29.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Daawo Sawirrada: COL. BARRE Hiiraale oo soo bandhigay awooddiisa CIIDAN

Goobweyn (Caasimada Online) – Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), ayaa waxa uu tababar u soo gaba gabeeyay ciidan cusub, oo ku soo biiraaya Xoogaga daacada u ah, ee ku sugan Deegaanka Goobweyn oo 11km ka baxsan Magaalada Kismaayo.

Korneyl Barre Aadan Shire, ayaa waxa uu qorsheynayaa weerar uu ku qaado Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, halkaa oo muddo sanad laga jooggo dagaal looga soo saaray.

Sarkaalkaan, ayaa ka soo horjeedo jiritaanka Maamulka Kmg ah ee Jubba, iyadoo uu Axmed Madoobe ku eedeeyay in uu Kismaayo ka wado dhibaatayn ka dhan ah bulshada degan.

Ciidanka Barre Hiiraale, ayaa waxay maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen inta u dhaxeyso Kismaayo iyo Goobweyn, iyadoo sidoo kalana ay duleedka Kismaayo dhaq dhaqaaqyo ka wadaan Ciidamada Jubba.

Afhayeenka Ciidamada Deegaanka Goobweyn C/rashiid Macalin Gaas, ayaa wuxuu bidhaamiyay inay duulaan ku yihiin Magaalada Kismaayo, isla-markaana ay dadka reer Kismaayo ka dulqaadayaan cadowga ku habsaday, sida uu yiri.

Madaxa Hawlgalada ee Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba Iftiin Xasan Baasto, ayaa sheegaaya in ay ka hortaggi doonaan weerarka ay Xoogaga Barre Hiiraale ku yihiin Kismaayo.

Kismaayo waxaa ku sugan Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, cududa ugu badan waxay ka socotaa dalka Kenya, waxaana horey loogu eedeeyay in ay si gaar ah ula safan yihiin Maamulka Axmed Madoobe.

Daawo sawirrada ciidamada Barre Hiiraale

bare 1bare 2bare 3bare 4bare 5bare 6bare 7bare 8bare 9

Isha: Dhacdo.com

Sawirro: Ximan iyo Xeeb oo ku biirtay maamulka GOBOLLADA DHEXE iyo Villa Soomaaliya oo la isugu tagay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta bogaadiyey go’aanka Maamulka Ximan iyo Xeeb ugu soo biiray Heshiishka Maamul-u-samaynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ay garwadeen ka tahay Xukuumadda Federaalka, kaasi oo dhabaha u xaaraya in dadka degan gobolladaas ay dhistaan hal maamul Gobolleed oo ay ku midaysan yihiin.

Madashii lagu dhameystirayay Heshiiska waxaa ku sugnaa ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaano, Wakiillka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dadweyne kale, waxaana saxiixa kaddib hadal uu jeediyay Madaxweyne Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) ku boggaadiyay heshiiska isagoona tilmaamay in wada hadal dheer kaddib maanta la dhameystiray heshiiskii Maamul u sameynta Gobollada Dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha oo kelmed ka jeedinayay madasha, ayaa yiri:

“Waxaan u mahadcelinayaa dadkii dadaalka u galay howshaan in ay soo dhammaato oo qeybtii u dambeysay maanta lagu soo xiray madashan, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ximan iyo Xeeb oo garasho iyo bisayl la timid kuna soo biirtay walaalahood si ay u dhistaan maamulka cusub ee gobollada dhexe oo noqon doona tiirarka waaweyn ee Federaalka, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Galmudug iyo Ahlusunna Wal-jamaaca oo walaalahood soo dhaweeyay”.

“Hannaankani waxa uu tallaabo mihiim ah u yahay sidii horay loogu sii wadi lahaa in dalkeenna laga dhaqan-galiyo nidaamka federaalka iyo dhismaha maamul goboleedyada uu ka koobnaanayo dalka. Aniga iyo golahayga Xukuumadda waxan diyaar u nahay in aan guddiga kala shaqayno sidii lagu xaqiijin lahaa howshan bilaabatay inay miro dhasho”

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiska ay gaareen dhinacyadani inuu yahay horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo asaaska nidaam federaal ah oo ay yeelato Soomaaliya, waxana uu xusay in dhammaan golayaasha Dowladdu wadajir ay u taageerayaan heshiiskan in uu taabo galo.

“Waxaan bogaadin dadaalka xukuumaddu ay dalka uga hirgalinayso nidaamka fedeeraalka.Waa jiri karaan caqabado iyo is qab qabsi marka wax la dhisayo, laakiin taas waxa kaliya oo lagu xallin karaa wadatashi, wadahadal iyo gorgotan dhex mara dhammaan dhinacyada ay wada khusayso. Hawshaan way adkayd, laakiin ugu dambeyntii miro dhal ayay noqotay taas oo ku timid dadaal wadashaqayn ah iyo is qancin ku dhisan, kulligeenna waan ku faraxsannahay natiijada laga gaaray wada hadalkii iyo isqancintii”
Ugu dambeyn waxaa kulanka maanta dhinacyadu ku go’aamiyeen go-gosha lagu dhisayo maamulka Gobollada Dhexe in lagu qabto degmada Cadaado halkaas oo laga sii amba qaadi doono dhamaystirka Maamulka Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

xim 1xim 11xim 2xim 3xim 4xim 5xim 6xim 7xim 8xim 9xim 10

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Mustaqbal siyaasadeedka FEYSAL Cali Warabe oo kusii siqaya god mugdi ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Xuseen Faysal Cali Waraabe oo ku biiray Kooxda ISIS ayaa waxa uu farriin dhiiri-gelin u diray Dhallinyarradda si ay ugu biiraan Jihaadka, waxa ayna arrintaasi galaafatay Mustaqbalka Feysal Cali Waraabe uu ka lahaa Siyaasada Somalia.

Siyaasiyiinta ka faalooda Siyaasada, ayaa waxa ay naqdiyeen Arinta uu ku kacay Wiilka Feysal Cali waxa ayna Tilmaameen in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee ka dhisan Somaliland, Faysal Cali Waraabe ku soo faruurantay Mowjad-siyaasadeed, isla markaana ay saamayn ku yeelan doonto Aayihiisa Siyaasadeed iyo Dakhligii Taageeradda ee uu ka heli jirey Siyaasiyiinta Finland ee ay jaalka yihiin.

Markii la baahiyay Canjalada uu soo diray Xuseen Faysal Cali Waraabe, waxaa durbadiiba hoos u dhac ku imaaday Siyaasada Feysal Cali wareebe iyadoona dadka Reer Hargeysa ay hadal hayeen Xuseen Faysal.

Sidoo kale, Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye ee majaraha u haya Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay si xooggan uga hadlayaaan arrintaasi, iyagoo falaanqeyn guud ku haya siyaasadda Faysal Cali Waraabe ee Siyaasadda Mustaqbalkiisa lugta la gashay god mugdi ah, maadaama Arrinta uu ku kacay wiilkiisa ay dib ugu soo laabatay Eng Feysal Cali Waraabe.

