Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadda ku sugan isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, ayaa sheegay in uu socdo wadahadallo ay garwadeen beesha caalamka ka tahay, kuwaasoo u jeedkooda uu yahay siddii loo dhexdhexaadin lahaa dowlaldda fedaraalka iyo maamulka Puntland.
Wuxuu sheegay Puntland in ay diyaar u tahay sidii nidaamka fedaraalka uu ugu hirgali lahaa dalka oo dhan balse wuxuu ka digay in Gaalkacyo ay ka mid tahay qeybo badan maamulka Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in uu socdo wahadallo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka kuwaasoo looga gun lee yahay in la isku soo dhaweeyo dowladda dhexe iyo maamulka Puntland kaddib markii Puntland ay shaacisay in ay xiriirta u jartay dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland, ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda looga baahan yahay in ay soo kala caddeyso waxa loogala jeedo Galgaduud iyo Mudug ayaa maamul loo dhisayaa isagoona intaas ku daray in Puntland aan marnaba ka gorgortami doonin dhul ay lee dahay in maamul loo sameeyo.
Wuxuu ku celceliyay in Puntland ay dooneyso in la hagaajiyo xiriirka ay kala dhexeyso dowladda fedaraalka balse loo baahan yahay in wax kasta loo sameeyo sidda ugu hagaagsan.
Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo ka hadlay wax yaabaha uu u tagay Boosaaso isagoona sheegay in Boosaaso u yimid siddii uu ula kulmi lahaa madax ka socota dowladda Imaaraadka kuwaasoo raba in ay mashaariic ka hirgaliyaan magaalada Boosaaso gaar ahaan in ay ballaariyaan dhismaha dekedda Kismaayo.
Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in uu la kulmi doono saraakiisha ciidamada dowladda si uu gala hadlo dil dhawaan loogu geystay magaalada Boosaaso taliyihii ciidanka booliska iyo ku xigeenkiisa.
Wuxuu tilmaamay in ay aad uga xun yihiin dilkaas isla markaana ay labada sarkaal kuwa shaqooyin badan qabtay.
Muqdisho (Caasimada Online) – Idaacada SKY ee Magaalada Muqdisho oo ka hadleysay Weerarkii lagu qaaday Hooyga Xildhibaan C/weli Qanyare iyo Cabdi-Nuure Siyaad, ayaa sheegtay inuu ahaa mid uu ka dambeeyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Maxamed C/llahi Sanbaloolshe.
Idaacada ayaa waxa ay gabagabada warbixintaasi ku xustay in Weerarka uu ahaa mid loo soo maleegay Cabdi-Nuure Siyaad, waxa ayna sheegtay in Amarkaasi uu baxshay Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka oo la sheegay inay isku dhacsanaayen Cabdi-Nuure Siyaad.
Sidoo kale, Idaacada ayaa waxa ay sheegtay in Agaasimaha Hay’ada uu amar ku bixiyay in Cabdi-Nuure Siyaad la soo Kharijiyo, hayeeshee uu ka baxsaday Dilkaasi, sida ay baahisay Idaacada SKY ee Magaalada Muqdisho.
Cabdi-Nuure Siyaad, ayaa waxaa la Tilmaamayaa inay isku dhacsanaayen Agaasimaha, ka hor inta aan xilka loo magacaabin waxa uuna weerarkaasi uu ula jeedkiisu ahaa in Cabdi-Nuure Siyaad lagu dilo, balse Xildhibaan C/weli weli Qanyare uu kusoo dhex dhacay Dagaalka sidaana ay ku saameysay Xabadda.
Dhanka kale, Haddii ay dhab tahay in Weerarkaasi uu Agaasimaha Hay’adda amray isagoo ka aargoosanaayo Cabdi-Nuure Siyaad waxa ay xaajadu u muuqaneysaa mid qof waliba uu xilka uga aargoosanaayo ruuxa lidka ku ah, iyadoona taasi ay dhaliisheeda u laabaneyso Madaxda sare ee Dalka.
Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa waxa uu ka dhacay Xerada Xalane oo daris la ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxa uu Wasiir Mogens Jensen uga warbixiyay halka uu maraayo Ganacsiga, Amniga, Horumarka waxa uuna Madaxweynaha Wasiirka ka codsaday in Dowlada Denmark ay kaalin buuxda ka qaadato Tayeynta Wasaarada Ganacsiga Somalia, waxa uuna sheegay in iminka ay soo kabsanayaan Somalia.
Madaxweyne Xassan waxa uu Sidoo kale, Wasiirka u sharaxay Hanaanka ay Dowladiisu ku horumarineyso Ganacsiga Dalka, inkastoo shirka uu ahaa mid aan laga sii helin Macluumaad waafi ah.
Mogens Jensen waxa uu Madaxweyne Xassan iyo Wasiirka Arrimaha Dibada u ballan qaaday in Dowladiisu ay ka taageeri doonaan dhan waliba, waxa uuna sheegay Mogens Jensen inay tayeyn doonaan Wasaarada Ganacsiga iyo Xarumaha DFS gaar ahaan kuwa Ganacsiga.
