28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

“KAY ma tagi karo GAROOWE isagoon fasax ka qaadan DF” Sidaa waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Siciid C/qaadir oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa arrimo kala duwan ka hadlay isaga oo wareysi siiyey mid ka mid ah FM-yada Muqdisho; waxyaabaha uu soo qaaday Xildhibaan Siciid waxaa ka mid ah socdaal uu shalay Magaalada Garoowe ku gaaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholos Key iyo doorka Dowladda Talyaaniga ee arrimaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Nicholos Key uusan xaq u laheyn inuu u dhoofo Garoowe, isaga oo aan ruqsad ka haysan Dowladda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Siciid wuxuu sheegay  in Soomaaliya ay ka jirto Dowlad adduunka uu ictiraafsan yahay, oo aan loola dhaqmi karin sida dal maxmiyad ku jira, isaga oo Madaxda Dowladda ugu baaqay in aysan ka aamusin xadgudubyadda lagu samenayo sharciga, waxaana uu intaa ku daray  in xittaa haddii Dowladda ay ka dhaadhacsan tahay in aysan dalka wada xukumin in ay aaminaan in ay haystaan sharciyad caalamku aqoonsan yahay.

“Hay’ad kasta oo u safreysa meel  Soomaaliya ka mid ah waa in ay Dowladda soo wargelisaa” Ayuu yiri Xildhibaan Siciid, wuxuuna intaasi ku daray in Dowladdu haddii ay ka aamusto qaladaadka muuqda in taasi macnaheedu ey tahay  ogolaansho, isaga oo ku baaqay in Dowladdu hadasho halkii ay ka aamusi laheyd.

“Waxaan fahmi la’ahay waxa ku koobay awoodda Dowladda Muqdisho oo keliya; oo aaney Dowladdu wax xil ah isaga saareyn Goboladii dalka, siddeey ku dhici kartaa in wufuud caalami ah ay tagaan Goboladii dalka iyaga oo aan ku soo wargelin Dowladda ?” Ayuu yiri Xildhibaan Siciid wuxuuna intaasi ku daray in hadalada ka imaanaya Madaxda Maamul Goboleedka Puntland oo gaaray ilaa heer ay u dhaqmaan sida Dowlad gaar ah, oo yiraahdaan waxaan xiriirkii kala laabanay Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaankan mar uu ka hadlayey Gobolada Soomaalida, wuxuu sheegay in haddii la gargaarayo Gobolada Soomaaliya in si caddaalad ah oo siman loo gargaaro, oo Gobol aan Gobolka kale laga fadli yeelin.

Xildhibaan Siciid wuxuu soo dhoweeyey tillaabada hubka lagaga uruurinayo Muqdisho, isaga oo ku baaqay in hub uruurintu ey dan u tahay Muqdisho.

“Kooxaha ku doodaya hubka dib u heshiisiin ayaa ka horeysay; yey tahay cidda la heshiisiinayo.? Muqdisho in hubka lagu uruuriyo bulshada ku dhaqan ayey dan u tahay;  4-ta dambiilayaal ee aaminsan haddii hubka la idinka qaado waxaad noqoneysaan bartilmaameed,  kuwaasi ma marin habaabin karaan rayiga bulshadda” Ayuu yiri Xildhibaankaasi, wuxuuna intaasi ku daray in hubka uu galo gacanta Dowladda,  Dowladduna ay  waajib ku tahay  in ay ilaaliso ammaanka muwaadiniinteeda.

Xildhibaan Siciid mar uu ka hadlayey xiriirka Talyaaniga iyo Puntland wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid ku saleysan dano dhaqaale oo u dhexeeya shaqsiyaad Talyaani ah dilaal ka ah taageero Dowladda Talyaaniga ay siiso Soomaaliya iyo dhinaca kalena shaqsiyaad Soomaali ah oo horay xiriir ula lahaa Talyaaniga.

“Talyaaniga maaligelinta uu siinayo Garowe oo beel keliya ay degan tahay waxeey horseedeysaa in Talyaanigu waayo kalsoonida inta badan shacabka Soomaaliyeed”

“Hiilada uu Garowe la garab taagan yahay ha noo fasiro ujeedada laga leeyahay.? waxey noqon kartaa isla sheekadii 80-meeyadii markii uu Talyaaniga ay yiraahdeen Soomaaliya ayaan gargaareynaa oo   lacagihii loogu talogalay in mashaariicdaasi lagu fuliyo ay wada cuneen shaqsiyaad isugu jira Talyaani iyo Soomaaliya, dadkii Talyaaniga ahaa  waagaas madaxda ka ahaa mashruucii FAI  waxaa la maxkamadeeyey, dhinaca Soomaaliya waxaa madax ka ahaa nin la yiraa Juriile isla isagii ayaa meesha hadda qabqable ka ah, oo mar walba oo qof ka socda Puntland ama Dowladda dhexe uu Talyaaniga u socdaalaayo isaga ayaa la kaxeystaa, ileyn wuxuu khabiir ku yahay wax isdaba marinta, waxaana mar walba oo Talyaaniga mashaariic laga soo qaato la yiraa Soomaaliya ayaan ku maalgelinaynaa meeshaas ayaana lacagta lagu kala qeybsadaa” Ayuu yiri Xildhibaan Siciid, wuxuuna intaa ku daray in Talyaaniga meheradiisu tahay musuq-maasuq.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

GALAYR oo laga taageeray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweenaayay madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State, Prof Cali Khaliif Galeyr.

Xafladda waxaa ka soo qeybgalay xildhibaanno, wasiiro iyo wasiiro horrey uga tirsanaa dowladihii kumeel gaarka iyo siyaasiiyiin ka soo jeeda deegannada Khaatumo State iyo magaalada Muqdisho, sidda uu ku soo warramay wariye Caasimada Online ka tirsan oo ka qeybgalay xafladda.

Sidoo kale, waxaa xafladda ku sugnaa dadweyne aad u fara badan kuwaasoo soo dhaweenaayay doorashadda ka dhacday Khamiistii hore deeganka Saaxdheer ee u dhow soohdinta Itoobiya laguna doortay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Intii xafladda ay socotay waxaa qadka Taleefonka uga soo qeybgalay madaxweynaha cusub ee Khaatumo Cali Khaliif Galery wuxuuna bogaadiyay xafladda qaabka ay u dhacday iyo cidda ka soo qeybgashay isagoona ballan qaaday in uu qaadan doono dhammaan wixii tallo iyo waano ah oo loo soo jeediyay intii ay xafladda socotay.

Dhammaan xildhibaannadii iyo wasiiradii ku sugnaa xafladda ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in ay taageeraan doorashadda uu ku guuleystay Cali Khaliif isla markaana la siiyo taageero la mid a kuwa la siiyo maamul gobaleedyada ka dhisan dalka.