Hadal heynta ugu badan Magaalooyinka Hargeysa xiligaani waxa ay tahay Xuseen Faysal Cali Waraabe oo la bahoobay Alqaacida iyo Aabihiisa Feysal Cali Waraabe, waxaana inta badan Hargeysa lagu arkayaa Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo ku sheekeynaayo in Feysal uu noqday Hooyga Argagixisada lagu barbaariyo.

Dhanka kale, Shaaricyada Magaalada Hargeysa, ayaa waxaa laga hadal hayaa saamaynta ay Faysal Cali Waraabe ku yeelanayso Tallaabadda uu wiilkiisa kaga mid noqday Jihaadistayaasha Caalamka, waxaana muuqaneysa dadaalo ay wadaan Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye oo iyagu ay ku fadeexeynayaan Feysal Cali Waraabe kuna tilmaamayaan in isaguba ay suuragal tahay inuu ka tirsan yahay balse uu qarsanaayo.

Waxan weli arrinta Xuseen Faysal Cali ka hadlin Siyaasiyiinta Xisbiga UCID oo xiligaani ganbad ka ah la kulanka Feysal Cali oo Mowjado Siyaasadeed ku soo wajahan yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Kooxda Axmed Madoobe oo shaaciyay inay qabsadeen saldhigi Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen askar iyo deegankii uu ku sugnaa Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale ee Goobweyne.

Sarkaal u hadlay maamulka Jubba, oo magaciisa ku soo gaabiyay Dhagga-Cadde ayaa warbaahinta u sheegay in ay gacanta ku hayaan deeganka Goobweyn oo dhow iyo toban km u jirra Kismaayo.

Deegankan ay qabsadeen ayuu sheegay in uu ka dhacay dagaal u dhexeeya labo maleeshiyaad daacad u ah Axmed Madoobe iyo Korneel Barre Hiiraale.

Wuxu kaloo sheegay in ay gacanta ku dhigeen askar badan oo u dagaallameysa Barre Hiiraale sidda uu hadalka u dhigay.

Mar laweydiiyay halka uu qabtay Barre Hiiraale, wuxuu sheegay in uu cararay dhibaca wabiga isla markaana ay hadda ku raad joogaan.

Si kastaba, dhinaca Barre Hiiraale waxay sheegayaan in ay duulaan ku yihiin magaalada Kismaayo isla markaana aanu jirin wax askar ah oo laga qabsaday.

Dagaalkii shaley ka dhacay Goobweyn waxaa lagu soo warramayaa in uu dhaliyay khasaaro balse xog badan lagama hayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Dowladda Filand oo ka hadashay wiilka Feysal Cali Waraabe oo ku biiray ISIS

Helsinki (Caasimada Online) – Dowladda Filand ayaa ka hadashay warka ku saabsan wiil Soomaaliyeed oo ku dhashay dalkaas in uu ku biiray kooxda Daacish ee ka dagaallanta waddamada Syria iyo Ciraaq.

Wiilkan oo lagu magacaabo Xuseen Feysal Cali Waraabe, waxaa dhalay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, Feysal Cali Waraabe.

Haddaba, Agaasimaha arrimaha caalamka u qaabilsan dowladda Finland ayaa la weydiiyay sidda ay u arkaan warkan ku saabsan in wiil Soomaali ah oo ku dhashay dalka Finland in uu jihaad u doontay dalka Sryia.

Wuxuu sheegay in uusan ka warheynin warkaas balse haddii qofka uu da’da qaan gaarka dhaafo ama uu ku kirro ee ah 18-sanno, wixii uu sameeyo uu isaga mas’uuliyad ka noqon doono.

Wuxuu kaloo sheegay sarkaalkan in waalidkiisa wax kasta oo ay sheegayn ee ah in wiilkaas uu ka mid noqday dagaallamayaasha Daacish aaney laga yeeli doonin.

Sarkaalkan ayaa tilmaamay in dastuurka dalka Finland uu lee yahay qofka haddii uu ka dhaco baasaboorkiisa oo xittaa ay ku cadahay in uu galay dambi waa loo cusbooneen siin karaa.

Wiilkan ayaa la baxay Abuu Shuceyb a Somali, balse magaciisa saxda waxaa lagu sheegay Xuseen Feysal Cali.

Wuxuu ku dhashay dalka Finland sannadkii 1992-dii.

Feysal Cali Waraabe oo ka hadlaayay wiilkiisa wuxuu yiri seddax sanno ka hor ayuuba salaada in uu takado billaabay isla markaana uu diinta Islaamka.

Feysal Cali Waraabe wuxuu kaloo sheegay in wiilka Abtigiis uu horrey ugu dhintay dagaalka ka socda Syria.

Horey ayaa gabdho iyo wiilal Soomaali ah lagu arkay dagaalka ka socda Syria, kuwaasoo markii hore ka yimid wadamada qurbaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo & dagaal mar kale ku wajahan magaalada

Kismaayo (Caasimada Online) – Xasan Qaasim Warsame, oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay  in ciidan dhawaan tababar ay ugu soo xireen deegaanka Goobweyne ee Gobolka Jubada Hoose ay diyaar u yiiin sidii ay ula dagaalami lahaayeen ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo.

Waxa uu sheegay afhayeenku in ay ladagaalamayaan ciidanka Kenya maadaama dhib weyn ay ku hayaan sida uu yiri bulshada Jubbooyinka, isagoo xusay in awoodooda ay tahay mid ku filan weeraro ay ku qaadaan ciidanka Kenya.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in iminka uu socdo abaabulkii ugu dambeeyey ee ku aadan qaadista weeraro ka dhan ah Magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamada Amisom iyo kuwa Jubba.

Shalay ayaa dagaal culus wuxuu ka dhacay duleedka Kismaayo gaar ahaan deegaanka Goobweyn, halkaasi oo ay isku fara saareen maleeshiyada Maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa Barre Hiiraale.

Dagaalkaasi, ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Axmed Madoobe ay isku dayeen inay carqaladeeyaan tababar uu Barre Hiiraale ku qabanayey deegaanka, taasi oo keentay in dib loo soo ceyriyo laguna soo celiyo gudaha magaalada Kismaayo.

Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ayaa degan oo aysan jirin dhaq-dhaqaaq ciidan iyo xiisad laga soo sheegayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Saado Cali waxaa dilay….…Wadanigow Ogow (Warbixin xasaasi ah iyo VIDEO)

Saado waxaa aay aheeyd cidna loo sheegimaayo xaqiiqdii waxeey ka tagtay taariikh  dhaxalgal ah oo  caruurta aanan hada dhalan ku barbaari doono xornimada iyo gumeeysi diidka Somalia, heestani waxaa aay ka qaaday shirweeyne aay qaban qaabiyeen walaalaha ONLF ee Sweden,  shirkaasi oo aay ka soo qeeyb galeen dhamaan inta damiirka leh ee jecel xornimada iyo gobonimada Umada Somali,  shirka oo aan ka midka ahaa ragii lagu casumay waxuu ka dhacay Sweden, waa markii iigu horeeysay ee aan arko Saado Cali si   live ah wallow aan aad ulla socday  in aay haeeyd fanaanad geesi ah umada u horseeday in aay cadaalad isku dhaqaan, sida aad ka arkeeyso cajalada shirka waxaa ka soo qeeybgalay dhamaan halgamayaasha ONLF ee caalamaka ku nool, waxaa laga yimid waqooyiga USA Yurub, dabcan shirka waxaa joogay hogaanka sare ee jabhada ONLF.

