32.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Warar ku soo kordhay BAADI-GOOBKA Canada ee taliyaha booliiska SOMALIA

Toronto (Caasimada Online) – Warbixin lagu qoray Wargeyska Toronto Star ee ka soo baxa dalka Canada ayaa lagu sheegay in dowladda dalkaas ay baadi-goob ugu jirto taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Xasan Ismaacil Faarax kaddib markii la sheegay in uu galay dambiyo dagaal intii ay jirtay dowladii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre.

Canada, oo muddo raadineysay Maxamed Xasan, ayaa iminka si rasmi ah u ogaatay xilka loo magacaabay, waxaana suurta gal ah inay dalab u dirto dowladda Somalia, si loogu soo wareejiyo.

Wargeyska oo soo xiganaya Waaxda dib u dajinta qoxootiga dowladda Canada ayaa sheegay in taliyaha booliska loo heesto eedeemo culculus oo ku aadan dhinaca aadanaha kuwaasoo uu mas’uul ka ahaa xilligii ay jirtay dowladii millitariga.

Taliyaha booliska ayaa eedeemaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah in uu jirdil iyo tacdi kale uu kula dhaqaaqay dad rayid ah kuwaasoo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla gobalada waqooyi ee hadda la baxay Somaliland sidda lagu sheegay warbixinta wargeyska.

Dowladda Canada ayaa sheegtay ninkan in uu 7-sanno ku noolaa dalka Maraykanka balse markii dambe uu u soo cararay dalka Canada, balse marki la ogaaday in uu yahay dambiil dagaal in uu u cararay dalka Soomaaliya oo uu hadda ku nool yahay, sidaas Wargeyska ayaa qoray.

Dowladda Canada waxaa kaloo ay sheegtay in baadigoobeyso taliyaha booliska Soomaaliya isla markaana ay dooneyso in ay sharciga hor keento maadama uu yahay dambiile dagaal.

Wuxuu mas’uul ka ahaa dambiyo dhacay sannadkii 1984-tii xilligaas oo madax ka ahaa booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay warbixinta.

Wargeyska ayaa xiriir la sameeyay xafiiska ra’iisal wasaaraha si ay uga jawaabaan eedeeha loo soo jeediyay taliyaha booliska balse jawaab kama helin sidda lagu qoray Wargeyska Toronto Star.

Si kastaba, ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo qudhiisa heesta dhalashada dalka Canda ayaa u magacaabay Maxamed Sheekh Ismaacil Faarax taliyaha booliska kaddib markii dhawaan la isku dyay in lagu dilo weerar lagu soo qaaday xarunta madaxtooyada xilli habeen ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Canada

[email protected]

Halkan ka arag warbixinta wargeyska The Toronto Star

Halkan ka daawo video-ga dambiyadii General Maxamed

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Canada

[email protected]

Xog: MAGACYADA qaswadayaal cusub oo ka dhex dhashay Khilaafyada DFS

Muqdisho (Caasimada Online)– Iyadoo ay Mucaarad badan ku kacsan yihiin Dowlada Federaalka Somalia, ayaa waxaa hadana soo ifbaxaayo inay soo baxeen Qaswadayaal cusub oo lid ku ah Hanaanka Dowladnimo.

Qaswadayaasha Cusub, ayaa la sheegayaa inay u badan yihiin Xildhibaanadii hore ee Dowladii ku-meel-gaarka aheyd iyo Odayaal kasoo horjeeda Xassan sheekh, kuwaasi oo iyagu isku baheysanaaya sidii qarka looga tuuri lahaa Dowlada Xassan Sheekh.

Qaswadayaasha Cusub ayaa waxaa kamid ah shaqsiyaad horay usoo noqday Xildhibaano oo ay kamid yihiin, Ex Xildhibaan Bakistaan, Xaaji Shukri, Maxamed Cabdi laangare, Maxamed Xuseen Food yar iyo Xildhibaano horay uga tirsanaa Dowladii hore ee Sheekh Shariif.

Qaswadayaashani Cusub, ayaa waxa ay ku kulmaan Hoteelada Muqdisho sida Jazeera, City Palez, iyagoona ka arinsada duleelada ay ka weerari lahaayen Siyaasada Dowlada gaar ahaan Madaxweyne Xassan oo ay ku kacsan yihiin.

Ex Xil. Maxamed Xuseen Food yar oo ka tirsan Qaswadayaasha Cusub ayaa waxa uu sheegay in Amaankooda uu halis ku jiro, waxa uuna cadeeyay in dilalka Xildhibaanada laga soo agaasimay Villa Somalia, xilli uu ka hadlaayay kulan iyaga dhex maray.

Qaswadayaasha ayaa waxa ay ka wada siman yihiin mucaaradka Dowlada Xassan Sheekh, waxa ayna wacad ku marayaan inay Musuq-maasuqyada iyo Dilalka ka dhanka ah Xildhibaanada ay u gudbin doonaan Beesha Caalamka, iyagoona Tilmaamay inay gudbin doonaan Warqado iyo codad horay loogu hanjabay Xildhibaanadii la dilay.

Dhanka kale, Qaswadayaashani ayaa waxaa kamid ah Odayaal dhaqmeedyo iyagu wax kasoo dhisay Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh, waxa ayna ka cabanayaan daryeel la’aan kaga imaaneysa dhanka Dowlada.

Ugaas Maxamed Bashiir waxa uu kamid yahay Qaswadayaasha Cusub, waxa uuna Tilmaamay in Dowlada Xassan Sheekh ay ku fashilantay Ammaanka iyo horumarka Dalka iyo dadka, waxa uuna Tilmaamay in la joogo xiligii laga soo horjeesan lahaa Dowlada Federaalka.

Waxa uu ballan qaaday inay meel uga soo hari doonaan Siyaasadaha qalafsan oo ay la daal dhacayaan Madaxda Dowlada, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: Maxaad kala socotaa HESHIISKA Axmed Madoobe iyo Faarax C/qaadir?

Kismaayo (Caasimada Online) – War xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in xiriir qarsoodi ah uu ka dhexeeyo Axmed Madoobe iyo Faarax C/qaadir oo iminka ah Wasiirka Garsoorka Soomaaliya.

