32.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Askar xoog ku soo raacay diyaarad oo lagu qabtay garoonka AADAN CADDE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee ilaaliya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay sideed askari oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda kuwaasoo xoog ku soo racaay diyaarad rakaab oo ukala gooshta Muqdisho, Bakool iyo Baydhabo.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho oo u warramay Caasimada Online, ayaa sheegay in askartan la xiray in loo gudbiyay hey’adda dambi baarista ee CID-da, halkaasoo hadda lagu baarayo askarta ka timid degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Askarta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa la socday diyaarada Salaam Air ee uu kala gooshta Muqdisho, Bakool iyo Baydhabo, waxaana la sheegay in mas’uuliyiinta degmada Waajid ay ka dambeeyeen in la soo saaro diyaaradda askarta dowladda.

Markii ay garoonka soo gaareen askarta ayaa la sheegay in lagu dacweeyay ciidamada ammaanka maadama diyaaradda ay tahay mid rakaab ah oo ay lee yihiin ganacsato Soomaali ah.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay in askar ka tirsan dowladda Soomaaliya ay xoog ku soo raacaan diyaarad rakaab ah isla markaana aaney bixin lacagtii laga rabay rakaabka saaran.

Waa markii ugu horreysay oo tallaabo noocan oo kale ay sameeyaan ciidamada dowladda oo dhibaatooyin aad u fool xun ka kula kagaca shacabka Soomaaliyeed ee raba in ay dalkooda mashaaarcii ka hirgaliyaan.

Waxaa kaloo jirta warar sheegaya in askarta maadama aaney la siin mushaar ku filan isla markaana safar dhinaca dhulka aaney soo marin karin in dantu ay baday in ay xoog ku saaraan diyaarad shacab.

Ciidamada dowladda waa dhaqan ay lee yihiin in gaadidka dadweynaha ay xoog ku raacaan iyagoo aan bixin wax lacag ah balse waxaa arrin cusub ah in ay xoog ku raacaan diyaarad rakaab ah, waxaana shaki aanu ku jirin in arrintaas ay saameyn ku yeelan doonto shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Ximin iyo Xeeb oo daboolka ka rogtay qorshaha ka dambeeya iyo cida wadata maamulka GOBOLLADA DHEXE

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex) waxaana uu faah-faahin ka bixiyay sababta uu maamulkiisa u qaaday heshiiskii shaley ka dhacay Villa Somalia ee la xiriirka dhismaha maamul gobaleed loo dhiso gobalada dhexe.

Baarleex ayaa ka xog warramaya qorshaha ka dambeeya dhismaha maamulkiisa iyo danta ugu jirta dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in sameynta maamulkaas uu ka dambeeyo arrimo dhow ah oo ay ka mid tahay dowladda maadama laga doonayo in ay dalka ay ka hirgaliso nidaamka fedraalka in ay dar-dar galiso arrintaas iyo in la car-qaladeeyo shir Ximin iyo Xeeb ay ku qabaneyso shanta bisha soo socota magaalada Cadaado.

Wuxuu sheegay sidoo kale madaxda dowladda in ay ka been abuuratay magaciisa iyo magaca maamulkiisa oo ku aadan isagoo ka qeybgalin heshiiska la dhahay waxaa ka qeybgalay maamulka Ximin iyo Xeeb.

Wuxuu beesha caalamka u caddeeyay in heshiiskii shaley ka dhacay Villa Somalia ay berri ka yihiin oo aaney waxbo laga weydiin doonin dhibaatada ka immaanata sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu ka digay dagaal iyo colaad hor leh oo ka dilaaca dadka wada deggan gobalada maamulka loo sameenaayo.

Hadalka madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa ku aadaya iyadoo saacad ka hor magaalada Dhuusamarreeb uu shir jaraa’id ku qabtay guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu Sunna, kaasoo si cad ah u sheegay in heshiiskaas ay qaadacsan yihiin isla markaana aaney wax shuqul ah ku lahayn.

Waxaa muuqata in dowladda uu ku soo furmay culeys hor leh oo ku aadan yagleelida maamul gobaleedyada laga dhisaayo gobalada dalka.

Halkan hoose ka daawo

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Socdaalka Xasan Sh ee Gedo

Garbahaareey (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta iyo shacabka ku dhaqan degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, oo uu maanta booqasho ku tagay.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta iyo shacabka kala hadlay adkeynta ammaanka iyo abaaro ka dilaacay gobalka kuwaasoo saameyn ku yeeshay dadweyne aad u fara badan.

Xasan Sheekh Maxammuud ayaa ballaan qaaday in dowladiisa ay wax ka qaban doonto dhammaan wax yaabaha ay soo bandhigeen mas’uuliyiinta iyo shacabka ku dhaqan Garbahaareey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay inta ay joogaan Garbahaareey ay booqan doonaan goobo muhiim oo ku yaalla magaalada waxaana ka mid qabriga uu ku aasan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Maxamed Siyaad Barre.

