28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

C/Weli oo dagaal ugu hanjabay dadka diidan maamulka saddexda gobol

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa daboolka ka qaaday in ay la dagaallami doonaan cid kasta oo ka soo horjeesta maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed dowladda ay aqoonsatay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in maamulkaas uu ku yimid qaab sharci ah oo dowladda ay aqoonsan tahay isagoona intaas ku daray in wax lix gobal la dhaho aaney jirin maadama seddax gobal ay horrey u dhisnaayeen.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadiisa ay guddi u saartay dhammeestirka maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed kaasoo ay ku mideesan yihiin dadka deggan gobaladaas ayuu yiri.

Ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo uu ka hadlay arrimaha bada Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda ay diyaar u tahay in ay kala hadasho cid kasta oo dooneysa in lagala hadlo xadeynta badda Soomaaliya.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu xaqiijiyay in warqad lagu caddeenaayo dhirirka bada Soomaaliya ay ugudbiyeen QM, wuxuuna warqadaas ku tilmaamay mid sharci ah oo dowladdiisa ku saxsaneed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XASAN SHEEKH oo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Digreeto maanta ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah loogu magacaabay in Mudane Axmed Cali Daahir uu noqda Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Hadaba Xeerka ayaa u qornaa sidatan:

Xeer Madaxweyne Magcaabis Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya markii uu arkay qodobka 87-aad XC, qodobka 9-aad ee XK iyo 99-aad XG ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Markuu arkay soo jeedinta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya RF XRW/DK/000170 Tr 24-07-2014, markuu tixgeliyey go’aankii golaha Wasiirrada FHGW.000.39.07. 14 24-07-2014, Kuna saabsan ansixinta magcaabista xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo xilka qaadista xeer ilaaliyihii hore ee uu golahu cod buuxa ku ansixiyey, Madaxweynuhu wuxuu soo saaray xeerkan.

1- Waxaa laga bilaabbo maanta oo ay Tr tahay 26-07-214, xilka laga qaaday xeer illaaliyihii guud ee hore, Cabdiqaadir Maxamed Muuse, waxa uuna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Ansixiyey magcaabista in uu Mudane Axmed Cali Daahir noqdo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

2- Waxa xeerka si deg  deg ah markuu Madaxweynaha Saxiixo, waxaa lagu soo daabici doona faafinta rasmiga dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

USA oo aqoonsatay ciidaha islaamka

Minneapolis (Caasimada Online) – Iyadoo dhowr cisho uun ay ka harsan tahay ciidda soon fur ayaa dowladda Maraykanka waxay si rasmi ah u aqoonsatay maalmaha ciidda muslimiinta.

Imaamka Masjidka Daarul Hijra, Sheekh Cabdiraxmaan Shariif kana mid ah guddi ay lee yihiin Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis ayaa VOA-da a u sheegay in kulan ay la qaateen duqa Minneapolis ay si rasmi u aqoonsatay labada ciidood ay Islaamka uu lee yahay, iyadoona sheegtay in maalmahaas ay fasax yihiin.

Wuxuu sheegay kulankaas oo ay ka qeybgaleen aqoonyahano, wax garad, dhallinyaro, iyo qeybaha kala duwan bulshadda oo ay ku jiraan dumar in ay duqa Minneapolis in ay aad ugu faraxsan tahay la kulanka Soomaalida ku dhaqan Minneapolis oo ah kuwa ugu badan ee ku nool dalkan Maraykanka

Shariif ayaa daboolka ka qaaday kulankan in uu billow u yahay xiriir dhex mara Maayarka Minneapolis iyo Soomaalida ku dhaqan magaaladan, isagoona intaas ku daray in uu ku rajo weyn yahay in ay ku daydaan magaalooyinka kale ee ku yaalla dalkan Maraykanka.

Wuxuu tilmaamay in duqa Minnapulis ay ka dhabeysay ballan qaadkii ay jeediyay markii ay doorashada ka qeybgaleysay taasoo xustay in si dhow ay ula shaqeen doonto Soomaalida ku dhaqan gobalka Minnesota.

Ugu dambeyn Imaamka masjidka Daarul Hijra ayaa sheegay in dadkii ka qeybgaley kulanka ay la yeesheen maayarka Minneapolis ay soo dhaweeyeen isla markaana ay ku farxeen tallaabada ay qaadatay.

Gobalka Minnesota waa gobalka ay ku nool yihiin Soomaalida ku dhaqan dalka Maraykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

Qaraxyo culus oo ka dhacay Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online)– Warka laga helaayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Qaraxyo kala duwan laga maqlaayay gudaha Aqalka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Maamulka KMG ah ee Jubba Cabdi Xuseen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Qaraxyada uu ahaa mid lagu xiray guriga  Wasiir ku-xigeenka, waxaana mar qura la maqlay Qaraxyo kali kali u dhacaayay islamarkaana Cuslaa.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa inoo suuragalin inaan helno xogta dhabta ah ee ku aadan Qaraxaasi, waxaana la soo sheegaya in halkaasi ay iminka ka socdaan baaritaano lagu xaqiijinaayo qaraxyada.

Dhanka kale, waxan jirin wax war ah oo ku aadan qaraxyadaasi oo ka soo baxay Masuuliyiinta Maamulka KMG ah ee Jubba, waxaana halkaasi laga daad gureynayaa Ehelka Wasiir ku-xigeenka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maamulka gobalka Banaadir oo ka soo horjeestay go’aankii wasiirka amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka soo horjeestay qorshe cusub oo ku aadan xagga ammaanka oo shaley kasoo baxay wasaaradda ammaanka kadib markii dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho ay sii kordheen bishan oo kaliya.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Cali Maxamuud Seeko ayaa u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho in qorshahaas uu yahay mid aan soconeynin isagoona intaas ku daray in magaalo ay ku nool yihiin labo milyan iyo ber qof in la dhaho waxaa sugaya kaliya 10 gaari oo ay saaran yihiin ciidamo boolis ah iyo nabad sugid.