Dadweyne u badan haween oo aad u labisan ayaa ka soo qeybgalay xafladda waxaana ay wateen calanka Soomaaliya iyo Khaatumo State.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin doorashadda uu ku guuleystay Cali Khaliif Galeyr oo ahaa xildhibaan baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan. 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Taageerayaasha mas’uul hoygiisa lagu weeraray oo ku hanjabay inay dili doonaan askarta Nabad-sugidda DFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Warka naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Odayaasha, Waxgaradka iyo Bulshada Degmadaasi ay ku hanjabeen inay gubayaan gaarigii Nabadsugid ee soo gala Degmada.

Dadkaani oo taageero u ah Guddoomiyihii hore ee Degmada Axmed Daaci ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka duulaankii ay ku qaaday Axmed Daaci uu galaaftay Tobaneeyo dad shacab ah, waxa ayna sheegen in Askarigii ka tirsan Hay’ada Nabadsugida ay dili doonaan.

Salaad Aadan oo kamid ah dadka Deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Ficilkii AMISOM iyo Nabadsugida ay taariikh noqon doonto, waxa uuna sheegay in Weerarka Axmed Daaci ay ka qaadeen caro.

Waxa uu Cadeeyay in weeraradaasi ay ku waayeen Carruurtooda, islamarkaana ay DF uga baahan yihiin Mag.

Dadyowgaani ku nool Degmada Wadajir, ayaa taageero u haaya Axmed Daaci oo Jimcihii lasoo dhaafay lagu weeraray Hooygiisa, waxaana sidoo kale, la sheegayaa in Taageerayaashasi ay wadaan abaabulka Banaanbaxyo looga soo horjeedo xariga Mas’uulkaasi.

Dowlada Federaalka ayaa aad uga cabsi qabta inay dhacaan Banaanbaxyo looga soo horjeedo xariga Axmed Daaci, waxaana la sheegayaa in Hooyga Mas’uulkaasi ay xarun ka dhigteen Ciidamada AMISOM si aan halkaasi banaanbax uga dhicin.

Lama Oga sida ay ka yeeli doonto Dowlada Federaalka Xariga Axmed Daaci, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in gudaha Asbuucaani lasii deyn-doono Maxbuuska.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

9 SU’AAL oo ka dhashay qorshaha DFS ee HUB ka dhiggista REER MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – War murtiyeedkii kasoo baxay golaha wasiiradda oo ay goobjooga wada ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh iyo Raisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh oo sumadiisuna ahayd Ref: XRW/OM/PR 0465/08/14 soona baxay 16-ka bisha August 2014 ayaa shacabka Soomaaliya, wuxuu ka doonayaa Masuuliyiinta Dawladda Cadeyn siyaasada Dawladda ee guud ahaan Dalka iyo Jawaabaha su’aalaha hoos ku qoran :-

1- Muxuu yahay qorshaha dawladda ee amaanka Gobolada ka baxsan caasimada Soomaaliya? Maamuladii hore u jiray sida Somaliland iyo Puntland maxuu yahay qorshaha dawladda ee Laamaha amaanku ku gaarayaan Maamuladaa? sidoo kale Maamulada Dawladaha Federaalka kamid noqonayo oo dawladu aqoonsatay ama hirgelinayso sida Maamulka KMG ah Juba? Maamulka Koofur Galbeed?, Maamulka Bartamaha Soomaaliya ee Mudug iyo Galgaduud?

2- Maxay amaan soo kordhin kartaa in Gudoomiyayaashii hore Maliishiyaadkooda hubka laga dhigo halka Gudoomiyayaasha dawladu magacaawday oo bedelay gudoomiyayaashii hore qorteen Maliishiyaad kale, hubna kasoo gateen Suuqyada Hubka Muqdisho??? Sidoo kalana Masuuliyiinta Dawladda min wasiir, Xildhibaan , iyo dhamaan masuuliyiinta kale ee dawladda qortaan Maliishiyaad, qaarna kasoo wataan Milateriga iyo Booliiska, Hubkana suuqa uga soo gadaan!!! Maadaama uusan jirin qorshe Wasaaradda Amnigu ku siinayso Ilaalo Masuuliyiinta kala duwan ee Dawladda?

3- Iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ogsoon yahay in Dawladda Guud ahaan iyo Madaxda Laamaha Amniga aysan maamulin Maamulada Somaliland, Puntland sidoo kalena Maamulkii dawladdu dhowaan aqoonsatay ee MKG ah Juba-na aysan hoos tegin Ciidamada Jooga Wasaaradda gaashaandhiga , Wasaaradda Amniga Muxuu yahay qorshaha Dawladda ee Soomaaliya ugu sameynayaan Ciidamo Milateri , Booliis, Nabadsugid ee hoos tagaya Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Amniga qaranka? Mise Dawladdu waxay Soomaaliya u taqaanaa oo kaliya Muqdisho?

4- Marka laga reebo hawlgalo amni oo u baahan kara in si degdeg ah loo fuliyo maxaa dawladda u diiday in shacabka soomaaliyeed u soo bandhigaan qorshaha hub ka dhigista dalka guud ahaan, sida in dadka lagu wargeliyo in ciidan aan ahayn ciidamada dawladda (Milateri, Booliis, Nabadsugid) inaysan hub haysan Karin, cidii hub u heysata inay amaankeeda ku ilaashatana oo shacab, ganacsato, masuuliyiin hore, shirkado, hayaddo Caalami ah sida UN, INGO iyo LNGO-ba lagu wargeliyo xafiisyo ay tagi karaan si hub cayiman oo dawladu ogtahayna loogu ogolaado hadii loo arko inay macquul tahay sababta uu ugu baahan yahay in hubka loogu sharciyeeyo, hubkii ka badan inta dawladdu u ogolaatana dawladu kala wareegto.

5- Iyada oo ay Muhiim tahay in hawlgalada amniga lagu sugayo lasii wado miyeysan muhiim ahayn in wasaaradaha amniga iyo Gaashaandhiga isi saxaan marka hore iyaga oo xaqiijinaya:-

A- in Booliiska iyo Milateriga Soomaaliya noqdaan kuwo dhamaan aqoonsi heysta, degan xerooyin iyo saldhigyo loo cayimay oo ay ka hawlgalaan. Wax laga bedelo in tuutaha booliiska iyo Milateriga uu yahay aqoonsiga ciidanka dawladda. In ciidamada ka tirsan Laamaha amniga ee aqoonsi weydiinaya shacabka noqdaan kuwo wax aqrin kara? Kuwo yaqaana Aqoonsiga ay raadinayaan midka uu yahay? Kuwo aqoonsi weydiiya Ciidamada hubeysan oo aan aqoonsi weydiin kaliya shacabka? Ciidanka Jidadka taagan uusan noqon kuwo og tirada soomaalida ee Dawladda u shaqeysa yihiin tiro aad u yar? Shacabku xaq u leeyihiin in wadooyinka maraan markii la baaro kadib oo aqoonsi Dawladda kaliya aan jidadka loogu ogolaan dadweynaha?