Markii la soo gaaray in masraxa lagu soo dhaweeyo Saado Cali ayaa dadkii oo dhan amakaagay runtiina filan waayay meesha Saado ka soo baxaday iyo sida geesinimada ah oo aay ugu bareertay in aay ka qeeybgasho shirweeynaha jabhada ONLF iyda oo la ogyahay in dadka qaarkiis oo ku dhashay dhulka gumeeysiga ku jiraa aayan awood u laheeyn in laga daawado shaashada ayaga oo weli cabsi ku jira balse Saado waxeey aheeyd geesiyad u bareertay in aay guubaabiso umada gumeeysiga ku jiraa sidii aay ugu xoroobi lahaayeen Ethiopia.

Saado waxaa aay halkaasi ka qaaday hees runtii noqotay mid dhaxalgal iyo keed u ah dhalaanka Somali ee aanan weli aduunka iman balse guubaabo u ah kuwa aduunka saran sidii aay isga xoreeyn lahaayeen Tigreega Ethiopia. Nin ila fadhiyay goobta shirka runtiina aan u arkay in uu ahaa kuwa u shaqeeya Qoodhiga Tigreega aaya markii heesta lagu celceliyay ilaa laba goor, waxuu igu dhahay war tani malageeda galay maxeey taarikhdaa la tagay  u sheegeeysaa xal iyo nabada ayaan jecelnahay in aan kula noolaano Ethiopia weeyna noo ogolyihiin,  dib ayaan u fiiriray Ninka waxaana ku dhahay halkaan Cabdi ileey laguma  amaanayo waadna soo qaldantahay, markaas ayuu igu dhahay war  adiga war waa Dr.  Hirabe sow Hawiye ma aheeyn markaas ayaan waxaan ku dhahay xornimada gumeeysiga Tigreega ayaa kuu sheegay in aan ahay Hawiye, waxaan ahay xubin ONLF ah  Sida aay  Saado Cali  aay xubin ugu tagay qofwalba oo Somali ahna waa xubin miyaadan ogeeyn,  waan arakay sida aad C/aahi Yusuf u neceb tahay, waxaan ku kala taganay C/aahi ma necbiyee Tigreega ayaan necbahay. Saado heesta lagu dilay waa tan: Muqdisho dadka wax ku dilaa waxaa ugu badan Ethiopia /Somali leh hadaf guracan una shaqeeyan Tgreega.

Ogaadeeyna weey xoroobi OLNF weey Xoreebi

Aniga Somaliyeey arliga waan u dhimanayaa Tigreegaan  aasayaa  umada waan kicinayaa soowdkeeygaan ku ogayaa   anigaa ku  adimaya duhur  Waixii ina dhiig ku jira ayaan u dhawaaqayaa,  qofkii igu raacsanow Ilaah janda ka  waraabi  midkii aan jihaadine aaqiro naartii ku waar,

Aduunka naceeybka jooogo adigaa isqowracee anigau waxba nama  yeelin,  adaa Xabashi isku dhibiiy  ( Cabdi Ileey ) adaa Oogada ka raran adoonsi adaa aqbalay anaga wax namaada  yeelin,  ilaah baa nala jiroo cuqubadeey naga geleen  ayaa noo hiilineeysoo awood baa lagu muquunin Alahu Akbartaa ka adag, Ogaadeeyna weey xoroobi  oo  oo  OLNF weey adkaan .

Ilaa iyo Maliliq baa  adoonsiga   nagu kor-joogay  Aworkii Mingastaa ka rogay Egana  Melez baa nahaaste ilaah xaqii miyaa in aan dhibtaa ku jirno  May Maya  Xornimo ayaan u baahanahay Ogaadeeyna weeyn xoreebi OLNF weey adkaan.

We need freedom

Dr. Ali. A. Hirabe        

Hirabe_a@hotmail. com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DFS oo Juhdi ku bixineysa sidii Axmed Samatar loo soo xero gelin lahaa (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Somalia ayaa wado Qorsho ay Prof Axmed Ismail Samater loogu soo dari lahaa Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu dhowr Jeer Axmed Ismail Samater u diray dhambaalo uu ugu baaqayay inuu ka qeyb qaato dhismaha dalka qeybihiisa kala duwan wallow aan la Ogeyn halka uu wada hadalka uu maraayo.

Waxaa la tilmaamayaa inuu iminka socdo kasbasho ay Dowladu ku sameyneyso Aqoonyahaanka Soomaaliyeed oo isagu godobo badan ka tabanaayo Siyaasadaha Dalka ka taagan.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegayaa in xiligaani uu diyaar u yahay inuu dib usoo Celsho Axmed Ismail Samater, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya inuu ku casuumay Magaalada Muqdisho si looga saaro tuhunada, inkastoo aan laga sii faalon xiliga uu Samatar fulin doono codsiyada Madaxda dalka kaga imaanayo ama imaan shihiisa Magaalada Muqdisho.

Prof Samatar ayaa waxa uu dhawaan ka baxay kamid ahaan shaha Dowlada Somalia, waxaana iminka soo celintiisa loo xil saaray Mas’uuliyiin ay Samatar is xigaan oo xubno ka ah Dowlada Federaalka Somalia.

Ma aha mid lasii saadalin karo sida uu Samatar uga jawaabi doono hadalada kaga imaanayo dhanka dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Damacii Guuleed oo uu SHARIIF Xasan is-hortaagay lana dejiyey Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxaa xilligaan Xafiis looga dhex sameeyay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, si uu Siyaasada kaga soo muuqdo.

Wasiirkii hore, ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay rajo ka qabay in loo magacaabo Safiirka Somaliya ee dalka Turkiga, ha yeeshee uu Dowladda cadaadis kaga yimid Xildhibaanada iyo Siyaasyiinta Beelaha Digil & Mirifle.

Safiirka Somaliya u fadhiya Turkiga Amb. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, oo Deegaan ahaan ka soo jeedo Gobolada Baay iyo Bakool, ayay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ku heybta ah, ay ku difaaceen in uu Safiirnimada ku yahay awood qaybsiga, ay maanta ku dhisan tahay Dowladda Somaliya.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaankii Kmg Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ah maskaxdii ka dambeysay magacaabidda Safiirka Somaliya ee Turkiga, ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta Madaxda Dowladda culeyska ku saartay inaan la bedelin Safiirka.

