28.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

WARKII GAAS: HAWEENEYDII saygeeda ku tiri “HOOYADAY BAAD IGA TAHAY”!

Xaaladda Soomaaliya ee maanta waxay la mid tahay hooyo aan dhowr iyo labaatan sano aan dhalin canug hanaqaaday oo markii uu gaaro socod baradka siriq uusan gudbi Karin u dhigayeen sokeeyaha ugu dhaw sidaana saxariir iyo silic  saaxada  nolasha  uga baxayey.

Sidaa si la mid ahna dhowr ku dhashay dhicisnimo halkii la wada korin lahaa ay hooyada iyo a abbahu is furayeen;  adeerada iyo abtiyaashana halkii ay heshiisiin lahaayeen ladaba dhinac  u kala hiilinayeen .

Marxalad kasta oo uu dalka soo ma to waxaa la gaaray xilli la filaayey in dhiciskii ugu dambeeyey uu yara dhaafo xilligii socod baradka una gudbo hanaqaad lagu hiigsado hannaan dowladnimo looga gudbo xaaladihii fawdada ee dalka ku sugnaa 23 sano ee ugu dambeysay.

Waxaase wax lala yaabo ay in ay   weli jiraan canaasiir rabta inay mijixaabiso masiirka ummadda markastana jillaafo u dhigayo tallaabo kasta ee dalku ku hiiigsan karo horumar taam ah.

Canaasiirtan waxay ku awr kacsadaan qabyaaaladda oo ah cadawga koowaad ee dalkeenna dib u dhaca u horseeday.

Kooxahan markasta ay danahooda ka dhexwaayaan nidaamka hadda jira waxay ka door bidaan inuu burburo, dilka,  dhaca iyo dagaallada dalka ka jirana aysan ka danqin, balse ay u muuqato uun danahooda gaarka ah Iyagoo ku hadaaqa  hadallo ay ka mid yihiin looma dhamma, jufadeenna waa lagu qadiyey, maamul goboleedkeenna waa la hoosaasiyey, saamigii aan lahayn nalama siin, nalama tashan iwm. Taasina waxay ugu dambeyn dhalisaa inay xubnaha dowladda uga jira ugu baaqaan inay isaga soo baxaan.

Tallaabadii ugu dambeysay ee raadkeedu uu muuqdo waxaa ku dhawaaqay Hoggaamiyaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed cali gaas isagoo sabab kaga dhigay ku dhawaaqista Maamulka Goboleedka Goballada dhexe oo uu u arkay mid ka hor imaanaya danaha Puntland.

Hoggaamiye Gaas wuxuu caddeeyey inuu xiriirka u jaray Dowladda Federalka;  islamarkaana wuxuu u yeertay xubnihii gobolkaas u masilayey Baarlamaanka.

Arrintaasi waxay ka fajicisay siyaasiyiin iyo indheergarad badan oo filayey in maamulka Cabdiweli noqdo kan ugu horreeya ee soo dhaweeya tallabadan horay loo qaaday; waxay qaarkood ku tilmaameen in Gaas uu si indho la’aan ah u raacay waddadii Faroole kana baxay heshiisyadii Garawe 1 iyo 2 ee lagu ebyey nidaamka Fedraaliga ah.

Sidoo kale sharciyaqaannadu  waxay caddeeyey in hadalkii Gaas uusan uusan sharciga waafaqsanayn maadaama Puntaland ay hoos timaado dowladda Federaalka aysanna ahayn dowlad gaar oo xiriir jari karta ama xiri karta.

Arrinkan  waxa ay I xusuusisay haweeney ninkeeda ku tiri “Hooyadey baad iga tahay” markaasoo uu ninkii wareeray wax uu sameeyana garan waayey,  halkii uu ula tagi lahaa culimada aqoonta u leh mas’ aladan ayuu iyadii ula laabtay oo ku yiri Maxaan sameeyaa.

Kolkaasey ku tiri “Si aad igu soo labatid waa inaad kafaaro bixisaa taasoo ay inaad 30 maalmood oo is xiga soontaa ama aad bixisaa 6 kun doollar oo qaraabadeyda la siiyo”.

Ninkii waxaa u sahlanaatay inuu haweeneydii siiyo 6kun oo dollar si uu ugu laabto. Haweeneydii halkii baa il uga baxday oo markii arrin ciriiri ka gasho waxay odaygeeda ku tiraahdaa “Hooyadey baad iga tahay” isna uu ku qanciyo inuu jeebka u buuxiyo.

Hadii aan waadixiyo arrinkan hooyadey baad iga tahay waxaa la yiraahdaa Ad-dihaar (الظهار),   waana in Ninku uu haweeneydiisa ku yiraahdo “Waxaad iga tahay hooyadey oo kale”, qur’aankuna wuxuu ku tilmaamay arrin fool xun oo la inkiro sida ay caddeyneyso aayaddan:

g1

“Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood oo kale haweenkoodu ma aha hooyadood, hooyo waa midda wax dhashay, kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been Ilaahayna waa Saamax badane Dhaafid badane.”

Haddii ay arrintan oo kale dhacdo, waxaa lagu cilaajiyaa sida qur’aanku cadeeyey sidatan:

g2

Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood haddana ku noqonaya «haweenkii» waxaa ku waajib ah qoor xoraynteed intayan istaaban, Arrintaasi waa waano, Ilaahayna waxa dadku camal fali waa ogyahay.

