31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Ciidanka Khatumo oo dharbaaxo culus ku dhuftay kuwa Somaliland (Warbixin)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Magaalada Saax-dheer ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaasi ay isku farasaareen Ciidamada Maamulka Khatumo iyo kuwa Maamulka Somaliland.

Dagaalka labada Ciidan ayaa la sheegayaa inuu qaatay ku dhawaad Laba saac, waxa uuna ka dhacay Seddex deegaan oo hoostagta Deegaanka Saax-dheer.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Khaatumo ay weerar culus la kawsadeen Ciidamo taabacsanaa Maamulka Somaliland.

Salaad Amiin oo kamid ah Saraakiisha Khatumo, ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid gaadmo ah oo ay ku qaaden goob fariisimo u aheyd Ciidamada Maamulka Somaliland sidaana uu kusii baahay, waxa uuna Tilmaamay inay halkaasi ku dileen Lix ka tirsanaa Ciidamada iyo Laba Sargaal oo ciidankaasi hogaamineysay.

Sidoo kale, Sargaalka ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay ku xanuunjinayeen Ciidamada Maamulka Somaliland oo iyagu maalmo ka hor Deegaanka Saax-dheer ku laayay dad shacab iyo Ciidamo isugu jira.

Dhanka kale, waxaa degan xaalada Goobahaasi lagu dagaalamay waxaana weli is hor fadhiya Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Khaatumo iyadoona xili waliba laga cabsi qabo inuu dhaco Dagaal.

Deegaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool ayaa dhawaan waxaa ka dhacay Dagaal Magaalada looga saaray Maamulka Madaxweyne Cali Khaliif iyo Mas’uuliyiinta Maamulkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Xog: Maxaa kala soctaa ujeedada wafti ka socda Turkiga oo Kismaayo gaaray?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maanta oo Isniin ah gaaray wafdi ka socda dowladda Turkiga, waxaana hoggaaminaayay madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba, Suldaan Cabdiqaadir Maxamed Luga-dheere.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba iyo qeybaha bulshada ayaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay wafdiga.

Hoggaamiye ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba, Suldaan Cabduqaadir Lugadheere oo wafdiga ka soo raacay dalka Turkiga ayaa sheegay in uu wafdiga isla maanta magaalada Kismaayo kula kulmay hoggaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Lugadheere ayaa hoosta ka xarriiqay in labada dhinac ay ka wadahadleen sidii dowladda Turkiga ay deegaaannada Jubbooyinka u gaarsiin laheyd deeqo waxbarasho iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka waddo Soomaaliya.

Madaxa Mashaariicda Horumarinta  iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Hay’adda Turkiga (TIKA) ee Soomaaliya, Axmed Gokcek ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin booqashada wafdiga ee Kismaayo.

Axmed Gokcek ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay taageerada shacabka Soomaaliyeed, si loo sii xoojiyo xiriirka walaalnimo ee dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Caasimadda Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Maxay Ethiopia ku maagtay Cabdi Iley?

0

Siyaasada aan ku tiirsanayn xididada adag waxay ku soo af meerantaa inta qofkaas danta laga leeyahay. Ma aana filayn , qiyaastaydana kuma aysan jirin in Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) ciyaarta siyaasadu dhinaca kale isugu rogi doonto. Waan maqlaynay beryahan oo dhan waa la sitaa Ina Maxamud Cumar, Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Somalidu ka degto Ethiopia.

Maanta waxaaa kulan leh Xisbiga Dimuqaradiga Shacbiga Somalida Ethiopia waana goobta la doonayo in lagu kharijiyo siyaasad ahaan Madaxweynaha Kililka Shanaad. gudiga Fullinta ee ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa ka soo horjeeda 7 xubnood, codaynta beri wuxuu Xisbigu isku raaci doonaa in xilka laga xayuubiyo.

Maxaa lagu haystaa Cabdi Iley. wax kale ma ahan dantii laga lahaa ayaa laga gaaray. xisbiga iyo gudiga Fullintu maxay waqtigii Adis laga jeclaa uga hor iman waayeen waa iyagii laha Abbe weeye.

Markaad akhriso buuga uu qoray Cabdulaahi Yusuf Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Ilaah ha u naxariistee waxaad ka baran kartaa macna siyaasada ee ku wajahan dalka aynu deriska nahay ee Ethiopia. Arrinta maanta la filayo ee ah in xilka laga xayuubiyo Cabdi Maxamuud Iley, siyaasi kasta oo Soomaali ah xiriir dhowna la leh Ethiopia waa sugaysaa. Shalay Cabdulaahi Yusuf halkuu ka dambeeyey waa og nahay maanta Cabdi Iley…. Beri waa kuma?

NINKII QAYRKII
LOO XIIRAYOW
SOO QOYSO
ADIGUNA.

W/Q: Cabdishakuur Mire Aadan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xog: Barre HIIRAALE oo laga saxiixay 8 qodob oo soo afjaray awoodiisa (Aqri)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sargaal ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed, ayaa inoo xaqiijiyay in Ra’isul wasaaraha, Wasiiro, Xildhibaano iyo Odayaal kasoo jeeda Beesha Sade ay kullan la qaaten Col. Barre Hiiraale kaasi oo lagu lafa-guray  Siyaasadda iyo isku soo dhawaanshaha Barre iyo Axmed Madoobe.

