27.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Dhageyso: Prof. Gandi oo shaaciyey in ay billaabeen qorshe Muqdisho looga wareejinayo caasimadda SOOMAALIYA

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa billaabay qorshe ay doonayaan in caasimadda Soomaaliya iyo dowladda federaalkaba laga wareejiyo magaalada Muqdisho, kadib dilkii Saado Cali Warsame.

Arrintan ayaa waxaa xaqiijiyey xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi, oo ka tirsan baarlamanka, kadib wareysi uu bixiyey oo uu kaga hadlay dilkii Saado Cali Warsame.

Gaandi waxa uu xaqiijiyey in isaga iyo xildhibaanno badan ay billaabeen ka fekeraka in magaalo kale dowladda ay u guurto, sababtuna waxa uu ku sheegay in ammaankii Muqdisho la sugi waayey.

Haddii aminigii Muqdisho la sugi waayey, waxaan go’aan ku gaarno inaan ka fekerno in magaalo kale loo raro dowladda, waayo ma ahan in dowladda ay u xayirnaato Muqdisho” ayuu yiri Gaandi oo la hadlay website laga lee yahay Puntland.

Sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, waxaa qorshahan intiisa badan wada xildhibaannada beelaha Daarood, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland iyo kuwa Gaandi ku reerka ah.

Gaandi waxa uu sheegay in si gaar ah loo beegsanayo dadka hadallada adag lagu yaqaan ee ka hadlay marxaladaha siyaasadeed ee dalka.

Inkasta oo Gaandi uu qiil ka dhigtay amni darrada Muqdisho, haddana qorshahan waxa uu ahaa mid muddo ay ololeenayeen sida ay Caasimada Online horey u sheegtay.

Halkan ka dhageyso Gaandi

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

CCC Sharma’arke oo ka xog warramay siduu ku helay safiirnimada & arrinta…

Minneapolis (Caasimada Online) – Magaalada Minneapolis ee gobalka Minnasota waxaa ku sugan safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacowday dalka Maraykanka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, wuxuuna kulamo la lee yahay Soomaalida ku dhaqan halkaas.

Safiirka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in uu Minneapolis u yimid siddii uu ula kulmi lahaa Soomaalida ku dhaqan magaaladan oo ah halka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Marayukanka.

Safiirka ayaa sheegay in uu jaaliyadda Soomaalida u sheegay siddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen socdaalka la filaayo in billowga bisha August uu ku yimaado dalka Maraykanka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud kaasoo ka qeybgalaya kulanka taarikhiga ee madaxweyne Obama uu kula kulmaamyo madaxda qaarada Afrika.

Wuxuu sheegay in Minneapolis ay ku nool yihiin Soomaali badan kuwaasoo loo baahan yahay in ay door ka qaataan soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdiga la socda ee soo booqanaya dalka Maraykanka.

Maxaa ka jirra in uu madaxweynaha la kulmaayo shirkadaha shidaalka qoda?

Safiirka ayaa la weydiiyay in madaxweynaha uu la kulmaayo shirkadaha shidaalka qoda ee ku sugan Maraykanka, wuxuu tilmaamay in aysan jirin arrin gooni oo ku aadan in uu la kulmo shirkadaha shidaalka balse wuxuu tilmaamay in ay la kulmi doonaan hey’adda iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka kuwaasoo uu kala hadlaayo xiriir dhexmara dowladda Soomaaliya iyo Maraykanka.

Safiirka ayaa carabka ku adkeeyay in tan iyo markii la soo magacaabay bishii hore uu dar-dar galiyay siddii uu ku xoojin lahayd xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

Siddee lagu soo magacaabay?

Waxaa la weydiiyay bal in uu ka warbixiyo sidda uu u arko magacaabista safiirnimo, wuxuu tilmaamay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo horrey u soo noqday ra’iisal wasaaraha Soomaaliya in uu ku qanacsan yahay.

Waxaa kaloo la wdiiyay qaabka lagu lagu magacaabay, wuxuu tilmaamay in loo soo bandhigay isagana uu aqbalay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

Dhageyso Col. Barre Hiiraale: Duulaan ayaan ku nahay magaalada KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiisha Garabka Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ee ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan ku saabsanaa Dagaal in lagu qaado Kismaayo oo shalay ka dhacay Duleedka Magaaladaasi.

Afhayeenka Garabka Barre Hiiraale C/rashiid Macalin Gaas oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in ujeedka kulankii shalay ay wada qaateen Barre Hiiraale iyo Saraakiisha ciidamada uu ahaa sidii duulaanka lagu qaadayo Kismaayo looga fekeri lahaa.

“Barre Hiiraale waxa uu sheegay in weeraro ka dhan ah Ciidamada Jubba iyo kuwa Kenyatiga ee Magaalada Kismaayo ku sugan la qaadi doono dhowaan” ayuu yiri Gaas.

C/rashiid Macalin Gaas ayaa xusay in ay sugayeen dhamaadka Bisha Ramadaan iminkana ay dhamaatay Ramadaantii oo ay hada diyaar u yihiin in si xoog ah Magaalada inay ku galaan oo guryahooda ay ku noqdaan.

Dagaal ayuu sheegay in Magaalada Kismaayo looga soo saaray Barre Hiiraale iyo ciidamadiisa, mana dhici doonto ayuu yiri inaan wadahadal ku galno Magaalada ilaa aan xoog aan dib ugu noqono Kismaayo.

Ciidamada Jubba iyo kuwa Kenyatiga ayuu ku eedeeyay inay geystaan wuxuu ku tilmaamay xasuuq Bini’aadinimo oo ay ka wadaan Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Maamulka Jubba iyo kuwa Barre Hiiraale ayaa Warbaahinta isku maraya hanjabaad ku aadan in weeraro ay qaadayaan oo dhinacba dhinaca kale uu leeyahay waan uga taqalusaynaa.

Halkan ka dhageyso warbixinta iyo codka Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaano ka qeyliyey R/W Cabdiweli

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Afaraale ayaa ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed in uu jabiyay sharciga dalka isagoona si iskiis u magacaabay maamul gobaleedyo aan sharci ahayn.

Wuxuu ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha in uu ka taallaabay qoddobo badan oo ku yaalla dastuurka KMG ah ee dalka isla markaana uu soo saaro digreeto jeebkiisa ah, isagoona ka digay haddii uu sii wado in ay tallaabo ka qaadi doonaan sidda uu hadakka u dhigay.

“Haddii digreeto wax lagu maamulaayo Maxamed Siyaad Barre ayaa dalkan xoog ku sii heesan lahaa, waxaasna ma sii shaqeenayaan” ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha uu jebiyay qoddobada 48-aad, 49-aad ee dastuurka dalka.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in ra’iisal wasaaraha uu rabo in dalka uu galiyo maxmiyad ama gumeysi sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasaaraha uu jeebkiisa ka magacaabay maamulka koonfur galbeed kaasoo uu doonayo in uu aaqirka ka noqdo madaxweyne.

Waxaa soo badanaya dhaliilaya loo jeedinaayo dowladda gaar ahaan ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadiisa kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyaan dhismaha maamulka seddax gobal eee koofur galbeed oo hadda muran badan dhaliyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Biyo Maal & Habar-Gidir oo heshiiyey

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa shirk u yeeshay odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana ay ka hadleen siddii loo afjari lahaa dagaallada soo noqnoqday ee ka dhacay gobalkaas.