Hadduusan awoodin sida aayaddan caddeyneyso  waxaa u bannaan:

g3

Ruuxaan helin qoor uu xoreeyo wuxuu soomayaa Laba Bilood oo israacsan intayan istaaban, ciddiise aan karin soonka wuxuu quudin Lixdan miskiin, arrintu waa saas si aad Alle u rumeysaan iyo Rasuulkiisa, taasina waa xuduuddii Ilaahay Gaalase waxaa u sugnaaday Cadaab kulul.

Halkaas waxaa nooga cad in Dihaarka iyo Dhaqaalaqaba u yahay xukun ka soo fuli kara dhinaca ragga oo kaliya, dumarkuna aysan wax shaqo ah ku lahayn, haweeneyduna aysan ninkeeda furi Karin islamarkaana oran Karin hooyadey baad iga tahay.

Waxaa laga soo reebaa in marka haweeneydu ku tiraahdo odaygeeda “Aabbahay baad iga tahay” in ninku wax shaqo ah uusan ku lahayn balse iyada laga rabo kafaaratu yamiin oo ah kafaarada dhaarta oo ah in la quudiyo 10 masaakiin ama la arad tiro ama qoor la xoreeyo, intaas ciddii aan heli karinna saddex maalmood soonto sida ay aayadda ku jirto suuratu maa’ida  noo caddeyneyso:

g4

Intaasi waxaan uga golleeyahay in maamul goboleed uu hoos yimaado Dowladda islamarkaana uusan xiriir u jari Karin dawlad qarameed, waayoo maaha labada dawladood oo xiriir isu jari kara, sidaasi darted hadalkii Gaas wax ka so qaad ma laha, waxaana laga rabaa inuu ka cudur daarto haddii ay aqoon darri xagga qaanuunka dowladnimo u geysay.

Sidaasi darted Dowladda Federaalka waa inay garataa Mas’uuliyaddeeda, arrimahan oo kale ee soo noqnodana ay tallaabo ku habboon ka qaaddaa, mowqif adagna ka istaagtaa, kafaaradana aysan iyadu bixin oo aysan la imaan madax salaax meeqaanka ka qaadayo.

Tallaabooyinka ay qaadi karto waxaa ka mid ah:

1)     in Maamul-goboleedyada jira iyo kuwa soo socda aysan yeelan awood la mid ah tan dowladda.

2)    In eray bixinta ah in Maamul goboleed yeesho Madaxweyne la joojiyo balse lagu magacaabo Guddoomiye( Governor ).

3)    In madaxda maamul goboleedyada aan loo oggolaan inay xiriir toos ah la yeeshaan Madaxda caalamka iyagoo aan haysan oggolaanshaha Dowladda Federaalka ama waxa loo yaqaan Verbal Note.

4)    In Madaxda Caalamka aysan xiriir toos ah la yeelan Madaxda maamul goboleedyada oggolaansho la’aan.

5)    In xildhibaannada ama wasiirrada u hoggaansama baaqyada Madaxda maamul goboleedyada iyo Madax dhaqameedyada laga qaado tallaabo sharci ah oo lagu anshax marinayo.

Haddii intaasi la waayo arrintu ka bixi meyso xarig jiid, dowladnimadii iyo qaranimadii aan higsaneynayna waxay ku biyo shubaneysaa  maamul qabiileed hoos yimaada dalalka deriska ah.

W.Q Cabdikarim Xaaji Yuusuf

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

Soomaali lagu xiray waddanka SUDAN kaddib markii la ogaaday inay rabeen..

Khartoum (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Khartoum ee dalka xarunta dalka Sudan ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray 15 qof oo ah Soomaali socota ah kuwaasoo ku sii jeeday dalka Libya.

Wariye Cabdelle Isnay oo ku sugan Khartoum ayaa sheegay in dadkan la qabtay ay ahaayeen tahriibayaal markii hore ka yimid dalka Ethiopia isagoona tilmaamay in ay ku sii jeedeen dalka Libya si ay uga sii tahriibaan oo ay u galaan Yurub.

Wuxuu sheegay in ay ku jireen labo dumar ah, waxaana dhammaan ay hadda ku xiran yihiin ayuu yiri xabsi Khartoum ku yaalla.

Mar la weydiiyay cidda waday Soomaalidan tahriibka ah, wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka Khartoum ay la xireen kooxo muqalasiin ah oo u kala dhashay waddamada Itoobiya iyo Suudaan kuwaaoso waday dadka Soomaalida ah.

Wuxuu sheegay oo kale wariye Cabdelle Xuseen Yaxye in Soomaalida tahriibka ahayd lagu maxkamadeeyay 15 cisho oo xabsi ah kaddibna loo musaafurin doono dalka ay ka soo galeen Sudan.

Sudan waa meel ay waddo u tahay tahriibayaal fara badan oo ka taga geeska Afrika kuwaasoo sii mara dalka Libya si ay u galaan qaaradda Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khartoum

[email protected]

Somaliland oo dejisay qorshe cajiib ah oo suurta gelinaya in shidaal loo baaro

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horreeyay faah-faahin ka bixiyay ciidamo gaar ah oo loo sameenaayo shirkadaha shidaalka ka baaraya deegannada ay maamulaan.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cali Maxamed Waran Cadde oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada gaarka ay yihiin ciidankii hore ee Somaliland ay u lahayd oo aaney ciidamo cusub loo sameenaayo.