Sargaalka ayaa inoo xaqiijiyay in Mas’uuliyiintaasi ay Col. Barre ku cadaadiyeen inuu u Hoggaansamo Awaamirada DF, waxa ayna Barre ka saxiixeen fulinta Dhow Qodob oo saldhig u ah Wada-xaajoodka.

Haddaba Sargaalka oo ka gaabsaday Magaciisa ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in Col. Barre lagu xujeeyay inuu meel-mariyo 8-Qodob ee soo socda:-

1-Inuu ka qeybqaato dhismaha Maamulka KMG Jubba.

2-Inuu Ciidamadiisa iyo Hubkiisa uu ku bedelo kuwo Qaran.

3-In Ciidamadiisa ay kamid noqonayaan kuwa Gobolka.

4-In Mushaaraad gaar ah la siinaayo Ciidamadiisa, Hubkana si nidaamsan loo sharciyeynaayo.

5-Inuusan amar siin Karin Ciidamadiisa, balse ay ka amar qaadanayaan Taliyaha Ciidamada Maamulka Jubba.

6-Inuu hurmuud ka ahaan doono Madaxda ay khuseeyso Abaabulka Shirka ka dhici doono Kismaayo ee lagu heshiisiinaayo Beelaha Dega Kismaayo.

7-Inuu u Hogaansamo Awaamirta DF iyo go’aanada kaga aadan Jubba.

8-Ugu dambeyntii in wada-xaajoodka kala dhexeeyo Axmed Madoobe uusan baayicin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ujeedka socdalka Jawari ee Baydhabo

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee horay u joogay Baydhabo, mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo qeybaha bulshada ayaa soo dhoweeyay guddoomiyaha.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu ku sugnaan doono magaalada Baydhabo, isagoo tilmaamay in uu kulamo la qaadan doono qeybaha bulshada ee ku nool magaaladaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii gobollada looga dhisi lahaa maamul ay ku midaysan yihiin dadka deegaanka.

Dhinaca kale, ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka la dhigay ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa AMISOM.

Caasimadda Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Daawo sawirrada: Shirkad diyaarad oo cusub oo Soomaaliya kusoo biirtay

0

Shirkad Cusub oo Diyaaradeed laguna Magacaabo Som-air oo lagu daah furay magaadalada Nairobi ee dalka Kenya, Sawiro .

Waxaa magaalada Nairobi lagu soo bandhigay shirkad Cusub oo la Yiraahdo Som-air, Waxaana Munaasabad si wayn loo soo agaasimay lagu Qabtay Hotel Panari ee Magaalada Nairobi.

Xafladaan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo Qeybgalay Mas’uuliyiin iskugu jirta Ganacsato, Maamulka Shirkada iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Maxamed Cabdi xaliim oo ah Agaasimaha guud shirkada Som-air, Xil dhibaan Mohamed Shidiye oo ka mid ah Xildhibaanada Dowlada Kenya iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka hadashay furitaanka xaflada diyaarada cusub ee Som air.

Mohamed Abdi Halim oo ah Agaasimaha guud ee Diyaarada Soma air oo ku dheeraaday meelaha ay tagi doonto diyaaradu ayaa sheegay in ay duulimaadku tagi doonto, MOGADISHU ah xarunta ugu way ee diyaaradu ka duuli dooto ayadoo duulimaadyo ku tagi doonta: NAIROBI, KAMPALA, YEMEN, ETHIOPIA ,DUBAI iyo gobolada dalka Somalia.

Sidoo kale Mohamed Abdi Halim ayaa sheegay in ay tahay diyaaradu mid ay somalidu leeyihiin oo qofkii raba uu sheerku darsan karo.

Shirkadaan ayaa ka mid Noqon Doonta shirkadaha Diyaaradeed ee Xiligan ka shaqeeya Soomaaliya, kuwaas oo sanadihii la soo dhaafay wax badan u qabtay Umada Soomaaliyeed.

soma air (1)soma air (2)soma air (3)

Ciidamada Barre Hiiraale oo Kismaayo ku dayacan & ballan looga baxay (Xog)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Magaalada Kismaayo  ee Xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dayacan yihiin Ciidamada Col. Barre Hiiraale ee maalmo ka hor gaaray Magaalada Kismaayo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamadaasi oo kor u dhaafaya 85 askari ay Col. Barre kasoo raaceen Duleedka Kismaayo gaar ahaan Deegaanka Goobweyn si loogu dajiyo Xarun ciidan oo ku taalla Kismaayo, hayeeshee markii uu Barre soo aaday Magaalada Muqdisho ciidamadaasi la dayacay.

Sargaal ka tirsan Garabka Barre Hiiraale, ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamada Axmed Madoobe ay heystaan nolol wanaagsan, balse ay iyagu ku noolyihiin meel aysan muteysan.

