Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka maamulka somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hor yimid qorshe uu magaalada Hargeysa la tagay ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nikolas Kay.
Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Kay uu wado danaha maamulka Puntland iyo qorshe Soomaaliya looga maamulayo Garoowe.
Waraabe ayaa sheegay in Nikolas Kay uu af aan taageero laheyn ku dhisay maamulka isku magacaabay Jubba ee Axmed Madoobe uu hogaamiyo, islamarkaasna uu fuliyo danaha maamulka Puntland.
“Waxaa weli wadaa gobolladii beenta ahee Maxamed Siyaad Barre sammeeyey si uu ugu daneeyo reerkiisa, waana waxa iminka ay wadaan Kay iyo Puntland” ayuu yiri Waraabe.
Faysal ayaa sheegay in la doonayo in 18-kii beenta ahaa ee Maxamed Siyaad lagu dabaqo Somalia, oo maamullada federaalka ay badankood yeeshaan beesha Daarood, taasi oo aan u cuntami Karin Hargeysa iyo Muqdisho.
Waxa uu intaas ku daray in Nicholas Kay uu ka shaqeynayo danaha Puntland iyo beelaha Daarood, si uu awoodda Somalia gacanta ugu geliyo, taasina aysan socon Karin.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Maamulka Somaliland ee UCID Eng Faisal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Qorshaha Hub ka dhigista ay Dowlada Federaalka ka wado Gudaha Magaalada Muqdisho.
Eng Faisal waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Kooxaha Hubeysan lagu sameeyo Hub ka dhigis, balse uusan u arag qaabka ay Dowladu sameyneyso qaab Dowladeed.
‘’Wey fiican tahay in hub ka dhigis la sameeyo, laakin waxaa loo baahan yahay in la maro wado nidaam ah oo ay ku kala nabadgalayaan Ciidamada iyo dadka shacabka, waxaa looga baahan yahay in Dowladu aysan ku degdegin xiligaani maadama ay caqabado badan jiraan’’ Sidaa waxaa yiri Faisal Cali Waraabe.
Maqaalkan gaaban ayaa qoray markii aan arkay suxufiyiin badan oo Soomaali ah kuwaasoo aan ku qanacsaneyn xirfadda ay lee yihiin ama ay ku shaqeystaan, sababo badan oo jirra.
“Saxaafadda Soomaaliya dhaqaale ma lahan, xirfadan kaliya kama shaqeeyo meelo kale ayaan ka qaraabtaa, hey’addo kale ayaan la shaqeeyaa, dhaqaale iyo in aad caan noqoto la iskuma helo, suxufi qofka ah waa Ceyr ama Faqiir iyo erayo la mid ah ayaan kala kulmay dhowr wariye oo la sheekeestay kuwaasoo ka howlgalla Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Kismaayo Baydhabo, Jowhar iyo deeganno kale.
Haddaba, intaas kaddib ayaan waxaan is iri bal arrintan la qeybso xirfadleyda saxaafadda iyo dadka la jidbeysan howsheena.
Maxaa sabab u ah arrintan?
Marka laga hadlaayo saxaafadda xorta ee Soomaaliya ayaa ah mid nagu cusub waxaana ay noqotay meel si fudud loo soo tiiksado.
Waxay noqotay saxaafadda meel aan shuruud iyo aqoon aan la isku xeerin,waxaana ay noqotay gurri aan lahayn albaab laga galo ee daaqad uun leh, cid kastana sidda ay ku gasho ay lee dahay gurigaas, waana tan keentay badi suxufiyiin ka shaqeeya maanta Soomaaliya in ay ku noolaadaan nolol cariiri ah.
Ma is tiri haddiiba ay heerkan arrinto joogto waa u xalaal Shuruurka suxufiga
Ma dhahayo suxufiga ha qaato lacagta sharuurka loo yaqaano taasoo uu bixiyo ruuxa ama shirkadda is-beecgeeneysa, waana haddii si kale loo yiraahdo lacagtaas ay la mid tahay adigoo lagu siiyay laaluush.
Waa xaaran in aad dhageystahaaga ku maaweeliso barnaamij uu kaa iibsaday qof kale halkii aad uga soo deyn lahayd barmaamijkii uu sugaayay.
In kastoo horrey loo yiri (Af wax cunay xishow) haddana suxufiga maanta ka shaqeeya Soomaaliya ee laga sugaayo masruuf isla markaana goobta uu ka shaqeeyo aan dabooli karin baahidiisa maxaa ka reebaya in uu qaato lacag uu ku iibsaday sharraftiisa iyo tan dhageystihiisa.
Inta badan dood ayey ka dhalisay suxufiyiinta lacagta sharuurka, balse meel kasta waa xaalkeeda.
Yaa leh ama maamula warbaahinta xorta ah ee ka shaqeysa Somaliya?
Warbaahin xor ah waxaa la sheegaa in Soomaaliya ay ka hana qaatay wixii ka dambeeyay burburkii dalka 1991, waxaana dadka sameestay ay u badan yihiin ganacsato, kooxo leh danno gaar ah iyo dad doonaya in ay qaab ganacsi u furtaan.
Waxaa kaloo iyana xusid mudan inta badan warbaahinta xorta ah ee ka shaqeysa Soomaaliya waxaa madax ka ah nin ay Qaraabo yihiin shaqsiga leh hey’adda, isku Qabiil yihiin ama ay si kale ay Saaxibo u yihiin, waa ay yartay hey’ad warbaahin oo ay madax ka yihiin dad lagu keenay aqoon ama maba jirto inta ogaalkeyga ah.
Haddiiba arrinku saas yahay waxaaba muuqata in la baalmaray sharciga iyo jaangoynta loogu talay baahida saxaafadda.
Marka laga hadlaayo Saxaafad waa Bar bulshadda ay lee dahay, waana goob fariimaha nooc kasta oo ay tahay la isu marsiiyo.
