28.3 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Sawirro: Somalida ku dhaqan Barron, WI, oo loo qabtay kullan wacyigalineed

Masjidka Taqwa ee magaalada Barron, gobolka Wisconsin, dalka Mareykanka, waxa lagu qabtay Jimcihii kullan bulshada Soomaaliyeed ee magaaladaasi ku dhaqan loogu wacyi galinaayay sidii ay u joogteyn lahaayeen iska warqabka bulshada dhexdeeda iyo xuska Alle.

Wariye Jamal Ahmed Osman, oo goob joog ahaa madashaasi, ayaa soo sheegaya in Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Ali Sheekh Ibraahim, iyo culimo kale oo Soomaaliyeed, kuwaas oo dhawaantan ka yimid dalka Soomaaliya, ay masidka ku soo bandhigeen muxaadaro bulshada magaalada Barron ee gobolka Wisconsin loogu dar dar galinayay inay Alle ka cabsiga badiyaan.

Shuyuukhda, ayaa bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale ku wacyi galiyay maadama, ay joogaan dal kamid ah dalalka reer galbeedka inaysan illaabin dhaqankooda iyo diintooda.

Sheekh Cabdul Haaddi Ali Kulmiye, oo ah Imaamka Masjiddu Taqwa ee Barron, Wisconsin, ayaa isaguna uga mahad celiyay culimadii uga timid meelo fog fog bulshada Barron si ay u baraarujiyaan.

Kullamada noocaani ah, ayay bulshooyinka Soomaaliyeed ee qurbaha u yihiin kuwa ahmiyad weyn ugu fadhiya, iyadoo markaste la isa soo xasuusiyo ku dheganaanshiyaha diinta iyo caqiiddada qofka Muslimka ah.

barron (1)barron (2)barron (3)barron (4)barron (5)barron (6)barron (7)barron (8)

———————
Jamal Ahmed Osman
Somali Journalist
Barron, WI, USA

WASIIRO booqday Xabsiga dhexe ee Xamar (Daawo Sawirrada xaaladda)

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin uu horkacaayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha Diinta iyo Owqaafta, Ridwaan Xersi Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa maanta booqday Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, ayaa waxaa Booqashadiisa ku wehliyay Wasiiro ay kamid ahaayen Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, wasiirka warfaafinta iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ee dhawaan la magacaabay oo hal hal u booqday Xabsiyada iyo goobaha lagu kariyo Raashiinka Maxaabiista.

Mas’uuliyiinta oo dhowr dhinacyo ka kala socday ayaa waxa ay ku dhawaad Laba saac kormeer ku dhex joogen Xabsiga iyagoona isha mariyay gabi ahaan qolalka ay ku xiran yihiin maxaabiista iyo goobaha cuntada loogu kariyo.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo Xeer ilaaliyaha ayaa booqashada kadib warbaahinta kula hadlay Goobta waxa ayna sheegen in nolosha Maxaabiista ay kasoo reyneyso sidii hore, waxa ayna ballan-qaadeen in dowladdu ay xooga saari doonto sidii loo ballaarin lahaa Xabsiyada islamarkaana ay nafis ku filan Maxaabiista u heli lahaayen.

Faarax C/qaadir Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka ayaa sheegay in ujeedka kormeerka uu yahay u kuur-gelida xaaladaha ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jira xabsiga dhexe.

Wuxuu Tilmaamay in Booqashadu ay noqon doonto mid sii socta oo aan ku ekaan doonin maanta, isagoona Cadeeyay in ujeedka ugu weyn uu ahaa in loo kuur-galo xaaladaha amni, dhaqaale, caafimaad iyo maamul ee xabsiga iyo maxaabiista ku xiran.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay warbixin ka dhageysteen Taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed, Xuseen Xasan Cismaan waxa uuna tilmaamay inay jiraan dhibaatooyin xabsiga ku haysta maxaabiista, isla markaana uu wali dayactir u baahan yahay xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DAAWO SAWIRADDA

1 - Copy 2 - Copy 3 - Copy 4 - Copy 5 - Copy 6 - Copy 7 - Copy 8 - Copy 9 - Copy 10 - Copy 11 - Copy 12 - Copy 13 - Copy 14 - Copy 15 - Copy 16 - Copy 17 - Copy 18 - Copy 19 - Copy 20 - Copy 21 - Copy 22 23 24 25 26 27 28 29

SOMALIA oo ay ku sii faro-badanayaan dowlado aan is aqoonsaneyn (Akhriso Magacyada 13 ka mid ah dowladahaas)

Muqdisho (Caasimada Online) – Bur-burkii Dowladii dhexe ee Somalia, waxaa laga dhex lay Bur-bur dhulka dhigay Daaraha iyo kaabayaasha dhaqaale ee uu dalka ku dhisnaa.

Bur-burka Dalka kaliya ma uusan saameyn Dhaqaalaha iyo Kaabayaasha ee waxa uu sababay Bur-bur ku imaaday Nidaamkii Dowladnimo, iyadoona Bur-burkaasi uu dhalay Maamulo badan oo aan waafaqsaneyn Nidaamka Dalka.

Is faquuq iyo Khilaafyo baahay oo dhex maray Qabaa’ilada Soomaaliyeed waxaa ka dhashay in qeybqeyb loo kala qeybsado Gobolada Dalka, iyadoona loogu wanqalay Maamulo aan Talo iyo tusaalaba la wadaagin Dowlada dalka ka dhisan halka qaarkoodna ay shaaciyeen inay ka go’een Somalia inteeda kale.