Waa markii ugu horeysay oo madaxweynaha Soomaaliya uu booqdo Garbahaareey tan iyo markii uu hoggaanka uu qabtay daba-yaaqadii sannadkii 2012-ka.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaya dhaliilo loo jeedinaayo madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan in uu ka tagay guddoomiyaha gobalka Gedo iyo ku-xigeenkiisa kuwaasoo hadda ku go’doonsan magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdi Kaliil guddoomiyaha gobalka Gedo ayaa sheegay in xittaa aan lala socodsiin booqashada madaxweynaha uu ku tagay Garbahaareey iska daa .

xasan gedo 1xasan gedo 2xasan gedo 3xasan gedo 4xasan gedo 5xasan gedo 6xasan gedo 7

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ahlu Sunna oo QAADACDAY heshiiskii shalay ka dhacay xarunta Villa Somalia

Dhuusamarreeb (Caasimada Online) – Ururka Ahlu Sunna ayaa qaadacday heshiis shaley ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kaasoo la sheegay in lagu dhisaayo maamul mideenaya Galgaduud iyo Mudug.

Guddoomiyaha guddiga fulinta ee Ahlu Sunna, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Al-Ashcari oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid sharci darro ah isla markaana aaney wax shuqul ku lahayn.

Wuxuu sheegay in heshiiska aan loo marin waddo sharci ah isla markaana Ahlu Sunna ay go’aankeeda lee dahay golaha fulinta oo uu ku sheegay halka marjica u ah.

Waxaa la weydiiyay sababta ay ku qaadacayan marba haddii heshiiska uu u saxiixay xubin ka mid ah, wuxuu tilmaamay Al-Ashcari in Ahlu Sunna dadka oo dhan ay yihiin balse maamulka iyo go’aan ka gaaristiisa uu lee yahay guddiga fulinta ee uu madaxda ka yahay.

Wuxuuu ugu baaqay beesha caalamka in aysan waqti iyo dhaqaale ku barataarin wax uu ku sheegay warqaado la siixiixay oo aaney jirin meel ay u socdaan sidda uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay caalamka uu la hadlaayo in ay goob ka ahaayeen heshiiska ayuu sheegay in wax yaabaha meesha ka socda aaney xog ogaal ka ahay beesha caalamka sidaas darteedna ay uga digayaan in ay ku kadsoodaan heshiiskaas.

Wuxuu sheegay in maamulkooda aan wadatashi lagalin maamulka cusub ee la dhisaayo sidda uu hadalka u dhigay.

Al-Ashcari ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay la timaado hannaan socon kale ee aaney kala goyn dadka wada dagga Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ee ku abtirsada maamulka Ahlu Sunna.

Waa qeybtii labaad Ahlu Sunna oo qaadacda heshiiska ka dhacay Villa Somalia muddo 24-saac, waxaana horrey qorshahan u qaadacay maamulka Ximin iyo Xeeb oo maanta dibad-bax ay uga soo horjeedaan heshiiskaas ku qabtay magaalada Cadaado.

Heshiiska lagu dhisaayo maamul mideeya Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa ka qeybgal;ay wakiilo ka socda Midowga

Afrika, Midowga Yurub, QM, IGAD iyo diplomaasiyiin caalami ah, waxaana qoddobada ku jiray ka mid ahaa qoddob dhaha cid kasta oo ka soo horjeesata hehsiiska waxaa loo aqoonsan doonaa qaswadayaal isla markaana waxaa laga qaadayaa tallaabo sharci ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

AXMED Madoobe oo bilaabay DAGAAL cusub oo aan looga baran (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Kismaayo eeJubbada Hoose, ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe uu wado qorsho cusub oo uu kula dagaalamaayo Col. Barre Hiiraale.

Wararku waxa ay sheegayaan in Axmed Madoobe uu doonayo in Hanjabaadaha kaga imaanaya Barre Hiiraale uu uga jawaabo Duqeymo dhanka Lidka meelaha fog-fog duqeymaha ka geysta, waxaana la tilmaamayaa in iminka uu rakibaayo Qoryaha waaweyn si uu dhulka u dhigo goobaha ay ku dhuumaleysanayaan Barre Hiiraale iyo Kooxdiisa.

Sidoo kale, waxaa lasoo warinayaa in Axmed Madoobe uu garab dagaal ka helaayo Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan, waxaana la rumeysan yahay in Axmed Madoobe uu Ciidankiisa galshay heegan sida uu u cadeeyay Warbaahinta.

Warar hoose ayaa waxa ay Tilmaamayaan in suuragal ay tahay in Axmed Madoobe uu duqeyn dhanka Cirka ah u adeegsado diyaaradaha Kenya xiliyada Habeenkii Barre Hiiraale iyo Ciidankiisa, halka warar kaasi khilaafsana ay sheegayaan inuu damacsan yahay in duqeymo hubka meelaha fog-fog u geysto Barre.

