29.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Khaatumo State oo u guurtay magaalo ay maamusho maamulka SOMALILAND

Laasacaanood (Caasimada Online) – Maamulka Khaatumo State ayaa ku dhawaaqay in ay ka guureyn magaalada Taleex halkaasoo ay u ahayd xaruntoodii hore iyagoona shaaciyay in ay u wareegeyn magalada Laascaanood.

Sarkaal u hadlay maamulka Khaatumo State oo lagu magacaabo Axmed Gacma-Yare ayaa sheegay in maamulka Khaatumo State wixii hadda ka dambeeya ay xaruntooda noqon doonto Laasa-caanood.

Wuxuu sheegay in arrintaas looga dhawaaqay shirkii 3-aad ee uu yeesho maamulkooda kaddibna la isku raacay in loo guuro magaaladaas.

Mar uu ka hadlaayay sababta ay ugu wareegeyn Laasacaanood, wuxuu tilmaamay in ay tahay markii dhowr jeer ay maamulada Somaliland iyo Puntland soo weerareen degmada Taleex oo horrey xarun u ahayd.

Axmed Gacma-Yare ayaa xusay in la ballaariyay maamulka Khaatumo State oo ka arrimiya gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Mar uu ka hadlaayay Laasacaanood ay gacanta ku hayaan askarta maamulka Somaliland in ay dhahaan halkaas ayaan xarun ka dhiganeynaa, wuxuu ku celceliyay in Laasacaanood ay ka tirsan tahay Khaatumo State.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Khaatumo State ay diyaar u tahay in la helo Somaliweyn isla markaana ay diyaar la tahay in la shaqeyso dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Maamulka Khaatumo State ayaa xubnihii ka tirsanaa waxay horey ugu kala biirayn maamulada Puntland iyo Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Laasacaanood

[email protected]  

DFS oo darajooyinka ka qaaday 400 oo saraakiil ah kadib markii la ogaaday..

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) ayaa ka dhawaajiyay in ku dhawaad 400 oo sarakaiil ciidamada dowladda ka tirsan kuwaasoo sheegtay daroojiyin aaney lahayn.

Isagoo saxaafadda kula hadlaayay xarunta wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya, ayuu taliye Indha Qarshe wuxuu tilmaamay in saraakiishaas ay xirnaayeen darajooyin aaney lahayn sidda, sarkaal, abaandule iyo darrajooyin kale.

Wuxuu tilmamaay in arrintaas si loo soo baaro la sameeyay guddi kuwaasoo soo ogaaday arrinta ku saabsan 350 sarkaal oo ciidamada ka tirsan.

Taliyaha ciidamada xoogga ayaa xusay in la ogaaday saraakiishaas in darajooyinka ay wataan ay yihiin kuwa been abuur ah isla markaana laga wada qaaday sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay markii arrintaas ay sameeyeen in lagu wargaliyay golaha wasiiradda xukuumadda loona sharxay sidda ay arrintaas u dhacday iyagana ay soo dhaweeyeen tallaabada taliska millitariga uu qaatay.

Si kastaba, taliska ciidamada xoogga ayaa horrey shaqada uga eryay ku dhawaad 1000 askari oo isugu jirra dumar iyo rag kuwaasoo la sheegay in ay isugu jiraan kuwa howl gab ah iyo kuwa qabta shaqooyin kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ku mudahaaraad madaxwaynaha, mise la munaaqishood? (Fowdada Mpls)

Marka madaxda wadanka wax laga tabanayo waxaa waajib ah in loo caddeeyo wixii khaladaad ah ee jirra iyadoo aan lagu xad-gudbayn hab-maamuuseedka kursiga ay ku fadhiyaan. Haddaba, waxaa dhawaan inoogu iman doonna Minnesota Md. Madaxwayne Xassan Sh. Maxamuud, markaa maxaa Soomaalida halkan joogta la gudboon, ma inay ku mudaharaadaan mise inay la munaaqishooddaan?

Taas inta aynaan taa ka jawaabin, waxaa xusid mudan inaynu bal dib u eegno habka Maraykanku ula dhaqmaan madaxdooda marka ay safarada dibada ah ku maqan yihiin.

March 27keedii 2012 ayaa Obama isagoo safar ku maraya Koonfurta Kuuriya uu mikirifoon si aan ku talo-gal ahayn uga qabtay isagoo ku leh Dmirty Medvedev oo ahaa madaxwaynahii Ruushka, inuu wax ka qaban doonno heshiiska gantaalaha doorashada kadib. Laakiin, maadaama ay markaa carqalad ku noqon kartay dib-u- doorashadiisa in waxoogaa dib loogu dhiggo.

Arintani, waxay u muuqatay in madaxwaynuhu yahay mid laba-wajiile ah oo dadkiisana si wax ugu sheeggayay, Ruushkana si kale wax ugu sheeggayay. Markaas ayay xisbiga mucaaradka ah qaarkood damceen inay fadeexadaas ku dhaliillaan madaxwaynaha, haseyeeshee waxaa markiiba u caqli celiyay John Boehner oo ah ninka mucaaradka ugu tunka wayn, kaasoo saaxiibadii ku waaniyay, “it’s appropriate that people not be critical of him or of our country.” Oo uu macnaheedu yahay in aanay dadku dhaliillin madaxwaynaha iyo wadanka toona (marka uu dibada ku maqan yahay).

Sidoo kalena, Josh White 1950 wuxuu diiday inuu qaaddo heestiisii caanka ahayd ee anti-lynching (Strange Fruit) mar ay yurub ku wada sugnaayeen Eleanor Roosevet. Waayo wuxuu diidayay inuu ceebaha wadankiisa banaanka kusoo qufo.
Haddaba, maxay Ameerikaanku u aaminsan yihiin in aanay haboonayn in madaxwaynahooda sumcadiisa wax loo dhimo markuu safar dibadda ah ku maqan yahay? Taas sababaynteedana waxaynu ku soo ururin karnaa sadexda qodob ee soo socda, oo la aaminsan yahay inay dhaliishaasi sababi karto:

1) in sharafta kursiga uu ku fadhiyaa hoos u dhacayso,
2) in dannihii uu qaranka u soo fullin lahaa ay xayirmayaan,
3) in cadawgoodu uu ka faa’iidaysan karo kala qaybsanaantooda.

