32.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

GALEYR oo ka warbixiyay dagaalkii ay Somaliland kusoo qaaday KHAATUMO

Saaxdheer (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State, Pro Cali Khaliif Galeyr ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta ciidamada Somaliland ay ugu soo duuleyn deeganka Saaxdheer oo lagu waday shaley in ay ka dhacdo caleema saarkiisa.

Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlayay deeganka Togga Aragsan oo lagu caleema saaray ayaa sheegay in dagaalka lagu hayo maamulkiisa uu yahay maxaa ka rabtaan midnimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in gardarro qaawan ay tahay dagaalka Somaliland ay ku soo qaaday deeganka Saaxdheer oo shaley la rabay in ay ka dhacdo xafladda caleema saarkiisa.

Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in dagaalka lagu hayo uu yahay mid ku kooban maamulka Somaliland ee shacabka Somaliland kuma lug lahan ayuu yiri.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State ayaa ku celceliyay in maamulkiisa uu diyaar la yahay wadahadal iyo daris wanaag uu kula noolaado maamulada dariska ah sidda Somaliland iyo Puntland.

Cali Khaliif Galeyr ayaa canaan kala dul dhacay dowladda fedaraalka oo uu sheegay in aysan taageero u fidin maamulkiisa isla markaana aaney waxbo ka qaban gardarrada lagu hayo Khaatumo State mar kasta sidda uu yiri.

Si kastaba, dagaalkii shaley ka dhacay deeganka Saaxdheer ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 10 askari oo ah labada dhinac waxaa kaloo jira dad ku barakacay kuwaasoo ka cabsi qabay in dagaalka uu daba dheeraado.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Somaliland: DF iyo Jubba ayaa hub soo daabulay, waana noo DAGAAL CUSUB

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay uu Dagaal ka dhacay Deegaanka Saax-dheer, ayaa waxaa Ujeedka Dagaalkaasi ka hadlay Taliyaha ciidamada Maamulka Somaliland.

Gen: Ismaaciil Shaqalle oo ah Taliyaha ciidamada Maamulka Somaliland oo weerarkaasi ka hadlay ayaa sheegay in sababta ay u weerareen tuulada Saax-dheer ay tahay kadib markii Hub iyo Ciidammo laga soo daabulay Muqdisho iyo Kismaayo.

Waxa uu Taliyaha sheegay in Cali Khaliif uu qeyla dhaan u diray Dowlada Federaalka iyo Maamulka Jubba, taasina ay suuragalisay in Kismaayo laga soo daabulo Ciidamo xaqiijiya Ammaanka Khatumo, halka DF ay Shixnado hub ah ku caawisay Madaxweynaha Khatumo, sida uu hadalka u dhigay Taliyaha ciidamada Maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Shaqalle waxa uu sheegay in Cali Khaliif uu doonayay Caleemo saarka kadib inuu duulaan kusoo qaado Deegaanada Maamulka ee xadka la wadaaga Khatumo.

Gen: Ismaaciil Shaqalle waxa uu Tilmaamay inaysan diyaar u aheyn in faragalin lagu sameeyo Deegaanada ay ka arimiyaan, waxa uuna sheegay in Deegaanka Saax-dheer uu taabacsan yahay Somaliland.

Dhanka kale, waxa uu Dowlada Federaalka uga digay inay kusii dheerato Siyaasadaha Khatumo iyo faragalinteeda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: Axmed Madoobe iyo COL. BARRE HIIRAALE oo mar kale kala booday !!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa inuu hakad galay wada hadaladii u dhaxeeyey Barre Hiraale iyo Kooxda Axmed Madoobe.

Go’aanno aan ku jirin kuwii lagu soo heshiiyay ayey miiska wada hadalka soo saareen saraakiisha wakiilka shirka uga ahaa Barre Hiraale ee ka dhacay Kismaayo.

Saraakiisha ka socotey Barre Hiraale ayaa soo jeediyey in baro cayiman oo ku yaal Kismaayo laga dejiyo magaalada iyaga iyo ciidamadooda ayna sidaa ku daganadaan inta laga gaarayo 21 September 2014 oo loo balan sanyahay in uu qabsoomo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Kooxda Axmed Madoobe ayaa ku gacan seyray dalabka ah in ciidanka Barre Hiraale ayagoo hubeysan la soo geliyo magalada Kismaayo.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galay ee garabka Barre Hiraale waxaa hogaaminayay Cabdi CIgaal iyo Maxamed Buraale oo xubin muhiim ah ka ahaa Isbaheysigii loo aqoon jirey dooxada Jubba.

Warar kale ayaa shegaya in Wasiirada ka socda DF ay soo jeediyeen in ciidamada la dejiyo Kismaayo, halka Axmed Madoobe uu ku adkeysanayo in ciidanka loo diro xeryo lagu tababaro, halka Barre Hiraale sidoo kale uu raaco wafdiga u ambaxaya Muqdisho.

