29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xog ku soo korartay toogashadii dalka JABUUTI iyo isku daygii dil ee GEELLE

Djibouti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa faaf-faahin ka bixisay toogasho ka dhacday garoonka diyaaradaha Jabuuti xilli uu ka soo dagayay garoonka madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

War qoraal ah oo laga sii daayay Talafishanka dowladda Jabuuti ayaa lagu yiri, mid ka mid ah ciidamada jamhuuriga ee ilaaliya madaxweynaha ayaa si kama’ ah ay uga fakatay rasaas taasoo keentay in ay ku dhaawacmaan labo askari oo uu ku jirro takhtarkii gaarka ahaa ciidamada madaxtooyada Korneel Idiris.

Waxaa kaloo warka qoraalka lagu beeniyay markii uu shilka dhacayay in uusan madaxweynaha iyo wafdigii wasiiradda ee soo dhaweeyay aaney joogin garoonka.

Sidoo kale ciidanka Jamhuurigu waxay lee yihiin waxaa la xiray askariga falkaas geestay waxaana socda baaritaan lagu ogaanay sababta keentay shilkaas.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa markii uu ka soo dagayay garoonka diyaaradaha ka soo laabtay shirkii madaxda IGAD ee ka dhacay Addis Ababa, waxaana la sheegay in uu si nabad galyo leh uu ku tagay gurrigiisa oo ku yaalla deeganka Haramuud ee caasimada Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa ka gaabsatay sida ay wax u dhaceyn waxaana ay warkeeda ku soo koobtay in ay socdaan baaritaan.

Dhinaca kale, waxaa xaaladooda ay soo hagaageysaa labo askari oo ku dhaawacmay rasaasta ka fakatay askariga oo uu ku jirro takhtarkii gaarka ahaa ee ciidanka ilaaliya madaxweynahah Jabuuti ee Jamhuuriga.

Dadweynaha reer Jabuuti ayaa arrintaas aad uga xumaaday iyagoona si weyn u canaantay askariga rasaasta ku furay garoonka diyaaradaha Jabuuti, maadama aaney weligood maqlin rasaas sidaas waxaa ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee dalka Jabuuti.

Waa markii ugu horreysay oo dalka Jabuuti uu askari ka tirsan ilaalada madaxweynaha Jabuuti uu rasaas ku furo garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka ugu nabdoon ee geeska Afrika.

Caasimada Online                                 

Xafiiska Wararka Djibouti

[email protected]

Booliska Kenya oo toogtay qof Somali

Mandheera (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa ayaa maanta oo Talaado ah qoray in booliska Kenya ay toogteyn nin Soomaali ah oo ku hubeysnaa qori AK47.

Sarkaal u hadlay magaalada Mandheera ee gobalka waqooyi bari Kenya ayaa sheegay ninka la toogtay in uu ahaa qof rabay in wax yeelo ku geysto qoriga uu watay maadama goobta ay jirtay dagaal u dhexeysa maleeshiyaad Soomaali ah.

Waxaa kaloo wargeyska uu sheegay in goobta lagu toogtay ninka Soomaaliga lagu xiray sideed kale oo ka tirsanaa kooxda hubeysan.

Arrintan ayaa ku soo aaday iyadoo dagaallo u dhexeeya maleeshiyaad Soomaali ah uu ka socdo degmada Mandheera ee gobalka Waqooyi bari dalka Kenya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo booliska Kenya ay toogtaan qof Soomaali ah tan iyo markii ciidanka Kenya ay galeyn gudaha Soomaaliya seddax sanno ka hor.

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay dagaalka ka socda magaalada Mandheera ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

27 xubnood oo loo magacabay gudiga dhismaha maamulka cusub ee Mudug iyo Gal-Gaduud (Aqriso Magacyada)

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Waasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa lagu magacaabay guddiga Farsamo ee maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Xubnaha guddiga ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ay ka koobanuihiin 27, xubnood, kuwaasi oo kala ah.