Haddaba Bur-burka iyo is faquuqa ayaa waxaa ka dhashay Maamulada soo socda:-

1-Dowlada Jubaland

2-Dowlada Galmudug

3-Dowlada Somaliland

4-Dowlada Puntland

5-Dowlada Khatumo State

6-Dowlada Ximin iyo xeeb

7-Dowlada Koonfurgalbeed

8-Dowlada Banaadir State

9-Dowlada Shabelle State

10-Dowlada Hiiraan State

11-Dowlada Azania Land

12-Dowlada Owdal State

13-Ceel-buur State

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Soomaali badan oo ku LA’TAY Xeebaha dalka Libya (Waa imisa tiradooda?)

Tripoli (Caasimada Online) – Wakaalada wararka AFP ayaa maanta oo Sabti ah qortay in la la’yahay 150 qof oo ah muhaajiriin Afrikan ah kuwaasoo la socday dooni ku degtay meel 60 km u jirta xeebaha dalka Libya.

Sarkaal u hadlay ilaalada xeebaha dalka Libya laguna magacaabo Cabdiladiif Axmed ayaa sheegay in ay la soo badbaadiyay 16 ka mid ah dadkii la socday doonta 15kalena ay meydadkooda ka soo heleen doonta ku degtay xeebta Libya balse wuxuu lee yahay waxaa la la’yahay 150 ka mid ah dadkaas.

Dadkan ayaa la sheegay in ay u badan yihiin Soomaali iyo Eritiyan balse ma sheegi karaan ilaalada xeebaha dalka Libya faah-faahin ku saabsan dadka dhintay dhalashadooda iyo halka ay ka yimaadeen.

Wariye ka tirsan AFP ayaa sheegay in uu soo arkay meydka wiil yer oo xiran jaakada badbaada.

Dalka Libya waa dal qani ku ah batroolka balse khalalaaso siyaasadeed iyo tartanka xagga awooda ah ayaa ka dhigtay dalka in ay ku xoogeestaan kooxaha dadka tahriibiya.

Dowladda KMG ah ee dalka ka dhisan awoodeeda ayaaba iska kooban waana ay adagtahay in ay la socoto qulqulka tahriibayaasha ka immaanaya dalalka saxaraha Afrika ka hooseeya.

Dalka Libya ayaa sidoo kale loo arkaa dal aan dagganeen waana meel surin u ah tahriibayaasha gala jaziiradda Malta.

Bishii hore ayaa kalluumeysato reer Tunisa waxay soo badbaadiyeen 75-qof oo la socday dooni kabkaban taasoo ku ciladowday xeebaha dalka Libya.

Tirakoob la soo saaray ayaa la sheegay in dadka ka tagay Libya sannadkan in ay aad uga badan yihiin dadkii sannadkii 2011-ka ka tagay xilligaas oo kacdoono ay ka socdeen qaar ka mid ah waddamada carabta.

Inta badan tahriibayaasha ka baxa Libya ayaa raaca doomo macmal ah kuwaasoo ka sameesan alwaax la isku kakabay, waxaana laga buuxiyaa tan ka weyn doontaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tripoli

[email protected]

Shaqaalaha Shabeelle oo afka furtay & xaalad khatar ah oo soo food saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sagaal cisho ayaa ka soo wareegatay markii dowladda ay xirtay Idaacaddaha madaxa banaan ee Shabeelle iyo SKY oo magaalada Muqdisho ku Yaalla.

Labadan Idaacad ayaa lagu eedeeyay in ay si bareer ah u aflagaadeeyeen mas’uul ka tirsan dowladda isla markaana waxa ay taageero aan geed loogu soo gamban u muujiyeen hoggaamiyaashii dagaalka iyo kooxo mucaarad ah oo Muqdisho ka dhisan.

Waxaa lagu eedeeyay inay shaqsiyaad dowladda ka tirsan ay si toos u weerareeren waxaana ka mid ah wasiirkii hore ee ammaanka Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Haddaba markii ay dowladda intaas oo dhan u dul qaadan weysay ayay go’aan ku gaartay in la xiro labadan Idaacad oo ka mid ah Idaacadaha ugu afka dheer magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo la xiray milkiilihii labada Idaacad, Cabdi Maalik Yuusuf Maxamed, agaasimihii Idaacadda SKY Maxamuud Carab iyo ku xigeenka madaxa wararka Idaacadda Shabeelle Axmed Xasan, waxaana ay ku xiran yihiin xabsiga Jilacow ee ku dhex yaalla xarunta madaxtooyada.

Waa siddee xaalka Idaacaddaha la xiray iyo shaqaalihii ka shaqeenaayay?

Sahro Cabdullaahi Yuusuf, waxay ka mid tahay shaqaalaha Idaacadda Shabeelle, waxay sheegtay in ilaa hadda ay xiran yihiin mulkiillihii, labada Idaacad iyo labo kale oo ka mid ah shaqaalaha Idaacadda oo uu ku jirro agaasimaha Idaacadda SKY.

Waxay sheegtay sidda dasruurka ku qoran in muwaadinka uusan xabsi ku jiri karin mudd0 48-saac balse muddo sagaal cisho ayey xiran yihiin ayey tiri seddaxdaas qof iyagoo aan wax maxkamad ah la soo taagin waana sharci darro ayey sii raacisay.