Siyaasiyiinta Dam Jadiid ee hogaanka u haaya Dowladda Somaliya, ayaa waxay garowsadeen in C/kariin Xuseen Guuleed xafiis looga sameeyo Madaxtooyada. Haddii uu ka soo xirmay dariiqii uu ku noqon lahaa Safiirka Somaliya ee Turkiga.

Guuleed oo hadda ah La taliyaha Madaxweynaha Somaliya ee dhinaca Siyaasada, ayaa waxa uu Madaxtooyada kaga hawlgali doonaa sida, isagoo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya, bacdamaa aynaan Xukuumada haataan jirto lahayn Wasiiru Dowle Madaxtooyo.

Xukuumadii Saacid, ayaa waxaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ka ahaa Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, kaa oo ay isu dhow yihiin Guuleed, waana shakhsiga horseeday in Guuleed uu dib ugu soo laabto Siyaasada.

Faarax oo ka warqaba in Guuleed uu ku fashilmay Siyaasada dalka, kana baxay albaabka, ayaa waxa uu hadana suurta geliyay in Guuleed uu daaqada ka soo galo Siyaasada, iyadoo uu xeerinaayo saxibtinimadooda.

Masuuliyiinta Dowladda oo lagu eedeeyo in ay ku xad gudbeen awood qaybsigii ay Dowladdu ku dhisneyd, ayaa waxaad kolkaan mooddaa in ay ku fashilmayn, in Guuleed uu ka soo muuqdo Ankara iyo Istanbul.

Isha: Dhacdo.com

Maxaa ka qayliisiyey C/weli Gaas, mase sii hayn doonaa xukunka PUNTLAND?

Maxaa ka Qaylisiiyey Madaxwayne Gaas, Mase sii Hayn Doonaa Xukunka Puntland? Imisa Maamul Goboleed ayey Dowladu la Shir-Tegaysaa?.

Maalintii Arbacada ee 30-kii Jully waxa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya looga dhawaaqay Heshiis Taariikhi ah oo Maamul Goboleed loogu samaynayo Gobolada Galgaduud iyo Mudug, waxa ka qayb galay Xafladii ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Soomaliya Madaxwaynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Max’uud, Raysulwasaare Cabdi-Weli Shiikh Axmed, Xubno ka socday labada Gole ee Dowlada, Cuqaal, Nabadoono, Waxgarad, Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka.

Waxa halkaasi lagu gaaray Heshiis ka kooban 11 Qodob oo Maamul loogu samaynayo Gobolada Galgaduud iyo Mudug, waxaa Qalinka ku duugey Madaxwaynaha Maamulka Gal-Mudug State Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Gudomiyaha Golayaasha Maamulka Ahlusunna Waljamaaca  Ibraahin Sheikh Xasan Guureeye, waxaana Madasha ka maqnaa Madaxdii Maamulka Cadado oo goobta laga sheegay iney Saxiixa ka soo daaheen.

Goobtii lagaga dhawaaqay Maamul u samayntaas wxaa ka hadaly oo ka mid ahaa Dadka uu sida tooska ah u khuseeyey Heshiiskasi  Madaxwaynaha Maamulka Gal-Mudug State Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo sheegay iney aad u dhibayso Maamul la’aanta mudo ka badan 20 sano k jirta Gobolada Mudug iyo Galgaduud waxa uuna yiri,  “ Fad ama  ha Fadin waa lagu Fadsiin oo macnaheedu yahay Diid ama ha diidin waa lagu rabsiin ama khiyaar ma lihid ”.

Dad badan ayaa durba soo dhoweeyey Heshiiskasi oo Muraadkoodu ahaa oo kaliya in mar uun Maamul loo sameeeyo Mudug iyo Galgduud oo qayb ka ah Mushkiladda Soomaliya, waxaana ka hor yimid Madaxda Ximan iyo Xeeb iyo Masuul u hadly Ahlusunna Wal-jamaaca, in kastoo ay taageereen Madaxda Magaalooyinka Dhuusamreeb, Guriceel, Caabudwaaq iyo Balanbale…

Waxa la yiri Farta iyo Meesha Bugtaa iyo is og, Gunaanadkii Saxiixa ee ka dhacay Villa Soomaaliya waxaa ka hadlay Madxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max’uud, waxa uuna yiri.” Waxaa Maanta la gaaray Heshiis Maamul loogu samaynayo  Gobolada Dhexe gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug, Heshiiskaasu waxba u dhimi maayo Maamul Goboleedka Puntland” .

Laakiin Madaxwaynha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdi-Weli Max’ed Gaas ayaa si wayn uga soo horjeestay  in Maamul Goboleed loo sameeyo Gobolada Mudug iyo Galgduud, waxa  uuna yiri. “ Hadaan nahay Puntland waxaan ka soo horjeednaaa Maamulka looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho” waxa uuna intaa sii raaciyey “ waxaan  Xiriirkii u jarnay Dowlada Federaalka Soomaliya, waxaana ugu baaqaya Xubnaha Baarlamaanka ee Ka soo jeeda Puntland iyo Marwo Caasha Geele oo Madax ka ah Gudiga dib u eegista Dastuurka  iney  ka hor yimaadaan Heshiiskaas oo ay dib ugu soo laabtaan  Puntland”

Dadku waxay is waydiinayaan waxa ka qaylisiiyey Madaxwayanha Puntland Cabdiweli max’ed Cali, waa Hagaag,  Gobolka Mudug kala badhkiis waxa uu hoos yimaadaa Maamulka Puntland ee uu Madaxda ka yahay, hada iyo wixii ka danbeeyana waxa uu hoos tegi doona Maamul Goboleedka cusub ee Mudug iyo Galgaduud oo aan ilaa iyo hada Magaciisa laysku raacin, waxaana iska cad mar hadii ay sidaasi dhacdo in Madxwayne Gaas oo asal ahan ka soo jeeda Waqooyiga Gaalkacyo aanu Sii Xukumi doonin Maaamul Goboledka Puntland oo ku soo aruuri doona Gobolada Bari iyo Nugaal, iyadoo dhinaca la hadal hayo in Maalmaha soo socda Dowlada Federaalka Soomaaliya Maamul Goboleed cusub oo ka madax banaan Soomaaliland iyo Puntland u samayn doono Gobolada Sanaag iyo Sool.

Dad badan ayaa u garaabaya Qayladhaanta Madaxwaynaha Puntland maadaama la ruxay ama la giliyey Madaxtinimada Maamulkiisa, laakiin waxaan marnaba loo garaabi karin Qayladhaanta Maamulada Cadaado iyo Dhuusamreeb, taasoo lagu macnayn karo iney doonayaan oo kaliya in Gobolada dhexe gaar ahaan Mudug iyo Galgaduud ay weligood Maamul la’aadaan, taasoo aan sina loo aqbali karin.