Lama sii saadalin karo halka ay gaarsiisan tahay Hanjabaadaha Labada Hogoomiye, wallow Maleeshiyada Raaskambooni ay sugayaan fasax si ay weerar ugu qaadan Duleedka Kismaayo oo uu ku sugan yahay Barre Hiiraale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maraykanka oo xalka SOOMAALIYA ka raadinaya dhinac cusub oo ah inuu….

Wanshinton DC (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in xal ugu jirin waddamo ay ka mid tahay Soomaaliya qaab millitari, waxaana ay soo jeediyeen in loo baahan yahay wadahal iyo dib u heshiisiin la dhex dhigo dalka ku nool waddamadaas.

Lataliyaha dhinaca ammaanka ee madaxweyne Obama haweeneyda la yiraahdo Susana Rise ayaa sheegtay in Maraykanka uu kordhin doono taageerada dhinaca dhaqaalaha iyo tabbabarida la siinaayo askarta waddamo ku yaalla Afrika oo Soomaaliya ay ugu horeyso.

Iyadoo ka hadleysa machadka nabadda ee Washington DC ku yaalla ayey sheegtay in xalka Soomaaliya oo muddo ka badan 20 sanno ay ragaadiyeen colaado ay u aragto siddii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa beelaha deggan dalkaas Afrika geeskiisa ku yaalla.

Waxay sheegtay Mrs, Rise in tan iyo sannadkii 2005-ta, ay tabbabar siiyeen ciidamo aad u fara badan kuwaasoo howllo nabad ilaalin u jooga waddamada Sudan, Soomaaliya iyo Afrikada Dhexe, iyadoona intaas ku dartay in saldhigyo millitari uu Maraykanka ku lee yahay qaarada sidda Djibouti.

Waxay xustay in Maraykanka uu saaxib dhow la yahay dalka Soomaaliya, oo dal hadda uun ka soo banaya dhibkii ka reebay asaagiis, waxaana dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay ka faa’ideesato fursada ay hadda heesato ee ah in beesha caalamka ay diyaar ula tahay taageero dhinac kasta ah.

Hadalkan Susana Rise oo horrey u soo noqotay wasiirka ammuuraha dibedda Maraykanka ayaa ku soo aadaya iyadoo billowga bisha August la filaayo in uu madaxweyne Obama uu la kulmo madax ka socota Afrika oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankaas taarikhiga ah waa markii ugu horreeyay ee uu dhaco tan iyo markii uu xafiiska qabtay Obama sannadkii 2005-tii.

Maraykanka ayaa hadda xoojinaya xiriirka uu lee yahay Afrika, waxaana sabab u ah markii Al-Qaacida ay dhul badan ka qabsatay waddamo ku yaalla gobalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

Yusuf Indha-Cade oo ammaan darrida Muqdisho dusha u saaray beelo iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, ayaa waxa uu sheegay in Ammaan darida ka taagan Dalka ay sabaab u tahay dhibaatooyinka ka dhex taagan Beelaha wada dega Dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo gacan shisheeyo oo ku dhex jirto Soomaalida.

Indha Cadde waxa uu Tilmaamay in Shacabka iyo Madaxda dalka uusan ka dhexeyn wada shaqeyn taasina waxa uu ku sheegay inay tahay Sababta keentay Ammaan darida, maadaama uu yiri kalsooni aysan jirin.

‘’Ammaan waxaa keena Alle, kadib waxaa lagu gaara madax iyo bulsho wada shaqeyso ma muuqato heerka ay kuwada shaqeyn lahaayen waxaana halkaasi ka imaanaya kalsooni daro iyo wadashaqeyn xumi’’

Waxa uu intaa raaciyay in Amaan darida ay qeyb ka tahay Dharka Ciidamada oo ay wada wataan dadka, wuxuuna tusaale usoo qaatay dharka Militeriga ee lagu geysanaayo dhibaatooyinta, taasina ay tahay mid dhaliisheedu ay usoo laabaneyso Dowlada Federaalka.

Waxa uu ku baaqay in Dowlada ay ka fogaato wax waliba oo nusqaamin kara sumcadooda, taasi oo uu ula jeedo Dayacaada Ammaanka iyo dhibaatooyinka ka dhalankara, wuxuuna ka digay in loo kala hiiliyo Ciidamada Dowlada.

Dhanka kale, Indha Cadde waxa uu walaac ka muujiyay qaabka ay Dowlada u dayaceyso Ciidamada, waxa uuna ku taliyay inay xooga saarto sidii ay isugu soo dhaweyn laheyd Ciidamada iyo Shacabka si looga sal gaaro Ammaanka Dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: “DF dagaal bay Puntland ku soo qaaday waana iska dhicneynaa”

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Afhayeenka ururada bulshada Rayidka Puntland Daahir Cumar Siyaad ayaa si kulul kaga hadlay kulankii ka dhacay Muqdisho oo lagaga hadlayay maamul u sameynta goballada dhexe ee dalka, kaasi oo lagu dhisay maamul cusub oo matalaya Mudug iyo Gal-Gaduud.

Shalay ayay hayad markii xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho lagu saxiixay heshiis ay gaareen saddex koox, oo la sheegay inay dhisanayaan maamul cusub oo federal ah, oo ka kooban gobollada Mudug iyo Gal-Gaduud.