Wuxuu sheegay in qorshaha wasaaradda ammaanka uu fiican yahay balse sida wax loo rabo aaney u socon doonin ammaan la sugana uusan meesha jirin.

Cali Seeko ayaa xusay haddiiba la rabo in ammaanka Muqdisho la sugu lagu wareejyo maamulka gobalka Banaadir lana hoos-keeno talisyada nabad sugida iyo booliska ee gobalka Banaadir.

Waxaa muuqata in uu durba curtay khilaaf ka dhexeeya wasaaradda ammaanka iyo maamulka gobalka Banaadir, waxaana khilaafka uu salka ku hayaa cidda maamuleysa ammaanka Muqdisho.

Arrintan oo shaley soo billaabatay ayaa weli ka socota labada dhinac waxaana aan ka hadlin madaxda dowladda sidda ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha.

Guddoomiyaha gobalka Babaadir ayaa shaley sheegay haddii la rabo in la sugu ammaanka Muqdisho la hoos-keeno maamulkiisa si markaas xitaa loola xisaabtamo wax yaabaha dhaca inta ka horeysa wuxuu xusay in aan lagula xisaabtami doonin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Warbixin: Qarax ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay Afafka hore ee Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka dhacay Saldhiga Albaabkiisa, waxaana la Tilmaamayaa inuu ka dhashay miino lagu xiray gaari uu lahaa Weriye ka tirsanaa Warbaahinta Dowlada Federaalka.

Gaariga ayaa waxaa miinada lagu xiray xilli uu ka maqnaa Milkiilihii Weriyaha ahaa, waxa uuna dhacay Qaraxa xilli uu goobta soo gaaray Milkiilaha, wallow uusan qaraxa ka dhalan wax Khasaaro ah.

Saraakiisha Saldhiga ayaa waxa ay sheegen in Qaraxa uusan dhalin wax Khasaaro ah, balse uu jiro firir soo gaaray mid kamid ahaa dhalinyarada caseeyayaasha oo goobta ku sugnaa.

Qaraxa oo aan geysan wax Khasaaro ah, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalinimadii shalay ay Wasaarada Amniga soo saartay amaro lagu xaqiijinaayo Ammaanka Caasimada, hayeeshe qaraxyada uusan aheyn mid istaagaya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

“Saado Cali Warsame meel kasta ayey WANTED ka ahayd” sidaas waxaa tiri…

Minneapolis (Caasimada Online) – Magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota waxaa habeenkii xaley lagu qabtay kulan baroor-diiq ah oo loo sameeyay fannaanadii weyneed Saado Cali Warsame oo Arbacadii lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen fannaaniin caan iyo dadweyne fara badan ayaa ku tilmaamay marxuumada geesiyad wadaniyad ah oo u hurtay nafteeda dalkeeda.

Hibo Maxamed Cudoon oo ay isla soo shaqeeyeen isla markaana ay kuwada noolaayeen magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa ku tilmaamtay Saado Cali qof qiimo weyn ku dhex leh Soomaalida meel kasta oo ay ku nool yihiin.

Waxay sheegtay iyagoo yer-yer in ay is-barteen waxaana ay ku sifeesay qof qaali ah oo qaranka ka baxay.

Hibo Nuura ayaa sheegtay in habeen hore ay tageen gurigii ay ku noolaayeen seddax carruur oo ay ka tagtay marxuumada waxaana ay sheegeen in ay aad uga niyad xumaayeen markii ay maqleen dilka hooyadeed.

Waxay sheegtay in Hibo la tabi doono dilkeeda uu xanuun ku yahay Soomaalida meel kasta oo ay deggan tahay.

Cadar Kaahin oo iyana ka mid ahayd fannaaniinta ay sida weyn u soo shaqeeyeen ayaa sheegtay in Saado Cali Warame ay ahayd qof geesiyad ah oo aan hadalka la baqin, waxaana ay xustay in ay ahayd qof la doon-doonaayo ama Wanted ah.

“Saado Cali Warsame meel kasta ayey wanted ka ahayd, waana wax iska cad, waxaana loo dilay wadaniyada ay ahayd oo labo jeer ayaa kacaankii ay xireen markii ay runta u sheegtay” ayey tiri Cadar Kaahin.

Shariif Jeeg waa majaajileeste caan ah oo ay soo wadashaqeeyeen Saado Cali Warsame wuxuu sheegay in Saado Cali Warsame ay u dhimmatay wixii ay aaminsaneed oo ahayd wadaniyadnimo iyo ay jecleed dalkeeda.

Wuxuu sheegay in 15-maalin ka hor ay isugu dambeeyeen iyadoo markaas ku tiri waxaan rabaa in aan u shaqeeyo dalkeyga.

Siddaas si la mid dhammaan dadkii ka soo qeybgalay xuska baroor-diiqda ee loo sameeyay Saado Cali Warsame ayaa isla qiray in ay ahayd marxuumada qof jecel dalkeeda iyo dadkeeda.

Saado Cali Warsameoo fanka soo gashay 1973 ilaa 1974-tii ayaa waxay ahayd fannaanad caan ka ah dhulka Soomaalida ay degto, ka sakow in ay fannaan ahayd waxay ahayd siyaasi oo xildhibaan baarlamaanka ka tirsan ayey ahayd labadii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Hubka iyo qalabka booliska DFS oo loo raray Garowe (Yaa sameeyey?)

