27.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Xog: Gen. MUUNGAAB oo xabsi dhigay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa

Muqdisho (Caasimada Online– Warka aan Saakay ka heleyno Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab uu Jeelka dhigay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Kaxda Shiiqaal.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiyaha Gobolka, Taliyaha Boliska iyo Mas’uuliyiin kale ay gaareen Degmada Kaxda halkaasina ay ku xir-xireen Guddoomiye Xigeenka dhanka Ammaanka Kaxda C/naasir Xuseen Cali iyo Taliyaha Nabadsugida Degmada C/raxmaa.

Xariga labada Mas’uul ee kawada tirsan Degmada Kaxda ayaa waxa uu ka dambeeyay ka gadaal markii qorox dhicii shalay ay halkaasi isku rasaaseyeen islamarkaana ay dil iyo dhaawac u geysteen dad shacab ahaa.

Dagaalada ka dhexeeya Ciidamada Dowlada ayaa waxa uu mudooyinkaani kusoo badanayaa Magaalada Muqdisho, iyadoona aysan jirin maamulo kala xakameeyo markii laga reebo Tallaabada lagu xiray Labada Mas’uul oo noqoneyso tii ugu horeysay oo uu qaado Maamulka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Arag Sawirro: Qaar ka mid ah ciidanka Amisom oo muujiyay muslimnimo

Muqdisho (Caasimada Online)- Inta badan Shacbiga Soomaaliyeed waxa ay aaminsan yihiin in Ciidamada AMISOM ee jooga Dalka Somalia gabi ahaan yihiin kuwa Masiixiyiin ah.

Haddaba Shabakada Caasimada ayaa waxa ay idiin soo bandhigeysaa Sawiro ka turjumaayo Ciidamo ka tirsan AMISOM oo sagootinaayo Bisha Ramadaan islamarkaana ku mashquulsan aqrinta Qur’aanka kariimka.

Sawiro laga soo qaaday Xero Ciidan oo ku taala magaalada Kismaayo ayaa muujinaya ciidamo isugu jira Kenyan , Siiralyoon iyo Burundi oo si jamaaci u aqrinaayo Qur’aanka, waxa ayna yihiin kuwa sooma bisha Ramadaan oo idil.




Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

DF oo qirtay in diblomaaiyiin Somali ah ay ka dawarsadaan dalalka caalamka

Muqdisho (Caasimada Online)-Kaddib markii ay dowladda ku dhawaaqday in la xiray in ka badan 30 saafaradood oo Soomaaliya ay ku lahayd caalamka ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay jiraan safiiro dawarsanya.

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xaqiijiyay in ay jiraan diplomaasiyiin dawarsada waddamada caalamka, isagoona tilmaamay in arrintaas ay dowladda ka xun tahay.

Wasiirka ayaa sheegay dowladda in ay go’aansatay in ay xirto safaarado badan oo caalamka ay ku lahayd kuwaasoo ay u aragtay in xiriir buuran aaney la lahayn.

Safaaradaha la xiray waxaa ka mid ah Germalka iyo Burundi, kuwaasoo loo arkay in aysan waxbo ku turneen.

“Waxaanu rabnaa in aan aragno safiiro la mid ah jaalkooda, oo aaney ka fikireynin mushaarkooda, baabuurka ay raacayaan iyo waxybaaha ay ka sheegi doonaan marka ay asaagood la kulmayaan” ayuu yiri wasiir Beyle.

Burundi ayaa ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya kuwaasoo qeyb ka ah howgalka midowga Afrika ee AMISOM, waxaana aaan la ogeyn sidda ay tallaabadan u saameyn doonto ay dowladda irdaha isugu laabtay safaaradii ay ku lahayd caasimada Bujumbura.

Wasiirka arrimaha dibedda mar uu ka hadlaayay sababta ay u qaadeen tallaabada ay ku xireen in ka badan 30 safaaradood oo ay ku lahaayeen caalamka in ay la xiriirto dhaqaale darri la soo daristay dowladda itaalka daran ee taageerada ka heshay beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Xog: Dagaal ka dhex curtay Shirkadaha Maamulka Gobolka Banaadir kadib…

Muqdisho (Caasimada Online)– Ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu Jeelka dhigay Madaxii Shirkadaha Nadaafada ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa waxa uu amray xariga Mas’uulkaasi, waxa uuna ka dambeeyay xarigaasi kadib markii Xiisad ay ka dhax oogantay shirkadaha dhanka nadaafadda ee degmooyinka gobolka banaadir.

Xariga Mas’uulkaasi ayaa waxa uu imaaday ka gadaal markii gudoomiyaha gobalku uu dhowaan si la tashi la’aan ah u magacaabay dhowr shirkadood oo ku cusub howlaha nadafada Gobolka isagoona ku qancin ama waxlatashi ah kala sameynin kuwii iyaga ka horeeyay taasina ay sababtay tuhun iyo kalsooni dari markii dambana isu badashay qaab beeleed sida uu ku dooday afhayeenka shirkadda nadaafadda ee ‘’Baarqab’’ Muqtaar Muxudiin Macow.

Muqtaar Muxudiin Macow oo ah Afhayeen Shirkada Nadaafada G/Banaadir, ayaa sheegay in Mungaab uu iska horgeeyay Maamulka iyo shaqaalaha Shirkadaha, waxa uuna wax lala yaabo ku tilmaamay in Maamul uu isaga doortay hadana uu isaga xumeeyo, isagoona kala tashan kuwa lasoo dhisay.

Sidoo kale, Muqtaar waxa uu xusay in uu aad ula yaabay markii iyaga oo ogolaanshiyo sharci ah kahaysta gudoomiyaha gobolka Banaadir Mungaab oo uu usii cusbooneysiiyay mid hore oo ay ka haysteen Gudoomiyihii kasii horeeyay ee gobolka Tarsan, si xadgudub ah loo xir xiro madaxdoodii waliba si karaamo qaad ah sida gacan kudhiigleyaal oo kale taas oo uu sheegay in aaney mudney.

