29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Faarax C/qaadir iyo Goodax oo tagaya Kismaayo iyo ujeedka socdaalkooda

Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo urur-goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa inay maalinta berri oo Isniin ah gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoggaamin doona wafdi ka socda xukuumadda Soomaaliya, waxaana xubnaha wafdigiisa lagu wadaa inuu ka mid noqdo wasiirka dastuurka iyo garsoorka Faarax Cabdiqaadir oo markii ugu horreysay booqanaya Kismaayo.

Ergeyga gaarka ah ee urur-goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa isna lagu wadaa inuu gaaro magaalada.

Ujeeddada socdaalka wafdiga dowladda iyo IGAD ayaa lagu sheegay qiimaynta qodobbada ka hirgelay heshiiskii Addis-Ababa ee dabayaaqadii sanadkii 2013 yeesheen dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Indha-Cadde oo xiray wadooyinka gala hooygiisa (Maxaa soo kordhay??)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warka laga helaayo dhanka Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegaya in DF ay Gen.Yuusuf Siyaad Indha cadde ugu baaqday inuu wareejiyo Gabi ahaan hubka gacanta ugu jira.

Wararku waxa ay sheegayaan in Yuusuf Indha cadde loo qabtay mudo kooban inuu ku wareejiyo Hubka, si looga bad-baado weeraro ay waxyeelo kasoo gaaran dad shacab ah.

Yuusuf Indha Cadde oo ka cabsi qaba inuu weeraro kala kulmo Laamaha Ammaanka ayaa la Tilmaamayaa inuu jaray gabi ahaan Wadooyinka gala Hooygiisa Magaalada Muqdisho, isagoona badsaday Maleeshiyaadkii ilaalada u aheyd.

Lama Oga waxa uu Yuusuf Indha Cade uga jawaabay baaqa ka baxay Xafiisyada Laamaha Ammaanka ee ahaa inuu maalmo kooban Hubka ku wareejiyo, balse waxa ay warar hoose sheegayaan inuu ka caga jiidayo isagoo garabsanaaya Wasiirka Amniga Khaliif Erag iyo Taliyaha Ciidamada Militeriga Indha-qarshe.

Dhanka kale, Waxaa suuragal ah in Ciidamada Ammaanka ay jawaab adag ka bixiyaan waa haddii natiijo laga waayo Beesha Habar-Gidir oo uu Indha Cadde kasoo jeedo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Hambalyo Aroos: Shankaroon & Saciid

Aabo Cabdullahi maxamed Xaaji(Dr Fanax)
Hooyo Xaliimo Maxamed xasan(Xaliimo cadeey)
Aboowe Maxamed Cabdullahi Maxamed(Maxamed Fanax) Iyo Xaaskisa Qamar Cabdullahi iyo Caruurtoda.
Abaayo Amaal Cabdullahi Maxamed( lajecel) iyo Seygeeda Cumar cali iyo Caruurtooda.
Aboowe Cabdirashiid Cabdullahi maxamed(Ganacsade)
Aboowe Adan Cabdullahi Maxamed(Aden Cade)
Aboowe Abdimajid cabddullahi Maxamed(C/majid yare)
Abaayo Nasteexo Cabdullahi Maxamed(Nasteexo Nafta)Eedo Fadumo Maxamed Xaaji
Eedo Nimco Maxamed xaaji
Adeer Xasan Maxamed Xaaji
Eedo Nuurto Maxamed Xaaji
Habaryar Fadumo Maxamed Xasan(Shiino)
Abti Salabeen IbraahimAsxaabta/qarabada
Ifraax Cismaan Guleed
Raxmo Biteey
Deeqo Biitey
Cabaas Xuseen
Cabdiraxmaan Xuseen
Deeqo Maxamed
Nasteexo maxamed
Deeqo Cilmi cabdi
Axmed Sheikh Axmed
Xuseen Madoowe
Xuseen Nuuriyoow
Maxamed Arjan

Arooska Familkisa

Hooyo maako macalin maxamed
Miski xasan cumar
Sahro xasan cumar
Cabdulqadir xasan cumar
Abdi xasan osman .
salax cali maxamud . .
Ibrahin sangaab .
Abdi fitax maxamed .
Maxamuud dahir mumin .
Abti xasan salax

Dhammaan dadkaasi waxay tahniyad kalgaceyl u dirayaan Arooska Iyo Aroosada Saciid Xasan Cumar & Shankaroon Cabdullahi Maxamed, oo ku aqal galay dalka Netherlands, waxay lee yihiin reerkii lagu nastee lagu nagaadee, wada-jiree nabad gala allahayow idinka yeel. Wiil iyo caano, Gabar iyo caano
shanka1shanka2

Yaa xiray suuqa Bakaaraha, maxaase sabab ah oo loo xiray? (XOG BUUXDA)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib markii shaley inta badan uu xirnaa suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, waxaa arrintaas ka hadlay dowladda Soomaaliya oo sheegtay in wax canshuur ah aaney ka qaadin suuqa.

