Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in kulankii Xubno ka tirsan golaha ammaanka qaramada midoobey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho uu ahaa mid siyaabo badan loogu baraarujiyay Mas’uuliyiintii ka tirsaneyd Dowlada Federaalka Somalia ee ka qeybgashay Shirka.
Xogta qaar, ayaa sheegeysa in kulanka kadib ay Xubnahaasi kulan adag la qaaten Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe oo ay kala hadleen Arrimo badan.
Xubnaha ayaa waxa ay Hogaamiyaha Su’aalo badan ka weydiyeen Amniga iyo Ganacsiga, gaar ahaan kuwa kasoo dega Dekadda Kismaayo iyo kuwa laga dhoofiyo.
Wararku waxa ay tibaaxayan in Xubnahaasi ay Axmed Madoobe ku amreen inuu joojiyo dhoofinta Dhuxusha, waxaana la tilmaamayaa in Xubnaha ay la hadleen Saraakiisha AMISOM ee Kismaayo, iyagoona uga digay inay kusii dhiirnaadan dhoofinta Dhuxusha oo ay garab ku siinayaan Maamulka KMG.
Axmed Madoobe, ayaa la sheegayaa inuu dafiray in Kismaayo laga dhoofiyo Dhuxusha, hase yeeshee lagu dirqiyay inuu fuliyo Amarka, haddii taasi la waayana ay go’aan kasoo saari doonan.
Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu amray inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ku xaliyo colaadaha ka taagan Kismaayo, islamarkaana howlaha Ammaanka uu kaalintooda ka siiyo Saraakiisha Dowlada ka jooga Deegaanada Jubba oo iyagu aan iminka heyn Howshii halkaasi loo geeyay.
Dhanka kale, Axmed Madoobe iyo Wafdigiisa ayaa la sheegayaa inay durbadiiba ka ambabaxeen Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Axmed Madoobe uu ka biyo diiday inuu ku hoydo Magaalada Muqdisho.
Hoggaamiyaha jabhadda Raaskambooni, ayaa la sheegay inuu aad uga carrooday hadallada xubnihii golaha ammaanka, isaga oo dareemay in dowladda Soomaaliya ay ka bixisay xog uusan ogeyn.
Axmed Madoobe ayaa waxaa durbadiiba la duusha Diyaarad u taagneyd Garoonka, waxa uuna u baqay naftiisa, isagoona u hoyaaday Magaalada Kismaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
















Gudoomiyaha dhaqanka beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad, oo kulankaas furay ayaa sheegay in kulanka ay isugu yimaadeen beelahan uu yahay mid muhiim ah oo dib u heshiisiineed.
“Beelahan waxay mudooyinkan lahaayeen kulamo gaar gaar ah oo dib u heshiisiineed, shirkaana waxaa uu kulmiyey kulamadaas maadaama beelihii ay hal goob soo wada fadhiisteen” ayuu yiri nabadoon Xaad.
“Dib u heshiisiinta ay gaareen beelahan Soomaaliyeed waxay guul u tahay shacabka dega gobolka, dowlada Somalia iyo nabada, shirkana waa fursad qaali ah oo aan soo marin dadka halkaan fadhiya, waxaan rabnaa in walaalahood kale ee gobolka la dega iney nabada la wadaagaan” ayuu intaa ku daray Xaad oo intaa ku daray in kulamo lagu dhameystirayo dib u heshiisiinta beelaha lagu qaban doono dhowaan degmada Afgooye gobolka Sh/hoose kuwaasoo uu sheegay in sidoo kale lagu taageerayo maamulka Shabelle State.
Waxaa sidoo kale ka hadlay kulankaas xubno ay ka mid ahaayeen Suldaan Cismaan Maxamed Maxamuud oo ka socday beesha Digil ee Sh/hoose, Ugaas Abroone Maxamed Shiikh oo ah Ugaaska beesha Biyomaal, Aadan Maxamed Xuseen oo ku hadlayey magaca beesha Daameed, Ex-xildhibaan Maxamed Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiinta gobolka, Faadumo C/qaadir Faarax oo ku hadleysay magaca haweenka gobolka Sh/hoose iyo waxgarad kale.
Xubnahan ayaa dhamaantood waxay sheegeen iney ku faraxsan yihiin kulankan lagu shaacinayo dib u heshiisiinta ay gaareen waxayna xuseen iney dhowaan tegi doonaan degaanada ay ka soo jeedaan si beelaha ay metelaan heshiiskan loo gaarsiiyo, iyagoo ka codsaday dowlada iney gacan ku siiso dib u heshiisiinta ay wadaan.
Sidoo kale xubnaha ka hadlay goobtaas ayaa sheegay iney si weyn u taageersan yihiin maamul goboleedka Shabelle State waxayna sheegeen in maamulkaas mid aan aheyn aan laga sameyn Karin labada Shabelle, iyagoo xusay in maamulka Shabelle State uu ku yimid rabitaanka shacabka gobolada Sh/hoose iyo dhexe.
Caasimada Online