Saxaafadda Soomaaliya waxaa badi gacanta ku haya dad aan ehel u ahayn shaqada iyo aqoonta saxaafadda, waana tan keentay in xirfadlaha lagu tunto xuuqdiisa, sababna u noqotay in uu ku qanci waayo xirfadda uu lee yahay.
Waxaan is-dhihi karaa waa meelaha ugu horeeya ee xuquuqdooda lagu tunto xirfadlayaasha ka shaqeeya Soomaaliya.
Waxaan goob-joog u ahaa maamule leh ha sheegin mushaarka aad qaadato maadama ay jiraan shaqaale kale oo aad isku shaqo tihiin oo kaa mushaar yer.
Waxaan arkay maamule leh, maxaa iga quseeya hooyadaa oo geeriyootay ama xaaskaaga xanuunkeeda waxaa iiga qiima badan howsha aad u heyso Idaacadda.
Waxaa la ii sheegay maamule shaqaalihiisa ku yiri (I afgaro si aan kuu dalacsiiyo ama aan mushaarka kuu kordhiyo) IWM.
Siddee noo aaminsan yihiin bulshadda aan ka shaqeyno?
Saxaafadu waxay ka mid tahay seddaxda shaqo ee adduunka ugu dhibka badan sidda ay lee yihiin xeel-dheerayaasha xirfadan, oo waxaaba isku bah yihiin DUULIYE DIYAARAD IYO TAKHTAR DAWEENAYA DAD BADAN.
Badi saxaafadda Soomaaliya waxay lagu baratay isku-dir, kala fogeyn bulshadda dhexdeeda ah iyo arrimo kale oo aan la soo koobi karin, waana tan keentay in saxifiga loo arko qof aan la qiimo ahayn barre wax ka dhiga Jaamacad ama iskuul ku yaalla Soomaaliya.
Waxaa jira dad badan oo jecel saxaafadda Soomaaliya laakin ogeyn dhibka gudahooda ka jirra.
Saxaafadda Soomaaliya ma gaartay heerkii laga rabay?
Waa su’aal ka soo burqaneysa maskaxda Soomaali badan. Maxaa yeelay saxaafadda Soomaaliya tiradooda iyo tayadooda ma islahan.
Muqdisho kaliya ayaa waxaa ku yaalla in ka badan 20 Idaacad FM, dad badan ayaana aaminsan in doorkii laga filaayay in aysan wax u dhow xitaa gaarin.
Waxay ahayd in ay ka qabtaan barnaamijyo kor u qaadaya nabadgalyada dalka, isku soo dhawaanshiyaha shacabka iyo kor u qaadida waxbarashadda, dhiirigalinta wax soo saarka dalka iyo ka gudubka ku tiirsanaanta hey’addaha ajnebi ah, taasna badanaa maba sameeyaan.
Waxay ahayd inay door ka qaataan dib u heshiisiinta Soomaalida lakala qobqobay ee qabiilka lagu cufay.
Waxay ahayd in la arko saameynta ay lee yihiin balse ma gaarin hiigsigaas.
Saxaafad horumar gaartay waa dal hormar gaaray.
Maxamedkaafi iyo xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax
Xalku muu yahay?
Waxaan u arkaa xaalka qoddobadan iyo waxa aad ku dari kartaan:
1-In la sameeyo warbaahin uu tiirkeedu yahay in ay u shaqeyso bulshadda oo aan u taageerin siyaasad ama cid gaar ah, lagana lahayn u jeedo ganacsi ama wax la mid ah.
2-In suxufiga ka shaqeenaya hey’addaas uu noqdo qof xirfada loo qaadanayo leh aqoonteeda, waayo aragnimadeeda iyo in uu diyaar u yahay in uu shaqeeyo dalka, dadkiisa iyo diintiisa.
3-In dadka maamula hey’addaas ay noqdaan kuwa lagu xushay aqoon ee aan lagu xulan danno gaar ah.
4- In la helo mushaar ku filan suxufiga ka shaqeenaya hey’adaas, bulshaddana ay soo dhaweeyaan qofkaa danta dalka ka shaqeenaya.
Ugu danbeyntii, waxaan xirfadleyda saxaafadda Soomaaliya ku oran lahaa ku Qanca xirfada aad lee dihiin uguna adeega bulshadda aan ka tirsan tihiin waa hanti uu Alle idin siiyay.
AFEEF: Qoraalkan uma qorin in aan shaqsi gaar ah u gaffo ama aan ku weerarro balse waa hogal tusaaleyn iyo in uu suxufiga jeclaado xirfadda uu lee yahay kuna qanco waxa Alle uu u gartay.
Waxaan ahay wariye muddo sideed sanno ku dhex jiray xirfada saxaafadda, balse waxaa iga xasuusin ah, waxaa muddo dheer aan ahaa ruux hammi ballaaran u haya in uu mar uu noqdo suxufi, waana tan i jecleesiisay xirfadda aan maanta ku shaqeysto iyo in aan ka doorto shaqooyin aan dhaqaale iyo magac weynba aan ku heli lahaa sida aan aaminsahay.
Wixii tallo ama tusaale ah waan soo dhaweenaynayaa.
Muqdisho (Caasimada Online) – Diblumaasiyiinta ku dhow-dhow Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed, ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay bilaaban doono dadaalada lagu raadinaayo Taageerida Madaxweynaha Cusub ee uu yeelan doono Dalka Somalia muddo kooban kadib.
Ilo wareed ka tirsan Alla Sheikh, ayaa inoo xaqiijiyay in Dowlada Mareykanka ay bilowday taageero u raadinta Madaxweynihii hore ee Dalka Somalia Shariif Sheikh Axmed oo iminka xiriir dhow la leh Dowlada Mareykanka.
Siyaasiyiin kasoo jeeda Dalka Mareykanka, islamarkaana kaalin ku dhex leh Dowlada ayaa bilaabay in xukuumadda Washington ay ka iibiyaan Siyaasada Madaxweynihii hore ee Somalia Sheikh Shariif.
