28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Puntland oo diiddan in Xamar ay tahay caasimada SOMALIA iyo qodobo kale

Garoowe (Caasimada Online) – Magaaalada Garoowe waxaa maanta oo Talaado la filayaa in ay ka soo baxaan 11-qoddob kuwaasoo ka soo baxay kulan labadii cisho ee la soo dhaafay Garoowe ay ku yeesheen, madaxweynaha maamulka Puntland, ku-xigeenkiisa iyo xildhibaannada ka soo jeeda deegananda Puntland ee ka midka ah baarlamaanka Soomaaliya.

Sidda aan wararku ku helnay kulanka labada gees ayaa looga hadlay go’aankii dhawaan maamulka Puntland ay xiriirka ugu jartay dowladda federaalka Soomaaliya kaddib markii xarunta Villa Somalia uu ka dhacay heshiis lagu yagleelaayo maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, in xildhibaannada tagay Garoowe in ay soo dhaweeyeen go’aanka maamulka Puntland ay xiriirka ugu jartay dowladda dhexe, waxaana maanta si rasmi ah loo shaacin doonaa qoddobada ka soo baxay kulanka labada cisho ka socoday xarunta madaxtooyda Garoowe.

Qaar ka mid ah qoddobada ka soo baxay kulanka waxaa ka mid ah:-

1-    In Puntland ay ku adkeysato go’aanka ay xiriirka ugu jartay dowladda dhexe iyo in aysan aqoonsan heshiiska lagu gaaray Muqdisho ee ah dhismaha maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

2-    In Puntland ay qaadacdo deeqaha waxbarasho iyo midda bini’aadinimo ee lagu soo qaado magaca Soomaaliya taasoo ay qeyb ka tahay Puntland iyo gobalada kale.

3-    In Puntland aysan dastuuri u arag in caasimada Soomaaliya ay tahay Muqdisho.

Si kastaba, waxaa muuqata in Puntland ay ku dhaqaaqeyso tallaabo uusan sharciga dalka u oggoleyn iyadoo noqotay caqabad ballaaran oo heysta Soomaaliya sidda ay lee yihiin xeel-dheerayaasha siyaasadda.

Axaddii ayey ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Key uu ka sheegay Garoowe in uu soo celin doono xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo dowladda fedaralka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected] 

SAWIRRO: Askartii Axmed Madoobe oo u gacan galay COL. BARRE HIIRAALE

Kismaayo (Caasimada Online) – Labatameeyo askari oo ka soo goystay Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa ku biiray Xoogaga Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), oo ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadaan waxaa Isniintii lagu soo bandhigay Xerada Ciidanka ee Sabca Ashraaf, halkaa oo ay kula hadleen Saraakiil ka tirsan garabka Korneyl Barre Aadan Shire.

Qoraal uu soo saaray Barre Hiiraale, ayaa waxaa lagu sheegay in askartaan lagu soo tababaray Xerada Militariga Kamanga ee dalka Kenya, waxayna tallaabada ay isugu soo dhiibeen Barre Hiiraale ka dambeysay, markii ay si xun ula dhaqmeen Ciidamada Kenya.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in askartaan ay si iskood ah isugu soo dhiibeen Barre Hiiraale, xilli ay wateen dareyskooda iyo hubkoodiiba.

Barre Aadan Shire, ayaa sheegaaya in ay si diiran u soo dhaweeyeen askartaan, isla-markaana uu ku bogaadinaayo inay garteen hagardaamada Ciidamada Kenya, oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Korneyl Barre Hiiraale, ayaa sanadkii hore dagaal looga soo saaray Magaalada Kismaayo, markii Ciidamada Kenya ay la safteen Xoogaga Axmed Madoobe, xilli ay ku wada dagaalamayeen Kismaayo.

ju1ju2ju3ju4ju5ju6ju7ju8

Isha: Dhacdo.com

Daawo: Sheekh SUDAYSA oo ka hadlay arrin aan looga barran oo muhiim ah

0

Makkah (Caasimada Onine) – Sheekh Cabdi raxmaan Sudeysa, Imaamka Xaramka ayaa khudbadii Jimcaha waxaa uu aad uga hadlay arrin inta badan soo hadal qaadin oo ah siyaasadaha cusub iyo kooxaha Islaamiyiinta caalamka.

Sheekh Sudeysa ayaa ka hadlay khatarta iyo Fasaadka Khawaarijta ay ka wadaan Caalamka Islaamka, waxaana uu aad uga digay dhalinta khayrka jecal in aysan ku kadsoomin beenta iyo hadalka macaan oo ay Khawaarijta ka dhigtaan dabin ay ku dabtaan dhalinta aan diinta wax badan ka aqoon, si ay danahooda ugu fushaan.

Dhibaatada ay kooxaha Khawaarijta ka wadaan dunida Muslinka iyo daadinta dhiiga Islaamka waxaa kugu filan wax ka socda Caalmka Islaamka gaar ahaan Shaam, sida uu soo hadal qaaday Sheekha.

Sheekh C/raxmaan Sudeysa, ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay xasuuqa iyo dulmiga ay Yahuudu ka wado Gaza, waxaana uu wax lala yaabo ku sheegay aamuska madaxda dowladaha Islaamka iyo munudamaanka ku wardiya xuquuqda Insanka.