Wasiiru dowlaha maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax canshuur ah aaney ka qaadin suuqa bakaaraha isla markaana ciidanka la sheegay in ay canshuurta qaadan ay yihiin kooxo hubeysan oo aaney jirin cid ay ka amar qaataan.

Wasiiru dowlaha oo tagay Suuqa Bakaaraha isla markaana kulamo la yeeshay guddiyo ay lee yihiin ganacsaytada suuqa iyo rugta ganaciga Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in ay ogaadeyn ciidamada canshuurta ka qaada Suuqa Bakaaraha aaney dowladda ka tirsaneen.

Wasiiru dowlaha wuxuu kaloo sheegay in ay ku howlan yihiin siddii loo ogaan lahaa ciidankaas iyo qorshaha ay damacsan yihiin isagoona ka digay in arrintaas ay keeni karto ammaan darro ka dhalata suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in labo dhinac ay canshuurta qaadaan kuwaasoo kala ah, wasaaradda maaliyadda iyo dowladda hoose.

Waxaa ka muuqata hadalka wasiiru dowlaha maaliyadda in uu jiro ismaan dhaaf ka dhex jira maamulka gobalka Banaadir iyo wasaaradda maaliyadda, maadama la lee yahay ciidanka canshuuraha ka qaada magaalada Muqdisho waa kuwa hoostaga maamulka gobalka Banaadir.

Shaley ayey ahayd markii ganacsatada suuqa Bakaaraha ay ku dhaqaaqeyn shaqo joojin ay uga cabanayaan lacago xad dhaaf ah oo ay sheegeyn in laga qaado goobaha ganacsigooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Hawiye oo 8 su’aal oo culus ka keenay howlgalka hub ka dhigista Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –  Asbuucyadii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka waxaa ka dhacay Howlgalo loogu wan-qalay Hub ka dhigis, kaasi oo lagu sameeyay Siyaasiyiin kasoo jeeda Beelaha Hawiye oo iyagu dhaliilsan qaabka uu  Dalka u maamulaayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Haddaba Howlgaladaasi Hub ka dhigista ah, ayaa waxaa si daran u dhaliilay Beelaha Hawiye gaar ahaan Beesha Murusade iyo Abgaal oo iyagu Tilmaamay inuu Howlgalku yahay mid lagu maja-xaabinaayo Siyaasiyiinta qaar.

Odayaasha kasoo kala Jeeda Abgaal iyo Murusade ayaa waxa ay Howlgaladaasi ka keeneen 8-Su’aal oo lagu kashifaayo Barnaamijka Hub ka dhigista waxaana kamid ah:-

1- Suuragal ma tahay in Dowlada Federaalka ay Hub ka dhigis sameyso iyadoo aan xal laga gaarin Suuqa Cirtoogte ee Hubka lagu iibiyo.

2- Maxaa diiday in Dib u hishiisin & is cafin kadib la sameeyo Hub ka dhigis.

3-Maxaa sababay in Siyaasiyiinta Hubka laga dhigo, Halka Saraakiishii Maxaakiimta iyo Xisbul Islaam ay Muqdisho ku dhex wataan Hub ka farabadan kan Madaxda dalka lagu ilaaliyo.

4-Mala dhihi karaa DF waxa ay Hub ka dhigis ku sameysay shaqsiyaadka ka dhaliila Warbaahinta!!

5-Suuragal ma tahay in Falka Hub ka dhigista uusan lug ku laheyn Xassan Sheikh oo ay wataan shaqsiyaad aan Xilal ka heyn DF balse ah La-taliyayaal qarsoon.

6-Mala soctaan in Qoryihii Howlgalada lagu soo qabqabtay ay galeen gacanta shaqsiyaad laf dhabar u ah Dam-Jadiid.

7-Haddii AMISOM ay dib u gurasho ka sameysay Howlgalada Hub dhigista soo cadeyn uma aha inuu jiro shaki AMISOM ay ka muujisay inuusan xalaal aheyn Siyaasada Hubka lagu Uruurinaayo.

8-Ugu dambeyn Maxaa Howlgalada ku ekeeyay Laba beel oo kaliya!

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

“Puntland diyaar ayey la tahay in ay miiska wadahadalka la fadhiisato DFS”

Nairobi (Caasimada Online) – Kaddib markii dhawaan uu maamulka Puntland ku dhawaaqay in uu xiriirka u jaray dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa waxaa arrintaas ku howlanaa siddii loo qaboojin lahaa xildhibaann baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan kuwaasoo ka soo jeeda deegannada Puntland.

Xildhibaannadaas oo tagay Garoowe kulamana la yeeshay madaxda maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin siddii ay miiska wadahadalka u soo fadhiisin lahaayeen maamulka Puntland loona dhameyn lahaa khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe.