Sidoo kale, Madaxweynaha Dalka Ugandha Yoweri Museveni oo Saaxiib dhow la ah Sheikh Shariif ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu ka dhaadhicinayo Dowladaha Mareykanka, Britain, Farance, Jarmalka iyo Dowlado kale soo laabashada Shariif.
Sheikh Shariif ayaa waxa uu degan yahay Magaalooyinka Kampala iyo Dalka Mareykanka oo lagu baro Diblumaasiyada, si doorashada dambe ee 2016 uu u noqdo shaqsi u diyaarsan Madaxtinimada Dalka.
Saadaasha ayaa ah in aysan suurta gal ahayn in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho nin iyo cod ah sanadka 2016, waxaana mar labaad codeyn doono xildhibaanno baarlaman, taasi oo fursad sii karta Shariif.
Muddada kooban ee uu Shariif hayay xilka ayaa waxaa lagu xasuusan karaa Siyaasad furan oo ay la jaan-qaadi karaan inta badan Bulshada iyo Besha Caalamka, isagoona xiligii uu xilka hayay uu kala socday Dalka kuna soo qulqulayeen Hay’adaha Gargaarka iyo Beesha Caalamka.
Madaxweynaha iminka talada haya ee Xasan Sheekh, ayaan xiriir wanaagsan la lahayn reer galbeedka, waxaana lagu warramay in markauu dhameysto afartiisa sano, aanu dib usoo laaban doonin.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ka dalbaday Hay’adaha amniga in dhamaan dadka lagu soo qabtay howlgalladii amni sugidda ee maalmahan ka socday Muqdisho lagu horkeeno maxkamad mudo 24 saac gudahood ah.
Nabad sugidda oo ka duulayso warqadda uga timid Dr. Axmed Cali Daahir ayaa horgeysay maxkamadihii ay dacwadooda khuseysay dhamaan dadkii ay xabsiga ku hayeen, iyada oo xeer ilaalinta iyo maxkamadda gobolkuba ay goob joog ka ahaayeen dhagaysiga iyo xukunka dacwadaha.
War-saxaaadeed ka soo baxay xasiifka Xeer ilaaliha guud ayaa lagu sheegay in la sii daayay dad aad u fara badan oo lagu waayay dambiyadii loo haystay, iyadoo Sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalihii ka tirsanaa Shabelle iyo Sky FM lasii daayay.
Waxaase jira 3 xubnood oo ka tirsan maamulka labadaa idaacadood oo weli ku jira gacanta garsoorka, ayna ku socdaan baaritaano dheeraad ah
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa u magacaabay xubin ka tirsan Xeer ilaalinta oo si gaar ah u daba gala kiiska 3da qof oo muddada ay hay’adaha garsoorka gacantooda kusii jiri doonaan lagu kordhiyay 21 maalmood.
Dhamaan dadkii xirnaa waxaa la mariyay baaritaan caafimaad si loo xaqiijiyo inaysan jirin wax tacaddi ah oo ay laamaha amniga lagula kaceen maxaabiistii ay gacanta ku hayeen.
Muqdisho (Caasimada Online)-Warka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in Xubno ka tirsanaa Wasiirada Maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ee Somalia ay is Casileen.
Mas’uuliyiin ka tirsan Xubnaha is Casilay oo gaaraya Toddobo, ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay inay ka laabteen Xubinimada ay ka hayeen Maamulkaasi.-
Is Casilaada Xubnahaasi kadib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Odayaal iyo Xubno ka tirsan Maamulka Lixda Gobol oo sheegay inay dhaliilsan yihiin in Dowlada Federaalka ay kala jajabiso Maamulka Lixda Gobol.
Mustafa Cabdullahi oo ah Nabaddoon ka mid ah golaha guurtida maamulka ka kooban lixda gobol oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Wasiirada iyo Xildhibaanada jooga Baydhabo ay ku talo-galeen inay dhaqaale ku kala diraan Xubnaha ka tirsan Maamulka Lixda Gobol.
Dhanka kale, Wasiirada Is Casilay ayaa waxaa la Tilmaamayaa inay sabab u yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka oo socdaal shaqo ku jooga Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo loo aaneynaayo inay sabab u yihiin kala jajabka iyo Is Casilaada Xubnaha Maamulka Lixda Gobol.
Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeed kasoo baxay kulankii wada tashiga ahaa ee u dhexeeyay Xubno ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Puntland Mudadii u dhexaysay 18-19-August 2014, Garoowe.
Kulan wada tashi ah oo ay yeesheen Xubno ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Puntland kaasoo looga hadleyay Xiriir Joojinta soo noq noqotay iyo sababihii keenay, dood iyo falaanqayn dheer ka dib waxaa la isku raacay sidaan soo socota.
1. Dowladda Puntland iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay isla garteen in tabashooyinka iyo eedaymaha Dowladda Puntland ka tirsanayso Federaalka ay yihiin kuwo jira oo leh Caddaymo dhab ah.
2.Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka codsadeen Dowladda Puntland in ay bixiso fursad wada hadal muddo 30 beri gudahood ah, laga bilaabo 20/08/2014, dowladda Puntland Codsigaasi way oggolaatay waxaase sharci ah in wada hadalkaasi ay goob joog ka noqdaan beesha caalamku, maadaama heshiisyadii iyo wada hadalladii hore aaney waxba ka hirgalin.
3. Haddii fursadda wada hadallaasi lagu guul daraysto,waxna laga qaban waayo eedaymaha Puntland u soo jeedisay Dowladda Federaalka ah, Dowladda Puntland waxay qaadanaysaa tallaabadii kale ee ku habboon ee dastuurkeedu u oggol yahay.
4.Ugu dambayntii Dowladda Puntland iyo Xildhibaanadu waxay isla qaateen in Heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho ee Maamul u samaynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu ahaa mid xadgudub ku ah Dastuurka Puntland iyo Dastuurka Federaalka ee kumeel-gaark ah, islamarkaasina horseedi kara xassilooni darro iyo colaad sokeeye.
