28.4 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Magacyada xildhibaano aflagaadeeyey XASAN Sheekh oo xilka laga qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii la soo dhaafay soo Baxayay Warar sheegaya in Xildhibaanadii aflagaadada u gaystay Madaxweynaha Soomaaliya in lagu Wado in laga Xayuubiyo Xubinnimadooda Baarlamaanka.

Xildhibaanadan oo ka qeyb gaalay banaanbixii aflagaadada loogu gaystay Madaxweynaha iyo beelaha Hawiye ee Minneapolis, ayaa waxaa ay kala yihiin Dr. Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf iyo Xildhibaan Ibraahim Xaaji Suleymaan “Ilkacase”.

Inkasta oo aan la ageyn qaabka iyo sharciga loo marayo arrintan, ayaa haddana waxaa si aad ah u hadal haya xildhibaanno badan oo ka mid ah baarlamanka Soomaaliya.

“Marka uu furmo shirka baarlamaanka, waxaan waydiinaynaa labadan xildhibaan, meesha uu madaxweynaha ku dilay xildhibaanada ay ka mid ahayd Saado Cali Warsame, hadii ay caddayn u keeni waayaanna way waynayaan xubinnimada baarlamaanka” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha baarlamaanka oo arrintan wax ka wada lana hadlay Caasimada Online, isaga oo codsaday inaan la magacaabin.

Waxa uu intaas ku daray in eedeynta dilka ay tahay arrin aad u weyn, islamarkaanna aan si sahal ah la isaga hari doonin.

Sidoo kale Xildhibaanadan iyo dadkii iskugu soo baxay halkaas oo gaarayay 30 qof, ayaa aflagaado u gaystay Madaxweynaha iyo Qowmiyad gaar ah, taasi oo lagu wado in Xildhibaanada la gula Xisaabtamo Qayaamada Qaran oo ay galeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Beelo & siyaasiyin la yimi qorshe cajiib ah oo aan hubka looga qaadeyn (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shaqsiyaadka iyo beelaha hubka ku haysta magaalada Muqdisho, ayaa degay qorshe keeni kara in hubkooda aysan la wareegin dowladda Somalia.

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu arkayaa Xildhibaano  iyo Siyaasiyiin wadan jiray ama isku ilaalin jiray hal qoray oo iminka wata Qoryaha qaaliga ah sida Daba-jeexyo iyo hub kale, oo loo dhiibtay.

Qoryaha dheeriga ah oo ay wataan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Dam-Jadiid ayaa waxaa la tilmaamayaa inay lee yihiin Beelo iyo siyaasiyiin iyagu ka cabsanaaya in Hubkooda uu galo gacanta DF.

Hubka oo ay lee yihiin Beelo, Ganacsato, Siyaasiyiin ayaa waxaa si amaano ama ku meel-gaar ah loogu dhiibtay Mas’uuliyiinta Dowlada ka tirsan oo aan laga qaadi Karin si looga bad-baado in hubkaasi laga faramaroojiyo Beelahaasi.

Arintaani ayaa waxa ay meesha ka saareysaa in Howlgalada ka socda Muqdisho uu yahay mid ay Hay’adaha Ammaanka ku xaqiijinayaan Ammaanka, maadama Saraakiisha iyo xubnaha Damu-Jadiid ay weli hub ku dhex wataan Magaalada Muqdisho, halka kuwa kalane ay Hubkooda u daad gureynayaan Gobolada iyo Degmooyinka magaalada ka fog.

Lama Oga sida ay DF ka yeeli doonto qaabka Cusub oo ay beelaha qaar ku bad-baadsanayaan Hubkooda, waxaana laga yaabaa hadii ay howshu sidaa kusii socto ay bur-buri doonto Nidaamkii lagu xaqiijinaayay Ammaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

8 QODOB oo sabab u ahaa WEERARKII lagu qaaday AXMED DAACI (AQRISO)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay dhanka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Ujeedka loo weeraray Axmed Daaci uu ahaa mid Salka ku heysay Ammaan darida Degmada Wadajir iyo faragalino ay Maleeshiyadiisu ku hayeen Maamulka Degmada.

Haddaba Mas’uul ka tirsan Maamulka si hoose noogu xog waramay ayaa inoo xaqiijiyay in Qodobada soo socda ay yihiin Sababihii loo weeraray Axmed Daaci, hubkana looga qaaday waxaana kamid ah:-

1- Waxa uu ku fadhiyay Dhaqaalihii Degmada uga soo xaroonaayay DF.

2-Xilka unbaa laga qaaday, balse waxa uu qaadanaayay Canshuurta iyo mashaariicda Degmada, halka Maamulka Degmadaasi loo magacaabayna uusan laheyn Awoodii laga filaayay.

3-Maleeshiyaadkii daacada u ahaa oo uu diiday inuu ku biiriyo Dowlada.

4-Degmada Wadajir Maalintii waxaa ka shaqeyn jiray Ciidamada Degmada, Habeenkiina waxaa ka shaqeeya Maleeshiyaadkii Axmed Daaci.

5-Waxa uu diiday inuu Hubka ku wareejiyo Dowlada, ka hor inta uusan weerarku dhicin ayaa la wargaliyay balse wuu ka biyo diiday.

6-Xurguf dhex martay Axmed Daaci iyo Guddoomiyaha Cusub iyo DF oo kawar heshay xurguftaasi.