Sheekh C/raxmaan Sudeysa ayaa waxaa kale oo uu umada Islaamka uga digay khilaafka iyo kooxeysiga wiiqay awoodoodii. Sheekh C/raxmaan Sudeysa ayaa sidoo kale u duceeyey dhamaan muslimiinta gaar ahaana waxaa u uduceeeyey muslimiinta Falastiin ee Gaza iyo Muslimiinta Shaam (Suuriya).

Hoos ka Daawo Khudbadii الشيخ عبدالرحمن بن عبدالعزيز السديس uu ka jeediyey Jimcihii la soo dhaafay Khatarta Khawaarijta

KAY oo qasbay CABDI Weli GAAS taasi oo keentay inuu ku dhowaaqo arrin…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay mar kale inay diyaar u yihiin wada-hadal ay la galaan dowladda faderaalka, kadib markii uu cadaadiyey Nicholas Kay.

Gaas waxuu sheegay Puntland inay mar walba u taagan tahay sidii Soomaalida umidoobi lahaayeen, waxuuna inta ku daray inay aqbalayan qorsha ay Qaramada Midoobay ku doonayoso xalinta khilafka kala dhexeya faderaalka.

“Nicholas Key waxa uu noo sheegay in uu rabo in uu dhiso Buundo u dhaxaysa Dowladda Puntland iyo Fadaralka,waxaan leenahay anagu diyaar baanu u nahay in la dhiso buundadaasi laakin cid waxaa jirta iyadu dube u haysata in buundadaasi dumiso waxa laraba marka in iyaga aad u sheegto in Puntland ogolatay in buundadasi la dhise war idinku ka daaya dubaha ku dheh” ayuu yiri Gaas.

Gaasdhowr mar oo hore waxuu sheegay Puntland inay diyara u yihiin xalinta khilafka kala dhexeya dowladda faderaalka ee u hoggaamiyo, madaxweyne Xasan.

Balse majirin wax jawaab ah oo hadallada Gaas ay ka bixiyeen madaxda faderaalka,xilligan wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu wado dhismaha jid labada dhinac lugu hadal siinayo.

Nicholas Key ayaa Puntland ku sheegay inay muhiim u tahay jiritanka Soomaaliya, maadaama ay wali ka shaqeynayso isku keenida dhinacyada Soomaalida.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen faderaalka, kaddib markii Muqdisho lugu dhisay maamulka gobollada Mudug iyo Galgaduud oo ay Puntland ka soo horjeesatay, inkasto hadda laga qanciyey sida uu maamulka noqon doono.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

XOG: C/WELI oo looga yeeray ETHIOPIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay Villa Somalia, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Dowlada Federaalka C/weli Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo ay u ambabixi doonaan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, dhowaan.

Ilo-wareed ka tirsan Villa Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Socdaalka Ra’isul wasaaraha uu salka ku haayo la tashiyo dhanka Ammaanka ah iyo in R/wasaaraha uu ka warbixiyo Magacaabista  xubnihii lagu soo biiriyay Dowlada.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in Ra’isul wasaaraha uu kulan la qaadan doono Dhigiisa Dalka Ethiopia, Madxaweynaha iyo Wasiiro ay kamid yihiin Dhaqaalaha, Gaashaandhiga.

Si rasmi ah looma shaacin inta maalin oo uu Ra’isul wasaaraha kusii nagaan doono Magaalada Addis Ababa, balse warar ayaa sheegaya inuu halkaasi ku sugnaan doono muddo Seddex maalin.

Dowlada Ethiopia ayaa saameyn wey ku dhex leh Dalka Somalia, waxaana jiro Siyaasiyiin iyagu in badan la soo shaqeeyay Dowlada Ethiopia oo iminkana xubno ka ah Dowlada Federaalka.

Dhanka kale, Socdaalka Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa qeyb ka noqon doono Saraakiil kasoo Jeeda Dalka Ethiopia oo ku sugan Villa Somalia, Xarunta xalane, iyadoona la filaayo inuu horay usii raaci doono Xeer ilaaliyaha Cusub ee dhawaan la magacaabay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Taliyaha cusub ee booliska DF oo wax aysan fileyn ku sameeyey ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada Boliska Dowlada Federaalka Somalia, ayaa Caasimada Online sheegaya in Taliyaha Cusub ee Ciidamada Boliska Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil uu is hortaagay bixinta mushaaraadka Ciidamada.

Ilo-wareedka ayaa sheegaya in Taliyaha uusan bixin Mushaaraadka Ciidamada bisha lagu jiro, waxaana la Tilmaamayaa in Taliyaha iyo Saraakiisha ay qaati kala taagan yihiin, kadib markii Taliyahaani Cusub uu caqabad ku noqday xuquuqda Ciidamada, halka Taliyihii hore uu fududeyn jiray Mushaaraadka.

Sidoo kale, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa la sheegayaa inuu dhimis %50 ku sameyn doono Mushaaraadka Ciidamada ay qaadanayaan, waxa ayna arrintaasi noqoneysaa mid kala didin karta Ciidamada Boliska ee Howlgalada xili waliba kawada Wadooyinka Magaalada, mana jirto cid illaa iyo iminka ka hadashay faragalinta uu Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil durbaba ku sameeyay Nidaamka Booliiska.