Miyay dhici kartaa inaynu dhaqanka noocaas oo kale ah la nimaadno haddaynu Soomaali nahay? mise waxaynu nahay dad kala duwan oo aan isku dhaqan iyo diin ahayn, sidaas darteedna aanay haboonayn in dadkan lagu daydo? Taas idinka ayaan jawaabteeda idiin daynayaa.

Waxaase jirta, in maalin dhawayd aan la kulmay nin aanu saaxiibo nahay oo igu casuumay inaan ka qayb qaato mudaharaadka ku liddiga ah Madaxwaynaha ee ka dhici doonna Minneapolis maalinta jimcaha ama sabtida inagu soo aadan.
Haddaba, markaan dhuuxay xogtii saaxiibkay isiiyay oo dhan waxaa iiga soo dhex baxay inay jirraan tabashooyin rasmi ah oo badan oo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa dawladda, qaraabokiil, hoggaan jillicsan, iwm.

Kulankii saaxiibkay waxyaalaha qaarkood waan ka garaabay, madaxwaynaha iyo xukuumadana waxaa looga baahan yahay inay wax cad ka qabtaan tabashooyinkaas. Haseyeeshee, ma rumaysan karo inuu madaxwaynuhu lug ku yeellan karo shakiga dilalka qorshaysan ee Muqdisho ka dhacaya, gaar ahaana kuwa xildhibaanada lagu beegsanayo. Waayo, isaga laftiisa ayaaba dhawr-goor ka badbaaday weeraro lagu khaarajin lahaa.

Walaalayaal, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, ninna korkiisa biyo kama hagrado. Caqliga suubanni wuxuu ina tusayaa in madaxwaynaha ay sumcadiisu ku jirto inuu aduunka iyo Soomaalidaba tuso inuu nabad-gelyada wax wayn ka qabtay. Laakiinse, cadawga ayay ugu badisaa in la dhaawaco nabad-galyada, si dadka loogu tuso inuu maamulkiisu fashilmay oo ay meeshu fawdo tahay. Sidaas awgeed ma haboonna in intaynu ciddii dembiga qirtay ka weecino aynu cid kale dusha ka saarno.

Haddaba, hadaynu nahay Soomaalida Minnesota waxaan ku talin lahaa inaynu Madaxwaynaha waxaynu tabanayno u gudbino iyadoo qoraal ah, su’aallana ka waydiino wixii mugdi ku jirro, laakiin aanay haboonayn inaynu ku mudaharaadno. Arintaana waxaan sabab uga dhiggayaa mudaharaadku in uu:

1) Midnimadda Soomaalida USA wax u dhimayo
2) Sharafta Ummadeena ayuu dhaawac gaarsiinayo
3) Horumarkii la higsanayay ee USA inaga caawin lahayd ay wiiqmayso.
4) Talaabo kasta oo aynu dib u qaadnaa waxay dani ugu jirtaa cadawgeena
5) Aynaan horseedin sunne xun oo madaxwayne kasta oo yimaada lagu kicin

Walaallayaal, idinkoo iga raalli ah, hadafkeenu ma inuu safarka Madaxwaynuhu guud ahaanba guul-daraystaa, mise waxaynu rabnaa inaynu wax toosino si aynu u helno maxsuul ka wanaagsan kan hadda jirra? Waxay illa tahay inaynu toossin uun rabno, markaa waxaan ku tallin lahaa in gacmo-geeljire hoos baa loo dhaqaaye, wixii tabashooyin ah ku dhamayno qaab hufan oo garawshiinyo iyo Soomaalinimo ku jirto.

Walaalkiin,

Axmed-Assad
Barmaamijaka Murtisoor Ee Dhaqanka, Afshaxanka & Suugaanta
Facebook.com/Murtisoor, Twitter @AxmedAssad, [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

XOG: Xagee ayay ku dambeeyeen 5-tii ruux ee loo qabtay qaraxii DJIBOUTI?

Hargeysa (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Maamulka Somaliland, ayaa xaqiijiyay in Dowlada Djibouti ay si xun u dishay Shantii ruux ee loo qabtay Weerarkii ka dhacay goob lagu caweynaayay oo ku tiilay Magaalada Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Dowlada Djibouti 2/08/2014 ay si Qarsoodi ah Magaalada Hargeysa ugu soo celiyeen Afar qof oo ka mid ahaa shanti ruux oo ay Maamulka Somaliland u gacan galisay Sirdoonka Djibouti.

Afarta Maxbuus ee la soo celiyey, ayaa la sheegay in si arxandaro ah loo jir dilay isla markaana ay qabaan dhaawacyo halis ah oo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho Caafimaadka Mustaqbalkooda, waxaana qaarkood laga dareemayaa inay naafeysay Koronto loo adeegsaday oo aysan qaadi Karin lugaha iyo gacmaha.

Xogta ayaa waxa ay intaa kusii dareysaa in Ruuxa kale ee kamidka ahaa Afartaasi uu u Geeriyooday Jir Dilkii lagu sameeyey dartii, waxaana la Tilmaamayaa inuu kamid ahaa shaqaalaha Xawaalada Jubba Express, sida laga soo xigtay Illo xog-ogaal ah.

Sirdoonka Jabuuti oo ka careysnaa Weerarkii lagu laayay Saraakiil cadaan ahaa oo ka dhacay Magaalada Jabuuti, ayaa waxa ay kala dul dhaceen Shantaasi ruux oo xiligaani Naafo noqday.

Dhanka kale, Sirdoonka Jabuuti, ayaa waxa ay Qaraxaasi u hayaan dhalin yaro kale oo iyaguna Kiiskaasi lagu helay, waxaana Arrintaasi gacan weyn ka siinaya Sirdoonka Maamulka Somaliland oo iyagu si mala awaal ah Jabuuti ugu gudbinaayo Ruux waliba oo ay uga shakiyaan Qaraxaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Daawo: Documentry dib loogu eegayo balan qadkii Madaxweyne Xasan ee..

0

Waxaa halkaan idiin kugu soo gudbineynaa Muuqaal kala duwan oo laga diyaariyay Dowlada Somalia ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii loo doortay ilaa iyo maanta.