Wuxuu carabaabay in hada ay jeelka ku jiraan Mas’uuliyiinta Shirkada oo ay kamid yihiin Gudoomiye Cukaash Maxamad Maxamuud oo ku magic dheer ‘’Baarqab’’ iyo ku-xigeenkiisii C/rashiid Maxamed Cali.

Dhanka kale, Muqtaar Muxudiin Macow waxa uu Tilmaamay in Mungaab uu xiray Madaxii Shirkada Nadaafada ee Gobolka, wuxuuna sheegay in Gudoomiye Mungaab uu iska horgeynaayo Shaqaalaha taasina ay noqoneyso Mas’uuli daro dhalii sheeda u laabaneyso Gobolka.

Galmudug oo si cad ah uga hortimid qorshe uu wato R/Wasaare Cabdiweli

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa gaashanka u daruuray qorshe ay wado xukuumadda kaasoo ku aadan maamul gobaleed loo sameeyo gobalada dhexe sidda Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka garsoorka maamulka Galmudug Cawke Xaaji Cismaan oo la hadlay Idaacad ku taalla Muqdisho ayuu sheegay in qorshahaas uusan socon doonin isagoona yiri Galmudug waa maamul horrey u dhisnaa oo aan la rabin in wax laga badalo.

Wuxuu sheegay dowladda in ay rabto in qorshe aan soconeynin ay sameeso isagoona intaas ku daray ciddii rabta in ay maamul dhisato iyada ayey gaar u tahay.

Wuxuu sheegay oo kale in Gamudug aaney diyaar u ahayd in la midowdo maamul kale oo maamulkooda uu la mid yahay Puntland oo kale sidda uu hadalka u dhigay.

Hadalka maamulka Galmudug ka soo yeeray ayaa jawaab u ah hadal uu dhawaan sheegay ra’iisal wasaaraha xukuumadda kaasoo ahaa in maamul gobaleed loo sameen doono gobalada Galgaduud iyo Mudug, halkaasoo ay ka dhisan yihiin hadda seddax maamul oo kala ah, Ahlu Sunna, Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa mucaaradad xooggan kala kulmeysa maamul gobaleedyada ay ka yagleeleyso qeybo ka mid ah dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

“FAARAX waa wasiir ka awood badan wasiirada kale ee DF sidaa waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyihii hore ee qaranka, Cabduqaadir Maxamed Muuse ayaa sheegay in wasiirka garsoorka iyo dastuurka, Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu ka awood badan yahay wasiiradda kale.

Xeer ilaaliyaha ayaa xusay in uu Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu ku tuntay sharciga dalka halkii la rabay in uu isaga ilaaliyo wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid dhaawici karta qaranka.

Bidix Wasiiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqaadir midid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud
Bidix Wasiiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqaadir midid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud

Wuxuu sheegay in haddiiba uu wasiir uu xil ka qaadis ku sameen karo xeel ilaaliyaha qaranka intaasi ay muujineyso in wasiirka garsoorka uu ka awood badan yahay wasiiradda kale ee xukuumadda.

Sidoo kale, Cabduqaadir Maxamed Muuse ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka shaqada looga eryay haddii aan laga laaban in ay soo da-dajin doonto in aqoonsiga yer ee la siiyay dowladda Xasan Sheekh ay caalamka kala laabtaan maadama ay ku tumutay sharciga sidda uu hadalka u dhigay.

Go’aanka uu ku diiday in shaqada looga eryay xeer ilaaliyihii hore ee qaranka ayaa waxaa ayiday golaha addeega garsoorka kuwaasoo sheegay in xubnaha golaha wasiirada aaney shaqada ka eryi karin shaqada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Horumarka ka socdo Muqdisho ma ku ogeyd sidaan uu hadda yahay?

0

Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka soconayaa horumaru dhinacyo badan leh marka loo fiiriyo Sanadihii ugu dambeeyay, ayadoo sanadkaan Magaaladu ay ku soo badanayaan magaalada wax yaabo aan horay looga aqoonin.

Muqdisho maanta bilic ahaan iyo Muuqaal ahaan wax weyn ayaa iska badal dhanka ganacsigana magaalada waxaa lagu arkayaa isbadal dhinacyo badan leh, Dhanka kale Shacabka Soomaaliyeed waxeey si weyn ugu damaashaadayaan Xeebta Liido ee nala daawo Muuqaalkii ugu dambeeyay & Muuqaalka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

CADDEYN: Qoraalkii XASAN SH ee QM waxaa diyaariyey NORWAY iyo KENYA: Badda Somalia oo gacanta ka baxday

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo ka qaybgalay xafladdii xiritaanka kalfadhigii 4aad ee Golaha Baarlamaanka oo qabsoomay 22kii July 2014, ayaa sheegay in uu Qaramada Midoobay (QM) u gudbiyay warqad ku saabsan xadeynta Badda Soomaaliya.

Madaxweynuhu, wuxuu sheegay in qoraalka ay QM u gudbiyeen 21kii July 2014 ay diyaariyeen khubaro Soomaali iyo shisheeyeba isugu jirta , kuwaas oo lagu soo kireeyay cashuurtii laga uruuriyay shacabka Soomaaliyeed (gadaal ayaan ka rki doonaa cidda bixisay kharashka). Waxaa kale oo uu madaxweynuhu sheegay in ay gudbiyeen wixii xuquuq ahaa ee ay Soomaalidu laheyd, cidna aysan dacwo u qabin, ciddii dacwo qabtaana ay meelaha loo dacwoodo u dacwooto.

xasanshHaddaba SomaliTalk oo dib-u-eegid ku sameysay qoraalka loo gudbiyay QM ayaa waxay ogaatay in khudbadda Madaxweynuhu ay aheyd mid lagu marin-habaabinayo shacbiga Soomaaliyeed. Waxaa waadax noqotay in qoraalka madaxweynuhu gudbiyey ay diyaarisay Norway. Qoraalkaas Norway waa mid dhabarjebin ku ah go’aankii xalaasha ahaa ee ay baarlamaanka Soomaaliya ku diideen heshiiskii is afgarad (MOU), wuxuuna ka marqaati kacayaa sheegashada Kenya ay qayb sheeganeyso Badda Soomaaliyeed.