Waxaa la weydiiyay in hadallo badan ay ka dhasheyn ciidamadan loo sameenaayo shirkadaha shidaalka ka baaraya Somaliland,wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadan ay yihiin kuwa ka tirsanaa ciidamada booliska iyo kuwa milliatariga, maadama ciidamada Somaliland ay seddax qeyb ka kooban yihiin kuwaasoo kala ah, booliska, millitariga iyo asluubta.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadan la siin doono tabbabar casri ah oo ku aadan siddii ay u waardiyeen lahaayeen shaqaalaha la socda shirkadaha shidaal baarista ka wada Somaliland oo qaar ka mid ah ay hadda billaabeyn sahminta shidaalka.

Wasiirka ayaa la weydiiyay bal in uu faah-faahin ka bixiyo goobaha shidaal baarista laga sameenaayo, wuxuu sheegay wasiir Cali Maxamed Waran Cadde in goobaha ay ka mid yihiin Burco, Oodweyne iyo deeganno kale oo uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.

Waxaa la weydiiyay meelaha qaar ee shidaal baarista laga sameenaayo in ay ku jiraan goobo ay sheegatay maamulka Puntland, wuxuu tilmaamay wasiirku in aaney jirin goobo shidaal laga qodayo oo ay lee dahay Puntland ee dhammaan goobaha shidaal qodistu ay yihiin dhulka ay lee dahay Somaliland.

Si kastaba, waxaa dad badan ay isla dhexmarayeen in Somaliland ay wado dhismaha ciidamo aad u hubeysan una tabbabaran kuwaasoo loo diyaarinaayo in ay waardiyeeyaan goobaha shidaalka laga qodayo Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Video: Muuqaalka Muqdisho & maanta

0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo maalmihii u dambeyay dib looga arkayay arrimo waa hore u dambeysay oo si weyn Muqdisho looga yaqanay balse haatan sanaddo badan kadib dib loo arkay.

Isma dhaheysid Muqdisho ayaa sidaan ah marka aa daawato Muuqaalka Maanta iyo Muqdisho, Goormee kugu dambeeysay muqdisho oo Sidaan ah ee nala daawo Muuqaalkani xiisaha leh.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

DAAWO Barre Hiiraale oo diyaar garow dagaal ku jira iyo khudbad uu jeediyey

Kismaayo (Caasimada Online) – Barre Hiiraale oo sheegta inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubaland, ayaa dhowaan sheegay inuu duulaan ku yahay magaalada Kismaayo, oo uu banaankeeda ku sugan yahay, islamarkaana gacanta ku dhigi doono.

Col. Barre, ayaa tabbar usoo xiiray ciidamo cusub, oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay qabsadaan Kismaayo.

Ciidamadaan ayaa waxay ku birayaan 3-da guuto ee Ciidamada Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada Jubboyinka ee ku sugan deegaanka Sabca Asharaaf eee Duleedka Gobweyn.

Qaybta Hoose ka daawo Col Barre Hiiraale oo khudbad u jedinaya Ciidamada dhawaan tababarka lo soo xiray.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

R/Wasaare Cabdi Weli oo wasiir cusub magacaabay, wasiirna xilka ka qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Wali Sheekh ayaa lagu magacaabay wasiir Cusub oo ay yeelato wasaaradda Caafimaadka dalka Somalia waxaana xilkaas loo magacaabay Cali Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Cali Xareed.

Xilka Wasiirka Caafimaadka dalka Somalia ayaa waxaa horey u hayay Generaal Axmed Maxamed Maxamuud oo ahaa wasiirka Caafimaadka tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Cabdi Wali Sheekh uu Magacaabay Xukuumaddiisa.

Cali Xareed
Cali Xareed

Wasiirka Cusub Wasaaradda Caafimaadka Cali Xareed ayaa horey xilal ugu soo qabtay dowladihii Kumeel gaarka ahaa isagoo xilal kasoo qabtay wasaaradaha Gaashandhigga, Dalxiiska iyo Duur joogta. Sidoo kale wuxuu horey u soo noqday Xildhibaan ka tirsan dowladda Somalia.

Si kastaba lama oga sababta keentay in xilka laga qaado wasiirkii hore Caafimaadka dalka Somalia Gen. Axmed Maxamed Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Barre Hiiraale oo xabsi dhigay ciidamo kasoo goostay Axmed Madoobe (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Col. Barre Hiiraale uu Jeelka dhigay Maleeshiyaad dhawaan kasoo goostay Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe.

Wararku waxa ay sheegayaan in sababta ka dambeysay xariga Maleeshiyaadkaasi ay tahay kadib markii Xogo muhiim u ahaa Barre Hiiraale ay heleen Maleeshiyaadka Raaskambooni sida Baqaarada lagu keydiyo hubka iyo Macluumaad ku aadan qaabka ay u shaqeeyan kuwa taabacsan Barre.

Sargaal ka tirsan Kooxda Barre Hiiraale, ayaa xaqiijiyay in Maleeshiyaadka kasoo goostay Axmed Madoobe ay qaarkood xireen, kadib markii ay bixiyeen Macluumaad aan iyaga khuseyn oo ku aadanaa Siyaasada Dagaal ee Kooxda Barre.

Sargaalka ayaa Tilmaamay inay wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan Maleeshiyaadka iminka u xiran, waxa uuna sheegay inaysan kasoo horjeedin in loosoo goosto, balse ay diidayaan in laga Uruuriyo Macluumaad loona gudbiyo Axmed Madoobe.