Waxay soo jeediyeen in dagaallada si degdeg ah loo joojiyo kuwaasoo khasaaro dhimmasho iyo dhaawac geestay, waxaa kaloo dagaalka u dhexeeya maleeshiyaadka ka soo kala jeeda beelaha Biyo-Maal iyo Habar-gidir.

Nabdoon Cismaan Sheikh Xuseen oo ka mid ah wax garadka ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in loo baahan yahay dagaallada gobalka in la soo gabagabeeyo maadama ay sii kordheen wax yeelada ka dhashay dagaallada.

Wuxuu soo jeediyay in ay isku raaceen odayaasha gobalka in la qaato nabadda lana soo gabagabeeyo dagaalka ka socda gobalka.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Cismnaaan Sheikh Soomow oo ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sheegay in dagaallada beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal ay door ku lee yihiin dhinacyo kale oo aan u dhalan gobalka.

Wuxuu sheegay in labada dhinac ay isku raaceen siddii loo aqbali lahaa heshiiska isla markaana loo qaadan lahaa nabad iyo xasillooni.

Wuxuu sheegay odayaashooda in ay booqdeen deegannada Janaale, Busleey iyo kuwa kale oo ka mid ahaa goobaha dagaallada ay ka dhaceen, waxaana uu tilmaamay in goobahaas ay ku soo arkeen dhibaatooyin xooggan oo ka dhashay dagaallada ka dhacay.

Waxaa soo badanaya dedaalada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaallada ku soo lab-laabtay gobalka Shabeellaha Hoose kuwaasoo khasaaro xooggan oo naf iyo maalba geestay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

General Galaal: Federaal xal uma ahan Somalia ee ha la qaato nidaamkaan…

Guriceel (Caasimada Online) – Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada Soomaaliya ayaa ka hadlay xalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in la qaato nidaamka dowadda dhexe isla markaana la joojiyo qorshaha fedaraalka oo uu yiri waa fitno.

Gen Galaal ayaa tilmaamay in Soomaalida aaney xal u ahayn nidaamka fedaraalka isagoona sababta ku sheegay dadka Soomaalida in ay yihiin dad leh hal dhaqan, diin iyo isir.

Wuxuu ku baaqay in la qaato nidaamka dhexe kaddibna la sameeyo ismaamul gobaleed ka kooban 7-waaxyood kuwaasoo hoostaga dowladda dhexe.

Wuxuu tilmaamay haddii aan la qaadan tallada uu soo jeediyay in dalka ay ka dilaaci doonaan dhowr iyo qabiil oo mid kastana uu sheeganaayo dowlad.

Galaal oo ah khabiir dhinaca ciidamada ayaa soo jeediyay in la qaato hadal ay horrey u soo jeedisay ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ee Afrika, taasoo Soomaalida ka codsatay in ay qaataan labo arrin mid kood, waa in dadka Soomaalida ay qaataan nidaam wadajir ah oo dalka uu ku hormaraayo isla markaana caalamka uu diyaar la yahay inuu taageero ama in ay ukala jajabaan qaab qabaa’il sidaasna dhexdooda ay isku cunaan.

Wuxuu sheegay in uu ku tallin lahaa in la qaato qeybta koowaad taasna ay Soomaaliya horrumar ay ku gaari karto.

Wuxuu tusaale u soo qaatay waddamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Canada, Malaysia iyo Isku taga imaaraadka carabta kuwaasoo ku faa’iday nidaamka fedaraalka balse waxaa jirra ayuu yirri waddamo ay ka mid yihiin Midowgii Soofiyeed iyo Yugoslavia ay ku fashilmeen nidaamkaas iyo kuwa kale oo la dalaa dhacaya oo ay ka mid tahay Nigeria.

Ugu dambeyn Jeneraal Galaal ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in ay qaataan tallaada uu soo jeediyay haddii la rabo in dalka uu ka gudbo dhibka uu ku soo jiray 20-kii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Guriceel

[email protected]

Xildhibaan cod dheer ku sheegay in DF ay beelo badan ku xuquuq tumatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waxbo kama jiraan ka soo qaatay umad badan oo ku dhaqan gobalka Shabeellaha Hoose iyadoo naas nuujineysa kuwa kale oo aan u dhalan ama aan ka soo jeedin gobalka sidda uu hadalka u dhigay.

Dalxa oo ka mid ah mudanyaasha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in gobalka Shabeellaha Hoose uu noqday gobal boos buuxis ah oo ay sheegtan cid kasta oo rabta in ay sameesato maamul gobaleed.

Dalxa ayaa tilmaamay in dowladda ay in kirtay dad badan oo deggan gobalka kuwaasoo la dhihi karo waa halbowlaha gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu tilmaamay haddii sidaas ay wax ku sii socdaan in dalka ay ka dhici karaan dhibaatooyin waaweyn oo laga qoomameeyo.

Dalxa ayaa tilmaamay in marnaba aaney yeeli doonin in dowladda ay inkirto ummadda ay ka soo jeedaan sidda uu hadalka u dhigay.

Hadalka xildhibaan Dalxa ayaa ku soo aadaya iyadoo dhibaatooyinka gobalka Shabeellaha Hoose ay noqdeen kuwa sii kordhaya. 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Siyaasi Hawiye oo caana oo sheegay in Dam-Jadiid qabsatay halbowlaha dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xibsiga Nabadda iyo dimuquraadiyadda, Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in wasiirka caddaalada iyo arrimaha fedaraalka uu billaabay qorshe ah siddii uu ula wareegi lahaa hey’adda garsoorka oo ah hey’ad madax banaan.

Wuxuu sheegay tallaabada uu wasiirka shaqada uga eryay xeer ilaaliyihii qaranka Cabduqaadir Maxamed Muuse iyo magacaabista guddoomiyaha sare ee maxkamadda ciidamada dowladda Cabdiraxmaan Tuur in ay muujineyso in uu hey’adda garsoorka ka dhigo meel ay maamulan urur diimeedka Dam-Jadid ee isaga iyo madaxweynaha ka tirsan yihiin.

Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta Hawiye, ayaa tilmaamay in guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada in uu xukun dil ku fuliyay wiil la sheegay in gurigiisa laga soo helay hub waana arrin aan macquul ahayn ayuu yiri marka loo eego sharciga.

“Waxaas oo dhan waxay muujinayaan qaran dumis waayo haddii la lee yahay qofka aan rabo ayaan meesah keenaya” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo dimuqiraadiyadda.

Sidoo kale, waxaa weerar ku qaaday wasiirka garsoorka Ex Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, wuxuuna sheegay in Faarax Cabduqaadir wasiirka garsoorka uu lee yahay awood ka badan kuwa ay lee yihiin wasiirada kale ee xukuumadda.

Salaad Cali Jeelle ayaa tilmaamay in wasiirka uu ku koobnaado shaqadiisa oo uusan galin arrimaha maxkamadaha oo ah hey’adda madax banaan.