7- Canshuuraha Degmada oo ay aruurinayeen Maleeshiyaadka Axmed Daaci, taasi oo qasabtay in Mungaab uu dacwooyin ka geeyo Axmed Daaci.

8-Hubkii Degmada oo gacanta ugu jiray Axmed Daaci.

Dhanka kale, Sideedani Qodob ayaa waxaa la Tilmaamayaa in looga maarmi waayay Weerarka Axmed Daaci, iyadoona ay Madaxda DF iyo Maamulka Gobolka Banaadir hoosta kawada xariiqen in sida ugu dhaqsiyaha badan weerarkaasi lagu fuliyo, hayeeshee sidaasina uu ku dhacay Weerarkii qorsheysnaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ciidanka DF oo siyaasi kale Muqdisho ku weeraray (Xabsiga dhigay + Jir-dil)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada nabad-sugidda dowladda Soomaaliya, ayaa shalay howl gal ay ka sameeyeen Muqdisho, kuso xiray siyaasiga caanka ah ee Cali Maxamed Nuux Timo-Jilic, oo ah guddoomiye ku xigeenka xisbiga madnimada jamhuuriga.

Timo-Jilic, ayaa waxaa lagu weeraray hoygiisa, isaga oo shir jaraa’id inuu qabto doonayey, kagana hadlo tacadiyada ciidanka DF ee Xamar ka socday maalmihii dhowaa.

Markii ay nabad-sugida tagtay guriga siyaasigan, oo ku yaalla degmada Xamar Weyn, ayay si xun u jir dileen isaga iyo koox Suxufiyiin ahayd, kadibma ay kaxeysteen.

Wararka ayaa sheegaya in Timo-Jilic la gaarsiiyey dhaawac xooggan, oo six un loo garaacay.

Ilo wareedyo ka tirsan nabad Suggida ayaa Caasimada Online u sheegay in Cali Maxamed Nuux lagu xiray Xabsiga Godka Jilicow ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, oo uu caawa ku hoyanayo.

Taliye Ku Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Cumar (Shaaweeye) iyo Taliye Ku Xigeenkii hore ee Nabad Suggida Cabdi Dheere, ayaa Suxufiyiinta u sheegay inaanay wareysi la yeelan karin Siyaasiyiinta dhaliilsan hanaanka Dowladda.

Arrintan, ayaa qeyb ka ah caburinta cusub ee ra’yiga xorta ah oo ay dowladda Damu-Jadiid ka waddo Muqdisho.

Sidoo kale, Nabad Suggida waxay shalay ku fashilmatay in ay xabsiga dhigto Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabadda Soomaaliya C/laahi Sheekh Xasan, xilli ay duulaan ku qaaday hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), kaa oo xalay la xiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

C/llaahi Sheekh Xasan oo weeraray DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/laahi Sheikh Xasan oo maalmo ka hor Hoygiisa laga sameeyay Howlgalo, ayaa waxa uu ka hadlay qaabka uu u socdo Howlgalada ay fulinayaan Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia.

C/laahi Sheikh Xasan waxa uu sheegay in Howlgaladu ay yihiin kuwa aan sii socon doonin, waxa uuna Tilmaamay inay la mid tahay Fashilkii ku dhacay Dowlada goortii ay shaacisay Nabad ku afur.

‘’Waa howlgal aan sharci aheyn, horay ayay ugu fashilmeen Howlgalo lagu xaqiijinaayay Ammaanka taasi kama duwanaaneyso kan hadda nalagu garaafeeyay’’

C/laahi Sheikh Xasan waxa uu Tilmaamay inaysan suuragal aheyn in loo dulqaato Falalka ay Ciidamadu kula kacayaan Siyaasiyiinta, waxa uuna sheegay in Howlgalku uu ahaa mid laga damacsan yahay Ujeedo, islamarkaana saameyn buuran aan ku laheyn dadka qaar.

‘’DF waxaa looga baahan yahay inay ku quus qaadato Fashilkii ku dhacay Howlgalkii Nabad ku afur oo xiiso ahaa, kaasi kama duwana kan hadda socdo, laakiin waxaa jiro damac ku jira dadka qaar oo howlo gaar ah wata’’

Mar uu la hadlaayay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu DF uga digay inay kusii dhiiranaato falalka gurcan oo lagu xalaaleysanaayo Hantida dadka Siyaasiyiinta, waxa uuna Tilmaamay in dal waliba uu leeyahay Mucaarad taasina looga baahan yahay in Dowladu ay ku qanacsanaato.

Dhanka kale, C/laahi Sheikh Xasan oo sheegay inuu ku sugan yahay Hooygiisa ayaa waxa uu Cadeeyay in Howlgalka uu yahay mid u gaar ah shaqsiyaad, islamarkaana aan ka reebi doonin Siyaasadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: MAGACYADA guddoomiyeyaal uu Muungaab xilka ka qaaday iyo kuwo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog-ogaal ka tirsan Gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay in Guddoomiyaha Gobolka uu bilaabay inuu xil ka qaadis ku sameeyo Qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu iminka xil ka qaadis ku sameeyay dhowr gudoomiye ku xigeeno oo ay kamid yihiin Guddoomiye ku-xigeenka Dhanka Siyaasada Deeq Xassan Darajo iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Amniga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Labadaani ruux iyo dhowr kale oo ka tirsan Degmooyinka kale, ayaa waxa ay xilka hayeen muddo kooban, hayeeshee markii dambe loo keenay warqado xil ka qaadis ah.