Waxa uu Sargaalkaasi sheegay in heshiiska uu ahaa in la dajinaayo Xarun Ciidan oo iyaga u gaar ah, balse ballanta looga baxay markii uu Barre Hiiraale usoo dhoofay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa waxa ay sidoo kale, ka cabanayaan nolol xumi lasoo daristay, waxa ayna durbadiiba qeylo dhaan gaarsiiyeen Col. Barre oo xiligaani ku sugan Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in Col Barre Hiiraale uu amar ku bixiyay in Ciidamada ku harsan Duleedka Kismaayo ee aan weli gaarin Kismaayo, ay halkooda kusii nagaadan, kadib markii uu buuq ka dhashay Cabashooyinka durbo kasoo yeeray Ciidamadda.

Barre ayaa waxa uu Taliyaha Ciidamadiisa iyo Afhayeenkiisa ku amray inaan la saari Karin Ciidamo kale oo ku sugan Goobweyn, waxaana la Tilmaamayaa inuu aad uga carooday Ficilada lagu sameynaayo Ciidamada uu heshiiska ku geeyay Kismaayo.

Dajinta Ciidamadda Barre ee Magaalada Kismaayo, ayaa waxa ay qeyb ka aheyd Heshiiskii lagu kala saxiixday Magaalada Kismaayo, kaasi oo ay garwadeen ka ahaayen Wasiiro iyo Ururka IGAD.

Haddii ay suuragasho in Axmed Madoobe uu dayaco Ciidamada Barre ee dib u dajinta loogu sameeyay Kismaayo, ayaa waxaa la filan karaa inuu bur-bur ku imaado Wada-xaajoodka, maadaama Qodobadii lagu heshiiyay ay qeyb ka aheyd xanaaneynta Ciidamadda laga soo kaxeeyay Deegaanka Goobweyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaad ka ogtahay sida Barre Hiiraale loo ogoleysiiyey heshiiska uu qaatay?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Urur gobaleedka IGAD oo ka dhisan geeska Afrika ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabadii uu korneel Barre Hiiraale ku oggolaaday in uu tago magaalada Kisamayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose isla markaana uu aqbalo heshiis ay garwadeen ka ahayd dowladda Soomaaliya iyo IGAD.

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Ambassador Maxamed Cabdi Affey oo saxaafadda ugu warramay maanta magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in lagu guuleysto Barre Hiiraale isaga iyo ciidanka uu watay ay soo galaan magaalada Kismaayo isla markaana ay ka qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta ee Kismaayo ka furmaya bisha Sept.

Wuxuu sheegay IGAD in door badan aaney ku lahayn arrinta Barre Hiiraale looga soo waday Goobweyn balse howsha waxaa billaabay ayuu yiri ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya isaga dhammeestirka u soo diray seddax wasiir oo howsha ku guuleystay ayuu yiri.

Ambassador Affey ayaa tilmaamay IGAD in ay aad u soo dhaweneyso tallaabada dowladda ay ku soo afjartay murankii ka jiray Jubbooyinka in la dhaqan galiyo heshiiskii Addis Ababa ku dhexmaray dowladda iyo maamulka Jubba sannadkii hore.

Wuxuu sheegay oo kale in uu aad ammaanayo Axmed Madoobe oo oggolaaday in uu soo dhaweeyo isla markaana uu waji furan iyo soo dhaweyn ku qaabilo Korneel Barre Hiiraale oo Kismaayo ay ku dagaallameyn.

Danjiraha ayaa la weydiiyay sababta Barre Hiiraale loogu wareejiyay Muqdisho ciidankiisana loogu xareeyay xero Kismaayo ku taalla.

Wuxuu sheegay Ambassador Affeey in Barre Hiiraale uu yahay siyaasi isla markaana magaalada Muqdisho ay xarun u tahay madaxda dowladda sidda madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha isla markaana ay halkaas isku arki doonaan madaxda dowladda kaddibna uu dib ugu soo laaban doono magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn Maxamed Affey ayaa aad u soo dhaweeyay howlaha ay dowladda wado ee ku aadan dib u heshiisiinta iyo isku soo dhaweynta dhinacyadda dagaallamaya ee Soomaalida.

Caasimadda Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku wajahan Baydhabo (Muxuu doona?)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa sheegaya in goor dhow uu Guddoomiyaha ku wajahan yahay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

Wararku waxa ay sheegayaan in guddoomiyaha ay Socdaalkiisa ku wehlin doonaan Xildhibaano kasoo Jeeda Baydhabo.

Socdaalka Guddoomiyaha iyo xubnaha la socda, ayaa waxaa la Tilmaamayaa in Ujeedkooda uu yahay xalinta khilaafka ka dhex-taagan arimaha ku aadan maamulada saddexda Gobol iyo lixda Gobol.

Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka 6-da Gobol, ayaa xaqiijiyay in Prof Jawaari imaanshihiisa uu xooga ku saari doono inuu meel isugu keeno labada Garab ee wada sheeganaaya Maamulada.

Maxamuud Sayid Aadan waxa uu rajo ka muujiyay in Imaanshaha Guddomiyaha Baarlamaanka uu wax wanaagsan kusoo kordhin doono xal u raadinta Khilaafyada ka dhex taagan Labada garan.