Dhawaan ayey ahayd markii qorshe uu soo hordhigay golaha wasiiradda Faarax Sheekh Cabduqaadir loo oggolaaday deetanada uu xilka qaaday xeer ilaaliyihii qaranka balse xeer ilaaliyaha uu diiday qorsheha xilka looga qaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Arrin NAXDIN badan oo ka billaabatay magaalada Muqdisho (Maxey tahay?)

Muqdisho (Caasimada Online)– Iyadoo lagu guda jiro maalmaha Ciidul-fidriga, islamarkaana ay dadku yihiin kuwa isku martinaaya, ayaa waxaa la arkayaa dhacdooyin mudooyinkaani ay Magaalada Muqdisho ay ka caaganeyd.

Muqdisho ayaa waxaa ka dilaacay Dhalinyaro wadata gaadiid nooca raaxada ah, kuwaasi oo afduub u geysanaaya gabdhaha da’da yar, iyadoona sidoo kale dhac u geysta dhalinyarada wata Labtoobyada iyo Mobilada qaaliga ah.

Waxaa maanta Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir lagu arkay dhalinyaro illaa Seddex ka kooban oo iyagu doonaayay inay afduub u geystaan gabar da’deedu lagu qiyaasay illaa 18-jir, waxaana kusoo baxay ka hor inta aysan afduubka u geysan dadkii ku ganacsanaayay halkaasi.

Afduubka lala damacsanaa Gabadhaasi ayaa waxa uu qalqal galiyay gabdhaha da’da yar ee ku nool Degmada Howlwadaag, waxaana durbadiiba buuqa iyo sawaxanka halkaasi ka dhashay kusoo baxay Ciidamada iyo maamulka Degmada oo dabagalay gaariga, inkastoo aysan ku guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan.

Dhanka kale, waxaa mudooyinkaani Magaalada Muqdisho kusoo badanaaya dhalinyarada wadata gaadiidka raaxada oo iyagu boob u geysta dhalinta wadata Labtoobyada iyo Mobilada qaaliga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SOOMAALI badan oo ku la’atay QARAX xooggan ka dhacay dalka carbeed ee..

Sana’a (Caasimada Online) – Inta la ogyahay lix qof ayaa ku geeriyootay in ka badan 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax qabsaday baabuur ay la socdeen tahriibayaal Soomaali ah oo ku sii jeeda dalka Sacuudiga.

Qaraxa oo ilaa hadda aan la ogeyn wax yaabaha uu ka dhashay ayaa warar is khilaafsan uu ka soo baxaya, waxaana la lee yahay qaraxa ayaa dhacay gudaha gaarigana wuxuuna qabsaday gaari kale oo ay la socdeen tahriibayaal kale, waxaa kaloo la lee yahay wuxuu ahaa mid miino ah oo dhulka la galiyay.

Tahriibayaasha la socday labada baabuur ee qaraxay ayaa ka tagay dalka Yemen waxaana ay ku sii jeedeen xadka u dhexeeya dalka Sacuudiga.

Dadka dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Isbitaal ku yaalla magaalada Sanca halkaasoo hadda lagu daweynaayo sidda ay lee yihiin warbaahinta dalka Yemen.

Waa markii ugu horreysay oo tahriibayaal Soomaali ah ay ku dhintaan qarax qabsaday baabuurkooda xadka u dhexeeya waddamada Yemen iyo Sacuudiga waxaana arrintaas walwal iyo cabsi ay ku abuurtay Soomaali badan oo ku nool dalka Yemen kuwaasoo ku taamaya in ay galaan dalka Sacuudiga.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Yemen oo ku aadan qaraxa qabsaday tahriibayaasha Soomaalida ee ka tagtay dalka Yemen.

Yemen waxay ka mid tahay waddamada ay u hayaayeen Soomaalida ka carartay dalkooda waana surin ay u sii maraan marka ay rabaan in galaan dalka Sacuudiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

Hub faro-badan oo gaaray Sh/hoose & dhinacyo ku biiray colaada (Dhageyso)

Marka (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Shabeelle State Abukar Mardaadi Cabdi Cusman oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha ay soo gaareen hub fara badan oo ay leeyihiin Maamulka Seddexda Gobo lee Koonfur galbeed Soomaaliya.

Abukar Mardaadi Cabdi Cusman ayaa sheegay in hubkaasi gacanta loo geliyay dhinacyo ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamaayay Gobolka Shabeelaha Hoose, waxa uuna intaasi ku daray in dagaal dambe oo ka dhaca Shabeelaha hoose ay masuuliyadiisa qadeyso Maamulka Seddexda Gobol ee Koonfur galbeed Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in maamulkaasi uu si toos iyo si dadbanna ugu lug lee yahay colaadda gobolka, ayna qaadayaan mas’uuliyadda wixii hadda kadb dhaca.

Madaxweynaha Maamulka Shabeelle State ayaa Sidoo kale Sheegay in Maamulkooda uu leeyahay Ciidamo iyo Darees u gaar ah kuwaasi oo ka howl galaya Deegaanada uu ka Arrimiyo Mamulkooda.

Deegaano iyo Degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa inta badan waxa ka dhaca Dagaal beeleedyo u dhaxeeya beelaha daga Gobolkaasi.

Halkan ka dhageyso madaxweyne Mardaadi

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Waqtiga Soomaaliya ay jahwareerka ka baxayso oo qur’aanka laga qiyaasay

Dhibta haysata umadda Soomaaliyeed laga soo bilaabo burburkii dawladii dhexe ee Somalia 1991 ilaa maanta ayaa waxay noqotay mid aan dhamaan wali, oo maalinba maalinta ka sii danbaysa  xalkeedu uu sii fogaanayo.

Waa wax lagu yaqaan adduunka in hadii Dawlad ay si Fashilan u burburto ay waqti badan qaadanayso sidii ay mar Labaad dib ugu soo noqonayso sidii ay markii hore ahayd ama si kasii Fiican.

Hadaba Xaaladda ay dadka Soomaaliyeed ay iminka ku jiraan ayaa lagu Tilmaami karaa erayga Carabiga ah ee ah “ تيه”  oo Macnahiisu yahay “ Jahwareer ama iska daba Wareeg” kaas oo ku dhaca umadd ka leexatay wadaddi ismaamulida iyo kala Danbaynta, kadibna gacanta u gashay Cadaw gudaha iyo Dibadda kaga yimid kaas oo aan wax Naxariis ah u samaynaynin.

Dhibaatooyinka Umadda Soomaaliyeed Haysta ee aan ku Tilmaami karno Jahwareerka waxa ka mid ah:

1-      Dagaalo Sokeeyo oo marba Waji Cusub lasoo Baxaya.

2-      Umadda Soomaliyeed oo Qaxooti aan Hayb lahayn ku ah Dalka Gudihiisa & Dibadiisa.

3-      Kheyraadkii Dalkeeda oo waraabayaal ay Boobayaan.

4-      Kaabayaashii Dhaqaalaha dalka oo Burburay.

5-      Diintii Islaamka ee ay dhaxalka u haysteen oo dad gaar ah isku koobeen.

6-      Maandooriyaal burburiyay dhaqaalihii yaraa iyo Akhlaaqdii Bulshada.

Arimahaas iyo kuwa kale oo badan oo umadda Soomaaliyeed ku Habsaday ayaa lagu Tilmaami karaa erayga Jahwareer ama luqadda Carabiga lagu dhaho “تيه”.