Muqdisho (Caasimada Online)– Ilo diplumaasiyiin ka tirsan Xukuumada Somalia oo u xog waramaayay Shabakadani, ayaa daboolka ka qaaday in Taliyihii hore ee Booliska Soomaaliyeed  Jen. C/xakiin Dahir Saacid uu hantida Qaranka si xatooyo ah ugu gudbiyay Madaxtooyada garoowe.

Ilo diplumaasiyeedka ayaa xaqiijiyay in C/xakiin Dahir Saacid uu Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas kula heshiiyay in qalabka Ciidanka gaar ahaan Jaakadaha rasaasta celiya iyo qoryo cusub uu Maamulka u soo gacan galiyo, iyagoona ku wada heshiiyay in C/xakiin Dahir Saacid lasiin doono xil iyo hanti uu ku badalanaayo Hubkaasi laga indha sarcaadiyay Dowlada Federaalka Somalia.

C/xakiin Dahir Saacid oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay ayaa waxaa la sheegayaa inuu is daba mariyay qalab ay kamid ahaayen Qoryo, Jaakado iyo dharka Ciidamada Boliska, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in qalabkaasi qaar uu ka iibiyay ganacsatada Hubka iyo qalabka ciidanka ku iibiyo Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaaraha Somalia ayaa waxaa horay dhowr jeer lagula taliyay inay il gaar ah ku eegan C/xakiin Dahir Saacid, balse ay iska indha tireen taasina ay dhalisay inuu qalabka Ciidanka DFS u safriyo Puntland, halka qaarna uu ka iibsaday Ganacsatada.

Dhanka kale, C/xakiin Dahir Saacid, ayan maqaasiinka lagu xareeyo Hubka iyo qalabka ciidanka uga tagin wax Hanti Dowladeed ah, waxaana la tilmaamayaa in gabi ahaan Hantidaasi uu ku shubay Madaxtooyada Garoowe, iyadoona qandaraaska lagu raray qalabkaasi ay qaateen  Ganacsato iyagu u kala gooshta Muqdisho illaa gobolada Dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SAADO CALI WARSAME ma qabiil ayay ka geeriyootay mise Qaran? (FAALLO)

Geerida Marxuumad Saado Cali Warsame ILAAHAY ha u naxariistee waxay aheyd mid naxdin ku ah dhamaan shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, waxay ku soo aaday xilli xasaasi ah oo wadanku ku jiro marxalad cuqdada iyo is-nacaybku uu marayso darajada hurdigga ama jaalaha oo ah darajada labaad ee ka hooseysa tan cas ama gudduudan, waxay dhimashada Saado ku soo aaday xili madaxbanaanidda iyo hanaanka dawladnimo ku jiro mugdi oo aan la aqoon waxa dhici doona 2016-ka marka uu dhamaado waqtiga dawlada uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ku soo aaday xilli khilaafka dhinacyada siyaasadeed ee dalka uu marayo heer aad u sarreeya, xilli dalka ay soo buuxdhaafiyeen ciidamo ajanabi ah oo ujeedooyin kala duwan leh, xilli Baddaha Soomaaliyeed muran iyo qiil-qiil ku jiraan, xilli ugaarsiga cidkasta oo hami dawladeed iyo mid siyaasadeed ku jiraa oo noqday tusbax afka laga furay.

Dilkan iyo kuwii kale ee ugu dambeeyey wuxuu ku soo aadayaa xili propagandadagaal, is-eedeynta nacyabka qabiil salka ku haysa, hadallada cadowtinimo ee qabaa’ilku uu gaaray heer xishoodkii laga tagey, kuwaasi oo intooda badan ka imaanaya qurbo joog la filayey in wixii qibrad ahaa ee ka heleen dalalkii ay u soo hayaameen dib ugu celiya dalkooda balse taasi badalkeedii hadda qayb ka ah damqinta nabarada colaadeed haaraha qabiil ee diiftu weheliso ee dagaaladu badeen shacbiga Soomaaliyeed.

Dilku wuxuu ku soo aadayaa xilli rajada shacabku ka qabtay isu soo dhawaansho, dib u heshiisiin, is-cafis nabad ku wada noolaansho ay hadda gabi dheer ka laadlaado taasi oo ay ugu wacan tahay siyaasiyiinta maanta Soomaalida hogaaminaysa oo ay ku yar tahay karti hogaamineed, tanaasul, wadaninimo, magac iyo sharaf ka tag kuwaasi oo wax isku quurid la’aantooda, xishood la’aantooda iyo shisheeye kalkaalnimadoodu dhalisay dilkan, kuwii ka horeeyey lagana yaabo inay sii dhaliso kuwa kale oo hor leh illeyn cid kasta waxay ka faa’ideysanaysaa fursadahan kor ku xusan oo khayr laawaasha qayb kasta ka kooban fursadooda tahay.

Haddii aan u soo daadago dulucda maqaalka Saado Cali Warsame tan iyo markii uu soo baxay warka naxdinta leh ee geerida Saado Cali waxaa kordhay hadalada nacaybka iyo dano qabiilka huwan ee loo rogay geerida marxuumada, kuwaasi oo badankoodu ku soo biyo shubanaya siyaasadaha is-diidan ee ay horseedka ka yihiin kuwa fashilmay oo doonaya in ay wali shacabka sunta iyo waabayada qabiilka ku habaan 24 sano ka dib.

Dadka fidno hurinta wada ee maanta Saado Cali qabiilka ku saleynaya dilkeeda waxaanay ogeyn in Saado Cali qabiilka lagu riixayo iny u dhalatey maamul dawladeed oo uu hogaaminayo inay 24 sano ka hor iyadoo cidi ku dhiirikarin inay dareenkeeda cabirtay suugaan liddi ku aheyd maamulkii xiligaasi jirey, iyadoo dad badan oo ka soo jeeday beelihii mucaaradka ku ahaa xukuumaddaas waxay xilal ay ku qanacsan yihiin ka hayeen tawradaas halka kuwa kale ay af iyo adin ku difaacayeen.

