29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Puntland oo ciidamo badan laga laayey

Boosaaso (Caasimada Online) – Abaare saakay 8-dii subaxnimo ayaa maleeshiyaad hubeysan waxay toogteen labo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugnaa deeganka Isku shuban ee Puntland.

Weerarka ayaa waxaa kaloo ku dhaawacmay wiil dhallinyaro ah oo la socday isimo ku howlanaa xallinta colaad ka dhelatay kooxo dhuxul ka shidayay Isku shuban iyo dadka deeganka.

Taliyaha booliska qeybta Bari, Korneel Cabdixakiim Yuusuf Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadka dilay labada askari ay geesteen kooxo hubeysan oo halkaas saldhig ku leh kuwaasoo ka yimid gobalka Karkaar.

Taliyaha wuxuu kaloo sheegay in dhaawaca loo qaaday magaalada Xiriiro halka meydkiina galabta lagu aasi doono degmada Isku shuban.

Taliyaha qeybta gobalka Bari ayaa beeniyay wararka sheegaya in magaalada ay hareersan tahay iyaguna ay go’doon ku jiraan, wuxuu sheegay oo kale in maleeshiyaadka weerarka geestay in ay cabsanayaan oo ay magaalada ku jiraan.

Ugu dambeyn taliyaha wuxuu xusay in ay awood u lee yihiin in ay soo qabtaan maleeshiyaadka dilka u geestay ciidamada booliska balse aaney weli amar ka heesan dowladda Puntland.

Si kastaba, dhacdadan ayaa ka dhigtay degmada Iskushuban ee Puntland mid aad looga hadal hayo.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii dadka deeganka iyo maleeshiyaad doonaya in ay dhuxul ka shidaan Iskushuban ay isku dhaceyn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Dhageyso: USA oo arrimo xasaasi kala hadlaysa wafti ka socda mamulka Juba

Virginia (Caasimada Online) – Dalka Maraykanka waxaa maalmahan ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdiqaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere) wuxuuna la kulmay Jaaliyadda Soomaalida gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Jubbooyinka iyo xubno ka socda wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka.

Luga-dheere oo ka qeybgalay barnaamijka Martida Makarofoonka ee VOA-da ka baxa ayaa sheegay intii uu joogay dalkan Maraykanka in uu kulamo la yeeshay saraakiil ka socda wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Washington, iyagoona ka hadlay, wax yaabaha u qabsoomay tan iyo markii maamulkooda la dhisay, xiriirka ka dhexeeya labada dhinac, iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Cabdiqaadir Luga-dheere ayaa xusay in dhammaan wax yaabaha ay ka hadleyn saraakiisha Maraykanka in ay ku dhammaadeyn guul is afgarad wanaagsan sidda uu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in uu booqday, Seattle, Minneapolis, Virginia iyo Washington DC halkaasna uu kula kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee Jubbooyinka ka soo jeeda, wuxuuna tilmaamay in uu faah-faahin ka siiyay dedaalada dib u heshiisiinta ee uu wado maamulka KMG ah ee Jubba iyo horumarka ka taagan gobaladaas.

Maxaa ka hirgalay heshiiskii 29-kii August sannadkii hore ka dhacay Addis Ababa?

Mar wax laga weydiiyay sannad kaddib wax yaabaha ka hirgalay heshiiskii iyaga iyo dowladda fedaraalka ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa, ayuu sheegay in labada dhinac xiriirkooda uu wanaagsan yahay.

Wax yaabaha heshiiska ku jiray waxaa ka mid ahaa in maamulka KMG ah ee Jubba uu dowladda ku wareejiyo maamulka dekedda iyo garoonka muddo lix bil kaddib marka la saxiixay heshiiskaas.

Wuxuu tilmaamay in garoonka iyo dekedda aaney loo dhoofineynin dowladda balse si isku mid ah loo qeybsanayo dhaqaalaha ka soo xarooda labadaas il, wuxuu intaas ku daray in xiriirka labada dhinac uu hadda wanaagsan yahay.

Cabdiqaadir Luga-dheere ayaa ku celceliyay in maamulkooda uu 21-ka bisha soo socota ee September ay ku qaban doonaan magaalada Kismaayo wajiga 3-aad shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka kaasoo ah kii ugu dambeeyay ee lagu soo afjaraayo khilaafka ka dhexeeya dadka deggan Jubbooyinka.

Siddee ayey ula tacaamulayaan Barre Hiiraale?

Mar wax laga weydiiyay xiriirka ka dhexeeya Barre Hiiraale iyo maamulkooda maadama uu ninkaas isagoo ciidamo wata uu ku sugan yahay duleedka magaalada Kismaayo.

Wuxuu madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba uu carabka ku adkeeyay in uu Barre Hiiraale ka soo qeybgali doono shirka ka dhacay bisha soo socota magaalada Kismaayo.

Rajada doorasho ka dhacda Somalia 2016.

Ugu dambeyn waxaa la weydiiyay marka in uu sannadka yahay 2016 doorasho ay ka dhici karto dalka Soomaaliya oo dhan.

Wuxuu sheegay in uu aaminsan yahay in 2016-ka ay doorasho ka dhici doonto balse ay muhiimada tahay siddii dalka si wadajir ah looga hirgalin lahaa nidaamka fedaraalka isla markaana ay dowladda muujiso in ay la shaqeyso maamulada dalka ka dhisan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

Xog: Qaar ka mida siyaasiyiintii Hawiye ee u xirnaa DFS oo shurudo adag lagu sii daayey iyo Daaci oo la sheegay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Maxamuud Daahir Faarax (Qooleey) iyo Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux (Timajilac) ayaa xalay laga sii daayey xabsiga Nabadsugida Gobolka Banaadir ee Godka Jilacoow kadib markii ay xabsigaa ku jireen mudo 7 cisho ah ugu danbeyntiina aqbaleen shuruudo uu Madaxweyne Xasan Sheekh hor dhigay odoyaashii dhaqanka ee ugu tagay sii deysmada siyaasiyiinta loo xiray afkaartooda siyaasadeed.

