30.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

GAAS : DF SOMALIA waxay isku dayday in ay burbirso jiritaanka PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markale weerar ku qaaday madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay isku dayeen in ay car qaladeeyaan jiritaanka Puntland sidda uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in tan iyo markii uu xafiiska qabtay billowgii sannadkan in maamulkiisa uu isku dayay in uu la shaqeeyo dowladda fedaraalka isla markaana uu isku soo dhaweeyo xiriirka labada dhinac.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan ka xumayn maamul loo dhiso gobalada dhexe balse dowlada fedaraalka looga baahan yahay in qaado dhabaha sharciga ah.

Wuxuu soo dhaweeyay xildhibaannada lixda ah ee shaley gaaray Garoowe kuwaasoo sheegay in ay soo ajiibeen baaqa ka soo yeeray madaxweynaha Puntland oo ahaa in ay ka soo qeybgalaan xildhibaannada baarlamaanka ee Puntland ka soo jeeda shirweyne looga hadlaayo masiirka Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu madaxweyne Gaas ugu baaqay in mas’uuliyiintakale ee jirra labada Golle ay ugu dambeesay Puntland ku yimaadaan 15-ka bishan August.

Wuxuu sheegay in Puntland ay muhiim u tahay dowladda fedaraalka Soomaaliya loona baahan yahay in arrintaas la ilaaliyo.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay xildhibaannada ka soo jawaabay baaqiisa ee soo gaaray Garoowe isagoona kuwa kale ee ka maqan ka codsaday in ay ku soo xaroodaan 15-ka bishan oo ah xilliga loo iclaamiyay.

Wuxuu sheegay in xildhibaannadan ay kala hadli doonaan aaya-tiinka Puntland iyo masiirka iyo in ay la wadaagto Soomaaliya

Daba yaaqadii bishii July ayey ahayd markii madaxweynaha maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in uu xiriirka u jaray dowladda fedaraalka isla markaana uu u yeeray xubnaha baarlamaanka uga jira dowladda federaalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

XOG: Xasan oo xil cusub ku qancinaya taliyihii hore ee ciidamada booliiska

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in xil cusub lagu qancinayo taliyihii  hore ee ciidamada booliiska Soomaaliya, General Cabdi Xakiin Saacid.

Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu wado qorsho uu ku doonayo inuu Safiir ugu magacaabo Saacid.

Ilo wareedka ayaa waxa ay intaa kusii darayaan in Madaxweynaha uu Xilkaasi ku qancinaayo Saacid oo isagu diidanaa inuu wareejiyo  xilka Taliyenimo.

Waxaa la sheegay in Saacid safiir ahaan loogu diri doono mid ka mid ah dalalka carabta, hase yeeshee weli lama shaacin dalka uu noqonayo.

Magacaabista uu Madaxweynaha ku howlan yahay ayaa waxa uu barbar socdaa xilal kala duwan uu muddooyinkaani Madaxweynaha u magacaabayay Siyaasiyiin saaxiib dhow la ah, waxaana la tilmaamayaa in Saacid la magacaabayo marka uu Madaxweynaha dalka dib ugu soo laabto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DAL 68 xildhibaan ku dhex leh BFS oo shirqool la damacsan badda SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Suleymaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ah xildhibaanadii hore ee baarlamanka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday qatar dad badan aysan ka war-hayn oo ay badda Soomaaliya kala kulmeyso dowladda Norway oo gacan saar la leh Kenya.

Waxa uu sheegay in Norway ay baarlamanka Soomaaliya ku leedahay 68 xildhibaan oo haysta dhalashada waddankaasi, kuwaasi oo aan ka hor iman kara rabitaankeeda gurracan eek u aada badda Soomaaliya..

“30 kii June 2014 ee Sannadkaan ayaa dad Soomaaliyeed oo Wadaniyiin ah waxay heleen warqad uu Madaxweyne Xasan Shiikh uu u direy Qaramada Midoobey kaasoo uu ku dalbaneyey in Dowladiisu ay diyaar u tahay in ay Wada hadal la furto Dowlada Kenya ee ku saabsan Badda Soomaaliya , 21 July i ee aynu soo Dhaafney ayaa Madaxweyen Xasan Shiikh wuxuu qoraal u direy Qaramada midoobey, waxaan Ilaah ka rajeynayaa in aan helo Qoraalkaas oo maanta ogahay in wax badan lagu qarinayo” ayuu yiri Sulemaan.

“Bulshada Soomaaliyeed waa in ay isweydiisaa Sabaata uu Gudoomiyha Baarlamaanka Jawaari iyo ku Xigeenkiisa Mahad ay u joogaan dalka Norwey , waxaa Hubaal ah in Dowlada Norway ay dooneyso in Baaramaanka Soomaaliya ka dhaadhiciso in la soo nooleeyo heshiiskii aan hore u diidney , waxaa kaloo aan ummada Soomaaliyeed u sheegayaa in 68 Xildhibaan ee ka mid ah Baarlamaanka maanta jira ay heystaan Dhalashada Wadanka Norway sidoo kale waxaa Dhalashadaas haysta Gudoomiyha Baarlamaanka iyo mid ka mid ah ku Xigeenadiisa “ ayuu sii raaciyey Suleymaan.