Xiriirka labada nin, ayaa ah mid siyaasadeed iyo mid ganacsi intaba, sida aaan xogta ku helnay. Faarax C/qaadir, ayaa ahaa ninkii Axmed Madoobe u xalaaleeyey gobollada Jubbooyinka.

Axmed Madoobe iyo Faarax C/Qaadir, ayaa la tilmaamayaa inuu ka dhexeeyo ganacsi dhanka dhoofinta dhuxusha, iyadoona la sheegay in ka hadalka joojinta dhuxusha uu hakat galiyay Faarax C/qaadir oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xasan, islamarkaana horumuud ka ahaa heshiisyadii DFS iyo MKG Jubba ku dhex maraayay Magaaladda Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Heshiiska Labada Mas’uul uusan intaa ku ekeyn balse ay sii jiraan ganacsiyo badan oo ay kamid yihiin Arrimaha la xiriira Badda Somalia oo ay Kenya dooneyso, islamarkaana uu dalaal ka yahay Axmed Madoobe.

Heshiiska ganacsi ee ka dhexeeya Axmed Madoobe iyo Faarax C/qaadir ayaa waxa uu bilowday Sanad ka hor, inta Faarax C/qaadir uu ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia, waxaana la tilmaamayaa in mashruucaasi ay gadaal ka riixeyso Dowlada Ethiopia.

Dhanka kale, Faarax C/qaadir iyo Axmed Madoobe, ayaa iyagu hortaagan fulintii Heshiiskii August 28, 2013, lagu gaaray Addis Ababa waxa uuna Heshiiskaasi dhigaayay in muddo 6 Bilood ah maamulka Dekedda Kismaayo uu maamulka Axmed Madoobe sii hayo, kaddibna dowladda Federaalka lagu wareejiyo, in garoonka diyaaradaha Kismaayo muddo 30 cisho gudahood ah dowladda Federaalka lagu soo wareejiyo iyo In la joojiyo dhoofinta Dhuxusha sharci darada ah, waxaana meesha ka baxeysa dhoofinta Dhuxusha iyo Dekada waa haddii uu Faarax C/qaadir soo afjaro Heshiiska, taasi oo muujineyso Ganacsiga.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

PUNTLAND waxa ay diiday heshiisyadii Garowe1 iyo Garowe2 (Maxaa ka jira in ay Galkacyo horey uga tanaasushay?)

Diidmada Puntland ay diiday heshiiskii Mudug iyo Gobolada dhexe loogu sameenayey Maamul Goboleedka waxay macnaheedu tahay iyadoo diiday Heshiiskii Garoowe1 iyo Garoowe2.

Heshiisyadaas waxaa ka mid ahaa in magaalada Gaalkacyo ay hoos timaado Maamulka Galmudug.

Diidmmada Puntland ay diiday heshiiskii Mudug iyo Gobolada dhexe loogu sameenayey Maamul goboleed waxay fursad siinaysaa Qabaa’ilada Soomaalida oo intooda badan Heshiiskii Garoowe1 iyo Garoowe2 diidanaa.

Sideed iyo toban-ka gobol ee aasaaska looga dhigay maamul goboleedyada ayaa markii horeba cadaalada daro laga tirsanaayey, taasoo hadaad eegtid ahaa mid qabaa’ilo gaar ah loo samaeeyey,

Iyadoo aan loo eegin,wax soo saar ahaan,tirada bulshada degan iyo masaafada degaanka.

Maamulka KMG Juba ayaa gacanta loo galiyey Axmed Madoobe, iyadoo la hareer maray Beelaha gobolkaa dega sida; Jareer Weyn, Digil iyo Mirifle, Gaaljecel,Mariixaan, Carmalo,Biimaal, Shiikhaal,Dir,Baajuun iyo Giirgiir.

Puntland waxay tiraa Kismaayo waa magaalo Soomaaliyeed, cid walba oo sheegata Soomaali ayaa ku maamulkeeda xaq u leh.

Dawlada federaalka waxay ku mashquushay inay had iyo jeer raali galiso Puntland oo ay ka hormariso ummadda Soomaaliyeed inteeda kale. Dawlada Federaalka waxay kala tashatay dib u eegista Dastuurka maamulka Puntland oo keliya, iyadoo aan beelaha kale ee Soomaaliyeed lagu wargalin waxa socda.

Soomalida waxay tiraahda xaq feeraha yuu ka dilaacaa. Labadii xaqdaro ku heshiisa, xalaal kuma heshiiso.

Waa Ilaahay mahadii haddii Dawlada federaalka iyo Puntland ay isku dhaceen. Labada waxay masuul ka yihiin qaska iyo jahwareerka ka taagan Soomaaliya maanta.

Isku soo wada duub: Diidmada Puntland ay diiday heshiiskii Mudug iyo Gobolada dhexe loogu sameenayey Maamul Goboleedka waxay keenaysaa in nidaamki Federaalka ahaa uu hawada ka baxo iyo in beel walba ay degaankeeda ay maamul u sameesato.

Beelaha Digil iyo Mirif,Hawiiye, Jareer Weyn iyo Mareexaan  ay Qaadacaan Maamulka KMG Juba.

Qore: Axmed Cabdi Osmaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

XOG: Siyaasi rabo inuu jaan rogo DFS oo Muqdisho soo gaaray (Waa kuma?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia soo gaaray Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Dowlada Xassan Sheekh Maxamuud oo uu kamid yahay Taliyihii hore ee sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Axmed Fiqi.

Axmed Fiqi ayaa waxaa la sheegayaa inuu Magaalada Muqdisho ka wado olole ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Fiqi, ayaa waxa uu ka yimid magaalada Nairobi, waxaana lagu tilmaamay ujeedka imaanshihiisa inuu yahay mid siyaasadeysan oo ka dhan ah Dowlada Xassan Sheekh.

Waxa uu durbadiiba Muqdisho ka bilaabay kulamo uu la qaadanaayo Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Dowlada Federaalka Somalia, oo qaarkood ay yihiin xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Axmed Fiqi, ayaa ah nin aan qarsan inta badan dhaliilahiisa ku aadan dowladda Soomaaliya, isaga oo qoraallo ka dhan ah mar-walba soo dhiga bartiisa Facebook.