Dadka maanta Saado Cali qabiilka ku riixay maalinkaasi waxay u arkayeen qof liddi ku ah dannaha beesha, waxay u arkayeen inay qiyaano ku kacday oo ay mucaarad tahay, laakiin fikirkeeda iyo sidii wax ula muuqdeen sax ama qalad ayey soo bandhigtey, dadkii caynkaasi ah ayaa maanta Saado Cali kaaga horreeya oo doonaya in ay ka xigsadaan Soomaali oo dhanna garabka ku riixaan.

Durbaanka qabiil ee la tumayo lama oran karo waa arrin qabiil balse waxay u muuqataa inay ka soo maaxanayso maskax dad dano gaar ah wata oo doonaya in ay ummada cuqdada iyo shiddada ku sii fogeeyya, waxayna salka ku haysaa xifaaltan siyaasadeed oo loogu raad gabanayo magac qabiil waana halka ay Soomaali ka tiri “Reerka meelaan loo hubsan looma haatiyo”.

Saado Cali wadkeedii baa galay, dhiiggeeda ku daatey Muqdisho wuxuu sidii maqaalkii hore aan ku xusay ku yahay dharbaaxo ceebeed dadka sheeganaya Muqdisho kuwaasi oo looga baahan yahay inay laba kala saaraan Muqdisho waa caasimaadii oo waxaan doonaynaa inaan Soomaali hogaamino iyo dilka hal doorka maalin kasta dhiigiisa hadda loo warayo, inkastoo gacmaha wax dilaya meel kasta ka imana karaan.

Ogow Saado markii ay dhimanaysay waxay aheyd xildhibaan Soomaaliyeed oo mataleysay shacabka Soomaaliyeed har iyo habeenna calanka madaxa ku sidatey, haddii ay u dhimatey qodax siyaasadeed, mu’amaard kale  iyo haddii ay u dhimatey maamulka ay ka midka aheyd xubanimadiisa waxaan dood iyo shaki ku jirrin inay aheyd qof Soomaali oo dhan ka geeriyootey, Soomaali oo dhan tabi doonto, Soomaali oo dhan xusuusan doonto oo qalbigooda ka go’i doonin shakhsiyadeedii iyo qaabka foosha xun ee dilkeedu u dhacay.

Siyaasiyiin danahooda guracan eeganaya oo xiiso iyo hillowga u qaba inay shacabka sii kala fogeeyaan ayaa doonaya in ay dilkan u sababeeyaan arrimoqabiil isla markaana awr ku kacsi kaga dhigtaan ficiladooda qabyaaladda ku subkan, halkii ay ummadan colaadda iyo rajo beelka ku sugan ugu gurman laahaayeen aqoontii ay ka dhaxleen canshuurtii wadanka ee ay waxkubarteen.

Baaqyada dhanka qabiilka ku saleysan ee ku aadan in xildhibaanadda iyo dad kale ee xubnaha ka ah dawlada ee gobolada dalka ka yimid ay isaga baxaan Muqdisho waxay qayb ka yihiin dib u damqinta boogta qabyaaladda, waxaase lagu kala aragti duwan yahay arinkaa waayo dooda ay qabaan dadka Muqdisho ku dhaqan waxaa ka mid ah xildhibaan ama wasiir aan gobolkiisa hal askari ka keeni karin sababta ay u joogaan caasimada isla markaana ay u biilannayaan dhaqaalaha dekadda iyo garoonka Muqdisho halka aanay canshuur ka keeni karin deegaanadoodda fikirkan ama doodan oo ku saleysan kala qoqob iyo kala fogeyn umadeed wuxuu la mid yahay fikirka ah “Muqdisho ha ka baxaan dadka gobolada ka soo jeeda”, waana fikrado dhamaantood u hiilinaya danaha cadowga, midnimo la’aanta iyo kala fogeynta shacabka Soomaaliyeed.

Uggu dambeyntii dadka doonaya inay turub siyaasadeed u adeegsadaan dilkan oo ay danno siyaasadeed uga faa’ideystaan iyo kuwa danaha qabiil u durbaan tumayow ogaada “waa la doogiye yaan la dacaroon”, waxaa kaloo calaamad su’aal adag saaran tahay dawlada Soomaaliya sida ay u wajahdo baaritaanka iyo xaqiijinta in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyey dilkan iyo kuwa la midka ah, iyadoo hay’addaha amaanka looga fadhiyo arinkan haddii kale ay cadeeyaan inaanay awood u laheyn sugida amaanka iyo xaqiijinta dadka dawlada ka tirsan, ileyn waxaynu marqaati ka nahay karti xumida dhanka amaanka ee gaartey in xitaa hal askari aanu la socon xildhibaankan shalay Muqdisho lagu qashay.

Marxuumada ILAAHAY ha u naxariisto, Soomaalina ILAAHAY qalbigooda ha isku soo duwo.

W/Q: Mowliid Xaaji Cabdi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xog: Xildhibaanada BF oo billaabay in ay isaga baxaan magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in xildhibaanno fara badan ay dalka isaga carareen Kaddib markii ay kordheen dilka loo geesanaayo.

Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo ah guddoomiye ku-xigeenka xuquuqda aadana ee baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanno fara badan ay dalka ka tageen bishan Ramadaan oo kaliya.

