa cadaynaya qodobadan:

– Qoraalka dacwadda ah ee DFS waxaa lagu qeexay in uu jiro MURAN (the dispute) badeed. Taas oo ah wixii Kenya ku taamaysey in ay muran geliso badda Soomaaliya, ee ay soo bilaabatay 2009 xilligii DFKG ahayd ee ay hoggaaminayeen Shariif iyo Cumar C/rashiid. Waxaase nasiib darro ah in qoraalka DFS aan lagu xusin in murankaas iyo is-afgarkii MoU ay diideen baarlamaankii Soomaaliya August 1, 2009, kana dhigeen in aan la cuskan karin..

– Waxaa ka sii daran in qoraalka lagu qoray in ay jirto dhul-badeed is-dhex galaya (ovelap) oo ay leeyihiin Soomaaliya iyo Kenya. Sidee caqliga fekerayaa ku keeni karaa in uu yiraahdo dhul-badeed-kayga ayaa waxaa dul saaran dhul badeed dal kale ee hanaloo gar naqo. Yaa taasi dan u tahay.

isdulsaar

saxiixa-beyle– Waxaa DFS ay qoraalka meel kaga xustay in Kenya ay hadda ku doodeyso in xarriiqda kala qaybisa badda labada dal u soo qaloociyo xagga Soomaaliya, taas oo DFS intaas raacisey in Kenya aysan sidaas hore u sheegan jirin. Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay haddii ay sheegashada Kenya tahay mid cusub, maxaa kugu kallifaya in aad tiraahdid badda Soomaaliya iyo badda Kenya waa isdhexgashan yihiin ee hanaloo gar-naqa.

– Khariidadaha la raaciyey dacwadda DFS waa kuwii ay samaysatay Kenya. Ma jiro khariidado ay Soomaaliya samaysatay oo ku lifaaqan dacwadda. (Aqoon yahan Soomaaliyeed ayaa laga soo xigtey in uu yiri “Ka warran haddii miiska dacwadda lagu qaadayo aadan waxba soo dhigan, balse soo saartid wixii qofka kugu mudiciga ah oo kaliya, maxaa laguu xakumayaa.”)

– Waxaa cad in si qayaxan loo tirtirayo Xeerkii badda Soomaaliya ee Law No. 37 ee soo baxay 1972. Xeerkaas oo dhigaya in dhul-badeedka Soomaaliya Territorial Waters yahay 200 mayl-badeed.

– Waxaa markaas dhul-badda Soomaaliya (Territorial Waters) si qayaxan loogu soo koobayaa 12 mayl-badeed, taas oo qoraalka dacwadda ah uu ku celcilanayo in dhul-badeedka Soomaaliya tahay 12nm. Ayadoo gebi ahaanba la iska in dhaasabayo xeerka Law No. 37. Balse kasii darane lagu xusay qoraalka in la nasaakhay ama la baabi’iyey dhammaan xeerarkii badda Soomaaliya ee ka horeeyey 1989 (ogow 1972 waa ka horeysey 1989).

– Waxaa qoraalku ku meeraysanayaa erayo iska hor imanaya oo ku saabsan baaxadda aagga loo yaqaan aagga dhaqaalaha (EEZ = Exclusive Economic Zone) oo meel uu ku xusayo in EEZ ay Soomaaliya sheegatay 1989 ka dhigtay 200nm, isla qodobka taas ku xigana uu qoraalku ku andacoonayo in madaxweynaha hadda (ee DFS) oo 30 June 2014 u gudbiyey UN oo uu EEZ-kii gaarsiiyey ama ku fidiyey ilaa 200nm. Sidee isu qabanaysaa halkaasi.

– Waxaa sidoo kale meesha lagu tirtirayaa go’aankii golaha wasiirada DFS ee June 6, 2013 ee ahaa:  Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran (oo ah Law no. 37).

Xamar ayaa nalooku iman waayey

Dawladda Federaalka Soomaaliya dacwadda ay u gudbisey Hague waxay ku sheegtay in ay ka quusatay in wadahadal ay Kenya la yeeshaan in lagu dhamaystiro arrinta xadka badda.

Waxaa qoraalku xusay in wadahaladii ugu dambeeyey ay ahaayeen bilihii March iyo July oo lagu qabtay Nairobi. Waxaana kulankii ugu dambeeyey ee July 2014 ay Kenya soo jeedisey in kulan kale lagu qabto magaalada Muqdisho.