Mogens Jensen Waa booqashadii ugu horeysay ee uu ku yimaado Soomaaliya kadib burburkii dowladdii dhexe e dalka 25 sano ka hor.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay safarkii uu kaga yimid dalka Maraykanka ayaa sheegay in waxyaabo badan uu kala hadlay dhigiisa dalkaas Brack Obama.
Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka tirsan wafdigii u raacay Maraykanka ay ku soo hareen Washington si buu yiri ay u dhameystiraan howlo muhiim ah oo ku saabsa xiriirka labada dal.
Washington DC (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaashandhigga, Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa soo dhaweeyay tallaabada xukuumadda ay ku billowday in hubka looga qaado siyaasiyiinta Muqdisho
Isagoo la hadlaayay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayuu Mr. Fiqi uu sheegay in dowlada ay la soo daahday qorshahan cusub ee hubka looga aruurinaayo hoggaamiyaal kooxeedyada iyo siyaasiyiinta.
Wuxuu sheegay in hubka ay heesan karaan uun ciidamada iyo hey’addaha ka tirsan dowladda balse ay mamnuuc tahay in cid kale ay hubka heestaan.
Wasiirkii hore ee gaashandhigga ayaa dowladda ku booriyay in ay sii wado qorshahan oo haddii la sii wado uu yiri waxay horseed u noqon doonaan in dalka uu nabad noqdo.
Hadlaka wasiirkii hore ee gaashandhigga ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka billowday howgal ka dhan ah hubka sharci darrada in kastoo dhaliilo badan ay ka yimaadeen arrintaas.
Habeen hore waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerar ay ciidamada nabad sugida ku qaadeen gurri uu deggan yahay xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare waxaana weerarkaas ku dhintay taliyihii ugu sareeyay nabad sugida gobalka Banaadir.
Golaha wasiiradda xukuumadda ayaa meel mariyay sharciga xakameynta hubka iyagoo soo dhaweeyay howgallada ay wasaaradda ammaanka qaranka ay ka billowday Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa caaddi ka ah in hubka la iska heysto waxaana hubka uu u gacan galay shacabka wixii ka dambeeyya burburkii dalka 1991-dii.
Sool (Caasimada Online) – War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen shaqaale u dhashay dalka Norway kuwaasoo howllo shidaal baaris ah ka waday deeganno uu maamulo maamulka Somaliland.
Dadka deeganka ayaa sheegay in kooxda hubeysan ay weerar ku qaadeyn shaqaalahan oo marayay deeganno ku yaalla gobalka Sool.
Xog badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay balse waxaa la sheegay in ay jiraan wax yeelo soo gaartay shaqaalaha la weeraray.
Shaqaalaha la weeraray ayaa u shaqeenaayay shirkad laga lee yahay dalka Norway taasoo howllo shidaal baaris ka waday deeganno gobalka ku yaalla.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan maamulka Somaliland uu shaaciyay in ay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo waardiyeeya shaqaalaha ajnebiga ee howlaha shidaal baarista ka wad deegannada Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha, Cali Maxamed Waran Cadde ayaa tilmaamay in ciidamadaas laga soo kala xulay booliska iyo ciidamada milliariga ee Somaliland.
Waxaa sheegis mudan in deegannada shidaal baarista ay ka wadaan shaqaalaha ajnebiga in ay isku heystaan maamulada Somaliland iyo Puntland.
Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Xassan Madoobe oo kamid ahaa Odayaashii soo dhisay Dowlada Federaalka Somalia, ayaa sheegay in Dowladu ay dibin-daabo u maleegeyso Beesha Murusade.
Suldaanka oo la hadlaayay Warbaahinta SKY kana duulayay weeraradii lagu kala qaaday Sargaal Sare Cabdi Ileys iyo C/weli Qanyare, ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Xasan Sheikh ay isku direyso Saraakiisha iyo Madaxda Beesha ee ka tirsan Dowlada, wuxuuna Tilmaamay in Sargaal sare uu Weerarkii lagu qaaday C/weli Qanyare uga dhintay Dagaalka, isagoona Dagaalkaasi ku tilmaamay mid leysu adeegsanaayay isla Beesha.
‘’Haa nasiib daro ayay u tahay inay isku disho beesha dhex-deeda, Sargaalkii hogaaminaayay weerarkii lagu qaaday C/weli waxaa hogaaminaayay wiil aan Adeer u ahay, waxa uuna duulaanka ku qaaday wiil kale oo aan adeer u ahay, taasi waxa ay ka turjumeysaa is iyaga leysu adeegsanaayo’’
Suldaanka waxa uu shaki galiyay in Weerarada lagu qaaday Cabdi Ileys iyo C/weli Qanyare uu ahaa mid ay ka dambeysay Dowlada, balse waxa uu farta ku goday inay wateen reero gaar ah oo iyagu daneynaayay Hubka la qaaday.
‘’Dowlada waxaan uga fadhinaa inay ka jawaabto islamarkaana naga raali galiso, haddii aysan taasi dhicin, howshu waxa ay noqoneysaa mid ay aan ka jawaabno dhankey doontaba ha ahaatee’’
Dhanka kale, waxa uu Suldaan Xasan Madoobe Tilmaamay inay ku dhaqmi doonaan qodobada kasoo baxa shir uga socdo Magaalada Muqdisho, islamarkaana aysan Dowladu u arki doonin mid dhowreysa Nidaamka.