1-Cismaan Ciise Nuur

2-Xaliima Ismaaciil Ibraahim

3-Daahir Xasan Guutaale

4-Cabdi Faarax Jaamac

5-Dr. Khaliif Xirsi Cali

6-Iimaan Xasan Jiiroow

7-Daahir Wehliye Siyaad

8-Maryan Cabdi Geeddi

9-Cabdullaahi Cabdi Cabdulle

10-Maxamed Axmed Maxamuud

11-Cabdullaahi Maalin Gaafow

12-Axmed Dubad Cali

13-Cumar Maxamuud Mahad Alle

14-Cabdiraxmaan Maxamuud Macalin.

15-Cumar Cali Rooble

16-Maxamuud Aadan Cusmaan

17-Cabdullaahi Muuse Maxamed

18-Maxamed Xaashi Cabdi (Garabey)

19-Cabdi Daahir Maxamed Xareed

20-Durraan Cali Farey

21-Farxiyo Afweyne Sheekh –doon

22-Xareed Cali Xareed

23-C/nuur Macali Maxamuud

24-Cowke Xaaji Cabdiraxmaan

25-Khadiijo Cadaan Cusmaan

26-Juneyd Ismaaciil Cigalle

27-Cabdullaahi Xuseen Cali

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Arrin NAXDIN leh oo laga soo sheegay gobolka GAL-GADUUD kaddib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Deegaanka Baxdo ee Bariga Degmada Cadaado ee Gobolka galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu isku daldalay Aabe nolosha dhowr Carruur ah ay ku xiriirtay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Aabahaasi uu kamid ahaa dadka xoogooda ku shaqeysan jiray dhibaato dhanka Nolosha ah oo lasoo gudboonaatay darteedna uu isku daldalay.

Mid kamid ah dadka Deegaanka Baxdo, ayaa inoo xaqiijiyay in Marxuumka lagu magacaabi jiray Xusein Xaashi Cilmi, waxa uuna sheegay inuu qolka isku xiray kadibna uu qoorta isaga xiray xarig sidaana kuwaayay naftiisa.

Marxuumka ayaa waxa uu Ifka uga tagay in kabadan 12 Carruur ah.

Is daldalaada Marxuumka ayaa waxaa la sheegayaa inuu Salka ku haayay Dhaqaallo yari soo food saartay sidaana uu isku dilay.

Ma aha markii ugu horeysay uu Muwaadin Soomaaliyeed is daldalo, waxa ayna ka turjumeysaa shaqo la’aanta ka taagan Dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Puntland oo wadda qorshe laga cabsi qabo inuu xiisad cusub abuuro (Xog)

Garaawe (Caasimada Online) – Warar  oo naga soo gaaraya  dhanka Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Maamulka uu wado Qorsho cusub uu ku doonayo inuu maamulka Khaatumo kusoo biiriyo Puntland.

Ilo wareed ka tirsan Maamulka Puntland ayaa inoo xaqiijiyay in Maamulka ay arrintaasi kala hadleen Madaxweynaha Khatumo Cali Khaliif iyo Odayaal dhaqmeed ka tirsan Khatumo, balse Jawaab aysan weli ka soo bixin.

Waxaa la filayaa in kulan Xasaasi ah ay wada qaadan doonaan Madaxweynayaasha Puntland iyo kan Khaatumo, kuwaasi oo ka arrinsan doona wada shaqeynta, iyadoona C/weli Gaas uu Madaxweyne Cali Khaliif ka dhaadhacsiin doono in leysku biiriyo Puntland iyo Khaatumo.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa la sheegayaa inuu diyaar u yahay haddii ay dhacdo riyadiisa in Maamulka Khatumo uu siiyo Seddex xil oo kala ah, Madaxweyne Ku-xigeenka, wasiirka Gaashandhiga iyo Warfaafinta.

