28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Video: Muuqaaladii ugu dambeeyay ee bilicda magaalada Muqdisho (Daawo)

0

Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka soconayaa horumaru dhinacyo badan leh marka loo fiiriyo Sanadihii ugu dambeeyay, ayadoo sanadkaan Magaaladu ay ku soo badanayaan magaalada wax yaabo aan horay looga aqoonin.

Muqdisho maanta bilic ahaan iyo Muuqaal ahaan wax weyn ayaa iska badal dhanka ganacsigana magaalada waxaa lagu arkayaa isbadal dhinacyo badan leh ee nala daawo Muuqaalkii ugu dambeeyay & Muuqaalka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Mas’uul xil sare u hayey Somalia oo uu maanta xilka ka qaaday Faarax Cabdul Qaadir iyo hanjabaad culus oo uu diray

Muqdisho (Caasimada Online) – War aan goor dhow ka helnay  Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya Cabdul Qaadir Maxamed Muuse.

Warar horudhac ah oo aan Villa Somalia ka heleyno, ayaa tilmaamayo in xil ka qaadista Xeer ilaaliyaha uu ka dambeeyay Wasiirka Dastuurka Faarax Sheekh C/Qaadir, waxa uuna xil ka qaadista ka hor uu Qoraalo u gudbiyay Golaha Wasiirada waxa ayna Wasiirada qalinka ku duugen in Wasiirka uu xor u yahay xil ka qaadista Xeer ilaaliyaha, sidaana xilka ugu qaaday.

Goluhu wuxuu cod aqlabiyad ah xilkii uga qaaday Xeer ilaaliyii hore, isla markana wuxuu u magacaabay mudane Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo khibrad iyo aqoon dheer u leh sharciga iyo arrimaha Cadaaladda.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Cabdul Qaadir Maxamed Muuse, waxa uu sheegay in xilka uu uga degi karo kaliya Wareegto kasoo baxda Xafiiska Madaxweynaha, islamarkaana aysan u furneyn qaab ka duwan qaabkaasi uu xilka uga dago.

C/Qaadir Maxamed Muuse, waxa uu tilmaamay in xil ka qaadistaasi ay sababi karto in Dalka Somalia uu galo xaalad ka duwan kan iminka ka taagan Muqdisho, wuxuuna hanjabaadasi uu sheegay xilli uu la hadlaayay Idaacadda KNN ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in xilka uusan ka dagi doonin illaa looga keeno Wareegto ku saxiixan Madaxweynaha, wuxuuna ka digay in bur-bur iyo dhibaato ka dhaco dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

C/WELI GAAS: Ma aqbaleyno in SAADO Cali Warsame lagu aaso MUQDISHO

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay in meydka fannaanadii weyneed ee Saado Cali Warsame lagu aaso magaalada Muqdisho, inkasta oo hadalkooda kadib uu aaskii dhacay..

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlaayay dilka loo geestay marxuumada ayaa sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo in lagu aaso meydka Saado Cali magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in Saado Cali Warsame ay ka soo jeedo isla markaana ay ahayd xubin baarlamaan oo mataleysa Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Gaas oo horrey ra’iisal wasaare uga soo noqday Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladda ka dalbaday in ay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiig-layaasha dilay marxuumada oo shaley lagu toogtay meel u dhow hotelkii ay daganeed oo ku yaalla degmada Hodan.

Puntland oo tiri Ma aqbaleyno in Saado Cali Warsame lagu aaso Muqdisho
Puntland oo tiri Ma aqbaleyno in Saado Cali Warsame lagu aaso Muqdisho

Wuxuu sheegay in marnaba la aqbali doonin in dambiilayaasha dilay xildhibaannad Saado ay baxsadaan oo ay magaalada iska socdaan.

Dhinaca kale, Cabdiweli ayaa sheegay in maamulka Puntland iyo dowlada federaalka ah ay ka dhexeeyaan arrimo badan oo muhiim ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in la xoojiyo wada shaqaynta labada dhinac.

Gaas ayaa tilmaamay in wada hadalku yahay furaha kalsoonida ummadda, wuxuuna xusay in wada shaqaynta labada dhinac ay tahay lagama maarmaan.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in wada shaqaynta wanaagsan uu saldhig u yahay ku dhaqanka dastuurka u degsan dalka.

Si kastaba, meydka allaha u naxariistee Saado Cali Warsame oo loo sameeyay aas-qaran ayaa lagu aasay qabuuro Isbitaal Madiina, waxaana ka qeygalay madaxda dowladda sidda ra’iisal wasaaraha, guddoomiyaha gobalka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka, wasiiro, xildhibaanno iyo fannaaniin Soomaaliyeed.

Saadi Cali Warsame in ay xildhibaannad noqoto waxaa gacan weyn ka geestay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole, oo wuxuu ka mid ah xubno uu soo xishay oo lagu daray baarlamaanka markii la sameenayay sannadkii 2012-ka.

