27.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Daawo Sawirrada: Carruur mucjiso ah oo ku dhashay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)– Waxaa maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay Xaafadda Sanca ee Degmadda Kaaraan ee magaalladda Muqdisho ku dhashay Laba Carruur mataano ah oo isku dhagan.

Carruurtaani ayaa waxa ay isaga dhagan yihiin Caloosha, waxa ayna leeyihiin Laba madax oo midba gaarkiis ah.

Aabe Ismaaciil Xasan Sheekh Cali  iyo Hooyo Raaxo Jayte Hiraabe oo dhalay Labadaani gabar ayaa Mucjisada ah, ayaa waxa ay sheegen in Mahad alle ay tahay kuna qanacsan yihiin Nasiibka uu alle uga dhigay Carruurtaani isku dhagan.

Sidoo kale, Waxay tilmaameen in Carruurtaasi caafimaad ahaan wanaagsan yihiin, laguna quudiyo Faleebo, maadaama aysan jirin qaab ay Hooyadda u naas-nuujin karto Carruurta.

Mucjisada Ceynkaani ah ayaa waxa ay inta badan ka dhacdaa Wadamada Reer galbeedka iyo Carabta, waxaana iminka lagu arkay Magaalada Muqdisho wallow mucjisooyin tan ka xun lagu arkay Magaalada Muqisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

was wasi wasii wasiir wasir

Kala qeybsashada xilalka safiirada oo si xowli ah uga socota VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xassan Sheekh, R/wasaare C/weli iyo Wasiir Beyle ay ku howlan yihiin kala qeybsashada xilalka Safiirnimo ee Dowladaha dhaqan.

Saddexdan mas’uul, ayaa midba doonaya inkoox siyaasiyiin ah oo uu wato ay helaan xilal safiirnimo.

Illo wareedka ayaa xaqiijinaayo in Xafiiska Madaxweyne Xassan uu iminka yaallo Liis ay ku qoran yihiin in kabadan 25-Safiiro iyo Qunsulo kuwaasi oo la doonayo in laga iibiyo Ganacsato iyo Siyaasiyiin caan ah, waxaana la tilmaamayaa in Qorshaha lagu yareynaayo Safaaradaha uu yahay mid leysku hoos galinaayo kuwa cusub ee Liiskoodu uu yaallo Xafiiska Xasan Sheekh.

Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta ayaa waxa ay badi yihiin kuwa la kawsaday Xukuumada Xasan Sheekh ee “Dam-Jadiid’’, waxa ayna ka faa’iideysanayaan ka hor inta uusan dhammaan waqtiga Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowlada Xasan Sheekh ayaa waxaa muddo kooban oo ka yar 2 sano uga harsan xiligii doorashada, waxa uuna wadaa qorsho lagu raali galinaayo Siyaasiyiinta Xasan ay ku kala irdhooben Siyaasadda.

Dhanka kale, Liiska Safaaradaha xilalkooda la iibinaayo ayaa waxaa ku midoobay Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda, mana cadda qaabka ay u kala qeybsanayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: AUN Saado Cali Warsame oo baroordiiq loogu sammeeyey Holland

Allaha u naxriistii waxaa munaasabad Baroor-diiq ah Magaalada The Hague, ee wadanka Netherlands, loogu sameeyay AUN. Saado Cali Warsame, oo aheyd fanaanad weyn oo gayiga Soomaaliya caan ka ah, kana tirsaneyd Baarlamaanka Soomaaliya, oo ay kooxo hubeysan 23-july-2014, ku dileyn Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.baroor (1)Munaasabadaan oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen Somali News Tv iyo Universal Tv, Xafiisyadooda dalka Netherlands, ayaa waxaa kasoo qeyb galay, Culimo-udiin, Fanaaniin, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Madaxda Hormuudka u ah Jaaliyada Soomaalida dalka Netherlands, iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ku dhaqan wadanka Holland, iyadoona dhinaca isgaarsiinta ay Munaasabada kaga qeyb galeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo Farshaxaniiste Amiin Caamir Maxamed. Waxaana hadalka qeybta hore u qeybinayey dadweynaha wariye Shaadiya Muxumed Abdi.baroor (2)Ugu horeyn waxaa Munaasabada Baroor-diiqda loogu tala galay Saado Cali Warsame, Aayadaha Quraanka iyo Fariin diini ah ka jeediyay, Sheekh Muuse Cadde, oo ka mid ah Culimadii kasoo qeyb gashay Tacsida loo sameeyay AUN. Saado Cali Warsame.

Mas’uuliyiintii kasoo qeyb gashay Munaasabada ayaa halkaasi ka jeediyay Khudbado ay ku cabirayeen dareenkooda ku aadan sida ay ugu xunyihiin, isla markaana ay u cambaareenayaan falkii lagu dilay Allaha u naxriistee Saado Cali Warsame, waxaana dadkii halkaasi ka hadlay ka mid ahaa, Xuseen Qadiib oo ka tirsan Hormuudka Som News TV, Guddoomiyaha Dallada FSAN, Dr. Cali Cabdi Waare, Fanaanka Weyn, Cabdi Cali (Bacal-waan), Eng. Axmed Maxamuud Xandulle, Drs. Zahra Naaleeye, Fanaanada Laki Xaaji Waceys iyo Fanaanka Cabdi Baadil, Caasha Abdi Kaliil. Jawahir Ahmed iyo Sahro Xuseen Muuse.

baroor (3)Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Abdilaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay Saado Cali qof geesiyad ah oo waliba nafteeda inay u hurto dalka Soomaaliya dib usoo noqoshadiisa ay ka muuqatay, xilli ay ku kulmeen magaalada Muqdisho, isagoona si cad u sheegay inuu arki jiray Saado oo ilaalo ahaan ah meesha ay doonta ka tageysa Muqdisho. Waxaana uu cambaareey dusha uga tuuray kuwii dilay Saado Cali warsame, loona baahan yahay in degdeg loo baaro arrintaasi.