Maamulka Puntland ayaa wada Qorsho lagu dardar galinaayo is raaca labada Maamul, waxaana muuqaneysa in Maamulka Somaliland uu arrintaasi ka sii baaran dagayo.

Dadka reer Khaatumo, ayaa arrintan u arka daan-daansi iyo xaasidnimo ka dhan ah maamulkooda cusub, oo iminka rajo weyn laga qabo inay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ansixiyaan.

Dhanka kale, waxaa laga cabsi qabaa haddii ay dhacdo in Maamulka Puntland iyo Khatuma Midooban ay Ciidamada Somaliland weeraro ka geystaan deegaanada hoostaga Khatuma.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Sawirro: Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo gaaray magaalada Baledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gaaray Wafdi uu horkacaayay Wasiirka wasaarrada gadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumada Somalia Saciid Jaamac Qoorsheel.

Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Xubno ka tirsanaa wasaaradiisa Agaasimaha guud wasaaradda iyo maareeye ku-xigeenka duulista iyo, duuliye diyaaradeed, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif  kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan iyo weliba Saraakiisha ciidamada AMISOM ee Jabuuti.

Soo dhaweyn kadib Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay kormeeren qeybaha uu garoonka ka kooban yahay, isagoona loo sharaxay waxyaabaha uu u baahan yahay garoonka in lagu dayactiro qalab iyo dhaqaalaba.

Sidoo kale, Cabdifataax Xasan Afrax  oo ah Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa waxa uu sheegay in Gobolka Hiiraan uu yahay Barwaaqo islamarkaana Dowlada looga baahan yahay inay dib usoo celiso ilaha dhaqaale.

Waxa uu sheegay in Booqashada Wasiirka iyo Wafdigiisa ay noqon doonto mid wax weyn ka tarta dib u soo nooleynta dhamaanba adeegyadii garoonka diyaaradaha Beledweyne.

Dhanka kale, Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu si gaar ah ugu faraxsan yahay in uu soo booqdo magaalada Beledweyne waxa uuna tilmaamay in booqashadiisu ay noqon doonto mid waxbadan ka bedesha Garoonka Diyaaradaha.

Waxa uu ballan qaaday inuu isbedel ku sameyn doono garoonka islamarkaana ay si kumeel gaar ah u dayactirayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected] 

DAAWO SAWIRADDA

????????????? ????????????? ????????????? ????????????? ????????????? ????????????? ????????????? ????????????? ?????????????

Ismaaciil Cumar GEELLE oo 10 daqiiqo ku baxsaday, ayadoo toogasho ay ka…

Djibouti (Caasimada Online) – Gelinkii danbe ee Isniinta 25-August,2014 ayaa waxa ay toogasho ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Djibouti, xili uu kasoo degay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti Najiib Cali Tahir ayaa Idaacadda VOA u sheegay in Madaxweynu uu goobta ka baxay toban daqiiq ka hor toogashada Geelle

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidanka ilaalada Jamhuuriga oo ah ciidanka qaabilsan ammaanka iyo nabadgaliyada Madaxweynaha ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidankaasi uu rasaas furay , isaga oo dhaawacay laba qof.

Mid ka mid ah labada qof ee dhaawacmay ayaa ah Dr Idiris Cabdi Galab oo isagu ah sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada jamhuuriga ah, isla markaana qaabilsan caafimaadka Madaxweynaha.

La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti ayaa VOA da u sheegay in sababta toogashadu ay u muuqato khilaaf gaar ah oo u dhexeeyay askariga rasaasta riday iyo Dhakhtarka dhaawacmay.

Waxa uu sheegay in xaaladdu ahaan lahayd mid halis ah, haddii toogashadu  ay dhici lahayd, xilligii Geelle uu garoonka ku sugnaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Maxaad kala socotaa qorshaha ay wasiirada DFS u jogaan KISMAAYO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka laga helaayo Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in wadooyinka Magaaladaasi ay xiran yihiin, iyadoona wadooyinka lasoo dhoobay Boqolaal Ciidamo ka tirsan Raaskambooni iyo kuwa Dowlada.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana la sheegayaa in halkaasi ay ku sugan yihiin Wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo uu Hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xubno kale oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka DF.