Waxa uu xiligaani Hoteelada Muqdisho kula kulmaa inta badan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Madaxweynaha, waxa uuna Go’aankoodu yahay inay qarka ka tuuran Dowlada Dam-Jadiid.

Dhanka kale, Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga dareemayaa Kacdoon Siyaasadeed oo ku wajahan Dowlada Federaalka, iyadoona Hoteeladu ay siyaabo kala duwan ugu shirayan Qaswadayaasha diidan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xertii federalka oo xanaftiisu gaadhay

Waxaa la yidhi hadda ka hor, ayaa gobolka Togdheer xilligii uu joogay Gumeysiga waxaa laysku qabsaday Hal lammaan, oo markaas nin ka soo jeeda deegaammada Hawdka ama Doollo uu ku doodayey inuu leeyahay, Arrintii markii cilinkeedii la saari waayey, ayaa loo gudbiyey Saancaddaalihii Ingiriiska Maxkamaddiisii, waxaana la yidhi nimankani waxay isku haystaan Hashan lammaan, nin welibana waa ka biyo diiday Xeer Soomaaligii ee u garqaada.

Sidii lagu yaqaannay, Xeerkii Saancaddaalaha waxaa laysugu keenay dhismihii maxkamadda Xarunta Burco, waxaana la dhegaystay, labadooda dacwadood. Ninka Reer Burco ayaa wuxuu haystay laba Markhaati oo ehelkiisa ah, halka ninka kale aysan jirin xitaa cid garanaysa, waxaase u muuqda Hashiisii Hebla oo Sumaddeedii iyo Sawraceedii wadata, Sumaddiina la madhac dhaamay oo sumado kale laga kormarshey.

Qaaddigii ayaa dhegaystay dacwadihii, wuxuuna ku yidhi ninkii hasha ku doodayey haddaadan marag haysan waxba ma lihid! Ninkii arrintii waa ka biyo diiday, wuxuuna dalbadey in arrinta loo dhabbogalo.

Ninkii Ingiriiska ahaa ayaa ballamiyey maalintii dambe, balse, intuusan go’aanka ridin ayuu laba nin oo Soomaali ah albaabka joojiyey, si qolo weliba markay baxayso uu hadalkooda u dhegaysto. Qoladii Hasha ku doodeysay ee Markhaatiyada wadatey ayaa tidhi markay, albaabka ka baxeen; “Cadkeeda leey, Wallee dabadaan dhulka ugu dhufanney!” ninkii keligii ahaa ayaa yidhi isaguna markuu albaabka ka baxayey intuu cirka eegay; “Alla Ilaahayoow maad maantoo kale hadashid?!” .

Nimankii shaqaalaha ahaa waxay soo gudbiyeen waxay ka maqleen labada qolo, ninkii qaaddiga ahaana waxaa u soo baxday inay qolada xaqdarro ku doodeysa yihiin nimankii yidhi, “Alleylehe dabadaan dhulka ugu dhufanay” rag dulmi isku bahaystey inay yihiin.

Maalinnimadii dambe ayuu hashii u xukmiyey, ninkii reer Doollo, halkaana ku kaxaystay hashiisii oo lammaan.

Dulucda iyo sheekada aan uga socdaa arrinkan, ayaa ah xaaladda cusub ee Soomaaliya 10ka sano la baaxaadegayso ee Federaalka (Beelaysiga) ayaa waxaa keenay, Gobollada bari oo aan odhan karno waa kuwa iyagu lahaa ama curiyey aragtidan ah, in dalka loo qaybiyo Deegaabmo beelo xukumaan, oo beel weliba gooni dowlad u noqoto, gaar ahaan reer bariaga ayaa markaas ciyaarayey arrin ah, “Ciyaarta lug baan kula jiraa haddey xumaatana waa kala baxay” Maadaama ay maamul nidaam beeleed ah ku dhisteen 1998, kaasoo ahaa aragti hufan oo wanaagsan laguna kala badbaadiyey umaddii deegaankaas ku dhaqnayd, balse, waxaa loo xidhay markii dambe Gaashaan ka duwan kii hore oo noqdey, “Mashruuc gorgortan iyo Sedbursi lagu raadinayo” ama “Kaagana kula lihi kaygana annaa iska leh” iyo in dowladda dhexe, Jago iyo jeenan ay qaybtooda ka qaataan iyo dhaqaalaha ka soo baxa Gobollada kale ee dowladda hoos taga, iyaguna kooda ay gooni u qaatan, “Laba eef

Haddii xaalku sidaa ahaa waxaa jirtey, in maanta  xertii ololaha iyo xamaasadda ku waddey Federaalka ay xanaftiisii gaadhay, “Belaayo intey kaa maqantahay qayrkaa bay ku maqantahaye”, waxaa lagu sandulleeyey, Gobollada Dalka Jubbooyinka, iyo Koonfur Galbeed, deegaammo aan isku xidhmin iyo dad aan afti iyo oraah la weydiin ayaa lagu toloy, qaado nidaamka qabyaaladeysan haddii kale QASWADE ayaad tahay.

Intaasba bulshada reer Puntland waxay ku dacwiyayeen ninkii diida Federaalka (Beelaysigu) inuu yahay QASWADE, qarannimada meel uga dhacay, oo aanu doonayn in dalku dego. Waxaa kaalintii galay United Nationka oo markii hore u xukmiyey guud ahaan, dadkii kale inay Beelaha Barigu ka saxan yihiin, halka kuwii kale aan waxba laga weydiin, Puntland ayaa wadatey laba Markhaati waa Kenya iyo Itoobiya (IGAD) haddaba United Nationku waxay labada albaab dhigeen dad dhegaysta arrimaha bulshada Soomaaliyeed iyo dareenkooda.