Ilo ka tirsan nabadsugida Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh hordhigay odoyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye qodobo ay kamid yihiin iney odoyaasha dhaqanku damaanad qaadaan in siyaasiyiintaan xiran aysan mardanbe ka hadlin afkaar ka dhan ah Dawladda Soomaaliya. Odoyaasha dhaqanka oo arintaasi ku adkaatay ayaa la tashiyo la lahaa maalmihii lasoo dhaafay Maxaabiista u xirnaa kasoo horjeedida siyaasadda Damujadiid ee u diyaargaroobida doorashada 2016-ka, ilaha qarsoon ee nabadsugida Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasiyiintaani aqbaleen in aysan mardanbe uga hadlin idaacadaha Caalamiga iyo kuwa gudaha-ba afkaar ka dhan ah Dawladda Soomaaliya iyo Kooxda Damu Jadiid. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in siyasiyiintaan sidoo kale la faray inaysan ka hadli karin waxyaabihii ay kusoo arkeen Xabsiga Godka Jilacoow intii ay xabsigaa ku jireen.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa isagu diidey inuu aqbalo shuruudaha Madaxweyne Xasan Sheekh hordhigay qaar kamid ah odoyaashii horey loogu qiyaanay usoo gacan gelintii Axmed Daaci Dawladda Soomaaliya sida nabad ah, shuruudaha Madaxweyne Xasan Sheekh hordhigay odoyaasha, ayaa waxaa ka mid ah in Axmed Daaci joojiyo ka hadalka afkaaraha siyaasadeed ee ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxda Damujadiid, sidoo kalana uu joojiyo isu keenida Gudoomiyayaashii hore ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qodobadaas loo soo bandhigay Axmed Daaci ayaa la sheegayaa in Axmed Daaci ku sheegay inuusan Dawladda Soomaaliya horey mucaarad ugu aheyn haatana qorshihiisu ahayn inuu Mucaarado, balse Dawladda Soomaaliya laga doonayo inay raaligelin ka bixiso weerarkii lagu qaaday gurigiisa, sidoo kalana dawladu magdhaw ka bixiso shacabkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii Ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ku soo qaadeen qeybo kamid ah degmada Wadajir.

Shuruudahaan caburinta ah ee lagu qasbayo siyaasiyiinta kasoo horjeeda fikirka Damujadiid ayaa la filayaa in la aqbalsiiyo Gudoomiyihii Hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci si looga sii daayo Xabsiga Nabadsugida.

[email protected]

Muungaab oo saakay uu u xiran yahay suuqa ugu weyn Soomaaliya, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in saakay gabi ahaan uu xiran yahay suuqa ugu weyn Soomaaliya kaasoo ah Bakaaro.

Ganacsade ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay Caasimada Online in suuqa loo xiray kaddib markii dowladda hoose ay suuqa ku soo rogtay canshuur xad dhaaf ah, taasna ay keentay in ganacsatada suuqa ay xiran mehradahooda.

“Waxaan idiin sheegaya in suuqa Bakaaraha uu saakay xiran yahay, waxaana arrintan ay daba socotaa markii suuqa badeecadaha la soo galiyo ay dowladda hoose ku soo rogtay canshuur 30%, waana canshuur aad xad dhaaf u ah” ayuu yiri ganacsadahaas diidday magaciisa in loo adeegsado warbaahinta.

Waxan weydiinay ganacsadaha waxay ay ku diidan yihiin in ay bixiyaan canshuurta, wuxuu sheegay in aysan diiddaneen canshuur ee markii ugu horreysay ay tahay in canshuur ilaa heerkan ah lagu soo rogo ganacsigooda.

Wuxuu sheegay oo kale in ay xirnaan doonaan goobaha ganacsiga ilaa inta go’aan kale uu ka soo baxayo dowladda Hoose.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuqa ugu weyn Soomaaliya, waxaana suuqa ku xiran suuqyo badan oo ku yaalla Muqdisho iyo gobalada dalka, sidoo kale waxaa suuqa badeecado looga qaadaan waddamada dariska ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda hoose oo ku aadan cabashada ka soo yeertay ganacsatada suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

XOG: 4 Qorshe oo ku wajahan 2016-ka oo ay billaabeen Xasan & Damu-Jadiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh ee Damu jadiid oo iyadu haatan diyaar garoow ugu jirta sidii ay ugu soo bixi lahaayeen doorashada la qorsheeyey inay dhacdo sanadka 2016-ka ayaa haatan bilaawday qorshayaal ujeedkoodu yahay inay hantaan doorashooyinka 2016, waaba haddii ay dhacaan.

Qorshayaasha Damu-Jadiid waxaa ka mid ah:-

1. In Saxaafada ka dhanka ah afkaarta Damujadiid in la aamusiyo, iyada oo haatan xukuumada la hordhigay hindise sharciyeed dawladda awood u siinaya inay dhisto Gole Saxaafadda Qaranka, golahaas oo uu magacaabayo Wasiirka warfaafinta kana koobnaanaya 5 xubnood oo dawladda ah, 5 xubnood oo saxaafada madax banaan ka xulanayso dawladda iyo 3 xubnood oo Dawladu ka xulanayso bulshada rayidka, Golahaan oo awood u yeelanaya in warbaahin kasta oo aan ku shaqeyneyn fikirka dawladda in ruqsada shaqada lagala noqdo ama marka hore-ba loo diido ruqsada.

2. U diyaar garoobida 2016-ka ee kooxda Damujadiid ayaa ku guuleysatay in 16-ka degmo oo Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Gobolka u dhiibtaan shaqsiyaad iyaga ka tirsan, iyaga oo haatan qorsheynaya in degmooyinka loo dhiso golayaal deegaan oo kooxda ka tirsan.