Dhanka kale, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa waxaa lagu sheegaa inuu yahay Taliye aad u adag, islamarkaana aan ku fiicneyn dhanka la tacaamulka Ciidamada iyo Saraakiisha har iyo habeen taagan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muxuu yahay mowqfika BFS ee hub ka dhigista dadka deggan MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka kulankiisa ahaa 17kii Agoosto 2014 wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka dhegeystay warbixin ku saabsan hawlgalada xakameynta hubka iyo sidoo kale siyaasadda ay Xukuumaddu ka dejisay xakameynta hubka, Waxaa kulankan kasoo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo ay wehliyaan Ku-xigeenka R/Wasaaraha, Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Ganacsiga,Warshadaha iyo Wasiirka Hiddaha iyoTacliinta Sare. Wuxuu Guddigu kulan u gaar ah qabsaday 18th Agoosto, fadhigan oo uu si qota dheer ugu falanqeeyey kana baaraandegey warbixinta Xukuumadda iyo warcelinta weydiimaha xildhibaanada iyo xubnaha xukuumaddu is dhaafsadeen.

Guddiga Joogtada ah wuxuu mabda’ ahaan ayidsan yahay in la xakameeyo hubka, ayna ka mid tahay waajibaadka uu Golaha Shacabku u xilsaartay Xukuumadda.

Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku xusuusinayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay Xukuumadu awood buuxda u leedahay suggida amniga sida uu qabo Qodobka 99aad faqradda (f) ee Dastuurka.

Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku hoosta ka xariiqayaa waajibka saaran Xukuumadda Federaalka badbaadinta iyo amniga shacabka sida uu qabo Qodobka 126 faqradda 1aad oo sheegaysa:-

“Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo badbaadinta shacbigeeda, iyadoo la adeegsanaayo adeegyada ciidammada amniga”

Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka usoo jeedinayaa inay Xukuumadu hubiso la xisaabtanka laamaha amniga iyadoo xaqiijinaysa sareynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadweynaha si waafaqsan faritaanka Dastuurka ee qeexaya mabd’a ah inay hay’adaha rayidka ahi kormeeraan  hay’adaha amniga ee hubka sita sida uu qabo Qodobka 126aad faqrada 6aad ee Dastuurka.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka wuxuu Xukuumadda xusuusinaya in Dastuurka Jumhuriyaddu si adag u xaqiijiyey Xurmada Hoyga iyadoo uu si cad ugu qeexayo Qodobka 19aad faqradda 1aad: “in Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah la geli karin, la baari karin, lana basaasi karin amar garsoore oo sababaysan la’aantiis”. Sidaas awgeed, wuxuu Guddiga Joogtada ah kula talinayaa in hawlgalada xakameynta hubka ay iska kaashadaan laamaha amniga, xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Laanta Garsoorka dalka.

Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku u soo jeedinayaa Xukuumadda inay dalka oo dhan ku baahiso fulinta siyaasadeeda xakameynta hubka si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Si ay u suurtogasho in siyaasadda Xukuumadu loogu rogo sharci dalka u yaala, wuxuu Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabku u soo jeedineynaa xukuumadda inay si degdeg ah u soo gudbiso hindise sharci ah oo ku saabsan Xakameynta Hubka.

Si loo xaqiijiyo ilaalinta xoriyadda saxaafadda si waafaqsan Qodobka 18aad ee Dastuurka, wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku u soo jeedinayaa Xukuumadda inay degdeg ugu soo gudbiso Golaha Shacabka hindise sharci ah oo lagu maareeyo Warbaahinta dalka.

In Dhammaan Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa amnigaba la siiyo tababarro ku saabsan arrimaha xuquuqda Aadanaha iyo ilaalinta xasaanadda, amar adagna lagu siiyo inaysan ku xadgudbin xuquuqda aadanaha iyo hantida muwaadiniinta iyo dadka kale ee dalka deggan, sida uu faraayo Qodobka 127 Faqradda (f) ee Dastuurka iyo xurmaynta xasaanadda xildhibaanada.

Ugu dambayn Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha waxa ay dhammaan xildhibaanada Qaranka ka codsanayaan iney gacan ku siiyaan Ciidammada Ammaanka gudashada waajibaadkooda Qaran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo sawirrada arrin naxdin iyo yaab abuurtay oo ka dhacday HARGEYSA !!!

Hargeysa (Caasimada Online) – Shacabka magaalada Hargeysa ayaa ku tilmaamay dhacdo uur ku taalo badan, kadib markii Labo wiil oo dhalinyaro ah ay isku dal-daleen labo meel oo kala duwan oo duleedka Hargeysa ah.

Dad shacab ah ayaa kusoo toosay subaxnimadii Isniinta, meydadka Labadan wiil oo midba gooni geed iska soo laalaadiyay, waxayna noqotay dhacdo xanuun badan oo lala yaabay. Lama garanayo sababta dhabta ah ee wiilashan nafsatood u haligay, mana jirto war cad oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Meydadka labadan wiil ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, si baaritaan loogu sameeyo.

