28.3 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Cabdiweli oo deg deg u tagay Nairobi kadib war cabsi badan oo loo sheegay

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa safar aan horey loo shaacin oo deg deg ah maanta ku tagay magaalada Nairobi, kaddib markii ay halkaasi kasoo baxeen warar cabsi geliyey.

Walaaca Cabdi Weli ayaa ah in in ka badan 80 xildhibaan oo ku sugan magaalada Nairobi ay billaabeen diyaarinta mooshin uu gadaal ka riixayo Faarax Cabdulqaadir, oo lagu ridayo Cabdi Weli.

Cabdi Weli ayaa qado ugu sameeyey Naiorbi 80-ka xildhibaan ee magaaladaasi ku sugan, si uu uga dhaadhiciyo inay joojiyaan mooshinka sida hoose uga socda halkaas, ee isaga lagu ridayo.

Sida uu inoo sheegay xildhibaan ka mid ah kuwa la kulmay Cabdi Weli, oo aan magaciisa dooneyn in la shaaciyo, in inkasta oo kullanka mid guud oo qado ah lagu sheegay, haddana uu Cabdi Weli mid mid ula hadlayey xildhibaanada kana codsaday inay joojiyaan mooshinka.

Si kastaba diblomaasiyiin Nairobi ku sugan ayaa ka cabsi qaba inay adkaan doonto in Cabdi Weli uu joojiyo mooshinkan.

“Lacagta uu Faarax ku bixinayo mooshinkan, weligey ma arag wax u dhigma, ballan qaadyada uu u sammeeyey xildhibaannadana waa kuwo caqli ka bax ah” ayuu yiri diblomaasiga oo lagu magacaabo Maxamed Guuleed.

Arrintan ayaa imaneysaa ayada oo Cabdi Weli iyo Madaxweyne Xasan uu khilaaf u dhaxeeyo, lana doonayo in Cabdi Weli meesha laga saaro, sida ay horey u shaacisay Caasimada Online.

Xukuumadda Cabdi Weli, ayaa lagu eedeeyey inay noqotay xukuumadda ugu kalsoonida yar ee shacabka, kadib markii ra’iisul wasaaraha uu ku lug yeeshay isku dirka qabaa’illada iyo hurinta dagaal beeleedyada.

Laba toddobaad ka hor, ayaa Faarax C/Qaadir waxaa Naiorbi kula kulmay beesha caalamka oo uga digtay xil ka qaadista Cabdi Weli, hase yeeshee waxaa muuqata inuusan warkooda dhag jalaq u siin.

Faarax C/qaadir ayaa ah ninka ugu sarreeya talada dalka Somalia, inkasta oo Xasan Sheekh uu madaxweyne isaga magacaaban yahay.

cabdi1cabdi2cabdi3cabdi4cabdi5cabdi6cabdi7

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

General Cabdi QEYBDIID oo war culus ka sheegay MAGAALLADA MUQDISHO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Khamiis ah lagu qabtay xaflad lagu xusaayay sannad-guuradii 8-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay maamulka Galmudug.

Xafladda waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Ximin iyo Xeeb, Ahlu Sunna iyo siyaasiyiin kale, waxaana lagu soo bandhigay waxqabadka maamulka Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu saldhig u ahaa in uu qabsoomo heshiiskii ka dhacay magaalada Muqdisho 30-kii bishii hore kaasoo looga dhawaaqay in la sameeyo maamul ay ku mideysan yihiin gobalada dhexe.

Cabdiqeybdiid ayaa sheegay in biseelka ay muujisay Galmudug in uu sabab u ahaa shirka lagu dhisaayo m aamulka gobalada dhexe in uu ka dhaco magaalada Cadaado.

Wuxuu sheegay oo kale in sababta loo dhisaayo maamulka cusub uu yahay markii ay ka qadeyn gobalada dhexe deeqaha iyo horumarka Soomaaliya ka jira.

Wuxuu tilmaamay in gobalada dhexe aanu ka jirin deked, Jaamacad, Iskuul, Isbitaal iyo dhammaan addeegyada aas-aasiga ah.

Ugu dambeyn Cabdiqeybdiid ayaa sheegay in maamulka la dhisaayo in uu meesha ka saari doono dib u dhacaas uu ka soo sheekeeyay marka uu dhaco shirka looga hadlaayo maamul u sameynta gobalada dhexe.

Si kastaba, waxaa jirra dad wali saluugsan maamulka loo dhisaayo gobalada dhexe oo waxaaba ugu horreeya maamulka Puntland iyo qeybo ka mid ah Ahlu Sunna Waljamaca.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Warqad sir ah: Puntland iyo shaxda ay cayaareyso 2016 + sida ay rabto in loo qeybiyo xildhibaannada iyo Muqdisho

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka goboleedka Puntland ayaa la yimid, soona habeeyey qorshe damaaci ah, oo ku saabsan sida loo qeybinayo kuraasta xildhibaanada Baarlamaanka sanadka 2016, iyadoo dalka la rajeynayo inay doorasho ka dhacdo.

Qorshahan ah ayaa mid ay Puntland rajeyneyso inay kula wareegto talada dalka Soomaaliya, ayada si wanaagsan uga fakartay qaab ay xildhibaanno badan ku heli karto.

Aragti siyaasadeedkan ayaa Puntland ku dooneysaa inay ku hor dhigto wada hadalka ay dowladda Soomaaliya la yeelaneyo dhowaan ama shirka Copenhagen ee dhowaan dhici doona, kaasoo la doonayo in lagu jeexo khariirad cusub (Road Map) sanadka 2016.

Caasimada Online ayaa heshay nuqul ka mid ah qoraalka talo soo jeedinta ee aragtida siyaasdaeed Puntland, waxaana ay Puntland dooneysaa in nidaamka 4.5 meesha laga saaro, laguna bedelo Goboleysi, waxaase yaab iyo caqli xumo ah, in Puntland ay dooneyso in Muqdisho oo ah magaala madaxdii dalka in kuraasteeda lagu qeybiyo 4.5.

Warqadda Puntland waxaa sidoo kale lagu aflagaadeeyey, wax magaratana lagu tilmaamay dadka deggan koonfurta Somalia.

Sidoo kale arrimaha ay daliishanayaan in aanay doorasho ku dhici karin sanadka ayay ku tilmaameen Amniga Koofurta Soomaaliya oo aan hagaagsaneyn, dadka Koofurta oo aan khibrad u laheyn nidaamka dimoqraadiyada iyo doorashooyinka, sharciyada doorashooyinka oo aan diyaar aheyn iyo dadka degan Koofurta oo dib u heshiisiin u baahan.

Qaabka qeybinta kuraasta Baarlamaanka ayay ku taliyeen in 18-ka gobol min 12-xildhibaan laga soo doorto gobol walba, maadaama dastuurka qabyada uu dhigayo in 225 Xildhibaan ay noqdaan Baarlamaanka sanadka 2016.

Arrintan ayaa qeyb ka ah qeylo-dhaanta iyo sadbursiga Puntland ay muddo wadday, waana taas sababta ay gadaal uga riixeysay maamul goboleedyo aan jirin meel ay maamulaan sida kan jubba.