Hadaba Su’aashu waxay tahay Haddi ay Umaddi si Fashilan u Burburto imisa sano ayey kusoo noqon kartaa, waxaan rabaa in aan Qur’aanka Kariimka ah oo ah Dastuurka ilaahay ugu Talagalay in Adduunkaan lagu Hago aan dib u fiiriyo gaar ahaan Aayadda 26 ee Suuradda Maa’idah aayadaas oo oranaysa : qaala

Taas oo Macnaheedu yahay “ Ilaahay wuxu yiri: Reer Banii Israil Xaaraan ayey ka tahay in Magaaladaas galaan (Qudus) Afartan sano waxayna ku Jahwareeri doonaan dhulka ee ha u murugoon (Nabi Muusaw)  kuwa Daacadda ilaahay ka Baxay).

Culumadu waxay dhahaan Sababta Afartan Sano looga Mamnuucay yuhuuda in ay Qudus galaan waxay ahayd in Jiilkaas waaweyn ee ilaahay amarkiisa diiday ay dhintaan kadibna ay soo kacaan Jiil Cusub oo ilaahay amarkiisa qaata.

Halkaas waxa laga Qaadanayaa Mudadda ay Jiilashu isku Badalaan waa 40 Sano.

Hadaba waxaynu soo Qaadanaynaa Labo Dawladood oo Carab oo ah oo Jahwareer ku dhacay Bulshadoodii iyo Qiyaasid Jaanisyadda u Banaan.

1-      Falastiin

Umadda reer Falastiin waxay Sanadkii 1947 u yaqaaniin Magaca la Yiraahdo “ النكبة”  kaas oo macnihiisu yahay Sanadkii Kurbadda iyo kadeedka, waa sanadkii ay yuhuudu si xoog ah ugu dhawaaqeen in Dawlad Madax banana yihiin oo Reer Galbeedku ay si Rasmi ah u Aqoonsadeen.

Reer Falastiin dadkii waagaas noolaa waxay galeen Jahwareer iyo Kadeed waxayna noqdeen dad la haystayaal ah oo aan xuquuqdooda difaacan Karin.

Afartan Sano kadib waxa soo Baxay Jiil cusub oo aaminsan in yuhuud laga adkaan karo waxayna Samaysteen ururo abaabulan kuwaas oo Dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah la galay Yuhuudii. Ururkii ugu horeey ee ah urur Hubaysan waxa la aasaasay 42 Sano kadib Markii Falastiin ay gashay Gumaysiga Yuhuuda, ururkaas waa Ururka XAMAAS  waxaana la aasaasay 1989.

Jiilka hadda jooga Falastiin waa ka duwanyahay kii noolaa sanadkii 1947, jiilka Hadda nool waa Jiil dhalinyaro u badan, Aqoonyahan leh, Maalqabeen leh, sidoo kale leh Xirfada Samaynta Hubka Noocyadiisa kala Duwan, waxa intaas u sii dheer Waa Jiil leh Go’aan ah in Yuhuuda Waqtigeedii uu Gabagabo yahay.

Hadaba sida laa Saadaalinayo laga soo bilaabo 1989 markaas oo iska Caabinta Yuhuuda ay Bilaabatay ilaa 2029 taas oo ah Muddo 40 Sano, waxa la Saadaalinayaa in Reer Falastiin ay Guulaysan Doonaan oo Yuhuud laga Adkaan Doono taas oo ah mid aan Hada hayno Bishaarooyinkeedii iyo Astaamaheedii.

2-      Somalia

Somaliya waa Dawlad Carbeed oo si Fashilan u burburtay, iyada Cadaw Dibada ah ma burburin laakin iyada ayaa Gacmadeeda isku Burburisay, Soomalidu waa dadka kaliya ee Aduunka Saaran ee ogol in shisheeyo Maamulo laakiin aan ogolayn in ay iyagu is Maamulaan !! Taas ayey Noqotay Boogta kaliya ee uu ka Faa’iidaystay Cadawga Soomaaliyeed.

Sidii loo dhayi lahaa Boogtaas oo Soomalidu u ogolaan lahayd in ay ismaamusho ayaa waqti badan qaadanaysa.

Hadaba hadii aan Aayadda Qur’aanka dib ugu laabano oo aan ku Dabaqno Xaalka Soomaaliya waxay noqonaysaa sidaan:

Somaliya waxay Burburtay 1991.

1991+40 Sano = 2031 waxa Lagu Jiraya Jahwareerka iyo Kadeeda waayo wali waxa Nool Jiilkii hore ee Somaliya Burburiyey.

Marka la gaaro 2031 waxa Bilaabanaya dhaqdhaqaaq Wadaniyadeed oo dhiig Cusub ku shaqaynaya kaas oo isku Dayaya in uu Xaaladda wax ka Badalo, Kacdoonkaas waxa uu Socon Doonaa 40 Sano oo kale (2031-2071) si uu Ujeedooyinkiisa u Xaqiijiyo, Somaliyana uu ugu soo celiyo sidi ahayd 1990 iyo si Kasii fiican.

Ma Rabo in aan Umadda Soomaaliyeed Niyad Jabiyo laakiin ilaahay Sunooyinkiisa uu umada kula dhaqmo ayaa waxa ka mid ah in uu San Ummad Xaaladeed Waxba ka Badalin ilaa ay iyagu dhexdooda iska Badalaan.

Ilaa iyo Hadda ma Muuqato cid si Hufan oo Daacad ah iskugu  taagtay in ay wax ka Qabtaan Jahwareerka Haysta Umadda Soomaaliyeed, ilaa iyo inta laga helayo Cid leh Sifaadkan soo Socda:

Cadaalad, Iska Wax u Qabsasho, Hufnaan, Eex La’aan, Isku Tiirsanaan, Ismaqal,Is aaminaad, waxaa Xaqiiqo ah in aan kusii jiri Doono Jahwareerka iyo Kadeedka ilaa iyo intii ilaahay Doono

W/Q: Maxamuud Xasan Naagadoon

Garowe, Somalia

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DILKII SAADO: Maxaan ka Kororsadey?

23-Bishan July 2:00 Duhurnimo aniga waxaan ku sugnaa dhismo aad ugu dhow wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama Xaafadda Taleex waxaa goobtaasi igu wehliyay Suxufiyiin Dhowr ah, jawiga xilligaasi caadi ayuu ahaa xaafadda aan ku sugnayna waxa ay ahayd meelaha ugu amniga badan Muqdisho aadna ugu dhow Wadada Maka Al-Mukarama.

Mar qura waxaan maqalnay Xabad dhanka laamiga ah markii aan fiirinay waxaan arkaynay laba gaari oo iscayrsanaya Xabado xoogana wey dhacayeen Qiiq xoogan ayaa ka baxay gaariga Xabadaha ku socdeen,waan baqnay oo waxaan ku gabaadsanay meeshee aan ku sugnayn waqti aan ku qiyaasay in ka yar Hal daqiiqo Xabadihii wey joogsadeen,aniga iyo saaxibadeen ila joogay waxaan si dhaqsa ah ku abaarnay gaariga goobta yaalay waxaana Gaariga hareera taagnaa Dadkii goobta ka dhawaa Gaariga wuu daarnaa oo ma Damin Darbi ayuu madaxa kula jiray markii aan gaariga gudaha u fiirnay waxaa dhaxyaalay laba ruux Sheekada goobta waxa ay ahayd Nin iyo Naag ayaa lagu dilay gaariga ma jirin xog intaasi dhaafsiisan.