Dhacdooyinkan ayaan aheyn kuwo ugub ah, balse horay ayaa sidan oo kale ay ugu dhaceen magaalada Hargeysa, iyadoo sanadkii hore labo kiis oo kuwan oo kale ah uu ka dhacay.

is-daldal

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

GAAS oo MADAXWEYNE XASAN la meel dhiggay AUN Maxamed SIYAAD BARRE

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dadka Soomaaliyeed uga digay in aysan ku kadsoomin wax uu ugu ku sheegay hoggaan la mid ah kii kacaankii ee uu madaxweynaha ka ahaa allaha ha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweyne Gaas oo ku hadlaayay luuqada Ingiriis56ka isagoo ka hadlaayay xaflad lagu xusaayay sannad-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay oo lagu qabtay Garoowe, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay kala gartaan dadka hoggaaminaya iyo qorshaha ay lee yihiin, wuxuuna sheegay in ay qalad tahay in la taageero hoggaan la mid ah kii millitariga ee Maxamed Siyaad Barre.

Wuxuu sheegay oo kale in aysan jirin cid lagu qasbi karo wax aaney rabin.

Hadalkaas ayaa u muuqda mid uu ku weerarraayay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, maadama maamulkiisa iyo dowladda fedaraalka uu xumaaday xiriirkooda wixii ka dambeeyay markii la saxiixay heshiis lagu dhisaayo maamul ay ku mideesan yihiin gobolada dhexe.

Puntland ayaa u muuqata caqabad markasta hor taagan dowladda kasta oo Soomaaliya ay yeelato maadama ay dooneyso in ay ka awood badato maamul gobaleedyada aasgeed ee ka dhisan dalka.

Sidda ay aamisan yihiin dad badan, dowladda Soomaaliya ayaa looga baahan yahay in ay la timaado siyaasad cad oo ay kula dhaqanto awooda dheeriga ah ee maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

DF oo ballan qaaday soo deynta wariye Soomaali ah oo ku xiran Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ballan qaaday in uu booqon doono xabsiga uu ku xiran yahay wariye Maxamed Aweys Muudeey oo loo yaqaano Boqorka Bartamaha kaasoo muddo dhowr bilan si caddaalad darro ah ugu xiran xukuumadda Addis Ababa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in uu maanta oo Talaado u socdo dalka Itoobiya isagoona tilmaamay in uu xukuumadda Addis Ababa uu kala hadli doono xarrigga wariye Boqorka Bartamaha oo ku dhibaateysan xabsi Addis Ababa ku yaalla.

Hadalkan ayuu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ka sheegay markii uu habeenkii xaley xafiiskiisa kula kulmay qaar ka mid ah madaxda warbaahinta maxalliga ah, kaasoo uu kala hadlay siddii ay dowladda iyo warbaahinta u xoojin lahaayeen wadashaqeynta ka dhexeysa.

Wariye Maxamed Aweys Muudeey ayaa ka cararay magaalada Muqdisho kaddib markii ay kordheen beegsiga suxufiyiinta, wuxuuna u tahay dalka Itoobiya siddii uu nafsadiisa ugu badbaadin lahaa.

Wariyaha ayaa ka mid ahaa Soomaali badan oo lagu xiray xaafadda A Bole oo ku dhow garoonka diyaaradaha Addis Ababa halkaasoo uu ka dhacay qarax fashilmay oo la rabay in lagu qaado garoon kubadda cagta oo ay ku cayaarayeen xulka qaranka Itoobiya iyo koox kale.

Wariyaha ayaa lagu soo qabtay howgal ka dhacay xaafadda uu qaraxa ka dhacay oo ay ku dhinteyn labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen kuwii qaraxa diyaarinayay.

Ma jirto cid ilaa hadda arrinta xarriga wariye Boqorka Bartamaha wax ka qabtay, waxaana uu ka mid yahay suxufiyiin fara badan oo si xaq-daran ugu xiran xukuumadda Addis Ababa.

Dalka Itoobiya ayaa ka mid ah waddamada lagu dhibaateeyo suxufiyiinta caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

C/Weli oo qiil yaab leh u yeelay hub ka dhigista XAMAR “Villa Somalia ayaa…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa cudur daar yaab leh u sameystay hub ka dhigista reer Muqdisho.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in hubkii lagu soo weerarray xarumaha baarlamaanka iyo madaxtooyada ay ahaayeen kuwa laga keenay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in howgallada ka dhacay magaalada Muqdisho dhowrkii cisho ee la soo dhaafay aaney ahayn kuwa hub ka dhigis guud ah ee uu ahaa howgallo kooban oo lagu bartilmaameesanaayay goobo gaar ah oo loo arkay in ay khatar ku yihiin ammaanka Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay in uu jiray xog ay heleyn hey’addaha ammaanka kaasoo la xiriirta weerarro xooggan oo la rabay in Muqdisho laga fuliyo, balse laga hortagay sida uu yiri.

Dhinaca kale, ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi u magacaabay soo baara weerarkii 15-kii bishan lagu qaaday gurri uu lee yahay guddmooyihihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci).