Hadaba nuqulka aragti siyaasadeedka iyo shaxda ay wadato Puntland oo u dirtay UNSOM, balse aan rajumnay hoos ka arag.

United Nations Assistance Mission in Somalia

UJEEDDO: TALO SOO JEEDIN                                                            Tixraac warqad No..

Anagoo ah dowlad goleedka Puntland ee Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya waxaan halkan ku soo jeedinaynaa qaabka qaybinta kuraasta xildhibaanada dalka, si loo helo awood isku dheeli tiran anagoo tixraacayna nidaamka awood qaybsiga ee JFS iyo qaab dhismeedka awoodaha dowliga dalka ka jira iyo madaxweynaha jamhuuriyada Soomaliya

Waxaan garanay in ay haboon tahay in nidaamka 4.5 lagu badalo goboleysi, maadama ay adag tahay in doorasho sax la qabto 2016 sababaha hoos ku qoran awgood.

  1. Amniga koonfurta Soomaliya oo aan hagaagsanayn.
  2. Dadka degen koonfurta Soomaliya oo khibrad u lahayn nidaamka dimoqraadiga iyo doorashooyinka.
  3. Sharciyada doorashooyinka oo aan diyaar ahayn.
  4. Shacabka koonfurta Soomaaliya oo u baahan dib uheshiisiin.

Si loo suurto geliyo nidaamka dimoqraadiyada waxaa qasab ah in laga shaqeeyo afarta arrin ee kor ku qoran, sidaas darteed waxaan soo diyaarinay qaabka ay naga codasadeen maamulada Somalia ka jira iyo Dowlada Federaalka Soomaliya, waana sida hoos ku qoran.

No Gobolka Tirada xildhibaan
1 Awdal 12 xildhibaan
2 Togdher 12 xildhibaan
3 Waqooyi galbeed 12 xildhibaan
4 Sool 12 xildhibaan
5 Sanaag 12 xildhibaan
6 Bari 12 xildhibaan
7 Nugaal 12 xildhibaan
8 Mudug 12 xildhibaan
9 Galgaduud 12 xildhibaan
10 Hiiraan 12 xildhibaan
11 Shabeelada Dhexe 12 xildhibaan
12 Banaadir 12 xildhibaan
13 Shabeelada Hoose 12 xildhibaan
14 Bay 12 xildhibaan
15 Bakool 12 xildhibaan
16 Gedo 12 xildhibaan
17 Jubbada Hoose 12 xildhibaan
18 Jubbada Dhexe 12 xildhibaan
EX Beelaha Shanaad 9  xildhibaan
Total 225 xildhibaan

Waxaan kaloo talo ahaan u soo jeedin lahayn in xildhibaanada ka imaanaya beelaha shanaad waa in laga tixgeliyaa beelaha degan Puntland, Somaliland, iyo Jubaland.

Waxaan kaloo soo jeedinaynaa in xildhibaanada ka imaanaya gobolka Banaadir lagu saleeyaa 4.5.

Tirada guud ee madaxda state-yada ka jira Somalia ama maamullada federaalka, waa 8 wakiil oo madax u ah maamulada la dhisaayo ilaa laga gaaro doorasha dalka ka dhici doonta 2024, tirada guud ee qeybinta xildhibaana waa in markasta lagala tashadaa maamulada dalka hada ka jira sida Jubaland , Somaliland iyo Puntland.

Waxaa is-weydiin Mudan in Garoowe oo ay ku nool yihiin 53 kun iyo Muqdisho oo ay ku nool yihiin 2 milyan oo qof in min 12 xildhibaan ay helaan, kaaga sii daranee in Puntland ay rabto in xildhibaanada Muqdisho lagu qeybsado 4.5, halka kuwa Garoowe ay ayada u gaar yihiin? Haddaba aqriste waa kaas qorshaha iyo caqliga Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qarax xooggan oo lala eegtay gaadiid ay la socdeen SHAQAALE HAY’ADEED

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan oo lala eegtay Gaadiid isugu jiray nooca Dagaalka iyo kuwa raaxada ah.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso oo lala eegtay Gaadiid kolonyo ah oo ay leedahay Hay’adda ICRC oo ay la socdeen Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa  uu ahaa mid goobta loogu sii aasay Gaadiidka ay la socdeen shaqaalaha Hay’adda ICRC, waxaana la Tilmaamayaa in Qaraxa uu saameyn ba’an ku yeeshay Laba gaari oo ay saarnaayen Shaqaalaha, iyadoona Qaraxa kadib ay rasaas fureen ilaalo la soctay Shaqaalaha.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta isku gadaamay Ciidamada Maamulka KMG, iyadoona ay xireen gabi ahaan goobta, mana aysan sheegin Khasaaraha inkastoo warar horu dhac ah ay sheegayaan inay waxyeelo soo gaartay Laba ka tirsa shaqaalaha iyo Ciidamo la socday, sida ay xogtu nagu soo gaartay

Dhanka kale, Ciidamada Maamulka KMG Jubba, ayaa baaritaano kusoo qabqabtay dad lala xiriirinaayo weerarka, waxa ayna u dhaadhiciyeen dhanka Saldhiga weyn ee Magaalada Kismaayo.

Waxaan sidoo kale weli Qaraxa ka hadlin Maamulka Jubba oo iyagu inta badan la socday dhaqdhaqaaqa Shaqaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Puntland ma mucaaradka Ukraine baa?

Waxaa shalay Garoowe ka dhacay oo lagu soo geba gebeeyay kulan socday una dhaxeeyay hoggaamiyaha Puntland Cabdi Weli Gaas iyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deeganadaas.

Kulankaas oo ahaa cudud muujin ah ayaa ku soo idlaaday wax lala yaabo oo aan umada Soomaaliyeed ka filaynin iyo beesha caalamka taasi oo ah in ay Puntland ogolaatay in ay la hadasho dowlada Soomaaliya, sida uu goobta ka sheegay xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo sheegay in Puntland ay ka dalbadeen in ay la hadsho dowlada Soomaaliya.

Dad badan waxay is waydiinayaan marka uu eraygaas soo baxo, waa yaabe ma dowlada Ukrain iyo mucaaradka hubeysan oo wada hadlayo miyaa, mase waa laba Dowladood oo laba dal oo jaar ah ka wada dhisan, mase waa Somaliland oo la soo caro iyo dadnimo ahaan loo soo celinayo oo Somalia u baahan tahay in aysan kala go’in ama aysan kala maqnaan karin, su’aashaas bulshada waxgaradka ah ayaa ka jawaabaya?

Kaba daran waxaa ka mid ah go’aamada ka soo baxay halkaas in Puntland ay u fidinayso Dowlada Soomaaliya fursad ah wada hadal lagu asteeyay ama lagu saleeyay mudo 30- maalin oo ka bilaabatay shalay, waa yaab ma Midowga Yurubaa mase waa huwanta NATO oo digniin soo saara kadibna dalka ay rabaan weerara, wax la arag waxna noo laaban.

Tanaa ka soo daran oo ah wada hadalka noo furmaya waa in aya goob joog ka ahaadaan beesha caalamka waa laba dal oo jaar ah sida itobiya iyo eritrea, ???

