31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Sawirro dheeri ah iyo war kasoo baxay kullankii Barre Hiiraale iyo Cabdi Weli + Qorshaha xiga socdaalka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xubno ka tirsan Xukuumadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudne Cabdullahi Godax Bare, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo Korneyl Barre Aaden Shire Hiiraale ayaa galabta Muqdisho keenay Col. Barre Hiiraale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Goodax oo saxaafada kula hadlay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ayaa ku tilmaamay go’aanka Bare Hiiraale qaatay mid wax weyn ku soo kordhinaya dib u heshiisinta gobollada Jubooyinka.

“Geesi waxaa ah ninkii nabadda qaata, maanta Barre Hiiraale wuxuu go’aansaday inuu qaato nabadda, markiise horana nabad-diid ma uu san ahayn, laakiin duruufta ayaa dadka kala fogaysay, waxaa bilowday waji cusub oo dadka Jubbooyinku xal uga gaarayaan khilaafaadka dhexdooda ah” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

“Waxaa bilowday shaqo cusub, waxaa bilowday dib-u-heshiisiin dhab ah oo gobollada Jubooyinka laga sameeyo. Dhawaan ayaan filaynaa inuu furmo shir balaaran oo lagu soo afjarayo khilaafaadkii jiray, waxaa farxad noo ah in xubnihii Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay deegaanadaas in ay guul kusoo dhameeyeen wajigii koowaad ee shaqadii naloo xil-saaray”.

Korneyl Barre Aaden Shire (Barre Hiiraale) ayaa dhankiisa sheegay in ciidankiisii lagu xareeyey goobo loo cayimay, bilow fiicana ay u tahay dib u heshiisiinta Jubooyinka.

“Waxaan u mahadcelinayaa guddigii golaha Wasiirrada iyo IGAD, howlihii nabad raadinta ee Jubbooyinka oo hormuudka u ahaayeen Wasiiradu ayaan la qaadanay, waxaan soo xaraynay ciidamaddii, diyaarna waxaan u nahay inaan dhamaystirno howlaha inta dhiman ee dib-u-heshiisiintu ugu horeyso” ayuu yiri Barre.

Waftiga Wasiirada ahaa iyo Bare ayaa waxay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed iyagoona warbixin ka siiyey heerarkii ay soo martay wada xaajoodkii lagu soo afmeerayey in si nabad ah lagu soo xareeyo ciidamadii ku sugnaa goobweyn.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay go’aanka Bare Hiiraale uu qaatay tilaabo wanaagsan iyo guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan dadka Jubooyinka oo colaado iyo khilaafyo ay ragaadiyeen.

” Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo dagta iyo dadka oo nabad ku wada noolaada. Waqtigii dagaalka waa uu dhammaaday,” ayuu yiri R/Wasaare Cabdiweli oo dhanka kale xusay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo ka shaqaynta nabada iyo xalinta khilaafaadka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay wadaxaajood loo dhanyahay iyo wadahadal nabadeed in uu yahay wadada kaliya ee xal waara loogu heli karo khilaafkii u dhexeyay dadka dagan Jubbooyinka.barre muqdisho

bare xamar 1bare xamar 2bare xamar 3bare xamar 4bare xamar 5bare xamar 6bare xamar 7bare xamar 8

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro iyo Xog: Kullankii dhex-maray Axmed Madoobe iyo BARRE HIIRAALE

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maanta oo Sabti ah gaaray Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale iyo ciidamo uu wato kuwaasoo muddo sannad ka badan ku sugnaa deeganka Goobweyn oo duleedka ka ah Kismaayo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Barre Hiiraale iyo ciidankii la socday la dajiyay Garoonka Madhammaato oo dhowr km u jirra magaalada Kismaayo, sidaas waxaa soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo.

Warka waxaa kaloo uu sheegayaa in Barre Hiiraale iyo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe in ay kulan yeesheen iyagoona xabadka isgaliyay isla markaana sheegay in ay is-cafiyeen.

Qorshaha dib uu ugu laabtay Barre Hiiraale ayaa waxaa ka dambeeyay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya ee Maxamed Cabdi Affeey.

Sidoo kale wararka waxaa ka mid ah in la soo hormariyay xilliga la qabanaayo shirka dib u heshiisiinta kaasoo markii hore ay ahayd in la qabto 21-ka bisha soo socota ee September balse 16-ka ayaa la qaban doonaa sidda ay lee yihiin warar la isku haleen karo oo ay heshay Caasimada Online.

Barre Hiiraale ayaa oggolaaday in uu ku soo laabto Kismaayo isla markaana si shuruud la’aan uu uga qeybgalo shirka dib u heshiisiinta ee Jubbooyinka.

bare iyo madoobe 2bare iyo madoobebarre 2Caasimada Online

DAAWO: Muqdisho oo lagu arkay falal aad looga fajacay…(Daawo la yabkan)

0

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya tan iyo waxii ka dambeeyay 1991 markii ay burburtay dowladii dhexe ee uu madaxweynaha ka ahaa alaha u naxariistee Mahamed Siyaad Barre falal dhaqan xumo ah.

Dhawaan waxaa Qeybta Muuqaalka ee Idaacada VOA laga sii daayay muuqaal dad badani ay ka fajaceyn markii ay daawadaan kaas oo ah haween soomaaliyeed oo si aan xishood laheyd u muujinaya falal laga argagaxo, oo qaadka ku saabsan.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Somaliland oo go’aan ka qaadatay DFS si aad ahna u eedeysay DHUXULOOW

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay dowladda fedaraalka Soomaaliya in ay ka qeyb ka ahayd shirkii ka dhacay deeganka Saaxdheer ee lagu doortay madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr isla markaana waxay intaas ku daray in wadahadalkii u socday iyaga iyo dowladda uu ku yimid dhaawac.

Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland, Cabdullaahi Maxamed Daahir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku eedeeyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow in uu si bareer ah ugu mashquulay maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay Idaacadda iyo Talafishanka dowladda in ay markasta ka hadlaan arrimaha Somaliland sidaas darteedna ay u garteyn in dowladda Soomaaliya oo dhan ay isla qabto arrintaas sidda uu yiri.