Wuxuu sheegay guddiyada ammaanka iyo gaashandhigga baarlamaanka ay shireen iyagoona go’aan ka soo saaray dilalka joogtada ah ee lagu hayo xubnaha baarlamaanka.

Wuxuu sheegay oo kale Muuse Sheekh Cumar in marnaba aan loo dul qaadan doonin dilalka lagu hayo xoldhibaannada, isagoona eed u jeediyay xukuumadda oo yiri waa ay ka gaabisay ammaanka caasimada waana lagula xisaabtami doonaa.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in amniga magaalada uu noqday mid faraha ka baxay oo wixii la rabo ay ka geestaan magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho bishan Ramadaan waxaa lagu dilay labo xildhibaan, waxaana ugu dambeesay Saado Cali Warsame oo maalin ka hor lagu dilay iyada iyo darwalkeeda mid ka mid ah halboolayaasha waddooyinka Muqdisho.

Ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay dilalka xildhibaannada baarlamaanka oo sannadkan kaliya afar mudane la dilay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Socdaalka Jawaari ee dalka Norway iyo shriqoolka badda SOOMAALIYA (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu maalmaha soo socdo ku wajahan yahay dalka Norway.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa la sheegayaa in Ujeedka uu dalkaasi u aadayo ay tahay in Madaxda dalkaasi uu kala soo hadlo Arrimaha Badda Somalia, gaar ahaan xadeynta bada iyo ka warqabka.

Caasimada Online horey ayay u shaacisay damaca Norway ee ku aaddan badda Somalia. Halkan ka aqriso

Sidoo kale, Arrintaasi ayaa waxaa inoo xaqiijiyay Ex xildhibaan Saleeban Maxamed Ibraahim oo ka tirsan Siyaasiyiinta Soomaalida, waxa uuna inoo xaqiijiyay in Jawaari uu Dowlada Norwy kala soo hadlayo Arrinta Badda Somalia, waxa uuna Siyaasigaasi tilmaamay in Prof Jawaari uu qeyb buuxda ka yahay xusul-duubka loogu jiro iibsashada Badda Somalia.

Waxaa xusid mudan in Jawaari uu muddo ku noolaa Norway inta uusan noqon afhayeenka baarlamanka.

“’Sida ay u iibsanayaan Badda ayaa iyagana Siyaasada loola ganbinaayaa, wan la socnaa in Jawaari dhawaan uu u aadayo Norway, si uu dalkaasi kala soo hadlo qaabka ugu sahlan oo ay kusoo afjari lahaayen damaca Norway ee badda Somalia’’ ayuu yiri.

Qorshaha Norway, ayaa ah inay shidaal ku qoddo qeybo ka mid ah badda Somalia, ayada oo u sharciyeyneysa Kenya, si ay Kenya ula macaamisho, maadaama aysan dowlad adag ka jirin Somalia.

Saleeban Maxamed Ibraahim, waxa uu sidoo kale, tilmaamay in Madaxda Dowlada aysan aheyn kuwo ka caagan iibsashada badda, waxa uuna farta ku goday in Socdaalka Jawaari ee Norway uu yahay mid lagu soo afmeerayo qorshaha Norway, wuxuuna Xildhibaanada Baarlamaanka uga digay inay ka seexdaan Arrinta badda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada:live.com

XOG: Siyaasigii iibsaday badda Somalia oo noqday la-taliyaha XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu La-taliyaashiisa kusoo biiriyay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ahaa shaqsigii bilaabay iibsashada Badda Somalia.

Xasan Sheekh oo isagu maalmahaani lagu eedeynaayay inuu saxiixay in qeyb ka tirsan Badda Somalia lagala doodi karo Dowlada Kenya, ayaa waxa ay tani sii abuureysaa shaki hor leh.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay wehliyaan Cumar Cabdirashiid, Ibbi iyo Shariif Xasan, ayaa ah dadkii billaabay muranka badda Somalia, kadib heshiis ay la galeen Kenya.

Madaxweyne Xassan ayaa isagu qarinaayo in lasoo shaac bixiyo La-taliyihiisa dhanka badda iyo amuurada Dowladaha dariska la ah Somalia, waxa uuna taasi u sababeynayaa inuu kacdoono kala kulmo dhanka Shacabka iyo Siyaasiyiinta Dowlada ee iyagu aan sidaa usii jecleen Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhanka kale, La-taliyahaani cusub, waxa uu imaanayaa xilli Xassan Sheekh uu mudooyinkaani isbedelo ku sameynaayay la-taliyayaashiisa, waxa uuna ka dhigtay shaqsiyaad aan laga jecleen Dalka kuwaasi oo dambiyo Siyaasadeed ka galay Dalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa ka tirsan kooxda Al-Islaax, oo ah kooxdii ay Damul-Jadiid kasoo farcantay

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: General shaaca ka qaaday arrin Mareykanka uu u sameynayo DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarsho) ayaa sheegay in ciidamo dhan 570 oo ah guutada kumaandowsta ee Danab ay Dawladda Maraykanku u tababarayso Soomaaliya sannadkan.

Waxa uu sheegay in durba la tababaray unuggii ugu horreeyey oo dhan 150 Askari, tababarka unugga labaadna haatan socdo, islamarkaana la filay in uu soo gebo geboobo.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey VOA, ayuu sidoo kale taliyaha uga hadlay waxa ay qaban doonaan ciidamadan gaarka ah, marka tababarkooda uusoo dhammaado.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Raad-Raaca dambiyadi Gen. Maxamed Dhacdadii Dahablaha X/Weyne + Video

Waxaan ku noolahay qurbaha, ma na doonaayo inaan sheego halka ay tahay iyo magacaygaba, maxaa yeelay waxaan doonayaa berrito in aan dalkayga hooyo ku soo noqdo anigoo ka baqayn in lay beegsado, sida hadda ka socoto Muqdisho gaar ahaan, Soomaaliya guud ahaan.