Waftiga dowladda, ayaa isku dayaya iminka inay ka hortagaan in wada-hadalka bur buro, balse lamaoga cidda soo dabci doonto labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

XOG: Maxaad kala socotaa XILKA sare ee Bare Hiiraale oo loo ballan qaaday?

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar aanu helnay waxay sheegayaan in wasiirkii hore ee gaashandhigga Soomaaliya loo magacaabi doono xil culus, haddi wada-hadallada socda si buuxda loogu guuleysto

Ilo wareegyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Barre Hiiraale loo magacaabi doono madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee maamulka Jubba marka uu dhammaado shirka dib u heshiisiinta ee 21-ka bisha soo socota ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Xilka loo magacaabayo Barre Hiiraale waxaa hadda ku fadhiya Jeneraal Cabdullaahi Ismaacil Fartaag, balse waxaa la lee yahay waxaa xilkaas la isku afgartay in uu la wareego Barre Hiiraale, maadama raggii kale ee la sheegtay madaxweynaha Jubba loo dhiibay xilal sar sare.

Haddii heshiis laga gaaro khilaafka ka taagan Jubbooyinka, waa guul u soo hoyotay dowladda Soomaaliya maadama muddo ka badan sannad ay ku howlaneed soo afjarida khilaafka ka dhexeeya maamulka Jubba iyo Barre Hiiraale.

Sidoo kale, dowladda waxay maamul rasmi u aqoonsan doontaa maamulka uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe.

Barre Hiiraale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu oggolaaday in uu si shuruud la’aan ah uga qeybgalo shirka dib u heshiisiinta ee Kismaayo ka dhacay bisha na soo aadan.

Arrintan in ay hirgasho waxaa door ku leh dowladda Kenya, Itoobiya iyo urur gobaleedka IGAD, in kastoo mid kasta uu lee yahay dan gaar ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Geedi oo ka hadalka dagaalka S/dheer

Dubai (Caasimada Online)- Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay dagaal shaley waaberigii ka dhacay deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool.

Siyaasiga Cali Geedi oo hadda ku sugan dalka Immaaraadka carabta ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalka ka dhex qarxay maamulada Somaliland iyo Khaatumo State, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac in ay joojiyaan dagaalka oo ay qaataan wadahadal iyo dib u heshiisiin.

Cali Geedi ayaa tilmaamay dagaal in uu abuurayo kala fogeyn iyo dad oo ku dhinta balse wuxuu is weydiiyay cidda ay dani ugu jirto dagaalka.

Wuxuu kaloo Soomaalida meel kasta oo ay joogaan uga digay dagaal dhex mara kaasoo dhiig uu ku daato, isagoona yiri waxaa ka wanaagsan iyadoo wadahadal iyo walaaltinimo wax ku dhammeesta.

Hadalka Cali Geedi ayaa ku soo aadaya iyadoo shaley dagaal xooggan uu ka dhacay deeganka Saaxdheer oo lagu waday in lagu caleemo saaro madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galeyr.

Dhinaca kale, Cali Geedi ayaa gaashanka u daruuray wararka sheegaya in uu ka mid ahaa xubno siyaasiyiin ah oo lagu qabtay deeganka Saaxdheer intii uu socday dagaalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

CALI KHALIIF GALEYR DHAGAXUU KU ISTAAGO-BA WAA LA DHACAA (Faallo)

Cali Khaliif Galleyr waa nin masiibadu minin ka dhigatay dhagaxi uu ku istaago waa la dhacaa, ciddi la joogtana waa ka daba dhacdaa.. waxaa jiray nin isaga lagu mathali karo oo ku noolaa waddamada khaliijka midkood..ninkaas muddo ayuu shaqo la’aan ahaa…markii dambe wuxuu helay shaqo mushahar fiican laga qaato.  Muddo aan sidaa u badneyn ayuu shaqadi hayay..maalintii dambe isaga iyo cid allaala cidii la shaqeysay ama saxIib la naqatay waa la wada ruqseeyay iyadoon wax sabab ahna loo sheegin.

Wuxuu isku dayay inuu visa ka helo waddamada Yurub midkood, markaasaa baasaboorki waxaa loo diray dalka Kuwait oo saldhig u ahaa safaaradaha badankooda.  Marki baasaboorki gaaray Kuwait iyadibaa lagu soo duulay oo Saddaam Xuseen qabsaday.  Baasaboorki halkasuu ku dhumay.

Wuxuu go’aansaday inuu Somaliya iska aado, waa markuu bilawday kacdoonki dowladda ku burburtay, Jaalle Maxamed Siyaadna dalki ka cararay…wuxuu Xamar tegay magaalada oo deggan wax rabshada ahna aysan ka jirin.

Maalinti uu tegay ayaa waxaa bilawday dagaalki loo yiqiin seddaxda beri…waxaa ku xigay kii afarta biloood oo bilawday bishi November 1991 ee Caydiid iyo Cali Mahdi kaasoo la joojiyay bishi Maarso oo Ramadaaan  bilawday…markaasuu saaxibkeen u safray dalka Kenya iyadoo laga cararayo dagaalladi inay soo cusboonaadaan.

Maalinti uu gaaray Nairobi waxaa bilawday bannabbaxyo aad u waaweyn oo dad ku dhintay loogana soo horjeeday Madaxweynihi Arap Moi waxaana hogaaminaayay mucaaradka uu madax ka ahaa Ojinga Odinga.

Haddaba Cali Galleyr wuxuu nasiib xumadiisa ka billaabay xilligii kacaanka oo loo diray inuu warshad sonkorta sameysa soo iibiyo, wixi ka dhacay waa la ogaa mana rabno inaan taas ka hadalno.  Waxaa xigtay dowladdi lagu soo dhisay Carta  oo loo magacaabay Raisul Wasaare, waana marki Madaxweyne Cabdi-Qaasim rabshadu ku billaabatay oo nimakii dagaal oogayaasha ahaa (war-loards) ay ka soo horjeesteen waxaana lagu laaluushay lacago fara badan..waxaa lacagti diiday inuu qaato Muuse Suudi.

Cali Khaliif Galleyr wuxuu u dhoofay Ameerika, waana tii ay dhacday September 11..markuu Muqdishu ku soo laabtay beddelkiisi diyaar ayuu ahaa waxaana la magacaabay Xasan Abshir..laakin burburki dowladdi Cabdiqaasim waa bilawday oo Galleyr aa la kacay.

Waa kii barlamaanka soo galay oo markuu ku hungoobay doorashadi af-hayeenka barlamaanka dowladda ka soo horjeestay ilaa uu saaxib la noqday R/Wasaare Saacid, asagana barakadi Cali Galleyr ayaa shibaakada kala baxday oo waa tii barlamaanku kalsoonidi kala naqday.

Galleyr wuxuu iska fadhiistay Nairobi isagoo ka noqday qaswadayashi ximin firfircoon laakin inta uu dhuuman karo is-qariya..ilaa maalintii dambe uu tegay WestGate Mall waana maalinta xasuuqa ka dhici doono.. Berigaas ayaan hamiyay inaan reer Khaatumo oo asaxaab badan aan ku leeyahay u sheego ninkaan inuu yahay mukulaal madow oo ay musiibadu minin ka dhigatay halkuu cagta dhigana deb ka kacaayo.

Isku daygii reer Khaatumo oo damcay inay doortaan hogaan markey isugu tageen Taleex waa tuu Galleyr tegay oo ay ku dhammaatay in Taleex la qabsado isagiina dirqi ku baxsaday, doorashadii dhici lahaydna halkaa looga tanazulo.

Waa taa maalintu Khatumo madaxweyne u naqday ayaan-darradu ku habsatay oo hoog, dhimasho, burbur iyo barakac u horseeday ummadi..dadaa waxay dhihi doonaan waa khuraafaat iyo waxa la yiraahdo “superstition” laakin waa arrin cilmi ku fadhida oo la xaqiijiyay inay jiraan dad noocaas ah oo nasiib darro dusha ku sita meeshi ay ka taliyaana lagu kala cararo… haddaba Intey goori goor tahay Cali ka tashada talana ha u dhiibanina..ma ahan inaan nebcahay waa waanaaga aan la jecelahay inay Khatumo State of Somaliya  cagaheeda ku istaagto dhismaha iyo mideynta dalka Somaliyana dowr fiican ka qaadata dadkeedana dhinac ka raacda.

W/Q: Axmad Calasow

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Caabudwaaq iyo magaaloyin kale oo laga diiday maamulka goballada dhexe

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo badanaya dhaliilaha laga loo muujinaayo shir ka dhacay bishii hore magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaasoo ay ka qeybgaleyn madaxda dowladda loogana dhawaaqay sameynta maamul gobaleed ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamaac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay ku qaldan tahay in gobal labo loo qeybiyay in lagu darro gobal kale oo dhammeestiran.

Xildhibaankan oo ka soo jeeda gobalka Galgaduud ayaa arrin qaldan ku tilmaamay qorshaha ay dowladda maamul gobaleed ugu sameeneyso Mudug iyo Galgaduud, mana socon doono ayuu yiri maamulkaas.

Xildhibaanka wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay marka uu dhawaan furmo fadhigga shannaad ee baarlamaanka in looga dooddi doono sidda ay dowladda u wajaheyso maamul u samenta gobalada dalka.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aadaya iyadoo lagu dhawaaqay 27-xubnood oo la sheegay in ay yihiin guddiga soo dhisaayo maamulka gobalada dhexe ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in ilaa sannadkan inta ka harsan in ay dhammeestirto maamul u sameynta gobalada dalka si loo hergaliyo nidaamka fedaraalka oo dalka uu qaatay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

‘’Maydadku weli waxay daadsan yihiin daafaha & gudaha deegaanka, ficil xun ayey sameysay S/LAND” Waxaa yiri….

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyay 24 ruux oo isugu jira shacab iyo Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Khatumo ayaa waxa ay ku dhinteen Dagaalkii maanta ka dhacay tuulada Saax-dheer ee gobolka Sool, iyadoona tiro kabadan 32 uu kasoo gaaray Dhaawac.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la sheegayaa inay xiligaasi ku sugnaayeen Tuulada Saax-dheer ee gobolka Sool, waxaana la Tilmaamayaa in Ciidamada Maamulka Somaliland ee weerarka qaaday ay isku dayeen inay qabtaan Mas’uuliyiin ka kala socday DF iyo Maamul Goboleedyo kale, hayeeshee ay goobta ka baxsadeen una Talaabeen dhinaca dalka Itoobiya oo ku dhow tuulada.

Maxamed Nuur Cabdalla oo kamid ahaa Odayaasha Deegaanka Khatumo ayaa sheegay in Dagaalka uu ka dhashay Khasaaro badan islamarkaana uu indhihiisu ku arkay Ciidamo iyo dad shacab oo Meyd ah.

Maxamed Nuur Cabdalla waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in Ciidamada Maamulka Somaliland ay Goobta ku qabteen Xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka Khaatumo oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Yaasiin iyo sagaal ruux oo kale oo badankoodu shacab yihiin.

“Wixii ka dhacay Tuulada Saax-dheer ma aheyn wax wanaagsan waayo dad badan ayaa ku dhintay rasaasta Maydadku weli waxay daadsan yihiin daafaha iyo gudaha deegaanka,” ayuu yiri Maxamed Nuur Cabdalla

Maxamed Nuur Cabdalla oo intaa hadalkiisa kasii ambaqaadayo waxa uu yiri ‘’Waxaa gacanta Maamulka Somaliland ku jira Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Khatumo, waxaa laga rabaa Somaliland inay garwaaqsato oo ay dadka u xiran sii deyso’’

Dhanka kale, waxaa la sheegayaa in Madaxweynihii maamulka Khaatumo ee la doonayay in la caleemo-saaro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka ay haatan ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Ismaamulka Dowlad deegaanka Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

“Waa been, Galayr uma ordin Ethiopia, wuxuu ku sugan yahay guri ku yaal…”

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo weerarkii ay Ciidamada Maamulka Somaliland ku qaaden Deegaanka Saax-dheer oo 70 km dhinaca koonfur galbeed uga beegan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa waxaa beeniyay Xildhibaan ka tirsan Maamulka Khaatumo.

Xildhibaan Cali Muuse Aw Jaamac oo kamid ah Xildhibaanada Maamulka Khatumo, ayaa waxa uu beeniyay wararka sheegaya in Ciidamada Maamulka Somaliland ay gacanta ku dhigeen Deegaanka Saax-dheer.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Deegaanka Saax-dheer ay ka dhaceen iska hor imaad yar, iminkana ay gacanta ugu jirto Ciidamada Khatumo.

‘’Walaal waa been abuur wararka sheegaya in Saax-dheer gacanta ugu jirto Maamulka Somaliland, waxaa dhacay iska hor imaad yar laakin Ciidamadeenu magaarin heer ay Deegaanka faarujiyaan’’ Sidaa waxaa yiri Xildhibaan Cali Muuse Aw Jaamac.

Sidoo kale, Xildhibaan Cali Muuse Aw Jaamac oo wax laga weydiiyay wararka sheegaya in Cali Khaliif Galeyr iyo Mas’uuliyiin maamulkiisa ka tirsan ay u carareen dhanka Dowlad deegaanka Ethiopia, ayaa waxa uu warkaasi Xildhibaanku ku tilmaamay mid been abuur ah oo aan sal iyo baar laheyn.

‘’ Waa been abuur wararka sheegaya in madaxdii Khaatumo ay ka taallaabeen Xuduudka Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cali Khaliif Galayr waxa uu hadda ku sugan yahay Guri ku yaalla Saax dheer’’ sidaa waxaa yiri Cali Muuse Aw Jaamac

Dhanka kale, wararka kaasi Khilaafsan ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Somaliland ay ku sugan yihiin Deegaanka Saax dheer, waxaana la Tilmaamayaa in Halkaasi ay ku sugan yihiin Saraakiisha Militeriga Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso Geedi: Waa been uma gacan galin SOMALILAND waxaan joogaa….”

Dubai (Caasimada Online) – Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG, Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa si kulul u beeniyey war ay Warbaahinta ka soo xigteen Maamulka Somaliland oo ay ku sheegteen inay dagaalkii Saax-dheer ku qabteen Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo xubno kale.

Prof. Geeddi oo isagoo ku sugan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa u sheegay Idaacadda Dalsan Radio inuusan warka Somaliland waxba ka jirin, isla markaana uu ka xun yahay weerarkii lagu qaaday Deegaanka Saax-dheere ee lagu daadiyey dhiigga dad Soomaaliyeed.

Mar wax laga weydiiyey sida uu ku soo gaaray warka la xiriira inay Milliteriga Maamulka Somaliland gacanta ku dhigeen, waxa uu sheegay inay dad asxaabtiisa ah la soo xiriireen, isla markaana uu ka arkay qaar ka mid ah Shabakadaha Wararka oo baahiyey warkaasi aan xaqiiqda ku fadhinin.

“Waxaa laga yaabaa inuu Sarkaalka, Kornel Dhunkaal gacanta ku dhigay nin kale oo aynu isku magac nahay, laakiin, Anigu ma ahi, waxaana haatan ku suganahay dalka Imaaaraadka Carabta” ayuu yiri Prof. Geeddi oo dhinaca kale sheegay inuu ka xun yahay in xilligan mar kale uu dhiig Soomaaliyeed sii daato.

Beeninta Prof. Cali Geeddi ayaa soo baxday, kadib, markii ay Saraakiil ka tirsan Milliteriga Somaliland u sheegeen qaar ka mid ah Warbaahinta inay Ciiddankooda la wareegeen Deegaanka Saaxa-dheer, isla markaana ay gacanta ku dhigeen saddex Siyaasi oo uu ka mid ahaa Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo xubno kale.

Dhageyso wareysiga Geedi ee idaacadda Dalsan

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qorshaha tegitaanka Kismaayo ee Col Bare Hiiraale oo ay xog kusoo korartay

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ammaanka magaalada aad loo adkeeyay kaddib markii la sheegay in magaalada magaalada ay gaareyn wafdi isugu jirra wasiiro ka tirsan dowladda fedaraalka, wakiilo IGAD ka socda iyo korneel Barre Hiiraale kuwaasoo ka immaanaya deeganka Goobweyn oo dibadda ka ah magaalada Kismaayo.

Barre Hiiraale waxaa ka soo horreeyay saraakiil isaga mataleysa kuwaasoo diyaariyay goobta la dajinaayo Korneelka iyo ciidanka uu wato.

Wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo, ayaa soo sheegaya in magaalada uu ka muuqdo diyaar garow loogu jirro soo dhaweynta wasiirkii hore ee gaashandhigga Soomaaliya Korneel Barre Aadan Shire.

Barre Hiiraale ayaa oggolaaday in uu ka qeybgalo shirka dib u heshiisiinta ee bisha soo socota ka furmaya magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay in wax sharuud ah uusan ku xirin ka qeybgalka shirka Kismaayo.

Barre waxaa kaloo uu sheegay in aan la dhammeyn khilaafka kala dhexeeya isaga iyo maamulka Axmed Madoobe, waayo ayuu yiri labada dhinac waxaa dhexmaray dagaallo dad ay ku dhinteyn hantina lagu baabi’yay, waana in la qabtaa ayuu yiri shirweyne arrintaas lagu soo afjaraayo.

Immaatinka Barre Hiiraale Kismaayo waxaa ka dambeeyay markii magaalada Kismaayo ay gaareyn seddax wasiir oo ka tirsan xukuumadda fedaraalka iyo xubno ka tirsan IGAD kuwaasoo dedaalo xooggan ku bixiyay siddii Barre Hiiraale oo muddo sannad ah ku sugnaa deeganka Goobweyn dib loogu soo celin lahaa magaalada Kismaayo.

Waxaa jira warar sheegaya Barre Hiiraale in loo magacaabi doono madaxweyne ku xigeenka koobaad ee maamulka Jubba marka uu dhammaado shirka bisha soo socota la qabanayo wuxuuna xilkaas ka badali doonaan Jeneraal Fartaag oo ay isku qabiil yihiin (Mareexaan).

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Xog: Cali Khaliif Galeyr oo magangalyo weydiistay dowladda Ethiopia kadib…

Saaxdheer (Caasimada Online)-Warar la isku haleen karo ayaa sheegaya Cali Khaliif Galeyer iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Khaatumo State in ay magangalyo weydiisteen dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya.

Arrintan ayaa soo baxday markii ciidanka Somaliland ay saakay waaberigii weerrar ku qaadeyn deeganka Saaxdheer oo 75km dhinaca koonfur kaga beegan magaalada Laasacaanood.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in ciidanka Somaliland ay qabsadeyn maxaabiis kor u dhaafeysa ilaa 20 kuwaasoo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo salaadiin uu ka mid yahay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ay jiraan khasaaro soo kala gaaray labada dhinac ee maanta ku dagaallamay deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool.

Xaaladda Saaxdheer ayaa imminka deggan, waxaana magaalada gacanta ku haya ciidanka Somaliland, iyagoona dadweynaha magaalada u sheegay in ay is dajiyaan.

Dhinaca kale, taliyaha booliska Somaliland, ayaa warbaahinta u sheegay in ay gacanta ku hayaan hub aad u badan oo ka yimid Muqdisho iyo Kismaayo kuwaasoo diyaarado lagu keenay shaley magaalada Buuhoodle.

Waxaana kaloo uu sheegay taliyaha booliska Somaliland in ay hayaan maxaabiis ay ku jiraan siyaasiyiin ka yimid Muqdisho kuwaasoo la rabay in ay ka qeybgalaan caleema saarka madaxweynaha cusub ee Khaatumo State.

Somaliland ayaa ku andacooneysa in ay gobalka Sool uu ka mid ah yahay deegannada ay maamulaan isla markaana wax maamul Khaatumo la dhaho aaney ka jirin deegannadaas.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Buuhoodle

[email protected]

Sawiro laga soo qaaday General Gabra oo muujiyey xaqiiq xannuun badan !!

Kismaayo (Caasimada Online) – Shalay waxaa deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo tagay waftii ka socday dowladda Soomaaliya oo halkaasi kula shiray Col. Barre Hiiraale, oo heshiis ay la gaareen.

Si kastaba, hal arrin ayaa kullankaasi ka dhex muuqatay, waxayna ahayd joogitaanka kullanka ee General-ka Ethiopia ee Gabra. General Gabra, ma ahan safiir Ethiopia, ma ahan wakiil urur caalami, haddana waxa uu dhex taagan tahay meel kasta oo ay Soomaalida ku shireyso, illaa Villa Somalia.

Kullankii Shalay, ayaa Gabra waxa uu xirnaa bistoolad, sida ka muuqata sawirka hoose, oo isaga oo sii jeeda lagu dhuftay, waana xaqiiq xanuun badan oo muujineysa sida Ethiopia ay u maamusho Soomaaliya.

gabregabre1gabre2

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Prof. Galayr oo orod ku galay Ethiopia

Saaxdheer (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal culus uu imminka ka socdo deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool, halkaasoo maanta oo Khamiis ah lagu waday in ay ka dhacdo xaflad lagu caleema saarayo madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State, Prof Cali Khaliif Galeyr.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay soo qaadeyn ciidamada maamulka Somaliland, waxaana la maqlaya daryanka hub culus oo ka dhacaya magaalada gudaheeda.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in ay jiraan baabuur dagaal oo lagubay iyo ciidan ku dhintay dagaalka saakay waaberigii ka billowday deeganka Saaxdheer.

Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan inta badan in magaalada ay gacanta ku dhigeyn ciidanka soo weerarray siddaas waxaa ku soo warramay wariye Caasimada Online ka tirsan oo ku sugan Saaxdheer.

Magaalada waxaa tan iyo shaley ku soo qulqulayay wafuud caalami ah oo dooneysa in ay ka qeybgalaan caleema saarka Cali Khaliif Galeyr.

Cali Khaliif halkee ayuu qabtay?

Warar la isku haleen karo ayaa sheegaya in uu Cali Khaliif Galeyr iyo gaadiid u la socdo ay gudaha u galeyn dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, ayna ku sugan yihiin meel xadka labada waddan dhinaca Ethiopia ku taal. Waxay kale oo wararku sheegayaan in Galeyr uu doonayo inuu dib ugu soo laabto gobolka Sool, inkasta oo Saaxdheer uusan tagi karin oo Somaliland ay haysato.

Waxaa kaloo la sheegayaa in ay la socdaan ergooyin aad u fara badan kuwaasoo lagu waday in ay ka qeybgalaan caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo.

Waxaa aad u yer in la helo xog intaas ka badan maadama isgaarsiinta deeganka Saaxdheer ay go’antahay.

Faah-faahin kala socota boggeena Caasimada Online

Degmadii lagu caleemo saari lahaa Dr. Cali Khaliif oo dagaal lagula wareegay

Garoowe (Caasimada Online)-War goor dhow naga soo gaaray Gobolka Sool, ayaa sheegaya in gabi ahaan Deegaanka Saaxdheer ay goor dhow la wareegeen Ciidamo taabacsan Maamulka Somaliland.

Wararku waxa ay sheegayaan in Siyaasiyiin iyo waxgarad isku qabanqaabinaayay ka qeybgalka Munaasabada lagu caleemo saaray Saakay oo Khamiis ah Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr ay isaga baxeen Saaxdheer.

Sidoo kale, wararku waxa ay tibaaxayaan in halkaasi uu ka dhacay Dagaal qaatay ku dhawaad Hal saac iyo bar kaasi oo la sheegay inuu u dhexeeyay Ciidamadda Maamulka Khatumo iyo kuwa Somaliland oo weerarka soo qaaday waxa ayna taasi suuragalisay in Ciidamada Somaliland la wareegan gabi ahaan Deegaanka Saaxdheer.

Dhanka kale, Deegaanka Saaxdheer ayaa waxaa hadda gacanta ku haaya Ciidamada Maamulka Soomaaliland, waxaana la Tilmaamayaa in halkaasi uu ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Deegaanka Saaxdheer waxaa xiliga uu weerarka ka bilowday ka soctay Qaban-qaabada Caleema saarka Madaxweyne Cali Khaliif.

La soco wararkeena dambe wixii Faah-faahin ah.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Daawo Beesha Sade: Ma aqbaleyno in nala siiyo 4 xubnood, HAWIYE-na 23 + Wada hadal baa lala billaabay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo ay iskugu yimaadeen xildhibaanno kasoo jeeda beelaha Mareexaan (Sade), Ugaaska Beesha, Salaadiin ayay uga soo horjeesteen guddigii farsamada ee dowladda Soomaaliya u magacowday maamul u samaynta gobollada Mudug iyo Galgadud, waxayna ku tilmaamay mid kasoo horjeestay qawaaniinta dalka iyo awood qeybsiga beelaha dagan gobolka.

Xildhibaannada ay ka mid ahaayeen; Nuur Faarax Jaamac, Cabdullaahi Yuusuf Cali iyo Xildhibaan Shariif Cabdi , Ugaaska guud ee beesha Sade Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, Salaadiin iyo waxgarad kale a ayaa waxay soo saareen war saxaafadeed ka kooban lix qodob oo xasaasi ah.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan.

Baryahaan danbe waxaa magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ka socday dadaal ay dowladda Federaalka Soomaaliya maamul gobolleed ugu dhisayso gobolka Galgaduud iyo qeyb kamid ah gobolka Mudug. Hadaba beesha Mareexaan Sade oo kamid ah beelaha waaweyn ee dega deegaanadaas waxaa ay qoraalkan ku cadeynaysaa aragtida iyo mowqifka ay beeshu ka leedahay maamul u samaynta deegaanadaas. Beesha Mareexaan waxaa ay go’aansatay soona jeedinaysaa qodobadan soo socda.

1 – Beesha Mareexaan (Sade) waxaa ay cadaynaysaa in ay diidan tahay, qeybna ka ahayn maamul gobolleedka la damacsan yahay in laga sameeyo deegaanada Galgaduud iyo Mudug maxaa yeelay sharciga ma waafaqsana.

2 – Beeshu waxaa kale oo ay cadaynaysaa in aan laga talo gelin arrintan, aysana jirin cid u matasha ka qeybgalka shirarka iyo kulamada looga wada hadlayo arrintaas.

3 – Beeshu waxay cadaynaysaa in uusan matalin ururka Ahlusunna wal-jamaaca, kuna hadli karin aragtideeda iyo mowqifkeeda midna.

4 – Beeshu waxay soo jeedinaysaa in aan laga dhex abuurin bulshada walaalaha ah ee deegaannadaas colaado iyo dhibaatooyin hor leh.

5 – Beeshu waxay soo dhaweynaysaa maamul kasta oo cadaalad ah oo ay samaysato bulshada Soomaaliyeed waafaqsana shuruucda iyo qaanuunka dalka.

6 – Beeshu waxaa ay soo jeedinaysaa in maamul u sameynta gobollada dalka looga danbeeyo dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, cullimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada degta gobolladaas.

7 – Beesha Marreexaan ” SADE” ma aqbali doonan in 27 xubnood 4 xubnood Sade la siiyo halka 23 kale ay ka qaadanayaan HAWIYE, taasi oo u muuqata mid cadaalada ka fog, marka tiradaasi la qeybinaya waxaa imaaneysa in jufo hal magaalo deggan ay ka xubno badaneyso xitaa Marreexaan oo dhan. Waana sheeko aan la aqbali karin.

8 – Ugu danbeyntii Beesha SADE waxay u aragtaa waxa socda in aan maamul laga rabin balse isku dir iyo dagaal sokeeye dowlada ka dhalin rabto deegaanadaasi, waana ka digeysaa beesha arrintaasi.

Bayaanka ayaa waxaa si wada-jir usoo saaray Ugaaska Beesha Sade iyo xildhibaanada Sade ee kasoo jeeda deegaanada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka loo dhisayo. Waxaana si rasmi ah ug ucadeeyeen inuusan quseyn doonin wixii maamul ah ee goboladaasi loo dhiso oo aysan qeyb ka heyn.

Muranka arrintaasi ka dhashay ayaa keenay in qaar ka mid ah beelaha Sadde bilaabaan inay wadahadal la galaan maamulka Puntland, iyaddoona haddii aan wax laga baddelin qeybiskii guddiga maamul u sameynta gobollada dhexe ay keeni karto inuu gebi ahaanba fashil ku danbeeyo isku daygaasi,maxaa yeelay awal oo ay mudug wax ka maqnaayeen ayaa haddana Galgaduud qeyb kale oo ballaaran kasii baxeysaa.

Halkan ka daawo kullanka beesha Sade

XOG: Maxaad kala soctaa afarta qodob ee HIIRAALE uu ka tirsanayo Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Sargaal ka qeybqaatay kullankii u dhexeeyay Wasiirada ka socday DF iyo Barre Hiiraale ee ka dhacay Duleedka Kismaayo ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in Col. Barre Hiiraale uu ka cabanaayo  Arrimo farabadan oo uu ku kacay Axmed Madoobe.

Sargaalka ayaa waxa uu sheegay in Col. Barre Hiiraale Wafdiga Wasiirada ka socday DF u sheegay qodobo dhowr ah oo ku qasbay inuu la dagaalamo Maamulka KMG Jubba.

Haddaba Qodobada uu ka cabanaayo Barre Hiiraale ayaa waxaa kamid ahaa:-

1-In Axmed Madoobe uu iska dhigay ruux Kismaayo ay u gaar tahay.

2-In Axmed Madoobe uu nolosha ku aasay Maleeshiyaad daacad u ahaa Barre.

3-In Axmed Madoobe uu Maleeshiyadiisa ku amray inay toogtaan Askari waliba oo taabacsan Barre Hiiraale.

4-In Axmed Badoobe uu isku dayay inuu dilo dhowr jeer.

Dhanka kale, Wasiirada ayaa waxa ay Col. Barre Hiiraale ku qanciyeen inuu kasoo tallaabo Khilaafyadii kala dhexeeyay Axmed Madoobe.

Wasiirada ayaa waxa ay Barre Hiiraale u ballan qaaden inay jawaab ka bixin doonaan Ficilada uu kula kacay Axmed Madoobe.

Waxaa lagu wadaa in Laba maalin gudahooda lagu kulansiiyo Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale, iyadoona ay Juhdiga ugu badan ku bixinayaan Wasiirada iyo Wafdi ka socda IGAD.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ciidamo kasoo goostay Puntland oo ku biiray Gal-Mudug, xilli ay BEELO badan isaga baxayaan maamulkaas (Warbixin)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Puntland oo soo goostay, ayaa  ku biiray Maamulka Galmudug, xilli ay beelo badan isaga baxayaan maamulkaas.

Ku dhawaad 80 Askari oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa Maanta sheegay in ay kasoo goosteen Maamulka Puntland, waxaana Koonfurta Magaalada Gaalkacyo kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug, ayaa sheegay in Ciidamadaan ay ka mid ahaayeen kuwa Puntland islamarkaana hada ay ku soo biireen Maamulka Galmudug, ayna soo dhoweynayaan.

Beesha Leelkase oo ka mid aheyd Beelaha Wax ka dhisay Puntland ayaa Maanta shaacisay in ay ka baxeen Maamulka Puntland, kuna biirayaan Maamulka loo dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Waxa ay beeshaas sheegtay in kaddib sanado caddaalad darro iyo sadbursi ahaa ay iminka quusatay, kana tashatay aayaheeda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Galmudug ku biiray Maanta ay yihiin Qaar kamid ah Ciidamadii Beeshaasi Shaacisay in ay Puntland ka baxeen.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

[email protected]

XOG: Ciidamo ka tirsan DF oo ku biiray dagaal ka socda gudaha dalka KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ilo-Xog-Ogaal ku sugan Gobolka Gedo, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia, ay ku biireen Dagaalka ka socda Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Laba gaari nooca loo yaqaan Cabdi-bilaha oo ay lee dahay DF ka dagaalamayaan Mandheera, waxaana la Tilmaamayaa inay garbinayaan mid kamid ah Beelaha Deegaankaasi ku dagaalamaya.

Aadan Axmed Xirsi oo ah Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka oo ku sugan Gobolka Gedo, ayaa Tilmaamay in wararka sheegaya in Ciidamada DF ay gaaren Mandheera been tahay, waxa uuna sheegay in Dagaalada ka socda Mandheera uusan aheyn mid khuseeya Dowlada Federaalka, balse uu yahay mid u dhexeeyo Beelo kasoo jeeda Kenya.

‘’Waxan beenineynaa in wararka sheegaya in Ciidamadeenu ku biireen Dagaalka ka socda Mandheera uu yahay been, waayo anaga lug kuma lihin Dagaalkaasi mana aha mid khuseeya Somalia’’ Sidaa waxaa yiri Aadan Axmed Xirsi

Dhanka kale, Ciidamada DF ee ku biiray  Dagaalkaasi ka socda Mandheera ayaa la sheegayaa inay badi kasoo Jeedan gobolka Waqooyi Bari Kenya balse ay kamid yihiin Ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo, mana jirto war kasoo baxay Dowladda oo ku aadan faragalinta Ciidamada ay ku hayaan Mandheera.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]