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay Ciidamada Nabadsugida Qaranka Somalia weeraro kala duwan ku qaaden guryo ay Magaalada Muqdisho ka degnaayen Saraakiil iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar sheegaya in Siyaasiyiinta qaar ay ka guurayaan guryihii ay ka degnaayen Degmooyinka.
Weeraradii is xig-xigay ee Habeenadaani lagu qaadayay guryaha Mas’uuliyiintaasi oo u badan beelaha Hawiye, ayaa waxa uu dhaliyay shaki sababay in Siyaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda qaarkood ka guuran guryahooda una guuraan Hoteelada waaweyn, si ay uga bad-baadan weerarada cusub oo ay bilaabeen Laamaha Ammaanka Dowlada.
Sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa u guuraya guryo cusub, oo aan lagu aqaan, si ay isaga ilaaliyaan weerarada gaadmada ah ee DF.
Siyaasiyiinta qaar ayaa la sheegayaa inay degeen Hoteelada Jaziira, City Plaz iyo Makka Al-mukarama oo ay ku adag tahay in lagu qaado weerar abaabulan, iyadoona Hoteeladaasi ay ku sugan yihiin Ciidamo aad u badan, waxa ayna doorbideen Siyaasiyiintaasi inay dhaqaalo aysan aboodin ku bixiyaan Hoteelada.
Dowlada Federaalka ayaa iyadu u gaarsaneysa Siyaasiyiintii xilalka ka soo qabtay Dowladihii hore iyo kuwa hadda ku jira, waxaana arrintaasi cabsi ka muujiyay Siyaasiyiinta oo iyagu xal u arkay inay ka guuraan guryahooda magangalyana ka raadsadeen Hoteelada.
Dhanka kale, Waxgaradka Muqdisho, ayaa iyagu dhaliilay weerarada cusub oo ay Dowladu ku qaadeyso guryaha ay ku noolyihiin Madaxda Dowlada, waxa ayna Tilmaameen in arrintaasi ay dhalin karto Dagaal iyo kala irdhoow ka dhex dhasha Madaxda DFS.
Siyaasiyiinta Hawiye ayaa aaminsan in arrintan cusub ay tahay dagaal beesha Hawiye kaga imanaya ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo Faarax C/qaadir, balse ay la iman doonaan qorshe ay isaga dhiciyaan.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareed ka tirsan Beesha Murusade, ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho uu ka socdo kulamo u dhexeeya Xildhibaanada iyo Odayaasha Beesha oo iyagu dhaliilsan qaabka uu Wasiir Mustaf Dhuxulow u matalaayo Beesha.
Ilo wareedka ayaa sheegaya in Xildhibaanada iyo Odayaasha ay ka doodayaan sidii ay ka yeeli lahaayen Weeraradii is xig-xigay ee lagu qaaday Dhismooyin ay Magaalada Muqdisho ka degmaayen Sargaal sare iyo Siyaasi ka tirsan Beesha Karanle.
Ilo wareedka ayaa inoo xaqiijiyay in Xildhibaanada iyo Odayaasha ay aad uga carooden Weeraradii lagu qaaday Xildhibaan C/weli Qanyare iyo Sargaal sare Cabdi Ileys, waxa ayna tilmaameen in falkii hore ay la yaabanaayen haddana uu kusoo xigsaday kan lagu qaaday C/weli Qanyare, taasi oo ay ku tilmaameen mid lagu daan-daansanaayo.
Xildhibaanada iyo Odayaasha ayaa la sheegayaa inay aad u dhaliilsan yihiin qaabka uu Wasiir Mustaf Dhuxulow u matalaayo Booska Beesha Karanle, iyadoona ay Beeshu aaminsan tahay in weerarkii lagu qaaday Sargaal sare Cabdi Ileys uu sabab u ahaa Dhuxulow oo isagu waan-waan kusoo waday Sargaalka kadibna Ciidamada faray inay waajibkooda gutaan.
Dhanka kale, Xildhibaanada iyo Odayaasha ayaa Wado qorsho Wasiir Mustaf xilka looga qaadayo, waxaana Magaalada Muqdisho ku kulmaayo Odayaasha oo iyagu tilmaamaya in Dhuxulow uu dhulka la galay Jiritaanka Beesha iyo kaalinta ay ku dhex leedahay Beelaha kale.
“Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf. Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.” Sidaas waxaa June 6, 2013 shaaca ka qaaday golaha wasiirada ee DFS.
Taas sidii loo ogaa ayaa mar qura waxaa laga war helay 21-kii July 2014 in madaxweynaha DFS uu qaramada Midoobay u gudbiyey qoraal gebi ahaanba ka soo horjeeda qodobada kor ku xusan ee golahiisa wasiiradu ay hore u soo saareen.
Qoraalka cusub ee madaxweynaha ayaa muran xoogan gelinaya badda Soomaaliya, una gogol dhigaya in horraanta sannadka 2015 uu qarka u saaran yahay dhul-badeedka muranka la geliyey in lagu wareejiyo Kenya, sababtoo ah guddiga arrintaas go’aanka ka gaaraya waxaan xubin ka ah nin Keenyaati ah oo lagu magacaabo Simon Njuguna, kaas oo ahaa ninkii diyaariyey khariidadaha badda ee Kenya u gudbisatey QM. Waxana uu guddiga xadaynta badaha ka mid noqday June 2012, guddigaas oo ka kooban 21 xubnood.