3. Kooxda Damujadiid iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya in Maamulka Central Soomaaliya ee Mudug iyo Galgaduud Madaxweyne looga dhigo Wasiirkii hore ee Amniga Cabbdikarin Xuseen Guuled, sidoo kalana ay kooxdu qorsheynayso in Damujadiid keensadaan Madaxweyne ku xigeenka Koofur Galbeed, taas oo ka dhigaysa in kooxda Damujadiid isku diyaarinayso in Maamulada ka mid noqonaya federaalka soo doortaan Baarlamaanka soo dooranaya Madaxweynaha Dawladda imaanaysa 2016, iyada oo kooxdu ku tashanayso Gobolka Banaadir, Maamulka Central Somalia, Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo qeyb kamid ah maamulka koofur galbeed.

4. Kooxda Damujadiid oo hadda ku guuleysatay inay si sharcidaro ah Xilka uga tuuraan Xeer ilaaliyihii hore Dr Abdulkadir Mohamed Muuse, kuna magacaabeen Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka..iyaga oo haatana qorsheynaya in si sharci daro ah xukunka uga ridaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare Avv. Caydiid Ilkaxanaf, iyadoo haatan kooxdu baadi goob ugu jirta cidii ay ka dhigan lahaayeen Gudoomiyaha Maxkamada Sare.

La wareegida hay’adaha garsoorka dalka ayaa kooxda u fududeynaya inay ka caburiyaan saxaafada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ahba, iyo wax ka baddalka dastuurka, sida haatanba laga arko dhaqanka Xeer ilaaliyaha Cusub ee Kooxda Damujadiid keensatay.

Isku soo duube waxaa muuqanaysa in kooxda Damujadiiid ka faaiideysanayso rabitaanka beesha caalamka oo aad u danaynaya in la dhameystiro Maamulada KMG ah ee kamid noqonaya Federalka Soomaaliya iyaga oo arintaas ku dhex samaysanaya inay maamuladaa u dhiibtaan dad iyaga ku fikir ah, caburiyaan saxaafada , u dhiibtaan ilaha dhaqaalaha dalka ganacsato iyaga ay wataan, kana taqalusaan siyaasiyiinta aan ku fikirka aheyn kooxda damujadiid.

[email protected]

 

DENMARK oo ku dheggan Dahabshil & xog halis badan oo booliiska la siiyey

Halkay Mareeyas Dacwadii Ka Dhanka ahayd ee Dahabshiil-Denmark ?

Hay`ada lasocodka dhaqaalaha Lacagaha (Finanstilsynet) ayaa ugudbisay Boliska wadanka Denmark Dacwad ka dhana Labada Shirkadood ee ka shaqeeya arimaha Xawaladaha Lacagaha ee kala ah Dahabshiil Money Transfer Service iyo Quick International Money Transfer .

Finanstilsynet ayaa baritaankaan bilaawday July 2013 ayadoo hada u gudbisay Dacwad ka dhana labadaan shirkad boliiska Denmark, Labadan shirkadood ee dacwada laga gudbiyaya ayaa waxa kamida Shirkada Dahabshiil ee wadanka Denmark oo ay leyihiin Ganacsato Somaliyeed, Dadka Somaliyeed ee ku nool wadanka Denmark ayaa lacagaha ugu diro qosaskooda oo ku nool dalki Hooyo, waana caqabad ku soo kordheysa Dadka somaliyeed ee ku nool wadanka Denmark hadii laga joojiyo shaqada shirkadaan .

Hay`ada lasocodka dhaqaalaha Lacagaha(Finanstilsynet) ayaa sheegygatay inay cabsi ka qabaan sida ay wax u wadaan shirkadaha ay dacwada ka gudbiyeen. Cabsidooduna waxa ay ay tahay iney dhaqaan ama tirtiraan tiraan Magacyada dirayaasha lacagaha, Dadka dambiilayaasha ah oo si qaldan u helay lacagtaas iyo inaan la ogeen in lacagahaasi loo diro ururada argagaxisyada ah ee dibada.

Madaxa Hay’ada  FSA Mark Andrew Rønnenfelt waxa uu yiri :”Waxaa muhiim ah iney shirkadahaas xawaalada iney si sax ah u og yihiin macagyada dadka isticmaala xawaaladahaas, isla markaasna ay foojignaan gaar ah u yeeshaan hadii si qaldan loo isticmaali karo shirkadahaas. Hadii aysan taas dhicin waxaa boliiska ku adkaaneyso iney ogaadaan hadii si qaldan oo dambi ah loo isticmaalo adeegooda, sida lacag dhaqid ama caawinaad argagaxisnimo”.

Hay’adaha Lasocodka dhaqdhaqaaqa lacagaha (Finanstilsynet)  ee Denmark ayaa sheegtay in  booliiska uu ka cabsi qabo maalgelin argagixiso iyo lacagta la diray.

Finanstilsynet ayaa sheegtay in Labadaan shirkadood ee ka shaqeeya  xawaaladaha lacagta ee saldhigooduna yahay Magaalada Kobanheegan, In  marar badan ay si weyn ugu xadgudbeen  sharcigi dalka Denmark ee Lacagaha ku saabsan.  FSA ayaa sheegtay inay booliiska u gud´biyeen si ay u baaraan labadaas shikadood oo midood tahaya shirkada xawalaada ee Dahabshiil oo Somali badan ay wax ku dirsadaan. Cabsida iyo Dacwada laga gudbiyay shirkada Dahabshiil  ayaa ku saabsan inaan la ogayn sida ay u  isticmalaan nidaamka lacag bixinta iyo Nidaamka lacag Diristooda lamana ogo lacagaha laga diro in lagu taagero argagixisada.

Tan iyo 2012, Xafiiska Serious Fraud waxa uu helay 17 kiis wuxuu eegay si  la mid ah. Shirkadaha lacagaha xawila xogta ay ka hayaan dadka isticmaala shirkadahooda,  waxa ayna ogadeen inay xogta lacagaha la diro aad u yartahay,  Lagana cabsiqabo inay albaabka u furto inay ku dhuuntaan dembilayasha lacagaha u diraayo argagixisada.