Hadaba Aqristoow nala daawo Muuqaalkani wax badan oo aadna ogeyn ayaad ka ogaaneysaa halka ay wax marayaan iyo halka ay wax ku socdaan ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Micnaha heesta GUULEED ma joogaa?

Nin la yiraahdo Cabdi Good, oo soo farriista TV-ga Somali Channel, ayaa maalmahan ku xad gudbayey suugaanta Soomaalida, isaga oo si qaldan iyo qubxi u macneeyey suugaan iyo heeso badan oo Soomaali ah, oo ay sammeeyeen abwaano magac weyn ku leh Soomaalida.

Heesaha Cabdi Good ku xad-gudbay, waxaa ka mid ah heeska GUULEED MA JOOGAA?, oo ka mid ah heesaha loogu jecel yahay kuwa Soomaalida, oo uu alifay allaha u naxariistee Abwaan Cabdul Qaadir Xirsi Yam-Yam.

Hadda mahad ha ka gaartee, waxaa heeska Guuleed si wanaagsan bulshada ugu sharraxay Cabdi J Aw-Aden, ee hoos ka aqriso, kana dhageyso heestan qiimaha badan.

Guuleed Ma Joogaa? (hees)

Waxyaalaha maansada Soomaaliyeed qiradeeda kordhiya waxaa kamid ah khiyaaliga ama male-awaalka, waxaana bila sarbeebta iyo culayska erayada, kuwaas oo lagu jaangooyay heestaan oo uu hal-abuuray Allahaw naxariistee C/qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam). Haddaba si uu u garto qof walba waxaan qaadaa-dhigaynnaa meerisyada heesta, isla markaasna waxaan hoos ku qeexaynnaa erayada aan is leenahay dadka qaar way ku adkaan karaan:

Xalay gelin dhexaadkii
Maraan mayrac-guuraha
Sheedda guriga faalalay
Oon himilo gaara leeyay
Dayaxoon galsho lahayn
Illayskiisa galalacay
Sida gooni-daaq cawl
Gaaf meeray socodkii
Xalay fiidkii iyadoo caddo ah ayaan gurigaygii ka soo baxay waxaanna kaligay agagaarkiisa u mardaaddinaayay sidii aan ahay cawl gooni u daaqa, waanna hamminaayay.  
 
Oon guud haldhaa iyo
Mililicay Gob weynoo
Midba gooni laamaha
Rucub mira guntaday
Gadgaddoonka raamuhu
Dhexda deri garaaraha
Hadba gees u liicaan
Iyagoo hammigii iyo himiladii ay laabtayda ku jiraan, baan waxaan arkay hummaag ila noqday haldhaaga gorayada oo inta baallihii fidiyay is humbulay amase geed Gob ah u eg. Waxaan qalbigayga ka suureeyay geedkaas, waxayna ila noqotay inuu yahay geed laamihiisa mid walba ay la tiicayso rucubyo miro ah. Geedkaas laamihiisa sida ay hadba dhinac ugu liicayaan, waxaad mooddaa inay garaaro leeyihiin.  
 
Oon wali gar-eexaad
Lagu niqin guntiisoo
Gudin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo

Xididkiisa gaarrani
Deyrtoo gidaaddiyo
Gu’ la waayay aragoo
Gondaha rayska kula jira
Oo hoos galbeedkiyo
Harka geedku bixiyaa
Neecaw gaara leeyahay
Oon halaq-galeen iyo
Inna godad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aanay haaddu guri Karin
waxaan male awaalay inaan geedkaas hoostiisa caddaalad-darro ka dhicin, waayo wuu qallali lahaa. Waxaan kaloo male awaalay inaan geedkaas gudin lala dhicin, waayoo wuu naafoobi lahaa. Geedkaasi waligi ma waayin roobabka guga iyo deyrta da’a, mar walbana waxay xididdadiisu dhex qotomeen ciid qoyan waa rayskee. Geedkaasi meelo halagqu galo ma laha, haaddu waxay ka cuntana wax-dhimaal u ma laha. Geedkaas hooskiisu wuxuu leeyahay neecaw aan laga heli karin geedaha kale hoostooda.
Oo meel gabbaadliyo
Sabad guri ku yaalloo
Leexa is galooshiyo
Ufo garoommo kiciyiyo
Dabaylaha gilgilayaa
Marna aanay goyn karin
Geedkaasi wuxuu ku yaallaa meel dugsi leh oo heelad guri ah. Dabaysha is galoosha ee leexada la yiraahdo iyo duufaan roob wadataa midna ma rujin karo.   
 
Kalgacayl i galay iyo
Gocashada xasuusta
Haybaddayda gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is geliyeen
Ayaa gadafka muuqa
Geed iiga dhigaye
Illeyn araggu waa gabar
Jamasho qalbigayga ku jirtay iyo dareenkii laabtayda labo-rogmaanaayay baa indhahayga ilmo ka buuxshay oo muuqaalka, geed iiga dhigaye illeen hummaaggu waa gabar. 
 
Mase garanayee talo!
Guurti yaw mari laa?
Goob xaarashada yaa
Isagoon gesamin
Garta keligii niqi laa?
Naftu gogatay laabtee
Googgaale badanaa
Gudbi weyday socodkee
Ma god baa horteeda ah?
Sidaan moodaayay iyo siday noqotay awgood, waan garan waayay si aan yeelo oo heedhaha tanoo kale hadday dhacdo, qofkee kaligi go’aan gaari lahaa, isagoon helin caawin ama hamboorrin.? Markay halkaas arrintu maraysay waxaan jeclaystay inaan helo qof wax ii tilmaama, waxaa igu batay su’aalo aan naftayda weyddiinaayay. Fakarkii iyo isla hadalkii baan la dhaqaaqi waayay sidii iyadoo uu igu gudban yahay hog aan la dhaafi karin. 
 
Inaan laba mid soo galo
Sow ila ma gudboonaan
Geesi waaya-aragi
Danti ka ma gaddoomee
Sow ardaaga gurigeeda
Gaashaanka maan dhigan

Sow ereyo googgo’an
Goolbaar ku maan oran
Guuleed ma joogaa?
Waxay ila noqotay inaan labo mid yeelo; inaan iska daayo gabadha iyo inaan u bareero oo u tago. Dantaydu waxay ku jirtay inaan u tago oo la hadlo, qofkii geesiyihina dantiisa waa u bareeraa. Markaas kadib, waxaan u imid reerkii gabadha, anigoo iska dhigaaya nin raadinaaya nin magaciisa Guuleed la yiraahdo. Gabadhii baan weyddiiyay in Guuleed joogo iyo in kale.
 