Taariikhda Mr. Simon Njuguna
Sida ku cad taariikh nololeedka Simon Njuguna /ama CV-giisa ku jira bogga Qaramada Midoobay:
March 2006 waxa uu magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina kaga qayb galay kulan xog ururin ah oo ku saabsan sharciga badaha (Law of the Sea)
June 2006 waxa uu magaalada Kingston ee dalka Jamaica kaga qayb galay kulan looga arrinsanahay xeer u samaynta badaha
May 2007 waxa uu magaalada Oslo ee Norway kaga qayb galay kulan talo bixin ah oo ku saabsan juqraafiga badaha
May 2007 waxa kale oo uu magaalada Maputo ee Mozambique kaga qayb galay kulan looga hadlayey dalalka Afrika ee aan badaha lahayn
Nov ilaa Dec 2007 waxa uu sahamin (Survey) ku sameeyey badda la olloga ah Kenya
Jan-Feb 2008 waxa uu Norway kaga qayb galay kulan kale oo ku saabsan xogta juqraafiga badaha (Geocap)
April ilaa June 2008 waxa uu sahamin kale ku sameeyey badda Kenya ilaa 350M
Sept 2009 waxa uu New York USA ka jeediyey hadal uu ku soo bandhigidda sheegashada Kenya ee badda qolfoofka Qaarada (waa maalintii Kenya ay khariidadaha ay ku sheeganayso qaar ka mid ah badda Soomaaliya u gudbisey QM)
6 June 2012 ayuu ka mid noqday guddiga xadaynta badaha oo uu xubin ka ahaanayo shan sano ilaa 15 June 2017
Waxa kale oo qoraalka ku jira websiteka QM ku cad in Mr. Njuguna laga soo bilaabo 2006 ilaa hadda uu ka tirsan yahay shaqaalaha xafiiska madaxtooyada Kenya iyo xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, kana mid yahay qaybta u qaabilsan xadaynta badda – Kooxda Hawlgalka (Task Force).
Masuuliyadda uu Mr. Njuguna xafiiskaas u qaabilsan yahay waa: in uu yahay xubinta ubucda u ah in uu dawladda Kenya siiyo talo bixin ku aadan sidii ay xal uga gaari lahayd xuduud badeedka kala dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.
Maalintii Simon Njuguna loo doortay xubin in uu ka noqdo guddiga xadaynta badaha, waxaa qoraal rayn-rayni ku dheehan tahay qortay jariidada The East African ee Nairobi qoraal cinwaankiisu ahaa “Kenya wins seat in UN’s maritime body” . Waxaynta jariidaddu intaas raacisay “Kenya waxay ku guulaysatey in ay xubin ka noqoto UN-ka qaybta go’aamada ka gaarta xadaynta badaha xilli ay jirto soo cusboonaan lagu soo qamaamayo khayraadka badda bariga Afrika.” … “Mr Njuguna waxaa dhici karta in uu xoojiyo fursadda ay Kenya ku cabiranayso badda dhinacyada Tanzaniya iyo Soomaaliya.”
Arrimahaas xiriirka ah ee muddada soo taxnayd ayaa madaxweynaha DFS dhexda kaga soo dhacay:
10kii September 2012 ayaa Xasan Sh. loo doortay madaxweynaha DFS, (waa 40 sano kaddib markii Soomaaliya samaysatay Law no. 37, 10kii September 1972, kaas oo dhigaya 200 mayl-badeed oo Territorial waters ee Soomaaliya)
May 1, 2013 qoraal iyo hadal Video ahaan uu madaxweynaha DFS u jeedeyey Kooxda Contact Group ee qaabilsan Burcad-badeeda ee ku sugan New York, waxana uu markii ugu horesey taariikhda Soomaaliya ku andacoodey in dhul-badeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Waters) yahay 12 mayl.
21 July 2014 qoraalkii uu u gudbiyey QM waxa uu ku caddeeyey in badda Soomaaliya muran ku jirto, isagoo raaciyey kharidada hoose ee muran gelinta.
Kenya markii ay 2009 akhbaarteeda iyo sheegashadeeda u gudbinaysey QM, warqad uun ma dirin, balse xogtooda waxaa u bandhigay wafti ballaaran oo u safray New York xarunta UN oo ay ka mid ahaayeen: Wanjuki Muchemi, lataliyaha Qareenka Guud ee Kenya (Solicitor General), Juster Nkoroi oo Guddoomiye u ah Kooxda Hawlgalka (Task Force) ee Kenya hore ugu xilsaartay xadaynta Qalfoofka Qaaradda, iyo Simon Njuguna oo ah Juquraafi yaqaan, kuna takhasusay cilmiga GIS (oo ah kan aan kor ku soo xusnay oo hadda ka mid ah guddiga xadaynta). Waftiga Kenya waxa kale oo ka mid ahaa tiro khubaro ah oo isugu jira Saynis yahanno, lataliyaal Sharciga iyo lataliyaal xagga farsamada.