Madaxa Hay’ada  FSA Mark Andrew Rønne Waxa u yiri :  “Shirkadaha waa inay ogadaan aqoonsiga macaamiisha ay wax u qabanayaaan, waana ku waajib ineey ilaaliyaan xeerarka uyaala qeybaha lacagaha, Waana in ay ogaadaan wixii macaamil ganacsi ah oo lacagtooda laga shakiyo, wayna ku qasban yihiin inay u sheegaan booliiska. Haddii a ay shirkadahaan sidaasi yeeli wayaan ,waa hubaal in boolisku uu sana wax ka qaban karin ayna adagtahay in la ogaado hawlaha dambiga ah sida lacagta la dhaqay ama taageero argagixisada, waana  arrin culus. Sidaa darteed, waxaan ku khasbannahay in booliiska u sheegno markaan aragno Xaaladaan sidaan oo kale ah aadkana u fool xun.

Maxay tahay Edeynta Loo Jeediyay Labadaan Shirkadood ?

Laba shirkadood ee Dahabshiil Money Transfer Service iyo Quick International Money Transfer ee fadhigoodu yahay Caasimada Kobanheegan ee Denmark, ayaa lagu edeyay qodobadan:

  • Inay u shaqeeyaan si aan waafaqsaneyn xeerka lacagaha Denmark ayna u maamulaan arrimahooda lacagaha dirista si qaldan
  • Tababar la’aan heesata shaqaalahooda
  •  Ayagoo aan heyn maclumaad ka saxda ah ee macaamiishooda.

Inay jiraan wakiilo jooga meelo aan si sax loo ogeyn aanan la koontorooli karin sahaqadooda.

FSA ayaa waxa ay sheegtay inay aragtideeda tahay inay u hogaansamaan shirkadda  Lacagaha ka shaqeeya  shuuruucda dalka u yaala shaqaalaheedana u tababartaan sida shaqalaha kale. Waana waajib in hay´adaha dawlada aya lasocodsiiyaan wixii ay ka shikiyaan , laakiin dahabshiil weligeed lama soo xiriirin Hay’adaha amniga iyo weliba laamaha dadwlada arrimo la xiriira arrinkaa. Waana sababta keentay inaan usoo gudbino Boliska labadan shirkadood si ay usoo baaraan arrinkaan.

Shirkada Dahabshiil Money Transfer Service Denmark Maxay ka tiri Dacwadaan iyo Edeyntaan Loo Jeediyay ?

Mar uu la hadlay Warbaahinta  Muse Farah Jama oo ah wakiilka Dahbshiil ee Denmark wuxuu sheegey in ay isku dayayaan ineey ilaaliyaan sharciyada wadankaan, isagoo sheegey ineey leeyihiin saddex wakiil oo kala jooga magaalooyinak kala ah Kolding , Ålborg iyo Aarhus,  kuwaas oo ah kuwo kamadax banaan Dahabshiil International .

Sido kale waxuu ku celceliyey ineey sixi doonaan wxii qaldan kuna dadaali doonaan ilaa linta sharciyada dalkan.

Ugu danbeenti  kiiska Dacwada ah ee laga gudbiyay shirkadaha Dahabshiil Money Transfer Service iyo Quick International Money Transfer ayaa hada wuxuu ku jiraa gacanta booliska oo baaraya eedeymaha loo soo jeediyey waxii ku soo kordahana waan idin soo gudbin doona.

Halkan ka arag warbixinta Finanstilsynet : https://www.finanstilsynet.dk/da/Tal-og-fakta/Vurderinger-af-finansielle-virksomheder/2014/VU-Dahab-Shiil-030714.aspx

Abdikaadir Kassim “Aqaasim”

[email protected]

Amisom: Awoodda 1aad ee Soomaaliya waa annaga (Maxay la macno tahay?)

Muqdisho(Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa markii ugu horeysay isku sheegay inay yihiin awooda koowaad ee dalka Soomaaliya, kadib markii ay ka hadleen howlgaladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.

General Dick Olum, taliyaha ciidamada AMISOM ee Gobolada Banaadir iyo Shabeelooyinka ayaa sheegay inay yihiin awooda koowaad ee Soomaaliya, islamarkaana ay sahlan tahay inay hub ka dhigis ka sameeyaan cid walbaa oo isku dhajisa.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay cadowgooda u aqoosan doonaan dadka ka hor yimaadaa awaamiirtooda ayna u sahlan tahay dhankooda inay hub ka dhigis ku sameeyaan dadka ku sugan magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa cadeeyay in dalka Soomaaliya ay u joogaan fulinta awaamiirta dowlada Soomaaliya ayna taageeri doonaan wax walbaa oo kasoo baxa dhanka dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay yihiin ciidamada ku xiga Nabad sugida, meletariga iyo ciidamada booliska dalka Soomaaliya ayna si wanaagsan oo isku mid ah ula dagaalami doonaan dadkii marada dowlada ka hor yimaada.

[email protected]

Muxuu JAWAARI ka yiri xidlhibaannadii PUNTLAND tagay iyo tallaabadooda? !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa soo dhaweeyey wax uu ugu yeeray doorkii muuqday ee ay qaateen Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Puntland.

“Guddoon ahaan aad ayaan u soo dhaweyneynaa shaqada muuqata ee ay Xildhibaannadu haddiiba u guntadeen xallinta khilaafaadka soo ifbaxay laga soo bilaabo bartamaha bishan August 2014 ee ay ku abuureen jawi isku soo dhowaansho loogu gogol xaarayo wadahadal toos ah oo ay yeeshaan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed” ayuu yiri Jawaari..

“Sida uu qabo Qodobka 61aad ee Dastuurka Dalka, Xildhibaannada Golaha Shacabka waxay u gudanayaan waajibaadkooda sida ay danta Qaranku ku jirto iyada oo waajib gaar ah ka saaran yahay deegaan cod-bixiyeyaasha ay ka soo jeedaan, wuxuu Guddoonka Golaha Shacabka ku bogaadinayaa Xildhibaannada sida hagar la’aanta ah isaga xilqaamay inuu wadahadal ka dhex bilowdo DFS iyo Puntland”.

