30.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Ciidanka Barre oo dib u durjiyey kuwa Axmed Madoobe kadib dagaal qaraar

Kismaayo (Caasimada Online) – Ka gadaal markii maanta maleeshiyada Maamulka Jubba weerar ku qaadeen Ciidanka Barre Hiiraale ee degan Deegaanka Goobweyn, ayay maleeshiyada Jubba dib kaga soo gurteen.

Maleeshiyada Jubba oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa waxay ka dhaqaaqeen Magaalada Kismaayo, sidaana ay ku weerareen Deegaanka Goobweyne, oo 11km u jirta Magaalada Kismaayo.

Dagaalka wuxuu ka dambeeyay markii maanta uu Barre Hiiraale boqolaal askari tababar ugu soo xiray Deegaanka Goobweyne, isla-markaana ay dhoola tus ciidan halkaasi ku soo bandhigeen.

Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee Jubbooyinka, ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyada Maamulka Jubba, ay dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo.

“Maleeshiyada Raaskambooni oo wata 11 gawaarida dagaalka ah, ayay soo weerareen Goobweyn, waxayna kala kulmeen wixii ay filayeen, dib bayna ugu laabteen Kismaayo.” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xersi.

Korneyl Aadan Rufle waxa uu intaa ku daray in dagaalka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, isagoo xusay in ugu yaraan laba askari ay ku dhimatay dagaalka, tiro kalana ay ku dhaawacantay, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay u diyaarsan yihiin in ay markale iska difaacaan maleeshiyada Maamulka Kmg ah ee Jubba, haddii weerar rogaal celin ah ku soo qaadaan Deegaanka Goobweyn, sida uu yiri.

Saraakiisha maleeshiyada Jubba, ayaan dhankooda ka hadlin dagaalka ay maanta Ciidamadoodu la galeen Ciidanka Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), oo muddo sanad ah degan Goobweyn.

Ugu dambeen waxaa adag in la helo ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan.

Dhacdo.com

C/WELI GAAS oo ku kacay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkii C/raxman Farole

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay markii uu shaqada ka ceyriyay madaxweynaha Puntland, xubno ka tirsanaa maamulkii hore ee Faroole.

Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland, ayaa xilka looga qaaday agaasimihii hore ee Talafishanka Puntland, Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) waxaana xilka loo magacaabay nin wariye ahaa sidoo kale waxaa shaqada laga ceyriyay taliyihii ciidanka madaxtooyada Cumar Faroole iyo taliye ku-xigeenka ciidanka booliska.

Haddaba arrintaas markii ay soo baxday, waxaa dhacay in ciidamo dhar cad ah ay la wareegaan xarunta talafishanka abaare 11-kii maanta barqadii, waxaana shaqaalaha joogay xarunta ay ku amreen in ay ka tagaan oo ay qaataan wixii agab ah ee meesha u yaalla sidda kumpuyuutaro ay lahaayeen iyo wax yaabo kale oo markaas ay gacanta ku hayeen, waxaana ay amar ku bixiyeen in talafishanka la damiyi siddaas waxaa noo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe.

Markii ay arrintaas dhacday, magaalada dhan ayaa waxaa is-qabsaday warar ku saabsan in uu jirro afgami lagu sameyn rabo maamulka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaana magaalada laga dareemay guux ballaaran oo ku aadan in ciidamo gadoodsan ay rabaan in ay la wareegaan xarumaha dowladda.

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa tagay goobta uu ku yaalla talafishanka, waxaan ay isku gadaameen dhismaha Talafishanka iyadoona maleeshiyaadka qabsaday ay weli ku jiraan gudaha Talafishanka Puntland oo dhowr saac hawada ka maqan.

Ma jirto wax iska hor imaad ah oo dhexmaray ciidamada ammaanka Puntland iyo maleeshiyaadka qabsaday talafishanka dowlad gobaleedka maamulka Puntland mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan xiisada ka taagan magaalada Garoowe.

Waxaa muuqata sidda ay lee yihiin dadka odorosa arrimahan howgallo uu wado madaxweynaha Puntland oo ku aadan in uu xididada uu ku siibo maamulkii hore, balse taas waxaa ka soo horjeestay maleeshiyaad daacad u ah madaxweynihii hore ee Faroole iyo qoyskiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

XASAN SH. oo faah-faahin ka bixiyey 2 arrin oo muran iyo eed badan dhaliyey

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Seekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa wax laga weydiiyay arrimo badan.