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ay heshay xog muhiim ah oo sheegeysa in Madaxweynaha iyo Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Faarax C/qaadir ay isla meel dhigeen 10-Qodob oo lagu hergalinaayo sida ugu dhaqsiyaha badan, oo qorsahoodu yahay afgami qarsoon oo dalka iyo dadka lagu sammeynayo.
Labada nin ayaa doonaya inay weligood xukunka dalka hayaan, waxaana ay isla meel-dhiggeen in In kabadan 10-Qodob, sida sarkaal sare oo Caasimada Online xogta siiya uu shaaca ka qaaday, waxaana qodobada ka mid ah
1-In Ciidamada Villa Somalia loo qeybiyo Afar beel, Laba kamid ah loo gacan galsho Ammaanka gudaha Madaxtooyada, halka labada soo hartay la geyn doono Daafaha Madaxtooyada, Furumaha iyo banaanka Aqalka.
2-In Taliyaha Ciidamada Villa Somalia loo dhiibo Sarkaal ka tirsan Dam-Jadiid oo ay qaraabo yihiin Faarax C/qaadir oo ah Wasiirka Cadaaladda.
3-In mudnaanta koowaad la siiyo Saraakiisha iyo Ciidamada dhawaan usoo tababartay Dam-jadiid, gaar ahaan kuwo laga keenay Dalka Sudan.
4-In Saraakiil gaareysa 15 loo kala dhiibo hay’adaha halbowlaha u ah DF, sida Booliska, Hay’adda Nabad-sugida iyo Militeriga, si looga gaashanto hoos u dhac ku yimaada Siyaasada Militeri ee Ururka hogaanka u haayo Dalka.
5-In Safaaradaha dalalka Britain, Imaaraadka, Saudi Arabia, Kuwait, Qadar, Masar, Turkiga, ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo galaan gacanta Ururka Dam-jadiid.
6-In Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir loo kala magacaabo Saraakiil ka tirsan Ururka ama daneeya Siyaasada Ururka.
7-In xilalka sare ee DF laga ilaaliyo Ururo diimeedyada u carbisan dhexgalka Bulshada sida Aalla Sheikh, Al-Ictisaam IWM.
8-In hub ka dhigis lagu sammeeyo gabi ahaan Siyaasiyiinta taabacsan Fakir ahaan Labadaasi Urur ee Aalla Sheikh iyo Al-Ictisaam.
9-In labada sano ee ka harsan Wakhtiga Doorashada lagu sameeyo Isku shaandheyn dhanka Golaha Wasiirada oo laba wareeg ah.
FG: Xogtaani waxaa laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh, saaxiib dhowna la ah Wasiirka Cadaalada Faarax C/qaadir. Waxa uu ka mid yahay ilo-wareedyada tirada badan ee Caasimada Online sida hoose ula shaqeeya, kuna sugan Villa Somalia. Sababo amni awgood lama shaacinayo magaciisa.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-Wareedyo ka tirsan Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan ‘’Jawaari’’, ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Jamhuuriyada uu ku guuleystay dalab mudooyinkaani uu fulintiisa ka sugaayay Guddoomiyaha Baarlamaanka, kaasi oo ah xalaaleynta Hubka Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.
Xogtu waxa ay sheegeysaa in maalmihii lasoo dhaafay uu buuq ka dhex taagnaa Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaasi oo ku saabsanaa qaabka ay Ciidamada DF iyo AMISOM hub ka dhigista u sameynayaan, waxaana hawlgaladaasi dhaliilay xubno faro badan oo ka tirsan Guddiga.
Gudiga oo qaarkood kasoo horjeeday Howlgalada ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay tilmaameen in Howlgalku uu ahaa mid lagu majaxaabinaayay Beelo gaar ah, waxa ayna siyaabo kala duwan daboolka uga qaaden in Howlgalka uu ahaa mid lagu naafeynaayo Jiritaanka Beelaha iyo Shaqsiyaadka qaar, waxaana hadalkaasi barbar socday Siyaasado hoose oo uu waday Madaxweyne Xasan oo aan ku niyad furneyn is hortaaga iyo dhaliilaha ay muujinayeen Guddiga.
Shirar ay Madaxtooyada gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha kuwada qaateen Madaxwene Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaaanka Maxamed Sheekh Cismaan ayaa waxa ay uga arinsadeen qaabka Gudiga looga dhaadhacsiin lahaa Howlgalada iyo xakameynta hubka iyo sidoo kale siyaasadda ay Xukuumaddu ka dejisay xakameynta hubka, waxaana halkaasi gorfeyn iyo Wakhti dheer kadib ay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka isla meel dhigeen in la kala dhantaalo Guddiga islamarkaana ay la kala qaatan Kulamo kala duwan, waxaana halkasi ku suuragashay in la kala fogeeyo Guddiga, iyadoona ay sidaasi ku suuragashay in Xubnaha badi ee Guddiga laga dhaadhacsiiyo Xakameynta Hubka.
Guddoomiyaha Baarlamaaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan ‘’Jawaari’’ ayaa waxa uu Wakhti badan u dhexeeyay Xafiiska Xassan Shekh iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, iyadoona Maalinimadii shalay Tallaado uu Guddiga Joogtada ah mabda’ ahaan ayiday in la xakameeyo hubka, ayna ka mid tahay waajibaadka uu Golaha Shacabku u xilsaartay Xukuumadda.
Ujeedka Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa lagu sheegay inuu ahaa in Guddiga ay Gaashaanka ku dhuftaan islamarkaana ay shaaciyaan in Hubka sharci darada ah ay Dowladu ka hortagi karto.
Sidoo kale, Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku ku dhawaaqay inuu xusuusinaayo dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay Xukuumadu awood buuxda u leedahay suggida amniga sida uu qabo Qodobka 99aad faqradda (f) ee Dastuurka, waxaana halakasi ku suuragashay Qodobkii Madaxweyne Xassan uu ka sugaayay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu Gudiga ka dhameeyo Anxisintaasi ama xalaaleynta Hubka ay wataan Siyaasiyiinta Mucaaradsan DF.