Wasiirka waxaa kaloo uu tilmaamay in dowladda ay xildhibaanno u soo dirtay deeganka Saaxdheer oo dagaal uu ka dhacay Khamiistii isla markaana ay doonayaan in qas iyo jahwareer ka abuuraan deegannada Somaliland.

Wasiirka wuxuu xaqiijiyay in Somaliland ay labo wasiir u dirtay dalka Itoobiya si ay ugala soo hadlaan in Cali Khaliif Galeyr uu soo galo dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wasiiradaas ayaa kala ah Arrimaha dibedda iyo arrimaha Gudaha Somaliland.

Ugu dambeyn wasiirka mar la weydiiyay sidda ay u arkaan war qoraal ah oo ay soo saareyn Midowga Yurub, QM iyo Maraykanka kaasoo lagu amrayay in Somaliland ay ciidankeeda kala soo baxdo deeganka Saaxdheer, wuxu sheegay in beesha caalamka aanu waxbo ka galin arrimaha Somaliland.

Hadalka wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa ku soo aadaya iyadoo maalintii Khamiistii ee la soo dhaafay uu dagaal xooggan ka dhacay deeganka Saaxdheer halkaasoo lagu waday in uu ka dhaco dagaal u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo State.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

DF Somalia oo faahfaahisay dacwadda ay ka gudbisay badda SOOMAALIYA

Belgium (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay warqad dacwad ah oo ay ugudbisay maxkamadda caalamiga ee dambiyada ICG taasoo lagu codsanaayo in wax laga qabto muran xagga badda oo kala dhexeeya dowladda Kenya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Belgium, Dr Cali Saciid Fiqi ayaa VOA-da u sheegay in warqada dacwadda uu isaga u gudbiyay maxkamadda ICG si loo kala caddeeyo xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya.

Safiirka wuxuu kaloo sheegay in warqadaas oo ka timid madaxweynaha Soomaaliya uu isaga iyo la taliyaha dhinaca sharciga ee madaxweynaha ay tageyn xarunta ICG ee dalka Holland si loo kala saaro muranka ka dhexeeya labada waddan.

Safiirka mar uu ka hadlaayay wax yaabaha muranka dhaliyay, ayuu sheegay in dowladda Kenya ay ku soo xad gudubtay biyaha Soomaaliya iyadoo billaabtay in ay shidaal ka qodo dhulka Somalia isla markaana ay heshiis la gashay shirkado ajnebi ah oo ay ka mid tahay Total oo laga lee yahay Faransiiska.

Dr Cali Saciid Fiqi ayaa sidoo kale sheegay arrintaas in ay u cuntami weysay dowladda Soomaaliya isla markaana ay billowday in ay dacwad u gudbiso maxkamadda ICG taasoo loo unkay in ay kala saarto muran ka dhexeeya labo waddan oo isku heesta dhul.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo dalka Belgium ayaa ku celceliyay in ay jireen dedaalo diplomaasi oo lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka labada waddan balse uu ku guul darreestay.

Si kastaba, warbixin ay soo saartay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada ayaa waxa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka codsatay maxkamadda in ay go’aan ka gaarto arrintan.

Haddaba Soomaaliya waxa ay rabtaa in marka la xadeeynayo badda, in loo fiiriyo dhulka ku dhow lalana simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la sameeyo xariiqin dheer oo kala barta badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Warbixintan oo ay soo saartay maxkamada ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in labada wadanba ay aqoonsan yihiin awooda maxkamadda.

Warbixinta ayaa waxa ay sidoo kale soo xiganeysaa in Soomaaliya ay sheegtay in lagu guul dareystay in si diblumaasiyad ah lagu xaliyo murankan.

Dacwadaha lageeyo maxkamadan waxa ay qaadan karaan in go’aan laga gaaro sannado badan.

Caasimda Online

Xafiiska Wararka Belgium

[email protected]

MAAMULKA SOMALILAND oo dacwo ka dhan Cali Khaliif u gudbiyey ETHIOPIA

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in maamulka Somaliland uu u diray magaalada Addis Ababa, labo wasiir kuwaasoo kaddib markii maalintii Khamiistii dagaal uu ka dhacay deeganka Saaxdheer oo u dhow soohdinta Itoobiya.

Labadan wasiir ayaa dacwo ka ah dowladda Itoobiya maadama goobta dagaalka uu ka dhacay ay u dhow dahay Itoobiya isla markaana meel gudaha Itoobiya ay ka dhacday xaflad lagu caleema saarayay madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State, Cali Khaliif Galeyr.

Sida aan wararka ku helnay labada wasiir ayaa dowladda Itoobiya ka codsan doona in ay la adkeeyo ammaanka soohdinta u dhexeysa isla markaana aan loo oggolaan Cali Khaliif Galeyr iyo xubnaha la socda in ay shirar ama kulamo ku yeeshaan deegannada dhinaca Itoobiya soo xigga.

Maamulka Somaliland ayaa aad uga carooday xafladda ka dhacday deeganka Togga Aragsan oo ku taalla gudaha Itoobiya, taasoo lagu caleemo saaray madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr, kaddib markii deegaankii lagu waday in ay ka dhacdo xafladda ay weerareen ciidanka Somaliland.

Somaliland ayaa ku eedeeysay dowladda Itoobiya in ay marti galiyeen Cali Khaliif Galeyr taasna ay tahay wax ka baxsan xiriirka u dhexeeya labada dhinac sida ay sheegayaan diplomaasiyiin.

Si kastaba, Somaliland ayaa u aragta maamulka Khaatumo mid doonaya inuu kala dhantaalo riyada beenta ah ee Somaliland ay ku dooneyso in ay ku noqoto dal madax banaan oo ka go’ay Soomaaliweyn.