Hadalada ka soo yeeray maamul goboleedka puntland gaar ahaan madaxweyne c/wali Gaas markii uu shalay hadlayay, dad badan waxay soo xusuustaan 2 bil ka hor hadaladdii adkaa ee dhexmari jiray madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, iyo madaxweynaha Ruushka.

Dad badan waxay dhowrayaan hadalka ka soo yeero aqalka looga arimiyo soomaaliya ee madaxtooyada, gaar ahaan xukuumada soomaaaliya jawaabta ay ka bixiso hadaladaan yaabka leh ee ka soo yeeray garowe.

Waxgaradka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee la yaabay hadalkaas ka soo yeeray Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf , ayaa ku tilmaamay c/wali Gaas markii uu ahaa musharaxa Puntland in uu ku eedayn jiray c/raxmaan Faroole in Puntland uu ka xiray caalamka iyo Somalia uuna ka dhigay Puntland xarun burcadbadeed.

“ waxaan la yaabay gaas shalay waxa uu lahaa faroole dadkii ayuu ka reebay puntland, maantana asaga ayaa dadka ka reebayo puntland, waxaan leeyahay gaas riyada aad ku jirto iskadaa aduunka waa is badalay riyada aad maalintii riyoonayso” ayuu yiri Faarax Axmed.

Sidoo kale Gaas ayaa xiligan waxa uu ka dhigay Puntland Soomaaliya oo kale, balse waxaa la is waydiinayaa dowlada Somalia haday mar kasta wada hadal la gasho, Puntland, Galmudug, Jubaland, Ahlusuna iyo kuwa kale oo ay u caga jugleeyaan sidii shalay oo kale ma dowlada ayaa dalka iyo dadka u taliso mase maamul goboleedyada qabiilada dhisteen.

Isku soo duuboo C/wali gaas ayaa la mooday bilo ka hor in uu puntland ka bixin doono go’doonka siyaasadeed iyo milatari, balse waxaad moodaa in uu ka dhex guuxayo maamul u samaynta iyo aayaha gobolda dhexe maamul u samaynta gobolada dhexe oo uu odayga ku dhex milmay.

W/Q: Cabdiraxmaan Axmed Jimcaale

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

 

Magacyada xildhibaano ku ceeboobay shir aan lagu casuumin oo ka dhacay…

Minneapolis (Caasimada Online) – Koox xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa ku ceeboobay shir loogu magac daray “Legislative Summit”, oo ka dhacayey magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, kadib markii ay uga qeyb galeen si u eg “Yaa i wacday?”.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan sharci dejiyayaasha adduunka, ayaa xildhibaannada iska tagay, ayada oo aaan lagu casuumin, balse ay gadaal ka riixayeen dad ku beel ah oo ku sugan Minneapolis, waxa ay kala yihiin: Xildhibaan Cabdicasiis Sheekh Yuusuf, Xildhibaan Ibraahim Suleyman Ilkacase, Xildhibaan Keynaan Maxamed iyo Xilliban Cabdibare Jabriil.

Dhammaan xildhibaannadan ayaa ah kuwa baarlamanka Soomaaliya looga dhex yaqaan inay yihiin dad mar walba qabiilka uu ku weyn yahay wax kastana ka hor mariya.

Xarunta shirka uu ka dhacayey oo ah Minneapolis Convention Center, ayaa lagu arkayey xildhibaannadan ayaga oo sawiro iska qaad qaadaya, hase yeeshee waxaa fadeexad iyo ceeb ay dhacday markii ay shirka soo xaadireen xildhibaannadii sharciga ah ee uu soo diray guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya.

Markii ay yimaadeen xildhibaannadii saxda ah ayaa kooxda “Reer yaa I wacday” dibedda looga saaray shirka, ceebna ay ka raacday.

Caasimada Online, oo dhacdadan lagu soo war-geliyey, ayaa la xiriirta qaban-qaabiyayaasha shirka, si ay u xaqiijiso labadan koox ee xildhibaannada ah kuwa saxda ah, waxaana la tusay warqadda ka qeyb galayaasha shirka, oo ay ku qornaayeen magacyada xildhibaannadii Muqdisho laga soo diray oo kala ah:

Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad
Xildhibaanad Nadiifo Maxamed Cusmaan
Xildhibaanad Luul Cabdi Aadan
Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Cusmaan
Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig

Warqadda cadeeeneysaa xildhibaannada kor ku xusan.
Warqadda cadeeeneysaa xildhibaannada kor ku xusan.

Xildhibaannada ku ceeboobay shirka ayaa iminka ka cabanayaa in dowladda Soomaaliya ay ka daba shaqeysay ayna ka hor istaagtay shir ay ayaga soo dhameysteen ka qeyb galkiisa.

Xafiiska guddoomiyaha baarlamanka oo aan la xiriirnay ayaa Caasimada Online u sheegay in nidaamka dowliga uusan ahayn in shir lasoo dhammeysto, balse wixii casuumad ah ee loo fidinayo xildhibaannada Soomaaliyeed loo soo diro guddoomiyaha, isna uu go’aan ka gaaro.

Soomaalida Minnesota, ayaa aad ula yaabay falkii ay ku kaceen Xildhibaan Cabdicasiis Sheekh Yuusuf, Xildhibaan Ibraahim Suleyman Ilkacase, Xildhibaan Keynaan Maxamed iyo Xilliban Cabdibare Jabriil, oo ay ku qeexeen wax lala yaabo oo jaahilnimo u eg.

Caasimada Online

Xafiiska Minneapolis

[email protected]

Ereg oo wada qorsho Xasan Daahir ku wajahn oo aan u cuntameyn DF (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog laga soo xigtay qaraabada Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam, oo sheegeysa a in Wasiirka Amniga Khaliif Erga uu ku howlan yahay sii deynta Xasan Dahir Aweys.

Wararku waxa ay sheegayaan in Khaliif uu doonayo inuu damiinto Xasan Daahir, si dib loogu celiyo Xoriyadiisa, inkastoo hadda uu heysto Xoriyad dadban.

Odayaasha Beesha Habar-Gidir ayaa dhowr jeer ku guul dareestay inay Madxaweyne Xasan ku qanciyaan in lasii daayo Xassan Daahir, islamarkaana ay iyaga ka mas’uul noqon doonaan wixii dhib ah ee ka imaada dhanka Xassan, balse nasiib daro waxaa dadaalkaasi ka hor imaaday Madaxweynaha oo sheegay in Xasan Dahir uu yahay dambiile, sidaa Awgeedna aan lasii deyn doonin.

Waxaa xiligaani dib usoo noolanaya Dadaaladii ay Beesha Habar-Gidir ku soo furan laheyd Xasan Daahir, waxaana la sheegayaa inuu socdo dadaalo ay wada wadaan Khaliif iyo Odayaasha Habar-Gidir, waxa ayna u muuqaneysaa in Xasan lasiin doono Xoriyad buuxda oo uu ku dhex joogo Magaalada Muqdisho, wallow iminkuba uu heysto Xoriyad dadban, hadana waxa uu dadaalku yahay mid lagu soo afmeerayo Dambiyada uu Xasan ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaan si dhab ah loo Ogeyn sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku aqbali doono in lasii daayo Xassan Daahir, waxa ayna u muuqaneysaa in Dadaaladaasi aysan aqbali doonin Beelo ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo iyagu Xassan Daahir ka tabanaaya dambiyo badan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan oo abaabul DAGAAL wada (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan uu wado Abaabul Dagaal oo ka dhan ah Maamulka Lixda Gobol ee kasoo horjeeda kan Seddexda Gobol oo uu Shariif taageero.