Xariga Maleeshiyadaani, ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo Afar maalin ka hor Maleeshiyaad ka goostay Axmed Madoobe ay ku biiren Kooxda Barre Hiiraale, iyadoona ay arrintaasi ka dhalatay shaki soo food-saaray Saraakiisha Barre Hiiraale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: Yaa ka DAMBEEYEY in KALIIL uu iska dhiibo Kismaayo? + Dhiirannaanta Barre oo walaac ka abuurtay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan magaalada isbadel weyn uu ku dhacay siyaasada qaar ka mid ah mucaaradkii kasoo horjeeday maamulka Kismaayo ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, kadib markii Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil uu ku biiray siyaasiyiinta iska dhiibay Kismaayo.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa xubin ka mid ah raga sida weyn uga soo horjeeda siyaasada aan dareenka shacabka ku dhisteen ee laga wado magaalada Kismaayo, ayaa waxaa uu muddooyinkii danbe ku sugnaa Muqdisho, isagoona halkaasi wadahadal dheer kula jiray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed, kaasi oo si weyn ugu cadaadiyey inuu qaato wada shaqeyn uu la yeesho Axmed Madoobe.

Kaliil oo markii hore diiday inuu aragtidaasi qaato ayaa waxaa laga soo xiray albaabkii uu dowlada kala xiriiri jiray oo aheyd xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii si cad looga reebay socdaalkii Madaxweyne Xasan Shiikh uu ku tagayey magaalada Garbahaareey oo aheyd meesha fadhiga u ah maamulka gobolkaasi.

Waxaa muran iyo buuq uu arrintaasi ka sameeyey kadib loo sheegay in haddii uu rabo inuu sii ahaado guddoomiyaha Gedo inuu ka tanaasulo diidmadiisa maamulka Axmed Madoobe islamarkaana uu degdeg ku gaaro magaalada Kismaayo, iyaddoo uusan wax shuruud ah ku xireyn aqbalaada maamulkaasi inuu yahay mid sax ah oo matali kara gobollada Jubbooyinka.

Waxaa ay taasi keentay in la arko , Kaliil oo Kismaayo afka saaray balse aan la kulmin wax soo dhaweyn ah, maadaama uu ahaa shaqsi kaligiis socda oo aan wadan wax miisaan culus u yeeli karay socdaalkiisa, maxaa yeelay gobolka Gedo oo uu magaciisa ku socday waxaa ay gebi ahaan kasoo horjeedaan maamulka Kismaayo.

“Kaliil waxaan dhihi karaa waa siyaasi aan aqoon maalinta guusha iyo maalinta guuldarada siyaasada, waxaana uu raacay wadadii fashilka ee siyaasadiisa, maxaa yeelay meesha uu tagay waxaa horey u joogay oo wax isbadel ah sameyn waayey Cabdirashiid Janan, Xasan Dheere, Prof, Maxamed Macalin Aadan iyo Gen, Fartaag, isagana waxaa uu noqon doonaa fadhiid aan Kismaayo soo dhaafin” ayuu yiri siyaasiga Maxamed Jamac Cali oo si weyn uga faalooda arrimaha siyaasada geeska Africa.

Dhinaca kale wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowlada Soomaaliya  Col., Barre Aden Shire  “Hiiraale” oo ah  hadda guddoomiyaha Gollaha Nabada iyo Midnimada JUBBA ayaa waxaa uu todobaadkan tababar usoo xiray qaarka mid ah ciidankiisa iyo ciidan kale oo kasoo goostay maamulka Axmed Madoobe oo dhawaan isaga u yimid, waxaana uu ciidankaasi u qeybiyey direyska ciidanka qaranka Soomaaliya.

Ciidankan oo munaasabada loogu soo xirayey tababarka kusoo bandhigay dhoola-tus ayaa waxaa ay muujisay inuu Col, Barre Hiiraale iyo Saraakiisha kale ee la joogta sida Col. Cabdi Cigaal inay aad ugu dadaaleen diyaarinta ciidan qaran oo dalka iyo dadka wax u tari kara, islamarkaana wax ka gacan kara ciidamada Kismaayo soo dhaafi waayey ee Axmed Madoobe.

Sidoo kale markii la soo bandhigay muuqaalka Col. Barre Hiiraale iyo ciidankiisa diyaarsan ayaa waxaa soo baxay qalqal laga dareemay dhanka ammaanka magaalada Kismaayo, iyaddoo islamarkiina ciidanka Raaskambooni iyo kuwa Kenya la geliyey heegan buuxa oo ah inay magaalada Kismaayo difaacdaan, dareenkaasi cabsida ah markii Kismaayo uu ka jiray, taasi badelkeeda Goobweyn ayaa waxaa ka socday dhoola-tus iyo digaar garow amar dagaal oo ka dhan ah cidkasta oo dhib u ah dadka deegaanka.

Warbaahinta sida indha la’aanta u taageerta Axmed Madoobe ayaa isku dayey inay warar been ah faafiyaan, islamarkaana ay beeniyaan ciidankaasi Col. Barre Hiiraale tababarka usoo xiray, waxaase arrintaas caddeeyey muuqaalka Col, Barre Hiiraale iyo ciidanka uu tababarka siinayo oo waxkasta bulshada u cadeynaya.

Tan iyo markii Axmed Madoobe iyo kooxdiisa Raaskambooni ay sheegteen inay yihiin maamulka Jubba ayeysan dhaafin Kismaayo, waxaana ay inta badan sheegaan inay isku ballaarin doonaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, balse waxaa cad in meel kalaba daaye aysan Goobweyn oo wax yar u jirta ay tegi waayeen inta ay jireen.