Guntanaha sarbeebta ah
Sow maanay garanoo
Kaftan dhiirrigelina
Googgaa ma oranoo
Sheekadii iga ma gurin
Oo gudasho xeer iyo
Gaari camalladeedii
Gogol ii ma soo dhigin
Gabadhii waxay garatay in Guuleed aan ku sarbeebtaye, qofka aan rabay yahay iyada laf ahaanteeda. Kadib, waxay igu la hadashay erayo kaftan ah oo ay ula jeedday dhiirragelintayda. Su’aalo bay i weyddiisay, jawaabihiina way iga gurtay, isla markaasna sidii lagu yaqaannay gaarida, gogol bay ii dhigtay wayna i soo dhaweysay.
 
Haasaawe guudoo
Gardaadsaday jacayl iyo
Sow barasha gaaroo
Aan libin ku gaarnaa
Goobtaa ka may dhalan

Laxawgaa guntamay iyo
Faraxaa ka soo go’ay
Qalbigii gurnaa baa
Irmaanaaday galabtaa
Kulankii aniga iyo gabadhii waxaa ka dhashay is-barasho iyo kalgacal aan ku higsanno liibaan. Dareenkaas kalgacalka leh ee aan wada abuurnay iyo go’aannadii wada-jirka ahaa ee aan gaarnay, waxay nugleeyeen fiidkaas qalbigaygii markii hore adkaa ama gurnaa.
 
Gacma furan dhankaygee
Daalo geedaheedii
Diib aan ka guray iyo
Guntimooyin ubaxoo
Xariir lagu galeeyaan
Kuu geliyay qoortee

Deeq gacalle weeyee
Gobaad waxaad u dhiibtaan
Boholyo aan qof ii gelin

Intii aan gu’ noolaa
Arrimahaas aan wada gaarnay xaggayga si niyad ah baan u soo dhaweynayaa, waxaanna qoorta u surayaa gabadhaas xirmooyin udgoon oo ubaxa oo aan ka soo guray Buurta Daalo. Idinkuna waxaad Gobaad (magacii gabadha) u geysaan fartiintayda xanbaarsan, jaceylka aan iyada u qabo, waxaadna u sheegtaan intii aan noolaa inaanan sidaan oo kale wax u jeclaan.
Saldhiggii xishoodkaay
Adiguna garaad badaneey
Maanku kaa ma guuree
Murtidaan la 
goohay
Gunno weeye keligaa
Gabdho aad ka mudatee
Geestaydan caashaqa
Ka godladay ha gaagixin
Waxaan gabadhaas garaadka badan oo xishoodka huwan, maankeeda Ilaah ma doorshee, u sheegayaa inay maansada aan sheegay ay iyadu ka mudan tahay gabdhaha kale in loo tiriyo, waxaanna ka codsanayaa inaysan caashaqa i galay igu gaagixin/gurin. 

Erayada:

1- Mayrac: daajinta xoolaha fiidka hore. Halkaan wuxuu leeyahay fiidka horaan socday.
2-Sheedda: meel durugsan, kor, fog.
3- Galsho: godad laga ag sameeyo balli guraaya oo xareeddu ku soo miiranto. Halkaan godka ama galka uu dayaxu galo.
4- Galalacay: kaahay, iftiimay.
5- Gaaf: kob la qurxiyay oo arooska iwm lagu dhigo. Dibad; hareer.
6- Rucub: cuntub miro ah ama ubaxa oo hal laan ka lusha.
7- Raamuhu: Raan waa timo qeybqeyb isugu maran. Halkaan waa laamo isku maran.
8- Gardho: dhogorta ubadka geela; timaha jilicsan oo rigrigada yeesha marka la firo. Halkaan wuxuu u jeedaa qeybaha jilicsan ee geedka. 
9- Gaarrani: daboolan, dahaaran. wuxuu u jeedaa laantii waxaa qariyaycaleemo, iwm.
10- Gidaad: geyrasho; dhirfid; caro.
11- Gabbaad: wax looga gabbado dhaxanta iwm.
12- Sabad: guriga agagaarkiisa; heelad
13- Ufo: dabayl roob wadata oo xoog leh
14- Gilgil: ruxruxid; liiliijin.
15- Godol: marka naasleyda caanuhu candhada soo buuxshaan.
16- Gadaf: wax qaab wareegsan leh. Halkaan wuxuu leeyahay waan wareegaaleystay.
17- Gondaha: cago, lugo. Halkaan xididadda geedka 
18- Googgaale: waa eray fure u ah su’aalo sarbeeban ama daboolan oo la is weyddiiyo.
19- Gaashaan: waa aalad waayihii hore la isaga dhigi jiray waranka iwm oo laga samayn jiray; harag, geed, macdan iwm. Halkaan waxaan arrinkaygii u geeyay gabadhii aan jeclaystay.
20- Goolbaar: su’aal si dadban loo weyddiiyo oo looga jeedo in jawaab saxa la helo; duur-xul.
21- Sarbeeb: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ku dhex qarsoon tahay.
22- Haasaawe: sheeko ama hadal la isku maaweeliyo.
23- Gardaadin: xus loo sameeyo ilmaha afartanka maalmood jirsada; qof wanaag lagu yaqaan baa qaada oo la orda ama faras baa lagu taxaabaa. Halkaan sheekadii lammaanuhu bilaw fiican bay yeelatay ama wanaag baa lagu gardaadiyay.
24- Laxaw: dareen xanuun ama kaar leh.
25- Gesamin: aan waxba quudan, aan waxba qaaday.
26- Galeeyaan: gal waa wax daboolmi kara oo ka samaysan warqad, loox, bir iwm. Halkaan warqadii gacalisada uu u diray buu ku xareeyay gal. 
27- Deeq: wax la isa siiyo oo aan xoolo iwm la dhaafsan.
28- Gobaad: magac gabdhaha ama hasha loo baxsho.
29- Boholyow: tebidda wax la jecel yahay; hiloow; jamasho.
30- Gogatay: Gogasho waa arrin aan la dayn sidii habboonaydna aan loo qaban; taataabsho. Halkaan wuxuu u jeedaa laabtaydaa ku walaacday.
31- Gunno:  wax si dheeri ah la isu siiyo sida; wax la qeybsaday oo qof ka mid ah saamileydii loogu daray wax dheeri ah; buro. 
32- Gaaggixin: godol-baabi’in wax la qoonsaday darteed. Halkaan wuxuu leeyahay jeceylka curtay ha baabi’in ama gaaggixin.
33- Diib: wax udgoon.

