30.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

‘’Musuq-maasuqa ka jira xafiiska Cabdi Weli, weli kama dhicin Soomaaliya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Caalimiin Omar Diiriye oo ka tirsan Aqoonyahaanada Somalia kana qeyb qaadanaayay barnaamid ka baxay  Idaacada SKY ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in Madaxda Dalka Somalia ay dhaqan ka dhigteen faragalin iyo Siyaasad xumi.

Waxa uu sheegay in Musuq xoogan uu ka jiro Xafiiska Ra’isulwasaare C/weli, wuxuuna Tilmaamay in kala dambeyn la’aan uu ka dhex jiro Xafiiskiisa, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Haddii xafiisyada Madaxda Dowladu ay ka jiraan maamul xumi iyo is dabamarin ma u maleynaayo inay hagaagi doonto xaalada dalka, waayo Ra’isulwasaare C/weli kuma dhaqmo sharciga’’

Sidoo kale, Caalimiin Omar Diiriye waxa uu daboolka ka qaaday in Xafiiska Ra’isulwasaaraha uusan laheyn Amni iyo kala dambeyn, isagoona tusaale usoo qaatay Seddex Agaasime oo muddo Todobo bilood uu ku sameeyay.

‘’Ra’isulwasaare C/weli isaga ayaa u baahan in wax laga baro nidaamka, waayo muddo Todobo bil gudaheeda ayuu waxa uu ku kala bedelay Seddex Agaasime, taasi waxa ay kamid tahay cadaalad la’aanta ka dhex jirto Xafiisyada Dowlada’’ Sidaa waxaa yiri Caalimiin Omar Diiriye oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dad la shaqo galiyo hadana aan lasiin mushaar.

Dhanka kale, Waxa uu ku taliyay in Madaxda dalka ay joojiyaan Musuqa iyo nidaam la’aanta si shacabka looga helo wadashaqeyn iyo ka qeyb qaadashada hanaanka lagu sugaayo Amaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

PUNTLAANEY IN LA ISFURO WAXAA KA HORREEYSA IN HOREY LA ISU QABAY!

“Facts do not cease to exist because they are ignored”- Aldous Huxley

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeenna Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Sida ciwaankaba laga dheehan karo, ee Mandiga iyo caliga saliimka ahiba lagu garankaro, xiriir inta aan la jarin waxaa ka horeeysa in horta xiriir horey u jirey. Gaar ahaan mid jaridiida lagu hanjabi karo ama lagu ribeeynkaro wuxuu imankaraa oo kaliya hadii mid wanaagsani horey ujirey, kaasoo qofka ama kooxda loogu ribeeynayo jaritaanka xiriirkaasi uu xanuun kuheynkaro. Wixii intaas kasoo haraahise waa iska huuhaa iyo dareenraadin (Attention seeking syndrome).

Sida ummadda Soomaaliyeed wada ogtahayba Maamul-Beeleedka Puntland wax xiriir ah oo Dowlada loowada dhanyahay ee Soomaaliyeed kala dhexeeyey haba yaraatee ma jirin. Madixii hore ee Maamulkaa C/Raxmaan Faroole ayaa hore usheegey in ay xiriirka u jareen ka Maamul-Beeleed ahaanDowlada loowada dhanyahay ee Soomaaliyeed taariikhdu markii eay aheyd August2, 2013.  Bal isweydii marka xiriirkan Cabdiweli Gaas uu hadda jarayo!

Waxaa sidoo kale jirtay in Maamul-Beeleedka Puntland uu 10-kii bishii August ee 2013-kii sida laga wada warqabo dib u celiyey Markab ay laheyd hey’ada Bisha Cas ee dalka Turkiga oo gar-gaar gaarayay 10-Kun oo Tan oo raashin macaawino ah, isuguna jirey Bariis iyo Bur, loona waday ummadda ku tabaaleeysan saddexda degmo ee: Isku-Shuban, Taleex iyo Galdogob, balse Maamul-Beeleedka Puntland uu celintaa ku sheegey in ay qeyb ka tahay dagaalka siyaasadeed ee kala dhexeeya Dowlada loo wada dhanyahay ee Ummada Soomaaliyeed, arintaasoo afhayeenka Maamul-Beeleedka Khaatumo: Suleymaan Xaaji Maxamed Samatar oo wareeysi siiyey VOA-da uu aad uga dhiidhiyey, sheegeyna in  dhammaan Maamullada ay khuseeyso arintan hore ula wada socdeen, oo horey loogu wadasheegey, balse Maamul-Beeleedka Puntland uu ka doorbisey in uu siyaasadeeyo Raashinkaa u socdey ummaddaa aadka ugu baahneyd, si ay ugu tooxsadaan Dowlada Dhexe. Waxaase si dadnimo leh usoo dhaweeyey ugana faa’ideeystey Maamul-Beeleedka kalee Somaliland. Hadii xiriirku sidaa awalba u go’sanaa, oo waliba sidaa hore ugu dhaqmayeen, bal xiriirkan hadda Cabdiweli Gaas jarayo waxa uu yahay adigu mallayaabtey!

Dhinaca kale; markii eey maasiibada Rabbaaniga ahi ku habsatey deegaannada Maamul-Beeleedka Puntland ka arimiyo bilihii Oktoobar iyo Nofeembar ee sanadkii 2013-kii ayaa dowlada loo wada dhanyahay ee Soomaaliyeed ugu deeqdey dadkaa Soomaaliyeed ee dabaaleeysan 1-Million oo Doolarka Mareeykanka ah, Nasiibdarrise! Iyagoo is leh muujiya in wax xiriir ah aanu idinkala dhaxeyn ayaa Maamul-Beeleedka Puntland waxeey ka sariigan waayeen in eey yiraahdaan “Lacagta eey inoogu deeqdey Dowlada loo wada dhanyahay ee Soomaaliyeed waan qaadaneeynaa, balse in aan deegaanka Maamul-Beeleedka kusoo dhaweyno diyaar uma dhihin!”. Bal markale is weeydii xiriirka hore u jirey ee uu malaha Cabdiweli Gaas sooceliyey ee uu maanta jaridiisa uu ummada ku indho-sarcaadinayo!

Sida Soomaalidu ka wada warqabto Maamul-Beeleedka Puntland markii uu Faroole horjoogaha ka ahaa wuxuu arintii ku saabsaneyd Maamulka-Ku-Meelgaarka ah ee Jubba ee maleeshiyo Beeleedka Raaskami xooga ku heeysteen, ay u rogeen arin “Beeli” uga soo horjeedo “Beel kale”. Waa kan Faroole safarro iyo gulfis colaad qabyaaladeed  meelo badan ku kala bixiyey, illaa uu gaarey Jigjigada Galinka 5-aad, isagoo Cilladhaan colaad qabiil hurinaya. Maamul-Beeleedka Puntland meelkasta ayey Buunka uqaateen, iyagoo ku hadlaya magaca Koox-Beeleedkii fidno-wadayaasha ahaa ee SAHAL ee yiri waawareey iyo ereyadii taariikhda madoow galay ee “Hallow Garowe, Hallow Kismaayo, Hallow Jigjiga”. Marka hadii xaalku sidaa ahaa bal xiriirkan hadda uu Cabduweli Gaas jarayo soow khayaali iyo halagaa sheego ma aha!