Waxay sheegtay in shaqaalihii ka shaqeenaayay Idaacadda oo ay tiradooda ku sheegtay 90 qof oo rag iyo dumar isugu jirra in ay magaalada ku heysato shaqo la’aan isla markaana ammaankooda uu halis ku jirro maadama aaney jirin cid damaano qaadi karta.

Sahro Cabdullaahu Yuusuf ayaa sheegtay in u jeedka loo xiray labada Idaacad iyo Talafishanka Shabeelle ay tahay siddii loo aamusiin lahaa Shabeelle iyo SKY balse waxay tiri arrintaas dowladda waa ay ku guul darreesan doontaa.

Waxay sheegtay in ay ka mid yihiin muwaadiniinta dalka wax ka leh mustaqbalkana ay mas’uuliyiin ka nooqn doonaan xilligaasna lala xisaabtami doono dowladda.

Siddee ayey uga jawaabtay in ay noqdeen kuwa mucaarad ku ah dowladda?

Waxay sheegtay Sahro Cabdullaahi in warbaahin iyo dowlad aaney waligood heshiin karin maadama warbaahinta markasta ay sheegeyso ceebaha ay lee dahay dowladda, waana wax caaddi ah oo adduunka ayey ka jirtaa ayey tiri.

Waxay sheegtay in dowladda wax yaabaha ay ku heysato Shabeelle ay tahay maxaad runta u sheegeysaan taasna ma soconeyso ayey tiri.

Waxay kaloo sheegtay in ay la soo xiriireen hey’addo badan oo u dooda xuquuqda saxaafadda ay kamid yihiin CPJ, IFJ iyo kuwa kale kuwaasoo u sheegay in ay ka xun yihiin xarrigga mulkiilaha Idaacadda iyo labada kale ee shaqaalaha ah.

Ugu dambeyn waxay madaxda iyo saraakiisha ciidamada dowladda ay ugu baaqday in maxkamad la soo taago ragga xiran haddii ay dambi galeyn lala xisaabtamo dibna loo sii daayo labada idaacad maadama ay shaqaale badan ka shaqeenaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Seychelles oo soo dhaweysay xarriga Gafaanje oo MUQDISHO lagu qabtay

Seychelles (Caasimada Online) – Dowladda Seychelles ayaa soo dhaweysay xarrigga mid ka mid ah hoggaamiyaasha kooxaha burcad-badeeda Soomaalida oo Axaddii la soo dhaafay lagu xiray caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

War-qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Seychelles ayaa lagu sheegay in Maxamed Garfaanje uu mas’uul ka ahaa dilka labo muwaadin oo u dhashay dalka Seychelles kuwaasoo iyagoo kalluumeysanaayo lagu dilay meel ku dhow badda dalkaas.

Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in qabashada Garfaanje uu fariin cad u yahay kooxaha burcad-badeeda ee ka macaashay afduubka shaqaalaha iyo kalluumeysata adeegsada xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa Garfaanje iyo ilaaladiisa ka soo qabtay gurri ay ku dhuumaaleesanaayeen oo ku yaalla xaafadda Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Waa hoggaamiyihii labaad ee kooxaha burcad-badeeda Soomaalida ee la qabto, sannadkii hore ayey ahayd markii dalka Belgium lagu xiray Maxamed Cabdi Afweyne.

Afweyne ayaa lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaan afduubka muwaadiniin u dhashay dalka Belgium, waxaana lagu xukumay 20 sanno oo xarig ah oo uu qaadan doono dalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DFS oo ka jawaabtay baaqii PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah ooo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta xukumada Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegey in dowlada dhexe ee Soomaaliya ay soo dhaweyneyso baaqii ka soo baxay maamulka Puntland ee ahaa in wada xaajood lagu dhameeyo waxkasta oo tabasho ah.

War saxaafadeedka oo ku sixiixnaa Wasiirka Warfaafinta mudane Mustafa sheekh Cali Dhuxulow ayaa u qornaa sida atan.

“Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya waa dowlad aaminsan in kala duwanaanshaha mabda’a ah lagu xaliyo wadatashi iyo wadaxaajood”

“Ayadoo laga amba qaadayo ayaa dowladu waxaa ay soo dhaweynaysaa wada hadalka ay ku baaqday Puntland si xal looga gaaro wixii tabosho ah iyo is faham waa ah ee jira” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

“Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ay cadaynaysaa in ay diyaar u tahay in wada hadalkaasi la galo xili iyo goor kasta ayadoo wixii farqi ah ee jira aan dhexdeyna xalisano”.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

DF oo xaqiijisay in SOMALILAND ay ku jirto deegaanada doorashada 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta sheegay in deegannada uu maamulka maamulka Somaliland ay ku rajo weyn yihiin marka uu sannadka yahay 2016-ka in ay ka mid noqdaan goobaha ay ka dhici doonto doorashadda Soomaaliya.

Wasiirka oo ka qeybgalaayay kulanka Jimcaha ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu socdo xiriir u dhexeeya Somaliland iyo dowladda fedaraalka kaasoo u jeedkiisa uu yahay siddii doorashadda ka dhaceysa Soomaaliya ay u noqoto mid guud ahaan ka qabsoonta dalka oo dhan.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in wadahadallada u socda dowladda iyo maamulka Somaliland loo baahan yahay in la dar-dargaliyo maadama ay ka culus yihiin maamul gobaleedyada kale ee dalka hadda laga unkayo sidda uu yiri.