Waxaa qoraalku sheegay in kulankii Muqdisho ku qabsoomi lahaa 25-kii iyo 26-kii August 2014 in waftigii Kenya aysan soo xaadirin ama ka baaqatay ayagoo aan wax sabab ah bixin, waftigii Soomaaliyana ay ku sugayeen Muqdisho, sidaasna uu ku baaqday kulankii ay Kenya dalbatay, ayaa qoraalku xusay. Sidaas daraadeed ayadoo labada dhinac aysan isu soo dhawaan karin, Kenyana ka baaqatay kulankii u dambeeyey ayaan dacwadan ugu gudbiney Hague, ayaa qoraalku xusay. Waxaana DFS ay dacwadda gudbisey 28-kii August 2014.

Taas waxaa ka soo hor jeeda hadal uu sheegay Qareenka Guud ee Kenya Attorney General Githu Muigai oo Jariidadda Standard ee ka soo baxda Nairobi khamiistii (August 28, 2014) u sheegay in labada dal (Kenya & Soomaaliya) ay arrintaas ka heshiiyeen, uuna la yaabay markii Soomaaliya is bedeshey.

Mr. Githu Muigai waxa uu yiri “Marka hore waxaa jira muran ka taagan qalfoofka qaaradda ee badda, kaas oo arrintiisa ay September 3, 2014 magaalada New York ku dhagaysanayaan guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan sharciga badaha. Waana wixii ka durugsan Territorial waters-ka.”

Mr. Muigai oo hadalkiisii sii watey ayaa yiri “Kenya iyo Soomaaliya arrintaas qalfoofka qaaradda (Continental shelf) waxay ka gaareen heshiis, heshiiskaasna waxaa loo gudbiyey guddiga Xadaynta badaha u qaabilsan Qaramada Midoobay. Laakiin Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diidey in uu ansixiyo heshiiskaas, taas oo sababtay in madaxweynaha Soomaaliya uu qoray warqad uu heshiiskaas kaga laabanayo.

Sidaas oo kale ayaa Kenya markaas waxay warqad u qortay guddiga xadaynta badaha ay ku adkaysanayso in loo aqoonsado xadka ay jeexatay Kenya ee qalfoofka qaaradda ayadoo la sugayo xallinta muranka, ayuu yiri qareenka Kenya.

Halkaas waxa uu shaaca kaga qaaday in Kenya ay haysatey heshiiska xukuumadda, laakiin la mari waayey baarlamaanka. Taas oo ah sir ka qarsoonayd shacabka iyo DFS ay heshiis hoose la gashay Kenya, laakiin baarlamaanku diidey in uu ansixiyo.

Sidoo kale warbaahinta Kenya oo ka hadlay dacwadda Soomaaliya u gudbisey Hague ayaa tibaaxay aagga dacwaddu ku saabsan tahay in ay tahay meel laga yaabo in ay qani ku tahay shidaalka. Jariidadda Daily Nation waxay qortay “Kenya oo ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya ilaa 2011 ayagoo markii hore weerartay, markii dambena ku biiray AMISOM waxa ay sheegatay (Kenya) baaxad badeed oo ka badan 100,000 square kilometres taas oo Muqdishona ay sheegatay, ayey qortay jariidadaddu.

Gabagabadii

Haddaba marka la dhuuxo dacwadda DFS u gudbisey Hague (oo laga daalacan karo halkan), waxaa in badan oo shacabka Soomaaliyeed ay rumaysan yihin in:

1. Hadii Soomaaliya laga xakumo, waxaa Kenya u xalaaloobaya dhul-badeedkii ay muranka gelisey oo ka badan 100,000 Kiilomitir oo laba jibbaaran. Waxaa taas dheer in Soomaaliya ay waayeyso 97% xuquuqdeeda Dhul-Badeed keeda (territorial waters) waayo sida kor ku cad waxaa la tirtirayaa Law no. 37.

2. Haddii Soomaaliya loo xakumo, markaas Kenya waxba kama khasaarin. Laakiin Soomaaliya waxay waayeysaa 97% xuquuqdeeda Dhul-Badeed keeda (territorial waters) mar haddii la tirtiro Law no. 37 oo Territorial Waters lagu soo koobo 12nm. Waxaana markaas dhacaysa in wixii xad gudub ka dhacay 188nm oo badda Soomaaliyeed ah 22sano ee la dhaafay aan cidna loo raacin. (Daawo Video-gan madaxweynaha DFS oo dhahaya waxaa nala yiri baddiina lama yaqaan).

