28.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

DFS oo mas’uul aan horay loo maqal u magacaabeysa safiirka Germany (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Wasaarada Arrimaha Dibada Somalia ay wado qorsho ay xil ugu magacaabeyso Diplumaasi lagu magacaabo Cumar Cabdulahi.

Ilo wareedku waxa uu sheegayaa in Cumar Cabdulahi loo magacaabi doono Safaarada Soomaalida ee Dalka Jarmalka, waxa ayna warar hoose sheegayaan in magacaabidiisa uu ka dambeeyo Ra’isulwasaaraha Somalia.

Shaqsigaani ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu horay uga soo shaqeeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaarihii hore ee TFG-da, isagoona kadib loo magacaabay Saafarada DFS ee Dalka Indonesia oo uu Muddo haayay xilkaasi.

Dhanka kale, Magacaabista Mas’uulkaani ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa isbedelo ay Dowlada Federaalka gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Dibada ku sameyneyso Safaaradaha Dowladu ay ku leedahay Dalka Dibadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Xasan Sheikh oo dowlada France lagu dacweeyey (Yaa ka dambeeyey?)

Paris (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Faransiiska ayaa qaban qaabo ugu jirra siddii ay u dhigi lahaayeen bannaan bax looga soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladiisa, waxaana ay dawaco ka dhan ah Xasan Sheekh u gudbiyeen dowladda Faransiiska.

Qamar Shariif oo ka mid ah horjoogayaasha Jaaliyadda Soomaalida ee Faransiiska ayaa u sheegtay Idaacadda SKY ee magaalada Muqdisho in madaxweynaha uu doonayo siddii uu tallada dalka ugu gacan galin lahaa koox kaliya taasoo ah Dam-Jadiid.

Marwo Qamar Shariif ayaa xustay in dowladda Faransiiska ay ugud biyeen eedeemo ka dhan ah madaxweyna Xasan Sheekh oo ay tiri wuxuu ku guul darreestay in uu dalka ammaan ka dhigo.

Waxay sheegtay in qaar ka mid ah dhallinyarada madaxweyana ay isku xisbiga yihiin in ay ku jiraan kuwa aan Soomaali u dhalan kana yimid meelo kale sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay xustay in ay caddaalad darro tahay in xukunkii iyo awooddii dalka oo idil lagu koobay hal koox (Damu-Jadiid), lagana qadiyey Soomaalida kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

2 SIYAASI oo Muqdisho lagu weeraray iyo Qanyare oo dil ka bad-baaday + DF oo taliye sare looga dilay DAGAALKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa nabad sugidda iyo ciidamada Xildhibaan C/Weli Maxamed Qanyare iyo kuwa Cabdi Waal.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada nabad sugidda ay weerareen guryaaha Qanyare iyo Cabdi Waal oo isku dhow, kuna yaalla inta u dhexeeyso Garoonka Aadan Cadde iyo Hoteel Jasiira.

Waxaa la sheegayaa in ciidamada ay doonayeen in lasoo xiro Cabdi Waal oo mucaarad ku ah dowladda, islamarkaana uu baxsaday, balse lama yaqaan sababta loo weeraray Qanyare.

Xildhibaan Cabdi Weli Qanyare, oo goor dhow la hadlay idaacadaha Muqdisho, ayaa sheegay inuu ka bad baaday isku day dil iyo weerar ay kusoo qaadeen ciidamada dowladda.

Waxa ay sheegay in la doonayey in isaga la dilo, balse uu iska caabiyey ciidankii soo weeraray, waxaana uu intaas ku daray “Waa nasiib darro in dowladda Somalia ay arrintan ku kacdo”.

Taliyihii ciidamada nabad sugidda ee dagaalka hoggaaminayey oo lagumagacaabo Caydiid, ayaa lagu warramay inuu ku dhintay dagaalka, khasaarahana uu intaas ka badan yahay.

Lasoco wixii dheeri ah wararkeena dambe insha allah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan Sh. oo u hambalyeeyey Erdogan

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa si wadajir ah ugu hambalyeeyay Recep Tayyip Erdoğan oo ku guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee dalka Turkey.

Madaxweyne Xasan ayaa yiri: “Waxaan u hambalyeeynayaa raysul wasaarihii Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalkaasi, waa doorasho taariikhi ah. Waan garaneynaa muhiimadda ay codeyntan u leedahay shacabka iyo dowladda Turkey ee aan saaxiibbada nahay”.

Wuxuu tilmaamay inuu Turkigu sanadihii la soo dhaafay xiriir wanaagsan la lahaa Soomaaliya, isla markaana uu ka taageerayay dhinacyada bini’aadannimada, ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarka iyo adeegyada kale ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa rajo ka muujiyay inuu sii hagaago xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac.

Xasan Sheekh ayaa xusay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub ee Turkey.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

Asalka Cabista Sigaarka oo la ogaaday meesha uu Salka ku Hayso.

Hadii aad Sigaarka Cabto marka hore ugow Meesha laga keenay Cabista Sigaarka, kadibna Go’aan gaar.

Cabista Sigaarka waxay nooga Timid dhaqamo shisheeye, mana ka mid aha dhaqamadii wanaagsanaa ee soomalidu lahayd.

Dhaqan kasta oo aynu aragno waxa uu hoos tagaa Diin ama Caado umad leedahay.

Sigaarku waa Shay Dab ah oo afka laga Cabo, kadibna Sanka laga soo Daayo Qiiq Madow oo soo dhex maray sambabka Qofka Binu aadamka ah.

Hadaba Rumayso ama ha Rumaysan  Cabista Sigaarka waxa laga keenay mid ka mid Diimaha  aduunka ugu Waaweyn, Dhiintaas oo ah Diinta  Kiristaanka.

Qofkii Cabana waxa uu Fulinaya mid  ka mid ah Dhaqamada Xunxun ee ku qoran Bible-ka Gaalada.