Gebagebdii Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa la shir-tegi doonta hada iyo wixii ka danbeeya 7 Maamul Goboleed oo kala ah:- 1- Maaamulka Jubba oo ka kooban J/Hoose, J/Dhexe iyo Gedo. 2- Koofur Galbeed oo ka kooban Bay, Bakool iyo SH/Hoose. 3- Hiiran oo ka kooban Hiiran iyo Sh/Dhexe. 4- Gobolada dhexe oo ka kooban Mudug iyo Galgaduud. 5- Puntland oo ka kooban Bari iyo Nugaal.                     6- Maamulka Gobolada Sool iyo Sanaag. 7- Somaliland oo ka kooban W/galbeed, Togdheer iyo Owdal iyo Magaalada Muqdisho oo leh Maqaam gooni ah.

NB:- Maamul Goboleed walba waxa Waajib looga dhigay inuu Xeeb lahaado.

W/D. Cabdinaasir Xirsi Iidle.

E-Mail. [email protected]

Tel 00252615503978

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xog: Xafiiska Xasan Sheikh oo ay buux dhaafiyeen Liisaskii ugu badnaa ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa inoo xaqiijiyay in Xafiiska Madaxweynaha ay buux dhaafiyeen Liisas kala duwan oo ay ku qoran yihiin Siyaasiyiin iyo Askar ka tirsan Ciidamadda Dowlada Federaalka Somalia.

Siyaasiyiinta ayaa la sheegayaa inay saf ugu jiraan Safaaradaha iyo Maamul Goboleedyada kuwaasi oo la tilmaamay inay Fikir ahaan ka tirsan yihiin Urur Siyaasadeedka Dam-Jadiid ee iminka haya Talada Dalka.

Sidoo kale, Illo wareedka ayaa xaqiijinaayo in Madaxweyne Xassan loo gudbiyay Liis dheer oo ay ka buuxaan Askar ka tirsan Dowlada oo la rabo in la gaarsiiyo darajo Sargaalnimo iyo wixii ka sareeya, waxaana la tilmaamayaa in Askartaasi ay yihiin dablayaal dhawaan laga keenay Sudan, halka qaarna ay ku sugnaayen Magaalada Muqdisho.

Siyaasada ka dambeeysa Dalacsiinta Askarta iyo xil siinta Siyaasiyiintaasi ayaa lagu tilmaamayaa inay tahay mid looga faa’iideysanaayo dhawaan shaha dhicitaanka Dowlada Federaalka oo iyadu heer gabagabo ka mareyso xiligii loogu talo galay xilka.

Askarta la dalacsiinaayo ayaa la sheegayaa in badi ay ka socdaan dhanka Odayaal dhaqmeedyo iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada, waxaana iminka Magaalada Muqdisho laga dareemayaa saan-saantii lagu dalacsiin lahaa Askarta, iyadoona ay Warbaahinta ka qeylinayaan Saraakiil iyagu sharci daro ku tilmaamaya  falkaasi Askarta lagu gaarsiinayo heerka.

Dhanka kale, Saleeban Maxamed Ibraahim oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, ayaa Tilmaamay in Madaxweyne Xassan iyo Xukuumadiisu ay faragalin xoogan ku hayaan Xilalka iyo Darajooyinka, waxa uuna sheegay in Dowlada Federaalka ay mareyso heerkii ugu dambeeyay.

Waxa uu ku taliyay in Dowladu ay dheesho Siyaasado dabacsan, islamarkaana ay joojiso faragalinta ay ku heyso Gobolada iyo Darajooyinka si looga bad-baado Fidno Siyaasadeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Askarta DF oo arrin cusub oo cabsi leh ka bilaabay Muqdisho (Maxaa dhacay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka  aan ka heleyno Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia gaar ahaan kuwa Militeriga uu dhac u geystay gaari shacab.

Wararku waxa ay sheegayaan in Askariga uu taagnaa Agagaarka Isbitaalka Carafaad waxa uuna gacanta u taagtay gaari nooca raaxada ah oo uu watay wiil dhalinyaro ah, waxa uuna goortii lasoo gaaray Isgooyska Towfiiq ku amray inuu ka dago wadaha, hayeeshee waxaa ka dhaga adeegay wadihii gaariga.

Askariga ayaa waxaa la Tilmaamayaa in Wadihii gaariga uu ku riday Todobo xabadood sidaana waxa uu gaariga ku wareejiyay wadaha wallow rasaastaasi aysan dhaawac gaarsiin wadaha.

Dhaca kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada Degmada waxa ayna goobta ka waayen gaariga, iyagoona baadi goob u galay sida ay gacanta ugu soo dhigi lahaayen gaariga.

Dhacdadaani Cusub ayaa waxaa ay noqoneysaa mid mudooyinkaani ay Magaalada Muqdisho ka bilaaben Ciidamada Dowlada, iyadoona Asbuuc ka hor dhac noocaani ah ay Ciidamo ka tirsanaa Militeriga Dowlada ka geysteen Xaafada Kaaran, inkastoo aan gacanta lagu dhigin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected] 

Soomaali ka cabaneysa SAFIIR qarankii SOOMAALIYA ka door biday beeshiisa

Ergayga Dowladda Federaalka u fadhiya, Xafiiska Qaramada Midoobey ee Dalka Switzerland Magaalada Geneva, Yuusuf Bari Bari, ayaa waxaa si aad ah u dhaleeceeyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Safiirka ayaa wuxuu ula dhaqmaa dadka Soomaaliyeed iney yihiin dad shisheeye isaga oo aan wax xushmad iyo xaqdhawra intaba midna siin metelinna, sidoo kale Safiirka ayaa u dhaqma inuusan metelin dadka Soomaaliyeed, Safiirka ayaa  had iyo gooraale  wuxuu u diraaa Casuumaddo, Fiisooyin, iyo  Kaalmoba Maamul Goboleedka Puntland.

Waxaa dhawaan laga helay dalka Switzerland, Deeqo waxbarasho oo dhawr ah, waxaana la keenay, dad u dhashay Garoowe iyo Boosaaso oo weliba Jufadiisa ah, Arrimahan ayaa ah ku uu ku caan baxay.

Oday deganaa muddo ku dhawaad 20 Sanno ayaan weydiiyey sida uu u arko, intuusan ii jawaabin ayuu I geeyey, Xafiiska la midka ah ee Uganda ku leedahay dalka Switzerland ee Geneve, (Permanent Mission of the Republic of Uganda to the United Nations Office and other international organizations in Geneva) waxaa ku dhegan Sawirka Madaxweynahooda iyo 7da Madaxweyne ee IGAD, oo uu ka mid yahay, Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna I geeyey, Xafiiska ama Qolka  ay ku magacaabantahay, Permanent Mission of the Federal Republic of Somalia to the United Nations Office and other international organizations in Geneva) halkan ka gal: “http://www.unog.ch/unog/website/missions.nsf/(httpPermanentMissions_en)/DDC94DF9423BAFFFC1256F410045205B?OpenDocument&unid=”

Markaan galay, Qolka ayaa waxaan ka muuqan wax  haba yaraatee u eg Astaan Soomaaliyeed, waxaadna moodaa “ Nootaayo ama Arji qore”  waxaanu ugu galnay wiil dhallinyaro, oo aad u xanaaqsan waxaan isku dayey inaan u kuurgalo, waxaanan ka waayey Sawirka Madaxweynaha Soomaaliyeed ee aan ku soo arkay Safaarad waddan Shisheeye.