Haddaba wax yaabaha la weydiiyay waxaa ka mid ahaa arrinta ku saabsan xuduudaha badda Soomaaliya oo markale uu murankeeda soo laabtay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in uu QM u gudbiyay warbixin ay ku cadahay xuduudaha badda Soomaaliya halka ay ka billowdaan iyo halka ay ku dhammaadaan, wuxuuna sheegay in arrintaas ay xaq u lee dahay dowladiisa.

Wuxuu sheegay in badda Soomaaliya ay 23-kii sanno ee la soo dhaafay ahayd mid beylah ah oo wixii la rabo laga sameeyo balse arrintaas ay soo dhammaatay caalamkana u sheegeen in bada Soomaaliya uu ay soo aruursan tahay.

Madaxweynah ayaa sheegay in sidda Soomaaliya ay u dacweyn karto dal iyadaha la dacweyn karo, balse wuxuu ku celceliyay haddii ay jiraan dowlado dacwado ka ah xuduudaha badda in ay diyaar la yihiin siddii ay uga qancin lahaayeen arrimahaas.

Madaxweynaha waxaa kaloo la weydiiyay hanti Soomaaliya badan u tiilay waddamada caalamka taasoo la xayiray intii dagaallada ay ka socdeen dalka 23-kii sanno ee la soo dhaafay, taasoo hadda dowladiisa ay billowday in u xilsaartay shirkad Maraykanka fadhigeedu yahay taasoo soo aruurin doontaa.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in arrintaas ay sax tahay oo isaga ay mas’uul ka tahay in la soo aruuriyo hantidii Soomaaliya ay lahayd ee dibadaha ku dayacan sidda uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in lacagahaas qaar badan la soo xareeyay loona isticmaalay arrimo muhiim ah shacabka iyo qaranka isla markaana lacag kasta wax yaabaha loo isticmaalay iyadoo dukuminti ah ay dowladda gacanta ku heyso.

Wuxuu sheegay in lacagahaas qaar badan la dhigay bangiyo caalami ah iyo bangiga dhexe ee Soomaaliiya.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn la weydiiyay in uu fariin u diro shacabka,wuxuuna shacabka ka codsaday in ay ku kalsoonaadaan dowladda isla markaana wax badan oo la qabtay ay jiraan iyo wax yaabo badan oo aan la qaban kuwaasoo la dhammeestiri doono sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu yiri “Dadka yaanan la weynaanin waxa harsan ee wixii la qabtay ee wanaag ah iyagana hala weynaadaan”. 

Caasimada Online

Xafiiska Washington DC

[email protected]

Daawo is-bedelka cusub ee DEKEDDA weyn ee magaalada Muqdisho (Video)

0

Dekada weyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo sameysay Sanadkaan horumar weyn oo aan horay uga hir gelinay Dekada muqdisho tan iyo markii la howl geliyay Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho.

Muuqaal cusub oo laga soo duubay Horuamrka baaxada weyn ee ka soconaya Dekada Muqdisho ayaa waxaan jaceyl nahay in aan idinla wadaagno si aad u aragtaa horumarka weyn ee ka soconaya Dekada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

 

JAWAARI oo iska fogeeyay shir qoolka FAARAX C/QAADIR, runta u sheegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinaayay xeer ilaaliyaha cusub ee qaranka, oo dhawaan uu soo magacaabay wasiirka garsoorka iyo arrimaha fedaraalka isla markaana golaha wasiiradda ay ku ayideen.

Xafladda oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa oo uu ku shiro baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Prof Jawaari iyo wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Ridwaan Xirsi Maxamed.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo hadda ku-simaha madaxweynaha ayaa xafladda ka sheegay in sida sharciga uu yahay inta uusan shaqada billaabin xeer ilaaliyaha cusub Mudane Axmed Cali Daahir loo baahan yahay in uu ku hor dhaarto madaxweynaha Soomaaliya balse madaxweynaha uu ku maqan yahay shaqo qaran.

Jawaari oo iska fogeenaya shirka uu soo diyaariyay Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa yiri, anniga maadama aan ahay ku simaha madaxweynaha ayaan arrintan uga qeybgalay balse shaqo kuma lihi.