Kitaabka Gaalada ee loo yaqaan Bible-ka ayaa si Xun oo anshaxa ka Baxsan u Caayey ilaahay isagoo ku sifeeyey in uu afka Shay Dab ah Gashto kadibna uu Sankiisa kazoo Daayo Qiiq oo waliba Qiiqaas uu kazoo Baxo Labada Dalool ee Sankiisa !!!!.

Sidaas Daraadeed ayaa Culimadi Kiristaanku ay u soo saareen Sigaarka si ay U sameeyaan waxay aaminsan yihiin oo ah in ilaahay sidaas sameeyey !!!.

Hadaba Akhriso Meesha ay kaga Qorantahay Bible-ka Arintaas, iyadoo Saddex Luqadood ah, Luqadda Carabiga, Luqadda English-ka iyo Luqadda Soomaliga.

Buuqa SAMUEL 2, Chapter 22, Farqadiisa 9:

صَموئيلَ 2 : الأصحَاحُ الثَّانِي وَالْعِشْرُونَ

9صَعِدَ دُخَانٌ مِنْ أَنْفِهِ، وَنَارٌ مِنْ فَمِهِ أَكَلَتْ

2 SAMUEL 22:9

Smoke went up from his nostrils and devouring fire from his mouth

Hadii la Somali Gareeyo waxay noqon:

“Qiiq ayaa kasoo baxay sankiisa, afkiisana waxa uu galiyey dab la cunayo”.

Hadaba Sigaarka oo ah Wax dhib mooyee aan wax Anfac ah lahayn ayaa hadana waxa intaas u sii dheer in uu salka ku hayo Cayda ilaahay ay gaaladu Caayeen (Casa Wajalla).

Fadlan Hadii aad Sigaar Cabto marka hore ogow Asalka Sigaarka meesha uu ka yimid Kadibna Go’aan ka gaar in aad Rumayso oo aad Raacdo Waxa ku qoran Bible-ka iyo in aad Beeniso Waxa ku qoran Bible-ka oo aad joojiso Cabista Sigaarka.

Hadii aad Joojiso Cabista Sigaarka, Asxaabtaadana u sheeg si ay uga Joogsadaan aafadaas nalooga dhigay dhaqan suuban laakin ah dhaqan iyo diin shisheeye.

W/Q: Maxamud Xasan Naagadoon

E-mail: [email protected]

 

 

Codkada sii Musharaxada Saida Xusen Magaalada Gothenburg, Sweden

0

Saida Hussein Moge oo ah Gabadhii ugu horeeysay ee soomaaliyeed oo isu soo sharaxaan Xisbiga Social demokratiga oo degan caasimada labaad ee dalka Swedan ee Göteborg.

Waxaan  bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Swedan ka codsaneynaa  iney codkooda dhiibtaan doorashada ka dhici doonto dalka Sweden bisha Sebtembar 2014-09-14, taasoo ah mid muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed  iyo Swedhishka.

Saida Hussein Moge waa musharax u taagan xisbiga  Socialka ee xaafada Hisingen waxaana u kisiiseen kartaa adigoo magaceeda ka heli karta warqada cad ee magaceeda ku qoran yahay.

u_Codee_Saida_H_Moge

9 Saida Hussein, pedagog 36 år, [email protected]
10 Jonas Attenius, byggnadssnickare 46 år, [email protected]
11 Eva-Lena Fransson, socialpedagog 63 år, [email protected]
12 Håkan Hallengren, terminalarbetare 47 år, [email protected]
13 Nina Tohmola, livsmedelsarbetare 45 år, [email protected]
14 Patrick Gladh, rektor 42 år, [email protected]
15 Tina Arvidsson, barnskötare 61 år, [email protected]
16 Bahman Esmailnejad, pedagog och familjerådgivare 52 år, [email protected]
17 Emma Odmyr, HR administratör 28 år, [email protected]
18 Stefan Yannelli, studerande 22 år, [email protected]
19 Sofia Schubert, lärare 36 år, [email protected]
20 Henrik Nilsson, industriarbetare 59 år, [email protected]
21 Dragana Todorovic, undersköterska 39 år, [email protected]
22 Joakim Berlin, verksamhetsutvecklare 41 år, [email protected]
23 Ylva Donning, socionom 52 år, [email protected]
24 Rikard Ledin, miljöentreprenör 26 år, [email protected]
25 Parisa Rezaeivar, miljöingenjör 41 år, [email protected]

Sverige behöver en socialdemokratiskt regering som driver politiken fram både nationellt och internationellt.

Rösta bättre Sverige för alla rösta för en jämlikt skola alla elever ska ha samma chans att lyckas i skolan mindre klasser är nykel till ett bättre resultat i skolan.

skolan och förskolan jobb och trygghet och att bygga mera bostad.

Saido_H_Moge09Saido_H_Moge08Saido_H_Moge07
Saido_H_Moge04


Saida Hussein (S)
Temperaturgatan 40
418 41 Göteborg
Telefon: 072-160 04 13
E-post: [email protected]

Med vänlig hälsning: Saida Hussein Moge.

XOG: Magacyada siyaasiyiin ka cararay KISMAAYO, xilli ay cabsi xooggan jirto

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa usbucan ka bilowday barakac balaaran oo ay samaynayaan Qaar ka mkd ah Shacabka Magaaladaasi, gaar ahaan kuwii soo dagay sanad iyo barkii ugu danbeyay.

Barakacaan ayaa waxaa sido kale qayb ka ah Masuliyiinta ugu saraysa ee maamulka Jubba, oo magaalada isaga baxay ayaga oo aan sheegin wax sabab ah, marka laga reebo inay shaqo u baxayaan.

Warar gaar ah oo aan helnay ayaa sheegaya in xubnahan ay magaalada uga baxeen walaac ku saabsan in Barre Hiiraale uu duulaan kusoo yahay magaalada.