Dastuurku waxa uu oggolyahay in 2-Gobol iyo wixii ka badan ay wax isku darsan karaan, marka maxaa laga uriyay haddii ay Galgaduud iyo Mudug is raaceen,? Horaan qormooyin uga sameeyey arintan Nidaam-Beeleedka iyo Mashaakilkiisa. Qormooyinkaa waxaa ka mid ahaa “MAAMUL-BEELEEDYADU WAA SIRIQDA SOOMAALI LOOSII MILQAY!”, iyo midkaloo Iyana ciwaankeedu ahaa “Federaal, Dowlad-Goboleedyo iyo Qabyo-Qoraaloow dantee la idinka lahaa?”

Hadaanse dib idiin wada xusuusiyo sababta asalka ah ee Maamul-Beeleedka Puntland ay uqoonsadeen dowladan loo wada dhanyahay ee uu Madaxweynaha kayahay mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa  waxeey aheyd in Jagada Ra’isulwasaarenimo ee dowladan dhexe loo magacaabay aqoonyahan ah “Reer Gedo” oo sida ay isku qanciyeen siyaasiyiinta “Beesha Garawe” ee Maamul-Beeleedka Puntland cid aan iyaga aheyn aan loo magacaabi karin. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuudse arintaa dulmiga iyo sadbursiga cad ah, wax jixinjix iyo jileec ah kama aanu muujine xaqiisa dastuuriga ah ayuu si dadnimo iyo damiir-wanaag ah ugutey, maadaama jagadaasi ay tahay oo kaliya in uu u magacaabo shaqsi kasoo jeeda uun “Magacaa Guud”, sida saami-Beeleedka Soomaali xalka mooday yahayba, waliba intaa kuma aanu ekeeyne waxaaba uu sifudud ugu darey mar labaadkii, oo uu soo magacaabay Ra’isulwasaare kaloo “Reer Gedo” ah, taasoo nasiibwanaag! Si rasmi ah gabi’ahaanba meesha uga saartey, in hal beel oo kaliya la gooninoqoto saami beelo badani ay “Magacaa Guud” darteed wax uga leeyihiin, tahayna in markooda loo magacaabo, ama la wareejiyoba. Maamul-Beeleedka Puntland sikastuu dhulka isugu rafiyey, boor iyo qiiq, buuq iyo qeeylo isugu darayba, Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud iyo Dowlada loo wada dhanyahay ee Soomaaliyeed ee uu garwadeenka ka yahayba dhag-jalaq uma aaneey siin, waxeeyna aheyd wax aanu Maamul-Beeleedka Puntland uga baran dowladii  loowada dhamaa ee Soomaaliyeed ee Madaxweynaha uu ka ahaa Sh.Shariif Sh. Axmed, taaso ku maslixi jirtey in sida Maamul-Beeleedka Puntland ay rabaan looyeelo, waliba dhaqaale mug leh fadhiga loogu geeyo, Cimaamad inta madaxa loosaarana, xaal qaata lasoo yiraahdo. Magacaabistaa labada mar ah waxeey meel xun sii gaarsiisey iscuncunkii iyo ganuunicii Maamul-Beeleedka Puntland. Dhinaca kalase aad baa Soomaali badani ugu wada riyaaqeen, maxaa yeeley magacaabista shaqsiga aan ku xirneyn Maamul-Beeleed tolkii leeyihiin, deegaanka uu kasoo jeedaahina burburka kala simanyahay Soomaali inteeda kale, waxeey u badantahay in danta guud uu ka shaqeeyo, oo sidii hore u dhicijirteyba aanu danta Maamul-Beeleedkooda ka hormarinin tan guud ee Qaranka ee  Ummada Soomaaliyeed oo dhami ka wada dhaxeeysa, waxaanna rajeeyneeynaa in taasi aan waxba laga badlin.

Waxaase Jagadaa Ra’isulwazaarenimo oo ay Maamul-Beeleedka Puntland ee reer Garowe dowladan loo wada dhanyahay kawaayeen u wehliyey in Sad-Bursi badan oo awal  ay si joogto ah Dowlada uga helijireen, oo iyaga uun gooni iyo gaar u ahaa la laalay, oo meesha laga saaray sida: Dhaqaale mug leh, Deeqo waxbarasho oo ugaar ah, tababarro ciidan, mashaariic horumarineed oo waaweyn oo u gooni ahaa, qalabka culus ee dhismaha wadooyinka waaweyn, garoomada, dekedaha IWM, iyo ugu dambeyn in gabi ahaanba dowlada dhexe iyadoo gacmo xiran la hoosgeeyo Maamul-Beeleedka Puntland, kadibna tallaabo aaneey raali ka aheynba aaneey dowladu qaadin, taasoo Madaxweyne Xassan si dadnimo leh uga dhiidhiyey, oo iska diidey in uu siiyo wax mudnaan gaar ah oo Maamul-Beeleedyada kale aaney helinna. Waxaad si dhab ah uga bogankartaa arimahan Sad-Bursiga ku saabsan ee Maamul-Beeleedka Puntland caadada u aheyn, balse hadda uu la’yahay, ileyn Dhurwaa latag u bartey , dhigtu waa dhibtaaye, qormadeeydii ciwaankeedu ahaa “NIN AAD TAQAAN YAA TAHAY LAMA YIRAAH: DOORASHADII DR. CABDIWELI MAXAMED CALI GAAS EE PUNTLAND”.

Sida Soomaalidu kawada warqabto horjoogaha Maamul-Beeleedka Puntland: Cabdiweli Gaas wuxuu ahaa Ninkii Dastuur-Ku-Sheegan lasoo dhoodhoobey horboodayey, oo in badan oo ka mid ahi Maamul-Beeleedka Puntland uu ku darsadey sida: Shaki galintii Caasimada Qaranka ee Muqdisho, sida daciifinta awooda dastuuriga ah ee Dowlada Dhexe iyo waliba dhinaca kalena xoojinta Maamul-Beeleedyada-Maadaama Puntland ahaa maamulka ugu tunka weynaa- Iyadoo ugu dambeyn dowladaba laga dhigey “Isutagga Maamul-Beeleedyada “. Waxaa dabcan sidoo kale Dastuur-Ku-Sheegaa wax badan ku darsadey heey’ado Gaalo, sida: Qodobadii Diinta ku saabsanaa ee laga badaley dastuurkii Ummada ee 60-kii. Bal kawaran! Hadii sidan uu dhahayo Dastuurka-ku-Sheegan Qabyada ah ee Cusub: Shuruudaha Madaxweynaha kuma jirto in uu ahaado Muslim.