Waa baarlamaanka Soomaaliya oo kulan degdeg ah isugu yimaada kana dabataga qoraalka muranka gelinaya badda Soomaaliya ee madaxweynahu u diray UN, si la mid ah tii ay baarlamaankii hore ku diideen muran gelintii iyo heshiiskii MoU.
Waxaana la gudboon in baarlamaanku markaas ayidaan go’aankii golaha wasiirada ee June 6, 2013 ee qeexayey “Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed …” (go’aankaas hoos ka akhri.)
Madaxda Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in ay fahmaan in go’aamada ay qaataan inta ay dawladda ku jiraan, ama go’aamada ay taageeraan, in ay reebayaan cawaaqib (wanaag ama xumaan), kaas oo saamayntiisu gaari karto muddo dheer kaddib markay xukunka ka degaan ama siyaasadda ka haraan.
Go’aanka Golaha Wasiirada DFS ee ku aadan dhererka xadka badda Soomaaliya
June 6, 2013 – Golaha Wasiiradu waxay shirkoodii todobaadlaha ahaa ee maanta ka soo sareen go’aamada hoos ku xusan ee la xiriira arrimaha badda Soomaaliya:-
1. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ayid-san-tahay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu gaaray August 1, 2009, ayna xildhibaanadu ku diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed. Is afgaradkaas oo dhacay April 7, 2009 ayana magaalada Nairobi Kenya ku saxiiiseen Wasiirkii Xiriirka Caalamiga ee DFKMG iyo Wasiirka Arrimaha Didabadda ee Kenya. Is afgaradkan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ku sifeeyay waxba kama jiraan (Null & Void).
2. Sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Qaramada Midoobay March 12, 2010 ee ay ku cadeeyeen in Is-fahamka (MOU) dhex maray DFKMG iyo Kenya uu yahay mid aan la cuskan karin ka dib markii Baarlamaanka Federaalka ku meelgaarka uu diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin.
3. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
5. Dhanka kale dawladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay ka go’antahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee soo jireenka ahaa. Waxayna dawladdu soo dhawaynayaa wadashaqeynta labda dawladdood ee la xiriira dhanka dib-u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xoojinta amaanka xuduudaha labada dal wadaagaan.
DHAMAAD
Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Email: [email protected]
Phone: +252 (0) 616 44 00 28
Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa sheegay in Puntland mowqif adag ka qaadatay arrimaha Federaalka iyo Dowladda Dhexe ee Somalia, islamarkaana aysan yeeli doonin in lagu xad gudbo.
Gaas, ayaa sidoo kale xaqiijiyey xogtii ay dhowr maalmood baahisay Caasimada Online ay ku saabsaneyd in lagu qanciyey in sida ay wax u mooday Puntlanad aysan ahayn, marka laga hadlayo maamulka gobollada dhexe.
Waxa uu Gaas farta ku fiiqay wada hadalo ay beesha caalamka iyo siyaasiyiin wadaan ay socdaan.
C/weli Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in haddii wada hadaladaasi ay beesha caalamka ku dooneyso in la isku soo dhoweeyo Puntland iyo Dowladda Dhexe uu meel gaari waayo in Puntland ay qaadi doonto tallaabo cod oo go’aankeedu meel yaal isla markaana gorgortan ka geli doonin midnimada iyo jiritaanka PL.
C/weli Gaas ayaa soo hadal qaaday dhismaha maamulka Gobolada Dhexe oo Mudug qeyb ka tahay, taasoo uu sheegay in aysan u cuntami doonin Puntland, gorgortan iyo wada hadalna ka geli doonin arrimahaasi.
Waxaan maalma aan fogeyn aan aqriyey maqaal uu qorey nin Carbeed oo Mulxid ah, oo diiddan xaqiiqada xaddiiska nebiga (NNKH) uu tilmaamaya ee ah in cadceeddu ay ku sujuudda Carshiga hoostiisa.
Maqaalkaasi wuxuu ninkaa kusoo qaatay inuu ka manaaqashooda xaddiiska nebiga (NNKH), ee ahaa markuu ku yiri Abuu Dar
”Ma garanaysaa Abuu Darroow!! halka ay Cadceeddu aaddo”? Wuxuu yiri ”Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal badan”. Wuxuu yiri ”Way dhaqaaqeysaa, jeer ay ku sujuudda Carshiga hoostiisa. Taasuna waa
Macnaha aayadda (”Cadceedduna waxay ku oraddaa sugnaanteeda (jid toosan), taasuna waa qadaridda Eebbaha cisiga badan ee cilmiga badan”).
Waxaa soo weriyay Al Bukhaari.
Wuxuu leeyahay, xaddiiskaasi wuxuu ka hor imanayaa xaqiiqada cilmiyeed ee immika laga ogaaday koonka. Waayo waxaanu ognahay in meerayaasha BAHDA AY CADCEEDDU mideysay ay ku wada wareegtaan cadceedda, Cadceedduna ay tahay ta iyada lagu wareegto.
Arrintaasi baa igu qasabtay inaan qormadani baxthiya oo aan soo badhiga sida ugu wanaagsan ee Mulxidiinta noocaasi ah looga raddin karo shubhada mowduucaas.