B- In wax laga bedelo in ciidamo istaaf ah oo hubaysan in la heysto ay ku xiran tahay inaad kamid tahay masuuliyiinta Dawladda sida Wasiir, Ku xigeen, Xildhibaan, Agaasime , Gudoomiye Gobol, Gudoomiye Degmo kaliya ee ay dawladu sameyso gaar ahaan wasaarada amniga qorshaha ilaalo siinta Masuuliyiinta dawladda, qorshaha ilaalo siintana noqdo mid dawladu sameyso oo min xildhibaan, wasiir, W/kuxigeen, agaasime iyo Madaxda kale ee dawladda la go,aamiyo ilaalada xildhibaanka inta ay noqoneyso, ilaalada wasiirada inta ay noqoneyso, Ilaalada W/ku xigeenka inta ay noqoneyso, ilaalada agaasime inta ay noqoneyso, ilaalada gudoomiye gobol inta ay noqoneyso, ilaalada gudoomiye degmo inta ay noqonayso, ilaaladaas intii isku title ah qaadanaysana ay siiso wasaarada amniga, hubka iyo rasaasta ay haystaana la diiwaangeliyo, xabad rasaas ah hadii ay ridaana Masuuliyiin iyo xafiis ay wargeliyaan sababta ay u rideen la sameeyo.

C- Milateriga iyo Booliiska ku qoran saldhigyada Muqdisho iyo Goboladii kale oo Booliis iyo Milateri Soomaaliyed joogo la xaqiijiyo in Saldhigyada iyo xerooyinka ay ku qoran yihiin ka hawlgalaan.

D- Milateriga iyo Booliiska Soomaaliya oo Magac ahaanta u jira oo qaarkood mar hore dhinteen, qaarkood shaqada isaga tageen, qaarkood ka shaqeeyaan Hay’addo kale oo mushahar ka qaataan, qaarkood ilaalo ka dhigteen Masuuliyiinta ku qabiilka ah ee dawladda in dib loo saxo oo la xaqiijiyo inta run ahaan u jirta oo joogta oo dhab ahaan u shaqeysa, inta dhimatay, inta iska tagtay iyo inta u shaqo tagtay hay,ado kale oo ay tahay in la bedelo.

6- Dawladu waxay sheegtay in Hay’adaha amniga iyo Ciidamada qalabka sida kaliya hub heysan karaan iyo cidii ruqsad loo siiyo, Ruqsada hub heysashada marka laga tago go’aanka aan qeexneyn ee ah hay’adaha amniga ayaa bixin kara ruqsada heysashada hubka, Waa hay’addee ka tirsan Laamaha amniga ee bixin karta ruqsada Haysashada Hubka? Mise sidii hore ayuu qofba u doonanayaa masuulkuu doono sida Wasiirka Amniga, Ku xigeenkiisa, Agaasimaha Hay’adda nabadsugida, Taliska Booliiska Heer qaran iyo heer Gobol, Madaxda Gudoomiyayaasha Gobolada, Degmiiyinka?

7- Xukuumadu waxay sheegtay in markasta dhawreyso xuquuqda aadanaha iyo sareynta sharciga (respect to the supremacy of law and the rule of law), Marka laga reebo qoraalkaan maxaa cadeynaya dhowrista Xuquuqda shacabka Soomaaliya? Maxay ugu Talo gashay xuquuq ahaan iyo sharci ahaan shacabka Soomaaliyeed eek u dhintay, ku dhaawacmay , kuwo guryahoodii ku burbureen Hawlgalkii Ciidamada dawladda iyo Kuwa AMISOM?

8- Xukuumadu waxaa ay sheegtay in Warbaahinta madax banan dhowraan Sharciga, Ma jiraa sharciga Saxaafadda oo Dawladdu iyo Saxaafaddu isla meel dhigeen, Baarlamaanka-na loo gudbiyey oo la meel mariyey? Iyada oo ay muhiim tahay in la dhowro Xuquuqda Saxaafada, Xuquuqda Muwaadiniinta maadaama aan la sameyn sharcigii warbaahinta iyo saxaafada madax banaan ma loo qaadan karaa hawlgalkii Laamaha amniga Ku xireen Idaacadaha Shabelle iyo SKY kuna qaateen qalabkii idaacadahaas ku hawlgalayeen mid lagu caburinayo Saxaafada xorta ah oo lagu cabsi gelinayo idaacadaha kale inaysan ka hadlin qaladaadka dawladda iyo Musuqmaasuq baahsan eek a dhex jira dawladda Soomaaliya?

9- Xukuumadda JFS waxay sheegtay inay abuurayso oo dhowaan soo bandhigayso Khad (Taleefoon) gaar ah oo cidii qabta tabasho, wargelin iyo Talo bixin kala soo xiriiri karto Hay,addaha Amniga, Khadkaas ma wuxuu noqonayaa mid quseeya Muqdisho kaliya? Hal khad ma kaafin karaa tabashada shacabka? Khadadka shacabka u gudbinayaan cabashadooda, wargelintooda ma noqonayaan kuwa shaqeeya 24-ka saacba? Warbixin ma laga sameynayaa weekly ah ama Bille ah Cabashada soo gaartay laamaha amniga iyo waxa ay ka qabteen?

Su’aalahaan kore iyo kuwo kale oo fara badan ayaa shacabka Soomaaliyeed uga baahan yahay dawladda Soomaaliya inay uga jawaabto shacabka Soomaaliya si shacabku ugu kalsoonaado dawladda Soomaaliya iyo wax qabadkeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muungaab oo qorsheeyey inuu xilka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-xog-Ogaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa inoo xaqiijiyay in Guddoomiyaha Gobolka uu xil ka qaadis ku sameynaayo qaar ka tirsan Guddoomiyayaasha Degmooyinka.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa la filaaya in maalmaha soo socdo uu xilka ka qaadi doono Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Cismaan Maxamed Cadaawe.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Xilkaasi loo magacaabi doono Bare Food Cadde oo horay ula soo shaqeeyay Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegayaa in xil ka qaadista Gudoomiyaha ay ka dambeyso kadib markii uu si waafi ah u gudan waayay waajibaadka Degmada ka saaran, sida ay xogtu sheegeyso.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Max’ed Xuseen”Muungaab” , ayaa waxa uu xil ka qaadis Ceynkaasi ah ku sameyn doonaa illaa Afar Guddoomiye kuwaasi oo la sheegay inay wax ka qaban waayen Ammaanka Degmadooda.