Ridwaan Xirsi Maxamed oo ah nin ka soo jeeda deegannada Somaliland ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay dardargaliso wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo dowladda fedaraalka maadama la doonayo in la mideeyo dalka oo dhan.

Muxuu ka yiri waqti korarsi loo sameeyo xukuumadda?

Mar la weydiiyay in labada sanno ee u harsan dowladda ay ku qaban karto howlaha laga sugaayo oo ay ka mid tahay dhammeestirika maamul gobaleedyada dalka iyo dastuurka qabyada oo afti dadweyne loo sameeyo.

Waxa uu sheegay wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya in xukuumadda aanu marnaba waqti korarsi ay sameesan doonto marka ay u dhammaato labada sanno ee u harsan.

“Haddii baarlamaanku uu ansixiyo hindisayaasha hor yaalla, shacabkuna uu na taageero goolka waan dhallin karnaa” ayuu yiri Ridwaan Xirsi Maxamed.

Wuxuuna sheegay in u jeedadooda ay tahay dalka oo ka dhacdo doorasho rasmi ah taas ayaana u jeedkeenu yahay ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa dedaalo xooggan ugu jirta siddii dalka ay uga dhici lahayd doorasho marka sannadka uu yahay 2016-ka in kastoo ay jiraan dad badan oo arrintaas shaki weyn ka qaba marka loo eego sidda ay wax yihiin iyo howlaha horyaalla dowladda ka hor 2016-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

R/W C/Weli oo dacweeyay Puntland iyo Gaas oo looga yeeray Addis + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ay maanta u ambabaxeen Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.

Socdaalka Madaxwaynaha ayaa waxaa ku wehliyay Mas’uuliyiin uu kamid ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Saadiq Eenow, waxaana garoonka ka sagootiyay Wasiiro, Xildhibaano iyo Odayaal kawada tirsan Maamulka Puntland.

Madaxweynaha oo Garoonka kula hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in Ujeedka socdaalkiisu uu yahay sidii uu Dowlada Ethiopia ugal soo hadli lahaa Arrimo badan oo ay kamid yihiin Siyaasada, Caafimaadka iyo taabagalinta Ciidanka Maamulka.

Sidoo kale, Madaxwayne Gaas oo la hadlaayay Saxaafada ayaa ugu dambeyntiina sheegay in safarkiisu uu qaadan doono muddo labo maalmood ah kadibna uu dib ugu soo laaban doono dalka.

Dhanka kale, warar hoose oo aan ka helnay Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Garoowe, ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas looga yeeray Magaalada Addis Ababa, kadib markii uu dacwado ka gudbiyay Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed oo maalin ka hor u ambabaxay Dalka Ethiopia wallow uu iminka ku sugan yahay Dalka Kenya.

IMG_7515 IMG_7523 IMG_74981 (1) IMG_74981 IMG_75101 IMG_75401

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: C/Weli oo socdaal taariikhi ah ku tagay xeryaha qoxootiga KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Aaxmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta oo Jimco ah muddo saacado ah ku booqday xeryaha qoxootiga Soomaalida ee dalka Kenya.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa booqday xerada qoxootofa IFO One, xarun caafimaad iyo iskuul ku yaalla xeradaas oo ay wax ku bartaan carruurta Soomaaliyeed, wuxuu kaloo la hadlay qaar ka mid ah haweenka iyo odayaasha xerada ku nool, sidda uu soo sheegay wariyaaha Caasimada Online ee Nairobi.

Haddaba muxuu ku soo arkay ra’iisal wasaaraha xerada uu booqday, wuxuu arrintaas uga warbixiyay VOA-da.

Raysal wasaaraha ayaa tilmaamay in uu soo arkay dad aad u fara badan oo tiradooda uu ku sheegay 356,000 oo Soomaali ah kuwaasoo ku nool shan xero oo ka dhisan gobalka waqooyi bari dalka Kenya.

Ra’iisal wasaaraha wuxuu sheegay in uu booqday xeradii ugu dambeeyay ee laga dhisay Dhadhaaab ee IFO 1 iskuul ay wax ku bartaan carruur Soomaali ah iyo goob caafimaad intii u dhexeysay 2011 ilaa 2012-ka taasoo ay ku xareesan yihiin dadkii ka soo cararay abaartii ku dhufatay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Mar horrey ayaan rabay in aan booqdo oo waa ay iga raagtay, waana muhiim in la soo booqdo maadama ay yihin dadkeena, waxaana rabnay in aan la tashano.”ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay in dadka ay la kulmeyn ay u mujiyeen wafdiga dowladda sidda ay u doonayaan in ay dib ugu laabtaan dalkooda oo aaney meel kale ku dooran karin.

Wuxuu kaloo sheegay in uu muddo dheer doonayay in uu booqdo xeryaha qoxootiga dalka Kenya ee balse ay ka raagtay sidda uu yiri maadama ay halkaas ku nool Soomaali badan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa xusay in uu la kulmay haween iyo odayaal ku nool xerada Ifo, isagoona uga warbixiyay xaalada dalka iyo sidda ay dowladda u dooneyso in ay soo celiso qoxootiga ku nool Kenya.