Waxaa kaloo waxbadan laga badaley qaabka eey u qornaayeen Diinta Rasmiga ah ee Dalka, iyo ku dhexfaafinta Dalka Diimaha kale IWM, illaa Hey’ada Culimada Soomaaliyeed eey Bayaan kasoo saareen taariikhda markii ay ku beegneyd: 09/04/2012 iyagoo af labadii qeeylinaya, ummadana uga digayaa Dastuur-Ku-Sheega. Ugu dambeyntiina waxaa qeeybtooda ku darsadey Dowladaha Dariska gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya sida: Qeeybaha xuduuda Dalka oo buuq badani uu ka dhashey, Jinsiyad qaadashada oo laga dhigey ku dhalashada dalka oo kaliya ama joogista mudo Shan sano ah, iyada oo aan xoogga la saarin in waalidka cunugaa Soomaali wada yihiin. Waxeeyna dowladaha dariska sidaa u yeeleen, madaama Jawaasiistoodu 24+sano ku dhex milmeen Soomaalida, kawada guursadeen, kuna ilmo dhaleen dalka, Qabaa’illada iyo luqadana barteen. Iyagoo kuwa waqooyi joogana si isweeydaaris iyo jahwareerin ah ay Reer Koofur ugu Abtirsadaan, halka kuwa Koofurta joogana Reer Waqooyi ugu Abtirsadaan. Dastuur-Ku-Sheegan Waxaa sidoo kale aad uga digey Aqoonyahanka Soomaaliyeed talo bixin farabadanna ka biyey. Arinta Muhiimka ahise waxeey tahay in Gudigii Madaxa bannaanaa ee Dib-u-Eegista Dastuur-ku-sheegan oo xaqa u lahaa in eey badalaan wixii eey u arkaan in la badalo, ayaa qodobadii ay ka mid ahaayeen kuwii Caasimada qaranka ee Muqdisho shakiga lagu galiyey si sax ah u badalay, waxeeyna arintani ka midtahay waxa jaray xiriirkii Maamul-Beeledka Puntland iyo Dowlada loo wada dhanyahay ee Soomaaliyeed.

GUNAANAD

Sida kor aan kusoo cadeeyneyba xiriir jirey oo hadda Maamul-Beeleedka Puntland uu jarayo haba yaraatee ma jiro, balse ula jeedo kalaa meesha ku jirta, oo ah in Dowlada loo wada dhanyahay ee Soomaaliyeed iyo waliba Beesha Caalamku kusoo maslaxaan Maamul-Beeleedka Puntland, fashilinta Maamulka Gobollada Dhexe laga dhisi rabo, arintanoo ah arinta ugu muhiimsan boor isku qarintan, iyo in Dowlada Dhexe ogolaato siyaasadii uu Madaxweyne horee Sh.Shariif uu ogolaadey ee aheyd “Teydana Gaar U Lihi, Taadana Kula Lihi” ama sida Soomaaliduba turaahdo, “Teeyda Dhigid, Taadana Dhamid, Waa Dhabiil Gaabi” ,  tanoo eey la jirto dib ugu soo celinta “Reer Garowe” Jagada Ra’isulwazaarenimo iyo waliba Sad-Bursigii caadada u ahaa. Dowlada dhexese waxaa marka looga baahanyahay, in ay dhagaha ka fureeysato, oo aaneey ujoojinin, balse waxaa laga cabsi qabaa in sidii Madaxweynihii horee Sh. Shariif Sh. Axmed isudhiibey sandkiisii ugu dambeeyey, maadaama in dib loosoo doorto uu ku hamminayey, Nasiibdarana! Maamul-Beeleedka Puntland ay sidaa wixii ay doonaanba uga sameeysteen oo kale, in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuudna sidoo kale hadda isu dhiibo, maadaama doorashooyinkii 2016-ka lasii hadal hayo, balse aan aragno in dowlada dhexe Moos noqoto iyo in ay sidii awalba eey meesha Maamul-Beeleedkani mudanyahay udhigeen faraha uga qaadaan. Wabillaahi Toowfiiq

C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

Maamule ku xigeen ahna Bare Jaamacadeed, Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha

Al-Madinah International University, Malaysia

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Madaxda SOMALIA jagooyinka ma soo xadeen? (C/Weli oo is-miidaaminaya)

MADAXDA DALKA JAGOOYINKA MA SOO XADEEN?

Waxaa jira hal-ku-dheg ah ”gurbaanki la soo xado goob lagu tumow rabaa” waxaa la mid ah nin shaati soo xaday meeshuu ku gashan lahaa aa la rabaa!!!

Madaxda dowladda Somaliya sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo R/Wasaaraha waxay u dhaqan egyihiin niman jagooyinka ay hayaan soo xaday oon marna isticmaali karin ama aan  gasha karin shaarka ay huwan yihiin oo xambaarsan awoodo aysan dareensaneyn ama ay ka baqayaan inay ka muuqdaan saaxadda siyaasadda.  Midkoodna ma isticmaali karo mana adeegsan karo awoodda dustuuriga ah  ee sharcigu u fasaxayo.  Ninki laga cabsan lahaa haddii isagu cabsado xagee nabad iyo degganaan ka imaan kartaa?

Waxaa la gaaray heer ay hal-ku-dheg naqato qofki raba jago sare in loo magacaabo waa inuu dowladda ka horjeestaa, una gefaa Madaxweynaha, howlaha dalka ka socdana la carqaladeeyo, qof walibana uu sheegto awood uusan lahayn isagoo ku handadaaya dowladda inuu dagaal soo qaadi doono..Sidi ninkii ku hanjabay  inuu dagaal qaadi doono haddii aan la soo celin hubki laga soo bixiyay garaashki Cusmaan Caato oo uu tolkiisu lahaa..balaan sugno tallaabada uu ka qaado Wasiirka Amniga Khaliif Ereg arrintaan oo aad moodo inay si gooni u khuseyso.

R/Wasaare Cabdiweli wuxuu ku kacay (political suicide) kaddib  markuu C/weli Gaas oo u hadlay, sidi dowlad dal gooni ah deggan, inuu hambalyo u diro..waana arrin aad u dhaawaceysa xushamada jagada uu ku fadhiyo ee  R/wasaaraha.

Ilaa iyo hadda dowladda wax jawaab ah kama soo bixin, reer Puntlandana waa fuliyeen ammarki  madaxweynahooda..su’aasha waxay tahay Madaxweynaha dalka ma wuxuu diri doonaa R/Wasaare Cabdiweli si ugu hoydo C/weli Gaas uu jilbaha qabsado, wuxuu weydiistana la siiyo si loo soo celiyo dadka Xamar ka baxay.

Waxaa fiicnaan lahayd inay Madaxda dowladdu akhriso talooyinka uu soo jeediyay qoraa la yiraahdo Cali Karaama maqaalkiisa GARO CADAWGA SOMALIYA oo ku taliyay in tallaabo deg-deg ah laga qaado go’aanka Puntland, kuwi Xamar ka baxayna aan dib dambe loogu oggolaan inay ku soo laabtaan jagooyinka ay haayeen, dowladduna ay isticmaasho (iron fist) dharbaaxo bir ah si ay ugu cibrad qaataan kuwa ku fikiraaya inay u dhaqmaan sida Gaas oo kale.