Lama Oga shaqsiyaadka loo wado Degmooyinka kale inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Xil ka qaadista ay saameyn doonto Guddoomiyayaasha Degmooyinka Xamar-Jajab, Waabari, Dharkiinley iyo Wardhiigley.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DF oo loogu baaqay in dad weynaha kala tashato arrin Muqdisho ku cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Ismaacil Hure Buubaa oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay dadweynaha kala tashato howgallada hub ka dhigista ee magaalada Muqdisho ka billowday.

Wuxuu tilmaamay haddii dowladda aaney la socod siin shacabka in meeshaas uu ka immaan karo is-fahan waa iyo mucaaradad xooggan oo khatar galin kara dowladda hadda jirta.

“Hadilmiye waxaa dowladda looga baahan yahay haddiiba ay howgallo ka fulineyso Muqdisho in ay dadka u sheegto oo lala socodsiiyo howgalka sida uu noqonayo” ayuu yiri Buubaa.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa tilmaamay in howgalka uusan noqon mid labo qof ay isku sheegaan ee uu noqdo mid dadka shacabka loo sheego howgalka iyo nooca uu noqonayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Saraakiil AMISOM ka tirsan oo uu taabtay Xanuunka Xabsiga, Sababta?

Muqdisho (Caasimada Online)-Labo Sarkaal oo darajo hoose ka ah Ciiddanka Uganda (UPDF), kuna eedeysan inay lunsadeen 100 xirmo oo rasaas ah ayaa la amray in Xabsiga lagu celiyo, tan iyo maalinta Talaadada oo dib loodhegeysanayo dacwadooda.

Labada Sarkaal oo lagu kala magacaabo Dhamme Bosco Mwanga oo 32-jir ah iyo Gaashaanle David Eloku oo 33-jir  ayaa dib loogu celiyey Xabsiga Milliteriga ee Makindiye.

Saraakiishaasi oo ka tirsanaa Guutadda Ciiddanka Uganda ee uu farriisinkooda dhexe ahaa Deegaanka Nambar Konton ee Gobalka Sh/hoose ayaa lagu soo oogay inay saxiix la’aan rasaas fara badan kala baxeen Xeradda, iyadoo lagu tuhunsan yahay inay suuq madow ku iibiyeen.

Sarkaal saddexaad oo lagu magacaabo G/sare Benson Olanya ayaa isagana ka mid ah dhowr Saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciiddanka UPDF ee qeybta ka ahaa Hawlgalka AMISOM, waxaana lagu soo oogay falal isugu jira shidaal uu dhacay, Awoodiisa oo uu ku takri-falay iyo eedeymo la xiriira gogol-dhaaf.

Sarkaalkan oo Taliye ka ahaa Guutadda 343aad ee qeybta ka ahaa Hawlgalka AMISOM  waxaa toddobaadkii hore la dhigay Isbitaalka Milliteriga Bombo Army Hospitaal oo ku yaalla Degmadda Luweero, isagoo la il-daran cuddurka Macaanka ama Diabetic.

Afhayeenka Milliteriga Boliska Uganda, Dhamme Geoffrey Burushana ayaa sheegay inuu Sarkaalkaasi muddo dheer qabay cuddurkaasi.

Xigasho: New Vision

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DF Somalia oo meel iska saartay Kenya

Muqdisho (Caasimadaa Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay warbixin lagu qoray Wargeyska The State ee Kenya ka soo baxa kaasoo Sabtidii qoray in dowladda Kenya ay ka carootay dowladda Soomaaliya in ay markii labaad ka baaqato shir looga hadli lahaa dib u celinta qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool.

Wasiirka arrimaha dibedda oo u warramay VOA-da ayaa tilmaamay in wax yaabaha labada dal ay isku khilaafsan yihiin uu la xiriiro halka lagu qabanaayo shirka labaad ee looga hadlaayo qoxootiga Soomaalida ee Kenya, dowladda Somalia-na aysan aqbali karin inay mar walba Kenya u raacdo rabitaankeeda.

Wuxuu sheegay oo kale in dowladda Kenya gaar ahaan wasiirka arrimaha dibedda Amiina Maxamed ay qoreyn warqad ay ku lee yihiin shirka labaad halagu qabto Muqdisho, balse wuxuu tilmaamay in ay tiri Nairobi ayaa lagu qabanayaa.

Wuxuu sheegay in wax khilaaf ah oo sidaas u buuran aanu jirin balse la isku maandhaafsan yahay halka uu ka dhacay shirka labaad oo markii hore ahayd ballanta Muqdisho in lagu qabto, dowladda Somalia-na ay go’aankeeda ku saxan tahay

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa rajo fiican ka muujiyay in la xaliyo khilaafka soo baxay isla markaana ay diyaar u yihiin siddii loo soo celin lahaa qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool.

Horrey ayaa waddamada Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR ay ugu heshiiyeen in qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool dib loogu celiyo dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Muxuu yahay ujeedka shir ballaaran oo maanta Muqdisho ka furmay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweyne ballaaran oo looga hadlaayo dhibaatada ka dhalan karta masiibo bini’aadinimo oo ka dhaca qaarada Africa.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Soomaaliya, waxaa soo qaban qaabiyay hey’adda maxalliga ah ee Zamzam Foundation.

Shirka waxaa ka qeybgalay wakiilo ka socda, OCHA, OIC iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya, sidaas waxaa ka sheegay daah-furka kulanka madaxa hey’adda Zamzam Foundation Shuceyb Sheekh Cabdiladiif.

Wuxuu sheegay oo kale in shirkan uu hordhac u yahay shirar kale oo ka dhici doona geeska Afrika kaasoo la rabo in looga hadlo khatarta ka dhalan karta masiibooyin ka dhaca qaarada, isagoo intaas ku daray in shirkan looga arrinsan doono wax yaabaha lala tagi doono shirweyne ka dhici doona labo sanno kaddib magaalada Geneva.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Saciid Cabdullaahi Dani ayaa madasha shirka ka sheegay in wasaaradiisa ay dajisay hannaan la rabo in looga hortago masiibo ka dhacdo dalka Soomaaliya, isagoona yiri dowladda waxay wadaa qorshayaal ay uga hortageyso in ay soo laabtaan masiibooyin la mid ah kuwiii seddax sanno ka hor ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horreeyay ee Muqdisho lagu qabto shirweyn looga hadlaayo kulan labo sanno kaddib dhacaya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Puntland oo loo aqoosaday inay tahay aas-aaska DF Somalia, Waxaa yiri…

Garoowe (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire Nicholas Key ayaa isagoo ka hadlaayay xaflad lagu xusaayay sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegatay markii la dhisay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM ayuu sheegay in Puntland ay hooyo u tahay dowladda fedaraalka Soomaaliya maadama ay tahay buu yiri meesha lagu soo unkay.