Dowlada Federaalka ayan weli ka warbixin socdaalka uu halkaasi ku gaaray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Maaliyada.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Labada wasiir lagu amray inay gaaran Kismaayo oo ay ku sugan yihiin Diblumaasiyiin ka socda QM, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

Lama shaacin Ujeedka Wasiirada ay halkaasi u gaareen balse waxaa la sheegaya in socdaalkooda uu yahay mid lagu soo afjaraayo Khilaafyo yar oo ka dhex taagan Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulka KMG Jubba oo aan iyagu u hogaansaneyn Amarada Wasaarada.

Dhanka kale, Madaxda Maamulka KMG Jubba iyo Saraakiishooda, ayaa iyagu ka soo horjeeda in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya laga saaro Magaalada Kismaayo, taasi oo ay ka dhalatay Khilaafyo aan dhamaad laheyn oo ka dhex taagan DF iyo Maamulka KMG Jubba.

La soco wixii Faah-Faahin ah wararkeena dambe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xiisad dagaal oo Gaalkacyo ka taaggan & ciidanka Puntland oo is-horfadhiya

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas saakay ay ka taagan tahay xiisad kaddib markii lagu arkay ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo gadoodsan.

Ciidankan ayaa shaley soo gaaray meel galbeedka ka xigga magaalada waxaana ay xittaa madaafiic ku garaaceyn gegida diyaaradaha Gaalkacyo.

Dadka deeganka ayaa sheegay in ciidamada ay aad u hubeysan waxaana ay wataan gaadid dagaal.

Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan waxaana laga cabsi qabaa ina y saameyn ku yeeshaan isku socodka dadka iyo gaadidka.

Dhinaca kale, sarkaal u hadlay maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in ciidamada lagu arkay galbeedka Gaalkacyo ay ka tirsan yihiin ciidamada maamulka Puntland kuwaasoo sameeyay gadood markii dhowr bil aan mushaar la siin.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan ciidamada maalintii labaad ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

REER MUQDISHO OO LA QASBAAYO!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobalka Banaadir ayaa ka hadlay cabashooyin ka soo yeertay ganacsatada suuqa bakaaraha kuwaasoo shaley go’aan ku gaaray in ay xiraan goobahooda ganacsiga kaddib markii ay sheegeyn in laga qaado lacago xad dhaaf.

Sarkaal u hadlay dowladda hoose ayaa sheegay in ganacsatada suuqa Bakaaraha ay qasab ku tahay in ay bixiyaan lacagta canshuurta ciddii diidana la soo xiri doono lana taagayo sharciga.

Madaxa waxda canshuur qaadida ee gobalka Banaadir ugu qaabilsan suuqa bakaaraha Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa warbaahinta u sheegay in canshuurta qof kasta oo ganacsato ay qasab ku tahay, isagoona yiri waxaa lagu qabtaa arrimo badan oo ay ka mid tahay ammaanka hantida ganacsatada suuqa ku ganacsado.

“Sharci ayaa ka yaalla qofka diidda canshuur waana qasab ciddii diidana waa la soo xirayaa waana sharci ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha” ayuu yiri.

Hadalka mas’uulkan ayaa u muuqda mid hanjabaad ah maadama ganacsatada suuqa bakaaraha ay lee yihiin waan bixinaa canshuurta ee waxaan kala garan la’nahay ciidamada badan ee aan lahayn meel loogu soo hagaago ee suuqa ka buuxa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Tarsan oo sheegay in sanduuq madow oo waxa ku jira aan la aqoon loo soo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Mohamud Ahmed Nur Tarsan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu Bartiisa Facebook kusoo qoray Qoraal yar oo uu uga hadlaayay Federaalka laga dhaqan galiyay Dalka Somalia.