Waxaan u ahaa macmiil dahable Xuseen Kasow, dukaankiisu ku yaallay Xamar Weyne, meeshii dahableyaasha, agagaarka Kawaanki kalluunka.

Dhowr jeer ayuu odaygayga iiga iibiyay dahab, beri Samaadki, annagoo Muqdisho ku wada nool. Ninkayga wuxuu ahaa qareen, ama sharci yaqaan.

Galab aan tagnay dukaanka dahablaha Xuseen Kasow, ayuu ninkan milkiilaha ah nagu cabaaday, Isla markaana uu weydiiyay ninkayga haddii ay qareen ahaan u qabsan karaan isaga iyo dahableyaasha kale.

Waxaa uu dahable Xuseen Kasow si ba’an uga cabanayay ninkan hadda Boliiska loo dhiibay ee Maxamed Xasan Ismaaciil Faarax (Ilka-Siibe) magaciisu yahay, markaana ahaa madaxa Laanta Dembi Baarista Gobolka Banadir, xafiiskiisuna ku yaallay agagaarka km 4, wasaaradihii agtooda.

Falalka foolxumada iyo dhaca ahaa ee awood sheegashada ku salaysnaayeen ee dahable Xuseen Kasow ka cabanayay waxaa ay ahaayeen iyadoo ninkan mas’uulka ahaa uu goor walba u tegayay dahableyaasha si uu dahab uga baado.

Anigoo aad uga naxsanaa murugta ninkan dahablaha ah ka muuqatay, ayaan weli xusuustaa hadallidiisii sidan u dhigna:

“Waxaa uu sarkaalkan noo keenaa habeen walba gabarta uu markaas la baashaalayo, isagoo lacag naga siin ayuu intuu set dahab ah u xiro ka dhaqaaqaa irridda dukaanka! Sida uu dahabku yahay hanti uu leeyahay annaguna aan nahay shaqaale u shaqeeya ayuu amar nagu siiyaa hadba dahabka ay gabartu ka hesho in aan u soo saarno, baqdin darted ayaan annago aad ugu dhib qabna ka yeelnaa. Haddaba hadii aad tahay qareen ma naga difaaci karaysaa ninkan haddii aan maxkamad la aadno inteennaan dahableyaasha Xamar Weyne ah?”

Markaa odaygaygu waxaa uu ahaa shaqaale dowladeed, oo ku ma uu shaqaynaynin xirfaddiisa aqooneed ama qareennimo. Hase yeeshee ilaa iyo iminka ma aan illoobin caloolwowgii ka muuqday ninkaas ganacsada ahaa.

Waxaan Ilaah ka baryaa in uu weli nool yahay oo uu soo hadlo, waxaan u maleeyaa in ay u haajiren isaga iyo walaalihiis, oo dahableyaal wada ahaa, dhanka iyo Dubai.

Waxaa ka argagaxaa xaq darrada oo ila iyo hadda ka socota Muqdisho, madaxda sarena ay ka indha saab teen.

Ninka ra’sul wasaaraha ah u ma qalmo xilka uu hayo, waxaanna leeyahay WERIYE KOLOMBO XAAL QAADO, Soomaalina digniintii aad siisay markii ninkan loo magacaabay Ra’iisul Wasaarennimo, in ay abaalkeeda kaa siiyaan ayaan Rabbi ka rajaynayaa. Waxaa tahay geesi waddani ah oo xilkiisii ku waayay Waajibkiisii uu gudanayay awgeed.

Madaxweyne Xasan Sheekhna waxaa uu noqday nin ay ceeb karin, dan barteedna ka leheen Soomaaliya, Mudane Saacid aad ayaa uu uga gardarnaa ee ha la soo celsho (waa hadduu yeelayo).

Booliska Soomaaliyeed sharaftii iyo darajadii uu shacabkiisa ku dhex laha, ma jiraan maanta iyo wixii ka dambeeya, haddiiba tuug uu usha u hayo.

Halkan ka daawo video gaar ah oo ay Caasimada Online heshay, kuna saabsan dambiyadii uu galay General Ilka-Siibe

Wabillaahi Towfiiq
Soomaaliyey xaqa raadiya, Billaahiye xaqa u dirira, Dad ayaa naftooda qaaligaa u huray!

Allow Soomaaliya ka dul qaad kuwa baabi’inaya ee aan oggolayn horumarkeeda. AAMIIN

Wasaradda Warfaafinta oo leh 4 wasiir

Nairobi (Caasimada Online) – Inkastoo ay tira badan yihiin Wasiiradda DFS islamarkaana tayo-yaryihiin, ayaa waxaa hadana jira hoos udhac iyo garasho la’aan ku habsatay Wasaaradaha qaar.

Waxaa jiro wasaarado badan oo gabay howlihii loo igmaday,iyadoona ay kamid tahay Wasaarada warfaafinta Somalia oo iyadu kusoo biyo shubatay shaqo la’aan iyo booqashada hal Idaacad oo ay leeyihiin shaqsiyaad dano gaar ka leh Dowladda, kuwaasi oo il duufsaday Wasiirka Warfaafinta isla markaana ka saaray Xeen-daabka Siyaasadda.

Wasiir Mustafa waxa uu lumiyay shuruucda iyo Xeen-daabka Siyaasadda, waxa uu u jiheestay shaqooyinkii loogu tala-galay inay qabtaan shaqaalaha isaga ka hooseeyo, walow Khilaafka iyo baal-marka shuruucda Siyaasada ay ku dhisan tahay DFS ee uu iminka liijanka u haayo Xassan Sheikh Maxamuud.