Dhanka kale, Madxaweyne Xassan iyo guud ahaan Xubnaha Dam-Jadiid ugu jira Xukuumada Federaalka, ayaa iyagu guul u arka Go’aanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ay ku xalaaleynayaan Xad gudubyada ay Ciidamada DF iyo AMISOM kula kacayaan Siyaasiyiinta iyo ruuxii ay u arkaan inuu lid ku yahay danaha Dam-Jadiid.
Garoowe (Caasimada Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo la sheego inuu yahay boqorka Daarood, ayaa ka carooday magaalada Garoowe oo uu bahdilaad kala kulmay xafladdii lagu xusayay sanadguuradii 1-aad ee xafiiska UNSOM oo Garoowe ka dhacday, Caasimada Online ayaa ogaatay.
Boqor Burhaan, ayaan sidoo kale ka qeyb galin shirkii magaalada Garoowe ku dhex maray Issimada Puntland iyo Ergeyga gaarka ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay.
Arinta khilaafka u salka ah ayaa ah in maadaama Boqor Burhaan uu yahay Boqorka Daarood inuu doonayey in kaalinta shirkaasi ay ku lahaayeen Isimada Nugaal isaga uu hoggaamiye.
Waxa uu sharaf dhac u arkay in Islaan Ciise Islaan Maxamed, oo ugu weyn issimada gobolka Nugaal ee kaalinta hoggaanka qaatay, xilli boqorka Darood la heli karay.
Waxaa la ogsoon yahay in Issimada kasoo jeeda gobolka Nugaal, gaar ahaan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, inaysan ka qeybgelin xafladii caano shubka Boqor Burhaan ee ka dhacday magaalada Qardho, iyagoo ka qeyb gal la’aantaas ku macneeyay khilaaf ka dhex jira qoyska reer Boqor oo aan si dhab ah isugu raacin hogaanka saxda ee Boqorka beelaha Daarood.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismaha maamulka cusub ee gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa abuuray diidmo ka timid maamulka Puntland oo doonaya in gobolka Mudug aan la raacin Gal-Gaduud, inkasta oo inta badan dadka degan gobolka ay doonayaan inay maamul la dhistaan Gal-Gaduud.
Ayada oo ka amba qaadeysa rabitaankeeda caadada ah ee ku saleysan doonista wax walba, ayaa Puntland waxa ay ku dhowaaqday wax ay ku sheegtay inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya.
Si kastaba warqad cusub, oo soo baxday oo ay QM, EU iyo IGAD ay u direen hogaamiyayaasha Puntland, ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanada Puntland ay ka maamusho Mudug, aysan qeyb ka ahayn maamulka cusub.
Inkasta, oo Puntland hadalladaasi loogu beer qaboojiyey, haddana heshiiskii dhismaha maamulka gobollada dhexe, waxaa ku qoran in gobolka Mudug, oo aan kala go’neyn iyo Gal-Gaduud in loo dhisayo maamulka.
Waxaa halkan ka muuqato siyaasad laba wajiilenimo ah, oo ay cayaarayaan kuwa beesha caalamka la baxay, oo ay ku qancinayaan Puntland iyo beelaha dega gobollada dhexe.
Haddii sida ay u sheegeen Puntland ay run tahay, oo aan deeganadeeda la hoos geyn maamulka cusub, waxaa taasi ay ka dhiggan tahay in maamulka Mudug iyo Gal-Gaduud aanu dhismi karin, sababta oo ah dastuurka dalka ayaa qaba in laba gobol iyo wixii ka badan ay dhisan karaan maamul federal ah.
Illaa iyo hadda lama garan karo sida beesha caalamka wax u waddo, waxaase muuqata in beelaha dega gobollada dhexe ay libinta weli xaggooda jirto, maadaama ayaga ay haystaan heshiis saxiixan oo warqad ah, halka Puntland af un lagu qancinayo.
Waxaa kale oo suurta gal ah in beelaha gobollada dhexe been loo sheegay oo uu jiro heshiis kale oo qarsoodi ah, oo dhiggaya in maamulka uu ka koban yahay Gal-Gaduud iyo qeybo ka mid ah Mudug.
Lama yaqaan sida wax u socdaan, waase su’aal weli taagan: Ma Puntland ayaa siran mise beelaha goollada dhexe.
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Puntland, Xasan Cismaan Aloore ayaa sheegay inay wasaaraddisu waddo siyaasad lugu doonayo in hub ka dhigis laga dhaqan galiyo deegaannada Puntland.
Aloore waxa uu sheegay qorshaha hub ka dhigista inay ka hormarinayaan la tashi ay la sameynayan bulshada qeybaheeda, waxaana uu tilmaamay inay kala xaajoon doonan sida ugu dhow ee lugu ogaan karo hubka yaalla deegaannada Puntland.
“Siyaasadda wasaaraddu waa in la ogaado hubka yaalla Puntland ee sida an sharciga ahaayn loo heysto, arrinta la tashiyo ayaan kala sameynaynaa bulshada annago ka xog wareysaneyna sida ay ku suroobeyso,”ayuu yiri wasiirka amniga oo hadalkan ka jeediyey kulan ka dhacay xarunta PDRC oo looga hadlay siyaasada wasaaradda.
Qorsha ugu weyn ee laga doonayo hubka dhigista, wasiirku waxaa uu ku sheegay sidii loo ogaan lahaa hubka yaalla Puntland ee dadka shacabka ah iyo dowladdaba gacanta ugu jira.
“Qorshahan waxaan ka leenahay sidii loo sharciyeen lahaa hubka yaalla Puntland ee ay dowladda iyo shacabkuba heystaan,”ayuu ku daray wasiirku hadalkiisa.
Ugu danbeyn, waxuu sheegay wasiirka amniga Puntland,Xasan Cismaan Aloore inay dadaal ku bixinayaan adkeynta amniga iyadoo laga hortagayo kooxo uu ku sheegay argagixisada inay dhibaato ka geysato.