baroor (4)Amin Caamir oo ah farshaxamiiste si weyn uga hadla tacadiyada Soomaaliya iyo dunida kale ka dhacda ayaa qadka telefoonka uga qeybgalay munaasabadan, isagoo jooga Canada, waxaana uu sheegay in cambaareeyn oo kaliya Saado Cali dilkeeda looga hadli karin balse loo baahan yahay in la HABAARO kuwii dilkaasi ka danbeeyey, waxaana uu dowlada ka codsaday in aan laga harin dhagar-qabayaasha Saado Cali dilay.

baroor (5)Fanaanka weyn ee Cabdi Cali (Baacal-Waan) ayaa isagu ka taariikheeyay Aqoontii uu ulahaa Marxuumad Saado Cali Warsame oo ay ka wada tirsanaan jireen Hoboladii Waaberi, waxa uuna Marxuumada ku sifeeyay in ay aheyd shaqsi ay ku weyn tahay Soomaalinimada iyo dal jaceylka, waxa uuna tacsi guud u direy dhamaan Fanaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay aduunka kaga sugan yihiin iyo ehelkii ay ka geeriyootay AUN. Saado Cali Warsame.

baroor (6)Sidoo kale fanaanka weyn ee Abdi Baadil Ibrahim oo ahaa shaqsi ay aad isugu dhawaayeen Saado Cali Warsame, islamarkaana badi lahaa laxamada heesaha ay Saado ku soo caanbaxday ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga naxay geerida Saado Cali, isagoona intaasi raaciyey inay maalmo yar ka hor ay ku ballameyn inay sanadka cusub ku kulmi doonaan Holland, si ay heeso horey ay u wada qaadeen muuqaal ugu sameyn lahaayeen. Waxaana uu halkaasi kusoo bandhigay hees baroor-diiq ah, oo uu ugu magacdaray ” Wey socotay SAADO”.

baroor (7)Abwaan Cabdirashiid iyo Abwaanada da’da yar ee Khadra Cawil, ayaa halkaasi kusoo bandhigtay Gabayo iyo Maanso ay ka sameeyeen falkii lagu dilay Allaha u naxriistee AUN. Saado Cali Warsame, iyadoona dadweynihii halkaasi isugu yimid ku baraarujisay qiimaha wadaniyada iyo sida ay ugu xuntahay in dadka waxtarka ah la laayo.

baroor (8)Dhinaca kale Munaasabadaan Baroor-diiqda ee loogu tacsiyeenayay AUN. Saado Cali Warsame, ayaa inta ay socotay waxaa lagu soo bandhigay, dood ku aadaneyd, sida xal loogu gaari karo dilalka soo noq noqday ee gudaha dalka Soomaaliya loogu beegsado dadka waxtarka ah iyo shacabka aan waxba galabsan,

baroor (9)Dooda waxaa toos uga qeybgalayey oo marti ku ahaa Ruqiyo Cadow,Xamza Shiikh Xuseen “Hanoo-laato” Ali Yaxye oo ka mid ah madaxda SOMNEWS TV, Dahir Ali Kamiin, Abdirashiid Ibrahim Maxamed iyo qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha munaasabada ee dhageysanayey hadalka marti sharafta. Waxaana dhammaan dadkii doodaasi ka ka hadlay ee muujiyeen in aan lagu jiri karin cambaareyn iyo tacsi, balse loo baahan yahay isbadel muuqda oo lagu sameeyo talaabooyinka ammaanka.

baroor (10)Dhinaca kale, waxaa ay dadkaasi oo uu hadalka u qeybinayey Wariye Abdilaahi Jamac sheegeen inuu jiro gaabis iyo wada shaqeyn la’aan ka dhexeysa dowlad iyo shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaam, sidaasi darteedna aysan dowlada kaliya waxba qaban karin.

baroor 14Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay Munaasabada Baroor-diiqda (Tacsida) Saado Cali Warsame ee lagu qabtay Magaalada The Hague, ee wadanka Netherlands, ayaa waxa ay fariin u direyn Dowlada Federalka Soomaaliya, iyagoona ka codsaday in si cad loo baaro dilkii AUN. Saado Cali Warsame, isla markaana cidii ka danbeysay cadaaladda la hor keeno.

baroor 11Hadalka munaasabadaasi ayaa waxaa soo xiray Ibrahim Maxamuud “Feynuus” oo ka mid ah madaxda SOMNEWS TV ee munaasabadan soo qabanqaabisay, waxaana uu u mahadceliyey dhammaan qeybihii kala duwaa ee kasoo qeybgalay munaasabadaasi.

baroor 12” Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun, marka hore waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Saado Cali Warsame ku timid, marka xigta waxaa SOMNEWS TV iyo Universal TV oo wada shaqeyn leh u ah sharaf inaad kala soo qeybgasheen munaasabada aan ku xuseyno walaasheen Saado Cali Warsame oo aheyd fanaanad iyo Xildhibaanad QARAN. Intan oo isku timid waxay jawaab cad u tahay sida looga soo horjeedo dabar-goynta lagu hayo dadkeena waxtarka leh,waxaana ugu danbeyn rajeynaa wixii aad ku hadasheen ay dowlada iyo shacabkeena aan nala joogin wax ku qaadan doonaan” ayuu yiri Ibrahim Maxamuud oo madasha soo afmeeray.

baroor 13

XOG: Xiisadda u dhexeysa Khaliif Erag iyo Mungaab oo waji cusub yeelatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay Eedeymo dhanka Ammaanka ah maalmahaani isku jeedinayaan Laamaha Ammaanka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar sheegayo inuu Khilaaf ka dhex Curtay Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Khilaafka Labada Mas’uul ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay wax ka qabad la’aanta dhanka ammaanka, waxa uuna mid waliba mid kale ku eedeynaaya inuusan Ehel u aheyn Amniga.