Sida qoraalka ku cad warbixinta loo gudbiyay QM oo sida muuqata aysan Soomaalidu wax badan kala soconnin waxaa diyaariyay oo iska kaashaday; Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Norway, hay’adda bartoorka u qaabilsan Norway iyo hay’adeedda sameysa khariidadaha (mapping). Waxaa xusid mudan in Norway ay Kenya ka caawineyso boobka badda Somalia.

Waxaa kale oo xusid mudan in DFS diyaarinta gudbinta warbixintan uu ka caawiyey Mr. Harald Brekke, oo ahaa xubin ka tirsan guddiga xadaynta badaha intii u dhaxaysay (1997-2012). Mr. Harald Brekke waa reer Norway, waana isla ninkii Kenya ka caawiyay qoraalkii rasmiga ahaa ee ay Kenya u gudbisatay QM (May 6, 2009, ), kuna sheeganeysay bed weyn oo badda Soomaaliyed ka tirsan.

Khariidada Kenya gudbisatey oo muujinaysa xad-gudubkeeda badda Soomaaliyeed (eeg UN website)
Khariidada Kenya gudbisatey oo muujinaysa xad-gudubkeeda badda Soomaaliyeed (eeg UN website)

anurwy01Waxaa is weydiin mudan waxay tahay: Madaxda DFS ma la socdaan doorkii uu Mr Harald Brekke ku lagaa sheegashada Kenya? Haddii aysan madaxda Soomaalidu waxba kala socon ninkaan, waa ku ceeb. Haddii wax ka ogaayeenna, waa in ay ka jawaabaan sababta ay qoraal xaasaasi ah ugu ahaan shaqsi ay taariikhdu madowdahay, mugdina ku jiro, horena uga eexday Soomaalida.

Yaa bixiyey Lacagta ku baxday diyaarinta dabinkaan?

Sida kor ku xusan,,Madaxweynaha DFS Xasan Sh.Maxamuud markii uu hadalka ka jeedinayay xiritaankii kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka wuxuu sheegay in kharashka ku baxay diyaarinta warbixinta loo gudbiyey QM ay tahay mid laga bixiyey cashuurta laga qaado shacabka Soomaaliyeed. Laakiin, warbixinta uu madaxweynaha u gudbiyey QM (July 21, 2014), waxaa ku cad in Dawladda Norway ay bixisay gebi ahaanba kharashka ku baxay diyaarinta warbixinta iyo gudbinteedaba. [All expenses related to the preparation of the present submission have been covered by the Government of Norway.]. Waa yaabe Madaxweyne Xasan ma wuxuusan si fiican u akhrin qoraalka uu gudbiyay, mise si ula kac ah ayaa loo marin habaabinayaa umaddaan la dulmayo?

Qoraalka Norway waa khiyaano Qaran

Marka si deggan loo akhriyo warbixinta ka kooban 23 bog ee Norway u diyaarisay badda Soomaaliya, taas oo madaxweynaha DFS uu u gudbiyey Qaramada Midoobay asagoo aan marsiin baarlamaanka, waxaa si cad u soo baxaya qodobadan:

1. Waxaa la soo cusboonaysiiyey “muran gelintii Badda Soomaaliya”, waxaana warbixintu ku celcelinaysaa in uu jiro aag kamid ah badda Soomaaliya oo lagu muransan yahay. Waxaana aad iyo aad u cajaa’ib badan in mid ka mid ah khariidadaha la socda warbixinta lagu asteeyey dhul-badeedka Soomaaliya qaybtiisa u dhow Jubada Hoose in muran la geliyey (eeg sawirka hoose) – waxaana xusid mudan khariidada muranka muujinaysa in Soomaaliya gudbisey, halka khariidada Kenya gudbisatay ay mujinayso in Kenya dhulkaas sheeganayso (waa tabcadii iyo xeeladdii ay Kenya raadinaysay laga soo bilaabo 2009 oo uu u hirgelinayo Madaxweyne Xasan.. waa aqbalaad dhulkayga igu qabso, iyo sheegashada Kenya oo si miyir la’aan ah loogu meeldayayo.)

Khariidada ay diyaarisay Norway ee uu madaxweynaha DFS u gudbiyey QM (eeg UN website) (Khariidada inta buluugga ah ee saddexagalka waa badda Soomaaliya ee muranka la geliyey)
Khariidada ay diyaarisay Norway ee uu madaxweynaha DFS u gudbiyey QM (eeg UN website)
(Khariidada inta buluugga ah ee saddexagalka waa badda Soomaaliya ee muranka la geliyey)

2. Waxaa la soo cusboonaysiiyey heshiiskii is afgaradka badda ee Kenya & Soomaaliya – Taas waxaa daliil u ah in warbixinta ay ku qoran sidan: Macluumaadka ay hadda Soomaaliya gudbisay waxaa ka mid ah aag ay ku muransan yihiin labada dal ee xeebta, waxaana Soomaaliya diyaar u tahay in ay wada-xaajood la gasho Kenya si loo gaaro heshiis ama is-afgarad… “Somalia is ready to enter into consultations with the Republic of Kenya with a view to reaching an agreement or understanding…” (waa arrintii uu diiday baarlamaankii KMG ahaa oo boodhka laga jafay … waxaana arrimahani ku soo beegmeen ama soo shaac baxeen xilli la fasaxay baarlamaankak hadda jira). Waa mucjisee maxaa Keenay in Kenya ay sheegato oo ku dooddo in ay leedahay bad kaabiga u saaran Kismaayo, halka madaxda Soomaaliduna ku doodayaan in lagu muransanyahay?