Sidoo kale, Xogtu waxa ay sheegeysaa in Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dhowr degmo  iyaguna laga xayuubiyay xilalkii ay ka hayeen, iyadoona aan la garaneynin sababta ka dambeysa in shaqsiyaad dhawaan la magacaabay hadana ay xilkooda wayaan.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab uu wado qorsho cusub oo uu xilka uga qaadayo Seddex Guddoomiye Degmo, kuwaasi oo la sheegay inaysan u qalmin booska loo magacaabay, islamarkaana markii loo dhiibay xilkaasi ay degmadu gashay xaalad amni dari.

Ma aha mid lasii saadalin karo Ujeedka xil ka qaadista iyo xil magacaabista xilli Ammaanka Magaalada Muqdisho uu sii noqonaayo mid aan wanaagsaneyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

GALAYR oo si la yaab leh uga jawaabay su’aallo laga weydiiyay maamulkiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr oo la hadlaayay VOA Laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa waxa uu sheegay in Mas’uuliyad ay ka saaran tahay shacabka ku nool Deegaanada hoostaga Khatuma.

Mar wax laga weydiiyay qaabka uu u maamuli doono Deegaanada qaar oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Maamulka Somaliland, ayaa waxa uu sheegay in Maamulkiisa uusan ka waaban doonin wax waliba oo ku jira Maslaxada Bulshada degta Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxa uuna Tilmaamay in maalmo gudaheeda lagu dareemi doono isbedel.

Waxa uu ku hanjabay in Maamulka Somaliland, Puntland ay ka saari doonaan Deegaanada ay kaga sugan yihiin Khatumo, wuxuuna xusay in wax waliba ee hor istaaga ay u adeegsan doonaan Awoodahooda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, mar wax laga weydiiyay Aqoonsiga Dowlada ee ku aadan Maamulkiisa, ayaa waxa uu ku Jawaabay inay diyaar u yihiin inay la tashtaan Dowlada Federaalka, haddii ay dhacdo inay ka biyo diido xoojinta Aqoonsiga ay kula dhaqmi doonaan sida ay kala kulmaan DF, waxa uuna Sheegay in Arrinta DF ay uga muhiimsan tahay Arrinta shacabka Deegaanada ku nool.

Dhanka kale, Madaxweyne Cali Khaliif waxa uu ku hanjabay in Maamulkiisa uu dhacsan doono wax waliba oo ay xaq u leeyihiin haddii ay la kulmaan caqabado ay adeegsan doonaan awoodooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

MAGACEE ku habboon maamulka laga sameynayo gobolada dhexe ee dalka?

Iyadoo lagu wado in dhawaan maamul goboleed ay dhistaan dadka degan gobolada dhexee Mudug iyo Galguduud ayaa waxaa hadal heynta ugu badan ee maamulkaas la filayo ay tahay magaca loo bixin doonoo.

waxaa jira dhow magacag oo miiska wada hadalka saaran, kuwaas oo ay ka mid yihiini Galmugud, Ximan iyo Xeeb, Central Somalia, Muga State, iyo Middland, hase ahaatee cilmi baaris la sameeyay ayaa sheegeysa in dadka ka soo jeeda deegaankaas ay aad u daneynayaan magaca “Central Somalia”

Magacan oo fasiraadiisu tahay “Bartamaha Soomaaliya” ayaa waxaa inta badan soo dhaweeyay dadka deegaanka, iyagoo ku doortay sahlanantiisa iyo dhawaaqiisa oo qof kasta u sahlaya inuu si fudud u xifdiyo, iyadoo ay ugu muhiisan tahay inaan beel gooni ah laga dha-dhansaneyn.

Magacyada kale ee loolanka kula jira ayaa inta badan ka turjumaya maamulo hore u dhisnaa iyo kuwa cusub oo ay adag tahay in si sahlan loogu dhawaaqo, hase ahaatee maadaama la sameynayo maamul cusub oo loo wada dhanyahay wuxu magcan cusub noqon karaa mid la isku raaco.

W/Q:  Maxamed Sheekh

‘’Xasan Sheikh inuu iscasilo ayaa dawo u ah siyasada dalka’’ Sidaa waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Saleeban Maxamed Ibraahim oo ka tirsan Aqoonyahaanada Soomaaliyeed, ayaa waxa uu sheegay in la joogo xiligii uu Madaxweyne Xassan Sheekh is Casili lahaa.

Saleeban Maxamed Ibraahim oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ah ayaa waxa uu Tilmaamay in Is Casilaada Xassan Sheekh ay ku jirto xasiloonida Dalka, waxa uuna sheegay in imaanshaha Dowladiisu uu dalka galay xaalad Ammaan dari.