Mr. Key ayaa ku celceliyay in Puntland ay u baahan tahay dowladda Soomaaliya, dowladda Muqdishana ay u baahan tahay Puntland.

Danjiraha QM ee Soomaaliya ayaa xusay in uu ku rajo weyn yahay siddii uu dib ugu soo laaban lahaa xiriirka Puntland iyo Soomaaliya maadama ay kala marmaarmin labada dhinac.

Wuxuu sheegay in uusan Garoowe kaliya u immaan dabaal-degga sannad-guuraddii koobaad ee UNSOM ee uu u yimid siddii la isugu soo dhaweyn lahaa Puntland iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Hadalka Key ayaa imaanaya iyadoo isla xafladda ka dhacday Garoowe uu ka sheegay madaxweynaha Puntland in ay diyaar la yihiin siddii dib loogu celin lahaa xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya.

“Key wuxuu yiri waxaan dhiseebaa buundo u dhexeysa Puntland iyo Dowladda Soomaaliya, annaga waxaan lee nahay dhinaceena diyaar ayaan la nahay ee waa in uu isagana u sheegaa qoladaas Xamar inay buunadada ka joojiyaan dubaha ay la dhacayaan” ayuu yiri Gaas.

Marka loo eego xafladda lagu Garoowe ee lagu xusaayay xafiiska UNSOM waxaa muuqata in Puntland lagu qancinaayo in ay noqotay meeshii ugu horreysay ee lagu qabto xaflaladda sannad-guuradii koobaad ee UNSOM maadama ay ahayd in lagu qabto Muqdisho oo ah saldhigga ugu weyn ee UNSOM.

UNSOM ayaa xafiisyo ku leh Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe.

Soomaal

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Magacyada iyo beelaha 25 siyaasiyiin iyo ganacsato ah oo ay DF weerareyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog ka heshay qaar ka mid ah shaqsiyaadka ay Wasaarada Amniga dowladda federaalka qorsheeneyso inay guryahooda weerarto, si hubka looga soo qaado.

Dadkan, ayaa waxaa ka mid ah siyaasiyiin, ganacsato iyo shaqsiyaad caan ah oo u dhashay beelaha Hawiye, kuwaasi oo qaarkood ay Muqdisho ku sugan yihiin, qaarna ka maqan yihiin, balse gurayahooda la weerari doono.

Sida wararku sheegayaan xubnaha, ayaa marka hore la siin doonaa fursad ay hubkooda si nabad ah ugu soo wareejiyaan dowladda, balse haddii ay diidaan waxa ay wajahi doonaan weerar culus.

Siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka ay Ciidamadu ku wajahan yihiin guryahooda iyo goobahooda Ganacsi ayaa waxaa ka mid ah:-

1 – Ganacsade Axmed Ducaale Geelle Xaaf (Sacad, Habar-Gidir)

2 – Xildhibaan, ganacsade C/Qaadir Cosoble Cali (Warsan-geli, Abgaal)

3 – Yuusuf  Maxamed Siyaad indha-Cadde (Ceyr, Habar gidir)

4 – Cabdullaahi Ibraahim Sahal Gardhuub (Saleebaan, Habar gidir)

5 – Ganacsade Axmednuur Cali Jimcaale (Duduble)

6 – C/qaadir Abuukar Cumur Cadaan (Warsan-geli, Harti Abgaal)

7 – Xiirey Muxyaddiin Cumar  (Murusade)

8 – Cabdulqaadir Cali Cumar (Saleebaan, Habar-Gidir)

9 – Ganacsade Cadow Cali Gees (Wacaysle, Abgaal)

10 – Maxamuud Cumar Cadaan (Warsan-Geli, Abgaal)

11 –  Suudi Axmed Jiis (Warsan-Geli, Abgaal)

12 – Xildhibaan, Ganacsade Cumar Nuur Furdug (Reer Mataan, Abgaal)

13 – Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) (Murusade)

14 – Ganacsade Eng. C/Qaadir Maxamed Nuur (Eenow), (Warsan-geli, Abgaal)

15 – C/Kariim Maxamuud Gabeyre (Wacaysle, Abgaal)

16 – Cabdirashiid Shire Ilqeyte, (Sacad, Habar-Gidir)

17 – Ganacsade Maxamed Cabdi Xaliim (Ceyr, Habar-Gidir)

18 – Bashiir Raage Shiiraar (Warsan-geli, Abgaal)

19 – Cumar Cabdulle Jacfaan (Duduble)

20 – Ganacsade Saciid Coloow (Ceyr, Habar-Gidir)

21 – Cabdi Jiinow Calasow (Warsan-geli, Abgaal)

22 – Ganacsade Maxamed Deylaaf (Ceyr, Habar-Gidir)

23 – Ganacsade Xuseen Cali Salaad (Ceyr, Habar-Gidir)

24 – Ganacsade Maxamuud Xareed (Warsan-Geli, Abgaal)

25 – Maxamed Macallin (Xoghayihii Xisbul Islam) (Habar-Gidir)

Shaqsiyaadkaani kor ku xusan ayaa la sheegayaa inay hayaan Hub farabadan ku haystaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Duulaanka ku wajahan Shaqsiyaadkaasi oo qaarkood Dalka ka maqan, balse Hooygooda la baari-doono, ayaa waxa uu qeyb ka yahay Howlgalada ay Ciidamada Ammaanka kula dagaalamayaan Hubka sharci darrada ah ee yaalla magaalada Muqdisho.

FG: Waxaa xogta ay sheegeysaa in qofka ugu cad cad ee weerarka ku wajahan yahay uu yahay xildhibaan Cabdul Qaadir Cosoble Cali

La soco qeybta labaad ee magacyada insha allah

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Xaaji Maxamed Yaasiin: Hawiye iyo Aadan Cadde waxba kama sheegin aniga, laakin CALI GEEDI waa fidnoole

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Xaaji Maxamed Yaasiin oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in aysan jirin dood dhex martay isaga iyo Prof. Cali Mohd Geedi, inkasta oo Video arrintaas muujinaya uu jiro. Xaajiga wuxuu sheegay in dhalinyaro fidno ka shaqaysa ay khudbadaydiisii iyo tii Cali googoysay una ekeysiisay dood.

Sidoo kale Musharaxii hore Madaxawaynaha Xaaji Yaasiin ayaa beeniyey inuu wax ka sheegay madaxdii hore ee Somalia sida Aadan Cabdule, Cabdirashid, Cabdirazaaq iyo Cabdullahi Isse.