3. Laba jeerba Soomaalida dan uma ahayn dacwaddaasi.

Haddii arrintu sidaas u muuqato, su’aasha hadda taagan ayaa ah maxaa keenay degdega cusub ee DFS ay dacwadda ugu gudbisey Hague? Jawaabta waqtiga ayaan u dhaafnay iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale la arki doonee go’aanka uu baarlamaanka Soomaaliya ka qaato arrintan mar haddii la hareer maray baarlamaankaas.

– Halkan ka daalaco dacwadda DFS:  http://www.icj-cij.org/docket/files/162/18362.pdf

dacwadd2

 Warsaxaafadeedka Maxkamadda Hague: http://www.icj-cij.org/docket/files/162/18360.pdf – Somalia institutes proceedings against Kenya with regard to “a dispute concerning maritime delimitation in the Indian Ocean”

– Qoraalka AP: http://hosted.ap.org/dynamic/stories/E/ EU_WORLD_COURT_SOMALIA_KENYA? SITE=AP&SECTION=HOME&TEMPLATE=DEFAULT&CTIME=2014-08-28-13-56-18

– from Abdirahman Beileh to UN: http://www.un.org/depts/los/ clcs_new/submissions_files/ ken35_09/som_re_ken_2014_02_04.pdf

– Waraysiga wasiiradda: https://www.youtube.com/watch?v=ZU9kGOcI9d4#t=1698

– SOMALIA: http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/STATEFILES/SOM.htm

– KENYA: http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/STATEFILES/KEN.htm

– Law No. 37: http://www.un.org/depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf

— KTN TV: Video Somalia sues Kenya at the international court of justice over border https://www.youtube.com/watch?v=iGC8JusrtMk

— Daily Nation: Somalia sues Kenya at top UN court over maritime border http://www.nation.co.ke/news/Somalia-sues-Kenya-at-top- UN-court-over-maritime-border/-/1056/2434020/-/4jpvppz/-/index.html.

Faafin: Somalitalk.com

Mustaqbalka siyaasadeed ee Hiiraale oo war aan la fileyn uu kasoo yeeary

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar badan oo la isku haleyn karo kuwaasoo muujinaya in Korneel Barre Aadan Shire uu isaga baxay siyaasadda isagoona wixii hadda ka dambeeya caafimaad u aadaya dalka dibadiisa.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online in Barre Hiiraale oo hadda Muqdisho ku sugan uu siyaasadda ka baxay isla markaana aanu ka qeybgali doonin shirka dib u heshiisiinta ee 16-ka bishan ka furmaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Maxaa lagu qanciyay Barre?

Barre Hiiraale oo horey u soo noqday wasiirka gaashandhigga Soomaaliya isla markaana in muddo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyo awood ballaaran ku lahaa Soomaaliya, ayaa waxaa la sheegayaa in la qanciyay oo dowladda ay siisay lacag si uu uga fadhiisto siyaasadda maadama uu howlgab noqday.

Heshiiskii Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ee Kismaayo
Heshiiskii Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ee Kismaayo

“Barre Hiiraale waa qof da’ ah, waana qof xanuunsan oo u baahan in dibedda loogu qaado caafimaad” sidaas waxaa noo sheegay sarkaal la isku haleen karo.

Maxaa lagu qancin doonaa beesha uu ka soo jeedo Barre?

Waa su’aal inta badan ay is weydiinayaan dadka arrimahan sida gaarka ula socda, balse Barre Hiiraale waxaa shirka ka dhacaya Kismaayo u matalaya saraakiil ka soo jeeda beeshiisa.

Sidoo kale maamulka KMG ah ee Jubba waxaa Barre beeshiisa laga siin doona mid ka mid ah xilalka ugu waaweyn sidda madaxweyne ku xigeen oo ay haddaba lee yihiin.

Haddii warkan uu xaqiiqo noqdo, waa guul u soo hoyotay Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba.

Axmed Madoobe ayaa aaminsanaa in uu Barre Hiiraale uu ku ahaa qodax ku taagan isla markaana qalqal galin kara sii socoshada maamulkiisa.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay heshiiska ay gaareyn Barre Hiiraale iyo maamulka Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SHIXNADO HUB ah oo mar kale gaaray Khaatumo State (Xagee laga keenay?)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Maamulka Puntland ay Shixnado Hub ah u gudbisay  Maamulka Khatumo oo Dagaal kula jira Maamulka Somaliland.

Wararku waxa ay Tibaaxayaan in Shixnadaha hubka loogu talo galay in Maamulka Khatumo ay isaga difaacan Weerarada kaga imaanaya dhanka Ciidamada Maamulka Somaliland oo gacanta ku hayo Deegaano hoos yimaada Saax-dheer oo ay ku qabsadeen Dagaal.