Sidoo kale Guddoonka Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadinayaa Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya sida ay usoo dhaweysay in wadahadal la furo, is fahamna laga gaaro wixii kala fikir duwanaansho ah.

Ugu dambeyntii Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya waxa uu si dhow ula soconayaa ka miradhalinta dadaalka Xildhibaannada bilaabeen wuxuuna ku dhiiragelineynaa labada dhinac iney si degdeg ah u gadagalaan wadahadallada , isfaham buuxana ka gaaraan wixii kala fikir duwanaansho ah muddada 30ka maalmood ah gudahood.

[email protected]

Dal dadkiisu ay geerida naxariista leh u degdegayaan oo sii kordhayso

Muqdisho (Caasimada Online) – Daraasaad maanta la soo bandhigay ayaa lagu sheegay in dad badan u socdaalaan dalka Switzerland si ay uga helaan geeridda loogu magac daray Geeridda Naxariista oo qofkii doonayo lagu dilayo.

Dadka u dhashay Jarmalka ayaa la sheegay inay yihiin dadka ugu badan ee u socdaala dalka Switzerland si loogu fududeeyo inay geeriyoodaan.

611 qof ayaa safarka geeridda naxariista leh lagu fuliyey sannadkii 2012-kii, iyadoo 268 qof ahaayeen kuwo u dhashay dalka Jarmalka.

Kaalinta Labaad waxaa galay dalka Britain, iyadoo 126 qof oo u dhashay dalkaasi lagu fuliyey geerida loogu magac daray geeridii naxariista.

Warbixintan oo lagu daabacay Wargeyska The Journal Medical Ethics ayaa sheegay in dadka lagu fuliyey geeridaasi 60% ahaayeen haween.

Xigasho: thelocal.de

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Somalia oo askar ku deqday qorshe ay ciidamo gaar ah ku yeelaneyso AFRICA

Kigali(Caasimada Online) – Magaalada Kigali ee caasimada dalka Rwanda waxaa ka socda shir ay lee yihiin taliyaasha 10 dal oo Afrika ku yaalla, waxaana ay ka arrinsanayaan siddii ciidamo gaar ah oo cudud leh loogu sameyn lahaa qaarada.

Haddaba qorshaha wuxuu yahay siddii loo heli lahaa 5000 oo millitari rag ah iyo afar qeyb oo boolis ah midkiina uu ka kooban yahay 140 askari, sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadlay dowladda Rwanda.

Ciidamadan ayaa la rabaa in lagu dhiso ilaa sannadka 2015-ka waxaana la doonayaa in ay noqdaan ciidamo gaar ah oo marka ay dhibaato ka dhacdo dal ku yaalla gobalka isla markiiba loo diro.

Wax yaabaha laga shiraayo waxaa ka mid ah siddii waddan kasta uu u bixin lahaa dhaqaalaha ku baxaya askartan kaddibna deeq bixiyaasha loo qeylo dhaamiyo si ay gacan uga geestaan kaalmeenta qorshaha Afrika ay wadato.

Dal kasta waxaa laga doonayaa in uu muddo 14 cisho ah uu bixiyo qarashka ku baxaya ciidamadiisa si ay ugu tagaan goobaha loo diraayo.

Safiirka Maraykanka u qaabilsan Jimciyada quruumaha ka dhexeysa Samantha Power ayaa leh Afrika waxaa ka go’an siddii ay u sameesan lahayd ciidamo nabad ilaalin ah oo gaar u ah.

Waxay sheegtay in caalamku uu ku taageeri doono qorshahaas cusub ee Afrika la timid.

Burundi ayaa guuto ciidamada lugta ku deeqay qorshahan cusub, halka, Uganda, Rwanda, Tanzania iyo Ethiopia ay bixiyeen ciidamo wata gaadidkooda dagaalka, Kenya ayaa guuto wadata qalabkeeda ku deeqday howlgalkan cusub, waxaa kaloo tiro ciidamo bixiyay Comoros, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

[email protected]

DAANYEERO DAD KU CUNAY GEDO !!

Gedo(Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaano ka hoostaga gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalad abaaro oo daran ay ka jiraan deegaanada gobolkaasi.

Deegaanka Yaaqle oo kamid ah deegaanada gobolka Gedo ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto abaarta ugu daran, iyadoo la sheegay inay gaartay heer ay is cunaan dadka iyo xayawaanada.

C/raxmaan Cismaan Axmed, gudoomiyaha deegaanka Yaaqle ayaa sheegay in raxan daanyeero ah ay dhaawacyo u geysteen labo ciyaal ah kadib markii ay weerareen dad badan oo biyo ka dhaansanayay goob ay ku hareen biyaha.

Daanyeerada ayaa la sheegayaa inay badnaayeen ayna weerareen dad badan oo biyo dhaansanayay, iyadoo abaartii ugu darneyd laga sheegayo deegaanada gobolkaasi.

“Daanyeerada biyo  ayay soo raadsadeen dadkana biyo meel ku haray ayay dhaansanayeen marka daanyeertii labo ciyaal ayay dhaawaceen hal dameerna wey cuneen”ayuu yiri gudoomiyaha deegaanka Yaaqle.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyo hayadaha samafalka ka dalbanayaan inay wax ka qabtaan arimahaasi ka taagan gobolka.

Dowlada Soomaaliya ayaa gudi u xilsaartay abaaraha ka jira deegaanada gobolada Gedo iyo Bakool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: “Faarax C/qadir oo qodobo dastuurka dalka ka tirsan beddelaya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ibraahim Suleyman Ilka-Case oo ka tirsan Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Dastuurka, ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka Dastuurka iyo Cadaalada Faarax C/qaadir uu wado Qorsho cusub oo uu ku bedelaayo Qodobada Dastuurka qaarkood.

Waxa uu sheegay in Faarax C/qaadir uu doonayo in Dastuurka loo badalo halkii uu taagnaa 2007, waxa uuna ka digay in leys daba-mariyo Dastuurka dalka ee ay Soomaalida ku heshiisay.