Tarsan waxa uu Qoraalkaasi ku cadeeyay in la doonayo in Shacabka Soomaaliyeed lagu dhaqo Nidaamyo aysan aqoon buuxda u laheyn waxa uuna Tusaale usoo qaatay Nidaamka Federaalka.

Nuqul kamid ah Qoraalka Tarsan uu bartiisa Facebook kusoo qoray ayaa waxa uu u qornaa ‘’Shacabka Somaaliyeed waxaa loo dhiibay  SANDUUQ MADOW xiran oo aan la ogeyn waxa dhexdiisa ku jira oo ka soo bixidoona marka la furo Sanduuqu waa FEDERAAL xitaa kalimada ma aha  Soomaali’’ Sidaa waxaa yiri Tarsan.

Isagoo intaa kasii ambaqaadayo dhanka qoraalka waxa uu yiri ‘’Waxaan hubaa in %90 shacabka Soomaaliyeed la rabo in lagu dhaqo Erayo iyo Nidaam aysan micnihiisu aqoon Marka yaa la rabaa inuu shacabka u fasiro kelimadaan ka baxsan qaamuuska afka Somaaliga?’’

Mohamud Ahmed Nur Tarsan waxa uu aad u dhaliilay wada shaqeyn la’aanta ka dhexeysa DF iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna Sababtu ku sheegay Damaca Madaxda DF iyo Daacadnimada Bulshada Soomaaliyeed oo lagu dhaqaayo Nidaamka Federaalka.

Tarsan oo arrintaasi ka hadlaayo waxa uu yiri ‘’Nin ayaa soo qaatay Federalka Germalka, Ethiopia iyo Mareykanka, waxa ay ila  tahay in aad iyo aad ay u kala fogyihiin midka la rabo in laga hirgeliyo Somaaliya iyo Midka ay ku dhaqmaan Dowladaha la sheegay’’ Sidaa waxaa yiri Tarsan.

Tarsan waxa uu sidoo kale, ka digay in Bulshada Soomaaliyeed la marin habaabiyo, waxa uuna Tilmaamay inuu jiri doono xisaabtan haddii leysku dayo in la kala geeyo Bulshada iyo Dalka.

Dhanka kale, waxa uu si dadban daboolka uga qaaday in Dowlada Federaalka ay la daal-dhaceyso Sanduuq madow oo lagu soo riday Federaal aan suuragal aheyn in laga hirgaliyo Dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Magacyada 5 guddoomiye degmo oo Muungaab uu xilka ka qaadi doono

Beledweyne (Caasimada Online) – Ilo wareed ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa shabakadani u xaqiijiyay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Muungaab uu wado xil ka qaadis uu ku sameynaayo Shan Guddoomiye Degmeedyo kuwaasi oo lagu eedeynaayo inay gudan waayen Waajibaadka ka saaran Ammaanka Degmada.

Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiyayaashasi ay Hanan waayen Ammaanka iyo dayactirka Degmooyinka, iyagoona la Tilmaamay in inta badan Wakhtigooda ay ku lumiyeen Hoteelada iyo Xarunta weyn ee Gobolka.

Haddaba Shanta Guddoomiye Degmeedyo ayaa waxaa kamid ah:-

1-Guddoomiyaha Degmada Xamar-Jajab Axmed Cusmaan Dhoore

2- Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid  Xuseen Maxamed Cadaawe

3-Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi

4- Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow

5- Guddoomiyaha Degmada Deyniile Ciise Maxamuud Guurre

Xil ka qaadista Shantaani Guddoomiye lagu sameyn doono, ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa dadaalo uu Guddoomiyaha Gobolka ku kala sifeynaayo Guddoomiyayaasha wax tarka leh iyo kuwa aan u qalmin xilka Degmo.