Ugu horreyn waxaynu ognahay amaba inoo muuqdo in aayadda uu nebigu (NNKH), xadiiskiisa usoo daliishaday ay ku dhammaato labo magac oo kamid ah magacyada Ilaahay (Al Caziiz iyo Al Caliim). Taasuna waxay inoo caddeyneysaa labadii shey ee lagu ogaan kari lahaa cilmiga arrinkaas oo kala ah awood iyo cilmi in Allaha u saaxiibka ah labadaasi aaladood uu inooga qisooday arrinkaasi.
Ee taa ka dib, xaggee baad ka dooneysaan cilmi iyo aqoon?
Xaqiiqada koowaad, waxay tahay in cadceeddu ay dhaqaaqdo, taasina culimada falak-ga ayaa qiray, marka ay yiraahdeen in Cadceedda iyo Bahdeeda (BAHDA AY CADCEEDDU MIDEYSAY) ay ku wareegtaan Mujarradka (Galaxy) ay ka tirsan yahiin ee loo yaqaan Diilinta Gureey, eng; MilkWay , arabic; Mujarrat Darb Addabana. Waxay Cadceeddu ku qaadanaysaa halmar inay kusoo wareegato buqcada dhexe ee Diilinta Gurey 250 million oo sano. Galaxyga Diilinta Gurey oo aanan ahayn midda ugu weyn ee kamidka ah malaayiinta Galaxy ee koonkan ayaa waxay kulmisaa 200 000 000 oo xiddig. Subxana-Allaah!!
Halkaasi, waxaanu u jeednaa in socodka Cadceedda ee xaddiiska iyo aayaddu ay tilmaameen aanu cilmiga ka hor imanayn. Waayo Ilaaha awoodda iyo cilmiga (Al Caziiz iyo Al Caliim) badan ayaa 1400 sano kahor uga qisooday nebigiisa. Waxaynu markaa kadib ogsoonahay in Carshiga Ilaahay uu ka sarreeyo toddobada samo. Sama walubana waxay hoos tagtaa oo ku dahaaran dusheeda samada ka sarreysa. Samada ugu hooseysa waxay ku dul wareegsan tahay koonka oo idil. Koonka oo idil iyo samooyinkana waxaa ku dahaaran Carshiga oo oo Carshiga baa dhan waliba ka jira oo ku dahaaran. Waxaanuna ognahay in wax waluba ay Ilaahay u sujuudaan. Cadceedduna ay Ilaahay u sujuuddaa.
Xaddiiska nebiga wuxuu tilmaamayaa in cadceeddu inta ay socotaba ay mar u sujuudeysa Ilaahay, kadib ay haddana mar kale kusoconeysa idinka Allah. Carshiga bay ku hoos sujuudi, waayo Carshiga koonka oo idil baa ku hoos jira oo u sujuuda. Cadceedduna koonka ayay kamid tahay.
Xaqiiqada labaad waxay tahay iyana arrin uu cilmiga casriga ka marag kacay. Taasoo ah in aakhirkii ay Cadceeddu marxalada badan oo ay mari doonta kadib ay ku sujuudi doonto halka ay ku dhammaan doonto aayaheeda. Taasuna waa gheybka la ina amray inaan rumeyno, amaba aynu nahay kuwa rumeeyo gheybka maqan. Waana sida kamid ah sifooyinka Mu’miniinta.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Sheekh Ismaacil oo horrey u soo noqday wasiir isla markaana ahaa guddoomiyihii guddiga dastuurka KMG ah ee dalka ayaa maanta shaaciyay shirqoolo halis ah oo dowladda ay wax ka maleegtay taasoo lagu doonayo in uu dalka waligiis aanu ka bixin dhibka.
Isagoo la hadlaayay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay xildhibaan Cabdiqaadir Ismaacil in madaxda dowladda ay ku heshiiyeen in dalka uu kala go’go oo aanu waligiis ka bixin dhibka ka socda sidda uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay isagoo ahaa guddoomiyihii guddiga dastuurka KMG ah in ay qalad tahay in Soomaaliya laga hirgaliyo nidaamka fedaraalka, wuxuuna ka digay in nidaamkaas uu u Soomaalida u horseedi doono dagaal sokeeye oo dib uga qarxa dalka.
Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Ismaacil ayaa tilmaamay in madaxda dowladda ay qandaraas ku soo qaateen siddii uu dalka dhibka ugu jiri lahaa, waxaana uu sheegay in arrintaas looga baahan yahay in ay ka hortagaan mudanyaasha baarlamaanka maadama ay matalaan shacabka.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay ammaanka caasimada sugto intii ay ku mashquuli lahayd arrimo aanu dano ugu jirin sidda uu hadalka u dhigay.
Waa xildhibaankii ugu horeeyay ee si cad ah u sheego in madaxda dowladda ay qandaraas ku soo qaateen siddii uu dalka dhibka ugu jiri lahaa.
Ma cadda wax yaabaha warkan ka keenay xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Ismaacil oo horrey wasiir ku-xigeenka ganacsiga ka soo noqday dowladihii kumeel gaarka ee dalka soo maray isla markaana soo noqday guddoomiyihii dastuurka kumeelgaarka ee dalka.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare oo xaley gurrigiisa ay weerareyn ciidamada nabad sugida ayaa sheegay in arrintaas aan la isaga daba hari doonin isla markaana uu sharciga u dacwoon doono.
Xildhibaanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in isagoo xildhibaan baarlamaan ah gurigiisa ay soo weerareyn ciidamo hey’adda nabad sugida ka tirsan.
Wuxuu tilmaamay in qorshaha gurigiisa lagu soo weeraray uu ahaa uu ahaa in lagu khaarijiyo sidda uu hadalka u dhigay balse wuxuu ku goodiyay in arrintaas halkaas loogama haraayo ayuu yiri oo sharciga ayaan la tiigsan doonaa cidda soo weerartay gurigeyga.
“Anniga waxaan ahay xildhibaan baarlamaan, haddii xittaa gurigeyga ay ciidamo soo aadayaan waa in la igu soo wargaliyaa laakin xilli habeen ah in ciidamadii nabad sugida ay I soo weeraraan oo rasaas la dhacaan meel kasta ma nabad diidka ayaan iska ilaalinaa mise kuwii nabad sugida, arrintaas la isagama hari doono dalka sharci ayaa ka jira anniga waan aqaanaa cidda soo weerartay gurigeyga” ayuu yiri xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare.
Waxaa la weydiiyay in gurrigiisa uu ku soo cararay hoggaamiye kooxeed Cabdi Nuure Siyaad oo lagu raad joogay, wuxuu tilmaamay arrintaas in ay been aan sal lahayn ay tahay oo qorshaha uu ahaa in isaga la dilo balse markii arrintaas ay guul-dareestay arrinta loo badalay in lagu raad joognay dagaal Cabdiwaal.
Wuxuu kaloo been abuur ku tilmaamay in goobta lagu dilay taliyihii hoggaaminaayay howgalka lagu soo weeraray gurigiisa bale wuxuu tilmaamay in labo ka mid ah ilaaladiisa ay goobta ku dhaawacmeyn isla markaana baabuur gurigga tiilay ay burburtay.
Washington DC (Caasimada Online) – Wasiirka gaashandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay dowladda in aaney awood u lahayn xilligan in ay dhisto ciidamo xoog badan oo iska difaaca cadowgooda.
Wasiirka oo ka mid ah wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya oo xilligan ku sugan Maraykanka ayaa sheegay in dowladda ay wado qorshayaal dib loogu hagaajinaayo ciidanka xooga dalka balse ay u baahan tahay kaalmo iyo kharash la siiyo dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Maraykanka uu kala hadlaayo siddii tabbabaro loo siin lahaa ciidamada dowladda si u noqdaan kuwa iska difaaca cadowga.
Wasiirka waxaa kaloo uu xisay in dowladda ay dhistay bakhaaro lagu keydiyo hubka dowladda la siiyo si aan cid kale u gacangalin
Wasiirka gaashandhigga ayaa ku celceliyay in ay adag tahay in la dhiso ciidamo difaaca xuduudada dalka isla markaana la socda wax kasta oo si qarsoodi ah loo soo galiyo maadama cunabaqabateen ay saaran tahay dowladda.
Ugu dambeyn wuxuu rajo ka muujiyay in dowladda ay ku hami weyn tahay marka ay dhawaan Muqdisho soo booqdaan xubno golaha ammaanka QM ka socda in laga qaado xayiraada xagga hubka ee Soomaaliya si ay dowladda u soo iibsato hub iyo saanado kale.
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijinaaya in maalmaha soo socda uu Ra’isul wasaaraha Dowlada boorsooyinkiisa ka raran doono Villa Somalia.
Xogta ayaa waxa ay sheegeysaa in guuritaanka Ra’isulwasaaraha ay ka dambeyso Khilaaf hoose oo ka dhex taagan Madaxda Sare ee Dalka, gaar ahaan Ra’isul wasaaraha, Wasiirka Dastuurka iyo Madaxweynaha oo garab Siyaasadeed siinaya Faarax C/qaadir.
Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu wadaa inuu Hoy ka dhigto Dhismo Cusub oo looga dhisayo Dugsiga Tababarka Booliska.
Dhanka kale, waxaan weli cadeyn sababaha rasmiga ee Ra’isul wasaaraha ku qasabtay inuu ka guuro Villa Somalia, maadaama khilaafyadu caadi iska yihiin oo mar walba madaxda Soomaalida ay ka dhex dhacaan.
Lama Oga sida uu xaalku noqon doono haddii ay kala shakinayaan Madaxda Dalka, wallow ay ku dhex jiraan gacmo shisheeye.
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog-ogaal ah oo aynu ka helnay Ilo Diplomaasiyadeed oo ku sugan magaaladda Nairobi, ayaa waxay sheegayaan inay ergo ka socotay Beesha Caalamka ay shalay kulan la yeesheen Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka ee Xukuumadda Federalka Somalia, Faarax Sheekh C/qaadir Mahamed oo maalmahan ku sugnaa Nairobi.
Kulankaasi oo ka dhacay Dhismaha Safaaradda Maraykanka, ayaa waxaa Wasiirka la kulmay Ku-simaha Ergayga Gaarka ee Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Brian Phipps iyo Wakiillo ka kala socday dalalka xubnaha ka ah Kooxda Caalamiga ee Isku-xirka Arrimaha dalka Somalia (Somali Contact Group) iyo Diplomaasiyiin kale.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay Caasimada Online u sheegeen in ergada Caalamiga ku tirtirsiiyeen, ugana digeen Wasiirka Garsoorka iyo Federalka Xukuumadda Somalia inaan la sii hurinin xiisadaha Siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha.