Arrintan ayaa waxa ay timid kadib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubba ay weerar ku qaadeen deeganka Goobweyn oo saldhig u ah Ciidamada Barre Hiiraale ee ka tirsan Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka.

Ciidamadii Maamulka Jubba ee Gobweyn weeraray ayaa dib loo soo celiyey, islamarkaana iminka Barre Hiiraale waxa uu ku hanjabayaa inuu dulaan ku yahay Kismaayo.

Col. Barre Hiiraale oo khudbad dheer u jediyay Ciidamadiisa, waxa uu sheegay in Saacad kasta ay gudaha u gali karaan Magaalada Kismaayo loona bahanyahay in Ciidamada Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada ay heegan buuxo galan, hadalkaas oo walaac ka abuuray Kismaayo.

Siyaasiyiinta ka baxay Kismaayo waxaa ka mid ah:-

– Madaxweyne ku xigeenka Axmed Madoobe, Gen. Fartaag
– Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Axmed Madoobe, Cabdiqadir lugadheere
– Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Axmed Madoobe, Cabdiqani Jaamac
– Wasiirka Iskaashiga Axmed Madoobe, Mudane Shanbaara
– Wasiir ku xigeenka Caafimadka Axmed Madoobe
– Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amaanka, Gen. Darwiish
– Wasiirka Arimaha Bulshada Axmed Madoobe, Macalin Maxamed
– Taliyihii Ciidamada Axmed Madoobe, Gen Saxardiid iyo xubno kale oo darajooyin hoose ka haya Maamulka Axmed Madoobe.

Waa wax aan sahlaneyn in dhammaan xubnahaas miisaanka u leh maamulka Axmed Madoobe ay mar qura magaalada ka baxaan.

Sido kale waxaa Magaalada ka barakacaya Shacabkii Magaalada Kismaayo soo galay ka dib markii ay magaaladaasi gacantiisa gashay Axmed Madoobe kuwaas oo intooda badan ka yimid Dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Xog: DF oo naas-nuujineysa Guuleed & xil cusub oo la qorsheeyey in la siiyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareed ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia, ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Cadaalada iyo dastuurka Faarax C/qaadir, ay wadaan in Wasiirkii hore ee Wasaarada Amniga C/kariin Gulled loo magacaabo Maamulka iminka socdo dhismihiisa ee Gobolada Dhexe.

Madaxweyne Xasan, ayaa waxa uu Saraakiisha iyo Madaxda Gobolada Dhexe ka dhaadhacsiiyaya in Maamulkasi loo dhiibo C/kariin Guuleed, haddii ay noqoto in beesha Sacad ay qaadato madaxweynaha maamulka, waxaana la tilmaamayaa inay aqbaleen.

Waxaa sidoo kale horey u jiray waarar sheegaya in Kamaal Guutaale oo ahaan jiray agaasimihii Villa Somalia xilkaas loo magacaabayo, mana cadda cidda ku guuleysan doonta.

Waxay ku xirnaan doonta beesha qaadata madaxweynaha maamulkaasi, maadaama Guutaale uu kasoo jeeda beesha Saleebaan, Guuleedna beesha Sacad.

Xasan Sheekh waxa uu doonayaa in labadan nin aysan midkoodna dhaafin hoggaanka maamulka gobollada dhexe.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in C/kariin Gulleed uu bilaabay kulamo kala duwan oo uu Madaxtooyada iyo  Hoteelada Magaalada Muqdisho kula qaadanayo Odayaasha kasoo jeeda Gobolada Dhexe ee Somalia, isaga oo qal qaalsanaya xilka madaxweynaha maamulka cusub.

Dhanka kale, Ilo ka tirsan Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in C/kariin Gulled uu Safar ku gaari doono Gobolada Dhexe, iyadoona la sheegaayo inuu halkaasi kula kulmi doono Madaxda G/Dhexe, waxaana Ololo xoogan ugu jira Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka tirsan Dam-Jadiid.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ceeb looma dhinto: DAAWO Sawirrada bannaanbixii Minnesota oo aflagaado ka dhana Hawiye iyo fadeexad noqday

Minneapolis (Caasimada Online) – Dad ku abtirsada beelaha dega Puntland ee gobolka Minnesota ee Mareykanka, ayaa ku hor bannaanbaxay hotelka uu Madaxweynaha Somalia ka degan yahay halkaasi, ayaga oo ka cabanaya in beeshooda aan sidii ay rabtay loo yeelin.

Dadkan ayaa tiradooda lagu qiyaasay 50 illaa 60 qof, waxaana ay ay wateen boorar lagu qoray ereyo naceyb iyo qabyaalad huwan.

Dadkan oo sheegayey inay ku banaanbaxayaan madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa caddaatay inay ahaayeen dad caadifad qabiil un haysa, kadib markii ay boorarka kusoo qorteen ereyo ka dhan ah beelaha Hawiye.

Dibadbaxaas ayaa si bareer ah loogu aflagaadeeyey Beesha Hawiye iyaga oo qabanqaabiyaasha Dibadbaxa ay shacabka u soo dhiibeen boorar ku ay ku qoran yihiin halku dhigyo anshaxa ka fog.

Waxaa ka mid ahaa “Daarood tashay, Hawiyow iga dul kuac waan daalay”. “Jug Jug meeshaad joog, Waxaa dib loogu noqonayaa 1991-kii, mahadsanid Xasan Sheekh” ayaga oo uga jeeday inay hurinayaan dagaal Hawiye iyo Daarood.

Waxa ay sidoo kale wateen boorar ay Xasan Sheekh ku sheegayaan inuu yahay hoggaamiye qabiil, ee aanu ahayn hoggaamiye dal.

Sawirrada qaar ayaa waxaa ka muuqday dumar fartooda dhexe kor u taagaya, taasi oo aan ognahay macnaheeda.