‘’Faarax waxa uu wadaa qorsho uu ku badalaayo Qodobo ka tirsan Dastuurka oo kasoo horjeeda Nidaamka uu isaga aaminsan yahay, waa nasiib daro in si sharci la’aan ah uu ku bedelo Qodobadaasi, isagoo aan kala tashan guddiyada Baarlamaanka, waxaana jirta dan uu arrintan ka lee yahay ” ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Suleymaan.

Ibraahim Suleeman Ilka case oo la hadlaayay Idaacada Kulmiye Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu Golaha Baarlamaanka ugu baaqay inay ka feejignaadan faragalinta uu Faarxa C/qaadir ku hayo Dastuurka, waxa uuna daaha ka rogay inaysan aqbali doonin in la faragaliyo Dastuurka xiligaani.

Dhanka kale, waxa uu Faarax C/qaadir ku eedeeyay inuu ka shaqeynaayo in dalka uu ku laabto halkii dhowr sano ka hor uu taagnaa.

Halkan ka dhageyso xildhibaan Ibraahim Suleymaan

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Puntland oo hubeyneysa Khaatumo & Somaliland oo walaac uu haysto (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-Xog-Ogaal ah oo  ka tirsan Maamulka Puntland ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu wado qorsho cusub oo uu isaga mashquulinaayo Maamulka Somaliland oo ay xurguf Siyaasadeed kala dhaxeyso.

Ilo-xog-Ogaalka ayaa sheegay in Madaxweyne C/weli Gaas uu Saraakiisha Aqalka looga arrimiyo Maamulka Puntland ugu baaqay inay xiriiro dhow la sameeyan Maamulka Khatumo, si looga saacido dhanka Ciidamada iyo taabagalintooda, isagoona ku wacad maray Saraakiisha inuu dhan waliba ka saacidi doono Maamulka Khatumo, balse looga baahan yahay inay Deegaanadooda ka saaran Ciidamada Somaliland ee ku sugan goobo ka tirsan Deegaanada Khatumo.

Sidoo kale, wararku waxa ay hoosta ka xariiqayaan in Madaxtooyada Garoowe ay ku sugan yihiin Odayaal iyagu isku xir u ah Maamulka Puntland iyo Khatumo, waxaana la sheegayaa in Odayaashasi ay Garoowe ku sugan yihiin ku dhawaad Seddex Maalin, iyadoona ay Xogtu tibaaxeyso inay suuragal tahay in Madaxweynaha Mamaulka Khatumo Cali Khalif Galeyr casuumad loogu  sameyn doono Magaalada Garowe si loo dhiso xiriirkii lagu wiiqi lahaa Maamulka Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo iminka ku sugan Magaalada Addis Ababa, ayaa waxa uu saaxiib dhow la yahay Cali Khaliif oo ay xubno kawada ahaayen Ururka Qaswadayaasha Soomaaliyeed ee xarunta u aheyd Magaalada Nairobi.

Waxaa iminka lagu wadaa soo laabashada Madaxweyne Gaas, kadib in Magaalada Garoowe ay kulan ku wada qaatan Madaxweynaha Khatumo, iyadoona uu iminka socdo dadaalkii lagu wada kulansiin lahaa Labada Mas’uul.

Dhanka kale, Madaxweyne C/wali ayaa isagu ballan qaaday in Maamulka Khatumo uu ka saacidi doono Hub ay isaga caawin lahaayen Maamulka Somaliland oo fara kulul ku haya, wallow Madaxweyne Siilaanyo uu isaguna diyaariyay Ciidamo la dagaalama Cali Khaliif.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG CUSUB oo dhismaha MAAMULKA gobollada dhexe kusoo korartay (Aqri)

Cadaado (Caasimada Online) – Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb waxaa ka socda qabqabaada shirweyne lagu mideenaayo maamul gobaleed loo dhiso gobalada dhexe.

Afhayeenka maamulak Ximin iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkooda uu u diyaar garoobay qabashada shirka lagu dhisaayo maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Wuxuu tilmamaay dadweynaha magaalada iyo maamulkooda in ay geed dheer iyo kuwa gaabanba ay u fuuleen siddii uu ku qabsoomi lahaa shirka, isagoona intaas ku daray in howlahaas ay meel gabagabo soo gaareyn.

“Inta badan howlihii la rabay in la qabto waa gabagabo, waxaana harsan hadda howlo farsamo iyo siddii qaabili lahaa ergooyinka soo gaaraya magaalada iyo goobaha ay dagayaan” ayuu yiri afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb.

Wuxuu kaloo sheegay in maamulka Ximin iyo Xeeb uu ku filan yahay martigalinta shirka isla markaana la diyaariyay ciidamo ammaanka suga.

Si kastaba, hadalka afhayeenka Ximin iyo Xeeb ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay socdeyn warar sheegaya in ciidamo AMISOM la geyn doono magaalada Cadaado si ay ammaanka shirka u adkeeyaan.

Ximin iyo Xeeb waxay lee dahay ciidamo shisheeye ma dooneyno ee waan ku filanahay ammaanka shirka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: DFS oo diiday inay Puntland kula hadasho Addis-Ababa (Waa 13% kaliya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa ku gacan seertay isku day ay Puntland ku dooneyso in wada hadallo u dhaxeeya labada dhinaca ay dhex dhexaadiso dowladda Ethiopia, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Sida wararku ay sheegayaan, Puntland ayaa dooneysa in khilaafka ay sheegtay inuu kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya ay ka dhigto mid aad u weyn, ayna hesho fursad ay kula gorgorton dowladda Soomaaliya, oo ay ku heshay waxyaabo badan oo maamulada kale ee dalka ka jira aysan xaq u lahayn.

Ilo xog ogaal ah oo madaxtooyada Garoowe ku sugan ayaa Caasimada Online u sheegay in Puntland ay Ehiopia ka codsatay inay wada xaajood u furto labada dhinac, si loo dhammeeyo khilaafka, ayna usoo dhacsato wax ay ugu yeertay xaqeeda.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya waa ay diiday qorshaha ceynkaas ah, ayada oo ku adkeystay inuusan jirin khilaaf sidaas u weyn oo u baahan in dalal shisheeye ay kala dhex galaan labada dhinaca.