Wuxuu ku celcliyay guddigaas in laga rabo in ay xog dhammeestiran ka keenaan sidda uu u dhacay howgalka, cidda fulisay iyo wax yaabaha qaladka ah ee dhacay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku amray wasiirka ammaanka qaranka in uu caddeeymo buuxa oo ku aadan howgalkii Wadajir in uu u soo gudbiyo golaha wasiiradda xukuumadiisa.

Raysal wasaaraha ayaa ugu baaqay ururada bulshadda in ay xukuumadda ku gacan siiyaan ammaanka magaalada Muqdisho si nabadgalyo iyo ammaanka ay u noqoto caasimada.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa u muuqda mid shaki galinaya in howgalkii lagu qaaday gurriga Axmed Daaci uu ahaa mid madaxda dowladda aaney ka warqabin ama aaney taageersaneyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ujeeddada KAY uu u tagay HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maanta oo Isniin ah ka dagay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire Nichalas Key.

Key ayaa ka soo kicitamay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland oo shaley lagu qabtay xaflad lagu xusaayay sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii la dhisay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM.

Wariye ka tirsan Caasimada Online ee ku sugan Hargeysa ayaa soo sheegay in uu danjire Key uu la kulmay madax ka tirsan maamulka Somaliland.

Danjire Key ayaa garoonka diyaaradaha Hargeysa waxaa ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland,Mowliid Maxamed Ibraahim, waxaana markii dambe uu la hadlay saxaafadda.

Wasiir ku xigeenka ayaa ka warbixiyay xiriirka UNSOM iyo Somaliland gaar ahaan isooga u kala qeybiyay labo qeyb oo kala ah siyaasadda iyo bini’aadinimada, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in ay la shaqeeyaan xafiiska bini’aadinimada.

Sidoo kale wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Somaliland ayaa tilmamaay in ay ku rajo weyn yihiin in uu sii xoogeysto xiriirka labada dhinac.

Geesta kale, Danjire Nichalas Key ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu markii labaad soo booqdo Hargeysa isagoona tilmaamay in uu saakay si nabadgalyo leh uu uga soo kicitamay magaalada Hargeysa isla markaana uu maalin joogi doono Hargeysa, isagoona la kulmay madaxweyne Siilaanyo, wasiirada maamulkiisa iyo hey’adda QM ee ka shaqeeya Somaliland.

Sida qorsha uu yahay, maalinta berri ah ayaa la filayaa in uu danjire Key uu la kulmo madxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Booqashada Ambassador Key ayaa timid markii casuumaad ay u fidisay xukuumadda Somaliland dhawaan waxaana la filayaa inta uu joogo in uu la kulmo hey’addaha QM ee ka shaqeeya Somaliland si uu qiimeeyo howlaha ay halkan ka hayaan.

Xiriirka UNSOM iyo Somaliland ayaa xumaaday bartamihii sannadkii hore markii Somaliland ay qaadacday in ay la shaqeyso xafiiska UNSOM.

Ma cadda cidda tanaasul muujisay ee ku aadan mowqifkii ay kal horre taagneed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

XOG: DF Somalia oo siyaasad cajiib ah gool uga dhalisay Puntland iyo S/LAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa cayaartay siyaasad cusub oo cajiib ah, taasi oo ay kaga adkaaneyso maamulada Somaliland iyo Puntland, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka ay tahay maskaxda ka dambeysa in Cali Khaliif Galayr uu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State.

“Galayr iyo dowladda waa ay is og yihiin, ayadaa halkan ka dirtay, dhaqaale bandanna siisay, si loo dhiso maamulka Khaatumo State, taasi oo lagu wiiqayo awoodaha maamulada Somaliland iyo Puntland” waxaa sidaas yiri qof xog ogaal ah oo ku sugan Villa Somalia, oo Caasimada Online la hadlay.

Waxa uu sheegay in inkasta oo maamulka Khaatumo uu horey u jiray, haddana madaxweynenimada Galayr ee maamulkaas ay miisaan culus ku dareyso maamulka, ayna tahay arrin ay dowladda dooneysay.

Maamulka Khaatumo State, ayaa ka kooban gobollada Sool iyo Sanaag, oo ay Somaliland iyo Puntland labada sheegtaan.

Xogta Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in beesha caalamka ay sidoo kale qorshahan la ogtahay dowladda federaalka, islamarkaana la filayo in dhowaan ay dowladda aqoonsato Khaatumo State, caalamkuna uu taageeri doono.

Waxa ay tani ka dhigi doonaa in maamulka Somaliland kusoo koobmo saddex gobol, halka Puntland uu noqon doono kaliya laba gobol, maadaama horey Mudug loo raaciyey Gal-Gaduud.

Aqoonsiga DF iyo beesha caalamka ee Khaatumo State, ayaa sidoo kale suurta gelin doona in Somaliland iyo Puntland ay joojiyaan gardarrada ka dhanka ah dadka Sool iyo Sanaag iyo ku dagaalanka dhulkooda, haddii kalena ay wajihi doonaan cadaadis caalami ah.

Waa guul usoo hoyatay reer Khaatumo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciidamada nabad-sugidda oo weeraray hogaamiye ka tirsan Burcad-badeedda & hub lagu qabtay gurigiisa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya oo weheshanaayay kuwa AMISOM ayaa waxa ay weerar ku qaadeen Hooy uu Magaalada Muqdisho ka degan  yahay Hoggaamiye ka tirsanaa Burcad-badeeda Somalia.