Dowlada Kenya oo horey dagaalkii Kismaayo ula safneyd Axmed Madoobe ayaa si cad u sheegtay inaysan markan kooxda Jubba ku taageeri karin dagaal Col. Barre Hiiraale lagu qaado, maadaama ciidan ahaan iyo cudud ahaan si weyn isku diyaariyey islamarkaana  aysan ku jirin ogolaanshaha ay heysato ee ah nabad ilaalinta. Go’aankaasina waa ku dhabar jab weyn Axmed Madoobe.

Isha: K24

XIL ka qaadis lagu sammeeyay mas’uul ka tirsanaa DFS (Magaciisa iyo xilkiisa)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in xil ka qaadis lagu sameeyay Qunsulkii Somalia u fadhiyay Magaalada Kampala ee Xarumta Dalka Kenya.

Qunsulka xilka laga qaaday oo lagu magacaabo Cabdiwali Cali Xaashi ayaa waxa uu xilkaasi haayay dhowrkii Bilood ee lasoo dhaafay, iyadoona xilkaasi loo magacaabay Diblumaasi ka tirsanaa Waasarada Arimaha Dibadda.

Xil ka qaadista Qunsulka ayaa waxa ay daba soctaa Qorsho ay Dowlada Federaalka Somalia ku dooneyso inay xilalka uga qaado Wakiilada Dowlada u jooga Dalka dibadiisa, iyadoona ay boosaskaasi u magacaabi doonto Mas’uuliyiin kale.

Dhanka kale, Qunsulka iminka xilka laga qaaday ayaa la sheegayaa inuu Khibrad fog u lahaa xilkaasi, isagoona horay usoo noqday Wakiilka Wasaradda Arrimaha Dibada ee Urur Goboleedka IGAD, hayeeshee aan la garaneynin sababta ka dambeysay in xilka laga qaado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Ujeedada wafdi ka socda xeryaha qoxootiga Kenya oo Kismaayo jooga

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maalintii shanaad ku sugan guddi isku dhaf ah oo ka kooban 19 xubnood kuwaasoo ka socda xeryaha qoxootiga dhadhaab ee dalka Kenya.

Guddigan ayaa magaalada u jooga siddii ay u idha indheen lahaayen goobaha la dajinaayo qoxootiga ku nool xeryaha seddaxda ah ee Dhadhaaab, Ifo iyo Dhagaxleey.

Xabiibo Cabdiraxmaan Mursal, waa afhayeenka guddigan waxay BBC-da u sheegtay in guddigooda uu ka socdo madaxda xeryaha qoxootiga dalka Kenya, waxaana ay sheegtay in u jeedkooda uu yahay siddii ay uu eegi lahaayeen goobaha la dajnaayo qoxootiga Soomaalida ee dalkooda ka maqnaa muddo 23-sanno.

Waxay sheegtay oo kale in qof kasta uu doonayo in uu ku soo laabto dalkiisa oo meel u dhaanta aan lahayn.

Mar la weydiiyay in guddigooda ay wakiil ka yihiin dowladdaha Kenya, Soomaaliya iyo hey’adda qoxootiga QM ee UNHCR waxay sheegtay in guddigooda uusan arrimahaas la xiriirin ee iyagu ay go’aansadeen siddii ay u soo qiimeyn lahaayeen goobaha la dajinaayo qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool.

Waxay sheegtay Xabiibo in bishan afarteeda ay tageyn Kismaayo isla markaana ay booqdeyn goobo muhiim ah oo magaalada ku yaalla.

Ugu dambeyn waxay sheegtay in ay jiraan wafdi kale oo booqan doona magaalooyinka Muqdisho iyo Doolow halkaasoo la dajin doono qooxotiga Soomaalida ee Kenya ku nool.

Dowladda Kenya, Soomaaliya iyo hey’adda UNHCR ayaa heshiis ku gaaray siddii dib loogu celin lahaa qoxootiga faraha badan ee Kenya ku nool.

Kenya ayaa martigalisay nus-malyuun qoxooti ah kuwaasoo ka u badan qoxooti Soomaali ah soo cararay colaadihii ka socday dalkooda 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

DAAWO: Fanaanka Dalmar Yare oo soo saarey hees saameyn weyn yeelatay

Fanaanka caanka ah ee Dalmar Yare ee ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa uu caawa soo saaray heesta IDIL oo xambaarsan erayo murti weyn leh iyo muuqaal runtii ay ka muuqato in waqti badan la geliyey.

Heestan ayaa waxaa loo qaaday oo lagu ammaanayaa xaaska agaasimaha Kismaayo24.com Abdiweli Ibrahim Garyare, taasi oo la yiraahdo Idil Abdi Ahmed. Waxaana noqoneysaa hadiyadii ugu horeysay oo uga timaada dhanka fanaanka caanka ah ee baryahan danbe sida weyn loo xiiseeyo heesihiisa Dalmar Yare.

Heesta ayaa waxaa isugu tagay soo saaristeeda raga ugu culus ee fanka Soomaalida, marka aad fiiriso sameynta erayadeeda oo uu alifay Xasan Bulxan Cali, laxanka waxaa raaciyey mulaxamiistaha sanadka Ali Shaacir, Musica dananaya waxaa ku fara-yareystay A.A Naaji, halka muuqaalka indha doogsiga leh ee mid la mid ah aan baryahan Soomaali duubin uu sameeyey Director-ka weyn ee Samatar Said Salah.

Heestan oo saacado yar ku jirta barta Youtube-ka ayaa waxaa ay durbo heshay daawadayaal la dhacay muuqaalka iyo codka fanaanka Dalmar Yare.