“Waxaa ummada Soomaaliyeed usoo jeedinayaa gaar haan qaybha kala duwan ee Bulshada in ay ku Baraarugaan damaca Dowlada Norway iyo Shaqsiyaadka doonaya in ay ku Gacansiiyaan in la bixiyo ama la iibsado qayb ka md ah Badda Somaaliya soo kale waxaan u soo jeedinayaa qaybha kala duwan ee Warbaahinta in Bulshada u soo bandhigaan Damacaas lagu doonayo in lagu Fara Maroosado Badda Soomaaliya”

Sidoo kale aqri xog ku saabsan in warqaddii Xasan Sheekh ee badda ay qortay dowladda Norway

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xasan oo xil culus u magacaabaya wiil qaba gabar uu abti u yahay (Kuma?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu xil cusub u magacaabo agaasimihii hore ee Madaxtooyada Taabit Cabdi.

Taabit Cabdi ayaa waxa uu qabaa Gabar ay dhashay Madaxweynaha Walaashiisa oo lagu magacaabo Nuurto Sheekh Maxamuud, waxa uuna Madaxweyne Xasan wadaa qorsho uu Taabit Cabdi ugu magacaabayo Qunsulka Dowlada Federaalka Somalia u fadhin doono Dalka Mareykanka, iyadoona lala mataaneynaayo Danjire Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Warar hoose oo aan helnay waxa ay sheegayaan in Warqada Taabit Cabdi loogu magacaabi lahaa Qunsulka ay soo baxday, balse uu Madaxweynaha la kawsan doono Digreetooyin uu ku magacaabayo dhowr Safiiro Cusub oo iminka la xulay.

Taabit Cabdi waa Wiil da’yar, waxa uuna muddo kooban haayay Agaasimaha Madaxtooyada, iyadoona Xasan Sheekh uu xilka ka qaaday kadib markii Xilli habeen ah inta lagu guda jiray Bisha Ramadaan weerar lagu qaaday Madaxtooyada Somalia.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh, ayaa waxa uu isagu wadaa Qorsho cusub oo uu mar qura ku magacaabi doono illaa Todobo Safiir oo Dowlada wakiilo uga ahaan doono Safaaradaha Caalamka, iyagoona lagu buuxin doono boosas laga qaadi doono Safiiro kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muqdisho oo maanta looga kacayo DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda abaabul Banaanbax ka dhan ah Dowlada Federaalka Somalia.

Banaanbaxyada ayaa la sheegayaa inay wadaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Siyaasiyiin iyagu kasoo horjeeda Xukuumada Madaxweyne Xassan Sheekh oo muddo yar ay uga harsan tahay Wakhtiga loogu talo galay.

Banaanbaxyada ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu salka ku haayo Dilalka Xildhibaanada, Arrimaha Badda Somalia iyo Heshiiska G/Dhex maalmo ka hor loogu sameeyay Villa Somalia.

Sidoo kale, Banaanbaxa ayaa waxaa la tilmaamayaa inay abaabulkiisu leeyihiin Siyaasiyiin dhaliilsan Hanaanka Dowlada ay ku xaqiijineyso Ammaanka, wallow warar aan la hubin ay xaqiijinayaan in Banaanbaxa ay hor boodayaan Maamulada iyagu qaadacay Heshiiska lagu mideynaayo Gobollada Dhexe.

Dhanka kale, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta banaanbaxa wada ayaa waxa ay durbaba bilaaben inay shacabka ka dhiiragaliyaan Warbaahinta iyagoo adeegsanaaya Erayo naceeb galinaaya shacabka si ay u kiciyaan dareenkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maamulka gobalka Shabelle oo dagaal ka dhan ah Shabelle State iclaamiyey

Marka (Caasimada Online)-Maamulka gobalka Shabeellaha Hoose ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah maamulka Shabeelle State oo xarun ka dhigtay magaalada Marka.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasadda maamulka Shabeellaha Hoose, Cabdullaahi Muuse Abuukar oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda ay u digeen dhowr jeer maamulka Shabeelle State si ay u joojiyaan howllo carqalado ah oo ay ka wadaan gobalka.

Wuxuu sheegay in maamulka Shabeelle State wax ladho aaney ka shaqeyn karin gobalka Shabeellaha Hoose isla markaana uu yahay maamul ay dhisteen koox uu ugu yeeray dagaal oogayaal iyo guddoomiyaashii hore ee degmooyinka gobalka Banaadir.

Wuxuu sheegay oo kale in maamulkooda uu hoos iyo kor ula hadlay maamulka Shabeelle State si ay u joojiyaan dagaalka ay ka wadaan gobalkaas.

Wuxuu sheegay haddii ay joojin waayaan howlaha iyo fitnada ay la wareegayaan gobalka Shabeellaha Hoose in ay kala kulmi doonaan cawaaqib ay ka shalaayaan sidda uu hadalka u dhigay.