W/Q: Cabdi J Aw-Aden

Garyaqaan si cajiib ah u fasiray sharci ahaanshaha hadalkii Cabdi Weli Gaas

London (Caasimada Online) – Garyaqaan Fu’aad Daahir oo ka mid ah Maamulka Khaatumo, ayaa isaga oo ka qeybgalay dood ka baxday mid ka mid ah TV-yada gaarka loo leeyahay ee Soomaalida, waxa uu ku tilmaamay hadalkii Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas uu ku sheegay inuu xiriirka ugu jaray Dowladda dhexe ee Soomaaliya in sharci ahaan uu ahaa mid ka hor imaanaya hannaanka sharciyadeed ee caalamiga ah.

Waxa uu xusay in haddiiba xiriir la yeelanayo ama la isku jarayo in labo dowladood oo keliya ay xiriirka isu jari karaan, balse aysan suurtagal aheyn in maamul hoos taga Dowladda dhexe ay hadalo ceynkaas ah ku hadaaqaan.

Garyaqaan Fu’aad wuxuu soo jeediyey in Dowladda dhexe, gaar ahaan Madaxweynaha in looga baahan yahay inay horseedaan in loo laabto sharciga la wada dhigtay, oo sharciguna uusan noqon buug qof kastaba sida ay la tahay uu u fasiranayo, ee uu noqdo rukni sax ah, mar kastana lagu kala bixi karo.

“C/weli Gaas marka uu leeyahay xiriirka ayaan u jarnay Dowladda Soomaaliya, marka hore yeey xiriir la lahaayeen oo ay xiriirka u jareen, waxaan rabay inaan su’aashaasi weydiiyo ? Dalka Dowlad ayaa ka jirta, Dowladaas waxey madax u tahay dalka oo dhan, xiriir lama yeelan karto Maamul Goboleed ay iyada u taliso” Ayuu yiri Garyaqaan Fu’aad.

Waxa uu intaasi sii raaciyey inuu u soo jeedinayo Cabdiweli Gaas iyo shaqsiyaadka la mid ah in ay carqalada iyo dhagaxtuurka bilaashka ah ka daayaan Madaxda sare ee Dowladda, si isaga iyo qolyaha kale ee la midka ah haddii ba ay berri ku guuleystaan xilka ugu sareeya dalka loola shaqeeyo.

“Labo Dowladood ayaa xiriir wada yeelan kara oo haddana xiriirka kala goosan kara. Gaas haddii uu yiraa Soomaaliya ayaan ka mid ahay waa inuu u hogaansamaa Madaxda sare, haddiise uu Soomaaliya ka go’ayo ha inoo caddeeyo, oo sida Somaliland ha yiraa waxaan nahay dal madax-bannaan. Maxey tahay xiriirka ayaan kala noqday; bal waa kaase Somaliland ha laga maqlo xiriir ayaan u jarnay Dowladda Soomaaliya. Maamul Goboleed hal beel ka kooban sharci ma ahan inuu yiraa; Dowladdii ayaan xiriirka kala noqday. Dowladdu iyadaa dalka ka talisa, adigana waxaad tahay shacabkii” Ayuu ku dooday Garyaqaan Fu’aad oo ka hadlayey aragtidiisi shaqsiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Ruux ku labisnaa DHARKA Dumarka oo goor dhow gacanta lagu soo dhigay

Boorama (Caasimada Online) – Warka laga helaayo Magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal, ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka ay goor dhow gacanta ku dhigeen Nin ku labisnaa dharka Dumarka oo ka adeeganaayay Suuqa-weyn ee Boorama.

Cabdi Barre Kheyre oo ah Taliyaha Saldhiga Weyn ee Boliska, ayaa Idaacada VOA-da u xaqiijiyay in Ninkaasi ay ku qabteen Suuqa xilli uu ku howlanaa iibsashada Adeeg.

Taliyaha ayaa sheegay in Ruuxaasi uu watay dharka Dumarka Indha sharer iyo Xijaab weyn, waxa uuna Taliyuhu sheegay in Gabar goobta ku sugneyd ay ka shakisay socodkiisa sidaana uu ku fashilmay.

Ma jiro Faah-Faahino dheeri ah oo ay bixiyeen Laamaha Ammaanka Magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal, waxaana la tilmaamayaa in ruuxaasi lagu sameynaayo Baaritaan adag.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

MADAXWEYNE lagu doortay Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Sida uu oo soo sheegay wiyaha Caasimada Online ee Baydhabo, waxaa maanta xarunta madaxtooyada Baydhabo ka dhacday xaflad lagu doortay madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Xafladda doorashada oo ay ka qeybgaleyn wakiilo ka socda maamulka iyo mas’uuliyiin kale ayaa lagu doortay Jeylaani Abuukar Jimcaale, isagoona noqonaya madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Madoobe Nuunow Maxamed oo hoggaamiya maamulkan ayaa xafladda ka sheegay in aad ugu faraxsan yahay qaabka ay u dhacday doorshadda, wuxuuna sheegay in maamulkiisa uu dardar galin doono howlaha hor yaalla.
Sidoo kale isla maanta waxaa lagu doortay Baydhabo guddi 11 xubnood ah kuwaasoo ka shaqeeya doorashada guddoonka baarlamaanka maamulka lixda gobal ee koonfur.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan magaalada Baydhabo ay gaareyn guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeeya dhammeestirka maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed, kuwaasoo Muqdisho lagu dhisay.

Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa si cad ah u sheegay in ay taageersan yihiin maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed, balse Madoobe Nuunow ayaa weli ku adkeesanaya in uu yahay madaxweynaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Jawaari iyo Faarax C/qaadir oo keenay siyaasado cusub oo doorashada ku…

Muqdisho (Caasimada Online) – Illo xog-Ogaal ah oo ka tirsan Golaha shacabka, ayaa inoo xaqiijiyay inay jiraan dadaalo gooni ah oo ay wadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo Wasiirka Dastuurka Faarax C/qaadir.