Heestan ayaa waxaa ay noqoneysaa heestii saddexaad ee loo qaado Xaaska Wariye Abdiweli Garyare, waxaana labadii ka horeysay u kala qaaday fanaaniinka kala ah Abdi Baadil Ibrahim oo ka mid ah hal-bowlayaashii Waabari iyo Abdi Dajiye oo ah fanaanka uggu da’dayar fanaaniinta hadda jirta, balse la soo baxay hibo faneyn oo weyn.

Abdiweli Garyare oo ka hadlayey heestan cusub iyo sida uu arko ayaa waxaa uu sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo dhammaan asxaabtii ka qeybgashay soo saarista heestaasi, oo uu sheegay inaysan la’aantood heestan noqoteen mid soo jiidata indhaha shacabka, waxaana uu intaasi raaciyey inay u tahay hadiyad qaali ah oo xaaskiisa loo hibeeyey.

Haddaba heesta IDIL iyo codka fanaanka Qarniga Dalmar Yare halkan ka daawo. 

Dhageyso beel degta Puntland oo soo saartay go’aan ka dhana C/WELI GAAS

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan isugu yimid qeybaha kale duwan ee beesha Wadalmoge ee Puntland-Soomaaliya, waxaana uu ka dhacay kulanka magaalada Bosaso, gaar ahaan hoolka shirarka ee hotel Al-Sabaax

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid ay beesha kaga cabanayso maamulka cusub ee uu madaxweynaha Puntland dhawaan u soo magacaabay gobalka Gardafuul.

Waxaa ka hadlay kulanka nabaoon Huruuse, ganacsade Daahir Filfil Gabood, C/xaafid Maxamad Cabdi iyo Cali Cartan Tahliin, waxa ayna dhammaandoontod goobta ka sheegeen in aysan ku qanacsaneen maamulka cussub ee loo dhisay gobalka Gardafuul, isla markaana aan laga qeyb galin

Waxaa laga soo saaray kulanka baaq, ee Hadaba baaqa oo dhammeystiran hoos ka akhriso

Anagoo ah odayaal, waxgarad, siyaasiyiin, dhalinyaro, haween, aqoonyahano, culuma’udiin iyo nabadoono ka soo jeeda beesha Wadalmoge waxaan maalmahan shirar nooga socday magaalada Bosaso, degmada Murcanyo iyo tuulooyinka Hooda, Dibir, Xanaan, Hel, Laasa gaduudan, Sidibta, tuulo Barwaaqo, Dhurbo iyo Galgala.

Shirarkaasi oo ku saabsanaa maamul uu madaxweyanaha Puntland u soo magacaabay gobalka Gardafuu, kana soo baxday xafiiska madaxweynaha warqad nambarkeedu uu ahaa Lr 100, kuna taariikheysanayd 19/7/2014.

Beesha markay aragtay Qodobada soo socda

1- In lagu dhisay maamulka gobalka Gardafuul cadaalad darro

2- In la garab maray talaabooyinkii beesha ee dhismaha maamulka gobalka Gardafuul

3-In la dhinac maray hab deegaanka gobalka Gardafuul

4- In maamulkaasi uu keenay dhibaato iyo amni darro ku soo kororta gobalka Gardafuul

Wadatashi badan kadib beesha waxay go’aansatay qodobada hoos ku xusan

1- Beesha Wadalmoge ma aqoonsana, lamana shaqeyn doonto maamulka lagu dhisay cadaalad darada ee loo magacaabay gobalka Gardafuul

2-Degmada Murcanyo iyo tuulooyinka hoos yimaada iyo deegaanada kale ee beesha degan tahay kama shaqeyn doono maamulkaasi, wax xiriir ahna lama yeelan doonto inta laga helaayo cadaalad

4-Wixii dhib ah ee uu la yimaado maamulkaasi waxaa masuuliyadeeda qaadaya cidii soo magacawday

5-Beesha masuul kama ahan wixii amni darro ah ee ku soo korodha gobalka oo ahaa mid nabad caan ku ah

Talo soo jeedin

Beesha waxay us oo jeedinaysaa madaxweynaha dowladda Puntland

1-In uu gobalka Gardafuul u diro guddi xaqiiqo raadin ah si cadaalad loo gaaro

2- In uu ka noqdo maamulka ku dhisan cadaalada darrada ee uu u soo magacaabay gobalka

3-In talada gobalka Gardafuul uusan ka qaadan hal dhinac

Wabilaah towfiiq

Waxaana ku saxiixan qeyabah kale duwan ee beesha Wadalmoge-

Maraykanka iyo Somalia oo heshiisyo muddo dheer soconaya kala saxiixday

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya lacag dhan 1.9 milyan oo doollar  oo lagu taageerayo horumarinta tayada iyo waxqabadka ciidamada booliska ee dowladda Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty oo uu weheliyo ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimah Dibedda Mareykanka ee xafiiska la-dagaallanka maandooriyaha iyo xoojinta sharciyada, Todd Robinson ayaa sheegay in lacagta ay qayb weyn ka cayaari doonto dib-u-habeynta mashaariicda loogu talagalay tayeynta Booliska.

James iyo Todd ayaa caddeeyay in lacagta loogu yaboohay horumarinta ciidanka booliska Soomaaliya ay sidoo kale fududeyn doonto in uu booliska awood u yeesho ka hortagga iyo la-dagaalanka dambiyada ka dhaca qaybaha kala duwan ee Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane, oo Soomaaliya heshiiska u saxiixay ayaa sheegay in si loo xaqiijiyo soo celinta amniga ay muhiim tahay tayeynta booliska Soomaaliya.