Qaaddi Nikoles Key, ayaa dacwaddii shalay xukmiyey in Gobolka Mudug lagu daro Maamul Goboleed cusub oo loo sameeyo Gobollada Dhexe, hase yeeshee Gobolka Mudug oo u qaybsanaa qaab beeleed, Maamulka Bari: inyaroo ka mida Gaalkacayo, Jarriiban iyo Goldob,  ayu beel ahaan ku gioostay, ee aan nidaam dawladeed iyo maamul midna ahayn, oo aysan ka talin Koonfurta Gaalkacayo, Hobyo iyo Xarardheere, sidaa awgeed waxaa la go’aanshay inaysan beelnimo u qaybsami karin Mudug ee laysku darro, arrintu waa laba is neceb (Jiir iyo Bisad) wax isugu dar, Puntland iyo Maamulkii bari waxaa ku yimid, waddadii Sarfeeygii lagu jeexayey Beelaysiga.

Waxaa aad loola yaabay go’aan ay soo saareen, Madaxda Maamulka Beelaha Bari ee ka tirsan “Jamhuuriyada Beelaha Soomaaliyeed” oo ku dhawaaqey inaysan wax wada shaqayn ah Beelaha Bariga kala dhaxayn doonin Jamhuuriyada Beelaha Soomaaliyeed. 

Sababtu maxay tahay? 

Maahmaah ayaa tidhaahda “God ha qodin haddaad qoddan ha dheerayn, ku dhici doontid ma ogide” Halka ay murti kale ka tidhaahdo, Ninkii Barbaarsha Bahal nool ka baxsay ama Boqna gooy” Federaalku wuxuu ka soo faafay Dooxada Nugaal iyo Xeebta Badda Cas ee Raascaseyr, Sida Ayaxa wuxuu hadba guur guuraba wuxuu ku fidey, Gobollada Koonfureed oo uu naq ka helay, Baay, Bakool, Gedo iyo Jubbooyinka, wuxuu haddana u naq raacay oo geeddiga u rarey Ayaxii Gobollada dhexe ee Mudug, Galguduud, waxaa keliya oo aan ilaa hadda Ayaxaasi si wanaagsan ugu habsannin, Gobollada Hiiraan, Shabeellada dhexe iyo Gobolka Banaadir, hubbantina inuu dul heehaabayo, Balse, weli kuma degin degel iyo deegaanna kuma yeelan.

Haddaba qaabkii Beeleysiga lagu sargooyey magac laga soo minguuriyey  dalal shisheeye (Federaal= Beelaysi) balse, umadda Soomaaliyeed inta maanka iyo maskaxda fayoobi ka deyrisay qaylodhaanna ka dirtey Maantuu taaganyahay halkay ka soo askuntey qabyaalada Soomaaliyeed. Sida aan ognahay marka lays xifaalaynayo, dalka gudihiisa lana kala qabyaalad badan loona kala firfircoon arrimaha Qabyaaladda.

Qabyaallada Soomaaliya waxay ku dhalatey magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug, iyadoo Timatidcan ayaa  lagu guursaday gobolka Bari, iyadoo saddexan oo saddex da’ood waddatana waxay u guurtey Gobollada waqooyi,  haddana Iyadoo Toban dhal ah waxay fadhidaa maanta Koonfur.

Haddaba Nidaamka Beelaysiga ninkii keenay ayaa maanta diiddan fulintiisa, waa su’aale, sheekada Reer Puntland ma la jiifiyaana Bannaanbaa la joojiyaana bannaan?.

Waxaa magaalada Gaalkacayo joogi jirtey, Haweenay aad u jecel Shaaha, bulshada deegaankuna ku xaman jireen inay quruumo ama Rooxaan qabto, Haweenaydan ayaa had iyo jeer sidan jirtey, Kildhi (Jalmad) Shaah ugu jiro iyo Koob.  Haweenaydaas ayaa ka xanaaqi jirtey ”GAALOOY JAB” markay eraygaa maqasho ayay ugu jawaab celin jirtey cida tidhaahda,“GAALOOY JIR” waxaa la weydiiyey maxaad uga xanaaqdaa Gaallooy jab? Waxay tidhi Gaaladu saw maaha kuwa sameeyey, KILDHIGA, shaahana noo keena, la’aantood waxaan u dhiman lahaa, Xaraarad shah (Khamrad) Haweenaydan ayaa aamintey haddii gaaladu Jabto in iyadana Shaah la’aani ku dhacayso.

Hadda waxaa jirta Bulsho Soomaaliyeed oo sidan oo kale ah haddaad Kenyaatiga ama Itoobiyaanka, wax ka sheegto kula dagaallamaya ama kula colloobaya, sababtuna waxay tahay waxay u arkaan inaysan la’aantood waxba noqon karin,  danahooda iyo damacoodana gaadhi karin.

Haddaba haddii shalay la muquuniyey, Gobollada Jubbooyinka, haddii la yidhi Gedo Kismaayo ha laga xukumo,  Shabeellada Hoosena Baydhabo ha looga taliyo oo dad iyo deegaanba la afduubay arrintaas waxay ahayd shalay hirgelinta Federaalka (Beelaysiga) Arrintaas maamulka Bari aad buu ugu riyaaqay, haddaba, haddii la yidhi maanta Gobolka Mudug wuxuu hoos tegayaa, Galguduud, oo Dhuusa Mareeb ayaa looga talinayaa maxay tahay sababta keentay in Maamulka Bari ka soo horjeesto? miyeysan ahayn arrintani hirgelinta nidaamkii gurracnaa ee ay loo ololeynayey? Bal adba?

Soomaalidu ma aysan dooran nidaamkan ee waxaa u doorey dalalka deriska ah iyo waddama reer galbeedka, waxaana billow iyo dhammaad gadhwadeen ka ahaa Federaalka Gobollada Bari oo yar iyo weyn, Carruur iyo Cirroole isku raacay in ay tahay xalka iyo sida keliya ee lagu kala badbaadi karo, dowlad wadaag Beelaysan, haddase waxaad mooddaa in arrintu sidii hore ka bedelantahay?.

Maxay tahay farqiga u dhaxeeya ninka Jooga Gedo ee loo diiday inuu wax la wadaago Baydhabo iyo Bakool, laguna qasbay inuu Kismaayo hoostago, iyo ninka Jooga Jaziira ee lagu qasbay in Baydhabo looga arrimiyo, sidoo kale maxaa diidaya in ninka Jooga Jarriiban iyo Tuulo Buuryaqab in looga Arrimo Dhuusa mareeb? Anigu ma garan!