Xildhibaan ka tirsan Maamulka oo xaalado amni dari uga gaabsaday Magaciisa, ayaa si hoose inoogu xaqiijiyay in Hubka loogu Deeqay Khatumo uu ahaa hubkii ay horay u heysatay Dowlada Puntland, waxa uuna Tilmaamay in Puntland ay aad uga soo horjeedo daan-daansiga Somaliland ay ku heyso Maamulka Khatumo.

‘’Aad ayay Puntland uga xuntahay baacsiga Maamulka Somaliland ay ku heyso Ciidamada Khatumo, insha allah si hoose iyo si muuqataba garab ayay Khatumo uga haleysaa Puntland’’ ayuu yiri Xildhibaankaasi

Dhanka kale, Haddalka Xildhibaanka ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili maalmo ka hor Taliyaha Ciidamada Militeriga Maamulka Somaliland shaaciyay in Maamulada Kismaayo iyo Puntland hub ugu deeqayaan Khatumo.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Puntland oo dacwo Somalia ka dhana u gudbisay xiriirka caalamiga ah ee…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xiriirka kubadda maamulka Puntland ayaa qaadacay doorasho magaalada Muqdisho ka dhacday maalintii Axadda, taasoo lagu doortay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Agaasimaha wasaaradda cayaaraha ee maamulka Puntland, Axmed Cabdullaahi Tigaana, ayaa BBC-da u sheegay in doorashadii lagu doortay Cabdiqani Saciid Carab ay ahayd mid si musuq-maasuq u dhacday isla markaana ay cabasho arrintaas ku muujinayaan ay direyn hey’adda maamusha kubadda cagta adduunka ee FIFA.

Wuxuu sheegay marka loo eego qaabka ay u dhacday doorashadda iyo cidda la doortay in ay tahay mid la isla ogyahay oo dhammaan xubnaha guddiga waa hal qabiil ayuu yiri.

Mar la weydiiyay sidda uu uga jawaabay in mid ka mid ah guddoomiye ku-xigeennada xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta loo doortay qof ka soo jeeda Puntland, wuxuu sheegay in doorashadaas aaney jirin cid u mataleysay, isagoona yiri ninka la sheegay isagoo meesha aan joogin ayaa la doortay.

Mr. Tigaana waxaa kaloo uu sheegay in ay lee yihiin xiriir gooni ah isla markaana ay hadda isku qalabeenayaan kooxaha heerka koobaad ee ka dhisan Puntland.

SOMALILAND maxay ka tiri iyana doorashadda?

Maamulka Somaliland ayaa isna ka hadlay doorashadii guddoonka sare ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda, waxaana ay tilmaameyn in wax shaqo aanu ku lahayn arrintaas oo iyagu ay lee yihiin xiriir gaar ah oo la shaqeeya hey’addaha caalamiga.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Somaliland ayaa isna sheegay in wax xiriir ah aanu ka dhexeynin iyaga xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Si kastaba, marka loo eego hadallada ka soo baxay maamulada Puntland iyo Somaliland waxbo kama duwana kuwa ka soo yeera mar kasta madaxda siyaasiyiintooda, kuwaasoo markasta weerarra dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Marka laga soo gudbo Puntland iyo Somaliland, waxaaba jirta in seddax doorasho ay ka dhacday magaalada Muqdisho taasoo lagu doortay seddax guddoomiye cusub oo madax u noqonaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta afarta sanno ee soo socota.

Balse wax dad badan ay isweydiinayaan maxaa Sports-ka iyo siyaasadda isku keenay?

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Baydhaba oo lagu doortay gudoomiye Baarlamaan iyo Jawaari oo ku sugan

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo oo uu ku sugan yahay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari waxaa ka dhacday Isniintii shaley doorasho la sheegay in lagu doortay guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulka lixda gobal.

Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere) ayaa loo doortay in uu noqdo afhayeenka baarlamaanka maamulka lixda gobal ee uu hoggaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed.

Guddoomiyaha cusub ee la doortay ayaa warbaahinta u sheegay in la soo dhammeestiray maamulka lixda gobal isagoona intaas ku daray in ay tartameyn isaga iyo Xaaji Cali.

Wuxuu sheegay in xildhibaannada baarlamaanka oo ka kooban 135- ay goobjoog ka ahaayeen doorashadiisa 72- xubnood waxaana uu yiri 54 ka mid ah ayaa codka isiiya halka ninka ka soo horjeeday uu isna helay 27 xubnood halka shan cod uu ka halaabay.