Xafiiska Mareykanka u qaabilsan la-dagaallanka maandooriyaha iyo adkeynta sharciyada ayaa sidoo kale heshiis lagu taageerayo hirgalinta siyaasadda wanaagsan, nidaamka iyo sharciyada lagu ilaalinayo adeegga iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed la saxiixday dowladda Soomaaliya.

Heshiiska dambe ayaa si gaar ah u tageeri doona horumarinta waaxda la-dagaalanka dembiyada ee booliska Soomaaliya, wuxuuna fududeyn doonaa in uu booliska barto qaabka loo baaro dambiyada adag iyo in tababarro adag la siiyo xubnaha sare ee waaxda dembi-baarista si loo hubiyo heerkooda shaqo.

 Caasimada Online

Xafiiska Washington DC

[email protected]

DHAGEYSO: MAAMUL goboleed cusub oo Puntland looga dhawaaqay shalay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xoghayihii hore ee maamulka West Puntland Mudane Cabdikariim Aadam Xassan Wagaafe ayaa waxa uu sheegay in maamul cusub lagu lagu dhawaaqay oo si ku meel gaar ah uu Madaxweyne ugu yahay kaasoo uu sheegay in lagu magacaabo Galbeedka Mudug “West Mudug”.

Mudane Wagaafe waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxa ku kalifay in waqtigaan looga dhawaaqo Galbeedka Mudug,xilli dhulka looga dhawaaqay ay Puntland sheegato, waxaana uu yiri “Baahi timi awgeed baanu u sameysanay maanta laga bilaabana deegaanada Galbeedka Mudug waxaana ku boorineynaa in reer walba ay maamul u gaar ah ay sameystaan”

Isaga oo ka jawaabaya meesha uu ka dhisan yahay Maamulkaan cusub ee uu madaxda ka yahay Cabdikariim Aadam Xassan Wagaafe ayaa waxa uu yiri “Maamulkaan waxa caasimad u ah magaalada Gaalkacyo xuduud waxa dheer waxa uu la leeyahay wadanka Itoobiya maamul goboleedka Puntland, iyo GalMudug”

Isaga oo ka jawaabaya sida uu u arko maamulka dhawaan ay Dowlada Fedraalka ka sameyneyso Goboladda Mudug iyo Galgaduud waxa uu yiri. “Waan taagersan nahay maamulkaas waana ka qeybgaleynaa hada waana lanagu martiqaaday oo hada Xamar wafdi ka socda maamulka aan madaxda ka ahay aya halkaas ku sugan.

Halkan ka dhageyso hadalkiisa

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Siyaasi caan oo diiday qorshaha ay DF hubka uga dhigeyso REER MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Daahir Cabdiqaadir Muuse Ciiro oo ahaa xildhibaan baarlamaankii hore ka tirsanaa ayaa sheegay in xukuumadda ay ku degdegtay qorshaha hubka sharci darrada looga qaadayo dalka gaar ahaan Muqdisho.

Wuxuu sheegay in aysan suura gal noqon karin xilligan in hub aruuris ah laga sameeyo dalka isla markaana arrintaas aaney socon karin.

Daahir Cabdiqaadir Muuse ayaa tilmaamay in hubka sharci darrada uu gacanta ugu galay shacabka isla markaana ay adagtahay in si fudud looga soo celiyo, arrintaasna waxay keeni kartaa ayuu yiri in dagaal sokeeye dalka uu dib uga qarxo sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay in xukuumadda ay dib u dhigto qorshahan, maadama dadka ay kala aamin baxeyn oo cid kastana uu hubka gurriga u yaallo.

Si kastaba, xubnaha golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaley meel mariyay hindiso sharciyeedka xakameynta hubka sida sharciga u yaalla dalka gaar ahaan Muqdisho.

Sharcigaas ayaa waxaa uu hadda hor yaallaa baarlamaanka oo la rabo in ay dhaqangaliyaan si uu meel maro.
Arrintan ayaa damba socota markii dhawaan ciidamada ammaanka howgallo ay ka sameeyeen xaafado Muqdisho ku yaalla ay ku soo qabqabteen hub aad u fara badan.

Hubkaas waxaa laga soo helay goobo ay lahaayeen hoggaamiyaal kooxeed iyo siyaasiyiin caan ah.

Soomaaliya ayaa dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay waxaa sii xoogeysanayay ganacsiga sharci-darrada ah ee hubka, iyadoo uu hubka gacanta u galay shacabka, ayna fududaatay in cid kasta sidii ay doonto ay u

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Amiin Camir: Saado Cali waxay 5 maalin ka hor intaan la dilin iisoo…

0

Farshaxaniistaha caanka ah Amiin Caamir Mohamed oo ka qeyb galayay Xaflad Baroordiiq ah oo wadanka Canada loogu sameyay Alaha u naxariistee Xildhinaanad Saado Cali Warsane oo bishii hore lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu Saado la hadlay shan maalmood ka hor intaan la dilin.

Amiin Caamir waxa uu sheegay in Saado ay usoo dirtay gabay cusub, ayna ka codsatay inuu soo geliyo boggiisa aminarts.com.

“Waxay igu tiri gabaygan waakeygii ugu dambeeyey oo dardaaran ah ee bogga iisoo geli” ayuu yiri.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Qaraxyo gil-gilay magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay maanta ka dhaceyn qaraxyo kuwaasoo lala eegtay gawaari ay la socdeen askar maamulka KMG ah ee Jubba ka tirsan.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxyada oo labo ahaa ay ka dhasheyn khasaaro balse xog badan lagama hayo.