Xildhibaan Yaasin Seed wuxuu ka mid yahay xildhibaannada Puntland ka soo jeeda, wuxuu BBC-da u sheegay maamulka Puntland in uu diyaar la yahahay siddii uu miiska wadahadalka ula soo fadhiisan lahaa dowladda fedaraalka loona dhammeyn lahaa khilaafka ka dhex taagan labada dhinac.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in aysan jiri karin cid awooda ku maquunin karta wax aaney rabin taasoo uu kala jeeda Puntland laguma qasbi karo maamul aaney raalli ka ahayn.

“Meeshan lugaha ayaa la isaga xiran yahay, ma jirto cid awood gaar ah leh marka waa in wax kasta lagu dhammeeyo wadahadal iyo is afgarad, aan wadahadalno waa aan heshiino” ayuu yiri xildhibaan Yaasin Seed.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in xildhibaannadii tagay Garoowe ay hadda ku laabteyn Muqdisho iyagoona billaabay in ay isku soo dhaweeyaan dowladda fedaraalka iyo maamulka Puntland.

Wuxuu kaloo sheegay in arrin caadifad aan loo fasiran go’aanka uu madaxweynaha Puntland ugu yeeray xildhibaannada Puntland ka soo jeeda.

“Puntland in ay u yeerato xildhibaannada baarlamaanka ugu jirra, waa arrin xaq ah oo xildhibaanka meesha uu ka soo jeeda waa looga yeeri karaa si arrimo jirra loogala tashado” ayuu yiri.

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka Pro Jawaari uu soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeyn xildhibaannada tagay Garoowe ee la kulmay madaxda maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

XOG: Magacyada 2 mas’uul oo caan ah oo ka qeyb galaya doorashada 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay Caasimada Online ka heshay ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in xubno siyaasiyiin ah oo qaarkood xilal ka soo qabtay DF, ay qorsheynayaan in ay u tartamaan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ee doorashadiisa ay dhici doonto 2016-ka.

Siyaasiyiinta hamigoodu yahay in ay ka mid noqdaan musharixiinta xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, ayaa qaarkood fagaare ka sheegay; waxaana xubnaha soo qadimay hankooda ka mid ah; Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Max’ed Nuur (Tarzan) oo xilli uu ka qeybgalayey Barnaamijka {Fagaaraha} oo ka dhacay Minnesota USA uu ka shaaciyey inuu ka qeybgalayo hadduu cimri ku gaaro doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Xubno ku dhowdhow Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) waxey shgeegeen, kaddib markii safiirku uu darsay xaaladda adag ee dalku ku sugan yahay, ayna dalbadeen qaar ka mid ah taageerayaashiisa inuu ka mid noqdo tartamayaasha Madaxtinimada Soomaaliya inuu soo jeedintaasi aqbalay, hasse yeeshee uu dib u dhiganayo xilliga uu si (officially) ah u shaacinayo hamigaasi.

Warar ku dhowdhow safiir Ameeriko, ayaa waxa ay sheegayaan in Dowlado ka mid ah kuwa faraha kula jira arrimaha Soomaaliya ay dhinacooda u balanqaadeen Safiirka taageero dhinaca dhaqaalaha ah iyo siyaasadda ah.

Ameeriko, ayaa waxa uu ka mid yahay shaqsiyaadka faro ku tiriska ee xilalka ay ka hayaan dowladda Soomaaliya si dhab ah u gutay, ayada oo Soomaali badan ay ku qeexeen safiirka nin dadkiisa jecel, oo wax walba ka hormariya wax u qabadkooda.

Sannadka 2016 ayaa loo balansan yahay in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho, xilligaasoo la filayo in Dowladda hadda ka jirta ay soo gabagabeyso balanqaadyadii ay horay u sameysay ee ahaa; in ay dalka gaarsiiso hannaan suurtagelin kara in ay ka dhacdo doorasho xor ah, oo qof kasta oo muwaadin ah uu codkiisa dhiiban karo; inkastoo aaney muuqan saansaan loo qaateen ah oo lagu rumeysan karo in balanqaadyadaasi ay dhab noqon karaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

FARMAAJO IYO DOORASHADA 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online0 – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog FM ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay Doorashada 2016-ka, Hub ka dhigista iyo Abaaraha.

Ugu horeyn, Farmaajo ayaa wax laga waydiiyay Doorashada 2016-ka ee lagu wado in shacabka codkooda ka dhiibtaan.

Farmaajo oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa sheegay in diyaarinta arinkan loo baahnaa inay bilaabato maalintii doorashada dhamaatay 2012-dii, Farmaajo ayaa sidoo kale xusay in aheyd in dowladda laga doonayey inay u muuqato mid wax dhisaysa oo kalsooni galisa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan si qof walba u aamino inuu noqon karo Madaxweyne, Ra’isul Wasaare ama Xildhibaan, isagoo dowladda ku dhaliilay in aanay arinkaas ka shaqeyn sidoo kale dowladda kama shaqeyn Doorasho, Axsaabta iyo Shuruucdoodii iyo Dastuurka, ayuu intaa raaciyay iyo in ay jiraan Khilaaf soo kala dhexgalay Baarlamaanka dhexdiisa, Qabiilada is khilaafsan iyo tuhun badan oo jira, isagoo iswaydiiyay sida ay u iman karto qof iyo codkii? Haddii ay Dowladdu gaarsiin waydo qof iyo codkii waxaa uu sheegay in ka dhigan tahay fashilka dowladeed.