“Waxaa nasiib darro ah in beel Soomaali ah ay mar walba kaligeed meel lasoo taagan tahay banaan-bax qabyaaladeysan, mararka qaar waxaan is-weydiiyaa in wax xishood la yiraahdo geibigiisba uu dhammaaday, Xasan Sheekh waa shaqsi, maxaase Hawiye meesha keenay” ayuu yiri Cabdi Axmed oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee Minnesota.

“Banaanbaxa lama diidana, laakiin waa inuu noqoda mid siyaasadeed ee ma ahan in sanad kasta qabyaal darted loo banaan baxo, oo hal qabiil meel uu lasoo taagan yahay boorar, waxaan la yaabay xishoodka iyo dadnimada waxa ka qaaday, illeen ceeb looma dhinto” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba inta badan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, ayaa si farxad iyo sharaf leh usoo dhoweeyey ulana kulmay madaxweynaha Somalia.

ceeb 9ceeb 1ceeb 2ceeb 3ceeb 4ceeb 5ceeb 6ceeb 7ceeb 8

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Xildhibaanno ka carrooday MUQDISHO oo gaaray Puntland (Daawo Sawirrada)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Garoonka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa Maanta lagu soo dhaweeyey xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya oo iyagu soo ajiibay baaqii Madxaweyne C/weli Gaas oo ahaa in Xubnaha Puntland ugu jiro Dowlada Federaalka ay dib ugu soo laabtaan Deegaanadooda.

Xildhibaanada maanta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa hoggaaminaayay Xildhibaan Maxmed Xuseen Nuur Xagaafe, iyadoona ay garoonka kusoo dhaweeyen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka oo uu ugu horeeyo Duqa Degmada Cabdicasiis Jaamac nugaal Gudoomiyaha xigeenka Gobolka Mudug Farxaan Cali Xaad iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Mudug, waxaana soo dhaweyn kadib loo gudbiyay Hoteelka weyn ee Magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaan Xagaafe oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inay aad u badnaayen, balse ay soo kala hareen, waxa uuna Tilmaamay inay yihiin qeybtii Seddexaad oo soo gaartay Magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu Xildhibaanku cadeeyay in Xildhibaanada uga harsan Magaalada Mqdisho ay maalmaha soo socdo soo gaari doonaan Magaalada Gaalkacyo, Isagoona sheegay in Ujeedka imaanshahooda ay ka dambeysay Fariintii uu Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas u diray xubnaha DF uga jira Puntland.

Dhanka kale, Mr Xagaafe waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay kulan la wada qaadan doonaan Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas si ay uga arinsadaan daan-daansiga Dowlada Federaalka ay ku heyso Maamulka Puntland, waxa uuna sheegay in iminka ay sugayaan Xildhibaanada ku harsan magaalada Muqdisho.

???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

[email protected]

Xog: PUNTLAND oo raali-gelin siineysa DF Soomaaliya kadib markii la qanciyey

Garoowe (Caasimada Online) – Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Maamulka Puntland uu ku qancay tallooyin iyo tusaallooyin ay Xildhibaanadii ka tegay Muqdisho ee kasoo jeeday Puntland hor dhigeen Cabdiweli Gaas iyo xukuumaddiisa oo sheegay inay xiriirka u jareen Dowladda Dhexe ee Somalia.

Warku wuxuu sheegayaa in Xildhibaanadii ka tegay Muqdisho in ay Madaxweynaha Puntland u sheegeen in uu ku deg degay go’aanka uu xiriirka ugu jaray Dowladda Federaalka, waxay sidoo kale u sheegeen in ay habooneyd in inta aan lagu dhawaaqin go’aankaasi lasoo wargeliyo xildhibaanada.

Cabdiweli Gaas iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ayaa u sheegay Xildhibaanada in ay shaki badan ka qaadeen heshiiskii Villa Somalia ee maamul u sameynta gobolada dhexe, isla markaana ay moodayeen in Galmudug la hoos geynayo guud ahaan gobolka Mudug.

Xildhibaanada waxay u sheegeen Gaas iyo xubnahiisa in sida ay wax u maleeyeen si ka duwan ay tahay arinta, isla markaana gobolka Mudug uu noqon doono sida hadda u kala qeybsan yahay tusaale ahaan Koonfurta Mudug ilaa Galgaduud sidaasina lagu qanciyay.

Waxaa lagu heshiiyay in Puntland arrintan ay cudur daar ka bixin doonto, isla markaana shir uu ka dhici doono Garoowe, kaasoo lagu casuumay wafdi uu hoggaaminayo Ra´iisul Wasaaraha Somalia, kadibna laga hadli doono arrimahaasi iyo sababihii shakiga keenay.

Waftiga Cabdi Weli oo la filayey inay booqdaan Puntland horraantii bishan, ayaa baaqday kadib markii ay kala boodeen labada dhinac, hase yeeshee waxa uu Cabdi Weli usoo dhiibay xildhibaanada Puntland farriin ah in deegaanada Puntland aysan ka tirsaneyn maamulka cusub ee gobollada dhexe, waxaana uu booqan doonaa dhowaan.

Waxay Puntland iyo Xildhibaanadii ka tegay Muqdisho iyo wafdiga Ra´iisul Wasaaraha ay soo saari doonaan go´aan cad isla markaana Puntland ay ka cudur daaran doonto go´aankii deg dega ahaa ee ay qaadatay si looga raali geliyo bulshada Soomaaliyeed.

Lama oga xiliga uu Ra´iisul Wasaaraha ku beegan yahay Garoowe, hase ahaatee wey jirtaa qorshaha safarkaasi iyo shir weynahaasi ka dhici doona Garoowe.