Wararka waxa ay tibaaxayaan in Shariif Xassan oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha iyo Wasiirka Gaashandhiga Dowlada Federaalka uu ku howlan yahay sidii Hub iyo Dhaqaale culus lagu geyn lahaa Xarumaha Maamulka Seddexda Gobol si weerar lagu soo afjaro Maamulka Lixda Gobol looga sameyn lahaa Deegaanada uu Maamulka Lixda Gobol sheegto.

‘’Walaal waxaa jira heshiis hoose oo ka dhexeeya Shariif Xasan iyo Madaxweynaha, waxa ay ku heshiiyeen in dagaal lagu qaado Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Somalia, waxaana dhaqaalaha bixinaaya Madaxweynaha isagoona marsiinaaya Shariif Xassn oo lid ku ah danaha Maamulka Lixda Gobol’’ Sidaa waxaa yiri Maxamed Yarow aadan oo kamid ah Odayaasha Maamulka Lixda Gobol.

Sidoo kale, Maxamed Yarow Aadan waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray ‘’Shalay waxaa Is Casilay Wasiiro ka tirsan Maamulka Lixda Gobol, waxaana ka dambeeyay Shariif Xasan, waayo waxaa wasiiradaasi loo sheegay lacag ka badan tan ay Maamulka Lixda Gobol ka qaatan’’

Shariif Xassan, ayaa waxa uu kaalin lixaad leh ka qaatay Dhismaha Maamulka Seddexda Gobol, waxaana la Tilmaamayaa inuu wacad ku maray inuu inta harsan kusoo biirin doono Maamulkiisa, halka kuwa meylka adagna uu ka dhex abuuri doono dhibaatooyin Siyaasadeed iyo Dagaal.

Lama Oga danaha gaarka ah oo ay Dowlada iyo Shariif Xasan ka leeyihiin Dagaalo iyo burbur hor leh oo laga dhex abuuro Beelaha halkaasi ku nool.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SAWIR muujinaya sida ay qarannimadii Soomaaliya u sharaf dhacday (Murug)

Muqdisho (Caasimada Online) – Baraha  bulshada ay ku kulanto ee Online-ka sida Facebook iyo Twitter, ayaa lagu shaaciyey sawir cusub oo muujinaya sida qarannimada iyo karaamada Soomaaliya ay dhulka ugu dhacday.

Sawirkan oo todobaadkaan laga soo qaaday Muqdisho wuxuu tilmaam foolxun ka bixinayaa halkeey taagan tahay madaxbanaanida iyo sharaftii Jamhuuriyadda Somalia. Ma rabo inaan ka faalooda laakiin waxaan kaliya ciwaan uga dhigayaa:- SHARAFI DHIMATAY SOOMAALIYEEY????

Wiilkii taariikhda loogu qoray Libaaxa-Geesigii sanka dhuubnaa ee Midabka dhalaalka casaan raaca lahaa- Halyeeygii hogaanka Mustaqbalka dalkeena – Askarigii Jamhuuriyadda Somalia ee Daljirka Qarankeena Soomaaliyeed? Hadii Muqdisho ay ku baarayaan Ciidankii ajnabiyiinta Amisom ee aan ku kala duwanahay Diinta -lahjada, dhaqanka-Urta iyo muuqaalka? MAXAA HARAY OO LEYSKU HEEYSTAA?

Askariga Soomaaliga ee daljirka Qarankeena Soomaaliyeed wuxuu bishii qaataa lacag dhan boqol dollar, waxaana laga yaabaa inuu shan bilood ama sanad waxba qaadan, halka Askariga baaraya ee ajnabiga uu bishii Mushaar u qaato in ka badan kun dollar.

Waa markii ugu horeeysay taariikhda askari dalkiisa uu ku baaro askari ajnabi ah, iyadoo dalku xor inuu yahay warbaahinta laga sheego.

sharaf dhac

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Interpol oo baadi-goobeysa Soomaali geysatay WEERAR cuslaa oo fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuqaal la soo dhigay Barta YouTube ayaa waxa ka muuqday iyadoo ay Burcad-baddeed u muuqaal eg Soomaalida ay toogteen afar Kallumeysato u dhalataya Jesiiradad Fiji.

Hadal ka soo baxay Boliska Fiji ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo dilka Kalluumeysatadaasi.

Waxay ka codsaday Boliska Caalamiga (INTERPOL) inay gacan ka geystaan sidii loo baari lahaa Muuqaalkaasi muujinaya dilka Kalluumeystadaasi, kadib, markii ay Burcad-baddeeda ku fashileem inay afduubtaan dooniad ay Kalluumeysatadda la socdeen.

Barta YouTube ayaa lagu sheegay in Kalluumeysatadda lagu dilay meel ka baxsan Badda Fiji.

Kalluumeystaadda la socotay dooniadaas ayaa la sheegay inay ku hadlayeen Luqadda Mandariyaan, iyadoo Telefishinka New Zealand sheegeen in codadka laga maqlay YouTube muujinayaan inay Kalluumesyatadda u kala dhasheen Vietnam iyo Thailand.

Guddoomiyaha Ururka Milkiilayaasha Doonyaha Fiji, Graham Southwick ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Muuqaalkaasi laga so oqaaday weerar fashilmay oo doonidaasi lagu soo qaaday xilli ay maraysay meel ka baxsan Xeebaha dalka Somalia.

Isagoo la hadlayey Wargeyska The Pacific Beat ayaa sheegay inuusan shilkaasi ka dhicin Badda Fiji, balse ay ka dhacday mel ka baxsan Xeebaha dalka Somalia.

Dhinaca kale, Boliska Caasimadda Fiji ee Suva ayaa sheegay inaysan haynin caddaymo la xiriira Dhibanayaasha lagu dilay doonidaasi.

Xigasho: abc.net.au

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: C/Weli Gaas oo ka jawaabay hanjabaaddii General Cabdi QEYBDIID

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii hoggaamiyaha Gal-Mudug Cabdi Xasan Cawaale ”Qaybdiid” ee ahaa ”Fad ama hafadin waa lagu fadsiin”.

Gaas, ayaa sheegaya in hadalkaas uusan ahayn kaliya ahayn hanjabaad ka timid Qeybdiid, balse sidoo kale madaxda DF ay ku taageersanaayeen, maadama uu ka jeediyay heshiiskii lagu saxiiyay 11 qodob ee lagu dhisayo maamulka, Mudug iyo Gal-Gaduud, kaasi oo ka dhacay Villa Somalia.

”Waxyaabaha caajibka ah waxa ay ahayd markii heshiiska la saxiixayay ragga qaarkood way hadlleen waana goodiyeen, Cabdi Qaybdiid waad dhagaysanayseen wuxuu yiri ‘fad ama hafadin waa lagu fadsiin’, marka uu hadalka saa lee yahay saaxiibkay waxaan is lee yahay warkaasi wuxuu ahaa gardaro garob og, marka Puntland iyadu cidna ku xadgudbi mayso, laakiin way xisaabtamaysaa” ayuu yiri Gaas.