Mar wax laga su’aalay arimaha maamulada dalka ka jira

Farmaajo ayaa dowladda ku dhaliilay inay iyadoo doorasho xaq ah dalka ku timid aanay aheyn in dowlado shisheeye marqaati ka noqdaan maamul u sameynta dalka, arintan ayuu Farmaajo ku sheegay mid wax u dhimaysa qaranimada Soomaaliya, isagoo dowladda kula taliyay inay isdaba qabato oo kalsoonida shacabka kasbato oo aan mar walba loo baahan sadaxeeye.

Mar sidoo kale la su’aalay arimha Hub ka dhigista ayuu ku jawaabay.

Maxmad Cabdullahi Farmajo: “Hub ka dhigistu waa wax wanaagsan, dalkoo dhan in laga dhaqan galiyo ku haboon weeye, meel gaar ah aan laga bilaabin, ee hal mar noqoto siyaasad guud oo dalkoo dhan ku wajahan oo dadkoo dhan looga aruurinayo hubka qatarta ah, lakin waxaa ka horeeya is faham, qorshe dadku fahamsanyhiin oo laga dhaadhiciyo, kalsooni inay timaado, in laga gaarsiiyo qofkii inuu hubkii iska keeno, habab badan baa jira oo dunida laga isticmaalo, waxaa jira hubka waa laga qaataa dadka, in la raadiyo dhaqaalihii looga gadi lahaa meel kastoo laga helo, wax walba waa bilowga” ayuu yiri..

waxay aheyd bilwga in la fahamsiiyo dadka khatarta ay leedahay hubka ay heystaan, ujeedo iyo in dowladu diyaar u tahay inay dalkeeda difaacdo, dagaalada sokeeye inay meeshii ku jirin oo la joojiyo oo dadka walaalaha ah aysan qabiil ku dagaalin, marka qof heysan karo ma jirto, lakin hadii ujeedadu aheyd inay hub aruuriso habka hadda uu ku bilowday waxay keenaysaa dadku inay hubka qarsadaan, qofku ma fahamsana, waxaa uu u qaadanayaa in qofkaas si gaar ah loo raadsanaayo marka qofka hubkiisa waa qarsanaayaa, marka tan labaadna waxay abuuraysaa cadaawad oo dadku is yiraadaan dowladdu adigey si gaar ah kaaga aruurinaysaa hubka taasna waxay siin kartaa fursad qolada nabad diid ah inay ka faa’idaystaan oo soo kala dhexgalaan dowladda iyo shacabkeeda, howshaas runtii dowladda waa ka gaabisay dib u heshiisiin”.

Dhinaca kale mar la waydiiyay Siyaasadiisa iyo inuu ka fariistay Siyaasadda iyo in kale.

Farmaajo ayaa ku jawaabay in aanu ka fariisan Siyaasadda balse dowladda uu siinayey waqti lagu arko waxqabadkeeda, isagoo intaa raaciyay inuu uga qeyb galayo siyaasadda sida wanaagsan ee umadda lagu badbaadi karo iyo mustaqbalka caruurta, isagoo intaa ku daray in Siyaasadda tahay mid xal lagu raadiyo, xikmadna ku dhisan, laguma helo magac iyo dhaqaale ayuu intaa ku daray, isagoo hadalkii kusoo afjaray in qofka Siyaasiga uu ka tago taariikh wanaagsan oo wax ka badalidda nolosha dadka, shaqo abuuris iyo tababarro la sameyn karo iyo masaakiinta la dhaqaaleeyo.

Ugu dambeyntii waxaa la su’aalay Xaaladda Abaaraha dalka ka jira.

Farmaajo ayaa ku jawaabay in waddan colaad ka jirto abaar, dhimasho , Cudurro iyo Gaajo aanay ka istaageyn isagoo tusaale usoo qaatay K. Suudaan oo dagaal Sokeeye iyo Abaaro galay, Farmaajo ayaa ku taliay inay Siyaasadda la wanaajiyo , lagana shaqeeyo dib u heshiisiinta iyo wada shaqeynta si looga adkaado dadka dhibka wada, waa siduu hadalka u dhigaye, isagoo ugu dambeytii ku taliyay in laga shaqeeyo biyo galinta, Xoolaha iyo Beeraha taasi kaliya in lagu yareyn karo abaaraha.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: WASIIR xilka laga qaaday oo weli mushaar qasab ah ka qaata DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo ay Caasimada Online ka heshay Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka, ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyada ay qaati kala taagan yihiin Madaxweyne Xassan Sheekh.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiirka Maaliyada Dowlada uu isku dayay inuu Mushaarka ka jaro Wasiirkii hore ee Amniga C/kariin Xuseen Guuleed, balse uu is hortaagay Madaxweyne Xassan oo sheegay in Guulleed uu sii qaadan doono Mushaarkiisa inta ay taagan tahay Dowladiisu, waxa uuna ka gaabsaday inuu cadeeyo sababta maadaama uu xilkaasi ku qaadan jiray dhaqaale farabadan iminkana aan laga jarin.