Waxa kale oou u beeniyey inuu yiri Hawiye ama qaabil kale ee Soomaaliyeedba Xukun ehel uma aha, wuxuuna raaciyey in damiirkiisa iyo caqligiisa uusan u saamaxayn erayo noocaas oo kale ah.

Sidoo kale Xaaji Yaasiin waxa uu sheegay inuu codsanaayo diyaarna u yahay inay dood siyaasadeed oo fool ka fool ah dhex marto isaga iyo Pro. Geedi oo ay kala difaacaan mabaadi’da kala ah ku dhaqanka Shareecada iyo qaabka Cilmaanniyadda ee reer Galbeedka ku dhaqmaan ee siyaasiin badan jeclyihiin inay taageero kaga helaan dalalka shisheeyaha.

Halkan ka daawo Xaaji Maxamed Yaasiin

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Muqdishow iyo Ibnu Battuuta (Qeybtii 3-aad)

0

Muqdishow iyo Ibnu Battuuta

Socdaalkii Ibnu Battuuta 1325-1354

Tarjume: Xassan Xayle

Qaybta Saddexaad: gabagabda socdaalkii Ibnu Battuuta ee Muqdishow

Kulanka Mashuurada Kowaad & labaad

Qaabkaas iyagoo u wada socday ayay galeyn, Mashuurada[-11]; ka dibna,iyagoo kala danbeeya ayaawaxaa marka ugu horefariistay wassiirada, waxaa ku xigsaday madaxda iyo taliyayaasha askarta.  Qaadiga waxaa loo fidiyay ama loo dhigay gogol u gaar ah oo uuysan qof kale kula fariisan; waxaana fadhiga joogay fuqahada iyo dad sharaf iyo xurmo leh. Sidaas ayuu xaalku ahaa ilaa waqtiga Salaadda Casir la gaaray; goortaas oo dhammaan dadkii goobta joogay ay Sheykha oo imam u ah la tukadeyn slaadda Cassirka.

Salaadda markii la tugaday ka dib, ayaa askartu u joogsatay safsaf, iyagoo u kala horeeyay sida ay u kala darjo sareeyaan. Markaas ayaa waxaa la tumay durbaano, waxaa la yeeriyay boon iyo Al-Siyrinayaat[-12].

Inta qalabkaas la garaacayo qof walba meesha uu taaganyahay iskama dhaqaajinyo, mana sameynayo wax nuuxnuuxsi ah; dadka kale qofkii socda islamarkiiba halkiisa ayuu istaagayaa, isagoo horey ama gadaal aan dhinacna u baxeyn. Markii garaaca buunka iyo durbaanka la joojiyo ayaa dadku is-wada salaamayaan iyagoo yeelaya qaabkii aan horey usoo sheegay, (Sida ay reer Yemen isku salaamaan), ka dibna kala tagaya isagoo qof walba danahiisa u dhaqaaqaya ama halkii aw u socday aadaya

Maalin kasta oo Jimco ah, dadka Maqdasho, cadadoodu sidaas ayay tahay. Maalinta xigta ee Sabtiga ah, dad kala duwan ayaa kusoo urura albaabka guriga Sheykha. Waxay fariistaan waabab ama daashash ku yaal meel ka baxsan daarta Sheykha. Qaadiga ayaa noqda qofka ugu hor gala halka uu Sheykhu fariisto, iyadoo ay culimadu ku xigsadaan; markaa ka dib ayaa waxaa gala ikhyaarta iyo dadka sharafta leh. Sidoo kale waxaa fadhiga soo xaadira duqeyda iyo xujeyda.

Fadhiga kale, (Maalinta xigta) oo ah Mashuurada Labaad [-13] ayaa wada tashi loo fariistay. Dadka goobta yimid waxay ku fariisteen kuraas ka sameysan qoray (Alwaax), oo fadhiga loogu talo galay. Qaadigu waxuu fariistaa kursi u gaar ah. Sidaas oo kale ayay qolo kasta oo ka mid ah dadka mashuurada yimid ay meel u gaar ah, oo aan cid kale la wadaageyn ama dhex galeyn, u fariisteen

Intaa ka dib, waxaa fadhiga soo galay Sheykha oo markiiba fariistay meel isaga u gaar ah. Waxuu u yeeray Qadiga oo dhinaciisa bidix fariistay. Markaa ka dib ayaa waxaa soo joogsaday culimada fuqahada ah oo ninka ugu da’da weyn hor fariistay Sheykha, intooda kalane inta salaameyn Sheykha ka baxay fadhiga

Markaa ka dib, waxaa soo kacay ikhyaarta iyo dadka sharafta leh oo ninka ugu da’da weyn uu hor fariistay Sheykha, intooda kalena markii ay salaan gacan qaadeyn ka baxeen goobta fadhiga

Sidaas oo kale ayaa duqeyda iyo dadka xujeyda ah ay yeeleyn; iyadoo qofkooda ugu dhalinta weyn uu hor fariistay Sheykha, intooda kalena markii ay salaameen, iyaguna, ka baxeen fadhiga

Intaa ka dib, waxaa fadhiga soo galay, iyagoo isku xiga, wassiirada, madaxda, taliyayaasha askarta. Waxay salaameyn Sheykha ka dibna way baxeyn.

Waxaa dadka fadhiga ku haray loo keenay cunto. Qaadiga iyo ikhyaarta kale waxay wax la cuneyeen Sheykha. Waxaa kale oo fadhiga ka cunteeyay cid kasta oo goobta joogta ama fadhiga ku hartay

Haddii Sheykhu doono inuu, si gaar ah u, sharfo qof ka tirsan madaxda dowladda, waxaa qofkaas looga yeeraa halka uu Sheykhu fadhiyo si uu ula cunteeyo

Guud ahaan, dadka kale ee goobta yimid waxay ka cunteyeen Daaru Al-dacaam [-14],iyagoo u galay daarta sidii ay ugu kala horeyn markii ay galayeen fadhiga mashuurada

Xaalku markuu sidaas ku dhammaaday, ayaa Sheykhu u kacay dhinaca daartiisa. Qaadiga, wassiirada, kaatibu Al-sir [-15], iyo afar nin oo ka tirasan madaxda sare ee dowladda ayaa u fariistay xukun ay ku kala saarayaan dad arrimo isku heysta

Waxyaabaha dadku isku heystaan ee ku saabsan Shareecada, Qaadiga ayaa xukunkooda marinaya. Waxii intaas kasoo hara oo arrimo kale ah, waxaa ka talo bixinaya dadka Ahlu shuurada ah oo ka kooban wassiirada iyo madaxda dowladda