Gaas ayaa sheegay inaysan marnaba raali ka noqon doonin cid gaar ah inay iska maamulato wax la wada lee yahay oo umadda Soomaaliyeed ka dhaxeeya, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo ula jeeda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Cabdi Weli Gaas

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Cabdi WAAL oo u baxsaday gobolkii uu kasoo jeeday kadib weerarkii XAMAR

Guriceel (Caasimada Online) – Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal” oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii magaalada Muqdisho ayaa u baxsaday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ee uu dhalasho ahaan kazoo jeedo..

Wararka ayaa sheegay in Cabdi Waal uu gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaddib markii uu ka cararay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Cabdi waal ayaa la sheegay in magaalada Guriceel uu ku gaaray safar dhanka lugtaa ah, inkastoo lala yaaban yahay sida uu ku maray wadada xariirisa Muqdisho iyo Gobollada dhexe ee dalka.

Warkan, ayaa waxaa soo weriyey weriye ka tirsan idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, oo jooga Gal-Gaduud.

Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlu-Sunna ayaa sheegay in Cabdi Waal uu gaaray Guriceel, galinkii hore ee maanta.

Cabdi Nuure Siyaad Cabdi Waal, ayaa dhawaan ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya waxaa ay ku weerareen magaalada Muqdisho, iyadoona ujeedka weerarkaasi uu ahaa in hub ka dhigis lagu sameeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Isma lahayn Somalia ayaa kelitalisnimo dib ugu noqon doonta (XOG-WARRAN)

Mudane Hassan Maxamud Calasow ma noqon madaxweyne la mahdiyey, shacabkuna kuma diirsan dowladnimada uu hogaanka u qabtay. Waxey dadku aad uga deyrinayaan dhaqankiisa dowladnimo xumo iyo hanaanka uu u marayo xilkasnimoxumida uu ku hogaaminayo dowladnimda Soomaaliyeed.

Dalka Soomaaliyeed dowladnimadiisa waxaa u soo wada halgamey dhamaan aabayaashii Soomaaliyeed oo sida isdabajooga ahayd ula kulmayey shisheeyihii dulaanka ku ahaa dalka Soomaaliyeed, sidaas daradeed iyadoon ummadda Soomaaliyeed loo kala saarin fikradaha kala duwan oo ay aaminsan yihiin ayaa waxaa haboon in cid walba oo Soomaaliya lagu tixgeliyo aqoontiisa iyo kartidiisa uu dowladda dalkiisa ugu shaqeyn karo.

Waxaa dowladda amnigeeda gacanta loo geliyey dad ku dhexmilan sirdoonka shisheeyaha, kuwaas oo madaxdoodu awooda dowladda ku amartaagleynaya, amarna duldhigaya cidii ay maagaan iney gaboodfal u geystaan. Ciidamadaas waxey u abaabulan yihiin qaab xernimo, waxaana la aaminsan yahay iney ka amar qataan madaxweynaha. Waxey sida dugaaga u ugaarsanayaan dadka ka soo horjeeda sida u dalka dowladiisa u maamulayo madaxweynuhu.

Waxaa liidnimo ah in dalka dib loogu soo celiyey tabihii kelitaliyihii milateriga uu dalka ka hirgeliyey sida xabsiyo qarsoodiya iyo godad bahal galeen ah oo dad dalka u dhashay lagu ciqaabo sida Godka madow ee loo yaqaano Godka Jilicow, halkaas oo wdaniyiinta xiran lagu jirdilo, haddana koronto xoogbadan looga qabto meelo badan oo ka mida jirkooda. Ciidanka fulinaya wuxuushnimadaas lagula kacayo dadka rayidka ah ee ka soo horjeeda masuuliyaddarida dalka lagu maamulayo waxey wadashaqeyn kala dhaxeysaa hayadaha dembi baarista iyo garsoorka oo ku shaqeynaya qaab ku dhisan soo qabo aan xukunee. Taas waxey muujineysa in xertaas qaabka sirdoonka loo soo abaabuley in loo adeegsanayo adeecid ku dhisan danno shaqsiya oo salka ku haya naceyb iyo aargoosi.

Waxaa hadda dalka ka socda sidii la isku raacsiin lahaa wadashaqeynta dulmiga ku dhisan ee haydaha amniga iyo kuwa garsoorka, taas oo looga jeedo hayadaha amnigu iney soo xiraan mucaaradka siyaasadeed ee ka soo horjeeda hogaanxumada madaxweynaha, iyaga oo u sameynaya qiil lagu xukumi karo, dabadeena u soo gudbiya garsoor loo diyaariyey in cida dhegta laga soo qabto la mariyo ciqaab horay loogu dejiyey. Waxaa hadda dhameystir maraya abaabulkii lagu abuuri lahaa garsoor hayiin u ah amarka madaxweynaha iyo xulafadiisa, kaas oo ah shabaq loo maleegayo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladxumida dalka ka jirta.

Madaxda adeegsaneysa xertooda sirdoonka iyo garsoorka ku hawlgelaya amarkooda waxey awoodahooda caburinta ku bartilmaameysanayaan suxufiyiinta gacantooda ka madaxbanaan, siyaasiyiinta mucaaradka, xildhibaanada aan ku fikirka ahayn, iyo horjoogayaasha ururada rayidka oo ay ku guuldareysteen iney milkiyaan. Ujeedada ugu weyn oo ay u sameynayaan caburinta waxey tahay in dalka gudahiisa ay ka tirtiraan cid siyaasadooda mucaarid ku ah si ay dalka gudahiisa uga abuuraan maamulo ay hogaaminayaan xubno ka mid ah xertooda, taas oo ay qorshe ahaan ku damacsan yihiin iney ku boobaan codadka dadka marka ay timaado doorashooyin ka dhaca dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo xulafadiisu waxey awood ka raadiyeen dhaqan kelitalisnimo oo shacabka si xooga loogu qasbayo taageerida fikradahooda siyaasadeed, cida diidana loo adeegsanayo xertooda sirdoonka oo ay kala kulmayaan argagixin iyo cabsigelin xoogan.

Waxaa dhowaan soo baxay in hubka laga dhigo dadka hubka u haysta iney isku difaacaan oo gaar ahaan la bartilmaameysanayo shaqsiyaadka aan taageersaneyn maamulxumida dowladda. Dhinaca kale waxaan muuqan hubka la qaadayo cida lagu wareejinayo, taas oo la tuhunsan yahay in lagu hubeynayo xerta taageersan madaxweynaha ama loo iib geynayo suuqyada hubka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in amarka madaxweynaha lagu soo xirxiray milkiilayaasha iyo suxufiyiinta ka shaqeynayey warbaahinada madaxbanaan ee Shabelle iyo Sky. Waxaa la xaqiijiyey in sirdoonka ka amar qaata madaxweynaha ay saddex ka mid ah suxufiyiinta ay soo xirteen ay ciqaabo ka baxsan bani aadaminimada kula kaceen iyagoo jirdil xoogan u geystey. Saddexda masuul oo ah madaxda warbaahinta Shabelle iyo Sky waxey kala yihiin milkiilaha Shabelle mudane Cabdimaalik Yuusuf Maxamud; madaxa wararka Shabelle mudane Axmed Cabdi Xasan, iyo madaxa warbaahinta Sky mudane Maxamud Maxamed Carab.