Hogaamiyahaani ay Ciidamada Nabadsugida ku weerareen Hooygiisa, ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Gafaaje.

Howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir, waxaana guriga Hogaamiyahaasi lagu soo qabtay Hub farabadan oo u badnaa Daba-jeexyo ay ku weerari jireen Maraakiibta ay afduubka u geysanayeen.

Saraakiisha Ammaanka ee hogaaminaayay Howlgalka ayaa inoo xaqiijiyay in Hooyga Maxamed Cabdi Gafaaje  ay kusoo qabteen 15 Xubnood oo ka tirsanaa Istaafkiisa iyo Hub, Gaadiid dagaal.

Dhanka kale, Hogaamiyahaasi ayaa waxaa iminka lagu xiray Xabsi ku yaalla Madaxtooyada waxaana sidoo kale halkaasi lala geeyay Hubkii iyo Gaadiidkii lagu soo qabtay Hooygiisa.

Maxamed Cabdi Gafaaje oo deegaan ahaan ka soo jeeda Ximan iyo Xeeb ayaa waxa uu ahaa ku-xigeenkii  Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo Dalka Biljimka ku xiran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka safaaradda TURKEY-GA ee MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaarayo Agagaarka Safaarada Turkiga ee ku dhow Aargada L4 ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya inuu ka dhacay Qarax xoogan.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay inta u dhexeyso Laamiga Taleex illaa Saafarada Turkiga, waxa ayna wararka qaar sheegayaan in Qaraxa uu ka dhacay Hooy lagu diyaarinaayay Qaraxa oo u dhow Safaarada Turkiga ee ku taalla Isgooyska Lambe Afar ee Magaalada Muqdisho.

Warar kaasi Khilaafsan ayaa ku waramaaya in Qaraxa uu ahaa mid lagu soo riday Bac madoow oo halkaasi la dhigay, islamarkaana lagu Qarxiyay Rimuud, wallow uusan ka dhalan wax Khasaaro ah, sida ay wararku sheegayaan.

Agagaarka Safaarada Turkiga ayaa waxaa iminka buuxa Ciidamo farabadan kuwaasi oo la sheegay inay xaqiijinayaan Ammaanka, mana jirto cid ka hadashay Qaraxa.

Qaraxa ayaa noqonaaya kii labaad oo ka dhaca Magaalada Muqdisho tan iyo markii Wasaarada Amniga Qaranka loo magacaabay Khaliif Erag oo horay uga tirsanaan jiray Hay’adda Nabadsugida.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Indhacade oo hubkiisa kala baxay hoygiisa Muqdisho (Intee la geeyay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay Caasimada Online ka heshay Siyaasiyiin ku dhow-dhow General Yuusuf Siyaad Indha Cadde, ayaa sheegaya in Hubkii ku jiray Hooygiisa uu kala baxay.

Xogtu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in Yuusuf Indha Cadde uu hubkaasi oo ka kooban 11-Dabajeex, 31-AK 47, 7saban, 4-qoryaha loo yaqaan dhashiikaha iyo Miinooyinka lagu xiro qoryaha u dhiibtay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Erag iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Gen. Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarshe”.

Sidoo kale, Xogtu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in Yuusuf Indha Cadde la siiyay digniin ku aadan inuu Hubkiisa meeleysto, isagoona lagu wargaliyay inay kusoo wajahan yihiin Ciidamada Ammaanka oo qorsheynaaya inay Howlgalo ka sameyn doonaan Hooyga Indha Cadde.

Yuusuf Indha Cadde ayaa waxa uu Hubkaasi kala baxay Hooygiisa Taariikhdu marka ay aheyd 16.8.2014 xilli habeen aheyd, isagoona Hubkaasi u kala dhiibtay Labadaasi Mas’uul oo reer ahaan ay isku dhow yihiin.

Siyaasadani Cusub ee hoos iska taabashada ah ayaa waxa ay sababi kartaa in Colaado hor leh ay ka dhex dhaliso Beelaha Hawiye oo iyagu qaarkood guryaha lagu weeraray, halka kuwa kalane loogu baaqay inay Hubkooda xareystaan.

Lama Oga sida uu ku dhaqan gali doono Nidaamka Cusub ee Hub ka dhigista ah, waxaana arrintaasi dhaliilsan Beelaha Abgaal iyo Murusade.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DFS hal beel ayey ku naas-nuujineysaa SH/DHEXE (Beelo caddeymo keenay)

Jowhar (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa ka soo horjeestay guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobalkaas, Cali Guutlaawe.

Nabadoon Zakariye Maxamed Axmed oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xad-gudub weyn ku heyso beelaha deggan gobalka Shabeellaha Dhexe isagoona intaas ku daray in hal beel uun loo magaacabo guddoomiyaha gobalkaas.

Wuxuu tilmaamay afartii guddoomiye ee loo soo magacaabay gobalka Shabeellaha Dhexe in ay ka soo jeedaan hal qabiil ii haddana isku laf ah.