Maamulka Khaatumo ayaa isna leh annaga waxaan dooneynaa midnimada Soomaaliya, waana waxa nalagu dagaallamayo oo ay loo weerarrayo deegannada ay maamulaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Xog: Xasan Sheekh & Safiirka Somalia ee Turkiga oo isku dhagan + C/KARIIM GUULEED oo laga gadayo ERDOGAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-Xog-Ogaal oo ka mid ah diplumaasiyiinta ku sugan Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheikh Maxamuud uu Safiirka Somalia u fadhiya dalka Turkiga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu kala hadlay Arrimaha Safaarada iyo dadaalada DF kaga aadan.

Diplumaasiyiinta ayaa inoo xaqiijiyay in kullanka Madaxweynaha iyo Safiirka ay isku soo hadal qaaden isbedelada DF ay wado, taasi oo ay saameyn ku yeelan doonto inta badan  Safiirada Somalia u fadhiya Caalamka intiisa kale.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegayaa in Safiir Maxamed Mursal uu ku wargaliyay inay suuragal tahay inuu saameyo Isbedelada, waxaana la tilmaamayaa in Xassan Sheikh uu Danjiraha u sheegay in DF ay si gaar ah ugu xisaabtameyso Dalka Turkiga.

Sidoo kale, Maxamed Mursal ayaa dhankiisa ka sheegay in wax waliba uu diyaar u yahay balse ay mudan tahay in Arrinta isbedelka lagu qanciyo Beesha  uu isaga kasoo jeedo oo aan ku qanacsaneyn In xilka uu baneeyo.

Maxamed Mursal ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan u muujiyay in marnaba uusan faarujin doonin Xafiiska uu ku magacaaban yahay, balse uu Ogolyahay in lagu cadaadiyo Howshiisa.

C/kariin Guuleed oo la hadal haayo inuu bedeli doono Safiirka iminka Somalia u fadhiya Dalka Turkiga, ayaa waxa uu kamid yahay Mas’uuliyiinta Madaxweyne Xassan ku wehlinaayay Safarka uu ku joogo Dalka Turkiga, waxaana la Tilmaamayaa in Madaxweyne Xassan uu Erdogan u bidhaamiyay in DF ay wado qorsho cusub oo ay ku bedeleyso Safiirada ka jooga Wadamada kale, islamarkaana ay suuragal noqon karto inay soo magacaaban Safiir Cusub, waxaana la soo warinayaa in Arrintaasi uu soo dhaweeyay Erdugan.

C/kariin Guuleed oo la saadalinaayo inuu noqonaayo Safiirka Cusub ee Somalia u fadhin doono Turkiga, ayaa waxa uu iminka Magaalada Ankara kullamo kula qaadanayaa Mas’uuliyiinta Dowladaasi iyo Siyaasiyiinta ka howlgasha Safaarada.

Dhanka kale, Warbaahinta Maxaliga ayaa waxa ay maalmahaani hadal heysay Isbedel ay DF ku sameyneyso Safaaradaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

TARSAN oo soo bandhigay 5 qodob oo xasaasi ah oo SOOMAALIYA la haray

Muqdisho (Caasimada Online)- Mohamed Ahmed Nur ”Tarsan” Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ayaa waxa uu Bartiisa Facebook kusoo daabacay Qoraal uu uga hadlaayay heerka uu gaarsiisan yahay burburka dalka iyo sababaha keenay burburkaasi.

Tarsan oo qoraal yar kusoo daabacay Bogga uu Facebook ku leeyahay ayaa waxa uu ku muujiyay kalsooni darida ka dhex taagan Dadka soomaaliyeed ee saameynta ku yeeshay bur-burka.

Nuqul kamid ah qoraalka uu Tarsan kusoo daabacay Facebook-giisa ayaa waxa uu u qornaa ‘’Soomaalidu wey ku adagtahay gaarida xal waara, waxaa dishay Arrimo badan oo salka ku haaya Qabiilka iyo is naceebka’’

Sidoo kale, Tarsan waxa uu Bur-burka iyo dayacida Dalka u sababeeyay 5-Qodob oo kala ah:-

1- “Siyaasi” maaldoon ah

2- Mas’uul Beenlow ah

3- “Aqoonyahan” Khaa’in ah’’

4- Odey Dalaal ah

5-Sargaal Jaahil ah

Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Dalka Somalia aysan ka dhalan doonin Cadaalad ama Hormar ilaa laga ciribtiro Qodobadaasi.

Dhanka kale, Qoraalka oo ahaa mid gaaban ayaa waxa uu kusoo gabagabeeyay Afeef

in qoraalkaasi uusan aheyn mid uu ku duraayo shaqsi gaar ah, balse uu yahay mid xaqiiqda ka turjumaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Xildhibaanno iyo saraakiil u heshiiyay Somaliland (Maxaa ka socda XAMAR?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ku kulmay Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo kasoo jeeda Sool iyo Sanaag.

Ujeedka kulanka Xildhibaanada iyo Saraakiisha ayaa waxaa lagu sheegay inuu salka ku haayay Weerarkii ay Ciidamada Maamulka Somaliland ku qaadeen Deegaanka Saax-dheer xili ay ka soctay Munaasabad lagu caleemo saarayay Madaxweynaha Maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr.

Xildhibaanada iyo Saraakiisha ayaa sheegay in Ficilka ay Ciidamada Maamulka Somaliland ka geysteen Saax-dheer uu dhiiri galinaayo Bulshada kasoo jeeda Khatumo, waxa ayna Tilmaameen in aan leysaga hari doonin oo lagu xisaabtami doono.

Xildhibaan C/waaxid C/llaahi Jaamac oo kamid ahaa Xildhibaanada kulmay ayaa waxa uu sheegay in Falka ka dhacay Saax-dheer uu yahay mid ay Taariikhdu xuseyso, waxa uuna intaa ku daray in dhacdadaasi Maamulka Khatumo ka bixin doonto Jawaab lamid ah kan Saax-dheer.