Bulshada Soomaaliyeed, waxaan filayaa ee shalay lagu suntey Federaaldiidka ama QASWADAYAASHA, in ay dareemi doonaan, dhagarta ku hoos jirta Federaalka iyo Beelaysiga, Federaaloow fitnadaada la wada arag, haddii kii shalay kuu foognaa maanta kaa fiigey. 

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sawirro: Siyaasi ku eedeeyay M/weynaha inuusan xilka hayn karin

Wakiilka Xisbiga Madaxweyne Hassan Sh uu ka tirsanaa ee Nabadda iyo Horumarka ee qaarada Yurub Mudane Hassan Cabduqaadir Muudeey ayaa waxa goob fagaare ah uu ka sheegay inaanu aheyn Madaxweyne Hassan Sheekh ruux ka bixi kara Kursiga Madaxweynenimada Soomaaliya,waxana uu intaasi ku daray inuu haatan ku fashilmay xilkii ay Shacabku u igmadeen.

Hassan Cabduqaadir Muudeey oo dhawaan ka hadlayay Xaflad ka dhacday Dalka Sweden taas oo isugu yimaadeen Masuuliin ka tirsan Xisbiyada Siyaasada dalka Sweden Wakiilo ka kala socday Shirkadaha dalka, qaar ka trsan Madaxda Dowladda Sweden iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Borlnge ee dalka Sweden ayuu si qoto dheer uga sheekeeyay Marxaladihii kala gadisnaa ay soo martay Siyaasada Saaxiibkiis Hassan Sheekh Maxamuud oo haatan ah Madaxweynaha dalka iyo geedi Socodka nabada dalka isagoo intabadan warbixintiisa ku muujiyay rajo beel taas oo uu tiir uga dhigay fashilka Siyaasadeed ee ku yimid xiligan Hogaanka dalka waa sida uu hadalka u dhigaye.xasan-xisbi-1Hassan Muudeey Wakiilka Xisbiga Nabadda Iyo Horumarka Qaarada Yururb ayaa Waxa Shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada Dalka usheegay in haatan Dalka Soomaaliya halis ugu jiro Macluul Iyo Gaajo taas oo ay ak dhalan karto Xaalada Siyaasadeed ee qalafsan.

Wakiilka Qaarada Yururb ayaa waxa uu heydaha kala gadisan ee dalkan oo qaarkood xaflada ka soo qeyb galay usheegay in uu dalka Dhawaan ka yimid goor dhawna uu ulaaban doono isagoo warbixinta uu ka sida ku macneeyay mid khatar ah.
“Runtii Dalkii Soomaaliya een dhawaan ka imid waxaan ka sheego mahaayo oon ka aheyn kaliya inay dalka sidey doonaan yeelaan Kooxda Damujadiid oo Hantida Dalka lunsatay. xasan-xisbi-2xasan-xisbi-3xasan-xisbi-4xasan-xisbi-5

Cudur halis ah oo laga cabsi qabo inay ciidamada Amisom keenaan Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada AMISOM Korneel Cali Aadan Xumad oo la hadlay wakaalada wararka AP ayaa sheegay in la joojiyay askarta AMISOM ee la keenayay Soomaaliya kuwaasoo lagu badalayay askartii horrey u joogtay dalkaas.

Wuxuu sheegay in arrintaas ay u yeeleen markii dalal badan oo ku yaalla galbeedka Afrika uu ka dilaacay cudurka halista ah ee EBOLA kaasoo hadda gallaaftay ku dhawaad 800 oo qof.

Wuxuu sheegay in si gaar ah loo joojiyay askarta ka immaan jirtay dalka Siraliyoon maadama dalkaas uu ka mid yahay dalalka sida ba’an uu ugu dilaacay.

Wuxuu sheegay oo kale, in AMISOM ay wax ka badaleyso qorshaha ciidamada la isku badalo ee qeybta ka ah howgalka Midowga Africa ee AMISOM.

03-06-amisom-pkeepersAfhayeenka AMISOM wuxuu caddeeyay in AMISOM aaney diyaar u ahayd in Soomaaliya ay keento cudurka EBOLA.

Waddamada Itoobiya iyo Kenya ayaa billaabay in ay baaraan dadka ka immaanaya waddamada ka immaanaya galbeedka Afrika.

Si kastaba, waxaa soo badanaya walaaca laga muujinayo ciidamada AMISOM kuwaasoo laga yaabo in cudurka EBOLA ay keenaan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Qeybo madaxtooyada SOMALIA ka mid ah oo maanta haawanaya (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta qeybo ka tirsan Villa Somalia laga daad gureeyay Qoysas farabadan oo ay dhaleen Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia.

Qoysaska la xaaqay oo ay Mas’uuliyiintaasi dhaleen ayaa waxaa la tilmaamayaa inay gabaad ka dhigan jireen Villa Somalia, waxaana Saakay illaa Galabta la arkaayay gaadiidka loo yaqaan katarabiilka oo iyagu kusii qulqulaayay Villa Somalia si ay u burburiyaan dhismooyinka laga raraayo qoysaska Wasiirada iyo Saraakiisha ay dhaleen.

Wasiir Amniga Khaliif Erag ayaa waxaa lagu arkaayay Goobta, waxa uuna Wasiirku Tilmaamayay in Amaanka Dalka uu ku jiro in Villa Somalia laga saaro Qoysaska degan, waxa uuna sidoo kale Katarbiilada ku amray inay dhulka dhigaan Qalabka Shirkada Isgaarsiinta iyo kuwa Xawaaladaha ah ee ku dhex yaalla Villa Somalia.

Dhanka kale, warar hoose oo goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga lagu war galiyay inuusan faragalin Qoysaska ay dhaleen Wasiirada, inkastoo la sheegay inuu ka dhaga adeegay, sheegayna inuu gudanaayo waajibka Amniga ka saaran.

Sidoo kale, Amarka kasoo baxay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Erag, ayaa waxaa Madaxtooyada looga rarayaa Shirkadaha Xarumaha ku dhex leh Madaxtooyadae, kuwaasi oo Saakay furanaayo qalabkii halkaasi ugu xirnaa.