Hadalkaas sidda ay lee yihiin dad darsa arrimahana waxay lee yihiin waxaa ka muuqata guddoomiyaha golaha baarlamaanka in uusan raali ka ahayn wax yabaha ay wadaan wasiirka garsoorka iyo Dam-jadiid.

Waxaa kaloo sheegis mudan in kulanka maanta ka dhacay Villa Hargeysa uusan joogin wasiirka garsoorka iyo arrimaha fedaraalka Faarax Sheekh Cabdiqaadir sidda ay soo wariyeen suxufiyiinta joogay madasha.

Dhawaan ayey ahayd markii uu si cad ah u sheegay xeer ilaaliyihii hore ee qaranka Cabdiqaadir Maxamed Cismaan in uusan oggolaan doonin xil ka qaadista lagu sameeyay isla markaana uu yahay weli xeer ilaaliyaha qaranka.

Dowladda ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin xil ka qaadista lagu sameeyay xeer ilaaliyaha, waxaana muuqata in wasiirka garsoorka uu rabo in uu fargalin ku sameeyo hey’adda garsoorka oo ah hey’ad madax bannaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Qeybdiid oo shaaciyey arrin aan horey loo ogeyn oo maamulka cusub ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka hadlay heshiis dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo uu maamulkiisa wax ka saxiixay laguna rabo in lagu dhiso maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Qeybdiid waxa uu shaaciyey in maamulka cusub magaciisa sii ahaan doono Gal-Mudug, taasi oo aan heshiiskii la gaarin ku jirin, balse uu isaga shacaiyey.

Cabdixasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha maamulka cusub uu soo socday muddo sannad iyo sideed bilood isagoona intaas ku daray in qorshaha uu yahay siddii loo mideen lahaa maamulada ka dhisan gobalada dhexe sidda, Gamudug, Ahlu Sunna iyo Ximin iyo Xeeb.

Wuxuu sheegay in dhammaan dhinacyadaas ay diyaar ahaayeen markii hore in maamulka la dhisaayo uu noqdo Galmudug, balse markii dambe ay la yimaadeen arrimo kale oo la xiriira dano sidda uu hadalka u dhigay.

Waxaa la weydiiyay bal sida uu u arko hadalka ka soo baxay Puntland ee ay ku qaadaceyn heshiiskii Villa Somalia ka dhacay, wuxuu sheegay in madaxweynaha Puntland markii uu ahaa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu ka qeybgalay shirarkii maamulkan loogu gogol xaarayay ee Garoowe 1, Garoowe2 Iyo Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Gaas uu raali ka ahaa in la sameeyo maamul ay ku mideysan yihiin gobalada dhexe isla markaana maamulkaas uu maamulka la dhisaayo uusan caqabad ama culeys ku noqon doonin maamulka Puntland.

Madaxweyne Cabdiqeybdiid ayaa xusay in madaxweyne Gaas ay ka filaayeen in uu taageero maamulkan balse uu ka mid noqday dadka mucaaradsan.

Waxaa muuqata in maamulada loo dhisaayo gobalada oo hadda mucaarad xooggan la kulmay in uu hor boodayo madaxweynaha Galmudug oo uu rabo in la hooskeeno maamulkiisa, arrintaasna dowladda ayaa la og sidaas waxaa qaba dadka arrimahan la socda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasan Sh. oo qaatay go’aan geesinimo leh oo ka dhan ah ciidamada Amisom

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amray Amisom inaysan dalka Soomaaliya keeni karin ciidamo ka socda dalka Sierra Leone, illaa amar dambe.

Xasan Sheekh, ayaa arrintan shaaca ka qaaday mar uu Weriyayaasha kula hadlay caasimadda dalka Maraykanka ee Washington DC, oo uu kaga qeyb galayo Shir-madaxeedka Hoggaamiyayasha Afrika iyo Maraykanka.

Wakaalladda Wararka ee REUTERS, ayaa ka soo xigatay Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud inuu caddeeyey inaysan Ciiddamo cusub oo ka socda dalka Sierra Leone imaan karin Somalia, tan iyo inta ay Dowladda Somalia ka hubinayso inaysan Ciiddanka cusub ee ka imaanaya dalka Sierra Leone qabin cuddurka Ebolo.

“AMISOM waa inay joojiyaan Isbedelka Ciiddamadda Sierra Leone iyo kuwa cusub ee ka imaan lahaa dalkaasi,” ayuu yiri yiri Madaxweynaha oo dhinaca kale ka gaabsaday inuu bixiyo xilli cayiman oo ay Dowladda Federalka xayiraadda ka qaadayso Kala-wareejinta Ciiddamadda Sierra Leone ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Tiradda guud ee dadka u geeriyooday Cuddurka Ebola ee ka dillaacay dalal ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika o oay ka mid yihiin Sieera Leone iyo Liberia ayaa waxay haatan gaareen 887-qof.

Go’aanka madaxweynaha ayaa ah mid muhiim u ah in dalka Soomaaliya aan loo safrin cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Caasimada Online

Xafiiska Washington DC

[email protected]

XOG: DFS oo xil ka qaadis la dmaacsan guddoomiye goboleed qabiil la saftay

Muqdisho (Caasimada Online) – Idaacadda SKY ee magaalada Muqdisho ayaa sii deysay war ku saabsan in dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ay wado qorshe xilka looga qaadayo guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii.

Idaacadan oo soo xiganeysa ilo xog-ogaal ayaa sheegtay, in dowladda ay ku talla jirto in ay xilka ka qaado guddoomiye Siidii, waxaana ay lee dahay guddoomiyaha wuxuu la saftay dhinacyo ka mid ah maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Idaacadda aan warkan ka soo xiganay ma aaney sheegin xilliga laga qaadayo xilka guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose oo muddo dheer xilkaas hayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan siddii lagu soo afjari lahaa dagaallada ku soo noqnoqday gobalka Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose ayaan ilaa hadda ka hadlin warkan ay sidda xogta ku heshay Idaacadda maxaliga ee SKY.

Ma ahan markii ugu horeysay oo la sheego in dowladda ay xil ka qaadis ku sameyn doonto guddoomiyaah gobalka Shabeellaha Hoose, Siidii.

Ma jirto wax war ah oo ka soo guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose Siidii, oo ku aadan warkan cusub ee warbaahinta la soo gaarsiiyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: Mustaf Dhuxulow oo xusul duub adag ugu jiro XIL cusub (Waa xilkee?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa ogaatay in wasiirka warfaafinta DF Somalia Mustaf Dhuxulow uu xusul duub adag ugu jiro xil ka duwan kan uu iminka haayo ee warfaafinta..

Xubno ku dhow wasiirka, ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiir Mustaf uu rabo inuu ka dhex faa’iideysto isku shaandheynta uu Wado Ra’isul wasaare C/Weli, oo la filayo inuu is-beddelo sammeeyo, isagoona doonaya Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Waxaa sidoo kale Mustaf uu ka faa’ideysanaya khilaafka ka dhex oogan wasiirka arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax iyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo isku qabtay dhismihii maamulka Koonfur galbeed.

Si kastaba ma cadda, haddii madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay aqbali doonaan damaca Mustaf Dhuxulow.

Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa si xooli ah uga socdo dadaalada isku shaandheynta, waxaana la filayaa in isku shandheyntaasi ay galaafan doonto dhowr wasiir oo ay madaxda u arkaan kuwa aan xilkooda sii heyn Karin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: Guddoomiyihi gobalka GEDO oo ku biiray maamulka AXMED Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiil u hadlay maamulka KMG ah ee Jubba ayaa u sheegay Caasimada Online, in guddoomiyihii gobalka Gedo ee dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdikaliil iyo ku-xigeenkiisa ay uu ku biireen maamulka Axmed Madoobe.

Mudane Kaliil iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa shaley ka dagay garoonka diyaaradaha Kismaayo,waxaana halkaas ku soo dhaweyay mas’uuliyiin maamulka KMG ah ee Jubba ka tirsan.

Wafdiga ayaa markii dambe loo galbiyay xarunta madaxtooyada Kismaayo halkaasoo uu kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubba. C Fartaag.

Xog badan lagama hayo wax yaabaha ay ka hadleen labada nin, balse waxaa la hubaa in uu Kaliil guddoomiyihii gobalka Gedo uu sheegay in uu ka mid yahay maamulka KMG ah ee Jubba wixii maanta ka dambeeya sidda ay noo xaqiijiyeen ilaha warkan noo sheegay.

Si kastaba, Maxamed Cabdikaliil oo horrey u diidanaa maamulka Axmed Madoobe ayaa hadda u muuqda mid mowqifkiisa ay wax iska badleen.

Ma jirto cid ka hadashay wax yaabaha guddoomiyihii gobalka Gedo iyo ku-xigeenkiisa ay ku tageen magaalada Kismaayo.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sidda qorshaha uu yahay waxaa uu ka arrimayaa gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kaliil ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoona dhawaan sheegay in uu madaxweynaha ka tagay markii uu booqanaayay degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo isla markaana aan loo soo sheegin tagi taanka madaxweynaha magaaladaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Muxuu C/Weli u tagayaa Garowe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Dowlada Federaalka Somalia, ayaa sheegaya in dhawaan Wafdi uu Hoggaaminaayo C/Weli Sheekh ay u ambabixi doonaan Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa dhici doonna sideedda bishan Augutst, waxaana uu imanayaa xilli DF iyo Puntland aysan wax xiriir ah ka dhaxeyn.

Ujeedka Socdaalka Ra’isul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa qeyb ka ah Buuqii ka dhashay Heshiiska dhawaan ka dhacay Madaxtooyada Somalia ee leysugu keenaayay Maamulada Gobollada Dhexe ee dalka oo ku midoobaya hal gobol.

Sidoo kale, Socdaalka Ra’isul wasaaraha ayaa imnaya, ayada oo Madaxweynaha Puntland C/Weli Gaas uu shaaciyay inuu jaray xiriirka kala dhexeeyay Dowlada Federaalka Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso Axmed Diriye Cali: Puntland waa xaasid aan waxba innoo ogoleyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah waxgaradka Hawiye ayaa taageeray maamul u sameynta goballada dhexe ee dalka gaar ahaan gobalada Mudug iyo Galgaduud, oo qarshahooda laga billaabay Villa Somalia.

Waxa uu sheegay in dhismaha maamulkaasi uu yahay mid loo baahnaa, dadka kasoo hor-jeedana ay yihiin xaasidiin aan nabbada u ogoleyn dadka gobolladaas dega, ee iminka horumarka uu usoo muuqday.

“Haddii loo baaqo oo loo sheego barwaaqo dad bay meeli bugtaa” ayuu yiri Axmed Diiriye Cali, wuxuuna intaas ku darray in dadka arrimahaas diidan uu alle kasoo aruursho xaasidnimada ku maqan.

Wuxuu sheegay in Puntland aysan shuqul ku lahayn labadaasi gobal oo ay deggan yihiin dadkii xaqa u lahaa, islamarkaana ay Puntland maamulkeeda dhisatay.

“Waxa Puntland ay waddo waa xaasidnamadii Soomaali kala reebtay” ayuu yiri.

Halkan hoose ka dhageyso Axmed Diiriye Cali

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaadan ogeyn ooka dhacay P/Land?

Mudug (Caasimada Online) – Warka laga helaayo Magaalada Garowe, ayaa sheegaya in Ciidamo si aad u hubeysan kana tirsan isla Maamulka ay awood ku galeen Xarunta Telefishinka Puntland.

Goobjooge halkaasi ku sugnaa ayaa xaqiijiyay in Ciidamo badan oo dhar cad ah, kana tirsan Maamulka Puntland ay iminka gacanta ku hayaan Xarunta Telefeshinka.

Howlwadeenada Telefeshinka, ayaa la Tilmaamayaa in badankooda ay xiligaani joogan banaanka sare ee Telefeshinka, mana jiro wax war ah oo kasoo baxaayo Laamaha Ammaanka iyo Maamulka Puntland.

Dhanka kale, waxan weli la Ogeyn sababta ka dambeysay in Albaabada loo laabo Xarunta Telefeshinka ee goor dhow xooga lagula wareegay.

Caasimada Online

Xafiiska Mudug

[email protected]

Xog: Wasaaraddii GOODAX oo noqotay mid aan shaqeyn (Isku dhex yaaca DF)

Muqdisho (Caasimada Online– Ilo Xog-Ogaal ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia ayaa daboolka ka qaaday in isku dhex yaaca Nidaamka Dowlada Federaalka uu saameyn ku yeeshay Howlaha Xafiisyada qaar..

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre uusan heynin Maamulka Wasaaradiisa, waxaana la tilmaamayaa in Howsha loogu tallo Galay ay hayeen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xassan Sheekh iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab.

Illo wareedka ayaa sheegaya in Ruuxa loo magacaabayo Gobol uusoo maro Madaxweynaha, isla markaana Amarkiisa lagu bixiyo Xilka Gobolkaasi, halka Guddoomiye Degmeedyada uu Magacaabo Mungaab isagoona soo marsiin Wasiirka Arrimaha Gudaha xilalkana u dhiibo.

Dhowr jeer ayaa waxa ay arrintaasi Khilaaf ka dhex dhalisay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Gobolka iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha, kadib markii Wasiir Goodax uu Xassan Sheekh uga dacwooday inaan lasoo marsiin Gudoomiyayaasha Cusub, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Madaxweynaha uu ballan qaaday inuu wax kabadali doono.

Wasiir goodax ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan u gudbiyay dacwo ah in xilka uu haayo uu yahay mid uusan heynin shaqadiisa, waxa uuna tilmaamay in Guddoomiye Degmayayaasha aan lasoo marsiin, halka qaarna aysan ku dhicin Saxiixiisa, kana war helyay iyadoo la magacaabay.

Arrintaani ayaa waxa ay qeyb ka tahay faragalinada ka dhex taagan Xarumaha Dowlada Federaalka Somalia, waxa uuna noqonayaa mid inta badan kusoo laa-laabto Xarumaha Dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DF oo qorshe u degtay xildhibaannada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal oo ka tirsan xafiiska wasiirka amniga xukuumadda ayaa u sheegay Caasimada Online in wasiir Khaliif Axmed Irig uu ciidaan gaar ah u sameeyay xildhibaannada baarlamaanka kuwaasoo waardiyeeya kaddib markii sannadkan oo kaliya la dilay ilaa shan mudane.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in wasaaradda ammaanka xukuumadda ay qorshahaas hordhigtay wasaaradda gaashandhigga oo loo sheegay in ay soo dhiibto ciidan iyo hub la siiyo xildhibaannada baarlamaanka.

Xildhibaan kasta ayaa loo qoondeeyay ilaa seddax askari oo wata qoryaha fudud ee AK47 iyo rasaas ku filan siddaas waxaa noo sheegay ilaha warkan aan ka soo xiganay.

Arrintan ayaa daba socota markii shaley wasiirka ammaanka iyo guddiga amniga ee xildhibaannada baarlamaanka ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho iyagoona ka hadlay sida loo ilaalin karoo ammaanka mudanayaasha baarlamaanka.

Dhinaca kale, guddoomiye ku-xigeenka guddiga ammaanka ee baarlamaanka, Daahir Amiin Jeesow ayaa ka dhawaajiyay in wixii hadda ka dambeeya xildhibaannada baarlamaanka aaney socon doonin iyagoo wadanin ilaalo, wuxuuna sheegay xildhibaannada baarlamaanka in ay is-hubeyn doonin si ay isaga celiyaan kooxaha nabad diidka ah.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ku soo badanayay dilalka xildhibaannada waxaana ugu dambeyeya Sheekh Aadan Madeer oo ahaa guddoomiyihihii guddiga maaliyada ee baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

R/W C/WELI oo u jawaabay PUNTLAND!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed oo maanta ka qayb galay kulan dadku ay su’aalo ku waydiinayeen ayaa si aan faah faahsanayn uga jawaabay walaaca Puntland ay ka muujisay heshiiska mamul u samaynta gobaladda dhexe ee dalka.

”Heshiiskii maamul u samaynta gobollada dhexe ee Soomaaliya maahan mid wax u dhimaya maamulka Puntland oo walaac ka muujiyey heshiiskaas, waxuuna si cad u qeexay Madaxweynaha DFXasan Sheekh Maxamuud in heshiisku uu san wax u dhimayn deegaanada Puntland ay maamusho” ayuu yiri RW Cabdiwali

Balse waxa uu sheegay howshan ay wadaan inay tahay mid lagu damacsan yahay sidii mamul tayaysan loogu samayn lahaa saddex mamul ee Galgaduud iyo Galmudug ka jira.

“Sida aad ogtihiin gobollada dhexe waxaa ka jiray maamullo yar-yar oo aysan ka dhaxayn wada shaqayn, waxaana xukuumaddu samaysay guddi golaha wasiirrada ka tirsan oo wada xaajood la fura dhinacyadaas si loo mideeyo maamullada gobollada dhexe ka jira, waxaana rajo fiican ka qabnaa in dadka deegaanadaas dagan loo sameeyo maamul ay ku midaysan yihiin. Heshiiskii maamul u samaynta gobollada dhexe ee Soomaaliya maahan mid wax u dhimaya maamulka Puntland oo walaac ka muujiyey heshiiskaas, waxuuna si cad u qeexay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in heshiisku uu san wax u dhimayn deegaanada Puntland ay maamusho” ayuu yiri RW Cabdiwali.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali oo shir jaraa’id qabtay 31-july ayaa qaadacay go’aanka heshiiska ah ee lagu damacsan yahay in lagu mideeyo Mudug iyo Galgaduud kaasoo u arkay in Gobalka Mudug lagu kaxaysanayo.

Gaas sidoo kale wuxuu sheegay inay degdeg ah isaga soo baxaan xubnaha Puntland DF ugu jira si looga wada tashado arrimaha la isku hayo ee ay ugu horayso nidaamka federaalka.

Hadalka R/W Cabdi Weli ee maanta, ayaa muujinaya in dowladda aysan diyaar u ahayn inay wax wada hadal ah oo dambe ka gasho maamulkaasi, islamarkaana go’aankii lagu dhisay uu yahay mid aan ka noqosho lahayn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

[email protected]

Qarax xoogan oo Boosaaso ka dhacay & mas’uul sare oo lagu dilay + Magaca

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda naga soo gaaray Magaaladda Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari Puntland, ayaa sheegaya in Halkaasi uu goor dhow ka dhacay Qarax xoogan oo lala eegtay Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Maamulka.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu ku geeriyooday Taliyihii Booliiska Gobolka Bari Col C/raxmaan Cali Xuseen Muslim.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa waxaa la sheegayaa inay la geeriyoodeen Labo ka mid ah ilaaladiisa oo midkood uu ahaa Darawalkiisii, halka kan kalane uu kamid ahaa ilaaladiisa.

Qaraxa ayaa la Tilmaamayaa inuu ahaa Miino nooca rimuudka laga hago, waxaana la sheegayaa in halkaasi uu sidoo kale dhaawac kasoo gaaray dad iyagu goobta maraayay oo tiro ahaan la sheegay Seddex ruux.

Qaraxa Taliyaha lagu dilay ayaa waxa uu noqonayaa mid qalqal galiyay Taliyayaasha Laamaha Ammaanka, inkastoo xiligaani ay halkaasi ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka oo goobta xiray.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Kamaal iyo Geedi oo la kala wado labada madaxweyne ee laba maamul

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaray ilo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in Madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya ay isla ogolaatay in ay marka laga soo jeesto Maamulka lagu wado in maalmaha soo socda loo sameeyo Gobolada Galguduud iyo Mudug oo la is raaciyey, in la dardar gelin doono Maamul kale oo oo loo sameeynayo Gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan oo la isku af-gartay in la is-raaciyo.

Siyaasi ka mid ah xubnaha la socda qorshahan oo la hadlay Caasimada Online, waxa uu sheegay in qorshahani ay gadaal ka riixayaan Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa (UN) iyo Midowga Afrika (AU) oo diyaariyey dhaqaalihii ay ku bixin lahaayeen in qorshahaasi uu meelmar noqdo.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan inay madaxda DF ay qorsheynayaan in xilka Madaxweynenimada Maamulka Galguduud iyo Mudug loo dhiibayo Kamaal Guutaale oo ka mid ahaa xubnaha ku dhowdhow Madaxweyne Xassan Sheekh, horayna u hayey xilka Agaasimaha Madaxtooyadda balse markii dambe laga qaaday.

Waxaa kale, oo la sheegay in odayaasha iyo waxgaradka beesha Mudulood shir ay la yeesheen Madaxweyne Xassan Shiikh ay u gudbiyeen in R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi loo magacaabo Madaxweynaha Maamulka labada Gobol ee (Hiiraan iyo Sh/dhexe) , iyadoo Madaxweynuhu ka aqbalay, waxaana dhici karta inuu culeys ka yimaado beelaha dega Gobolka Hiiraan oo ku dooda in Gobolkoodu ka ballaaran yahay Sh/dhexe, ayna iyagu xaq u leeyihiin in ay hogaanka u qabtaan haddii ba Maamul loo sameynayo Goboladaas.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in si (Official) ah loogu dhawaaqo Magaca uu yeelanayo Maamulkaasi, waxaana hadda socda qaban qaabada qorshahan.

Waxgaradka Soomaalida qaarkood ayaa, waxa ay ictiqaadsan yihiin in durba ay Soomaalidu dha-dhamisay dhibaatada iyo xanuunka uu leeyahay Federaalka, waxaana qaar ka mid ah dadkaasi ay soo jeedinayaan si loo daba qabto rajada ummadda Soomaaliyeed oo hadda sii lib-dheysa in Soomaali meel kasta oo ay joogto ay diido nidaamkan Federaalka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Xiisad kacsan oo ka jirta Gedo iyo guddoomiyihii oo gaaray Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay gaareen wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobalka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil iyo ku-xigeenkiisa.

Wafdiga oo la socday diyaarad ka timid magaalada Muqdisho, ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaadaha Kismaayo sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Jubbooyinka.

Wafdiga ayaa markii ay ka soo dageen diyaaradii ay la socdeen waxay kulamo la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobalka Jubbooyinka, Cabdirashiid Gooni iyo guddoomiyaha dib u heshiisiinta beelaha deggan Jubbooyinka iyo Gedo, Cabdi Baaleey.

Wafdiga ayaa la sheegay in ay magaalada u yimaadeen siddii ay wada xaajood uu ula yeelan lahaayeen maamulka KMG ah ee Jubba.

Maxamed Cabdi Kaliil iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa la sheegay in ay kulamo la yeelan doonaan guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe iyo saraakiil ka tirsan maamulka Jubba.

Waa markii ugu horreysay oo guddoomiyaha gobalka Gedo uu gaaro Kismaayo tan iyo markii la sameeyay maamulka KMG ah ee Jubba oo ay ku mideesan yihiin Jubbooyinka iyo Gedo.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERA

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

 

‘’Musuq-maasuqa ka jira xafiiska Cabdi Weli, weli kama dhicin Soomaaliya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Caalimiin Omar Diiriye oo ka tirsan Aqoonyahaanada Somalia kana qeyb qaadanaayay barnaamid ka baxay  Idaacada SKY ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in Madaxda Dalka Somalia ay dhaqan ka dhigteen faragalin iyo Siyaasad xumi.

Waxa uu sheegay in Musuq xoogan uu ka jiro Xafiiska Ra’isulwasaare C/weli, wuxuuna Tilmaamay in kala dambeyn la’aan uu ka dhex jiro Xafiiskiisa, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Haddii xafiisyada Madaxda Dowladu ay ka jiraan maamul xumi iyo is dabamarin ma u maleynaayo inay hagaagi doonto xaalada dalka, waayo Ra’isulwasaare C/weli kuma dhaqmo sharciga’’

Sidoo kale, Caalimiin Omar Diiriye waxa uu daboolka ka qaaday in Xafiiska Ra’isulwasaaraha uusan laheyn Amni iyo kala dambeyn, isagoona tusaale usoo qaatay Seddex Agaasime oo muddo Todobo bilood uu ku sameeyay.

‘’Ra’isulwasaare C/weli isaga ayaa u baahan in wax laga baro nidaamka, waayo muddo Todobo bil gudaheeda ayuu waxa uu ku kala bedelay Seddex Agaasime, taasi waxa ay kamid tahay cadaalad la’aanta ka dhex jirto Xafiisyada Dowlada’’ Sidaa waxaa yiri Caalimiin Omar Diiriye oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dad la shaqo galiyo hadana aan lasiin mushaar.

Dhanka kale, Waxa uu ku taliyay in Madaxda dalka ay joojiyaan Musuqa iyo nidaam la’aanta si shacabka looga helo wadashaqeyn iyo ka qeyb qaadashada hanaanka lagu sugaayo Amaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]