Qorshaha Puntland ee hub ka dhigista, ayaa muuqda mid ka nabdoon, ka wanaagsan, ayna ka muuqato mas’uuliyad iyo ilbaxnimo, marka loo eego kan dowladda federaalka ee Muqdisho, oo ayada oo aan waxba shacabka weydiin, dagaal iyo xoog ka billowday magaalada, shacab badanna laysay.
Kismaayo (Caasimada Online) – War uu goordhow soo diray Wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ee xarunta ee gobalka Jubbada Hoose lagu soo rogay bandow aan la shaacin xilliga uu soconayo.
Bandowga ayaa la xiriira markii maanta duhurkii magaalada ay gaareyn wafdi ka socda waddamada Carabta kuwaasoo kulamo la leh mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ka mid yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Wafdiga gaaray Kismaayo ayaa imminka kulamo kula leh garoonka diyaaradaha mas’uuliyiita maamulka Jubba, mana cadda wax yaabaha sida weyn ay uga hadlayaan.
Warar hor dhac oo aanu helnay ayaa sheegaya in wafdiga gaaray Kismaayo ay ka socdaan dowladda Imaaraadka waxaana ay rabaan in ay mashaariic ka hirgaliyaan magaalada Kismaayo.
Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana hakad uu ku yimid howlihii garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo qaar ka mid ah waddooyinka magaalada.
Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdi Cumar oo ah Sargaal ka tirsan Hoggaamka Burcad-badeeda Soomaalida kuna sugan Deegaanka Xarardheere, ayaa waxa uu ka hadlay saameynta ay ku yeelan karto xariga loo geystay Guddoomiye ku-xigeenka Hogaanka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Gafaaje oo Seddex maalin ka hor lagala baxay Hooygiisa ku yaalla Xaafada Labadhagax ee Magaalada Muqdisho.
Cabdi Cumar waxa uu Tilmaamay in mudooyinkii ugu danbeeyay Maxamed Cabdi Gafaaje uusan aheyn Xubin ka tirsan Burcad-badeeda balse uu ahaa Ganacsade Hubka ku ilaalsanaayay hantidiisa iyo naftiisa.
Waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka aysan muteysan in lala shaqeeyo, wuxuuna Sargaal Cabdi Cumar cadeeyay in Gafaaje uu Howlo badan u fududeyn jiray Dowlada balse sidaasi ay kusoo idlaatay wada shaqeyntii kala dhexeysay DF.
Mar wax laga weydiiyay saameynta ay ku yeelaneyso Xariga ayaa waxa uu carabaabay inay saameyn xoogan ku yeelaneyso, maadaama laga xiray Hoggaamiyihii Afweyne iyo ku xigeenkiisa Gafaaje.
Cabdi Cumar waxa uu Tilmaamay in Dowlada aysan la shaqeyn doonin islamarkaana ay howlahooda kasii wadan doonaan aduunka intiisa kale.
‘’Gafaaje Dowladu waxa ay ku xirtay qalad, waayo xilli hore ayuu ka baxay Burcad-badeednimada hadda waxa uu ahaa ganacsade. Dowladu wey na qiyaantay haddii ay sidaa tahay ma dhici doonto inaan aamino’’ ayuu yiri Cabdi Cumar.
‘’Waligey lama macaamili doono DF aduunka kale ayaan ka qarabaneynaa, haddii aan lasii deyn Gafaaje waxaa laga dareemi doonaa Dalka oo kusoo laaban doono dhib ama Bada laga dareemi doona qaska’’
Cabdi Cumar, waxa uu sheegay inuu hada ka hor ka qeybqaatay qabsashada Markabkii ku rarnaa Hubka ee laga lahaa Dalka Ukrin, islamarkaana uu ka qaatay lacag fiican, hayeeshee xiligaani laga soo gudbay, wuxuuna Tilmaamay in dhaqdhaqaaqyadooda uu soo yaraaday.
Dhanka kale, Haddalka Cabdi Cumar ayaa waxa uu u muuqday mid goodin ah, waxa uuna cadeeyay in Howshooda aysan hakin doonin xariga Afweyne iyo Gafaaje, isagoona ku hanjabay in DF ay ka jaran doonaan xiriirka howlahoodana laga dareemi doono Badda.
Milano (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Talyaaniga ayaa maalmahan diyaar garow ugu jiray soo dhoweynta Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo dhowaan booqasho ku tagay dalka Sweden.
Sucdi Cali Xassan oo ka mid ah Gabdhaha Jaaliyada Milano-Italia, ayaa sheegtay in Jaaliyadda Soomaalida oo u diyaar garoobay wafdi Muungaab in ay Italia soo gaaraan, ay ka war-heleen Guddoomiyaha oo Muqdisho ka dagay; iyaga oo safaaradda Soomaalida weydiiyey sababta baaqashada wafdiga, balse aaney helin wax jawaab ah.
“Bil ka hor ayaa na lagu soo war-geliyey socdaalka uu Italia ku imaanayo Guddoomiye Muungaab, meeshii Roma laga sugayey Muqdisho ayuu ka dagay” Ayeey tiri Sucdi, waxeyna intaasi sii raacisay in ay dhici karto inuu jiro saluug dhinaca Guddoomiyaha ka yimid oo quseeya shaqsiyaadka qabanqaabada wafdiga isu xilsaaray.
“Waxey aheyd marka uu wafdi Dowladda ka socda imaanayo in safaaradda ay howshaasi la wareegto, waxaase muuqata in ay dhex ordayaan dooxato calooshood u shaqeysatayaal ah” Ayey tiri Sucdi, waxeyna intaasi ku dartay in ay jireen Soomaali ka soo safartay Gobolo Talyaaniga ka tirsan si ay uga qeybgalaan kulanka Jaaliyada iyo Guddoomiyaha.
“Waa yaabanahay ilaa hadda safaaradii wax jawaab ah nama siin, waxaan u maleynayaa meel bey wax ka guracan yihiin; Jaaliyadu waa dhaarsanaayeen waxey doonayeen Guddoomiyaha Xamar in ay wax ka weydiiyaan ammaanka caasimadda” Ayey tiri Sucdi.
