28.4 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

“Dadka dega MUDUG illaa KISMAAYO ayaa loo wadaa musiibada’’ Waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Muumin Gariig oo ka tirsan nabadoonada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka Somalia aysan muteysan in laga dhigo Federaal.

Muumin Gariig, ayaa waxa uu sheegay in Federaalka uu sabab u yahay Dilalka iyo dagaalada hada ka dhaca Dalka, waxa uuna sheegay in Wakiilka QM u qaabilsan Somalia uu yahay ninkii kala jaray Dalka Suudan, sida uu hadalka u dhigay.

Muumin Gariig waxa uu Tilmaamay in Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia uu isaga Ololiyay Dagaaladii u dhexeeyay Waqooyiga iyo Koonfurta Sudan ee hadda kala go’ay, wuxuuna sheegay in Gudiyada Dastuurka qaabilsan ay Dastuurka ka saaran Nidaamka Federaalka ah.

Wuxuu Tilmaamay in Ujeedka Wakiilka QM loogu soo magacaabay Somalia ay tahay inuu kala jar-jaro Dalka Somalia, isagoona sheegay in si gaar ah uu faraha ula gali doono dadka dega Mudug ilaa Kismaayo.

‘’Waa nasiib daro in Ruux sabab u ahaa Dagaalada iyo kala go’a Dalka Suudan amarkiisa lagu dhaqo shacabka Somalia, Wakiilka QM waxa uu wadaa inuu kala jarjaro dalka Somalia gaar ahaan waxa uu kala qeyqeybin doona dadka dega Mudug ilaa Kismaayo’’ ayuu yiri Gariig.

Dhanka kale, Muumin Gariig oo si aad uga careysan Dagaalada iyo dilalka ay Dowlada Federaalka Somalia ku fulineyso dadka Reer Muqdisho, ay Mas’uuliyadeeda qaadi doonto Dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: UN Monitoring Group iyo been abuurkeedii DFS oo laga daba tagay

Minneapolis (Caasimada Online) – Shirkadda sharci yaqaannada Shulman Rogers oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka oo wada-shaqeyn kala dhaxeyso dowladda Soomaaliya, ayaa beenisay eedeymo la xiriiray in ay madaxda dowladda Soomaaliya ka caawisay lunsashada lacago qaran.

Kormeerayaasha Qaramada Midoobey ee cunaqabateenta hubka ee Soomaaliya iyo Ereteria, ayaa dhowaan warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka ee Reuters ku eedeysay shirkaddan Shulman Rogers in ay gacan ku siisay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aaden in si musuq- maasuq ah ku soo ceshadaan hantidii qaranka, si gaar ahna u isticmaalaan.

Jeremy Schulman oo ka tirsan shirkadda Rogers ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Minnesota in ay maxkamad la tiigsan doonaan Jarat Chopra oo ah guddoomiyaha guddiga kormeereyaasha Qaramada Midoobey ee soo saaray warbixinta eedeynta.

Waxa uu sheegay inay diyaariyeen dacwad ka dhan ah Chopra, ayna ka hari doonin illaa caddaaladda laga marsiiyo, kadib dhaawacii uu gaar siiyey qaranka Somalia.

Schulman ayaa caddeeyey in ay si sharci ah oo cad oo la wada ogyahay ay shirakadda gar-yaqaannada Rogers ula shaqeyso dowladda Soomaaliya oo ay ka caawiso dib usoo celinta hantidii qaranka Soomaaliya.

Sarkaalkaan u hadlay shirkadda sharci yaqaanada ee Shulman Rogers ayaa xusay in ay kaalin weyn ka cayaareen soo celinta hanta u dhiganta 33 milyan oo dollar, ayna si sharci ah oo cad ugu  wareejiyeen dowladda Soomaaliya oo aaney jirin wax is-dabaimarin ah.

Waxa uu sheegay in Chopra uusan hayn wax caddeyn ah oo lagu rumeysan karo, marka laga reebo qoraalo uu maskaxdiisa kasoo alifay.

Waxa uu xusay in Chopra uu u shaqeynayo dad cadow ku ah qaranka Soomaaliya, oo diidan in dowladda Soomaaliya ay hana qaado, uuna lee yahay ajendooyin siyaasadeed.

Jeremey Schulman ayaa sheegay in eedeymaha kormeerayaasha ay tahay kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toonna laheyn , xubnaha guddiga kormeerayaasha cunaqabateynta ee Soomaaliyana ay meel ka dhac u geysteen magaca shirkadda Shulman Rogers iyo madaxda Soomaaliya, wuxuuna tibaaxay in ay sii wadi doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeyso dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore si weyn u beeniyey warbixinta guddigaan ka tirsan Qaramada Midoobay, waxayna dowladda ku eedeysay xubnaha guddiga in ay goobaha fadhi ku dirirada ka soo aruuriiyaan xogaha ay isticmaaleen.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Jeremy Schulman

Caasimada Online

Xafiiska Minneapolis

[email protected]

Dhageyso: Prof. Galayr oo waxbo aan u reeban DF, Puntland iyo Somaliland

Saaxdheer (Caasimada Online) – Idaacadda VOA-da ayaa wareysi gaar ah la yeelatay mudane Cali Khaliif Galeyr oo Khamiistii tuulada Saaxdheer oo u dhow soohdinta Itoobiye loogu doortay madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State afarta sanno ee soo socota.

Cali Khaliif Galeyr oo horey u soo noqday ra’iisal wasaaraha Soomaaliya isla markaana ahaa mudane baarlamaan ayaa arrimo dhowr ah ka hadlay oo ay ka mid tahay xiriirka maamulka Khaatumo iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in uu marka hore uusan isla wadi doonin labada xi lee ah in uu yahay madaxweynaha maamulka Khaatumo State iyo in uu sii ahaado xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Khaliif ayaa daaha ka rogay in uu la hadli doono guddoomiyaha baarlamaanka oo uu sheegi doono in uu ka baxay baarlamaanka isla markaana wixii hadda ka dambeeya uu u wareegi doono siddii uu uu kor u qaadi lahaa maamulka Khaatumo.

“Anniga xilka aan hayay waxaa igala weyn tan hadda aan qabtay, waxaana aan la hadli doonaa guddoomiyaha baarlamaanka oo iskuma qaban dooni labada xil oo waxaan rabaa in aan dhaqaajiyo maamulka” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Muxuu ka yiri xiriirka Khaatumo VS DF?

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu dhowr jeer uu la kulmay madaxweynaha, raysal wasaarihii hore iyo kan iminka iyo xittaa guddoomiyaha baarlamaanka una sheegay in Khaatumo ay rabto midnimada Soomaaliya ee la hala taageero balse waxbo nooma qaban ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State.

“Khaatumo waxay u muujisay dowladda in ay diyaar u tahay in la mideeyo Soomaalida, siddii loogu lisay nooguma hambeyn, xaqeenii iyaga ayaa ku fadhiya balse Libaaxii Alamtaro soo dhaaf” ayuu yiri

Wuxuu sheegay oo kale in dowladda Soomaaliya ay ugu horeyso cidda uu ka socon la’yahay maamulka Khaatumo State “Xaqeena cidda ku fadhida waa maamulka Muqdisho ka dhisan” ayuu yiri.

Digniin uu u diray Somaliland

Cali khaliif Galeyr ayaa maamulka Somaliland ugu baaqay haddii aaney joojin faragalinta iyo caburinta ay ku hayaan dadka ku dhaqan deegannada uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo State in ay diyaar la yihiin dagaal ay la galaan.

Wuxuu sheegay oo kale in Somaliland ay u soo dirtay degmada Taleex 150 Tikniko oo ay saaran yihiin askar kuwaasoo la rabo in lagu gumaado dadka ku dhaqan Laascaanood iyo Taleex arrintaasna ma soconeyso ayuu yiri.

“Wax la maqlay ma ahan in shacab uu shacab kale uu gumeysto, oo dhulkooda iyo dhigooda la baneest wax xun ayaa meesha ka aloosan, oo dadka Khaatumo waxay noqdeen kuwa loo caga jugleeyo oo la dhaho kama hadli kartiin aayihiina, waa meesha kaliya ee Soomaaliya la dhahay ma tashan kartiin” ayuu yiri Cali Khaliif.

Wuxuu ku goodiyay in dagaalka Khaatumo ay kula jirto Somaliland in uu is badali doono haddii aaney joojin faragalinta ay ka wado Sool iyo Sanaag.

Wuxuu sheegay in maamulka Khaatumo la dhisay bishii January sannadkii 2012-ka oo uu maanta jirsaday seddaxsanno.

“Ciidamada Somaliland maantadan markii doorashada ay dhacday oo dadka reer Laasacaanood ay muujiyeen sidda ay ula dhacsan yihiin waxaa lala dhacay rasaas, waana ayaan darro” ayuu yiri markale.

Puntland muxuu ka yiri?

Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in Puntland ay ka mid tahay kuwa doonaya in ay boobaan dhulka maamulka Khaatumo State balse wuxuu tilmaamay in aysan ka yeeli doonin.

Wuxuu sheegay in Puntland ay isku taxluujisay siddii ay u qabsan lahayd Sool iyo Sanaag haddana aaney ka fogeyn arrintaas sidda uu yiri.

Cali Khaliif Galeyr ayaa ugu dambeyn sheegay in uu maamulka uu hoggaaminaayo uu xoojin doono xiriirka kala dhexeeya beesha caalamka.

Halkan ka dhageyso wareysiga Cali Khaliif Galayr


Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Axmed Daaci oo yiri “Xorriyad ayaan ku noolaan doonaan ama waan dhimman”

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib markii ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ay saakay waaberigii weerar culus ku qaadeyn gurriga uu deggan yahay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu Axmed Daacid ka cararay gurrigiisa.

Haddaba BBC-da ayaa Wareysatay Axmed Daaci waxaana la weydiiyay halka uu ku sugan mar haddii gurrigiisa lala wareegay iyo wixii ciidan uu lahaa.

Wuxuu sheegay in uu ku sugan yahay qeybo ka mid ah degmada Wadajir isagoona yiri in uu labo mid uu ku noolaan doono waa Xorriyad ama in uu geeriyooday.

Axmed Daaci ayaa ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada ugu tunka weyn magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DFS oo raalli galin siisay Axmed Daaci

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda ammaanka xukuumadda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay weerar qorsheesan oo saakay aroortii ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ay ku qaadeyn degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga, Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howgalkii saakay uusan ahayn mid lagu bartilmaameesanaayay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci balse uu ahaa mid lagu dooneyey in lagu soo qabto wax uu ugu yeeray kooxo qaswadayaal ah oo hub sharci darro heystay.

Wuxuu sheegay oo kale sidda warbaahinta ay u sheegeyn howgalka in uusan ahayn ee ahaa in lagu beegsanaayay guddoomiyihii hore Axmed Daaci balse uu ahaa mid lagu qabqabanaayo hubka sharci darrada ee lagu heysto magaalada.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howlgalkii saakay lagu soo qabtay hub aad u fara badan iyo maleeshiyaad kuwaasoo uu yiri sharciga ayaa la horkeeni doonaa.

Dhinaca kale, Afhayeenka wasaaradda ammaanka ayaa tilmaamay in dowladda ay go’aan ku gaartay in la xiro labada Idaacad ee SKY iyo Shabeelle kuwaasoo maanta barqadii irdaha loo laabay.

Wuxuu sheegay labadaas Idaacad in ay dalka ka abuurayaan falal ammaanka lid ku ah.

“Dad weynaha Muqdisho ayaa na soo wacayay oo na lahaa maa la xiro labadan Idaacad oo dalka fitno ka wada, waxay ka mid yihiin Idaacadaha shar-wadayaasha” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga.

Ma ahan markii ugu horreysay oo labadan Idaacad la xiro waxaa la xiray xilligii uu wasiirka amniga ahaa Cabdikariin Xuseen Guuleed kaddib markii lagu amray in ay ka guuraan dhismo ay lahayd shirkadii diyaaradaha ee Somali Airline.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SAWIRRO: AMISOM oo soo bandhigtay Hub iyo Maleeshiyaadkii AXMED DAACI

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska sare Ciidamada AMISOM iyo Wasaarada Amniga Qaranka, ayaa waxa ay goor dhow Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho kusoo bandhigeen Hub farabadan oo lagu soo qabqabtay Howlgalkii laga fuliyay Hooyga Axmed Daaci ee Magaalada Muqdisho.

Taliska ayaa waxa ay soo bandhigeen Hub iyo dhalinyaradii la dagaalameysay, waxaana arrintaani shaaciyay Taliyaha Qeybta koowaad ee Ciidamada AMISOM Dick Prit Olum oo Warbaahinta kula hadlay gudaha Xarunta Xalane.

Dick Prit Olum ayaa sheegay in Howlgalku uu ahaa mid ku bilowday sidii loogu talo galay kuna soo dhamaaday guul, balse uu Ujeedku ahaa inay ka hortagaan Dhibaatooyinka ka imaankara hub aan DF u diiwaan gishneyn.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa cadeeyay in Howlgalka ay kusoo qabteen Hub iyo Maleeshiyaad gaaraya 18- kuwaas oo daacad u ahaa Gudoomiyihii Degmada Wadajir Axmed Daaci oo saakay looga adkaaday Dagaal uu la galay Ciidamada AMISOM iyo Nabad Sugida.

DAAWO SAWIRADDA

hub_1 hub_2 hub_3 hub_4 hub_5 hub_6 hub_7 hub_8

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ciidanka DFS oo la wareegay idaacado oo ku yaalla Muqdisho (Yaa ka mid ah)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida Qaranka Somalia ay la wareegen gabi ahaan Qalabkii Idaacada Shabelle iyo SKY ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo watay gawaarida Dagaalka iyo shabaqle ayaa waxa ay awood ku galeen Labadaasi Idaacad, iyagoona kala furfuray Qalabkii Idaacada ee lagu tabinaayay wararka.

Shabelle iyo SKY ayaa waxa ay maalmahaani ay aad uga soo horjeeden Weerarada ay Ciidamada Nabadsugida ku hayeen Siyaasiyiinta iyo Dilalka loo geysanaayay Xildhibaanadii dhawaan lagu dilay Magaalada Muqdisho, taasi oo sababtay in Ciidamadu ay gudaha u galaan islamarkaana ay xoriyada ka qaadan Weriyayaashii ka howlgalaayay.

Xilliga ay Ciidamadu gudaha u galeen Idaacada SKY ayaa waxa ay ku howlaneyd Tabin warbixino looga hadlaayay qaabka ay Shacabka u arkaan Dhibaatooyinka ay Ciidamada Dowlada u geysanayaan Siyaasiyiinta iyo Dilalkii loo geystay Xildhibaanada.

Dhanka kale, Labada Idaacad ay Ciidamadu la wareegen ayaa waxa ay goor dhow ka qeybqaadanayeen Weeraradii gafka ahaa ee lagu qaaday Hooyga Axmed Daaci.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Habargidir: Haddii Xasan uu saan ku socdo hubka ayaa la qaadan

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaam C/llaahi Khaliif Rooble oo ah imaamka Beesha Habargidir, ayaa wuxuu si xoogan uu kaga hadlay weerarka aroornimadii hore ee saakay lagu qaaday Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ku sugan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ee kasoo jeeda beesha Daa’uud ee Abgaal.

Imaam C/laahi Khaliif Rooble, ayaa waxa uu cambaareeyay duulaanka ka dhanka ah Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta, iyadoona uu ka digay sii socoshada weerarada ceynkani oo kala ah.

Imaam C/laahi Khaliif oo wareysi siiyay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu si adg u sheegay in weeraradaan laga lee yahay dano gaar ah.

“Dagaaladaan waa wax dano laga lee yahay, Xildhibaanadu ma yeeli doonaan in marba mid lagu duulo, haddii uu sii socdana duulaanka lagu haayo Xildhibaanada, waxaa la arki doonaa Magaalada Mudisho oo jewi kale gashay.” ayuu yiri Imaam C/laahi Khaliif.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haddii Dowladdu ka waan-toobi weydo weerarada ay ka wado Magaalada Muqdisho, inay beeluhu hubka qaadan doonaan, isla-markaana ay dagaal kala hortaggi doonaan.

“Dowladda Xasan Sheekh haddii ay ka laaban weydo waxay ka wado Magaalada Muqdisho, waxaa la arki doonaa beelaha oo hubka wada qaatay, dagaalna ay kala horyimaadaan.” ayuu yiri Imaam C/laahi Khaliif.

Ciidamada Nabad Suggida oo garab ka helaaya Xoogaga Amisom, ayaa waxay saakay ku jarmaadeen hoyga uu degan yahay Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), iyadoona uu dagaalku saameeyay Xildhibaanada kala ah Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish) iyo C/qaadir Cali Cosoble. Sidoo kalana waxaa dagaalka si toos ah ugu jira ilaalada Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan.

Halkan ka dhageyso Imaamka Habar-Gidir

Isha: Dhacdo

BEESHA HAWIYE oo dagaal ka dhan ah CIIDAMADA AMISOM ku dhowaaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Maxamuud Daahir Faarax (Qooley) oo ka soo jeeda beesha Hawiye ayaa sheegay in uu billowday dagaal ka dhan ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Qooleey oo la hadlay Idaacadda SKY ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in beesha Hawiye ay diyaar la tahay siddii ay isaga celin lahayd ciidamada AMISOM iyo kuwa nabad sugida ee dowladda.

Wuxuu sheegay in beesha hawiye ay ku dhawaaqday dagaalka AMISOM isla markaana ay weeri doonto xarunta AMISOM ugu weyn ee Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qooleey ayaa ku celceliyay in AMISOM ay ka jilcan tahay ciidamada Itoobiya isla markaana beesha Hawiye sannadkii 2006-da ay la dagaallantay ciidamadii Itoobiya ee soo galay Soomaaliya lana dagaallamay Midowgii maxkamadaha Islaamiga.

“AMISOM waa loo joogaa haddii ay si nabadgalyo leh ay ku marto waddooyinka Muqdisho, isla markaana ay deganaanto xaruntooda Xalane sidoo kale uu si nabadgalyo leh uu ku shaqeeyo garoonka diyaaradaha Muqdisho” ayuu yiri Maxamuud Daahir Faarax.

Wuxuu kaloo sheegay Qooleey in ciidamada AMISOM ay si gardaro ah ay dad shacab ah ugu laayeen degmada Wadajir saakay oo Jimco ah kaddib markii ay soo weerareen gurriga uu deggan yahay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci.

“Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye iyaga ayaa shacabka Muqdisho galiyay dagaalkii Itoobiya lala galay, waxaa maanta laga rabaa in ay ku dhawaaqaan dagaal ka dhan ah AMISOM iyo kuwa madaxtooyada jooga ee soo amray dagaalka qaawan ee lagu soo qaaday Axmed Daaci” ayuu yiri Qooleey.

Hadalka siyaasiga Maxamuud Daahir Faarax oo loo yaqaano Qooleey ayaa ku soo aadaya iyadoo saakay aroortii uu degmada Wadajir ka billowday iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo ilaalada guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci).

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Nabad-sugidda oo goor dhow weerar kale ku qaaday mas’uul DF ka tirsanaa

Muqdisho (Caasimada Online)  – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida ay weerar culus ku qaadeen guri uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Yuusuf Kabaale  oo horey u ahaa Gudoomiye ku-xigeenkii Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa la sheegayaa inay qaaden Gaadiid gaaraya illaa Shan oo ay wateen Ciidamada Nabadsugida kuwaasi oo weerarku ku bilaabay Rasaas ay ku fureen Ciidamada Yuusuf Kabaale ilaalada u aheyd.

Yuusuf Kabaale ayaa degnaa Degmada Dharkiinle, waxaana la sheegayaa in guriga Yuusuf Kabaale laga soo saaray Hub culus oo uu u haayay Axmed Daaci.

Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Degmada Dharkiinley ayaa sheegaya in Yuusuf Kabaale goor dhow loo kaxeeyay Xabsiga Nabadsugida ee Jilacow, waxaana la Tilmaamayaa in lala qabtay hub farabadan oo uu u haayay Axmed Daaci.

Lama Oga sida ay Ciidamada Nabadsugida ka yeeli doonto Siyaasiyiintaani ay maanta ku weerareen Hooygooda kuna soo ka xeysteen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]  

Siyaasigii labaad oo beesha Mudulood u dhashay oo gurigiisa lala wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka laga helaayo Degmada Wada-jir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay u boodeen Hooyga Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo kamid ahaa Siyaasiyiintii la weeraray.

Wararku waxa ay Tibaaxayaan in Ciidamada Nabadsugida ay madaxa galin wayeen Hooyga C/llaahi Sheekh Xasan, kadib markii qeybaha kore ee hooygiisa uu la fuulay Hub culus, iyadoona ay xiligaani Ciidamada AMISOM u suuragashay inay u boodan hooyga islamarkaana ay gudaha u galaan.

Ciidamada AMISOM iyo Nabadsugida ayaa xiligaani Hooyga C/llaahi Sheekh Xasan ku sugan, waxaana laga baadi-goobayaa Hub, wallow wararku ay sheegayaan in laga waayay hub, markii laga reebo kuwa uu isaga isku difaacayo.

C/llaahi Sheekh Xasan ayaa waxa uu noqonayaa Siyaasigii labaad ee saakay lagu qabtay Weerarka, waxaana la beeyay Axmed Daaci oo isaguna la tilmaamay inuu xilli hore ka gaashaantay inuu weerar kala kulmo Ciidamada Dowlada.

Dhanka kale, wararku waxa ay Tilmaamayaan in Ciidamada Dowlada iyo AMISOM ay dhowr saac ku jahwareersanaayen galida guryaha Siyaasiyiinta la weeraray, inkastoo weerarkii lagu qaaday Cabdi Ileys, Cabdi-waal iyo C/weli Qanyare uu ifiyay in Siyaasiyiinta kale lagu wajahan yahay sidaana Axmed Daaci iyo kuwa lala weeraray ay ku gaashanteen islamarkaana in muddo ah iska caabiyeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Gurigii Axmed Daaci oo lala wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku heleyno, waxaa goor dhow Hooygiisa lagala wareegay Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Axmed Daaci, oo Saakay aroortii lagu qaaday Weerar ay ka qeyb qaateen Ciidamada AMISOM.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada Nabadsugida gaar ahaan kuwa loo yaqaan Alf-group ay gudaha u galeen Hooyga Axmed Daaci, iyadoona ay sahashay galitaanka kadib markii Ciidamada AMISOM ay madaafiic ku gaaraaceen xaafadda.

Ciidanka dowladda, ayaa markii hore lagu jebiyey dagaalka, askar badanna laga laayey, waxaase caawiyey Amisom.

Axmed Daaci, ayaa ka baxay gurigiisa, kadib markii ay ciidamada Amisom billaabeen inay shacabka la dhacaan madaafiic, waxaana uu sheegay inuusan dooneyn in dad badan ay u dhintaan dartiis.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Guriga Axmed Daaci laga soo saaray Hub aad u farabadan iyo dareeska Ciidanka kuwaasi oo galay gacanta Ciidamadda Ammaanka.

Waxaa iminka joogsaday Rasaasta waxaana goobta ku sugan Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada.

Dhanka kale, Jawiga ayaa ah mid degan waxaana xiran gabi ahaan wadooyinka gala Xaafada Madiina, iyadoona ay halkaasi ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada oo feegjignaan muujinaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Amisom gaadiid looga gubay dagaalka MUQDISHO iyo beesha DAA’UUD oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in la arkaayo uuro ka kaceysa goobta dagaalka uu ka socdo

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in uurada ay tahay laba gaari oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo dagaalka lagu gubay, kadib markii lagu garaacay hubka culus.

Sidoo kale, wararku waxa ay sheegayaan in isla goobta ay Ciidamada AMISOM gaari ku dardarsiiyen Wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu sheegay 10-13 sano jir, iyadoona meydka wiilkaasi uu weli yaalo meesha, kadib markii ay suuragali weysay in meesha loo dhawaado oo ay rasaasta ka socto.

Dagaalka ayaa weli socda waxaana la arkayaa Ciidamo AMISOM ah oo isku dayaayo inay halkaasi ka jiitaan Labada Gaari ee laga gubay, hayeeshee aysan u suuragaleynin waxaana labadaasi gaari saaran liif.

Ciidamada Amisom aya ku biiray dagaalka lagu qaaday siyaasiyiinta beesha Daa’uud ee Abgaal, kadib markii dowladda lagu soo jebiyey dagaalka, askar badanna laga laayey.

Lama Oga halka uu noqon doono Biyo dhaca Dagaalka, waxaana weerarka ay qaaden Ciidamada AMISOM iyo Nabadsugida dhaliilay Odayaaasha Beesha Hawiye oo sheegay in Xasan iyo AMISOM lagula xisaabtami doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso Axmed Daaci: R/W C/WELI & FAARAX C/Qaadir ayaa isoo weeraray, balse waxay iga helaan ayay lee yihiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), ayaa wuxuu ka hadlay weerarka hubeysan ee lagu qaaday hoyga uu ka degan yahay Degmadaasi Wadajir.

Gudoomiyihii hore wuxuu sheegay inaan kiligii oo kaliya la soo weerarin, isla-markaana xubnaha la soo weeraray ay ka mid yihiin Xildhibaano sida Cumar Finish iyo Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan, balse uu weerarku ka bilowday hoygiisa.

Wuxuu sheegay in weerarkaan la soo qaaday 4:00 aroornimo ee saakay, ilaa iyo hadana ay iska difaacayaan Ciidamada Hay’adda iyo Nabad Suggida iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom.

Sidoo kale wuxuu sheegay inaanu aqoon waxa keenay in laa soo weeraro, isagoo xusay inay la yaaban yihiin waxa keenay inay duulaan qaawan ku soo qaado Dowladda Federalka ee Somaliya.

“Waxaa isoo weeraray ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo Faarax C/Qaadir, oo dagaal qabyaaladeed nagu billaabay, balse waxay naga helaan ayay lee yihiin” ayuu yiri Axmed Daaci.

Axmed Daaci, ayaa wuxuu weerarkaaan ku macneeyay fal argagaxiso, waxna laga weydiin doono Dowladda Federalka ee Somaliya, waxa keenay inay weerarkaan ku qaado.

“Weerar argagaxiso ayaa na lagu soo qaaday ma garan karno waxa naloo soo weeraray, cidii weerarka soo qaaday ayaana wax laga weydiin doonaa. Ilaa iyo hadda is difaacid ayaan ku jirnaa.” ayuu yiri Axmed Daacid.

Axmed Daaci, ayaa dhinaca kale sheegay in dagaalka uu geysanaayo khasaaro, balse aan xilligaan la ogaan karin, xabada oo weli ka soconeyso Degmadaasi.

Dagaalka ka sii soconaayo Degmada Wadajir, ayaa waxaa si toos ah loogu arkayaa ciidan taabacsan Xildhibaanada Cumar Maxamamed Maxamuud (Cumar Finish) iyo C/qaadir Cali Cosoble.

Halkan ka dhageyso Axmed Daacid

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Nabadsugida oo amartay in la weeraro Indha-Cadde & Ereg oo diiday (Qabiil)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa ogaatay in Ciidamada Nabad-sugida ay ku wajahan yihiin Hooyga Gen. Yuusuf Indha Cadde oo horay uga tirsanaa Dowladihii dalka soo maray, kana mid ah dadka hubka iyo ciidanka badan ku haysta Muqdisho..

Wararku waxa ay sheegayaan in Agaasimaha Hay’ada Nabadsugida Sanbaloolshe uu Saraakiisha Hay’ada ku amray inay u diyaar garoobaan howlgalo ay ka fuliyaan guriga Yuusuf Indha Cadde oo la sheegay inay ku jiraan Hub tiro-badan.

Agaasimaha ayaa la sheegayaa inuu Saraakiisha faray in Indha Cadde la marsiiyo wadadii la marsiiyay Cabdi-Nuure Siyaad oo iskuday dil ka bad-baaday, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in howlgalkaasi uu is hortaagay Wasiirka Amniga Khaliif Erag.

Khaliif  Erag, oo ay beesha Habar-Gidir kasoo wada jeedaan Indha Cadde, ayaa diiday in Ciidamada Nabadsugida ay u dhawaadan Hooyga Indha Cadde, waxaana la tilmaamayaa in is hortaaga Khaliif uu sababay Khilaaf  aan horay u dhicin.

Arrintaasi, ayaa waxa ay dhalisay shaki ku saabsan in Ereg uu qabiil ahaa u diiday in la weeraro Indha-Cadde, maadaama horey loo weeraray Cabdi Weli Qanyare.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Hay’ada ayaa iminka ku kala maqan is hortaaga weerarkii lagu qaadi lahaa Hooyga Indha Cadde, iyadoona ilo wareedyo ay xaqiijinayaan in guriga Yuusuf Indha cadde ee ku yaalla agagaarka madaxtooyada laga daadgureynayo Hub farabadan, islamarkaana loo raraayo Gobolka Shabeleeha Hoose.

Lama Oga halka uu biyo dhaca Khilaafkasi noqon doono, wallow wararka aan heleyno ay sheegayaan in weerarada lagu qaadayo Mas’uuliyiinta qaar ay tahay mid looga cad-goosanaayo shaqsiyaad ay Siyaasad adag kala dhexeyso Madaxda Laamaha Amaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DEG DEG AH: Ciidamada Amisom oo ku biiray dagaalka DF iyo beesha Daa’uud kadib markii lasoo jebiyey DOWLADDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goor dhow naga soo gaaray dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladdai iyo kuwa siyaasiyiinta beesha Daa’uud, ayaa waxa ay sheegayaan in ay ku biireen ciidamada Amisom ee Muqdisho jooga.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii jab weyn la gaarsiiyey ciidamada nabad-sugidda dowladda, oo ay soo direen ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo Faarax C/Qaadir, lana soo raacdeystay.

Laba gaari oo dagaal ayaa laga gubay ciidamada dowladda, askar bandanna waa laga dilay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Amisom ay iminka madaafiic ku garaacayaan xaafadaha degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley, oo shacab badan ay kala carar ku jiraan.

Madaafiicdo qaarkood ayaa ku dhacaya guryo shacab ah, waxaana arrintu u ekaatay mid xasuuq ah.

Dagaalka ayaa weji cusub iminka galay, waxaana la sheegay in shacabka beesha Daa’uud ee lasoo weeraray ay hubka qaadanayaan, si ay isku difaacaan, xilli madaafiicda Amisom ay ku socoto.

Wixii soo kordha kala soco Caasimada Onlie

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DEG DEG: Ciidamada DF oo weeraray 3 siyaasi oo BEESHA DAA’UUD u dhashay (Dagaal weli socda iyo jab gaaray DFS)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal qaraar oo u dhaxeeya ciidamada hay’adda Nabad Suggida iyo kuwa beesha Daa’uud ee Wacbuudhan Abgaal, ayaa Muqdisho ka socda, kadib markii la weeraray saddex siyaasi oo beeshaas u wada dhashay.

Dagaalka, ayaa waxa uu markii hore ka qarxay Suuqa weyn ee Degmada Wadajir, waxaana ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online in ciidamada nabad-sugidda ay weerareen siyaasiyiinta kala ah  C/llaahi Sheekh Xasan, Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) iyo Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish).

Saddexdan nin ayaa dhammaantood kasoo jeeda beesha Daa’uud ee Wacbuudhan Abgaal, oo ka mid ah beelaha ugu xoogga badan Muqdisho.

Ciidamo daacad u ah saddexdan siyaasi, ayaa la sheegay inay iska caabinayaan ciidanka nabad-sugidda ee soo weeraray, ayna xoogaa dib isaga durjiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in gaari dagaal laga gubay ciidamada nabad sugidda, dhowr askarina laga dilay, ayada oo dagaalka uu weli socdo, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in dagaalku yahay mid aad u culus.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada beesha  Daa’uud ee degmooyinka Wadajir iyo Dharkinleey, ay heegaan ku jireen maalmahan, ayna filayeen weerarka, taasi oo keentay jabka gaaray ciidamada dowladda. Waxaa la sheegaya in ciidamada dowladda laba goor lasoo jebiyey.

Ciidamada saddexda siyaasi ee beesha Daa’uud, ayaa waxaa si weyn loogu arkayaa laamiga dheer ee Suuqa weyn ku yaala, iyagoona dib u riixay Xoogaga Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir, ee dagaalka soo qaaday, oo iminka lasoo dhaafiyey isbitaal Banaadir.

Cabdullahi Sheekh Xasan, ayaa Caasimada Online u sheegay in isaga iyo xubnaha kaleba ay ka bad baadeen weerarkii ay dowladda kusoo qaaday ee lagu dili lahaa.

Weerarkaan waxa uu ku soo aadayaa, xilli ay soo dhaweyd Salaaddii Subax, ayna dadka reer Wadajir isu diyaarinayeen Salaadda.

Arrintan ayaa yeelan karta cawaaqib aad u xun, maadaama beesha Wacbuudhan, oo ah beel awood ku leh Muqdisho, ay markii horeba wax ka tirsaneysay dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale iyana wax lala yaabo ah in xildhibaan ka tirsan dowladda gurigiisa lagu weeraro.

Ra’iisul wasaare Cabdiwali iyo Wasiirka Cadaaladda Faarax Cabduqadir ayaa amar ku bixiyay in hubka dhigis lagu sameeyay 63 Masuul oo iskugu jira Ganacsato iyo Siyaasiyiin u dhashay beesha Hawiye.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

10 beelood oo kala qeybsaday gudiga dhismaha maamulka GAL-GADUUD iyo MUDUG (AQRISO sida loo kala qaatay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa heshay xog ku saabsan qaabka ay beelaha Soomaaliyeed ee dega gobollada dhexe kala qeybsadeen gudiga Ergada ka soo shaqeyn doonto dhameystirka Maamulka Galgaduud iyo Mudug.

Waxaa lagu kala qeybsaday sida loo kala dego Deegaanadaasi, waxaana ugu badan Beesha Habar-Gidir oo heshay 9 xubnood, ayada oo ay kusoo xigaan beelaha Mareexaan iyo Murusade oo helay min 3 xubnood.

Sida ergada dhismaha loo kala qeybsaday:-

1- Beesha Habargidir ee Gobolka Galgaduud iyo Mudug , waxaa ay heleen 9 Xubnood.

2-Beesha Murusade ee Gobolka Galgaduud, waxaa ay heleen 3 Xubnood.

3 – Beesha Abgaal ee Gobolka Galgaduud, waxaa ay heleen 2 Xubin.

4 – Beesha Duduble ee Gobolka Galgaduud, waxaa ay heleen 1 Xubin.

5 – Beesha Sheekhal ee Gobalka Mudug,  waxaa ay heleen 1-xubin.

6 – Beesha Mareexaan ee gobolka Galgaduud, waxaa ay heleen 3-xubnood.

7 – Beesha Majeerteen ee Gobalka Mudug, waxa ay heleen 2-xubnood.

8 – Beesha Leelkase ee Gobalka Mudug waxa ay heleen, 2-xubnood.

9 – Beesha Dir ee Gobalka Mudug,  waxa ay heelen 1-xubin.

10 – Beesha Carab Saalax ee Gobalka Mudug,  waxaa ay heelen 1-xubin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah beelaha aysan ku qanacsaneyn xubnaha soo gaaray, ayna cabasho u gudbiyeen dowladda federaalka, waxaana laga yaabaa in wax laga beddelo hab qeybsigan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso R/W Farmaajo: Xasan Sheikh waa uu ka been sheegay SHIRKII USA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa ay ka been sheegeen natiijadii ka soo baxday shirkii Mareykanka iyo hogaamiyaasha Afrika, taas oo aheyd in dowladda Soomaaliya ay guul ka soo hooysay shirkaasi.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in shirkii Mareykanka ay kasoo gaareen guulo, balse Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Dowladda aysan ka run sheegin shirkaasi.

Farmaajo ayaa sheegay in loo baahnaa in mudada labada dano in Dowladda ay ka guul gaarto ammaanka iyo dhaqaalaha, balse ay taasi ku guul darreysatay taasi oo uu sheegay in ay ku weysay taageeridii ay ka heli lahayd Mareykanka.

Farmaajo, ayaa dhaliilay madaxweynaha, wuxuuna sheegay in intii uu Xasan Sheekh hayay xilka, dowladdiisu ay ku guul dareysatay xaqiijinta ammaanka iyo soo celinta dhaqaalaha.

“Dalkii ammaan kama jira, caasimaddii nabad ma ahan, adiga gurigaaga (Villa Somalia) ayaa dhowr jeer laguugu soo weeraray, waxaa la dilay dhowr xildhibaan, marka waxaa la yiri sidee maalgalin uga hadli kartaa hadiiba aadan suggin ammaanka dalkaaga (…) Madaxweynuhu jawaabtiisa waxey aheyd in qatartaas la qaato oo la galo risk” ayuu yiri Farmaajo.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG ahayd, Farmaajo oo ka hadlay Arrimaha Badda Soomaaliya ayaa sheegay in Badda Soomaaliya badbaadinteeda looga baahan yahay Baarlamaanka.

Halkan ka dhageyso Mudane Farmaajo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF SOOMAALIYA oo hambalyo u dirtay madaxweynaha cusub ee KHAATUMO

Saaxdheer (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay doorashada uu ku guuleystay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo loo doortay in uu noqdo madaxweynaha afarta sanno ee soo socota maamulka Khaatumo State.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa qadka taleefonka ugu hambalyeeyay Cali Khaliif Galeyr markii uu ku guuleystay doorashadda ka dhacay deeganka Saaxdheer oo u dhow soohdinta Soomaaliya iyo Itoobiya.

Cali Khaliif Galeyr ayaa wareegii koobaad ee doorashadda kaga adkaaday 12-cod Maxamed Yuusuf Jaamac oo Indhasheel loo yaqaano oo kula tartamayay doorashadda isla markaana horrey u soo qabtay xilka madaxweynaha maamulka Khaatumo State.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha Cali Khaliif Galeyr wuxuuna intaas ku daray in madaxda dowladda sidaas oo kale ay usoo dhaweenayaan guusha xildhibaan Cali Khaliif.

Wuxuu kaloo aad u bogaadiyay xildhibaannada doortay madaxweynaha cusub iyo guddiga doorashadda.

Maxamed Yuusuf Jaamac Indho Sheel ayaa helay 9 cod.

Waxaa kaloo la doortay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo State, waxaana loo doortay Cabdelle Cagalule oo isna la tartamay ilaa sideed musharrax, waxaana doorashadda madaxweyne ku-xigeenka la isla tagay ilaa seddax wareeg.

Dowladda Soomaaliya ayaa horrey u taageersaneed maamulka Khaatumo State oo seddax sanno ka hor lagu dhisay degmada Taleex ee gobalka Sool.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo Pro Cali Khaliif Galeyr oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhisi doono isaga iyo ku-xigeenkiisa wasiiradda maamulka Khaatumo State.

Waxaa kaloo qaabka doorashadda u dhacday iyo in looga adkaaday goobta ka sheegay madaxweynihii hore Indho Sheel isagoona ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray maamulka Khaatumo State.

Maxaa loo xushay deeganka Saaxdheer in lagu qabto doorashadda?

Sidda ay lee yihiin qaban-qaabiyaasha doorashadda, waxaa loo arkay deegankan deegan ay soo gaari karaan ergooyin iyo dadweyne kale oo ka kala yimid, Puntland, Somaliland Itoobiya iyo kuwa kale oo ka yimid dibedda.

Deeganka Saaxdheer waa tuulo muddo dheer soo jirtay, waxaana ay 3km u jirtaa xadka Itoobiya, sidoo kale waxay xad la lee dahay Somaliland iyo Puntland.

Ma jirto wax war ah oo ka soo maamulada Somaliland iyo Puntland oo ku aadan doorashadda uu ku guuleystay Cali Khaliif Galeyr oo ah siyaasi caan ka ah Soomaaliya oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Laascaanood

[email protected]