Dalku wuxuu u baahan yahay dowlad adag oo isku kalsoon, howsha loo xilsaaray ee maamulka dalkana aysan cidna uga raadsan raalli gareyn.sahrciga u degsan dalka waa in lagu dhaqmaa oo qof waliba la marsiiyaa meesha ay mudan tahay marka ay gef gasho.  Cabdiweli Gaas waa in la dareensiiyaa inuu yahay guddoomiye gobol oo hoos yimaada dowladda dhexe ee ma ahan waxa uu ismoodo oo ah boqor qayb dalkan ka mida isagu gooini u leeyahay.  Kuwa ku siinaya garabkana isaga lagala mid dhigo oo la marsiiyo meesha ay mudan yihiin.  Dowlad noocaas ah dalka ma ka jirtaa?

Madaxweyne Xasan Sheikh waa nin aad u nasiib daran wuxuuna ku soo beegmay xilli aan dalka lagu arag hal qof oo dareen wadaninnimo ku jirto…qof walibana ceebaha iyo cilladaha uu leeyahay wuxuu u nisbeeyaa inuu Madaxweynaha isaga la mid yahay.

wuxuu la mid yahay nin madax u ah qoys tira badan oo wada inkaaran.  Midka tuuga ah wuxuu ku leeyahay madaxa dalka waa tuug, kan waalan ee dharka dhigtay wuxuu aaminsan yahay in Madaxweynuhu asaga oo kale yahay..kan dadka dila wuxuu ku leeyahay Madaxweynaha ayaa u sababa…waa yaabe yaa ummaddaan u tali doona?  Waxay u baahan yihiin qof adadag oo gacan bir ah ku qabta oon wax naxariis ah lahayn…dalkana ka tirtira inta xumaanta horseeda oo loo wada jeedo haddii indhaha ay wax arkaan.  Madaxda gobollada waa in loo dhibaa dad yaqaanna etiket, borotokool, ixtiraamka iyo xushmadda ay mudan yihiin dadka madaxda ah lledahay dowladnimadu. Madaxweyne Xasan Sheikh waa nin xishooda oo yaqaanna borotokoolka, qofna aan ku xad-gudbin..taasoo dadka qaar aysan fahmi karin qiimaha ay leedahay.

W/Q: Axmad Calasow

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Tarsan oo sheegay in DF SOOMAALIYA ay bur-bur aan caadi aheyn ku socoto

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo qoraalo kusoo daabacay Beejka uu baraha Bulshada ku leeyahay, ayaa waxa uu uga hadlay Amni darida ka taagan Magaalada Muqdisho.

Tarsan waxa uu sheegay in Ammaanka Magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxaayo, islamarkaana ay Dowladu ka caajisan tahay xaqiijinta Ammaanka.

Tarsan oo ka walaacsan Amni darida ka jirta Muqdisho iyo dilalka lala beegsanaayo Madaxda Dowlada, ayaa waxa uu sheegay in taasi ay muujineyso inuu bilowday Bur-burka Qaranimo ee Somalia.

Qeyb kamid ah qoraalka Tarsan uu kusoo daabacay Faceboogiisa ayaa waxa uu ku yiri ‘’Waa bilowgii burburka Qaranimo ee Somalia inta ka horeysana hadaan deg deg wax looga bedelin xaalku sidaa ma sii ahaan doono’’

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), waxa uu qoraalkiisa ku muujinayaa in Dowlada Federaalka Somalia ay marti galineyso burbur hor leh oo ka dhalanaaya Amaan darida.

Tan iyo markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Tarsan, ayaa waxa uu qoraalo dhiirigalin iyo kuwo dhaliil isugu jiro kusoo daabacaayay Faceboogiisa, wallow inta badan uu aad uga hadlo Ammaanka iyo xasil darida.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

“PUNTLAND ma diiddana maamulka ee waxay diidan tahay DEKEDDA HOBYO”

Muqdisho (Caasimada Onine) – Dr. Burhaan Cali Faarax oo ka mid ah ergadii ka qeybgashay shirkii lagu go’aamiyey in Gobolada Galguduud iyo Mudug loo sameeyo Maamul, ayaa sheegay in qeyla-dhaanta ka soo yeertay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Gaas in aysan ka niyad jabin doonin ka mira dhalintooda in Goboladaasi ay maamul yeeshaan.

“Puntland waxa ay diidan tahay ma ahan maamulka meesha ka soo baxay, ee waxey diidan tahay Dekadda Hobyo ka furmeysa. Puntland waxey afduub ku haysataa ganacsiga Gobolada dhexe iyo Gobolada Bartamaha Soomaaliya, haddii la furo Dekadda Hobyo waxaas oo idil meesha waa ay ka baxayaan” Ayuu yiri Burhaan.

Waxa uu intaasi sii raaciyey in shacabka ku dhaqan Galguduud iyo Mudug iyo waxgaradkooda looga baahan yahay in ay fahmaan in dantoodu ku jirto in ay helaan nabad iyo nolol, si himiladaasi loo gaarana ay lagama maarmaan tahay in ay si wadajir ah ay wax wada qabsadaan.

“Puntland waxaa muuqata in ay ka shaqeynayaan tooda oo keliya, ayna doonayaan in ay Dekadaha Boosaaso iyo Kismaayo keliya ay shaqeeyaan. Iyaga ayaa markii hore dadka ku sanduleynayey in ay qaataan Federaal, aakhirkii waxaa soo bixi doonto in ay dhahaan Federaal ma rabno, sababtu waxeey tahay; adigu waxaad dooneysaa in aad isku darsato wixii aad xaqa u laheyd iyo wax aadan xaq u laheyn, haddii ay Soomaalinimadu dhab kaa tahay waa inaad walaalkaa kale u quurtaa waxa aad naftaada la jeceshahay” Ayuu yiri Burhaan.

Waxa kale oo sheegay in ilaa intii la aasaasay Puntland in 70% (Boqolkiiba toddobaatan) dhaqaalaha Puntland soo gala inuu ka yimaado Ganacsiga badda ee kaga yimaada dhanka Gobolada Koofurta, haddii Dekadda Hobyo la furo waxaa dhaceysa in Ganacsigaasi uu daciifo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Beelaha MAJEERTEEN iyo ABSAME oo Xasan dibad-bax ugu diyaarinaya USA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaray Magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in dadka kasoo jeeda beelaha Absame iyo Majeerteen ee degan ay wadaan Abaabul Banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo oo halkaasi ku sugan.

Madaxweyne Xassan oo Dalka Mareykanka uga qeybgalaayo Shir ay isku arkayaan Dowladaha Africa oo uu marti galiyay Madaxweynaha Dalkaasi Barack Obama, ayaa waxaa ka soo horjeeda labadan beel oo iyagu u arka In Xassan uu gabay Siyaasadii lagu hagi lahaa Dalka Somalia, oo ay ayaga jeclaayeen.