Garoowe (Caasimada Online) – Mid ka mid ah beelaha ku dhaqan deegannada Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay qaban doonaan dibad-bax looga soo horjeedo madaxweynaha maamulkaas Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaddib markii sidda ay sheegeyn uu ku sameeyay takoor.
Cabdullaahi Cosoble Maxamed oo ka mid ah beesha Madhibaan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulka Puntland in uu ku xad-gudbay beeshooda kuwaasoo xittaa aan wax xildhibaan ku lahayn baarlamaanka maamulka Puntland.
Wuxuu tilmaamay in dhowr jeer ay madaxweynaha Puntland u sheegeyn in uu ka joojiyo takoorka uu ku hayo beeshooda oo ka mid ah beellaha deggan Puntland.
Ugu dambeyn wuxuu xusay in maalinta berri ah ay qaban doonaan isku soo bax looga soo horjeedo takoorka beesha Madhibaan uu ku hayo madaxweynaha Puntland kuwaasoo ka dhicin doono magaalooyinka waaweyn ee Puntland, sidda Garoowe iyo Boosaaso.
Waa markii ugu horeysay oo mid ka mid ah beelaha deggan Puntland ay ku eedeyso madaxweyne Gaaso in uu ku dhaqaaqay takoor iyo in ay ka mid noqto dowladiisa.
Ma jirto ilaa hadda wax jawaab ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan eedeenta loo joojiyay madaxweyne Gaas oo xilka qabtay horaantii sannadkan.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay qaar ka mid ah Saraakiisha Militeriga Dowlada Federaalka ayaa sheegaysa in Taliyaha Ciidamada Xooga Gen. Indha-qarshe uu amar ku bixiyay in duulaan hub ka dhigis ah lagu sameeyo Ciidamada Barre Hiiraale ee ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo.
Amarka taliyaha ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey, kadib kullan uu la qaatay ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo doonaya in Barre Hiiraale hubka laga dhigo, lana soo qabto.
Taliyaha ayaa waxa uu amar ku bixiyay in Ciidamada DF ee Jubooyinka jooga ay Hub ka dhigis ku sameeyan Barre Hiiraale oo xarumo ciidan ka sameystay Duleedka Magaalada Kismaayo, gaar ahaan Deegaanka Goobweyn oo 11 km ka baxsan Magaalada Kismaayo.
Saraakiisha Amarkaasi la siiyay ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu kamid yahay Gen Yuusuf Xuseen Dhuumal, waxaana la filayaa in duulaankaasi ay ka qeybqaadan doonaan Ciidamada AMISOM ee Kismaayo.
Lama Oga xiliga iyo goorta uu dhacaayo weerarka hub ka dhigista ah oo ay sameynayaan Saraakiisha DF ee Jubooyinka jooga, inkastoo ilo wareedka ay sheegayaan in Saraakiil ay ka bixi doonaan Magaalada Muqdisho si ay u hogaamiyaan Dagaalka lagu qaadayo Barre Hiiraale iyo Ciidamadiisa.
Ra’iisul wasaare Cabdi Weli oo saaxib dhow la ah Axmed Madoobe, ayaa arrintan doonaya si uu Axmed Madoobe si toos ah ugu gacan geliyo gobollada Jubbooyinka.
CABASHO KA DHAN FAROGELINTA R/WASAARE CABDIWALI SHIIKH IYO MAAMULKA PUNTLAND
Beesha Tanade Daarood (Leelkase), kaddib markay:
a) U kuurgaleen farogelinta iyo carqaladaynta qaawan ee R/Wasaare Cabdiwali Shiikh iyo Madaxwayne Cabdiwali Gaas ay ku hayaan arrimaha maamul-u-samaynta gobollada Mudug iyo Galgaduud;
b) Arkeen farogalinta siyaasiyiin iyo odayaasha beelaha Majeerteen ay ku hayaan hawlaha maamul y samaynta Gobolada Dhexe iyo carqaladaynta magacaabista Guddiga Farsamada;
c) Beeshu qiimaysay hadalkii eexda iyo qabyaalada xambaarsanaa ee R/Wasaare Cabdiwali Shiikh shalay ka jeediyay idaacada Radio Muqdisho
e) Arkeen siyaasiin dhuuni raac ah oo u dhashay Gobolada Dhexe kuwaasoo laga dhigtay jaranjaro lagu dhibaateeyo danaha iyo deegaanada Gobolada Dhexe.
Sidaasi darteed anagoo ku hadlayna magaca guud ahaan beelaha Tanade Daarood ee ka soo jeeda Gobolada Dhexe, waxaan soo saarnay qodobada soo socda:-
1. Waxaan ka dalbanaynaa R/Wasaare Cabdiwali Shiikh inuu faraha kala baxo hawlaha loo igmaday Wasaradda Arrimaha Gudaha, Maamulada ka jira Gobolada Dhexe iyo carqaladaynta magacaabista Guddiga Farsamo.
2. Waxaan si adag digniin ugu diraynaa R/Wasaare Cabdiwali Shiikh, Maamulka Garoowe iyo siyaasiyiinta kalaba, inay faraha la soo galaan arimaha maamul u samaynta Gobolada Dhexe, sida ku cad Qodobka 11, Qodobka 12, Qodobka 46, Qaybta 1aad iyo 2aad, Qodobka 48, Qaybta 2aad ee Dastuurka Dawladda Fadaraaliga ah.
3. Haddii R/Wasaraare Cabdiwali Shiikh iyo xulufadiisu aysan faraha kala bixin arrimaha maamul-u-samaynta Gobolada Dhexe wuxuu u horseedi doonaa kacdoon ay beelaha degan Mudug iyo Galgaduud ay kalsoonida kala noqdaan Dawladda Fadaraalka ah, taasoo isla markiiba ku fashilantay hawlihii loo igmaday.