Illo wareedka ayaa sheegaya in Prof Jawaari iyo Faarax C/qaadir, ay ku howlan yihiin wax kabadalida qodobo yar oo ku jira Dastuurka ee ka hor imaan kara Doorashada iyo qaabka ay u dhaceyso.

Sidoo kale, illo wareedka ayaa intaa kusii daraaya in bedelka sida hoose loogu sameynaayo Dastuurka uu yahay mid lagu xalaaleysanaayo muddo kororsi lagu sameeyo Dowlada Federaalka, waxaana la Tilmaamayaa in Arrintaasi ay tahay mid aan dhaafsaneyn Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka Dastuurka, inkastoo ay warar hoose tibaaxayaan in Ujeedka Faarax loogu dhiibay xilkaasi ay tahay inuu rogo siyaasada ka hor imaan karta Dowlada Xassan.

Wasiir Faarax ayaa isagu gacanta kula jiro Dastuurka si qalqal loo galiyo goorta lagu ballansan yahay Doorashada oo ay waxyar ka harsan tahay, waxaana Magaalada Muqdisho ka soconaaya kulamo u dhexeeyo Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Dam-Jadiid kuwaasi oo ka arinsanaaya qaabka ugu sahlan ee lagu jaan rogi lahaa Nidaamka ka hor imaan kara Xil kororsiga iyo damaca Siyaasadeed oo ay kusoo sharxayaan Kooxda Madaxweyne kale oo iyaga u taagan.

Waxaa Magaalada Muqdisho laga dareemayaa Siyaasado kacsan oo ay naas-nuujineyso Dowlada Federaalka, taasi oo ay isku uruursanayaan Dam-jadiid, maadama ay muddo kooban ka harsan tahay dhicida Xukunka Dowladooda.

Dhanka kale, Qorshaha lagu jaan-rogaayo qodobo yar oo ka tirsan Dastuurka, ayaa waxaa isla daadihinaayo Seddexda Mas’uul ee aan kor kusoo xusnay, wallow ay jiraan Siyaasado taa kasoo horjeeda oo ay wadaan Xildhibaano, Odayaal iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah Dowlada Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaanno kale oo tagay PUNTLAND iyo weerar ay ku qaadeyn DF SOMALIA

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa gaaray xildhibaanno kale oo ka soo jeeda deegannada Puntland kuwaasoo ayiday baaq uu horrey u soo jeediyay madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Xildhibaannada oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in u tageyn Garoowe siddii ay kulamo ula yeelan lahaayeen madaxda iyo shacabka reer Puntland.

Xildhibaannadaas waxaa ka mid ah Cabdi Barre Yuusuf Jibriil, wuxuuna warbaahinta u sheegay in ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiinta maamulka Puntland isla markaana ay soo dhaweenayaan baaqa ka soo yeeray madaxweynaha Puntland.

Wuxuu sheegay oo kale in ay taageersan yihiin go’aanka madaxweynaha uu xiriirka ugu jaray dowladda dhexe waxaana la rabay ayuu yiri in kal hore siddaas la sameeyo.

Waa qeybtii labaad oo xildhibaanno ka soo jeeda deegannada Puntland ay gaaraan magaalada Garoowe, waxaana arrintaas ay ka dambeesay markii madaxweyne Cabdiweli Gaas uu muddo 15 maalin u qabtay xildhibananada iyo dadkale ee ka soo jeeda Puntland ee dowladda ku jirra ay ku soo gaaraan Garoowe.

Magaalada waxaa horrey u tagay lix xildhibaann oo ay ka mid ahaayeen Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf, xildhibaannadaas ayaa ka tagay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Ismaacil Cumar Geelle oo Washington ka sheegay war naxdin galiyay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online)– Iyadoo uu shir Ballaaran maalmahaani Madaxda Qaarada Afrika uu uga soconayo Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka, ayaa waxaa madaxweynaha Jabuuti uu sheegay in beesha caalamka aysan aamin karin dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo arrintaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Beesha Caalamka ay Soomaaliya siin la’dahay dhaqaalihii loo yaboohay, ayna ugu wacan tahay amni darrada ka jirta dalka.

Madaxweyne Geelle waxa uu Daboolka ka qaaday in wajiga lagu siin lahaa dhaqaalaha Dowlada Federaalka uu yahay xaqiijinta Ammaanka, balse ay ku fashilintay Ammaanka iyo Horumarka Somalia.

Halkan ka dhageyso Ismaaciil Cumar Geelle

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xiisad dagaal oo ka taagan Garoowe & maleeshiyo FAROOLE ku beel ah oo….

Garoowe (Caasimada Online) –  Xiisad dagaal iyo guluf colaadeed ayaa laga dareemayaa magaalada Garoowe, kadib markii ciidamo u abaabul qaab beeleed lasoo dhoobay gudaha iyo daafaha magaalada Garoowe, kuwaasi oo ka careysan xil ka qaadis uu Madaxweynaha Puntland ku sameeyay saraakiil kasoo jeeda beesha Faroole ee Ciise Maxamuud.

Maliishiyadaas ayaa dorraad la wareegay gacan ku haynta Telefishinka Puntland TV iyo Idaacada, balse ay kaddiib ka saareen odayaal. Si kastaba, xiisadda ayaa weli taaggan, waxaana maleeshiyada ku beesha ah Faroole ay aaminsan yihiin in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu wado xilal ka qaadis lagu colaadinayo hal beel kaliya xil ka qaadistaasi.

Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah Cumar Cabdullaahi Faroole oo ah wiil uu adeer u yahay Madaxweynihii hore C/raxmaan Faroole, isla markaana uu ka dhigay Taliyihii Madaxtooyada Garoowe, Taliye ku xigenkii ciidanka booliska Gen.Muxiyaddiin Axmed Muuse iyo Agaasimihii Puntland TV Axmed Maxamed Cali (Kismayo).