Howsha baaxada weyn ee Wasaarada Warfaafinta ayaa ku biyo shubatay qabashada shirar aan tayo laheyn, Booqashada Hal ama laba Idaacad, iyadoona ay halkaasi ka kaluumeystaan 3-Seddex ruux oo iyagu dhaxal u helay boosaska ay hayaan, waxaana Muqdisho laga aaminsan yahay in Wasaarada Warfaafinta ay leedahay 4-Wasiirr uu kamid yahay Mustaf dhuxulow.

1-Mustaf Dhuxulow

2- C/xakiin Ciisa Cadow
3- C/raxmaan Yuusuf ”Al-cadaala”
4- Bahlaawi

Seddexdaasi ruux ee kor ku xusan, ayaa iyagu lunsaday Hantidii kasoo xarooneysay TV-ga, Idaacadda Dowladda, waxaana intaa usii dheer inay jabiyaan Amarada Wasiirka Warfaafinta, inkastoo taasi ay ku imaaday jil-jilicsanaan dhanka Wasiir Mustafa oo isagu aan weli wax kusoo kordhin Wasaaradiisa.

Waxaa jira is bar-bar yaac dhanka Maamulka, aqoonta, xirfada, IWM oo ka dhex taagan Xafiisada Wasaarada, Idaacada, Tv-ga waxaana intaasi hoos socda barnaamijo ku saleysan hab indha-sarcaadis ah oo ay wadaan Seddexda ruux ee kor ku qoran.

Xarumaha iyo Xafiisada Dowlada waa mid ka dhexeysa shacabka oo idil, hayeeshee waxaa dhaxal u helay Wasaarada, idaacada iyo Tv-ga 3-ruux ee aan kor kusoo xusnay oo iyagu is mooda in booska uu uga geeriyooday Aabayaashii dhalay.

Wasiir Mustafa oo aan isagu horay usoo qaban  Wasarada iminka loo dhiibay ayaa waxad mooda inuu ka qajilaayo inuu kala saaro shaqada iyo saaxiibtinimada, waxa uuna suura galiyay inuu hoosha u dhaafo shaqsiyaad.

Inta badan Xafiiska Wasiirka waxaa ku jira xili iyo goor walba Shaqsiyaadka kala ah C/xakiin Ciisa Cadow, C/raxmaan Yuusuf ”Al-cadaala”, Bahlaawi, waxaana xaqiiqo ah in shaqsiyaadkaasi aysan laheyn indha xishooda, waxa ayna Wakhtiga ku dhameystaan Xafiiska Wasiirka, taasi oo ka turjumeysaa inuu jiro qalqal dhanka shaqada wasaarada ah.

Ma aysan suura galin in Wasiirka uu kala qaad-qaado howlaha Xafiisyada si meesha looga saaro is bar-bar yaaca, waxaana muhiim ah in Mustaf dhuxulow uu sameeyo is bedel isla markaana uu shaqaalaha u sharaxo shaqooyinkooda si loo kala ilaaliyo warqadaha sirta u ah Dowladda iyo shaqsiyaadka dhiig miiratada ah.

Waxaa muuqaneysa in Wasaarada warfaafinta ay leedahay 4-Afar wasiir oo uu ku jiro Mustaf dhuxulow, waxaana loo baahan yahay in wasiirka 1-Koowaad oo ah Mustaf uu kala saaro howlaha loo igmaday iyo tan ay maamulanayaan shaqsiyaadkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Kenya

[email protected]

Kulamo ay la qaateen madaxda DFS iyo waftiga PUNTLAND ee ku sugan Xamar

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa shaley soo gaaray wafdi isugu jirra wasiiro iyo xildhibaanno kuwaasoo ka socda maamul gobaleedka Puntland.

Ujeedka wafdiga ka socda Puntland ee soo gaaray Muqdisho ayaa lagu sheegay in uu yahay siddii dowladda Soomaaliya ay ugala hadli lahaayeen dilalka loo geesanaayo xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta dowladda gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegannada Puntland.

Xubnahan ayaa habeenkii xaley kulamo la yeeshay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha waxaana ay kala hadleen siddii loo joojin lahaa dilalka lagu hayo mas’uuliyiinta dowladda.

Waxaa kaloo ay sheegeen in ay ka xun yihiin dilkii loo geestay xildhibaannad Saado CalI Warsame oo ka soo jeeda deegannada Puntland.

Sidda wararka ay lee yihiin wafdigan ayaa maanta iyo berri joogi doona magaalada Muqdisho, waxaana ay kulamo la qaadan doonaan guddoomiyaha golaha baarlamaanka iyo xildhibaannada ka soo jeeda deegannada Puntland.

Si kastaba, madaxweynaha Puntland oo shaley isagoo ka qeybgalayay dibad-bax looga soo horjeedo dilka xildhibaannad Saado CalI Warsame wuxuu dowladda fedaraalka ka codsaday in ay gacanta ku soo dhigto dhagar-qabayaashii dilay Saado Cali Warsame.

Wuxuu sheegay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in aysan aqbali doonin dilka Saado Cali Warsame isagoona intaas in marxuumada ay ahayd xildhibaannad mataleysay deegannada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in xiriirka Puntland iyo dowladda fedaraalka uu yahay mid wanaagsan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Soomaalaay xal ma noo yahay Federal

Aan idinla wadaago qoraalkan oo aan ciwaan uga dhigay (Fedaraal waa fitno iyo kala qob-qob Soomaalida dhexdeeda ah).

Waxa aan maalmahan Idaacadaha qabsaday dhawaq aan fiicneen kaasoo haddii aan laga gaashaaman dhiilada uu wato noo horseedi kara jahwareer kale oo ka qarro weyn diihaalkii na soo maray.