Warqad kasoo baxday Xafiiska  Madaxweynaha oo ku socotay Wasaarada Maaliyada ayaa waxaa ku qornaa in Wasiirka iyo Agaasimaha Wasaarada Maaliyada aysan faragalin Karin Mushaarka C/kariin Guulled.

Guuleed ayaa waxa uu qaataa  Mushaar aan xad laheyn, kaasi oo u dhigma lacagtii ay qaadan lahaayen 300 oo Askar ah kana tirsan Dowlada, hayeeshee uu Madaxweynuhu ka biyo diiday  in lacagtaasi laga jaro Guuleed oo saaxiib dhow la ah, kana tirsan kooxda Damu-Jadiid.

Dhanka kale, Lacagaha loogu talo galay Ciidamada Militeriga iyo Booliska ayaa waxa ay si xisaab la’aan ah ugu baxdaa Madaxtooyada, iyadoona Ciidamada qaar aysan qaadan wax Mushaar ah, markii laga reebo Cutubyo ka tirsan Ciidamadaasi oo dano gaar ah laga leeyahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Xasan Sheikh oo ku socda Ankara

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Caasimada Online in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud uu ka mid yahay 50 hoggaamiye oo lagu casuumay ka qeybgalka caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga Rajib Dayid Erdugan.

Xafladda caleema saarka ayaa dhici doonta maalinta Khamiista ee soo socota, waxaana aan lagu casuumin hoggaamiyaasha, Israel, Syria iyo Masar sidda ay baahisay wakaalada wararka Turkiga ee Anadol.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweysay doorashadda uu ku guuleystay Erdugan oo sannadkii 2011-ka isaga iyo xaaskiisa booqasho taarikhi ah ku yimid magaalada Muqdisho xilligaas oo caalamka ay dhabar jeediyeen magaalada uu dagaallada baabi’iyay.

Turkiga ayaa hadda noqday saaxibka ugu dhow caalamka ee Soomaaliya,waxaana magaalada Muqdisho uu ka wadaa mashaariic aad u fara badan.

turkey3Waxaa la aaminsan yahay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu sii xoogeysto maadama xilka ugu sareeya ee dalkaas uu hadda qabtay ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga aya la filayaa in uu ra’iisal wasaare ka dhigo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Axmed Defagtula.

Turkiga ayaa tiro ka seddax jeer ku qabtay dalkeeda shirar lagu hadal siinaayo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ankara

[email protected]

Xasan & Faarax oo kullan qarsoodi ah la qaatay xildhibaanno + Qorshahooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo  ay maalmahani dambe soo baxaayen war sheegaya in wasiirka  Cadaallada iyo Arimaha Dastuurka Faarax  C/qadir uu wado tilaabooyin wax looga badalaayo qodobo ku qoran Dastuurka oo lid ku ah danahooda  gaarka ah, ayaa waxa uu xalay Wasiirka Villa Somalia kula kulmay xildhibaano taabacsan wax ka badalista qodobada Dastuurka iyo kuso biirinta qodobo taabacsan jiritaanka Madaxweyne Xassan iyo Wasiiradiisa.

Xildhibaanada la kulmay Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa waxa ay kor u dhaafayeen 25 Xildhibaan kuwaasi oo ayidsanaa dalabyada Madax weynaha ee ku aadan Dastuurka .

Sidoo kale, waxa ay wararku sheegayaan in kulanku uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xassan Sheikh waxaana la tilmaamayaa inuu Xildhibaanadaasi kala hadlay Arrimaha Dastuurka iyo hir galinta ilaa iyo afar qodob oo lagu badalaayo qodobo ka hor imaan kara jiritaankiisa.

Lama oga natijada kasoo baxday kulankaasi oo qaatay ku dhawaad Laba  saac, balse warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu xildhibanadaasi ku qanciyay hir galinta qodobadaasi muhiimka u ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: C/Weli Gaas oo la shiraya shirkad ku xirtay inuu fasax ka soo qaato DFS

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Isku dayadii ay dowladda Puntland ku baaraneysay shidaal, ayaa xaalad adag wajahay kaddiib markii maamulkaasi shuruud looga dhiggay inay fasax ka helaan dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhiggeedu yahay Muqdisho, Caasimada Onine ayaa ogaatay.

Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdi Weli Gaasuu Addis-Ababa u joogo sidii uu caqabaddan cusub u furdaamin lahaa.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Puntland, Cabdiweli Cali Gaas ayaa magaalada Addis-Ababa kulan kula leh madaxda shirkada African Oil, kuwaasoo wadashaqeyn dambe oo ayaga iyo Puntland dhexmarta ku xirey shuruud ah qoraal laga helo dowladda Federaalka.

Wasiirka Batroolka dowlada Federaalka Da’uud Bisle ayaa horey u diidey in dowlada Puntland xaq u leedahay heshiis gaar ah oo ay la gasho shirkadaha shidaalka, taasi oo shirkadaha caalamiga ahna ay aqbaleen.

Waxaa wararka ay sheegayaan in Gaas uu la kulmi doono Ra’iisal wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo isna gaaray Addis-Ababa, uuna waydiisto qoraal u fasaxaya in wada-shaqeyn dowladiisa la yeelato shirkadahaan shidaalka.

Lama oga go’aanka ra’iisul wasaare Cabdi Weli oo ka qaadan doono fasaxa ay Puntland ka raadineyso dowladda, inkasta oo la filayo inuu u ogolaado, maadaama uu si aad ah ugu xirran yahay Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Galayr: Nooma cuntami doonto in Puntland ay ka taliso gobollada SSC

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Khaatumo State Cali Khaliif Galayr oo bixiyey wareysigii ugu horreeyey oo muuqal ah tan iyo markii xilka loo doortay ayaa si dheer ugu hadlay qabka hoggaamined ee maamulka Khaatumo.

Cali Khaliif Galayr waxaa uu sheegay inuu dadaal ku bixin doono sidii maamulka Khaatumo uu u dhismi lahaa, isagoona inta raaciyey inuu dhawaan soo dhameystiri doono golahayasha maamulka ee Khaatumo.

Siyaasada gobollada SSC

Galayr oo ka hadlayey qabka uu ku wajahayo deegaannada maamulka Khaatumo ee ay ku muransan-yihiin Puntland iyo Soomaaliland, waxuu sheegay inay isku howli doonan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen Khaatumo magaalada Laascaanood oo ay Soomaaliland ka taliso.

“Maamulku waxaa isku howli doona sidii deegaannada loo gaari laha,hadda Taleex baa si KMG ah u ah magaalo madax,balse qorshuhu waxaa uu yahay inuu maamulku gaaro Laascaanood” ayuu yiri madaxweynaha Khaatumo.

Cali Khaliif Galayr oo arrimo badan ka hadlayey waxuu sheegay inay wada-hadallo la gali doonan Soomaaliland iyo Puntland, waxuuna caddeeyey in Puntland ay la bilaabeen wada-hadallo.

“Ma noo cuntami doonto Puntland inay maamusho gobollada Sool, Saanag iyo Ceyn, balse wada-hdal ayaan kula jirnaa, Soomaaliland waan la furi doonaa,”ayuu raaciyey hadalkiisa,Galayr.

Arrimaha kale ee u ka hadlay waxaa ka mid ahaa, qaabka ay noqon doonto xukuumadda uu soo dhisayo, shirarkii uu ku qaatay degmada Burtinle oo gobolka Nugaal ka tirsan.

Hoos ka daawo wareysiga Cali Khaliif Galayr

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: R/W Cabdi Weli & Gaas oo kullan qarsoodi ah ku yeelanaya Addis-Ababa

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kulan aan horey loo shaacin uu magaalada Addis-Ababa ku dhexmarayo Ra’isal wasaaraha dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmad iyo hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Tani waxa ay ka dhiggan tahay is-beddel ku yimid mowqifka ra’iisul wasaaraha oo xafiiskiisa maalmo ka hor uu sheegay inuu diiday inuu Puntland kula hadlo magaalada Addis-Ababa.

Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa soo gaarey magaalada Addis Ababa kadib markii uu kasoo duuley magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, halkaas oo uu booqasho ku joogey maalmahii lasoo dhaafey. Lama oga qodobada ay kawada hadlayaan labadaan mas’uul, balse warar aan la xaqiijin ayaa warsidahaan u sheegay in wadahadalkooda uu diirada saarayo xiriirka go’an ee labada dhinac iyo arrimo la xiriira shidaalka.

Sidoo kale waxaan cadeyn in wada hadalkaan dowlada Ethiopia qayb ka tahay iyo wadamada ku bahoobey urur goboleedka IGAD.
Cabdi Weli Gaas ayaa markii uu ka dhoofayey magaalada Garoowe aan shaacin inuu magaalada Addis-Ababa kula kulmayo Ra’isal Wasaaraha Somalia iyo xubno ka tirsan Wasiiradiisa xili asbuucyadii lasoo dhaafey go’aamo kasoo baxey Madaxtooyada Garoowe lagu sheegay inay xiriirka ka jarteen DF.

Dowlada Puntland ayaa bishaan 20 August, 2014 go’aan ka soo saartey kulan wadtashi oo ay la qaateen Xildhibanada dowlada Federaalka iyo kuwa Puntland qaabka loo marayo wadahadal mutaqbalka dhexmari kara labada dhinac.