Xukuumadda Cabdi Weli, ayaa wadda qorshe ah inay qanciso dhinac kasta, hase yeeshee warka ah in maamulka cusub uu yahay kaliya Koonfurta Mudug iyo Gal-Gaduud ayaa ka hor imaneysaa dastuurka maadaama laba gobol ka yar aysan noqon karin federal.
Sidoo kale waxaa is-weydiin mudan sida Puntland ay ugu qanacday hadal, ayada oo heshiiska maamulka gobollada dhexe lagu qoray Mudug iyo Gal-Gaduud oo aan kala qaadneyn, maadaama dunida qoraal iyo saxiix un ay ka shaqeeyeen oo aanu hadalka macno lahayn.

Dadka ku lugta leh dhismaha maamulka Gobollada Dhexe, oo ay Caasimada Online kala hadashay xogtan cusub, ayaa sheegay inay heystaan warqad saxiixan oo caalamku goob jog ka ahaa, sidaa darteedna aysan hadal ka jawaabeyn.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

 

Xoosh Jibril oo sheegay in Puntland ay cadaalad darro ku sameysay Leelkase kuna biirayaan MAAMULKA G/DHEXE

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, ayaa ka hadlay caddaalad darrada Puntland ay ku sammeysay beesha Leelkase oo ka mid ah beelaha laf dhabarka ah ee dega Puntland, ee uu kasoo jeedo.

Cabdiraxmaan Xoosh, ayaa bartiisa Facebook ku xardhay erayo lagu tilmaami karo kuwa ka turjumaya qadiyada beesha Leelkase, ee ku aaddan siyaasadda dalka.

Waxa uu is-bar bar dhig ku sammeeyey tirada xildhibaannada Leelkase ay ku lee yihiin baarlamanka Puntland oo ah 3 iyo tan ay ku lee yihiin baarlamanka federaalka oo ah 5 xubnood.

Waxa is-weydiiyey sababta beelaha Dhulbahante (17 xildhibaan) iyo Warsangeli (9 Xildhibaan) ay baarlamanka Puntland uga badan yihiin Leelkase, ayada oo xaqiiqda ay tahay in labadaas beeloodba aysan daacad u wada ahayn Puntland sida Leelkase, oo ay sidoo kale ku jiraan baarlamanka Somaliland.

Ayada oo uu eegayo arrimahaas oo idil, ayuu Xoosh Jabriil is-weydiiyey waxa diidi kara in Leelkase ku biiraan maamulka cusub ee Central Somalia State ee gobollada Mudug iyo Gal-Gaduud?

Xildhibaan Xoosh oo looga bartay inuu si dhab ka hadal ah u cabiro waxa uu aaminsan yahay ayaa yiri:- “Dad baa waxey leeyihiin, Xubno ka mid ah beesha LEELKASE kama qaybgali karaan maamul u sameeynta Central Somalia State. War waalidaan arka. Mar haddii Warsangali Daarood oo 9 Xildhibaan ku leh Baarlamaanka Puntland iyo Dhulbahante Daarood oo ku leh 17 xubnood Baarlamaanka Puntland, ay Somaliland madaxna ka yihiin, Baarlamaanka Somaliland-na Ku jiraan, maxaa Leelkase laga rabaa. Ka warran Leelkase oo ah qabiilka labaad ee Puntland dega wixii ka dambeeya Harti Daarood ayaa laga siiyay Puntland seddex (3) Xildhibaan, Federaalkana Shan ( 5). Bal arka Proportionality-gan. . Bal ila eegooy aan taaganahay”.

hosh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

SAWIRRO: Aalad cusub oo tilmaamaysa dhawaanshaha Qiyaamaha (Warbixin)

Bismillaah wakafaa, Allahumma salli calaa Muxammad wa aalih.

Ikhtirac cusub oo dhawaan soo baxay, ayaa lagu sheegay kabo caqli badan (smart shoes), kuwaasoo ku samaysan elektoroon. Casrigan aynu joogna oo ah casrigii tiknoloojiyada, meel aad u sarreysana laga gaaray teknoloojiga, iyo ikhtiraaca aaladaha ala duwan ee midba midda kale ka daran, baa inagu sintay maantana inaan u joogno aaladdan cusub ee loogu magac daray ”Smart shoes”.

Kabo caqliyeedkani oo u samaysan sida kabaha caadiga ah, waa kuwa loogu talo galay xirashada oo ma ahan sharraxaad iyo guri dhigasho. Waxay la hadlayaan qofka xiran, laakiin hadalku maahan hadal ay markaasi soo ikhtiraacayaan iyaga ee waa hadal ku progaramsan. Waxay qofka u sheegayaan jihada uu u jeesanaya ama uu rabo inuu aado waxa ka jira.

smart sheos 1Waxay u sheegayaan masaafo ka fog oo uu ku kadsoomi lahaa waxa ka jira oo halis ah. Kabo caqliyeedkani waa aalad cusub oo ka dambeysay telefon caqliyeedka (smart phones) dunida qabsaday. Waxaanay culimada tiknoloojiga ku fikireen samaynta arrinkan sanadkan gudahaiisa.

Arrintan oo la oran karo, waxay caddeyn buuxda u tahay in qimmadii ugu sarreysay laga gaaray tiknoloojiga, ayaa hadda waxaa mucjiso Rabbaani ah, marka tilmaanta arrinkaasi aad ugu tegto oraahyada nebi joogay xilli xaaladdu ay adkeed, tiknoloojina aanay jirin.

smart sheos 2Ka hor 1430 buu nebi Muxammad (NNKH), xadiis saxiix ah ku yiri

(والذي نفسي بيده لا تقوم الساعة حتى يكلم الرجل نعله)
[رواه ابن حبان]

… سبحان الله !!

”Kan ay nafteydu awooddiisa ku jirta (yacni Allaah) baan ku dhaartaye, saacadda Qiyaamuhu ma dhacayso, illaa qofku ay la hadlaan kabahiisa”.