Bilowga Khilaafka ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay kadib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab uu dalbaday in Maamulkiisa la hoos keeno Ciidamada Nabadsugida Qaranka iyo Boliska, waxaana ka dhaga adeegay arrintaasi Wasiirka Cusub ee Amniga Khaliif Erag oo isagu aaminsan  inuu yahay ruux Ehel u ah Amniga.

Khilaafka  ayaa isku bedelay mid beeleed wuxuuna marayaa meel xun, waxayna isku haystaan cida looga danbeeynayo maamulka Muqdisho.

Xasan Muungaab oo ku magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si cad warbaahinta ugu sheegay in aan wax laga weydiin doonin Ammaanka Magaalada Muqdisho, waa haddii aan lagu soo wareejin Ciidamada Nabadsugida iyo Boliska, waxaana arintaasi ka dhaga adeegay Wasiirka Amniga.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Dalka ayaa iyagu ku jahwareersan sida ay ugu kala garqaadi lahaayen Mungaab iyo Khaliif Erag.

Khaliif Ereg ayaa  isagu ah Sargaal xiriir adag la leh Laamaha Ammaanka Caalamka, taasina ay u suuragalineyso in Xasan Sheekh uusan Erag ula dhaqmi Karin sida uu sharcigu yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XASAN iyo C/WELI oo Puntland tagaya iyo C/Weli oo sheegay in Puntland ay…

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisul wasaaraha DF, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajyay inuu booqan doono Puntland xili ay muuqata inuu si hoose usoo hagaagayo xiriirka Puntland iyo madaxda Somalia, ilo xog-ogaal ah ayaa sidaas u sheegay Caasimada Online.

Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay xiriirka ay la lee yihiin Puntland inuu yahay mid wanagsan oo salka ku haya kii ka dhaxayn lahaa DF iyo mamuladda dalka ka jira.

”Puntland waxay ka mid tahay mamul gobaleedyadda dalka, kuwa dhismay bay ka mid tahay waana qayb muhiim ah oo dalka ka tirsan, xiriir wanagsan ayaa nagala dhaxeeya, dhowaanna inaan booqdo ayaan jeclahay madaxwaynuhuna wuu booqanayaa horayna wuu u tagay, marka xiriirkayagu waxa weeyeen xiriirkii ka dhaxayn lahaa DF iyo mamul gobaleeyadda dalka ka dhisan”ayuu yiri Cabdi Weli.

Dhowr jeer oo hore ayay madaxda Puntland u diyaar garoobeen soo dhawaynta Wasiirka koowaad ee DF Xili uu baaqday iyadoo aan la cadayn sababta keentay.

Dowladdii hore ee Faroole ayaa xiriirka u jirtay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ku andacootay in dastuurka la beddelay.

Socdaalka Cabdi Weli, ee Puntland ayaa dhacaya kowda ama sideedda august, inkasta oo aan go’aan kama dambeys ah laaga gaarin, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sidoo kale sheegaya in madaxwaynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud oo mar Puntland yimi inuu qorshaynayo inuu mar kale yimaado magalada Garoowe, si uu uga dhaadhicyo madaxwyane Gaas sida ay wax u doonayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muungaab: Xamar waxay cagta saartay waddada nabadda iyo horrumarka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Xuseen Muungaab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay cagta saartay waddada nabadda iyo horrumarka, wuxuuna rajo ka muujiyay in caasimada sannadka soo socda uu wax badan iska badali doono.

Muungaab ayaa tilmaamay marka loo eego isbadalka ka socda Muqdisho uu muujinaayo in ay Muqdisho ay soo ceshaneyso sharraftii ay lahayd sidda uu yiri.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa xusay in Muqdisho uu ka socdo isbadal la xiriira dhinaca ammaanka iyo horrumarka, isagoona intaas ku daray in mardhow Muqdisho ay noqon doonto Muqdishadii la yaqiinay.

Muungaab ayaa hadalkan ka sheegay isagoo garabkiisa ay taagan yihiin madaxda dowadda kuwaasoo hal meel ay maanta salaada ciidda ay kuwada tukadeen.

Si kastaba, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa bishan ahaa mid faraha ka baxay waxaa la dilay dad badan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kuwaasoo isugu jirra askar iyo xildhibaanno.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

5 BEELOOD oo si wada jir usoo saaray go’aanno ka dhan ah DF SOOMAALIYA

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Tr: 19/07/2014

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Ku: Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Ku: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Ku: Egeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Ku: Midowga Yurub (EU)

Ku: Midowga Afrika (AU)

Ku: Ururka Jaamacadda Carabta (Arab League)

Ku: Urur Goboleedka Afrika (IGAD)

Ku: Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee howlgalka Ciidamada (AMISOM)

Ku: Dhammaan Safaaradaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Ujeeddo: Cabasho ka dhan ah Guddiga Farsamada ee dhismaha maamulka KG3

Annagoo ah Xildhibaanadda, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta,  Culumaa’udiinka, Waxgaradka, Haweenka iyo Dhallinyaradda Beelaha ku saxiixan warqaddan waxaan si buuxda oo adag uga cabaneynaa ugana soo horjeednaa sida caddaalad darradda ah ee lagu dhisay Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Koonfur Galbeed 3, kaasoo si cad oo aan gabasho lahayn loogu xadgudbay laguna duudsiiyay xuquuqdooda dadka deegaanka assalka u ah ee ladagaallankii gumeystihii Talyaaniga hormuudkana ka ahaa heshiiskii LAFOOLE  (AFGOOYE) ee G/Sh hoose, sanadkii 1894-kii, iyo Asaasiddii Ururkii Xornimadoonka ee SYL, Beelahaas oo kala ah:

1-    Galedi2-    Wacdaan3-    Wadalaan 4-    Hintire5-    Silcis iyo Gorgaarte

Madaxda Dalka ayaa si bareer ah oo aan gabasho lahayn ugu takri falay xuquuqdii deegaameed iyo midii muwaadineed ee beelaha kor ku xusan, xuquuqdoodiina ku dhaxal wareejiyay beelahooda iyagoo isticmaalaya awoodda dowladnimo (power abuse)