Arrimaha waxii looga maarmiwaayo talada Suldaanka, qoraal ahaan ayaa loogu diraa, isagoo, islamarkiiba, jawaaba ku saabsan arrinta dusha uga soo qoray bidaaqad [-16]. Sidaas ayay aheyd cadadoodu mar kasta

Ibnu Battuuta, ka dib, markii aw u dhamaaday socdaalkiisa Muqdishow, waxuu u anba- baxay, isagoo raacay markabkii uu ku yimid, dhinaca Bilaadu Al-Sawaaxil [-17], waxuuna booqasho ku tagay magaalooyinka Mumbaasa iyo Kilwa oo ku yaal xeebaha Bariga Afrika

[-11] Mashuurada: erayganwaxuu tusinayaa ama xiriir u yahay dhawr macno oo assalkoodu mid yahay sida talo, wada-tashi ama goob lagu tashanayo (Counselling, Consultation); sidoo kale waxii talo ka soo baxa ama uu tilmaamo qof ah khabiir, dhaqtar, la taliye ama guddi arrin loo xil-saaray, -Fadhiga Golaha Ummadda, shirarka iyo kulamada guud, (Congress), dhammaantood waxay soo galayaan macnaha uu bixinayo erayga Al-mashuurah

[-12] Al-siyrinayaat: waa aalad ama qalab, (Device) markii la afuufo dhawaq bixiya. Waxuu noqon karaa nooc hore oo buuqa, (Trumpet) ka mid ah

[13] Mashuurada labaad: waa kulan labaad ee loo fariistay shoor iyo wada-tashi

[-14] Daaru Al-dacaam: waa dhismo gudihiisa lagu cunteeyo sida maqayadaha casrigan oo kale

[-15] Kaatibu Al-sir: waa qofka xogta diwaan galiya ama qora waxii fadhiga looga hadlo

[-16] Bidaaqad: waa waraaqad yar oo macluumaad, (Informations) gaar ah lagu qoray

[-17] Bilaadu Al-sawaaxil: waa wadamada ku yaal xeebaha Bariga Afrika, (Casrigan waa Keynay iyo Tanzaniya); Mumbaasa waa magaalo xeebeed iyo xarunta dhaqanka Islaamka ee Kenya. Kilwa ama Kilwa-kiswani waxay aheyd xarun aad u weyn oo ay dageyn Muslimiin ka timid dhulka Beershiya, (Iran) iyo koofurta Jassiirada Carabeed oo heystay ama rumeysan madhabka Shiicada Seydiyada, halkaas oo ay ka aassaaseen Imaarada Islaami ah bartamahii Qarniga 4-aad ee Hijriga oo ku beegan Qarniga 10-ad ee Miilaadiga

Mahad balaaran iyo qadarin weyn waxaa iga mudan oo aan u jeedinayaa dhammaan ikhyaarta maamula ama tifatirayaasha ka ah WEBSITE-yada & Media-da Soomaaliyeed ee kala duwan,gaar ahaan, sida quruxda badan oo ay ugu bandhigeen aqristayaasah sharafta leh qoralkan tarjumada ah ee ku saabsan socdaalkii Ibnu Battuuta ku Yimid Soomaaliya,(Magaalooyinka Seylac & Muqdishow), isagoo muddadii  usbuuc aheyd ee uu joogay Muqdishow waxyaabihii uu arkay ku qoray Kitaabkiisa caanka ah; qoraalkaas oo muujinaya, islamarkaana u ah marqaati taariikheed ilbaxnimada iyo hormarkaii ka jiray Soomaaliya waayahaas fog

Waxaa kale oo aan mahad u celinayaa aqristayaasha sida gaarka ah cinwaanka E-mail-ka igala soo xiriiray iyagoo bogaadin iyo dhiirigalin ii muujinaya; qaarkoodna ay iga codsadeen inaan TARJUMADA qoraalka ku dhaqsado, qaybaha uu ka kooban yahayna si degdeg ah u shaaciyo!

Tarjume: Xassan Xayle [[email protected]].

Sawir gacmeedka Amiin: PUNTLAND oo xiriirka u jareysa Mareykanka (Xanaaq)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Farshaxamiiste Amiin Caamir, ayaa sawir qosol badan ka sammeeyey siyaasadaha Puntland ee ku dhisan hanjabaadda iyo xiriir u jaridda dowladda Soomaaliya, haddii aan sida ay jeceshahay loo yeelin.

Amiin ayaa muujiyey madaxweyne Puntland oo ka carrooday inaan lagu casuumin shirkii madaxda Africa iyo Mareykanka, sidaa darteedna ay xiriirka u jarayaan Mareykanka, una diidayaan Obama inuu yimaado Puntland.

17_AUG_2014 copy

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

QM oo ku dhawaaqday war PUNTLAND ay jecleesatay oo ku aadan DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nichalas Key ayaa maanta oo Axad ah booqasho ku tagay magaalada Garoowe isagoona la kulmay madaxda maamulka Puntland.

Kulanka labada dhinac oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Garoowe ayaa waxaa kaloo ka qeybgalay wasiiro ka tirsan maamulka Puntland wuxuuna ahaa mid albaabada uu xiran yahay oo saxaafadda ay banaanka ka joogto.

Markii uu kulan soo dhammaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay madaxweynaha maamulka Puntland iyo danjire Key.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin immaatinka danjire Key oo markii lixaad uu soo booqdo Puntland, isagoona intaas ku daray in ay ka hadleen arrimo ay ka mid tahay xiriirka UNSOM iyo Puntland iyo xiriirka xumaaday Puntland iyo dowladda fedaraalka wixii ka dambeeyay markii la saxiixay heshiis lagu dhisaayo maamulada dhexe.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay u sheegeen wakiilka QM ee Soomaaliya Nick Key sidda ay u doonayaan in la sii hormariyo howlaha fedaraalka iyo in la gaaro yoolka 2016-ka si doorasho ay uga dhacdo dalka.

Danjire Key ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu la qaatay madaxweynaha Puntland iyo wasiiradiisa isagoona u ballan qaaday in maamulka Puntland uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin heshiiskii dhawaan ka dhacay Villa Somalia ee lagu dhisaayo maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Wuxuu sheegay in uu ku rajo weyn yahay siddii la isugu soo dhaweyn lahaa Puntland iyo dowladda fedaraalka maadama labada dhinac ay isku raacsan yihiin in 2016-ka dalka laga qabto doorasho rasmi ah sidda uu hadalka u dhigay.

Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo galabta ay ka dhaceyso magaalada Garoowe xaflad loogu xusaayo sannad guurradii koowaad ee ka soo wareegatay markii la dhisay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo sannad laga joogo.