Dadka goobta soo gaaray oo qaarkood ay ku jireen Haween waa ay qabeen dareenka ah in qofka la dilay ay tahay xildhibaan laakiin wax magac ah maysan muujin waxaa xusid mudan in Sedex ka mida ciidamada Police oo sheegay in ay maqlayeen Xabadaha ay goobta soo gaareen kuwaasi oo isku hareereeyay goobta gaariga uu yaalay,Dadka qaar waxa ay dalbayeen in la qaado Darawalka oo ay ku sheegayeen dhaawac balse Dadka u soo joogay daruufa dhimasho ayaa ku qancinayay Dadka dareenkaasi qaba in qofka Maskaxdiisa ay banaanka taalo aniga naftayda waan arkayay in uu dhaq dhaqaaqayo Wadaha Gaariga.

Muddo aan ku qiyaasay 15 daqiiqo ah kadib ayaan mar kale waxaan fiiriyay wajiga Marxuumad Xildhibaan Saado Cali oo aan aqaanay iyada oo dareenka la xariira in qofka la dilay ay tahay mas’uul markii aan arkay wajigeeda mar qura ayaa dareenkayga isbedelay oo aan xaqiiqsaday in ay tahay Xildhibaan Saado Cali aan aqaanay waxaan u sheegay Dadka goobta joogay oo sheekada dilka ayaana isbedeshay oo waxaa meesha ka baxday Nin iyo Naag waxaana dareenku noqday Xildhibaan Saado ayaa la dilay.

Ciidamada goobta ku sugnaa ee Police Soomaaliyeed waxa ay sii kordhiyeen xariirka Teleefan oo ay la sameenayeen Xarumahooda Police-ka iima muuqan qalab isgaariin oo casri ah oo aan kala jeedo Qalab mideeye dhawaaqa guud ee Hay’adaha amaanka waxayse aad u isticmaalayeen Mobile gacmeedkooda,ma jirin wax Ambulance ah taasi oo ka dhigan in haddii Dadkana ay dhaawacmi lahaayeen uu Dhiig baxoodu badnaan lahaa maadaama gurmadku soo daahay oo sidii loo baahnaa aysan u jawaab celin Hay’adaha Amaanka.

Saraakiisha Amaanka marka ay ka hadlayaan dhacdooyinka amaanka waxa ay ku cel- celiyaan Shaqada Policeka waa ka hortag iyo ka daba tag taasi oo xilligan ay badan tahay ka dabatag oo waxaa yar ka hor taasi oo daliil u ah dilalka qorshaysan ee ka dhaca Muqdisho .

Maxay ku la tahay haddii ay arintan ka dhici lahayd meel ka baxsan Maka Al-Mukarama intee la ekaanlahaa Gurmadka ciidamada Ammaanka ? malaha in aan ku sii dheeraado waxaase u daynayaa Bulshada inteeda kale

Hadaba Muddo 40 Daqiiqa ah kadib maxaa Dhacay ???

Goobta waxaa soo gaaray Saraakiil kala duwan oo ka socday Hay’adaha amaanka kuwaasi oo iskugu jiray Police iyo Nabadsugid goobtii Maydka marxuumad Saado Cali waxa ay isku badashay Gaadiidka dagaalka waxaana ii muuqaday Saraakiisha ugu sarayso amaaanka oo waxaa goobta yimida Agaasimaha Hay’adda sirdoonka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Cali Sambaluulshe,Taliyaha Police Soomaaliya General Maxamed Sh Xasan Ismaaciil iyo Saraakiisha heer Gobol sida Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir Koofi waxaana goobta isku badashay goob ciidan oo madaxda waxaa lala garab taagnaa Hubka nuucyadiisa kala duwan.Dadkuse waxa ay si hoose iskugu sheegayeen “Goormaa loo baahnaa sidan “ Dadka oo goobta laga hortaagnaa ayaa iyana sheegayay “Xilligan cidna ma idiin baahna “taasi oo ku dhaliilayeen sida amaanka gaabis u yahay.

Casharada aan ka bartay Dilkii Xildhibaan Saado ayaa ah in aysan jirin ciidamo si gaar ah u qaalbisan ka jawaabidda dhacdooyinka deg deg ah waxaa kaloo meesha iiga muuqatay in Gaadiidka dagaalka uu ahaa mid aad ugu badan loo baahnaa in cid si gaar u qaabilsan ay u samayso Dowladad Soomaaliyeed waxaa kaloo meesha iiga muuqatay in aysan sahlanayn isfahamka ciidamada goobta soo wada gaaray waayo waxa ay cid walba ay si gaar ula socotaa Sarkaalka ay ilaalada u tahay oo keliya .

Ugu Dambayntii waxa aan ku arkay goobta una baahan in wax laga Kororsado ayaa ah in ciidamada goobta yimid ay mid walba oo ka mida u sahlanayd in uu Wariyaasha ku amro in aysan wax sawir ikarin ama ay yiraahdaan halaga saaro goobta taasi oo ay wanaagsanaan lahayd in amarka uu ka yimaado madaxda oo aan ogahay in aysan saxaafadda wada nacbeen halku uu go’aan gaari lahaa ilaalada ay wataan taasi oo ah mid soo noq noqotay

W/Q: Cabduqaadir Maxamed Cabdulle (Cabduqaadir Ok)

E-Mail [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

“DF hubka kama dhigi karto beel gaar ah” Waxaa sidaas yiri guddoomiyaha…

Hantida Gaarka Loo Leeyahay Ha La Dhowro Xuquuqdeeda

Hubka ay haystaan dadku wuxuu ka mid yahay hantida gaarka ah oo ay milkiyadeeda iska leeyihiin dadka hantidooda ku soo iibsadey hubka si ay ugu difaacdaan hantidooda, naftooda, iyo nabadeynta degaanka ay ku nool yihiin.

Soomaaliya waxey soo martay dagaal sokeeye, welina lama gaarin dib u heshiisiin dhaba. Sida badan shacabka Soomaaliyeed ee kala degan degmooyinka dalka waa ay wada hubeysan yihiin, mana muuqato dowlad awood u leh iney dalka dhamaantiis ku soo celiso nabadgeliyo iyo kala dambeyn buuxda.

Shacabka Soomaaliyeed waxey xaq u leeyihiin iney hantidooda ku soo iibsadaan hub ay isku difaacaan ama ay ka ganacsadaan oo ay ka iibiyaan dadka u baahan iney isku difaacaan. Mar haddii aysan jirin dowlad lagu haleyn karo wax ka qabadka amaanka dalka,waxaa haboon iney shacabku is hubeeyaan oo aysan dayacin isdifaacooda.

Wadan kasta oo ay ka jirto dowlad ay shacabku soo doorteen oo dejisey nabadgelyada dalkeeda, waxey shacabkeeda u ogoshahay iney haystaan oo ka ganacsadaan hubka inta ay jirto baahi loo qabo dhinaca suuqyada si shacabku uu qaato kaalintiisa uu isku difaacayo marka ay la soo gudboonaato xaalad kalifeysa iney adeegsadaan hubka gacantooda ku jira.