Daahir Cumar Waxa uu sheegay in madaxda dalka ay ku eedeynayaan iska hor-keenka dadka walaalaha ah ee Galmudug iyo Puntland ka soo kala jeeda.

Afhayeenka waxa uu sidoo kale dhaliilay siyaasadda dowladda Somalia, isagoo sheegay in dad gaar ah oo dowladda ka tirsan ay arrintani ka dambeeyaan, kuwaasi oo uu sheegay inay horey u huriyeen  dagaal beeleedyada ka socda goballada dalka sida uu hadalka u dhigay Daahir Cumar.

Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu sheegay in Puntland lagu qabanayo kulan deg-deg ah oo lagaga hadlayo aayaha maamulkaasi, si la isaga difaaco waxa uu ugu yeeray weerarka iyo dagaalka dowladda Federaalka kaga imanaya

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo Cabdi Weli Gaas.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

DFS ma ka warhaysaa qorshaha cusub ee Amisom ay ka leedahay KISMAAYO?

Kismaayo (Caasimada Online) – Hawl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa xafiis dhinaca siyaasadda ah ka furanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo saxaafadda la hadlay, kaddib kulan ay shalay Kismaayo ku yeesheen mas’uuliyiinta maamulka iyo wafdi ka socday midowga Afrika ayaa sheegay in xafiiska laga furayo Kismaayo, si loo dar-dar galiyo hawlaha nabad galyada.

Fartaag ayaa intaas ku daray in xafiiska siyaasadda ee AMISOM uu gacan ka geysan doono adkaynta nabad galyada iyo horumarinta ciidammada maamulka KMG ah ee Jubba.

Ku simaha wakiilka midowga Afrika u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, Lydia Wanyoto oo hoggaamineysey wafdiga ayaa sheegtay in midowga Afrika uu gacan siinayo maamulka Jubba iyo bulshadiisa.

Illaa iyo hadda ma kala cadda, in arrintan lagu war-geliyey dowladda federaaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo in kale, hase yeeshee uma badna, sida horey looga bartay Amisom.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Dhageyso Cabdi QEYBDIID: FAD AMA HA FADIN WAA LAGU FADSIIN DOONAA

qMuqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmaudug, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay maamulada loo dhisaayo gobalada Mudug iyo Galgaduud uu ka yimid madaxda dowladda ee aanu ka immaan maamulada ka dhisan gobaladaas ee ka ah, Gamudug, Ahlu Sunna iyo Ximin iyo Xeeb.

Wuxuu sheegay in madaxda dowladda fedaraalka ay ka shaqeeyeen maslaxada dadka ku dhaqan gobalan kuwaasoo markii hore ahaa kuwa aad u yer yer oo aan xaqooqda dhacsan karin.

Cabdixasan Qeybdiid ayaa sheegay in maamulkan uu ku yimid FAT AMA HA FADIN, taasoo uu kaga jeeday in cid kasta oo ka soo horjeesata ay yeel kadeed tahay.

Wuxuu tilmaamay in dadka diidan ay cirka roob ku og yihiin sidda uu ka sheegay madashii lagu saxiixayay maamulka cusub ee loo dhisaayo Galgaduud iyo Mudug.

Cabdiqaybdiid waxaa kaloo uu ammaan kala dul dhacay beesha caalamka gaar ahaan IGAD oo uu yiri iyaga ayaa looga baahan yahay meel marinta heshiiskan oo la sheegay in ay qeyb ka saxiixeen maamulada Galmudug, Ahlu Sunna iyo Ximin iyo Xeeb.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay IGAD oo saaxib dhow la ah Soomaliya in ay ku dedaalaan siddii loo meel marin lahaa qorshaha maamul u sameenta gobalada dhexe.

Si kastaba, heshiiska ka dhacay Villa Somalia waxaan ka qeybgalin maamulka Ximin iyo Xeeb kuwaasoo qaadacay heshiiska waxaana ay sheegen in ay ka walwalsan yihiin aayaha maamulka loo dhisaayo labada gobal maadama qeyb badan oo Mudug uu gacanta ku hayo maamulka Puntland.

Halkan ka dhageyso Qeybdiid

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cabdi Nure Siyaad oo muuqaal xun ka baxshay heshiiskii Gobollada Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi-Nuura Siyaad oo ka tirsan Siyaasiyiinta Somalia oo la hadlaayay Idaacada SKY ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in Heshiiska Maamulka loogu dhisaayo Gobollada Dhexe uu yahay mid aan laheyn miro dhal.

Waxa uu Tilmaamay in Heshiiska ay gadaal ka riixayaan Dowlado dano gaar ah ka leh Kheyraadka Dalka, waxa uuna farta ku goday in taasi ay daliil u tahay Maqnaanshaha Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb C/lahi Cali oo goobta ka maqnaa.

Cabdi-Nuura Siyaad waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in Heshiiska uusan waxba dhaami doonin kuwii dhow jeer Soomaalida loogu qabtay Dalka iyo dibadiisa.