Madaxdaas warbaahinta madaxabanaan waxaa loo geystey gaboodfal ka dhan ah Soomaalinimada, islaanimada, iyo aadaminimada iyaga oo jirkooda lagu qabtay koronto xoog badan, dhaawacyana ay jirka gudahiisa ka soo gaareen garaacis wuxuushnimo ah oo lagula kacay. Sidaas oo ay tahay ayaa haddana waxaa loo diyaarinayaa ciqaabihii lagu xalaaleyn lahaa xukunkooda. Dadkaas waxaa loo diidey ehelkooda iney soo arkaan xaaladooda caafimaad oo aad looga deyrinayo iyo in loo ogolaado iney soo booqdaan dhaqatiir daryeesha caafimaadkooda.

Maskax talo xun waxaa laga dhaxlaa dhibaato reebta cawaaqibxumo dabada ku wadata is u gaarsi iyo in awooda dowladda loo adeegsado si loogu fuliyo dano shaqsiya oo ku saleysan aargoosi siyaasadeed. Soomaaliya horay ayey u soo martay dhaqanxumadaan loo adeegsanayo awooda dowladda, waxaana ka dhashay dagaal sokeeye oo cirbxumadeeda ay weli hadda dalka ka taagan tahay. Ismalaheyn madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowladiisa u horseedaya in dadka fikirkiisa siyaasadeed ka soo horjeeda uu ula dhaqmo sida ay caanka ku ahayeen kelitaliyeyaasha isaga ka horeeyey. Haddii jirdil, argagixin, iyo xukun xabsiyo dulmiya ummad lagu marsiin karo taageeridda dowlad xun, Soomaaliya heerka ay maanta joogto ma soo gaarteen.

Xisbiga Dadka wuxuu si xoogan uga soo horjeeda tacadiyada ka dhanka ah aadaminimada oo dowladda Mudane Hassan Maxamud Calasow ay kula kaceyso siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo saxaafadda madaxabanaan. Xisbigu wuxuu codsi u dirayaa hayadaha dhowra xuquuqda aadanaha iyo kuwa baara dembiyada madaxdu ka gasho shacabkeeda oo saldhigyadoodu ku yaalaan wadamada Mareykanka, Ingriiska, iyo Holland. Xisbigu wuxuu si gaara dacwad uga gudbinayaa dowladda u hogaaminayo mudane Hassan Maxamud Calasow oo si bareera ugu tumatay xaquuqda rayidka iyo ku xadgudbida hantidooda kadib markii ay dhaceen qalabka warbaahinta Shabelle iyo Sky, milkiloyaashi iyo suxufiyiintiina ay ku jirdileen xabsiyo qarsoodiya oo ay ka jirto xaalad ka baxsan insaanimada.

Xisbiga Dadka wuxuu aad uga walaacsan yahay xabsiyada qarsoodiga ah oo shacabka Soomaaliyeed loogu geysanayo tacadiyada ka dhanka ah insaanimada, kuwaas oo ku kala yaala madaxtooyada, degmada Boondheere, iyo xerada Xalane. Si kasta oo loo adeegsado caburin, cagajugleyn, dilal qorsheysan, iyo xatooyo loo adeegsado awooda dowlada oo lagula kacayo hantida sida gaarka ah loo leeyahay marnaba shacabka Soomaaliyeed uma suurogelin doonto iney rumeystaan in taloxumo ka dhalatay hogaanxumo liidata ay dalka Soomaaliya u horseedi doonto dhaqangelinta dowladnimo wanaagsan oo shacabku ay ku kalsoonaadaan.

Madaxweyne Soomaaliya mudane Hassan Maxamud Calasow waa inuu aamina xoriyada ay rayidka Soomaaliyeed u leeyihiin iney cabiraan oo dhaliilaan madaxda dowladda, mucaaradka iyo muxaafadka dowladuna cid walba waxey fikirkooda u soo gudbineysaa shacabka. Haddii ay dhacday in dowladu ay ku guuldareysatay in maamulxumadeeda ay taageero uga weysey shacabka, ma aysan habooneyn iney madaxda dowlada fikirkeeda siyaasadeed xal ugu raadiso iney xoog ku muquuniso.

W/Q: Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xog: Amisom oo mushaarkii laga jartay

Kampala (Caasimada Online) – Wargeyska The Observer ee ka soo baxa caasimadda Uganda ee Kampala, ayaa qoray in ay qaar ka tirsan Ciiddanka Uganda ee Amisom ku jira lixdii bilood ee la soo dhaafay la siinin xuquuqda mushaarkooda.

Askari kasta oo ka tirsan Ciiddanka UPDF ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxa uu bil kasta mushaar ahaan u qaataa lacag dhan 1,028 dollar.

Xildhibaanka laga soo doorto Koonfurta Degmadda Kigulu, Milton Muwuma ayaa sheegay inay la soo xiriireen dhowr ka tirsan Ciiddanka qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo walaac xooggan ka muujinayo mushaar la’aanta haysata ciiddanka UPDF.

“Markii la diiwaan-geliyey dhowr walaac oo ka imaanayo Askarteenna ku sugan Somalia, tani waa qoddob loo baahan yahay inay Saraakiisha Taliska UPDF iyo kuwa Wasaaradda Difaaca tafaasiil ka bixiyaan xilliga ay hor iman doonaan ka hor Kulanka Guddiga Difaaca iyo Amniga Gudaha yeelanayaan maalinta berrito oo Khamiis ah” ayuu yiri Xildhibaan Milton Muwuma.

Wargeyska The Observer waxa uu qoray inay Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhiga Uganda lagu wado inay la kulmaan Guddiga Barlamaanka ugu qaabilsan Difaaca iyo Ammaanka Gudaha si ay u difaacaan Miisaaniyadda Wasaaradda Gaashaandhigga ee sannadaha 2014 – 2015.

Taliyaha Ciiddanka Difaaca Uganda, General Katumba Wamala ayaa sheegay inaysan iyagu mas’uul ka ahayn mushaaraadka ka daahay ciiddanka Uganda ee ka hawlgala Somalia, wuxuuna ku dooday inaysan jirin wax lacag ah oo lagu soo wareejiyey.

General Wamala waxa uu tilmaamay inay Ururka Midowga Afrika (AU) maamulaan Ciiddamadaasi, isla markaana looga baahan yahay inay ciiddamadda siiyaan xuquuqdooda.

“AMISOM ma aha Hawlgal Uganda, waxaa maamula Midowga Afrika “AU”-da oo haddii aysan mushaaraadka bixinin, ma aha inaan annaga bixino” ayuu yiri Sarkaalkaasi, oo intaasi ku daray inay Midowga Europe bixiyaan lacagaha Askarta AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo tiradoodu dhan tahay 6, 200 Askari ayaan wax mushaar ah la siinin tan iyo bishii February ee sannadkan, iyadoo celcelis ahaan Askari kasta ka maqan tahay lacag dhan 6,168 Dollar.