Maamulka Gobalka Shabeelle State oo ay ku jiraan guddoomiyaashii hore ee degmooyinka gobalka Banaadir ayaa hadda xarun ka dhigtay magaalada Marka, waxaana ay billaabeen in ay dhexgalaan bulshadda ku dhaqan gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Jaamacadaha MUQDISHO oo faraqa is heysta (Maxaa la isugu dhegan yahay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan oo aan ka heleyno Maamulada Jaamacadaha Muqdisho, ayaa sheegaya in Khilaaf uu ka dhex taagan yahay Maamulada Jaamacadaha Magaalada Muqdisho.

Khilaafka ayaa waxa uu ka taagan yahay Jaamacadaha, gaar ahaan kuwa wadaaga magacyada oo iyagu isku eedeynaaya inay suuqa iska saarayaan.

Inta badan Jaamacadaha is heysta ayaa waxa ay  wadaagan Magaca, iyadoona ay kawada siman yihiin xarfaha hore ama kuwa dambe, kadib markii Koox waliba ay la baxeen magac kaasi oo baaritaano kadib ay yeelaneyso Jaamacad kale, halkaasina uu ka dhashay is qabqabsiga.

Haddaba Jaamacadaha isku magaca dhaw ee ka jira Magaalada Muqdisho kana dhexeeyo Khilaafka ayaa waxaa kamid ah:-

1-University of Somalia “UNISO” iyo Somali International University “SIU”.
2-Salaam University iyo Daaru Salaam University.
3-Jubba University iyo Juba University
4-Plasma University iyo Plasma Intarnational University
5-Mogadishu University iyo Mogadishu International Universty
6-Banaadir University iyo Banaadir International Universty iyo kuwo intaa ka badan oo iyaguna hawada kusoo jira.

Wasaarada Waxbarashada ayaa iyadu aan u firfircooneyn inay waxkabadesho Jilicsanaanta iyo howl yarida heysata, inkastoo ay Wasaaradu muujineyso howl karnimo hadana ma muuqato wadadii lagu xakameyn lahaa.

Dhanka kale, Waxaa xusid mudan in qaar kamid ah jaamacadahaan cusub oo badan kood ka goostay jaamacadaha ay isku magaca dhaw yihiin, waxaana badankood ay soo qaateen waraaqaha aqoonsiga Wasaarada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XASAN ABSHIR oo ka xog warramay wax yaabaha ay u tageen Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa shaley tagay xildhibaano ka kooban lix mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay in ay hordhac u yihiin xildhibaanno kale oo ka soo jeeda deegannada Puntland kuwaasoo uu yeeray madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku dhawaaqay in maamulkiisa uu xiriirka u jaray dowladda fedaraalka.

Xildhibaannada gaaray Garoowe ayaa ka yimid dhinaca Nairobi, waxaana ka mid ah Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf.

Markii ay gaareen magaalada si weyn ayaa loo soo dhaweeyay waxaana ay la kulmeen madaxweynaah Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxay sheegeen in horrey ay ugu qorsheesneed in ay yimaadaan Garoowe balse immaatinkooda uu soo dadajiyay baaqa ka soo baxay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo u hadlay xildhibaannada gaaray Puntland ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaabka loo soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in magaalada ay u yimaadeen sidii ay kulamo ula yeelan lahaayeen madaxda Puntland.

Wuxuu sheegay in ay sugayaan xildhibaannada kale iyo mas’uuliyiinta Puntland ugu jirta dowladda fedaraalka, wuxuuna carabka ku adkeeyay marka ay kulmaan iyaga iyo madaxda Puntland in ay shacabka reer Puntland u soo bandhigi doonaan wax yaabaha ay ka hadlaan.

30-kii bishii Julay ayey ahayd markii madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku dhawaaqay in maamulkiisa uu xiriirka u jaray dowladda fedaraalka Soomaaliya isagoona madaxda dowladda ku eedeeyay in jabiyeen dastuurka dalka u yaalla kaddib markii ay ka qeybgaleen heshiis la sheegay in maamul loo dhisaayo gobalada dhexe.

Madaxweyne Gaas intaas ugumu simin dowladda fedaraalka wuxuu yeertay dhamm aan xildhibaannada ka soo jeeda deegannada Puntland ee ku jirra baarlamaanka Soomaaliya iyo Caasho Geelle oo ka mid ah xubnaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka qabyada.

Puntland ayaa horrey dowladda Soomaaliya ugu eedeesay in ay ka dambeeso dilkii xildhibaannad Saado Cali Warsame iyo xildhibaanno horrey Muqdisho loogu dilay kuwaasoo ka soo jeeda deegannada Puntland.

Si kastaba, dad badan oo la socda arrimahan ayaa aaminsan in maamulka Puntland uu markasta caqabad ku yahay horumarka Soomaaliya, waayo madaxeynihii hore ee Faroole ayaa sidaas oo kale markasta wuxuu rabay in uu galaangal ku yeesho arrimaha Soomaaliya gaar ahaan maalmulada laga dhisaayo dalka.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin tallaabada ay qaaday Puntland, waxaana muuqata in uu jirro khilaaf labada dhinac ah in kastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Caasimada online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Muqdisho: HAWEEN meel isugu yimid oo la qarxiyey & dhimasho badan oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow soo gaaray Xafiiska shabakadani ayaa sheegaya in Qarax xoogan lala eegtay Haween Howlo nadaafadeed kawaday Xaafada Taleex ee Degmada Hodan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Haweenkaasi Miino loogu aasay Goob ay ka qaadayeen Shaqsinka, waxaana la soo sheegayaa in iminka halkaasi ay kusii qulqulayaan Saraakiisha Amaanka Degmada Hodan.