Dhanka kale, Guddoomiyayaashani la badali doono, ayaa waxaa lagu bedeli doonaa Guddoomiyayaal kale oo ay qaraabo yihiin kuwa xilka laga qaadi doono.

Caasimada Online

Xafiiska Beledweyne

[email protected]

SAWIR: Xeelad cajiib ah oo MUQDISHO laga billaabay si hubka looga qariyo DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiin Caamir ayaa sawir gacmeed qosol badan ka sammeeyey xeelad cusub oo ay dadka hubka ku dhex haysta magaalada Muqdisho ay billaabeen, si ay hubka u gala baxaan guryahooda, oo aanay uga qaadin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaga oo u qaadaya meelo kale.

Amiin ayaa sawir gacmeedka ku muujiyey in naxashka lagu qaado meydka ay dadka qaar u adeegsanayaan inay hubkooda ku daabulaan. Hoos ka arag sawir gacmeedka.

25_AUG_2014

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Adan Madoobe oo si kulul uga hadlay rabshado mag. Baydhabo ka dhacay

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan Madoobe ayaa si kulul uga hadlay rabshado ay dad ku dhinteyn oo shaley ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Aadan Madoobe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaalita ay wado caburin ay ku heyso dadka ku dhaqan gobalada uu ka arrimiyo maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Wuxuu sheegay oo kale in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda oo ku sugan Baydhabo ay ka dambeeyeen in dad shacab ah rasaas lagu furo kuwaasoo muujinayay dareenkooda maalintii shaley.

“Dowladda waxay wado lama aqbali karo ma ahan in dadka laga hor istaago dareenkooda” ayuu yiri Sheekh Aadan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Aadan Madoobe iyo xildhibaanno kale oo ka soo jeeda gobalka Baay ayaa taageersan maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya kuwaasoo u jeedkooda uu yahay siddii ay maamul gobaleed ka kooban seddax gobal ay ugu sameyn lahaayeen gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa taageersan maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed oo ah maamul kumeel gaar ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Dalkii madaxweynaha ka dhiggay Xasan oo safaarad ka furanaya Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynha Dowladda Federalka, Md. Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Hawl-fuliyaha Safaaradda Qatar ku leedahay magaallaadda Muqdisho, Hassan Bin Hamza Assad Mohamed.

Kulankaasi ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo qorshaha ay Dowladda Qatar ku furanayso Safaaraddii ay ku lahaayeen Somalia, wuxuuna Diplomaasiga Qatar u soo gudbiyey Madaxweynaha Somalia salaan uu u so odiray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim Bin Hmaad Al-thani.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Xasan waxa uu ka codsaday Hawl-fuliyaha Safaaradda Qatar inuu salaan khaas ah ka gaarsiiyo Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamin Bin Hamad Al-thani.

Wargeyska The Gulf Times ayaa qoray inay labada dhinac si aad ah ugu lafa-gureen kulankooda xoojinta xiriirka labada dal

Xigasho: gulftimes.com

QARAXYO lagu la’day oo ruxay KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Lix qof ayaa laga daad-gureeyeye Isbitaalka Mandheera ee W/bari ee Kenya, kadib, markii uu qarax ka dhacay Dukaan u dhow Isbitaalka Blue Light Hospital ee magaalladda Mandheera.

Hay’adda Bisha Cas ee Kenya ayaa si KMG u joojisay Hawlgalladdii ay ka wadeen Degmadda Rhamu oo dhanka Waqooyiga kaga toosan Mandhera.

Hadal ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in tallabadaasi la qaatay sababo dhinaca ammaanka iyo iyadoo laga baqayo in shaqaalaha Hay’addaasi waxyeello la kulmaan.

Maalintii Axadda ee la soo dhaafay, Gaari Ambalaas ayaa lagu weeraray agagaarka Degmadda Rhamu, iyadoo mid ka mid ah shaqaalaha Bisha Cas lagu dhaawacay.

Degmadda Rhamu waxaa ka dhacay dagaal beeleed aad u culus oo u dhexeeyo labo beel oo halkaasi deggan.