‘’Waa been abuur waxan aaminsanahay in Heshiiskaasi uu yahay mid aan waxba dhaamin kuwii hore, waayo waxa uu u muuqda mid lagu indha sarcaadinaayo Soomaalida, waxaa jiro Beelo aan lagala tashan oo iyagu la rabo in loo taliyo mana soconeyso’’

Dhanka kale, waxa uu Cabdi-Nuur ugu baaqay Soomaalida inay ka fogaato wax waliba oo ay gadaal ka riixayaan Beesha Caalamka, wuxuuna Heshiiskaasi ku tilmaamay mid ku ekaa inta leys hor fadhiyay laguna doonayo in leysaga horkeeno Beelaha wada-dega G/Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

“Garsoorkii oo awalba liitay ayaa waxa uu gacanta u galay koox” waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan xil ka qaadis sharci daro ah lagu sameeyay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Cabdul Qaadir Maxamed Muuse, ayaa waxaa arintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan DFS.

Xildhibaanada iyo Siyaasiinta ayaa sheegay in Faarax C/qaadir Wasiirka Garsoorka Soomaaliya uu ku tuntay Garsoorkii Dalka Soomaaliya Koox gooni ahna Gacanta u galiyey.

Ex Xildhibaan Salaad Cali Jeele oo iminka kamid ah Siyaasiyiinta Dalka, ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka Garsoorka Faarax C/qaadir uu afganbiyay Siyaasada Dalka, islamarkaana iminka uu u tafa-xeydanaayo inuu la wareego Garsoorka.

Waxa uu Salaad Cali Jeelle cadeeyay in Faarax C/qaadir uu xiligaani doonayo inuu Reerkiisa ka dhex muujiyo Siyaasada Dalka, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay Faarax ruux aan qalbigiisa nadiif aheyn doonayana inuu iska horgeeyo Siyaasadaha dalka iyo beelaha kasoo jeeda Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Ma suuroobeyso in Faarax C/qaadir uu ku tunto shuruucda Dalka, waan la socnaa inuu faragalin xoogan ku haayo Xafiisyada aan isaga quseyn’’ Ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf oo kamid ah Xildhibaanada Dowlada ayaa daboolka ka qaaday in Faarax C/qaadir Wasiirka Garsoorka Soomaaliya uu ku tuntay Garsoorkii Dalka Soomaaliya, islamarkaana uu Koox gooni ah Gacanta u galiyey.

Xildhibaanka waxa uu Tilmaamay in Soomaalida looga baahan yahay inay kala furan indhahooda islamarkaana ka hortagaan Musiibooyinka Siyaasadeed ee Dalka kusoo wajahan.

Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf ayaa sheegay in Garsoorkii  uu awalba liitay hadana Taladiisa Gacanta u gashay Kooxda Xasan Sheikh oo Faarax C/qaadir uu Mas’uul oga yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii, waxaa dhaliilo ceynkaasi ah iyaguna Afganbinta Garsoorka ka muujiyay Aqoonyahaano iyo waxgarad iyagu Tilmaamay in Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir ay dalka ku hayaan Siyaasad gumeysiga u sahleysa wax waliba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO XASAN SHEEKH: Puntland yaysan moodin in duulaan lagu yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa shalay Khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxa uu ka jeediyay shir ka dhacay madaxtooyada oo lagaga hadlayay maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan goballada Mudug iyo Galgaduud, halkaasi oo heshiis lagu gaaray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka loo dhisayo Galmuduud iyo Mudug uusan ahayn mid duulaan ku ah Puntland, ama maamulkaasi lagu carqaladeynayo, balse uu yahay mid xal lagu raadinayo, isla markaana dadku ay yihiin walaalo isdhalay ama ehel isku ah.

Waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay iska kaashan doonaan ammaanka iyo dhinacyo kale oo dan u ah bulshada labada dhinaca.
Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Cabdiweli Gaas ayaa weli wax war ah ka soo saarin hadalka madaxweynaha galabta uu ka sheegay magaalada Muqdisho iyo dhismaha maamulka cusub ee bartmaha Soomaaliya.

Halkan hoose  ka dhageyso Xasan Sheekh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Maxaa maanta ka dhacaya CADAADO?

Cadaado (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegaya in halkaas ay maanta ka dhici doonaan dibad-bax looga soo horjeedo heshiis shaley ka dhacay VillaSomalia oo la sheegay in lagu dhisi doono maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Wariye ku sugan Cadaado oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay  in magaalada laga dareemayo qaban qaabada dibad-baxa looga soo horjeedo heshiiskaas oo ay qaadacday Ximin iyo Xeeb.

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa dadka kala hadlay Idaacado maxalli ah oo ku yaalla magaalada waxaana ay sheegeen in ay ka soo qeybgalaan bannaanbaxa lagu diiddan yahay heshiiskaas ka dhacay Muqdisho.