Warar horu dhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa ay ku dhinteen Seddex Haween ka tirsanaa kuwa Qashaninka qaadaayay, waxaana la tilmaamayaa in dhaawaca uu kor usii dhaafayo 9-Rux.

Waxaa hadda la maqlayaa Rasaas xoogan oo ay ridayaan Ciidamada halkaasi isku gadaamay Qaraxa kadib.

Saraakiisha Ammaanka Degmada iyo Maamulka Hodan weli kama aysan hadlin Qaraxa.

La soco wararkeena dambe wixii kusoo kordha qaraxa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daryeel la’aanta fanaanka Cabditahliil, ma dhaqaale dari, mise dhaqaale jecli?

Tan Wixii ka danbeeyay 1991-kii Dalka Somalia waxa uu soo maray marxalado kala duwan iyadoona dadka soomaaliyeed ay inta badan ay ukala caraeen dalalka deriska ah.

Wagii dalka Somalia uu lahaa dowlada dadka laf labarta u ah dalka iyo dadka waxa ay lahaan jireen qadarin gooni ah waxa ayna bulshada iyo dowlada ay ku dhex lahaayeen maamuus.

Fanaaniinta soomaalida waxa ay ahaayeen hanuuniyaasha bulshada waxa ayna inta badan baraaruji jireen bulshada iyo dowlada intaba.

Waxa ay fanaaniinta ahaayeen kuwo inta badan soo saara Ruwaayadaha iyo heesaha wacyi gelinta waxaana hobolada ugu caansanaa Hobolada Waabari oo dadka inta badan ay wada garanayaan.

Fanaaniinta hobolada waabari waxa ay bandhig fanbeed ku qaban jireen dalalka caalamka waxaana kamid ahaa dalalkii ay bandhiga ka sameeyeen:- Suudaan, Yaman, Masar, Jabuuti, Dubai, Shiinaha iyo dalal kale.

Fanaaniinta waxa ay daryeel iyo Mushaar ku lahaan jireen dowladii Somalia.

Dalkii waxaa ka dhacay dagaal iyo bur bur waxaana meeshii ka baxday Dowladii Xooga badneed ee Somalia.

Markii ay dowladii kacaacnka dhacday waxa ay fanaaniinta inta badan ay ukala carareen dalalka Deriska ah waxa ayna Deris la noqdeen Qaxootimo halka Qaar kalana ay dalka ku noolaayeen.

Fanaanka Caanka ah ee Cabdi Tahliil Warsame Waxa uu kamid yahay Fanaaniinta aanan ka bixin dalka waagii bur burka iyadoona bulshada soomaliyeed ay si aad ah uwada garanayaan.

Waxa uu qaaday heeso fara badan oo isugu jira wadani iyo Jaceyl.

Iminka waxa uu ku xanuunsanayaa magaalada muqdisho mudo 4sano ka badan sida uu iisheegay Maxamed Cabdi Tahliil Warsame oo ah wiil uu dhalay Fanaanka Cabdi Tahliil.

Maxamed ayaan la sheekeestay waxaana wax ka weydiiyay Xaalada Fanaanka isagoona ii sheegay in Aabe mar la qabtay Shirkii Carta kidib ee uu ka qaaday Heesta “Soomaaliya soomaali baa leh” iyo heesa kale.

Fanaanka oo ah fanaan qaran ayaa daryeel ka helin Dowladihii KMG ahaa ee soo maray dalka marka laga reebo Dowladii Shiikh Shariif oo loo qaaday Dalka Dubai kidib dhaawac kasoo gaaray Rasaas uu ku furay Askari ku libisisan dareeska Ciidanka Dowlada oo gurigiisa ku rasaaseeyay waxaana xiligaasi fanaanka loo qorsheeyay in loo qaado dalka jarmalka balse waxaa la sheegay in la qiyaamay oo gudi loo xil saaray arintaasi ay mus maasuqeen.

Xaaladiisa Caafimaad ayaa marba si isku badasho iyadoona iminka uu ku aruuray Sariir isla markaana uu xitaa socodkii iyo hadalkii uu gabay.

Marar fara badan ayaa laga codasaday dowlada somalia in ay la tacaasho fanaanka balse Weey iska indha tirtay.

Mar hadii Dowladii ay iska indha tirtay waxaa habooneed in shacabka Soomaaliyeed ay u istaagaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen ileen waxaa horay loo yiri gacmo wada jir beey wax ku gooyaan hadii la is kaashadana waa lagaarayaa hadafka balse waxaadba moodaa in shacabka qudhoodu uu gaabis ka yimi.

Iminka dalka somalia waxaa ka jira dowlad aan KMG aheyn madaxda dalkana waa ay ka warqabaan xaalada fanaanka halka ay mareeso iyadoona iska indha tirtay in ay wax u qabato.