Marxuumada ayaa in muddo ku noolayd dalka Maraykanka, waxaana ay dalka ku soo laabatay seddax sanno ka hor.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

XOG: Xasan iyo Faarax oo is-khilaafay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Madaxtooyada Somalia ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir ay isku fahmi la’yihiin hanaanka loo kala qeybinaayo Safaaradaha Dowlada Somalia ay ku leedahay Caalamka intiisa kale.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Madaxweyne Xassan Sheekh uu wado qorsho cusub oo uu ku magacaabayo 20-Safiir kuwaasi oo badi lagu badali doono Safiirada DFS ka jooga Yurub iyo Asia.

Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu xilalkaasi la damacsan yahay Siyaasiyiinta aan iyagu xilka ka heyn Dowlada Federaalka Somalia, waxaana arrintaasi hortaagan Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Faarax C/qaadir oo isagu ku doodayo in xilalkaasi loo magacaabo Shaqsiyaad ka tirsan DAM-JADIID oo loo soo xulaayo qaab qabiil oo 4.5 ah.

Kulan gaar ah oo dhex maray Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Wasiir Faarax C/qaadir oo ay uga tashanayeen Safiir ay DFS u magacaabeyso Safaaradahooda Caalamka, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Faarax C/qaadir uu doonayo in wiilal uu adeer u yahay ku biiriyo magacaabista safiirada cusub.

Kulanka ayaa waxa uu biyo dhiciisu noqday mid aan leysu fahmin, iyadoona Xassan Sheekh uu ka caga jiidayo in la faragaliyo Magacaabista Safaaradaha , maadama Xukuumadiisu lagu eedeeyo inay ku qadaan Beelaha qaar.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in dhawaan ay bilaabato Magacaabista Safiirada Cusub, iyadoona Safiirada soo socdo ay u badnaan doonaan isku bedel lagu sameeyo Safaaradaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Shariif Xasan oo hubkii dowladda SOMALIA daad-gureystay + Qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online)– Iyadoo weli ay muuqdaan dhibaatooyinka ka dhashay shirkii Maamul u samaynta Gobolada Koofurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa hadana socdo Siyaasade hoose oo lagu Ololinaayo Khilaafaatka u dhexeeyo Siyaasiyiinta Maamulada Seddexda Gobol iyo Lixda Gobol.

Siyaasadaha is diidan ee halkaasi ka taagan ayaa waxaa shidaal kusii daraayo Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool oo uu  koow ka yahay Xildhibaan Shariif Xassan Sheekh Aadan oo isagu taageersan maamulka 3-Gobol.

Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool, ayaa inoo xaqiijiyay in Shariif Xasan uu dhaqaale culus ku bixinaayo istaajinta Maamulka Lixda Gobolka, waxaana la sheegayaa in Hub iyo dhaqaale uu dhawaan u diray Maamulka Seddexda Gobol la geeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ilo wareed ka tirsan Maamulka Lixda Gobol Ee koofur Galbeed Ee Somaaliya, ayaa  xaqiijiyay in Shariif Xassan uu Jimcihii lasoo dhaafay Maamulka 3-Seddexda Gobol ku wareejiyay dhaqaalo la sheegay in lagu iibinaayo Hub lagula dagaalamo maamulka kasoo horjeeda, waxaana la tilmaamayaa in bishii lasoo dhaafay uu sidoo kale bixiyay Hub la rumeysan yahay in laga daad gureeyay Xarumaha Dowlada, gaar ahaan baqaarada hubka loogu keydiyo DFS.

Shariif Xassan oo kaashanaayo Saraakiil kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool, ayaa waxa uu si xatooyo ah u adeegsanayaa Hubka Dowlada, iyadoona ay garab kusiinayaan Madax ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia.

Sidoo kale, Dhaqaalaha hubka lagu iibinaayo ayaa waxaa qeyb ka bixinaayo Xildhibaano ay kamid yihiin Maxamed Ibraahm Xaabsade, Xildhibaan Afaraale iyo kuwa kale, kuwaasi oo geed fadhi u ah Siyaasadaha is Khilaafsan ee uu dhaxeeyo Maamulada Lixda iyo Seddexda Gobol.

Dowlada Federaalka Somalia, ayaa u kala hiilineyso Siyaasiyiinteeda, waxa ayna sidoo kale dab iyo Bansiin ku heysaa Maamulada qaar, halka qaarna ay ku fangareyneyso dhaqaale iyo Hub.

Dhanka kale, Dowlada Federaalka Somalia ayaa waxa ay kor kala soctaa dhaqdhaqaaqyada uu Shariif Xasan ku bixinaayo Hubka Dowlada iyo dhaqaalaha, wallow warar hoose ay sheegayaan in Hubkaasi loogu deeqay Maamulka 3gobol ay si ku talagal u bixisay Dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Jahwareer heysta odayaashii Hiiraale & Axmed Madoobe u kala warqaadayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Odayaashii u kala warqaadayay Hoggaamiyayaasha ay Colaada ka dhaxeyso ee Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale uu soo food saaray Jahwareer.

Odayaasha ayaa ku jahwareeray Hanjabaado ay hawada isu marinayaan Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale, waxa ayna sheegayaan in go’aan waliba oo ay isla meel dhigaan Hoggaamiyayaashaasi si sahlan ay uga baxaan.