Dhanka kale, Siyaasadaha ka taagan Baydhabo, ayaa u muuqaneysa mindi mindi ku tag, waxaana dhowr Jeer halkaasi booqashadeeda ku fashilmay Ra’isulwasaaraha iyo Xubno uu Hoggaaminaayay oo Banaanbaxyo looga soo saaray Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Shariif Xasan Sh. oo tagaya Baydhabo

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wariye ka tirsan Caasimada Online ayaa soo sheegaya in magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ay ku wajahan yihiin saacadaha soo socda wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari.

Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka, waxaa ka mid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horrey xilal uga soo qabtay dowladihii kumeel gaarka ee dalka soo maray.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u fara badan oo ay ku jiraan kuwa Itoobiyaan ah.

Magaalada Baydhabo waxaa horrey ugu sugnaa wafdi dowladda ka socda, waxaana ka mid ahaa wasiirka cayaaraha iyo dhallinyarada Khaliif Cumar Cali iyo Wasiir ku-xigeenka ammaanka Ibraahim Yarrow.

Wafdiga horey u joogay Baydhabo waxaa ay ku howlanaayeen siddii loo dhammeestiri lahaa maamulka seddaxda gobal ee Koonfur galbeed balse ilaa hadda wax la taaban karo uma suurta galin.

Shariif Xasan ayaa si weyn u taageersan maamulka seddaxda gobal oo uu madaxweyne u yahay nin ay dhinaca Hooyada walaalo ka yihiin.

Jawaari ayaa loogu diray Baydhabo siddii uu soo dhammeyn lahaa khilaafka ka taagan halkaas oo labo maamul uu ka dhisan yahay in uu la kulmo Madoobe Nuunow oo weli ku adkeesanaya in uu yahay madaxweynaha lixda gobal ee koonfur galbeed.

Ma cadda sidda uu xaalka noqon doono marka uu Jawaari maanta oo Isniin ah tago Baydhabo Janaay.

Faah-faahinta warkan kala soco boggeena Caasimada Online

XOG: Dadkii ku noolaa SAAX-DHEER & maamulkoodii halkee ayey qabteyn?

Saaxdheer (Caasimada Online) – Kaddib markii Khamiistii hore uu dagaal xooggan ka dhacay deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool, waxaa soo baxaya warar sheegaya in dadkii shacabka ee ku noolaa magaalada iyo maamulkoodii Khaatumo State ay u baxsadeen dhinaca iyo dalka Itoobiya.

Wariye soo arkay xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii ku noolaa Saaxdheer ayaa tagay deeganka Togga Ergo oo ku yaalla dhulka ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, halkaasoo hadda si barakac ah ay ku nool yihiin dadkii reer Saaxdheer iyo maamulkoodii.

Wariyaha ayaa sheegay in meel 20km u jirta Saaxdheer ay ku sugan yihiin mas’uuliyiintii maamulka Khaatumo oo uu ka mid yahay madaxweynaha cusub Prof Cali Khaliif Galer iyo ergooyin badan oo qayb galay caleema saarkiisa.

Wariyaha waxaa kaloo uu sheegay in madaxda Khaatumo ay hadda ku howlan yihiin siddii ay ku dhammeestiri lahaayeen maamulka inta ka dhimman oo ay ka mid yihiin xubnaha baarlamaanka iyo golaha wasiiradda.

Wariyaha ayaa la weydiiyay bal in uu soo arkay wax gargaar ah oo loo fidiyay dadka shacabka ee ku noola Aagga Ergo, wuxuu yiri “Gargaar caalami ah iyo mid kale looma fidin xittaa ma jirto cid sahan ugu timid dadka halkan ku nool”

Wariyaha booqday deegannada ay ku barakaceyn maamulkii iyo shacabkii Saaxdheer ayaa tilmaamay haddii aan gurmad la soo gaarin in laga cabsi qabo inta goobta uu ka dilaaco cudurada faafa maadama la filaayo in ay roobab ka da’aan.

Ugu dambeyn wariyaha waxaa uu sheegay in deeganka Saaxdheer ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland kuwaasoo qabsaday maalintii Khamiista ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Saaxdheer

[email protected]

 

XOG: Col. Barre Hiiraale oo la qasbay

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa soo gaaray wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka, Cabdullaahi Goodax Barre, waxaa kaloo wasiiradda kale ka mid ah maaliyadda iyo garsoorka.

Wafdigan ayaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Kismaayo ku sugnaa, waxaana iyaga iyo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Affey ay ku howlanaayeen siddii magaalada Kismaayo dib loogu soo celin lahaa Korneel Barre Hiiraale iyo ciidamo uu wato oo ku sugnaa duleedka magaalada.

Haddaba Barre Hiiraale siddee ayuu ku yimid Muqdisho?