Wuxuu mahad celiyay dowladda Kenya iyo Hey’adda UNHCR oo taageero siiyay Soomaalida ka soo carartay dalkooda.

Muxuu yahay mashruuca Taga oo soo arka Dalkiina?

Ra’iisal wasaaraha ayaa mar uu ka hadlaayay mashruuca Taga oo soo arka Dalkiina? ee UNHCR ay hirgalisay in uu yahay mid dadka qoxootiga lagu doonayo in ay ku soo arkaan dalkooda si ay u soo qiimeeyaan

Wuxuu sheegay in dadka qaar ay tageyn Kismaayo kuwa kalena ay tagi doonaan Baydhabo si ay u soo qiimeeyaan dalka oo ay kala soo tashadaan dalka.

Qorshaha Kenya iyo Somalia

Wuxuu sheegay in markii ay ka soo laabteyn xeryaha qoxootiga dalka Kenya ay kulamo la yeesheen dowladda Kenya iyo hey’adda UNHCR una sheegeyn in aan la qasbi karin dadka Soomaalida balse cidda dooneysa in ay si iskeed ah ay dalkeeda ugu laabato in ay bixi karaan.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay siddii ay dadkeeda uga soo daad gurayn lahayd waddamada ay qoxootiga ku yihiin maadama loo baahan yahay balse waa in la dhiso ayuu yiri adeegyadii aas-aasiga sidda shaqooyinka iyo iskuuladda.

qax1qax2qax3qax4qax5qax6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Beesha caalamka iyo dalalka dariska & qorshahooda cusub ee Somalia (Xog)

Helsinki (Caasimada Online) – Aqoonyahan Idiris Xasan Faarax oo dalka Finland ku nool ayaa odorosay xaalka Soomaaliya iyo qorshaha reer galbeedku iyo waddamada dariska ka lee yihiin dalkeena hooyo.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in beesha caalamka iyo waddamada dariska ay doonayaan siddii Soomaaliya loo kala gooyn-gooyn lahaa.

Wuxuu tilmaamay qorshaha fedaraalka ee la rabo in dalka laga dhaqangaliyo uu yahay siddee beesha caalamka iyo waddamada dariska ay u sameesan lahaayeen dowlad hoos-tagda

Wuxuu sheegay in beesha caalamka iyo waddamadadariska ay rabaan in ay arkaan dowlad ay xukumi karaan in ay ka dhalato Soomaaliya ama ay ku jirto dagaalka sokeey.

“Kooxda beesha caalamka la yiraahdo qorshahooda waxa weeye in kala jarjaraan Soomaaliya oo ay ku beeraan nidaamka fedaraalka ama ay ku jiraan dagaalka sokeeye” ayuu yiri.

Aqoonyahankan ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya la rabo in aysan waligeed dowlad rasmi ah yeelan taasna lagu heshiiyay oo ay ku heshiiyeen beesha caalamka iyo waddamada dariska.

Dad badan ayaa aaminsan in nidaamka fedaraalka oo hadda muran ka dhaliyay gobalada qaar ee dalka uu yahay qorshe ay lee yihiin waddamada dariska iyo kuwa beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

C/QEYBDIID oo u jawaabay GAAS kana digay dagaal dhex mara labada dhinac

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdixasan Cawaale Qeybdiid ayaa u jawaabay dhiggiisa maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, wuxuuna sheegay in Puntland ay billaabeyso dagaal dhexmara maamulkiisa iyo Puntland.

Cabdiqeybdiid oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Cabdiweli Gaas uu abuurayo dagaal cusub oo ka dhex qarxa dadka deggan gobalada dhexe.

Wuxuu sheegay in Cabdiweli uu ku qaldan yahay in uu ka hadlo dano ay lee yihiin dadka deggan gobalada dhexe.

Cabdiqeybdiid ayaa xusay in qorshahooda uu yahay siddii loo dhisi lahaa maamul ay ku mideysan yihiin gobalada dhexe.

Hadlaka Cabdiqeybdiid ayaa jawaab u ah hadal uu dhawaan sheegay madaxweynaha Puntland kaasoo ahaa in Cabdiqeybdiid hadalkii uu ka sheegay 30-kii bishii hore ee ahaa (Fat ama ha fadin) uu ahaa mid goodin ah oo gardaro garab og ah sidda uu yiri.

Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay heshiiska lagu gaaray Muqdisho ee ahaa in la dhiso maamul ay ku mideysan yihiin gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho.

[email protected]

XOG: R/W Cabdi Weli oo xildhibaanno badan kasoo jabsaday Faarax C/qaadir

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul waaaraha Soomaaliya, ayaa ku guuleystay inuu xildhibaanno dhowr ah ku qanciyo inay ka tanaasulaan mooshinka isaga ka dhanka ah ee ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xildhibaanno u sheegeen Caasimada Online.

Cabdi Weli Sheekh, ayaa xildhibaanno kor u dhaafaya 80 oo mooshin wada shalay kulmay magaalada Nairobi, oo uu booqasho ku tagay, kadib markii uu ka war-helay qorshaha mooshinka, waxaana uu u sameeyey qado.

Xildhibaanno la hadlay Caasimada Online, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay in xildhibaanno ku dhow 20 ay Cabdi Weli ka aqbaleen inay ka laabtaan mooshinka ay diyaarinayaan ee la doonayo in xilka looga qaado.

Cabdi Weli oo shalay la kulmay xildhibaannada
Cabdi Weli oo shalay la kulmay xildhibaannada

“Inkasta oo Cabdi Weli uu xildhibaannada qaar maskaxdooda beddelay, haddana weli howsha fari kama qodna, oo waxaa harsan xildhibaanno badan” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaannada mooshinkan wada, ayaa waxaa lacag badan siiyey Faarax C/qaadir, oo laba toddobaad ka hor kula kulmay magaalada Nairobi, sida ay horey u daabacday Caasimada Online.

Beesha caalamka oo Faarax kula kulantay magaalada Naiorbi, ayaa ka codsatay inuu joojiyo mooshinka, hase yeeshee waxaa ay wararka sheegayaan in weli uu wado qorshaha, isaga oo sidoo kalena xildhibaanno badan ku diyaarinaya Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

 

Xog: Xasan Sheekh & Faarax C/qaadir oo codad sir ah laga duubay looguna..

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo Xog-Ogaal ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa Caasimada Online u sheegaya in Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya Kamaal Guutaale uu gor gortan lixaad leh kula jiro Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Faarax C/qaadir.

Ilo-wareedka ayaa sheegaya in Kamaal Guutaale uu ku goodinaayo inuu soo bandhigi doono xogo iyo Macluumaad farabadan oo uu ka haayo Madaxweyne Xasan iyo Xubno badan oo ka tirsan Dam-Jadiid, kuwaasi oo uu uriyey intii uu ka shaqeynayey Villa Somalia.

Kamaal Guutaale oo nin xariif ah, ayaa lagu warramay inuu codad badan ka duubay Xasan iyo Faarax, ayada oo qorshihiisu ahaa in mar walba uu Xasan iyo Faarax libin ka haysto.

Kamaal Guutaale waxa uu ku hanjabayaa inuu soo bandhigi doono waxyaabaha lagu dhaliilaayo Dowlada Xasan Sheekh oo qoraal iyo Cadeymo ah, waa haddii aan lagu abaalmarin xilka uu ka doonayo Dowlada, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Xasan Sheekh uu u baqay sharaftiisa kuna dhiiranaayo inuu Xil muhiim ah u magacaabo Kamaal Guutaale.

Kamaal ayaa mar walba lagu qanciyaa in xil muhiim ah la siin doono, hase yeeshee waxa uu qaataa lacag dhan 50 kun oo dollar, bil walba, inta xil uu ka helayo.

Xogtan, ayaa waxaa Caasimada Online lasoo gaarsiiyey dhowr bilood ka hor, hase yeeshee waqti badan ayay nagu qaadatay inaan soo xaqiijinno, waxaase hadda inoo sheegay dad aan ugu kalsoonnahay.

Kamaal Guutaale ayaa waxa uu xilkii Agaasimenimo hore ku waayay kadib markii uu dhowr jeer is hortaag ku sameeyey Xildhibaan iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowlada oo kulamo xasaasi ah la lahaa Madxaweynaha, waxaana jira warar tilmaamaya inuu Dhaqaale ka qaadan jiray ruux waliba oo doonaya inuu la kulmo Madaxweynaha, taasina ay sababtay inuu xilkiisa ku waayo.

Si kastaba, Xasan marnaba ma ogeyn in Kaamaal uu codad ka duubay isaga iyo Faarax, hase yeeshee toddobaadyo kadib markii uu xilka ka qaaday, ayuu Kamaal billaabay hanjabaadda.

Dhanka kale, warar hoose ayaa tibaaxaya in Kamaal Guutaale loo magacaabi doono mid kamid ah Safaaradaha Carabta, gaar ahaan kuwa dhaqaalaha ku bixiya Dowladda.

Xasan Sheekh iyo Ururkiisa ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in xogaha laga haayo banaanka loo soo saaro, iyadoona Kamaal Guutaale uu awood u leeyahay inuu Kashifo Macluumaadyo lid ku ah Hanaanka Dowladnimo oo ay sameeyen Madaxweyne Xasan, Faarax C/qaadir, C/kariin Gulleed iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Dam-Jadiid.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: S/Land oo aqoonsatay Khatumo

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia, ayaa sheegay inuu aqoonsaday maamulka Khaatumo State ee uu hoggaamiyo madaxweyne Dr. Cali Khaliif Galayr.

Wasiir ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeeysay ka qeyb galay madal lagu taageerayay maamulka cusub ee Khaatuma State of Somalia, kana shaaciyey in Somaliland tixgelisay rabitaanka shacabka Khaatuma, sidaas darteedna ay aqoonsadeen.

“Khaatumo waxa ay ka mid ahaan jirtay Somaliland, laakiin haddii shacabkii ay yiraahdeen annaga waxaa nahay maamul gooni ah, waan ixtiraameynaa rabitaankooda, waana aqoonsannahay” ayuu yiri.

Waa markii ugu horeeysay ee reer Somaliland aqoonsadaan Khaatuma, hase yeeshee tani waxay ka dhalatay markii ay xaqiiqsadeen heerka uu gaaray rabitaanka bulshada Khaatuma State.

Halkan ka daawo hadalka wasiirka

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

“Lama aqbali karo in maamul QABIIL ku dhisan uu handado DFS” Waxaa yiri….

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cumar Xassan (Kabreeto), oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aanno ay Garowe ka soo saareen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland oo dhowaan gaaray halkaasi iyo Madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Gaas,

Xildhibaanka, ayaa sheegay  in Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay in tillaabo sharciga waafaqsan  ay ka qaadaan Xildhibaanada  u dhaartay Qaranka difaaciisa  ee beel la saftay, sida uu yiri Xildhibaanku.

Xildhibaan Cumar wuxuu sheegay in Dowladdu sababaha ay uga jawaabi la’dahay farriimaha ka imaanaya Puntland; in ay sababtu tahay iyada oo loo arko qabiil ka mid ah qabaa’ilada Soomaaliya oo isaga haysta xuquuqdii uu Dowladda ku lahaa haddana doonaya inuu dowladdii handado si loogu sedburiyo, waxaana uu ku celiyey xildhibaanku in Guddoonka tillaabo ka qaado Xildhibaanada Garowe warka ka soo saaray ee Muqdisho ku soo wajahan.

“Marka kursiga Xildhibaanimada  laguu dhaariyo waa kaga dhamaatay inaad qabiil iyo Gobol difaacdo, Xildhibaanku wuxuu metelaa Qaran. Haddii Xildhibaanada Garowe tegay ay saluugsanaayeen heshiiskii Gobolada dhexe dowgoodu wuxuu ahaa,  inta ay Baarlamaanka hor yimaadaan in ay ka sheegeen wixii cabashadooda ah” Ayuu yiri Xildhibaan Kabreeto, wuxuuna intaasi ku daray in go’aannada ay ka soo saareen Garowe markii uu dhageystay u fahmay  kuwo aan macno weyn ku fadhiyin.
“Puntland maadaama iyaga oo beel ah ay sheegeen in ay xiriirkii u jareen Dowladda, madaxda Dowladdu waa ka aamustay, Madaxweynaha markii la weydiiyey inuu wax ka ogyahay cabashada Puntland wuxuu ku jawaabay “iyagaa og waxa ay ka caroodeen, annaga ma ogin” fadeexadii ka raacday ayey hadda iska dhaqayaan, waxey la’yihiin si ay ku soo laabtaan; hadalkoodana waxaa laga dhadhansan karaa in ay soo hoydeen,  balse shacabkooda ay maqashiinayaan waxyaabaha ay Garowe ka soo saareen, saxaafadduna in ay warkooda qaadqaado ma ahan” Ayuu yiri Xildhibaan Cumar, waxaana uu intaasi sii raaciyey in tiro ka yar 10 xubnood aysan ku takri fali karin xeerka & nidaamka u dagsan Baarlamaanka Soomaaliya.

“Xubnaha Baarlamaanka ku jira ee Puntland aaday waa in Baarlamaanka laftiisa tillaabo cad ka qaadaa, Dowladdii ay wax ka  soo dhiseen ayey wax ka sheegayaan, weliba iyaga oo af qabiil ku hadlaya” Ayuu yiri Xildhibaan Cumar,  waxaana uu intaasi ku daray in haddii Baarlamaanku aanu tillaabo ka qaadin xubnahaasi in la arki doono Xildhibaanno inta tagaan deegaanadooda qabiilkooda ka difaacaan.

“Meel ay adduunka ka dhacday ma leh maamul  qabiil ku dhisan  inuu dowladda handado wax loo dulqaadan karo ma ahan, iska daa in la dhageystee in qashinka lagu daro waaye hadaladooda, oo la yiraa edab yeesha,  Puntland wax aysan aheyn ayey iska dhigtay” Ayuu yiri xildhibaan Cumar oo hadaladiisa ay caro ka muuqatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Kulan xasaasi ah oo maanta dhex maraya dowladaha Somalia iyo Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ra’iisal wasaaraha oo ay la socdaan xubno wasiiradiisa ka tirsan ayaa lagu wadaa maanta oo Jimco ah in ay la kulmaan madaxda dalka Kenya iyo Jaaliyadda Soomaalida ee Nairobi.

Warku wuxuu sheegayaa in labada dhinac ay ka hadli doonaan siddii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada waddan iyo in bal xal laga gaaro arrin dood badan keentay oo ku aadan halka lagu qabanaayo shirka labaad ee looga hadlaayo dib u celinta qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool.

Dhawaan dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dowladda Soomaaliya ay ka caga jiideyso dhammeestirka heshiis seddax geesood ah oo la rabo in dib loogu celiyo qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool.

Kenya ayaa markii ay arrintaas aragtay heshiis iskeed ah la gashay maamulka KMG ah ee Jubba, waxaana ay kala heshiisay siddii qoxootiga Soomaalida dib loogu celin lahaa gobalka Jubbada Hoose.

Waxaa muuqata in uu jiro khilaaf cusub oo ka dhex curtay Kenya iyo Soomaaliya.

Kenya ayaa ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalka Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Qoryooleey oo guddoomiye yeelatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka laga helaayo dhanka Gobolka Sh/hoose, ayaa sheegaya in Degmadda Qoryooleey ay yeelatay Guddoomiye Cusub, islamarkaana xilka laga qaaday kii hore.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/hoose, C/qaadir Siidi, ayaa shaaciyay in Degmadda Qoryooleey loo soo magacaabay Mas’uul cusub kii horena xilka laga qaaday, waxa uuna Tilmaamay in Guddoomiyaha Cusub uu ahaan doono Maxamed Xaaji Osman “Shigshigow”.

C/qaadir Siidii Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Sh/hoose,waxa uu sheegay in loo soo gudbiyay warqad magacaabis ah oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha sidaana uu ku dhaqan galiyay Magacaabista Guddoomiyaha Cusub ee Degmadda Qoryooleey.

Sidoo kale, C/qaadir Siidi ayaa waxa uu sheegay in Beelaha dega Gobalka Sh/hoose ay ku sabraan Magacaabista Mas’uulkaasi, waxa uuna ku baaqay inaan hadalka si kale loo rogin oo aan laga dhigin shaqsi uu isaga wato magacaabistiisa.

Dhinaca kale, Guddoomiyihii hore ee Degmadda Qoryooleey, Osman Sheikh Ali Bulale ayaa ku gacan-sayray magacaabistaasi iyo inuu xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha cusub ee la soo magacaabay waxa uuna sheegay inuusan xilka wareejin doonin illaa ay ka qaadan Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka Beeshiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Cabdi Weli oo u tagaya qaxootiga

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow naga soo gaaray Safaarada Somalia ee Magaalada Nairobi, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaare C/wali Sheikh Axmed uu Saacadaha soo socdo booqan doono Xirooyinka Qaxootiga gaar ahaan Xerada Dhadhaab oo ay ku noolyihiin Kumanaan Qaxooti Soomaali ah.

Diblumaasi ka tirsan Safaarada Nairobi ayaa inoo xaqiijiyay in Tagista xerooyinka ee Ra’isulwasaare C/weli uu qeyb ka ahaan doono qorshe lagu daraaseynaayo sidii qaxotiga Soomaalida Kenya looga celin lahaa oo ay wadaan dowladaha Kenya iyo Somalia .

Sidoo kale Diblumaasiga ayaa waxa uu sheegay in Ujeedka Ra’isulwasaaraha uga imaaday shirkii ka socday Dalka Ethiopia uu ahaa sida uu usoo indha-indheyn lahaa Tiro ahaan Qaxootiga, waxa uuna Tilmaamay in Saacado kadib uu Ra’isulwasaare C/weli gaarayo Xerooyinka.

Dhanka kale, waxaa la sheegayaa in Ammaanka Magaalada Nairobi aad loo adkeeyay, iyadoona Xerooyinka Qaxootiga lagu arkaayo Ciidamo si aad u hubeysan iyo kuwa dharcad ah oo iyagu sugaayo Ammaanka goobaha uu Ra’isulwasaaraha booqanaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Cabdiweli oo deg deg u tagay Nairobi kadib war cabsi badan oo loo sheegay

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa safar aan horey loo shaacin oo deg deg ah maanta ku tagay magaalada Nairobi, kaddib markii ay halkaasi kasoo baxeen warar cabsi geliyey.

Walaaca Cabdi Weli ayaa ah in in ka badan 80 xildhibaan oo ku sugan magaalada Nairobi ay billaabeen diyaarinta mooshin uu gadaal ka riixayo Faarax Cabdulqaadir, oo lagu ridayo Cabdi Weli.

Cabdi Weli ayaa qado ugu sameeyey Naiorbi 80-ka xildhibaan ee magaaladaasi ku sugan, si uu uga dhaadhiciyo inay joojiyaan mooshinka sida hoose uga socda halkaas, ee isaga lagu ridayo.

Sida uu inoo sheegay xildhibaan ka mid ah kuwa la kulmay Cabdi Weli, oo aan magaciisa dooneyn in la shaaciyo, in inkasta oo kullanka mid guud oo qado ah lagu sheegay, haddana uu Cabdi Weli mid mid ula hadlayey xildhibaanada kana codsaday inay joojiyaan mooshinka.

Si kastaba diblomaasiyiin Nairobi ku sugan ayaa ka cabsi qaba inay adkaan doonto in Cabdi Weli uu joojiyo mooshinkan.

“Lacagta uu Faarax ku bixinayo mooshinkan, weligey ma arag wax u dhigma, ballan qaadyada uu u sammeeyey xildhibaannadana waa kuwo caqli ka bax ah” ayuu yiri diblomaasiga oo lagu magacaabo Maxamed Guuleed.

Arrintan ayaa imaneysaa ayada oo Cabdi Weli iyo Madaxweyne Xasan uu khilaaf u dhaxeeyo, lana doonayo in Cabdi Weli meesha laga saaro, sida ay horey u shaacisay Caasimada Online.

Xukuumadda Cabdi Weli, ayaa lagu eedeeyey inay noqotay xukuumadda ugu kalsoonida yar ee shacabka, kadib markii ra’iisul wasaaraha uu ku lug yeeshay isku dirka qabaa’illada iyo hurinta dagaal beeleedyada.

Laba toddobaad ka hor, ayaa Faarax C/Qaadir waxaa Naiorbi kula kulmay beesha caalamka oo uga digtay xil ka qaadista Cabdi Weli, hase yeeshee waxaa muuqata inuusan warkooda dhag jalaq u siin.

Faarax C/qaadir ayaa ah ninka ugu sarreeya talada dalka Somalia, inkasta oo Xasan Sheekh uu madaxweyne isaga magacaaban yahay.

cabdi1cabdi2cabdi3cabdi4cabdi5cabdi6cabdi7

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]