Cumar Dheere ayaa tilmaamay in doorashadiisa ay u dhacday qaab cadaallada ah oo lagu kal soonaan karo.

“Maamulka lixda gobal waa la soo dhammeestiray waxaana lagu soo doortay 4.5, waana maamul dadka shacabka oo dhan ay taageersan yihiin” ayuu yiri Cumar Dheere.

Mar la weydiiyay sidda uu u arko tagitaanka Jawaari magaalada Baydhabo, wuxuu sheegay in ay soo dhaweenayaan balse wuxuu yiri waxaa loo baahan yahay in la tixgaliyo rabitaanka shacabka.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ay soo dhaweenayaan cid kasta oo diyaar la’ah wadahadal ay la furayaan maamulkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo u ekaaday siyaasadda (Maxaa cusub?)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu qabtay doorashadii 3-aad ee lagu doortay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana xilkaas loo doortay Yaasiif Abuukar Cariif, oo horrey u soo noqday xoghayaha xiriirka.

Yaasin ayaa la tartamay labo qof oo kale waxaana uu helay wadarta guud codadka la dhiibtay maadama ay u codeeyeen 25-qof oo matalayay kooxaha heerarka kala duwan ee dalka ka dhisan.

Haddaba Yaasin Cariif waa guddoomiyihii seddaxaad ee uu yeesho xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana muuqata is qabqabsi ka dhex jirra xiriirka iyo loolan dhexdooda ah.

Maalintii shaley oo 31-ka bisha ahayd waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay Cabdiqani Saciid Carab oo horrey u soo noqday xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta isla markaana 10kii sanno ee la soo dhaafay ka mid ahaa madaxda xiriirka, waana nin loo badinayay in uu ku guuleysan karo xilkaas sidda ay lee yihiin dadka odorosa arrimahan.

Isla 30-kii bishaas oo ahayd maalintii Sabtida waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay Muxyidiin Darbaweyne oo isna xubin ka soo noqday xiriirka oo xittaa mar noqday guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Haddaba doorashadan seddaxda maalin ee isku xigta ka dhacday Muqdisho waxaa mid kasta oo ku guuleysta uu lee yahay waxaan ahay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ee afarta sanno soo socota.

Si kastaba, ismaandhaafka ka dhexjirra xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo hadda u muuqaal eg midkii siyaasadda ayaa waxaa kala saari doona xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA oo cidda ay aqoonsato ay noqon doonto cidda rasmiga ah ee guddoomiye u ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Soomaaliya.

In kastoo uu dhaqdhaaq sameeyay 20-kii sanno ee la soo dhaafay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta balse waxaa dadka dhaliila ay lee yihiin wuxuu noqday goob ay isku koobaan uun koox gaar ah isla markaana ma jirto wax isbadal ah oo ka dhexdhacay dhexdooda.

Caasimadda Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ciidanka Khatumo oo dharbaaxo culus ku dhuftay kuwa Somaliland (Warbixin)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Magaalada Saax-dheer ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaasi ay isku farasaareen Ciidamada Maamulka Khatumo iyo kuwa Maamulka Somaliland.

Dagaalka labada Ciidan ayaa la sheegayaa inuu qaatay ku dhawaad Laba saac, waxa uuna ka dhacay Seddex deegaan oo hoostagta Deegaanka Saax-dheer.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Khaatumo ay weerar culus la kawsadeen Ciidamo taabacsanaa Maamulka Somaliland.

Salaad Amiin oo kamid ah Saraakiisha Khatumo, ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid gaadmo ah oo ay ku qaaden goob fariisimo u aheyd Ciidamada Maamulka Somaliland sidaana uu kusii baahay, waxa uuna Tilmaamay inay halkaasi ku dileen Lix ka tirsanaa Ciidamada iyo Laba Sargaal oo ciidankaasi hogaamineysay.

Sidoo kale, Sargaalka ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay ku xanuunjinayeen Ciidamada Maamulka Somaliland oo iyagu maalmo ka hor Deegaanka Saax-dheer ku laayay dad shacab iyo Ciidamo isugu jira.

Dhanka kale, waxaa degan xaalada Goobahaasi lagu dagaalamay waxaana weli is hor fadhiya Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Khaatumo iyadoona xili waliba laga cabsi qabo inuu dhaco Dagaal.

Deegaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool ayaa dhawaan waxaa ka dhacay Dagaal Magaalada looga saaray Maamulka Madaxweyne Cali Khaliif iyo Mas’uuliyiinta Maamulkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]