‘’Joogista Xassan Sheekh waxa ay sii horseedi kartaa dhibaatooyinka dalka ka jira, waxan kula talin lahaa inuu is Casilo, waayo imaanshihiisa waxa ay sii bur-burisay rajadii dalka, haddii aynu nahay Aqoonyahaanada si loo helo xal waa in uu is Casilaa’’ ayuu yiri Saleeban Maxamed Ibraahim

Isaga oo intaa kasii ambaqaadayo hadalkiisa ayaa waxa uu yiri ‘’Waxaa faraha kasii baxay Amaanka dalka, waxaa la dhibaateynayaa Siyaasiyiinta iyo bulshada qeybaheeda kale, looma dooran inuu na dhibaateeyo, awooda dalkuna waxa uu kusoo koobay shaqsiyaad xarako ah’’

Dhanka kale, Saleeban Maxamed Ibraahim waxa uu DF uga digay inay wax ka qaban weyso Shaqsiyaadka Awooda Dowladnimo uga faa’iideysanaaya kuwa ay kala dhexeyso Colaadaha, waxa uuna xusuusiyay in mustaqbalka dhow lagula xisaabtami doono ficil waliba oo ay ku kacan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maamulka Gobolka BANAADIR oo soo dhaweeyay howgallada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobalka Banaadir ayaa soo dhaweeyay howgallada ciidamada ammaanka ay ka billaabeyn magaalada Muqdisho kaasoo la rabo in hubka sharci-darrrada looga aruuriyo.

Ku-simaha guddoomiyaha gobalka Banaadir, ayaa saxaafadda u sheegay maamulka gobalka Banaadir uu soo dhawenaayo howgallada ka socda Muqdisho ee hubka sharci-darrada loogu uruurinayo, isagoona intaas ku daray in ay la socdaan howgalladaas oo ay raalli ka yihiin sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay sarkaalkan u hadlay maamulka gobalka Banaadir in ciidamada howgallada fulinaya ay ka tirsan yihiin nabad sugida iyo booliska maamulka gobalka Banaadir.

Wuxuu tilmaamay in ay qalad tahay kooxo hubeysan in magaalada ay hub sharci darro ah ku heystaan isla markaana ay la dagaallamaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Si kastaba, hadalka mas’uulkan u hadlay maamulka gobalka Banaadir ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmahan magaalada Muqdisho ay ka socdeen howgallo lagu baadi-goobayo hubka sharci-darrada ee magaalada yaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Maxaa ogeyn oo Baydhabo ka socda?

Baydhabo (Caasimada Online) – Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay kaddib markii la sheegay in ay magaalada ku wajahan yihiin wafdi ballaaran oo dowladda ka socda.

Wafdiga oo ka soo ambabaxaya magaalada Muqdisho waxaa hoggaaminaya wasiirka dhallinyaradda iyo cayaaraha, Khaliid Cumar Cali sidaas waxaa ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Baydhabo.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in magaalada lagu arkayo ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM, waxaana dad reer Baydhabo loo sheegay xaaladda in ay deggan tahay.

Wafdigan ku sii jeeda Baydhabo waxaa ka horeeyay wafdi kale oo uu hoggaaminaayay wasiir ku-xigeenka ammaanka, Ibraahim Yabarow kuwaasoo u gogol xaarayay shirweyne la rabo in lagu dhammeestiro dhismaha maamulka koonfur galbeed ee seddaxda gobal.

Wafdiga Baydhabo u ambabaxaya waa waa guddi farsamo uu u dhisay wasiirka koobaad ee xukuumadda kuwaasoo la rabo in ay dhammeestiraan maamulka seddaxda gobal ee Koonfur galbeed.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan labo maamul oo iska soo horjeeda kuwaasoo kala ah lix iyo seddax.

Dowladda Soomaaliya ayaa aqoonsatay maamulka seddaxda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Galeyr oo iska casilay BFS, kana digay in DF Somalia ay 1 arrin ku dhaqaaqdo

Saaxdheer (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Khaatumo State, Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in uu maanta oo sabti ka ah ka baxay xildhibaannimadii baarlamanka Somalia.

Galayer waxa uu sheegay in uu Warqadii is-casilaadiisa usoo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo uu uga tagay Shaqadii uu u hayay baarlamaanka Soomaaliya..

Galayr waxa kale oo uu shaaciyey wax hambalyo aanu ka helin doorashadiisa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna ku goodiyay haddii la ictiraafi waayo in ay xiriirka u jari doonaan.

Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markii loo doortay madaxweynaha maamulka Khaatumo in dad ay asxaab yihiin oo ku jirra dowladda ay hambalyo u soo direen isagoona si gaar ah u xusay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Dhuxulow.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ku goodiyay haddii dowladda fedaraalka aaney taageerin qadiyada iyo mowqifka maamulka Khaatumo in ay calaaqaadka u jari doonaan isagoona intaas ku daray isla markaana uu wax wadashaqeyn ah aanu dhexmari dooni.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo ayaa dhinaca kale dowladda ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqoto maamulada ka dhisan dalka sidda, Puntland, Khaatumo iyo Somaliland.

Wuxuu tilmaamay in uu Maraykanka uga yimid siddii uu door uga qaadan lahaa midnimada Soomaaliya loona horumarin lahaa shacabka deggan deegannada uu maamulo Khaatumo oo uu yiri xaqooda dad kale ayaa iska heysta.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin doorashadda ka dhacday deeganka Saaxdheer oo u dhow soohdinta Itoobiya toddobaadkii hore taasoo uu ku guuleystay siyaasiga Cali Khaliif Galeyr.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Kenya oo heshiis la galeysa A/Madobe kadib markii ay is-fahmi waayeen DFS

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Star ee Kenya ka soo baxa ayaa qoray maanta oo Sabti ah Kenya in ay heshiis la galleyso maamulka KMG ah ee Jubba, heshiiskaas ayaa la xiriira in qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool loo wareejiyo gobalada Jubbooyinka.

Wargeyska oo soo xiganaya sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, ayaa sheegay in arrintaas loo sameeyay markii labo jeer dowladda Soomaaliya ay ka soo qeybgali weysay shirar looga hadlaayo dib u celinta qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool.