 Inkastoo labada meeloodba layga diiday inaan Sawir ka qaato, haddana waxaan ka codsadey Safaarada Uganda waxayna ii ballan qaadeen, in marka ay weydiiyaan madaxdooda aan qaaddan doono, Sawiro iyo wixii kale ee macquulaba.

Waxay ii sheegeen, Bulshada ku dhaqan,  Dalkaasi, in Laga casuumey tiroba Saddex jeer, Sanadguurada Xornimada ee 1.da Luulyo,  balse intaba ma uusan iman qaarna wuu ka cudurdaartey qaarna wuu Jareyba sabab la’aan,  Balse waxaa lay sheegay inuu isagu Abaabullo oo qarash ku bixiyo, 1 August oo Hal bil u dhaxayso, ahna Maalintii la aas aasay Maamul Goboleedka Puntland.

Dadweynaha reer Switzerland oo cabashooyin horre ka muujiyey oo wasaaradda arrimaha dibadda iyo Xakuumaddaba  Federaalkaba u direy dhawr jeer cod dheer ayaan laga dhegaysan lamina garanayo sababta  Safiirkan oo la magacaabay  2007dii ilaa hadda uu u joogo dalkan ee waxba looga bedeli waayey?

Bulshada ku dhaqan waddankaas ayaa Baaq iyo farriimo ka dhan ah  Ergayga Qaramada Midoobey u fadhiya dalka Switzerland in si degdeg ah wax looga qabto oo talaabo lagu diirsado laga qaaddo, waayo maaha Safiirka Puntland waa kan Soomaaliya, haddana dadka dhex uma aha, mana qiimeeyo Bulshada Soomaaliyeed ee halkaa kula dhaqan, waxaa isaga oo cadho ka Muuqato Bashiir Abdi uu ii sheegay  in Habeenkii Xafladda 1 Agoosto uu si toos ah u Aflagaadeeyey, Madaxda Dowladda Federaalka, wuxuuna yiri, hadda ka horna wuxuu si xun ula dhaqmay Ra’iisalwasaare Saacid Shirdoon, waxani Safiir maaha ee waa Nabaddoon beeleed ayuu yiri.

Haddaba maxaa la gudboon, Xukuumadda Federaalka iyo Wasaarada Arrimaha Dibada ee Federaalka.ma iney sidaa u sii eegtaan mise iney Codka Shacab weynaha Soomaaliyeed ee Saluugsan dhaliishana usoo jeediyey Masuulka Safaarada arrintooda wax ka qabtaan?

Xayle Suudi [email protected]

Muungaab & wafdi uu hoggaaminayo oo Xamar ka duulay (Xagee aadeen?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca ah ka ambabaxay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Xuseen Muungaab.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, Cali Seeko oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqa Muqdisho uu u ambabaxay waddamo Yurub ku yaalla.

Wuxuu sheegay oo kale in uu casuumaad ka helay waddamada Sweden, Italy iyo Turkiga sidoo kale inta halkaas uu joogo uu la kulmi doono jaaliyadda Soomaalida ee dalalkaas ku dhaqan.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir ayaa xusay in duqa Muqdisho wax yaabaha uu kala soo hadli doono madaxda iyo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan waddamada uu tagaayo siddii lo taageeri lahaa howgallaha maamulka gobalka Banaadir uu ka wado Muqdisho iyo siddii jaaliyadda Soomaaliya ee qurbaha ay arrintaas door uga qaadan lahayd.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa dhawaan wuxuu magaalada Muqdisho ka hirgaliyay mashruuc iskaa wax u qabso ah kaasoo lagu dhisaayo xaruntii hore ee gobalka Gobalka Banaadir Visha Governo.

Waa markii ugu horreysay oo duqa Muqdisho uu u ambabaxo waddamada Swden iyo Italia in kastoo uu horrey u tagay dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Ankara.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Aragnay xildhibaannadii PUNTLAND ee qabiilku qaadaye aaway kuwii XAMAR

Waxaa la yaab ah in xildhibaano loo doortay inay sharciga u dejiyaan dalka Soomaaliya ay noqdaan kuwo qabiil dantiisa ka shaqeeya. Xildhibaanada Puntland looga yeeray ee u hogaansamay amarkii madaxweynha dowlad goboleedka Puntlnad waxaa ay dileen sharafta baarlamaanka.

Haddii baarlamanku la xisaabtami waayo xildhibaanadan waxaa muuqaneysa in meesha in uusan ka jirin baarlamaan Soomaaliyeed balse ay ka jiraan kooxo qabiil u abaabulan oo daneystayaal ah. Waxaan ognahay in xildhibaanadan aaday Puntland ay inta badan abaabulaan baarlamaanka ka dhex abaabulaan mooshino mucaarad ku ah Magaalada Muqdisho tasoo muujineysa qabyaaladoda waxaa ka mid ah:

1. Mooshinkii lagu joojiyay dhismaha garoonka diyaaradaha ee muqdisho.

2. Mooshinkii lagu joojiyay kaarka dhalashada (ID CARD) oo laga bixinayay dowlada hoose Xamar.

Intaa waxaa dheer waxaa ay maalin iyo habeen u taagan yihiin in ay ka shaqeeyaaan lugooyada ummada Soomaaliyeed waxaa ay saxiib dhaw la yihiin dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo qeyb ka ah dhibaatada ka jirta Soomaaliya. Hadaba waxaa isweydiin leh dadka sidaas u dhaqmaya mala dhihi karaa waa xildhibaano soomaaliyeed oo dadku u siman yihiin?

Aniga waxaa ay ila tahay maya lama dhihi karo xildhibaano ee waa in layska qabtaa. Xildhibaanada kale iyo gudoonka baarlamaanku waa in ay weydiiyaan meesha la xukumo xilldhibaanada Puntland iyo cida xukunta ma Abdiweli Gaas ayaa xukuma mise sharciga baarlamaanka iyo Jawaari?

W/Q: Cabdi Cumar Cadaawe

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sidee u daweyn lahayd bukaan dhinac kasta ka taahaya? (Faallo xiiso badan)

Burburkii dalka wax kasta waxay noqdeen jaantaa rogan, waxaana meesha ka baxay heykalkii dowladnimo iyo hufnaantii lagu kala saarayay dadka loo xulanaayo howl la rabo in la qabto.

Waxaa ilaa xididada dhiiga nagu saaqay wax la yiraahdo (Qabyaad), taasoo door weyn ku leh qaran la’aanta nala hartay muddada 20-ka sanno ka badan.

Ka waran adigoo dhinac kasta ka taahaya oo cudur uu ku soo ritay haddii lagu geeyo Isbitaal siddeelagu daweyn lahaa ama halkee ayaa laga billaabi lahaa la tacaalida xanuunkaaga?!!