Hadaba, waxaan Beesha Caalamka oo qoraalkaan sida tooska ah ugu socdo usoo jeedineynaa:

  1. In aan la aqoonsan Guddigaan maadaama uu ku dhisanyahay caddaalad darro iyo xadgudub qayaxan oo aan loo meel dayin.
  2. In Beesha Caalamku aysan wax dhaqaale ah ku bixinin guddigaas iyo dhismahiisaba kaas oo sababi kara in uu xoojiyo dulmiga qaawan iyo gabood falka lagu hayo dadka kasoo jeeda deegaanadaas.
  3. In Madaxda Qaranka ay ka waantoobaan abuurista khilaaf hor leh iyo iska horkeenidda bulshada Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
  4. In Madaxda Qaranka sidoo kale ay joojiyaan gabood falka joogtada ah oo ay ku hayaan bulshada Nabadda iyo Dowladnimada jecel ee ku dhaqan G/Shabeelaha Hoose, aysana dhiirri gelinin kooxaha nabad diidka ah, laguna qasbin bulshada  in la nacsiiyo Dowladnimada.
  5. In dib u eegis lagu sameeyo hirgelinta hannaanka Federaalka oo si toos ah iyo si dadbanba loo marin habaabiyay lana garab maray sharciga sida ku cad qodobka 49aad ee Dastuurka Qaranka iyo  Dhismaha Maamullada Gobolladda iyo Degmooyinka dalka.

Hadaba, waxaan si xushmad iyo qadarin ay ku jirto uga rajaynaynaa dhammaan qaybaha kala duwan oo ay ku socoto warqaddan in ay tixgelin doonaan cabashadeena waxna ka qaban doonaan.

Saxiixa Odayaasha Dhaqanka

  1. Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuleey                     _________________________
  2. Ugaas Abuukar Islaaw Xasan                                 _________________________
  3. Suldaan Cusmaan Suldaan Axmed                        _________________________
  4. Ugaas Xuseen Maxamed Daahir                            _________________________
  5. Ugaas Maxamed Cusmaan Ooroow                      _________________________

Xildhibaanadda

  1. Xil. Maxamed Cumar Dhalxa                                  _____________________________
  2. Xil. Cusmaan Xaaji Cali                                           _____________________________
  3. Xil. Cali Yuusuf Cusmaan                                       _____________________________
  4. Xil. Axmed Cumar Islaw                                         _____________________________
  5. Xil. Xuseen Cusmaan Xuseen                                 _____________________________

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka

  1. Xaaji Shukri Sh. Axmed                                           _____________________________
  2. C/llaahi Xaaji Cabdi                                    _____________________________
  3. Ibraahim Xaaji Garas                                               _____________________________
  4. Maxamed Nuur Hindi                                             _____________________________
  5. Xuseen Axmed Zuuki                                              _____________________________
  6. Xuseen Cumar Muudey                                           _____________________________
  7. Mahdi Colow Cali                                                    _____________________________
  8. Axmed Maxamed Nur Daqarre                              _____________________________
  9. Maxamed Abiikar Axmed                                       _____________________________
  10. Xaaji Axmed Cusmaan Geesweyne                       _____________________________

Haweenka

  1. Batuulo Maxamed Xuseen                                      _____________________________
  2. Makaay Axmed Shubaaye                                       _____________________________
  3. Bintow Cali Rooble                                                 _____________________________
  4. Xabiibo Maxamed Xasan                                        _____________________________
  5. Nuunaay Axmed Xuseen                                        _____________________________
  6. Jimcoy Xasan Nuur                                                  ______________________________
  7. Iisho Xasan Xuseen                                                 ______________________________

WABILLAHI TOWFIIQ

DF oo xirtay wariye xuquuq uu lahaa ay dhacday wasaaradda warfaafinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda ayaa maanta muddo ka badan hal saan waxay xabsiga dhigeen wariye Cabdullaahi Muuse Xasan Kalgacal oo ka mid ah wariyaasha ka howgalla magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa lagu xiray xabsiga Afar irdoodka ee ku yaalla degmada Xamarweyne, waxaana xiray shaqsiyaad ka tirsan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Xarriga wariye Kalgacal ayaa yimid kaddib markii uu u tagay wasaaradda warfaafinta isagoona ku yiri waxaan rabaa in la isiiyo xuquuq aan shaqsi ahaan u lee yahay oo dhacday wasaaradda warfaafinta taasoo dhaqaale badan lagu cunay.

Wuxuu sheegay in markii uu intaas ku yiri mas’uuliyiinta joogtay wasaaradda in loogu badalay in la xiro.

Cabdullaahi Kalgacal ayaa tilmaamay in xarrigiisa ay ka dambeeyeen Bahlaawi iyo Cabdiraxmaan Al-Cadaalla oo ka mid ah mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Wariyaha ayaa ka codsaday wasaaradda warfaafinta in ay siiyaan Iidhehyo uu sameeyay oo laga sii daayo Radio Muqdisho oo ah raadiyaha dowladda.

Wuxuu sheegay in Idaacadda qaranka ay noqotay Idaacad ay lee yihiin shaqsiyaad kooban oo ka tirsan wasaaradda kuwaasoo wixii ay rabaan ka sii daaya Idaacadda cidda ay rabaana shaqada ka erya.

Wariye Cabdullaahi Muuse Xasan Kalgacal oo ka mid ah wariyaasha ugu caansan Muqdisho gaar ahaan marka ay timaado Iidhehda iyo barnaamijyada bulshadda, ayaa ka soo shaqeeyay Idaacadii weyneed ee HornAfrik iyo Idaacado kale oo ku yaalla dalka.