Marka loo eego hadalka uu sheegay Barre Hiiraale, wuxuu tilmamaay inuu qaatay nabadda oo iridii colaadda la xiray sidda uu yiri markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Barre Hiiraale waxaa kaloo uu horrey u sheegay in uu oggolaaday ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta ee 16-ka bisha na soo aadan ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Arrintaas mid ka duwan waxaa saxaafadda u sheegay Suldaan Xasan Xuseen Naaleeye oo ka mid ah dadka ay isku fikirka ahaayeen Barre Hiiraale,wuxuu yiri Korneelka waa loo hanjabay oo si qasab ah ayaa lagu keenay Muqdisho.

Waxaa kaloo uu sheegay Suldaanka in Barre Hiiraale lagu yiri waa lagu duqeynaa haddii aadan la heshiin maamulka KMG ah ee Jubba isla markaana aadan ka soo tagin deeganka Goobweyn.

Barre Hiiraale kama muuqan markii uu shaley ka soo dagayay garoonka Muqdisho in uu yahay nin la soo qasbay balse waxaa hadalladiisa laga dareemayay in ay weli jiraan khilaaf u dhexeeya isaga iyo Axmed Madoobe.

Barre Hiiraale ayaa laga saaray magaalada Muqdisho sannadkii 2013-ka xilligaas oo isaga iyo rag kale oo sheegtay madaxweynaha ay dagaallameyn Axmed Madoobe oo gacan ka helaya dowladda Kenya. 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Axmed Madoobe oo looga yeeray Muqdisho ( 2 qodob oo shaki abuuray)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed uu u yeeray Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe oo iminka ku sugan Magaalada Kismaayo.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa la tilmaamayaa in Axmed Madoobe uu u qabtay muddo kooban inuu kusoo gaaro Magaalada Muqdisho, si kullan wada-xaajood ah ay Magaalada Muqdisho ugu wada yeeshaan Labada Hoggaamiye ee maalmo qura heshiis ah.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Col Barre Hiiraale uu Ra’isul wasaaraha Dalka u gudbiyay in inta badan Qodobada lagu soo bandhigay Shirka Kismaayo ee kala dhexeeyay Axmed Madoobe ay isku waafaqeen balse ay jiraan laba Qodob oo suuragalin karta in dib uu usoo laba kacleeyo Khilaafka kuwaasi oo uu ku sheegay Dhanka Ciidamadiisa iyo in qaab kale loo adeegsado Qodobada ay kuwada heshiiyeen.

Ra’isul wasaare C/weli ayaa waxaa iminka looga fadhiyaa inuu soo afmeero Khilaafka ka dhalan kara Labadaasi Qodob waxa uuna durbo amar ku bixiyay in Axmed Madoobe uu maalmo gudahooda kusoo gaaro Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, DF ayaa waxa ay mudooyinkaani si gaar ah u daneyneysaa Siyaasadaha kaga xiran Gobolada Dalka Somalia, xilli ay sannad qura ka harsan tahay goortii lagu ballamay doorashada dalka 2016.

Lama Oga Siyaasadaha gaarka ah ee soo dadajinaaya Heshiisyada iyo isu keenida Dhinacyada ku dagaalsanaa Kismaayo, wallow ay warar hoose sheegayaan in Arrinta isu soo dhaweynta ka dambeyso Dowlada Ethiopia oo daneyneysa Kismaayo.

barre-iyo-cabdiweli-1-1024x576

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro iyo xog: Fartaag oo Turkiga ku sugan iyo qorshe laga hor-istaagay !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gen.Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba iyo xubno ka tirsan Maamulkaasi, ayaa waxa ay booqasho ku joogan Magaaladda Ankara Dalka Turkiga.

Gen.Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag iyo Xubnaha wehlinaaya ayaa la tilmaamayaa inay halkaasi u joogan Heshiisyo ay la galayaan Dowlada Turkiga oo iyadu wada Qorsho ay Kismaayo uga hirgalineyso Dhismooyin iyo Mashaariic kale oo aan lala socodsiin DF.

Fartaag iyo Xubnihiisa ayaa waxa ay sidoo kale, halkaasi kulla kulmeen Hogaanka  Siyaasada xisbiga AK party Haydal Ali xildhibaan Zafar Tahmaz iyo Maxamed Erdgan oo adeer u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Booqashada uu madxweyne ku-xigeenka Jubaland ku marayo dalka  Turkiga waxaa ku weheliya Cabdirisaaq Macalin oo ah wakiika Jubaland ee Turkiga.

Dhanka kale, Howlaha shaqo uu Fartaag u joogo Turkiga ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu yahay mid lala baalmaray sharciga Dalka.

Fartaag ayaa waxa ay halkaasi isku arkeen Madaxweyne Xasan iyo Wafdigiisa, waxaana la soo warinayaa in Dowlada Turkiga lagu wargaliyay inaysan dowladda waxba kala socon qorshaha Fartaag, sidaa darteedna ayada oo aan la hadlin dowladda federaalka aysan Kismaayo waxba ka sameyn karin, taasi oo ay aqbashay.

Dowladda Somalia, ayaa waxa ay si kumeel-gaar ah u hakiyay in Shirkadaha Turkiga ay ka howlgalaan Magaalada Kismaayo inta mashaariicdaasi ay baaritaano kusoo sameyneyso Dowlada Federaalka.

Dhanka kale, labada wafdi oo ay kala hogaaminayeen Madaxweyne Xassan iyo Gen. Fartaag ayaa si kam ah ugu wada kulmay Halkaasi xilli Fartaag uu ku howlanaa fulinta Magaariic lala baalmaray sharciga Dalka iyo kan Gobolada ee u degsan DF.

CAASIMADA1CAASIMADA2CAASIMADA3CAASIMADA4

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sirta ku duugan dacwaddii DF Somalia ay gelisay badda (Heshiis qarsoodi ah)

Magaceygu waa Avv. Dr. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed “Tallman” Waxaan ahay sharciyaqaan caan ka ah dalka iyo dibeddaba. Arrinka dacwadan badda ku saabsan oo lagu furay Kenya, waxaan ka oranayaa laba kilmadood.

Qofka Soomaaliya dacwad gelinaaya, maanta oo ay tabar daran tahay, lana socda in Kenya ay garab taagan yihiin reer galbeedka oo dhan, gaar ahaan, NORWAY, waa qof lacag badan ku qaatay in badda loo xukumo Kenya.

Waxaa laga baqay in toos Kenya loogu wareejiyo baddan uu ceegaago shidaalka xad-dhaafka ah; markaasaa arrinka loo qayilay oo la soo hindisay hab kale oo Kenya loogu wareejin karo badda: WAA SAHAL:

Dacwad baan Kenya ku fureynaa oo aan hubno inay iyadu ku adkaan doonto. Sidaas ayaa muraadkiina lagu gaarayaa oo laaluushkii lagu bisleysanayaa, isla markaas, markii Kenya loo xukmiyo, cid eedda la saari karo ma jirto oo waxaan isku difaaceynaa:

Maxkamad caalami ah ayaa xukuntay, maxaan annaga ka qaban karraa?! Annaga dadaal bay naga aheyd oo waxaan rabnay in Kenya aan ka dhicinno baddeenna.

Laakiin, nasiib darro, dacwadii baa naloo kaga adkaaday.

Soomaaliya waa bukaan hadda uun taaftaaf bilaabay, Dawladda Xasan Shiikh Maxamuud oo legdan gelisay Soomaaliya oo tacbaan ah,,
Waa dawlad leh ujeeddo cad oo ah in la bisleysto laaluushka Norway iyo Kenya, baddana kenya lagu wareejiyo.

Dawladdii Shariif Axmed oo rabtay inay badda caddeysato oo ay kaash ka dhigato, waxaa yureeyay barlamaankii waqtigaas.

Bal aan hubsanno barlamaanka maanta jira in uu leeyahay kartidaas, waddaniyaddaas iyo hufnaantaas..

waxaanba maqlaayay: lixdan iyo siddeed (68) xildhibaan oo barlamaanka ka tirsan, waxay wataan baasaboorro ay leedahay dawladda NORWAY.

Alla maxaa Barlamaanka laga soo buuxiyay Xildhibaanno ka wakiil ah Norway. Sow hadda inoo ma cadda sababta raggan reer Norway looga soo buuxiyay Barlamaanka?!

Haddii Xasan Sheekh Maxamuud uu la socdo shirqoolkan, dee isna waa eedeysane, haddii uusan la soconna, waa inuu degdeg wax uga qabtaa ragga doonaya in ay badda dhaafsadaan xoogaa sunuud ah.. Eeddu waa ay qabaneysaa dawladdan, oo mar uun baa lagu maxkamadeyn doonaa, fakan dartii, xataa haddii Soomaaliya ay ku guuleysato dacwadan, dembigu waa taagnaanayaa weli. Maxaayeelay baddeennii baa la geliyay halis lagu waayi kari lahaa.

Avv. Dr. Cabdulqadir tallman
[email protected]

 

 

BEESHA SADE oo 3 qodob hor-dhigtay Barre Hiiraale kadib kullan xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Iloo xog-ogaal ka tirsan Villa Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Habeennimadii xalay Madaxtooyada uu shir xasaasi ah uga furmay Ra’isul wasaaraha Dalka, Barre Hiiraale, Wasiiro, Xildhibaano iyo Odayaal kasoo jeeda Beesha Sade.

Kullanka ayaa waxaa qabsoomidiisa lahaa Ra’isulwasaare C/weli waxaana la Tilmaamayaa inuu qaatay ku dhawaad Afar saac.

Ujeedka kullanka ayaa waxaa lagu sheegayaa inuu ahaa in Beesha Sade ay ka qeybqaatan Hanaanka Dalka loogu soo dabaalayo Nabadgalyada iyo xasiloonida, sidaa darteedna uu Barre Hiiraale ka hor leexdo Maamulka KMG Jubba.

Kullanka oo uu xoogiisu u gaar ahaa  Siyaasiyiinta Beesha Sade, ayaa waxaa lagu lafa guray Heerka ay Beeshu ka taagan tahay Dalka iyo xilalka ay ka heyso Dowlada iyo weliba waxa sababay in Barre uu ka dhaga adeego Awaamirta DF iyo Beesha Caalamka.