Ma cadda mas’uuliyiinta ka qeybgali doono banaan-baxa in uu ku jirro madaxweyne Cabdullaahi Maxamed Baarleex oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

Sidda uu ka sheegay shaley heshiiska ka dhacay Villa Somalia waxaa la rabay in dhinaca Ximin iyo Xeeb uu saxiixo Baarleex balse oo Muqdisho ku sugan balse waa uu qaaday in uu tago madasha heshiiska lagu gaaray.

Wuxuu ku dooday madaxweynaha Ximin iyo Xeeb in uu ka cabsi qabo in heshiiskaas ay ka daaba yeerto qeylo gaar ahaan in Puntland ay tiraahdo ma taageersani maadama qeyb badan oo gobalka Mudug ay ka arrimiso.

Faah-faahinta warkan kala soco bogga Caasimada Online

Da’yer Soomaali ah oo Washington DC kula kulmay marwada 1-aad ee USA

Washington DC (Caasimada Online) – Magaalada Washington DC ee xarunta dalka Maraykanka waxaa maalmahan ku sugnaa dhallinyaro 500 ka kooban kuwaasoo ka  socda waddamo badan oo ku yaalla Afrika.

Dhallinyaradaas ayaa intii ay joogeen dalkan Maraykanka waxay kulamo la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka oo uu ku jirro madaxweyne Obama, waxaa kaloo ay booqdeen dhismooyin iyo jaamacado ku yaalla Maraykanka.

Dhallinyaradan waxaa ku jirra seddax ka timid Somalia, waxaana madaxda ay la kulmeen ka mid ah madaxweyne Obama iyo xaaskiisa Michel Obama.

Da’yer SOMALI ah oo la kulmay marwada kowaad ee Maraykanka
Da’yer SOMALI ah oo la kulmay marwada kowaad ee Maraykanka

Sahra Saciid Billaal waxay ka timid Hargeysa waxay sheegtay in marwada madaxweynaha Maraykanka ay ka faa’iday wax yaabo fara badan oo horrumar u ah Afrika.

Waxay sheegtay in meelaha ay tageen ay kala kulmeen wax yaabo aaney filaneynin ka hor inta aysan immaan dalka Maraykanka.

Waxay sheegtay in marwada madaxweynaha ay ka muuqatay siddii ay u horrmarin lahayd dhallinyarada Afrika gaar ahaan dumarka.
Waxay sheegtay oo kale in dadka Maraykanka ay ka go’an tahay siddii loo taageeri lahaa da’yerta ku nool Afrika kuwaasoo dagaal colaad u joog noqday.

Ugu dambeyn waxay sheegtay marka ay ku laabato Hargeysa in ay xittaa dumarka uun aaney ku koobnaan doonin ee ragga xittaa ay u sheegi doonto in dumarka fursad loo siiyo siddii ay wax u baran lahayd si ay markaas wax ugu taraan dadkooda.

Mashruuca  Young African Leader Ship Initiative ayaa waxaa sameeyay madaxweyne Obama waxaana sannadkasta dalka Maraykanka lagu casuumaa dhallinyaro 500 ka badan kuwaasoo loo arkay in ay wax yaabo badan ku soo kordhin karaan bulshadan.

Dhallinyarada Soomaaliya ka socda oo kala ah labo wiil iyo gabar ayaa midkiiba waxaa laga soo dhex xushay ilaa 400 oo dhallinyaro ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

Sawirro: Maamul cusub oo federaal ah oo maanta lagu dhisay VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online)– Munaasabad heshiiskani lagu kala saxiixanayay oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa ka soo qeyb galay  Mas’uuliyiin ka socotay gobolada Dhexe, Siyaasiyiin, iyo mas’uuliyiin ka socotay QM, Midowga Yurub,   Midowga Africa, Wasiiro ka tirsan Dowladda, Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hishiiskani oo Nuqul Na Soo Gaaray ayaa waxa uu u qornaa Sida Tan:

1. Hordhac:

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  waxay horraantii bishan Luuliyo Muqdisho ku martiqaadday wafdiyo ka kala socday Dawlad Goboledyada Galmudug, Maamulka Ximan & Xeeb, Maamulka Alsunna Wal Jamaaca. Ujeeddada martiqaadka XFS u fidisay waxay ahayd in fursad loo sameeyo dadka degan gobollada Galgaduud iyo Mudug sidii ay si wadajir ah u sameysan lahaayeen maamul goboleed loo dhan yahay.

Xukuumaddu waxay u xilsaartay hoggaaminta dhismaha maamulkan guddi ka firsan Golaha Wasiirada XFS,00 kala oh:

1. Cabdullaahi Goodax Barre, WasiirkaWasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka. 2. Mustafa Sheekh Cell Dhuxulow, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinfa. 3. Ducaale Adan Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Hiddaha & Tacliinta Sare. 4. Mahad Maxamed Salaad, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigelinta Maalgashiga. 5.  Mahad Maxamed Salaad, Wasiirku xigeenka Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta.