Sarkaalka u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guul-darreesatay in ay ka soo baxdo heshiis kal hore ay kala saxiixdeen, Kenya, Soomaaliya iyo hey’adda qoxootiga QM ee UNHCR.

Maalintii shaley ayaa la rabay in la qabto kulanka labaad ee looga hadlaayo dib u celinta qoxootiga Soomaalida balse waxaa aan ka soo qeybgalin dowladda Soomaaliya ayuu yiri sarkaalka u hadlay dowladda Kenya.

Kenya ayaa marka si ay u sii wado arrimaha qoxootiga Soomaalida waxay heshiis la galeysaa maamulka Axmed Madoobe kaasoo badali doona dowladda fedaraalka ayaa lagu yiri warka uu qoray Wargeyska The Star.

Magaalada Nairobi waxaa muddo toddobaad ah ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba, Jeneraal Cabdullaahi Ismaacil Fartaag.

Kenya ayaa horrey si iskeed ah qunsuliyad uga sameesatay magaalada Kismaayo, waxaa kaloo Jubbooyinka ka jooga ciidamo aad u fara badan kuwaasoo qeyb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaa muuqata in uu jirro khilaaf ku aadan halka lagu qabanaayo shir looga hadlaayo dib u celinta qoxootigta Soomaalida ee Kenya ku nool taasoo u dhexeeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Sawirro: DFS oo soo saartay go’aano 8 qodob ah oo ku saabsan hub dhigista

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir xasaasi ah ayaa maanta ka dhacay xarunta Villa Somalia, waxaana ka qeyb galay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Ra’iiusl Wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud.

Kulanka oo looga hadlayey ariimaha amniga iyo xaaladihii ugu danbeeyey dalka ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyadeed ku aadan sida loo wajahayo nabad ku soo dabaalida dalka.

WAR-MURTIYEED

Xukuumadda JFS waxay u gubinaysaa ummadda Soomaaliyeed fariin ku aadan amniga dalka iyo hawl-galada lagu sugayo amniga guud:

1. Ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa in hawl-galadii amniga ee ka dhacay magaaladda Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee dadweynaha iyo dalka, ee aan marnaba loola jeedin cid gaar ah, shakhsi gaar ah ama degaan gaar ah. Waxayna Xukuumaddu ka xun tahay wixii waxyeelo ah ee soo gaaray dad shacab ah ee ku sugnaa goobaha ay ka socdeen hawl-galada amaanka lagu sugayey oo aan ku-talo-gal ahayn, waxaana dowaldu ka tacsiyeeynaysaa dadkii dhibaatadu ka soo gaartay howlgaladaas:

2. Xukuumadda JFS waxay amaanaysaa soona dhaweynaysaa Hay’adaha Amniga Qaranka hawl-galadii ay fuliyeen iyagoo sugaya amniga dadweynaha.

3. Waxaa xusid mudan, in hawl-galada lagu sugayo amniga ummadda la sii wadi doono, iyadoo marnaba aan lagu xad-gudbaynin xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha.

4. Sida sharcigu qabo, Hay’adaha Amniga iyo Ciidamada Qalabka-sida ama ciddii ruqsad loo siiyo oo keliya ayaa xaq u leh haysasho hub.

5. Waxaa la mamnuucay.

b) ka-ganacsiga hubka nooc kasta uu yahay.

t) haysashada ciidan abaabulan oo ka baxsan ciidamada qalab-sida iyo AMISOM.

j) in wadooyinka lala maro hub aan sharciyeysnayn.

1. Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed in ciddii haysata hub sharci daro ah ay ku soo wareejiso gacanta Hay’adda Amniga (Wasaaradda Amniga Qaranka) ama ay si sharciga waafaqsan uga diiwaan-geliso Hay’adaha Amniga Qaranka.

2. Ciddii ka hortimaada ciidamada amniga, marka ay ku jiraan hawlaha amni-sugid ee ay u xilsaaran yihiin, waxay ku xad-gudubtay sharciga dalka, waxaa lala tiigsanayaa sharaciga dalka u yaala.

3. Xukuumadda JFS waxay ku adkaynaysaa Hay’adaha Amniga in ay markasta dhawraan Xuquuqda Aadanaha, sarreynta iyo talinta sharciga (respect to the supremacy of law and the rule of law).

4. Warbaahinta madaxa-bannaan waxaa lagu wargelinayaa in ay dhawraan sharciga oo aysan marnaba ku xad-gudbin. Waxaa Saxaafadda iyo Warbaahinta lagu adkaynayaa in aysan ku kicin falal iyo warbaahin iska-horkeenka bulshadda, kicinta colaadaha, been-abuurka aan salka lahayn, iwm. Waxayna xasuusinaysaa in falalkaas ay yihiin danbiyo cad cad. Warbaahintii ku dhaqanta arrimaha xad-gudubka ah ee sare ku xusan, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.

5. Xukuumadda JFS waxay markasta dhawraysaa gacan-sarreynta sharciga, talinta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha Soomaaliyeed, waxayna xushmaynta xoriyadda saxaafadda.

6. Golohu wuxuu u xilsaaray Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Amniga Qaranka in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo saaraan siyaasad cad oo qeexaysa qorshe lagu tayeeynayo laguna xirfadaynayo warbaahinta madaxa banana.