‘’Waa ayaan daro inay weerar la kawsadaan dad shacab ah oo aan ku jirin Siyaasadda. Waxa ay u bareeren inay xasuuqan masaakiinta, balse lagama aamusi doono oo waxa ay qaadanayaan Jawaab’’

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ‘’Dadka ay qabteen Ciidamada Somaliland waa dad xoolo-dhaqato ah, haddii ay run sheegayaan hasoo bandhigaan muuqaalkooda yeysan ka been sheegin Mas’uuliyiinta Maamulka oo ay dhahayaan wan qabanay’’

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa waxa ay Maamulka Somaliland ugu baaqen in Ciidamadooda ay ka dulqaadan shacabka.

Dhanka kale, Kullanka Mas’uuliyiintaani kasoo Jeeda Sool iyo Sanaag ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli DF,QM, Yurub iyo Mareykanka ay si wada jir ah u Cambaareeyen weerarka lagu qaaday Deegaanka Saax-dheer.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XASAN SHEEKH: Muxuu kala socdaa muranka xadeynta BADDA SOMALIA ee loo gudbiyay maxkamada sare ee QM?

Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee AP maalintii shalay (August 28, 2014), Soomaaliya waxay maalintii khamiista weydiisatay Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Hague in la calaamadeeyo xuduudda badda ee ay Soomaaliya la wadaagto waddanka Kenya.

Sida warku sheegay, codsiga ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah waxay ku sheegtay ” in labada waddan ay isku afgaran-waayeen halka ay mareyso xuduudda badda ee u dhaxeysa, ayadoo labada waddanba ay sheeganayaan dhul-badeed isku mid ah”.

Warkaan culus ee saameynta ku yeelan doona aayaha dambe ee dhul-badeedka Soomaaliya, ayaa wuxuu durbaba sababay dareen diidmo ah oo ay ka muujiyeen waxgaradka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed. Waxayna aqoonyahannadu aad uga digeen halista ka imaan karta arrinkaan haddii aan shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaankoodu go’aan degdeg ah oo diidmo ah kala hor imaannin.

Bil ka hor ayay aheyd markii aan faafinay qoraal aan cinwaan uga dhignay, CADDEYN: Qoraalkii XASAN SH ee QM waxaa diyaariyey NORWAY iyo KENYA: Badda Somalia oo gacanta ka baxday, waxaana ka dignay halista uu qoraalkaasi xambaarsanaa .

Madaxweynaha DFKM marar badan wuxuu ku celceliyay inuusan u war haynin wax muran dhul-badeed ah oo Soomaaliya kala dhaxeeya waddamo kale. Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu munaasabado badan ka sheegay in aysan Soomaaliya cidna dacwo u qabin, ciddii dacwo qabtaana ay dacwooto!

Waxaa haddaba isweydiin leh, madaxweynuhu wax ma kala socdaa dacwaddan loo gudbiyay maxakamadda caalamiga ah ee Hague?

Sida ku cad wareysiyo ay bixisay wasiiraddii hore ee Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Fowsiyo X. Aadan, kuna cad warqaddii wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiirrigelinta maalgashiga Dr. C/Raxmaan Bayle uu u gudbiyay QM, waxaa cad inuu madaxweynuhu wax kala socdo hamuunta horornimada ee ay Kenya ku hunguriyeynayso dhul-badeedka Soomaaliyeed.

Waxayna dad badani is weydiinayaan waxa ay ku dambeyn doonaan haddalada marin habaabinta ah ee maalmahaan dambe uu caadeystay madaxweyne Xasan Shiikh. Horay madaxweynuhu wuxuu u sheegay in qoraalkii ku saabsanaa xadeynta badda Soomaaliya ay diyaariyeen khubaro Soomaali iyo ajnabi leh, laguna diyaariyay hanti Soomaaliyeed iyo canshuurtii dalka. Halka dowladda Norway ay qoraalkaas dhexdiisa ku caddeysay in 100% kharashaadka ku baxay howshaas ay bixisay dowladda Norway, ayna qoraalka diyaariyeen khubaro ka socotay, wasaaradaheeda: Arrimaha Dibadda, tan Batroolka iyo hay’adda u qaabilsan naqshadeynta.

Kenya waxay muddo ku taamaysey – oo dadaal xusul duub ah u gashay – in ay marka hore muran geliso dhul-badeedka Soomaaliya, markaasna hesho madax Soomaaliyeed oo la ogol in dhul-badeed-ka Soomaaliya muran ku jiro, kaddibna ay markaas maxkamad isla tagaan.

Sida laga war hayo dawladda Kenya waxay arrintan u tabaabul shanaysey muddo dheer ayadoo hanti iyo aqoon farbadan gelisey sidii ay qiil ugu heli lahayd kuna xalaalaysan lahayd dhul-badeedkaas ay muranka gelisey oo batroolku ceegaago. Halka dalwadda Soomaaliya aysan wax tabaabaulsho arrintan u gelin, arrinkooduna u muuqdo cidna uma maqna ceelna uma qodna.

SomaliTalk waxay aad uga degiseysaa, shacabka Soomaaliyeedna ku baraarujinaysa, in ay ka hor yimaadaan tallaabadan ay qaadan DF ee Soomaaliya oo soohdimaha dhulka Soomaaliya ku yeelan doonta raad aan laga soo kabsan. Waayo go’aanka ka soo baxa Maxkamadda Hague haddii Kenya loo xakumo dhul-badeedka ay muranka gelisey wuxuu go’aankaasi noqonayaa kama dambays.

Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in ummadda Soomaaliyeed iyo hoggaankooda (culimaa’udiin, oday dhaqameed, waxgaradka, siyaasiyiinta iwm) ay si aad ah uga hor yimaadaan hagar daamada lala damacsan yahay.

apbadda

Qoraalka AP: http://hosted.ap.org/dynamic/stories/E/ EU_WORLD_COURT_SOMALIA_KENYA? SITE=AP&SECTION=HOME&TEMPLATE=DEFAULT&CTIME=2014-08-28-13-56-18

Faafin: Somalitalk.com

SOOMAALI Maraykan lagu dilay SYRIA

Minneapolis (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa baahiyay in nin Soomaali ah oo ka tagay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesotauu ku dhintay dagaalka ka socda dalka Syria.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Muxumad ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dhallinyaro ka tagtay dalka Maraykanka oo ku biiray dagaalka Syria ka socda siddaas waxaa ku warramay Fox News.