Kulamada ay Xukuumadda Federaalka la yeelatay dhinacyadan kor ku xusan iyo beelaha deegaanka, waxay bilowdeen 2-dii Luuliyo 2014 in si gaar  gaar ah oo  isxig-xiga kulamo la tashi ula yeelato, kuwaa oo ugu dambayn ku heshiiyay mabaadii’da asaasiga ah ee lagu dhisayo maamulka Gobollada Galgaduud iyo Mudug.

2. Hadaba Dhinacyada kor ku xusan: • Iyadoo la garwaaqsaday, baahida loo qabo qorshe siyaasadeed oo  Lagu Gaarayo dhismaha nidaam Maamul oo  rasmi ah misana  ku saleysan rabitaanka dadka waafaqsanna Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah ee J.F.Soomaaliya, taasi oo ay muuqato in dadka ay u hamuun qabaan.

• Iyadoo la ayidaayo, muhiimadda ay leedahay in la dhiiri galiyo heshiis loo dhanyahay, oo horseedaya sharci iyo kala-dambeyn, bixinta adeegyada asaasiga ah iyo xoojinta maamulka heer degmo, gobol, iyo kan federaalka intaba. • Iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo, midnimada, madax-bannaanida iyo is raacsanaanta dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. • inkastoo ay lagama maarmaan tahay doorka hogaaminta XFS ee isku dubaridka hannaanka iyo geeddi socodka maamul u sameynta Goboladda Mudug iyo Gafgaduud .

3. Waxay isku af garfeen; 1. Inla dhiso maamul ay yeeshaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud. 2. In dhismaha maamulka ay ka qeyb qaataan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee wada dega Gobollada Mudug iyo Golgaduud. 3. In la dhiso guddi farsamo oo  ka kooban 25 xubnood kana  socda dhammaan beelaha dega gobolladaasi.

Guddigaasi farsamo waxaa lagu soo magacaabayaa toban maalmood gudahooda marka la saxiixoh heshiiskaan. 4. Maamulka la dhisayo isagoo matalaya dhammaan beelaha dega labadaas gobol wuxuu u hawlgalayaa si wadajir ah in loola wada dadagaalamo nabad-diidka goboladaasina lagu soo dabaalo nabad iyo xasilooni. 5 Geeddi socodka dhismaha maamulka waxaa lagu dhameystirayaa muddo ku siman 60 maalmood, waxaana fududeynaya XFS, 6. In la qabto shirweyne ay u dhan yihiin dhammaan beelaha degan gobolada Mudug iyo Galgaduud si loo dhiso maamul goboleed ka kooban labadaasi  gobol. 7. XFS ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta, meel marinta iyo taabagelinta heshiiskan,siinayana wixii tasiilaad ah. 8. Shaqada iyo waajibaadka guddiga farsamada waxaa soo diyaarinaya XFS ,islamarkaana ku soo celinaya celinaya saxiixayaasha. 9. ciddii carqaladeysa hannaanka geeddi socodkaan waxaa loo aqoonsanayaa qas wade iyadoo lago qaadayo tallaabada ku habboon. 10.Heshiiskaan wuxuu dhaqan galayaa lago billaabo maalinta la saxiixo. 11.Heshiiskan waxaa si wada jir ah u saxiixaya Dowlad Goboledka Galmudug, Maamulka Alsunna Wal Jamaaca, Maamulka Ximan& Xeeb, iyo 4 xubnood oo Golaha Wasiirrada ee ka soo jeeda Gobolladaas.

Sexiixayaashu waxay dhammaantood saxiixooda ku caddeynayaan waafaqsanaanta dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo loo dhanyahay.

4. Magacyada Sexiixayaasha waa kuwan:

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid

D/GOb~Je~~ ——–~ Maamulka Alsunna Wal ~:~-~– Maamulka Ximan & Xeeb

Sheekh Ibraahim Shekh Xasan Guureeye

Cabdullaahi Maxamed Cali (Baarleex)

Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow

Ducaale Aadam Maxamed

Axmed Cali Salaad (Taako)

Mahad Axmed  Salaad

Dammaanad-qaade: Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodox Barre

Goobjoog

Safiir Michele Cervone Ergeyga Gaarka ah ee Midowgo Yurub

Sefiir Muhemmed Affey Ergeyga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD

Sefiir Nicholes Key Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramoda Midoobay

Merwo Lydie Wenyoto Mutende Sii hayaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika.

DAAWO SAWIRADDA

k kk kkk kkkkk kkkkkk kkkkkkk kkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkkk kkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkk

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Bayle oo qarka u saran inuu is-casilo & howlo laga mamnuucay (Xog cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Illo wareedyo ka tirsan DFS, gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa xaqiijiyay in Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya  C/raxmaan Ducaale Bayle uu qarka u saran yahay inuu is casilo.

Illo wareedka ayaa xaqiijinaaya inuu jiro isku dhac u dhexeeyo Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiir C/raxmaan Ducaale Bayle, kadib markii uu Khilaafka ka dhashay Arrimo ay kamid yihiin Magacaabista Safiirada Cusub, Arrimaha Khuseeya Wasiirka oo ay faragalin ku hayaan Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir iyo waliba C/raxmaan Bayle oo laga mamnuucay inuu saxiixo warqadaha khuseeyo Dowladaha Caalamka.