“Gobalka Shabeellaha Dhexe hal qabiil ayaa lagu naas-nuujiyaa, qabiiladda kale ee asalka ahna xaqooda waa lagu tuntay oo waxaa ka mid ah lixda jiito, Nuur Shirbow, Maxamed Dheere, Cabdi Jiinow iyo Cali Guutlaawe waa hal qabiil oo isku laf ah taas maa xaq ah”ayuu yiri nabadoonka.

Wuxuu arrin qaldan ku tilmaamay in uu madaxweynaha digreeto uun ku soo magacaabo qof aan ka dhalan gobalka Shabeellaha Dhexe sidda uu yiri.

Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in gobalka Shabeellaha Dhexe ay ka dhaceyn dagaallo sokeeye oo dad shacab ah lagu barakiciyay, waxaana mas’uul ka ahaa ayuu yiri guddoomiyihii hore iyo beesha uu ka dhashay.

Ugu dambeyn waxa uu madaxda dowladda ka codsaday in aysan ku xad-gudbin xuquuqda beelaha degga gobalka Shabeellaha dhexe isla markaana beesha Abgaal uun ay naas-nuujiyaan sidda uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, shaley oo Axad ahayd waxaa magaalada Johar ka dhacay kulan lagu taageeraayo guddoomiyaha cusub ee gobalka Shabeellaha Dhexe Cali Guutlaawe oo la sheegay in uu yahay nin beer iyo gurri ku leh magaalada Jowhar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Sanbalolshe iyo Indha-Qarshe oo ay ka tafan tahay + Xasan oo abtigiis u hiiliyey iyo Indha-Qarshe oo is-casilaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay wararku nagu soo garayaan waxaa Khilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Gen. Indha qarshe iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda C/llaahi Maxamed “San-bololshe”, oo abti u ah Xasan Sheekh.

Wararku waxa ay sheegayaan in Khilaafka uu ka dhashay kadib markii Madaxweyne Xassan iyo Agaasimaha Nabadsugida ay Taliyaha Ciidamada Xooga dalka ku cadaadiyeen inuu ka qeybqaato Weerarkii lagu qaadayay Maalinimadii jimcada Hooyga Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci.

Agaasimaha Hay’ada Nabadsugida San-baloolshe, ayaa la sheegayaa in markii Ciidamada Axmed Daaci ay ka awood roonaaden Ciidamada Nabadsugida uu Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka ku amray inuu Ciidamo gurmad ah u diro weerarka, hayeeshee Taliye Indha qarshe ayaa arrintaasi ka biyo diiday.

Agaasimaha oo diidmadaasi ka carooday, islamarkaana ka cabsanaayay inuu soo muuqdo fashilkii Ciidamada Nabadsugida ka qabsaday Weerarkii Axmed Daaci, ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu xiriir degdeg ah la sameeyay Madaxweynaha Dalka Xassan Sheekh oo uu ku wargaliyay in Ciidamada Nabadsugida dhabar jab adag kala kulmeen weerarka loona baahan yahay Gurmad dhanka Militeriga ah, waxaana suuragashay in Xasan Sheekh uu xiriir la sameeyo Taliyaha Ciidamada Xooga.

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Gen. Indha qarshe waxa uu si aan ganbasho laheyn u diiday inuu gurmad u diro Ciidamada Nabadsugida oo lagu baacsaday Weerarkii ay ku qaaden Axmed Daaci waxa uuna Indha qarshe u diiday Seddex qodob oo kala ah:-

1-In aan lala socodsiin wakhtiga weerarka uu dhacaayay.

2-In Agaasimaha Hay’ada Nabadsugida uu si asluub dari ula hadlay Taliyaha Ciidamada Xooga oo darajo ahaan iyo sumcad ahaanba ka sareeya San-baloolshe.

3-Madaxweyne Xasan oo isku dayay inuu San-baloolshe qaad-qaado, islamarkaana hoos u dhigo sumcada Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka.

Haddaba Seddexdaasi Qodob waxa ay sababtay in Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Indha qarshe uu qaadaco go’aanadii Xasan Sheekh iyo Agaasimaha Hay’adda oo iyagu aan u meel-dayin ku tumashada shuruucda Laamaha Ammaanka.

Dhanka khilaafka ka dhashay Weerarkii lagu qaaday Hooyga Axmed Daaci, ayaa waxa uu sababay Khilaaf ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka, waxaana Villa Somalia iyo xarumaha Dowlada gaar ahaan Wasaarada Gaashandhiga la hadal hayaa in Taliye Indha qarshe uu diyaarinaayo warqadihii uu Madaxweynaha uga codsan lahaa aqbalida Codsiga Is Casilaada.

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda C/llaahi Maxamed Cali “San-bololshe” oo xubin ka ah Ururka Dam-Jadiid islamarkaana Khibrad Ciidan iyo aqoonba u laheyn Hay’adda ayaa waxaa muuqata inuu garab ka helaayo Dhanka Madaxweynaha waxa uuna kala garan la’yahay shaqsiyaadka hoos yimaada iyo kuwa isaga ka sareeya waxa ayna Arrintaasi sababtay inay isku dhacaan Xassan Sheekh iyo Taliyaha CXD.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: Beesha Abgaal oo wada kacdoon ka dhan ah Xasan Sheikh & Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Kullamo iyo shirar looga hadlayo xiisadii ka dhalatay weerarkii lagu qaaday hoyga Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci oo dowladda ay xabsiga dhigtay, hub fara badana kala wareegtay, ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana shirarkani yeelanaya Waxgaradka, siyaasiyiinta xubnaha Dowladda ugu jira beesha Abgaal.