Arrimahan, ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshe cusub, oo amniga lagu sugayo, oo wasiir Ereg uu la yimid.

Ereg waxa uu sheegay in madaxtooyada ay tahay kaliya hoyga qoyska madaxweynaha Soomaaliya iyo xafiiskiisa, wixii intaas kasoo harana ay tahay qalad inay halkaas ku sugnaadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan deris la ahaa Adan Madeer oo ka xog warramay qaabkii loo dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo ah xoghayaha guddiga maaliyada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka xog warramay qaabla loo dilay guddoomiyihii guddiga maaliyada baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Madeer oo maanta duhurkii lagu dilay ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay daris ahaayeen xildhibaanka la dilay wuxuuna sheegay in lagu dilay Sheekh Aadan Madeer meel ku dhow gurriga uu degnaa oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in xildhibaanka markii la dilaayay uu ka soo baxay Masjidka Marwaaz oo xilligaas uu ku soo tukaday salaada jimcaha.

Wuxuu sheegay in xildhibaanka uu la socday wiil waardiyo u ahaa oo watay Bastoolad kaasoo sheegay in ragga dilay xildhibaan Sheekh Madeer ay wateen gaari yer isla markaana ay ku sugayeen meel ku dhowr gurgiisa.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in ay ku dhaceen dhowr xabadood oo aad u culus isla markiiba uu meesha ku dhintay.

Waxaa la weydiiyay maxaa dhacay intaas kaddib, wuxuu sheegay in loo wacay xildhibaanno kale kuwaasoo ka qaaday meydka Xildhibaan Madeer goobta oo lagu qaaday gaari Ambalas ah kaddibna la galiyay Talaajad.

Wuxuu sheegay oo kale in maalinta berri ah la aasi doono.

Waxaa la weydiiyay mar haddii xildhibaannada baarlamaanka lagu dilaayo bartamaha magaalada sida dareenkooda uu yahay, wuxuu sheegay in xildhibaannada ay wal wal ka muujiyeen arrintaas.

Waa xildhibaankii labaad oo muddo 3-labo toddobaad gudahood lagu dilo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sidoo kale waa xildhibaankii shanaad ee la dilo ssannadkan.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegtay dilka xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo muddo dheer ku soo jiray arrimaha maaliyada, isagoona horrey uga soo shaqeeyay Bangiga Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ahlu-Sunna iyo Dowladda Soomaaliya oo uu dagaal culus uu ka dhex qarxay

Garbahaareey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu maanta ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda iyo maleeshiyaad daacad u ah Ahlu Sunnada Koonfur galbeed.

Dagaalka ayaa yimid markii ciidamada dowladda ee ku sugan Garbahaareey ay rasaas ku fureen baabuur dagaal oo ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan Ahlu Sunna, waxaana goobta ka billowday dagaal xooggan.

Ilaa hadda waxaa la sheegayaa in dagaalka ka dhex qarxay ciidamada dowladda iyo Ahlu Sunna uu ku dhintay hal qof oo ahaa nabadoon caan ka ah magaalada Garbahaareey sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dagaalka in ka badan seddax qof oo u badan dhinacyada dagaallamaya.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay in uu sababaay in magaalada laga kala cararo waxaana istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka, waxaa kaloo xiran goobaha ganacsiga ee magaalada.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay iska hor imaadka ku dhexemaray Garbahaareey ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in magaalada lagu soo rogay bandow billaabanaya maqribkii ilaa subixii soconaya.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo magaalada ay shaley gaareen wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmmuud.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

‘’Hub aruursi & abaabul dagaal ayaa ka socdo Gobolada Dhexe’’ Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Laba maalin ka hor Magaalada Muqdisho gaar ahaan Villa Somalia lagu kala saxiixday Heshiisyo lagu hirgalinaayay  maamul mideeya Gobollada Dhexe, ayaa waxaa haddana soo baxaayo warar sheegaya in Hub aruursi iyo Abaabul dagaal uu ka socdo Gobollada dhexe.

Imaam Cumar Macallin Abshir oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobollada dhexe oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in Heshiiskii lagu gaaray Villa Somalia uu dhaliyay Colaado u dhexeeyo Beelaha iyo maamulada Gobollada dhexe.

Imaam Cumar Macallin oo ka qeybqaadanaayay dooda Jimcaha Shabelle ayaa  waxa uu ka digay in dagaal sokeeyo uu sababo Maamul la doonayo in loo sameeyo Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Waxa uu tilmaamay Imaamka in Maamulada qaar ee la mideynaayo ay isku biro tumanayaan, taasina waxa uu Tilmaamay inay sabab u tahay Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh.

‘’ Waa nasiib daro in Dowlada Somalia ay qaatumo ka dhigtay iska horgeynta Beelaha dega Mudug iyo Galgaduud, meeshii ay ka shaqeyn lahayd isku soo dhaweynta umadda Soomaaliyeed ayay ka shaqeysay kala fogeynta iyo iska horgeynta Beelaha’’ ayuu yiri Imaamka oo intaa ku daray inay iminka jiraan Colaado laga dheehan kara G/Dhexe.

Maamulka Ximan iyo xeeb iyo Ahlusunna ayaa iyagu daboolka ka qaaday inaysan qeyb ka aheyn Maamulka ay Dowlada qalinka ku duugtay, waxa ayna Tilmaameen in Heshiiskaasi uu ahaa mid lagu qiyaameynaayo Beelaha Soomaaliyeed.

Dhanka kele, Heshiiskii ay garwadeen ka ahayd dowladda Federaalka Somalia ee ka dhacay Madaxtooyada ayaa waxa uu qarka u saran yahay inuu dhaliyo Dagaal Sokoye oo iminkuba saan-saantiisa laga dareemaayo G/Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Guddoomiyihii guddiga maaliyadda BF SOOMAALIYA oo Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanayo Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Kooxo Hubeeysnaa ay goor dhow gudaha Degmadaasi ku toogteen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanka la toogtay uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada Baarlamaanka, waxaana la toogtay xilli uu kasoo baxay Masjid ku yaalla Degmada Xamar weyne oo uu kusoo dugtay.