Hayadaha amniga ee wadamada xasiloon waxey rumeysan yihiin in hubka ay sitaan ciidamada amniga iyo kuwa ay haystaan shacabka ay yihiin kuwo is kabaya oo is dheelitiraya, maxaa yeelay dadka u abaabulan fal dambiyeedyada marka ay aaminsan yihiin in shacabku hubeysan yahay kuma degdegayaan iney fuliyaan howlgaladooda ilaa ay ku qaadato wakhti ay ku darsaan xeeladahooda ay wax ku dhacayaan ama ay ku fulinayaan dilalka qorsheysan. Waxeyna inta badan ku aadiyaan dejinta qorshayaalkooda burcadnimo xiliga ay ogaadaan in cida ay bartilmaameysanayaan aysan hubeysneyn.

Soomaaliya waxaa xuquuqda hub haysashada iyo ka ganacsigiisa sharciyo wanaagsan u dejin kara marka la helo dowlad ay madaxdeedu si toosa u soo doorteen shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna ay ku leeyihiin awood ay ku soo gudbin karaan codkooda xambaarsan dareenka iyo walaaca ay ka qabaan sharciyada dowladu dooneyso iney ku dhaqdo dadka.

Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya ma ahan mid haysata kalsoonida shacabka, tilaabo kasta oo dadka looga dhigayo hubkooda waxey shacabka u gacmo xireysa xadgudubyada qowleysatooyinka ku adeeganaya magaca dowladda iyo kooxaha hubeysan oo caadeystey dilka iyo dhaca hantida dadka, taasna waxey xadgudub ku tahay xuquuqda ay dadku u leeyihiin dhowrista hantidooda iyo difaaca naftooda. Waxaa kaloo uu tuhun weyn ka jiraa hubka laga qaadayo dadka la bartilmaameysanayo meesha uu ku dambeynayo, maxaa yeelay hubka soo gala dowladda ayaa sida badan ku dambeeya gacnaha suuqa hubka ama beelo la jaala dowladda ama mucaaradka hubeysan ee la dagaalamaya dowladda.

Xisbiga Dadka wuxuu ka soo horjeeda in wakhtigan oo aysan dowladu sameynin shariciyada lagu dhaqayo haysashada, qaadashada, iyo ka ganacsiga hubka sida gaarka ah loo leeyahay ineysan ku tilaabsan hub ka dhigis lagu sameeynayo shaqsiyaad gaara ama beelo gaara, taas oo u muuqan doonta in dowladu ay bartimaameysaneyso qeybo gaara oo ka mida bulsha weynta Soomaaliyeed. Haddii ay sidaas dhacdana ay dowlada taagta daran u keeneyso mucaaradyo kale oo hubeysan oo ka soo horjeesta dowladda.

Xisbiga Dadka ma aaminsana maanta in la joogo xiligii ay dowladu ku dhaqaaqi lahayd hub ka dhigis waayo ma jirto cid u hogaansameysa hub ka dhigis lagu sameeyo hal dhinac oo keliya ama hal magaalo oo keliya ama hal beel oo keliya. Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in dano gaara laga leeyahay in xili aan la joogin wakhtigeedii dowladu ay isku mashquuliso dhaca iyo boobka ay u geysaneyso hantida sida gaarka ah loo leeyahay oo uu ka midka yahay hubku.

Xisbiga Dadka wuxuu raacsan yahay in shacabku ay xaq u leeyihiin iney haystaan hub oo ay ka ganacsadaan hubka, dowladuna ay xaq u leedahay iney xeeriso sharciyada waafaqsan adeegsiga dhaqanka wanaagsan ee lahaanshaha hubka ay shacabku haystaan. Xisbigu wuxuu ka digayaa ineysan dowladu u adeegsan marmarsiyo siyaasadeed oo loogu raadinayo qiil in si xooga loogu dhaco hubka ku jira gacmaha dad gaara oo ay milkiyadiisa leeyihiin wadar guud.

Dowladu awoodeedu waxey ku dhisan tahay sharci, sidaas daradeed waa iney marka hore dalka dib u dhis sharciyadeed u sameysaa. Haddii taas la waayo, dowladuna aysan lahyn tabar xoogan oo ay cudud wax ku maquunin karto, waxaan shaki lahayn iney horseedeyso burburkeeda.

Xisbiga Dadka wuxuu aaminsan yahay in hubka laga dhigo kooxaha u abaabulan qaabka dariiqada, beelnimada, iyo burcadnimada, wuxuuna rumeysan yahay xisbigu in ciidanka dowladda oo keliya ay awood u leedahay iney haystaan hubka nuucyadiisa kala duwan, rayidkuna ay shaqsi ahaan xaq u leeyihiin haysashada hubka fudud. Kooxaha hubeysan ee aan ka tirsaneyn ciidanka dowladda dalka waxaa loo baahan yahay in loo sameeyo sharci mamnuucaya haysashada hubka culus oo ay haystaan, loona soo jeediyo qaab nabadeed oo ay dowladu magdhow uga bixineyso hantidii ka gashay hubka culus. Hubka ay beeluhu u leeyihiin wadar ahaan waa iney dowladu kala xaajooto dhamaan beelaha Soomaaliyeed iney hubka culus ku soo wareejiyaan ciidanka dowladda si dalka loogu difaaco ama ay ugu wareejiyaan ciidanka ay leeyihiin dowladaha ka jira maamulka gobolada. Markasta waxaa lagama maarmaan ah in xalka uu ku yimaado qaab nabadeed oo aan abuurin colaad u dhaxeysa dowladda iyo qeybo ka mida bulshada, taas oo dalka u horseedi karta inuu dib ugu noqdo dhaqankii jabhadnimada ama isbaheysi ay wadaagaan beelo hubeysan oo mucaaradda, dowladana la gala dagaal hubeysan.

Dr. Saciid Ciise Maxamud

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DR. Cabdi Shire Warsame oo faallo ka qoray qaladkii ay isku raaceen Faarax C/qaadir & madaxweyne Xasan Sheekh

Dastuurka Ha Loo Hoggaansamo

Dowladnimo waxaa saldhig u ah, in uu jiro dastuur qeexaya qaab-dhismeedka iyo habka ay u wada shaqaynayaan qaybaha ay dowladdu ka kooban tahay. Tanina waxay ina tusaysaa in aysan dastuur la’aan dowladi jiri karain.

Sida ku cad Dastuurka qabyada ah ee Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay Dowladdu ka kooban tahay saddex qaybood oo kala madaxbannaan oo kala ah Sharcidejin, Fulin, iyo Garsoor; kuwaas oo mid waliba ay u xilsaaran tahay hawl gaar ah.

Qaybaha Dowladdu waxay ku mideysan yihiin hirgelinta istaraatiijiyadda lagu fulinayo barnaamijka Dowladda ee ku wajahan xaqiijinta himilada guud ee Qaranka.

Qaybaha dowladda waxaa tiir-dhexaad u ah oo xiriiriya hawlahooda Madaxweynaha oo ah ilaaliyaha Dastuurka.