7. Xukuumadda JFS waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in la abuuray khad (telefoon) gaar ah oo ciddii qabta tabasho, wargelin iyo talo-bixin ay kala soo xiriiri karto Hay’adaha Amniga (Wasaaradda Amniga Qaranka), waxaana dhawaan khadkaas lagu soo bandhigi doonaa Warbaahinta Qaranka,  iyo

8. Xukuumadda JFS waxay markale shacabka Soomaaliyeed u ballan-qaadaysaa in ay xoojinayso amniga si waafaqsan shuruucda dalka si muwaadinku u helo xasilooni iyo amaan.

Sawirrada kullanka

villa1villa2villa3villa4villa5villa6villa7

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Khilaafka Xasan & C/Weli oo meel xun maraya iyo is-dacweyn caalami ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay Caasimada Online ka heshay Villa Somalia, ayaa sheegeysa in Khilaaf xoogan uu weli ka dhex taagan yahay Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Khilaafka ayaa la tilmaamayaa inuu salka ku hayo Faragalin dhanka Xafiiska, Qeybinta Safaaradaha iyo mooshin ka dhan ah Cabdi Weli, oo Xasan iyo Faarax ay wadaan.

Ilo wareed ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in faragalin ba’an lagu haayo Xafiiska Ra’isul wasaaraha, waxa uuna Ilo wareedka intaa kusii daray in Cabdi Weli uu dareemayo in Xasan Sheekh uu faraha la galay arrimo u gaar ah ama ah awooda Cabdi Weli.

Waxaa sidoo kale ay xogta sheegeysaa in Cabdi Weli uu warqado ashtako ah u gudbiyay Qaramada Midoobay iyo IGAD, oo saaxiib dhow isaga la ah.

Khilaafka ayaa la tilmaamayaa inuu si horu dhac ah u gaaray taliska sare ee AMISOM, si loo sii kala dhex galo Labadaasi Mas’uul, iyadoona ay arrintooda hoos kasii hurinayaan shaqsiyaad kale sida Faarax C/qaadir.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inuu ka warhayo olole uu wado Faarax C/Qaadir, oo lagu diyaarinayo mooshin ka dhan ah isaga, taasi oo beesha caalamka ay ka digtay toddobaad ka hor.

Madaxweyne Xassan, Faarax C/qaadir ayaa maalmihii dhowaa shirinayey xildhibaanno badan, oo diyaarinaya mooshino qar ka tuur ah oo lagu sameeyo Ra’isul wasaare C/weli, inkastoo Danjiraha Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi iyo Ergo kale oo dalkaasi ka socday ay Faarax ku canaanteen inuu faraha kala baxo Siyaasadaha xad dhaafka ah.

Inkasta oo Cabdi Weli uu dareemayo in awoodiisa lagu fara-geliyey, haddana waxaa la sheegaya in isagana uu awooda madaxweynaha faraha kula jiro sida magacaabista safiirada cusub, oo qeyb ka doonayo, taasi oo ah awooda Xasan Sheekh.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Gudoomiye cusub oo loo magacaabay SH/DHEXE (MAGACIISA iyo BEESHIISA)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo xilka ka qaaday guddoomiyihii hore ee Cabdi Jiinow.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa waxaa loo magacaabay Cali Cabdullaahi Xuseen oo loo yaqaan (Cali Guudlaawe).

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa ku sheegay inay dhamaatay mudadii KMG aheyd ee Gudoomiyenimada Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinow, sidaas darteed uu magacaabay guddoomiye cusub.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markuu arkay qodobka 87aad, qodobka 90aad iyo qodobka 99aad ee dastuurka jamhruuiyada federaalka Soomaaliya. Markuu arkay sharciga 116 ee soo baxay 6-Agosto 2013 kuna saabsanaa sharciga maamulada degmooyinka gobolada dalka, markuu ogaaday mudadii Kmg ee Gudoomiyenimada Gobolka Shabeelaha Dhexe uuna gobolka u baahan yahay Gudoomiye cusub, markuu tixgeliyay soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka iyo inay jirto baahi loo qabo dhisida maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka, si ay mustaqbalka u dhismaan dowlad goboleedyo dastuurka waafaqsan, wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyada ka qaada Gudoomiyihii Gobolka Cabdi Jiinow Calasow wuxuuna Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe u magacaabay Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)” ayaa lagu yiri wareegtada madaxweynaha.

Sida ku cad wareegtada, dhammaan xubnaha kale ee maamulka Sh/dhexe, sida ku xigeenada ayaa xilka sidooda u haynaya oo lama baddalin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

WARBIXIN: Wiil uu adeer u ahaa ra’iisul wasaare SAACID Shirdoon oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Dowlada Dalka Canada ayaa waxaa lagu sheegay in Dalka Ciraaq uu ku geeriyooday Jihaadiiste Faarax Maxamed Faarax oo Bishii Jun ka ambabaxay Dalka Canada una safray Dalka Ciraaq si uu halkaasi uga dagaalamo, isagoona ku biiray Kooxda ISIS.

Faarax Maxamed Faarax, ayaa waxaa adeer laxmi u ah Ra’isulwasaarihii hore ee Somalia Cabdi-Faarax Saacid Shirdoon, waxaana la Tilmaamayaa in Dowlada Canada ay Ehelka Jihaadiistaha ku wargalisay in Faarax Maxamed Faarax uu ku geeriyooday duqeymo halkaasi laga fuliyay.