Xildhibaanka ayaa waxaa dilay rag saarnaa gaari nooca raaxada ah, waxaana la tilmaamayaa inay isku hor gooyen gaarigii uu watay sidaana Rasaas ooda uga qaaden.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaaba Sheekh Aadan Madeer oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, gaar ahaan gudiga Maaliyada.

Lama Oga sababta ka dambeysay dilka Xildhibaanka, iyadoona ay goobta ka baxsadeen dadkii dilka fuliyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Jawaab: “Puntland kama Soomaalisana beelaha gobollada dhexe” Waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa xalay shaaciyey in maamulkiisu ay kalsoonidii kala noqdeen Dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii dorraad Muqdisho lagu go’aamiyey in Gobolada dhexe ee Soomaaliya ay sameystaan maamul goboleed.

C/Weli oo heshiiskaasi ka dabaaqtamaya, wuxuu sheegay in Gobolka Mudug oo 2 dhinac u qeybsan aaney suurtagal aheyn in lagu darsado maamulkaasi.

Hadalka C/Weli Gaas waxaa naqdiyey xalay Xildhibaan Cabdullaahi Kheyre oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Xildhibaan Kheyre in hadaladaasi aaney ku habooneyn in ay ka yimaadaan shaqsi mas’uul ah oo ay dhibeyso xaaladda adag ee dalku ku sugan yahay.

“Puntland waxey noqotay bar ceebeed ku taal Dowladda dhexe ee Soomaaliya, sababtuna waxey tahay tillaabo kasta oo ay Dowladdu u qaado dhinaca wanaagsan iyo horumarka waxaad moodaa in ay odax ku tahay” Ayuu yiri Xildhibaan Kheyre, waxa uuna intaasi raaciyey in Puntland ay Dowladda ugu jiraan Xildhibaanno iyo Wasiiro haddii ay cabanayaana ay tahay in ay Baarlamaanka soo maraan, halkii ay saxaafadda ka baahin lahaayeen hadalo xasaasiyad abuuri kara, haddii se ey yiraahdaan waxaan xiriirka u jarnay Dowladda, waxa uu sheegay in aysan Dowladdu waxba u arkeyn.

“Haddii xaqiiqda la iska indha-tiro waxaa ka dhalanaya cadaalad darro. Puntland waxaa sameystay beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, beeshaasi kama Soomaalisana, kama xuquuq badna beelaha kale ee Soomaaliyeed, waa in lagu celceliyaa in aysan waxba ka duwaneyn beelaha dagan Sh/dhexe, Hiiraan iyo Galguduud” Ayuu yiri Xildhibaankaasi, waxa uuna intaasi ku daray in Maamulada dalka ka jira ay cabasho soo gudbin karaan, loona baahan yahay in cabashadaadu aaney noqon mid sed-bursi aad ku raadineyso.

“Beel waliba haddii ay tiraahdo sida aan rabno haddaan la yeelin cirkaa soo dumaya, waxey dhaawaceysaa hannaankii dowladnimo, Madaxdweynaha, R/wasaaraha iyo beesha caalamkuna waxey si wadajir ah goob joog uga ahaayeen, una ansixiyeen hirgelinta Maamulkaas” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Qarashkii safaaradaha la xiray oo la leexsaday (Arag DOCUMENT sir ah)

Muqdisho (Caasimada Online – Dowladda Soomaaliya, ayaa dhowaan sheegtay in la xiri doono inta badan safaaradaha Soomaaliya ee caalamka, lagana soo reebi doono kaliya 31 safaaradood.

Arrintaas ayaa waxaa loo sababeeyey in la yareeyo qarasha ku baxa, maadaama aysan dowladda Soomaaliya haysan dhaqaale ku filan.

Caasimada Online, ayaa heshay Dukumenti muhiim oo uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Federalka, C/raxmaan Ducaale Bayleh kaga dalbaday Wasaaradda Maaliyadda in xisaab lacageed gaar ah loogu shubo Kharashyadda qaar ka mid ah Safaaradaha Somalia ee caalamka .

In la joojiyo kharashaadka safaaradahan waxey imaanee xili safaarado loo xiray dhaqaalo daro, haddana waxaa ka muuqda warqadda in lacagtii laga helay safaaradaha la xirayo uu wasiirka weli daba taagan yahay.

Waxaay Safaaradahaasi ku kala yaallaan dalalka Qatar, Libya, South Africa, Russia iyo France.

Hoos ka arag warqadda ay heshay Caasimada Online

bayleh warqad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

150 xildhibaan oo qabtay kullan DF ka dhana & qodobo kasoo baxay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – 150 ka mid ah xildhibaannadii hore ee baarlamankii KMG ah ee Soomaaliya, ayaa shalay isugu yimid shir xasaasi ah oo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Waxa ay si aad ah u dhaliileen siyaadaha dowladda Somalia, oo ay sheegeen inay qeyb ka yihiin isku dir-ka iyo iska horkeenka beelaha Soomaaliyeed, iibsashada badda Somalia iyo qodobo kale.

Waxa ay xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdi Weli u bixiyeen magac cusub oo ah “Xukuumadda Aas-qaran”.

Hoose ka daawo kullankii xildhibaannada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Xasan waxa uu dalka la yimi baahi iyo dagaal wuuna fashilmay” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Maxamed Bashiir waxa uu kamid yahay Ugaasyadii soo dhisay Xukuumada Madaxweyne Xassan Sheekh, waxa uu sheegay in Dowlad lamid ah Tan Xassan Sheekh aysan imaan doonin Somalia.

Ugaas Maxamed Bashiir waxa uu Tilmaamay in Dowlada Xassan ay dalka la imaaday Qaraxyo, Dilal, Gaajo, Boob iyo Maamulo badan, waxa uuna Tilmaamay inay ku qasaaren dhismaheeda.