Cabdiraxmaan Bashiir waxay saaxibo ahaayeen ninka Soomaaliga ah ee lagu dilay Syria, wuxuu warbaahinta u sheegay in uu marnaba ka filneynin Cabdiraxmaan Muxumad oo uu yaqaanay Cabdifataax in uu aado bariga dhexe isla markaana uu halkaas ku dhinto.

Wuxuu sheegay oo kale ninkan muddo in ay is yaqaaneen isagoona ku tilmamaay qof bulshaawi ah oo markasta jecel in uu la soco dhallinyarada.

Wuxuu kaloo sheegay in uu Cabdiraxmaan ahaa Aabe leh carruur oo deggan magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

“Shaqsi aad u fiican ayuu ahaa Cabdifataax, aabo ayuu ahaa oo carruur ayaa u joogay inta badan wuxuu ahaa nin masaajidka ku xiran, waana qof dad badan la socday” ayuu yiri Cabdiraxmaan Bashiir.

Waxaa la weydiiyay wax yaabaha ku kalifi kara wiilkan in uu aado bariga dhexe isla markaana uu halkaas ku dhinto.

Wuxuu sheegay in uusan aqoon waxyaabaha ku kalifay saaxibkiisa in uu aado Syria oo uu ku biiro dagaalka dalkaas ka socda balse wuxuu yiri waxaa arrintaas sahlay aaladaha bulshadda ay ku xiriiraan iyo warbaahinta oo si weyn uga hadlay dagaallada Syria ka socda.

Ma ahan qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo la sheego in uu ku dhintay dagaalka Syria, waxaa jirta warar sheegaya in Soomaali badan ay ku biireen dagaallada Syria ka socda.

Caasimda Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

RAAD-RAAC: Sidee ayuu boobka Kenya ee badda SOMALIA ku soo billowday?

Nairobi (Caasimada Online) – Kaddib markii dowladda Soomaaliya ay ugudbisay maxkamadda caalamiga ee dambiyada ee ICG oo fadhigooda uu yahay dalka Holland warqad cabasho ah oo ay ku muujineyso in ay iyada iyo Kenya ay ku muran san yihiin xuduud badeeda Soomaaliya, ayaa arrintaas waxaa la muujiyay walaac ballaaran.

Goorma ayuu soo billowday damaca Kenya ay ku dooneyso badda Soomaaliya?

Wuxuu soo billowday sannadkii 2009-kii xilligaas oo dalka ay ka jirtay dowlad KMG ah oo uu madaxweyne ka yahay Shariif Sheekh Axmed.

Arrintaas ayaa timid markii wasiirkii hore ee iskaashiga xiriirka caalamiga, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Kenya Mosas Watangula ay ku kala saxiideen magaalada Nairobi heshiis is fahan oo la xiriira xuduuda badda ee labada dal.

Haddaba heshiiskaas ayaa shaki ballaaran uu ka dhashay, waxaana shacabka Soomaalida ay ka muujiyeen sas iyo walaac aad u ballaaran maadama la sheegay in heshiiskaas uu ku jirro qoddobo xalaal uga dhigaya Kenya baddaSoomaaliya ay xaqa u lee dahay.

Haddaba markii uu murankaas soo baxay, ayaa heshiiska waxaa la hor geeyay xildhibaannada baarlamaanka si cod loogu qaado.

Maxaa dhacay?

Inta badan xildhibaananda joogay kulankaas oo ku dhawaa 400 ayaa cod dheer ku diiday heshiiskaas, waxaana ay ku tilmaameyn mid lagu doonayo in lagu baneesto badda Soomaaliya.

Haddaba Kenya intaas kuma joojin damaceeda ay ku dooneyso in ay ku hesho badda Soomaaliya, sannadkan ayaa markale ay soo celisay Kenya qorshaha ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa heshiis Isfahan lagu sheegay la gaartay dhiggeeda dalka Kenya Aamino Maxamed.

Madaxda dowladda ayaa dadka Soomaaliyeed ugu laab qaboojiyay in aysan oggolaan doonin hal taako oo biyaha Soomaaliya in lagu qaato, waxaana madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan u qoray golaha ammaanka QM warqad uu ku caddeenaayo xadka biyaha Soomaaliya.

Haddaba xuduud badeedka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu yahay 200 oo niyitikaal Meyl, waxaana sidaas lagu sheegay qoraal la qoray sannadkii 1987, balse heshiis soo baxay sannadkii 1989kii ayaa lagu sheegay in dal kasta uu lee yahay dhul badeed xajmigiisa uu yahay 12 niyutikal Mayl.

Haddaba Soomaaliya ayaa laga rabaa in ay kala doorato labadaas xuduud badeed??.

Dowladda Soomaaliya ee caalamka uu aqoonsanyahay ayaa waxa ay dadaal ugu jirtaa in ay dib usoo celiso maamulka xuduudaheeda ee badda.

Waxaana ka mid ah meelaha ay dooneyso in ay gacanta ku dhigto xuduudda dhinaca badda ah ee u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya oo ay ciidan ka joogaan Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay dooneyso in iyaduna ay gacanta ku dhigto dhul badda ah oo dhirirkiisu gaarayo 100-km oo wareeg ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Col. Barre Hiiraale oo galay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Col. Barre Hiiraale iyo ciidamadiisa ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, in ka badan sanad kadib markii dagaal looga saaray magaalada, oo uu ku sugnaa deegaanka Goobweyn ee duleedka magaalada.

Sida ay wararka sheegayaan, ciidamada Barre Hiiraale ayaa waxaa hubka ka dhiggay ciidamada Amisom ee jooga magaalada, kuna xareeyey jaamacadda Kismaayo, tallaabo u muuqata inay soo geba gebeyn doonto collaaddii Kismaayo.