Waxaa weriyey Ibnu Xibbaan.

Tani waa mid kamid ah mucjisooyinka waaweyn ee uu Ilaahay siiyey nebiga mucjisaatka,

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
____________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimadda.net. Lama daabacan karo idan la’aan.

 

Xog: C/weli Gaas oo xil u magacaabayo siyaasi carro uga haajiray GAROOWE !!

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo wareedyo ka tirsan Maamulka Puntland, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu qorsheynaayo inuu xil culus u magacaabo Axmed Cabdi Xaabsade.

Ilo wareedka ayaa Xaqiijinaaya in Xaabsade oo kasoo goostay Maamulka Somaliland, islamarkaana Maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Gobolka Wardheer ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Kililka Shanaad xil looga magacaabayo Maamulka Puntland.

Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu xiliyo kala duwan xil ka soo qabtay Puntland iyo Somaliland, sida Wasiirkii Arrimaha Gudaha Puntland, Wasiirkii Warfaafinta Somaliland.

Axmed Cabdi Xaabsade ayaa waxa uu iminka ku wajahan yahay Magaalada garoowe, waxaana socdaalkiisa Puntland ka shaqeeyay Nabadoono iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland, inkastoo aan la carabaabin xilka loo wado.

Dhanka kale, Axmed Cabdi Xaabsade oo aan mudooyinkaani ka dhex muuqan Siyaasada Dalka gaar ahaan kuwa Maamul Goboleedyada, ayaa waxaa iminka Heshiis hoose la saxiixday Madaxweyne C/weli Gaas oo ku howlan kasbashada Siyaasiyiintii ay kala irdhooben C/raxmaan Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Siilaanyo oo si aan horrey looga baran uga carrooday hadalkii Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu Maalmahaani ku sugnaa Magaalada Washington DC ee Dalka Mareykanka, islamarkaana halkaasi ka jeediyay Khudbado ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ka carooday hadal kasoo yeeray Xassan Sheekh.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay machad Maraykan, ayaa waxa uu soo hadal qaaday wada-hadalada qabyada u ah Dowlada iyo Maamulka Somaliland, waxa uuna sheegay inuusan istaagi doonin wada hadalka.

Xassan Sheekh ayaa waxa inta uu Khudbada jeedinaayay sheegay in wada-hadalada kala dhexeeyo Somaliland ay tahay mid looga arrinsanaayo Midnimada Dalka Somalia, waxaana hadalkaasi ka carooday Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo sheegay in Xassan Sheekh uu wada-hadalka u weeciyay sida uu jecelyahay, waxaanu sheegay in ujeedada wada hadaladu tahay soo celinta midnimadii burburtay ee Somaliya.

“Midnimada wadanka Somalia waa ahmiyadayda koowaad, waxaana bilaabay markii aan xafiiska imidba.” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in go’aankiisu yahay inaan la joojin wada hadalada uga socda wadanka Turkiga, kuwaas oo uu sheegay in marka wax kale laga tago ay dhaleen in la wada hadlo taas oo uu tilmaamay inaanay laba sanadood ka hor dhici jirin.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa dhankiisa ka cambaareeyay hadalka Madaxweyne Xassan, waxa uuna Tilmaamay in Ujeedka shirarka Ankara uusan aheyn inay la midooban Dalka Somalia balse ay fadhiyadaasi ku qancinayaan DFS.

“Waxaa jira wada-hadalo nooga socda Dalka Turkiga Afar kulan ayaa sannadkii hore iyo horaantii sannadkan qabsoomay waanay socdaan, Lakin heshiisku kuma jirin inaan DFS arrinta Midnimada kala gorgortano’’

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa aad uga soo horjeestay go’aanka Madaxweyne Xassan ee ku aadan midowga DFS iyo Maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isna dhinaciisa dhawr goor cadeeyay in ujeedada wada hadaladu tahay sidii ay Somaliland u noqon lahayd qaran buuxa.

Dhanka kale, Khudbada Xassan Sheekh ayaa u muuqaneysa mid hakat galin karta Wada-hadalka DFS iyo Maamulka Somaliland uga socday Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntalnd oo weerar culus lagu qaaday + Magaca

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka laga helaayo Magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay weerar culus ku qaaden Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gobolka Bari C/fitaax Xaaji Aadan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Weerarka uu ahaa mid gaadmo ay Kooxda ku qaaden Gaari uu la socday Guddoomiyaha, waxa uuna weerarka dhacay xilli uu Mas’uulkaasi marayay Buuraleyda Galgala ee Gobolkaasi Bari.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha uu soo gaaray dhaawac culus isaga iyo qaar ka tirsan istaafkiisa, waxa uuna weerarkaasi ku soo beegmayaa xilli dhawaan weerar ismiidaamin ah lagu qaarijiyay Taliyihii qeybta Boliiska Gobolkaasi Bari.

Dhanka kale, waxaan jirin cid sheegatay weerarkaasi, iyadoona Maamulka Puntland aysan weli ka bixin wax faah faahinno ku aadan weerarka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gobolka Bari lagu qaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

WARKII GAAS: HAWEENEYDII saygeeda ku tiri “HOOYADAY BAAD IGA TAHAY”!

Xaaladda Soomaaliya ee maanta waxay la mid tahay hooyo aan dhowr iyo labaatan sano aan dhalin canug hanaqaaday oo markii uu gaaro socod baradka siriq uusan gudbi Karin u dhigayeen sokeeyaha ugu dhaw sidaana saxariir iyo silic  saaxada  nolasha  uga baxayey.

Sidaa si la mid ahna dhowr ku dhashay dhicisnimo halkii la wada korin lahaa ay hooyada iyo a abbahu is furayeen;  adeerada iyo abtiyaashana halkii ay heshiisiin lahaayeen ladaba dhinac  u kala hiilinayeen .