Dadka wada Banaanbaxa ayaa waxa ay tilmaameen in Ujeedka Banaanbaxa uu yahay mid Salka ku haayo diidmada iyo ka gaabinta Dowlada Federaalka ay ka gaabineyso inay dalka si wanaagsan u hogaamiso.

Si kastaba, dadka Soomaaliyeed badankood, ayaa isu diyaarinaya inay soo dhoweeyaan madaxweynaha, waxayna sheegeen in banaanbaxa ka dhanka ah uu yahay mis qabyaaladeysan, oo labadan beel markii horeba ay ku caan baxeen..

Banaanbaxayaasha qaarkood ayaa ka imaaday wadamo ay kamid yihiin Canada si ay u muujiyaan ka hor imaanshaha Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la tilmaamayaa in xiligaani Magaalada Minneapolis ay isku aruursanayaan gudiyada loo xilsaaray Banaanbaxa.

Dhanka kale, Magaalada Minneapolis ayaa waxaa laga dareemayaa Siyaasado kacsan, waxaana jiro Banaanbaxyo kale oo lagu Taageeraayo Madaxweyne Xassan iyo Wafdigiisa kaasi oo uu wado Danjiraha Dowlada u fadhiyo Dalkaasi Mareykanka.

 Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa xalay MUQDISHO ka dhacay oo aadan Ogeyn? (Wax-badan ka Ogow)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu 1:30 Saqdii dhexe habeennimo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Garaash ku yaalla inta u dhexeysa Isgooyska Debka iyo Bakaaraha, gaar ahaan Garaash ku yaalla meel aan sidaa uga fogeyn Shaleemo Hodan oo ku dhow dhagax tuur.

Garaashka ayaa waxaa la Tilmaamayaa in lagu xareeyay Gaari miineysnaa oo la doonaayay in lagu fuliyo Weerar Ismiidaamin ah, balse nasiib daro uu gaariga Qarxay intii aan weerarka lagu fulin.

Qaraxa gaariga ma geysan wax khasaaro nafeed ah, markii laga reebo Khasaaro soo gaaray gawaari badan oo ku xareysnaa Garaashka, iyadoona ay Wakhti dambe ay halkaasi gaaren Ciidamada Degmada oo meesha ka kaxeeyay Shaqaalaha Garaashka oo iyagu la sheegay inay wax kala socdeen Qaraxa iyo gaariga miineysnaa.

Saraakiisha Ammaanka Degmada waxa ay sheegen in Qaraxa uusan geysan Khasaaro, waxa ayna Tilmaamen inay baaritaano ku sameyn doonaan Milkiilaha iyo shaqaalaha Garaashka kadib ay warbaahinta usoo gudbin doonaan.

Ma aha markii ugu horeysay oo garaash ku yaalla Magaalada Muqdisho uu ku dhex qarxo gaari lala damacsan yahay weerar Ismiidaamin ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay & ka dageen wafdi culus oo gaaray

Baydhabo (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen wafdi isku dhaf ah oo ka tirsan saxiixayaasha maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Wafdiga oo ka kooban 34-xubnood ayaa ka amababaxay magaalada Muqdisho waxaana hoggaaminaya madaxweynaha maamulka seddaxda gobal iyo wasiirkii hore ee ammaanka maamulka lixda gobal Cabdifataax Cali Geeseey.

Wafdiga ayaa ka hor inta aaney Baydhabo gaarin waxaa lagu soo warramayaa in ammaanka magaalada aad loo adkeeyay waxaana meel kasta kusugnaa ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM sidda uu soo sheegay wariye Caasimada Online u jooga magaalada.

Xaalada magaalada ayaa deggan in kastoo magaalada laga dareemay wafdiga immaanaya ee ka yimid magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayey ahayd markii madaxda dowladda iyo wakiilo ka socda beesha caalamka ay ka qeybgaleen heshiis lagu mideenaayay maamulada koonfur galbeed ee dalka, in kastoo weli uu jirro guux iyo mucaaradad ka dhan ah heshiiskaas ay garwadeenka ka ahayd dowladda.

Magaalada Baydhabo waxaa horrey u joogay madaxweynaha maamulka lixda gobal ee Madoobe Nuunow oo ka soo horjeestay heshiiska lagu mideeyay lixda iyo seddaxda maamul.

Wafdiga inta aaney ka soo ambabixin Muqdisho waxaa xaflad sagootin xaley u sameeyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda oo aad ugu ololeenaayay in uu la sameeyo maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

 

Warbixin: Maxaad kala soctaa qilaafka siyaasadeed ee ka taagan Sh/Dhexe?

Muqdisho (Caasimada Online)– Warka laga helaayo Gobalka Shabeelada Dhexe, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka taagan yahay Maamulka G/Sh/Dhexe kaasi oo ka dhashay isbedel lagu wado in halkaasi laga sameeyo.

Wararku waxa ay tilmaamayaan in Khilaafka uu ka dhashay xil ka qaadis lala damacsan yahay Guddoomiyaha G/Sh/Dhexe Cabdi Jiinow Calasoow, waxaana la sheegayaa in Jiinow uu ka biyo diidan yahay inuu xilkaasi wareejiyo.

Jiinow waxa uu ku adkeysanayaa in Xilka Gobolka uusan xiligaani wareejin doonin waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Wareegtada lagu magacaabay Guddoomiyaha lagu bedelaayo Jiinow ay soo baxday, balse laga cabsanaayo in arrinta ay faraha kasii baxdo, waa haddii aan la xalin arinta Khilaafka.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxa uu isagu Cabdi Jiinoow ku wargaliyay in xil ka qaadis lagu sameynaayo, islamarkaana Booskaasi loo magacaabi doono Axmed Mayre Makaraan ‘’Axmed Faal’’ oo horay u ahaa Guddoomiyaha Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Xassan Sheekh ayaa waxa uu Magaalada Muqdisho ugu yeeray Eng Cabdi Joonow Calasoow si xal looga gaaro diidmada uu ka muujinaayo Jiinow in xilka Gobolkaasi laga qaado, inkastoo ay wararku sheegayaan in Jiinow uu ka biyo diiday in xilka laga qaado loo magacaabo Axmed Faal.

Guddoomiyaha lagu wado in lagu bedelo Eng Cabdi Jiinow oo lagu magacaabo Axmed Faal, ayaa waxa uu u dhashay Beesha Maxamed Muuse wacbuudhan abgaal, waxaana loo arkay inuu buuxin karo Booska loo magacaabayo, sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Madaxtooyada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Affeey oo kasii carresyiiyey PUNTLAND

Nairobi (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ee Urur-gobaleedka IGAD ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Danjire Mohamed Abdi Afey ayaa mid sax oo sharci ah ku tilmaamay Maamulka Mideysan ee Bartamaha Somalia ee dhowaan lagu go’aamiyey Villa Somalia.

War Saxaafadeed uu Ergaygu ka soo saaray Magaalladda Addis Abeba ayaa waxa uu ugu hambalyeeyey Dowladda Federalka Somalia kaalinta hoggamineed ee ay ka qaadatay sidii Kooxaha saxiixay Heshiiskaasi loogu dhiirigelin lahaa Dhismaha Maamulka mIdeysan ee Bartamaha Somalia.

Ergayga oo isagu ka mid ah Diplomaasiyiintii lagu casuumay Saxiixa Heshiiskaasi oo maanlintii Arbacadda ee la soo dhaafay lagu saxiixay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa ku booriyey dhinacyaddii saxiixay inay si mas’uuliyad iyo nabad xambaarsan u dhisaan Dowlad-gobaleedka Bartamaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay IGAD sii wadayaan taageeradda socda ee Dowladda Federalka ku hubaal gelinayso taabagelinta Nidaamka Federalka iyo kaalinta Dowladda Federalka ee Dhismaha Maamulka cusub ee Goballadda Bartamaha Somalia.

Waxa uu sheegay in cid diidi kartaa maamulkaasi aysan jirin, ciddii ay doontaba ha ahaatee, ciddii diidana loo aqoonsanayo qas-wade.

Ogolaanshaha maamulkaasi ee Affey, Nicholas Kay iyo Midowga Yurub iyo Mareykanka, ayaa ka dhiggan in maamulkaasi sharci yahay, cid ka hor imaan kartaana aysan jirin.

Hadalka Affey, ayaa kasii carreysiinaya maamulka Puntland oo heshiiskaasi, si aad ah uga hor-yimid, ayaga oo sheeganaya gobolka Mudug, inkasta oo deegaan ahaan looga badan yahay.

Affeey iyo Puntland, ayaa muddo ahaa xulufo beeleed, hase yeeshee ma cadda sida iminka xaalkooda noqon doono.

Dowladda Federalka ayaa laga dhowrayaa inay horumar ka samayso dhinaca ballaarinta Maamulka Federalka si loo gaaro Qorshaha Tubta Hiigsiga sannadka 2016-ka ee la doonayo in la qabto Doorasho madax-bannaan, dhiusmaha Dowlad Soomaliyeed oo mideysan, oo xoog leh, sugi kartana Midnimadda Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska  Muqdisho

[email protected]

Maraykanka oo uu ka furmaayo shir ay ka qeyb galayaan madaxda Africa

Washington DC (Caasimada Online) – Magaalada Washington DC ee xarunta dalkan Maraykanka waxaa maanta oo Isniin ah ka furmi doona shirweyne ballaaran oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 50 hoggaamiye oo Africa ka socda.

Shirkan waa kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale, waxaana in la qabto ka dambeeyay madaxweynaha Maraykanka Brack Obama oo horrey u sheegay in uu u xoojin doono xiriirka uu la lee yahay Afrika.

Shirkan oo socon doono muddo seddax cisho ah, waxaa dowladda Maraykanka ay ku soo bandhigi doontaa mashaariic ka badan Hal Bilyan oo dollar taasoo la rabo in lagu hormariyo arrimo ay ka mid tahay Tamarta, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Madaxda ka qeybgalaya shirka ee la socda wafdigiisa waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaacil Cumar.

Haddaba dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in shirkan uusan jawaab u ahayn mashaariicda dowladda Shiinaha ay ka wado Afrika.

Cabdi Ismaacil Samatar waa Professor wax ka dhiga Jaamacad Minnesota ku taalla, isla markaana wax ka qora arrimaha Afrika, wuxuu BBC u sheegay in shirkan madaxda Afrika ka socota aaney waxbo ka faa’idi doonin isla markaana wax yaabaha looga hadlaayo ay dowladda Maraykanka horrey u soo diyaarsatay oo aaney Afrikanka waxbo la tagi doonin.

Wuxuu sheegay oo kale in uusan filineynin madaxda Soomaalida in shirkaas ay la tagaan ajandayaal sax ah marka laga reebo in ay rabaan in ay isku sawiraan madaxweyne Obama.

Prof Samatar ayaa tilmaamay in madaxda dowladda Soomaaliya aaney horey uga faa’ideesan shir ka dhacay magaalada Devos.

Isku soo duub la arki doonee wax yaabaha madaxda Afrika ay la tagaan shirkan oo seddax cisho socon doona.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

 

Beelo Xasan Sh ku dacweeyey Obama

Minnaosta (Caasimada Online) – Dalka Maraykanka waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ay ka qeybgali doona shirka Afrika iyo Maraykanka kaasoo maanta ka furmaya Washington DC.

Haddaba waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaar ka mid ah beelaha Soomaalida, gaar ahaan kuwa reer Puntland ee ku dhaqan dalkaas ay dacwado ka gudbiyeen madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dacwadahaas la hordhigay madaxweyne Obama iyo Congaress-ka dalka Maraykanka sidaas waxaa yiri Cabdullaahi Cabdicasiis oo ka mid ah qaban –qaabiyaasha bannaan bax looga soo horjeedo hoggaamiyaha Soomaaliya.

Ninkan oo la hadlay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne iyo Congaresska dalka Maraykanka ay u sheegeen in madaxweynaha Soomaaliya uu yahay nin dambiile dagaal ah isla markaana uu awooda u is-ticmaalay arrimo qabiil sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale in maalinta Isniinta ee soo socota uu dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweynaha in uu ka dhici doono magaalada gobalka Minnesota oo ah halka Soomaalida ugu badan ee Maraykanka ku nool yihiin.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu ku guul-darreestay howsha loo igmaday isla markaana uu taageersan yahay dagaallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in madaxweynaha uu lunsaday dhaqaale fara badan oo caalamka ay ugu talagashay Soomaaliya.

Sidoo kale, ninkan ayaa xusay in madaxweynaha uu ku howlan yahay siddii uu kala qeybin lahaa Soomaalida ku dhaqan dalka Maraykanka gaar ahaan Minnapulis sidda uu hdalka markale u dhigay

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

Cabdi Qaybdiid: Mudug Marko ma aha waxad la kulanto ayaad ka heleysaa

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo hadal heynta ugu badan ay noqoneyso Heshiiskii Bishii 30-kii July Magaalada Muqdisho Lagu kala saxiixday ee ahaa in Maamul Goboleed loogu magac daray Mudug iyo Galgaduud loo sameeyo Gobolada dhexe ee Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Nabadoon Cabdicasiis Aw Yuusuf Xaarin oo ka soo jeeda Gobolka Mudug.

Nabadoon Cabdicasiis Aw Yuusuf , waxa uu sheegay in Eraygii ahaa Fad ama hafadin waa lagu fadsiin uu dhalin doono Micno badan oo jaan roga Siyaasada Dalka.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in Cabdi Qaybdiid oo ah Madaxweynaha Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug uu faraha kula jiro Howlo aan isaga Khuseyn, waxa uuna ka digay inuu kusoo dhiirado faragalinta Mudug, wuxuuna Tilmaamay in fidno la mid ah tan ka taagan Muqdisho uu wado Qeybdiid isagoona Madaxweynaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu fidnadaas qayb ka yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Nabadoonku waxaa uu cadeeyay inay Taariikh u dhigi doonaan Cabdi Qeybdiid haddii uusan faraha kala bixin Arrimaha isaga kamadax-banaan waxa uuna carabka ku dhuftay in marnaba kala qeyb-qeybin qaadan doonin.

‘’Cabdi Qeybdiid waxa uu wadaa Fidno, Mudug waxa uu moodaa Magaalada Marko uu siduu doono ka yeelan jiray, haddii uu joojin waayo faragalinta waxa ay u muuqaneysaa inuu dib ugu laaban doono meelihii uu ka imaaday’’sidaa waxaa yiri Nabadoon Cabdicasiis Aw Yuusuf Xaarin

Sidoo kale, waxa uu Nabadoonka sheegay in Fidnada taalo Muqdisho uu Xassan Sheekh rabo inuu usoo raro Mudug, taasina ay ka xigaan Dagaal, maadama aysan ku qancin hadalkii ahaa Fad ama hafadin waa lagu fadsiin uu ka turjumaayo Siyaasad kale, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, waxa uu Sheegay in Cabdi Qeybdiid uu isaga kusoo dhaweeyay Mudug waxa uuna Tilmaamay in haddii uu ka fiirsan waayo Colaadaha uu soo wado ay soo dhaweynayaan Qeybdiid, waxa uu la kulmana ay isaga u gaar ahaan doonto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Arrin mucjiso lala yaabay oo ka dhacday Shiinaha (Daawo la-yaabkan)

0

Gobolka Zhejiang ee dalka Shiinaha ayaa dadka ku nool walaac iyo cabsi xoogan ay soo wajahday kadib markii webiga mara magaalooyin ku yaal gobolkaasi lagu arkay wax lala yaabay.

Dadka dega magaalooyinka gobolka Zhejiang ayaa ku waabiriistay, indhahana saaray webiga oo dhiig isu badalay, ama wada guduutay, biyihiisa gaduud ay noqdeen, dhacdadan oo dad badan ay ka welweleen.

Quburo dhinaca biyaha ku takhsuustay ayaa wada baaritaano ku aadan sababta ay ku dhacday, balse xag rabi ay ku noqdeen biyahiisa iney gaduudaan nala daawo Muuqaalka oo aad u cajiib ah.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

 

Maxaa kala qabsaday Khaliif EREG iyo guddiga ammaanka BF Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay wasiirka ammaanka xukuumadda Soomaaliya, Khaliif Axmed Irig iyo guddiga ammaanka baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ka hadlay sidda wax looga qaban doono beegsiga lagu hayo xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid albaabada uu u xirnaa ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka ee baarlamaanka, Daahir Amiin Jeesow.

Wuxuu sheegay in wasiirka ay kala hadleen seddax qoddob kuwaasoo dhammaan wax yaabaha looga hadlay la isku afgartay sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay in wasiirka amniga uu uga xog waramay qorshayaal ay wado wasaaradda ammaanka iyo hey’addaha booliska iyo nabad sugida kuwaasoo looga gun lee yahay siddii lagu xaqiijin lahaa ammaanka Muqdisho.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in wasiirka uu tilmaamay in maalmihii la soo dhaafay la soo qabtay dad iyo hub sharci darro ah kuwaasoo howllo ammaan darri ka waday magaalada.

Xildhibaanka waxaa kaloo uu xusay in wasiirka uu kala hadlay siddi wax looga qaban lahaa dilalka joogtada ah ee ka dhacay magaalada kuwaasoo loo geesanaayo xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dhammaan qoddobada looga hadlay kulan in la isku afgartay isla markaana guddigooda uu wadashaqeen dhow la lee yahay wasaaradda amniga maadama ay ay wakiil uga yihiin baarlamaanka.

Kulankan maanta dhexmaray wasiirka amniga iyo guddiga ammaanka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo xildhibaankii shanaad magaalada Muqdisho lagu dilay sannadkan oo kaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Fursada ay heysato DF Somalia marka XASAN SHEEKH uu la kulmo OBAMA

Washington DC (Caasimada Online)-Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horreysay toddobaadkan martigalineysa  shirweyne ay ka soo qeybgalayaan 50 hoggaamiye oo ka socda Afrika.

Hoggaamiyaashan ayaa waxaa la kulmi doona madaxweyne Obama, waxaana uu kala hadli doona arrimo badan oo ku saabsan qaarada.

Madaxweyne Obama oo Afrika tagay tan iyo markii uu xafiiska qabtay labo jeer ayaa sheegay in uu sanandkan 2014-ka qaban doono shirweyne ay ka soo qeybgalaan hoggaamiyaasha Afrika.
Shirkan waxa aan ka qeybgali doonin seddax madaxweyne oo kala ah, kan Sudan, Zimbabwe iyo Eretria waxaa loo arkay madaxdan kuwa ku xad gudbay xuquuqda aadanaha.

20130117-somaliaHaddaba madaxda ka qeybgalaysa shirka waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa.

Shirkan marka loo eego madaxda ka soo qeybgaleysa Soomaaliya ahmiyad gaar ah ayuu u lee yahay oo waayo markii ugu horreysay 23-sanno kaddib ayaa dowladda Maraykanka waxay aqoonsatay dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaa labada dal ay magacaabaan labo safiir oo u kala matali doona waddamadaooda.

Fursad ay heestaan madaxda Soomaalida?

Dad badan oo la socda arrimahan ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay heesato fursad ah in ay ka faa’ideysato shirkan oo ay la tago ajenta sax ah.

Cabdiraxmaan Ceynte waa madaxa Machadka Heritage ee magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay heysato fursad aad u weyn marka loo eego shirka ka dhacay magaalada Wanshinton.

Wuxuu sheegay in marar badan ay soo martay Soomaalida fursad balse aaney ka faa’ideesan balse loo baahan yahay fursadan in ay ka faa’ideestaan.

Wuxuu sheegay oo kale Ceynte in dowladda looga baahan yahay in shirka la tago qorshayaan cad-cad oo ku aadan sidda ay wax u rabto.

Shirkan oo socon doona afar cisho ayaa diirada lagu saari doonaa kobacaha dhaqaalaha qaarada, haliska sii kordheysa ee kooxaha argagixisada geeska Afrika iyo Nigeria iyo xoojinta xiriirka Maraykanka iyo Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan safiir cusub u magacowday magaalada Wanshinton waxaana dad badan ay lee yihiin in la filaayo dowladda in ay ka faa’ideesato shirkan.

Akhriste waxaan kuu ballan qaadeynaa in aad xilli kasta naga heli doontid wararkii ugu dambeeyay eek u saabsan shirka madaxweyne Obama  iyo hoggaamiyaasha Africa ay ku yeelanayaan Washington DC.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

Faroole: “Meel uu nin haysto haddaad ugu timaado xoolo ka qaadan meysid”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole, ayaa si sarbeeb ah weerar afka ah ugu qaaday madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Faroole oo war qoraal ah kasoo saaray munaasabadda xuska kowda August ee Puntland, ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii ay dowladda Somalia ku sameysay guddiga maamul u sameynta gobollada Galgaduud iyo Mududg.

Faroole waxa uu sheegay Puntland ay hormuud u tahay nidaamka federaaliga ah ee dalka, islamarkasa loo baahan yahay in laga digtoonaado wax uu ugu yeeray cid kasta oo wax u dhimi karta midnimadda iyo wadajirka goballada Puntland.

Puntland ayaa sheegata in gobolka Mudug uu ayada hoos tago, inkasta oo deegaan ahaan looga badan yahay.

Faroole ayaa shacabka usoo jeediyay inay iska ilaaliyaan wax uu ugu yeeray cadowga, ayna adkeystaan deeganadooda.

”Dad badan baa jira oo wax walaaqaya sidaasna kursiga laguma helo, qof meel uu fadhiyay adna aad timaadid xoolana ka heli maysid meesha waxaa imaanaysa in la is noco ha la iska ilaaliyo intaasi” Faroole ayaa yiri sidaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

XOOSH JIBRIIL: Waxa madaxtooyada ka socda, dan uma ahan SOOMAALIDA

Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdiraxmaan Xoosh Jirbiil oo horey u soo noqday wasiirka dastuurka dowladii KMG ahayd isla markaana hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay qorshe ay wadaan madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka.

Isagoo ka qeybgalaayay barnaamijka Martida Makarafoonka ee ka baxa VOA-da ayaa laga wareystay muranka ku aadan maamul u sameenta gobala dalka iyo hirgalinta nidaamka federaalka.

Cabdiraxmaan Xoosho Jibriil ayaa marka hore sheegay in sidda ay wax u wado dowladda aaney ahayn wax sharci ah isla markaana uu horseed u yahay in lakala fogaado uun sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay in hiigsiga 2016-ka doorasho ka dhacdo dalka in aaney suura gal ahayn maadama wax yaabaha socday aaney muujineynin in la gaaro qorshahaas.

Xoosh Jibriil ayaa ka dhawaajiyay dowladda fedaraalka in laga rabay in ay dhisto guddiga hirgalinta nidaamka fedaraalka isla markaana ay billaabaan howshooda, laakin waxay arrintaas ka socon weysay ayuu yiri madaxtooyada Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo taageero waayay.

Wuxuu sheegay oo kale in laga soo billaabo maamulka Jubba, kii Koonfur galbeed iyo kan hadda muranka uu ka dhashay ee gobalada dhexe loo sameenaayo in dhammaan ay yihiin wax hareer marsan sharciga dalka.

Xoosh Jibriil ayaa xusay in wax yaabaha ka socda madaxtooyada Soomaaliya ay yihiin wax dan u ahayn Soomaalida isagoona intaas ku daray in guddoomiyaha baarlamaanka uu taageero waayay qorshe uu isaga soo diyaariyay oo ahaa in la sameeyo guddiga hanaanka fedaraalka.

Ugu dambeyn waxaa la weydiiyay bal waxa uu xalka uu u arko.

Wuxuu ku baaqay in marka uu madaxweynaha ka soo laabto kulanka uu ka qeybgalaayo dalka Maraykanka in uu qabto shirweyne ballaaran oo laga qeybgalinaayo dhammaan maamulada ka dhisan dalka oo ay ku jirto Puntland, isla markaana laga qeybgaliyo aqoon yahano si looga hadlo masiirka Somaliweyn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XASAN SHEEKH iyo Maxamed Mursi oo isaga ekeeday arrimo dhowr ah (Aqri)

Cairo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud ayaa lagu eedeeyay in uu wado qorshe uu talada ku soo koobayo hal xisbi, waxaana lagu tilmaamay in ay isku siyaasad yihiin madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi.

Maxamed Mursi ayaa markii uu xilka qabtay wuxuu awooda dalka u gacan galiyay hal xisbi oo ahaa koowada walaalaha midoobay ee Ikhwaanul Muslimiinta, balse waxa uu kala kulmay mucaarad xooggan taasoo keentay aaqirkii in awooda laga tuuro xabsina loo taxaabo lagana mamnuuco dalka ururkiisa.

Haddaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billaabay in uu tallada dalka ku safo ururka Dam-jadiid ee uu ka tirsan yahay, waxaana muuqata inay arrintaas horseed u noqon karto kacdoon shacab si awooda dalka looga tuuro.

Xasan Sh & Mursi oo isaga ekeeday arrimo dhowr ah
Xasan Sh & Mursi oo isaga ekeeday arrimo dhowr ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xisbigiisa Dam-Jadiid ayaa hadda la wareegay awooda garsoorka, waxaana maxkamadda ciidamada qalaba sida loo magacaabay nin ka tirsan kooxdaas xiriirka la leh Ikhwaanul Muslimiinka.

Waxaa la lee yahay haddii arrintan uu sii wado madaxweynaha in uu halis ku jirro kursigiisa iyo in uu dhammeeto muddada afarta sanno ah.

Dad badan ayaa aaminsan in madaxweynaha uu rabo in dowladda oo dhan uu ka dhigo Dam-Jadiid balse waxaa uu la kulmayaa mucaaradad xooggan oo waxaana labo jeer la isku dayay in la khaarijiyo tan iyo markii uu xilka qabtay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

GAAS : DF SOMALIA waxay isku dayday in ay burbirso jiritaanka PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markale weerar ku qaaday madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay isku dayeen in ay car qaladeeyaan jiritaanka Puntland sidda uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in tan iyo markii uu xafiiska qabtay billowgii sannadkan in maamulkiisa uu isku dayay in uu la shaqeeyo dowladda fedaraalka isla markaana uu isku soo dhaweeyo xiriirka labada dhinac.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan ka xumayn maamul loo dhiso gobalada dhexe balse dowlada fedaraalka looga baahan yahay in qaado dhabaha sharciga ah.

Wuxuu soo dhaweeyay xildhibaannada lixda ah ee shaley gaaray Garoowe kuwaasoo sheegay in ay soo ajiibeen baaqa ka soo yeeray madaxweynaha Puntland oo ahaa in ay ka soo qeybgalaan xildhibaannada baarlamaanka ee Puntland ka soo jeeda shirweyne looga hadlaayo masiirka Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu madaxweyne Gaas ugu baaqay in mas’uuliyiintakale ee jirra labada Golle ay ugu dambeesay Puntland ku yimaadaan 15-ka bishan August.

Wuxuu sheegay in Puntland ay muhiim u tahay dowladda fedaraalka Soomaaliya loona baahan yahay in arrintaas la ilaaliyo.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay xildhibaannada ka soo jawaabay baaqiisa ee soo gaaray Garoowe isagoona kuwa kale ee ka maqan ka codsaday in ay ku soo xaroodaan 15-ka bishan oo ah xilliga loo iclaamiyay.

Wuxuu sheegay in xildhibaannadan ay kala hadli doonaan aaya-tiinka Puntland iyo masiirka iyo in ay la wadaagto Soomaaliya

Daba yaaqadii bishii July ayey ahayd markii madaxweynaha maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in uu xiriirka u jaray dowladda fedaraalka isla markaana uu u yeeray xubnaha baarlamaanka uga jira dowladda federaalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]