Dhawaqaas soo yeeray waa mid astaan u ah in lagu qob-qobo dalka oo awalba ahaa hilib haada loo feeray .

Xildhibaanno, siyaasiyiin, odayaal iyo dadkale oo ah kuwa dhibka u horseeday dalka ayaa wada qorshe lagu kala dhantaalayo ummadan dhibka ku soo jiray.

Haddaba, arrintan waa astaan muujineysa in la rabo Soomaalida in dhexdeeda la isku diro oo cid walba ay meel xaarato si loogu ekeesiiyo ruux hanti uu lahayn xalaal looga dhigay.

Balse Hal xaaraan ah ma foolaataa nirig xalaal ah? Jawaabtu waa Maya, waxaa sidaas la mid ah fedaraalka naloo soo waariday ee aan ab iyo isir toona aan u lahayn.

Waxaa billaabatay in la hubeyo qabiilo aan waligood ka qeyb qaadan dagaalladii ka socda dalka 23-kii sanno ee la soo dhaafay, waxaana hurdada laga soo kiciyay culimo iyo waxgarad aan raad ku yeelan innaba dagaalladii ka dhacay dalka a kuwaasoo waxa socda loo tusay in uu yahay nabaad-guur lagu hayo deegankooda.

Waxaa billaabatay in jufo-jufo la isku baheesto, waxaa billlaabatay in dadka xididka iyo xigtada ah la isku diro, waxaa billowday in la tumo gurbaankii colaada.

Ugu dambeyn, Soomaalaay haddii aan hurdada laga kicin oo laga hortagin nidaamka fedaraalka waxaa arki doonaa cawaaqibka uu noo hoorseedo.

Soomaalida ma ahan dad u bisil xilligan nidaamka fedaralka mana ahan in loo keeno nidaamkaas waayo waa dad xidid ah oo si naba aan kala maarmin meel kasta oo ay joogaan.

“Dalkii waa burburay, dadkii waa dhammaadeen, inta maanta joogtana darxumuu ku nool yahay, qaar baa hayaamoo dal shishey galay, kuwaa bada ku dhammaaday, kuwa kalena dugaaga ayey ehel la noqdeen ee Soomaalaay xal ma noo yahay sharci nooga yimid meel kale”? jawaabta idinka ayaan idiin daayey.

Soomaalaay caqliga ha shaqeeyo ee colaad waan ka daalnay yaan naloo celin tu kale oo hadhow yaan oran cidladan annays dhigay ee cidna eersan maayee.!!!

W/D: Maxamedkaafi Cali Muumin

[email protected]

Mogadishu| Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

MUUNGAAB oo soo bandhigay qorshe cusub oo amniga MUQDISHO la xiriira

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Xuseen Muungaab ayaa soo jeediyay haddii la rabo in ammaanka caasimada la sugo la hoos keeno hey’addaha booliska iyo nabad sugida isla markaana wixii nabadgalyo darri lagula xisaabtamo maamulkiisa.

Muungaab ayaa gacmaha ka taagtay ammaan xumida ka taagan magaalada Muqdisho, wuxuuna u saariyay wasaaradda amniga iyo hey’adda nabad sugida qaranka sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in caasimada Muqdisho ay ku nool yihiin labo milyan iyo ber qof kuwaasoo loo baahan yahay in la sugo.

Wuxuu tilmaamay ammaanka gobalada dalka gaar ahaan deegannada ay maamulada ka dhisan yihiin, wuxuu sheegay ammaanka deegannadaas waa kuwa aad u sugan, waxaana arrintaas ay ku timid ayuu yiri maadama hey’addaha ammaanka la hoos-keenay maamulka ka dhisan deegannadaas.

Muungaab ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda aaney dhab ka ahayn ammaanka Muqdisho in la sugo, wuxuuna xusay wixii ka yimaada waxaa qaadan doonaa cidda ay quseeso.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa tilmaamay in wadashaqeen uu kala dhexeeyo hey’addaha ammaanka oo dad horey ugu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo gabar ardayad ahayd uu soo qabtay maamulkiisa.

“Annaga wadashaqeen ayaa nagala dhexeeya hey’addaha ammaanka sidda nabad sugida oo waxaan soo qabananay raggii dilay nin ka tirsanaa wasaaradda maaliyada iyo gabadhii ardayda ahayd ee lagu dilay suuqa Xoolaha, ma dhaheyno faraha ayaan kalaabaneynaa ammaanka caasimada balse sidda ku haboon waa in la hooskeeno maamulka gobalka Banaadir nabad sugida iyo booliska” ayuu yiri Muungaab.

Hadalka Muungaab ayaa ku soo beegmay in weli uu jirro isku tuur-tuur xagga ammaanka Muqdisho Kaddib markii dhowr jeer ay dhaceen dilal iyo qaraxyo oo qaarkood laala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Dhaca kale, waxaa dad badan oo la socda arrimahan ay lee yihiin maamulka gobalka Banaadir waxaa ka muuqda habacsanaan in uusan diyaar u ahayn ammaanka Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Video: Muuqaaladii ugu dambeeyay ee bilicda magaalada Muqdisho (Daawo)

0

Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka soconayaa horumaru dhinacyo badan leh marka loo fiiriyo Sanadihii ugu dambeeyay, ayadoo sanadkaan Magaaladu ay ku soo badanayaan magaalada wax yaabo aan horay looga aqoonin.

Muqdisho maanta bilic ahaan iyo Muuqaal ahaan wax weyn ayaa iska badal dhanka ganacsigana magaalada waxaa lagu arkayaa isbadal dhinacyo badan leh ee nala daawo Muuqaalkii ugu dambeeyay & Muuqaalka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: