32.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Cali Khaliif GALEYR oo ku dhawaaqday dagaal ka dhana maamulka Somaliland

Saaxdheer (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay dagaal ku dhexmaray deegaanka Saaxdheer ee gobalka Sool ciidamada maamulka Khaatumo iyo kuwa Somaliland.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidanka Somaliland ay qabsadeen deeganka Saaxdheer oo lagu waday in ay saakay ka dhacdo caleema saarka madaxweynanimadiisa.

Wuxuu sheegay oo kale in askari ka tirsan Somaliland in uusan ku sugneyn deeganka Saaxdheer oo isaga lagu doortay.

“Nooma dhawa hal askari iska daa ciidamo Saaxdheer joogee annaga ayaa joogna, niminkaas cadowga ah dhaqdhaqaaq ayey ka sameeyeen deeganka Kala beerka dagaal aanu rabin ayaa nalagu beerayaa, dagaalka wuxuu noqon doonaa mid sokeeye oo gaar meel kasta” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Cali Khaliif Galeyr ayaa ku dhawaaqay dagaal ay lagalayaan maamulka Somaliland haddii aaney joojin duulaan gardarrada ay ku hayaan shacabka maamulka Khaatumo.

Wuxuu kaloo sheegay in dagaalka ay qaadi doonaan in uusan noqon doonin mid dhex mara labo ciidan ee uu noqon doono dagaal lagu hoobto oo ka dhex dilaaca dhammaan dadka deeggan magaalooyika ay ka arrimiyaan labada maamul.

Cali Khaliif Galeyr waxaa kaloo uu wacad ku maray in xafladda caleema saarkiisa in ay ka dhici doonto deeganka Saaxdheer oo dhowr km u jirta soohdinta Itoobiya.

Hadalka madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa ku soo aadaya iyadoo saraakiisha maamulka Somaliland ay lee yihiin waxaan carqaladeenay goob ay ka dhici lahayd caleema saarka Cali Khaliif Galey oo dhawaan ku guuleystay doorasho ka dhacday deeganka Saaxdheer isla markaana askar maxaabiis ah ay ka qabteyn dhinaca Khaatumo balse warkaas cid xaqiijin karta ma lahan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

DF Somalia oo wafdi u dirtay caleema saarka Cali Khaliif Galeyr (Faah-faahin)

Buuhoodle (Caasimada Online) – Magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer waxaa ka degay seddax diyaarad oo ay la socdeyn mas’uuliyiin ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo salaadiin kuwaasoo ka qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State, Prof Cali Khaliif Galeyr.

Wafdiga Buuhoodle gaaray ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana markii ay tageyn magaaladaas si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-Sheel) iyo bulshadda ku dhaqan Buuhoodle.

Mudane Indho Sheel oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in wafdi ka socda dowladda iyo salaadiin ay yimaadaan Buuhoodle wuxuuna intaas ku daray in la isku dayay in la baajiyo wafdiga markii ciidanka Somaliland ay arbushaad ka sameeyeen deeganka Saaxdheer.

Wuxuu kaloo sheegay in immaantinka wafdiga Xamar ka yimid uu daliil cad u yahay in Khaatumo ay noqotay meel kulmisa Soomaaliweyn isla markaana xudun u noqoneysa midnimada Soomaaliya.

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo hoggaaminaayay wafdiga ka yimid Muqdisho ayaa isna ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoole, wuxuuna sheegay in wafdigooda ay u yimaadeen siddii ay uga qeybgali lahaayeen caleema saarka madaxweynaha cusub ee Khaatumo State, Cali Khaliif Galeyr oo maanta oo Khamiis ah ka dhaceysa deeganka Saaxdheer oo soohdinta Itoobiya ku yaalla.

Si kastaba, wafdiga tagay Buuhoodle ayaa muujinaya in dowladda fedaraalka ay la dhacsan tahay doorashadda uu ku guuleystay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Buuhoodle

[email protected]

DAAWO Sawirrada kullankii dhex maray Barre Hiiraale iyo waftigii DF SOMALIA

Kismaayo (Caasimada Online) – Deegaanka Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo, ayaa waxaa maanta tagay Wasiiro iyo xubno ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo kulamo la qaatay Col. Barre Hiiraale iyo Saraakiil ka tirsan garabkiisa.

Wasiirada Dowladda ee tagay halkaas waxaa ka mid ah Goodax Barre, Faarax C/qaadir iyo Xuseen Cabdi Xalane.

Waftiga dowladda, ayaa waxaa sidoo kale wehliyey wakiilka IGAD ee Soomaaliya iyo General Gabre oo dowladda Ethiopia madax uga ah Soomaaliya.