Geerida Faarax Maxamed Faarax, ayaa waxaa sidoo kale, shaaciyay Tv-ga CBC oo soo xiganaaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Canada, inkastoo uusan Wasiirku ka bixin faah-faahino dheerad ah, Balse waxa uu hadalkiisa kusoo kooban in Faarax Maxamed Faarax uu ku geeriyooday Dalka Ciraaq.

Dhanka kale, Faarax Maxamed Faarax ayaa waxa inta uu noolaa ku hanjabay inay weerar Culus ku qaadi doonaan Dalal ay kamid tahay Canada, Mareykanka iyo Dalal kale oo reer galbeedka ah, isagoona sheegay in guushu ay ahaan doonto Ciraaq iyo Shaam.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qorshe IGAD ay Kismaayo ku siineyso hal beel oo ka qeyliyeen BEELO badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Xuseen Xasan Naaleeye oo kasoo jeeda Deegaanada Jubooyinka oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in IGAD ay musiibo u hor seedeyso Dalka Somalia.

Naaleeye waxa uu sheegay in IGAD ay wado qorsho cusub oo ay ku dooneyso in Kismaayo ay ugu dhiibto hal beel.

‘’IGAD waxa ay sii kala fogeyneysaa Beelaha dega Kismaayo, waxa ay wadaa Qorsho ay ku dooneyso in Beesha Axmed Madoobe la siiyo Awooda Koowaad ee Kismaayo, taas waa mid daan-daansi ku ah Beelaha kale ee dega Kismaayo’’

Naaleeye oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri ‘’Beelaha Kismaayo waxa ay ka heshiin la’ yihiin Ambasador Afeey oo wax waliba la jacel Axmed Madoobe, waxaan arkeynaa halka ay la gaarto Siyaasadooda waayo waxaa noo muuqata in Ogaadeniya ay dhac ku hayaan deegaanada aysan degin’’

Suldaan Naaleeye waxa uu ka digay in Dowlada Federaalka Somalia ay ka arrinsato waxa u dan ah Beelaha wada dega Kismaayo, waxa uuna ku hanjabay in haddii ay dhacdo in la soo faragaliyo Deegaanadooda ay ka bixin doonaan Jawaab cad, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in fariimo ay u diri doonaan Beesha Caalamka si looga hortago waxa uu ku sheegay shirqoolo kusoo wajahan Beelaha Dega Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso baaritaan kusocda madaxda DF (Maxaadan ogeyn oo loo haystaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – BBC-da ayaa wareysatay hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya, mudane Dr. Nuur Faarax, waxaana wax laga weydiiyay arrimo badan oo ay ka mid tahay musuq-maasuqa lagu eedeeyay madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Muxuu qabtaa xaafiikiisa?

Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay in xafiiskiisa uu ilaaliyo hantida qaranka gaar ahaan lacagaha soo gala dowladda iyo kuwa deeq-bixiyaasha ay bixiyaan.

Soomaaliya waxaa soo gala hanti waxaana deeq-bixiyaasha ay bixiyaan dhaqaale” “ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.

Wuxuu sheegay xafiiskiisa in ay ka shaqeeyaan 73-qof, isla markaana ay xarumo ku lee yihiin magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Garoowe oo Puntland wadashaqeyn ayaa naga dhexeeya ayuu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in ay wadaan dabagal iyo baaritaan lagu sameenaayo heshiisyada dowladda ay la gasho shirkadaha caalamiga iyo lacagaha la siiyo dowladda.

Hanti-dhowraha guud ee qaranka ayaa tilmaamay in uu ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha uu hoggaaminaayay ee ka qeybgalay shirkii Afrika iyo Maraykanka ee dhawaan ku soo gabagaboobay magaalada Washington DC.

Maxay qabteyn ilaa hadda?

Wuxuu sheegay tan iyo markii uu xafiiska yimid in ay qabteyn shaqooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay, baaritaan lagu sameeyay xafiisyada wasaaradaha.

Hanti-dhowraha qaranka Somalia ayaa tilmaamay in sannad kasta ay dabagal ku sameeyaan miisaaniyadaha la siiyo wasaaradaha si loo ogaado wax yaabaha lagu bixiyay miisaaniyadaas.

“Dabagal ayaan wadnaa wixii xog ah, waan la wadaagi doonaa shacabka oo heshiis kasta oo aan ka ahayn mid siyaasadeed xafiiskeyga in laga diiwaangaliyo ayaan codsaday, waana la iga yeelay” ayuu yiri hanti-dhowraha guud ee qaranka.

Siddee ayuu u arkaa warbixinta UN Monitoring Group?

Waxaa la weydiiyay warbixin qabyo ay oo ka soo baxday UN Monitoring Group oo ku aadan musuq-maasuq ay rabaan maxda dowladda iyo wada shaqeyn kala dhexeysa iyaga iyo kooxdaas?

Wuxuu sheegay hant-dhowraha guud ee qaranka in warbixintaas loo soo gudbiyay balse ay wadaan baaritaan ay ku hayaan madaxda DF, isagoona sheegay in uu jirro wada-shaqeyn dhinaca warbixinada oo ka dhexeeya iyaga iyo kooxda UN Monitoring Group, balse wuxuu caddeeyay in waxkasta aysan la wadaagi doonin.

“Waxay na weydiiyeen caddeemo ku aadan arrintaas balse wax kasta lama wadaagi karno hey’ad ajnebi ah” ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.

Ugu dambeyn wuxuu hanti-dhowraha qaranka uu tilmaamay in baaritaano lagu hayo xafiisyadda madaxweynaha, kan ra’iisal wasaaraha iyo xittaa kan guddoomiyaha baarlamaanka si wax kasta ay u noqdaan wax cad oo muujinaya shaqadooda sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale in xafiiskooda uu ka madax-banaan yahay hey’addaha dowladda oo uu la mid yahay hey’adda garsoorka oo ah hey’ad iskeed u madax-bannaan.

“Ummada Soomaaliyueed ha ogaadaan shaqo dastuur ayaan naloo idmay, dabagal ayaan wadnaa wixii xog waan idiin soo gudbinaa ee nagu kalsoonaada” ayuu yiri hanti-dhowraha guud ee qaranka Somalia.

Hadalka hanti-dhowraha guud ee qaranka ayaa ku soo aadaysa iyadoo warbixin qabyo oo ka soo baxday UN Monitoring Group lagu sheegay in madaxweynaha iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ay qaateyn hanti uu lahaa qaranka Soomaaliya, balse labadooda arrintaas waa ay iska fogeeyeen.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

VIDEO: CHOPRA, xiriiriyaha kooxda QM oo lagu dheggan yahay‏ (Maxaa cusub)

Soomaaliya waxay soo martay dagaal sokeeye oo ay ku soo jirtay muddo ka badan 23 sano, waxana colaadda ku nafwaayey dad fara badan, ku curyaamay, ku barakay gudaha, una qaxay dibadaha oo weli ku sugan.

Waxa dadka Soomaaliyeed u baahnaay in loo gurmado dhan kasta iyo waddo kasta oo lagu soo celinaayo nolol caadi ah oo ku wajahan xallinta dhibaatada Soomaalidu ku qabaan gudaha iyo dibedda dalka.

Waxan u heystey, welina u heystaa in xilka ugu weyn ee arrintaas saaranyahay dhammaan hey’adaha qaramada midoobay, golaha ammaanka gaar ahaan, waxase shir jaraa’id oo uu qabtay qareen ka socday Shulman Rogers sheegay in kooxda la socodka hubka Soomaaliya iyo Eritrea si dadban ugu soo rogtay cunaqabatayn Soomaaliya, waxayna kooxda kormeerka hubku sheegtay in aan Soomaaliya la siin Karin dhaqaale si ay cagaheeda ugu istaagto, wixii la siinayana loo mariyo hey’adaha caalamiga, iyada oo ay sababtu tahay bay tiri kooxdu laaluushka iyo musuqmaasuqa ka jira dey’adaha qaranka Soomaaliyeed daradeed.

Waxan shirka jaraa’id ka dheehday awood xad dhaaf ah ee uu adeegsaday “Chopra,” xiriiriyaha kooxda la socodka iyo kormeerka hubka Soomaaliya iyo Eritrea, xiriiriyahaas oo xubnaha golaha ammaanka ka dhaadhiciyey in aan Soomaaliya laga qaadin cunaqabataynta, dhaqaalahana loo marsiiyo hey’adaha caalamiga ah, waxanan u arkaa in arrinta curyaaminta dhaqaalaha la mid tahay cunaqabataynta hubka.

Waxa shirka jaraa’id lagu sheegay in warbixinnada uu xiriiriyaha kooxda qaramada midoobay ku sheegay musuqmaasuqa ka jira Soomaaliya yihiin kuwo la mala awaalay oo aan raad lahayn, mana jiraan waxyaabo la taaban karo oo caddaynaya edeeymaha loo jeediyey hey’adda uu qareenku ka tirsanyahay ama ka socday ee Shulman Rogers.

Waxa kale oo shirka jaraaid lagu sheegay in qoraallada ku saabsan Soomaaliya sannadkiiba mar la qoro, laakin ay dhammantood isku egyihiin oo aan wax yaabo kala duwan ku jirin, waxana la sheegay in marka laga billaabo manta ay dacwad sugayso xiriiriyaha oo laga doonayo in uu waxa uu sheegay ka bixiyo caddaymo, waxana la tuhunsanyahay in xiriiriyuhu ku hawlan yahay arrimo kale oo u gaar ah oo uusan golaha ammanku la socon, ayaa lagu yiri shirka jaraa’id.

Waxan is weydiiyey waxa ku jaban in ciddii soo celinayso hanti Soomaaliyeed oo ku dhex maqan hey’adaha maaliyeed ee dunida, iyo in dawladda Soomaaliyeed lala galo heshiis la xiriira soo dhicinta hantidaas maqan, waxanan meesha ka marnayn in dawladda federaalka Soomaaliyeed lagu yeesho khidmadaha la xiriira shaqooyinka loo qabanayo. Dabcan, waxa caado ah in qofkii meel ku raagaba u qaato in uu iska leeyahay hey’adda uu madaxda ka yahay, waxana ii muuqata in sarkaalka xiriiriyaha u ah kooxda kormeerka iyo la socodka hubka Soomaaliya iyo Eritrea la baxay baar aan la gaabin Karin. Si kastaba ha ahaatee, waxay Soomaalidu ku mah-maahdaa ”Geeloow daaq oo daaq ee markaad ciin daaqdo baa laguu yaabaa.”

Wabillaahi Towfiiq
Qore: Prof. Axmed M. Warfa, PhD
Utah, USA