Bogga 9aad ee qoraalka Norway ee madaxweynuhu gudbiyey QM (eeg UN website
Bogga 9aad ee qoraalka Norway ee madaxweynuhu gudbiyey QM (eeg UN website

Sidoo kale warqad uu madaxweynaha DFS u diray UN-ka June 30, 2014 waxaa ku cad sidan: “Meelaha EEZ-ka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu deris kala yahay dal kale oo xeeb leh, waxaa markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood kala gasho dalka xeebta aragtidooda xadeeynta EEZ-ka badda”.

 

Warqadda uu saxiixay madaxweynaha DFS eeg halkan
Warqadda uu saxiixay madaxweynaha DFS eeg halkan


3. Qoraalkaan loo diray QM wuxuu badda Soomaaliya qaybta TERRITORIAL WATER ku soo koobayaa 12 mayl-badeed, sidaasna meesha laga saarayaa Law no. 37 oo dhigaya in badda Soomaaliya Territorial Sea/Water uu yahay 200 mayl-badeed. (
Halkan ka eeg faraqa u dhaxeeya 200nm oo EEZ iyo 200nm oo Territorial Water).

Bogga 7aad ee qoraalka Norway ee madaxweynuhu gudbiyey QM (eeg UN website)
Bogga 7aad ee qoraalka Norway ee madaxweynuhu gudbiyey QM (eeg UN website)

Maxaa ku aasan afeefta Norway?

anurwy1Waxaana xusid mudan, oo wax lala yaabna ah, in dowladda Norway ay ka afeefatay qoraalkii ay iyadu maalgelisay oo ay diyaarisay. Waxay ku afeefatay in aysan shaqo ku laheyn cawaaqibka ka soo baxa qoraalkan, waxayna afeeftaas ku muujisay isla qaybo ka mid qoraalkaas. Sow haddaba cajiib ma aha in qoraalkii ay Norway diyaarisay ay sharuuud ka dhigtay in aysan masuul ka ahayn natiijada ka soo baxda ee xagga sharciga ee la xiriirta xadaynta badda? Waxaa Muuqata in Norway ku baraarugsantahay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii uu qoraalkani hirgalo. Waayo waxa cad in ay Soomaaliya ku waayi karto baaxad aad u weyn badeeda ah. Taasna waxaa laga yaabaa iney keento dood iyo dacwooyin sharci oo daba dheeraada. Nasiibdarro, waxa ay ka afeefaneyso Norway uma muuqdaan madaxda Soomaalida ee maanta.

Maxaa la gudboon Soomaalida?

Shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaankoodu waxay horay uga dhiidhiyeen isku daygii fashilmay MOU. Maanta tan taagani waa mid ka sii halis badan middii shalay. Waxaa Soomaalida la gudboon in ay aad u feejignaadaan, kana horyimaad iskudayada xaqooda lagu duudsiinayo.

Sidoo kale aqri xogtii Caasimada Online ee shalay ay ku sheegtay in Jawaari uu u baxay Norway, si uu arrintan usii dhaqaajiyo. Halkan dhag sii.

Faafin: SomaliTalk.com |  July 25, 2014

Aw-Libaax & Lo’dii layacantay ee luntay

Waxaa la fadhiyaa berrinkii BAH-LAAYE, waa meel aan lagu degin sahan iyo qorshe uu caqli samaan u saaxiib ihi sii saadiyay, waa boor iyo baahi, busaarad iyo balanbal, waxaa wada deggan Lo’ layacan iyo Libaax daleelada ka helay oo daranyada loogu dow galay uga danaystay.

Waxaa wada shiraya Aw-Libaax oo la fadhiya Lo’ fara badan oo bilaa raace ah, lama hubo sababta ay Lo’dani bilaa qoowsaarka u noqotay, ma inta careen ayay cardaadiqaha ka dhigeen oo iyagaa dilay? Ma dhowr qoowsaar baa isku qabsaday markaas ayay xoolahani lumeen oo layacmeen? Mise inta meel xun ku horay ayay ku xayraameen ooy soo xarka goosteen?

Yeelkeede, Lo’du waxay markan la fadhidaa Aw-Libaax oo ay iyadu isku qancisay inuu u dhaamo qoowsaarkeedii, waxay iska dhaadhicisay in marba haddii ay Libaax la fariisatay oo ay kula heshiisay inuu midba maalin cuno inaysan jirin sabab dambe oo ay u cabsato, haddiiba aysan cabsida lafteeda ka cabsanaynin, balse Lo’dani kuma fikirto inay taasi tahay bilowga dhamaadkeeda.

Lo’da waxaa ka muuqata dacdarro iyo dhacsaal badan, waayo maadaama aysan lahayn qoowsaar ilaaliya, u sahmiya, naq-geeya, ka shilimeeya, marka dararto lisa, daweeya marka ay bugto, xero ay ku badbaaddo u ooda, maqasha u geeda gura, arooriya marka ay kallan tahay ama habeenkii mayraca haddii ay dheeraad u baahato waxaa iskugu darsamay busaarad iyo basanbaas, waxaa intaa u dheer in dhowr sano oo xiriir ah ay abaari iskaga dambaysay oo ay macaluul ba’ani beerka ku dhejisay, kaaga darane cidda ay caymo ka sugaysaa waa bahalkaas Aw-Libaax oo leggeeda uun luuq ugu jira.

Aw-Libaax isagu meel kale ma aado oo ma ugaarsado xitaa, waayo wixii uu dibad ka dooni lahaa, halkan bayba ugu dagan yihiin iyagoo weliba u diyaar ah, maalinba Lo’du waxay soo qaybtaa hal neef oo Lo’ ah gaar ahaan midka ugu shilis ee ugu hilboon, tiiyoo ay abaari eedaad ku ridday.

Lo’dani isma waydiiso danta ugu jirta inay meel u fadhiyaan bahal cunaya oo weliba meel baahi ah ku horaya, iyagoo aan ku fikirin inay naq-raacaan ama doonaan Lo’da kale ee ka maqan, sidoo kale kuma fikiraan in bahallada kale ee kaymaha ku jira ee ay ka baqayaan aysan ka mici ku xoog badnayn midkan ay u horan yihiin ee yaryaraysiga ku haya, isma waydiiyaan walba haddii aad dhimanaysaan qadiyad wanaagsan ku dhinta iyo idinkoo nolol tan dhaanta baadi goobaya!

Waxaa la fadhiyaa geed aan hoos badan lahayn maadaama lagu jiro jiilaal xun oo hal mareebe ah, waxaa socda kulan maalinle ah (routinal meeting) oo inta badan lagu amaano ama loogu buraanburo Aw-Libaax, lagama hadlo mana laga hadlo dhibaatada haysata Lo’dan layacan ee luntay, Aw-Libaax kulankan wuxuu sidoo kale u adeegsadaa meel uu kula socdo haddii ay jiraan dad ku kacsan saldanadiisa halkudhegeedu yahay ‘’Caawintaydu waa in aan idin cuno ama caymo maleh’’.

Waxaa hadalka fura dhowr dibi oo ay dacdarro iyo haybad la’aani ka muuqato, balse maadaama ay ka yara xoog badan yihiin, ubadka iyo Lo’da kale ka xooga wixii xuluf iyo xaab ah oo marmar la helo, waxay Aw-Libaax u sheegaan warka uu jecel yahay, qaar baa gabayo jacbur ah tiriya, waxay dareensiiyaan inuu yahay nin wax wayn u qabtay, nin had iyo jeer u taagan wanaagooda, ninka sida ay qabaan tirtiray cadaawaddii soo jireenka ahayd ee abid ka dhexeyn jirtay LO’ vs LIBAAX, nin kala celiya marka ay is diriraan.

Si kastaba, Libaax oo aan sida Lo’dan laabta ka masaxnayn, balse og inay cadaawadaasi sideedii u taagan tahay, hase yeeshee ay hal dhinac oo is dhiibay uun ka dhamaatay, ayaa wuxuu ku dhuftaa qosol qax qax ah oo digasho wax laga saari karo, isagoo u sheegaya Lo’da inuu hubaal ka dhigi doono in aysan cid aan isaga ahayni cuni doonin oo uu Libaaxyada kale ka ‘ceshan’ doono. Raganimo!

Deeto waxaa mar qura is qabsata mashxarad naf la caari ah oo ka imanaysa Lo’da teeda dhedig iyo waylaha oo aad u baahan, halka dibiyada waawayna ay ku dhuftaan or iyo sacab, Aw-Libaax ayaa isna ku kaalmeeya hees la yiraahdo: ‘’Lo’ hayina oo habaaran, Allaylehe helay ee Eebow mahadda’’.

Lo’du marka ay heestaas maqlaan, waa la iska yaqaannaa oo iyagoo aan dhadhansan micnaha dhabta ah ee ay xambaarsan tahay unbay muusigga iyo laxanka uun la dhacaan oo sacab kal iyo laab ah sii laba jibaaraan iyagoo uga jiibiya hees uu mireheeda, laxanka iyo muusiggaba leeyahay Aw-Libaax oo ku bilaabmaysa; ‘’Micidii waynayd, maantaad nala heshee, nagu miijiyoo’’.

Maadaama ay Lo’dani muddo dheer qoowsaar la’aan ahayd way kala firdhatay, oo waxaa jira goosimo meelo kala duwan ugasoo haray iyo dabcan qoowsaarkii oo aysan meel ku sheegin, dibiyada qaar oo ay XUSUUS yari weli ku dambayso ayaa mararka qaar muujiya inay tebayaan Lo’daas ka maqan iyo in ay wax ka khaldan yihiin nolosha ay ku jiraan, horta waxaa il naxariis la’aan ah ku eega Aw-Libaax oo haddii uu u dhowyahayna dhirbaaxo dhangalaaso indhohooda hillaac mala awaal ah ku tusa.

Waxaa u dheer in markiiba ay afka goostaan dibiyadda horjoogayaasha ah, sacaha iyo waylaha oo iyagoo Aw-Libaax is tusaya aflagaaddooyin u gaysta, mararka qaarna waxaaba bilowda dagaal lagu qaadayo inta doonaysa in Lo’da maqan la doono, kuwaasoo taageero qosol u badan ka hela Aw-Libaax oo madaxa u gundhiya, iyaguna marka ay sidaasi dhacdo maba soo jeestaan.

Deeto dibiyadii oo qaarkood daanno iyo dakharro loo gaystay ayaa cod hoose iskaga gunuunuca iyagoo iska dhaadhiciya in haddii ay ka badbaadaan miciyaha maalinba mid ku maqan ee Aw-Libaax ay mar uun gaari doonaan madal iyo fursad ay wax ku dareensiiyaan Lo’da kale, Libaaxna iskaga dhiciyaan, si loo doono inta maqan, Lo’dana qoowsaar loogu sameeyo.

XaajiWaxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: [email protected]

Gothenburg, Sweden

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Wararkii ugu dambeeyay DAGAALLO ka socda Sh/hoose (H/Gidir vs Biyomaal)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo dib uga qarxay gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa ka dhacay deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose wuxuuna u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda oo ka soo kala jeeda beelaha Biyo-Maal iyo Habar-Gidir.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho si halkaas loogu daweeyo.

Dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa daba socda dagaallo soo noq-noqday oo ka dhacay gobalka kuwaasoo u dhexeeya beelaha Biyo-Maal iyo Habar-gidir.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan isku dayday in ay joojiso dagaallada ku soo noqnoqday gobalka Shabeellaha Hoose balse waxay u muuqataa mid ku guul-darreesatay.

Dhinaca kale, maamulka gobalka Shabeellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa isna sheegay in dagaalkan uu soo noqnoqday dowladdana ay maaro u la’dahay in ay joojiso.

Guddoomiyaha ayaa xusay in

Ma jirto wax war ah oo ka soo maamulka gobalka Shabeellaha Hoose iyo dhinacyada ku dagaallamaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, dad badan ayaa aaminsan in dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ay ku lug lee yihiin qabiilo kale, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan labada golle ee dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: VILLA SOMALIA maxaa ka dhacay oo aadan maqlin (DAAWO SAWIRRADA)

Muqdisho (Caasimada Online)– Iyadoo Dowlad Goboleedka Puntland laba maalin ka hor ay Wafdi heer wasiiro ah usoo dirtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xalay ay Madaxtooyada Somalia kulamo kula qaateen Madaxda dalka oo ay ugu horeeyan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Dalka.

Wafdiga ay Dowlad Goboleedka Puntland usoo dirtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka koobnaa 8 Wasiir oo ay wehliyaan Odayaal dhaqameed ka soo jeeda Maamulka Puntland, waxa ayna Xalay Madaxweynaha Somalia u sheegen in DFS ay meel saarto Dilka Saado Cali Warsame.

Wafdiga oo iyagu ka careysnaa dilalkii horay loogu geystay Xildhibaanada Xeyd iyo Faisal ayaa waxaa hadana u Sedexeeyay dilkii Saado Cali Warsame, waxa ayna warar hoose sheegayaan in Wasiirada iyo Odayaasha ay Dilkaasi ku eedeeyen in DFS ay ka gaabisay sugidda amniga xildhibaanadda kasoo jeeda Puntland, sida ay hadalka u dhigeen.

Diblumaasi ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiirada iyo Odayaasha ka socda Puntland ay Habeennimadii xalay Xassan Sheekh ka codsadeen in loo soo gacan geliyo raggii dilay Saado Cali Warsame.

Diplumaasiga ayaa waxa uu intaa hadalkiisa sii raaciyay in Wafdiga ka socda Puntland ay Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli ku eedeeyen in dilalka loo geysanaayo Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland caadi ka noqotay Xamar.

Sidoo kale, C/weli Xeri oo ah Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxuu sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen in baaritaan lagu sameeyo dilka allaha u naxariistee Xildhibaanada Saado Cali Warsame.

Wasiir C/weli Xeri Cabdulle Garaase, waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in Madaxweynaha ay xasuusiyeen dilkii Xildhibaan Feysal iyo Xeyd oo midi lagu dilay Afafka hore Madaxtooyada halka Xildhibaan Xeyd-na lagu dilay meel aan sidaa uga fogeyn Madaxtooyada.

pl1pl2pl4pl5pl6

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

“GAAS wuxuu teleefoon ku wareeriyey R/W Cabdi Weli kaddib geeridii SAADO, ceeb ayaana ka dhacday” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay intii lagu jiray aaska AUN Xildhibaanad Saado Cali in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda uu qaati ka istaagay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas oo xiriir uu la soo sameeyey Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh ka dalbaday in meydka Marxuumada la geeyo Garoowe.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa arrintaas ku gacan seyray una sheegay Gaas in dalabkiisa yahay mid laga naxo, sida uu sheegay Xildhibaankan oo codsaday in magaciisa aan la xusin, oo la hadlay Caasimada Online.

Waxagarad Soomaali ah oo ku dhaqan gudaha & dibedda dalka oo ay ku jiraan fannaaniin iyo aqoonyahanno u waramayey qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa ku tilmaamay dariiq qodxa badan oo Soomaali lagu sii kala fogeynaya in haddii mas’uul kasta oo Dowladda ka tirsan ama bulshadda dhexdeeda magac ku leh marka uu dhinto in shaqsiyaad aan xil kas aheyn oo ay dhici karto in aysan wax aqoon ah u laheyn muddadii uu noolaa in ay qaab qabiil ah ku sheegtaan.

“Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas Dowladdii oo mashquul ku ah aaskii marxuumada ayuu taleefan ku wareeriyey Cabdi Weli ilaa markii dambe la yiri war naga daa taleefanka badan. Cabdiweli Gaas markii uu ku hungoobay sidii uu rabay, ayay kala carareen Puntland oo diyaarad raadsadeen waxeeyna yimaadeen Muqdisho mar duugtii lagu soo kala tegay” Ayuu yiri Xildhibaankaas, wuxuuna intaasi sii raaciyey in Puntland muddooyinkan dambe ay caadeysatay in ay soo qaadato durbaan qabiil.

“Puntland waxey tiri Guddi baaritaan ayaan soo dirnay, waa waa wax iyaga ku kooban waxey doonayaan in la sii qaad-qaado sheekadooda, dowladdu wax aan jirin ayey ka soo qaaday sidaas ayaana u kheyr rooneed” ayuu yiri Xildhibaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Dilkii Saado, VILLA SOMALIA ayaa laga soo amray” waxaa sidaas shaaciyey…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saciid Deeriye oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Maamulka Puntland  oo la hadlaayay Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho, ayaa daboolka ka qaaday in Dilkii Xildhibaan Saado Cali Warsame laga soo maleegay Madaxtooyada Somalia.

Saciid Deeriye, waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka Somalia ay horay u dishay  Xildhibaan Feysal Warsame Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Xeyd, waxa uuna Tilmaamay in Xildhibaanada ku maqan Dowlada ay Seddex ku noqotay Saado Cali Warsame.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in laba ka mid ah dadkii dilay Saado ay ahaayeen ilaalada ra’iisul wasaare Cabdi Weli. Xog ay bixiyeen raggaasi halkan ka aqri

Saciid Deeriye waxa uu intaa hadalkiisa ku daray in xukuumadda Cabdi Weli ay u gaarsaneyso kaliya Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland, wuxuuna arrinkaasi ku tilmaamay mid Siyaasad ku saleysan oo amarkana laga bixiyay madaxtooyada.

Saciid Deeriye waxa uu tusaale usoo qaatay Dilka Allaha u naxariistee Xildhibaan Feysal oo lagu qarxiyay Afafka hore ee Xarunta Madaxtooyada, taasi waxa uu sheegay inay tahay mid cadeyneysa dilalka ay Dowlada Federaalka la kawsaneyso Xildhibaanada Puntland.

Dhanka kale, Saciid Deeriye waxa uu Fashiliyay inay jiraan dilal kale oo lala damacsan yahay Xildhibaanada Puntland ee hadda ku sugan Magaalada Muqdisho, wuxuun ugu baaqay Xildhibaanadooda inay kasoo baxaan Magaalada Muqdisho oo ay kusoo laabtaan Deegaanadooda.

Si kastaba, Waxaa cad in dilalka Muqdisho aysan qabiil ahayn, oo Soomaali oo idil magaalada lagu dilo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Cabdiweli oo ka been abuurtay Hawiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa ka been abuurtay beelaha Hawiye, isaga oo sheegay inay aqbaleen aqoonsigii ay dowladda aqoonsatay maamulka saddexda gobol.

Hadal uu shalay jeediyey ayuu Cabdi Weli ku sheegayy inay ku qanciyeen dhammaan dhinacyadii diidanaa maamulkaasi inay aqbalaan go’aanka dowladda.

Hase yeeshee xubno ka tirsan beelaha Hawiye, oo ay Caasimada Online wareysatay, ayaa xaqiijiyey in go’aankii beesha ee ku aadan maamulka saddexda gobol uusan waxba iska beddelin.

“Ma naqaan dadka uu sheegayo ee uu qanciyey, hase yeeshee beesha Hawiye, weli go’aankeedu waa sidiis” ayey yiraahdeen xubnaha guddiga siyaasadda beelaha Hawiye.

Waxa ay intaas ku dareen in Cabdi Weli uu iska indha-tirayo xaqiiqda, uuna weli colaad iyo qabyaalad kusii hoggaaminayo dalka Somalia, uuna heli doono cawaaqbikeeda.

“Muxuu nagu qanciyey, ma inaan dhulkeenii ka tanaasulno, ma in dadkii Hawiye ee deganaa Shabeellaha Hoose laga maamulo Baydhaba, ma naqaan cidda uu sheegayo inuu qanciyo, balse Hawiye maaha” ayuu yiri guddiga.

Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa wixii ka dambeeyey markii uu xilka qabtay, waxaa faraha ka baxay amnigii dalka, waxaana soo cusboonaaday dagaallo qabaa’il oo isaga dhinac ka hurinayo.

Maamulka saddexda gobol ee uu sheegayo inuu aqoonsaday, waxaa sidoo kale laga diiday gobollada Bay iyo Bakool, oo maamulka lixda gobol laga taageersan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

9-ka qodob ee soo socda haddii uusan Xasan Sh wax ka qaban wuu fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online)- Akhristow halkaani ka akhriso 9-qodob oo lid ku ah Jiritaanka Madaxweyne Xassan Sheekh, waxa uuna ku sugan yahay Xassan xaalad Fashil ah haddii uusan wax ka badalin Qodobada soo socdo:-

1- Joojinta Awoodaha uu siinaayo shaqsiyaadka Dowlada ka tirsan ee aan xilalka waaweyn heynin

2- Nin jecleysiga oo uu ka dhaqan galiyay Madaxtooyada

3- Xilalka oo uu u magacaabo shaqsiyaad isaga ku fakir ah sida Dam-jadiid

4- Adeegsiga Siyaasadaha aan miro dhalka laheyn

5- Lacagta Dowlada oo gacanta u galay shaqsiyaad Bulshaduna ay ka ooman tahay

6- Safarrada badan

7- Howlaha aan isaga quseyn oo uu faragaliyo sida (wafdi loogu talo galay inoo qaabili Ra’isul wasaaraha ama Wasiir oo uu isaga qaabilo)

8- Ku dhaqanka Diplumaasiyada

9- Somalia oo idil waxa uu mooda inay tahay Muqdisho oo kaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Habargidir & Biyomaal oo is-horfadhiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo Wax-gaadka ee Beelaha Habargidir & Biimaal, ayaa waxay wada hadalo kaga soconayaan Magaalada Muqdisho, si loo soo afjaro xiisada ka dhaxeyso, ee ka aloosan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wada hadaladaan, ayaa waxaa lagu doonayaa in si dhow leeskugu soo dhoweeyo labadaasi beelood, loogana gudbo dagaalada soo noq noqday, ee ku dhex maraaya qaybo ka mid ah Shabeellaha Hoose.

Imaam C/laahi Khaliif Rooble oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beesha Habargidi, ayaa sheegaaya inay ku talla jiraan, sidii loo soo afjari lahaa xiisada ka jirta Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Hadda waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo wada hadalo u dhaxeeya Beelaha Habargidir iyo Biimaal, waxaana jacelnahay in wada hadaladaan ay guuleystaan.” ayuu yiri Imaam C/laahi Khaliif Rooble.

“Dhowr goor waxaa la qabtay kulamo kala duwan, laakiin maysan guuleysan, hadase waxay rajadu tahay in guul laga gaaro kulamada socdo.” ayuu yiri Oday Dhaqameedka.

Wuxuu kaloo yiri “Wada hadalada way sii socdaan doonaan, waxaana la rabaa in lagu soo afjaro colaada ku soo laa-laabatay Gobolka Shabeellaha Hoose.”

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in gacan laga geysto dadaalada lagu wado in leeskugu soo dhoweeyo labada beelood ee isku haaya qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxaan ku baaqeynaa dhammaan wax-garadka Somaliyeed in laga qaybqaato xal ka gaarida dhiilada colaadeed ee ka jirta Gobolka Shabeellaha Hoose.” ayuu sii raaciyay ayuu yiri isagoo ka soo muuqdo qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Isha: Dhacdo.com

Qarax miino oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Warka aan ka heleyno Degmada Kaaran ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Qarax xoogan halkaasi lagula eegtay Ciidamo ka tirsanaa Minishiibiyada Degmadaasi.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa miino lagu weeraray Ciidamada Minishiibiyada oo halkaasi ku sugnaa, waxa uuna Qaraxa ka dhacay Afka hore ee Saldhiga Degmada Kaaraan.

Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa mid aad u weyn, balse uusan geysan geeri markii laga reebo dhaawac soo gaaray Laba ruux oo shacab ahaa.

Saraakiisha Ciidamada Degmada ayaa sheegay in Qaraxa uusan geysan Khasaaro, islamarkaana uu jawigu yahay mid degan

Dhanka kale, Qaraxa ayaa waxaa fuliyay ruux dhalinyaro ahaa oo qaraxa kadib goobta ka cararay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muqdisho: Dagaal ka dhex qarxay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in halkaas uu maanta ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan degmadaas iyo kuwa ka tirsan nabad sugida.

Inta la ogyahay labo askari ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka oo socday muddo, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Iska hor imaadka ayaa salka ku haya dhismo la isku heesto oo ka socda degmada Kaxda.

Daryanka rasaasta ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenleey.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Kaxda oo ku aadan iska hor imaadka ka dhacay degmadooda.

Isku socodka dadka iyo gaadid ayaa muddo hakad uu ku yimid balse markii dambe xaaladda ayaa caaddi ku soo ku noqotay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: NORWAY oo dalaal ka ah shirqool ay KENYA ku xadeyso badda SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Diplumaasi ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Heshiisyada socda ee lagu iibsanaayo Badda Somalia ay daadihineyso Dowlada Norway.

Diplumaasiga ayaa sheegay in Taariikhdu marka ay aheyd Jun 27, 2013 uu magaalada Muqdisho soo gaaren Wafdi uu Hoggaaminaayay Wasiirka Horumarinta Xiriirka Caalamiga ee Norway Mr. Heikki Holmes kaasi oo dar dar galinaayay in heshiis Dowlada Kenya lagala gaaro Badda Somalia.

Mr. Heikki Holmes oo xiligaasi qaabilay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xassan Sheekh, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo W/arimaha dibada oo ay xiligaasi aheyd Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam oo hada kamid ah Golaha shacabka, Wasiirka Maaliyadda iyo Mas’uuliyiin kale oo iyagu Mr. Heikki Holmes u sheegay inay suuragal tahay in Badda ay DFS kala gor-gortanto Dowlada Kenya.

Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta Xiriirka Caalamiga ee Norway Mr. Heikki Holmes, ayaa waxa uu Jun 27, 2013 Xassan Sheekh iyo xulafadiisa usoo bandhigay dukumiintiyo ku saleysnaa Arrimaha Badda oo ay halkaasi ku kala saxiixdeen Fowzia Yusuf Haaji Adam iyo Heikki Holmes, iyadoona uu goob jog ka ahaa Xassan.

Diplumaasiga aan xogta ka helnay, ayaa Tilmaamay in xiligaasi ay Dowlada Xassan soo bilowday Heshiisyada Dowlada Kenya lagala galaayay Arrimaha badda, waxa uuna intaa kusii daray in DFS ay ka faa’iideysaneysay Heshiisyadii horay uu u fuliyay C/raxmaan C/shakuur oo iminka ka tirsan la Taliyayaasha Xassan Sheekh.

Diplumaasiga waxa uu intaa ku sii daray in Dowlada Norwy ay wado qorsho inta aysan dhicin Dowlada Xassan looga faa’iideysanaayo kala iibsashada qabyada ah ee Badda Somalia, waxaana iminka arrintaasi dhameystiraayo Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS oo u duulay Dalka Norwy.

‘’Dowlada Norwy ayaa dalaal ka ah Heshiiska Somalia iyo Kenya, waxaana howsha hada wado Wasiirka Horumarinta Xiriirka Caalamiga ee Norway Mr. Heikki Holmes iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xassan Sheekh howsha hoos ayuu ka wadaa yuusan maskaxdiisa nagu shubin’’ ayuu yiri Diplumaasigaasi oo xalad amni daro awgeed uga gaabsaday magaciisa.

Isaga oo intaa hadalkiisa kasii amba qaadayo ayaa waxa uu yir ‘’Xassan Sheekh inta uusan dhicin ayuu rabaa inuu soo afjaro heshiiska, wan la socnaa waxa uu kaashanayaa C/raxmaan C/shakuur oo xiligaani uu ka dhigtay la taliye dhanka Arrimaha Badda maadama uu isaga ka dambeeyay Arrinta badda’’ ayuu yiri Diplumaasiga.

Dhanka kale, waxaa hada Dalka Norway socdaal shaqo ku jooga Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Jawaari iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo iyagu Norway kala hadlaayo Arrimaha Badda maadama ay dalaal ka tahay Heshiisyada u socdo Kenya iyo Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

C/Weli oo dagaal ugu hanjabay dadka diidan maamulka saddexda gobol

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa daboolka ka qaaday in ay la dagaallami doonaan cid kasta oo ka soo horjeesta maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed dowladda ay aqoonsatay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in maamulkaas uu ku yimid qaab sharci ah oo dowladda ay aqoonsan tahay isagoona intaas ku daray in wax lix gobal la dhaho aaney jirin maadama seddax gobal ay horrey u dhisnaayeen.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadiisa ay guddi u saartay dhammeestirka maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed kaasoo ay ku mideesan yihiin dadka deggan gobaladaas ayuu yiri.

Ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo uu ka hadlay arrimaha bada Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda ay diyaar u tahay in ay kala hadasho cid kasta oo dooneysa in lagala hadlo xadeynta badda Soomaaliya.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu xaqiijiyay in warqad lagu caddeenaayo dhirirka bada Soomaaliya ay ugudbiyeen QM, wuxuuna warqadaas ku tilmaamay mid sharci ah oo dowladdiisa ku saxsaneed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]