Haddaba Caasimada Online, ayaa diin soo gudbineysa sawirrada kullanka si aad u aragtaan sida xaaladdu ahayd.

goobweyn1goobweyn2goobweyn3
goobweyn5goobweyn6goobweyn7goobweyn8

Shirkii Goobweyn oo heshiis 7 qodob lagu gaaray iyo BARRE oo aqbalay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Magaalada Goobweyn ay gaareen Wasiiro iyo xubno ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo kulamo la qaatay Col. Barre Hiiraale iyo Saraakiil ka tirsan garabkiisa.

Ujeedka Wasiirada ay u gaareen magaalada Goobweyn, ayaa la sheegayaa inay tahay mid xal loogu abuuraayo Hoggaamiyaha Maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale, waxaana la soo sheegayaa in Col. Barre uu usoo dabcay inuu la hadlo Axmed Madoobe, iyadoona uu iminka si xowli ah usocdo wadahadal albaabada u xiran yihiin oo u dhexeeya madaxdaasi oo kaliya.

Wasiirada gaaray Goobweyn ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Maaliyada Xuseen Xalane iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cabdilaahi Goodax Barre iyo Saraakiil sare oo ka tirsan golaha nabada iyo midnimada Jubba.

Warar hoose oo naga soo gaaray Goobweyn ayaa sheegaya in Shirkaasi looga hadlaayo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka labada garab ee isku haya Maamulka Jubba, iyadoona Col. Barre uu Wasiiradaasi u sheegay inuusan kasoo horjeedin nabada iyo Horumarka balse uu diidan yahay in lanaas-nuujiyo Qabiilo gaar ah oo marti u ah Kismaayo.

Kullanka oo sii socon doono ayaa waxaa si horudhac ah looga soo saaray Dhowr qodob oo ay kamid yihiin:-

1-In Kismaayo loo aqoonsado inay tahay Deegaan loo siman yahay.

2-In kullamo horudhac ah ay wada yeeshaan labada garab ee Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe.

3-In ka hor inta uusan dhicin shirka Kismaayo lawada qaato wada-xaajood meesha ka saaraya mad-madowga ama shucaaca.

4-In Maamulka Ahmed Madoobe uu yahay KMG lagu aqoonsaday hishiiiskii Magaaladda Adis Ababa.

5-In si kumeel-gaar ah ay labada garab mas’uuliyad ay isaga saaraan Ammaanka Kismaayo.

6-In Ammaanka Kismaayo looga dambeynaayo AMISOM, garabka labaadna uu noqon doono Ciidamo isku dhafan oo ka kala imaanaya dhanka Axmed Madoobe iyo dhanka Col, Barre Hiiraale,

7-Shirka Kismaayo waa inuu noqdaa mid u dhexeeya labada garab ee Goobweyn iyo Kismaayo oo uu u dhexeeyo mad-madowga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Axmed DAACI oo mar kale lagu qabtay hub farabadan (Sidee wax u dhaceen)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida Qaranka Somalia ay weeraro ku qaaden Goob ay Isbaaro u tiilay Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada Nabadsugida ay ku dhawaad 120 Qori ka qaaden Maleeshiyaad taabacsanaa Axmed Daaci oo ku sugnaa Degmada Wadajir, iyadoona ay halkaasi ku xirxireen Maleeshiyaad si aad u hubeysnaa oo ay Isbaaro u tiilay Jasiira.

Ciidamada oo wata gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay maanta ku qaaden Goobo ay ka qowleystaa Maleeshiyada Axmed Daaci kuwaasi oo qaarkood loo ka xeeyay Xabsiga Jilicow, halka qaarna ay baxsadeen.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa waxa ay wadooyinka Degmada ka Uruuriyeen Dhalinyaro ka tirsaneyd Ciidamada Dowlada oo iyagu ku labisnaa dhar shacab islamarkaana watay Hub noocyada fud-fudud.

Dhanka kale, Hubka laga qaaday Maleeshiyaadka taabacsanaa Axmed Daaci oo ay Isbaaro u tiilay Jaziira, ayaa waxaa la geeyay Xabsiga Jilacow, halkaasi oo la sheegay in lagu kala soo caayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Cabdi Weli GAAS oo beeniyey wararkii Addis-Ababa laga soo sheegay ee ah…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta oo Arbaca ah dib ugu laabtay magaalada Garoowe kaddib markii uu ka yimid safar shaqo oo uu ku tagay magaalada magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Gaas oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa ugu horeyn sheegay in uu la kulmay madaxda dowladda Itoobiya iyo saraakiil kale isla markaana ay ka hadleyn siddii loo xoojin lahaa xiiriirka dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo Puntland sidoo kalena ay ka hadleyn calaaqaadka u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya.

Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay kulmeyn isaga iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed isla markaana ay ka hadleyn maamul u sameynta gobalda dhexe iyo khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda fedaraalka.

Mudane Gaas ayaa tilmaamay in uu ku arkay Addis Ababa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya balse aanu jirin wax kulamo ah oo ay qaateyn.

Waxaa jiray warar sheegaya in uu jiray kulamo ay yeesheen madaxweynaha Puntland iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka qeybgalay shirkii madaxda IGAD ee ka dhacay Addis Ababa.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay heshiisyo ay kala saxiixdeen wafdiga la socday iyo madaxda dowladda Itoobiya kuwaasoo la xiriirka xiriir dhinaca ganacsiga, waxbarashadda iyo ammaanka oo dhexmara iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe

[email protected]

Xog: Axmed Daaci oo arrin yaab leh ku xiray ka bixitaanka xabsiga uu ku jiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay laamaha Ammaanka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la filaayo in dib loo soo daayo Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Axmed Daaci.

Axmed Xasan Caddow “Axmed Daaci’’, ayaa waxa uu xiligaani ku xiran yahay Xarunta Hay’adda Nabadsugida, kadib markii lagu soo qabtay Howlgalo adag oo Hub ka dhigis ah oo laga fuliyay Degmada Wadajir.

Wararku waxa ay sheegayaan in deysmada Axmed Daaci ay ka qeybqaadanayaan Siyaasiyiin iyo Waxgarad ayidsan DF Somalia waxaana heer gabagabo maraaya dadaalada loogu jiro deysmadiisa.

Axmed Daaci ayaa waxa uu ka bixitaanka xabsiga uu ku xiray shuruud ah inuu DF ka doonayo magdhow laga siiyo khasaarihii ka soo gaaray iska horimaadkaasi sababay dhimashadda, dhaawaca iyo burburka hantiyeed.

Dhanka kale, DF ayaa iyana dhankeeda ku doodeysa in Khasaarahaasi uu u dhacay si kama’ ah bishan August 15-dii ka dhacay Degmadda Wadajir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan Sh. oo ka amba baxay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay Garoonka Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay u duuleen Dalka Turkiga oo ay uga qeybqaadan doonaan Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Dalkaasi Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh la dhoofay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha dibedda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda, waxaana Garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Lama sheegin inta uu maqnaan doono Madaxweynaha, wallow warar hoose ay sheegayaan in ugu yaraan Asbuuc uu qaadan doono Safarka, iyagoona Magaalada Ankara kulamo kula qaadan doono Madaxda Dalkaasi oo uu xiriir muuqdo kala dhexeeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SAWIRRO: Soomaali badan oo ku la’aty badda dalka Talyaaniga kadib markii…

Malta (Caasimada Online) – Saraakiisha Ciidamada Badda Dalka Talyaaniga ayaa soo bandhigay Meydadka qaar ka tirsan Muhaajiriin Soomaali aheyn oo ay dooni kula qalibmatay Badda Talyaaniga xilli ay kusii jeeden Dalka Talyaaniga.

Saraakiisha ayaa Tilmaamay in Maydadkaani oo fara badan ay ku soo caariyeen Xeebta Deegaanka Qarabuli, waxa ayna sheegen inay rumeysan yihiin in Meydadkaani ay ka mid yihiin Tahriibayaashii la socday doonidii dhawaan ku degtay meel ka baxsan Xeebaha dalka Libya, kuwaasi oo ku haminayey inay gaaraan Xeebaha dalka Talyaaniga.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in ku-dhawaad 300 oo Muhaajiriin ah ku geeriyoodeen doonidaas qalibantay.

Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Libya, oo lagu magacaabo Cabdi-ladiif Ibraahim ayaa horey u sheegay inay 170-qof lagu la’ yahay dooni ku degtay meel ka baxsan Xeebaha Libya.

Sarkaalka waxa uu xusay inay IlaaladdaXeebaha  soo badbaadiyeen 16-qof oo 5 ka mid  carruur ahaa.

Dhanka kale, Dadka ku geeriyooday doonidaasi ayaa la rumeysan yahay inay badankooda ahaayeen Somali iyo Eritrean ku talamaysay inay safar-baddeedkaasi ku gaaraan Jesiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Caasimada Online

Xafiiska Malta

[email protected]

DAAWO SAWIRADDA

IMG_615090-B3D801-FBA9CD-264BC1-334A22-3FCC52 TahriibIMG_48C986-68C225-D11421-297B6F-C7C1BE-604263 IMG_193D2E-8D0F32-559A5D-097414-91C283-454686 IMG_0259C0-AC9B06-1091F2-044C99-6BD27E-0311EF IMG_AEC78F-98DD75-427580-1FAF0A-2D809A-661B66  IMG_D9C971-0F71E6-021DEF-96AE80-203B28-176378

XOG: Culeys soo food saaray HIIRAALE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in xiligaani uu Culeys xoogan soo food-saaray Col. Barre Hiiraale oo kasoo horjeeda Maamulka KMG Jubba ee uu Hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wafdi ka kala socda QM, Turkiga iyo Imaaraadka ee Jooga Magaalada Kismaayo, ay kulamo ku raadinayaan Col. Barre si looga qeygalsho Shirka maalmaha dhow ka furmi doono Magaalo xeebeedka Jubada Hoose.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan QM, Imaaraadka iyo Turkiga ee Jooga Kismaayo xiriiro qadka Telka ah la sameeyen Col. Barre Hiiraale, hayeeshee ay ku gacan-seeren inay dabciyaan go’aanka adag ee Barre Hiiraale.

Waxaa la filayaa in Duleedka Kismaayo, gaar ahaan Deegaanka Goobweyn maanta ama bari ay gaaran Saraakiisha QM,Turkiga iyo Imaaraadka jooga Kismaayo, si ay kulamo ula yeeshaan Col. Barre Hiiraale, waxaana la Tilmaamayaa in Barre uu diiday in Goobweyn ay soo gaaran Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka KMG Jubba.

Barre Hiiraale waxa uu booqashada Wafdigaasi ku aadan Goobweyn ku xiray shuruud ah inaysan soo raaci Karin Mas’uuliyiin ama Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubba, waxa uuna Tilmaamay inuu isaga usoo diri doono Saraakiil soo hogaamisa.

Xaalada ayaa ah mid cakiran waxa uuna Barre ka biyo diidan yahay Warqad casuumaad ah oo ay u direen Maamulka KMG Jubba si uu uga soo qeyb qaato Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Kismaayo, Hayeeshe waxa ay u muuqaneysaa in barre Hiiraale uusan ka qeyb qaadan doonin.

Lama Oga wajiga ay Wafdiga ka socda QM, Turkiga iyo Imaaraadka ay kala kulmi doonaan Col. Barre Hiiraale oo kula ballansan yihiin Duleedka Kismaayo.

Lasoco wixii faah-faahin ah wararkeena dambe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected] 

Dhageyso beelo ku dhowaaqay inay ka baxeen maamulka PUNTLAND, Sabab?

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah beelihii wax ka dhisay maamul goboleedka Puntland, ayaa shaaca ka qaaday inay maamulkaasi isaga baxeen, ayna ku biiri doonaan maamullo kale.

Nabadoon Salaad Maxamed Xirsi oo ka mid ah waxgaradka beelaha dega waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland, ayaa sheegay in kulan ballaaran oo ay ku yeesheen waqooyiga magaaladaasi ay isku af-garteen in ay ka baxaan Puntland.

Wuxuu sheegay in ay soo dhoweynayaan maamul ka hana-qaada goballada dhexe ee Soomaaliya, sida kan loo dhisayo Mudug iyo Gal-Gaduud, isla markaana uusan cajab galin hadalkii diidmada ahaa ee ka soo yeeray madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas.

Salaad, ayaa hoosta ka xariiqay inay wax ka dhisanayaan maamulkaasi cusub ee gobollada ee la doonayo in loo dhiso goballada Mudug iyo Galgaduud, ayna u arkaan inuu kaga wanaagsan yahay kan Puntland, oo uu caddaalad darro ku eedeeyey.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in go’aankan ay u dhan tahay beeshiisa, ayna ciidamadooda gooni uga baxeen kuwa Puntland.

Halkan ka dhageyso hadalkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

 

CALI Khaliif oo si aan looga baran uga carrooday hadal kasoo yeeray S/Land

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Khatumo Stat Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlaayay warar ay baahiyeen Saraakiisha Ciidamada Maamulka Somaliland oo ahaa inay la wareegeen gabi ahaan Deegaanka Saxar-dheer ee Gobolka Sool, ayaa waxaa arrintaasi si kulul u beeniyay Madaxweyne Galeyr iyo Saraakiishiisa.

Madaxweyne Cai Khaliif waxa uu sheegay in Deegaanka Saxar-dheer ee Gobolka Sool ay ku sugan yihiin Ciidamadiisu, waxa uuna Tilmaamay in Maamulka Somaliland ay wadaan warar aan laheyn biyo dhac wanaagsan.

‘’Waa been abuur Deegaanka Saxar-dheer ee Gobolka Sool waxaa hadda ku sugan Ciidamada Khatumo, Somaliland waxa ay rabtaa in Gobolka ay ku maamusho dacaayado raqiis ah, waxaa jiro Dhaqdhaqaaqyo ay daafaha Deegaanka Saxar-dheer kawadaan laakin waa been abuur maqabsan Deegaankaasi’’ Ayuu yiri Cali Khaliif

Sidoo kale, Madaxweyne Galeyr waxa uu sheegay in Maamulka Somaliland ay siin-doonaan Jawaab culus haddii ay isku dayaan inay talaabo usoo qaadan dhanka Deegaanada uu Maamulkiisa ka arimiyo.

‘’Dhab ahaantii Jawaab ayaan ka bixineynaa haddii ay dhacdo in Ciidamo taabacsan Somaliland ay usoo talaaban dhanka Khatumo taasi waa naga digniin’’

Sidoo kale, Maxamuud Sheikh Cumar oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Khatumo, ayaa cadeeyay in Deegaanada Khatumo la sugay Ammaankooda, waxa uuna Tilmaamay in Ciidamada maamulka Somaliland aysan u dhaweyn xadka Khatumo ay la wadaagto, waxa uuna beeniyay wararka sheegaya in Ciidamada Somaliland ay qabsadeen Deegaanka Saxar-dheer ee Gobolka Sool.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidamada Militeriga Khatumo, ayaa dhankiisa ka sheegay inay diyaar u yihiin talaabo waliba oo kaga imaada dhanka Somaliland, waxa uuna  sheegay in Ciidamada Khatumo ay u dhameystiran yihiin iska caabinta Ciidamada Maamulka Somaliland

Haddalka kasoo yeeray Maamulka Khatumo, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay maalintii shalay Saraakiisha Maamulka Somaliland shaaciyeen inay la wareegeen gabi ahaan Deegaanka Saxar-dheer ee Gobolka Sool

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: Xildhibaanno ka tirsan BFS oo ku biiray kooxda aswadayaasha Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo Xog-Ogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaaya in ay dib usoo laba kacleeyeen kooxda qaswadayaasha Somalia ee lidka ku ah Jiritaanka Dowlada Federaalka Somalia ee uu Hoggaaminaayo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Kooxdan ayaa waxaa iminka ku biiray Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo iyagu dhawaan lagu weeraray Hooygooda ku yaalla Magaalada Muqdisho, halka kuwa kalana ay iminka ka cabsi qabaan in weerar ay kala kulmaan DF.

Ilo wareedka ayaa xaqiijinaaya in awooda Guddiga uu bur-buray kadib markii ay ka baxeen Siyaasiyiin ay kamid ahaayen C/weli Gaas, Cali Khaliif, Omar C/rashiid iyo Xubno kale, waxaana hadda la sheegayaa in boosaskaasi ay buuxinayaan Xildhibaanada Guddiga ku biirayo.

Guddiga ayaa waxaa iminka ku haray Cali Maxamed Geedi iyo Yuusuf Garaad oo aan weli loo saldhigin boosaskii ay ka rajeynayeen Villa Somalia oo uu u ballan qaaday Madaxweyne Xassan Sheikh.

Isbedelka dadban ee Guddiga ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo dhawaanahaani ay Dowladu yeelaneysay Mucaaradyo kasoo horjeeda Hub ka dhigista iyo Siyaasadaha ay la daal-dhaceyso DF.

Hirgalinta Guddiga ayaa waxaa taabagalinaaya Siyaasiyiin kasoo horjeeda DF iyo weliba Dowlada Kenya oo iyadu dhaliilsan Siyaasadaha Dowlada Xassan Sheekh.

Dhanka kale, Guddiga oo ay si hoose u horboodayaan Cali Maxamed Geedi iyo Yuusuf Garaad, ayaa waxaa xarumo u ah Hoteelada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Siyaasi caan ah oo diiday qorshaha DFS ee ka dhanka ah ganacsatada XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Isbaheysiga Nabada Soomaaliyeed C/laahi Sheakh Xasan oo Magaalada Muqdisho kula hadlay Warfidiyeenada, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay Madax adeeg ay weli la daal-dhaceyso Dowlada Federaalka.

Waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka looga fadhiyo inay wax muuqda ka qabato cabashada maalmihii ugu dambeeyey kasoo yeerayey ganacsatada Soomaaliyeed oo qaarkood xiray goobahooda ganacsi.

Waxa uu sheegay C/laahi Sheakh Xasan in ganacsatada Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin dhismaha Dalka iyo Kobcinta, balse DF ay u aragto Ganacsatada iney dhib ku yihiin Dalka.

Waxa uu Tilmaamay inay jiraan Dhibaatooyin badan oo ay ka cabanayaan Ganacsatada islamarkaana ay tahay nasiib daro in culeys kale lasii dulsaaro.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Nabada Soomaaliyeed C/laahi Sheakh Xasan Waxa uu wasaarada Ganacsiga iyo Dowladuba ugu baaqay inay joojiso Culeysyada ay saareyso Ganacsatada, maadaama uu yiri Dalku iminka soo kobcaayo.

Dhinka kale, Guddoomiye C/laahi Sheakh Xasan waxa uu kahadlay arimaha ku saabsan qaadista canshuuraha iyo xaalada Degeda Muqdisho, wuxuuna Carabka ku dhuftay inaan la joogin xiligii la bixin lahaa Canshuuro badan, maadaama uu weli dalka kala xiran yahay, Ganacsiguna uusan aheyn mid u socda sidii looga baahnaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada’@live.com

Xog: Isbadal lagu sameenaayo sida loo ilaaliyo madaxweynaha Jabuuti kadib..

Djibouti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa soo saartay baaritaan hor dhac oo ku aadan toogasho maalintii Isniinta ka dhacday gegida diyaaradaha Jabuuti xilli uu halkaas ka soo dagayay madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle oo ka soo laabtay shirkii madaxda IGAD ee Addis Ababa ka dhacay.

Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf ayaa VOA-da u sheegay in baaritaan hordhac ah oo la sameeyay ay muujinayaan askariga furay rasaasta in uu khilaaf kala dhexeeyay takhtarka gaarka ah ee madaxweynaha Jabuuti Korneel Idiris Cabdullaahi.

Wuxuu sheegay in markii la wareystay askariga rasaasta ku furay garoonka uu sheegay wax yaabo badan oo ku aadan khilaaf kala dhexeeyay korneel Idiris oo ahaa takhtarka gaarka ah ee ciidanka madaxtooyada Jabuuti ee Jamhuuriga.

Wasiirka arrimaha dibedda waxaa kaloo uu sheegay in dhacdadaas ay ku dhaawacmeyn ilaa seddax askari oo uu ka mid yahay Korneel Idiris kaasoo uu xaaladiisa ku tilmaamay mid halis ah in kastoo lala tacaalayo siddii uu soo kaban lahaa.

Waxaa la weydiiyay bal in xilliga uu rasaasta furayay askariga uu ku sugnaa garoonka madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle, wuxuu tilmaamay in xilligaas uu madaxweynaha ka tagay garoonka loona galbiyay gurrgiisa oo ku yaalla deeganka Haramuud ee caasimada Jabuuti.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in wasiiro shan ah ay ku sugnaayeen garoonka xilligii rasaasta uu u furayay askariga oo ka tirsan ciidanka ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle, wuxuuna sheegay in ay aad u baqeyn oo ay ku carareyn xarunta VIP-da.

Isbadal lagu sameenaayo sida loo ilaaliyo madaxweynaha Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti ayaa tilmaamay in dhacdadaas markii ay dhacday la yeeshay kulan degdeg ah oo looga arrinsaday siddii wax looga badali habka loo ilaaliyo madaxweynaha dalka Ismaacil Cumar Geelle.

Dalka Jabuuti ayaa ugu horeeya waddamada ugu xasilloon geeska Afrika, waana dhacdadii labaad oo dalkaas ka dhacda sannadkan.

24-kii bishii May ayey ahayd markii koox argagixiso ah ay weerar ku qaadeyn maqaayad ay tagaan dadka ajnebiga ee dalka Jabuuti ku sugan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Djibouti

[email protected]

Madaxweynaha Shabeelle State oo ka cabanaya in caalamka uu uga hiiliyey…

Marka (Caasimada Online) – Madaxweynaha mamaulka Shabeelle State, Abuukar Mardaadi ayaa sheegay in qolada beesha caalamka la baxday aaney dan iyo maslaxad u heynin Soomaaliya, wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa ugu horeeya ee Soomaaliya ay ka dhaaqi la’dahay.

Abuukar Mardaadi oo u warramay Idaacad Maxalli ah oo Muqdisho ku taalla ayaa sheegay in maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed laga lee yahay dano gaar ah oo beesha caalamka ayaa gadaal ka riixeysa ayuu yiri.

“Maamulkan seddaxda gobal waxaa taageeraya beesha caalamka oo dan ayey ka lee yihiin” ayuu yiri Abuukar Mardaadi.

Wuxuu sheegay oo kale wixii ka dambeeyay burburkii dalka 1991-dii in beesha caalamka ay lugaha kula jirtay danaha Soomaaliya, dhinac siyaasad, dhaqaale iyo danba sidda uu yiri.

Mar uu ka hadlaayay sababta uu u socon la’yahay maamulkiisa wuxuu tilmaamay in beesha caalamka aaney doneynin waxa ay doonayaan shacabka ku nool gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu kaloo sheegay in seddaxda gobal ee maamulka loo sameenaayo aaney dadka deggan isla howgalli karin maadama ay ka fog yihiin, wuxuuna beesha caalamka iyo dowladda ugu baaqay in ay oggolaadaan wax yaabaha ay doonayaan shacabka ku dhaqan gobalka Shabeellaha Hoose.

Maamulka Shabeelle State oo bishii March looga dhawaaqay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa weli heli ictiraaf dhinaca dowladda ah iyo beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Col. BARRE HIIRAALE oo shuruud adag soo bandhigay & warar sheegaya in…

Kismaayo (Caasimada Online) – Garabka Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ee la dagaalanka kula jira Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa sheegay inay ka qaybgalayaan shirweynaha beelaha Jubbooyinka loogu qabanaayo Magaalada Kismaayo. Haddii uu shirkaasi yahay mid waafaqsan heshiiskii Magaalada Addis Ababa.

C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Xubnaha taabacsan Barre Hiiraale, ayaa ku waramaayo ka qaybgalka shirkaasi inay diyaar u yihiin, balse shuruuda jirta ay tahay in hadii shirka uu daba socdo kii Addis Ababa ay ka qaybgalayaan, balse hadii uu yahay mid u gaar ah Axmed Madoobe iyo maamulkiisa aysanba suuragal aheyn inay marnaba ka qaybgalaan.

Xubnaha Barre Hiiraale, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka shaqeynta nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan Jubbooyinka, balse aysan diyaar u aheyn sida ay hadalka ku sheegeen inay ka qaybgalaan Shir Axmed Madoobe uu qabanaayo.

“Anaga Shir Axmed Madoobe noo qaban maayo, xalka Jubbooyinka diyaar baan u nahay waan ka qaybqaadanaynaa, laakiin shirka hadii uu yahay mid la xiriira kii Addis Ababa diyaar baan u nahay ka qaybgalkiisa”Ayuu yiri C/rashiid Macalin Gaas oo la hadlay Idaacada Kulmiye.

21-Bishan soo socota ayaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo uu ka furmo shirka Dib uheshiisiinta Beelaha Jubbooyinka, waxaana hada Kismaayo ka socota qaban qaabada shirkaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Dib uheshiisiinta Beelaha Jubbooyinka Cabdi Baaleey, ayaa ugu baaqay Garabka Barre Hiiraale ka qaybgalka shirkaasi, iyaga oo qiimeynaya nabadda iyo horumarka Jubbooyinka.

Barre Hiiraale iyo ciidamadiisa waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Goobweyn oo ah duleedka Magaalada Kismaayo.

Isha: Dhacdo.com

 

Turkiga iyo Somalia oo maanta heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday ANKARA

Ankara (Caasimada online) – Magaalada Ankara waxaa maanta oo Talaado heshiis ku kala saxiixday wasiirka gaashandhigga Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud iyo dhiggiisa dalkaas, waxaana heshiiskooda uu ku qotamaa siddii Turkiga uu door uga qaadan lahaa dib u dhiska ciidanka xoogga Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonto dhismaha ciidanka Soomaaliya, sidaas waxaa saxaafadda u sheegay sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Turkiga oo ah dowladda ugu awooda badan bariga dhexe ayaa horey heshiisyo ula gaartay Soomaaliya, waxaa kaloo mashaariic samafal ay ka wadaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed iyo tii ka horreysay ee Cabdi Faarax Saacid Shirdoon ayaa horrey heshiisyo ula saxiixday dowladda Turkiga.

Sidda ay aaminsan yihiin dad badan oo la socda arrimaha, xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeesan doona maadama uu hadda dalkaa madaxweyne ka noqday ra’iisal wasaarihii hore Rajib Dayid Erdugan oo booqasho taarikhi ah ku yimid magaalada Muqdisho seddax sanno ka hor.

Erdugan ayaa beesha caalamka u muujiyay inay Soomaaliya tahay weli waddan caalamka ka dhisan oo aan la doobi karin.

Sidoo kale Turkiga wuxuu deeqo waxbarasho u fidiyay arday Soomaali ah kuwaasoo wax ka bartay Jaamacadaha iyo iskuuladda dalkaas ku yaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ankara

[email protected]

Maxaa ka soo baxay kullan 3 geesood ahaa oo Kismaayo ka dhacay maanta?

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maanta Arbaca ah kulan seddax geesood ah oo ay yeesheen wafdi ka socda dowladda fedaraalka ah, saraakiil IGAD ka tirsan iyo mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa ahaa mid albaabada uu u xiran yahay, waxaana dhinaca dowladda fedaraalka ka joogay wasiiro ay ka mid yihiin Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka iyo wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa wakiilka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Affeey iyo wakiilka IGAD ee Itoobiya Jeneraal Gabra, sidda uu ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo.

Kulanka oo saxaafadda loo diiday in ay goob ka noqto ayaa la sheegay in looga hadlay si rasmi ah loogu aqoonsan lahaa maamulka Axmed Madoobe isla markaana la dhammeestiri lahaa maamulkaas.

Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa warbaahinta u sheegay in maamulkooda oo ictiraaf ka helay dowladda fedaraalka iyo beesha caalamka uu mardhow dhoqon doono maamul rasmi ah isla markaana uu ka baxayo maamul KMG ah.

Wuxuu sheegay oo kale in wafdiga gaaray Kismaayo ay hordhac u yihiin wafdi kale oo ka socda dowladda iyo urur gobaleedka IGAD kuwaasoo ka qeybgali doona wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka kaasoo loo qoondeeyay in uu dhaco 21-bisha na soo aadan.

Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan in kulanka looga hadlaayo wax yaabihii ka hirgalay heshiiskii bishii hore ee August sannadkii hore ay ku yeesheen dowladda fedaraalka iyo maamulka Kmg ah ee Jubba.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyya, waxaana laga soo billaabo garoonka diyaaradaha ilaa xarunta madaxtooyada ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba.

Jeneraal Gabra iyo danjire Affeey ayaa dhowr mar horrey u tagay Kismaayo, waxaana ay ka mid ah dadka la dhacsan maamulka Axmed Madoobe.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid lagu cadaadinaayo in ay aqoonsato maamulka KMG ah ee Jubba oo markii hore si iskiis ah isku magacaabay dagaalna la galay hoggaamiyaal kooxeed ka dhisnaa Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Xog ku soo korartay toogashadii dalka JABUUTI iyo isku daygii dil ee GEELLE

Djibouti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa faaf-faahin ka bixisay toogasho ka dhacday garoonka diyaaradaha Jabuuti xilli uu ka soo dagayay garoonka madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

War qoraal ah oo laga sii daayay Talafishanka dowladda Jabuuti ayaa lagu yiri, mid ka mid ah ciidamada jamhuuriga ee ilaaliya madaxweynaha ayaa si kama’ ah ay uga fakatay rasaas taasoo keentay in ay ku dhaawacmaan labo askari oo uu ku jirro takhtarkii gaarka ahaa ciidamada madaxtooyada Korneel Idiris.

Waxaa kaloo warka qoraalka lagu beeniyay markii uu shilka dhacayay in uusan madaxweynaha iyo wafdigii wasiiradda ee soo dhaweeyay aaney joogin garoonka.

Sidoo kale ciidanka Jamhuurigu waxay lee yihiin waxaa la xiray askariga falkaas geestay waxaana socda baaritaan lagu ogaanay sababta keentay shilkaas.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa markii uu ka soo dagayay garoonka diyaaradaha ka soo laabtay shirkii madaxda IGAD ee ka dhacay Addis Ababa, waxaana la sheegay in uu si nabad galyo leh uu ku tagay gurrigiisa oo ku yaalla deeganka Haramuud ee caasimada Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa ka gaabsatay sida ay wax u dhaceyn waxaana ay warkeeda ku soo koobtay in ay socdaan baaritaan.

Dhinaca kale, waxaa xaaladooda ay soo hagaageysaa labo askari oo ku dhaawacmay rasaasta ka fakatay askariga oo uu ku jirro takhtarkii gaarka ahaa ee ciidanka ilaaliya madaxweynahah Jabuuti ee Jamhuuriga.

Dadweynaha reer Jabuuti ayaa arrintaas aad uga xumaaday iyagoona si weyn u canaantay askariga rasaasta ku furay garoonka diyaaradaha Jabuuti, maadama aaney weligood maqlin rasaas sidaas waxaa ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee dalka Jabuuti.

Waa markii ugu horreysay oo dalka Jabuuti uu askari ka tirsan ilaalada madaxweynaha Jabuuti uu rasaas ku furo garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka ugu nabdoon ee geeska Afrika.

Caasimada Online                                 

Xafiiska Wararka Djibouti

[email protected]