“Dowladda Soomaaliya waxa aay aaminsan tahay inuusan jirin khilaaf weyn. Dastuurka ay Puntland sheegtay in la beddelay waxaa loo saaray guddi, arrinta maamulka gobollada dhexe-na waxa ay Puntland ku diiday waa gardarro, maxaa marka laga wada hadlayaa” ayuu yiri sarkaal ku dhow ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo codsaday inaan la magacaabin.

Waxa uu intaas ku daray in dowladduu aysan diidaneyn inay dhageysto qofkii cabasho qaba, balse ay dooneyso in ciddii wax tabaneysa ay Muqdisho timaada, lana dhageysto.

“Dowladda waxa ay u aragtaa baaqa wada hadalka Puntland ee Addis-Ababa arrin ay Puntland ku dooneyso inay isla meel dhigto dowladda, oo ay ku hesho ama uga saro marto maamullada kale ee dalka ka jira, taasna lama aqbali karo” ayuu sii raaciyey.

“Puntland waxa ay maamushaa 2 gobol iyo bar ka mid ah 18-ka dal ee Soomaaliya, haddaan xisaab ahaan kuu sheego waa 13.8% gobollada Soomaaliya, balse waxay dooneysaa in loola macaamilo sida inay 50% maamusho Soomaaaliya, oo ay dowladda wax la qeybsato” ayuu yiri.

“Dhibka ugu weyn ee haysta Puntland waxa uu yahay inaysan xaqiiqda ogeyn maqaamkeeda, ama ay ogtahay balse ay iska indho tireyso, waa inay ogaataa inay 2 gobol iyo qeyb ka mid ah Mudug maamusho, kadib ma dhici doonaan qeylo dhaantan tirade badan” ayuu yiri.

Maamulka Puntland ayaa inta badan khilaaf iyo qeylo la daba taagan dowladda Soomaaliya, waxaana ay sidaan oo kale ay ku sameeyeen madaxweyne Shariif, waxaase ay degeen markii Farmaajo xilka laga qaaday loona dhiibay Cabdi Weli Gaas, taasi oo dad badan iminka ay aaminsan yihiin in waxa Puntland ay u qeylineyso ay jagada Ra’iisul wasaaraha tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Siyaasiga loo badinayo madaxtinimada 2016-ka oo dhaqaale uruurin billaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online xog ku heshay, waxaa maalmahaani Dalka Imaaraadka Carabta ku sugnaa Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed oo xusul duub ugu jiro qabashada Madaxtinimada Dalka 2016-ka.

Shariif Sheikh Axmed oo mudooyinkaani ku sugnaa Dalka isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa la sheegayaa inuu soo dhaweyn Siyaasadeed ka helay Madaxda Dalkaasi, iyadoona uu bilaabay Cod uruurin uu ku sameynaayo Dowladihii ka taageeri lahaa Doorashooyinka la filaayo in sanadka 2016 ay ka dhacaan dalka.

Madaxweyne Shariif oo taageero xoogan ka heysta Dalalka Mareykanka, Britain, Turkiga, Imaaraadka iyo wadamo kale, ayaa waxa uu socdaalo ku mari doono dhowr dal oo iyagu aan ku qanacsaneyn Dowlada xiligaani ka talisa Dalka Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Dalka Imaaraadka ayaa la tilmaamayaa in dhaqaale xoogan uu ugu deeqayo Sheikh Shariif si uu uga qeybgalo Doorashada, waxa uuna  rajooyin ka muujinayaa inuu dhaqaale taa ka badan uu ka helo Dowladda Mareykanka oo isagu u bar-baarineysa qabashada xukunka Dalka.

Lama Oga halka uu gaari doono Ololaha Shariif Sheekh Axmed uu ka dhex wado Dalalka deeq bixiyayaasha, waxaase jirta in shacabka Soomaaliyeed ay badankood isku raaceen in Shariif uu kun jeer ka wanaagsanaa Xasan Sheekh.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: Heshiiska Ereg iyo Indha-Cadde oo uu ka war-helay XASAN SHEEKH !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kullan ku saabsan hub ka dhigista siyaasiyiinta Muqdisho iyo tuhunno la xiriira la yeeshay wasiirka amniga dowladda Khaliif Ereg, sida ay xubno Villa Somalia ku sugan u sheegeen Caasimada Online.

Kullanka ayaa yimid, kadib markii ay soo baxeen shakiyo ku saabsan in Ereg uu la wareegay hub uu lahaa General Indha-Cadde oo ay isku beel yihiin, si aysan dowladda uga qaadan, sida ay Caasimada Online shaacisay toddobaad ka hor.

Madaxweynaha ayaa sida la sheegay Ereg wax ka weydiiyey arrintaas, isaga oo u sheegay in saraakiil sare oo dowladda ka tirsan ay arrintaan kusoo war-geliyeey, ayna tahay wax aan la aqbali kari, kana fog dowladnimada iyo caddaaladda.

Wasiir Ereg, ayaa sida warku sheegayo beeniyey tuhunka laga qabo, isaga oo madaxweynaha ku qanciyey in haddii arrimahaas lagu soo caddeeyo uu diyaar u yahay inuu xilka wasiirnimo ka dego, hase yeeshee su’aashu ay tahay cidda ku caddeyn doonta.

Magaalada Muqdisho, ayaa lagu weeraray siyaasiyiin badan oo hub ku dhex haysta magaalada, hase yeeshee waxaa Ereg lagu eedeeyey inuu diiday in la weeraro Indha-Cadde, isaga oo sidoo kalena hubkiisa si qarsoodi ah kula wareegay, si uu uga nabad galo weerarada dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

KENYA oo laga wareejiyey hoggaanka Amisom ee Kismaayo, 6 sabab dartood

Kismaayo (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa heshay xog gaar ah oo sheegeysa in Ciidanka Kenya ee xoogga ku haysta Kismaayo laga wareejiyay hogaanka Amisom,, kadib markii ay ku dhaqaaqeen Howlo ka baxsan awoodooda Sharciyadeed.