Abuukar Maxamuud oo ka tirsan Odayaasha, ayaa waxa uu shabakadani u xaqiijiyay in kulamo kala duwan ay la qaateen labada Hoggaamiye balse markii ay kusoo baxaan go’aan ay dib uga baxaan Hogaamiyayaasha, waxa uuna Tilmaamay in Arrin cajiib ah ay ku noqotay.

Waxa uu sheegay inay walaac ka qabaan in inta ay la kulmayaan Hogaamiyayaashasi ay bilaaban Dagaal u dhexeeyo, isagoona taasi u sababeynaayo heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafkooda.

“’Waa inoo nasiib daro inaan kalsooni ka weyno Axmed Madoobe iyo Barre Hiirale, waayo waxa ay mar waliba nooga baxaan balamaha aan la dhigano, mid waliba ballan ayaa la gaareysaa hadana waji kale ayaa ugu imaaneysaa’’ ayuu yiri Abuukar Maxamuud

Dhanka kale, Abuukar Maxamuud waxa uu baqdin ka muujiyay inay suuragal tahay in Wakhti waliba uu Labada Hogaamiye dhex maro Dagaal, isagoona sheegay in Ciidamadooda ay is hor fadhiyaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaannada BFS oo cambaareeyey tallaabadii uu ururka Midowga YURUB meel uga dhacay qarannimada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul ugu hadlay booqasho ay Kismaayo ku tageen wafdi ka socda Midowga Yurub oo halkaasi kulan kula yeeshay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka KMG ah.

Xildhibaanadan oo saxaafadda kula hadlay hotelka Saxafi saaka waxey sheegeen in Dowladda dhexe ay ceeb ku tahay in waddankii ay masúuliyadeeda sheeganeysay la iska soo galo iyada oo aan lagu soo wargelin socdaalka wafdi heer caalami ah, waxaana mid ka mid ah xildhibaanadaasi oo ku hadlayey codka inta kale uu sheegay in shaqsiyaadka madaxda ka ah Dowladda lagu tilmaami karo kuwa ka cabsanaya xilka culus ee ay Qaranka u hayaan, sida uu yiri Xildhibaankaas.

“Federaalku inuu yahay masiibo ummada la soo dhex dhigay yahay waxaa ka marqaati kacaya sida hayádaha caalamiga ah & Dowladaha shisheeye iyaga oo aan ruqsad ka qaadan Dowladdii dhexe ay isaga soo galayaan dalkii oo ay kulamo la yeelanayaan Madaxda Maamul Goboleedyada, taasi waa mid ka horimaaneysa nidaamka Dowladnimo ee curdunka ah. Aniga kuwa sidaa sameynaya waxaa igala sii liita Dowladda ka aamusan, war Madaxweyne hadal ileyn Qarankii adigaa u dhaartaye” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Muxumad oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka saddexdooda ay ka been sheegayaan kitaabkii ay ku dhaarteen ee ahaa in ay dalka & dadka daacad u noqonayaan, kuna dhaqmayaan dastuurka dalka.

“Sidee ayey ku dhici kartaa in Wafdi ka socda Yurub isaga oo aan soo wargelin Dowladda dhexe in ay si gooni ah ula shiraan maamulada dalka, waa dhacday, haddana waa dhacday waana sii socotaa, haddii aan laga hortegin waxaa imaaneysa xaalad taas ka sii xun” ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq, waxaana uu intaasi sii raaciyey;

“Waxaa dhagaha la idin kugu shubay, oo la idin ku celceliyey in Dowladda Soomaaliya ay tahay Dowlad tabar-darran, marar badan oo horana waa la idin tijaabiyey, tijaabadii waxaa ku xigay in Madax ka tirsan Maamul beeleedyada dalka ka jira, in iyaga oo ku ciyaaraya nidaamka Dowladeed ay safaro dibedda ah keligood u ambabaxeen, lana kulmeen Madaxweynayaal Dowlado kale, xittaa haddii ay dhab ka tahay in ay ku dhaqmayaan Federaal, ma jiraa Federaal u ogolaanaya Gobolada dalka in inta ay diyaarad qaataan ay la kulmaan Madaxweynayaal dalal kale.? Madaxda dalku waa in ay qaataan tillaabo geesinimo leh oo ay dalka ku badbaadinayaan haddii kale ay meesha isaga tagaan”.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

AKHRISO: 15 qodob oo DF Somalia ee madaxweyne XASAN SH laga dhaxlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog wareysi sameysay Shabakada Caasimada Online, ayaa waxaa lagu Ogaaday in Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh laga dhexl 15 qodob oo yaab badan

Shabakada oo Xog uruurin iyo daraaseynba ku sameysay Khaladaadka laga dhex lay Dowlada Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kamid ah:-

1-  Hoos u dhac baaxad weyn oo laga dareemaayo Ammaanka Magaalada Muqdisho, laga soo bilaabo doorashadii uu Xassan ku guuleystay illaa hadda.
2-  Siyaasada Dalka oo aan furfurneyn iyo Caajis ku dhacay Diplumaasiyiinta.
3-  Dilal is daba-joog ah
4-  Qaraxyo aan dhamaad laheyn.
5-  Shirar iyo kullamo aan natiijo laheyn.
6-  Baarlamaan aan iyaguba is aqoon.
7- Siyaasiyiin war xumo iyo Fashilba ku tilmaama Madaxweynaha qudhiisa.
8-  Mooshino aan biyo dhacooda la aqoon.
9-  Saxiixa Wasiirada qaar oo aan laga aqoonsaneyn Xafiisyada Dowlada.
10- Wasiiro aan laheyn Xafiisyo.
11- Xafiisyada Dowlada oo noqday goobo lagu qaxweeyo.
12- Tiro koob la’aanta shaqaalaha Dowlada.
13- Shaqaale Mushaar la’aan ah.
14- Safaro aan kala go’ laheyn.
15- Tacsi iyo cambaareyn aan ficil lahayn

Qodobadaani waxa ay qeyb ka yihiin Qodobo badan oo ay shacabku ka cabanayaan, waxaana jiro Qodobo intaa kasii badan oo ay ka cabanayaan wallow aan intaani u aragno inay yihiin munaasab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

GALMUDUG oo tallo amni siisay DF

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa dowladda Soomaaliya kula taliyay haddii aysan ammaanka Muqdisho sugi karin in ay u guuraan magaalooyinka kale ee dalka sidda Jowhar iyo Baydhabo.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed oo maanta shir guddoominaayay kulan uu yeeshay golaha wasiiradda maamulkaas, ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay sugto ammaanka mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka bulshadda wax tarka u leh.

Wuxuu sheegay haddii ammaanka Muqdisho aan la sugi karin in ay dowladda u guurto deeganno kale oo ka ammaan roon caasimada.

Wuxuu sheegay magaalada Muqdisho in ay ku sugan yihiin hey’addaha dowladda, kuwa QM iyo sidoo kale howgalka Midowga Afrika ee AMISOM sidaas oo ay tahay haddana in maalin kasta lagu dilo qof muhiim u ah bulshadda.

Madaxweyne ku-xigeenka mamaulka Puntland ayaa tilmaamay in Saado Cali Warsame ay ka geeriyooday dhammaan ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin.

Ugu dambeyn wuxuu tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo dadkii ay ka baxday Saado Cali Warsame oo shaley kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

Turkey-ga oo shaaciyey qorshe cusub oo MUQDISHO uu ka damacsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa qirtay in tan iyo markii ay timid magaalada Muqdisho ay wax badan ka badashay horumarka dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho.

Safiirka cusub ee Turkiga u soo magacowday Soomaaliya oo maanta ka hadlaayay xaflad lagu sagootinaayay safiirkii ka horeeyay oo lagu qabtay Muqdisho ayaa qiray in Turkiga tan iyo markii uu billaabay mashruuca uu ka wado Soomaaliya seddax sanno ka hor in ay wax badan is badashay Muqdisho.

Safiirka ayaa sheegay dowladiisa in wax badan ka badashay Soomaaliya oo laga aaminsanaa dal khatar badan.

Wuxuu sheegay oo kale in ay dhawaan magaalada Muqdisho ka hirgalin doonaan mashaariic cusub kuwaasoo la rabo in lagu sii xoojiyo mashaariicdii horey Turkiga uu uga hirgaliyay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay inay jiraan qorshayaal cusub oo Muqdisho ay dowladda Turkiga ugu tala-gashay, oo la billaabi doono dhowaan, ayna filayaan in xaaladda amni ee caasimada ay sidan ka roonaato, si ay ugu dhaqaaqaan qorshayaashan.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Turkiga uu horseed u noqday in Muqdisho aaney ahayn magaalo khatar badan.

Wasiirka ayaa sheegay in warbixin dhawaan soo baxay ay Muqdisho kaalinta 9-aad ay ka gashay magaalooyinka ugu khatarta badan caalamka, taasna ay muujineyso in ay ka horeyso seddax magaalo oo ku yaalla qaarada Afrika.

Wasiirka ayaa ammaanay safiirkii hore ee Soomaaliya oo uu yiri wuxuu sabab u ahaa in magaalada Muqdisho uu ka dhigo magaalo ay yimaadaan Soomaali badan oo raba in ay maalgashi ka sameestaan Muqdisho.

Wuxuu kaloo ammaanay shacabka iyo dowladda Turkiga kuwaasoo dhabarka u xirtay in ay gacan siiyaan walaalahood Soomaaliyeed.

Wasiir Beyle waxaa uu tilmaamay in Turkiga uu ka hirgaliyay magaalada Muqdisho, Isbitaalo, iskuulo iyo iyagoo dib u dhis iyo casriyeen ku sameeyay waddooyin burbursanaa kuwaasoo lagu xardhay nalalka cad-ceeda ku shaqeeya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Sidii arxan darrida ahayd ee maanta loo dilay Saado C Warsame

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanada ayaa waxaa dilay Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa oo la socday gaari nooca raaxada ah, waxaana la sheegayaa inay ku fureen Rasaas, halkaasina ay ku geeriyootay Xildhibaanada.

Dilka Xildhibaanada, ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow Hotel Ambassador, oo ku yaala Xaafada Taleex, kuna dhow Wadada Maka Al-mukarama, waxaana dilka kadib halkaasi ka baxsaday Kooxdii dilka geystay.

Dilka Xildhibaanada ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Madaxweynaha Dowlada Somalia uu ku baaqay inay socodka yareeyaan Xildhibaanada,waxa uuna imaanayaa iyadoo maalinimadii shalay Magaalada Muqdisho lagu soo xiray fadhigii 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

sado 1sado 2sado 3sado 4sado 5sado 6

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan la degenaa SAADO CALI oo xog cusub ka bixiyay qaabkii loo dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo ah guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha baarlamaanka isla markaana ay wada-daganaayeen fannaanada weyn ee Saado Cali Warsame ayaa ka warbixiyay qaabka uu u dhacay dilka marxuumada.

Wuxuu sheegay in allaha u naxariistee Saado Cali lagu dilay banaanka hore Hotel Ambassador oo ay daganeed isagoona intaas ku daray in lala dilay darawalkeeda.

Wuxuu sheegay in rag watay baabuur oo sitay hub culus ay marka ay isku soo simeen gaariga ay la socotay xildhibaannada ay rasaas xooggan ugu shubeen xabadka halkaasna ay ku dhinteen iyada iyo darwalkii u waday gaariga.

Xildhibaan ay wadaganaayeen Saado Cali Warsame oo xog cusub ka bixiyay qaabka loo dilay
Xildhibaan ay wadaganaayeen Saado Cali Warsame oo xog cusub ka bixiyay qaabka loo dilay

Xildhibaanka ayaa sheegay ragga weerarka geestay ay wateen baabuur muraayado madow oo markii ay dileen ay isla markii goobta ka baxsadeen.

Wuxuu sheegay oo kale in goobta uu dilka ka dhacay ay ahayd halboolaha magaalada oo dhinac kasta ciidamo ayaa ka joogay ayuu yiri mana jirto cid soo qabatay kooxda dilka geestay.

Waxaa la weydiiyay xildhibaanka maadama ay hal Hotel wada-daganaayeen marxuumad Saado oo maanta lagu dilay Muqdisho in ay jireen cabsi ama hanjabaad loo jeediyay, wuxuu sheegay in Saado Cali ay muddooyinkan dalka ka maqneed maadama ay iska xanuunsaneed, marka ma u maleenaayo wax digniino ah oo loo jeediyay, ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Jaamac.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in dilka xildhibaannad Saado in uu qeyb ka yahay xildhibaanno kale oo Muqdisho lagu dilay kaasoo looga gun lee yahay in Muqdisho laga dhigo meel bahalo galeen ah oo laga cararo.

Wuxuu tilmaamay in dhaliisha ugu weyn ay saaran tahay xukuumadda oo marar badan ay u sheegeen in ay wax ka qabato ammaanka xildhibaannada oo bartilmaameed noqday.

Waa xildhibaankii afaraad oo muddo ka yer labo bil lagu dilo magaalada Muqdisho, waxaana dad badan ay is weydiinayaan haddii xitaa ammaanka wax laga badalay sababta keentay in mas’uuliyiinta dowladda loogu dilo goobo muhiim ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Reer galbeedka oo dhicitaanka Xasan u adeegsanaya qaswadayasha Somalia

Jabuuti (Caasimada Online) – Ilo diplumaasiyiin ah oo ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Dowladaha reer Galbeedka ay dhicitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh u adeegsanayaan Siyaasiyiinta Qaswadayaasha ee kusoo biiray DFS.

Ilo-wareedyadan, ayaa xaqiijiyay in Qaswadayaasha lagu wado in loo kala magacaabo Safaaradaha Somalia ee Caalamka, ay wadaan Siyaasado ay isaga horgeynayaan Madaxda Dowladda iyo Reer galbeedka, waxaana la rumeysan yahay in Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Canada ay Dowlada Federaalka ku cadaadinayaan in shaqsiyaadkaasi loo meel-mariyo.

Siyaasiyiinta dhicitaanka dowlada Xassan loo adeegsanaayo ayaa waxaa ugu waaweyn Cali Maxamed Geedi oo loo magacaabi doono safiirka Britain iyo Prof Gaandi oo isaguna loo wado Canada.

Magacaabista shaqsiyaadkaasi ayaa noqon doonto dhicitaanka Xasan Sheekh oo xiligaani ay Siyaasadiisu ka gadmi la’dahay Caalamka.

Xog kale, ayaa sheegeysa in Diplumaasiyiin Reer galbeed ah oo ku sugan Dalka Jabuuti, ay halkaasi ku qorsheynayaan soo afjarida Dowlada Xasan Sheekh, waxaana ka qeybqaadanaayo dhicitaanka Xasan Sheekh Dowlado ay kamid yihiin Jabuuti iyo Kenya.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka socdo abaabulka ugu badan ee lagu tuurayo Xasan Sheekh, waxaana halkaasi iminka ku sugan Siyaasiyiin iyo ganacsato hantiilayaal ah oo iyagu lid ku ah Siyaasadda Xassan.

Dhanka kale, Xogtu waxa ay tilmaameysaa in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geeli uu Xasan Sheekh kusoo wargaliyay inay kusoo wajahan yihiin mowjado Siyaasadeed oo ay hor boodayaan Siyaasiyiin iyo Ganacsato, wallow xogtu ay sheegeyso inaan loo carabaabin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Shirar looga tashanayo riditaanka Xasan Sheikh oo Muqdisho ka socda

Muqdisho (Caasimada Online)- War goor dhow naga soo gaaray Hoteelada City Palze iyo Jazeera ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in maanta ay Hoteladaasi mashquul yihiin.

Wararku waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacayaan shirar kala duwan oo la sheegay in looga soo horjeedo Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh oo iyadu itaalka usii deyrinaayo.

Hoteelada ayaa waxaa la filayaa inay ku kulmi doonaan Mas’uuliyiin isugu jiro Xildhiaano, Odayaal iyo Siyaasiyiin iyagu lid ku ah Dowladda Xasan, kuwaasi oo kala aaminsan Fakiro kala duwan haba ugu badnaaden kuwa kasoo horjeeda Gudiyada ay dowladu magacawday iyo kuwo aan jecleysan qaabka Dowlada Xasan ay ku socto.

Kulamada Hoteelada ka qabsoomi doono, ayaa waxa ay kusoo beegmayaan Xilli Xasan Sheekh uu mucaarado xooggan kala kulmay Siyaasadaha daxaleystay ee Xukuumadiisi heysta, inkastoo uu iminka talada dalka gacanta u galiyay Ra’isulwasaare C/weli Sheekh, kadib weeraradii lagu qaaday Villa Somalia iyo Xarunta Baarlamaanka.

Lama Oga qodobada iyo go’aanada kasoo bixi doono shirarkaasi, wallow wararku ay tibaaxayaan in shirka ay ka qeybqaadan doonaan shaqsiyaad uu Xasan Sheekh usoo diray wada-xaajoodka Mas’uuliyiintaasi kasoo horjeeda.

Xildhibaaanada qaar ayaa isku dayaya inay mooshin ka gudbiyaan madaxweynaha, waxaana ku jira xildhibaanno u dhashay beelaha Hawiye.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka socda gobolka GALGADUUD

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka socda degmada Caabuud-waaq ee gobalka Galgaduud.

Dagaalka oo uu u dhexeeyo labo meleeshiyo beeleed oo ka soo jeeda hal qabiil ayaa la sheegay in uu ku faafay magaalada waxaana uu hakad ku keenay isku socodka dadka iyo ganacsiga.

Inta la ogyahay lix qof ayaa ku dhintay oo u badan dhinacyadii dagaallamay halka in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Dadka dhaawaca ayaa loo kala qaaday Isbitaalada Badbaado iyo Xayaat oo ku yaalla labaduba magaalada.

Dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa xaafadaha Ammaanka iyo Kowda Luuliyo oo waxaa la arkayay dad rayid ah oo magaalada ka qaxaya sidda ay soo sheegayaan wariyaasha ku sugan gobalka Galgaduud.

Dagaalka maanta ka qarxay degmada Caabud-waaq ee gobalka Galgaduud ayaa salka ku haya anooyin qabiil oo horrey uga dhacay degmadaas oo waxaa ugu dambeeyay nin ganacsade caan ka ah degmada oo dhawaan halkaas lagu dilay.

Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaallamaya Caabud-waaq ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo dagaallada.

Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore u dirtay wafdi kala dhex gala labada dhinac balse ilaa hadda ma jirto xal loo helay dagaalka ka dhexeeya labada maleeshiyo beeleed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Gaadiidka Dagaalka Col. Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe oo is-horyaalla

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda hoose, ayaa sheegaya in Ciidamo taabacsan Col Barre Hiiraale ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan horay looga baran.

Dhaqdhaqaaqani ayaa waxaa sheegay Saraakiisha ciidamada Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), waxa ayna tilmaameen inay xiligaani kaabiga ku hayaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda hoose, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa Amisom.

Sidoo kale, Sarkaal u hadlay ciidamada maamulka Barre Hiiraale, ayaa tilmaamay inay wadaan dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay oo ay kula wareegi lahaayen Magaalada kismaayo, iyagoona daboolka ka qaaday inay heystaan Ciidamo ku sugan Magaalada Kismaayo oo dhankaasi ka kaabi doono.

Saraakiisha ayaa intaa raaciyay in Ciidamadooda ay hadda ku sugan yihiin duleedka degmada Kismaayo, ayna rajeynayaan inay dhawaan galaan magaaladaasi.

C/rashiid Macalin Gaas oo ka mid ah sarkiisha taabacsan ciidamada Barre Hiiraale, ayaa sheegay in dagaal ay kula wareegi doonaan maalmaha soo socda magaalada Kismaayo.

Mr. Gaas wuxuu kaloo sheegay in hada ciidamadooda ay udiyaarsan yihiin inay dagaal ku galaan magaalada Kismaayo, maadaama sida uu sheegay ciidamada ay udhameystiran yihiin dhamaan qalabka ciidanka, ayna u taagan yihiin sida uu yiri ka xureynta Kismaayo.

Dhanka kale, waxa ay wararku sheegayaan in hoggaamiyaha Maleeshiyada Raaskambooni uu Saraakiisha iyo Ciidamada ku amray inay soo saaran gaadiidka Dagaalka, islamarkaana iska caabiyaan waxa uu ugu yeeray Maleeshiyada Barre Hiiraale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Axmed Madoobe qaarkood ay u dhaqaaqeen duleedka Kismaayo, si ay kuwa Barre uga hortagaan, oo aanu dagaal uga dhicin gudaha Kismaayo.

Lama Oga halka uu ahaan doono biyo dhaca Hanjabaadaha xad dhaafka ah oo ay hawada isu marinayaan Ciidamada Raaskambooni iyo kuwa Barre Hiiraale, hase yeeshee kooxda Barre Hiiraale, ayaa marar badan ku hanjabay qabsashada Kismaayo, welina uma suurta galin, waxaana dadka qaar ee Kismaayo ay inoo sheegeen inay sheekadani tahay hanjabaad un, oo uu Barre awood u lahayn inuu dagaal fuliyo.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Bashiir Goobe oo qaatay bastooladihii loogu talo galay nabadsugida & lacag

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo ay heshay Shabakadani, ayaa xaqiijinaayo in Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Bashiir Goobe uu la baxay in kabadan 300 oo Bastoolado laga kala keenay Dowladaha dariska la’ah Somalia.

Xogtu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in Bashiir Goobe inta uusan xilkaasi wareejin la baxay gawaari iyo Bastooladaha Hay’ada loogu deeqay inay ku shaqeyso, balse Bashiir uu lunsaday.

Bashiir Goobe, ayaa ciyaaray qiyaano cajiib ah, isaga oo 500 oo bastoolad siiyey xildhibaanno iyo xubno kale, inta kalena xaday, si aysan xildhibaannada uga daba qeylin, sida aan horey u shaacinay.

Waxa uu fursad u arkay in ciidanka nabadsugidda ee uu madaxda u ahaa ay yihiin kuwa aan lahayn cid u hdasha.

Sidoo kale, Goobe ayaa waxa uu bixiyay gawaari nooca raaxada ah oo loogu talo galay inay ku shaqeeyaan Ciidamada, waxa uuna gawaaridaasi kala baxay garoonka diyaaradaha iyo kuwo u yiilay garaashyada Hay’adda.

Xogtu waxa ay intaa sii raacineysaa in Bashiir Goobe uu nusqaamiyay Mushaaraadka Shaqaalaha kadib markii uu helay xog ku saleysneyd in xilka laga qaadi doono waxa uuna xalaaleystay dhaqaalihii loogu talo galay shaqaalaha, halka boosaska qaarna uu u qeybiyay dhalinyaro ay dhaleen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka.

Mahan mid halkaani lagu soo koobi karo nusqaanka Bashiir Goobe uu ku sameeyay Hay’adda Nabadsugida, waxaana xusid mudan in Hay’adda ay ka buuxaan shaqaale iyo Ciidamo badan oo aan mushaar lasiin ku dhawaad Sannad iyo bar.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Xildhibaan caan ka ah BF iyo imaamka beelaha Habar-gidir oo isku hanjabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo Imaamka Beesha Habargidir Cabdullaahi Khaliif Rooble oo si yaabo kala duwan uga kala hadlaayay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay ku kala duwanaaden Dagaalada laga abaabulaayo Gobalka Shabeelaha hoose.

Prof Dalxa oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu sheegay in Imaamka Beesha Habargidir uu koow ka yahay Dagaalada ka soconaayo Shabeelaha hoose, waxa uuna Tilmaamay in ruux waliba ee ku geeriyoodo uu Mas’uuliyadiisa qaadi doono Imaam Rooble.

Sidoo kale, Dalxa waxa uu si aan ganbasho laheyn u sheegay in dhacdooyinka ka socdo G/Sh/hoose ay Dowlada Federaalka indhaha ka qabsaneyso, isagoona shaki ka dhaliyay in hubka lagu dagaalamaayo ay bixiso Dowlada Federaalka.

Wuxuu sheegay in Beelaha Biimaal ay iska celi doonaan ruux waliba oo garwaaqsado inuu la jiifto hanta uusan laheyn uu micnaheeda ula jeedo Beesha Habargidir hamiga uga jiro G/sh/ hoose.

Dhanka kale, Imaamka Beesha Habargidir Cabdullaahi Khaliif Rooble, waxa uu dhankiisa ka sheegay in wixii intaan kabadan aysan u dulqaadan doonin Ficilada Beelaha Beemaal, wuxuuna wacad ku maray in G/Sh/hoose aysan kula noolaan doonin Beel kasoo jeedo Beemaal.

‘’Dalxa iyo beeshiisa Taariikhda G/sh/hoose dib ha u baaraab, waa xaaran inay isku dayaan inay afduub iyo dagaal ku qabsadaan Beemaal G/sh/hoose, taasi kama yeeli doono waxaana ka xignaa Dagaal, xili waliba waxan diyaar u nahay Dagaal’’ ayuu yiri Imaamka Beesha Habargidir Cabdullaahi Khaliif Rooble.

Waxa uu Xildhibaanka ugu baaqay inuu Joojiyo Siyaasadaha uu Afkiisa ku Ololinaayo, waxa uuna kaga digay inuu iska Horgeeyo Beelaha Hawiye.

Waxa uu hadalkiisa kusoo afmeeray in Beemaal ay usoo diyaar garowdo Dagaal ay kusoo ceshaneyso G/sh/hoose waa haddii ay iyagu leeyihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: MUSTAF Dhuxulow oo si xatooyo u iibsan raba garoonka diyaaradaha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Siyaasiyiin ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiirka Warfaafinta DFS uu wado qorsho uu ku iibsanaayo Garoonka Diyaaradaha Degmada Dayniile.

Xogtu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in Mustaf uu dhawaan Booqasho ku gaaray halkaasi isaga iyo Siyaasiyiin ka kala tirsan Dowlada iyo Beelaha Murusade, Habar gidir si ay usoo mitiriyaan baaxada dhulkaasi uu ku fadhiyo islamarkaana kusoo indha indheynayeen.

Xogta ayaa waxa ay intaa kusii dareysaa in Mustaf Dhuxulow uu Garoonkaasi ka iibin rabo Shirkado ay leeyihiin Ganacsato kasoo jeedo Beesha Habargidir, inkastoo aan si dhab loo ogeyn iibinta xiliga ay dhaceyso.

C/Weli Qanyare oo uu dhalay Siyaasi Maxamed Qanyare, ayaa isaguna qeyb ka ah Siyaasiyiinta u ololeyneyso gadida Garoonkaasi, waxaana jiro warar is khilaafsan oo sheegaya inuu iibsanaayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif  Xassan Sheekh Aadan, halka wararka qaarna ay ka tilmaamayaan in laga iibinaayo shirkad ay leedahay Beesha Habargidir.

Dhulka garoonka uu ku fadhiyo, ayaa waxaa leh dad shacab ah oo beesha Mataan Cabdulle u dhashay, kuwaasi oo dhulka dib u helay, kadib markii uu muddo heystay Maxamed Qanyare Afrax.

Shirqoolkan cusub, ayaa ah mid magaca dowladda loogu ganbanayo, ayada oo horey ay dowladda u sheegtay inay dib u habeyn ku sameeneyso garoonkaas.

Waxan si qoto dheer loosii saadalin Karin halka uu heshiiska u maraayo qeybahaasi iyo go’aanada leysla meel dhigay, waxaana arrintaasi il-gaar ah ku heysa Shabakada Caasimada Online oo iyadu soo bandhigta waxyaabaha dadka lagu qaldo.

Naga filo cadeymo iyo Dukumiintiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Dhageyso: Fadeexad hareysay xafladii arooska gabadha Ismaaciil C. GEELLE

Djibouti (Caasimada Online) – Fanaaniinta Djibouti ee ku nool qurbaha ayaa qeeyladhaan afka furtay kadib markii Abwaan Cali Seenyo uu Fanaaniin Reer Somalia ah u kaxeeyay arooska gabadha Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle. Hooyada Fanaaniinta Djibouti Faduma Ahmed Dhimbiil ayaa fadeexadii ugu darneed todobaadkaan shaacisay.

Faduma Dhimbiil waxay sheegtay in Fanaanadii ugu weyneed Jibouti oo lagu magacaabo Xaawo Geelqaad aysan guri heysan sidaas darteedna ay seexato wadada Dekadda Jibouti.

“Sangub guri qurux badan ayaa loo dhisay laakiin nasiibdaro gabadhii fanka iiga weyneed ee Xaawo Geelqaad waxay seexataa dariiqa ,anigana halkaan London ayaan iska joogaa,waa nasiibdaro in sidaasi xukumadda Jibouti u dhaqanto” ayey tiri Faduma Dhimbiil.

Faduma Dhimbiil oo ay hareer fadhiday Fanaanada Aamina Afrik waxay si kulul u cambaareeysay Abwaan Cali Seenyo oo mar walba lagu tilmaamo inuu yahay cunsuri astaan u noqday qabyaalada.

Faduma Ahmed Dhimbiil, Xaawo Geelqaad iyo Nimca Jamac waxay sedexdooda ka mid yihiin Fanaaniintii gobanimadoonka DJibouti kaalinta libaax ka qaatay laakiin nasiibdaro waxaa laga doortay Fanaaniin ka soo jeeda dalka Somalia.

Dadku waxay isweydiinayaan xurmo darada Dowladda Djibouti ku qasabtay in Cali Seenyo loo wakiisho xulida Fanaaniinta maxay tahay?

Halkan ha ka dhageyso warbixinta

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]