Ma ahan wariyihii ugu horeeyay ee ka shaqeeyay idaacadda dowladda oo aan dhaliilo u jeedineynin mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta Soomaaliya gaar ahaan Bahlaawi iyo Al-Cadaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabooyin bur bur u hurseedi kara (Halis cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib markii 24-kii bishan xubnaha golaha wasiiradda Soomaaliya kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ay isku raaceen in shaqada laga ceyriyo xeer ilaaliyihii qaranka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Muuse iyagoona magacaabay xeel ilaaliye cusub.

Arrintaas waxay dhalisay khatar hor leh oo la soo daristay dowladda Xasan Sheekh Maxammuud, waxaana laga cabsi qabaa in ay burburto.

Maxaa soo kordhay?

Magaalada Muqdisho waxaa dorraad shir jaraa’id ku qabtay Xeel ilaaliyihii qaranka Cabdiqaadir Maxamed Muuse, wuxuuna sharci darro ku tilmaamay go’aankii golaha wasiiradda ka soo baxay 24-kii bishan kaasoo isaga shaqada looga eryay, wuxuuna sheegay in wasiir iyo golle wasiir aaney xil ka qaadi karin.

Yaa qaldan labada dhinac?

Prof Yaxyle Cali Ibraahim oo waa madaxa Jaamacadda Somalia, wuxuu sheegay in marka loo eego go’aanka ay qaadeen golaha wasiiradda iyo soo jeedintii wasiirka garsoorka iyo arrimaha fedaraalka ay ahaayeen kuwa sharci darro ah.

Aqoon yahanka ayaa sheegay in maqaamka uu ku fadhiyo xeel ilaaliyaha qaranka uu yahay mid la mid ah hey’adda fulinta oo ah golaha wasiiradda.

Wuxuu sheegay haddii sida ku qoran dastuurka KMG ah la eego haddii xeel ilaaliyaha laga qaadayo shaqada waxaa iskaleh golaha adeegga garsoorka kuwaasoo hadda aan dhisneen balse wasiir iyo golle wasiir shaqadooda ma ahan ayuu yiri,

Prof Yaye ayaa sheegay in hey’adda garsoorka ay ka madax banaan tahay hey’addaha fulinta iyo sharci dajinta waana seddax hey’ad oo isku awood ah ayuu yiri.

Wuxuu kaloo wax sharci darro ku tilmaamay in madaxweynaha uu isna ayido go’aanka shaqada looga eryay xeer ilaaliyihiin qaranka Soomaaliya isla markaana uu soo dhaweeyo xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir.

Si kastaba, waxaa muuqata in madaxda dowladda ay isticmaalayaan awood xad dhaaf ah taasoo jabineysa dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla.

Dad badan ayaa aaminsan in uusan jirin xuduud kala hageysa hey’addaha dowladda taasoo cid kasta tusin karta cid kasta qoddobada ay jibiyaan.

Waxaa kaloo dowladda lagu dhaliilay in aysan heesan la talliyaal fiican oo si hagaagsan ugu sheega wax yaabaha uu dastuurka faraayo hey’addaha dowladda marka ay timaado awoodo isla siman.

Haddii arrintan si degdeg ah loo xallin waxaa muuqata khatar kale oo la soo daristay dowladda taasoo ay dhabar u ridan doonaan madaxweynaha iyo saaxibkiisa koowaad Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka garsoorka iyo arrimaha dastuurka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Dagaalka Habar Gidir iyo Biyo-Maal oo isku beddelay waji cusub oo halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Nuur Maxamed Siidii ayaa xaqiijiyay in dagaalka dib uga qarxay beelaha Habar-gidir iyo Biyo Maal ay ku lug lee yihiin maamulada Shabeelle State iyo Koonfur galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalka Shabeellaha Hoose uu hadda noqday mid siyaasadeesan oo ay ku soo biireen dhinacyo kale oo aan ahayn beelaha dagaallamaya.

Guddoomiye Siidii ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda ay wafdi culus u soo dirtay gobalka Shabeellaha Hoose is loo joojiyo dagaalka beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal, wuxuuna intaas ku daray in hadda dalkaa u waji kale isku badalay

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ka warbixiyay khasaarihii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda gobalka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sheegay in 20 qof uu badan dhinacyada dagaallamay ay ku geeriyoodeen dagaalka in ka badan tiradaasna ay ku dhaawacmeen sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay in dagaal xaley ka dhacay markale Lambar 50 uu ahaa mid aad u culus oo labada dhinac waxay u muuqdeen kuwa is soo ballansaday ayuu yiri Siidii guddoomiyaha gobalka gobalka Shabeellaha Hoose.

Siidii ayaa xusay in dagaalkii xaley uu ka dhacay dhul deex ah oo aaney joogin cidna marka laga reebo dhinacyada dagaallaamay sidda uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in xaalada maanta lambar 50 ay deggan tahay dagaalkana uu iskiis u qaboobay balse labada dhinac ayaa is hor fadhiya ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Muungaab iyo baabuurkiisa oo qarax lala helay iyo warar sheegaya in uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaarayo Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi Qarax lagula eegtay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen”Muungaab” iyo Mas’uuliyiin la soctay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan lala bartilmaameystay Guddoomiyaha Xilli uu kusii jeeday Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Illo Xog-ogaal ah oo ka tirsan Mas’uuliyiintii la socday Guddoomiyaha ayaa inoo xaqiijiyay in Qarax uu ahaa Miino loo dhigay Gaariga uu saarnaa Guddoomiyaha xili uu marayey Xaafada Siisii ee Degmada Yaaqshiid Gobolka Banaadir.

Waxaa la tilmaamayaan in Qaraxa uu Khasaaro kasoo gaaray Ciidamo la socday Guddoomiyaha, wallow aan wali si rasmi ah loo xaqiijin halka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha soo kala gaaray Ciidamada isaga uu watay iyo dad shacab ahaa oo halkaasi ku sugnaa.

Warar horu dhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa Miinada Dhulka lagu Aaso islamarkaana laga hago Ramuud Kontoroolka, waxaana Qaraxa uu Haleelay Qeybta Hore ee Gaariga uu saarnaa Mungaab.