Waxaana ilaa iyo haatan ku geeriyootay 6 qof oo ka soo kala jeeda dhinacyaddii dagaalamay. Waxayna Maleeshiyooyinka isku adeegsanayaan noocyadda hubka fudud iyo Hoobiyayaal.

Qoysas fara badan ayaa ka cararay dagaalladda culus ee ka socda Degmaddaasi.

Xigasho:- Daily Nation

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

DAMU-JADIID oo dhimasho been ah ka faafiyey madaxweyne SHARIIF SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Hogaanka Ururka Dam-Jadiid ee ka taliya Dalka Somalia, ayaa baraha Bulshada siyaabo kala duwan ugu baahiyay Qoraalo been ah oo ay sheegayaan in Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed Geeriyooday.

Saraakiisha ayaa waxa ay Facebook kusoo qoreen in ay geeri ku timid Shariif Sheikh Axmed, waxa ayna tilmaamen inuu u geeriyooday Xanuuno ku dhacay, balse Qoraaladaasi ay baahiyeen uu yahay mid been abuur ah oo ka baxsan xaqiiqda.

Nuqul kamid ah Qoraalada ay Facebook ku shaaciyeen Dam-Jadiid ayaa waxaa kamid ahaa ‘’Allaha u naxariisto waxaa geeriyooday Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed xilli uu ku sugnaa Dalka Isutaga Imaaraadka, Samir iyo iimaan alle haka siiyo Ehelka iyo qaraabada uu ka geeriyooday iyo Umadda Soomaaliyeed’’

Sidoo kale Qoraal kaasi ka duwan oo ay baahiyeen ayaa waxa uu u qornaa ‘’Shariif Sheikh Axmed Waxa uu lugta la galay Siyaasado aan u qalmin waxaa ku dhacay xanuunka Maskaxda waxa uuna ku geeriyooday Dalka Imaaraadka’’

Qoraaladaasi ayaa waxaa isla Baraha Bulshada ku beeniyay Hassan Abdikadir Mudey oo ah Mucaarad kasoo horjeeda qaabka ay Dowlada Xassan Sheikh Siyaasada u daadihineyso waxa uuna yiri ‘’ Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuu noolyahay Allana waxaan uga baryeynaa in uu siiyo Cumri dheer iyo Caafimaad waxaan aad uga xumahay in ruux nool waa dhintay layiraahdo’’

Waxaa sidoo kale Qoraalada ay Saraakiisha Dam-Jadiid baahiyeen Been abuur ku tilmaamay Xildhibaan ka tirsan Dowlada Federaalka oo saaxiib dhow la ah Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed waxa uuna yiri ‘’Waxaan guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in ay been abuur yihiin isla markaana Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Sheikh Axmed  uu nabad qabo uuna joogo Dalka Dubai’’

Qoraalada ay baahinayaan Saraakiisha iyo Madaxda Dam-Jadiid ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli ay maalmahaani warbaahinta shaacineysay in Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed uu isuu soo taagayo Madaxtinimada Dalka islamarkaana uu yahay Musharax u taagan Doorashada 2016-ka ka dhici doonto Dalka, taasi oo qalqal galisay Saraakiisha iyo Madaxda Dam-Jadiid oo iyagu u arka in qabashada Dalka Shariif mid lagu ciribtiraayo Jiritaankooda.

Dhanka kale, waxaa Qoraalada ay Dam-Jadiid baahineyso ka carooday Madaxweyhinii hore Shariif Sheikh Axmed oo la gaarsiiyay nuqulo kamid ah Qoraalada looga been abuuray Noloshiisa, iyadoona Taasi ay u muuqaneyso mid ay Dam-Jadiid kula dagaalamayaan Shacbiyada Shariif uu ku dhex lee yahay Bulshada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ciidamo gadoodsan oo MADAAFIIC ku garaacay garoonka Gaalkacyo kadib…

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Abaare 8-dii aroornimo ee saakay ayaa hal mar laga maqlay madaafiic culus oo lagu garacaayo gegedi diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqleyn madaafiic lagu garaacay garoonka oo xilligaas ay ka dagayeen diyaarado badan.

Ma jirto khasaaro ka dhashay madaafiicda lagu garaacay gegida garoonka diyaaradaha Gaalkacyo balse waxaa qalqal ku yimid howlihii garoonka.

Ciidamada gadoodsan oo watay shan gaarri oo ah kuwa dagaalka ayaa madaafiicda ka soo tuurayay xaafadaha ku teedsan galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ayaa ka gadoodsanaa mushaar la’aan la soo daristay waxaana ay wacad ku mareyn in ay sii wadi doonaan gadoodka ay sameeyeen ilaa inta mushaarkooda laga siinaayo.

Xaalada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa deggan iminka waxaana aan jirin cid ka hadashay dhacdadii maanta ka dhacday garoonka Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

MADOOBE oo arrin halis ah shaaciyey

Baydhabo (Caasimada Online) – Madoobe Nuunow Maxamed oo madaxweyne u ah maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta ADC-da waxaana uu ka warbixiyay isku soo bax rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Madoobe Nuunow ayaa ugu horeyn sheegay in uu ka xun yahay dhimmashada iyo dhaawaca ka dhashay bannaanbax looga soo horjeeday ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Baydhabo ka dhacay, isagoona sheegay in arrintaas ay muujineyso sida loo caburinaayo taageerayaashiisa.

Wuxuu sheegay oo kale in qofka dhintay iyo labada kale ee dhaawacmay uu rasaas ku furay askari ilaalo u ah wasiir ku xigeenk ammaanka Ibraahim Yarow Isaaq isla markaana loo baahan yahay in cadaalladda la hor keeno.

Madoobe Nuunow Maxamed ayaa tilmaamay in ay dadka xaq u lee yihiin in ay soo bandhigaan aragtidooda iyo cidda ay taageersan yihiin ma ahan buu yiri in xabad lagu furo dad maati ah.

Ugu dambeyn Madoobe Nuunow ayaa madaxda dowladda iyo beesha caalamka ka codsaday inay tixigaliyaan rabitaanka dadka ku dhaqan gobalada Baay iyo Bakool.

Hadalka Madoobe Nuunow ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta galinkii hore uu dibadbax rabshado wata uu ka dhacay magaalada Baydhabo kaddib markii la sheegay in uu magaalada tagayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya balse wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ay baaqdeyn.

Xaaladda magaalada ayaa deggan, waxaana lagu soo warramaya in magaalada ammaankeeda ay la wareegeyn ciidanka AMISOM.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan guddiga maamul u sameynta gobalada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool kuwaasoo uu dhawaan magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waxaana ay kulamo la lee yihiin odayaasha iyo siyiinta magaalada isku heysata.

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhisan seddax maamul marka laga soo tago kan dowladda waxaa kaloo ka dhisan maamulada lixda iyo seddaxda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ankara

[email protected]

Faarax C/qaadir iyo Goodax oo tagaya Kismaayo iyo ujeedka socdaalkooda

Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo urur-goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa inay maalinta berri oo Isniin ah gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoggaamin doona wafdi ka socda xukuumadda Soomaaliya, waxaana xubnaha wafdigiisa lagu wadaa inuu ka mid noqdo wasiirka dastuurka iyo garsoorka Faarax Cabdiqaadir oo markii ugu horreysay booqanaya Kismaayo.

Ergeyga gaarka ah ee urur-goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa isna lagu wadaa inuu gaaro magaalada.

Ujeeddada socdaalka wafdiga dowladda iyo IGAD ayaa lagu sheegay qiimaynta qodobbada ka hirgelay heshiiskii Addis-Ababa ee dabayaaqadii sanadkii 2013 yeesheen dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]