‘’Waa arrin aanan ka filaneynin markii aan dhiseynay DFS, waxaa u harsan muddo kooban intii ay soo dhameysatayna Kheyr kuma soo dhameysan oo waxa ay noo keentay Baahi iyo Dagaalo dhex mara Beelo aan weli dagaalamin’’ ayuu yiri Ugaas Maxamed Bashiir

Ugaas Maxamed Bashiir waxa uu Tilmaamay inay ka fiirsan doonaan Dowlad lamid ah tan Xassan Sheekh waxa uuna dhahay ‘’Insha allah ma dhici doonto inay soo laabato Dowlad lamid ah tan Xassan, waayo wey fashilanta DFS inta u harsana waxa ay ku mashquusha iska horgeyn iyo diridiraale’’

Haddalka Ugaas Maxamed Bashiir ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Madaxweyne Xassan uu ku dhawaaqay Maamul G/Dhexe oo ay ku kala irdhooben Beelo badan, islamarkaana iska horkeenay garabyadii shiraayay iyo DFS, Maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Puntland oo dabbaal degtay

Garoowe (Caasimada Online) – Ammaanka magaalooyinka waaweyn ee maamulka Puntland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta lagu arkayaa ciidamo aad u fara badan.

Arrintan ayaa ka dambeesa Puntland oo u dabaal dageysoa 16-sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay maamulkaas.

Dad weyne fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyne ee magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Qardho.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo si kooban ula hadlay dadweyne isugu soo baxay barxad ku taalla Garoowe ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay 16-sanno guuradii ka soo wareegatay aas-aaska maamulka Puntland wuxuuna sheegay in khubada uu ugu talagalay munaasabada uu ka jeedin doono caawa munaasabad ka dhaceysa xarunta baarlamaanka.

994140_807396805957776_2010473780825089363_n

1385773_807397175957739_7098747539105255796_n

10455033_807397475957709_763212831674114382_n

10557293_807398185957638_7452971072049361406_n

10455033_807397475957709_763212831674114382_n

10583957_807395382624585_488902264724773512_n

10590660_807396149291175_2266514890138631431_n

Xuska 16-sanno guuradii ka soo wareegtay aas-aaska maamulka Puntland ayaa ku soo aadaya iyadoo maamulka Puntland ay ku dhawaaqeen in ay xiriirka u jartay dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in dhammaan xubnaha Puntland uga jira xildhibannada baarlamaanka ay ku soo laabtaan muddo 15-cisho ah.

Puntland ayaa ka carootay heshiis maalintii Arbacadii ka dhacay xarunta Villa Somalia kaasoo la sheegay in lagu dhisaayo maamul gobaleed loo dhiso gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

VILLA SOMALIA oo barakac xoogan uu maanta ka billowday (Maxaa dhacay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo Xog-Ogaal ka tirsan Villa Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in saakay qeybo ka tirsan Madaxtooyada Somalia laga bara-kicinayo dad muddo halkaas ku noolaa.

Waxaa wararka ay sheegayaan in qeybo ka tirsan Madaxtooyada laga saarayo Carruurta iyo Xaasaska Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka oo halkaasi gabaad ka dhiganaayay in muddo ah.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Amarka lagu barakicinaayo Xaasaska iyo Carruurta Wasiirada iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka uu bixiyay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Erag.

Qoysaska iyo Carruurta Mas’uuliyiintaasi Saakay la barakicinaayo ay la sheegayaa inay kor u dhaafayaan 150 Qoys, waxa ayna Arrintaani ka dambeysay kadib weeraro kala duwan oo lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Somalia.

Sidoo kale, Amarka kasoo baxay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Erag, ayaa waxaa Madaxtooyada looga rarayaa Shirkadaha Xarumaha ku dhex leh Madaxtooyadae, kuwaasi oo Saakay furanaayo qalabkii halkaasi ugu xirnaa.

Arrimahan, ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshe cusub, oo amniga lagu sugayo, oo wasiir Ereg uu la yimid.

Ereg waxa uu sheegay in madaxtooyada ay tahay kaliya hoyga qoyska madaxweynaha Soomaaliya iyo xafiiskiisa, wixii intaas kasoo harana ay tahay qalad inay halkaas ku sugnaadaan.

Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya inuu jiro Khilaaf hoose oo ka dhex curtay Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Ciidamada oo ay Carruurta ka degan yihiin Madaxtooyada, iyadoona ay Saraakiishaasi warqado cabasho ah u gudbiyeen Xafiiska Madaxweynaha hayeeshee ay ku gacan seyreen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Gaas oo xiriirka u jaray DFS una yeeray xubnaha Puntland ugu jira

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland, ayaa go’aanno kasoo saaray heshiiskii shalay ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ee lagu dhisay mamulka cusub ee gobollada Mudug iyo Gal-Gaduud.

Gollaha wasiiradda Puntland oo uu horkacayo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa waxay caawa shir deg deg ah ku yeesheen madaxtooyadda, kasoo looga hadlayo heshiiskii shalay lagu dhisay maamulka gobollada dhexe.

Shirkan oo mudo socday ayaa ka dib waxaa laga soo saaray qoraal, kaasoo lagu sheegay dowladda Puntland inay baaq ugu dirtay xubnaha dowladda fedeerka uga jira inay si deg deg ah Puntland ugu soo laabtan ugu yaraan mudo shan iyo toban maalmood ah.

Madaxwaynaha Puntland Gaas ayaa sheegay Madaxda Villa Somalia inay baal mareen dastuurka KMG ah ee dalka, isla markasna ay damacsan yihiin inay isku diraan beelaha Soomaaliyeed ee wada degan.

Waxa kale uu Gaas sheegay shirkooda inay ku go’aamiyeen in si guud ay xiriirka ugu jareen dowladda Villa Somalia, taasoo cadaynaysa in horay uu xiriir hoose oo aysan dadku wax badan kala socon uu jiray.

Go’aanada Puntland waxaa ka mid ah:

– In Puntland ay xariirka u jartay Dowlada Federaalka Soomaaliya.
– In Puntland ay dib ugu yeertay xubintii u matalaysay Gudiga dib u eegista dastuurka Dastuurka Somalia.
– In xildhibaanada iyo Wasiirada matala Puntland ay ka soo baxaan Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
– In beesha Caalamka ay makhraati ka noqotay, kana qeyb qaadatay arrimo bur bur u keenaya Puntland.
– In qaskii ka jiray 24 sano koonfurta Soomaaliya la rabo in loo soo wareejiyo Puntland.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Cabdi Weli Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]