Jawaabta su’aashan qof kasta si buu uga jawaabi lahaa, bals dhakhtarka laguu geeyo iyo itaalkiisa ayey noqoneysa sida uu ku badbaadiyo.

Haddii aan intaas Arar iyo Hogal tusaaleyn ka dhigo, waxaan markan rabaa in aan ka hadlo heerka Sports-ka Soomaaliya ee uu maanta taagan yahay.

Cayaartoy da'yer oo lagu tabbabaraayo garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho
Cayaartoy da’yer oo lagu tabbabaraayo garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho

Sportska Soomaaliya, wuxuu ka mid ahaa wax yaabaha aan raat tirmin intii dowlad la’aanta ay dalka ka jirtay, wuxuuna ka mid ahaa isaga iyo nidaamka wax-barashada kuwa aan saaxada caalamiga ah door ku laa oo ka muuqday, oo waxay noqdeyn goobta kaliye ee laga dheehdo jiritaanka Soomaaliya in ay tahay weli dal jirra oo adduunka ka sii jira.

Waxaan ka qeybgalnay tartamo caalami ah, oo isugu jirra, kubadda cagta, kubadda kolayga, oradada, cayaaraha fudud iyo noocyada kale ee cayaaraha, balse waxaa su’aasha la is weydiinaayo ayaa ah ka qeybgal mooyee natiijo ma ka soo hoynay? Jawaabtu waa Maya.

Kama wado in aan warbixinta ku dhaliilayo itaalka xiriirada Sports-ka ama dadka howsha haya iyo xitaa cayaartoyda balse waxbo wax baay dhaamaan.

Maxaa sabab u ah guul-darrooyinka ay la kulmaan xulkeena qaranka?

Dad badan ayaa aaminsan in dhowr arrin ay sabab u yihiin, waa marka horee, qaabka loo soo xulo cayaartoyda ayaa ah qaab aan habooneyn oo waxaa laga xulaa magaalada Muqdisho, waxaana ay ahayd in laga soo xulo cayaartoyda gobalada dalka, waxaana hubaa in la heli karay cayaartoy cudud leh,

Mida labaad ayaa ah iyadoo waqti ku filan aan la xareyn cayaartoyga si uu tabbabar ku filsn iyo Isfahan uu u la yeelan lahaa cayaartoyda kale.

Waa mida seddaxaad iyadoo aaney jirin dhaqaale iyo mushaar la siiyo cayaartoyga.

Waxaa kaloo jirin cayaartoyga in aan caafimaadkiisa laga fikirin ama la koontaroolin cuntada uu qaato ama uu lee yahay haddii kale balwad.

Waxaan la kulmay dad badan oo u dhuun-daloola cayaaraha Soomaaliya, waxay lee yihiin iyadoo aan la helin hannaan wanaagsan oo lagu maamulo Soprtska Soomaaliya lama heli doono xul ama koox guulo ka keenaya cayaaraha caalamiga.

Waxaa kaloo la kulmay cayaarayan igu yiri markii aan ka soo qeybgalay cayaaro aan ka qeybgalay, waxaa dhacday markii aan dalka ku soo laabtay waxaa la iga qaaday baasabookii aan lahaa iyo dharkii aan ku cayaarayay oo la igu dhahay iska soo siib.

Xaqiiqo kale oo dhacday.

Afar sanno ka hor ayaan ku booqday gurrigiisa oo ku yaallay meel dhowr km u jirta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, goolhayihii ugu horeeyay ee xulka kubadda cagta qaranka Soomaaliya, Jeylaani Maxamed Cali.

Wuxuu la jiifay xanuun in muddo ah hayay, wuxuu ii sheegay in uu ka qeybgalay cayaaro caalami ah, isagoona intaas iigu daray in uu u dhaawacmay qaranka Soomaaliya balse uu hadda noqday qof ku dhibaateesan gurigiisa oo aan lala socon xanuunkiisa.

Hadallada uu igu yiri waxaa ka mid ahaa “Qofka inta uu caafimaad qabo ayaa la rabaa, markii uu haddii uu xanuunsado qiimo ma lahan”

Haddaba natiijadii ka dhalatay nidaam la’aanta waxay na badeen wax yaabo badan oo halkan lagu soo koobi karin.

Iskaba daa Soomalida, oo waxaaba dhibka aan ula simanahay cayaartoyda kale ee Africa.

Tusaale kale, cayaarihii koobka adduunka ee dhawaan ku soo idlaaday dalka Brazil, waxaa cayaartoyda Africa ka socday, ay ka cabanayeen lacago loo ballan qaaday oo aan la siin, waxaana fadeexadas durba laga dareemay intii ay cayaaraha socdeen.

Arrimahaas waxaa ku dhaaqay dowladihii ay matalayeen, oo qaar baa yiri maba cayaareyno annagoo lacagihii aan helin, waxaana ay qasabtay in lacago badan diyaarado lagu soo daabulo.

Kolba hadii waddmada naga dhaqaalaha buurnaa ee qaarada ku yiilay ay sidaas ula dhaqmayaan cayaartoydooda, Soomaaliya warkeedaba daa.

Ugu danbeyntii, waa la garan la’yahay cudurka haya dawadiisa, balse waxaa hubaal dawada cudurkaas waxaa la heli karaa uun marka la qirto ugu yaraan xuquuqda la duudiisyay dad badan oo lahaa, waana dhawaaqyo ka soo burqaneysa maskaxda malaayiin Soomaali ah.

“Cudurka aad wada huwan tihiin, Qabiil weeye, Sideebaa Soomaalaay qanan ku noqon, miyaaneey jirin wax is qabto la qadarin walaalayaal, miyeeydaan arkin dhibka nagu dhacay walalayaal, miyeeydaan arkin horumarka uu gaaray aasgeen?.

W/D: Maxamedkaafi Cali Muumin

[email protected]

Mogadishu| Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sawirro: Baarlamanka Turkiga oo mar kale kuraas isku garaacay kadib markii

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa waxaa dhex maray gacan ka hadal sababay kala jabka Baarlamaanka kadib markii uu Khilaafkooda ka dhashay in loo gargaaro Dalalka Ciraaq iyo Syria oo uu Dagaal la degay.

Qeyb ka tirsan Xildhibaanada Turkiga ayaa iyagu soo bandhigay in sida ugu dhaqsiyaha Baddan ay Dowladu uga hadasho Arrimaha Syria iyo Ciraaq lagana shaqeeyo xalinta Dagaalada halkaasi ka tagan, halka qeybta kale ay is hortaagen in la faragaliyo Arrimaha Dalkaasi.

Sidoo kale, gacan ka hadalka Xildhibaanada ayaa waxa uu salka ku hayaa Guddi loo xulay xaqiijinta dhismaha Baarlamaanka iyo xal ka gaarista Khilaaf weli ka dhex taagan Xizbiyada Dalkaasi ee xubnaha ku dhex leh Baarlamaanka.