Qaraxa ayaa waxaa Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho loo dhigay Xili Afur  ah oo Gudoomiyaha uu ku siijeeday Degmada Hiliwaa si uu halkaasi uga afuro.

Weli Saraakiisha iyo Maamulka Gobolka Banaadir kama aysan hadlin Weerarka lagu Khaarijin lahaa Mungaab, balse waxaa la filayaa in goor dhow uu war kasoo baxo Maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Axmed Madoobe oo war naxdin badan laga soo sheegay (Muxuu sameeyey?)

Kismaayo (Caasimada Online)– Sargaal ka soo goostay Maleeshiyaadka Raaskambooni ee Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay in Hoggaamiyaha Kooxda uu ku kaco falal argagax leh.

Sargaalka oo lagu magacaabo Aadan Cabdalla, ayaa inoo xaqiijiyay in Axmed Madoobe uu adeegsado Awoodo ciidan, islamarkaana Ciidamada kula dhaqmo si ka baxsan Diinta iyo dadnimada.

Waxa uu Tilmaamay in Ciidamo gaaraya 17, oo kusoo tababartay Dalka Kenya uu qaarkood nolosha ku aasay.

“Axmed Madoobe waa nin adag oo aan laheyn il naxda, waxa uu dhawaan Nolosha ku aasay Ciidamo isaga Khilaafay oo uu kusoo tababaray Dalka Kenya, waxa uu ugu yeeray kulan  kadibna waxaa Seddex maalin kadib laga war helay inuu Nolosha ku aasay iyaga oo bad-qaba’’ ayuu yiri Sargaal Aadan Cabdalla.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Askarta ka bad-baaday Aaska ay iminka u goosteen dhanka Col. Barre Hiiraale, kadib markii uu iyaguna damcay inuu marsiiyo halkii uu marsiiyay Askartii kale.

Axmed Madoobe oo ka tirsanaa Jabhadihii ku dhuumaleysan jiray Howdka Kismaayo, ayaa waxa uu hadda ku dhaqmaa nidaam adag oo gaarsiisan heer uu Nolosha ku aaso Ciidamada uu u arko inay halis ku yihiin Ammaankiisa, mana jirto cid arrintaasi ka hadasha.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

AMISOM oo mas’uuliyiin ka tirsan DFS ku bahdilay garoonka AADAN CADDE

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka cabanaya hab dhaqan aan fiicneen oo uu ku arkay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee waardiyeeya garoonka diyaaradaha Muqdisho ay kula dhaqmaan xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta dowladda hab dhaqan aan fiicneen.

Prof Dala ayaa sheegay adigoo mas’uul dowladeed marka aad u baahato in aado garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa ku dhibaya ciidanka AMISOM ee halkaas ku sugan, waxaana ay lee yihiin maxaa naga quseeya mas’uuliyada aad sheegato

“Ciidamada AMISOM in kastoo ay howllo ballaaran oo ku aadan xagga kala dambeynta ay ku lee yihiin dalka balse ciidamada ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho gaar ahaan albaabka laga galaayo waxay mas’uuliyiinta dowladda kula dhaqaaqaan hab dhaqan aan fiicneen oo anniga ayaaba dhowr goob u ahaa arrintaas” ayuu yiri Dalxa.

Xildhibaan Dalxa ayaa yiri marka aad ku dhahdo maxaa siddan oo dhan iigu galeysa annigoo ah xildhibaan ama mas’uul dowladeed waxaa jawaab lagugu badalayaa “Makala Jecli mas’uuliyadda aad heyso, adiga waxbo ima siisid maxaad isiisaa adiga”

Xildhibaanka waxaa kaloo uu sheegay marka xittaa AMISOM ay u sheegeen saraakiisha ama askarta dowladda ee waardiyeeya garoonka diyaaradaha qofka waa mas’uul dowladeed waxboo lagama soo qaadayo hadalkaas oo cid ku deeneysa ma lahan oo waxaa lagu sii deyn karaa uun marka uu la hadlay askari kale oo ah AMISOM ayuu yiri.

Si kastaba, hadda ka hor ayaa ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho waxay diyaarad ka reebeen taliyihii hore ee ciidanka booliska Jeneraal Saacid kaasoo diyaarad uu u raaci lahaa Gaalkacyo lagu amray in la baaro balse isaga ayaa ka dhagga adeegay amarkaas waxaana markii dambe lagu reebay garoonka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Khaliif Erag oo qashinka ku daray warqado uga yimid Gen. Muungaab

Muqdisho (Caasimada Online)– Ilo wareedyo ka kala tirsan Laamaha Ammaanka iyo Gobolka Banaadir, ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiirka Amniga Qaranka Somalia Khaliif Erag uu lid ku yahay xal u helida Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Wararka aya sheegaya in Khaliif Erag uu diidan yahay in Ciidamada Wasaaradiisa uu hoos geeyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana la tilmaamayaa in warqado dhowr jeer uga imaaday dhanka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu qashinka ku daray.

Ilo wareedka ayaa xaquujinaayo in Khaliiif Erag uu ka faanayo inuu Arrimaha Amniga Muqdisho kala tashto Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab.

Wasiir Erag oo Afar maalin ka hor lagu amray in Ciidamada Wasaaradiisu uu ku biiriyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa la sheegayaa inuu ka dhaga adeegay, isagoona ka meer meerayo sharciyada uu dajiyay Madaxweyne Xassan.

Dhawaan ayay aheyd markii Warqad kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaare C/Weli lagu faray Wasiir Erag inuu Ciidamada hoos geeyo Maamulka Gobolka Banaadir, balse Erag uu ka dhaga adeegay taasina ay caro ku beertay maamulka gobolka oo iyaguna sheegay inaysan qaadeynin talaabo lagu xaqiijinaayo Ammaanka illaa Ciidamada laga hoos keeno, islamarkaana aan wax laga weydiin karin xaaladda amni ee Xamar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: CALI Khaliif Galayr oo isku dhiibi raba maamul goboleedka PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Warar la isku haleen karo oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in xildhibaan Cali Khaliif Galeyr uu ku dhow yahay in uu isku dhiibo maamulka gobaleedka Puntland, kaddib markii uu fashil la soo darsay maamulkii Khaatumo State oo noqday wax ku biiray Somaliland iyo Puntland iyo wax u cararay Muqdisho.