Hoggaamiyaha lagama rabo in uu wax walba yaqaan, balse waxaa laga rabaa in uu wax walba adeegsan karo. Tanina waxay inoo muujinaysaa in loo baahan yahay in agabka aadanaha uu sida ugu waxtar badan u isticmaalo. Waxaa loo baahan yahay in uu lahaado si aad ahna ugu tiirsanaado lataliyeyaal aqoon iyo takhasus kala duwan leh.

Waxaa dhawaan la baahiyey, in iyada oo la raacayo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Garsooka iyo Dastuurka, iyo go’aanka Golaha Wasiirada xilkii laga qaaday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka; isla markaana la magacaabay Xeer Ilaaliye Guud ee cusub, iyada oo isla hab-raaca kor ku xusan la raacay. Waxaa ugu dambeyna Arrinta Dikereeto ku soo saaray Madaxweynaha.

Waxaa halkan ka muuqata in Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Dastuurka, Golaha Wasiirada, iyo Madaxweynaha aan midkoodna adeegsan lataliye Sharci oo ay tahay inta aysan wax go’aan ah qaadan, in ay mar walba talo sharci oo ku aaddan waxa ay go’aanka ka gaarayaan ay warsadaan, kana qaataan.

Maadaama uu Dastuurku si cad madaxbannaani u siinayo Garsoorka; waxaa muuqata in qaabka loo beddelay xeer Ilaaliyaha Guud iyo midka lagu magacaabay kan cusub aan midkoodna Dastuurka waafaqsanayn; sidaas darteedna ay sharci darro tahay, lana oran karo wax kama jiraan. Maxaa yeelay, Wasiirka Garsoorka iyo Golaha Wasiirada midna xilka kama qaadi karo, mana magacaabi karo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sida Dastuurku qabo, magacaabista iyo xil ka qaadista Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaa awood u leh oo go’aan ka gaara Golaha adeegga Garsoorka. Waxaa Madaxweynuhu ansaxiyaa oo uu Dikereeto ku soo saaraa Go’aanka Golaha.

Haddii aad habowdo oo aad garato in aad habowsan tahay, ceeb ma aha in aad raadkaagii dib u qaado oo aad dib u noqoto. Waxaa ceebta ugu weyn ah, in adiga oo og ama laguu sheegay in aad habowsan tahay aad ceeb u aragto ama iskala weynaato in aad raadkaagii dib u qaado oo aad dib u laabato.

Waxaa dhici karta, in la isku qanciyo Arrintani waa dhammaatay ee aan sideeda u dhaafno; wixii dambana ha laga fiirsado. Waxaa hubaal ah, in haddii khaladkan iyo xadgudubkan aan hadda la saxin aan kuwa ku xigana wax laga qaban doonin. Waxa ay tani shaki gelin kartaa aamminaadda dadweynaha ee ku aaddan Dowladda oo ugu muuqan karta mid aan u hoggaansamayn waxa ay haybedda iyo sharciyadda ka heshay oo ah Dastuurka.

Runtii, anigu ma aqaan, umana hadlayo shakhsiga xilka laga qaaday iyo kan loo dhiibay midna, laakiin waxaan aqaan oo aan u hadlayaa Dastuurka oo aan qabo in qof walba u hoggaansamo, sida uu qorayna loogu dhaqmo.

“Haddii aad xoolo rabto, Xamaro agjoog; Haddii aad xarago rabto, Xamaro ag- joog; Haddii aad xilo rabto Xamaro agjoog,” waa murti dhaxal gal ah oo aabbe wanaagsani uu kula dardaarmay wiilkiisa uu jeclaa. Haddaba, haddii aynu rabo in aan noqonno Dowlad magac iyo muuqaal qurxoon leh; Haddii aynu rabno in dadkeennu qabiilka ka xoroobaan oo Qaranimada aaminaan; Haddii aynu rabo in aannu taariikh wacan u dhaafno ilmaheena iyo ilmahooda; Waa in aan Dastuurka u hoggaansanaa, sida uu yahayna aan ugu dhaqanaa. Waa in aan aamminno in qof walba uu Sharcigu ka sarreeyo. Waa in aan qofna lagu maslaxin, lagana oggolaan wax aan qaanuunku u oggolayn. Waa in aan wada dhahno, ‘Dastuurka wixii waafaqsan Haa, wixii aan waafaqsanayn Maya.’

Ilaa iyo qalinkeyga dambe, Nabadgelyo.

Dr. Cabdi Shire Warsame

[email protected]    

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Da’yar Somali ah oo la kulantay Obama

Washington DC (Caasimada Online) – 500 oo ah da’yer ka socotay Afrikaca ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Obama, waxaana ay kala hadleen siddii loo hormarin lahaa dalalkooda.

Da’yertaaas waxaa ku jirra seddax qof oo ka socday Soomaaliya kuwaasoo kala ah gabar iyo labo wiil.

BBC-da ayaa wareysatay Sahra Saciid Bilaal oo ka mid ah da’yerta la kulantay madaxweynaha Maraykanka waxaana ay ka warantay wax yaabaha ay kala hadleen madaxweyne Obama iyo lix tododbaad oo ay waxbarasho kala duwan ay ku qaateen jaamacado ku yaalla dalka Maraykanka.

Waxay sheegtay in meelaha ay tageen intii ay joogeen Maraykanka ay ku soo arkeen sidda bulshadda Maraykanka ay uga hormartay dhinaca hoggaaminta.

obama-south-africa

Ms. Bilaal ayaa xustay in mashruuca Young African Leader Ship Initiative uu yahay mid looga gun lee yahay siddii da’yerta Afrikanka loo bari lahaa maamul wanaaga iyo hufnaanta.

Waxay sheegtay in wax badan ay ka soo baratay meelihii ay booqdeen iyada iyo dhammaan da’yerta Afrika ka socotay.

Ugud dambeyn Sahra Saciid ayaa xustay in marka ay ku laabato Soomaaliya ay uga faa’ideen doonto Soomaalida kale wax yaabaha ay baratay booqashada ay ku tagtay magaalada Wanshinton gaar ahaan ay la shaqeyn doonto ururada bulshadda sidda dumarka.

Kulankan ayaa ku soo beegamaya iyadoo dhawaan la filaayo in madax ka socota Afrika ay la kulmaan madaxweyne Obama waana kulan taarikhi ah sidda ay lee yihiin warbaahinta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

WAXAAYBAHA RAGGU AY DOONAYAAN DUMARKUNA AANAY DAREENSANYN!!

Ma fududa inay haweeneydu ninkeeda siduu rabo u raalligeliso, gaar ahaan kolkay arrinru galmo ku lug leedahay. Waxaa markaa kulmaya isagoon waxa uu tabanayo si bareer ah ugu sheegi karin iyo iyadoo aqoon-darri ka sokow isaga uun wilaayada saarata. Hadduu xitaa sidaas baan rabaa sidaana iga daa oran lahaa hawshii galmada ayaaba saa ku dhadhan beelaysa. Ninku waxa uu jeclaan lahaa inay xaaskiisu iskeed u garato dookhiisa iyo rabitaankiisa isagoon u sheegin.