Barre, ayaa sidoo kale la sheegay inuu kullan la lee yahay hoggaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Sida warku lee yahay, marka wada hadalka uu dhammaado, waxaa Barre Hiiraale uu u duuli doonaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuusan Kismaayo ka bixi doonin, oo uu halkaas degi doono.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii wafti ka socda dowladda Soomaaliya oo wasiiro ah iyo xubno IGAD ah ayaa gaareen Kismaayo, kana dhaadhiciyeen Barre inuu is dhiibo, dagaalkana dhaafo.

Faah-faahin dheeraad ah naga filo dhowaan Insha Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

BEESHA CAALAMKA oo loogu baaqay in maxkamad la soo taago SIILAANYO

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Jimco ah shir jaraa’id ku qabtay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegannada maamulka Khaatumo waxaana ay ka hadleyn dagaalkii shaley ka dhacay deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool.

Xildhibaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Jaamac oo u hadlay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta Muqdisho ku shiray ayaa sheegay maamulka SNM in uu gumaad ka geestay deeganka Saaxdheer sidda uu hadalka u yiri, wuxuuna intaas ku daray in dad shacab ah lagu laayay isla markaana dad socoto ah ay dhaheyn ciidanka mamaulka Somaliland waa maxaabiis aan ka qabsanay Khaatumo State.

Xildhibaanka ayaa ku celceliyay in hoggaamiyaha maamulka Somaliland uu dambi dagaal ka galay dadka ku dhaqan gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Xildhibaanka wuxuu kaloo gar-darro cad ku tilmaamay duulaankii ciidanka Somaliland ay ku qaadeyn deeganka Saaxdheer oo lagu waday shaley in ay ka dhacdo caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland Pro Cali Khaliif Galeyr.

Ugu dambeyn xildhibaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Jaamac ayaa ka codsaday beesha caalamka in maxkamad la soo taago madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku eedeyay in uu ka dambeeyo dadka lagu xasuuqay deeganka Saaxdheer.

Si kastaba, in ka badan 10 qof oo u badana dhinacyada dagaallamay ayaa ku geeriyooday dagaalkii shaley ka dhacay deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

QM, EU & US oo war cad kasoo saaray xasuuqii Somaliland ee SAAX-DHEER

Nairobi (Caasimada Online) –  Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa sheegay inay ka walwalsan yihiin xaaladda tuulada Saax Dheer.

War saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen saddexda ergay ee UN, EU iyo Maraykanka ayaa waxay ku baaqeen in ciidammada hubaysan laga saaro halkaas iyo in ay sameeyen dedaal wadajir ah, si loo dajiyo xaaladda, looguna xalliyo khilaafka nidaam wadahadal oo nabadeed.

Wakiilada Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo midowga Yurub ayaa ugu baaqay qaybaha ay ka dhax oogan tahay xiisaddaan in ay si degdeg ah u billaabaan dedaalo muujinayo doonis dhab oo ku aadan abuuritaanka xaalado muhiim u ah daganaansho waarto oo ka dhacda gobolka.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiisyada wakiilada ayaa ka dalbaday maamulka Soomaaliland iyo dadka dagan gobolka xiisadda colaadeed ay saameynta ku yeelatay in ay isku howlaan waddo nabadeed oo wax dhisaysa si qaab wadajir ah meesha looga saaro khilaafka.

Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dhammaan qaybaha in ay raadiyaan heshiis xeer-jajab ku dhisan iyo in laga shaqeeyo nabad iyo daganaansho waara oo ka hirgasha gobolka.

Ciidamo xooggan oo ka socda maamulka Soomaaliland, ayaa la sheegay in ay soo wareeraan deegaanka Saaxdheer oo dhowaan looga dhawaaqay madaxweynaha maamulka Khaatumo.

Somaliland ayaa maalin ka hor sheegtay in ciidammadeeda ay qabsadeen Saax Dheer, oo la filayay in lagu qabto xaflad lagu caleemi saari lahaa madaxweynaha Khaatumo.

Cali Khaliif Galayr ayaa dhawaan loo doortay madaxweynaha Khaatumo.

Xildhibaan Ibraahim Guure oo ka tirsan Khaatumo ayaa beeniyay qabsashada Saax Dheer ee Somaliland sheegtay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DF oo ku dhaqaaqday arrintii badda ee laga cabsida qabay, tagtayna HAGUE

Hague (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maxkamadda ugu sarreysa QM weydiisatay inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka ay la wadaagto Kenya, Caasimada Online ayaa xaqiijin karta.

Dowladda Soomaaliya waxa ay kiiska dacwadda khamiistii ka diiwaan gelisay Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (International Court of Justice), ee fadhiggeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands, ayada oo sheegtay in labada waddan ay garwaaqsan yihiin in la xaliyo wax ay ugu yeertay “Xudduudda lagu muran san yahay”.

Codsiga dowladda Soomaaliya ay u gudbisay maxkamadda waxa ay ku sheegtay in labada waddan (Somalia iyo Kenya) ay isku diidan yahay halka ah xadka badda iyo xuquuqda uu cabir ahaan dal kasta u lee yahay iyo qaabka cabirku yahay.

DF waxa ay intaas ku dartay in dadaallo diblomaasiyadeed oo socday ay guul darreysteen.

Dhulka Kenya isku dayeyso inay ka boobto Soomaaliya, ayaa la ogaaday inuu saliidda iyo shidaalka qani ku yahay, waxaana xukuumadda Nairobi ay goor horeba bixisay qnadaraasyo arrintaas la xiriira.

Soomaaliya oo dhacda waqooyiga Kenya waxay dooneysaa in xuduudda badda ay ku qad ama line ahaato tan dhulka ee Koonfurta Bari, halka Kenya ay dooneyso in xuduudda badda ay dhinaca bari usoo qaloociso, taasi oo dhul aysan lahayn siin kara, sida ku cad sawirka hoose.

Go’aanka ay gaari doonto maxkamadda Hague oo ah tan ugu sarreysay adduunka, waxa uu noqon doonaa mid kama dambeys ah oo aan dib looga laaban doono, inkasta oo uu sanado qaadan karo.

Waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay sammeysay qalad weyn, ayada oo dacwadda furtay, sababta ah waxaa qasab ku noqon doonta inay caddeymo badan keento, maadaama ayada ay dacwooneyso.