Gacan ka hadalka ayaa waxa uu sii Ololiyay Khilaafyada ka dhex taagan Xizbiyada, waxaana illaa iyo iminka taasi ku kala maqan qeybo ka tirsan Baarlamaanka.

Dhanka kale, Dowladaha ku bahoobay Islaamka, ayaa waxaa culeys Siyaasadeed ka saaran dhanka Caalamka, iyagoona looga digaayo inay faro Siyaasadeed ku dhex yeeshaan arrimaha ka taagan Ciraaq, Syria iyo Falastiin oo ay ka socdaan Dagaalo diimeedyo.

TR1TR2TR3TR4بالصور: عراك بالايدي في البرلمان التركيبالصور: عراك بالايدي في البرلمان التركيبالصور: عراك بالايدي في البرلمان التركيبالصور: عراك بالايدي في البرلمان التركيبالصور: عراك بالايدي في البرلمان التركيبالصور: عراك بالايدي في البرلمان التركي

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Guddoomiyaha maxkamada sare oo shaki galiyay xeer ilaaliyaha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu maanta shaqada si rasmi ah ula wareegay xeer ilaaliyaha cusub ee qaranka, Axmed Cali Daahir, ayaa waxaa soo baxay dhaliilo ku aadan sidda loo magaacabay.

Haddaba, guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaa ka dhawaajiyay in maxkamadu taallo dacwad uu soo gudbiyay xeer ilaaliyihii hore ee dalka, Cabduqaadir Maxamed.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in maxkamaddu ay dhawaan ka fadhiisan doonto dacwad ku aadan cidda sharciga ah xeer ilaaliyaha cusub Axmed Cali Daahir iyo kii hore maadama ay arrintaas shaki weyn uu ku dahaaran yahay.

Abukaate Ceydiid Ilka Xanaf ayaa ku celceliyay in uusan hadda ka hadli doonin cidda sharciga ah balse wuxuu tilmaamay in Hal Xaaran ah aaney dhaleynin nirig xalaal, taasoo loo fasiri karo in xeer ilaaliyaha cusub aanu ahayn mid sharci ah.

Si kastaba, shaley ayey ahayd markii guddoomiyaha golaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha uu ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinaayay xeer ilaaliyaha cusub ee qaranka Axmed Cali Daahir.

xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu la dagaallaami doono musuq maasuqa waxa loo yaaqaano, wuxuuna sheegay in uu ka billaabi doono xafiiskiisa oo marar badan la sheegay in ay ka dhaceyn wax yaabo arrintaas sal u leh.

Waxaa sheegis mudan in xeer ilaalihii hore ee qaranka uu tilmaamay in uusan aqbali doonin xil ka qaadista ay ku sameeyeen golaha wasiiradda.

Waxaa muuqata faragalin la sheegay in uu ku hayo hey’adda garsoorka oo ah hey’ad madax bannaan wasiirka garsoorka iyo arrimaha dastuurka Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ciidanka Barre oo dib u durjiyey kuwa Axmed Madoobe kadib dagaal qaraar

Kismaayo (Caasimada Online) – Ka gadaal markii maanta maleeshiyada Maamulka Jubba weerar ku qaadeen Ciidanka Barre Hiiraale ee degan Deegaanka Goobweyn, ayay maleeshiyada Jubba dib kaga soo gurteen.

Maleeshiyada Jubba oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa waxay ka dhaqaaqeen Magaalada Kismaayo, sidaana ay ku weerareen Deegaanka Goobweyne, oo 11km u jirta Magaalada Kismaayo.

Dagaalka wuxuu ka dambeeyay markii maanta uu Barre Hiiraale boqolaal askari tababar ugu soo xiray Deegaanka Goobweyne, isla-markaana ay dhoola tus ciidan halkaasi ku soo bandhigeen.

Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee Jubbooyinka, ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyada Maamulka Jubba, ay dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo.

“Maleeshiyada Raaskambooni oo wata 11 gawaarida dagaalka ah, ayay soo weerareen Goobweyn, waxayna kala kulmeen wixii ay filayeen, dib bayna ugu laabteen Kismaayo.” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xersi.

Korneyl Aadan Rufle waxa uu intaa ku daray in dagaalka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, isagoo xusay in ugu yaraan laba askari ay ku dhimatay dagaalka, tiro kalana ay ku dhaawacantay, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay u diyaarsan yihiin in ay markale iska difaacaan maleeshiyada Maamulka Kmg ah ee Jubba, haddii weerar rogaal celin ah ku soo qaadaan Deegaanka Goobweyn, sida uu yiri.

Saraakiisha maleeshiyada Jubba, ayaan dhankooda ka hadlin dagaalka ay maanta Ciidamadoodu la galeen Ciidanka Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), oo muddo sanad ah degan Goobweyn.

Ugu dambeen waxaa adag in la helo ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan.

Dhacdo.com

C/WELI GAAS oo ku kacay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkii C/raxman Farole

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay markii uu shaqada ka ceyriyay madaxweynaha Puntland, xubno ka tirsanaa maamulkii hore ee Faroole.

Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland, ayaa xilka looga qaaday agaasimihii hore ee Talafishanka Puntland, Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) waxaana xilka loo magacaabay nin wariye ahaa sidoo kale waxaa shaqada laga ceyriyay taliyihii ciidanka madaxtooyada Cumar Faroole iyo taliye ku-xigeenka ciidanka booliska.

Haddaba arrintaas markii ay soo baxday, waxaa dhacay in ciidamo dhar cad ah ay la wareegaan xarunta talafishanka abaare 11-kii maanta barqadii, waxaana shaqaalaha joogay xarunta ay ku amreen in ay ka tagaan oo ay qaataan wixii agab ah ee meesha u yaalla sidda kumpuyuutaro ay lahaayeen iyo wax yaabo kale oo markaas ay gacanta ku hayeen, waxaana ay amar ku bixiyeen in talafishanka la damiyi siddaas waxaa noo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe.

Markii ay arrintaas dhacday, magaalada dhan ayaa waxaa is-qabsaday warar ku saabsan in uu jirro afgami lagu sameyn rabo maamulka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaana magaalada laga dareemay guux ballaaran oo ku aadan in ciidamo gadoodsan ay rabaan in ay la wareegaan xarumaha dowladda.

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa tagay goobta uu ku yaalla talafishanka, waxaan ay isku gadaameen dhismaha Talafishanka iyadoona maleeshiyaadka qabsaday ay weli ku jiraan gudaha Talafishanka Puntland oo dhowr saac hawada ka maqan.

Ma jirto wax iska hor imaad ah oo dhexmaray ciidamada ammaanka Puntland iyo maleeshiyaadka qabsaday talafishanka dowlad gobaleedka maamulka Puntland mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan xiisada ka taagan magaalada Garoowe.

Waxaa muuqata sidda ay lee yihiin dadka odorosa arrimahan howgallo uu wado madaxweynaha Puntland oo ku aadan in uu xididada uu ku siibo maamulkii hore, balse taas waxaa ka soo horjeestay maleeshiyaad daacad u ah madaxweynihii hore ee Faroole iyo qoyskiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]