Kullanka oo Wakhti badan qaatay ayaa waxaa leysla gartay Seddex qodob oo gundhig u ahaa Shirka gaarka u ahaa Beesha Sade waxaana kamid ahaa:-

1 – In Barre Hiiraale uu Siyaasada iyo Hoggaanka uga dambeeyo Xubnaha Sade uga jiro DFS.

2 – In Barre uusan hor istaagin tallaabo waliba oo kaga imaada dhanka DF, IGAD iyo Maamulka KMG Jubba.

3 – Inuu ku qanco xilka ama xubinimada looga soo dhiciyo Maamulka KMG jubba.

Barre Hiiraale ayaa waxa uu soo dhaweeyay Seddexda Qodob, waxa uuna Madasha kullanka ku wacad maray inuusan ka talaabi doonin go’aanka ay Beeshu soo gaarto.

Dhanka kale, Barre oo ku sugan Villa Somalia ayaa waxa uu xalay halkaasi kulla kulmay Xubno farabadan oo ka tirsan DF, kuwaasi oo kala hadlaayay inuu muujiyo dabacsani, islamarkaana qaato ballan qaadyada kaga imaanaya dhanka DFS.

Waxa uu ahaa kullanka mid uu Biyo dhiciisu ahaa guul iyo Natiijo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

“Axmed Madobe ajnabi ayuu ka yahay Kismaayo yuusan wakhti isaga lumin”

Muqdisho (Caasimada Online)-Suldaan Xassan Xuseen Naaleeye oo kamid ahaa  Odayaashii taageersanaa Col. Barre Hiiraale ka hor inta uusan wada-xaajoodka la galin Axmed Madoobe, ayaa waxa uu kasoo horjeestay Heshiiska laga dhex abuuray Barre iyo Axmed Madoobe.

Suldaan Naaleeye waxa uu Tilmaamay in Barre Hiiraale uu qaadacay Heshiiskii ahaa in Axmed Madoobe aan lala galin wax wada hadal ah, balse Barre uu ku degdegay isaguna uu Cambaareynaayo Arrintaasi.

Suldaan Naaleeye oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ‘’Waa nasiib daro usoo hooyatay reer Kismaayo Barre Hiiraale aad ayuu ugu adkaa go’aanadiisa balse waxaa bedelay oo ka awood weynaaday danaha dalalka dariska la ah Somalia’’

Naaleeye oo intaa kasii ambaqaadayo hadalkiisa waxa uu yiri ‘’Barre Hiiraale go’aanka uu muqdisho ku tagay isaga malaheyn ee waa lagu qasbay aad ayan uga soo horjeednaa Heshiisyada ay gadaal ka riixayaan IGAD iyo DF, waayo Axmed Madoobe oo aan deegaan ku laheyn Kismaayo oo aan waxba dhaamin Ajnabi ayay u xalaaleynayaan Magaalada Kismaayo’’

Sidoo kale, Suldaanka waxa uu sheegay in wada hadalada laga dhex wado Barre iyo Axmed Madoobe aysan aheyn Soomaalinimo iyo Islaanimo, balse loogu gol leeyahay in la meel-mariyo danaha Dowladaha Gariska.

Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uusan aheyn inuu ka arrimiyo Kismaayo, waxa uuna sheegay in Axmed Madoobe uusan kasoo jeedin Kismaayo taasina ay tahay Cadaalad dari.

Dhanka kale, Naaleeye ayaa waxa uu Bulshada Kismaayo uga digay inay qaataan Maamulka lagu naas-nuujinaayo Dowladaha dariska la ah Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: 200 oo Somali ah oo afduub loo heysto iyo 21 lagu dilay wadanka…

Tripoli (Caasimada Online) – Xeryo ku yaalla dalka Libya waxaa ku jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka badan 200 oo dhalinyaro ah, oo afduub loo haysto, islamarkaana qaar ka mid ah la dilay.

Maxamed Aadan oo ka yimid magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu soo gaaray Libya bishii Ramadaan, wuxuuna tilmaamay in uu ku arkay goobta uu ku xiran yahay Soomaali badan oo maalin kasta la jirdilo.

Wuxuu sheegay in uu arkay rag la garaacay iyo dumar Soomaali ah oo la faraxumeeyay, isagoona intaas ku daray in dadka xiran la weydiisto lacago aad u fara badan haddii kale ay u dhintaan jirdil.

Mar uu ka hadlaayay sidda ay ula dhaqmaan kooxaha hubeysan ee ka dhisan dalka Libya, ayuu sheegay in labo ay u qeybsan yihiin waxaana madax u ah ayuu yiri Ma Gaffe iyo Ma Qade.

Raggan ayuu sheegay in lacago ay ka qaataan dadka ay qabsadaan kuwaasoo taga dalka Libya.

Ugu dambeyn Maxamed Aadan ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaalida gaar ahaan dumarka in ay iska joogaan waddankooda oo aaney soo aadin dalka Libya.

Libya ayaa ah dal aan xasillooneen waxaana ka dhisan kooxo jabhado ah oo aaney jirin cid ay ka amar qaataan, waxaana dalkaas uu surin u yahay tahriibayaal badan oo ka yimid Afrika kuwaasoo nolal ka raadsada Yurub.