Waxa ay tani ka dhiggan tahay sheekadii Soomaalida ee ahayd “Ku qabso ku qadi meysidee”, waxaana yaab leh in dowladda Soomaaliya ay si cad u sheegtay in murran uu ku jiro badda Soomaaliya, halka xaqiiqdu ay tahay in wax muran ah uusan jirin, balse Kenya ay abuurtay muranka.

Maadaama Kenya ay sheeganeyso dhul badeed Soomaaliya ay leedahay, waxaa qasab ahayd in ayada ay dacwooto, waayo ayada oo boob wadda, kadibna Soomaaliya waxaa ku filnaa ina is-difaacdo.

Hal tusaale waxaa kuugu filan, Dhammaan shirkadihii ay Kenya siisay qandaraasyada waa ay diideen inay shidaal ka baaraan oo ay qarash geliyaan dhulka ay sheegatay, taasi oo dhabar jab weyn ku ah Kenya, Waxaana ay codsadeen in arrinta xal laga gaaro marka hore, sidaa darted ayey Kenya dooneysaa in go’aan caalami ah deg deg loo gaaro. Haddaba, maadaama ay Kenya dooneyso in go’aan la gaaro, oo dhulka ay sheegatayna aysan waxba ku qabsan karin, maxaa dowladda Soomaaliya waalaya oo ku qasbaya inay go’aan-ka ayada raadiso.

Waxaa dowladda Soomaaliya ku filnaa kaliya inay arrintan ka aamusto, oo ay dacwooto marka ay dhacdo in dhul badeedka Soomaaliya shidaal laga baaro, taasi oo aan dhaceyn, maadaama shirkadaha caalamiga aysan lacag ku bixineyn meel muran la geliyey.

Lama yaqaan waxa ku kalifay madaxda Soomaalida inay tallaabadan qaataan, waxaase muuqata tuhunkii la qabay ee ahaa inay Kenya kala shaqeynayaan sidii ay dhul badeed Soomaaliyeed ku xalaaleysan lahayd.

Kenya, waxa ay iminka joogtaa meeshii ay dooneysay, haddiiba arrintii badda Soomaaliya ay dowladdii Soomaaliyeed maxkamad caalami ah geysay, waana 50-50.

Waxaa xusid mudan in Kenya ay xubin ku leedahay guddiga arrintan u fariisan doona, waxaa kale oo xusid mudan in dowladda Norway ay gacan weyn Kenya ku siineyso arrintan.

Dowladda Kenya waxa ay qabsatay shirkadda qareenada ee ugu wanaagsan adduunka marka ay timaado murnnada ka dhaxeeya dowladda, waxaana la sheegay in qareenada Kenya ay qabsatay aan weligood kiis noocan ah looga adkaan.

Soomaaliya, oo ah dal aan dowlad wanaagsan lahayn, saaxiibo badan caalamka ku lahayn, Islaam ah oo kuwa u garnaqayana ay yihiin gaalo, maxay ka filan kartaa kiiskan?

Baarlamanka Soomaaliya waxaa la gudboon inay si deg deg ah ugu dhaqaaqaan, ayna joojiyaan dacwadda, lana beddelo luuqadda ah “Dhul badeedka lagu muransan yahay”.

Caasimada Online, waxa ay ka codsaneysaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka aqoonta illaah siiyey inay kacaan, oo ay arrintan wax badan ka qoraan, waxaana soo dhoweyneynaa qoraaladiina, aniga oo mar walba soo daabici doonno. Haddii qoraalo badan aan helno waxaan sameyn doonnaa bog u gaar ah difaaca badda Soomaaliya. Fadlan arrintan yaan la sahlan. Haddii sheekada ay shalay ahayd Kenya oo dhul badeed ku haysata Soomaaliya, maanta waa 50-50, waayo kiis kasta oo maxkamadeed waa 50-50, Noogu soo dira qoraaladiina [email protected]. Mahadsanidiin.

W/Q: Axmed Cali
Tifaftiraha Caasimada Online

Maxay yihiin qodobada ay isku mari la’ yihiin Barre Hiiraale & Axmed Madobe

Kismaayo (Caasimada Online) – War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in shir xasaasi ah uu ka socdo imminka xarunta madaxtooyada ee Kismaayo, kaasoo ay lee yihiin, wafdi dowladda Soomaaliya ka socda, IGAD, maamulka Jubba iyo wakiilo matalaya Barre Hiiraale.

Qoddobada ilaa hadda aan xal loo helin ayaa ka mid ah, maamulka Axmed Madoobe oo Barre Hiiraale ku amray haddii uu soo galaayo Kismaayo in ciidanka uu wato laga dhigo hubka isla markaana la dajiyo goob gaar ah, arrintaas waxaa ka biyo diiday Barre Hiiraale oo leh ciidankeyga iyagoo wata hubka ayey soo galayaan magaalada Kismaayo.

Qoddobada kale ee la isku mari la’yahay ayaa ka mid ah haddii uusan Barre Hiiraale kama dambees maanta oo Jimco ah ku soo xaroon in laga tashan doono isla markaana la billaabi doono shirka dib u heshiisiinta ee bisha soo socota ka furmaya magaalada Kismaayo.

Haddaba arrintan ayaa waxay walaac ku abuurtay wafdiga dowladda iyo IGAD ka socda ee ku sugan Kismaayo, waxaana la rabay in maanta oo Jimco ah Barre Hiiraale uu soo galo magaalada Kismaayo.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo sheegay in ay socdaan dedaalo ay wadaan wafdiga wasiiradda ee ka socda dowladda fedaraalka iyo IGAD kuwaasoo doonaya in ay isku soo dhawaadaan labada dhinac.

Dhinaca kale, magaalada Kismaayo waxaa lagu arkayaa dadweyne aad u fara badan oo wata booraar ay ku qoran yihiin in ay ku faraxsan yihiin sidda dowladda Soomaaliya, IGAD iyo maamulka KMG ah ee Jubba ay u oggolaadeen in uu Barre Hiiraale soo galo magaalada Kismaayo.