Odayaal iyo Siyaasiyiin uu Madaxweynaha Jimcihii u diray inay Axmed Daaci si nabad ah ku keenaan Madaxtooyada si wada hadal loola furo, ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh ay ku balan fureen kadib markii ay xabsiga loo taxaabay Axmed Daaci, halka odayaashii keenay Madaxtooyada loola dhaqmay qaab anshax xumo ah, qaarkoodna la sheegay in jirdil loo geystay markii ay is hortaageen in la xero Axmed Daaci.

Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Beesha Abgaal oo si weyn uga carooday balanta lagu furay, ayaa qaban qaabinaya banaanbaxyo ka dhan ah Madaxda Dowladda oo ka dhaca Muqdisho.

Madaxweynaha oo kullan la qaatay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ka hor inta aan la xerin Axmed Daaci, ayaa waxaa kulankaasi kasoo qeybgalay Wasiirka Amniga Khaliif Axmed Ereg iyo Wasiirka Dastuurka & Garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, wadal ka dibna waxaa leysku afgartay in la xiro Axmed Daaci.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa soo jeediyay fikirka ah in la xiro Axmed Daaci, markii uu ku eedeeyay in uu dagaal adag kala horyimid Ciidamadii Qaranka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, dad badana ay ku dhinteen.

Tallaabadaasi ayaa Odayaasha Abgaal ay ka caroodeen, iyadoo xarunta Madaxtooyada ugu soo baxay qaab sharaf dhac ah oo loola dhaqmay, waxaana Axmed Daaci la wareegay ciidamada Alpha Group ee wajiyada duuban, iyagoo u dhaadhiciyay xabsiga Habar Khadiijo.

Dhanka kale Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa arintan si weyn ugu soo horjeeda, iyagoo ugu baaqay Dowladda in arintan ay joojiyaan haddii kale ay shaqsiyaadka kale ee hubeysan lala mid dhigo hoggaamiyeyaasha hub ka dhigista lagu sameeyay oo aysan dad gaar ah ku koobnaan.

Dhowaan ayaa la filayaa in beesha Abgaal ay war cad iyo tallaao kasoo saarto xadgudubkii odayasheeda loogu geystay Villa Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

EREG & Sanbaloolshe oo ay Muqdisho ka yaaban tahay (Siyaasi caana oo ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ereg iyo Sanbaloolshe oo dawladda ugu kala magacaaban Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Nabadsugida, ayaa bilaabay ku takrifal awoodeed iyo caburin Saxaafadda iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dawladda Soomaaliya.

Ciidamada Booliiska iyo Nabadsugida waxaa ay shalay mar kale Xabsiga u taxaabeen Maxamuud Daahir Faarax (Qooleey) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Muqdisho ee aadka u dhaliilsan siyaasadda Kooxda Damujadiid eeMajaraha u heysa siyaasadda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Khaliif Ereg iyo Agasimaha Nabadsugida oo labaduba ah siyaasiyiin aqoon ahaan aad u liita, Jagooyinka loo magacaabayna ku weyn yihiin, horeyna ugu soo fashilmay Jagooyin dawladdu horey u magacaawday, aya Muqdisho ka bilaabay caburinta Saxaafadda iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dawladda Soomaaliya.

Inkasta oo hubka in la dhigo dhamaan shacabka Soomaaliya ay muhiim tahay, haddana dawladda waxaa looga baahan yahay inay sameyso Ciidan qaran oo la aamini karo, sidoo kalana amaanka shcabka iyo siyaasiyiintaba sugto.

Qaabka hubka looga qaadayo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dawladda iyo Gudoomiyayaashii hore ee degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa u muuqanaysa Maleeshiyo hubka ka qaadanayso Maleeshiyo kale oo ay ka awood badan tahay Maadaama uusan jirin qorshe guud oo hubka looga dhigayo iyo ciidan qaran oo si rasmi ah u shaqeeya.

Mas’uul sare oo ka tirsan dawladda ayaa si hoose Saxaafadda ugu sheegay in tirade Ciidamada Xooga dalka iyo Booliiskaba aan la ogeyn maadaama ay arintaasi ogoleyn in Taliyayaasha Xooga iyo Booliiska in rasmi loo ogaado tirada Ciidamada ay ku qaataan saadka iyo Mushaharka.

Dadka Muqdisho, ayaa aad ula yaaban dhaqamada cusub ee labadan mas’uul ay Xamar la yimaadeen, oo ah wax ku cusub magaalada.

Isku soo wada duube Dawladda ayaa ku dhawaaqday hubkadhigis aan qorshe lahayn oo Maliishiyaad hubeysan oo la socda Masuuliyiinta dawladda ay hubka uga dhigayaan maliishiyaad kale oo ilaalo u ah masuuliyiin xilal dawladda horey uga soo qabtay iyo Siyaasiyiin mucaarad ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]