Qaraxyada oo magaalada si weyn looga maqlay ayaa la sheegay in markii ay dhaceyn la maqlay rasaas ay fureen ciidamada la socday gaadidka.

Qaraxyada kaddib magaalada waxaa ka dhacay howgallo balse lama soo sheegin cid lagu soo qabtay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka KMG ah ee Jubba oo ku aadan qaraxyada maanta ruxay Kismaayo.

Magaalada Kismaayo waxaa gacanta ku haya maamulka Axmed Madoobe, waxaana dhacda in mararka qaar lagu weerarro qaraxyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Ismaacil Cumar Gelle Jabuuti muxuu u sheegay Jaaliyada Somalida ee Mpls

Minneapolis (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xalay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka kula kulmay jaaliyadda Soomaalida iyo kuwa Jabuuti ee ku nool gobolka Minnesota.

Jaaliyadda Soomaalida oo kaashaneysa kuwa Jabuuti ayaa soo qaban qaabiyay kulanka.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga qurba joogta Soomaalida Sadiiq Warfaa ayaa Bar-kulan u sheegay in Madaxweynaha Jabuuti ay ugu mahadceliyeen dadaalka uu ugu jiro sidii Soomaaliya ay u heli laheyd nabad iyo horumar.

Wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu sheegay in shacabka Soomaalida ay fursad u heystaan sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen nabadda iyo horumarka dalka, isagoo ballan qaaday in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageeridda Soomaaliya.

Sadiiq Warfaa ayaa dhan kale tilmaamay inay wadaan qaban qaabada munaasabad lagu soo dhaweynayo madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inuu caawa jaaliyadda Soomaalida kula kulmo magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xilli sii horeysay wareysi gaar ah siiyay Radio Bar-kulan ayaa tilmaamay in jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka uu kala hadli doono sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dadaallada nabadda iyo horumarka ka socda dalka, uuna ugu warbixin doono xaaladda uu marayo dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

Wasiir hadal aan laga fileyn ku sharaf dilay ciidanka Somalia balse Amisom…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyleh oo ka hadlaayay Arrinta keentay Aaminaansho la’aanta dhaqaalaha Beesha caalamku ay ugu yaboohdo Somalia, ayaa waxa uu sheegay inay tahay mid ku xiran Amaanka Dalka.

Wasiir Beyleh waxa uu Tilmaamay in Dalka ay ka jirto xaalad adag, islamarkaana aysan jirin qalab u sahli kara inay ku xakameeyan Dhaqaalaha Dowlada kasoo gaara Caalamka.

Waxa uu sheegay in sidoo kale, ay jiraan aqoon darri ku aadan qaabka maareynta dhaqaalaha oo heysata Dowlada, waxa uuna tilmaamay in wax waliba ay isbedeli doonaan lana kaashan doonaan Dowladaha aqoonta u leh.

Sidoo kale, Wasiir Beyleh waxa uu Carabka ku dhuftay in Dalka Somalia uu u baahan yahay in laga soo dhiso dhan waliba, waxa uuna hadalkiisa ku muujiyay inay jirto aaminaad darro Soomaalida dhexdeeda ah waxa uuna daliil usoo qaatay in Askariga Soomaaliga ah aan lagu aamini karin ammaanka Madaxweynaha balse ay sugaan Ciidamo kuwa Nabad ilaalinta AMISOM ah.

Dhanka kale, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay Ammaanka iyo xasiloonida Dalka, waxa uuna sheegay in dadka soomaaliyeed looga baahan yahay inay is aaminaan, kana shaqeeyan Horumarka Dalkooda si meesha looga saaro Eedeymaha is xig-xiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Khaatumo State oo u guurtay magaalo ay maamusho maamulka SOMALILAND

Laasacaanood (Caasimada Online) – Maamulka Khaatumo State ayaa ku dhawaaqay in ay ka guureyn magaalada Taleex halkaasoo ay u ahayd xaruntoodii hore iyagoona shaaciyay in ay u wareegeyn magalada Laascaanood.

Sarkaal u hadlay maamulka Khaatumo State oo lagu magacaabo Axmed Gacma-Yare ayaa sheegay in maamulka Khaatumo State wixii hadda ka dambeeya ay xaruntooda noqon doonto Laasa-caanood.

Wuxuu sheegay in arrintaas looga dhawaaqay shirkii 3-aad ee uu yeesho maamulkooda kaddibna la isku raacay in loo guuro magaaladaas.

Mar uu ka hadlaayay sababta ay ugu wareegeyn Laasacaanood, wuxuu tilmaamay in ay tahay markii dhowr jeer ay maamulada Somaliland iyo Puntland soo weerareen degmada Taleex oo horrey xarun u ahayd.

Axmed Gacma-Yare ayaa xusay in la ballaariyay maamulka Khaatumo State oo ka arrimiya gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Mar uu ka hadlaayay Laasacaanood ay gacanta ku hayaan askarta maamulka Somaliland in ay dhahaan halkaas ayaan xarun ka dhiganeynaa, wuxuu ku celceliyay in Laasacaanood ay ka tirsan tahay Khaatumo State.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Khaatumo State ay diyaar u tahay in la helo Somaliweyn isla markaana ay diyaar la tahay in la shaqeyso dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Maamulka Khaatumo State ayaa xubnihii ka tirsanaa waxay horey ugu kala biirayn maamulada Puntland iyo Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Laasacaanood

[email protected]