Waxay kaloo Ergadda Caalamiga u sheegeen Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed inaan la abaabuli karin Mooshin ka dhan ah Ra’isul-wasaare C/Weli Sheekh Axmed Maxamed.
Hadalka Ergadda Caalamiga ee ay kaga digeen Mooshin kasta oo ka dhan ah Ra’isul-wasaaraha ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo la hadal-hayo inuu Labada mas’uul weli khilaaf siyaasadeed ka dhexeeyo, lana doonayo in Cabdi Weli xilka laga qaado.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanno badan uu diyaariyey Faarax C/qaadir, islamarkaana mooshinka ka dhanka ah Cabdi Weli, uu teegeero badan u helay.
Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Puntland, ayaa sheegay in haddalka Dowlada Federaalka ee ah qaadashada Heshiis midnimo Qaran aysan iyagu u arag wax jira.
Waxa uu sheegay Karaash in Maamulka Puntland uu dhinac waliba isaga filan yahay waxa uuna Tilmaamay in marnaba aysan Ogolaan doonin Midnimo ay soo dhoo-dhoobtay Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh.
Axmed Karaash ayaa waxa uu hadalkaani sheegay xilli uu soo dhaweynaayay Afar Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlada oo gaaray Gaalkacyo.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash Isagoo ka hadlayay Hishiiskii ay dhawaan Dowlada ku sheegtay inay maamul ugu sameynayso Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay u arkaan ereyadii ay Warbaahinta u sheegi jireen Odayaasha Hawiye oo ay ugu horeeyan Xaad iyo Axmed Diiriye.
Waxa uu Sidoo kale sheegay inaysan dib isugu soo laaban doonin Dowlada iyo Maamulka Puntland, waxa uuna Cadeeyay inay ku howlan yihiin qorshihii ay uga tashan lahaayen Dowlada Federaalka.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ” Haa anigu waan aqriyay qaab qoraaleedka Hishiiskaas. waxaan umaleenayaa mas’uuliyiin majoogin meesha lagu qoray’’.
Karaash oo Hadalkiisa intaa kasii ambaqaadayo waxa uu yiri ‘’waxaan oran karaa waa ereyadii ay ku hadli jireen Odayaasha Hawiye Axmed Diiriye Cali iyo Xaad. Waxaanba is iri iyaga ayaa goobta joogay’’
Marka (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose dibad bax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Guddoomiyaha degmada Marka ee dowladda Soomaaliya, Maxamed Cismaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in magaalada Marka maalintii labaad uu ka dhacay dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Mr. Yariisow oo hadda u muuqda nin ku kacsan dowladda ayaa sheegay in dadka bannaan baxayay ay wateen boorar ay ku qoran yihiin dowladda iyo ciidanka AMISOM ma rabno iyo ha dhacaan.
Wuxuu sheegay dadka dowladda ugu baaqeyn in maamul gobaleed loo sameeyo gobalada Shabeellooyinka isla markaana ay taageersanaayeen maamulka Shabeelle State oo xarun ka dhigtay Marka.
Dadka dibadbaxayay ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ka dhan ah AMISOM iyo ciidamada dowladda, waxaana ay AMISOM ku eedeeyeen in ay xasuuq ka geesatay magaalada Marka kaddib markii ay ganaato ku garaacday guryo ay dad shacab ah ku jiraan.
Sidoo kale guddoomiyaha degmada Marko ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir
Nuur Maxamed Siidii in uu gobalka ka wado dagaallo lagu xasuuqayo beesha biya-maal balse uu diyaar u yahay in uu difaaco beesha uu ka soo jeedo sidda uu hadalka u dhigay.
Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin dibad-baxa maalintii labaad ka dhacay Muqdisho ee looga soo horjeedo dowladda iyo ciidanka AMISOM.
Marka loo eego hadalka guddoomiyaha degmada Marka iyo boorarka ay wateen dadka bannaanbaxa ka qeybgalay waxaa muuqata in uu jirro olole ay wadeen mas’uuliyiinta maamulka Shabeelle State oo ku aadan in ay dadka ku kiciyaan dowladda.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Wasaarada Arrimaha Dibada Somalia ay wado qorsho ay xil ugu magacaabeyso Diplumaasi lagu magacaabo Cumar Cabdulahi.
Ilo wareedku waxa uu sheegayaa in Cumar Cabdulahi loo magacaabi doono Safaarada Soomaalida ee Dalka Jarmalka, waxa ayna warar hoose sheegayaan in magacaabidiisa uu ka dambeeyo Ra’isulwasaaraha Somalia.
Shaqsigaani ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu horay uga soo shaqeeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaarihii hore ee TFG-da, isagoona kadib loo magacaabay Saafarada DFS ee Dalka Indonesia oo uu Muddo haayay xilkaasi.
Dhanka kale, Magacaabista Mas’uulkaani ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa isbedelo ay Dowlada Federaalka gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Dibada ku sameyneyso Safaaradaha Dowladu ay ku leedahay Dalka Dibadiisa.