Waxaa xafladda oo ay ka qeybgalayaan madaxda Puntland iyo marti sharraf kale lagu soo bandhigi doonaa wax yaabaha uu qabtay xafiiska iyo howlaha hor yaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Howl-gallada hub dhigista ee ka socda Xamar oo loo wareejinayo Gobol kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir-ku-xigeenka Amniga Qaranka, Ibraahim Isaaq Yarow oo ku sugan Magaalada Baydhabo, ayaa waxa uu sheegay in Howlgalada hub dhigista Muqdisho xoogeeda loo weecin doono Magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay Ciidamada Ammaanka u guda gali doonaan Hub ka dhigista Maleeshiyaadka iyo weliba Shaqsiyaadka aan ka tirsaneyn Dowlada ee hubka ku dhex wata gudaha iyo daafaha Magaalada Baydhabo.

Ibraahim Isaaq Yarow ma shaacin xilliga iyo goorta uu bilaabanaayo hawlgalkaasi, waxaana iminka socdo diyaarinta Ciidamdii sameyn lahaa Hubka dhigistaasi, inkastoo la Tilmaamay inay ka qeybqaadan doonaan Ciidamada Alf-grup oo laga qaadi doono Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa ka bilowday in dadka heysta ay hubkooda ku keydsadaan Howdka, halka kuwa kalane la sheegay inay u dhiibanayaan Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Maamulka ka tirsan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Shirweyne looga hadlayo taageeradda DF oo dhowaan ka furmi doono Dubai

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal ka soo baxay Maamulka Sare ee Dekedda Caalamiga ee Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay inay qabanqaabiyaan Shirweyne bishan August 26-da, kaasi oo looga hadlayo xoojinta Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshadda iyo La-dagaalanka Burcad-baddeeda.

Shirweynahaasi oo kii labaad ee looga hadlayo Ganacsiga iyo Dib-u-dhiska Somalia ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaan horumarinta Kheyraadka Dabiiciga ee mustaqbalka , Ganacsiga, Ibedel iyo Ilaha muhiimka ee maalgashiga Somalia.

Qorshaha Madaxda Dekedda DP ayaa lagu sheegay inay Shirweynahaasi

isugu keeni doonaan 30-xubnood oo isugu jirta Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, Madaxda Hay’addaha aan Dowliga ahayn, Ganacsatadda iyo Madaxda Wershadaha.

Agaasimaha Guddiga Fulinta ee Dekedda Dubai (DP World Group), Mohamed Sharaf ayaa sheegay inay muhiimadda tahay sidii loo sahmin lahaa Horumarinta wanaagsan iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo taageerayo dhismaha Awoooda Dhaqaalaha Somalia.

“Waxaan muhiimadda saaraynaa inaan maqalno Dhallinyarradda Somomaaliyeed iyo in lagu dhiirigeliyo horumarinta dalkooda iyo sidii loo dhisi lahaa Ganacsiyo Gudaha ah (Local Businesses)” ayuu yiri Mohamed Sharaf.

Waxa uu intaasi ku daray inay si wadajir uga shaqeyn doonaan sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabadda, HorumarintaDhaqaalaha iyo Shaqo-abuurista.

Xigasho: Arabian Supply Chain

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Feysal Cali Warabe oo wax kama jiraan ka soo qaaday doorashada GALAYR

Hargeysa (Caasimada Online) – Mid ka mid ah axsaabta mucaaradka Somaliland ayaa ka soo horjeestay doorashadda Cali Khaliif Galeyr loogu doortay maalintii Khamiista ee la soo dhaafay madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Khaatumo ay ka mid tahay Somaliland isla markaana wax maamul khaatumo la dhaho aan laga dhisi karin.

Mar uu ka hadlaayay doorashadda Cali Khaliif oo ka dhacday deeganka Saaxdheer ayuu sheegay in uu Cali Khaliif doonayo siddii uu maamulkaas ugu soo gali lahaa siyaasadda isagoo doonaya in uu xil ka qabto Somaliland ayuu yiri.

Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay siyaasiga Cali Khaliif Galeyr in uu abaarayo colaad iyo naceyb dhexdooda ah oo dadka reer Somaliland ee deggan gobalada Sool, Ceyn iyo Buuhoodle.

Wuxuu sheegay oo kale in uu Cali Khaliif Galeyr uu carruurtiisa soo dhigtay dalka Maraykanka isla markaana uu rabo dagaal uu ka holciyo deegannada Somaliland.

Waxaa la weydiiyay maxaa keenay isagoo mucaarad ah in uu u jawaabo Cali Khaliif Galeyr halkii maamulka Somaliland uu ka hadli lahaa.

Feysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay marka ay timaado qadiyadda Somaliland in uu xaq u leehay in uu difaaco oo uu ka hadlo.

Si kastaba, Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in uu diyaar u yahay dagaal uu ku xorreeyo deegannada Somaliland ay ka heysato maamulka Khaatumo State.

Cali Khaliif Galeyr ayaa horrey u sheegay in dadka reer Khaatumo ay diyaar u yihiin dagaal ay isaga xorreeyaan ciidamada maamulka Somaliland ilsla markaana ay xarun KMG ah ay ka dhiggan doonaan magaalada Laasacaanood oo hadda ay ku sugan ciidamada Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

XOG: BEELAHA HAWIYE oo billaabay in ay hubkooda ka rartaan MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib markii dowladda ay Muqdisho ka billowday olole ka dhan ah hubka sharci-darrada, waxaa soo baxay warar sheegaya in beelaha Hawiye ee hubka heysta ay magaalada ka rartaan iyagoona geenaya goobo kale.

Ilo xog-ogaal ah oo diiday in aan magacooda u adeegsan warbaahinta ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online in beelaha Habar-gidir, Murusade iyo Abgaal ay billaabeyn inay hubkooda u yaallay magaalada ay rartaan.

Meelaha qaar ayaa lagu akayay hub laga daad-gureenaayo kuwaasoo lagu raraayo gaadid waxaana si qarsoodi ah loogu qaaday magaalooyinka kale ee dalka.

Arrintan ayaa daba socota markii ciidamada dowladda ay billaabeyn howgallo ka dhan hubka sharci-darrada ee magaallada yaalla.

Dad badan ayaa aaminsan arrintan in ay dhallin karto dagaal sokeeye oo dib uga qarxa magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeeysay howgallada Muqdisho ka socda ee lagu aruurinaayo hubka sharci-darrada in uusan salka ku hayn cid ama shaqsi gaar ah ee uu yahay mid lagu adkeenaayo ammaanka caasimada.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo shaley shir guddoominaayay shir xasaasi ah oo uu ka qeybgalay madaxweyne Xasan ayaa sheegay in madaxda dalka ay raalli ka yihiin howlgallada magaalada ka billowday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]