Dhinaca kale Wasiirka Koowaad ee dowlada Federaalka waxaa ku weheliya safarkiisa wasiirkiisa qorsheynta Siciid Cabdullahi Dani iyadoo la filayo kulankaan inuu qaadan doono saacado badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inaan lagu war-gelin wada-hadalka ra’iisul wasaarihiisa iyo Cabdi Weli Gaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Suuqa ugu weyn Soomaaliya oo xiran

Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye Caasimada Online ka tirsan ayaa soo sheegaya in maalintii labaad uu xiran yahay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, kaddib markii ganacsatada ay ku dhaqaaqeyn shaqo joojin guud taasoo daba socota cabashooyin ay ka muujiyeen lacago baad ah oo ay sheegeyn inay ka qaadaan ciidamada dowladda.

Xirnaanshiyaha suuqa ayaa saameyn ku yeeshay dadkii suuqa u soo dukaameysi tagi jiray kuwaasoo la’ meel ay wax ka iibsadaan.

Haddaba qaar ka mid ah golaha wasiiradda xukuumadda, rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin maamulka gobalka Banaadir ka tirsan ayaa xaley kulan degdeg ah yeeshay, waxaana ay soo saareyn qoddobo dhowr ah oo ay ka mid tahay in la joojiyo handadaada lagu hayo ganacsatada suuqa bakaaraha balse loo baahan yahay in la bixiyo lacagta canshuurta.

Kulanka waxaa shir guddoominaayay ku-simaha ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, ahna wasiirka diinta iyo awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed, waxaana ka soo baxay dhowr qoddob oo ay ka mid tahay in la sugo ammaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ku ganacsada suuqa bakaaraha isla markaana ganacsatada ay bixiyaan lacagta canshuurta.

Waxaa soo baxaysa warar sheegaya in lacagta canshuuraha ee laga qaado suuqa bakaaraha ay ku dhacdo jeeb gaar ah sidda ay lee yihiin ganacsatada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

R/W Cabdi Weli oo maanta booqanaya magaalo laba maamul ay isku hayaan

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo hadda socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa la filayaa in uu maanta oo Isniin ah booqdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Ilo wareedyo xafiiska ra’iisal wasaaraha ku sugan ayaa u sheegay Caasimada Online in wafdiga raysal wasaaraha ay ku jiraan xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka, Cabdullaahi Goodax.

Ujeedka wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in ay dhammeestiran dedaalo ay wadaan guddiga maamul u sameeynta koonfur galbeed ee seddaxda gobal kuwaasoo hadda iyana Baydhabo ku sugan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inta uu joogo Baydhabo in uu kulamo la yeelan doono labada dhinac ee isku heesta magaalada kuwaasoo kala sheeganaya labo maamul.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana laga soo billaabo garoonka diyaaradaha iyo goobta ay daggayaan wafdiga ra’iisal wasaaraha waxaa ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Faah-faahinta warkan kala soco boggeena Caasimada Online

Farax C/qaadir oo isbeddelo cusub ku dhowaaqay, ujeedkana ku sheegay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caddaaladda iyoa arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa shaaciyey in xaalad kala guur ah uu marayo garsoorka dalka, iyadoo ay dhacaan isbeddello lagu sameynayo hay’adaha garsoorka.

Wasiirka oo marti u ahaa maanta Barnaamijka Bandhigga Barbaarta ee Bar-kulan ayaa sheegay in ay hirgelineyso isbeddallada lagu sameynayo dhaqan-gelinta sharciga adeegga garsoorka, shaqo gelinta guddiga garsoorka dalka, hagaajinta nidaamka iyo shuruucda xabsiyada dhexe iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya hay’adaha garsoorka ee gobollada dalka.

Faarax ayaa sheegay in isbeddelladan looga gol leeyahay in la soo celiyo sharci caddaaladeed oo buuxa oo Soomaaliya ay leedahay, kaasoo si ku dhisan caddaalad iyo hufnaan ugu adeegga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka oo wax laga weydiiyey in dad badan oo Soomaaliyeed ay tabanayaan caddaalad darro iyo sida wasaaraddiisu ay wax uga qabaneyso arrimahaas ayaa sheegay in tabashooyinkaas ay intii karaankooda ah wax ka qabanayaan, dadkana looga baahan yahay in ay wajahaan hay’daha garsoorka ee khuseyso kiisaskooda.

Mar uu ka hadlay musuaq-maasuq iyo qaadashada laaluush ayuu wasiirku sheegay in ay dambi tahay sameynta musuq-maasuq, isagoo xusay in qofka qaatay laaluushka iyo kan bixiyey labaduba ay ku xadgudbeen sharciga, laguna qaadi karo fal dambiyeed.

Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa hoosta ka xariiqay in cabashooyinka garsoorayaasha u shaqeeyo wasaaradda caddaaladda ee la xiriira mushaar yari, ammaankooda oo aan wanaagsaneyn iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan oo adag ay wax ka qaban doonaan, isagoo carrabaabay in cabasho kasta aanan lala tacaali karin, balse wixii ay awoodaan ay xalin doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: Gudoomiyayaasha degmooyinka oo ka cabanaaya arrin la yaab badan

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa ka cabanaaya Mushaar la’aan kasoo food-saartay dhanka Mamaulka Gobolka.

Guddoomiyayaasha ayaa sheegaya in wax dhaqaale ah uusan weli kasoo gaarin dhanka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, waxa ayna Tilmaamayaan in dhaqdhaqaaqyadooda la xadiday kadib markii uu batay Khilaafyada ka dhex taagan Degmooyinka.

Sidoo kale, Guddoomiyayaasha ayaa ka cabanaaya Maamul xumi weli ka dhex taagan Degmooyinka, iyagoona Tilmaamay in goobaha Ganacsiga Degmooyinka ay Canshuurada ka aruursadaan Ciidamo aan Degmooyinka u xisaabsaneyn kuwaasi oo la shaqeyn jiray Guddoomiyayaashii hore ee xilka laga qaaday.

Ciidamada taabacsan Guddoomiyayaashi hore ayaa waxa ay suuqa galaan xili hore iyagoona halkaasi ka qaata Canshuuraha, halka Ciidamada Degmooyinka ugu magacaaban Cabshuurada ay halkaasi gaaran wakhti aan munaasab aheyn oo la uruuriyay Cabshuurta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa isagu wax ka qaban la Dacwado kaga imaada dhanka Maamulada Degmooyinka, Hayeeshee nasiib daro uusan weli wax talaabo ah ka qaadin Guddoomiyayaashii hore ee iyagu ilaa iyo iminka ka dhex adeeganaaya Goobaha ganacsi.

Dhanka kale, waxaa weli shaqeyn la  Nidaamka Maamulka Gobolka Banaadir sida Amniga, Canshuurada iyo soo celinta bilicda Magaalada wallow ay taasi oo idil caqabad ku yihiin Guddoomiyayaashii hore oo weli amarkooda shaqeynaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Isbeddelka cusub ee Muqdisho

0

Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka soconayaa horumaru dhinacyo badan leh marka loo fiiriyo Sanadihii ugu dambeeyay, ayadoo sanadkaan Magaaladu ay ku soo badanayaan magaalada wax yaabo aan horay looga aqoonin.

Muqdisho maanta bilic ahaan iyo Muuqaal ahaan wax weyn ayaa iska badal dhanka Horumarka, ganacsigana magaalada waxaa lagu arkayaa isbadal dhinacyo badan leh ee nala daawo Muuqaalkii ugu dambeeyay & Muuqaalka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

R/W Cabdi Weli oo lagula talliyay inuu sida Khaliif Ereg usoo xusho wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah ka dhacay bannaanbax lagu taageerayo wasiirka amniga qaranka, Khaliif Axmed Irig iyo howgallada ciidamada iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay, kaasoo la xiriira hub ka dhigis lagu sameeyo hoggaamiye kooxeedyada magaalada ka dhisan.

Bannaanbaxa oo ka dhacay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin maamulka gobalka Banaadir ka tirsan iyo ururka qaranka haweenka.

Dhammaan dadka ka hadlay bannaanbaxa ayaa tallaabo horrumar leh ku tilmaamay howgallada ciidamada dowladda ay maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen degmooyinka gobalka Banaadir.

“Nabad baan u soo baxnay, waxaan dooneynaa dowladda in ay na hor kacdo annagana aan daba socono,waxaan taageerayaa wasiirka amniga Khaliif Axmed Irig oo intii uu xafiiska joogay sameeyay isbadal xagga ammaanka oo magaalada laga dareemay” ayey tiri hooyo ka qeybgashay dibadbaxa.

Canab Maxamed Cosoble oo ah xoghayaha ururka qaranka haweenka Soomaaliyeed ayaa goobta ka sheegtay in raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay sidda uu wasaaradda ammaanka ugu xushay Khaliif Axmed Irig oo ah qof khabiir ku ah arrimaha ammaanka in sidaas oo kale uu ugu xusho wasaaradaha kale.

Si kastaba, maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay howgallo lagu soo qabqabtay hub iyo maleeshiyaad daacad u ah qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada magaalada ugu tunka weynaa, waxaana ka mid ah Axmed Daaci oo horrey guddoomiye degmo u soo noqday.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howgallada ka billowday magaalada uusan la xiriirin beegsiga shaqsiyaad gaar ah balse uu yahay mid guud oo lagu doonayo xaqiijinta ammaanka caasimada.

Madaxda dowladda ayaa horrey u soo dhaweeyay howgallada magaalada ka billowday gaar ahaan waxay ammaaneen wasiirka amniga Khaliif Axmed Irig.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]