Xili sii horeesay waxaa booqday fanaanka Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh waxa uuna ka dhawaajiyay in wax loo qabanayo fanaanka balse waxeynu dhihi karnaa waa balan qaad afka uun ku eg lana maqashiinayo shacabka oo kaliya waxa ayna dadka qaar balanqaadkaasi ku tilmaameen Qawda maqashii Waxna how qaban maadaama ilaa iyo iminka aysan muuqan daryeel buuxa oo loo fidiyay fanaanka.

Cabdi Tahliil Warsame waa fanaan qaran waxa uuna kamid ahaa Hoboladii Waabari dadkii ugu cad cadaa, fanaaniin ay kamid tahay Fanaanada Maryam Mursal Ciise Bootaan oo iyadana kamid aheyd Hobolada Waabari iyo fanaaniin kale oo ku sugan Magaalada Londan ayaa waxa ay isugu yimaadeen Kulan ay lacag ugu aruurinayeen Fanaanka Xanuunsan waxa ayna xiligaa dowlada somalia ka codsadeen in Ay Baasaboor u sameeso fanaanka isla markaana ay Jarmalka ukeento waxa ayna fanaaniintaa shegeen in iyaga ay daaweesanayaan ayna wax kale ka rabin dowlada somalia balse ma jirto cid u jawaabtay.

Xili aan booqasho ku tagay magaalada muqdisho bishii May ee sanadkan ayaa waxaan booqday hoyga uu deganyahay fanaanka qaran Cabditahliil Warsame anigoo aad uga murugoon xanuunka la degay fanaanka.

Waxaa halkaasi igu soo dhaweeyay wiilkiisa Maxamed Cabditahliil iyo gabadhiisa Xamdi Cabditahliil waxaana la iigudbiyay qol uu ku jiray fanaanka, markii aan gudaha ugalay qolkii ayaa mar qura waxa ay indhaheyga qabteen fanaanka oo xaaladiisa ay tahay mid liidata oo inta afka lakala qabto caana loogu shubayo, Maqalka dhagaha fanaanka ayaa waxa ay ahaayeen mid liita.

Markii hore qorshaheygu waxa uu ahaa in sawiro iyo cod aan kasoo qaado fanaanka anigoo ka socday mid kamid ah idaacadaa ku yaal magaalada muqdisho, balse markii aan arkay xaaladafanaanka dareenkeyga si aad ah ayuu isku badalay afar faataxo ayaan u akhriyay fanaanka in Allaah uu caafimaad siiyo waana kasoo tagay ileen wax kale oo aan awoodo malahane.

Maanta hadii ay tii rabi u timaado fanaanka waxaa hubaal ah in madax dowlada ay kawada hadlli doonaan ayna cambaaren doonaan oo ay oran doonaan waxa uu ahaa fanaan qaran Allaha u naxariisto murugana ay isku beeraan.

Dowlada somalia waa ay awoodaa in ay diyaarad u kireeso fanaanka oo ay soo daweeso balse kama muuqato dadaalkaa.

Marar badan ayuu ka Codsaday dowlada in ay wax u qabato mana jirto cid uga jawaabtay Codsigiisa.

Waxaan soo xasuustay heestii uu fanaanka horay ugu luqeeyay ee aheyd “Xafiisyada Waan Dhaliilay Mawada Dhaliiline Qaar baan dhaliilay”

Hadaba dowlada somalia Maxay u qaadi La’dahay oo ay u caawin la’dahay Fanaanka Qaran Cabdi Tahliil?? Ma Dhaqaalo Daro Mase Dhaqaalo Jecli??!!

W/Q:- Cabdullaahi Maxamuud Cumar “garfiiq”
E-mail:- [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Nin aysan shacabka Muqdisho horey u maqal oo ciidamada DF la dagaalamay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka Somalia ayaa waxa uu Caawa ka dhacay Xaafada Buul-xubey ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka oo socday ku dhawaad Laba Saac ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ay Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka gaar ahaan kuwa Nabadsugida ee loo yaqaan Alfgrup ay xoog ku galeen Dhismo ku yaalla agagaarka Xarunta Hay’adda UNDP, oo ku dhow Aadan Cadde Airport.

Ciidamada Alfgrup ayaa waxa ay weerar Culus ku galeen Dhismaha Sargaal sare oo lagu magacaabo Cabdi Ileys kana tirsan Ganacsatada Hubka iibiya, balse aysan shacabka Muqdisho horey u maqal..

Inta Dagaalka uu socday ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo gurmad u ahaa Sargaal sare Cabdi Ileys, waxaana sidoo kale la maqlaayay Hubka culculus oo ay gamayeen Ciidamada AMISOM oo iyagu jugta kusoo baraarugay islamarkaana u qaatay in weerarka uu ku socday Xarunta UNDP.

Waxaa iminka Dhismaha iyo gabi ahaan Xaafadaasi ku sugan Ciidamada Alfgrup, Militeriga iyo kuwa Boliska oo iyagu ka cabsi qaba inay la kulmaan weeraro gurmad ah.