Haddaba si aynu arrinka u fududeyno, ugu horreyntaba waa inay haweeneydu ogaataa in rag oo dhami isku dookh ka yihiin dhanka galmada oo waxa ninkeedu ka doonayaa ay yihiin waxa nin kasta oo kale uu xaaskiisa ka doono, aanayna ahayn wax ninkeeda ku kooban. Marka xiga waa inay isku daydaa in waxyaabaha aynu soo sheegi doonno ay dhaqan geliso, si ay ninkeeda rabitaankiisa u raalligeliso iyana raaxada ula wadaagto.

1- MARMAR HOGGAANKA QABO

Ka badbadin igama aha haddaan iraahdo rag oo dhami way u riyaaqaan kolkay arkaan haweenkooda oo galmada hoggaanka u haaya, halkay iyagu ka doonan lahaayeen. Ninku markaasi wuxuu rabbigiis iyo ragannimadiisa ku mahadiyaa siduu ugu raaxaynayo xaaskiisa, isagoo weliba falkeedaasi si ba’an ugu kacsada.

Haddaba gabaryahay waa in aanad ka xishoon inaad gacalkaaga ugu baaqdid si aan bareer ahayn una tustid inaad galmo doonaysid, sida adigoo ku jiitama (isku naba), horaadka saara, madaxa iyo garka u salaaxa, hadal macaan oo xodxodasho ahna xaraaraddiisa ku kiciya.

2- SI XORRIYAD LEH U RAAXAYSO

     Dumarka qaar baa aaminsan in dhaqdhaqaaqa (niikada) iyo reenka ka baxa xilliga galmada oo raggu dareemaa amaba maqlaa tahay wax ceeb ah, sidaa darteedna iscaburiya iskuna celiya dareenkooda oo dib u liqa. Allow yaa usheega dumarka caynkaas ah inay iscaddibayaan, isna seejinayaan, raggoodana seejinayaan raaxo iyo macaan tii ugu darrayd.

     Gabaryahay ogoow rag oo dhami inay aad iyo aad u jecelyihiin inay maqlaan haweenkooda oo reemaya, neeftuuraya, dhunkashada iyo dhabanna qabsigana la wadaagaya. Ogoowna hadduu ninkaagu arko adigoo iska hoosyaal, istiin iyo raaxana aanad qaadanayn, hawsha uu qabanayana la qaybsanayn, inuu marka hore isagu iska shakinayo oo aaminayo inuu yahay wax-ma-tare aan ku raalligeli karin, marka xigana uu kaa qaadanayo fikrad xun oo ah inaad tahay mid aan mayd waxba dhaamin, maantuu ku guursadayna khasaare ka joogo.

Gabaryahay galmadu ma aha oo qura kaqaybgal jireed ee waxa weeye oo kale kaqaybgal dareen iyo rabitaan, dhunkashada iyo ereyada macaanina waa lagama maarmaan, mana loo baahna inaad ka xishootid ee saa u ogoow.

3- GALMO KELIYA MA AHA

Waxyaabaha ninku xaaskiisa ka doonayaa kuma koobna inay sariirta ugu raaxayso, balse waxa uu mararka qaar u baahan yahay jacayl aan ‘jabitaan’ lahayn oo ay laabtiisu ku qabowdo, kalsoonida uu naftiisa iyo naagtiisa ku qabaana ku kororto. Waxyaabaha haddaba uu doonayo waxaa kamid ah, dhunkasho macaan, shafka ku qabasho, salaaxis aanay doonisi ku jirin iyo haasaawe macaan. Waxyaabahaai kolkay guurka ka maqan yihiin  wuxu noqdaa sida raashin aan cusbo lahayn.

4– ODAYGAAGU MA AHA AALAD

Dumarka qaar baa u haysta in ninka ay waajib ku tahay inuu xaaskiisa habeen kasta u tago, hadduu saa yeeli waayana uqaata inuu isbeddelay ama dumar kale ka raacay amaba ay ka dhammaatay oo uusan iyadaba raalligeli karin. Haddaba gabaryahay ninkaagu aalad maaha shaqeysa mar kasta oo inta batrool lagu shubo la istaaro, balse waxa weeye bani’aadam ay saameeyaan duruufaha uu ku noolyahay, dadka uu ku dhex noolyahay iyo shaqooyinka uu qabto intaba.

Ninku kolka uu ka fekerayo duruufaha hadba noloshiisa kusoo kordha, niyad uma haayo naag utag, naftiisa iyo niyaddiisuna uma qaybsami karaan laba meelood, markaasi oo kalena waxaa haweeneyda la gudboon inay isku daydo siday u fahmi lahayd mashaakilkiisa, ulana socon lahayd duruufihiisa ugana gargaari lahayd siduu uga gudbi lahaa.

W/D: Sabriye Macalin Muuse

XASAN SHEEKH oo war ka soo saaray dagaalada Shabellaha Hoose & Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda qeybo ka mid ah gobalada dalka gaar ahaan Shabeellooyinka iyo Hiiraan.

Madaxweynaha oo khudbad ku aadan munaasabadda ciidda soo qaad ka jeedinaayay masjidka Isbaheesiga ayaa codsaday in la isku kaashado siddii loo damin lahaa dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday gobalada qaar ee dalka, wuxuuna sheegay in dagaal uusan faa’ido lahayn marka laga reebo in dad ay ku baaba’aan.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladiisa ay dedaal ballaaran ay galin doonto siddii loo joojin lahaa dagaallada ka socda qeybo ka mid ah gobalada dalkaas kuwaasoo salka ku haya arrimo qabiil.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid awood badan aan u heynin joojinta dagaallada ka soo cusboonaaday gobalada koonfureed ee dalka, waxaana ay ku soo goobtay itaalkeeda in ay ku baaqdo in la joojiyo dagaallada.

Si kastaba, dagaallada ka socda Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan ayaa la sheegay in aysan u dhexeynin qabaa’ilo ee ay jiraan dad kale oo ka soo jeeda meelo kale oo dagaalka ku lug leh, kuwaasoo qeyb ka ah dadka hurinaya.

Dowladda dhowr jeer ayey isku dayday in la soo afmeero dagaallada balse arrintaas uma muuqato mid soo afjarantay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Sawirrada: Carruur mucjiso ah oo ku dhashay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)– Waxaa maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay Xaafadda Sanca ee Degmadda Kaaraan ee magaalladda Muqdisho ku dhashay Laba Carruur mataano ah oo isku dhagan.

Carruurtaani ayaa waxa ay isaga dhagan yihiin Caloosha, waxa ayna leeyihiin Laba madax oo midba gaarkiis ah.

Aabe Ismaaciil Xasan Sheekh Cali  iyo Hooyo Raaxo Jayte Hiraabe oo dhalay Labadaani gabar ayaa Mucjisada ah, ayaa waxa ay sheegen in Mahad alle ay tahay kuna qanacsan yihiin Nasiibka uu alle uga dhigay Carruurtaani isku dhagan.

Sidoo kale, Waxay tilmaameen in Carruurtaasi caafimaad ahaan wanaagsan yihiin, laguna quudiyo Faleebo, maadaama aysan jirin qaab ay Hooyadda u naas-nuujin karto Carruurta.

Mucjisada Ceynkaani ah ayaa waxa ay inta badan ka dhacdaa Wadamada Reer galbeedka iyo Carabta, waxaana iminka lagu arkay Magaalada Muqdisho wallow mucjisooyin tan ka xun lagu arkay Magaalada Muqisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

was wasi wasii wasiir wasir