Isimada kasoo jeeda gobolka Nugaal oo uu horkacayo Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa ku guuleystay in si nabad ah maliishiyadan ku heybta ah ka kaxeeyaan xarunta TV iyo Raadiyaha Puntland, waxayna ku baaqeen in wada hadal arintan laga galo. Weli lama shaacin xilliga uu wada-hadalka dhici doona, waxaana la sheegay in Maleeshiyada reer Faroole ay feejignaan ku jiraan.

Xaalada ayaa hadda ah mid degan walow mar walba la filan karo isku dhacyo kedis ah, maadaama magaalada ay ku wada sugan yihiin ciidamo iska soo horjeeda oo is colaadinayo, waxaana socda shirar lagu xalinayo dhibaatadan.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

XASAN SH.: Shirkii Africa iyo USA guul weyn ayuu noo ahaa, waxaana Obama..

Washington DC (Caasimada Online)-Magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka waxaa lagu gabagabeeyay shirweyne taarikhi ah kaasoo dhex maray madaxda dalkan Maraykanka in ka badan 50 hoggaamiye oo Afrika ka socda.

Shirka wax yaabaha sida weyn looga hadlay waxaa ka mid ahaa siddii Maraykanka uu iskaashi ganacsi ula sameyn lahaa Afrika.

Sidoo kale shirka waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka, ganacsiga iyo dowlad wanaaga.

Shirkan oo muddo seddax cisho socday, ayaa maalintii koowaad waxaa kulmay ururada bulshadda, maalintii labaad waxaa kulan yeeshay shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo lee yahay, waxaana halkaas looga dhawaaqay 33 Bilyan oo dollar.

Maalintii shaley waxaa kulmay madaxweynaha Maraykanka iyo 47 madaxweyne oo Afrika ka socda.

Sidoo kale, waxaa shir kale uu ka dhacay xarunta Bush Institute  waxaana soo qaban qaabiyay shirkaas marwada koowaad ee dalka Maraykanka Michel Obama.

Haddaba shirkan maxaa faa’ido ah oo Soomaaliya ay ka heshay?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud oo ka mid ahaa madaxda ka qeybgashay shirka ayaa BBC-da u sheegay in shirka Afrika iyo Maraykanak uu guul weyn u ahaa Soomaalida.

Wuxuu sheegay in shirka oo looga hadlay arrimaha Afrika ka sakow uu jiray kulamo gaar gaar ah oo isaga iyo shan wasiir oo la socota ay la yeesheen madaxda iyo shirkadaha dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa xusay in wasiiradiisa oo ay ka mid yihiin, gaashandhigga, maaliyadda iyo arrimaha dibedda ay kulamo la lee yihiin shirkada dalka Maraykanka ku yaalla si Maraykanka uu maalgashto dalka Soomaaliya.

Wax yaabaha ilaa hadda laga hadlay waxaa ka mid ah ayuu yiri siddii ciidamada Soomaaliya loo qalabeyn lahaa, siddii shidaal looga soo saari lahaa dalka iyo in maalgashi ay ku sameystaaan shirkadaha ganacsiga dalka.

Wuxuu sheegay oo kale in qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda ay sii joogi doonaan Wanshinton si ay u sii dhammeestiraan kulamada ay la lee yihiin madaxda dlaka Maraykanka.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Maraykanka iyo Xaasaskooda
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Maraykanka iyo Xaasaskooda

Sidduu arkaa hadalka Obama uu ka yiri AMISOM?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud ayaa la weydiiyay sidda uu arko markii uu madaxweyne Obama ka hadlaayay arrimaha Soomaaliya in uu soo hadal qaaday in uu taageero siin doono ciidamada AMISOM isagoona soo hadal qaadin wax qalabeyn ah oo loo fidinaayo ciidamada dowladda.

Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda aanu isku baahi ahayn, wuxuuu tilmaamay in Soomaaliya laga soo billaabayo meel billow ah balse wuxuu caddeeyay in uu horrey Maraykanka taageero u siiyay Soomaaliya haddana uu diyaar la yahay.

Ugu dambeyn madaxweyne Obama ayaa carabka ku adkeeyay in Maraykanka uu dhisi doono ciidamo gaar ah oo ay lee dahaya Afrika, waxaana lagu billaabi doonaan ciidamadaas waddamo lix oo Afrika ku yaalla, waxaana ka mid ah, Uganda, Ethiopia, Tanzania, iyo Rwanda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

MAGAALADA marti gelineysa dhismaha MAAMULKA G/DHEXE oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ximin & Xeeb, ayaa waxa uu marti gelin doonaa shirka lagu soo dhisaayo Maamulka Gobolada Galgaduud iyo Mudug, ee lagu wado in loo dhiso bulshada degan Goboladaasi.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Federalka ee Xukuumada Somaliya C/laahi Goodax Barre, ayaa waxa uu shalay galab iclaamiyay in Magaalada Cadaado ee Xarunta Ximin & Xeeb lagu soo dhisi doono Maamulka Gobolada Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo soo dhoweeyay tallaabada Ximin & Xeeb ku aqbashay, in ay kaga mid noqoto Maamulka lagu wado in loo dhiso Gobolada Dhexe, ayaa waxa uu ku booriyay martigelinta ay martigelineyso Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe.

Ergada ka qayb qaadaneyso Dhismaha Maamulka Gobolada Galgaduud iyo Mudug, ayaa waxay taggi doontaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Maamulka Ximin & Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex), ayaa waxa uu soo dhaweeyay in Maamulkiisu uu martigeliyo qorshaha lagu soo dhisaayo Maamul lagu mideysan yahay, oo laga hirgeliyo Gobolada Dhexe.

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), uu ka horyimid in shirka lagu qabto Magaalada Cadaado.

General Qeybdiid, ayaa toddobaadkii hore si weyn u taageersanaa in Gobolada Dhexe laga hirgeliyo hal Maamul, oo lagu wada mideynaayo dhammaan Maamulada kala duwan ee ka jira.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa iyadu ku adkeysaneysa inaanay xubin ka noqon hirgelinta Maamulka Gobolada Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DAAWO Iskuul qabyaaladda lagu barto oo Hargeisa laga furay (Cashirka 1aad)

Hargeysa (Caasimada Online) – Wax kasta oo laga soo sheego Soomaaliya, xittaa haddii aysan macquul ahayn iska aamin, wayao waa meel wax kasta ka dhici karaan.