Cali Khaliif Galeyr iyo xubno ka tirsan maamulka Khaatumo State ayaa tan iyo markii laga soo saaray magaalada Taleex oo ay ku qaban lahaayeen shirweyne waxay dhuumaaleysi ku joogeen goballada Sool iyo Sanaag.

Ilaha aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegaya in ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo hadda ka mid ah xubnaha baarlamaanka laga sugaayay magaalada Garoowe oo uu soo gaaro balse uu dib ugu laabtay deeganno ku dhow Taleex.

Waxaa muuqata in uu jirro wadahadal u socda Cali Khaliif iyo maamulka Puntladn, maadama maamulkii Khaatumo xaruntooda Taleex ay qabsadeen ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland, waxaana ay u muuqataa in Khaatumo ay naf ka raadsatay Puntland.

Waxaa kaloo warkan xoojinaya wafdi shaley tagay magaalada Garoowe kuwaasoo uu hoggaaminaayay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ahaa salaadiintii wax ka dhisay maamulka Khaatumo.

Garaadka ayaa tilmaamay in maamulka Khaatumo uu burburay oo wax khaatumo la dhaho aaney jirin.

Hadlakaas uu sheegay Garaadka waxaa ka muuqda in Khaatumo ay u kala jabtay labo oo ay ku kala biireen Somaliland iyo Puntland.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland iyo Cali Khaliif Galeyr oo ku aadan warkan oo ah mid hadda uun soo shaacbaxay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Taleex

[email protected]

Qaran-jab: Xasan Sheekh oo nin usoo shaqeeyey Ethiopia u dhiibay xil qiimo weyn u leh Somalia (Maxaa noo haray)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa ogaatay in ninka uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay inuu noqdo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somalia, Axmed Cali Dahir uu ahaan jiray guddoomiyihii Maxkamadda sare ee deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.

Sida ku cad taariikh nololeedkiisa, Axmed Cali Daahir, 1996-kii wuxuu noqday ku xigeenka maxkamadda sare ee killilka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya. 1997-1999, wuxuu noqday guddoomiyaha maxkamadda sare ee deegaanka Soomalida dalka Itoobiya.

Ninkan ayaa waxaa marka hore soo gudbiyey wasiirka dastuurka Faarax C/Qaadir, oo jimcihii hor-geeyey golaha wasiirada, kadibna ku qasbay madaxweyne Xasan Sheekh inuu magacaabo.

Dowladda Ethiopia oo si aad ah ugu xiran Faarax C/Qaadir, lana sheegay inay ninkan wadato, ayaa Faarax C/qaadir ka dhaadhcisay inuu Xasan Sheekh ka dhammeeyo magacaabista.

Waa arrin yaab leh, in Xeer ilaaliyaha dhan ee Qaranka Somalia loo magacaabo nin lasoo shaqeeyey dalka Ethiopia iyo inuu jago heerkaas gaarsiisan ka helo Somalia.

Waxaa xusid mudan in la is-weydiiyo inta uu la eg yahay xiriirka ninkan iyo xukuumadda Addis-Ababa?

Xukumadda Ethiopia, waxa ay horey ugu dhex lahayd dowladda Somalia shaqsiyaad badan, waxaana ka mid ah wasiirada Gaashaandhiga, Dastuurka iyo madaxa Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia.

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Somalia ayaa si kooban loo qoray hase yeeshee ,waxaan sidoo kale idiin soo gudbineynaa taariikh nololeedka ninka loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Somalia.

1. Laga billaabbo 26-07-214, waxaa xilka laga qaaday xeer illaaliyihii guud ee hore, Cabdulqaadir Maxamed Muuse, waxaanu ansixiyay madaxweynuhu magcaabista Avv. Axmed Cali Daahir oo noqonaya xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

2. Waxaa xeerka uu dhaqan-galayaa markuu madaxweynaha saxiixo, waxaa lagu soo daabici doona faafinta rasmiga dowladda.
Taariikh nololeedka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka:

Avv. Axmed Cali Daahir wuxuu ku dhashay degmada Doloow, sannadkii 1965-kii. Wuxuu dugsiga sare ka baxay 15-kii May 1983-kii

Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacaddii Ummadda Somaaliyeed intii u dhexeysay 1984-kii illaa 1988-kii. Isagoo cilmi-kororsi dheeraad ah sameeyay.

1989-kii illaa 1990-kii wuxuu ahaa ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

1996-kii wuxuu noqday ku xigeenka maxkamadda sare ee killilka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

1997-1999, wuxuu noqday guddoomiyaha maxkamadda sare ee deegaanka Soomalida dalka Itoobiya.

2003-2005 wuxuu noqday guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed gobolka Seattle ee dalka Mareykanka.

2006-2008 wuxuu noqday madaxa ururka Soomaalida gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

2008-2011 wuxuu noqday madaxa hay’adda Xarunta Islaamiga ah ee Al-Raxma ee gobolka Phoenix ee dalka Mareykanka.

2011-kii wuxuu ahaa madaxa sharciga iyo xallinta ee guddiga Imaamyada Soomaaliyeed ee dalka

Dagaallo culus oo dib uga dhex qarxay beelaha HABAR-GIDIR iyo BIYO-MAAL

Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka N50 ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceyn dagaallo xooggan oo u dhexeeya maleeshiyaad kaal taageersan beelaha Biyo Maal iyo Habar-Gidir.