Marxalad kasta oo uu dalka soo ma to waxaa la gaaray xilli la filaayey in dhiciskii ugu dambeeyey uu yara dhaafo xilligii socod baradka una gudbo hanaqaad lagu hiigsado hannaan dowladnimo looga gudbo xaaladihii fawdada ee dalka ku sugnaa 23 sano ee ugu dambeysay.

Waxaase wax lala yaabo ay in ay   weli jiraan canaasiir rabta inay mijixaabiso masiirka ummadda markastana jillaafo u dhigayo tallaabo kasta ee dalku ku hiiigsan karo horumar taam ah.

Canaasiirtan waxay ku awr kacsadaan qabyaaaladda oo ah cadawga koowaad ee dalkeenna dib u dhaca u horseeday.

Kooxahan markasta ay danahooda ka dhexwaayaan nidaamka hadda jira waxay ka door bidaan inuu burburo, dilka,  dhaca iyo dagaallada dalka ka jirana aysan ka danqin, balse ay u muuqato uun danahooda gaarka ah Iyagoo ku hadaaqa  hadallo ay ka mid yihiin looma dhamma, jufadeenna waa lagu qadiyey, maamul goboleedkeenna waa la hoosaasiyey, saamigii aan lahayn nalama siin, nalama tashan iwm. Taasina waxay ugu dambeyn dhalisaa inay xubnaha dowladda uga jira ugu baaqaan inay isaga soo baxaan.

Tallaabadii ugu dambeysay ee raadkeedu uu muuqdo waxaa ku dhawaaqay Hoggaamiyaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed cali gaas isagoo sabab kaga dhigay ku dhawaaqista Maamulka Goboleedka Goballada dhexe oo uu u arkay mid ka hor imaanaya danaha Puntland.

Hoggaamiye Gaas wuxuu caddeeyey inuu xiriirka u jaray Dowladda Federalka;  islamarkaana wuxuu u yeertay xubnihii gobolkaas u masilayey Baarlamaanka.

Arrintaasi waxay ka fajicisay siyaasiyiin iyo indheergarad badan oo filayey in maamulka Cabdiweli noqdo kan ugu horreeya ee soo dhaweeya tallabadan horay loo qaaday; waxay qaarkood ku tilmaameen in Gaas uu si indho la’aan ah u raacay waddadii Faroole kana baxay heshiisyadii Garawe 1 iyo 2 ee lagu ebyey nidaamka Fedraaliga ah.

Sidoo kale sharciyaqaannadu  waxay caddeeyey in hadalkii Gaas uusan uusan sharciga waafaqsanayn maadaama Puntaland ay hoos timaado dowladda Federaalka aysanna ahayn dowlad gaar oo xiriir jari karta ama xiri karta.

Arrinkan  waxa ay I xusuusisay haweeney ninkeeda ku tiri “Hooyadey baad iga tahay” markaasoo uu ninkii wareeray wax uu sameeyana garan waayey,  halkii uu ula tagi lahaa culimada aqoonta u leh mas’ aladan ayuu iyadii ula laabtay oo ku yiri Maxaan sameeyaa.

Kolkaasey ku tiri “Si aad igu soo labatid waa inaad kafaaro bixisaa taasoo ay inaad 30 maalmood oo is xiga soontaa ama aad bixisaa 6 kun doollar oo qaraabadeyda la siiyo”.

Ninkii waxaa u sahlanaatay inuu haweeneydii siiyo 6kun oo dollar si uu ugu laabto. Haweeneydii halkii baa il uga baxday oo markii arrin ciriiri ka gasho waxay odaygeeda ku tiraahdaa “Hooyadey baad iga tahay” isna uu ku qanciyo inuu jeebka u buuxiyo.

Hadii aan waadixiyo arrinkan hooyadey baad iga tahay waxaa la yiraahdaa Ad-dihaar (الظهار),   waana in Ninku uu haweeneydiisa ku yiraahdo “Waxaad iga tahay hooyadey oo kale”, qur’aankuna wuxuu ku tilmaamay arrin fool xun oo la inkiro sida ay caddeyneyso aayaddan:

g1

“Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood oo kale haweenkoodu ma aha hooyadood, hooyo waa midda wax dhashay, kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been Ilaahayna waa Saamax badane Dhaafid badane.”

Haddii ay arrintan oo kale dhacdo, waxaa lagu cilaajiyaa sida qur’aanku cadeeyey sidatan:

g2

Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood haddana ku noqonaya «haweenkii» waxaa ku waajib ah qoor xoraynteed intayan istaaban, Arrintaasi waa waano, Ilaahayna waxa dadku camal fali waa ogyahay.

Hadduusan awoodin sida aayaddan caddeyneyso  waxaa u bannaan:

g3

Ruuxaan helin qoor uu xoreeyo wuxuu soomayaa Laba Bilood oo israacsan intayan istaaban, ciddiise aan karin soonka wuxuu quudin Lixdan miskiin, arrintu waa saas si aad Alle u rumeysaan iyo Rasuulkiisa, taasina waa xuduuddii Ilaahay Gaalase waxaa u sugnaaday Cadaab kulul.

Halkaas waxaa nooga cad in Dihaarka iyo Dhaqaalaqaba u yahay xukun ka soo fuli kara dhinaca ragga oo kaliya, dumarkuna aysan wax shaqo ah ku lahayn, haweeneyduna aysan ninkeeda furi Karin islamarkaana oran Karin hooyadey baad iga tahay.