Illo wareedka ayaa Tibaaxayo in Xassan Sheekh uu C/raxmaan Ducaale Bayle ku wargaliyay inuusan qaadi Karin talaabo aan lala socon, waxaana la Tilmaamayaa in Bayle laga mamnuucay inuu saxiixo Heshiisyada Dowlada iyo iwm.

Warar hoose ayaa sidoo kale, sheegaya in Khilaafka Madaxweyne Xassan iyo C/raxmaan Ducaale Bayle uu intaa kasii buuran yahay balse uusan weli soo shaac bixin, inkastoo la rumeysan yahay in Bayle uu damacsan yahay inuu iska Casilo xilkaasi maadama lagu haayo faragalin xoogan.

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Wasiir Faarax C/qaadir ayaa iyagu faragalin xoogan ku haayo Howlaha aan iyaga quseyn, waxa ayna inta badan Wasiiradu ka cabanayaan in Faarax C/qaadir uu la shaqeeyo wasiirada dhan, taasina ay keentay in Xassan, Bayle is fahmi waayan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Magacyada & beelaha agaasimayaasha tirada badan ee Villa Somalia (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada waxay ku mashquulsan tahay magacaabista agaasimeyaasha Villa Somalia, laakiin arrinta yaabka badan waxay tahay inay ka maran tahay hanaankii dowladnimada ee xil-wareejinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh marna xisaabta kuma dirin in agaasimeyaasha uu magacaabay ay u baahan yihiin inay xilka kala wareegaan agaasimeyaashii ka horeeyay, waxaana ay taas ka dhigtay in jagadii ay ku magacaabnaadaan laba qof.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa magacyada agaasimayaasha tiraada badan ee Villa Somalia.

1 – Agaasimaha guud madaxtooyadda Somalia Cali Balcad, Wuxuu u dhashay Hawiye – Hiilibi Dalandoole, xilka waa loo magacaabay laakiin Agaasimahii ka horeeyay Kamaal Dahir Guuleed, oo u dhashay Hawiye, habar-Gidir, Saleebaa weli kuma wareejin xilka.

2 – Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyadda oo loo magacaabay Yuusuf Garaad Cumar, wuxuu u dhashay Hawiye, Habargidir, Ceyr, laakiin wali xilka kalama wareegin agaasimahii hore Cabdi Malik Cabdalla oo u dhashay beesha Hawiye, Xawaadle.

3 – Agaasimaha xiriirka dibadda madaxtooyada Somalia, Jamaal Baroow, wuxuu u dhashay Jareerweyne.

4 – Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda madaxtooyadda Somalia Cabdi Maxamud, wuxuu u dhashay Hawiye, Abgaal, Waceeysle.

5 – Agaasimaha Maamulka Hoowlaha guud Madaxtooyadda Somalia Ibrahim Sheekh Muxyadiin, Waa Hawiye, Abgaal, Warsengeli, xilka wali kalama wareegin Agaasimahii hore ee hoowlaha guud Maxamed Sheekh Nuur ?

6 – Agaasimaha Keeydinta dukumiintiyadda Madaxtooyadda Somalia, Xasan Khaliif, wuxuu u dhashay reer Aw Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Dhageyso: Prof. Gandi oo shaaciyey in ay billaabeen qorshe Muqdisho looga wareejinayo caasimadda SOOMAALIYA

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa billaabay qorshe ay doonayaan in caasimadda Soomaaliya iyo dowladda federaalkaba laga wareejiyo magaalada Muqdisho, kadib dilkii Saado Cali Warsame.

Arrintan ayaa waxaa xaqiijiyey xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi, oo ka tirsan baarlamanka, kadib wareysi uu bixiyey oo uu kaga hadlay dilkii Saado Cali Warsame.

Gaandi waxa uu xaqiijiyey in isaga iyo xildhibaanno badan ay billaabeen ka fekeraka in magaalo kale dowladda ay u guurto, sababtuna waxa uu ku sheegay in ammaankii Muqdisho la sugi waayey.

Haddii aminigii Muqdisho la sugi waayey, waxaan go’aan ku gaarno inaan ka fekerno in magaalo kale loo raro dowladda, waayo ma ahan in dowladda ay u xayirnaato Muqdisho” ayuu yiri Gaandi oo la hadlay website laga lee yahay Puntland.

Sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, waxaa qorshahan intiisa badan wada xildhibaannada beelaha Daarood, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland iyo kuwa Gaandi ku reerka ah.

Gaandi waxa uu sheegay in si gaar ah loo beegsanayo dadka hadallada adag lagu yaqaan ee ka hadlay marxaladaha siyaasadeed ee dalka.

Inkasta oo Gaandi uu qiil ka dhigtay amni darrada Muqdisho, haddana qorshahan waxa uu ahaa mid muddo ay ololeenayeen sida ay Caasimada Online horey u sheegtay.

Halkan ka dhageyso Gaandi

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]