Barre Hiiraale ayaa dhawaan sheegay in uu ka qeybgalaayo shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu ka dhaco Kismaayo bisha na soo aadan.

Caasimadda Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

DF oo war kasoo saartay xasuuqii ay Somaliland ka geysatay SAAX-DHEER

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha Mudane Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa ka warbixiyey mowqofka Dowladda Federaalka ee ku aadan weerarkii hubeysnaa ee shalay ka dhacay deegaanka Saaxdheer. Wasiirka ayaa yiri “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay weerarka hubeysan ee ka dhacay degaanka Saaxdheer, kaas oo geystay khasaare isugu jira naf iyo maalba.”

Wasiirka oo hadlakiisa sii wata ayaa yiri “Dowladdu waxay ku baaqeysaa in la joojiyo dagaalka lagana dhowrsado warar colaadda sii hurinaya xaaladana uga sii daraya. Dowladdu waxay aamminsan tahay in ay dadku xor u yihiin xaqna u leeyihiin in ay si nabadgelyo ah isku imaadyo u samaysan karaan, sidaa darted waxaan ku baaqaynaaa in dadkii lagu qabtay Saaxdheer la sii daayo xuriyadoodana loo soo celiyo si ay arrintaasi ugu adeegto nabadda iyo isu soo dhawaanshaha.”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Soomaaliya waxay maanta u baahan tahay nabadgelyo, xasilooni iyo horumar taas oo ku imaan karta isxaqdhowr, isfaham iyo wadahadal lagu xalliyo wixii is afgranwaa ah ee jira. Sidaas darteed waxaan dhinacyada oo idil ugu baaqaynaa una soo jeedinaynaa in la wada hadlo caqliguna uu taliyo.”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

[email protected]

Aqriso magacyada xubnihii ciidamada Somaliland ay ku qabteen Saax-dheer

Garoowe (Caasimada Online)-Sargaal ka tirsan Maamulka Khatumo State, ayaa inoo xaqiijiyay in Weerarkii ay Ciidamada Maamulka Somaliland ku qaadeen Deegaanka Saax-dheer ay ku qafaasheen Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Khatumo iyo Saraakiil dhaawac ahaa.

Sargaalka oo Magaciisa ka gaabsaday Dhanka Ammaanka Aawgeed, ayaa waxa uu Tilmaamay in Mas’uuliyiintaasi ay ku jiree Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaanka Khatumo iyo Saraakiisha gacanta ku heysay Ammaanka Madaxweyne Cali Khaliif.

Sidoo kale, Taliyaha Guud ee Ciidanka Maamulka Somaliland Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle oo saxaafadda la hadlay, ayaa xaqiijiyey inay in badan iska ilaaliyeen inay tallaabo Millatari ka qaadaan Degaannada gobollada bari, balse Cali Khaliif Galaydh oo abaabul badan sameeyey ku kellifay inay tallaabo qaadaan, waxa uuna Cadeeyay in Weerarkaasi ay kusoo gacan galsheen Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsanaa Maamulka Khatumo.

Taliyaha waxa uu sidoo kale, Faahfaahin ka bixiyey hawlgalka ciidankiisu sameeyeen iyo kala cararkii ku dhacay Maamulka iyo Mas’uuliyiintii Caleemo saarkaasi ka qeybqaadanaayay, waxa uuna Tilmaamay in Howlgalkaasi ay kusoo qabqabteen Mas’uuliyiintii qabanqaabineysay Munaasabada.

Ilo wareed ka tirsan Saraakiisha Maamulka Somaliland gaar ahaan kuwa Saldhiga Burco, ayaa inoo xaqiijiyay in Mas’uuliyiin farabadan lagu soo qabtay Howlgalka waxa uuna Magacyada maxaabiista lagu qabtay dagaalkii Saax-dheer oo xabsiga Burco la dhigay kala ahaayeen:-

1. Ciise Cabdi Cabdulle

2. Siciid Jaamac Ismaaciil

3. Cabdirisaaq Axmed Saleebaan

4. Xuseen Xasan Jaamac

5. Asad Xuseen Cismaan

6. Xildhibaan Maxamuud Axmed Ibraahim

7. Dhuux Deeq Axmed

8. Shir-shoole Maxamuud Xaaji Hirad

9. Maxamed Cumar Cabdi, halka maxbuuska 10aad oo dhaawac ah aan magaciisa la soo bandhigin, kaas oo hadda lagu daawaynayo Cusbitaalka Guud ee Burco.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

GALEYR oo ka warbixiyay dagaalkii ay Somaliland kusoo qaaday KHAATUMO

Saaxdheer (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State, Pro Cali Khaliif Galeyr ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta ciidamada Somaliland ay ugu soo duuleyn deeganka Saaxdheer oo lagu waday shaley in ay ka dhacdo caleema saarkiisa.

Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlayay deeganka Togga Aragsan oo lagu caleema saaray ayaa sheegay in dagaalka lagu hayo maamulkiisa uu yahay maxaa ka rabtaan midnimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in gardarro qaawan ay tahay dagaalka Somaliland ay ku soo qaaday deeganka Saaxdheer oo shaley la rabay in ay ka dhacdo xafladda caleema saarkiisa.

Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in dagaalka lagu hayo uu yahay mid ku kooban maamulka Somaliland ee shacabka Somaliland kuma lug lahan ayuu yiri.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State ayaa ku celceliyay in maamulkiisa uu diyaar la yahay wadahadal iyo daris wanaag uu kula noolaado maamulada dariska ah sidda Somaliland iyo Puntland.

Cali Khaliif Galeyr ayaa canaan kala dul dhacay dowladda fedaraalka oo uu sheegay in aysan taageero u fidin maamulkiisa isla markaana aaney waxbo ka qaban gardarrada lagu hayo Khaatumo State mar kasta sidda uu yiri.

Si kastaba, dagaalkii shaley ka dhacay deeganka Saaxdheer ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 10 askari oo ah labada dhinac waxaa kaloo jira dad ku barakacay kuwaasoo ka cabsi qabay in dagaalka uu daba dheeraado.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]