Dagaalka ayaa xaley dhacay waxaana la isku adeegsaday hub culus sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Xog badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay balse waxaa la lee yahay waxaa jirra khasaaro waa ay ka dhasheen dagaallada.

Labada dhinac ay ee ku daggaallamay deegaanka Lambar 50 ayaa la sheegay in ay magaalada ka maqan yihiin waxaana ay ku kala sugan yihiin hareeraha magaalada.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in deeganka uu ka billowday barakac aad u ballaaran oo dadka ayaa u ciirsanaya deegannada kale eek u yaalla gobalka.

Dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa daba socda dagaallo soo noq-noqday oo ka dhacay gobalka kuwaasoo u dhexeeya beelaha Biyo-Maal iyo Habar-gidir.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan isku dayday in ay joojiso dagaallada ku soo noqnoqday gobalka Shabeellaha Hoose balse waxay u muuqataa mid ku guul-darreesatay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Wafdi ka socda Khaatumo oo u goostay dhinaca maamulka P/land

Garoowe (Caasimada Online)-Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa gaaray wafdi ballaaran oo ka socda maamulka Khaatumo State.

Wafdigan oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ayaa waxaa hoggaaminaayay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah salaadiintii wax ka dhisay maamulka Khaatumo State.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu hor kacaayay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cameey, waxaana markii dambe ay la kulmeen madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

1

Wafdigan oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ayaa waxaa hoggaaminaayay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah salaadiintii wax ka dhisay maamulka Khaatumo State.
Wafdigan oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ayaa waxaa hoggaaminaayay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah salaadiintii wax ka dhisay maamulka Khaatumo State.

IMG_4050

IMG_4062

IMG_4068Kulanka kaddib waxaa saxaafadda si wada-jir ah ula hadlay madaxweynaha Puntland iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan wafdiga ka yimid dhinaca Khaatumo kuwaasoo hadda ku soo biiray maamulkiisa, wuxuuna intaas ku daray in Garaadka uu ka mid ahaa dadkii wax ka dhisay maamulka Puntland balse Khaatumo u aaday markii wax ka tabtay maamulkii hore ee Faroole.

Madaxweyne Gaas ayaa xusay in dhammaan waxyaabihii uu saluugsanaa Garaadka in la xaliyay.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo isna hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweenaayo qaabka loogu soo dhaweeyay Garoowe, wuxuuna intaas ku daray in wax Khaatumo la dhaho aaney jirin oo maamulkaas uu burburay.

Garaadka ayaa yiri “Annaga ayaa u dambeenay oo hadda ku soo biiray Puntland oo aan hadda ka tirsanahay”

Haddaba waxaa la aaminsan yahay arrintan ku saabsan burburka maamulka Khaatumo in ay faa’ido ugu jirto maamulada Puntland iyo Somaliland maadama ay u ahayd xudun meelaha ay isku heestaan labadaas maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Xeer ilaaliyihii qaranka oo amray in la soo xiro Faarax Sheekh Cabdul Qaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – War nasoo gaaray, ayaa sheegaya in Xeer ilaaliyahii guud ee qaranka Soomaaliya Cabdul Qaadir Maxamed Muuse, ee xilka laga qaaday uu amray in lasoo xiro wasiirka dastuurka Faarax Cabdul Qaadir.

Faarax Sheekh C/Qaadir, ayaa jimcihi xilka ka qaaday Cabdul Qaadir Maxamed, ayada oo sidoo kalena uu maanta ku raacay madaxweyne Xasan Sheekh. Faarax ayaa xeer ilaaliyaha cusub ee qaranka u magacaabay mudane Axmed Cali Daahir.

Si kastaba Cabdul Qaadir Maxamed Muuse, waxa uu sheegay in xil qaadista lagu sammeeyey ay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana Faarax uu fowdo ka wado Somalia.

Wuxuu xeer ilaaliyaha sheegay inay xilka qaadis ku sameeyn karaan kaliya gudigga garsoorka ee Caydiid Ilka Xanaf u madax yahay, sidaa darteedna Faarax C/qaadir uusan xil ka qaadi Karin.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sidoo kale muujineysa in xil ka qaadis ay sidoo kale kusoo socoto Ceydiid Ilka Xanaf, oo ah guddoomiyaha maxkamadda sare.

Cabdul Qaadir Maxamed Muuse iyo Ceydiid Ilka Xanaf, ayaa si aad ah uga horyimid is-beddeladii dastuur ee uu sammeeyey Faarax Cabdul Qaadir, oo ay u arkeen kuwa loogu tala galay in ayaga meesha looga saaro.

Si kastaba, amarka C/qaadir Muuse ee ah in lasoo xiro Faarax, ayaan la ogeyn sida taasi ku dhici karto, maadaama aan ognahay awoodda Faarax uu ku dhex lee yahay dowladda Somalia.

Xog: Gen. MUUNGAAB oo xabsi dhigay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa

Muqdisho (Caasimada Online– Warka aan Saakay ka heleyno Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab uu Jeelka dhigay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Kaxda Shiiqaal.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiyaha Gobolka, Taliyaha Boliska iyo Mas’uuliyiin kale ay gaareen Degmada Kaxda halkaasina ay ku xir-xireen Guddoomiye Xigeenka dhanka Ammaanka Kaxda C/naasir Xuseen Cali iyo Taliyaha Nabadsugida Degmada C/raxmaa.

Xariga labada Mas’uul ee kawada tirsan Degmada Kaxda ayaa waxa uu ka dambeeyay ka gadaal markii qorox dhicii shalay ay halkaasi isku rasaaseyeen islamarkaana ay dil iyo dhaawac u geysteen dad shacab ahaa.

Dagaalada ka dhexeeya Ciidamada Dowlada ayaa waxa uu mudooyinkaani kusoo badanayaa Magaalada Muqdisho, iyadoona aysan jirin maamulo kala xakameeyo markii laga reebo Tallaabada lagu xiray Labada Mas’uul oo noqoneyso tii ugu horeysay oo uu qaado Maamulka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]