4. Waxaanu si adag digniin ugu diraynaa beelaha, siyaasiyiinta iyo dagaal oogayaasha ku nool Garoowe inay faraha la soo galaan arrimaha magaalada Galdogob iyo guud ahaan maamu-u-samaynta Gobolada Dhexe;
5. Waxaana u sheegaynaa R/Wasaare Cabdiwali Shiikh iyo xulufadiisa intii uu ku mashquuli lahaa hawlaha maamul-u-samaynta Gobolasa Dhexe inuu culayska saaro dadka ka soo jeeda beeshiisa oo 24 sano ku dhibaataysan gobollada Jubbuyinka iyo Gedo.
6. Waxaanu ku baaqaynaa in R/Wasaare Cabdiwali Shiikh iyo xulufadiisu ay si cad u cadeeyaan sababta maamulka Mudug iyo Galgaduud u diidan yihiin.
7. Waxaanu R/Wasaaraha Dawladda Fadaraalka ah ka dalbaynaynaa inuu dhaxdhaxaad ka noqdo arrimaha dhex-yaala beelaha Soomaaliyeed isla markaasna la sameeyo guddi dhex-dhaxaadin iyo xaqiiqo sheegis dib-u-heshiisin dhab ah looga dhex sameeyo guud ahaan beelaha Soomaaliyed ee daga Gobollada Dhexe.
8. Waxaanu markale ka dalbaynayaa R/Wasaare Cabdiwali Shiikh in uusan ku khaldamin carqalaynta arrimaha maamul-u-samaynta Gobolada Dhexe iyo tan beesha Tanade (Leelkase), isla markaasna inuu si buuxda u taageero hawlaha maamul-u-samaynta Gobollada Dhexe, kaas oo ay saxiixeen madaxdii ka horeysay.
9. Ugu danbayntii waxaanu si buuxda u taageersanahay maamul-u-samaynta gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana ummadda Soomaaliyeed ugu yeeraynaa in qof kasta lagu ixtiraamo deegaanka uu asal ahaan u degan yahay, lana dhowro xaquuqda, sharafta, midnimada, xasiloonida, nabadgelyada, wada-noolaanshada dhammaan beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Markii uu kulanka soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo danjire Kay
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in arrimaha Somaliland ay kala hadleyn danjire Kay ay ahaayeen kuwa si fiican la isku afgartay, wuxuuna intaas ku daray in ay kala hadleyn ictiraafka Somalialnd ay raadineyso iyo in dib UNSOM xafiiskeeda ay uga furato magaalada Hargeysa.
Wararka ayaa sheegaya in Kay uu si cad Somaliland ugu sheegay in caalamka uusan hadda diyaar u ahayn aqoonsi Somaliland.
Kay ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirka arrimaha dibedda Somaliland uu kala hadlay siddii loo xoojin lahaa xiriirka UNSOM iyo Somaliland iyo xilliga la filaayo UNSOM in ay xafiis ka furato Somaliland.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Somaliland ay kala hadleyn siddii ay qeyb uga qaadan lahayd barnaamijka New Deal oo aan weli laga hirgalin Somaliland isagoona tilmaamay in dib u dhaca arrintan ku timid ay sabab u tahay Somaliland oo qaadacday in ay la shaqeyso xafiiskiisa oo wakiil ah gobalka oo dhan.
Danjire Kay ayaa labadii cisho ee uu joogay Hargeysa wuxuu la kulmay labada golle Somaliland, golaha guurtida iyo kan wakiilada sidoo kale wuxuu la kulmay hey’addaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya Somaliland sidda uu ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa.
Waa markii labaad oo danjire Kay uu yimaado magaalada Hargeysa tan iyo markii la yagleelay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya sannadkii hore.
Muqdisho (Caasimada Online) – Qeyla dhaan ka soo yeertay Madaxda iyo Saraakiisha Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur-Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia ay qas ka dhex wadaan dadka dega Magaalada Baydhaba.
Qeyla dhaanta ayaa waxaa looga soo horjeedaa waxa loogu yeeray Fidno ay hurinayaan Wasiirada iyo Xildhibaanada, kuwaasi oo iyagu la sheegay in marba qeyb ay kicinayaan, qaarna ay xirayaan, balse aan la garaneynin danta ay ka leeyihiin.
C/llaahi Maxa’ed waxa uu Tilmaamay in Wafdiga DF ka socda ee Magaalada Baydhaba ku sugan ay amar ku bixiyeen in la xir-xiro gabi ahaan shaqsiyaadka taageersan Maamulka Lixda Gobol, sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna intaa raaciyay in Arrintaasi ay sababtay xariga Tobaneeyo Nabadoon oo lagala soo dhex baxay Hoteelada iyo guryaha ku yaalla Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale, Waxa uu sheegay in Taargeet-ka uu iyagu yahay, waxa uuna Dowlada Federaalka ugu baaqay inay cadeyso in Ujeedka ay Wafdiga usoo direen uu yahay dhibaateynta Waxgaradka iyo shacabka iyo in Ujeedku yahay xalinta khilaafaadka.
“Wafdiga Dowladu waxa ay u joogaan Baydhabo fidno iyo kala fogeyn, maalmo ka hor Magaalada Baydhobo way deganayd Xaaladeeda xiligaani wey kacsan tahay waxaana qasaayo Wafdiga DF ka jooga Baydhabo’’ Sidaa waxaa yiri C/llaahi Maxa’ed
Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa ‘’DF xal ayay u aragtay in Colaado ay ka dhex abuurto Maamulada Lixda iyo Seddexda, balse iyada ayaa dhabarka saaran doonto natiijada kasoo baxda’’
Dhanka kale, C/llaahi Maxa’ed wuxuu sheegay in Maamulka Lixda Gobol Dadaal uu sameeyay oo ay soo daayen Odayaashii laga xiray oo marti u ahaa Maamulka Koonfur Galbeed, balse ay uga baahan yihiin in DF ay ka jawaab bixiso sababta dambi la’aanta loo xiray Odayaashii lagala soo baxay Hoteelada.