Xigasho: The Observer

 

Xog: Saraakiil DFS ka joogay Ugandha oo godood sameeyay kaddib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qoray Wargeyska The New Vision ee ka soo baxa magaalladda Kampala, in ka badan 30 ka mid ah Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Dowladad Federalka oo uu tababar uga socday dalka  Uganda ayaa dhigay dibadbax ay kaga cabanayeen Qabanqaabiyayaasha Tababarka siinayey.

Saraakiishaasi oo Tababar dhinaca Sharuucda Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha ku qaadanaysay Hotelka loo dalxiis tago ee Commonwealth Speke Resort Munyonyo ayaa waxaa cabashadooda soo dhex galay Danjiraha Somalia u jooga dalka Uganda,  Ambasaador Sayid Ahmed Dahir.

Saraakiisha iyo Danjiraha ayaa qaatay kulan albaabadda u xirnaa oo socday muddo labo saacadood, waxayna Saraakiisha u gudbiyeen cabashadooda, waxayna codsadeen inay Qabanqaabiyayaasha Tababarka caddeeyaan ballanqaadyo aan loo fulinin, kharajkooda safarka iyo tas-hiilaad kale oo daruuri u ah Tababarkooda.

Waxay ka codsadeen Danjiraha inuu arrintooda wax ka qabto, ka hor inta uusan ka tegin goobta tababarka iyo inuu tixgeliyo codsiyadooda.

Danjire Sayid Ahmed Daahir iyo K/S Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Lydia Wanyoto ayaa u shegay Wargeyska The New Vision  inay Saraakiishu ka cabanayeen dhibaato dhinaca Maamulka, lana xaliyo cabashadooda.

Waxay xuseen inay qaar ka mid ah Saraakiisha ka cabanayeen dhibaatooyin ay kala kulmeen safarkooda Nairobi oo ay ku yimaadeen magaalladda Kampala.

Dhinaca kale, Saraakiishaasi dhamaystay tababarka, ayaa lagu wadaa inay dhawaan ku soo laabtaan magaalladda Muqdisho, iyadoo Tababarkaasi laga soo siiyey qalab iyo farsamo la xiriirta habka loola dhaqmo dadka rayidka

Xigasho: New Vision

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa kala soctaa sababtii keentay in la xiro Idaacadaha Xamar qaarkood

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Dahir ayaa caddeyn ka bixiyey ku aadan falkii 15ka Agoosto lagu soo xiray Idaacadaha Shabeele iyo SKY FM iyo qaar ka mid ah shaqaalaha labadaas idaacadood, isagoo sheegay in si sharciga waafaqsan uu Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka uu hay’adaha amniga u amray inay si deg-deg ah u joojiyaan fal lagu kicinayey shacabka oo ay idaacaduhu ka dalbanayeen shacabka inay hub qaataan oo ay si qabiil ah uga soo horjeestaan ciidanka dowladda, tanoo dhalisay in bannaan-baxyo dhacay la isku dilay.

Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa yiri “Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka markuu dhageystay kicinta bulshada oo hab qabiil ah oo ay idaacadaha Shabelle iyo SKY FM ay u soo tabinayeen bulshada, waxaa khasab noqotay in laga hortago fal danbigaas si loo joojiyo kicinta bulshada ee habka qabiiliga ah. Sidaas daraadeed, waxaan amray ciidanka amniga inay si deg-deg ah u joojiyaan fal danbiyeedkaas. 48 saac gudahood ayaa 18 qof la sii daayey ka dib markii Xeer Illaalintu oggaatay inaysan danbigaas ku lug laheyn.

Sida uu qabo sharcigana waxaan 17kii August Maxkamadda Gobolka Banadir ka codsanay in muddo 21 cisho ah loo baahanyahay, taasoo Maxkamaddu bixisay si loo dhameystiro baaritaanka danbiyada lagu soo oogay 3 ka mid ah eedeysanayaashii oo ay si sharci ah hadda u socoto baaritaankii danbiyadooda, oo marka la soo afjaro baaristana la hor geyn doono Maxkamada Gobolka Banadir.”

Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Dahir oo hadalkiisa sii wata aya yiri “Waxaan u xilsaaray arrinkan ku-xigeenka Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka oo khibrad dheer u leh danbiyada noocan oo kale ah, si muwaadiniinta la soo eedeeyey ay u helaan caddaalad. Waxaana na soo gaartey eedeymo sheegayey in 3 daas shaqsi loo geystey jir dil, oo aan isla markiiba baaritaan ku dhaqaaqnay. Ka dib markii 3daas shaqsi la horkeenay Maxkamaddana, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banadir ayaa caddeeyey in wararkaas ay ahaayeen been abuur oo aysan jirin wax jir dil ah oo loo geystey shaqsiyaadkaas. “.

Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Ahmed Cali Dahir ayaa sheegay in Xafiiskiisa uu marwalba u taagan yahay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhammaan hay’adaha kala duwan ay u heli lahaayeen caddaalad lagu kalsoonaan karo. “Waxaan marnaba la aqbali karin in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo geysto jir dil iyo dhibaatooyin kale, oo waxaan farayaa hay’adaha amniga inay si taxadar leh ay howlahooda loo igmay u gutaan iyagoo illaalinaya xaquuqda bani’aadanka oo lama taabtaan ah. Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka waxuu u taaganyahay sharciga iyo dhowristiisa iyo xaquuqda muwaadiniinta oo ah wax qaanuuniyan ah iyo mid dastuuri ahba.” Ayuu ku soo gabogabeeyey Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maleeshiyada Ax’ed Daaci oo loo digay

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdullaahi Afrax ayaa sheegay in degmadiisa ay ka billowdeyn howgal hubka sharci darrada looga aruurinaayo maleeshiyaad ka amar qaata Axmed Xasan Caddow oo dowladda u xiran.

Wuxuu sheegay in degmada laga mamnuucay in wax hub ah lala dhexmaro marka laga reebo ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliska ee degmada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa carabka ku adkeeyay in ammaanka degmada uu yahay mid la isku haleen karo oo aaney ka jirin wax qalqal ah tan iyo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday gurriga uu deggan yahay guddoomiyihii hore Axmed Daaci.

Guddoomiyaha oo dhinaca kale wax laga weydiiyay weerarkii lagu qaaday Axmed Daaci ayaa ka gaabsaday wuxuuna ku koobay in arrintaas loo xilsaaray guddi heer wasiir iyagana laga war sugaayo.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa carabka ku adkeeyay in tallaabo laga qaadi doono askarigii lagu arko isagoo wata hub oo aan wax shaqo ka heynin degmada ama qof hubeysan.

“Ammaanka degmada waxa uu xil ka saaran yahay maamulkeyga, mana loo dul qaadan doono in qof hubeysan oo aan sharci lahayn uu degmada hub ku heysto” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Afrax.

Digniinta ka soo baxday maamulka degmada Wadajir ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhawaan degmadaas uu ka dhacay howgal hubka looga aruurinaayay hoggaamiye kooxeedyada uu ka mid yahay Axmed Daaci, balse howgalkaas waxaa ka dhashay khasaaro dhimmasho iyo dhaawac.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasanoow walee askari baahan cadow kaama celsho (Sidee loga bixi karaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan Xarumaha iyo Saldhigyada Dowlada Federaalka Somalia ka shaqeeya Shaqaale iyo Askar badan oo aan qaadan Xuquuqdii ay ku lahaayen DF.

Waxaa jira Musuq baahsan oo ka dhashay koontorool la’aanta Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha DF oo aysan ku sameyn Xafiisyada Dowlada, iyadoona ay taasi dhashay in Wasiirada iyo Taliyayaasha ay Musuqaan Mushaaraadka yar oo ay qaadanayaan Shaqaalaha iyo Askarta.

Ciidamada Dowlada qaarkood ayaan qaadan wax Mushaar ah, waxa ayna ku noolyihiin shaxaad ay ka qaatan kuwa Mushaarka qaata ama shaqsiyaadka ay waardiyaha ka yihiin, taasi waxa ay keentay in Askariga baahan uu Cadowga u fududeeyo Weerarada IWM maadama uusan heysan wax dhaqaale ah oo kasoo galaaya dhanka DF markii laga reeba Naftiisa oo uu ku ilaalsanaayo Ciidamada kale ee saaxiibada la ah kana tirsan Dowlada.

Haddii loo kuurgalo tirada Ciidamada Mushaarka qaata waxa ay gaarayaan %20, halka kuwa kale ay yihiin kuwa aanooyin horay u geystay oo Naftooda ku ilaalsanaaya Dowlada iyo kuwa ka tirsan Dowlada oo aan lasiin Mushaar, kadib markii uu ka awood batay garab la’aanta, waxaana xaqiiq ah in badi Askarta lagu qoro qaab Qabiil hoos iska taabasho ah.

Haddaba Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaaraha Dalka yaysan sugin in laga ilaaliyo Cadowga haddii aysan sameyn Qodobada soo socda:-

1-Inay dabagal ku sameeyan qaabka loo bixinaayo Mushaaraadka Dowlada.

2-Inay Unugyo daacad ah ku dhex yeeshaan Xarumaha Dowlada gaar ahaan Wasaarada Maaliyada iyo xarumaha lagu bixiyo Mushaarka.

3-In Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ay sameystaan Xubno diiwaangalsha dadka aan Mushaarka qaadan.

4-In Madaxda dalka ay Ogaadan in ruuxa Cadowga ka celinaaya ama Dowlada u shaqeynaaya uusan aheyn Wasiirka ama Taliyaha, balse waxaa Howsha sameeya Shaqaalaha Ama Askarta, halka Wasiirada aysan ka warqabin howlaha looga baahan yahay xafiisyada.

5-In Dowlada ay ku qanacdo in xarumahooda lagu weeraro waa haddii aysan Xuquuqdooda siin Karin Askarta iyo Shaqaalaha u shaqeeya, waayo Hal ruux ayaa Qaran fasaadin kara waa haddii ay dhacdo inuu gudbiyo sirta qaranka.

Dhanka kale, Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha waxaa looga fadhiyaa inay ka taliyaan aayaha dalka iyo dadka oo aysan ku ekaan Musuq ama fiirsashada Mushaarkooda oo kaliya, waxa uuna weerar ama Dagaal lagu qaado uu u jiraa inta ay u jirto Bixin la’aanta Xuquuqda Askariga.

W/Q. Intisaar Axmed ‘’Runsheeg’’

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

KENYA oo lagu amray in aysan qasbi karin qoxootiga Somalida ee dalkeeda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya lagu qasbay in ay sii heyso qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku nool.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo wasiirka koobaad ee xukuumadda, Cabdiweli Sheekh Axmed kana qeybgalay shir looga hadlaayay qoxootiga Soomaalida ee waddamada gobalka ku nool ayaa sheegay in Kenya ay ballan qaaday in ay sii martigalin doonto qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda gaara.

Wasiir Goodax ayaa tilmaamay in shanta dal ee ka qeybgalay shirkii Addis Ababa oo kala ahaa Ethiopia,Kenya,Jabuuti, Yemen iyo Uganda, in ay ballan qaadeyn in ay sii martigalin doonaan qoxootiga Soomaalida ee gaara waddamadooda.

Sidoo kale wuxuu sheegay shirka oo ay martigalisay hey’adda QM u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR looga dooday siddii loo caawin lahaa dowladda Soomaaliya si ay u soo ceshato dadka waddamadan ku nool.

Wuxuu xusay in dowladda Kenya si gaar ah loogala hadlay in ay joojiso xad-gudubka ay ku heyso Soomaalida dalkeeda ku nool.

Si kastaba, shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dalka Itoobiya loo gartay meesha ugu horeeysa ee martigaliyay qoxootiga ugu badan caalamka.

Kenya ayaa ahaa dalka ugu horeeya ee martigaliyay qoxootiga ugu badan caalamka balse dagaallada ka socda Koonfurta Sudan ayaa ka dhigay Itoobiya meesha ugu badan oo caalamka ay ku nool yihiin qoxooti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

[email protected]

Dhageyso: “KAY wuxuu rabaa in dalka laga xukumo GAROOWE, waxaa socda qorshihii Siyaad Barre, HARGEYSA iyo Muqdisho ha heshiiyaan” Waxaa yiri..

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka maamulka somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hor yimid qorshe uu magaalada Hargeysa la tagay ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nikolas Kay.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Kay uu wado danaha maamulka Puntland iyo qorshe Soomaaliya looga maamulayo Garoowe.
Waraabe ayaa sheegay in Nikolas Kay uu af aan taageero laheyn ku dhisay maamulka isku magacaabay Jubba ee Axmed Madoobe uu hogaamiyo, islamarkaasna uu fuliyo danaha maamulka Puntland.

“Waxaa weli wadaa gobolladii beenta ahee Maxamed Siyaad Barre sammeeyey si uu ugu daneeyo reerkiisa, waana waxa iminka ay wadaan Kay iyo Puntland” ayuu yiri Waraabe.

Faysal ayaa sheegay in la doonayo in 18-kii beenta ahaa ee Maxamed Siyaad lagu dabaqo Somalia, oo maamullada federaalka ay badankood yeeshaan beesha Daarood, taasi oo aan u cuntami Karin Hargeysa iyo Muqdisho.

“Hargeyska iyo Muqdisho waa inay gacanta is-qabsadaan” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in Nicholas Kay uu ka shaqeynayo danaha Puntland iyo beelaha Daarood, si uu awoodda Somalia gacanta ugu geliyo, taasina aysan socon Karin.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Maamulka Somaliland ee UCID Eng Faisal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Qorshaha Hub ka dhigista ay Dowlada Federaalka ka wado Gudaha Magaalada Muqdisho.

Eng Faisal waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Kooxaha Hubeysan lagu sameeyo Hub ka dhigis, balse uusan u arag qaabka ay Dowladu sameyneyso qaab Dowladeed.

‘’Wey fiican tahay in hub ka dhigis la sameeyo, laakin waxaa loo baahan yahay in la maro wado nidaam ah oo ay ku kala nabadgalayaan Ciidamada iyo dadka shacabka, waxaa looga baahan yahay in Dowladu aysan ku degdegin xiligaani maadama ay caqabado badan jiraan’’ Sidaa waxaa yiri Faisal Cali Waraabe.

Hoos ka dhageyso wareysiga Feysal Cali Waraabe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]