Waxaa laga soo reebaa in marka haweeneydu ku tiraahdo odaygeeda “Aabbahay baad iga tahay” in ninku wax shaqo ah uusan ku lahayn balse iyada laga rabo kafaaratu yamiin oo ah kafaarada dhaarta oo ah in la quudiyo 10 masaakiin ama la arad tiro ama qoor la xoreeyo, intaas ciddii aan heli karinna saddex maalmood soonto sida ay aayadda ku jirto suuratu maa’ida  noo caddeyneyso:

g4

Intaasi waxaan uga golleeyahay in maamul goboleed uu hoos yimaado Dowladda islamarkaana uusan xiriir u jari Karin dawlad qarameed, waayoo maaha labada dawladood oo xiriir isu jari kara, sidaasi darted hadalkii Gaas wax ka so qaad ma laha, waxaana laga rabaa inuu ka cudur daarto haddii ay aqoon darri xagga qaanuunka dowladnimo u geysay.

Sidaasi darted Dowladda Federaalka waa inay garataa Mas’uuliyaddeeda, arrimahan oo kale ee soo noqnodana ay tallaabo ku habboon ka qaaddaa, mowqif adagna ka istaagtaa, kafaaradana aysan iyadu bixin oo aysan la imaan madax salaax meeqaanka ka qaadayo.

Tallaabooyinka ay qaadi karto waxaa ka mid ah:

1)     in Maamul-goboleedyada jira iyo kuwa soo socda aysan yeelan awood la mid ah tan dowladda.

2)    In eray bixinta ah in Maamul goboleed yeesho Madaxweyne la joojiyo balse lagu magacaabo Guddoomiye( Governor ).

3)    In madaxda maamul goboleedyada aan loo oggolaan inay xiriir toos ah la yeeshaan Madaxda caalamka iyagoo aan haysan oggolaanshaha Dowladda Federaalka ama waxa loo yaqaan Verbal Note.

4)    In Madaxda Caalamka aysan xiriir toos ah la yeelan Madaxda maamul goboleedyada oggolaansho la’aan.

5)    In xildhibaannada ama wasiirrada u hoggaansama baaqyada Madaxda maamul goboleedyada iyo Madax dhaqameedyada laga qaado tallaabo sharci ah oo lagu anshax marinayo.

Haddii intaasi la waayo arrintu ka bixi meyso xarig jiid, dowladnimadii iyo qaranimadii aan higsaneynayna waxay ku biyo shubaneysaa  maamul qabiileed hoos yimaada dalalka deriska ah.

W.Q Cabdikarim Xaaji Yuusuf

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

Soomaali lagu xiray waddanka SUDAN kaddib markii la ogaaday inay rabeen..

Khartoum (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Khartoum ee dalka xarunta dalka Sudan ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray 15 qof oo ah Soomaali socota ah kuwaasoo ku sii jeeday dalka Libya.

Wariye Cabdelle Isnay oo ku sugan Khartoum ayaa sheegay in dadkan la qabtay ay ahaayeen tahriibayaal markii hore ka yimid dalka Ethiopia isagoona tilmaamay in ay ku sii jeedeen dalka Libya si ay uga sii tahriibaan oo ay u galaan Yurub.

Wuxuu sheegay in ay ku jireen labo dumar ah, waxaana dhammaan ay hadda ku xiran yihiin ayuu yiri xabsi Khartoum ku yaalla.

Mar la weydiiyay cidda waday Soomaalidan tahriibka ah, wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka Khartoum ay la xireen kooxo muqalasiin ah oo u kala dhashay waddamada Itoobiya iyo Suudaan kuwaaoso waday dadka Soomaalida ah.

Wuxuu sheegay oo kale wariye Cabdelle Xuseen Yaxye in Soomaalida tahriibka ahayd lagu maxkamadeeyay 15 cisho oo xabsi ah kaddibna loo musaafurin doono dalka ay ka soo galeen Sudan.

Sudan waa meel ay waddo u tahay tahriibayaal fara badan oo ka taga geeska Afrika kuwaasoo sii mara dalka Libya si ay u galaan qaaradda Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khartoum

[email protected]

Somaliland oo dejisay qorshe cajiib ah oo suurta gelinaya in shidaal loo baaro

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horreeyay faah-faahin ka bixiyay ciidamo gaar ah oo loo sameenaayo shirkadaha shidaalka ka baaraya deegannada ay maamulaan.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cali Maxamed Waran Cadde oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada gaarka ay yihiin ciidankii hore ee Somaliland ay u lahayd oo aaney ciidamo cusub loo sameenaayo.

Waxaa la weydiiyay in hadallo badan ay ka dhasheyn ciidamadan loo sameenaayo shirkadaha shidaalka ka baaraya Somaliland,wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadan ay yihiin kuwa ka tirsanaa ciidamada booliska iyo kuwa milliatariga, maadama ciidamada Somaliland ay seddax qeyb ka kooban yihiin kuwaasoo kala ah, booliska, millitariga iyo asluubta.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadan la siin doono tabbabar casri ah oo ku aadan siddii ay u waardiyeen lahaayeen shaqaalaha la socda shirkadaha shidaal baarista ka wada Somaliland oo qaar ka mid ah ay hadda billaabeyn sahminta shidaalka.

Wasiirka ayaa la weydiiyay bal in uu faah-faahin ka bixiyo goobaha shidaal baarista laga sameenaayo, wuxuu sheegay wasiir Cali Maxamed Waran Cadde in goobaha ay ka mid yihiin Burco, Oodweyne iyo deeganno kale oo uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.

Waxaa la weydiiyay meelaha qaar ee shidaal baarista laga sameenaayo in ay ku jiraan goobo ay sheegatay maamulka Puntland, wuxuu tilmaamay wasiirku in aaney jirin goobo shidaal laga qodayo oo ay lee dahay Puntland ee dhammaan goobaha shidaal qodistu ay yihiin dhulka ay lee dahay Somaliland.

Si kastaba, waxaa dad badan ay isla dhexmarayeen in Somaliland ay wado dhismaha ciidamo aad u hubeysan una tabbabaran kuwaasoo loo diyaarinaayo in ay waardiyeeyaan goobaha shidaalka laga qodayo Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]