Sida uu sarkala sare oo ka tirsan dowladda Somalia u xaqiijiyey Caasimada Online, todobaadyo ka hor ayuu Taliska AMISOM ka qaaday Ciidanka Kenya hogaanka, waxaana lagu wareejiyey ciidamada Sierra Leone.

Is-beddelkan ayaan weli si rasmi ah loo shaacin, hase yeeshee waxaa sabab u ahaa kadib markii ay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka codsadeen Midowga Africa in Kenya laga wareejiyo Hogaanka Howgalka AMISOM ee Kismaayo.

Sarkaalka dowladda federaalka ka tirsan ee Caasimada Online la hadlay, waxa uu sheegay in sababaha hogaanka looga qaaday Ciidanka Kenya ay ka mid yihiin:

1- In ay la safteen Dhinac ka mid ah Beelaha ku dagaalamay Kismaayo

1- In ay si sharci darro ah ay uga dhoofiyeen Dekedda Kismaayo Dhuxusha ay Mamnuuceen Sanad ka hor Golaha Amaanka QM, DFS & Midowga Africa.

3- In ay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka socda Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo ka yimid Muqdisho u diideen inay galaan Kismaayo, iyagoo ka celiyay Garoonka Diyaaradaha.

4- In aysan u hogaansamin Amarrada Hogaanka Guud ee AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

5- In ay si cad uga qeyb-galeen Dagaal Beeleed ka dhacay Kismaayo 2013-kii, iyagoo Duqeyn u gaystay Xaafadaha Kismaayo oo Dad badan oo Shacab ah ay ku dileen.

6- In Hub aan shacri ahayn siiyeen Maleeshiyada Raas Kambooni oo Dhibaataynaya Shacabka Jubbooyinka.

Arrintan ayaa la sheegay inuu si aad ah uga xanaaqay Axmed Madoobe, oo Madaxda Dowladda Federaalka uga baxay Ballantii ahayd in uu Lix Bilood kadib Heshiiskii Addis Ababa uu kusoo wareejiyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Kismaayo.

Sarkaalkan la hadlay Caasimada Online, ayaa sidoo kale sheegay in tallaabada tan xigta ay noqon doonto sida uu qorshaha yahay in Ciidanka Kenya guud ahaan laga soo saaro Kismaayo, laguna wareejiyo Ciidan kale oo dhexdhexaad ah kana socda AMISOM.

Ciidanka Kenya waxa ay Kismaayo qabsadeen October, 2011.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Xog: DFS oo lacag u qortay Amisom-ta Villa Somalia & ciidankii DF oo baahan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxda Dalka gaar ahaan Madaxweynaha, Agaasimaha Madaxtooyada, Wasiirka Maaliyada, Cadaalada iyo Dastuurka, Gaashandhiga, ay lacago guno ah u meel-mariyeen Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haya Villa Somalia.

Sargaalka ayaa inoo xaqiijiyay in qorshahaasi uu bilowday maalmo ka hor, waxa uuna sheegay inuu ahaa mid ka dambeysay kadib markii Muddo aan Mushaar la siin Ciidamada AMISOM ee Howlgalada u jooga Dalka Somalia.

Sargaalka ayaa waxa uu bixinta Lacagtaasi Gunada ah ku micneeyay mid lagu kasbanaayo Ciidamada AMISOM maadama aysan qaadan lacagahooda, islamarkaana ay suuragal noqon karto inay ka jiiftaan Howlaha kaga aadan Xaqiijinta Ammaanka Madaxda Dalka.

Dhanka kale, Sargaalka ma uusan xusin halka ay dhantahay lacagahaasi gunada lagu bixinaayo, balse waxa uu cadeeyay in go’aankaasi uu yahay mid Mas’uuliyiintaasi u gaar ah.

Waxa uu Tilmaamay in Villa Somalia ay ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali ah oo aan qaadan wax Mushaar ah, taasina ay nasiib daro u noqoneyso DF.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Somalida ku dhaqan Barron, WI, oo loo qabtay kullan wacyigalineed

Masjidka Taqwa ee magaalada Barron, gobolka Wisconsin, dalka Mareykanka, waxa lagu qabtay Jimcihii kullan bulshada Soomaaliyeed ee magaaladaasi ku dhaqan loogu wacyi galinaayay sidii ay u joogteyn lahaayeen iska warqabka bulshada dhexdeeda iyo xuska Alle.

Wariye Jamal Ahmed Osman, oo goob joog ahaa madashaasi, ayaa soo sheegaya in Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Ali Sheekh Ibraahim, iyo culimo kale oo Soomaaliyeed, kuwaas oo dhawaantan ka yimid dalka Soomaaliya, ay masidka ku soo bandhigeen muxaadaro bulshada magaalada Barron ee gobolka Wisconsin loogu dar dar galinayay inay Alle ka cabsiga badiyaan.

Shuyuukhda, ayaa bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale ku wacyi galiyay maadama, ay joogaan dal kamid ah dalalka reer galbeedka inaysan illaabin dhaqankooda iyo diintooda.

Sheekh Cabdul Haaddi Ali Kulmiye, oo ah Imaamka Masjiddu Taqwa ee Barron, Wisconsin, ayaa isaguna uga mahad celiyay culimadii uga timid meelo fog fog bulshada Barron si ay u baraarujiyaan.

Kullamada noocaani ah, ayay bulshooyinka Soomaaliyeed ee qurbaha u yihiin kuwa ahmiyad weyn ugu fadhiya, iyadoo markaste la isa soo xasuusiyo ku dheganaanshiyaha diinta iyo caqiiddada qofka Muslimka ah.

barron (1)barron (2)barron (3)barron (4)barron (5)barron (6)barron (7)barron (8)

———————
Jamal Ahmed Osman
Somali Journalist
Barron, WI, USA