Inta la xaqiijiyay Seddex ruux ayaa ku geeriyootay Dagaalka kuwaasi oo u badnaa dad shacab ah oo goobta ku sugnaa wallow laba kamid ah la sheegay inay ahaayen Ciidamada Nabadsugida.

Lama Oga sababta ka dambeysay in Sargaalkaasi lagu weeraro guriga, inkastoo ay warar hoose sheegayaan in lagu heysto iibinta hubka sharci darada ah isagoo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Go’aano ka kooban 5 qodob oo kasoo baxay shirkii BEELAHA HABAR-GIDIR

London (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo lagu ayidayay Shirka Midnimada Beelaha Habargidir iyo Duduble iyo Maamul u samaynta Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galdaduud ayaa wuxuu ka dhacay Waqooyiga Magaalada London ee Dalka Britain.

Kulankaan ayaa Jimcihii Xalay oo Bisha aheyd 01.08.2014 lagu qabtay Magaalada London, Xaafada Edmonton, waxaana Shirkaas lagu go’aamiyay in la taageero Shirweynaha Habargidir oo ka furmi doona 05.08.2014 Magaallo Madaxda Maamulka Ximin iyo Xeeb ee Cadaado.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyay Jaaliyadda London ee Habargidir iyo Duduble. Qayb waynna ka ahayd dadaaladii mudadada dheer soo socday ee lagu go’aansaday in beeshu ay ka shirto si ay uga wadatasho arimaha Habargidir iyo horumarinta deegaankeeda.

Talooyinka ka soo baxay kulankaa ayaa waxay ahaayeen Qodobadan soo socda:

  • In la dhiirigaliyo oo si buuxda loo taageero Shirka lagu qaban doono Magaalada Cadaado 5 Bisha Agoosto ee Sanadkaan
  • In la soo dhaweeyo dadaalada dheeraadka ah ee ku soo kordhay ee dardargalinaya gaaritaanka natiijada iyo ujeedada laga lahaa shirkaasi, oo ay ka mid tahay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, EU, AU, iyo IGAD ay wadaan iyadoo la tixgalinayo lana taageerayo Heshiiskii Madaxtooyadda Qodobadda ku jaan go’an rabitaanka Habargidir ee degta Goboladda Dhexe.
  • In Baaqii Shirka Madaxtooyada ee ku aadanaa in Maamul loo sameeyo Gobolka Mudug iyo Galgaduud la geeyo madasha Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb, halkaasna looga tashan doono wax ku daridda iyo wax ka badalista Qodobaddii lagu saxiixay Madaxtooyadda Soomaaliya (Villa Somalia).
  • In la dhiirigaliyo Nabad kuwada noolaashaha iyo xiriirka suuban ee Soomaalinimadda iyo Islaamnimada ku dheehantahay oo lala yeesho Beelaha Walaalaha ah ee wax ka daga Mudug iyo Galgaduud si loo gaaro ujeedada ah in maamul miradhal ah loo sameeyo Gobolada Dhexe.
  • In la dardargaliyo shirka Cadaado si loo gaaro ujeedo midaysan oo beeshu yeelato si loo gaaro Midnimo buuxda iyo qorshe midaysan oo aan Cidna caqabad ku aheen.

Shirka ayaa ku soo gabagaboobay Jawi wanaagsan iyo is afgarad iyadoo ay Jaaliyada Habar-Gidir ee London ay ku muujisay sida wayn oo ay ugu diyaarsan yihiin Waxqabadka iyo Hormarinta Beesha ay kasoo jeedaan gaar ahaan, guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed oo Walaalaha ah.

Warsaxaafadeed – 02.08.2014
Gudigga Joogtada ah ee Beesha Habargidir, Hawiye – London

Caasimada Online

Xafiiska London

[email protected]

XASAN SHEEKH oo tagay Addis-Ababa

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud ayaa caawa ku sugan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, oo uu goor-dhow gaaray.

Xasan ayaa gelinkii dambe ee maanta ka ambabaxay Muqdisho, waxaana uu kusii jeeda Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeyb galidoono, shir ay madaxda dowladda Mareykanka la yeelanayaan Madaxda Qaaradda Africa oo soconaya 4 ilaa 6 bishan.

Waxaa Xasan Sheekh socdaalka ku wehliyay wasiirka arimaha dibadda iyo dhiiri galinta maalgashiga Somalia iyo xubno kale.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusii sagootiyay wafdiga uu madaxweynuhu hogaaminayo ee u amba baxay dalka Mareykanka, R/wasaaraha C/wali Sh. Axmed Maxamed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

Xasan ayaa marka hore Addis-Ababa kula kulmaya madaxda dalka Ethiopia, oo kala hadli doona xaaladda Soomaaliya, maadaama Ethiopia ay weli saameyn siyaasadeed oo weyn ay ku leedahay Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Addis-Ababa

[email protected]

 

Liiska siyaasiyiinta sirdoonka Ethiopia ugu dhex jira xukuumadda SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wax ka ogow Jagooyinka Muhiimka ah ee Sirdoonka Ethiopia ay ku Leeyahiin Xukuumada ay Madaxda ka yahiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra,iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Wasiirada kala ah Warfaafinta: Mustaf Cali Dhuxulow, Gaashaandhigga: Maxamed Sheekh Xasan, Ciyaaraha:Khaalid Cali Cumar, Maaliyada: Xuseen Cabdi Xalane, Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka: Faarax Sheekh Cabduqadir, dhamaan ragaas waa Xubno Muhiim ah oo ka tirsan Sirdoonka Ethiopia, waxaana sidaas ii Xaqiijiyey mid ka mid ah Siyaasiyiinta xog-ogaalka ah ee Soomaaliyeed oo xilal kala duwana ka soo qabtey Dawladahii Soomaaliya soo marey.