Hargeysa ayaa laga furay School laga barto qabyaalada gaar ahaan beesha Isaaq ,sideey isku dhaleen, isu xigaan ama hablaha iskaga guursadeen.

School-ka qabyaalada ee Hargeysa laga furay waxaa wejigii labaad lagu bartay waxay isku yihiin Habar Awal iyo taariikhdooda dumaasha.
Waa sheeko yaab badan oo sawir guud ka bixineysa heer kulka qabyaalada ee Beesha dhexe ee Somaliland, laakiin waa arrin suurtagala in dugsiya la mida kaas laga furo gayiga Soomaalida oo idil.

Halkan ka daawo iskuulka qabyaaladda Hargeysa

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

 

Warqado caddeynaya kaalintii Fowsiya Yuusuf ku ahayd soo furshada hantida SOMALIA uga xayiran dibedaha (ARAG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Documents ay heshay Caasimada Online, ayaa muujinaya kaalintii ay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ku lahayd isku dayadii lagu soo furanayey hantida dibedaha uga xayiran Somalia.

Inkasta oo in lasoo furto hantidaas aysan ahayn sharci darro, oo Soomaaliya ay u baahan tahay, haddana cidda iska leh mas’uuliyadda iyo hadallo horey uga soo baxay Fowsiya ayaa shaki muujinaya.

Kooxda QM u qaabilsan daba-galka xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya ee UN Monitoring Group ayaa Fowsiya ku eedeysay inay isku dayday inay qeyb ka mid ah hantidaas dhacdo.

Sida ku cad warqadda ay heshay Caasimada Online, Fowsiya waxa ay adeegsatay awoodda madaxweynaha Soomaaliya, ayada oo warqad qoraal ah u dirtay safaaradda Switzerland ee Nairobi.

Waxa ay warqadda ku codsatay in Switzerland ay ka caawiso sidii ay dowladda France u aamini lahayd, uguna soo wareejin lahayd hanti taalla Faransiiska oo ay Soomaaliya leedahay.

Fowsiya, ayaa marar badan beenisay inay wax lug ah ku lahayd soo furashada hantida Somalia uga xayiran dibedaha, hase yeeshee warqadahan cusub ayaa caddeynaya inay kaalin weyn ku lahayd, ama ahayd qofkii howsha kala waday.

Hoos ka arag documents-yada ay heshay Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CIIDAMO aad u hubeysnaa oo xoog ku galay Xarunta garsoorka qaranka ee…

Muqdisho (Caasimada Online – Ciidamo ka tirsanaa Dowlada Federaalka Somalia, ayaa la sheegayaa inay xoog ku galeen Xarunta Garsoorka Qaranka, iyagoona halkaasi ka saaray shaqaale ka tirsanaa Xarunta.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inuu Hoggaaminaayay Wasiir ku-xigeenka Cadaalada iyo Dastuurka, waxaana la tilmaamayaa in goortaasi uu waday Axmed Cali Daahir oo maalmo ka hor loo magacaabay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Wasiir ku-xigeenka ayaa waxa uu Xarunta geeyay in kabadan 150 Ciidamo ka tirsan Dowlada kuwaasi oo awood u adeegsaday Shaqaalaha iyo Mas’uuliyiintii ku sugnaa Xarunta.

Xarunta ayaa waxaa iminka ku sugan Ciidamo farabadan kuwaasi oo Xarunta ka mamnuucay C/qaadir Maxamed Muuse oo laga qaaday Xilkaasi, waxaana cabsi laga muujinayaa in halkaasi ay ka dhacaan gacan ka hadal, maadaama buuqa uu sii daba dheeraanayo.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Abukaate Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf, ayaa dhankiisa ka sheegay in Madaxweynaha iyo Wasiirka Dastuurka ay wadaan Afganbin lagu sameynaayo Xafiisyada Garsoorka waxa uuna Ilka xanaf ka digay in Dalka dib loogu celsho 23-sanno ee laga soo talaabay.

Dhanka kale, Ilka Xanaf waxa uu Carabka ku dhuftay inay diyaar u yihiin wax waliba oo kaga imaada dhanka Dowlada wada hadal iyo awoodba, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Gudoomiyaha Gedo oo shaaciyay sababta uu isugu dhiibay A/MADOOBE

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maalintii 3-aad ku sugan wafdi uu hoggoominaayo guddoomiyaha gobalka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil, oo isku dhiibay maamulka Axmed Madoobe..

Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa, ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah ay la qaateen mas’uuliyiin maamulka KMG ah ee Jubba ka tirsn, oo ku qasbay inuu kusoo biiro maamulkiisa.

Ilo xog ogaal oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in guddoomiyaha gobalka Gedo uu caddeeyay in uu ka mid yahay maamulka Axmed Madoobe isla markaana uu yahay guddoomiyaha dowladda ee gobalka Gedo.

Waxa ay taasi ka dambeysay kaddib markii ay marar badan kooxda Axmed Madoobe ku hanjabeen inay qabsan doonaan gobolka Gedo.

Waxaa la sheegayaa in Kaliil loo magacaabi doono xil kale marka uu soo dhammaado kulamada ka socda xarunta madaxtooyada ee Kismaayo.

Kaliil ayaa si cad ah u yiri “Maanta wixii ka billowda waxaan ka mid ahay maamulka Jubba, gobalka Gedana wuxuu qeyb ka yahay maamulka KMG ah ee Jubba”

Sidda ay lee yihiin ilaha xog ogaal ah ee noo warramay, Kaliil in uu yimaado Kismaayo waxaa sabab u ahayd markii uu khilaaf soo kala dhex galay dowladda fedaraalka oo isagoo ku sugan Muqdisho uu madaxweynaha ka tagay isagoo ku socda Garbahaareey.

Waxaa jiray kulamo u socday maamulka Axmed Madoobe iyo guddoomiyaha gobalka Gedo, waxaana horey u tagay gobalka Gedo wafdii uu hor kacaayay madaxweyne ku xigeenka maamulka Axmed Jeneraal Fartaag, oo kasoo dhammeeyey Kaliil inuu kusoo biiro Axmed Madoobe, ama la weerari doono.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka KMG ah ee Jubba oo ku aadan immaatinka Maxamed Cabdi Kaliil iyo ku-xigeenkiisa oo Kismaayo ku sugan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]