Waraysiga oo dhamaystiran halkan hoose ka dhegeyso

 

DHAGEYSO: Garoowe oo diinta la isku diidan yahay & siyaasi la gaaleysiiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xassan Xaange Maxamed oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa waxa uu sheegay in Masaajida iyo goobaha Tacliinta Puntland laga shaaciyay inuu diinta ka baxay islamarkaana Gaaloobay.

Xildhibaanka oo shir jaraa’id  ku qabtay Magaalada Garoowe, waxaa uu uga hadlay Arrin Sumcad Dil ah oo uu sheegay in lagu sameeyay ka dib markii doraad Qaarka mid ah Masaajidda Magaalada Garoowe ay Khudbaddii Salaadda Jimcaha ka hor lagu soo qaatay in Xildhibaan Xaange oo ay ku sheegen inuu Ridoobay meeshii lagu arkana uu dhiigiisu banana yahay.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in Isagoo jooga Hooygiisa lagu soo wargaliyay in Magaalada dhan laga baadi goobayo islamarkaana uu Aflagaadeeyay Diinta, hayeeshee uu Arrintaasi ku sheegay mid been abuur ah.

‘’Waxaan ahay nin Islaam ah aad ayan uga xumahay in dad Islaam ah diinta laga saaro, waxaa arrintaan faafiyay Masjidyada balse anigu waxaan cadeynayaa inaan Islaam ahay ninkii dhiigeyga baneysanaayo oo mid u gaar ah’’ Ayuu yiri Xildhibaanka.

Dhanka kale, Xildhibaanka ayaa eedaynta qaarkeed dusha ka saaray midka mid ah website-yada Soomaalida balse magaciisa ma uusan sheegin, waxaana uu intaas ku daray in uusan ka hari doonin dadka Sumcad iyo Sharaf dilka ku sameeyay.

Halkan ka dhageyso xildhibaanka beeniyey gaalnimada

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro dheeri ah iyo war kasoo baxay kullankii Barre Hiiraale iyo Cabdi Weli + Qorshaha xiga socdaalka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xubno ka tirsan Xukuumadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudne Cabdullahi Godax Bare, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo Korneyl Barre Aaden Shire Hiiraale ayaa galabta Muqdisho keenay Col. Barre Hiiraale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Goodax oo saxaafada kula hadlay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ayaa ku tilmaamay go’aanka Bare Hiiraale qaatay mid wax weyn ku soo kordhinaya dib u heshiisinta gobollada Jubooyinka.

“Geesi waxaa ah ninkii nabadda qaata, maanta Barre Hiiraale wuxuu go’aansaday inuu qaato nabadda, markiise horana nabad-diid ma uu san ahayn, laakiin duruufta ayaa dadka kala fogaysay, waxaa bilowday waji cusub oo dadka Jubbooyinku xal uga gaarayaan khilaafaadka dhexdooda ah” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

“Waxaa bilowday shaqo cusub, waxaa bilowday dib-u-heshiisiin dhab ah oo gobollada Jubooyinka laga sameeyo. Dhawaan ayaan filaynaa inuu furmo shir balaaran oo lagu soo afjarayo khilaafaadkii jiray, waxaa farxad noo ah in xubnihii Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay deegaanadaas in ay guul kusoo dhameeyeen wajigii koowaad ee shaqadii naloo xil-saaray”.

Korneyl Barre Aaden Shire (Barre Hiiraale) ayaa dhankiisa sheegay in ciidankiisii lagu xareeyey goobo loo cayimay, bilow fiicana ay u tahay dib u heshiisiinta Jubooyinka.

“Waxaan u mahadcelinayaa guddigii golaha Wasiirrada iyo IGAD, howlihii nabad raadinta ee Jubbooyinka oo hormuudka u ahaayeen Wasiiradu ayaan la qaadanay, waxaan soo xaraynay ciidamaddii, diyaarna waxaan u nahay inaan dhamaystirno howlaha inta dhiman ee dib-u-heshiisiintu ugu horeyso” ayuu yiri Barre.

Waftiga Wasiirada ahaa iyo Bare ayaa waxay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed iyagoona warbixin ka siiyey heerarkii ay soo martay wada xaajoodkii lagu soo afmeerayey in si nabad ah lagu soo xareeyo ciidamadii ku sugnaa goobweyn.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay go’aanka Bare Hiiraale uu qaatay tilaabo wanaagsan iyo guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan dadka Jubooyinka oo colaado iyo khilaafyo ay ragaadiyeen.

” Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo dagta iyo dadka oo nabad ku wada noolaada. Waqtigii dagaalka waa uu dhammaaday,” ayuu yiri R/Wasaare Cabdiweli oo dhanka kale xusay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo ka shaqaynta nabada iyo xalinta khilaafaadka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay wadaxaajood loo dhanyahay iyo wadahadal nabadeed in uu yahay wadada kaliya ee xal waara loogu heli karo khilaafkii u dhexeyay dadka dagan Jubbooyinka.barre muqdisho

bare xamar 1bare xamar 2bare xamar 3bare xamar 4bare xamar 5bare xamar 6bare xamar 7bare xamar 8

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]