Siyaasigaasi waxa uu intaas iigu darey in Magacaabista Xilalka ay hayaan Ragaas ay ka dambeysey Dawlada Ethiopia, welibana Xukuumada Ethiopia iyada ay dalbatey in Wasiiradaas Madax looga dhigo Wasaaradaha Muhiimka ah sida Maaliyada, Gaashaandhiga, Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka iyo Warfaafinta taasoo ay aqbaleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed.

Waxuu kaloo Siyaasigan oo aan dooneyn inaan Magaciisa Shaaciyo uu iigu Dhaartey in Wasiir Mustaf Dhuxulow, Wasiir Dr Khaalid Cali Cumar iyo Wasiir Faarax Sheekh Cabduqadir ay Gacan weyn ku siiyeen Sirdoonka Ethiopia iney si Qarsoodi ah Qalabka wax Basaasa ugu xirtaan Xafiisyada Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kan Ra’iisal Wasaaraha.

Ugu dambeyn Siyaasiga Arimahan ila wadaagey waxuu ii sheegey in Taliyaha Cusub ee Sirdoonka Soomaaliya Cabdulahi Maxamed Cali Sanbalooshe uu isaguna mudo dheer ka tirsanaa Sirdoonka Ethiopia haatana ay Dawlada Ethiopia Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra,iisal Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed ku Cadaadisey in Jagadaas loo Magacaabo Mr Sanbalooshe.

Xogtan waxaa bartiisa facebook ku wadaagay weriyaha caanka ah ee Cadullahi Nuur Kolombo

kolombo qoraal

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SAWIRRO: Xildhibaannadii Puntland oo ka baxay Xamar, yeelay amarka GAAS

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow Magaalada Garoowe, kasoo degay diyaarad ay saarnaayen  Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo kasoo jeeda Deegaanada Puntland.

Xildhibaanadaani oo goor dhow ka soo ambabaxay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay soo gaaren Magaalada garoowe, si ay u fuliyaan hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne C/weli Gaas oo ahaa in Xildhibaanada Maamulka Puntland uga jiro Baarlamaanka Dowlada ay kusoo laabtaan Deegaanadooda.

Xildhibaanadaani oo ka jawaabaya hadalka Madaxweyne Gaas, ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay madax ka tirsan Maamulka Puntland oo u badnaa wasiiro iyo Xildhibaano.

Xildhibaanada ayaa waxa ay Magaalada Muqdisho kaga soo duuleen diyaarad gaar ah oo uu bixiyay Madaxweynaha Puntland.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu shaaciyay inay la laabteen Kalsoonidii kala dhexeysay Dowlada Federaalka, sheegayna inay jareen xiriirkii kala dhexeeyay, waxa ayna arintaani muujineysaa in xiriirka labada dhinac uu u muuqdo mid si rasmi ah u kala go’aya .

1 2 3 4 5 6

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

XOG: Ahlu-Sunna oo laba u kala jabtay

Dhuusamarreeb (Caasimada Online) – Wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in laga heshiiyay maamul loo dhiso gobalada dhexe, waxaa soo badanaya mucaaradada uu la kulmaayo heshiiskaas.

Sidda lagu sheegay goobta lagu saxiixay heshiiska maamul loogu sameenaayo gobalada dhexe oo ahayd Villa Somalia waxaa goobjoog ka ahaa Galmudug, Ahlu Sunna iyo Ximin iyo Xeeb, balse waxaa soo baxay jahwareer iyo khilaaf uu dhaliyay heshiiskaas.

Khilaafkaas waxaa ka mid ah in maamulka Ahlu Sunna ay labo qeyb u kala jabeen, waxaa qeyb ka mid ah maamulkaas uu taageeray heshiiska ay garwadeenka ka ahayd dowladda Soomaaliya halka kuwa kalena ay ka soo hor jeesteen.

Maanta oo Sabti ah waxaa magaalada Dhuusamarreeb ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo heshiiska ka dhacay magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu Sunna, waxaana, dalka ka hadlay goobta ka mid ahaa Sheekh Mursal Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow wuxuu sheegay in heshiiskaas uu abuurayo khilaaf iyo dagaal hor leh oo dhex mara dadka deggan gobalada dhexe.

Wuxuu sheegay in heshiiskaas uu dhabarka ka jibinaayo dedaaladii ay soo waday Ahlu Sunna ee ku aadan midnimada dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa deggan gobalada dhexe.

Waxaa soo badanaya mucaaradada uu la kulmaayo heshiiska lagu gaaray xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxaa horrey heshiiskaa u diidday maamulka Ximin iyo Xeeb.

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusamarreeb

[email protected]

GAL-MUDUG oo ku biirtay dhinacyadii Qaadacay heshiiskii VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Sabti ah ka dhacay kulan ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmaudug iyo siyaasiyiin caan ah oo ka soo jeeda deegannada uu ka arrimiyo maamulkaas.

Waxaa kulanka looga dhawaaqay in maamulka Galmudug uu qaadacay heshiiskii 30-kii bishii hore ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kaasoo lagu sheegay in la sameenaayo maamul lagu mideenaayo maamulada ka dhisan gobalada dhexe.

Ugu horeyn dadka ka hadlay kulanka waxaa ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug ee dhinaca Galmudug, Maxammuud Guure Guuleed, wuxuu sheegay in dhinacyadii ka qeybgalay shirkaas aaney matalin dadka ku dhaqan gobalada dhexe.

Wuxuu sheegay oo kale in heshiiskaas uu ahaa mid la doonaayay in lagu gol dilaaciyo dedaalo ay wadeen dadka deggan gobalada dhexe kuwaasoo rabay in ay dhistaan maamul ay ku mideesan yihiin.

Wuxuu sheegay in heshiiska ay garwadeenka ka tahay dowladda uu yahay mid lagu car qaladeenaayo shirarka looga hadlaayo maamul mideesan oo loo sameeyo gobalada dhexe sidda uu hadalka u dhigay.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug garabka mucaaradsan Cabdiqeybdiid, Cali Cabdi Tooye , wuxuu sheegay in heshiiskaas aaney taageesaneen maamulka Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay  in isagoo ku hadlaya magaca Galmudug ay ka soo horjeedaan heshiiskaas isla markaana dowladda iyo Beesha caalamka ay ku qaldaneed in ay heshiiskaas goobjoog ka noqoto

Si kastaba, waxaa soo badanaya dhaliilaha loo jeedinaayo heshii 30-kii bishii hore ka dhacay Villa Somalia kaasoo la sheegay in lagu dhisaayo maamul lagu mideeyo gobalada dhexe, waxaana heshiiskaas  goob ka ahaa madaxda dowladda iyo beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

KHALIIF EREG oo lagu dheggan yahay iyo kulan Muqdisho ka dhacaya (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online)-Xilli maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho lagu aasay meydka marxuum Sheekh Aadan Madeer oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka oo shaley lagu dilay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa billowday in wasiirka ammaanka lagala xisaabtamo dilalka lagu hayo xildhibaannada baarlamaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka baarlamaanka Soomaaliya Daahir Amiin Jeesow oo ka qeybgalaayay aaska loo sameeyay marxuum Madeer ayaa sheegay in guddigooda uu berri la kulmi doono wasiirka amniga Khaliif Axmed Irig.

Wuxuu sheegay in marnaba aaney cabsi galin doonin dilalka lagu hayo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya isagoona intaas ku daray in booska u baneeyay xildhibaanka la dilay ay soo buuxin doonaan.

KHALIIF IRIG oo lagu dheggan yahay iyo kulan Muqdisho ka dhacaya
KHALIIF IRIG oo lagu dheggan yahay iyo kulan Muqdisho ka dhacaya

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumadda aan laga yeeli doonin in la iska dilo xildhibaannada kuwa dilana ay iska marmaraan magaalada.

Waxaa soo badanaya walaaca ay muujinayaan xildhibaannada baarlamaanka kuwaasoo noqday bartilmaameed joogta ah, maadama muddo 7 bilood ah magaalada lagu dilay shan mudane.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wax ka qaban doonto falalka ammaan darida ee ka taagan magaalada balse arrintaas wali ma ahan mid maaro loo helay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

“Puntland waa caqabada ugu weyn ee Somalia haysata” waxaa sidaas yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib markii maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in uu xiriirka u jaray dowladda fedaraalka Soomaaliya,taasoo daba socotay heshiiskii ka dhacay Villa Somalia ee lagu dhisaayay maamul loo sameeyo gobalada dhexe, waxaa soo baxaya eedeemo loo jeedinaayo maamulka Punland.

Cabdelle Boos Axmed waa mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu sheegay in maamulka Puntland iyo madaxweynahooda ay caqabad ku yihiin Soomaaliya oo dhan wuxuuna sheegay nidaamka fedaraalka in fitno ku yahay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Cabdiweli Gaas uu ka mid ah dadkii sameeyay nidaamka fedaraalka isagana uu ka mid ahaa in dalka laga dhigo mid jiko jiko ah sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale Cabdelle Boos in Puntland aaney waxbo ka awood badneen ama aaney dhaamin maamulada kale ee ka dhisan dalka.

Hadalka xildhibaan Cabdelle Boos Axmed ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxweynaha maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in maamulkiisa uu xiriirka u jaray dowladda fedaraalka isla markaana xubnaha ugu jira baarlamaanka uu ku amray in ka soo baxaan magaalada Muqdisho.

Maamulka Puntland ayaa qoonsaday heshiis Arbacadii hore ka dhacay xarunta Villa Somalia kaasoo la sheegay in lagu dhisaayo maamul gobaleed ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]